25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Sawirro: Xasan oo Dhuusamareeb ku qaabilay masuuliyiin Turki ah hal arrina kala hadlay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli.

Safiirka oo Muqdisho ka soo baxay, isla markaana soo gaaray Dhuusamareeb waxaa la socday oo kulanka Madaxweynaha ku wehliyey Taliyaha Dugsiga Tababbarada Ciidamada Soomaaliya ee TurkSom, Sarreeye Guuto Sebahattin Kalkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiintan kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhanka amniga oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dib u xoreynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee diiddan nabadda iyo horumarka dalka.

Safiirka ayaa oo hoosta ka xariiqay in Turkigu uu door wanaaagsan ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya nabadoon, horumarsan oo ka caagan Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa shalay dalka Jabuuti kula kulmay wasiirka gaashaandhigga dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa shaqadiisa oo dhan isugu geeyey hoggaaminta dagaalka, muddo ku dhow laba bilood ayuu degan yahay Dhuusamareeb, dagaalka ugu culusna wuxuu ka socdaa Galmudug.

Qorshaha Madaxweynaha ayaa ah in Shabaab-ka jooga Galmudug lasoo afjaro, markaas kadib ayuu u guurayaa deegaanada kale ee kooxdu ay ku harsan tahay, si dalka oo dhan looga ciribtiro Khawaarijta Al-Shabaab.

 

Daawo: Maxaa kasoo baxay kulankii Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay isku hayaan mucaaradka iyo Laftagareen.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ay hareero taagan yihiin musharixiinta kale ee Koonfur Galbeed ayaa sharraxaad ka bixiyay kulankooda iyo waxyaabaha looga hadlay, maadaama uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in Sheekh Aadan Madoobe ay kala hadleen heshiiskii uu garwadeenka ka ahaa ee ay Baydhabo kula gaareen madaxweynaha hadda talada haya ee Koonfur Galbeed iyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa, maadaama la joogo xilligii doorashada.

‘Waxaan maanta guddoomiyaha u sheegnay heshiiskii ay isaga iyo madaxweynaha ay garwadeenka ka ahaayeen Baydhabo ee 4 Febraayo la gaaray farsamadii iyo tabtii lagu fulin lahaa, meel fiicana waan isla soo dhignay” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.

Rugcadaa siyaasadeed Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sidoo kale xusay inay iyagu diyaar garoobeen, ayna Baydhaba aadayaan bisha soo socota, si doorasho loo qabto.

“Waxaan rajeynaa in bisha October 5-teeda aan aadno Baydhaba, si loo fuliyo heshiiskii aanu ka gaarnay doorashada” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxa aan rabno waa nabad-gelyo, doorasho xor ah, xalaal ah oo shacbiga gacantooda wax ku dooranayaan inay dhacdo”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isugu deegaankan kasoo jeeda ayaa horay u dhigay gogosha dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Baydhaba, balse arrinta ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, maadaama la gaaray waqtigii lagu heshiiyay in la bilaabo doorashooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa cabuur siyaasadeed iyo caga jiid ku aadan hore u socodka doorashada guud ee hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Mdoobe) oo maanta soo saaray wareegto ayaa isku shaandheyn ballaaran oo lama filaan ah ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Wareegtadan oo ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale madaxweynuhu ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha Wasiirada.

Sababta ugu weyn ee uu isbeddalkan u sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay la xiriirto sidii loo heli lahaa xukuumad tayo leh oo u adeegta shacabka.

Tallaabada uu maanta qaaday Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale saameysay illaa 9 wasaaradood oo ay gaartay isku shaandheynta, kuwaas oo kala ah:-

1-Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta waxaa loo magacaabay Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil.

2-Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda waxaa loo magacaabay Saleebaan Maxamed Maxamuud

3-Wasiirka isgaarsiinta, boostada iyo teknololjiyadda waxaa loo magacaabay Mascuud Cabdullaahi Axmed.

4-Wasiirka ganacsiga iyo warashadaha Jubbaland waxaa loo magacaabay Ibraahim Xasan Cabdi.

5-Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

6-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahawaxaa loo magacaabay Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir.

7-Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

8-Wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga waxaa loo magacaabay Axmed Xasan Cumar.

9-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka waxaa loo magacaabay Cabdiweli Xuseen Jaamac

Sidoo kale isku shaandheyntan ayaa saameysay wasiir ku xigeenada illaa 6 wasaaradood iyo hal wasiir dowle oo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

 

 

Cali Jayte oo ku dhawaaqay go’aan culus kadib qarixii Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan deeganka Teedaan ee gobolkaasi ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib qaraxii ka dhacay Beledweyne.

Cali Jayte oo ka qayb-galay kulan loogu duceynayay dhammaan dadkii ku geeriyooday xoreynta gobolka Hiiraan ayaa iclaamiyay dagaal horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ninkan oo hadda hoggaaminayo ciidamo Macawiisley ah ayaa wacad ku maray inuu u aargudi doono shacabkii lagu laayay Beledweyne, isla-markaana uu ka dhabeyn doono go’aankiisa cusub.

