25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

PUNTLAND oo qaaday tallaabo ka dhan ah DF, kana hortimid qorshaha…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa maanta qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda.

Wasiirka maaliyadda maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay kasoo horjeedo qorshaha deyn cafinta ee hadda socda, isaga oo sheegay in marka hore loo baahan yahay in heshiis buuxo oo loo dhan yahay la gaaro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan ay Puntland u aragto khatar weyn oo lagu degdegayo, sida uu hadala u dhigay.

Wasiirka ayaa ku baaqay in haatan la hakiyo deyn cafinta, kadibna la’isugu yimaado miiska wada-hadalka, si looga heshiiyo tallaabada xigta, maadaama Soomaaliya ay soo qaadanayso deymo balaayiin ah, haddii aan la heshiina ay horseedeyso dhibaato kale.

“Annaga dooddeena waxaa weeye, si looga heshiiyo waxyaabahaan horudhac ah, dayn cafinta halla hakiyo oo halloo kaadiyo. Halla heshiiyo oo Soomaaliya miiska ha isugu timaado. Markii laga heshiiyo aas aaska, dayn cafintu ha dhacdo,” ayuu yiri Dhabancad.

Dhabacad ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in Soomaaliya kusii jirto habka deeqaha la siiyo, inta laga hubinayo inta xal laga gaarayo khilaafka taagan.

Tallaabada ay qaaday Puntland ayaa timid, ayadoo Jimicihii shalay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in Somalia ay horumar ka gaartay deyn cafinta.

IMF ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Si kastaba, Puntland ayaa waxaa xilligan khilaaf xoogan uu kala dhexeeya dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta Garoowe iyo Muqdisho, maadaama aysan Puntand kasoo muuqday shirarkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee ugu dambeeyay, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka.

Ku dhowaad 30 Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus ka wadaan gobollada dhexe ee dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanada Miliqo iyo Baalal-dheer, isla-markaana ay beegsadeen saddex xarumood oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi lagtu dilay ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay cagta mariyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay howlgalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalladan oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul aad u ballaaran.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalkan wax ka hoggaaminaya, kaas oo u guuray caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Xog: Villa Somalia oo qaaday tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta bixitaanka ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee haatan Nabad Ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, waxayna dalbaday in dib loo dhigo qorshaha lagu dhimayo ciidankan.

Sida ku cad warqad uu la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya u diray danjiraha Albania Ferit, oo hadda ah madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dowladda ayaa dalbatay in muddo kooban dib loogu dhigo qorshaha bixitaanka ATMIS.

Warqaddan oo ku taariikheysneyd 19-kii Septembar ayaa waxa ay dowladdu ku codsatay n 90 maalmood dib loo dhigo wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamada ATMIS oo qorshuhu ahaa in dalka looga saaro illaa 3,000 oo askari, marka la gaarao dhammaadka September.

“Waxay dowladda Soomaaliya codsaneynsaa in la hakiyo qorshihii bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sababta ayaa waxa ay dowladdu ku sheegtay inay haatan dagaal xoogan kula jirto Al-Shabaab, kaas oo mararka qaar khasaare xoogan uu kasoo gaaro ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa kale oo qoraalkan saldhig looga dhigay in xilligan xaaladda taagan aysan saamaxeyn in dalka ay ka wada baxaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Dalabkan ayaa kusoo aaday, iayada oo todobaadkii hore ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhiggii deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka.

Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka.

From strongholds to streets: Somalia’s shadow enemy

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia finds itself in a precarious situation. Even as the national army and its associated clan militias make significant headway against al-Shabab, forcing its fighters out of central Somali territories, the security outlook remains troubling.

The reason is simple: despite losing their operational bases, displaced militants still threaten the nation’s stability.

President Hassan Sheikh Mohamud’s August 2022 declaration of a “total war” against al-Shabab seems to bear fruit.

The militant group, known for its ties with al-Qaida, has diminished its strongholds in central Somalia thanks to the combined efforts of Somali forces and international air raids.

However, victory on the battlefield doesn’t necessarily translate to peace on the home front.

Former deputy commander of Somalia’s National Intelligence and Security Agency, Ismail Dahir Osman, sounded cautionary.

“Militants fleeing the front lines are dispersing into rural zones, and many stealthily infiltrate major cities, such as Mogadishu, our capital. They’re armed, dangerous, and have sinister plans,” he warned.

Colonel Abdullahi Ali Maow, another former Somali intelligence official, shared Osman’s concerns. “The relocation of these militants is far from the endgame; it presents fresh hurdles for our burgeoning security units, especially in urban areas,” Maow opined.

He added that these militants, akin to a frog, are adept at lying low to evade the prying eyes of the law. They intend to seek sanctuary in urban spaces to escape retribution.

Fleeing militants

The very nature of these fleeing fighters makes them a significant concern. Omar Abdi Jimale, a prominent Somali political and security analyst, explained, “These escapees possess years of combat skills coupled with zealous ideology.

Such a combination makes them adept at launching terror activities in unfamiliar terrains.”

Jimale illustrated their modus operandi, stating that they blend into the populace, recuperate, and strategize their next moves.

Mahad Wehlie, another analyst, posited a different perspective, suggesting that the menace of these fleeing combatants, especially the lower-tiered ones, is lesser than the havoc they wreaked from their earlier strongholds.

