26.6 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xogta halka laga soo tuuray hoobiyeyaasha maanta lagu gaaracay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad iyo faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa tiro madaafiic ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.,

Hoobiyeyaasha ayaa tiro ahaan gaarayay illaa 8, waxayna qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guryo ku yaalla xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad isku qoys ah oo deganaa guryahaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo xaamilo aheyd oo isbitaalka ku geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray 4 qf oo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicdaan laga soo tuuray dhanka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xubnaha fuliyay weerarkan ay wateen gaari, isla-markaana ay hoobiyaha la fuuleen buur ku taalla degmada Kaxda, kadibna ay sidaas kusoo duqeeyeen qaybo kamid ah xaafadaha ku yaal caasimada.

Waxaa sidoo kale degmadaas tegay ciidamo boolis oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Galbeed, Gaashaanle Mohamed Abdulkadir Nuur Geedi (Mooshin), waxayna illaa iyo hadda ay howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa dhankooda innoo xaqiijiyay inay arkeen xubnaha Al-Shabaab oo saaran buurta, kadibna ridaya hub culus, taas oo keentay in cabsi xoogan ay dareemaaan shacabka oo mar dambe isugu soo baxay banaanada hore.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin ah oo illaa iyo hadda ciidamada boolisku ay kasoo saareen howlgalladooda iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.

ATMIS oo ku biirtay dagaalka lagu soo afjarayo Shabaabka ku go’doonsan Sh/Dhexe

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ay haatan ku biireen dagaalka ka socda aagga deegaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay, halkaas oo ay muddo ku go’doonsan yihiin Shabaab badan.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu soo warramayaa inay maanta duqeymo ka bilaabeen halkaasi, kuwaas oo ay ku garaacayaan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.

Howlgalka xoogiisa wuxuu ka socdaa jiinka wabiga Shabelle, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS iyo duqeymaha wadaan ayaa timid, kadib markii ay todobaadyo badan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka Al-Shabaab kula dagaalamayeen dhulkaasi oo ah howd, hadane ay godad waa weyn ka qoteen Al-Shabaab.

Dhulka oo ah mid aan la gelin karin, godad iyo buuro leh ayaa keentay inay gabaadyo ka dhigtaan maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna howlgalku qaatay maalmo badan.

Ujeedka ayaa ah in kor iyo hoos laga weeraro xubnahaasi, si meesha loogu soo afjaro, maadaama inta badan deegaanadii kale laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo HirShabelle oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama wajiga koowaad ee howlgalka socda looga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla gobolkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, waxaana haatan dagaalka xoogiisa uu ka socda maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Wareysi: Maamulka Maxaas oo shaaciyey khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa degan xaalada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku dagaalameen ciidamada dadka deegaanka iyo guuto ka mirsan militeriga Soomaaliya oo Maxaas degan.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Maxaas oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay israsaaseyntii ka dhacday gudaha degmada Maxaas.

Maamulka degmada Maxaas ayaa shaaciyey in laba nin oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen israsaaseynta, halka laba askari oo kale ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen.

Wuxuu sheegay masuulka u hadlay maamulka degmada Maxaas, in markii hore uu dagaalkaasi ka bilowday dilka nin oday ah oo askari ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku dhex toogtay suuqa degmada, oo xiligaas aad u mashquul badnaa.

Intaas kadib wuxuu sheegay in ciidamada deegaanka ay weerareen guutada Khaalid Binu Waliid oo askariga dilka geystay uu ka tirsanaa, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal culus oo xalay maqribkii kadib soo gaaray.

Israsaaseyn xoog leh kadib, ciidamada Khaalid Binu Waliif ayaa dib uga gurtay goobta, waxayna ku aruureen xeryahooda, intaas kadibna waxaa magaalada ka bilaabatay waan waan ay wadaan masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiil uu ku jiro Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo hoggaaminaya guutada Militeriga ah ee Maxaas dagaalka ku gashay.

Ciidamada uu hoggaaminayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa muddooyinkaan ku sugnaa degmada Maxaas halkaas oo si nabad ah ay ku joogeen, balse maanta ayey dadka ku nool magaaladaas kala kulmeen caro xoog leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xalay oo dhan waxaa Maxaas ka socotay waan-waan xal loogu raadinayo gacan ka hadalkii dhex maray labada ciidan ee kala ah guutada Khaalid Binu Waliid oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo maleeshiyaadka hubka qaatay ee dadka deegaanka oo dagaal adag la soo galay Khawaarijta Al-Shabaab.

