25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Madaxweyne Xasan iyo Lloyd Austin oo ku kulmaya dalka…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galin dambe ee maanta kula kulmaya magaalada Jabuuti Xoghaya Gaashanadhigga ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Kulanka madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa imanaya iyadoo meel qaraar uu marayo dagaalka dawladda Soomnaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa taageero milatari, tababar iyo mid bani’aadminnimo intaba ka hesha dawladda Maraykanka. Milatariga Maraykanku waxay sidoo kale ka caawiyaan dawladda Soomaaliya duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jeneraal Austin ayaaa saacadihii hore ee saaka gaaray dalka Jabuuti, halkaasi oo uu sheegay inuu kula kulmayo madaxda waddankaasi iyo saraakiisha gaashaandhigga.

Dhinaca kalena, qandaraasle la shaqeeya Maraykanka iyo mid ka mid ah ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay rasaas ay Al-Shabaab ku rideen saldhigga ciidamada Kenya ee Kulbiyow oo gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya, sidaasi waxaa VOA u xaqiijiyey sarkal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Maraykanka.

Ururka Al-Shabaab ayaa farriin lasoo dhigay barta Telegram ku sheegtay inay weerarkaas ku dhaawaceen afar ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo sagaal ka tirsan ciidamada Kenya.

Sarkaalka u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay inaan weerarkaas lagu dhaawicin ciidamo ka tirsan kuwa Marayanka, isla markaana qandaraaslaha la dhaawacay aanu u baahanin in gargaar caafimaad darteed looga qaado saldhiggaas.

Sidoo kale sarkaalka dhinaca gaashaandhigga ee Maraykan ah ayaa sheegay in ciidamada milatariga Maraykanka ee AFRICOM aysan wax duqayn ah ka gaysan Soomaaliya maalintii Jimacaha ee September 22-keeda.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ururka Al-Shabaab ay ku eedeeyeen AFRICOM inay ka dambeeyeen duqayn la sheegay inay ka dhacay degaan u dhow Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Gedo.

Duqayntaas ayaa dawladda federaakka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay taliye lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi iyo 7 ilaaladiisa ah.

Hase yeeshee ururka Al-Shabab ayaa iyaguna dhinacooda sheegtay in duqyantaais ay ku dhinteen 8 qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan carruur, taasi oo aan weli si madax-banaan loo xaqiijin.

Daawo: Shir Laftagareen ka dhan ah oo ka dhacay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa xalay shir xasaasi ah oo ka dhan ah madaxweynaha hadda talada haya ee Cabdicasiis Laftagareen ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacay hoyga Jawaari ayaa waxa uu daba socday shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada Nairobo, kaas oo laga soo saaray go’aanno culus.

Xubnaha ka qayb-galay shirka waxaa kamid ah, Shariif Xasan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Maxamed Mursal, xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Koonfur Gabeed Soomaaliya.

War murtiyeed kasoo baxay shirka oo uu akhriyay mid kamid xubnaha mucaaradka ayaa waxaa lagu yiri  “Kulankan waa kulan daba socda kulankii ka dhacay magaalada Nairobi waxaa isugu yimid odayaashii kusoo shiray dalka Kenya, xildhibaanada BFS iyo wasiirada DFS ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed”.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday dagaalka Al-Shabaab iyo diidmada xubnaha mucaaradka ee ku aadan muddo kororsiga madaxweyne Laftagareen.

“Shirkan waxaa la’iskula soo qaaday taageerida la dagaallanka Khawaarijta oo uu hormuud ka yahay madaxweynaha JFS waxaa kale oo shirka lagu soo qaaday in la taageero hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu diiday wax muddo korosi ah ha ahaato heer maamul goboleed ama heer federaalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale xubnaha mucaaradku dalbadeen in la dhaqan-geliyo heshiiska lagu gaaray Baydhaba, si ay doorasho uga dhacdo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn waxay dalbadeen in 5-ta bisha soo socota October la’isugu tego magaalada Baydhaba, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii, loona aado doorasho loo dhan yahay.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka taagan is mari waa siyaasadeed oo u dhexeeyay Laftagareen iyo mucaaradka maamulkaasi, waxaana usii dheer dagaalka Al-Shabaab.

Sarkaal Daacish ah oo gaajo ugu geeriyooday Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu gaajo iyo haraad darteed ugu geeriyooday dhulka miyiga ah, gaar ahaan nawaaxiga degmada Dhudhub ee Karkaar.

