27.2 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd  qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay afarta gees ee magaaladaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay suuq lagu iibiyo hilibka oo ku yaalla xaafadda Indho-ceel ee degmada Buuloburde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah.

Ugu yaraan illaa 6 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buuloburde oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo iyaguna howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan abaabulka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa indhowaanahaan weeraro ku heysay shacabka gobolka Hiiraan, waxayna aheyd maalmo kahor markii weerar is-miidaamin ay ka fuliyeen Beledweyne.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab.

Abuukaate Dudaaye oo ka falceliyay go’aanka maxkamadda gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukaate Cabdullahi Dudaaye oo kamid ah qareenada u doodayay 11 sarkaal oo ay maanta xukuno kala duwan ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir, qaarna ay sii deysay ayaa ka hadlay go’aanka ay maanta gaartay maxkamaddu.

11-ka sarkaal ee la xukumay ayaa sugu jiray agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Sidoo kale waxaa raggan loo haystay eedo ka dhan ah musuq, lunsasho hanti dadweyne, lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.

Abuukaate Dudaaye oo ka hadlayay xukunka maxkamadda ayaa yiri “Gari laba nin kama wada qosliso, hadii gar la galo qofna way farxi doontaa, qofna ma farxi doonto”.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay in la sii daayo qaar kamid ah eedeysanayaashii uu u doodayay, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

“Sida uu u dhacay xukunka marka laga fiiriyo in dadka aan qareenada u ahaynn saddex qofood oo kamid ah ay caawa xaafadooda u hooyanayaan dhankaas marka laga eego waa ku qanacsanahay” ayuu yiri Abuukaate Cabdulaahi Dudaaye.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan u doodista ragga kale ee la xukumay, ayna dacwaddooda la aadi doonaan hay’adaha kale ee ku shaqada leh.

“Arrinta la xiriira qaar kamid ah eedeysanayaasheena xoriyadooda aynan haysan weli ayada oo laga amab qaadaayo qodobada ay maxkamaddu ay tiri waanu ku helnay waa arrin ku qancideeda iyo ku qancid la’aanteeda qaab loo yiraahdaa jirtee qaabka loo yiraahdo aan u dhihi doono ilaah haddii uu yiraahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa markii ugu horeysay oo saraakiil lagu helay in ay ku kaceen arrin la xiriirta Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo lacag dhaqid ay maxkamadda gobolka Banaadir ku rido xukun nuucaan oo kale ah, waxaana weli jira eedeysanayaal kale oo dibad joog ah, kuwaas oo iyana ay dacwad ka taallo maxkamadda, isla-markaana ay socoto doodeeda.

GALMUDUG oo war cusub kasoo saartay qaraxyadii Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmuddug Abshir Cabdi Shiiqow oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saaka ka dhacay duleedka Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa la fashiliyay, isla-markaana ay ka hortageen ciidamada booliska iyo kuwa milatariga ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay boggaadin mudan yihiin ciidamada ammaanka ee isku dhigay labada baabuur ee ku qarxay duleedka caasimada Galmudug.

“Waxaan u mahadcelineynaa oo aan aad u amaaneynaa geesiyaasheenna oo runtii isku dhigay gaadiidkaas miineysnaa, ayaga oo bad-baadinayo shacabkooda” ayuu yiri.

Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxyadaan ay ku dhaawacmeen 2 qof, isla-markaana aysan jirin wax dhimasho ah, sida ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Khasaaraha ka dhashay aad ayuu u kooban yahay Axlm, laba qof ayaa dhaawac soo gaaray, mana jiraan wax dhimasho ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa dhanka kale, farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kuna biiraan dagaalka Al-Shabaab.

Weerarkan la fashiliyay ayaa kusoo aaday, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ku sugan yahay Dhuusamareeb oo uu u tegay dagaalka adag ee lagula jiro kooxd Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe.