Duqa Muqdisho oo ka dagay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarat magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaale ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale oo kamid ah bulshada deegaanka.

Intaas kadib duqa magaalada Muqdisho ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweyne Xasan Sheekhm Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale.

Yuusuf Madaale ayaa waxaa u yeeray madaxweynaha oo halkaas ku sugan muddo ka badan 50 cisho, waxayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddoomiyaha gobolka ayaa wax laga weydiin doonaa xaalada ammaan ee kasoo kordhay Muqdisho, kadib markii ay ka dhaceen qaraxyo xoogan.

Sidoo kale waxa ay labada mas’uul iska xog wareysan doonaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa iyo xubno Shabaab ah oo la sheegay inay soo galeen caasimada, kuwaas oo kasoo cararay furimaha dagaalka ee gobollada dalka.

Horay Dhuusamareeb waxaa u tegay guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo iyagu shalay kulan lasoo yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhammaan, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay qayb ka yihiin abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.

Daawo: Siyaasiyiinta K/G oo shaaciyey hal arrin oo Xasan Sheekh uu ka codsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco deegaanada maamulkaas, isla markaana doorasho la aado bilaha soo socda ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, waxayna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha looga hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, hadana u sharaxan madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo garbihiisa ay taagnaayeen siyaasiyiintii u raacday Dhuusamareeb ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Wasiir Fargeeti oo faahfaahin oa bixiyey waxyaabihii ay kala soo hadleen Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu horeyn ay Xasan Sheekh kaga soo tacsiyeeyeen geesiyaashii ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee hoggaamintiisa uu u joogo magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale wasiir hore Fargeeti ayaa sheegay in Madaxweynaha ay u soo cadeeyeen inay ku garab taagan yihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana dhawaan ay K/Galbeed ka bilaabi doonaan abaabul dagaal oo loogu diyaar garoobayo wajiga labaad ee dagaalka oo ka bilaaba doona Jubbaland iyo K/Galbeed.

“Madaxweynuhu wuxuu warbixin naga siiyey dagaalka Khawaarijta, wuxuu noo sheegay inuu gabagabo ku dhowyahay wajiga koowaad, waan ku bogaadinay dadaalkiisa, waxaana ka balan qaadnay in doorkeena uu ka soo muuqa doono wajiga labaad oo ku aadan K/Galbeed iyo Jubbaland,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti.

Intaas kadib, wuxuu sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen arrinta doorashada, iyagoo ka dalbaday in isaga iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay qaataan doorka kaga aadan fulinta heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen ee Baydhaba looga gaaray muranka doorashada.

“Waxaan Madaxweynaha dib u xusuusinay heshiiskii laga gaaray doorashada K/Galbeed, inagoo warbixin ka siinay fashilka maamul ee ka jira K/Galbeed, waxaan madaxweynaha la wadaagnay qorshaha safarkeena Baydhaba oo qaban-qaabo dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta aan ka bilaabi doono iyo doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri.

Warbixintaas kadib wasiir hore Fargeeti wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu siyaasiyiintaan isla socotay ka codsaday inay siiyaan waqti oo mar kale ay wadatashi ugu soo laabtaan.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in qorshaheenii aysan waxaba iska bedelin, waxaan diyaar u nahay oo hormuud ka noqon doonaa dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada K/Galbeed, waxaan kaloo diyaar u nahay in doorashada K/Galbeed ay ku qabsoonto waqtigii lagu heshiiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Fargeeti.

Hoos ka daawo

Ciidanka Danab oo howlgal culus ka fuliyay SH/HOOSE

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ka sameeyay agagaarka degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen deegaano hoos yimaada degmada Wanlaweyn, halkaas oo mararka qaarkood lagu arko xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ururka 4-aad ee guutada 16-aad Cabdullaahi Mustaf Cali (Madaale Qaran), oo sheegay inuu jeedkooda uu yahay baacsiga Al-SHabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku fidiyeen dhul ballaaran oo ku yaalla halkaasi, si ay uga hortageen weerarada Al-Shabaab, una xaqiijiyaan amniga deegaanadaasi.

