27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Sawirro: Ujeedka kulan ka dhacay madaxtooyada K/G

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magalaada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulaankaan ayaa waxaa looga hadlay qaban-qabada shirka Madasha isku-duwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya Mmaalmaha soo socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale kulankaan ayaa diirada lagu saaray xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan, taasi oo wadata roob xoogan sababi kartana fatahaado iyo daadad, islamarkaana ay dhawaan digniin kasoo saartay hay’adda SODMA.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.

Dhawaan ayay aheyd markii Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ay digniin kasoo saartay roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

SODMA ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay.

“Roobabka loo saadaaliyay gobollada Bari, Sool, Sanaag, Waqooyi-Galbeed, Nugaal, Hiiraan, Bay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbadda Dhexe waxa ay gaysan karaan khatar cabirkeedu sareeyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda SODMA gaar ahaan xarunta ka digista halis wareedka.

Xarunta ayaa uga digtay bulshada inay ka fogaadaan meelaha qatarta uga imaan karto, maadaama laga cabsi qabo in uu gobollada dalka qaarkood ka da’o roobab mahiigaan ah.

Roobabkan laga digay halista ka dhalan karta ayaa la sadaalinayaa in gobolladaasi ka da’aan asbuuca ugu horreeya bisha October 2023.

Hay’adda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in xarumaha kala duwan ee hay’adda ay mar walba u taagan yihiin inay bulshada Soomaaliyeed siiyaan digniino looga hortagayo dhibaatada.

Madaxweyne Lafta-gareen oo safar u ah Dhuusamareeb iyo xogta socdaalkiisa

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Lafta-gareen ayaa halkaasi kulamo kula yeelan doona madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen.

Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay.

Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac

Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda.

Xubnahaan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed ayaa dhawaan waxay madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmeen Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda Koonfur Galbeed.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan, waxayna sidoo kale magaalada Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taasi oo ay kaga dhawaaqeen go’aanno culus oo ka dhan ah Lata-gareen, oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Si kastaba, Doorashada maamulka marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Hantida Trump ee gobolka New York oo la xayiray xilli uu shalay hortagay maxkamad

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla magaalada New York Isniintii, halkaas oo garsooraha maxkamaddaasi uu gacanta ku hayo dacwad keeni karta in la baabi’iyo shaqooyinkiisa ganacsi ee uu ku leeyahay gobolkaas, isla markaana laga mamnuuco Trump iyo labadiisa caruura inay wax ganacsiya oo dambe ay ka furtaan gobolka.

Dacwadda loo haysto Trump, oo haatan maraysa meel hordhac ah, ayaa waxaa soo oogay xeer ilaaliyaha gobolka New York Letitia James.

Kiiskan ayay eedaysanayaal ka yihiin madaxweynihii hore ee Trump, labadiisa wiil, Shirkaddiisa Trump, iyo xubno kale, waxaana dhinacyadan loo haystaa illaa lix fal dembiyeed oo kala duwan.

Eedaha loo haysto ayay ka mid yihiin, ka beensheegidda diiwaanada ganacsiga, shirqooloo lagu been abuurayo xogaha ganacsiga, soo saaridda warbixino maaliyadeed oo been abuur ah, shirqoollo lagu been abuurayo warbixinada maaliyadeed, khiyaanada caymiska iyo qodobo kale.

Xeer ilaaliyaha gobolka New York ayaa ku eedeeyey in xubnaha dacwadda lagu soo oogay, inay si joogto ah u bixiyeen warbixino maaliyadeed oo marin habaabin ah, isla markaana been abuur ah, iyaga oo la wadaagayey dhinacyada ay wada-shaqeeyaan, kuwaas oo ay ku jiraan bangiyada ay ka doonayeen deymaha.

Maxkamaddan ayaa bilaabantay maalmo uun ka dib markii uu xaakinka Arthur F. Engoron uu amar ku saabsan in Trump iyo eedaysanayaasha kiiskan ku wehelinayaa inay ku kaceen “marar kala duwan khiyaano” la xidhiidha warbixinadooda maaliyadeed.

