25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Galcad  (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saaka dhacay agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cali Xayle ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana uu ahaa bartilmaameed lala eegtay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa diyaaradaha gaaf wareegayeen deegaano kale oo dhaca gobolka, sida Ceelhareeri illaa Kalabeyr, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah ee lala beegsaday Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii ay ciidamadu toogasho ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen mid kale, kadib howlgal ka dhacay deegaanka Bulacle ee isla gobolkaas oo ay haatan dhaqaaqyo ka wadaan ciidanka huwanta.

Galmudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo khasaare badan lagu gaarsiiyay Shabaab.

Somaliland oo shaaca ka qaaday arrin ay kala kulantay dagaalladii gobolka SOOL

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland hoos dhac weyn ku yimid, tan iyo marki ay billowdeen dagaallada gobolka Sool.

Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsan yahay, lakiin ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

“Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xirnaa ganacsihii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hadda hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa,” ayuu yiri Sacad Shire.

Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, waxa taas dheer gubashada suuqa weyn Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Ganacstada dowladda deegaanka Itoobiya ayaa badankood u wareegeen dekadaha Puntland taas oo iyaduna dhabar jab ku noqotey dhaqaalaha Somaliland.

Dabayaaqadii August, ciidamada Somaliland ayaa looga adkaaday dagaalka aagga Laascaanood, ayada oo ciidanka SSC-Khaatumo ay qabsadeen saldhigga muhiimka ah ee Goojacadde.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Somaliland ay mar kale isku diyaarineyso dagaal ay ku qaaddo Laascaanood, si ay dib ugu qabsato ayada oo ciidamo ururineysa.

Daawo: Guudlaawe oo xog culus ka bixiyey Shabaab-kii soo galay aagga Mahadaay

0

Mahadaay (Caasimada Online) –Maxaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in Shabaab looga adkaaday gobolkaas.

Madaxweynaha oo faahfaahin ka bixiyey howlgalladii ka socday deegaanada ku teedsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Kuwa Deegaanka, Kooxda AS Waa ugu adkaadeen Dagaaladii ay kula galeen deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 6-dii bishaan isku dayday inay ka soo gudubto jiinka wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, balse waxaa halkaas ku qabsaday dagaal culus.

Duqeymo iyo dagaal toos ah ayaa ku bilowday kooxdaas markii ay ka soo gudubtay wabiga, waxaana la sheegay in dib ay ugu laaba waayeen halkii ay ka yimaadeen, kadib markii xarkaha loo jaray doomihii ay ku soo xirteen jiinka wabiga.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa ciidanka deegaanka uga mahadceliyey sida ay u abaabulan yihiin oo kooxda Al-Sbabaab ay isaga dhiciyaan.

Al-Shabaab ayaa doonayey in dagaalyahano badan ay soo geliyaan inta u dhaxeysa deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, balse waxaa ka hortegay ciidanka deegaanka ee Macawiisley.

Tirada kooxdii isku dayday inay ka soo gudubto wabiga Shabeelle waxaa lagu sheegay 400, waxaana la sheegay intooda badan in la dilay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Qori Shabaab ka furteen ciidanka xoogga oo u gacan galay Macawiisley

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee ka howlgala aagga tuulada Bulacle oo bari ka xigta magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ku guuleystay inay soo furtaan qori AK47 ah oo Al-Shabaab ay horay uga furteen ciidanka xoogga dalka.

Qorigaas ayaa la dilay ninkii Shabaab-ka ahaa ee ku dagaalamaayey, sidoo kale ciidanka ayaa soo bandhigay nin kale oo nolosha ay uga qabteen kooxdii Shabaab-ka aheyd ee maanta ay is farasaareen.

Qorigaan ayaa la ogaaday in Shabaab ay ka furteen askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Abuu-Dujaana oo bilo ka hor ay dagaal kula galeen tuulo lagu magacaabo Miir-dugul oo hoos tagta Dhuusamareeb.

Askari ka tirsanaa ciidanka deegaanka oo ku guuleystay in qorigaas uu ka furto Al-Shabaab ayaa abaal-marin ahaan loo siiyey maanta, sidoo kale waxaa loo balan-qaaday abaal-marin lacageed.

Qoryo badan oo ciidanka dowladdu ay la haayeen ayaa horay ugu gacan galay kooxda Al-Shabaab, laakiin inta badan ma dhacdo in dib loo soo furto qoryahaas, hadii lasoo furtana waa qarisaa dowladda Soomaaliya.

Sababta arrintaan hoos loogu dhigo waa in cunaqabateyn dhanka hubka ah ay saaran tahay Soomaaliya, taas oo dowladdu ay aad ugu xusul duubeyso in caalamku uu ka qaado.