Puntland ayaa sheegtay in ninkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen, laguna magacaabo Maxamed Saalim Maxamed uu u dhintay kadib kuleyl iyo gaajo soo wajahday.

Qoraal kasoo baxay waaxda dambi baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaalkaas, waxaana la socday nin kale oo Soomaali ah.

Maydka ninkan ayaa laga soo helay goobta, balse ma cadda illaa iyo hadda ujeedkiisa iyo halka uu ku socday intaba.

“Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidabka Booliska Puntland.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa haatan baadi goobaya ninkii la socday sarkaalka geeriyooday, kaas oo meesha isaga dhaqaaqay, kadib geerida saaxibkiis.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Puntland ay xukuntay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ka howlgalayay magaalada Boosaaso.

Saddexda xubnood ayaa kala ah:- 1. Salman Faarax Mohamed 15 sano oo xarig ah, 2. Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay  5 sano, 3. Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.

Daawo: Gabadhii basaaska u ahayd Al-Shabaab iyo kooxdeeda oo la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday shabakad ka kooban 3 qof oo ka tirsaneyd Al-Shabaab, kuwaas oo ahaa basaasiin kooxda uga howlgalayay gudaha magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee la xukumay ayaa kala ah Xaawo Cismaan Cabdi, Cawil Aadan Jaamac iyo Xasan Cali Xasan, kuwaas oo ay maxkamadeyntoodu muddo dheer soo socotay.

Xaawo Cismaan Cabdi oo aheyd halka gabar ee ku dhex jirtay kooxdan ayaa waxaa lagu helay inay kayd haye hub u aheyd Al-Shabaab, sidoo kalena ay shirqooli jirtay xubnaha bartilmaameedka u ah kooxda sida laga hor caddeeyay maxkamadda ciidanka qalabka sida.

Gabadhan oo si weyn arrinteeda loo hadal hayo ayaa ka warbixisay sida ay ay ugu biirtay kooxda, waxa ay sheegtay in ay Sacuudiga kasoo laabatay sanadkii 2021-kii kadibna baraha bulshada ay ka daawan jirtay muuqaalada Al-Shabaab oo ay sidaas ugu biirtay, ayada oo xustay in gabdho iyo wiilal ay ka baratay Internet-ka, ayna sidaas ku howlgashay.

Sidoo kale waxa ay qiratay in hubka loo keeni jiray, sida bambaanooyin iyo bistoolado, kadibna ay usii gayn jirtay xubnaha weerarada ka fuliya gudaha caasimada.

“Wiilasha aan la shaqeynaayay aniga ninka Amiirka ah ayaa igu soo xiray oo joogo meel la dhaho Mubaarak, wuu isoo wacaayay kadib alaabta ayaa la’ii keenaayay, markii dambe waxaa la ii keenay bambooyin guriga ayaana ugu hayay” ayay tiri Xaawo Cismaan.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Boqol dollar ayaa la’i siinayay, kaliya waxaa lay dhahaayay meel heblaayo gey alaabta, waxaana inta badan geyn jiray Tabeelaha” ayay sii raacisay.

Maxkamadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Cawil Aadan Jaamac oo isna ahaa basaas kale oo xogaha siin jiray kooxda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Ninkan oo deganaa xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid ayaa ku shaqeynsan jiray mooto Bajaaj, balse si hoose ugu basaasayay kooxda.

Waxaa kamid a howlaha uu sameyn jiray inuu la socda dhaq-dhaqaaqa ciidanka amniga iyo meelaha ay ka howlgalayaan marka la baarayo gaadiidka ama mootooyinka, si ay uga weecdaan xubnaha Al-Shabaab ee raba inay weerar gaystaan.

Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Buulo-mareer ee lagu qaaday ciidanka Uganda ee ATMIS, isaga oo qaabilsanaa inuu isha ku hayo dhaq-dhaqaaqa Muqdisho iyo haddii uu jiro gurmad kasoo baxayo oo aadayo dhanka magaaladaasi.

Ninka saddexaad ee isna la xukumay waa Xasan Cali Xasan oo 55 jir ah, isla-markaana ah qurbe-joog, waxaa lagu helay inuu gaadiid uu Taxi ahaan ugu shaqeyn jiray ugu qaadayay xubnaha Al-Shabaab, sidoo kalena uu Al-Shabaab u geyn jiray dadka u dacwad tega.

Xasan Cali ayay sidoo kale maxkamadda sheegtay inuu kooxda u ahaa Nabadoon beenaad iyo dalaal, isla-markaana u fuliyay howlo badan oo ay u direen xubnaha Al-Shabaab.

Ugu dambeyn guddoomiye Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in Cawil Aadan Jaamac lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale waxaa Xaawo Cismaan lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka Xasan Cali isna lagu ridday 1 sano oo il ku heyn booliska ah. Dhanka kale maxkamadda ayaa sii daysay nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Xuseen, kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Madaxweyne Museveni oo Twitter soo dhigay qoraal ka careysiiyey reer Somaliland

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa bartiisa X (twitter) soo dhigay qoraal ka careysiiyey Somaliland, oo uu ku diiday fikradda gooni u goosadka ee Hargeysa, isaga oo dalbaday wada-hadallo dhex-maray Somaliland iyo dowladda federaalka.

Museveni ayaa qoraalkan soo daabacy kadib markii uu xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilka Somaliland ee Uganda Jaamac Muese Jaamac.

“Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergeyga gaarka ah ee Somaliland ayaa iigu yeeray xarunta madaxtooyada ee Entebbe,” ayuu Museveni ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X. “Ma taageersanin in Somaliland ka go’do Soomaaliya, sababtoo ah xeelad ahaan, waa mid khalad ah.”

“Dadku waxay wajahayaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegayn jinsiyadda iyo diinta, sidaas darteed, waa inay qaataan siyaasadda danta, taas oo ka muhiimsan siyaasadda aqoonsiga,” ayuu yiri Museveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhex-dhexaadiyo Hargeysa iyo Muqdisho, ayna u baahan yihiin inay wada shaqeeyaan.

“Waxaan ogolahay in aan qaato doorka dhex-dhexaadinta nabadda ee labada dhinac, suuqa gudaha ee waddan kaliya kuma filna, sidaa darteed, Somaliland iyo Soomaaliya waxa looga baahan yahay in ay midoobaan, oo ay wadajir u ganacsadaan, oo ay la ganacsadaan dalalka kale ee Afrika,” ayuu yiri.

Qoraalka Museveni ayaa waxaa ka fal-celiyey dad badan oo reer Somaliland ah oo madaxweynaha Uganda u qoray jawaabo caro leh oo ay kaga xun yihiin.

Museveni ayaa inta badan ah siyaasi aan la gaban hadallada, wuxuuna hadda kahor sidoo kale hadal u muuqday bahdil ku hor yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u sheegay inaanu isku haleyn ciidan shisheeye ee Soomaaliya ay dhisato ciidankeeda, si ay u sugaan amniga dalka.

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta saxiixay saddex xeer

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta sixiixay saddex xeer oo kala duwan.

Xeerarkan saddexda ah ayaa waxay hore uga soo gudbeen golaha wakiilada maamulka Jubbaland iyo xukuumadda, kuwaasi oo meel-mariyay.

Xeerarkan ayaa kala ah;

1. Xeerka Hay’ada Waddooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska.

2. Xeerka Sharciga Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah oo ay soo gudbisay Wasaarada Kaluumeysiga dhaqaalaha Buluugga ah.

3. Xeerka Ilaalinta iyo Maareeynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Xeerarka saddexda ah ee uu maanta saxiixay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidaas waxay ku noqon doonaan dhaqan-gal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubbaland.

DF oo dib u qabsatay 45% dhulkii ay haysatay Shabaab

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xoreysay 45 boqolkiiba dhulkii gacanta ugu jiray maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan inay harsan tahay 55 boqolkiiba.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada New York, oo uu khudbad ka jeediyey. 

Xamza ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka QM “inuu si buuxda oo shuruud la’aan ah cunaqabtaynta hubka uga qaado Soomaaliya,” taasi oo saarneyd tan iyo 1992-kii.

“Qaadista cunaqabateyntan waxay noo ogolaanaysaa inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno argagixisada oo aan dadkeena u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri.

Xamza waxa uu sheegay in dalkiisu uu “gacan bir ah kula tacaalay xag-jirnimada,” isagoo adeegsanaya “olole guul leh” oo ka kooban tallaabooyin militari, dhaqaale iyo fikir. 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay maanta leedahay “nidaamyada maamul ee lagama maarmaanka ah oo ku adag xakameynta haysashada, adeegsiga iyo kaydinta hubka.” 

Soomaaliya ayaa billowday wajigii koowaad ee duullaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Agoosto ee sannadkii hore. Wajiga labaad ayaa lagu dhawaaqay bishii hore, iyadoo ciidamada milateriga ay gacan ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan bartamaha Soomaaliya. 

Haddii uu sax yahay hadalka Xamza ee ah in dowladda ay xoreysay 45 boqolkiiba dhulkii ay haysatay Al-Shabaab, waxay ka dhigan tahay in weli dagaalku aanu dhoweyn, ayna adkana doonto muddada ay dowladda qabsatay inay kusoo afjarto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil kahor hadal ka jeediyey magaalada Dhuusomareeb ayaa qabsaday inuu shan bilood kaga adkaan doono Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan in hadda ay hartay afar bilood.

IMF foresees Somalia’s full debt clearance by December

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia is gearing up for a significant economic milestone. The International Monetary Fund (IMF) and other international lenders are set to grant the country comprehensive debt relief by December.

The potential relief comes in recognition of Somalia’s diligent efforts to enhance domestic revenue and augment the transparency of its public finance management.

Laura Jaramillo, leading the IMF team, affirmed Somalia’s achievements. “Somalia has met almost every requirement for full debt relief,” Jaramillo stated.

However, she emphasized the need for more progress, remarking, “Building on the progress thus far, the main focus should be on fortifying domestic revenue, enhancing public financial management, and bolstering financial deepening and inclusion.

Additionally, improving governance and data collection is vital.”

Somalia’s economic journey

The context of these achievements is crucial. Somalia, located in the Horn of Africa, has been striving to revitalize its economy amidst numerous challenges.

The nation’s economic journey hasn’t been smooth, from drought and floods to food shortages and security threats.

Yet, despite these adversities, the country has made significant strides in implementing vital economic reforms.

The lenders lauded Somalia, stating, “The enacted reforms, aiming to optimize public resource utilization for the benefit of Somali citizens and stimulate economic growth, are beginning to yield positive results.”

This growth is pivotal as it paves the way for job opportunities, benefiting the nation at large.

Somalia’s challenges, including climate catastrophes, dwindling remittances, and unstable security conditions, could have easily stalled its economic recovery.

Yet, the nation’s unwavering dedication to its reform strategies has been commendable.

Debts to sustainable development

Somalia’s journey towards debt relief began earnestly in March 2020 when it reached the decision point under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) initiative.

This achievement reduced its debt from a staggering $5.2 billion to a more manageable $3.7 billion.

Upon completing the HIPC initiative, Somalia stands to gain debt relief from esteemed institutions like the IMF, World Bank, African Development Bank, Inter-American Bank, the 22 members of the Paris Club, and any other willing lenders.

The expected debt relief will dramatically reduce Somalia’s outstanding loans from $3.3 billion to a mere $557 million, equivalent to about 10% of its GDP.

This reduction grants the nation the much-needed flexibility to address the challenges hindering its economic advancement.

Moreover, Somalia is poised to join a league of nations, including Burundi, Rwanda, Tanzania, Uganda, Ethiopia, and the Democratic Republic of Congo.

These countries are among the 31 underdeveloped nations that have previously benefited from the debt relief initiative.

Ma’suuliyiin shaaciyay in loo aarayo reer Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Oline) – Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo xalay garoonka Aadan Cadde ugu tegay dhaawacyadii laga soo qaaday magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay weerarkii is-miidaaminta ee kooxda Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale oo kamid ah mas’uuliyiinta meesha ka hadlay, kana soo jeedo gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray in loo soo aari doono dhamaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dhibaateeyay Beledweyn.

“Nimanka Khawaarijta ficilada ay sameynayaan waxaan ka qaadeynaa ad-adeeg iyo inaan usoo aarno dadkaas shacabka ah, waana loo soo aaraayaa” ayuu yiri xoghayuhu.

Faysal Caraale ayaa sidoo kale farriin u diray reer Beledweyne, wuxuuna ugu baaqay inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan weerarkii shalay ka dhacay magaaladaasi.

“Waxaan rajeynayaa in dhaawacyada la keenay, ayaga oo caafimaad qaba inay laaban doonaan nimankii Khawaarijta ahaa ee dhibkaan gaarsiiyay ayaga oo aan waxba galabsan inay kasoo aarsan doonaan, dadka kale ee Beledweyne joogana way usoo aari doonaan” ayuu mar kale yiri Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa naga go’an oo aan habeen iyo maalin u taagnaan doonaa haddii uu illaah yiraahod nimankaas Khawaarijta ah oo Muslimka dhibay in gacmaha lagu cadaabo”.

Dhankiisa xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo kamid ah xildhibaanada ka hadlay meesha ayaa sheegay inuu sii dhacayo gabalka Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay sii wadaan halgankooda, ayna la dagaalamaan kooxda.

“Khawaarijta waa laga adkaaday,Waqtigodana waa dhamaday Shacabka Baladweynow sidaad Argagixisada iskaga celiseen,iskaga celiya dadka cadowga gudaha Magaalada u joogo.” ayuu isna yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego.

Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogu jebiyay Al-Shabaab, waxayna taas keentay in kooxdu bartilmaameed ka dhigato magaalada Beledweyne oo noqotay goobta labaad ee ugu qaraxyada badan marka laga yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Somalia reclaims 45% Al-Shabab territory in a year: PM

0

New York (Caasimada Online) – Prime Minister Hamza Abdi Barre announced that within a year, Somalia had recaptured over 45% of territories once occupied by the Al-Shabab terrorist group.

Speaking at the 78th UN General Assembly, Barre detailed the nation’s comprehensive strategy, which combined military, financial, and ideological countermeasures.

Highlighting Somalia’s commitment to eradicating terrorism, Barre proudly stated, “We’ve dealt decisively with extremism.” This approach is not merely military; it incorporates financial and ideological countermeasures.

The inaugural phase of the military’s offensive against the Al-Qaeda-affiliated Al-Shabab commenced in August of the prior year, followed closely by the second phase involving partnerships with clan-based militias in central Somalia.

“Our nation now boasts stringent administrative protocols concerning the regulation, utilization, and storage of firearms,” Barre added, emphasizing the nation’s capabilities.

The call to lift the arms embargo

The Prime Minister fervently appealed for the “absolute and without conditions removal of the arms embargo” – an embargo that’s been in place since 1992.

Characterizing it as the world’s “most enduring, encompassing, and comprehensive,” Barre believes that revoking this restriction can bolster Somalia’s efforts against terrorism, ushering in an era of peace and prosperity.

“Our goal is to ensure a peaceful, prosperous future for our people,” Barre reiterated.

While the fight against terrorism remains paramount, the effects of climate change have not escaped the Prime Minister’s attention.

“Somalia is unjustly paying the price of a problem it scarcely contributed to,” Barre remarked, referencing the nation’s negligible carbon footprint.

Yet, the nation has repeatedly faced the devastating consequences of extreme climate events.

Chronic droughts followed by destructive flooding have wreaked havoc in Somalia. This vicious pattern has resulted in the tragic loss of thousands of lives and the displacement of millions.

Barre called for global solidarity and action, urging, “The international community must rally to support countries like ours that bear the disproportionate burden of climate change.”

The path forward

Drawing a comparison with its past, Barre noted, “No country has regressed as much as Somalia since the 1960s.”

Yet, Somalia’s journey towards peace, stability, and socio-economic growth has seen a resurgence in the last decade.

The Prime Minister envisions a future where the nation progresses socially and economically without looming security threats. For this vision to materialize, he emphasized, “We need an immediate and total end to violence and destruction.”

Barre also touched upon the ongoing Israeli-Palestinian conflict, expressing solidarity with the Palestinians and advocating for a two-state solution in line with the pre-June 1967 borders.

Describing the world as “both divided and inequitable,” Barre underscored the urgency of reforming global entities like the UN and development banks.

“These institutions, in their present form, no longer serve their intended purpose,” he concluded.

Gaadiid xamuul ah oo looga shakiyey qaraxyo culus iyo raggii watay oo lagu qabtay…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne oo shalay uu ka dhacay qarax culus oo galaaftay nolosha dad badan waxaa lagu qabtay gaadiid kale oo looga shakiyey inuu qaraxyo sido, sidoo kale waxaa la ogaaday qofkii ka soo damiintay laamaha amniga gaarigii qarxay inta uusan soo gelin magaalada.

Ugu yaraan laba gaari oo xamuul ah iyo raggii watay ayaa la qabtay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo waxa uu yahay rarka saaran gaadiidkaas, sababta loo beegsaday gaadiidkaan waa in isku hal qof uu kasoo damiintay Control-ka laga soo galo magaalada Beledweyne.

Sawirro laga soo qaaday gaadiidka la qabtay ayaa muujinaya raggii watay uu u jeebeysan ciidamada, Taliyaha booliska Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inay baarayaan waxa saaran gaadiid la qabtay iyo ragga watay oo hadda xiran.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa la helay xogta ninkii Koontoroolka laga soo galo magaalada Beledweyne ka soo damiintay gaariga ku qarxay magaalada, inkastoo aanan helin xogta in lasoo qabtay ninkaas.

Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay, qiyaastii 20 kalena waa ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay mid kamid ah xaafadaha ugu saxmada badan magaalada oo lagu magacaabo Nuur-xawaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray qaraxaas ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas arxan darrada ahaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Dhaawacyada qaraxii shalay ka dhacay Beledweyne oo la keenay Xamar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii kusoo dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa xalay la keenay magaalada Muqdisho, kadib markii ay laba diyaarad u dirtay dowladda Soomaaliya.

Dadkan ayaa waxaa soo daabulay Hay’adda SoDMA oo iyadu dhanka gargaarka u qaabilsan dowladda dhexe, waxaana laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee  Aadan Cadde.

Dhaawacyada la keenay ayaa gaaraya illaa 16 qof, kuwaas oo ay xaaladoodu liidato, waxaana la geeyay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay dhaawacyadu isugu jiraan Caruur, Dumar iyo Dad dhalinyaro ah oo qaba dhawacyo culus waxaana Garoonka Diyaradaha Aadan Cade uga hortagay Xildhibaano katirsan BJFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Wacyigalinta Bulshada ee SoDMA Dr. Cabdullahi Muse Axmed (Fanax) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’addu u gurmatay dhammaan dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu xasuuqay magaalada Beledweyne.

“Waxaa u suuragashay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDOMA) in ay gurmad caafimaad u fudiso dhammaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii foosha xumaa ee ay argagixsadu ka gaysatay magaalada Beledweyne, weerarkaas oo ay waxyeelo badan kasoo gaartay shacab Soomaaliyeed ” ayuu yiri Dr Abdullaahi Muuse.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa musiibo xanuun badan oo haysata dadka Soomaaliyeed waxaan rajeyneynaa in laga bixi doono dhibkan”.

Dr. Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay Hay’addu u taagan tahay mar walba u gurmashada dadka Soomaaliyeed iyo inay ka jawaabto xaaladaha noocaan oo kale ah.

“Hay’addu waxay mar kasta diyaar u tahay in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay u gurmato dhibaatooyinka noocaan oo kala ahna ay ka jawaabto” ayuu yiri.

Beledweyn ayaa waxaa Sabtidii shalay ka dhacay qarax weyn oo lagu hoobtay, kaas oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ku dhintay ku dhowaad 20 qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, sida laga soo xigtay laamaha amaanka.

 

 

 

Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyey Ceelbuur iyo magaca ninkii ugu sareeyey oo la dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Howlgal lagu dilay madaxii maaliyadda ee Khawaarijta Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Galgaduud ayaa galabta ka dhacay gudaha degmada Ceelbuur oo weli ku jirta gacanta kooxda.

Howlgalka oo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ayaa ka dhacay guri ay ku shirayeen saraakiil sare oo Shabaab ah, kuwaas oo dhanka maaliyadda u qaabilsanaa kooxda,

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka, kana soo jeeda Ceelbuur ayaa baahisay xogtaan.

Sarkaalka ugu sareeyey kooxda maaliyadda ee Galgaduud u joogtay Al-Shabaab ee howlgalkaan lagu dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Sahal, waxaana la dhintay xubno kale oo loo maleynayo inay saraakiil yihiin iyo dagaalyahano ilaalo u ahaa.

Duqeynta maanta ka dhacday Ceelbuur ee lagu beegsaday madaxdii Shabaab u qaabilsaneed dhanka maaliyadda ayaa imaana iyadoo galabta duqeymo kale oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug lagu laayey Shabaab badan oo qorsheeyey inay fuliyaan weerar cagmarin ah.

Diyaaradaha dagaalka ayaa galabta laayey koox lagu diyaarinayey dhulka howdka ah ee u dhow deegaanka Shabeelow oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgalkaas ayaa sheegtay in la dilay ugu yaraan 30 dagaalame, isla markaana ay socoto qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray kooxda.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in lix goobood lagu duqeeyey kooxda, isla markaana dhulka lala simay dagaalayanadii iyo gaadiidkii Shabaab ee maalmahaan howdka lagu diyaarinayey.

Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga dalka iyo xoogagga difaaca Shacabka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanada Ceelkabar iyo Jaburow oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa weerar dhowr jaho ah ku qaaday deegaanka Luuqa-Jeelow oo ahaa goob Al-Shabaab lacago baad ah uga qaadi jireen dadka u kala safra gobollada dhexe.

Saraakiisha ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyey howlgalkii maanta, waxayna sheegeen in Khawaarijta Al-Shabaab oo halkaas dadka deegaanka ku dhibayay sanado badan ay ka ceyriyeen oo deegaanadii ay hadda soo galeen gacanta dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray qaraxii ka dhacay Beledweyne

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas arxan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in falalka argagixisanimo aysan ka hor istaageyn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dabar-goynta Khawaarijta ku been abuurta diinteenna suubban ee qaraxyada ku xasuuqa shacabka, burburiya Masaajidda iyo goobaha lagu barto Qur’aanka Kariimka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo,  waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray goobihii ganacsiga iyo guryihii ku yaallay aagaas, ciidamada ammaanka oo helay xogta gaarigaas ayaa la sheegay inay ku raad joogeen ka hor inta uusan qarxin.

Baaritaano culus ayaa maanta ilaa caawa ka socda magaalada Beledweyne, waxaa laga cabsi qabaa in gaadiid kale oo qaraxyo sida ay ku jiraan gudaha magaalada oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin kale.

Shabaab fuli rabay weerar culus oo galabta lagu laayey gobolka Mudug

0

Shabeelow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in khadaare culus maanta Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal ka dhacay aagga deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu baacsaday koox loo diyaarinayey inay weerar fuliyaan.

“In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal maanta ciidanka xoogga uu ka sameeyey Koofurta Mudug,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda.

Howgalkaan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow oo dhaca koofurta gobolka Mudug, kana mid ah deegaanadii dhawaan laga xoreeyey kooxda.

Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lagu beegsaday xarumo ay ku lahaayeen dhulka howdka ahee deegaankaas, waxaana kooxda howlgalkaas ka soo gaaray Khasaare xoog leh.

Sida ay sheegtay dowladdu howlgalka ayaa lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku lahaayeen hoobaha ay iska soo abaabulayeen, waxaana xubnaha la dilay ka mid ah saraakiil sare oo Shabaab ah, inkastoo aan weli la ogaan magacyadooda.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay in maanta jabkii ugu weynaa kooxda loogu geystay gobolkaas.

“Koofurta gobolka Mudug galabtey 6 goobood oo ay Khawaarijtu maleeshiyoodkooda kala firxaday ku abaabulayeen si weyn  ayaa loo duqeeyey, dhamaan maleeshiyeedkii & gaadiidkoodiina dambas ayay isku bedeleen!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Fiqi.

Kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.

Balse maanta iyo shalay waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaalyahano aad u badan.

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda SH/DHEXE

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta howlgallo culus ka wada aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa fulinaya ciidanka qaybta 26-aad ee ilaalo qaran, kuwaas oo isku fidiyay howdka u dhexeeya Daaru nimca iyo Ruun-Nirgood.

Ciidamada ayaa burburiyay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla halkaasi, sida uu shaaciyay taliyaha guutada Gumac oo hoggaaminaya howlgalladaasi.

“Waxay ciidanku bur buriyeen goobo ay maleeshiyaadka khawaarijta gabaad ka dhiganayeen si ay isugu aruursadaan dhulka howdka ah, kalana eriyeen maleeshiyaadkii isku aruursanyay halkaasi” ayuu yiri taliye Sayid Cali Cabdi Cadaawe.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee ilaalo qaran gaar ahaan guutada Gumac ayaa weli wada baacsiga maleeshiyaadkii ku dhuumaalaysanay dhulka howdka ah”

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay Kooxda Al-Shabaab, inkastoo uusan soo bandhigay tiro rasmi ah.

Dhanka kale, waxaa weli duqeymo iyo howlgallo ay ka socdaan aagga degmada Mahadaay, halkaas oo lagu go’doomiyay xubno ka tirsan Shabaab oo kasoo gudbay wabiga Shabelle.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

HirShabelle iyo Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xiisad cusub oo ka qaraxday gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub ay kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo hadda ka taagan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xiisaddu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ciidan kale oo taabacsan maamulkii hore ee gobolka Gedo, kuwaas oo u abaabulan hab beeleed.

Wararka ayaa intaasi kiu daraya in ciidamada gadoodsan ay gudaha u galeen xarunta degmada, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan.

Sidoo kale waxaa arrintan ku baxay odayaasha deegaanka oo haatan wada dhex-dhexaadin, waxayna sidoo kale la hadleen guddoomiyaha gobolka, Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo isuguna ciidamo ku haysto halkaasi.

Odayaasha ayaa guddoomiyaha ka dalbaday in uusan dagaal qaadin, isla-markaana uu ka war sugo inta ay ciidamada ka saarayaan xarunta maamulka degmada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kascsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in labada dhinac ay ku dagaalamaan gudaha degmada.

Garbahaarey ayaa in muddo ah waxaa ka caaganaa diyaaradaha, maadaama kol hore garoonka magaaladaas lagu rasaaseeyey diyaarad ka degtay, taas oo keentay xaalad hubanti la’aan ah.

Gobolka Gedo ayaa waxaa dhowaan ka dhacay isbeddal maamul, kadib markii ay gobolka oo dhan la wareegtay dowlad goboleedka Jubbaland oo muddo laga diidanaa halkaasi.

Si kastaba, xiisadda cusub aya kusoo beegantay, xilli la qorsheynayo in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu gaaro gobolka Gedo, si uu ula hadlo shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Faahfaahin ku saabsan khasaaraha qaraxii Beledweyne + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad, gaar ahaan nawaaxiga Warshadda Cabitaanka Horseed.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay u dhowdahay bar-koontarool, sidoo kalena ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo maqaayado ay ku sugnaayeen dad badan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo u badan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo goobta soo gaaray, sida ay muujiyaan sawirro hadda laga soo qaaday magaalada Beledweyne oo ah halka uu weerarka ka dhacay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdullahi Sufurow oo goobta kula hadlay Wariyeyaasha ayaa musiibo ku tilmaamay dhacdadan, wuuna sheegay in aan kasoo koobi karin khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo isugu jiro naf iyo maal.

Beledweyne ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.

Shariif Xasan: K/Galbeed meel ayaa lagu ooday, waxaana u heshiiyay laba reer

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairobi xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Universal.

Shariif Xasan ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay howlgallada ka socda dalka ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab, wuxuuna boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasigan oo rug-cadaa ah ayaa sidoo kale ka hadlay saamiga siyaasadeed ee dowladda federaalka, gaar ahaan qaybta Koonfur Galbeed oo uu aad u dhaliilay.

Waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed lagu soo ooday xilka guddoomiyaha baarlamaanka, isla-markaana ay u heshiiyeen laba reer, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu marar badan waqti kaliya in ku kursigan uu noqdo wareegto, si ay u helaan xilalka kale, sida madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha.

“Annaga maalin walba guddoomiye baarlamaan ayaa nala geeyaa, waxaana rabay guddoomiyaha baarlamaanka inuu dalka ka dhexeeyo,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Mar walba waxaan rabay aniga inuu guddoomiyuhu noqdo wareegto, annagana aan mar noqon karno, qolo kalena mar noqon karto”

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in siyaasad ahaan loo riixo reer Koonfur Galbeed, balse dadaallo badan uu sameeyay balse uusan ku guulaysan.

“Annaga meel ayaan nagula ooday oo laba reer ayaa noo heshiiyay, waxaana la yiri guddoomiye ayaa aadeysiin, marka in naloo dooro guddoomiyaha qof naloo keeno kursigana kaas ayaa leedihiin aniga inta aan ka diriraayay intaas ayay aheyd” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha Koonfur Galbeedm isaga oo xusay in ujeedkiisa uu yahay inay gaarto horumar, sidoo kale laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed aniga waxaan ka rabaa inay dowlad ka dhisanto ay hano qaato, dadku inay nabad ahaan, Shabaabkaas laga adkaado,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga oo HOWLGAL ka bilaabay Baraawe + Sawirro

0

Baraawe (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ayaa maanta si wadajir ah howlgal culus uga wada magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ka socda gudaha degmada iyo duleedkeeda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada ammaanka iyo kiuwa howlgalka ATMIS.

Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa lagu sheegay mid looga hortegayo weerarada abaabulan ee ay soo qaado kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkani, waxaana lagu sheegay in ay qayb ka qaadanayaan howlgallada ka socda Shabeelaha Hoose.

ATMIS waxa ay intaasi ku dartay inay heleen xogo amni oo ku aadan dhaq-dhaqaaq ay wadaan Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortagayaan ciidankooda iyo kuwa dowladda.

“Ciidamada isku dhafka ah ayaa sare u qaaday roondada ka dib markii warbixino sirdoon ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka ATMIS.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana aaggaas ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, ayadoo dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaas.

Baraawe ayaa kamid ah meelaha ay sida halisya ugu hayaan xubnaha Al-Shabaab oo marar badan soo weeraray magaaladaas oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.