Arrintaas awgeed waxaa xaakinku amar ku bixiyey in la joojiyo dhammaan ruqsadaha ganacsi ee Trump iyo eedaysanayaasha kale ay ku leeyihiin gobolka New York.

Trump ayaase isagu iska difaacay eedaha loo jeediyey isaga oo sheegay inaanu wax dembiya gelin oo la xidhiidha, dhammaan eedaha loo jeediyey.

Trump ayaa ku tilmaamay in si gaar ah ay u beegsanayso xeer ilaaliyaha madowga ahi, isla markaana ay ka dambeyso arrimo siyaasadeed. Trump ayaa sidoo kale weeraray xaakinka Engoron.

Isha:VOA

Daawo: Aqoon is-weydaarsi Netherlands loogu qabtay 200 oo da’yar Soomaali ah

Breda (Caasimada Online) – Magaalada Breda ee waddanka Netherland waxaa lagu qabtay Sebtidii aqoon is-weydaarsi ay ka soo qeybgaleen in ka badan 200 dhalinyaro Soomaali ah oo ka kala yimid cirifyada dalkaasi.

Aqoon is-weydaarsigan, oo ah kii ugu horreeyay noociisa, waxaa soo qabanqaabiyay hay’adda Kardo ee fadhigeedu yahay Magaalada Zwolle, waxaana qabsoomidiisa suurtageliyay “Oranje Fonds”.

Cabduqaadir Cali (Nuune) oo ah Guddoomiyaha hay’adda Kardo, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay kulankan u soo abaabuleen ey tahay in ay kala faa’ideystaan dhalinyarada dalkan wax ku bartay, isaga oo intaas ku daray in ay qaar dhalinyarada ka mid ah oo dalkan ku bartay culuun kala duwan ay tusaale fiican u noqon karaan kuwa ku haminaya in ay ku daydaan.

Kulanka waxaa si weyn uga dhexmuuqday gabdho Soomaali ah; waxaana dadkii ka qeybgalay ka mid ahaa Ganacsade Kadir Ahmed oo ah milkiilaha warshad soo saarta nuucyada kala duwan ee rootiga xalaasha ah.

Sidoo kale, dadkii ka hadlay aqoon isweydaarsiga waxaa ka mid ah orodyahan Maxamed Cali oo guulo taariikhi ah ka gaaray tartanka orodada dalkan NL.

“Nasiib wanaag waxaan leenahay dhalinyaro dalkan wax ku bartay oo ay ku jiraan dhaqaatiir, ganacsato, garyaqaanno, kuwa kaalin weyn kaga jira isboortiga & dhalinyaro ku guuleystay in ay meel fiican ka gaaraan waxbarashada, waxaan soo dhoweynayaa in dhalinyaradaasi la dhiirageliyo” Ayuu yiri C/qaadir Nuune oo ururkiisu uu soo qabanqaabiyay aqoon isweydaarsiga.

“Waxaan dalkan imid 1992-dii, 10 sanno markii aan joogay ee aan waxbarashadeydii dhameystay waxaa igu dhacay “homesick” qofka dhalinyarada ah ee dalkan ku dhashay ama ku barbaaray mar walba waa inuu maskaxda ku hayaa inuu dalkeenii u baahan yahay in gadaal loo fiiriyo” Ayuu yiri Cabdulqaadir Nuune, isaga oo walaac ka muujiyay in dhalinyarada qaar uu ku yimid wax la yiraa “identity crisis”.

“Dalkan waxaa caadi ah in mararka qaar adigoo isku haysta inaad tahay qof dalkan u dhashay in lagu weydiiyo; Waddankee ayaad u dhalatay.? Jawaabtaadu, marka ay noqotay waxaan u dhashay Netherland, mar kale ayaa lagugu celinayaa su’aashii oo lagu leeyahay: Asalkaaga/waalidiintaa waddankee ayeey ka yimaadeen.? Adigoo isku haystay inaad Hollandeys tahay ayaad ku qasbaaneysaa inaad sheegto dalka aad ka soo jeedo, marar badan bay dhacdaa, haddaadan adigu ku kalsoonaan inaad tahay Afrikaan ka yimid Geeska Afrika oo Soomaali ah, waxaa kugu dhacaya identity crisis” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo ugu baaqay waalidiinta in ay caruurta inta ay yar yihiin u sharaxaan taariikhda wanaagsan ee dalkooda.