Ciidanka maanta qorigaan soo furtay oo macawiisley ah ayaa dilay xubno Shabaab ah oo watay mooto FEKON, sidoo kale waxay nolosha ku qabteen nin nool, kaas oo maanta lagu soo bandhigay Bulacle.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada deegaanka ku dhiirigelisay howlgalka ay ku baacsanayaan kooxda Al-Shabaab, ciidankaan ayaa la diiwaan geliyey waxayna dowladu u bilaabeysaa mushaar.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow oo maanta bogaadin ugu tegay ciidankii fuliyey howlgalkaas ayaa isagoo ku hadlaya afka dowladda wuxuu askartii dishay kooxdaas ee soo furatay qorigaan ka balan qaaday inay heli doonto abaal-marin heer qaran ah.

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo lagu dilay Dhuusamareeb iyo nin nolosha lagu qabtay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Shabaab ah, iyagoo dilay seddax dagaalame, mid kalena nolosha ku qabtay.

Sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa howlgalkaas looga furtay Khawaarijta Khawaarijta Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta u sheegay in kooxdaas oo sideed dagaalame ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen mid ka mid ah meydadkaas oo dhaawac ay goobtii uga soo qaadeen, balse dib ka dhintay iyo mid maxbuus ah ayaa maanta lagu bandhigay Bulacle.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Shabaab-ka ah.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Bulacle ayaa balan qaaday in isagoo ka wakiil ah Galmudug iyo dowladda federaalka ay abaal-marin iyo dalacsiin guddoonsii doonaan ciidankii fuliyey howlgalkaas guuleystay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ayagu ay lahaa doonaan oo cid kala wareegeysa aysan jirin askartii furatay qoryaha iyo mootada ay Shabaab wateen.

Dhankiisa guddoomiyaha dhalinyarada Dhuusamareeb Calas Cabdinuur Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii ciidankaas bogaadinta ugu tagtay ayaa amaan iyo mahad celinta ciidanka kadib wuxuu digniin u diray dad uu sheegay inay carqaladeynayaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Guddoomiye Calas ayaa u digay dad uu sheegay inay qabyaaladeeyaan Khawaarijta markii la dilo, kuwaas oo dakano qabiil u bedela xubnaha howlagallada looga dilo Al-Shabaab, arrintaas ayaa ku badan aagga deegaanada Bulacle iyo Ceel-lahelay.

Mareykanka oo hal arrin ku taageeray DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay taageereyso qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan in dib loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS, kaas oo dowladdu ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shane Dixon oo ah sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka dhawaajiyay kadib wareysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka, isaga oo sheegay in dowlada Mareykanka ay taageero siin doonto codsiga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalabkan ay keentay baahi, sidaas daraadeedna ay ku garab siineyso dowladda dhexe oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab.

“Safaaradda Mareykanka waxay taageeri doontaa baahida iyo codsiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Shane Dixon.

Maalmo kahor dowladda Soomaaliya ayaa dalabkan u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM, si muddo saddex bilood ah dib loogu dhigi wajiga labaad ee bixista ciidanka ATMIS.

Sida uu shaaciyay lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha sababta ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan daruufu gaar ahaanee kuwo farsamo oo haysto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sidoo kale arrintan ka duulaya ayaa si deg-deg ah ku tegay Jabuuti, isaga oo madaxweyne Geelle kala hadlay qorshaha dowladdiisa iyo inay ciidamadiisa sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Si kastaba, waxaa la filayay in dhammaanka bishan ay dalka ka baxaan illaa  3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS, iyadoo la raacayo qaraarka golaha ammaanka ee QM.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda dagaal qaraar oo dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay cambe dibadda looga soo dhoofiyay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada ee Internet-ka saacadihii ugu dambeeyay qabsaday hadal heyn ka dhalatay Cambo ay dowladda Masar usoo dhoofisay Soomaaliya, kaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee magaalada caasimada Muqdisho.

Cambahan oo ka qiimo sarreeya kan kasoo go’a beeraheena ayaa sidoo kale maanta lagu arkay suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Halkii xabo ee Cambaha Masar ayaa waxaa la iibinayaa 2 dollar, halka Cambaha kasoo go’a Shabeelooyinka la iibanayo xabaddii nus dollar, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.

Haddaba sidee looga falceliyay in Cambo dibadda looga soo dhoofiyo Soomaaliya?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa arrintaan si adag uga hadlay, waxayna qaarkood soo jeediyeen in lala xisaabatmo ganacsatada dalka keentan Cambaha Masar.

Wariyaha caanka ee Salmaan Jamaa Saciid oo kamid ah dadka ka hadlay arrintaan ayaa yiri “Dalkeena maa cambo laga waayay marka Cambo laga keenayo Dalka Masar? .. mala awoodi waayay in cambaha laga iibsado beeralayda dalkeena?”.