“Aniga qof Shabaab dilo inaan u tacsiyadeeyo mar hore ayaan go’aan ka gaaray, waan u aar guda mahe, hadana waxaa igu balan ah inaan u aar gudo dadkii shalay ay ku laayeen qaraxii Baledweyne” ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay suurad xumeynayaan Diinteena, balse loo baahan yahay in la’iska dhiciyo oo meel looga soo wada jeesto.

“Al-Shabaab waa Diin ku dheel oo Diin ayay dadka nacsiyeen waxan arkay oo diyaarad isla raacnay Aabe labadiisa wiil Shabaab ka raaceen oo kasoo watay, markasuu igu yiri hada Tv ayaa guriga u yaal cajalado Music ah ayaan u shida weyna ku cayaaran Alx, bal arag heerka aabahiisa ay garsiiyeen kooxda arxanlawayaasha ah sidas ayay Diinta u dhibaateynayaan ee aan la dagaalno” ayuu yiri mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Hiiraan.

Waxaa kale oo ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan ficillada gurracan ee kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka hadda socda.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo dhawaan wada-hadal la galay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu qanciyay inuu kusoo laabto dagaalka, halkaasna uu ka wado halganka.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab, waxaana weli ka socda gulufka dagaal ka dhan ah kooxda, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Daawo: DF oo digniin culus kasoo saartay halis kusoo socota Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan fatahaado iyo daadad laga yaabo inay ka dhashaan roob ka badan kuwii la filayey ee xilliga dayrta.

Digniintan ayaa waxaa soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan dabeylaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taas oo keeyntay isbadalka cimilada ee El-Nino.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka ee Hay’adda SoDMA, Khadar Sheekh Maxamed Nuur ayaa shir jaraa’id u qabta warbaahinta ayaa sheegay inay isa soo tarayaan warbixinada ku aadan dabeylahaasi, taas oo sii xoojineysa cabsida hadda jirta.

“Waxaa isa soo taraaya xaaladdan la yiraahdo El-Nino oo micnaheedu yahay qoyaan tiro badan oo xilli roobaadka dayrta ah sii murjinaaya, sida ay saadaashu sheegeyso xittaa laga filaayo meelaha wabiyada fatahaad gaarta iyo dalka oo dhan” ayuu yiri Khadar Sheekh.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in digiintaan ay qaataan dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay ka fakiraan xaaladda haatan la saadaalinayo.

“Warbixinada aan heleyno waxay noo sheegayaan in hubaashu ay tahay 95% in suurtagal ay tahay inay xaaladdaasi dhacdo, sidaas daraadeed digniintaan haloo qaato mid muhiim ah, dadkana hala gaarsiiro” ayuu mar kale shirka jaraa’id ku yiri Khadar Sheekh Maxamed.

Waxa uu intaasi ku daray in roobabka ay bilaaban karaan bisha soo socota ee October, isla-markaana ay di’i doonaan saacado ka badan kuwii hore ama maalmo xiriir ah.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay ka dheeraadaan xeebaha, meelaha ay ku yaalla wabiyada ama togaga ay biyaha isugu tegaan, si aysan waxyeelo halis ah uga soo gaarin.

“Sidaas darteed bulshada waxaan rabnaa inay ka feejignaato oo ay goor hore ka sahan dayato tusaale ahaan meelaha wabiyada agagaarkeeda bulshooyinka dagan, waxaan rajeyneynaa in wadiiqooyinkii ay mari lahaayeen oo badbaadada ahaa aynu u tilmaamno, waxaana rabnaa inay had iyo jeer la socdaan Idaacadaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Horay digniintan mid lamid ah waxaa usoo ssaartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oosheegtay in ay halis ka dhalan karto duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin.

Sidee shaqo la’aanta ka jirta Soomaaliya ay Al-Shabaab fursad ugu noqotay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya heerka shaqo la’aanta waa xad dhaaf, xilli la sheego in dadka waddanka ay 75% dhalinyaro yihiin. Dowladdihii iskaga dambeeyay xukunka dalka tan iyo shirkii Carta ee 2020 kuma guuleysan inay hindisaan shaqooyin najaxa oo dhima baagamuudada baahsan ee dhalinyarada iyo saboolnimada sida weyn u saameysay dadka Soomaaliyeed.

Markii aad tahay waddan haysta dhalinyaro sidaas u badan oo haddana baagamuunda, bayacmushtarkiisuna ay shaqooyinka ku bixiyaan dariiq beeleysan tiiyo ay tacliintu hooseyso waxaa aad u sahlan in dalkaaga uu noqdo hoyga calooshood u shaqeystayaasha.

Mashruuca argagixisada ee yaallay Soomaaliya 15-kii sano ee lasoo dhaafay, kaasi oo ka yimid dalka Koonfurta dhexe ee Eeshiya ku yaalla ee Afghanistan, wuxuu halaagay kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo iyaguna sabab u noqday dhimashada tobanaan kun oo shacab, madax iyo ciidan iskugu jira.

Kooxda waxay inta ugu badan dhalinyarada ugu faa’iideysata daruufaha shaqo la’aanta ee ka jira dalka. Inta ugu badan xubnaha kooxda ee lasoo qabtay markay ka sheekeysanayaan sidii ay ugu biireen iyo nuuca heshiisyada lala galay waxaad fahmeysaa inay uga faa’iideysteen daruufta shaqo la’aanta.