Daawo: Ragii lagu waayey musuqa oo galabta lasii daayey iyo go’aan kale oo ka soo laabtay xukunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Eedeysanayaashii ay dhageysiga dacwadoodu socotay labada bilood ee toddobaadkii lasoo dhaafay maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in dambiga lagu waayey ayaa galabta laga sii daayey xabsiyadii ay ku xirnaayeen.

Xubnahaan oo xabsiga ku jiray tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay oo maxkamaddu ay wax dembi ah ku weysay ayaa xabsiga ku sii jiray, waxaana la ogaaday in xukunkii dhacay uu racfaan ka qaatay xafiiska xeer ilaalinta.

Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo Agaasimayaal kasoo noqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee XFS iyo Aadan Maxamed Cabdi oo kuwada xirnaa CID iyo Cabdulqaadir Cabdi Socdaal oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ayaa dhammaantood la sii daayey sida ehelkooda iyo qareenadii u doodayeyba ay noo xaqiijiyeen.

Sida la shaaciyey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa dalbaday racfaan, waxayna kiiska raggaas u gudbiyeen maxkamadda darajada labaad ee gobolka Banaadir, taas oo la aaminsan yahay inay sabab u noqotay ragaas xabsiga lagu sii hayo.

Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Faarax Cabdiraxman oo ka qeyb galay dood uu TV-ga Universal ku falanqeeyey kiiska masuuliyiinta dembiga lagu waayey ee weli xiran ayaa cadeeyey inay dalbadeen Racfaan oo maxkamadda darajada labaad ay u gudbiyeen dacwadooda.

“Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, racfaan ayuu ka qaatay xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir, waxaana u gudnay maxkamadda racfaanka, in qofka la heysto uu xabsi ku sii jiro iyo in la fasaxana waa shaqo maxkamadeed,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka.

Xeer ilaaliye ku xigeen Faarax Cabdiraxman ayaa ka meer meeray markii la weydiiyey inay dalabadeen in raggaas ay xeer ilaalintu dalbatay in xabsiga lagu sii haayo, wuxuuna sheegay in xabsiga iyo qofka ku sii jiray ay maxkamaddu leedahay go’aankiisa.

“Dalku waa furan yahay, maxkamadda ayaa laga yaabaa inay qiimeysay xaaladda lagu jiro, sababtoo ah dad la aaminay oo xitaa damaanad lagu daayey ayaa dib dambe loo waayey,” ayuu yiri Xeer ilaaliye ku xigeenka qaranka Faarax Cabdiraxman.

Hoos ka daawo

Xog: Isbaheysigii Murusade, Xawaadle iyo Cayr oo fashil ku dhow iyo hal beel oo furinta ku hartay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Shalay waxaa deegaanka Waradhuumale ee gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Maxaas looga dhawaaqay is baheysi loogu magac daray Kulmis oo seddax beelood ay sameysteen.

Beelaha kala ah Murusade, Cayr iyo Xawaadle ayaa halkaas uga dhawaaqay isbaheysi ay dagaalka Al-Shabaab isaga kaashanayaan, waxayna qorsheysteen inay xorey doonaan ilaa Galhareeri, balse maxaa dhacay?

Sida ay ogaatay Caasimada Online furintii hadda waxaa ku sugan kaliya ciidamadii iyo masuuliyiintii ka socday beesha Cayr, waxaana dib uga laabtay furintaas masuuliyiintii iyo ciidamadii ka kala socday Xawaadle iyo Murusade.