Axmed Nuur ayaa yiri “Maanta ma waxaa noo keenteen waddankeena qudartiisa hoos in loo dhigo waddamo kale qudaartooda loo keeno mar hadda xaga bulshada lagala dagalamo waa sidan”.

Nasteexo Axmed ayaa iyaduna tiri “Ganacsatadii keentay cambahan dowladeena hala xisaabtanto”.

Xamza Hiil-Walaal ayaa isna ku jawaabay “Cambe keliya lama keenee dalaga dalkeena kasoo baxa oo dhan aa lagaa keenaa dibadda”.

Ismaaciil Saxafi isaguna wuxuu uga falceliyay “Waa wax laga xumaado in cambo dibadda nooga yimaado annaga oo leh beero cambaha soo saaro”.

Cali Maxamed Cali wuxuu yiri “Kan Soomaaliya ka baxo maxaa raqiis ka dhigay? Kan dibaddane maxaa qaliyeeyay?.

Maryama Cabdikarin waxay tiri “Bisinka keenaaba dhooban, kana macaan midka caalamka yaa naga qabsada ganacsatadaan dibadda aaminsan.

Daawo: Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay gobolka GEDO

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya uu ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolkaas, kaas oo socday muddo saacado ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen kuwa Booliska in ay qaadaan bar koontarool oo ay ku lahaayeen degmadaas, taasna ay ka biyo diideen ciidanka Soomaaliya, waxaana sidaas ku qaraxay iska hor imaadka u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in iska hor imaadka uu socday saacado kooban, kadibna uu istaagay, balse ma jiro wax khasaare ah oo lasoo wariyay illaa iyo hadda.

Xaaladda ayaa goobta lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen xeradooda, halka kuwa Booliskana ay joogaan bartii ay horay ugu sugnaayeen ee ku taalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale waxaa isla degmadan ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso ciidamo taabacsan, Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo ciidamada Itoobiya, kuwaas oo hadda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi.

Xiisadda ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen Korneelka inuu isaga baxo degmadaasi, isaguna uu ka biyo diiday amarka, taas oo keentay xiisadda taagan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in ciidanka taabacsan Barre Hiiraale ay hadda difaacyo uga jiraan qaybo kamid ah degmada, si ay uga hortegaan haddii weerar lagu soo qaado.

Korneelka oo qudhiisa hadlay ayaa ku goodiyay inuu la dagaalami doono ciidamada Itoobiya, haddii ay isku dayaan inay qabtaan ama soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan xaaladaha kasoo cusboonaaday degmada Doolow ee Soomaaliya.

Somaliland oo dacwad kusoo oogeysa mulkiilaha World Remit – Maxaa la isku haya?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa shaaciyay inuu dacwad kusoo oogayo Mulkiilaha xawaaladda World Remit Ismaaciil Axmed.

Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa Ismaaciil maxkamada la tiigsanaya kadib markii uu Bangiga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay qiimo dhaca ku yimid Shillinka Somaliland, kadib sicir-barar horleh oo ka dhashay arrintaas.

Ismaaciil ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Bangiga Dhexe inuu ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, xilli uu joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray.

Bangiga oo ka jawaabay eedeymaha mulkiilaha World Remit ayaa gebi ahaanba ku tilmaamay waxba kama jiraan, wuxuuna ganacsadaha ku eedeeyay inuu caadeystay faafinta warar been abuur ah.

“Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa islamarkaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Somaliland.

“Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.”

Bangiga ayaa sidoo kale waxa uu qiray in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, hase yeeshe wuxuu beeniyay inay jirto kala badnaansho lacagta wareegaysa suuqyadda iyo lacagta cadaanka ah, nooca ay doonto ha ahaatee.

Hoos ka aqriso bayaanka Bangiga Dhexe oo dhameystiran;

Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

Lixdii sanno ee ugu danbeeyay Baanka Dhexe ee JSL, waxa uu ku guulaystay in uu kor u qaado qiimaha Shillinka JSL 21%, sidoo kale waxa uu joogteeyay xasilinta sicirka sarrifka kaas oo shantii sanno ee ugu danbaysay dul-fadhiyay 8,600 SH SL, iyadda oo Baanka SL ku guulaystay muddadaas dheer in uu maareeyo joogtaynta sicirka Sarrifka, Qarankana kala dabaasho dhamaan culaysyaddii aduunyadda ka dhacay ee saamaynta Togan ku lahaa dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan aduunka, Sida xanuunkii COVID-19, Dagaalkii Ukraine, iyo gubashaddii Suuqa Waaheen.

