27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Daawo: MADAALE oo ku dhawaaqay go’aan farxad geliyey shacabka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta ka hadlay munaasabad xarigga looga jaray waddada Taleex ee degmada Hodan ayaa ku dhawaaqay go’aan farxad geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

Madaale ayaa shaaca ka qaaday in bishan gudaheeda la furi doono dhammaan waddooyinka xiran ee caasimada, si culeyska looga yareeyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bishan October ay noqon doono bisha furista waddooyinka, isla-markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin deg-deg ah, ayaga oo kaashanaya xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ammaanka oo markii hore keentay in la xiro jidad muhiim u ah shacabka, wuxuuna tilmaamay inay iskaashan doonaan hay’adaha amniga, maamulka gobolka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Bishaan waxay noqon doontaa bisha furista waddooyinka, dadka waxaa laga yaabaa inay is yiraahdaan dalku dagaal ayuu ku jiraa, laakiin annagaa isku filan” ayuu yiri Madaale.

Dhanka kale, waxa soo hadal qaaday dhismaha waddooyinka caasimada, isaga oo sheegay inuu guuleystay mashruuca dhismaha jidadka oo ay ka qayb qaadanayaa shacabka.

“Mashruucii 1 dollar ku dhiso dalkaaga horayna waa u najaxay, mar labaadna waa najaxyay reer Hodana waxay garwaaqsadeen muhiimada ay leedahay waddadan” ayuusii  raaciyay.

Hadalkan ayaa Duqa Muqdisho waxaa uu sheegay, isaga oo uu hareer taagan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna goobjoog joog ahaa xarig jarka waddada Taleex.

Al-Shabaab ‘oo laga saaray’ kaymaha Cali Fooldheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu daba socday maalmo uu socday weerar saf ballaaran ah oo dhulka iyo madaafiic ah, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere.

Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.”

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin howlgalkan.

Guushan ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab ay kusii dhowaatay in gebi ahaan laga saaro gobolka Shabeellaha Dhexe, oo weli qeybo yar oo ka mid ah ay ku harsan tahay, islamarkaana ku go’doonsan tahay.

Isha: VOA

Xog: Sida uu ku yimid xariga Taakeeye iyo halka lagu hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano lagu sameynayo Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) iyo xiriirka kala dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii shaacisay in ninkani laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib sanadihii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasilloonida iyo Dowladnimada Somaliya, sidoo kalena taageerayay Khawaarijta,” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Hay’adda NISA.

Warka ayaa lagu sheegay in hay’addu ay ninkaasi ku billowday baaritaano iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya Al-Shabaab, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shakhsiyaadka la wadaagga fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.

NISA oo dib u daalacatay wareysiyo uu dhawaan ninkaasi bixiyay ayaa garowsatay in uu carqalad ku yahay amniga iyo xasilloonida dalka, waana tan keentay in laga soo qabto dalkaasi, iyadoona xukuumadda Nairobi ay fududeysay xariggiisa.

Sufyaan Sheekh Axmed ayaa wareysiyadaasi ku muujiyay, sida uu u taageersan dagaalka ay Shabaabku ka wadaan dalka, bacdamaa sida uu sheegay ay doonayaan in Shareecada Islaamka ku xukumaan Somaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad uu bixiyay amarka lagu soo xiray Sufyaan Taakeeye, kadib markii uu la tashi kala sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Taakeeye ayaa waxay ehel yihiin madaxweyne Qoorqoor.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya halka lagu hayo Taakeeye. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu hayo Xarunta Baarista Xisbiga oo ku dhex taala Villa Somalia, halka warar kalena ay sheegayaan in lagu hayo Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Gurigii Habar Khadiijo.

Taakeeye ayaa noqonaya ninkii labaad ee NISA ka soo qabato dalka dibaddiisa, wax ka yar toddobaad. Jimcihii ayay ahayd markii dalka dib loogu soo celiyay Sakariye Kamaal Suufi Abba Sheekh (Saki), kaas oo lagu eedeeyay in uu hubka dibadda uga sii iibin jiray Al Shabaab. Saki oo hadda lagu hayo Muqdisho ayaa laga soo xiray dalka Kenya.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,” Ayaa lagu yiri warka NISA.