Ciidanka ayaa sidoo kale inta ay howlgalka wadeen waxa ay la kulmeen qoysas reer guuraa ah oo ay soo barakaciyeen Al-Shabaab, kuwaas oo soo gaaray aagga Wanlaweyn.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka.

Wanlaweyn marka laga soo tego weerarada Al-Shabaab waxaa halis kale ku ah dagaal beeleedyada kusoo noqdnoqday degmadaas, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

Inta badan dagaallada ayaa waxa ay dhex maraan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan halkaasi, mararka qaarkoodna jidgooyin soo dhigta duleedka magaaladaasi.

Hoobiyeyaal lagu garaacay Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, ayada oo dadweynuhu ay kusoo waabaristeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha ay kusoo hoobteen hoobiyeyaasha ay kamid tahay xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, halkaas oo lasoo wariyay khasaare kala duwan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadka ay waxyeelada soo gaartay waxaa ku jiray kuwa isku qoys ah oo uu hoobiyuhu ugu tegay gurigooda, halkaas oo dhibaato ay kasoo gaartay.

Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha, balse waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ayaa dareemaya cabsi xoogan, maadaama halkaas laga maqlayo jugta madaafiicdan lagu garaacayo caasimada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arakayaa ciidamada ammaanka dowladda oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Ankara

Ankara (Caasimada Online) – Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara, kaas oo ahaa “Weerar Argagixiso” oo ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan booliska, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Labo nin oo weerarka soo qaaday ayaa ku yimid gaari ganacsi abaare 09:30 waxayna qaadeen weerarka, ayuu yiri Cali Yerlikaya.

Cali Yerlikaya ayaa sheegay in qof weerarka soo qaaday uu isku qarxiyay afaafka hore ee dhismo wasaaradeed mid kalana “la fashiliyey.

Qaraxa ayaa dhacay saacado uun ka hor inta aan dib loo furin kulanka baarlamaanka.

Ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarka geysatay mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Wararkii ugu horeeyay ee warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in rasaas laga maqlay aagga. Ciidamada Gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ciidamada Boolisku ay xireen dhowr waddo oo ku xeeran aagga.

“Halgankeennu waa uu sii socon doonaa ilaa argagixisada ugu dambeysa laga saarayo,” ayuu Cali Yerlikaya ku soo qoray baraha bulshada.

Xigasho: BBC

Dagaal culus oo galabta ka dhacay Maxaas iyo khasaare dhimasho ah oo ka dhashay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo galabta Maqribkii ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaaka dhashay khasaare dhimasho ah.

Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo kuwada sugan degmada Maxaas.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa labada ciidan ee dagaalamay uga kala geeriyootay dagaalka, waxaana socota waan-waan lagu xalinayo gacan ka hadalkii galabta ka dhacay Maxaas.

In kastoo ay socdaan dadaalo lagu xalinayo xiisadaan, hadana waxaa waxaa caawa Maxaas ka taagan xiisad culus oo difaac ayey isugu jiraan ciidamadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii askari ka tirsan guutada Khaalid Binu Waliid ee xoogga dlaka uu maanta gudaha degmada Maxaas ku dilay nin ka tirsanaa ciidanka dib u xoreynta deegaanka.

Ciidanka deegaanka oo ka carooday askariga la dilay ayaa weerar ku qaaday ciidamada guutada Khaalid Binu Waliid oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Is rasaaseyntaas waxaa la xaqiijiyey in hal askari looga dilay guutada uu hoggaamiyo Ismaaciil Cabdimaalik, waxayna ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalkaas dib ugu gurteen xerada ay ka degan yihiin degmada Maxaas.

Goobjoogayaal ku sugan Maxaas ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka deegaanka ay wadaan is uruursi xoog leh, iyagoo muujinaya dhiilo colaadeed, balse masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha ciidanka guutada Khaalid Binu Waliid ayaa wada dadaalo lagu dejinayo xiisadda.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, dhimashada ayaa hadda ah hal iyo hal, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay is fara saaraan labada ciidan, balse waxaa socda dadaalo xoog leh oo xal loogu raadinayo xiisadaan.

Daawo: Gor Gor oo dagaal u diyaarsan iyo Shuute oo digniin siiyey ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor Gor ayaa loo diyaariyey in mar kale ay ku soo laabtaan furimaha dagaalka, kadib nasiino iyo dib u habeyn maalmahaan loogu sameynayey magaalada Muqdisho.

