27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xasan Macallin: Al-Shabaab dowlad ayey ahaayeen…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macallin oo ka hadlayay dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay lumisay awooddii ay laheyd, kadib duulaanka culus ee ay haatan ku qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Xasan Macallin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hadda kusoo koobantay is difaacid oo kaliya, isla-markaana xukunkii iyo ciqaabtii ay ku hayeen shacabka ay meesha ka baxeen.

“Nimanka koontaroolkii waa lumiyeen maxkamado ma lahan, ciqaab ma lahan, garbaash ma lahan meesha waa ka baxeen wixii ay sameyn jireen ee looga cabsan jiray” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa tilmaamay in sida dowlad oo kale ay u shaqeyn jireen markii hore Al-Shabaab, balse ay hadda lumiyeen dhammaan awoodihii ay wax ku xukumi jireen.

“Nimanka waxay kusoo uruureen burcad qoryo wadata oo furimaha dagaalka aadeysa kaliya ayay kusoo hareen niman dagaalamaya oo dabley ah, awal dowlad bey ahaayeen oo meesha xukunta marka koontaroolkaasna waa lumiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay guul weyn ka gaartay dagaalkan, taasna ay ku timid taageerada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Xasan Macallin ayaa intaasi kusii daray in deegaanada la xoreeyay la gaarsiiyay adeegyada muhiimka ee dowladnimada, taasna ay tahay guul kale oo weyn.

“Meesha dowlada Soomaaliyeed guulaheedu ay sii korodhay meel kasta oo timidna ay ka dhistay nidaamkii dowladiga ahaa, garsoor iyo saldhigyo boolis” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socda wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka, waxaana howlgallada dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

Duqeyn ka dhacday degaan ay isku horfadhiyaan ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal ay duqeymo ka gaysteen deegaanka Shabeelow ee koonfura gobolkaasi oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi dhanka cirka ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weli ay is hordhiyaan Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee shalay ku wada dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay dhaawacyda dagaalkii shalay ka dhacay Shabeelow loo soo qaaday Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda.

Dagaalkii  shalay ayaa waxaa ku dhintay tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada deegaanka.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Xubno ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwan, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay Al-Shabaab.

Si kastaba, gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay barbar socdaan duqeymo xoogan

Tobanaan qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada degaanka iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Laba ilo wareed oo la hadlay Idaacadda VOA, oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay inay dagaalkan ku dhinteen tobannaan qof oo dhinacyada dagaalamay ah oo ay ku jiraan ilaa 30 ka mid ah ciidamada degaanka.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacayo.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamo kuwa degaanka ah oo ay la socdaan saraakiil kala duwani, ay u socdaaleen goob taag ah si ay u helaan khadka telefoonka oo ay ku hadlaan, hase yeeshee waxaa dhexda u galay al-Shabaab.

Ciidan gurmad ah oo u tagay iyo al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal qaraar, taasi oo keentay dhimasho kale.

Dagaalkan ayaa la sheegay in gabalku dhacay iyadoo la is weydaarsanayo rasaaas culus.

Xubno ay ka mid yihiin Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare) ayaa la xaqiijiyay in dagaalka ku dhinteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale dagaalka lagu dilay Gudoomiyihii deegaanka Bajeele, Maxamed Abshir Shuuke.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalkan ku dileen 58 qof, sheegashadaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.

DF oo sheegtay in 100 Al-Shabaab ah ay ku dishay dagaakii SHABEELOW

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aways oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Daa’uud Aways ayaa ugu horreyn ka warbixiyay dagaalkii cuslaa ee Arbacadii ka dhacay deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in dagaalkaas ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamadu ay beegsadeen dhul howd ah oo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana ay ku dileen in ka badan 100 Al-Shabaab ah.

“In ka badan 100 meydadkooda ah ayay Khawaarijta ka qaadeen goobta dagaalka, iyaga oo ku daad gureeyay illaa saddex gaari, waxayna markiiba bilaabeen inay ka cararaan meydad kale oo intaas ka badan oo weli goobta daadsan” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aways.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ah ay cagta mariyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi oo ay ugu talagaleen inay muddo sii joogaan.

Waxaa kale oo xusay in ciidamadu ay burburiyeed hub iyo saanad ciidan oo ay kooxdu lahayd, sida uu hadalka u dhigay.

“Hub iyo saanad kale ayaa sidoo kale halkaasi looga burburiyay cadowga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in weli howlgal sifeyn ah uu ka socdo aagga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isla-markaana ay halkaas weli ku go’doonsan yihiin xubno ka mid ah Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhanka jinka wabiga Shabelle.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in xubnahaasi lagu hareereysan yahay, isla-markaana aysan heli karin wax gurmad ah, dagaal iyo duqeyna ay ku socoto.

Si kastaba, Galmudug iyo HirShabelle ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka huwanta.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo shaqooyinka horyaalla golaha.