Family blames moguls for kin’s arms trade saga

Mombasa (Caasimada Online) – Zakariya Kamala Sufi Abashiekh, a businessman previously residing in Mombasa, has been implicated in a controversial arms shipment from China to Somalia.

The Somalia National Intelligence and Security Agency (NISA) recently announced Abashiekh’s arrest, alleging that he attempted to flee to regions dominated by the al-Shabaab terrorist group.

Further digging into this incident paints a more convoluted picture. A credible source, Dahabo Haji Isse, identified as Abashiekh’s cousin, released a verified social media statement.

Isse alleges that influential businessmen exploit young Kenyans in foreign countries to smuggle illegal goods across borders, often unbeknownst to them.

Isse said, “He [Abashiekh] started a business in East Asia and China. He has been exploited by Somali businessmen, fulfilling their demands in return for commissions.”

Abashiekh’s background

Mr. Abashiekh, a Mombasa native, was born in Ganjoni. His academic journey began at Arya Primary School, and he later moved to Mvita Boys for secondary education.

Following his studies, he traveled to China, where he pursued a degree in Computer Science for five years.

Described as an average student, Abashiekh’s transition from academia to business in China raises eyebrows given the current allegations.

While his business dealings are scrutinized, Abashiekh’s personal life has a contrasting narrative.

His father, Kamal Sufi, revealed that Abashiekh was engaged, with wedding plans already in motion. However, these plans were abruptly halted due to his unforeseen arrest.

Abashiekh’s initial arrest took place on April 28, 2023, at Mama Ngina Waterfront Park in Mombasa by the ATPU officers.

He was subsequently arraigned in Shanzu Court in May for the alleged arms shipment to Somalia but was granted bail for Sh1 million.

Yusufi Sufi, Abashiekh’s uncle, passionately stated, “It is unfair. He should be presented before the court if they believe he has a case to answer.”

The family’s concern deepened when, on September 5, 2023, Abashiekh was allegedly abducted by unidentified men in civilian attire.

Kamal Sufi, the businessman’s father, narrated the chilling incident, “While coming home from work, some men forced him inside a white Land Cruiser. We haven’t seen him since news of his arrest in Somalia emerged.”

Calls for justice and NISA’s stance

While Abashiekh’s family, represented by attorney Jared Magolo, is clamoring for his presentation in court, rights advocacy group Muslims for Human Rights (Muhuri) has intervened, expressing concerns over the apparent resurgence of enforced disappearances in Kenya.

Sheikh Khelef Khalifa, the Director of Muhuri, implored the Kenyan government to act, emphasizing the gravity of the situation.

NISA, on the other hand, portrays Abashiekh as a central figure in an international arms trafficking syndicate.

In a firm statement, they expressed their determination to combat terrorism and its associates, vowing to “advocate for the anti-oppression and violence against the Somali population, both within and beyond our borders.”

As this case unfolds, the juxtaposition of Abashiekh’s seemingly regular life in Mombasa against the grave accusations presents a poignant reminder of the multifaceted nature of international crime.

Sawirro: Ciidamada DF oo Shabaab ka soo badbaadiyey nin uga goostay Jamaame

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isu-soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda eek a howlgala degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda, sida uu ku sheegay wareysi ay saraakiishu la yeesheen.

Ciidamo ka tirsan Guutada 11-aad, qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga ayaa Maxamed oo ay eryanayaan xubno kale oo Shabaab ah kaga hor tegay duleedka deegaanka Baar-sanguuni.

Saraakiisha soo qabatay ninkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo badbaadiyeen koox ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab oo dooneysay inay disho, markii la ogaaday inuu baxsad yahay.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in Al-Shabaab ay xoog ku askareeyeen isagoo jira 8-sano, isla markaana hadda uu jiro 21-sano.

Wuxuu sheegay in hadda uu adkeysa waayey dhibaatada ka jirta gudaha kooxda iyo cabsida ay ku hayaan weerarrada ay fuliyaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale ninkaan ka soo baxsaday Al-Shabaab wuxuu sheegay inay aad uga cabsa jireen duqeymaha, isla markaana ay galeen go’doon markii dambe ku kalifay inuu isaga soo cararo deegaanadii ay joogeen.