Isbaheysigii looga dhawaaqay Waradhuumaleh ayaa maalinkii koowaad lagu kala tegay talo la’aan, sida ay ogaatay Caasimada Online, masuuliyiin ay hoggaaminayaan Cali Jeyte iyo Xildhibaan Jacfar ayaa ku laabtay Maxaas, iyagoo raggii ay ka tageen u sheegay inay u soo dirayaan ciidan 100 askari ah.

Dhankooda masuuliyiintii Murusade ee Guriceel ka baxay ayaa dib ugu laabtay Guriceel galabtii isbaheysiga lagu dhawaaqay habeenkeedii, iyagoo aan sheegin sababta ay dib ugu laabanayaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DF Xasan Macalin ayaa hoggaaminayey masuuliyiinta Murusade oo qiyaastii 10 qof iyo ciidan badan ku tegay furinta, sidii ayeyna ugu laabteen Guriceel, iyagoo aan furinta ku hoyan hal habeen.

Masuuliyiintii beesha Cayr iyo ciidankiida oo markii horaba la isugu tegay deegaankooda Waradhuumaleh ayaa weli ku sugan furinta, iyagoo la yaaban sababta ay Murusade iyo Xawaadle uga dhabey la’yihiin balantii la galay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal ah.

Masuuliyiintii iyo ciidamadii Murusade oo dhan ayaa isugu tegay Guriceel, Dhuusamareeb iyo Maxaas, waxaana lagu wareersan yahay sababta aysan dagaalka u soo geleyn, sida ay xogtaan ku soo gaartay Caasimada Online.

In la dhiso isbaheysigaan waxaa lagu go’aamiyey shir uu Madaxweyne Xasan Sheekh Dhuusamareeb kula yeeshay siyaasiyiinta seddaxdaas beelood oo lagu daray Duduble oo aan imaan halkii looga dhawaaqay isbaheysigaan cusub oo ah deegaanka Waradhuumale.

Daawo: Shuute oo shaaciyey qiso ku kaliftay inuu dil ku xukumo saaxiibkiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cali Nuur Shuute guuddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ka sheeheeyey qisada saaxiibkiis ay isla soo koreen oo dil toogasho ah uu ku xukumay.

Shuute, markii uu xogtaan soo bandhigay wuxuu u khudbeynayey saraakiisha ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka oo maalmahaan lagu abaabulayey magaalada Muqdisho, si loogu celiyo furimaha dagaalka.

Guddoomiye Shuute oo ah nin sharciga ku ad-adag ayaa sheegay in saaxiibkiis ay isla soo koreen uu cunug yar dilay isagoo sarkaal ah, kadibna maxkamadda lasoo taagan.

Baaritaan kadib waxaa maxkamadda u cadaatay in Shuute saaxiibkiis uu dilkaas u geystay si bareer ah, taas oo kaliftay in isagana uu ku xukumo dil.

Mar uu sharaxay sababta uu sarkaalkaasi u dilay cunuga, wuxuu yiri “Sarkaalka saaxiibkey ah markii Maxkamadda la keenay waxaan weydiiyey sababta uu u dilay wiilka yar wuxuuna ku jawaabay ‘qorigii aan watay ayuu yiri biyo ayaa ka dhaca, ana xabad ayaan madaxa uga dhuftay’ sidaas ayuu ku dhintay wiilkii yaraa ee banooniga ciyaarayey,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiye Shuute ayaa intaas ku sii daray in saaxiibkiis uu ku xukumay dil una sheegay in loo tooga doono sidii uu u toogtay cunuga yar, balse wuxuu sheegay in weli uu nool yahay ninkii oo reerkii cunuga dhalay ay cafiyeen.