Inta badan badan xubnaha golaha wasiirada ayaa soo xaadiray shirkan oo lagu meel-mariyay laba hindise sharciyeed oo muhiim ah.

Golaha Wasiirada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Labadan hindise sharciyeed ayaa waxaa soo gudbiyay  Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxayna muhiimad gaar ah u leeyihiin xujeyda iyo sidoo kale daryeelka guud ahaan bukaannada Soomaaliyeed.

Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee golaha wasiirrada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha.

Waxaa sidoo kale golaha wasiirada ay ka hadleen ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab, ayaga oo bogaadiyay guulaha ay gaareeb ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray kulan golaha.

Wasiirada Soomaaliya ayaa qayb ka ah dagaalka, waxaana qaarkood ay ku sugan yihiin furinta hore, ayaga oo wax ka hoggaaminayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa dagaalkan iska kaashanay dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana furaha u haya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan magaalda Dhuusamareeb.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo la wareegay degaano cusub

0

Waajid (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanTa si wadajir ah howlgallo aad u culus uga sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo hoostaga degmada Waajid ee gobolkaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Sidoo kale waxaa howlgalkan qayb ka ahaa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusuf, waxayna ciidamadu ku gaareen deegaanada kala ah Malable iyo Baar oo hoostaga degmadaasi.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa dhankooda shaaca ka qaaday inay ka hortageen weeraro ay halkaasi kasoo abaabulayeen Al-Shabaab, kadib xog ay heleen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanada lagu dagaalamay, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay innoo sheegeen in gurmad iyo ciidamo horleh ay kusii qulqulayaan aagga degmada Waajid.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gobolka Bakool ka dhacayay dagaallo iyo weeraro ay gaysanayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Weerarkii ugu dambeeyay oo khasaare xoogleh gaystay ayaa waxaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ku sugnaa agagaarka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac

Wareysi: Jubaland oo walaac xooggan ka muujisay qorshe ay waddo DF Soomaaliya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan codsatay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS muddo 90-maalmood ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa walaac culus ka muujiyey qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee dalka ay kaga baxayaan.

Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadan ayaa qaba in aysan saddex bilood ahayn muddo ku filan inay ku soo kabsato dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego waqtiga ciidamada Soomaalidu ay amniga dalka kala wareegi karaan ATMIS.

Bishii Juun ayaa 2,000 kun oo ah ciidamada ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, ciidankaas ayaa baneeyey ilaa 7 saldhig oo mid ka mid ah uu ku yaallo deegaanka Geriley ee gobolka Gedo – Jubbaland.

Saldhigaas oo ciidamada Kenya ayaa ka baxeen waxaa la sheegay inay dib u qabsadeen Al-Shabaab, taas oo walaac ku abuurtay qorshaha bixitaanka ATIMIS.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro walaac caalami ah oo la xiriira bixitaanka ATMIS, wuxuu sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho la dhimay, isla markaana ay korortay cabsida laga qabo argagixisada.

Jubbaland waxay qabtaa in ciidanka ATMIS si toos ah loogu kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya, si dowladu ay fursad ugu hesho dagaalka ay kula jirto kooxda oo bixitaanka ATMIS aysan uga walwalin.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in hadda uu Gedo ka wado abaabulka maleeshiyaadka beelaha si dagaalka wajiga labaad uu Jubbaland uga bilowdo.

Arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada oo hadda isku soo aaday ayuu sheegay inay caqabd ku noqon karaan qorshaha dagaalka ee dowladda dhexe, markii laga soot ago bixitaanka ATMIS oo iyadu walwal badan ku heysa dowladda, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Maxamuud Sayid Aadan siiyey VOA

DF oo shaacisay in 1,650 Al-Shabaab ah lagu dilay…

0

Muqdisho (Caasimada Al-Shabaab) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah.

In tiradaan laga dilay Al-Shabaab labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo joogto u tebisa wararka la xiriira jabka soo gaara Al-Shabaab.

“Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bilood ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaas ku daray

“Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bilood lasoo dhaafay.”

Tirada sheegashada dowladda ee khasaaraha gaaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhaawacyadii gaaray dagaalyahanada kooxda 2-dii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo lagu sheegay 550 xubnood.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjeegeyaal ka tiranaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgalladii ka dhacay gobollada dalka, sidoo kale waxay dowladu soo bandhigtay magacyada xubno madax ah oo Shabaab ka dhaawacmay iyo kuwo weli baxsad ah.

Galmudug iyo HirShabeelle waxaa ka socda dagaalka ugu culus oo dowladdu ay ku baacsaneyso Al-Shabaab, qorshaha dowladda ayaa ah in wejiga koowaad ee dagaalka kooxda lagu soo afjaro labadaas maamul goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba bilood Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab, kooxda oo lumisay Sh/Dhexe, bariga gobolka Hiiraan, inta badan gobolka Mudug, ayaa hadda ku badan agga degmada Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo toddobaadyada soo socda la doonayo in lagu soo afjaro.