Xerada Jeneraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la isugu geeyey ciidanka Gor Gor oo hadda u diyaarsan inay ku laabtaan furimaha dagaalka, si ay dalka uga xoreeyaan Khawaarijta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa maanta xerada Jeneraal Daa’uud ugu tegay ciidamada dagaalka loo diyaariyey ee Gor Gor.

Guddoomiye Shuute ayaa ciidanka uga digay inay dhexdooda ku fiirsadaan askari xumeynaya sharafta ay ku dhex leeyihiin bulshada, isagoo kula dardaarmay inay iska dhex qabtaan askarigii sameeya dembi ama meel uga dhaca sharafta ciidankaan qiimaha badan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ciidankaan faray inay Khawaarijta u dhigaan cashiradii ay sii jireen markii ay isku fara saaraan furimaha dagaalka oo hadda ay dib ugu laabanayaan.

Dhinaca kale guddoomiye Shuute ayaa si gaar ula hadlay saraakiisha hoggaamisa ciidanka Gor Gor, isagoo ka dalbaday in iyagoo ka jawaabaya ficil uu sameeyey sarkaal kale aysan dayicin masuuliyadda ay u hayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii guddoomiye Shuute ayaa ciidanka Gor Gor ku amaanay doorka ay kaga jiraan ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira argagixsada Al-Shabaab.

Ciidanka Gor Gor ee hadda dib loo soo abaabulay ayaa ah kuwii kasoo baxay furimaha dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe.

Ciidankaan waxaa u soo dhamaaday fasax ay dowladu siisay, maadaama ay soo xoreeyeen dhul badan oo in ka badan hal sano ay ku soo jireen dagaal toos ah, hadda waxaa dib u qalabeysay dowladda, waxaana maalmahaan lagu soo celinayaa furimaha dagaalka.

Hoos ka daawo

Nin qarax ka gaystay Kismaayo oo nolosha lagu qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsi lagu eedeeyay inuu qarax ka geystay gudaha magaaladaasi.

Howlgallada ayaa daba socday kadib markii weerar loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka dagan yahay Maxmed Axmed Xayi oo ah taliyaha amniga garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa daba kacay ninka weerar gaystay, kadibna nolosha kusoo qabtay, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen in tallaabo adag laga qaadi doono eedeysanaha, isla-markaana ay ku wareejiyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Qaraxa uu ku weeraray hoyga taliyaha garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa la sheegay in uusan gaysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tago burbur soo gaaray dhismaha.

Laamaha amamaanka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalladu sii socon doonaan, isla-markaana ay bartilmaameedsan doonaan kooxaha ku howlan amni darrada.

Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa badanaa ka dhacay weeraro qorsheysan, dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay Jubbaland u diyaar garoobeyso duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, maadaama uu ka bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka socda.

Xogta kulanka Xasan iyo mucaaradka K/G + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan 50 cisho ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo ugu tegay magaaladaasi.

Madaxweynaha iyo xubnahan oo isugu jiray guddoomiyeyaashii hore ee golaha shacabka BFS iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Gabeed waxay ka wada-hadleen arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladda Koonfur Galbeed.

Ugu horeyn xubnaha mucaaradka ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka iyaga oo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay qaataan doorkooda dagaalka adag ee haatan lagu jiro kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha mucaaradka ayaa si gaar ah warbixintooda ugu muujiyay waalaca ka qaaban gaabiska ka jira doorashada iyo dhaqan-gelinta heshiiskii lagu gaaray Baydhaba, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka.

Dhankisa madaxweyne Xasan ayaa guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kual jirto Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa kooxda.

Sidoo kale wuxuu adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha Koonfur Galbeed ee lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro guullo horumar leh.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa haatan wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan waxayna shalay Muqdisho ku qabsadeen xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, taas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Laftagareen oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Ciidamada dowlada oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxii Buuloburde

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Taliska qaybta 27-aad ee Xoogga ciidamada dalka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay gobolka Hiiraan ayaa maanta qaaday tallaabo, kadib qaraxii ismiidamainta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay gudaha degmada Buuloburde.