“Many try assimilating with locals, with many possibly relinquishing the militant path. But, the key for our security agencies is to reduce this threat to a level manageable by local enforcement and intelligence units, supplemented by community support,” Wehlie asserted.

Comprehensive strategy

But Maow, in his assessment, emphasized the gravity of the situation, stating that the total elimination of the threat would only be feasible if al-Shabab’s higher echelons and international affiliates were neutralized.

“As long as their primary leaders and foreign recruits are functional, the peril from indoctrinated young Somali combatants remains. These top brass need to be neutralized – either incarcerated or eliminated,” he stressed.

He advocates for a broad-based strategy, emphasizing international collaboration, enhanced intelligence interchange, and tackling the core issues spurring militancy in strife-torn zones.

“The path to securing peace in Somalia, and by extension, the Horn of Africa and the world, hinges on collaborative endeavors between government security agencies and the Somali populace,” Maow added.

In a related development, aiming to fortify the nation’s stance against al-Shahab militants, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced plans to request the U.N. General Assembly to lift the prevailing international arms embargo on Somalia.

This move, he believes, would bolster Somalia’s ability to decisively deal with al-Shabab – an entity designated as a terrorist organization by both the U.N. and the U.S. and one that has been in conflict with the Somali government for over a decade and a half.

Somalia seeks pause in AU troops departure

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has formally requested the United Nations, appealing for a 90-day delay in the second phase of the departure of 3,000 troops by the end of September.

This information came to light through a letter penned by Somalia’s national security adviser, Hussein Sheikh Ali.

Addressed to Ambassador Ferit Hoxha of Albania, who currently holds the presidency of the UN Security Council, the letter verifies Somalia’s intent.

Diplomatic sources confirmed the authenticity of this document, while another informant closely associated with the situation corroborated that such a request was indeed in motion.

The African Union Transition in Somalia (ATMIS) has been on the ground since its establishment in April of the previous year. With a more aggressive directive than its predecessor, AMISOM,

ATMIS’s gradual withdrawal 

ATMIS once boasted a substantial strength of 20,000 uniformed personnel sourced from nations like Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda.

However, in line with UN resolutions, ATMIS is slated for complete withdrawal by the end of 2024, ultimately handing the security reins to Somalia’s national army and police.

This transition isn’t straightforward. The volatile political climate, notably the presence of the Al-Qaeda-affiliated group Al-Shabab, complicates matters.

These militants have relentlessly sought to destabilize the internationally recognized government in Mogadishu for over 15 years.

And despite significant strides, like driving the insurgents from Mogadishu in 2011, the Al-Shabab remains formidable, controlling vast territories in rural areas.

In response, Somalia’s President, Hassan Sheikh Mohamud, inaugurated in May of the preceding year, has made unequivocal commitments to quelling the group’s influence.

The need for a pause 

Recent events amplify Somalia’s plea. Since initiating a major assault against Al-Shabab in central Somalia last August, there have been achievements in collaboration with local militias and with support from AU and US airpower.

As stated in the letter, Somali forces have successfully reclaimed towns and crucial supply pathways. Yet, late August bore witness to an unfortunate reversal.

A significant assault on Somali troops in the Galguduud region culminated in the loss of multiple recently secured territories.

As the letter poignantly emphasizes, this unexpected turn has “stretched our military forces thin” and uncovered weaknesses that require recalibration.

Furthermore, while the ATMIS has progressed with its phased withdrawal, completing the first stage by June 30 and passing control of six bases to Somali forces, the unexpected setbacks raise questions about the timing.

Lieutenant Colonel Philippe Butoyi, ATMIS commander in the state of Hirshabelle, acknowledged the evolving capabilities of the Somali forces, stating that they have effectively “attack[ed], seize[d] and hold ground.”

Saraakiisha oo war kasoo saaray ciidamada baneeyey saldhigyadii GALMUDUG

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah ugu laabanayaan degmooyinkii iyo deegaanadii Gobolka Galgaduud ee ay ka soo baxeen daba-yaaqadii bishii hore.

Ciidamada ayaa soo banneeyay Degmooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Ceelbuur iyo deegaanada kala ah Masagawaa, Budbud iyo Wabxo, ka dib weerarkii xooganaa ee ay maleeshiyada Al Shabaab 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi.

Taliyihii hore ee Qaybta 21aad ayaa sheegay in uu hadda socdo qaabeynta iyo qorsheynta, sidii ciidamadu ay dib ugu laaban lahaayeen goobahaasi.

“Nimankan Khawaarijta waa ay dhammaanayaan, mar walbana waa la isku noqonaya, meel haddii ay wa xoogaa nafis ka helaana meelo badanoo aysan nafis ka helinin oo horey loogu sii soconayo oo laga saarayo ayaa jirta, kuwo badana waa laga qabtay,” ayuu yiri Taliyihii hore ee Taliska Qaybta 21aad.

Waxa sidoo kale uu yiri “Mid ma dhaceyso sida xaqiiqada ah, dadka meesha ku jira ee Khawaarijta ah waxba kuma soo kordhaan. Marka la leeyahay wax bay dileen, ayaguna way la’daan, waa dhammaanayaan, waqtigooduna waa dhammaanaya, ayaguna waa ogyihiin.”