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in Dhuusamareeb uu ka shaaciyo natiijada dagaalka markii lasoo afjaro wajiga koowaad, intaas kadibna waxaa loo jiheysa doonaa wajiga labaad ee gobollada Jubbaland iyo K/Galbeed.

Xasan Xaaji Daahir oo xalay lagu dilay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal ammaan dari ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay ganacsade lagu magacaabi jiray  Xasan Xaaji Daahir oo Ka mid ahaa ganacastada sida weyn looga yaqiinay Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Ganacsadaha la dilay oo magaalada kasoo jeeda ayaa muddooyinkii dambe dhismo dib u dayactir ah ka waday kaliga Waraaboole oo ka mid ah goobaha biya xireenada Beledweyne.

Illaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday marxuumka iyo cidda ka dambeysay dilkiisa, mana jiro war rasmi ah oo kaoso baxay maamulka iyo saraakiisha amniga.

Beledweyn ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay beegsi xoogan ku haysay Al-Shabaab,maadaama magaaladaas uu ka socda abaabul ka dhan ah kooxda

Todobaadkii hore ayay aheyd markii weerar ismiidaamin ah oo ay dad badan ku dhinteen ay Al-Shabaab ka fuliyeen Beledweyne, kaas oo loo adeegsay gaari siday walxaha qarxa.

Senatoro Mareykan ah ‘oo diidan’ qodobada xiriir dhex-mari kara Israel iyo Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.

Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh.

Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay.

Waxyaabaha ay soo jeedinayaan xubnaha Dimoqraadiga ayaa ka mid ah in heshiis kasta ay ku jiraan qodobo “macno leh” si loo ilaaliyo ikhtiyaarka xal laba dawladood ah oo loo helo khilaafka Israel iyo Falastiin.

Dowladda midigta-fog ee Israel ayaa la filayaa inay iska caabiso tanaasul kasta oo weyn oo la siiyo Falastiiniyiinta.

“Nabadda Israel iyo deriskeeda waxay ahayd hadafka fog ee siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, waxaana u furannahay heshiis kasta oo suurtagal ah inuu dheereeyo xiriir siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale oo dhex-mara Sacuudi Carabiya iyo Israel,” ayay qoreen Senator-ada.

Balse waxa ay sheegeen in ay saluugsan yihiin waxa Sucuudigu doonayo.

Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka go’an in ay xaqiijiso heshiis militari oo dhigaya in Mareykanka uu difaaco Boqortooyada taasi oo ay dhaafsaneyso xiriirka Israel, umana joojin doonto heshiiska xitaa haddii Israel aysan bixin tanaasulaad weyn oo la xiriira dhanka Falastiiniyiinta, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed amni oo ku sugan gobolka.

“Caddayn heer sare ah ayaa loo baahan doonaa si loo muujiyo in heshiis difaac ah oo adag oo lala galo Sacuudi Carabiya – oo ah nidaam kaligii-talis ah oo si joogto ah u wiiqa danaha Maraykanka ee gobolka, leh diiwaan laga walaaco oo xuquuqda aadanaha ah, islamarkaana raadiyey ajande siyaasadeed qallafsan oo aan taxadar lahayn – uu la jaan qaadi karo danaha Maraykanka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa labadaba horey ugu dhalleeceeyey Riyadh faro-gelinteeda Yemen, sare u qaadista qiimaha saliidda iyo kaalintii ay ku laheyd dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Warqadda ayaa sidoo kale walaac ka muujisay codsiga Sacuudi Carabiya ee ah in laga caawiyo nukliyeer madani ah iyo inay hesho hub horumarsan.

Waxay tiri, waa in Mareykanka uu hubiyaa in Sacuudiga ilaaliyo Qaybta 123 ee Xeerka Tamarta Atoomikada ee Maraykanka, si loo sameeyo heshiis iskaashi nukliyeer nabad ah.

Aqalka Cad ayaan weli ka jawaabin warqadda kasoo baxday Senator-ada.

Xubnaha warqadda qoray waxaa ku jira Senator Chris Murphy, oo hoggaamiye guddi hoosaadka Bariga Dhexe ee Senate-ka, Dick Durbin oo ah Senator-ka labaad ee ugu sarreeya Dimoqraadiga, Chris Van Hollen iyo Peter Welch.

Reuters, VOA

DF oo soo saartay war-saxaafadeed 26 qodob ah – Maxaa looga hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ka kooban 26 qodob oo ay ku faahfaahineyso guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu gaartay toddobaadka, qodobadaan ayaa mid mid loogu dul-istaagay waxyaabihii u qabsoomay dowladda iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso qodobada ka soo baxay DF:

1-        Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jira hoggaaminta dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab ee ka socda gobollada dhexe.