Haddaba, Baanka Dhexe waxa uu qirayaa in uu jiro bilihii u dambeeyay kor u kac ku yimid qiimaha lacagta qalaad ee Dollar-ka ah marka loo eego qiimaha Shillin-ka Somaliland, kor u kacaas oo dhan 3% kaas oo sida muuqata ah mid aad u sahlan marka loo eego duruufaha dhaqaale iyo lacageed ee dalka iyo gobolka ama la bar-bar dhigo wadamada aynu jaarka nahay.

Haddaba, taariikhdu markay ahayd September 23, 2023, Ismail Ahmed, oo ka mid ah Mulkiilayaasha Shirkadda Worldremit waxa uu siddii caadadda u ahayd ku baahiyay Barta uu Facebook-ga ku leeyahay warar Been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Muddooyinkii ugu danbeeyay Ismail Ahmed waxa uu caadaystay faafinta wararka ku-tiri-ku-teenka ah ee lagu Khalkhal gelinayo deganaanshaha suuqyada maaliyaddeed ee Somaliland kaas oo uu si qayrul masuulnimo ah ugu baahiyo social media-ha. Ismaaciil waxa uu caadaystay in uu maalinba Hay’ad si qaawan u dhaleeceeyo isaga oo danihiisa shakhsiga ah ka duulaya.

Baanka Somaliland waxa uu ruqsad siiyay shirkadda Worldremit Somaliland oo uu mulkiilayaasheeda ka mid yahay Ismaaciil Axmed 2018. Shirkadda Worldremit Somaliland waxa ay si iskeed ah iskaga soo celisay ruqsaddii ay haysatay March 2022. Waxa halkaa ku dhamaaday dhamaan shaqooyinkii ay ka haysay guddaha dalka sharciyan. Ismaaciil ma jiro Xafiis uga furan dalka gudihiisa, wax shaqaale ah oo u joogaana ma jiraan wakhtigan Somaliland.

Beenaha, Boorabagaandada iyo gefefka uu ku baahiyay barahiisa bulshada Ismaaciil Axmed 23/Sep/2023.

Qodobka 1aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Somaliland soo geliyay suuqa lacago Digital ah oo ka badan lacagta daabacan’’. Baanka Somaliland waxa uu u cadaynayaa bulshadda JSL, in aanay jirin lacag Digital ah oo uu suuqa soo galiyay haba yaratee.

Baanka dhexe ma abuuro lacag Digit ah wakhti xaadirkan, taa badalkeeda waxa uu korjoog teeyaa shirkaddaha bixiya addeega lacagaha elektarooniga ah ee moobiladda la iskugu diro, kuwaas oo si sharciga waafaqsan uga shaqaysta suuqyada dalka.

Qodobka 2aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in Baanka Dhexe ku mashquulay lacago dibadda lagu soo daabacayo taasi oo hoos u dhigtay kalsooniddii shilinka lagu qabay’’.

Baanka Somaliland waxa uu bulsha weynta Somaliland iyo ganacsatada u cadaynayaa in aanay jirin lacag uu soo daabacay Baanka Dhexe 7-dii sano ee u danbeeyay, imikana uma qorshaysna in uu soo daabaco lacag cusub oo culays ku sii abuurta suuqyada sarifka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Qodobka 3aad: Ismaaciil Axmed waxa uu qoraalkiisa ku xusay in uu jiro xeer hoosaad fasaxaya in maamulka Baanka Dhexe ka qaataan khidmad 2.5% ah marka lacag la soo daabaco, taas oo dhiiri galisa in lacag lasoo daabaco.

Baanka Somaliland waxa uu Bulshadda u bayaaminayaa in aanay jirin lacag hadda la daabacayo sida aanu kor ku xusnay, isla markaana aanay jirin dheef 2.5% ah oo Baanka dhexe ka helo lacagaha lasoo daabaco. Dhinaca kale, Suuqyada Somaliland kama jirto baahi loo soo daabaco lacago cusub oo hada suuqa kusii abuura culays hor leh.

Qodobka 4aad: Ismaaciil Axmed waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in lacagaha shillinka ah ee daabacan lagu qiyaaso 30 Malyuun laakiin se lacagaha wareegayaa ay aad uga badan yihiin intaa.

Baanka dhexe ee JSL waxa uu Bulshada la wadaagayaa in lacagta daabacan ee shillinka Somaliland aanay ahayn lacag u dhiganta 30 Malyuun oo Dollar isla markaana aanay u dhawayn tiraddaa uu mala’awaalka ku soo qoray, mana jirto kala bad-naansho lacagta wareegaysa suuqayadda iyo lacagta cadaanka ahi, nooca ay doonto ha ahaatee.

Ismaaciil Axmed oo aan wax ruqsad ah ka haysan Baanka Dhexe ee JSL tan iyo March 2022 waxa uu sifo sharciga baal barsan uga shaqaystaa suuqyada Somaliland. Qaybta Baadhista dambiyada maaliyadeed ee Baanka dhexe ayaa in muda ah ku haysay daba gal dhawaan lasoo af-meeri doono natiijadiisa.