Inta ugu badan dhalinyaradaas waxay kusoo xera-geliyeen inay siinayaan mushaar u dhaxeeya boqol illaa laba boqol oo dollar iyo inay u qabanayaan shaqooyin aad u yaryar, kadibna dambiyo waaweyn ayay gacanta u galiyaan si qofkaas uu dookha uga lumo oo ugu qasbanaado inuu iyaga daacad ugu noqdo, illaa marka dambe ay gaarsiiyaan inuu si buuxda ugu qanco fikirkooda, kaas oo gunaanadkiina qofkaas dhalinyarada ah gaarsiiya inay ku qanciyaan inuu isdilo oo uu naftiisa qarax ku xiro ragga fikirka wataana ay sii noolaadan.

Waa qof dhalinyaro ah oo markii hore daruufta shaqo la’aanta looga faa’iideystay markii labaadna dambiile laga dhigay oo ehelkiisa, saaxiibadiis iyo bulshadii caadiga aheyd laga fogeeyay, marka saddexaadna cilmi loo sheegtay oo lagu yiri dariiqa saxda ah waa inaad adigu dhimataa inaguna aan sii jirnaa.

Gabadha aan warbixinta aan kusoo qaadaneyno ayaa waxaa lagu magacaaba Xaawo, waxay sheegtay inay la shaqeynaysay kooxaha argagixisada. Waxay maxkamadda ciidamada ee dowladda Soomaaliya ka hor sheegtay inay u hayn jirtay hubka, meeshii ay keen yiraahdana ay ugu geyn jirtay iyaga oo bishii siinaya lacag boqol dollar ah.

Gabadhan oo sheegtay in Sacuudiga laga soo tarxiilay iyada oo shaqeysanaysa waxay u muuqata inay baratay shaqo iyo lacag helid tiina ay weysay, iyaguna ay u muujiyeen fursad ay bishii lacag ku heli karto.

Inkasta oo ay tahay dambi in loo shaqeeyo kooxaha argagixisada haddana waxaad halkan ka fahmaysa sida kooxda ay uga faa’iideysaneyso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, kadibna ay gacmaha ugu galineyso dambiyo waaweyn illaa marka ugu dambeysa ku qanciyaan mashruuc la yidhaahdo naftaada jar.

Sawirro: R/W Xamza oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis

0

Minneapolis (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumanaan kun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka.

Mudane Xamza ayaa si gaar u dul istaagay horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ee dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta Al-Shabaab, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, isaga oo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada New York oo uga qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa New York la kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Mudane Xamza ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada-hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gaba-gabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Maxay yihiin ciidamada Shiinaha ee saldhiga Jabuuti ee Mareykanka ka walaaciyay?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa joogitaanka ciidamada Shiinaha ee Jabuuti.

Mas’uulka ayaa intaas ku daray in saraakiisha Jabuuti ay walaacooda la xiriira joogitaanka militaraiga Shiinaha ay la wadaagi doonaan.

Mareykanka ayaa horay kaga cawday Ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti oo bishii Maarso ee sannadkii 2018 dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shoocaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka.

Jabuuti waa dal yar oo ku yaala badda cas, balse waxa saldhigyo waaweyn oo ciidamo ah ku leh Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Saldhigga militariga Shiinaha ee Jabuuti

Shiinaha ayaa 1-dii Ogosto ee sannadkii 2017-kii si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kii ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda. Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii 2016-kii.

Kharasha ahaan wuxuu Shiinaha sheegay in dhismaha xaruntan ay ka baxday lacag dhan 590 million oo doolar.

Tiro ahaan militariga ku sugan ayaa lagu sheegay inay yihiin kun ilaa laba kun oo askri.

Waxa uu sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Shiinuhu waxa uu ka mid yahay dowladaha daneeya isla markaana maal-gashanaya dalkan yar ee ku yaalla Geeska Afrika.

Xiriirka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Jabuuti waxa uu bilaabmay 8-dii Janaayo 1979-kii.

Siyaasadda dib-u-habaynta iyo furitaanka ee Shiinuhu hirgeliyey 41-kii sannadood ee u dambeeyey iyo xidhiidhka uu la sameeyey waddamada Afrika sida Djibouti ayaa waxay hor seedday is-dhexgalka maamulka Beijing iyo caalamka.

Iskaashiga labada dal ayaa si habsami leh u socday muddo 41 sano ah. Markii kalsoonida siyaasadeed ee cilaaqaadkoodu uu sii kordhay, waxaa sidoo kale sii xoogeystay xiriirka labada dhinac.

Sida xaqiiqda ah, dhinacyadu waxay saxeexeen heshiis 2017, kaas lagu tilmaamay waa cusub oo u baryay labada waddan. Heshiiska ayaa u jeedkiisu lagu sheegay inuu yahay iskaashi istiraatijiyadeed.

Heshiiskaasi ka dib, maamulka Beijing ayaa saldhig milatari ka sameystay Jabuuti, saldhiggan ayaa noqday saldhigii ugu horreeyay ee rasmi ah oo ka baxsan xudduudaha Shiinaha. Sidoo kale, Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka Afrikaanka ah ee Shiinaha la saxiixday heshiis ku saabsan Mashruuca Waddada-Belt-Road.