Taliyaha qaybta 27-aad Jeneraal Faarax Kooshin oo ay wehlinayaan mas’uuliyiinta degmada iyo xildhibaano ayaa maanta kormeeray amniga waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmadaasi, si ay u qiimeeyaan xaalada Buuloburde oo mararka qaar weeraraan Shabaab.

Faarax Kooshin ayaa mid mid u tegay koontaroolada laga soo galo magaalada, wuxuuna ciidamada faray inay adkeeyaan amniga, si looga hortago dhibaato kale oo dhacda.

Sidoo kale taliyaha iyo mas’uuliyiinta kale ee la socday ayaa booqday buudada degmada, xabsiga iyo goobtii uu qaraxu ka dhacay, si uu usoo arko xaaladda meesha ka jirta.

Waxaa kale oo uu farriin u culus u diray dadka shacabka ah, isaga oo uu ugu baaqay inay ciidamada dowladda kala shaqeeyaan amniga degmadaasi.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Inta badan xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaaa weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo waa weyn la beegsada magaalooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gobolka Hiiraan, maadaama gobolkan uu xudun u noqday kacdoonka shacab ee haatan kusii fidaya dalka intiisa kale.

Xog: BARRE HIIRAALE oo la heshiiyay ciidanka Itoobiya

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xal waara laga gaaray khilaaf soo kala dhex-galay Korneel Barre Aadan Shire oo loo yaqaano (Hiiraale), kadib wada-hadallo xasaasi ah oo ay yeesheen labada dhinac.

Khilaafkan ayaa isku beddalay xiisad dhalisay gacan ka hadal, kadib markii ciidamo taabacsan Korneelka iyo kuwa Itoobiya ay maalmo kahor isku rasaaseeyeen qaybo ka mid ah degmada Doolow, taas oo uga sii dartay xaaladda kacsan ee magaaladaasi.

Kadib Barre Hiiraale iyo saraakiil ka socota ciidanka Itoobiya ayaa isugu yimid miiska wada-hadalka, taas oo keentay in arrinta lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in xaaladda la dajiyo, isla-markaana ciidanka la kala qaado, si aysan mar kale xabad uga dhicin halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Korneelka loo ogolaaday inuu sii joogo degmada, maadaama horay ciidanka Itoobiya ugu amreen inuu ka ka baxo, taas oo keentay xiisadda.

Dadaalladan guuleystay ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa mas’uuliyiinta degmada iyo waxgaradka deegaanka, ayada oo ujeedka uu yahay in xaaladda la qaboojiyo.

Barre Hiiraale oo ah siyaasi caan ah oo kasoo jeedo gobolka Gedo ayaa dhowaan isugu sheegay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay BBC-da, wuxuuna ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan degmada, kuna amreen inuu ka baxo.

Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay degmada Doolow, maadaama maalmihii u dambeeyay ay xiisad ka taagneyd degmadaasi, taas oo hadda meesha ka baxaysa, maadaama khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac uu soo dhammaaday.

Ciidamada huwanta oo ka dhaqaaqay CAMAARA iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay kasii dhaqaaqeen gudaha magaalada Camaara, ayaga oo u jiheystay deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ujeedka ciidanka huwanta ayaa ah inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhammaan deegaanada hoostaga Camaara, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay weerari doonaan saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, si ay uga saaraan guud ahaan dhulkaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalkooda uu ku wajahan yahay dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaas, si looga hortego weeraro ay sheegeen inay kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta  Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo deeganaka.

Waxaa sidoo kale howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo iyagu hawada ka taageera ciidamada dhulka ee howlgallada ka wada Galmudug.

Magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ayaa waxaa todobaadyo kahor la wareegay ciidamada dowladda iyo shacabka, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla deegaanada Galmudug iyo HirShabelle.

Xog ku saabsan weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo saaka aroortii hore lagu qaaday fariisin ay ciidanka xasilinta ku leeyihiin isgoyska deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gaysteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo bam ku tuuray ciidanka, kadibna baxsaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, goobta la beegsadayna ay tahay xarun ciidan.

Sidoo kale ciidamada la weeraray ayaa lagu soo warramayaa inay howlgallo kooban ka sameeyeen Ceelasha Biyaha, kuwaas oo ay ku baadi goobayeen ragga weerarka gaystay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda,

Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimada, kuwaas oo halkaas loo geeyay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa waxa soo galaya Muqdisho.