Ismaaciil Axmed sida ku cad maqaalkiisa ku taariikhaysan 23/Sep/2023, waxa uu Baanka iyo dalka kula kacay fal dambiyeedadan hoos ku xusan:-
1. Khal-khal galin suuqyada sarifka iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka.
2. Been Abuur ka dhan ah Baanka Dhexe JSL.
3. Boora-bagaando iyo Been abuur ka dhan ah Madaxda Baanka.
4. Khal-khal galin guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan ganacsada dalka.

Ugu danbeyn, Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu sharciga la tiigsan doonaa Ismaaciil Axmed oo beeno iyo eedo aan sal iyo raad toona lahayn u gaystay Baanka iyo Madaxdiisa isla markaana khal-khal ka abuuray suuqyada sarifka ee dalka.

Allah Mahadleh

Mukhtaar Cumar Cali
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweyanaha iyo Arrimaha Dibedda Baanka Dhexe ee JSL.

Nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah oo lagu qabtay Xarardheere

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Maxamuud Barre, kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa loo soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ninkaan ay soo dirsatay kooxda Al-Shabaab ay da’diisu tahay 17 sano, islamarkaana kooxda ay quus taagan tahay, ayna bilaabeen inay adeegsadaan caruurtii yaryar.

“Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa markasta fashiliya isku-dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo ay sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.

Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan.

Si kastaba, kooxda ayaa weli muujineysa inay awood u leedahay fulinta falalka amni darro ayaa marar kala duwan qaraxyo la beegsada waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada iyo weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo guullo aan la xaqiijin ka sheegtaan.

Hoos ka eeg sawirkiisa

Cali Guudlaawe oo tegay deegaan lagu go’doomiyay boqolaal AL-SHABAAB ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

Cali Guudlaawe ayaa booqday deegaanka Ciid-ciidka, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin boqolaal ka tirsan xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay isku hareereeyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka uu hadda tegay madaxweynaha HirShabelle ayaa waxaa shalay ku dagaalamay ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab oo ku jira dhul keyn ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana meesha ka dhashay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac baahsan.

Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay ciidanka ayaa kula dardaarmay inay xoojiyaan halgankooda, wuxuuna sheegay in laga adkaaday Al-Shabaab, dagaalkuna uu sii socon doono.

“Shabaab waan ka adkaanay, waana ka adkaan doonaa, Ilaahey idamkiis, wixii dhiman waa la dhammeystiraa” ayuu yiro madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in deegaankan uu soo gaari doono gurmad ciidan ah, si loo soo afjaro Al-Shabaabka ku go’doonsan halkaasi.

“Nimanka meeshaan ku jira waqti kooban waa looga bixin doonaa, Insha Allah gurmadna waa soo socoyaa korna waa laga garaacaa, hoosna waa laga galaa” ayuu sii raaciyay.

Al-Shabaabka ku sugan deegaanka Ciid-ciidka ayaa dhowaan ka soo gudbay wabiga oo la sheegay inay ahaayeen boqolaal dagaalyahan, waxayna hadda noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah oo illaa iyo hadda ka socda halkaasi.

Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn.

Dagaal culus oo ka dhacay degaano hoostaga Baydhaba

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ka dhacay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarynta gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ku qaaday galinkii dambe ee shalay weerar madaafiic ku billowday, ayada oo markaas kadib ay xubno ka tirsan kooxda weerar toos ah ku qaadeen.

Xubnaha Shabaabka ah ayaa weerarka ku eekeeyay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanada Wargaduud iyo Xanaano oo ah deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Baydhabo.

Dagaalka tooska ah ee halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Shabaab ayaa la sheegay inuu qaatay muddo ku dhaw laba saac oo xiriir ah.

Si rasmi ah weli looma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaate waxay saraakiisha ciidanka sheegeen in weerarka kooxda ay iska difaaceen.

Waxay sheegeen in dagaal-yahaanadii kooxda ee weerarka soo qaaday lagu jabiyay dagaalka, laguna gaarsiiyay khasaare xooggan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda weerarkaasi iyo dagaalkii xigay ka sheegatay guullo, iyada oo sheegtay inay ku laysay askar badan. Hase yeeshe si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada kooxda.

Isku soo wada duubo, dagaalkan ayaa imanaya xilli Koonfur Galbeed ay kamid tahay meelaha weli ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana la qorsheynayo in wejiga labaad ee gulufka socda kooxda looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

DF oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta tallaabadi Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay go’aanka Midowga Yurub uu ku hakiyay taageerada gargaarka Soomaaliya.