Korneyl Xasan Maxamed Abuukar oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in ciidamadu ay haddaba go’doomiyeen maleeshiyadaasi, meel looga soo gurmanayana aysan jirin.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay maalmaha soo socda dib ula wareegi doonaan degmooyinkii iyo deegaanadii ay horaan ka saareen Al Shabaab, balse markii dambe ay soo banneeyeen.

“Meelaha yaryarka ah ee hadda ku jiraan waa laga saaraya, way dhammaanayaan maalinba tabarta ay leeyihiin, maalinta ku xigta ma lahan oo way ka liitaan, maalinta kale ee ku sii xigtana way ka sii liidanayaan,” ayuu Korneyl Xasan Jaamici.

Korneyl Xasan Jaamici ayaa hoosta ka xariiqay in dadka reer Galmudug ay ka go’an tahay in ay si buuxdo isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka.

“Dadkii deegaankan iska lahaa ee Ilaahay ku beeray meel kale oo ay aadayaan amaba ay u qaxayaan ma jirto, dhulkooda ayay ku dhammaanayaan ama Shabaab way ka saarayaan,” ayuu yiri Korneyl Xasan Jaamici.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 5-tii bishan sheegay in ay jiraan Saraakiil loo xirxiray saldhigyadii ay ciidamadu dib uga soo gurteen.

Xogta kiiska Soomaali loo haysto gabar lagu kufsaday Jarmalka + sida wax u dhaceen

Berlin (Caasimada Online) – Kufsi wadareed ayaa ka dhacay beerta loo yaqaano Görlitzer Park ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, iyadoo eedeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha ay leeyihiin tafaasiil kala duwan.

Falka oo ah mid ay dad badan oo reer Jarmal ah ka caroodeen ayaa waxa uu sababay buuq weyn.

Eedaynta kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay Görlitzer Park ee Berlin-Kreuzberg ayaa hadda ah mid si toos ah loo guda galay.

Bartamihii bishii June, saddex nin ayaa la sheegay inay haweeney ku kufsadeen, islamarkaana qoyskeeda waxyelleeyeen xilli subaxnimo ah. Dembigu waxa uu noqday mid muuqda marka loo eego warbixinnada ay tebinayeen warbaahinta maxalliga ah.

Iyadoo eedeymuhu ay ahaayeen kuwo culus, haddana markii hore ma aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta ee Berlin.

Haweeney 27 sano jir ah isla markaana ah hooyo leh labo carruur ah midna uu yahay 4 jir halka ka kalana uu yahay 7 jir iyo ninka qabay haweeeyda ayaa waxa ay ku sugnaayeen beerta uu falkan ka dhacay.

Halka ay ka yimaadeen lamaanaha

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay waqti ku qaadanayeen beerta halkaa oo ay isku dhunkadeen kadibna ay la kulmeen weerarkan lama filaanka ah.

Labo nin ayaa ninkii qabatay oo garaacday halka nin kalana uu jir dilay isla markaana kufsaday haweeneyda.

Haweeneyda la waxyeelleeyay ayaa carartay oo ka baxsatay burcadda, waxa ayna heshay caawimaad. kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay ayaa la helay shahwada ninkii kufsaday taasina waxa ay sababtay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha kufsiga iyo jirdilka u geystan hooyadan.

Eedeysanayaasha ayaa ah saddex nin oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Guinea.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in dalka gudihiisa looga yaqaanno magacyo kala duwan iyadoo uu caan ka yahay xarumaha booliska aadna ay isku arkaan askarta.

Ma haysto hoy uu ku diiwan gashanyahay waxana lagu tiriyaa in uu kamid yahay burcadda dhowrka mar loosoo xiray waxyeellada.

Dhamaan sadexda tuhmane ayaa dhowr mar loosoo xiray waxyaabo la xiriira daroogo iyo weerarro ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin.

Taariikhda maxkamadaynta 

Dad badan ayaa is weydiinaya saameynta ay Soomaalida ku yeelan karto ninkan Soomaaliga ah ee ku caan baxay waxyellada iyo in jaaliyadda Soomaaliyeed ay weli qaadeen tallaabo ka dhan ah.

Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarnamlka ahna xubin firfircoon oo kamida jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi ayaan wax ka weydiinnay waxa ay jaaliyaddu ka ogtahay ninkan Soomaaliga ah iyo in ay horay u dheceen kiisas noocani oo kale ah iyo waliba in arrintan ay saameyn ku yeelan karto Soomaalida.

Axmed oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Ma jirto wax saameyn ah oo arrintan ay ku yeelaneyso Soomaalida Jarmalka inteeda kale, balse ninkan waxa uu nala wadaagaa magaca Soomaalinimo taasi oo marka ay warbaahinta dalkani ka hadlayaan ay kusoo cel celiyaan qof Soomaali ah ayaa sidaasi sameeyay, laakiin majirto caqabad kale oo ay dadka ku yeelaneyso”.

Kadiye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “qofka marka uu daroogo isticmaalo ama uu yahay qof madaxa looga jiro wey dhacdaa in ay ku dhaqaaqaan falal noocani oo kale ah Soomaaliduna wey baraarugsantahay oo wax iska dhaca weyna dhici jireen waxaana ay u badnaayeen dad madaxa looga jiro” ayuu yiri.