Al-Shabaab oo ka war helay inuu ka soo goostay ayaa soo eryaday wuxuuna sameeyey iska cabin oo waa dagaalamay, dad shacab ah oo ku nool deegaanadii uu ka soo gudbay ayaa u soo sheegay ciidamada dowladda, taas oo fududeysay in laga hor tago oo laga soo badbaadiyo kooxdii eryaneysay.

Maxamed wuxuu sheegay in kuwa eryanaayey isaga ay laftigoodu dhiban yihiin, isagoo ugu baaqay inay ka soo baxaan noloshaas quusta ah, 13 sano oo Shabaab uu ka tirsanaa wuxuu sheegay in markii ugu adkeed ay hadda  ku jirto kooxdu.

India tells Canada to remove 40 diplomats amid rift

New Delhi (Caasimada Online) – In the wake of rising tensions between India and Canada, India has reportedly urged Canada to pull out approximately 40 of its diplomatic personnel.

This move, reported initially by the Financial Times, implies that any diplomat who remains post 10th October would be stripped of their diplomatic immunity. This comes as the diplomatic balance is off-kilter.

Delhi hosts a considerably higher number of Canadian diplomats than Ottawa has Indian representatives.

Arindam Bagchi, Foreign Ministry spokesperson, mentioned, “This is being sought because of Canadian diplomatic interference in our internal affairs.”

The spark of dispute 

Tensions reached a boiling point between the two nations, historically known for their close ties, when Canadian Prime Minister Justin Trudeau pointed a finger at India.

In September, Trudeau implicated India in the 18th June assassination of Hardeep Singh Nijjar, a Canadian Sikh and vocal supporter of the Khalistan movement.

Masked assailants tragically gunned down Nijjar outside a Sikh temple in British Columbia. India, having labeled Nijjar a terrorist in 2020, flatly denied these accusations.

In an address to the Canadian parliament, Trudeau mentioned that their intelligence agencies were probing if “agents of the government of India” played a role in Nijjar’s demise.

While both nations have since expelled a diplomat from each other’s soil, the strain hasn’t stopped there.

As of 21st September, citing “security threats” at its missions in Canada, India ceased issuing visas to Canadian nationals.

Furthermore, Canada declared a cut in its diplomatic staff present in India due to reported threats some received on social media.

“In light of the current environment where tensions have heightened, we are taking action to ensure the safety of our diplomats,” a Canadian statement explained. However, Canada’s visa services continue to operate in India.

World urges cooperation

The international community, including nations like the US, UK, and Australia, have rallied to support a thorough investigation, pressing Delhi to work hand-in-hand with Canada.

These tensions are rooted in the Khalistan movement, which Nijjar ardently backed.

Advocating for a separate Sikh homeland named Khalistan, this movement saw its zenith during the 1980s with a violent insurgency in India’s Sikh-dominated Punjab state, which was eventually suppressed.

In the midst of this unfolding diplomatic crisis, Canadian Prime Minister Justin Trudeau expressed his hopes for a resolution.

“We’re going to continue to engage responsibly and constructively with the government of India,” he asserted. The Indian foreign ministry, when approached for comment, chose to remain tight-lipped on the situation.

Weerar khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay QORYOOLEY

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay weerar culus ku qaadeen Shabaabka ku sugan aagga degmada Qoryooley ee gobolkaas.

Ciidamada is garabsanaya ayaa weerarkooda ku beegsaday tuulooyin hoos yimaada degmadaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku gaareen deegaano horleh.

“Aroortii hore ee maanta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga oo is garabsaneyno waxaan weerar ku qaadnay qolada Khawaarijta ah oo agagaarka degmada Qoryooley, gaar ahaan ayaga oo joogo tuulooyinka hoos yimaada degmada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in guullo waa weyn ay ka gaareen weerarkaasi, ayna ku dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Guullo ayaan ka gaarnay tuulada la yiraahdo Gaawirow ayaa ka weerarnay fariisimo ay ku leeyihiin, ayaga waxaa ka dhimatay saddex rag ah, maydkoodana waa qaateen, annaga xaggeena wax dhibaato ah nama soo gaarin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in goobaha lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada dolwadda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayna sii wadi doonaan howlgallada.