Dowladda ka walaacsan in go’aankaas uu uga sii daro karo cunno-yarida ka jirta Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle.

“Waa wax si cad noo khuseeya tani, xaaladdu weli waa halis. Ku dhawaad Afar milyan oo muwaadiniinteena ah ayaa wali loo tixgalinayaa in ay cunto yari heyso, iyada oo 20% dadka oo dhan ay hadda barakaceen,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalim Cabdulle.

Waxa uu intaas kusii daray “Ku dhawaad hal milyan oo qof iyo 1.5 milyan oo carruur ah ayaa halis ugu jira nafaqo xumo. Markaa waa xaalad aad u adag guud ahaan.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay haata isku diyaarineyso saameynta duufaanta El Niño, oo laga digay inay ku dhufan karto qeybo kamid ah magaalooyinka dhaca xeebaha ee dalka.

“Soomaaliya waxaa soo food saartay daadad xooggan oo ku dhawaad barakiciyay hal milyan oo qof, dhibaatooyinka soo socda iyo fatahaadaha ayaa barakicin doona dad intaas ka badan. Ku dhawaad 50% dadku waxay halis ugu jiraan cunto yari waxayna u baahan doonaan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in go’aanada noocaan ah ay halis galin karto hanaanka ay hadda wax ku socdaan, “Waa arrin halisteeda leh in deeq-bixiyeyaasha iyo beesha caalamka ay go’aansadaan in la hakiyo gargaarka Soomaaliya.”

“Go’aannada noocan ah iyo kan himika wuxuu si dhab ah u saameyn doona dadka ugu nugul dalka,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa isaga oo tilmaamay walaaca la xiriira go’aankii Midowga Yurub uu ku hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, Hakinta Midowga Yurub ayaa la sheegay inay tahay mid kumeel-gaar ah, ayna timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarka.

Wasiir Al-Cadaala: Shalay maanta ma ahan!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa soo saaray qormo oo ugu magac daray “shalay maanta ma ahan.”

Al-Cadaala ayaa waxa uu sheegay in meesha ka baxday cabsidii laga qabay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay maanta shacabka Soomaaliyeed yihiin kuwa qoriga qaatay oo Khawaarijta xabbad ku ridaya iyo mid dhiirigalinaya oo taakulada ka daba wada geesiyaasha ku jira dagaalka.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa tusaale usoo qaatay shacabka Godinlabe oo ciidamada ku sugan jiida hore ee dagaalka gaarsiiyay taakulo ay iska aruuriyeen oo iskugu jirta xoolo nool, cunto bisil iyo caano.

“Ma waxa ay la tahay Khawaarijta ka kooban Ciyaalka marin habawsan in ay Bulsho sidaan isugu duuban uga adkaankaraan dhulkooda,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka Al-Cadaala;

Shalay Maanta ma ahan!

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay maanta isugu jiraan mid qoriga qaatay oo Khawaarijta xabbad ku ridaya iyo mid dhiirigalinaya oo taakulada ka daba wada geesiyaasha ku jira eryidda Khawaarijta.

Kuwaana oo shacabka Godinlabe oo wiilashooda jihaadka kula jira Khawaarijta uga daba tagay furinta hore kuna wareejinaya taakulo ay iska uruuriyeen.

Ma waxa ay la tahay Khawaarijta ka kooban ciyaalka marin habawsan in ay bulsho sidaan isugu duuban uga adkaankaraan dhulkooda.

Ilaaheey fahamka umaddeenna halkaan gaarsiiyay ayaan u mahadcelinaynaa.

Maanta qofka ka hara dagaalka Khawaarijta waa in uu dareemaa ceeb iyo liidasho sababtoo ah wuxuu hagranayaa Naftiisa, Ubadkiisa, Ummaddiisa, Diintiisa, Dalkiisa iyo Dadkiisa.

Taariikhda ku gal in aad ka mid tahay kuwa Khawaarijta ka xoreeyay dalka.

Alle ayaa mahadsan.

Daawo: Wasiiro ka tirsan DF iyo xildhibaano oo gaaray furinta dagaalka Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Mudug iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray furimaha hore ee Koonfurta gobolkaasi.

Goobahan ay booqdeen wafdiga uu horkcayo wasiir Fiqi ayaa waxaa qorsheyaal dagaal ka wada ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidamada dowladda.

Wafdigan wasiirada ah oo ka koobna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan, La-taliyaha Madaxweynaha Sakariye Xasan Gaashaan, Guddoomiyaha guddiga difaaca Koonfurta gobolka Mudug Sheekh Cabdimanaab Sheekh Maxamed Cismaan, iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle Mareexaan.