“Toogasho ayaan ku xukumay saaxiibkey aan jeclaa si loo qisaaso oo xadka looga oofiyo, laakiin nasiib ayuu lahaa  oo reerkii ayaa cafiyey iyadoo tiirka loo sii wado, ninkaas aad ayaan u jeclaa oo saaxiibo isku qaaliya oo isla soo koray ayaan aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shuute.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay weli saaxiibo yihiin oo uu u yimaado, laakiin ciidanka laga saaray “Waa ii yimaadaa mar kasta, dadka aniga iyuu iigu jecelyahay, waxaan ku canaantay ciidan dambe ha isku gelin, hadaaba qofkii ku caaya madaxa xabad uga dhufaneyso,” ayaan iri ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa saraakiishii uu u khudbeynayey ee GOR GOR wuxuu ka dalbaday inay meel iska soo dhigaan ‘nin jecleysi’ oo sharciga ciidanka ay ku dhaqmaan, taariikhdu ay u xusto.

Hoos ka daawo qisadaan

War ka cusub Shabaab gudaha u galay degaan hoostaga Mahadaay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaya in haatan soo galeen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo todobaadkii u dambeeyay ay ka soo gudbayeen dhinaca Webiga.

Ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la sheegaya in howl-gallo ka dhan ah xubnahahan soo galay deegaankaas ka fuliyeen halkaas, kuwaasi oo ah dagaallo toos ah iyo duqeymo.

Maamulka HirShabeelle oo sheegay inay la socdaan xogta xubnahan Shabaabka ah ayaa sidoo kale ku goodiyay guluf culus oo ka dhan ah Shabaab.

Wasiirka Amniga Maamulka Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo arrinkaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ciidamada huwanta faray iney feejignaan dheeri ah muujiyaan.

Al-Shabaab ayaa doonaysay in dagaal-yahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli marxaladd xasaasi ah uu marayo dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida ba’an loogu laayay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhul ballaaran oo kooxda ay sanado badan gacanta ku haysay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Galdogob

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Goldogob ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Maleeshiyo beeleedka oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug, ayaa waxa uu dagaalkooda salka ku haya muran dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla.

Deegaanka ay haatan dirirtu ka dhacayso ayaa lagu magacaba Dalsan, wuxuuna ku yaalla meel ku dhow xuduudka Itoobiya, waxaana maamul ahaan laga xukumaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu soo waramay in ugu yaraan 5 qof ay galaafatay dirirtaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamo ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku baxeen colaadda, si loo joojiyo dirirta u dhaxeysa labada maleeshiyo beeleed.

Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka.

Sawirro: Doorasho maanta ka dhacday Villa Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Majlis Shuurada Qatar ayaa maanta doorasho ku qabsaday xarunta Villa Hargeysa.

Xubnaha guddiga ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya, waxayna doorashada ku dhacday hab gacan taag ah.

Waxaa guddoomiye loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortaySenator Axmed Maxamed Saciid (Irbad). Sidoo kale xubnaha guddiga xoghaye u doortay Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi.

Xubnaha la doortay ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal.

Guddigan ayaa waxaa 24-kii bishii hore si wada-jir ah u magacaabay guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Magacaabida guddigan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Sidoo kale xukuumadda Dooxa ayaa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Maxay aheyd farriinta uu Axmed Al-Rumaithi soo gaarsiiyay Xamza?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa kulankaan uga wada-hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

Mudane Xamza ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Danjire Al-Rumaithi ayaa mahad-celin kadib, wuxuu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu adkeeyey danjiraha sida ay dowladda Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

Danjire Al-Rumaithi ayaa ugu dambeyntii ra’iisul wasaare Xamza soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha DECEMBER 2023.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa haatan leh xiriir wanaagsan, kaasi oo aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay.

Madaxda dalka oo war kasoo saartay geerida duqii hore ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo mads’uuuliyiin kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay geerida ku timid AUN marxuum cali Ugaas Cabdulle oo maanta ku geeriyooday isbitaalka Digfeer, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, sidoo kalena dhalay Ugaaska Beesha Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, qaraabada iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Cali Ugaas Cabdulle ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey nabadaynta iyo horumarka dalkeenna

Madaxweynaha ayaa xusay  in Marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalkeenna soo maray, Alle ha u naxariistee Cali Ugaas  ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga  iyo Duqii Magaalada Muqdisho Sanadkii 1987-1990,

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiis, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ku geeriyooda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Xamza ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Sidoo kale waxaa ka hadlay geerida ku timdi marxuumka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, madax dhaqameedyada iyo qayabaha kala duwan ee bulshada.