2-        Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

3-        Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum cali ugaas Cabdulle.

4-        Gudddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley aaska Duqii Hore ee Muqdisho Danjire Cali Ugaas Cabdulle.

5-        Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjira dalka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

6-        Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu horkacayo oo booqday magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta hawlgalada dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

7-        Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqdey xukunka 11 xubnood oo ku eedeysanaa musuqmaasuq.

8-        Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa oo Baydhabo kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

9-        Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige  ayaa sheegay in  dowladda ay ku guuleysatey in dakhliga uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo aan u baahan kab kale.

10-      Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika.

11-      Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe magaalada Nairobi ka  faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

12-      Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

13-      Qaar ka mid ah maliishiyaadka Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida , iyagoo go’aansadey inay ka haraan fikirka xagjirka ah.

14-      Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

15-      Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayaa Ciidanka ATMIS ayaa degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka qabsadey Khawaarijta Al Shabab.

16-      Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka furay shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

17-      Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarsahada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

18-      Wasiirka Dhalinyarad iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi.

19-      Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka diyaarinta qorshe hawleedka hirgelinta istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta.

20-      Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino ee dhanka cimilada.

21-      Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

22-      Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

23-      Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

24-      Ciidanka Qalabka Sidao o horumar weyn ka sameynaya goobaha dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, gaar ahaan dagaaladii dhowaan ka dhacay gobollada dhexe.

25-      Ciidamada Qalabka Sidao o shaaciyay liiska ilaa labaatan horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgalada dalka ka socda.

26-      Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray Ciidamada Ilaalada Degaanka ee caasimadda.

CUMRAANI oo muddo kadib u soo gacan galay dowladda + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay degaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay.

Halkaasi oo haatan farisan u ah ururka 46-aad ee qeybta 60-aad, ayaa lagu hayaa Cumraani oo kooxda Al-Shabaab ka soo goostay xilli ay wajahayaan guluf culus oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.

Isaaq Cumraani ayaa waxa uu tababar kusoo qaatey degmada Jilib Ee gobalka Jubada Dhaxe, sidoo kalena waxa uu muddo laba sanno ah ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Ninkan ayaa wuxuu ugu baaqay dhalinyaradii saaxiibada ahaa ee ay ka wada tirsanayeen kooxda Al-Shabaab inay isaga soo baxaan kooxda, ayna ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda.

Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Xogta dagaalkii ugu cuslaa ee maanta ka dhacay Mudug iyo khasaaraha ka dhashay

0

Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca shacabka ee koofurta gobolka Mudug ku sugan ayaa dagaal culus oo dhowr jaho ah saakay halkii saac ku qaaday dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow  iyo godad ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Dagaal seddax jeer la isku soo rogaal celiyey ayaa maanta ka dhacay howdka Shabeelow, waxaana ka qeyb galay diyaaradaha dagaalka, wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay gobolka Mudug.

Sida ay saraakiisha hoggaamineysa howgalkaas warbaahinta u sheegeen Al-Shabaab waxaan maanta laga dilay tiro ku dhow 100 dagaalame, halka ugu yaraan 14 askar iyo saraakiil isugu jirta looga dilay ciidamada dowladda federaalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka.

Ciidamada huwanta ah oo la socday dhaqdhaqaaqa Shabaab-kii ku jiray aagga Shabeelow ayaa helay xogta dulaan culus oo kooxdu qorsheysay, boqolaal dagaalame, qaraxyo iyo gaadiid ayey kooxdu halkaas ku diyaarisay, balse inta aysan soo qaadin weerarkaas ayaa iyaga la weeraray.

Maanta waxaa la sheegay in Shabaab ay u dagaalameen si aan horay looga baran, kooxda oo markii la weeraro iska carari jirtay ayaa maanta iska difaacday duulaankii ciidamada huwanta ah, ilaa 3-jeer ayey soo qaadeen weerar rogaal celis ah, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha joogta goobta dagaalka.

Sidoo kale, Al-Shabaab waxay maanta ku dagaalameen gaadiid qoryo saaran yihiin, gaar ahaan qoryaha Suuga oo aad looga adeegsado Mudug, kooxdaan oo markii hore ka carari jirtay diyaaradaha dagaalka ayaa maanta Suug ku garaacday diyaaradihii fulinayey duqeymaha.

“Dagaalkii saaka ayaa Khawaarijta looga saaray godadkii ay gabbaadka ka dhiganaysay ee deegaankaas, mar kale ayaa ciidanku galabta weerar ku qaaday habqankooda, saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaana Warbaahinta Qaranka u sheegay in cadowga cashar lama iloobaan ah loogu dhigay howdka Shabeellow,” ayaa lagu yiri ka soo baxay dowladda.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa isna sheegay in khasaare culus la gaarsiiyey kooxda, isla markaana laga saaray dhulkii howdka ahaa oo ay isku uruursanayeen maalmihii lasoo dhaafay, wuxuu balan qaaday wasiirku in tirada rasmiga ah ee khasaaraha gaaray kooxda ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale wasiir Abshir Cabdi wuxuu sheegay in kooxda lasii erya doono oo maalmaha soo socda laga saari doono dhammaan deegaanada ay uga harsan yihiin koonfurta gobolka Mudug.

Sacuudiga oo tallaabo ka dhan ah Somaliland qaaday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa joojisay xoolihii Somaliland ee loo dhoofin jiray dalkeeda, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Saciid Sulub ayaa xaqiijiyay arrintaan, isaga oo sheegay in dhoofkii xoolaha Somaliland uu ku istaagay amar kasoo baxay Jidda.

“Hakadaka halka Jidda ayuu ka yimid, xoolaha dalal badan ayay u dhoofan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa inshallah, mana raagayso,” ayuu yiri wasiir Sulub oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Horn Cable.

Wasiir Saciid Sulub ayaa rejo wanaag ka muujiyay in dib loo furo dhoofka xoolaha ee Sacuudiga uu hakadka galiyay, isaga oo sheegay inay wadaan dadaalo la xiriira arrintaas.

“Dhinac walba howsha waa kala xidhiidhnay waxaa filaynaa howl deg deg ah. Shirar ayaa ku jirnaa illaa maanta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay lug ku leedahay go’aanka Sacuudiga uu ku joojiyay xoolihii Somaliland looga dhoofin jiray, “Qoladii la inagu saliday (Somaliland) ayaa filayaa inuu xaggeeda warkoodu ka yimid weyna iska xalismeysa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ganacsatada Sacuudiga ay daneynayaan maalgashiga Somaliland, islamarkaana xukuumadda uu ka tirsan yahay waqti ku bixinayso sidii ay ugu fududeyn laheyd, sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha.

Si kastaba, Dowlada Sacuudiga ayaa horay marar kala duwan u joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, ayada oo Somaliland ku eedeysay dowladda federaalka istaaga dhoofka xoolaha oo reer Somaliland dakhli badan ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa, islamarkaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda magaalada Berbera.

Faarax Yare iyo xubno kale oo lagu dilay howl-gal culus oo ka dhacay Sh/Hoose

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gal culus oo maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu shaaciyay in howl-galkaan oo iska kaashadeen ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay horjooge iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Horjoogaha lagu dilay howl-galkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Yare, ayada oo lagu beegsaday isaga iyo xubno kale oo la soccay xilli ay marayeen tuullada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, labo maleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen soo uruurinta lacagaha baadda ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale, Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo ahaa oday dhaqan beenaad, kaasi oo Shabaab u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji ayaa isna lagu soo afjaray howl-galkaas.

Biriq ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hore ugu abaalmarisay qori iyo gaari Toyota Probox ah, ayada oo xilliga uu howl-galku dhacayay uu halkaas u joogay in kooxda u geeyo qori iyo boosh ay madax-furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen, sida ay sheegtay dowladda.

Howl-galkaan ayaa imanaya xilli ciidanka qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay howl-gal qorsheysan ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Isku soo wada duubo, dowladda oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamiga ayaa sheegtay “inay ka go’an tahay in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo,” islamarkaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada kooxda.

Xasan iyo Lafta-gareen: 3 qodob oo miiska saaran iyo mid u baahan xal deg-deg ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shalay tegay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo hadda saldhig u ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shalay ayuu Lafta-gareen tegey magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay kulmeen madaxweynaha, xilli mucaaradka Koonfur Galbeed ku adkeysanayaan inay berri tegayaan magaalada Baydhabo.

Saddex arrimood ayaa Xasan Sheekh midkood laga rabaa, kadib kulanka isaga iyo Lafta-gareen.

1. Ka dhabeynta heshiiskii Baydhabo

Heshiiskii Baydhabo, ee horraantii bishii Febraayo ee sanadkaan oo deegaankaas doorashadiisa bilaabato horraanta bisha soo aadan ee November.

Tani waxay badbaadineysa sumcada iyo ballamaha madaxweynaha, waxay kalsooni siinaysa dadkii taageeray ee dhaqaalaha ku bixiyay heshiiskaas, waxay kale oo kahortag u tahay gacan ka hadal kale oo ka dhaca magaalada Baydhabo.

2. Ama inuu ku adkeysto heshiiskii ka dambeeyay midka Baydhabo

Heshiiskii midkaasi ka dambeeyay ee 27-kii May oo ahaa in sanad kale la siiyo dhamaan madaxda maamullada marka laga reebo hoggaamiyaha HirShabeelle.

Haddii uu middaan qaato wuxuu Xasan Sheekh dooranaya inuu la shaqeysto dhamaan madaxda maamullada ee waqtiga ka dhamaaday. Ka sakow in la ogyahay in isaga daacad u noqon doonin waxaa kale oo aan la hubin in xataa dagaalka kala shaqeyn doonaan.

Qaadashada go’aankan waxa uu ka dhigan yahay inuu burburayo heshiiskii siyaasadeed ee magaalada Baydhabo. Haddii madaxweynaha taas qaato kadibna magaalada Baydhabo markale fowdo gasho masuuliyadda waxaa markaan qeyb ku yeelan doonta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

3. Raadinta dib u dhigis dhowr billood ah

Middaan waxay noqon kartaa in Xasan Sheekh uu markale dhinacyada isku keeno oo uu ka dhex raadiyo dhowr billood oo dib u dhigis ah, si uu usoo dhameystiro wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan u joogo magaalada Dhuusamareeb.

Inkasta oo aan la ogeyn sida arrintaas mucaaradka Koonfur Galbeed ugu qanci karaan, haddana in dib loo wada-hadlo oo xitaa Dhuusamareeb la iskugu tago ayay dadka qaar qabaan inay xaalada wax uun ka beddeli karto.

Kooxda Lafta-gareen waxay sheegayaan inay rabaan in doorasho isku caano-shub ah qabsadaan oo ay Xasan Sheekh ku yiraahdan doorasho nuucaas ah noo fasax oo aqbal, laakiin uma badna hadal noocaas ah oo sharci jabin iyo xoog sheegasho iskugu jira loola tagi karo madaxweyne Qaran isagana uu aqbali karo.

Mucaaradka Koonfur Galbeed waxay weli ku adkeysanayaan inay berri aadayaan Baydhabo, in garoonka diyaaradaha laga soo celin doono ayay dadka qaar u badinayaan.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u cadeeyay in aan muwaadiniinta laga hor istaagi karin dhaq-dhaqaaqyada socdaalka iyo kuwa siyaasadda ayaa laga yaaba inuu soo fara-galiyo mowduucan oo kamid ah waxyaabaha keeni kara in mucaaradka iyaguna ku fikiraan inay qaadan tallaabooyin qaldan.

Tani waxay u baahan tahay xal deg deg ah.

Soo qabashada Sufyaan Taakeeye ‘oo billow u ah’ ugaarsiga NISA ee dibadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada aad uma isticmaasho dowladda Soomaaliya, waana midda keentay in la arko dad Soomaaliyeed oo jooga dalal nabad ah oo af iyo adinba ku taageeraya argagixisada.

Majiro waddan ogol inuu deegaan iyo damaanad amni siiyo dadka faraha kula jira shaqooyinka caawinaya argagixisada, marka la eego xeerarka uu jeexay xafiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka argagixisada ee UNOCT.

Shalay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay Muqdisho ka dejisay nin la yiraahdo Sufyaan Sheekh Axmed, oo dadka badi u yaqaanan Taakeeye.

Ninkan ayay hay’adda ku eedeysay inuu garab istaag iyo taageero u muujiyay argagixisada, sidoo kalena uu faafiyay farriimo halis ku ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Ninkan wuxuu waayihii dambe deganaa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Ma ahan wax culus in dowladda Soomaaliya ay dibadda kasoo xirto kuwa argagixisanimada loo haysto haddii ay si sax ah u raacdo baalasha sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada, gaar ahaan qoddobada iskaashiga dowladdaha.

Weliba xeerarka Qaramada Midoobay ay u dejisay la-dagaalanka argagixisada, wuxuu si gaar ah u caawinaya dalalka ay argagixisada ku xoogan tahay sida Soomaaliya.

NISA waxay kale oo Jimcihii lasoo dhaafay faafisay inay xirtay nin la yiraahdo Zaki oo ay ku eedeysay inuu argagixisada hub uga soo iibin jiray dibadda. Ninkaan isagna wuxuu deganaa waddanka Kenya.

Soo-qabashada labadaan xubnood ayaa muujinaya inay Soomaaliya billowday dabaqida sharciga caalamiga ah ee la-dagaalanka argagixisada. Inkasta oo aanay dowladda Soomaaliya sheegin kaalinta Kenya ee soo-qabashada labadaan xubnood haddana marka laga hadlayo argagixisada, Kenya waxay leedahay duruufo aan ka yareyn kuwa Soomaaliya ayada oo kooxda dhibaatooyin joogto ah ka geysata gudaha iyo daafaha Kenya.

Labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada. In ay iska jaanqaadan waqtigaan ayaa la aaminsan yahay in wax badan ka tari karto xasiloonida labada waddan.

Ninkan ay shalay sheegtay NISA inay gacanta kusoo dhigtay ayaa dhawaan lagu xiray waddanka Kenya. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ninkaan lagu sameyn doono baaritaan dheeri ah, si loo ogaado cidda shirkadda kula ah fikirkan kadibna waxaa loo gudbin doona hay’addaha garsoorka ee dalka.