Beijing waxa ay Jabuuti u aragtaa xarun ganacsi taas oo ay ugu wacan tahay maalgashiga Shiinaha ee dibadda iyo danaha dhaqaale ee qaaradda Afrika.

Sababta koowaad ee Shiinaha u daneynayay Jabuuti ayaa ah inay tahay goob istaraatiiji ah. Sababtoo ah Jabuuti, waxa ay ku taal mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka, waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee danaha dhaqaale ee Shiinaha.

Saldhigga militariga Mareykanka ee Jabuuti

Jabuuti waxa ay martigalisaa tirada ciidamada militariga Maraykanka ugu badan ee Afrika jooga, waxayna ku suganyihiin saldhiga lagu magacaabo Camp Lemannier, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso illaa 4,000 oo askari.

Camp Lemonnier waxaa markii hore aasaasay gumeystihii Faransiiska hase yeeshee saldhigan waxa ay Djibouti ka kiraysay Maraykanka 2002, iyada oo uu heshiiska ka mid ahaa isticmaalka madaarka iyo dekedaha.

Baaxadda xerada ayaa lagu sheegay inay tahay 3,150 mitir.

Maxay tahay muhiimadda Jabuuti ay leedahay ee dalalkan waaweyn uga sameysteen xarumaha militari?

Jabuuti oo ku taalla cirifka Geeska Afrika, ayaa ah dalka ugu baaxadda yar qaaradda Afrika.

Si kastaba ha noqotee, u dhawaanshaheeda gobolka Bariga Dhexe, meesha ay ku taal oo ah marinka Bab-ül Mandeb, iyo muhiimada ay u leedahay waddooyinka marinka tamarta ayaa dalkan ka dhigay meel muhiim ah oo soo jiidata indhaha dowladaha waaweyn ee caalamka.

Juqraafi ahaan Jabuuti waxay ku taalla meel laga maamuli karo marinka badda cas iyo badweynta Hindiya; waxa kale oo ay isku xirtaa badda Aasiya-Pacific, Gacanka Faaris, iyo gobolka Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu qeexi karaa in jabuuti ay ku taal albaabka laga galo badda cas, taas oo u oggolaanaysa inay noqoto marinka Waqooyiga Afrika iyo gobollada Bariga Dhexe.

Isha: BBC Somali

FALCELIN aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabadii WAARE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa raali-gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo kahor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, kaasi oo looga fal-celiyay siyaabo kala duwan.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale raali-geliyey dadka reer Dhuusamareeb oo qaarkood ay dhibsadeen hadal uu yiri, kadib markii uu ka laabtay safar uu ku tegay Dhuusamareeb oo wareysi uu bixiyay kaga deyriyey sida uu u socda dagaalka Al-Shabaab, isagoo markaas beelaha Hawiye iyo wasiirka difaaca ku eedeeyey hagar iyo in dagaalka aysan daacad ka ahayn.

Madaxweyne hore Waare oo ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa xalay arrimahaas ka bixiyey raali-gelin buuxda, isagoo sheegay inay lasoo xiriireen malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo wasiirka gaashaandhigga uu ka dhashay.

Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo dhaqanka Soomaaliyeed, islamarkaana uusan diyaar u aheyn inuu sababeeyo ama sii difaacdo hadalkiisii hore, isagoo si dabacsan u raali gareeyey odayaasha dhaqanka, malaaqyada beelaha Raxanweyn iyo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisii.

Waare ayaa xiligaas Wasiirka ku eedeeyey in taliska xoogga iyo istaraatiijiyadda dagaalka Al-Shabaab uu carqaladeynayo, isagoo si cad u sheegay in Wasiir Jaamac uusan u qalmin wasaaradda Gaashaandhigga, safarkaas Madaxweynuhu ma waday wasiirka oo markaas joogay furinta xigta Dhuusamareeb.

Hadda Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in hadalkaas uu raali-gelin ka bixinayo, sidoo kale wuxuu raali gelin siiyey dadka reer Dhuusamareeb oo isla wareysigaas uu ku eedeeyey isagoo sheegay inay dagaalka ku fiirsanayaan Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in reer Dhuusamareeb uusan ku soo arkin wax ceeb ah, balse hadalkiisa uu kala jeeday kicin bulsho, isagoo sheegay in bulshadii ay kacday oo maalmahaan Khawaarijta laga xoreeyey inta badan koonfurta gobolka Mudug.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdifataax Muuse Maxamuud: “Saan ayaa ah dhaqanka fiican oo aan waligeey raadinayay. Hadsii qofka uu gafo ama aad hadalkiisa dhibsato Media haka caayin ee walaalkaa qaldamay waaye sidaan camal uga garnaqso.”

Saalax ayaa sidoo kale yiri: “Adigana ma waxaad noqotey kuwii markey wax sheegaan hadana raali-gelin bixin jirey.”

“Madaxweyne ma markii hore baad saxneyd mise hadeer,” ayuu yiri Ibraahim oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday Waare.

Maxamed Aamin: “Anaga hadaan reer Galmudug nahay wareysigaaga si ayaad noo duraysay madaxweyne Waare, laakiin xaqiiq waxaa ah inaad goobaabo un ka waday.”