Inta badan ciidamadan ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeya gudaha caasimada iyo hareeraheeda, si looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo falalka kale ee amni darrada.

Al-Shabaab ayaa inta badan gudaha magaalada Muqdisho ka fuliso weeraro iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay isgoyska Sayidka.

Si kastaba, Kooxda ayaa haatan wajaheysa guluf dagaal oo ka socda inta badan gobollada dalka, kaas oo ay dhul ballaaran ku xoreeyeen ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka.

SWEDEN oo shuruud yaab leh ku xirtay gargaarka ay siiso dowladda Soomaaliya

Stockholm (Caasimada Online) – Bishii May, Wasiirka Gargaarka iyo Wasiirka Socdaalka dalka ayaa warqad wadajir ah u diray dowladda Soomaaliya.

Warqadda oo Telefisnaka Sweden ee SVT arkay ayaa waxaa ku qornaa in la xoojiyo iskaashiga ku saabsan dib u celinta qaxootiga iyo in Sweden oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya ay hadda dib u eegis ku sameyneyso gargaarka, haddii loo hoggaansami waayo isbeddelka cusub.

Ujeedadu waxay ahayd in hoosta laga xariiqo in dawladda cusub ee Sweden ay doonayso in ay dardar geliso dib u celinta qaxootiga Soomaalida, iyo in dowaldda Soomaaliya ku baraarugto isbeddelkan ku yimi siyaasadda gargaarka ee Sweden, ayuu yiri wasiirka gargaarka Johan Forssell (M).

Heshiiska Tidö ee ay wada galeen xisbiga talada haya ee Moderaterna iyo kuwa wax la dhistey ee midigta fog ee SD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay “ku xirto qaybo ka mid ah gargaarka in dalka la siiyo ay mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadiniintiisa oo uu dib u soo celiyo markii loo baahdo”, taas oo sida uu qabo Johan Forssell uu ka dhigan yahay in qayb ka mid ah gargaarka lagala laaban karo haddii loo baahdo.

Go’aankan ayaa waxaa dhaleeceeyey hay’adaha gargaarka ee hela taageerada dalka Sweden.

“Waa inaysan u isticmaalin gargaarka sidii qalab lagu xallinayo siyaasadda qaxootiga,” ayuu yiri Philemon Jazi, oo ah agaasimaha hay’adda Diakonia qaybta Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn in ay heshiiskan saxiixdey, wax war ahna kama soo bixin dhanka Soomaaliya.

Qaxootiga ay Sweden celineyso ayaa badankood ah kuwa sharciga loo diiday ee aan wax dokumenti ah ku haysan Sweden. Dadkaas ayaa hadda ka walaacsan go’aanka ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya, ayada oo haddii ay aqbasho dalabka Sweden uu macnaheedu yahay in boqolaal Soomaali ah oo hadda ku nool Sweden loo celin doono Soomaaliya.

Xog: Xubno ka tirsan DF oo taakeynaya xilka u taagan tahay Marwo Cabdibashir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 27-bisha October ee sandkan waxaa la filayaa in Taariikh weyn laga sameeyo Golaha Midowga Baarlamaanka Adduunka halkaa oo markii ugu horeysay lagu dooran doono  madaxweyne Afrikaan ah waliba Haweeney ah.

Afar haween oo ka soo kala jeeda wadamada Soomaaliya, Tanzania, Senegal iyo Malawi ayaa sanadkan u taagan xilka madaxweynaha Baarlamaanka Caalamka taa oo la filayo in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Luanda ee dalka Angola.

Xildhibaanad Marwo Abdibashir Haggi oo ah Xildhibaan katitsan Golaha Shacabka ayaa kamid ah haweenka u taagan xilka madaxweynaha IPU iyada oo xilal kala duwan u soo qabatay umadda Soomaaliyeed islamarkaana ah shaqsi ay ku weyntahay Soomaalinimada.

Waxaa musharaxnimada Xildhibaanad Marwa si weyn u taageeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyaga oo soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku garab istaagayaan Marwo Abdibashir oo ah Aqoonyahanad Soomaaliyeed oo sidoo kale lasoo shaqeysay hay’ado caalami ah.