Qoraalka dowladda Soomaaliya waxa kale oo lagu sheegay in hay’adda NISA ay gudaha iyo dibadda ku ugaadhsan doonto kuwa sida muuqata iyo sida qarsoonba u taageera argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu horay u sheegay in aanay wax cudur daar ah laheyn taageerida iyo garabsiinta argagixisada.

DF oo shaacisay tirada iyo magacyada madaxda Al-Shabaab looga dilay howlgalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay bayaan ay ku shaacisay tirada, magacyada iyo xilalka horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay howl-galladii u dambeeyay ee maamullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Sidoo kale waxaa liiska dowladda ay soo saartay qeyb ka ah horjoogayaasha lagu dhaawacay howl-galladaasi iyo weliba kuwa baxsadka ah ee lagu raadjoogo, kuwaasi oo magacyadooda lagu soo saaray bayaankan.

“Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bil lasoo dhaafay, ilaa 19 Horjooge ayaa lagu khaarijiyay dagaallada ka socda dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda kasoo baxay.

Horjoogayaasha lagu dilay howl-galladii u dambeeyay ayaa waxa kamid ah; Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii qaraxyada ee HirShabeelle, Salaad Cali Geeddi oo ahaa ku-xigeenkii Jabhadaha Shabaab ee Galmudug, Olol Cali Guuleed oo ahaa Abaanduulihii Jabhadaha ee Galmudug, Maxamuud Bashiir Muuse oo ahaa madaxii Jabhadaha ee gobolka Mudug iyo Ciise Barre oo isna ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Dowladda ayaa sidoo kale shaacisay in beegsiga lagu laayay inta badan horjoogeyaashii kooxda uu sii dheer yahay 1650 maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo HirShabeelle, halka dhaawacuna kor u dhaafay 550 oo maleeshiyo ah.

Hoos ka aqriso magacyada horjoogayaasha isa-soo dhiibay, kuwa baxsadka ah, kuwa kale la dilay iyo kuwa dhaawaca ah;

Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.

Haddaba halkan waxa aan kusoo gudbineynaa xogta Horjoogeyaasha lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay, kuwa la dhaawacay, inta isi soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug, magacyada iyo xilalka:

1. Horjooge Khaliif Gaambe waa dhaawac, waxa uu ahaa horjoogaha ugu sarreeyay jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
2. Horjooge Salaad Cai Geeddi waa la dilay, waxa uu ahaa ku xigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
3. Horjooge Olol Cali Guuleed waa la dilay, waxa uu ahaa Abaanduulihii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
4. Horjooge Maxamuud Bashiir Muuse waa la dilay, waxa uu ahaa Madaxii Jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Mudug.
5. Horjooge Shuuke Cali Dheeg waa la dilay, waxa uu ahaa Kuxigeenkii Abanduulaha Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
6. Horjooge Ciise Barre waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.
7. Horjooge Xasan waa la dilay, waa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgali jiray Galmudug.
8. Horjooge Maslax waa dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad Goboleedka Hirshabelle, magacyada iyo xilalka:

1. Horjooge Cabdullaahi Ciilow waa la dilay, waxa uu ahaa kuxigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee hawlgali jiray Hirshabelle.
2. Horjooge Casood waa la dilay, waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad ee Jabhadaha Khawaarijta ee ka hawlgalayay Hirshabelle.
3. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Qaraxyada Khawaarijta ee Hirshabelle.
4. Horjooge Saylici waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Warbaahinta Khawaarijta ee Hirshabelle.
5. Horjooge Bagaax waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii weerarada arbushaadda Khawaarijta ee Hirshabelle.
6. Horjooge dabaashe waa la dilay, waxa uu ahaa Horjooge kooxeed ka hawlgalayay Hirshabelle.
7. Horjooge Sheekh Cabdi waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgalayay gobolka Hiiraan.
8. Horjooge Muhaajir waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii maaliyadda gobolka Hiiraan.
9. Horjooge Axmad Maxamed (Xerow ama Nadiir) waa dilay, waxa uu ahaa horjoogihii Maleeshiyadka gurmadka Khawaarijta ee Hirshabelle.
10. Horjooge Shucayb waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii dabagalka maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Hirshabelle.
11. Horjooge Yoonis (Shaafici) waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.
12. Horjooge Cabdijabbaar waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.