Axmed Kadiye oo ka hadlaya bal ninkan iyo waxa uu yahay ayaa yiri, “ninkan waa nin dalkan looga yaqaanno illaa tobanaan magac horayna waxaa loogu eedeeyay in uu yahay qof daroogada ka ganacsada, dambiyo badan ayaa horay loogu eedeeyay haddana waxa ay noqon kartaa in xukun adag lagu rido maadaama lagusoo qabtay arrin ay shacab badan si toos ah u arkayeen”.

Xukunka eedeysaneyaashan ayaan la ogeyn waxa uu noqon doono marka lagu caddeeyo dhamaan eedeymaha loosoo jeediyay, hase yeeshee dalka Jarmalka iyo dalalka kale ee caalamkaba haddii qofku uusan ahayn qof madaxa looga jiro ama maskaxda ka xanuunsanaya waxa ay nqon kartaa in ay la kulmaan ciqaab adag ama xukun culus.

Isha: BBC

Muxuu R/W Xamza kala hadlay Guterres? + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada New York oo uu uga qayb-galay shirka guud ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxayna ka wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya.

Xamza iyo Antonio Guterres ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xoghayaha guud ee QM la wadaagay guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale horay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ugula kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Waxaa kale oo ay ka wada arrisandee sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Madaxda kale ee ay Xamza isku arkeen New York waxaa kamid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya.

Daawo: Senator Dhegdheer oo hal arrin ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mid ahaa masuuliyiin uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay kulan casho ah ayaa madaxweynaha ka dalbaday in dadka la doonayo inay dagaalka hoggaamiyaan uu shaqada u qeybiyo.

“Madaxweyne shaqada qeybi oo qolo kasta howl gaar ah u xil saar, maanta oo kale waxay joogtaa markii la dhihi jira ‘yaa maali jiray’ dadka deegaanka ayaa ugu horeeya waxa Shabaab la diriri kara, marka waxaan ku guuleysa karnaa anaga oo is garabsana,” ayuu yiri Dhegdheer.

Sidoo kale Senatorka ayaaMadaxweynaha kula taliyey inuu u yeero cid kasta oo wax ku biiri karta dagaalka Shabaab, isla markaana Dhuusamareeb loo soo raro dhamaan hey’adaha muhiimka u ah dagaalka Khawaarijta.

“Waxaan Madaxweyne talo kuugu soo jeedinaa halkaan ugu yeer qof kasta, reer Galmudug hadaa nahay guryaha bilaash ayaan ku deji doonaa, guddoonka baarlamaanka halkaan hasoo dego, dagaalkaan qabali ayuu ku socdaa lama qarin karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Dhegdheer.

Senator Dhegdheer wuxuu sheegay in 15 sano ay deegaanadiisii Shabaab heystaan, hadana beelihii iska xoreeyey Shabaab ay ku fiirsanayaan, isagoo dalbaday in taas laga yimaado.

“Waa baaba’nay anaga, marka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo dadkiisa ma ahan inay na dhahaan deegaankiina xoreysta, wax aan xoreysa karno malahane na hor kaca ama ugu yaraan idinku deegaankiina nagu difaacda,” ayuu yiri Dhegdheer.

Sidoo kale Dhegdheer wuxuu ku doodayaa in weli dadku ay siyaasadeynayaan dagaalka ama arrimo kale ay mararka qaar ku soo dhex derayaan, isagoo ku taliyey in horta Shabaab meel la iska saaro oo markaas kadib loo soo jeesto arrimaha kale ee siyaasadda.

“Mushkilada na heysata indhaheenu mahayaan, waa inaan u soo jeesano dagaalka Shabaab, sanadaha u dhiman dowladaan hadaan Shabaab laga adkaan, dadka banaanka u fadhiya inay Xasan Sheekh kursiga kala wareegaan, taas waxaan leenahay taasi ma dhici doonto, hadii hadda aadnaan dalka wax ka xoreysan,” ayuu yiri Dhegdheer.

Ugu dambeyntii Senator Dhegdheer ayaa madaxweynaha u xaqiijiyey inay garab taagan yihiin, isagoo sheegay inay hadda u baahan yihiin inay ku shahidaan dagaalkaan, “Dagaalkaan waa in wax kasta lagu dayaa, dadka anigaa ugu fuleysanaa waana imaaday markii dagaalka la dhaqaaji waayey,” ayuu yiri Dhegdheer.

Hoos ka daawo

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo si weyn loo maqlay jugtiisa

Faah-faahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in loo adeegsaday gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna ka dhacay bartamaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay barkoontarool oo ku taalla agagaarka Buundada Nuur Xawaad, halkaas oo ah koontarool Canshuurta looga qaado gaadiidka gala ama ka baxa gudaha Baledweyne.

Sidoo kale muuqaal laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya qiic cirka isku shareeray kadib markii uu dhacay qaraxa, kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ma cadda bartilmaameeda qaraxan, waxaana xaaladdu ay tahay weli mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Beledweyn ayaa waxaa horay weeraro xoogan oo qaraxyo ah uga fulisay Al-Shabaab, maadaama magaaladan ay xudun u tahay kacdoonka ka dhanka ah kooxdaasi.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net

Xog: Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ugu baxay dalka dibadiisa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 49 cisho ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa galabta uga tegay safarkii ugu horeeyey oo wax faahfaahin ah aan laga bixinin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynuhu uu aaday dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka dagaalka Al-Shabaab ka taageera Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh qodobada uu kala hadlayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka mid tahay baajinta ciidan ka tirsan Hiil-walaal ATMIS  oo la qordheynayo inay dalka ka baxaan.