Marwo Abdibashiir ayaa hadda ah shaqsiga ugu cad cad ee loo badinayo in xilkan ay ku guuleysato marka la eego musharaxiinta kale ee la tartameysa iyadoo ay xusid mudantahay in hagar daamo ay kala kulmeyo mas’uuliyiin sar sare oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in mas’uuliyiin sar sare oo katirsan xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Wasaaradda arrimaha Dibadda iney aad u taageersan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Tanzania Dr. Tulia Acksan oo xilkan u taagan iyagoo heshiis la galay dowladda Tanzania waxaana Mrs Marwa ay ka dalbadeen iney tartanka ka harto ama ay u tanaasusho haweeneyda ka socota dalka Tanzania, waxaana Labadan mas’uul ay si weyn uga soo horjeedaan in Marwo ay xilkan ku guuleysato.

Dhanka kale waxaa jirta dano waaweyn oo dowladda Soomaaliya ay ka leedahay Tanzania aawadeed in madaxda Soomaaliyeed aysan taageerin marnaba Mrs Marwo oo hadii xilkan ay ku guuleysato guul weyn u ah Soomaaliya iyo Afrika.

Sidoo kale, Soomaaliya waxey dooneysaa in ay ku biirto Ururka Galbeedka Africa EAC oo laga doonayo in ay ka hesho Cod dalka Tanzania.

Waxaa kaloo jirta in Tanzania iyo Mauritius ay tartan kale ugu jiraan  Security Council UNSC sanadka 2024 ay Tanzania ay balan qaadey in ay taasuli doonto Soomaaliya.

Caqabadahaas oo isbiirsdaday ayey kusoo aadeysaa musharaxnimada Mrs Marwo Abdibashiir Haggi oo olole weyn ku jirta islamarkaana aad ay ula dhacsan yihiin aragtideeda hogaamineed siyaasiyiin iyo xildhibaano farabadan oo IPU saameyn weyn ku leh.

Mudane Mahad Ahmed Haji oo ah siyaasi Soomaaliyeed islamarkaana si weyn ula socda dhaqdhaqyada caalamiga ah ee Soomaaliya quseeya oo ka hadlay loolanka socda ayaa sheegay  in  Soomaaliya dan  ugu jirto ku biirida dhamaan IPU, EAC, iyo UNSC waxaana Mahad  noo xaqiijiyey in IPU ay Soomaaliya ugu sii muhiimsantahay , sababtoo UNSC taariikhada ayey ku jirta in Soomaaliya soo qabatey, oo waxaa jira dalal aan weli soo gelin, iyadoo ay adag tahey in dal mar Labaad helo iyadoo ay jiraan dalal kale oo aan xilkaas qaban.

Mar Mr Mahad Hajji uu ka hadlayay rajada Xildhibaanad Marwo ayaa waxa uu sheegay in ay aad u wanaasagn tahay fursadeeda madaxweynenimo waxaana uu tilmaamay in Senegal ay xilkan horay u soo qabatay oo Tanzania ay iyana noqotay Gudoomiyaha kursiga IPU  (Chair of African Group) oo isla haweeneyda hadda u taagan Tanzania ay aheyd islamarkaana aad loo dhaliilay maamulkeeda, waxaana uu tilmaamay in Malwi iyana ay ku adagtahay in xilkan ay hanato sababo jira aawadeed.

Xilka Madaxweynaha Baarlamaanada Caalamka ee IPU oo ah mid soo jirey ilaa 1889 inka badan 134 sano waxey Afrika  soo qabatey Afar  mar oo kaliya, oo Senegal ay kamid aheyd  wali wax dumar ah sooma marin oo African ah. 

Hadii, Xil. Marwo ay ku guuleysato tani kama dhigna in guusha ay Soomaaliya kaliya ku kooban tahey ee waxey ka dhigan tahey in Taariikhda ay gasho Qofkii ugu horeeyey ee dumar ah kana soo jeeda Qaarada Africa, Qaarada America qofkii ugu horeeyey ee dumar ah waxey aheyd Madaxweyne Marwo Gabriela Cuevas Barron oo ka soo jeeda Mexico, Qaarada Asia  waxey ahey Madaxweyne, Marwo Najma Heptulla, oo ka soo jeeda India, walow Europe wali qof dumar ah uusan madaxweyne ka noqon IPU.