“Goobaha la weeraray ciidamada ku sugan, mana laga soo tegaayo, insha allah inaan horay u socono ayaan rabnaa” ayuu yiri Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Qoryooley.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo xoogan oo gaysta khasaarooyin kala duwan.

Weerar culus oo lagu qaaday safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Khartoum

Khartoum (Caasimada Online) – Xogo laga helay illo dublamaasiyadeed ayaa sheegaya in safaaradda Itoobiya ee magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ay waxyeello ka soo gaartay weerar lagu qaaday.

Weerarka lagu qaaday safaaradda oo ahaa mid culus ayaa burbur gaarsiiyay dhismaha safaaradda iyo hanti taallay halka, balse ma jirto cid wax ku noqotay oo ka mid ah shaqaalaha saafaradda sida ay sheegayaan xogaha laga helay dublumaasiyiinta.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Suudaan, Yibeltal Inda, ayaa dhankiisa BBC-da u xaqiijiyay in weerar hub culus loo adeegsaday lagu qaaday safaaradooda.

Diblumaasi codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sidoo kale sheegay in safaaradda Itoobiya ee Khartuum ay marar badan weerarro iyo bililiqo ka geysteen ciidamo kala duwan oo loo maleynayo in ay ka tirsanyihiin kuwa ku hardamaya Suudaan.

Caasimadda Suudaan waxaa billooyin ka socda dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga ah iyo kuwa ka soo horjeeda ee RSF.

Dagaalka waxaa uu gaystay khasarae dhimasho oo badan, burbur xooggan iyo barakaca kumanaan qof oo reer Suudaan ah.

Waxaa jiray dedaallo ay dunidu ku dooneysay in xal looga gaaro colaadda, hase-yeeshee arrintaa wali laguma guuleysan.

Xigasho: BBC

Howlgal nooc cusub ah oo looga dhawaaqay gobolka Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta gobolka Hiiraan looga dhawaaqay howlgal nooc cusub ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka, kaas oo loogu magac daray xidido siibka kooxda Al-Shabaab, si looga saaro meelaha ay ka joogaan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalgan uu yahay mid si aad ah loogu diyaar garoobay, isla-markaana lagu doonayo in Al-Shabaab looga sifeeyo deegaanka jinka waniga ee gobolkaas.

Sidoo kale waxaa abaabulka howlgalkan qayb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo muddo dheer ku sugan jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee HirShabelle.

Xildhibaanka oo la hadlayay ciidanka loo diyaariyay howlgalka cusub ee xidido siibka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidanka laga rabo inay ka dhabeeyaan go’aankooda, si looga hortago weerarada iyo qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliso degmooyinka gobolka Hiiraan.

“Dagaalka aan ugu magac darnay Xidido siibka Al-Shabaab waa mid laga siibayo deegaanada Jiinka Webiga dhaca oo aanay awood ku joojin balse dhuumaaleysi ku yimaadaa, inta ay qayb kamid ah Hiiraan joogaan hubka waan wadan doonaa sababtoo ah magaca gobolkaan inta aan sheeganeyno dagaalka waan wadi doonaa” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddo laba bilood ah ay kusoo afjari doonaan Al-Shabaabka ku sugan guud ahaan gobolka Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.

“Laba bilood ayaan Khawaariijta uga saareynaa Jiinka Webiga” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay  Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada isbaheysanaya ee la dagaalamaya Al-Shabaab, si looga adkaado kooxda.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, waxaana mar kale gobolkan laga abaabulayaa guluf ka dhan ah kooxda.

Falcelin xooggan oo ka dhalatay soo qabashadii NISA ee Sufyaan Taakeeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin bulsho oo xoog leh ayaa ka dhalatay war ay maanta dowladdu ku shaacisay inay soo xirtay Sufyaan Taakeeye oo laga soo qabtay magaalada Nairobi, laguna soo xiray magaalada Muqdisho.