Sida caadiga ah ciidamada ATMIS waxaa u bilaabatay inay qeyb qeyb dalka uga baxaan, waana lagu heshiiyey, balse waxaa soo baxaya baahiyo ay jawaheyso dowladda Soomaaliya.

Dowladda oo dagaal kula jirta Al-Shabaab ayaa hadana ku dadaaleysa oo laga doonayaa inay saldhigyada ay joogaan kala wareegto ciidamada ATMIS, hadba qeybtii baxaysa.

Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegay in Jabuuti uu ka codsanayo in ciidamada ATMIS qeybta ay ku leeyihiin ay dalka sii joogaan, ilaa inta dowladda Soomaaliya ay isku filaasho ka gaareyso.

Ciidamada la qorsheynayo inay baxaan bilaha soo socda ee Jabuuti ka socda waxay fariisin ku keeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo hadda ah saldhigga ugu weyn ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ciidamadaas ay sii joogaan dalka, ciidankaan oo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ayaa ah kuwo si weyn looga jecelyahay deegaanka ay ka howlgalaan.

Sida caadiga ah dhamaan garoomada degmooyinka iyo caasimadda dalka waxaa amnigooda suga oo gacanta ku haya ciidamada ATMIS, waxaana la door-biday amni iyo kala dambeyn.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh uga baxay dalka, madaxweynaha ayaa ku dhawaad laba bilood ka soo maqnaa madaxtooyada dalka, wuxuuna ka baaqday dhowr safar oo dibadda ah, wuxuuna safarkii ugu dambeeyey oo Mareykanka ahaa u diray Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre.

Xog: Xasan oo Dhuusamareeb ka dhisaya isbaheysiga 4 beelood oo Hawiye ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ka hoggaaminaya qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay isugu yeeray siyaasiyiinta afar ka mid ah beelaha Hawiye.

Xildhibaanada iyo saraakiisha beelaha Murusade, Cayr, Duduble iyo Xawaadle ayuu Xasan Sheekh ku kulmiyey Dhuusamareeb, isagoo xalay kulan casho ah u sameeyey.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta siyaasiyiintaas kulan gaar ah kula yeeshay madaxtooyada uu Dhuusamareeb ka degan yahay ee Galmudug, waxaana socda qorshe beelahaas loogu sameynayo isbaheysi cusub.

Kooxda Al-Shabaab oo Galgaduud ka joogta deegaanada bari oo Ceelbuur ugu horeyso ayaa loo midoobayaa, wuxuuna madaxweynuhu wadaa qorshe ah in afartaas beelood ay dagaalka u midoobaan oo wada galaan.

Ceelbuur iyo deegaanada hoos taga ee Shabaab heysto waxaa dega beelaha beelaha Murusade iyo Duduble oo hadda kala deegaan saday Dhuusamareeb iyo Maxaas, iyagoo kala magansaday Xawaadle iyo Cayr.

Hadda waxaa la doonayaa in la mideeyo awooda afartaas beelood, si looga guul keeno dagaalka Al-Shabaab, isla markaana loo xoreeyo deegaanada dhaca bariga gobolka Galgaduud oo kooxdu ay ku xoogan tahay.

Xildhibaan Sanbaloolshe, Cali Jeyte iyo xildhibaano kale oo ka socda beesha Xawaadle oo wata gaadiid dagaal oo aad u badan ayaa safar dhulka ah ku yimid Dhuusamareeb oo is baheysigaan uu ka bilaabanayo.

Sidoo kale Senator Dhagdheer iyo siyaasiyiin kale ayaa ka socda beesha Murusade, halka siyaasiyiinta Duduble oo Senator Dhegey uu hoggaaminayo ay horay u joogeen Dhuusamareeb, kulankaan Cayr waxaa ku metelaya dhamaan xildhibaanada iyo Senatorka beeshaas.

In la sameeyo isbaheysigaan waxay Madaxweynaha iyo beelahaan kale ku dhalatay markii uu guuleystay isbaheysi ay koonfurta gobolka Mudug ku xoreysteen beelaha Sacad, Saleebaan, Saruur iyo Surre, kuwaas oo dhul aad u baaxad weyn ka xoreystay kooxda maalmo kooban gudahood.

 

Xamza oo 3 arrin oo muhiim ah kala hadlay Joe Biden

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Madaxda kale ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre uu xarunta Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waaiirka kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa New York u tegay ka qaybgalka kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.

Sarkaal caan ah, qoyskiisii iyo dagaalyahano badan oo hal goob looga dilay Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Howlgal lagu dilay horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta maleeshiyaadka ka dagaalama gobolka Bakool, kaas oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cabdullaahi Afey iyo dhammaan ilaaladiisii ayaa maanta ka dhacay deegaan hoos taga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in sarkaalkaas iyo ugu yaraan 10 maleeshiyo ah oo uu watay lagu diley duqeyn diyaaradeed oo saakay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Buurcoday oo hoos taga Waajid.

Sida ay ogaaray Caasimada Online ninka la beegsaday oo wata kolonyo gaadiid ah ayaa ka yimid dhinaca magaalada Tiyeeglow, markii laga soo tago ilaaladiisa, waxaa la socday xubno qoyskiisa ah oo lala duqeeyey.

Isxaaq Afey ayaa la-taliyihii dhinaca dacwada u soo noqday hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Godane, wuxuuna muddo kooxda u soo qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay qoranayaan.

Dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu Shabaab dhexooda ka ahaa xubin firfircoon, lug ayaa kaga go’day dagaaladii uu u galay kooxda oo hal lug ayuu lahaa waayihii dambe.

Madaxda ugu sareysa kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ka quusatay inay isaga safraan deegaanada ay ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, maadaama si joogto ay u ugaarsanayaan diyaaradaha dagaalka.

Sidoo kale maleeshiyaadka kooxda ayaa la dheelmaa xiliyada habeenkii ah, ma isticmaalaan wax gaadiid ah, waxayna duqeymuhu noqdeen kuwo si weyn u cuuryaamiyey howgalada iyo dhagaraha ay maleegto kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo Galmudug iyo HirShabeelle, hadana waxaa si joogto ah kooxda loogu baacsadaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, maalin kasta ciidamada qaranka ayaa soo bandhiga meydadka dagaalyahano laga laayey kooxda Al-Shabaab.

 

Daawo: Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shaaciyey sababta ay Dhuusamareeb…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyahaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa xalay kalmado ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu sameeyey madaxtooyada uu degan yahay ee Galmudug.

Labada guddoomiye oo shalay soo gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay shaaciyey qorsha ay u yimaadeen magaaladaan, iyagoo sheegay inay doonayeen in madaxweynaha ay ku bogaadiyaan howlgalka uu hoggaaminayo oo Shabaab dalka looga xoreynayo.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay yihiin odayaal aan awoodin inay dagaalamaan, balse la diyaar ah dhiirigelinta ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee u istaagay inay cadowga iska xoreeyaan.

“Madaxweyne waan ugu garab taaganahay dagaalkaan, anigu hada da’baan ahay oo tabar aan sheeganayo ma jirto, laakiin waxaan maanta hayo waa af, afakana waan idinku taageerayaa,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa darriin u diray dalalka deriska la ah Soomaaliya, isagoo ugu gacan haatiyey inay ku soo biiraan dagaalka Al-Shabaab, maadaama khatarta kooxdaan aysan ku koobnaa doonin Soomaaliya, hadey sii jiraan.

“Deriskeena waxaan leeyahay cadowgaan Soomaali kuma koobna, Soomaaliya ayey tabar darro ka dareemeen maahane, cadowgaan isku si ayey noola dagaalamayaan, derinkeena waxaan leeyahay indhaha fura, yaan la yareysan Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Soomaalida ku sifeeyey dad ka guul keeni kara hadii ay dagaal wada galaan, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo dadkii xiligaas joogay uu ka mid ahaa.

Cabdi Xaashi ayaa ku dheeraaday tilmaamida xeeladiihii ay Soomaalidu isticmaashay iyo farsamooyinkii markii dambe ka halaabay, maanta wuxuu sheegay in Soomaalidu ay ku jirto dagaal kii lamid ah oo ay tahay in loo midoobo.

Sidoo kale guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Shabaab aysan laheyn 3 sifo oo dadka lagu xukumi karo, kuwaas oo kala ah 1-Siyaasiyiin maaha oo dadka ma kasbadaan ee waa dilaan, 2-islaam maaha oo dadka dhiigooda ayey baneysteen, 3- Soomaali maaha, oo dadkooda ma xasuuqeen hadey Soomaali yihiin, seddaxdaas arrimood in aysan aheyn ayuu Shabaab ku sifeeyey Cabdi Xaashi.

Hoos ka daawo

Daawo: Cali Jeyte oo hal arrin oo muhiim ah ka balan-qaaday madaxweyne Xasan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay hadal ka jeediyey kulan casho ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb ugu sameeyey siyaasiyiin iyo saraakiil uu u arkay inay ku garab sii karaan dagaalka Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa xalay Madaxweynaha u xaqiijiyey in Shabaab ay ka adkaa karaan, hadii qorshuhu uusan ka xumaan isbaheysiga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Caawa arrimaha militeriga kama hadleyno oo hoos baan u dhigeynaa, laakiin Madaxweyne waxaan xaqiijinayaa Shabaab waa ka adkaa karnaa, waa fahamsanahay dagaalka Shabaab, waa cad yahay mid naga qaldami karana maaha,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in qorshaha dagaalka ay madaxweynaha hoos ugala hadli doonaan, balse hadda uu kor u sheegayo in Shabaab-ka ku haray bariga gobolka Galgaduud ay muddo kooban ku soo afjari doonaan.

“Waxaa in weydii jiray Soomaaliya yaa u maqan, Madaxweynaha markii la doortay wuxuu ku dhawaaqay dagaal Shabaab, marka wax aan dhowrano ma jiraan, masuuliyiinta waxaa laga rabaa inay furinta ku dhintaan si loo maamuuso, intii sariirta aad ku dul dhima laheydeen,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sheegay in beentii ay Shabaab dadka u sheegi jireen ay soo dhamaatay oo hadda ay dhabta gaartay, “Hadaan si dadnimo ah ugu dhiirano waa soo afjari karnaa Shabaab, anaga ayaa soo tijaabinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cali Jeyte ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka balan qaaday in isagoo niyad jabsan uusan Dhuusamareeb ka tegi doonin.

“Hadii caawa madaxweyne madaxaagu hoos u raaraco, waxaan kaa balan qaadeynaa adigoo niyad jabsan in Dhuusamareeb aadan ka tegi doonin,” ayuu yiri.

Cali Jeyte oo wata qiyaasitii 20 gaadiid dagaal ah iyo askar badan, isla markaana ay wehliyaan xildhibaano uu ku jiro Sanbaloolshe ayaa shalay Dhuusamareeb ku yimid safar dhulka ah oo Beledweyne ay uga soo baxeen.

Hoos ka daawo

Dacwadii Masjidka QUBA ee Soomaalida Amsterdam oo Maxkamad ay go’aamineyso

Amsterdam (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland, ayaa la filayaa in  go’aan kama dambeys ah  ey ka soo saarto billaha soo socda kiis dacwadeed u dhexeeya guddigii maamulka MASJID QUBA oo ah masjid dhismihiisa ay Soomaalidu  qeyb weyn ka qaadatay, kuna yaal Magaalada Amsterdam.

Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay  ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka  Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax].

Khilaafkan, oo ay ku soo baxeen waxgarad Soomaali ah oo Netherland ku dhaqan iyo culumaa’udiin ayaa soo maray maraaxilo kala duwan, iyada oo marxaladihii uu soo maray ay ka mid aheyd:-

1- Markii uu khilaafku billowday waxaa isku saf noqday 2-dii xubnood oo guddiga ka tirsanaa iyo xubnihii kale ee  qaadumka ka ahaa masjidka.

2- Waxaa dhinac noqday Guddoomiyihii Guddiga iyo Iimaamkii Sheekh Suldaan Gasle iyo qaar ka mid ah Jamaceedadii masaajidka, ee ku xirnaa duruustii uu bixin jiray iyo dad Soomaali ah.

3- Sheekh Suldaan Gasle, oo howl-maalmeedkiisaa ku jira, ayaa ciidamo boolis ah loogu yeeray masjidkana bannaanka lagaga saaray.

4- Soomaali, meel kasta oo ay joogto way ka caroodeen ihaanadii Sheekha ey kula dhaqmeen ragga masjidka ku haray, oo ahaa ardaydii uu macalinka u ahaa.

5- Guddi isugu jira culumaa’udiin iyo odayaal muctarif ah ayaa khilaafka ku soo baxay. Markii ay  la kulmeen 2da dhinac way u qoor-dhiibteen, waxaanna  lagu balamay in wixii guddigaasi ay soo saaraan in ay ku qancaan. Inkastoo Sheekh Suldaan uu qaadacay dhexdhexaadnimada guddigaasi intii aysan soo saarin go’aankooda kama dambeysta ahaa. Go’aankii ay guddigaasi soo saareen waxey eeda khilaafka masjidka dusha ka saareen Sheekh Suldaan Gasle.

6- Guddi kale oo si iskood ah isu xilqaamay, fadhigooduna ahaa Amsterdam ayaa la kulmay raggii masjidka ku haray, waxeyna weydiisteen in ay 2da dhinac dhexdhexaadiyaan, hasse ahaatee xubnihii masjidka ku haray way diideen dhexdhexaadintaas.

Markii ergooyinkii Soomaalida ahaa, ay ku fashilmeen in ay natiijo ka gaaraan khilaafka masjidka, waxaa soo ifbaxday war sheegaya in mid ka mid ah 2dii daraf inuu dacwad geeyay maxkamad ku taal Amsterdam, iyada oo maxkamadii dacwadda furtay ay maxkamad kale u sii gudbisay, waxaanna la filayaa in dhowaan in go’aan kama dambeys ah ay soo saarto maxkamadda.

Taageerayaasha Sheekh Suldaan, ayeey boolisku ruqsad u siiyeen in Sheekhu masjidka tegi karo, kaddib markii raggii masjidka ku haray ku guul-dareysteen in ay ka saaraan nidaamka diiwaangelinta sharciga ah ee (KVK) oo Sheekh Suldaan ku qoran yahay inuu yahay Guddoomiyaha guddiga maamulka masjidka.

Haddaba, iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in Sheekha iyo taageerayaashiisu ey maalmaha soo socda ku wajahan yihiin masjidka, ayaa dad badani ey walaac ka muujinayaan arrintaasi, waxaana su’aalaha la isweydiinayo ka mid ah; Haddii Sheekha iyo taageerayaashiisu ay masjidka tagaan waxa dhici kara.?

Qaar ka mid ah dadka masjidka ku xiran oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, ayaa aragtidooda ka dhiibtay halka ay xaaladu mareyso.

“Tuduc ku jirtay Gabay uu tiriyay AUN Qamaan Bulxan, ayaa waxaa ku jirtay, “Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane, aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayn” Sheekha waxaa habsaamiyay oo waqtigii ka qaaday raggan yiri, qaaraan baan ku uruurineynaa, oo  dacwad ayaa  fureynaa, ee na sug, waxna uma aysan hayne way hurdisiinayeen; Qaarkood waxeey isku xiran yihiin oo ay hoos kala socdaan ragga masjidka jooga, marka Sheekha waxaa u kheyr roon waa la dulmiyay, oo ardaydiisii baa dulmisaye ha sabro, oo kiisa dacwadda ha xiro. Ragga Sheekha dulmiyay na waxaan leeyahay magacyada ALLE waxaa ka mid ah; AL-CADLU, oo macnaheedu yahay in ALLE uu caadil yahay,  dambigaas aad waddaadka ka gasheen ama ha soo daaho ama ha soo degdego mar wuu iman” Ayuu yiri mid ka mid ah Jameecada masjidka, kana gaabsaday inuu magaciisa xuso, wuxuuna xusay inuu aad kaga careysaysan yahay sida ay ragga masjidka ku haray Sheekha ula dhaqmeen, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay  in cadowtinimada ay Sheekha u qabaan  gaarsiisay ilaa heer muxaadarooyinkii Sheekha ee ku jiray bogga Youtube-ka masjidka laga saaro.

“Maslaxada masjidka ayaa ka weyn tan Sheekha. Waxaan u arkaa qalad in la xagxagto ama laga been sheego ragga masjidka u qidmeynaya. Maxaa isku af ka dhigay guddigii culimada iyo aqoonyahanada ahaa ee tilmaamay Sheekha qaladkiisa iyo culimadii kale ee adduunka dacaladiisa joogtay ee taageeray ragga masjidka ku haray.? Hadduu Sheekh Suldaan Gasle saxnaa  maxaa loo waayay Sheekh ama waddaad muctarif ah oo soo garab joogsada.? Aniga waxaan u arkaa arrinta masjidka in ay soo dhamaatay, balse ay jiraan dad iska hadlaya, oo aan waxba la socon,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada masjidka ku xiran, isaga oo intaasi ku daray in masjidkaasi ay ka faa’ideystaan kumanaan kun oo dhalinyaro iyo caruur Soomaali ah oo ku bartay culuunta islaamiga ah.

Masuul ka tirsan maamulka Saciid DENI oo shaqo joojin lagu sameeyay + Sababta

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga dowlad-goboleedka Puntland Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada masuul.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqo joojinta agaasimaha uu u cuskaday kadib markii uu agaasime Sharmaarke Yaasiin Cali uu baalmaray habraacyadii iyo nidaamkii shaqada ee wasaaradda.

“Taas ayaa sababtay in ay lunto kala dambeyntii shaqada,” ayuu wasiirka kalluumeysiga dowlad-goboleedka Puntland ku yiri warqadda uu shaqada kaga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay agaasimaha inuu sameeyay amar diido aan sharciga waafaqsanayn iyo tallo qaadasho la’aan, taasi oo uu sheegay inay meesha ka saartay kala dambeyntii iyo kala warqaadashadii shaqada.

“Marakaan arkay ficilada shaqo khal-khalgelunta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda laga la bilaabo maanta waxaa shaqadii laga joojiyey Sharmaarke Yaasiin Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland.”

Warqadda ayaa sidoo kale waxaa toos loogu socod-siiyay xisaabiyaha guud ee dowlad-goboleedka Puntland, ayada oo wax ka ogyihiin go’aanka wasiirka, ku-xigeenkiisa, wasiiru-dowlaha wasaaradda iyo ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo agaasimaha ayaa muddooyinkii dambe la sheegayay inuu khilaaf xooggan soo kala dhex galay, kaasi oo ugu dambeyntii sababay in wasiirka uu shaqo joojin ku sameeyo agaasimaha guud ee wasaaradda.

Mareykanka oo xiray nin u basaasayey Itoobiya

0

Washington (Caasimada Online) – Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahay inuu yahay Itoobiya.

Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.

Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah.

Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya.

Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC.

Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.

Xogta ayaa waxaa ku jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xiriir la leh “Dalka ay quseyso.”

Dokumentiga FBI-da ayaa soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi ah uu Lemma ku yiri “Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo Lemma uu kaga jawaabay inuu yiri “waan fahmay.”

“Xiriirada Lemma uu la sameeyay sarkaalka ajnabiga ah…waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowladda dalka ay khuseyso,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la rumeysan yahay in loola jeedo dagaalkii Tigray.

Marka laga soo tago ka shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lemma, oo haystay ogolaanshaha inuu ogaan karo sirta culus tan iyo 2020, waxa kale oo uu fallanqeeye maamulka qandaraasyada kasoo noqday Waaxda Caddaaladda.

Itoobiya ayaa ah dal si weyn u hela gargaarka Mareykanka, waxaana bishii March halkaas booqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken.
Lemma waxaa lagu soo oogay laba dacwadood oo basaasnimo ah iyo mid ah inuu si sharci darro ah u haystay macluumaadka difaaca qaranka.

Eedeymaha basaasnimada ayaa lagu muteysan karaa xukun dil ah, halka eedda haynta macluumaadka uu ku muteysan karo ugu badnaan 10 sano ah oo xabsi ah.

Sawirro: DF iyo Midowga Yurub oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya.

Intii kulanka uu socday waxa ay soo bandhigtay guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan ciidamada xoogga dalka, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha.

Waxa uuna uga mahad-celiyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd, taasi oo ay door muhiim ah ka qaateen.

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa sidoo kale tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardar-gelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.

Waxay carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

Si kastaba, Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawl-gelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.