Horjoogeyaasha isa soo dhiibay Galmudug iyo Hirshabelle:

1. Horjooge Nuur Deeq waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3-aad Khawaarijta ka sugneed Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
2. Yuusuf Gaab waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
3. Nuur Gacal waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Hirshabelle, waa uu isi soo dhiibay.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Hirshabelle:

1. Horjooge Xasan Nuur waa baxsad, waa madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Sh.Dhexe.
2. Horjooge Yuusuf Cali Ugaas waa baxsad, waa madaxa gobolka Hiiran ee Khawaarijta.
3. Horjooge Nuur Macaloow waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa Khawaarijta ee gobolka Hiiraan.
4. Horjooge Mad Gaab waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.
5. Horjooge Yuusuf waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Galmudug:

1. Horjooge Mara-Cadde waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa gobolka Galgaduud ee Khawaarijta
2. Horjooge Nuunuule waa baxsad, waxa uu ka mid yahay horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta gobolka Mudug

FALCELIN xooggan oo ka dhalatay tallaabo uu maanta qaaday R/Wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo uu wehliyo duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Taleex ee degmada Hodan, taas oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay, isla-markaana la saaray laami cusub.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay munaasabadda xarig jarka, inkastoo aan meelna looga xusin magaca guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xamza ayaa madasha ka sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan ee caasimada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla-markaana ay si dhow ula shaqeeyaan maamulka gobolka.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu maanta qaaday Ra’iisul wasaare Xamza?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaan, waxayna qaarkood tilmaameen in laga haboonaa in ra’iisul wasaaruhu qabto shaqo uu lahaa duqa magaalada Muqdisho, halka kuwa kalena ay tilmaameen inuu yahay shaqo la’aan, sida ay ku yiraahdeen qoraalladooda falcelinta ah.

Ayaanle Cabdi oo kamid ah dadkaasi ayaa falcelintiisa ku yiri “Waxaan shaqadiisa aheyn buu galay”,

Cali Mukhtaar ayaa isna yiri “Ra’iisul wasaaha oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir inaad saas u qortaan bey ahayd”.

Cabdirashiid Maxamed “Ma ra’iisul wasaarihii dhammaa ayaa waddo oo agaasime waaxeed la rabay inuu xarig jaro shaqo nalooga dhigayaa inuu wax qabtay shacbka maanta dhibaatada intaas la’eg loo marsiiyay?”.

Cabdiraxmaan Siyaad “War qurux hano dabeysee saakay ummadda wa rafaaday maalinta xarig jarka maa ka dhigtaan maalin Jimco ah khudbadda ka dib maxaa dhcay?”.

Cali Ciise ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay xarig jarka waddada Taleex “Waa guul iyo horu socod wanaasgsan reer Muqdisho guuleysta”.

Liibaax Cumar ayaa isaguna ku jawaabay “Shaqo la’aanta Ra’iisul wasaaha heysa weynaa”.

Daawo: Laba bilood kadib safarkii Xasan, natiijada dagaalka Shabaab waa sidan

0

Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib dib u doorashadiisii -kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Madaxweynaha ayaa hadda muddo laba bilood ah ku sugan furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab laba bilood kadib?

Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Maxamed Cali oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa ka hadlay arrimo ku aadan gulufka dagaal ee uu madaxweynaha ka wado Dhuusamareeb.

Taardhuleed ayaa shaaca ka qaaday in laba bilood kadib aan natiijo weyn laga gaarin dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sababta ku sheegay in weli dhufeys looga jiro aagga magaalada Dhuusamareeb, taasna ay muujineyso in aan horay loo sii dhaqaaqin.

“Safarka madaxweynaha waxaan dhihi karnaa ma guuleysan sababo jiro aawgood. Guusha guul darrada waxaan ku qiimeyneyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab xaggee joogaa maanta, aniga waxaan is leeyahay safarkii madaxweynaha uu ku yimid 5-tii bishii 8-aad  maanta meesha uu joogaa ma’aha meesha uu rabay madaxweynaha” ayuu yiri Taardhuleed

Waxaa kale oo uu ku daray “Madaxweynaha oo Dhuusamareeb joogo in maanta uu dhufeys ka qodan yahay oo difaac looga jiro Dhuusamareeb ma’ahan dagaal Shabaabkiis”.

Cismaan aardhuleedm oo hadalkiisa sii wata ayaa sababta ku sheegay in dagaalka ay fashiliyaan kooxda ka hoos shaqeyneysa madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga gaabiyay abaabulka ciidamada iyo shacabka ka qayb-qaadanayaa dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Isku xirnaan la’aan ayaa jirto teamka dagaalka uga wakiilka ah ayaan dagaalka sidii la rabay ugu jirin haddii ay tahay abaabulka ciidanka iyo haddii ay tahay abaabulka bulshada, waxaa jira dal-daloolo wey” ayuu mar kale sii raaciyay wasiirkii hore ee amniga Galmudug.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan howlgalladuu xoogoodu ay ka socdaan Galmuudg iyo HirShabelle, isla-markaana dhul ballaaran lagu xoreeyay, walow magaalooyinka qaar ay dib uga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.