Marxuum Cali Ugaas ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqii Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Jubbaland oo isbeddalkii ugu horeeyay ku sameysay maamulka degmo ka tirsan GEDO

0

Luuq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee degmada Luuq ee ay soo magacowday Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kuwaas oo uu wareegto kusoo magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan.

Sayid Aadan ayaa shalay xilalkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye iyo guddoomiye ku xigeenkii koowad ee degmadaasi Jeelle Xuseen Cabdi, wuxuuna u magacaabay mas’uuliyiin cusub, sida lagu shaaciyay wareegtada haatan soo baxday.

Daahir Muxumed Nuur (Caato) ayaa waxaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee  Luuq, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aad isna loo magacaabay Jabarti Isaaq Aadan.

Munaasabad ka dhacday degmada Luuq, ayna ka qayb-galeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa xilalka kula wareegay maamulka cusub ee lasoo magacaabay, inkastoo guddoomiyihii hore ee degmada Luuq, Cali Kadiye uu ka maqnaa munaasabadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Gedo Mudane Cismaan Nuur Xaaji (Macallimuu) oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedalka maamul ee dhacay iyo magacaabista maamulka cusub ee degmada Luuq.

“Qof la beddalo maanta ma bilaabaneyso horay ayay u jirtay waa la beddalay maamulkii degmada, waxaana lagu beddalay maamulkaan cusub” ayuu yiri Macallimuu.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay xubnaha cusub inay ka shaqeyaan horumarka deegaanka iyo wax ka qabashada ammaanka guud.

“Waxaan rabnaa in bulshada si wanaagsan loo maamulo, waana filayaa in si wanaagsan loo maamuli doono, annaga magaaladaan waxaan u rabnnaa nabad-gelyo” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha cusub Daahir Caato oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda ka sarreysa ee gobolka iyo Jubbaland.

“Waxaan kula shaqeyn doonaa madaxda iga sarreysa awooddeyda iyo kartideyda inta uu ilaahey i siiyay” ayuu isna yiri guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay.

Gobolka Gedo oo muddo ku jiray go’doon siyaasadeed ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, waxaana si buuxa gobolka ula wareegtay Jubbaland oo markii hore laga diidanaa degmooyinka gobolkaasi, taas oo keentay inuu soo dhmaado khilaafkii dheeraa.

Xog: Horjoogayaal iyo xubno kale oo isku soo dhiibay DF

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ree howlgallada ka wada deegaanada Galmudug.

Xubnahan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 ayaa waxaa ku jira horjoogayaal sar sare, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaan ay iska soo dhiibeen furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga deegaanka Bulacle oo bari ka xiga Dhuusamareeb.

Saraakiisha milatariga ee aan la xiriirnay ayaa shaaca ka qaaday in lasoo dhaweeyay xubnahaan, isla-markaana ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, waxayna intaasi ku dareen inay mari doonaan habraaca loogu talagalay xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa raggan kasoo baxay Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ay wataan hub ay kala goosteen kooxda, ayada oo lagu soo dhaweeyay duleedka Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnahan ayaa kamid ah raggii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud, waxayna horay dhibaatooyin ugu gaysteen shacabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay arrintaan ka hadasho, soona bandhigto xubnaha isa soo dhiibay oo tiro ahaan noqonayo kuwii ugu badnaa oo hal mar soo goostay.

Tani ayaa qayb ka ah xubnaha kasoo tegaya Al-Shabaab, kuwaa soo aad usoo kordhayay maalmihii lasoo dhaafay, waxayna ku timid cadaadiska ay kala kulmaan howlgallada iyo duqeymaha ka soconaya qaybo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, loogana qabsaday dhul ballaaran.

Habar-gidir, Murusade iyo Xawaadle oo ku heshiiyay in…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartAmaha Soomaaliya ayaa u heshiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib shirweyne ka dhacay deegaanka Waradhuumale ee gobolka Galgaduud.