“Rag rag dhalay geesi ayaa ka garaabo wixii uu gaystay Waare hadaadan hadli lahayn meelo badan caawa xur ma ahaadeen,” ayuu yiri Cabdifataax Xuseen.

Khadro Maxamed Cali: “War in intaa inaa dhaanta kuu haystay awal Waarow.”

“Wixii hadda ka dambeeya ka first waxaad ku hadleyso ka fiirso,” ayuu yiri Cabdullaahi Diiriye Afrax.

Maxamed Ugaas Xuseen: “Awalba waad caadifad hadlaysay.”

Xog ka cusub xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo qorsheynagay falal lidi ku ah amniga caasimada ee Muqdisho.

Xubnahan lasoo qabtay ayuu sheegay in mid kamid ah xilliga ciidamada ammaanka ay qabanayeen uu bambo ku tuurayay waaxda Suuq Bacaad, ayna sifo baalmarsan shuruucdii loo dejiyay guryaha kirada ee caasimada ay ku deganayeen guriga ay kasoo abaabulayeen falalka amni darro.

“Waxaan tagnay gurigii uu deganaa qofkaas Khawaarijta la shaqeynayay, waxaa naloo sheegay in markay soo degayeen aysan degmada iska diiwaan-gelin, qofkii guriga lahaana wuu iska kireystay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaashqiid.

Waxa uu digniin u direy dhamaan mulkiilayaasha guryaha ee degmada Yaaqshiid, isaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaday mulkiilihii masuuliyad darrada sameeyay ee gurigiisa laga soo qabtay xubnaha Shabaabka.

“Waxaa halkan farriin uga direyna dhamaan shacabka degmada Yaashqiid, qofkii guri ka kireysta qof aysan ka warqabin maamulka degmada iyo laamaha ammaanka wixii imaada isaga masuuliyadiisa qaadaya. Gurigaas (lagu soo qabtay) go’aan ayaa ka gaareyna waana la xirayaa illaa amar dambe.”

Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo la sheegay in xog ku heleen inay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka, oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa Muqdisho muddooyinkii dambe ka socday howl-gallad amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda, midaas oo wax badan ka tartay amniga caasimada.

Somaliland oo jawaab kasoo saartay hadalkii Museveni ee ahaa inay DF Soomaaliya…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa mar kale ku gacan sayrtay inay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan in labada dhinac ay dib u midoobaan.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

Museveni ayaa qoraal uu soo dhigay X (Twitter) ku sheegay in labada dhinac ay wajahayaan caqabado isku mid ah, ayna u baahan yihiin inay midoobaan.

“Dadku waxay la kulmayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn midab iyo diin; sidaa darteed waa inay qaataan siyaasadda danta, oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxay wasaraadda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay inaysan wax qorshe ah ka laheyn wada-hadallo ku saabsan dib ula midoobidda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xukuumadda Somaliland waxay caddeyneysaa in wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Soomaaliya u furma aanay ka wada-hadli doonin midow, balse ay ku saabsanaan doonaan sidii labadaii waddan ee hore u midaysnaa ay horey ugu dhaqaaqi lahaayeen si kala gooni ah,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

“Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar labaad u xaqiijineysaa Midowga Afrika iyo beesha caalamka inteeda kaleba in aanay qorshaha ugu jirin wada-hadal ku saabsan midnimada Soomaaliya.”

Dhinaca kale, wafdti ka socda Somaliland oo ay ku jiraan wasiirada arrimaha dibedda Ciise Kayd iyo ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad ayaa Axaddii ku sugnaa Jabuuti.

Wafdiga ayaa la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashadooda ayaa kusoo aaday mid uu Jabuuti ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Axaddii halkaas kula kulmay xoghyaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.

Xog: DF oo diyaarisay ciidan xoreynaya degmooyinkii uu ka soo baxay militeriga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa loo diyaarinayaa in dib loogu celiyo degmooyinkii ay horay uga soo baxeen ee Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku sugan tahay.

Maalmahaan Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada diyaargarow militeri oo xoog leh, ciidamo u badan Gor Gor oo horay uga soo baxay deegaanadaas ayaa la doonayaa in hadda dib loogu celiyo.

Saraakiil militeri ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in toddobaadkaan la qorsheynayo inay ciidamada xoogga dalka ka dhaqaaqaan xeryahooda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Shabeellada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in degmooyinka iyo deegaanada laga soo baxay ay la xiriirto arrimo farsamo iyo xeelad militeri, balse hadda ayaa dib loo abaabulayaa howlgal mar kale lagu xoreynayo deegaanadaas.

Ciidamada ka soo baxay magaalooyinka kor ku xusan ayaa todobaadyo ka hor isugu tegay magaalada Aadan-yabaal, halkaas waxaa uga hor tegay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana la isla xisaabtan iyo guubaabin kadib lasiiyey fasax maalmo ah.

Hadda ciidamada waxaa u soo dhamaaday fasaxii lasiiyey waxaana dib loogu celinayaa deegaanadii ay ka soo baxeen oo Shabaab ay dib u qabsadeen, waxaana suurtagal ah inay dagaallo ku galaan oo kooxdu ay isku daydo inay difaacato.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, dagaallada ugu culus ayaa hadda ka socda Galmudug.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Shabaab ku weeraray deegaanka Shabeellow ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay, kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay difaacdaan deegaanka.