W/Q: Abdi Loyal
[email protected] 

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta gaaray xubnaha mucaaradka ah Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ka baxay Muqdisho, isla-markaana tegay Galmudug ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale soo hoggaamiyay Koonfur Galbeed, agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan xubno musharixiin ah.

Ujeedka wafdigan ay u tageen Dhuusamareeb ayaa ah sidii ay ula soo kulmi lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh oo bishii aad dagaalka Shabaab ka hoggaaminaya Galmudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ay laba qodob kala hadli doonaan madaxweynaha, kuwaas oo kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo arinta kale ee ay aadka u daneynayaan ee ah doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharixiintan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh si gaar ah ugala hadli doono dhaqan-gelinta heshiiskii ay horay garwadeenka uga ahayd dowladda federaalka ee ay dhinacyada Koonfur Galbeed ku gaareen magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xubnahaan ay doonayaan inay taageero weydiistaan madaxweynaha, maadaama uu loolan adag kala dhexeeyo Laftagareen, si ay ugu yaaraan dowladdu wax door ah ugu yeelato doorashada kusoo foodka leh maamulka.

Xubnahan ayaa shalay Muqdisho ku qabsaday xaflad weyn oo ay ku muujinayeen cududooda, waxayna ku dhawaaqeen go’aano culus oo ka dhan ah madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay doorashada maamulka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xusid mudan in la joogo xilli lagu balamay inay bilaabato doorashada, si loo soo xulo xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Doorashada marka laga soo tego Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xaalad dhanka amniga ah, maadaama ay inta badan go’doomiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Somalia’s Intelligence nabs Al-Shabab arms dealer

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In a significant stride against illegal arms trafficking, Somali security forces apprehended a major suspect, Zakariya Kamal, on Friday.

Recognized by the Somali government as a pivotal player in supplying weaponry to the terror group al-Shabab, Kamal was captured by Somalia’s National Intelligence Agency (NISA) during the early hours.

The agency’s statement revealed, “This notorious arms dealer, Kamal, was arrested as he was preparing to disappear and seek out the elusive hideouts of the al-Shabab within Somalia.”

Monitored since May, the 28-year-old Somali became a person of interest after NISA intercepted two unauthorized consignments filled with military equipment and potentially explosive substances, ostensibly destined for al-Shabab.

Kamal’s operations weren’t isolated. Acting as the linchpin for a comprehensive arms-dealing consortium, he facilitated procuring and importing these shipments from international sources.

Many of these illegal imports were seized both at Mogadishu’s Aden Ade International Airport and the city’s seaport.

This recent investigation linked Kamal and his network to a smuggling ring, resulting in the detainment of ten individuals. However, NISA refrained from sharing intricate details about the shipment or the identities of the individuals associated.

A gray area remains. While Kamal’s dealings with al-Shabab are undeniable, his affiliation with the group—whether solely for business or as a member—is yet to be determined.

The U.N. arms embargo: History and implications

Somalia has struggled under an arms embargo for three decades, initiated by the United Nations Security Council in 1992 due to the nation’s civil war and subsequent factional clashes.

With a vast, unguarded coastline and porous borders, monitoring the illicit arms transfer has been challenging.

In 2013, recognizing the country’s efforts towards establishing a functional transitional government, the U.N. conceded to a partial relaxation of the ban, granting Somalia the license to procure small arms.

These were aimed at bolstering the national security forces against Islamist militants, although heavy weaponry still faced restrictions.

However, each year sees a renewal of these sanctions, with the primary contention being the unyielding threat of al-Shabab to the region’s peace.

Somalia’s stance, echoing the sentiments of allies like Ethiopia and Uganda—both victims of al-Shabab’s violence—urges the necessity of these sanctions to incapacitate the terror group.

Calls for the lifting of the embargo

Despite the backdrop of sanctions and the constant menace of terrorism, the Somali administration remains committed to countering al-Shabab’s influence.

President Hassan Sheikh Mohamud’s government has actively targeted the group’s financial channels and ideologically combative narratives.

A plea for a complete revocation of the arms embargo is at the heart of these endeavors. President Mohamud asserts that the ban has outlasted its utility.

Supporting this sentiment, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre addressed the U.N. General Assembly, emphasizing Somalia’s robust systems in managing firearms.

He stated, “Annulling this embargo would equip us better against terrorism, fostering a peaceful and thriving Somalia.”