Shirkan oo aha mid xasaasi ah ayaa u dhexeeyay Beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Saddexdaan beelood ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, ayna iska kaashadaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Hiiraan.

Xubnaha shirka ka qayb-galay ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna si wadajir ah u wada geli doonaan dagaalka socda.

Cali Jayte oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay heshiiskooda, wuxuuna sheegay in Beelaha Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qeyb-aato la dagaalanka Al-Shabaab, isaguna uu wax ka hoggaamin doono dagaalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilligan la joogo watigii la’iska dulqaadi lahaa Al-Shabaab, ayna muhiim tahay inay u wada midoobaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xiligi aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay sadax beelood waa inaan dhulkeena ka xureyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaanada kulanka qeybta ka ahaa ayaa xusay in go’aanka ay gaareen saddexda beelood uu yahay midkii lagu soo gabagabeyn lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda Galmudug iyo HirShabelle.

“Waa markii ugu dambeysay, wax badan ayaa isku imaanay oo aan wada-hadalnay, welina nimankii waa joogaan, laakin waa inay maanta ugu dambeysaa hadalka oo aan iska kicino nimanka” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar.

Si kastaba, gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogleh oo ku aadan la dagaalanka Al-Shababa, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

Aadan Barre oo ku hanjabay inay ugaarsi ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku hanjabay inay ugaarsi ka dhan ah dadka dhaqaalaha ku taageera kooxda Al-Shabaab ay ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya. 

Wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay dalka Kenya ka wadaan, isagoo sheegay in laga adkaan doono kooxaha carqalada ku ah ammaanka dalka Kenya. 

“Waanu ugaarsan doonnaa argagixisada xataa Soomaaliya gudaheeda. Waxaan kula macaamili doonnaa gudaha iyo dibadda dalkayaga,” ayuu yiri Aadan Ducaale.

Ducaale ayaa ku adkeystay in kooxaha amnigu ay si adag uga shaqeynayaan sidii ay uga adkaan lahaayeen mintidiinta iyo sidoo kale in ay bartilmaameedsanayaan maalgeliyayaashooda. 

Wuxuu sheegay in xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu ballan qaaday in Dowladda Kenya ay ka taageeridoonaan la dagaalanka argagaxisada dalka iyo gobolka xilli uu dhawaan socdaal ku tagay dalkaas.

“Waxa uu halkan joogay laba maalmood. Waxaan wadaagnaa sirdoonka, waxaan ka wada shaqaynaa dalka, gobolka iyo Geeska Afrika si aan si go’aan ah uga hortagno kaabayaasha argagixisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ducaale.

Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaanahan kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobollada ku teedsan xuduudda Soomaaliya.

Xog: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo lagu casuumay Muqdisho – Yaa u yeeray?

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Awcali (Fardhiye) ayaa markii u horraysay tan iyo intii la doortay marti qaad rasmi ah ka helay Villa Somalia, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida laga soo xigtay xubno ku dhow, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku casumay Hoggaamiye Firdhiye.

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta SSC-Khaatumo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Muqdisho kadib casumaadda uu ka helay Ra’iisul wasaare Xamza.

Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa la kulmaya Madaxda dowladda Federaalka iyo sidoo kale Beesha Caalamka, gaar ahaanna Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Deeq-bixiyaasha ku sugan Muqdisho.

Dhinacyada ayaa la filayaa in uu kala hadlo Arrimaha Mashaariicda Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadanimo islamarkaana uu ka dalbado Hay’adaha kala duwan in ay ka hawl-galaan Gobollada SSC-Khaatumo.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa horraantii bishii September looga dhowaaqay magaalada Laascaanood kadib markii ciidamada deegaanka ay dagaallo halkaas ka dhacay uga guuleysteen ciidamada Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maamul doonaya inuu ka mid noqdo maamullada fedraalka Soomaaliya, hase yeeshee Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba wali sheegta in deegaanada maamulka ay ayaga hoos tagaan.