NISA ayaa sheegatay galabta soo qabashada Taakeeye, balse xiligii warkaasi uu ka soo baxay waxaa cabsiga laga sii daayey Agaasime Cali Cabdi Xooshow oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, ku dhawaad toddobaad-na NISA ugu xiraa magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkii ka falceliyey soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda ku eedeeyey in warka Taakeeye ay ku demineyso warka sii deynta Agaasime Cali Cabdi Cali Xooshow oo la aaminsan yahay in arrimo siyaasadeed uu ugu xiraa NISA, inkastoo aan la shaacin dembiga loo heystay.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in isaga iyo Xildhibaan Ciid oo baarlamaanka ku metela Agaasime Xooshow ay maanta u tageen Agaasimaha NISA Mahad Salaad, isla markaana uu ka aqbalay dalabkoodii ahaa in Xiooshow xoriyadiisa la siiyo.

Qaar ka mid ah dadkii ka aragti dhiibtay warka soo qabashada Taakeeye ayaa dowladda kula taliyey in sidaan oo kale loo soo xiro Cali Yare Cali oo aad u mucaarada dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh, Cali Yare ayaa isna ku nool magaalada Nairobi.

Dhankiisa Cali Yare ayaa aad u taageeray soo qabashada Taakeeye, balse wuxuu NISA ku eedeeyey inay sheegatay awood aysan laheyn, sida uu hadalkiisa u dhigay, sidoo kale Cali Yare wuxuu Taakeeye ku tilmaamay Khawaarij weyn.

Cali Yare ayaa sheegay in Taakeeye Muqdisho laga soo dejiyey maalmo ka hor, balse NISA ay ku demineyso sii deyntii Agaasime Cali Xooshow oo maalmahaan u xiraa hey’adda.

“Khawaarijkii weynaa Taakeeye oo la soo xiray maalmo ka hor, Xamarna ay keentay Dowladda Kenya ayay dheheen aan ka dhigno shaqo aan innaga qabannay, maantana aan ka dhignoNEWS, oo aan iskaga damino wararka Ali Abdi hoshow,” ayuu yiri Cali Yare.

Qaar kale oo ka mid ah dadkii aragtidooda ka dhiibtay soo qabashada Taakeeye waxay dowladda ku bogaadinayee sida ay ugu guuleysatay in ninkaas ay ku soo xirto Muqdisho.

Sufyaan Taakeeye ayaa wareysiyo uu bixiyey bilihii lasoo dhaafay wuxuu dowladda si cad ugu tilmaamay ‘gaalo’ wuxuu sidoo kale sheegay in Shabaab ay ka roonyihiin dowladda, isagoo ku andacoonayey in Xisbi uu hoggaamiyo qabsa doono talada dalka.

Xildhibaan Sanbaloolshe oo shaaciyey xogta sida lagu sii daayey Cali Xooshow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa soo saaray qoraal uu ku sharaxay sidii ay ugu suurta-hashay inay cabsiga ka soo daayaan Cali Cabdi Cali Xooshow oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Muqdisho.

Xooshow oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa maalmo ka hor soo xirtay hey’adda NISA, in kastoo aan la shaacin dembiga loo heysto, hadana wararka qaar waxay sheegayaan in dhowr jeer uu Cali Yare Cali oo dowladda mucaarada ka gacan siiyey inuu dib u helo bartiisa Facebook oo laga xiray.

Sanbalooshe ayaa sheegay in xildhibaanada beesha Xawaadle ay xoriyad u raadinta Xooshow u wakiisheen isaga iyo Xildhibaan Ciid, isla markaana ay u tageen Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo amray in xabsiga laga sii daayo Xooshow.

“Waxaan jecleystay in aan halkaan ku cadeeyo in soo deynta Cali Cabdi Cali Xoosho ay ka dhalatay dadaal ay u dhamaayeen dhamaan xildhibaanada Beesha oo aan kala har laheyn ayaga oo aniga iyo Xildhibaan Ciid inoo wakiishay in aan u tagno Agaasimaha Hayada NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad, kaas oo runtii si qiima badan noo soo dhaweeyey isla markaasna si sharaf leh nooga aqbalay in uu codsigeynii  ku aadanaa soo deynta Agaasime Xooshow,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanbaloolshe.

Qoraalka Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa intaas ku sii daray, “Xildhibanadu waa ku waajib in ay si Hagar-la’aan ah ugu adeegaan dadka ay matalaan sidaa darteed ma ahan in dhibco siyaasadeed laga raadiyo ama la is muujiyo markii wax yar la qabtaba.”

Sanbaloolshe ayaa dalbaday in wararka ku saabsan xariga Xooshow halkaas lagu demiyo, maadaama ay dowladdu awood u leedahay inay qof xirto.

“Dowladnimadu Waa xoogeysatay war xuma tashiilka iyo xaalad abuurkana hala yareeyo. Dadka waxa xiri kara laakiin aan soo deyn karina yaan warkooda la dhegeysanin. Mahasanidiin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe.

Cali Cabdi Cali Xooshow oo loo yaqaano Cali Suxeyfa wuxuu mar soo ahaa Weriye ruugcadaa ah, hadda wuxuu ka tirsan yahay shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna ku magacaaban yahay agaasimaha warfaafinta ee wasaaradda.

Xooshow ayaa ku dhawaad toddobaad ku xirnaa Muqdisho, waxaana aad loo dalbananyey in xoriyadiisa la siiyo, inta badan siyaasiyiinta, saxafiyiinta iyo saaxiibadiis ayaa maalmahaan dowladda ka codsanayey in Cali Xooshow xoriyadiisa la siiyo.

Xog: Ujeedka Laftagareen oo ka dagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah ka dagay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Laftagareen ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay dhiggiisa Galmudug, Mudane Axmed Cabdo Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulamo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen.

Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay.

Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda.

Xubnahaan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmeen Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Koonfur Galbeed.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna sidoo kale magaalada Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taasi oo ay kaga dhawaaqeen go’aanno culus oo ka dhan ah Lata-gareen, oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Si kastaba, Doorashada maamulka marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Qoyska ‘ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray kooxda Shabaab’ oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo dhowaan ay gacanta ku dhigtay Hay’adda NISA ayaa war cusub kasoo saaray qabashada wiilkooda oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Zakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo hadda u xiran dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

NISA waxaay sheegtay in muddo dheer ay ku daba-joogtay ninkan, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto, xilli uu ku sii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay NISA.

Haddaba maxay qoyskiisa ka yiraahdeen arrinta wiilkooda?

Dahabo Xaaji Ciise oo ay ilmo adeer yihiin Kamaal Suufi Abba-Sheekh ayaa qoraal ay soo gelisay baraha bulshada ku sheegtay in la shirqoolay wiilkooda, sida ay hadalka dhigtay.

Gabadhan ayaa shaaca ka qaaday in Kamaal arrintiisa ay ka dambeeyaan ganacsato waa weyn oo shirqoolay xili uu ku sugnaa dalka Shiinaha, waxa ayna tilmaamtay dusha laga saaray kunteenaro hub iyo walxo qarxa ku jiray oo bishii May ee sanadkan lagu qabatay dekadda weyn ee magaalada  Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in sii waday Al-Shabaab.

“Waxaa lacag badan u sheegay ganacsato kale oo u dirsaday inuu alaab uga soo qaado Shiinaha, taas oo lasoo marsiiyay dekadda Mombasa, kadibna ugu dambeyn lagu qabtay magaalada Muqdisho” ayay qoraalkeeda ku tiri Dahabo Xaaji Ciise.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in wiilkooda uu lahaa ganacsi, isla-markaana uu bariga Afrika keeni jiray alaabo uu ka keeno waddanka Shiinaha.

Si kastaba, Ninkan ayaa wajahaya eedeymo culus, waxaana loo arkaa ninkii ugu halista badnaa ee Al-Shabaab, sida ay horay u shaaciyay Hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Xog: Ujeedka shirka DF iyo M/Goboleedyada u furmaya

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydahaba ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qul-qulaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo beri shir xasaasi ku yeelanaya gudaha magaaladaasi.

Baydhaba waxaa maanta gaaray wasiirada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee maamullaada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Agaasimaha Waaxda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahan waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush & madax ka tirsan SoDMA.

Ujeedka ay wasiiradan u tageen magaalada Baydhaba ayaa ka qayb-galka shirka isku duwidda arrimaha bini’aadamnimada oo berri ka furmaya magaaladaasi, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Intaas kadib Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo isaguna halkaas ku sugan ayaa mas’uuliyiinyan la yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay qaban-qaabada shirka isku duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada oo berri ka furmaya Baydhaba iyo Ajandihiisa.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb-geli doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo madaxweyne Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Dhanka kale, waxaa madashan qayb ka ahayn Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka, taas oo aan ka qaybgein shirarkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli laga digayo xaaladda El-Niño oo laga cabsi qabo daadad iyo fatahaado ka dhasha roobab mahiigaan ah oo da’a inta badan gobollada dalka.

Puntland oo Xasan u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug.

Shaqaaqada kasoo cusboonaatay Mudug oo u dhaxeysa beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Qorshaynta Maamulka Maxamed Saciid Faroole ayaa isla xiriiriyay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Mudug iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu billow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaaladii gobolka Mudug ka dhacay sanadihii 2015 iyo 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya uu joogay xafiiska.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob uu mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba, Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac, hase yeeshe sida muuqata si rasmi ah dhaqan-gal uma noqon.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka.

NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Taakeeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa goordhow shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaano (Taakeeye), kaas oo ku eedeysan inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah, isla-markaana liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa kale Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) loo haystaa inuu taageerayay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal adag ay kula jirto dowladda Soomaaliya.

“Hay’adda NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan laga soo qabtay magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya

Sidoo kale NISA waxa ay sheegtay in Sheekh Taakeeye lagu bilaabay baaritaano la xiriirar cilaaqaadka kala dhexeeya kooxda Al-Shabaab iyo fikradaha Xagjirka ee uu ku baahin jiray baraha bulshada ee Internet-ka.

Waxaa kale NISA ay intaasi ku dartay inay sii wadi doonto beegsiga ay ku hayso xubnaha la shaqeeya Al-Shabaab ee ku sugan gudaha iyo dibadda intaba

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa mar kale lagu yiro warsaxaafadeedka ay shaacisay Hay’adda NISA.

Waa ninkii labaad oo halis ah todobaad gudihiis ay gacanta kusoo dhigeyso Hay’adda NISA, waxaana Taakeeye ka horreeyay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo loo haysto inuu Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Shiinaha.

Abba-Sheekh oo isna ku sugnaa Nairobi ayaa dhowaan lasoo qabtay xilli uu ku sii jeeday dhulka kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Saldhigyadii Al-Shabaab ee Bu’aale oo la duqeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaasi diyaarado dagaal duqeymo culus ka geysteen.

Bu’aale oo ah saldhiga ugu weyn Soomaaliya ee kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in xalay saqdii dhexe la duqeeyay saddex saldhig oo kooxdu ku lahaayeen halkaasi.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday saddex goob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1-Dhismaha xarunta degmada

2- Xero tababar oo dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka Bu’aale – aagga masjidka Dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo buundada Bu’aale oo xubnaha Khawaarijta ee Al-Shabaab ku shirayeen.

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, waxaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn xadiga khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa haddana waxay wararka tibaaxayaan in Shabaabkii ku sugnaa halkaas qaarna lagu dilay, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Xubnaha lagu dilay duqeyntan iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegaya in ay ku jiraan horjoogayaal. Goobaha sida gaarka ah loogu beegsaday weerarkan dhinaca cirka ah ayaa kamid aheyd dhismihii xarunta degmadaasi.

Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda.

Daawo CC Shakuur: Kaamirada dagaalka ha laga leexiyo siyaasiyiinta oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka, ayaa soo jeediyay arrimo dhowr ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyntii waxa uu sheegay in guubaabada dagaalka ay tahay inay ku jeedo askariga dhimanaya ee dagaalka ku jira, qaddiyada loo dirarayo iyo caddaynta cadawga lala dagaalayo.

Waxa uu dhaliilay in warbaahinta ay buun-buuniso siyaasiyiinta, ayna tahay in kaamirada iyo warbaahinta lagu jeediyo geesinnimada askarta dhimaneysa ee u dhaawacmeysa xoreynta dalkeenna.

“Anaga waxaa rabnaa in cidda mudnaanta la siinayo ee la buun-buuniyo dagaalka inay noqoto askariga dhimanaya weeyi. Annaga siyaasiyiin ayaa nahay, laakiin haddii kaamirada iyo warbaahinta dagaalka lagu galayo siyaasiga maanta dhan lagu jeediyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dagaalka macno ma yeelanayo haddii aan askariga dhimanaya, kan dhaawacmaya iyo kuwa iska dhinac dagaalamaya. Mida labaad waxaa waaye in warbaahinta ku jirto waaye maxaa loo dagaalamay, howl-galka qeexitaankiisa, in maanta dhan anaga nagu daba jiro oo uu na sawiro ma ahan.”