Dowladda oo war ka soo saartay dagaalkii Shabeelow waxay sheegtay in lagu laayey Shabaab badan, isla markaana khasaaraha gaaray kooxda labadii maalmood ee laaoo dhaafay uu ka badan yahay 70 maleeshiyaad iyo saraakiil ah, gaadiid badan oo duqeymo looga burburiyey.

Kulan xasaasi ah oo u socdo Aadan Madoobe iyo musharixiinta K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan xasaasi ah uu la leeyahay guddi ka socda musharixiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa hadda ka socda xarunta Villa Hargeysa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulankooda uga arrinsanayaan xaaladda cakiran ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan arrinta doorashada.

Mucaaradka oo maalmihii u dambeeyay shirar ka waday magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho ayaa dalbanayay in lala dadajiyo doorashada, si waqtigeeda loogu qabto.

Sidoo kale waxay ku eedeeyeen in madaxweyne Laftagareen uu illaa iyo hadda dhaqan-gelin heshiiskii ay horay ula galeen ee ka dhacay magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Xubnahan hor-boodaya mucaaradka waxaa kamid ah guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka, sida Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sidoo kale soo hoggaamiya maamulka.

Sidoo kale waxaa dhaq-dhaqaaqan siyaasadeed qayb ka ah siyaasiyiin ay kamid yihiin Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Senator hore Ilyaas Cali Xasan iyo Maxamed Aadan Fargeeti oo ah wasiirkii hore ee maaliyadda.

Kulanka haatan u socdo dhinacyadan iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu kasoo baxo war cusub oo ku aadan xaalka siyaasadeed ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isugu deegaankan kasoo jeeda ayaa horay u dhigay gogosha dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Baydhaba, balse arrinta ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, maadaama la gaaray waqtigii lagu heshiiyay in la bilaabo doorashooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Laftagareen ayaa lagu eedeynayaa cabuur siyaasadeed iyo caga jiid ku aadan hore u socodka doorashada guud ee hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo magacaabay guddiyo cusub + Shaqada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi ayaa magacaabay guddiyo cusub.

Guddiyadan cusub oo si wadajir ah u magacaabeen labada guddoomiye ayaa waxay kala yihiin; Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait.

Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar ayaa waxa uu ka kooban yahay sagaal xubnood, waxaana guddoonka uu faray xoghayeyaasha guud ee labada Aqal in magacaabistan ay sida ugu dhaqsaha badan ugu gudbiyaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka dalka Qatar.

“Magacaabiddan ayaa waxay dhaqan-galeysaa marka at si wadajir ah u saxiixaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait ayaa isna wuxuu ka kooban yahay shan xubnood, oo saddex kamid ah ay yihiin Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, halka labada xubnood ee kale ay yihiin Senataro ka tirsan Aqal Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Magacaabida guddiyadan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka.

“Markay arkeen (guddoonka labada Aqal) xiriirka iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya BJFS iyo Baarlamaanka Dalka Qatar iyo Kuwait, taariikh nololeedka xildhibaannada jyo Senatarada magacgadood hoos ku xusan yihiin, waxay si wada jir ah u magacaabeen Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Qatar, iyo Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Kuwait.”

Hoos ka aqriso magacayada;

Daahir Geelle oo ka hadlay qaabka uu ku socdo dagaalka Al-Shabaab (Dhageyso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegay sida uu u arko dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo qaabka uu ku socdo.

Daahir Geelle oo wareysi siiyay VOA ayaa marka hore waxa uu bogaadiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mideysan yihiin dagaalka socda, taasi oo horseeday in kooxda laga xoreeyo deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado ka talinaysay Al-Shabaab.

“Habka dowladda ay ugu guuleysatay inay muujiso in dagaalkan kama dambeys ka yahay, sida bixitaanka madaxweynaha ee xagga uu tagay, saraakiisha sar-sare ee tegay. Dhacdooyinkaan muujinaya inay kama dambeys ka tahay wey isoo jiidaneysay,” ayuu yiri Siyaasiga Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal-yahaanada kooxda ay weli kusii nagaadan deegaanada la qabto qaarkood, taasi oo keenta in weeraro gaadmo ah ay ciidamada huwanta kusoo qaadan.

“Lama yaabin in gaadmo sameynayaan ama xataa marka la wareero ka baxaan iyaga oo khasaarahooda yar yihiin, kaliya waxaa la yaabanahay in markii meel looga duugo inay meelaha kale u suurta-galineyso inay ku dhuumaleystaan oo ceelasha hawl-bowlaha u ah ama waddooyinka muhiim u ah aysan ciidanka dagaan ka dhigeyn inay meesha ku jiraan wax aad iyo aad u adag.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaabahaas iyada oo aan waxba laga qaban ayaa dagaalka si u qabooba ciidankeena waxay isku badalayaan weerar-sugayaal. Waxaa rajeynayaa in khibrad laga korodhsado arrintaas.”