W/Q: Bashiir Baarbe

Ciidamada DANAB oo khasaare culus gaarsiiyay Al-Shabaab

0

Badhaadhe (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah ee Danab ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolkaas ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanada Buulo Xaaji, Beernasi  iyo Cusbo oo ka wada tirsan gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 1-6aad ee Danab Taliye Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare lixaadleh gaarsiiyaan Al-Shabaab ayna burburiyeen saldhigyo waa weyn oo ku lahaayeen halkaasi.

Carab Dheeg Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, ujeedkoodana uu yahay in aaggaas ay ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunka KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab.

Jubbooyinka ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaas oo la rumeysan yahay inay kasoo abaabulaan weerarada ay inta badan ka fuliyaan gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo xoogiisu laga dareemayo gobollada dhexe, gaar ahaan Galmudug iyo HirShabelle.

Daawo: Go’aan lama filaan ah oo laga gaaray mas’uuliyiintii loo haystay musuq-maasuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay maxkamadeyntooda ay ka socotay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Raggan oo isugu jiro agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale ayaa ka kala tirsanaa wasaaradda maaliyadda, wasaarada shaqada, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka.

Guddoomiye Saalax Dabaan ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu ridday raggan, ayada oo qaarkood lagu waayay dambiga lagu soo eedeeyay.

Mas’uuliyiinta dib loogu celiyay xoriyadooda waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashoo hore ee wasaaradda shaqada.

Halkan hoose ka aqriso xukunka:-

1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah

3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah

4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukuno ku ridday:-

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah.

2- Cabdiwaaxid Mursal Ibraahim oo maqane ah, ahna shaqaale ka tirsan qaybta ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay dhamaan eedeymihii loo haystay, waxayna maxkamadu u celisay xoriyaddiisa.

3- Cabdullahi Maxamed Cali oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa isna lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

4- Maxamed Cadde Mukhtaar Cabdiraxmaan oo ah agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale lagu waayay qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

Waxaa sidoo kale la xukumay:-

1- Abuukar Maxamed Cali oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, laanta garoonka Aadan Cadde  ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 8 sanno oo xabsi ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada shaqo dowladeed.

2- Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ahaa qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa lagu waayay dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyay, waxayna maxkamaddu u celisay xoriyaddiisa.

3- Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ah maamulaha Bangiga dhexe, laanta garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa lagu xukumay 8 bilood oo xarig ah.

“Xukunkan ciddii aan ku qancin waxaa u furan racfaan muddo ku siman inta uu sharcigu tilmaamay,” ayuu ugu dambeyntii yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

Daawo: Xogta laba qarax oo ka dhacay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro qaraxyo ah oo la doonayay in lala beegsado gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu bishii labaad ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo u tegay dagaalka Al-Shabaab.

Ciidanka ayaaa fashiliyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo ay Al-Shabaab doonayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusanareeb, si ay ugu qarxiyaan meelo bartilmaameed u ah.

Qoraal lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi laga hortegay kadib xogo ay heleen ciidamada ammaanka.

“Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale warbaahinta ayaa ku warrantay in gawaarida qaraxyada siday lagu fashiliyay bannaanka magaalada, taas oo keentay in weerarka sidaas looga hortago.

“Ciidamada ayaa ku guulaystay in labada gaariba ay uga hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas kusii daray “Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha shacabka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Galmudug”.

Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug, kaas oo ay isna ka hortageen ciidamada ammaanka, kahor inta uusan gaarin goobta ay joogeen mas’uuliyiinta oo la sheegay inay bartilmaameed u ahayd kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo iyo duqeymo xoogan, kuwaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dhexe.

Al-Shabaabkii laga saaray Gobollada Dhexe oo culeys saaray gobolka Gedo – Xog

0

Luuq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay culeys soo saareen waddada xiririisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro ka sameysteen deegaanka Geedweyne.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay ku sugan yihiin deegaankaasi.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Shabaabka culeyska soo saaray waddadaasi ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray Gobollada Dhexe.

“Shabaab waxaa lagu qaaday hawlgal ballaaran oo ay qaadday Dowladda Somaliya, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horreyo, dhulkii muhiimka ahaa ay ka joogeen Dowlad Goboleedyada Galmdudug iyo Hirshabelle oo dhan ayaa laga qabsaday. Marka Gobolka Gedo wax dagaal ah kama uusan socon, dhaawacoodii iyo gurmadkoodii oo dhan halkan ayuu ku soo uruuray,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin.

“Markuu ciidan maro waddada way ka taggayaan oo xogtuna way helaan markii ciidanku soo baxayaan, mana joogayaan oo laguma gaarayo,” ayuu yiri gudoomiye Macallimuu.

Waxa kaloo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaankii Shabaab ee waddada Doolow iyo Luuq.

“Talis guud ayaa waxaan ka dhigan doonnaa Geedweyne, sababtoo ah waxaa la go’aansaday in talis guud laga dhigo oo ciidamo la dejiyo, mar dhowna waan ka hawlgalaynaa,” ayuu yiri guddoomiye Macallimuu.

Gudoomiye Macalimuu ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan qorshe la doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro guud ahaanba Gobolka Gedo.

“Annaga xagayaga hawlgalkii weli muusan bilaabanin, laakiin amarkiisa wuu baxay, mar dhow waxaan jacelnahay tallaabooyin adag in la qaadi doono, lagana waayi doono guud ahaan gobolka oo dhan, haddii Ilaahay raali ka noqdo,” ayuu yiri Macallimuu.

Waa Shabaab iyo caadadii in marka meel laga soo saaro ay goob kale culeys soo saaraan.

 

Sawirro: R/W ku xigeenka dalka oo ka dagay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caaismada Galmudug oo lagu soo dhaweeyay.

Saalax ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Mudane Xirsi Gani, Lataliyaha Amniga Ra’iisul wasaaraha Mudane Kamaal Gutaale iyo Mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintan ayaa  waxaa garoonka Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo madax kale,kadibna waxaa loo soo galbiyay gudaha magaalada, gaar ahaan qasriga madaxtooyada.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah inay qayb ka noqdaan gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo lale waxa ay kulamo kala duwan la qadan doonaa Madaxweynaha Qaranka, Madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Horay waxaa magaaladan booqasho ugu tegay guddoomiyeyaasha labada Gole ee baarlamaanka, kuwaas oo madaxweynaha kula soo kulmay xafiiskiisa KMG ah, ayagoo kala soo hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee laga gaaray.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa ka soconaya kacdoon weyn oo iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka, kaas oo uu jeedkiisu yahay in looga adkaayo Al-Shabaab.

Daawo: Xaad oo war culus ka soo saaray dagaalka Shabaab iyo abaabulka socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaciyey inuu socdo abaabul dagaal oo culus oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee beeshiisa.

Nabadoon Xaad oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhamaan Soomaalida ka dalbaday in Madaxweynaha ay ku garab istaagaan dagaalka uu hoggaaminayo ee furinta uu u joogo.

“Dagaalka Khawaarijta waa inaan dhammaanteen daacad ka noqono oo dowladda lagu gacan siiyo” Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo ku hadlay afka beelweynta Hawiye ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dagaalka, “Si buuxda ayaan ugu istaagnay dagaalkaan wax kasta ayaana ku bixi doonaa,” ayuu yiri.

Xaad ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaba doono dagaal saf balaaran ah oo shacabka iyo ciidamada dowladda ay is garab soca doonaan, si loo gaaro deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta Al-Shabaab.

Wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Al-Shabaab, “Dowladnimada Soomaaliyeed ayaa salka loogu dhigayaa dagaalkaan, haka raadinina dan gaar ah, daacad halaga wada noqdo dagaalkaan, sidaas ayaan ku baaqeynaa anagoo odayaasha Hawiye ah,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalkaan uu yeeshay natiijo wanaagsan oo deg deg ah, isagoo tusaale u soo qaatay sida ay u joogsadeen qaraxyadii sida joogtada ah uga dhici jiray caasimadda Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa ka mid ah odayaasha gobolka Galgaduud ka abaabulaya doolaanka lagu xoreynayo deegaanada ay Galgaduud ka degaan beelaha Murusade iyo Duduble oo dhamaantood gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

DF oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka kooban 28 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ay kaga hadleyso xaaladda dalka, taas oo ka kooban 28 qodob, warbixintaan ayaa Arbaco kasta ka soo baxda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qodobada bayaanka DF:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana ka wadahadley iskaashiga milateri ee labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Ibrahim Mete Yagli oo uu wehliyo Taliyaha Dugsiga tababbarada ciidamada ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kalana hadley arrimaha hawlgalada milatari ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay shuhadadii ku naf waayey qaraxii argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, sheegayna in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta Al Shabab.

5-  Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay magaalada New York.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Comoros, Mudane Azali Assoumani.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen  xoojinta xiriirka labada dal.

9- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka, waxaana uu warbixin ka siiyey marxaladda dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullah Bin Zayen Al Nahyan, oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

11- Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamayey jagooyin kaaliyenimo oo ka banaan hay’adaha garsoorka ee dalka.

12-  Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda oo soo qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.

13-  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  ayaa booqday guriga qoyska sarkaal Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa askarigii is hortaagey gaari qaraxyo wadey oo la doonayey in lagu weeraro guri uu ku sugnaa Madaxweyne Qoorqoor.

14- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Kalluumaysiga ee Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidanka Qalabka Sida ee la dagaalamaya Khawaarijta Al Shabaab.

15-  Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee fududeynta deyn cafinta Soomaaliya.

16-  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Naledi Pandor .

17-  Soomaaliya oo si rasmi ah xubin uga noqotay kooxda ciribtirka cudurka cagaarshowga ee Qaramada Midoobay.

18- Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Serbia.

19- Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ( Beenebeene) ayaa magaalada New York kula kulmay Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee WFP Carl Skau.

20- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb-galay xuska maalinta nabadda aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda faraca magaalada Muqdisho.

21- Ciidanka Qalabka ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

22-  Xasan Xuseen Cali  (Maxamed Deeq)  iyo Deerow Macallin Ibraahim (Idiris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

23- Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo lagu soo bandhigay horumarka hannaanka dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

24- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhulka laga xoreeyay Khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada laguna xoojinayo xasilinta.

25- Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan khudbad ka jeediyey Shir duceedka heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka cudurka qaaxada oo lagu qabtey magaaada New York.

26- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyada dadkii ay ku dhaawacmey qaraxyadii Khawaarijta ka geysteen magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

27- Madaxweyne Ku-Xgeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa guddoomiyay shir looga hadlay dardar gelinta hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa  qabatay kulan degdeg ah oo looga hadlayey u diyaargarowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

==============DHAMMAAD==============

Xogta kulan uu taliyaha ciidanka xoogga dalka uu la qaatay taliska DANAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta DANAB.

Taliyaha ciidanks xoogga dalka ayaa waxa uu halkaas kulan kula qaatay taliyaha guutada, taliye ku-xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad DANAB iyo saraakiil kale.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii loo dardar-galin lahaa howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu ku bogaadiyey ciidanka DANAB inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada, kaasi oo wejigiisa koowaad laga gaaray guullo horleh, laguna xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

DANAB ayaa kaalin lixaad leh uga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta, iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen.

Dagaalka Al-Shabaab oo si dardar leh ku socda ayaa waxay ciidamada maalmihii lasoo dhaafay kooxda ka xoreeyeen deegaano cusub, ayada oo madaxweynaha uu bilihii dambe uu dagaalka ka hagayay magaalada Dhuusamareeb oo uu xaryn ka dhigtay.

Kooxda ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa si gaar ah aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Xog: Mucaaradka hubeysan ee Puntland oo u midoobaya Saciid DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland kuwooda ugu miisaanka culus ayaa isku diyaarinaya in bisha soo socota ee October ay shirweyne ku yeeshaan caasimada maamulka ee Garoowe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirweynahan ayaa waxaa lagu mideynayaa dhinacyada kala duwan ee mucaaradka hubeysan, kuwaasi oo qaarkood la sheegay inay dhinac saareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Siyaasiyiintan oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarayaal hore iyo madaxweynayaashii hore ee Puntland, ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee caasimada maamulka ay soo gaaraan kahor bisha October ee soo socota.