Ma cadda haddii Firdhiye uu madaxda dowladda federaalka kala hadli doono arrimaha federaalka iyo in kale.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa Jowhar + Sawirro

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan.

Dabkan ayaa ka billowday Foorno lagu sameeyo Buskudka iyo Xalwada, taas oo ku taalla dhhinac koonfureed xaafadda Hantiwadaag, wuxuuna geystay khasaare hantiyeed.

Dabka ayaa baabi’iyay Foornada iyo sidoo kale goobo kale oo u dhowaa, balse ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaasi.

Dadaallo kala duwan oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayaa keentay in markii dambe lagu guulaysto dabkan oo baaxadiisu aad u weyneyd, balse laga hortagay.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, waxayna sheegeen in bubur xoogan uu soo gaaray goobaha qaar ee suuqa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dabka uu saacado qaatay, isla-markaana ay ugu wacan tahay, dab damis yari iyo sidoo kale waqtiga oo ahaa xilli habeen ah.

Jowhar ayaa leh hal baabuur oo dab damis ah, kaas oo mararka qaar ganacsatadu ka cowdaan inuu soo daaho, xilli loo baahdo gurmadka deg-degga ah.

28-kii bishii bishuu August ayay aheyd markii uu isla suuqaan ka kacay dab xoogan oo ka dhashay koronto, kaas oo baabi’iyay goobo ganacsi oo ku yaalla suuqa magaalada Jowhar.

Waxaa kasoo horreeyay oo ,aalmo ka hor sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Maxay yihiin shaqsiyaadka ay qabteen ciidanka SSC-Khaatumo?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada SSC-Khaatumo, gaar ahaan kuwa xasilinta ee magaalada Laascaanood ayaa howl-gallo kala duwan ka sameeyay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Howl-galladan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Laascaanood ayaa waxay ciidanka kusoo qabteen dad dhowr ah.

Shakhsiyaadkan ayaa ku eedaysan in aysan u hoggaansamin “nidaamka dowliga ah” ee kal hore Laascaanood looga dhawaaqay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga SSC.

Saraakiisha ciidanka ayaa sidoo kale waxay sheegeen in shaqsiyaadka ay ciidanka ku qabteen howl-galladii u dambeeyay loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee maamulkaasi.

“Sharciga ayaa la horgeyn doonaa, waxaana go’aan ka gaaraya garsoorka,” ayey u sheegeen warbaahinta maxaliga ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ciidanka la magac baxay xasilinta ee Laascaanood ay maalmihii dambe ay wadeen howl-gallo culus, kuwaasi oo qoryaha looga xareeyay qaar kamid ah dhalinyarada Laascaanood oo qoryahooda la dhex marayay magaalada.

Si kastaba, markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, ayaa waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland.

Sawirro: Gaari qaraxyo laga soo buuxiyay oo la fashiliyey

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in degmada Doolow ee gobolkaasi lagu fashiliyay qarax culus oo ay soo diyaarisay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa fashiliyey qaraxaas, ayaga oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha qarxa.

Inkasta oo weli la xaqiijin bartilmaameedka gaariga qaraxa ee la fashiliyay qorshihiisa, balse laamaha ammaanka ayaa laga soo xiganaya in kooxda u socotay inay ku gumaaddo shacabka degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi oo si kooban uga hadlay arrintaan ayaa wuxuu uga mahad-celiyey ciidanka amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta shirqoolada kooxda oo ku soo aruurtay qarax uun, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay ciidamada ammaanka in la joogteeyo shaqada adag isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeraad ah.

Qaraxa la fashiliyay ayaa imanaya xilli maleeshiyada Al-Shabaab ay maalmihii u dambeeyay culeys soo saareen gobolka Gedo, ayada oo bar-kontorool ka sameystay waddada xiririisa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Si kastaba, Kooxda oo wajaheysa guluf culus oo isku garabsanayaan ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan, ayaa sida muuqata xilligaan culeyska saareysa goobaha aysan markii hore ku xooganeyn, xilli laga xoreeyay deegaano badan.