Daahir Geelle ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in xilligaan furan tahay hal waddo oo ah in Al-Shabaab laga adkaado, aysan jirin waddo kale oo u furan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Nimankaan waa kuwo caalami ah oo meelo badan ku xidhan oo waayo aragnimo 40 sano ka badan u leh waxaan waaye, jidka waa jid dhiig leh oo dhib leh, oo aysan ka furneyn in la maro mooye inkale.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xoojiyay si mooralka ciidanka dagaalka ku jira loo ilaaliyo ay muhiim tahay “in sida ugu dhaqsaha badan lala xisaabtamo masuuliyiinta dayaca sameeya.”

“Haddii aan isla xisaabtan xoog leh dhicin, oo hubanti uga dhiga ciidanka in tii oo kale dhicin. Ciidanka haddii ay ogaadan halka uu qaladka ka yimid oo xogta lala wadaago oo ciqaabteeda ay timaado oo sida abaalmarinta geesinnimada u mudan tahay ayaa sidoo kale gaabinta, dayaca iyo khiyaamada u mudan yihiin ciqaabid.”

Hoos ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran;

Waare oo raali gelin siiyey Wasiirka Gaashaandhigga iyo reer Dhuusamareeb (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka hor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sidoo kale Waare ayaa raali geliyey dadka reer Dhuusamareeb oo qaarkood ay dhibsadeen hadal uu yiri.

Maxamed Cabdi Waare oo ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa markii uu ka laabtay safar uu ku tegay Dhuusamareeb wuxuu bixiyey wareysi uu kaga deyriyey sida uu u socda dagaalka Al-Shabaab, isagoo markaana beelaha Hawiye iyo wasiirka difaaca ku eedeeyey hagar iyo in dagaalka aysan daacad ka ahayn.

Madaxweyne hore Waare ayaa caawa arrimahaas ka bixiyey raali gelin buuxda, isagoo sheegay inay lasoo xiriireen malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo wasiirka gaashaandhigga uu ka dhashay.

Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu sababeeyo ama sii difaacdo hadalkiisii hore, isagoo si dabacsan u raali gareeyey odayaasha dhaqanka, malaaqyada beelaha Raxanweyn iyo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisii.

Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan ka gambasho laheyn Madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbaday in wasiirka gaashaandhigga oo markaas joogay furinta bariga Dhuusamareeb uusan Maxaas geynin, warkaas wuxuu Waare twitterkiisa ku qoray maalin ka hor intii uusan Madaxweyne Xasan Sheekh u safrin Maxaas.

Waare ayaa xiligaas Wasiirka ku eedeeyey in taliska xoogga iyo istaraatiijiyadda dagaalka Al-Shabaab uu carqaladeynayo, isagoo si cad u sheegay in Wasiir Jaamac uusan u qalmin wasaaradda Gaashaandhigga, safarkaas Madaxweynuhu ma waday wasiirka oo markaas joogay furinta xigta Dhuusamareeb.

Hadda Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, sidoo kale wuxuu raali gelin siiyey dadka reer Dhuusamareeb oo isla wareysigaas uu ku eedeeyey isagoo sheegay inay dagaalka ku fiirsanayaan Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in reer Dhuusamareeb uusan ku soo arkin wax ceeb ah, balse hadalkiisa uu kala jeeday kicin bulsho, isagoo sheegay in bulshadii ay kacday oo maalmahaan Khawaarijta laga xoreeyey inta badan koonfurta gobolka Mudug.

Halkaan ka daawo

 

Maxaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah kala hadlay wasiirka difaaca Mareykanka

0

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta halkaas kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay wasiirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda  taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhankiisa wasiir Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka argagixisada ee ka socda dalka.

Sidoo kale Wasiirka Gaashanadhigga Mareykanka ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan wadanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa wasiirka la wadaagay in argagixisada ay deegaano kooban kaga sugan yihiin dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolkaan Geeska Afrika oo dhan iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah lagu soo afjaro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar aan wax faahfaahin ah laga bixin maalin ka hor uga baxay Dhuusamareeb, wuxuuna toos u aaday dalka Jabuuti, kadib muddo 50 cisho ah oo Dhuusamareeb uu u joogay hoggaaminta dagaalka wadanka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Qoor Qoor oo booqday qoyskii Mujaahid Axmed Fiiqine, shaaciyeyna tuhun culus

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa toos u tagey gurigii uu ka baxay Axmed Fiiqane Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dhigay qarax lagu dili rabay Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Maxaxweyne Qoor Qoor ayaa reerka uu ka dhashay Axmed Fiiqane ka balan qaaday in maamulka Galmudug uu ka faala qaadi doono noloshooda, taas oo sii jiri doonta xitaa hadii uu dhinto ama ka tago xukunka.

Madaxweynaha ayaa reerka badan qaaday inay u soo aari doonaan wiilkooda, maadaama sida uu sheegay dadka reer Galmudug aan lagu aqoon oohin oo ay yihiin dad aarsada.

“Dadkeena looma ooyee waa loo aaraa, waana ka soo aareynaa Khawaarijta, Hooyo, Aabe iyo dhamaan ehelka Fiiqane waan amaaneynaa, waa dad gob ah, waxaana idiin sheegayaa walaalayaal Khawaarijtu waa gabagabo,” ayuu yiri Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor oo ka sheekeeyey go’aankii uu qaatay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar oo la shahiiday ayaa soo muujiyey inuu jiro tuhun ah in rag isaga u dhawaa ay wax kasoo abaabuleen kiiskaan lagu dili rabay.

“Waxyaabo oo gudaha ku jira waa baareynaa waana cadaaneysaa mar dhow insha allaah, kama hari doono Khawaarijta iyo cawaankeeda waan tirtireynaa insha allaah,” ayuu yiri Qoor Qoor oo wajigiisa ay caro badan ka muuqatay.

 

Xamza oo shaaciyay sababta Al-Shabaab ay qaraxyada ugu beegsato Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne, ayaa shaaca ka qaaday sababta Al-Shabaab ay marwalba qaraxyada ugu beegsato magaaladaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo qaraxaas ku tilmaamay mid fuleynimo ah ayaa ugu horreyntii wuxuu ka tacsiyadeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxaas, halka kuwa dhaawaca ah uu Alle uga baryay bogsiino.

“Markii looga adkaaday (kooxda Al-Shabaab) furimaha hore ee dagaalka ayaa waxay qarax ku baabi’iineysa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta ay marwalba kooxda ugu beegsato qaraxyada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar-goynta argagixisada.

“Sababta ay u bartilmaameedsanayaan kooxda Khawaariijta magaalada Beledweyne waxay tahay in reer Hiiraan ay ku suntan yihiin dabar gooynta Khawaarijta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab uu marayo meel wanaagsan, ayna kooxda haatan dalka kaga harsan tahay meelo kooban, islamarkaana gulufka socda ay guul ka gaari doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa billowday wejigii koowaad ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Agoosto ee sannadkii hore. Wejiga labaad ayaa lagu dhawaaqay bishii hore, iyada oo ciidamada milateriga ay gacan ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil kahor hadal ka jeediyey magaalada Dhuusomareeb ayaa qabsaday inuu shan bilood kaga adkaan doono Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan in hadda ay hartay afar bilood.

Maxaa ka jira inuu isbeddalay mowqifkii DF ee muddo kororsigii Lafta-gareen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka la xiriira doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ayaa isa-soo taraya, ayada oo horraanta bisha November uu ku eegyahay waqtigii heshiiskii la siiyay inuu Lafta-gareen kusii joogo xafiiska.

Mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan isugu tegay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay inay magaalada Baydhabo col iyo nabad mid uun ku tagaan oo kadibna la bilaabo dhaqangelinta heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed, kaasi oo qodob kamid ah uu tilmaamayay in doorashada maamulka la bilaabo horraanta bisha November 2023.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu dhawaan sheegay in haddii uu Lafta-gareen diido inay si nabad ah ku tegaan Baydhabo oo la tartamo in iyaga oo hubeysan ay mari doonaan jidka u dhaxeeya Baydhabo iyo Muqdisho, oo ay sidaas ku tegi doonaan magaalada Baydhabo.

Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dareen gaar ah siiyeen abaabulka mucaaradka Koonfur Galbeed, iyada oo la xasuusto in Baydhabo uu dagaal ka dhacay markii uu dhamaaday muddo xileedkii Lafta-gareen, kadibna lagu qasbanaaday in heshiis lagu aadayo doorasho la dhex dhigo labada dhinac.

Sida laga soo xiganayo illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa dhawaan soo fara-geliyay xiisadda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, waxayna la hadleen guddoomiyaha golaha shacabka oo isagu hormuud ka ahaa heshiis siyaasadeedkii Koonfur Galbeed.

Waxay kala hadleen in aan la aqbali karin in dhiig labaad uu ku daato magaalada Baydhabo ayna muhiim tahay in wixii lagu heshiiyay la fuliyo, ayada oo la xasuusto in heshiiskii Baydhabo ay kaalmo maaliyadeed ku bixisay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaga waxaa waayahan lagu xaglinaya dhanka Lafta-gareen, taas oo keentay in mucaaradka ay waqti badan iska gelin dhankiisa.

Dhuusamareeb, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay inay wada-hadallo gaar ah ka yeesheen xaaladaha Koonfur Galbeed, doodda Mucaaradka iyo waxa dhici kara haddaan deg deg looga howl-gelin arrimahan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha uu qabo in aanay sax aheyn in laga baxo heshiiskii Baydhabo, islamarkaana uu guddoomiyaha usoo jeediyay in laga howl-gallo raadinta dhabo aan gacan ka hadal aheyn oo reer Koonfur Galbeed doorasho ku aadi karaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa in dhamaadka bishaan ama horraanta bisha soo aadan uu tego magaalada Baydhabo. Iyada oo dadka daneeya arrimaha Koonfur Galbeed ay sheegayaan in xaalka u muuqdo in doorasho la aadi doono.

Haddii ay sidaas u dhacdo oo Koonfur Galbeed doorasho la galiyo waxaa su’aal gali doona heshiiskii 27-kii May ee dowladda dhexe iyo madaxda maamullada, wallow Koonfur Galbeed ay marwalba leedahay sumad gaar ah, maadaama uu jiro heshiis siyaasadeed ay gaareen dhinacyada maamulka, ayna saxiixiisa goobjoog ka ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Aadan Madoobe, kaas oo tilmaamaya in bisha November ee sanadkaan ay reer Koonfur Galbeed doorasho aadan.