Furimaha Caad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda howl-gallo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna masuuliyiinta halkaasi gaartay warbixin ka dhageysteen taliyaha ururka Horseed ee Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliye Duraan ayaa masuuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug xog buuxa ka siiyay howl-gallada socda, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray goobihii ay kaga sugnaayeen maamulka.

“Nimankii iyaga ahaa si fiican ayaa u gacan saarnay, dhibaatooyin horleh ayaa u geysanay. Aaggii waxaa jooga ciidanka waxaana rajeynaynaa in meelaha ay joogeen intii haraadiga ahaa waa ka howlgaleynaa saacadaha soo socda, kamana hareyno illaa meesha u dambeysa, dhamaan waa u diyaarsan yihiin deegaan hadey tahay iyo ciidamada kala duwan.”

Sidoo kale waxa uu rejo wanaag ka muujiyay in toddobaadyada soo socda dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab laga saari doono deegaanada ay weli kaga harsan yihiin dowlad-goboleedka Galmudug.

Masuuliyiinta ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyntiina si wadajir ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo shacabka hubeysan ugu booriyay guulaha ay ka gaareen dagaalka socda, iyo inay sii dardar-geliyaan howl-gallada Al-Shabaab ka dhanka ah.

A/Madoobe oo arrin yaab leh ka dalbaday mucaaradkiisa

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa eedeymo culus u jeediyay mucaaradkiisa, isaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan horumarka guud ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha mucaaradka ay ka shaqeynayaan dib u dhaca iyo burburka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aragtidaas ay tahay mid khaldan, isla-markaana ay Jubbaland hadda u baahan tahay midnimo iyo dad u diir-naxa mustaqbalkeeda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu oggol yahay dhaliisha maamulkiisa, uuna qaadanayo wixii talooyin ah ee uga imaanaya dadka kasoo horjeedo.

Dhank kale, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka ku ah ee ku sugan Nairobi inay yimaadaan Kismaayo, kuna soo bandhigaan fikradahooda iyo waxqabadkooda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xalka uu ku jiro midnimo iyo in laga wada-tashado aayaha dambe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Jubbaland, waxaana usii dheer dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Jubbooyinka.

Maamulka Axmed Madoobe oo magaallo xeebeedka Kismaayo fadhiyo muddo 13 sanno ah ayaa inta badan la kulma mucaarad xoogan, ayada oo maamulkiisa lagu dhaliilo dib u dhaca dhanka doorashooyinka  marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Masar oo qabanaysa doorasho madaxweyne ‘oo natiijadeeda lasii ogyahay’

0

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa qaban doonta doorasho madaxweyne oo socon doonta saddex maalmood bisha December, waxaa sidaas ku dhowaaqay mas’uuliyiinta, ayada oo la filayo in madaxweyne Cabdiftaxax al-Sissi uu xukunka kusii nagaado illaa 2030.

Waleed Hamza, guddoomiyaha Maamulka Doorashooyinka Qaran, ayaa sheegay in cod bixinta ay dhici doonto December 10-12, ayada oo doorashada ku celiska ahna ay dhaceyso Janaayo 8-10, haddii musharaxna aanu helin in ka badan 50% codadka.

Waxa uu intaas ku daray in dadka dibedda dalka ku maqan ay codeyn doonaan December 1-3, halka tan ku celiska ahna ay codeyn doonaan 5-7.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa durba ku dhowaaqay inay u taagan yihiin qabashada xilka ugu sarreeya dalka, balse midkoodna loolan adag ma gelin doono al-Sissi oo xukunka hayey tan 2014, islamarkaana Reer Galbeedka kala kulma dhalleeceyn ku saabsan diiwaanka xuquuqda aadanaha Masar.

Al-Sissi, wasiirkii hore ee difaaca, ayaa hoggaamiyey afgmabi xukunka looga turay madaxweyne Maxamed Morsi 2013-kii kadib dibad-baxyo ka dhan ahaa xukunkiisa halka sano jiray.

Wixii markaas ka dambeeyey, mas’uuliyiinta ayaa billaabay caburin xooggan oo ka dhan ah mucaaradka. Kumanaan dadka dowladda dhalleeceeya ah ayaa la aamusiyey ama la xiray.

Al-Sissi weli kuma dhowaaqin inuu mar kale yahay musharax. Waxaa markii ugu horreysay la doortay 2014, waxaana muddo xileedkiisa labaad loo doortay 2018. Isbeddel dastuur oo lagu ansixiyey afti 2019-kii ayaa laba sano ku daray muddo xileedkiisa labaad, wuxuuna u ogolaaday inuu mar saddexaad u ordo muddo xileed lix sano ah.

Doorashadii 2018, al-Sissi ayaa wajahay siyaasi aan sidaas loo aqoon oo doorashada kusoo biiray goor dambe, si dowladda uga masaxato ceebta doorasho hal musharax ah, kadib markii msuaharaxiin badan qasab looga reebay ama la xiray.