Shirweynahan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii dhinacyada kala duwan ee mucaaradka ay uga hortagi lahaayeen muddo kororsi uu sameysto madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayay siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan ku eedeynayaan in barnaamijka “doorashooyinka qof iyo cod” uga dan leeyahay damac muddo kororsi, wallo uu madaxweynaha hore u sheegay in doorashada xilligeeda lagu qabanayo.

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya wararka sheegaya abaabul ay wadaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo doonaya in dowladda loo sameeyo muddo kordhin laba sano ah, si loo dhammaystiro barnaamijka qof iyo cod, oo si weyn ugu ololeynayso kooxda Deni.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.

Sawirro: Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka oo maanta xilka la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta xilka la wareegay.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali.

Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Sarreeye-guuto Madey Nuureey Sheekh ayaa xilka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo taliyihii hore ee ciidanka dhulka xoogga dalka Sarreeye-guuto Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18-kii bishaan September Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu u dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sarre.

Madaxweynaha oo magacaabistaas ku saleeyey sharciga dhismaha ciidanka xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Si kastaba, Taliyaha ciidanka dhulka ayaa kal hore lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse dhawaan ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sarre Dayax oo maanta la wareegay xilkaas, sarkaalkan ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor.

Farqiga mucaaradka Lafta-gareen iyo midka Aadan Madoobe – Saddex arrin ka ogow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka socda labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Labada hoggaamiye ee labadaas maamul ayuu waqtigii ka dhamaaday.

Lafta-gareen wuxuu sanad dheeriya ku helay heshiis siyaasadeed kadib gacan ka hadalkii magaalada Baydhabo, halka Axmed Madoobe uu si iskiis ah u qaatay hal sano dheeriya, iyada oo ay ka daba qeylinayaan dhamaan saamileyda siyaasadeed ee Jubbaland.

Si guud labada dhinacba dadka waxay doonayaan isbeddel hoggaamineed, laakiin waxaa jira farqi u dhaxeeya labada mucaarad ee labadaasi maamul, oo keenay in Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ay maanta isku xaalad ku sugneyn.

1. Aragtida mucaaradnimada

Mucaaradka Jubbaland oo dhowrkii sano ugu dambeysay la dirirayay Axmed Madoobe ayaa wax badan u hirgelin, sababta ugu weyn waxaa loo arkaa in mucaaradnimadii qabiilayeen.

Marwalba oo aad rabto in aad kursi siyaasadeed ka qaadato qofka ku fadhiya haddii aad muujiso in aad reer ahaan u diidan tahay qofkaas ama sidaas u abaabulan tahay, waxaad keenaysa in qofka kasoo horjeeda aad taageerayaal qabiil u sameysid.

Diidmada Axmed Madoobe markii reer ahaan loo eekeysiiyay isna wuxuu helay kuwa reer ahaan u taageersan oo siyaasiyiin iyo shacab ah.

Halka mucaaradka Koonfur Galbeed aanay aadin dariiqaas oo ay diidmadooda ku koobeen Lafta-gareen iyo hab maamulkiisa, waxayna jihadaas u sahashay in dadka, dowladda iyo adduunkaba uu dhageysto sababaha ay u doonayaan isbeddelka.

Marwalba hadafka mucaaradnimada iyo sida loo iibinayo waa muhiim.

2. Labada nin ee la baro in laga kacsado kuraasta

Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ayaa maanta dareemayn cadaadis lamid ah midka Lafta-gareen haysta.

Labada nin waxaa u xiran labo magaalo waa Kismaayo iyo Baydhabo. Labada magaalaba waxaa jooga ciidamo ajnabi ah oo maamulada la qaraabta balse adeegsada magaca ATMIS.

Axmed Madoobe wuxuu asbuucan ugu baaqay mucaaradkiisa inay yimaadan magaalada Kismaayo oo ay la doodaan, halka Lafta-gareen uu diidan yahay in mucaaradkiisa Baydhabo tagaan.

Mucaaradka Koonfur Galbeed wey ogol yihiin inay tagaan magaalada Baydhabo, halka kuwa Jubbaland ay ka cabsanayaan inay tagaan magaalada Kismaayo. Labadaas xaaladood waxay fasirayaan farqiga labada magaalo iyo labada nin ee kala xukuma.

Haddii uu midkood baxayo labadaan hoggaamiye ama uu la kulmayo cadaadis sax ah waxay aheyd inuu kaasi noqdo Axmed Madoobe, maadaama isagu toban sano ka badan joogay xafiiska, laakiin xirfad xumada mucaaradka Jubbaland ayaa sugnaan siisay dadka ka faalloonaya farqiga u dhaxeeya mucaaradka Jubbaland iyo kuwa Koonfur Galbeed.

3. Farsamada mucaaradka labada dhinac

Afar dhinac markii laga eego farsamada oo kala ah; saameynta gudaha deegaanka, saxaafada, cadaadiska dowladda dhexe la saarayo iyo midka beesha caalamka intaba mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kaga horreeya kuwa Jubbaland.

Mucaaradka Koonfur Galbeed si joogto ah ayay dowladda dhexe u arkaan, uguna dhaliilaan gaabiskooda arrimaha Koonfur Galbeed, marwalba waxay cadaadiskooda u geeyaan wakiiladda beesha caalamka, abaabulkooda gudaha iyo farriimahooda saxaafada ayaa sidoo kale xooggan waana midda keentay cadaadiska maanta haysta Cabdicasiis Lafta-gareen.

Mucaaradka Jubbaland dhinacyadaas cadaadiska dhalin lahaa waqti iyo xoolo midna ma gelin waana midda keentay in aan maanta saameyntooda la dareemin, Axmed Madoobe-na uu ku jiro marxaladiisa caadiga aheyd.

Inkasta oo laga yaabo in dadka qaar ku doodaan in xubnaha Lafta-gareen kasoo horjeeda u badan yihiin rag dalka xilal sare kasoo qabtay, taasina ay culeys ka dhigeyso dooddooda, haddana waxaa taas la dhigin oo fursad aheyd in mucaaradka Jubbaland ay iyaguna muddo fog heli kareen gobolka Gedo oo dhan oo ay wax badan shaqo ah ku qabsan kareyn laakiin ay ka faa’iideysan waayeen.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xubnaha Al-Shabaab ay maanta dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gudaha gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen agagaarka deegaanka Yurkut oo hoostaga gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha Al-Shabaab oo wata hub iyo gaadiid dagaal ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen halkaas, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay doonayaan inay isku fidiyaan qaybo kamid ah gobolka, si ay weeraro ugu qaadaan ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee jooga halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Yurkut oo ah meesha lagu arkay xubnaha Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Arrintaan ayaa loo sababeynayaa gaabis xagga ciidamada ah oo ka jira Gedo, taas oo loo arko inay ka faa’iideysaneyso Al-Shabaab, maadaama howlgallo aysan ka socon gobolkaasi.

Gedo ayaa kamid ah gobollo ay qaybo kamid ah ka joogta kooxda, waxaana mararka qaar ka dhaca duqeymo ay ka fuliyaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya.

Si kastaba, waxaa dhowaan la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo xoogiisa ku wajahan maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

 

Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday baabuur uu la socday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmadaas, Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo loo yaqaano (Seedi-Xume) walow uu ka badbaaday weerarka qaraxa ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah ciidanka ilaalada ee taliyaha qaraxa lala eegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen dhaawacyada labada qof oo haatan lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Dayniile.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa inuu si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen ee degmadaasi.

Dayniile ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmadaasi.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.

XOG: Deni, Laftagareen iyo A/Madoobe oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isugu tageen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa haatan magaalada Nairobi ku wada sugan madaxweynayaasha saddexda maamul goboleed ee kala ah, Koonfir Galbeed, Jubbaland iyo Puntland oo kulamo qarsoodi ah ku yeeshay caasimada dalka Kenya.

Laftagareen, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa lasoo wariyay inay isbaheysi ku dhisayaan halkaasi, maadaama ay galayaan doorasho adag oo ay ku kala horreeyaan saddexdooda.

Wararka ayaa sheegaya inay marka hore si gaar ah isku arkeen madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Puntland, ayaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha u gaarka ah, maadaama labadooda ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin adag.

Labada madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa hadda wajahaya xaalado isku mid ah, waxayna loolan adag kala kulmayaan xubnaha mucaaradka ee labadaas maamul.

Sidoo kale waxaa kulan kale oo gaar ah uu dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana lasoo wariyay inay ka wada-hadleen isbaheysiga cusub ee ay hadda ku gardaadinayaan magaalada Nairobi, inkastoo Axmed Madoobe uu haatan aad ugu dhowyahay dowladda federaalka, balse ma cadda u jeedkiisa iyo waxa haatan isbeddalay.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay si foolka fool ah isku arkaan isaga iyo Saciid Deni oo ay mar ahaayeen xulafo siyaasadeed, balse ay ku kala tageen dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo sii kala fogeysay saaxibtinimadii Jubbaland iyo sidoo kale Puntland.

Isbaheysiga cusub ee ay dhisayaan Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka dhan ah  dowladda federaalka, maadaama ay tuhunsan yihiin in doorashooyinkooda ay kula loolami doonaan xubno ka socda kooxda Villa Somalia.

Arrimahan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, xilli dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, uuna hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh.

100 QOF oo ku dhintay aroos isku bedalay tacsi

0

Baqdad (Caasimada Online) – Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii dab uu kacay intii xaflad aroos ay ka socotay hool ku yaalla magaalada Qaraqosh ee waqooyiga Ciraaq, waxaa sidaas Arbacadii sheegay mas’uuliyiinta.

Isbitaalka ugu weyn magaaladan ay u badan yihiin dadka Kirishtanka ah ee ku taalla bariga Mosul, ayaa weriye ka tirsan AFP wuxuu arkay baabuurta gurmadka deg degga ah oo imanaya iyo tobaneeyo qof oo safaf ugu jira inay dhiig ku deeqaan.

Ayada oo soo xiganeysa khasaaraha horudhaca ah, ayaa wakaaladda wararka ee ramsiga ah ee Ciraaq ee INA ay ku warantay in mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Nineveh ay “tiriyeen 100 meyd iyo in ka badan 150 qof oo ku dhaawacmay hoolka arooska ee Hamdaniyah,” oo ah magac sidoo kale loo yaqaan magaalada.

Khasaaraha nafeed ayaa waxaa sidoo kale AFP u xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda caafimaadka Saif al-Badr.

Badar ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah intooda badan laga daweynayo gubasho ama oksijiin la’aan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay isbuurasho ka dhacday hoolka oo buux dhaafiyey.

Hay’adda Bisha Cas ee Ciraaq ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 450 khasaare, balse aysan awoodin in ay faah-faahin ka bixiyaan inta dhimatay.

War qoraal ah, oo ay soo saareen mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah, ayaa lagu sheegay in gudaha hoolka xafladda ay ku jireen darbiyo ka sameysan walxo aad u holca.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mohamed Shia al-Sudani ayaa ugu baaqay wasaaradaha caafimaadka iyo gudaha “inay abaabulaan dhammaan dadaallada badbaadinta,” si loo caawiyo dhibnanayaasha dabka.

VOA + AFP

Askari loo soo xiray qaraxii lagu hoobtay ee Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo tarata macluumaadka laga helaya qaraxii is-miidaaminta ee 23-kii bishaan ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhaliyay tuhun xoogan, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee degmada Beledweyne Axmed Cali Aadan oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah kadib qaraxaasi, wuxuuna sheegay inay qaban tuhun ku aadan in Al-Shabaab lala fududeeyaan weerarkaasi.

Axmed Cali Aadan ayaa xaqiijiyay in haatan lasoo xiray askarigii ku qornaa koontaroolkii uu kasoo gudbay gaarigii ku qarxay Sabtigii gudaha magaalada Beledweyne ee sababay dhimashada, dhaawaca iyo burbur xoogleh oo soo gaaray magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ku raadjoogayaan shaqsiyaad kale oo loo jaray waaran soo qabasho, si loogula xisaabtamo dayacii amni ee sababay in gaariga uu gaaro halkaasi.

Weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada illaa 20 qof, dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo ah rayid aan waxba galabsan.

Qaar kamid ah dhaawacyada oo gaaraya illaa 16 qof ayaa la keenay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya, si loogu dabiibo caasimada dalka.

Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna sidoo kale noqotay magaalada labaad ee ugu badan qaraxyada marka laga tego magaalada Muqdisho oo ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro culus.

Ganacsade Al-Shabaab hub ‘uga soo iibiyey’ Shiinaha oo la la’yahay (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya, gaar ahaan Daily Nation, ayaa soo tabisay in la la’yahay halka jaan iyo cirib uu dhigay ganacsade lagu magacaabo Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh oo horay ugu eedeysnaa inuu hub Shiinaha uga soo iibiyo kooxda al-Shabaab.

Warbaahinta Daily Nation oo soo xiganeysa qoyska Zakariya ayaa sheegtay in Zakariya ay bishan September xireen ciidamo ka tirsan booliska qeybta la dagaallaanka aragagixisada tan iyo markaasna la la’yahay.

Qoyska ayaa sheegay inay wiilkooda ay ka raadiyeen dhowr xarun oo boolis ah balse ay ka soo waayeen, sida ay daabacday warbaahinta Daily Nation.

Waxa ay ahyad in 22-kii bishan September uu ka soo muuqdo maxkamadda oo uu ka ballansanaa.

Zakariya ayaa bishii May lagu soo eedeeyay in uu si sharci darro ah qalab ciidan iyo walxaha qarxa ugu raray kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya balse waxaa markii dambe lagu sii daayay lacag dhan 1 milyan oo Shillinka Kenya ah.

Waxa uu ku dhashay Xaafadda Mjengo ee magaalada Mombasa balse waxa uu ku noolaa magaalada Lamu.

Zakariya Kamaal Suufi Abashiekh ayaa lagu soo oogay dacwad ah in agab ciidan uu Al-Shabaab uga soo iiibiyay dalka Shiinaha, uuna ku soo raray saddex konteenar oo laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Shiinaha ayaa la sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay maaddaamaa uu halkaasi wax ka soo bartay.

Waxaa markaasi la sheegay in mid ka mid ah konteenarrada laga soo saaray hubka halka labada kalena aan la ogeyn halka ay jiraan.

Dhanka kale 18-kii bishii May ayay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA sheegeen inay gacanta ku dhigeen ‘saanad ciidan oo loo waday al-Shabaab’, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Lama hubo in isla Zakariyte uu ka dambeeyay arrintaas.

Eedeysanaha ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii uu muddo bil ah ku jiray, iyadoo baarayaashu ay sii wadeen baaritaanka ku aaddan doorkii uu ku lahaa shixnad militari oo loo soo daabulay Soomaaliya.

Hase yeeshee Zakariya ayaa gaashaanka u daruuray inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda al-Shabaab inkastoo uu qirtay inay jiraan agab uu ka soo dhoofiyo Shiinaha uuna geeyo Soomaaliya balse aysan ahayn waxa ay dowladda soo bandhigtay.

Waxaa la sheegay in shixnadda ay ka koobnayd qalab ciidan oo kala duwan oo ay ku jiraan 5 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo awood u leh inay qaadaan 10 litir oo dareere ah oo jooggooda ka sarreeya 500 mitir heerka badda, doorobiinno, marada laga sameeyo dareeska ciidamada, 3000 mitir oo ah marada adag ee laga sameeyo teendhooyinka, muraayadaha cadceedda, 18 xabo oo muraayadaha habeenkii wax lagu duubo, saacadaha basaaska, muraayadaha wax basaasa, muraayadaha dabaasha, 20 toosh iyo baytari iyo koofiyadaha adag ee milatariga.

Isha: BBC