Sida muuqata Cabdiraxmaan ayaa la dhacsaneyn dhaqanka muddooyinkii dambe ay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda iskaga dayanayaan, kaasi oo ah in warbaahinta dowladda loo adeegsado sidii magac loogu heli lahaa dagaalka socda, ayada oo socdaalkooda uusan macno badan u sameynayn gulufka socda.

In la dhiiri-geliyo ciidanka, ayna masuuliyiinta aadan furinta waa arrin wanaagsan, hase yeeshe dhaqankaan ayaa wax badan ka duwaneyn mashruuca la magac baxay “igu sawir iyo iga gaarsii” oo aan macno badan soo kordhineyn.

Si kastaba, Wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shababa oo haatan dardar ku socda ayaa waxaa kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Sidoo kale waxaa kooxda tan iyo markii uu billowday dagaalka looga laayay xubnihii u badnaa oo ay ku jiraan horjoogayaal, sidoo kale waxaa dowladda usoo galay madax ka tirsan kooxda iyo xubno sanado ka barbar dagaalamayay, kuwaasi oo ka faa’iideystay cafis ay dowladda u fidisay.

Hoos ka daawo muuqaalka CC Shakuur

Somalia oo ka qayb-gashay shir ay waddamada Geeska Afrika ku yeesheen Itoobiya

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa ka qayb-galay shirweyne gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika.

Madasha uu Biixi ka qayb-galay ayaa ah furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), kaas oo looga hadlayo arrimo muhiim ah.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika, kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka khudbad ka jeediyay waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgelinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo isugu markii ugu horreysay ka qeybgalaya shirkaan ayaa shaaca ka qaada inuu si diiraan usoo dhaweeyee shirka.

Dhankiisa wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo ah guddoomiyaha sanadkan ee iskaashiga wasiirada maaliyadda ee Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan, sidii inta dhiman guul looga gaari lahaa, si Soomaaliya ay uga soo kabsatay deymaha malaayiinka ee lagu leeyahay.

Si kastaba, shirka sanadkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay horumarweyn ka sameysay dhanka dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha oo ay si weyn loogu boggaadiyay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Qaraxyo Al-Shabaab ay ka fulin rabtay gudaha dalka Itoobiya oo la fashiliyey

Doolow (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ismiidaamin ah oo kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ka fuliso gobolka Soomaalida ee Itoobya. 

Weerarka ayaa waxaa fashiliyey ciidamada Itoobiya ee fadhiggoodu yahay degmada Doolo-ado ee gobalka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, sida uu sheegay Sarreeye Guuto Getachew Habtamu, oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado. 

“Kooxda argagixisada ah ayaa doonaysay in ay weerarka ku fuliso 6 jeerigaan oo ay kiimiko iyo walxaha qarxa kasoo buuxiyeen iyo 3 kun oo rasaasta bireenka ah, si ay ugu waxyeeleeyaan Hantida umada iyo shacabka rayidka ah ee ku dhaqan degmada Doollo-Ado ee gobolka Liibaan,” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaas ku daray “Hase ahaate waxaa halistii argagixisadu soo maleegtay ka hortagay oo gacanta ku dhigay ciidamada difaaca qarabka iyo ciidanka ammaanka ee degmadaasi Doollo-Ado.” 

Sidoo kale Sarreeye Guuto Getachew Habtamu oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya ee ee fadhiggooda yahay Doollo-Ado ayaa sheegay in Al-Shabaab ay marar badan isku dayeen inay gudaha Itoobiya ka geystaan burburin hantiyeed iyo falal argagixisonimo. 

Al-Shabaab ayaa marar badan qaraxyo la beegsatay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, hase yeeshee kooxda ayaan inta badan ku guuleysan inay qaraxyo ka sameyso gudaha Itoobiya, si la mid ah dalka Kenya oo tobaneeyo qarax ay ka fulisay. 

Al-Shabaab ayaa 17-kii waxay ciidamada Itoobiya dagaal xooggan kula gashay gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”