Mareykanka iyo Kenya oo kala saxeexday heshiis dhinaca difaaca ah oo dhigaya in…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Kenya ayaa Isniintii waxay magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis cusub oo dhinaca difaaca ah.

Heshiiskan oo looga dan leeyahay in lagu xoojiyo la-dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika iyo in taageero loogu muujiyo dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya muddo shan sannadood ah.

Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku “uu uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku aaddan xallinta duruufaha amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.”

Sidoo kale wuxuu uga mahadnaqay doorka hoggaamineed ee Kenya ee ku aaddan ciidamada caalamiga ah ee isku dhafka ah ee la doonayo inay dib u soo celiyaan xasiloonida Haiti.

Austin ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaadhaysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.

Austin oo ka hadlayey arrimaha gobolka ayaa soo hadal qaaday ururka al-Shabab, isaga oo sheegay in dawladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashigooda kala dhexeeya Kenya, ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabab.

Austin ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti, wuxuu aad u ammaanay ciidamada Soomaaliya iyo horumarada ay ka samaynayaan la dagaalanka kooxda al-Shabab, hase ahaatee wuxuu ka digay in weli kooxdu ay leedahay awood ay dibedda ugu dhoofiso falalkooda argagixisanimada, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaaha aan maamulku ka jirin.

Daawo: Jawaari oo shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba iyo qorshe culus oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka mid ah siyaasiyiinta doorashada Koonfur Galbeed u xusul duubeysa ayaa shaaciyey maalinta ay tegayaan Baydhaba.

Jawaari ayaa sheegay in 5-ta bisha soo socoto ay aadi doonaan magalaada Baydhaba, si bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay u qabtaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Cabsicasiis Laftagareen oo qaarkood shaaciyey inay doonayaan kursiga ayaa maanta Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxayna kala hadleen arrimaha doorashada maamulkaas oo khilaaf adag uu ka jiro.

“Waxaan ku soo tashanay in aan is aragno madaxweynaha gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda kale ee dalka, guddoomiyaha ayaan ka bilownay oo maanta waxaan kala hadalnay heshiiskii Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen sidii loo dhaqan geli lahaa,” ayuu yiri Jawaari oo faahfaahin ka bixiyey kulankii maanta.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

”5-ta bisha soo socoto waxaan aadi doonaa Baydhabo si bisha Janaayo loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed, maanta guddoomiyaha meel fiican ayaan wax isla soo dhignay, ilaa bisha soo socota ee Diseenbar waxaa bilaaba doonta doorashada baarlamaanka si Janaayo loo doorto Madaxweynaha” ayuu yiri Jawaari.

Khilaaf adag ayaa ka taagan doorashada madaxweynaha K/Galbeed, Laftagareen oo hadda maamulkaas hoggaamiya ayaa rajo ka qaba inuu dhaqan galo qorshe hal sano oo mudo kordhin ah loogu sameeyey, balse mucaaradka ayaa aad u diidan muddo kororsigii dhacay.

Dowladda federaalka ayaan ilaa hadda mowqifkeeda cadeyn, balse heshiis lagu kala Baydhaba oo gar-wadeen ay ka ahaayeen xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu go’aamiyey in doorashada K/Galbeed ay hoggaamiso wasaaradda arrimaha gudaha dowladda dhexe, iyadoo hoos loo dhigay awooda uu habsami u socodka doorashada ku yeela karo Laftagareen.

Laftagareen ayaa horay mucaaradka ugu diidanaa inay tagaan Baydhaba, balse hadda lama oga sida ay siyaasiyiintaan ugu miisaanka culus K/Galbeed ay ku tegi karaan magaalada Baydhaba oo ay sheegeen in 5-ta bisha soo socota ay tegi doonaan.

Hoos ka daawo

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigyo laga difaaco Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ku bilowday madaafiic oo maanta ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka oo saf ballaaran ahaa ayaa waxaa lagu ekeeyay laba saldhig oo ku kala yaalla deegaanada Wargaduud iyo Xanaano, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah.

Saldhigyada la weeraray ayaa waxaa laga difaacaa magaalada Baydhaba oo xarun kMG u ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay horay u go’doomiyeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay xubnaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada deganaa saldhigyada la weeraray.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalkan oo saacado badan qaatay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay inay dishay askar, sidoo kalena ay burburisay saldhigyada lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka waqooyi ee Baydhaba oo ah meesha lagu dagaalamay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan culays xoogleh ku haya Al-Shabaab oo inta badan go’doon gelisay degmooyinka dhaca gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Gobolladan ayaa la filayaa inuu dhawaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka dowladda, kaas oo xoogiisa ku wajahan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland.