25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shabaabnimada waa jirro la isqaadsiiyo ee waa in aan…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale adkeeyay in umadda Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha oo xalay kulan wada-tashi ah oo looga arrinsaday dardar-galinta dagaalka Khawaarijta la qaatay guddoonka iyo Xildhibaanada BFS, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ee ka howl-gala furimaha dagaalka ayaa waxa uu ka sheegay in dalkeenna uu leeyahay hal cadow oo keliya oo ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Shabaabnimada iyo in dadka loo dilo qaabka arxanka darran ay tahay jirro xun oo la isqaadsiiyo, ayna tahay in laga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya.

“Waxay ka turjumeysaa muuqalka un maahane ee micnaha weyn ee ku fadhido, dadka Soomaaliyeed hoggaankooda dowladnimada ugu sareeyay qadiyada Shabaab iyo in Khawaarijta dalka laga saaro, dalkana dowladnimadiisa la xoojiyo inay dhab naga wada tahay, oo aan ka mideysanahay oo aan isku rayi ka nahay ayay tilmaamee,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Niman jiraday oo maankii ka tegay oo cudur maskax uga dhacay oo ku farxaya markay dad laayan oo dhiig daadiyaan ee gowracaan farxaya, waa jirro waana la isqaadsiiya.”

Dhalinyarada weli ku harsan kooxda Al-Shabaab ee ka barbar dagaal ayuu markale ugu baaqay inay kasoo tagaan, oo ay lasoo saftaan dhanka kale, si loo soo afjaro dhibaatada ay argagixisada sanadaha badan ku haysay umadda Soomaaliyeed.

“Dhalinyara da waxaa leeyahay ha ku habsaamina meesha kasoo noqda, waxaan amaanaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee garatay kuna dhiiratay inay kasoo noqdeen oo qaarkood maanta iyaga la dagaalamaya oo xeeladahooda qaloocan iyo sirtooda hay’adaha dowladda la wadaagaya, nimankaas waqti uma harin.”

Ugu dambeyntiina wuxuu shacabka ka agdhaw deegaanada kooxda Al-Shabaab ugubaaqay in fogaadan, si ay uga nabad-galaan duqeymaha iyo howl-gallada lagu beegsanayo dagaal-yahaanada kooxda.

“Lacagta qaraxyada Al-Shabaab ku sameyso qof Soomaali ah ayaa dhiibay, sidee ayuu noogu qancin karaa qofkaasi dambi malihi aniga. Dadka Soomaaliyeed waxaa leeyahay waxa noo dhiiman waa dhiiranaan ee ha dhiirano, ka hari mayno ee yaanu nagu dheeraan ciyow ha na dhaafan.”

R/W Xamza oo war cusub kasoo saaray khilaafka federaalka iyo Saciid Deni

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in aysan garaneyn wax rasmi ah oo maamulka Saciid Deni uu ka tirsanayo dowladda dhexe, islamarkaana ay ka sugayaan madaxweynaha Puntland inuu la yimaado tabashada uu qabo iyo waxa uu rabo.

“Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu nadhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo waxan ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugaynaa inuu noola yimaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo wareysi gaar ah siiyay VOA.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay marwalba diyaar u yihiin wada-hadal lagu xalinayo tabashada uu qabo hoggaanka maamulka, “annaga ayaa bilaabeyna wada-hadal lagu xalinayo tabashada jirta.”

Waxa kale oo uu xusay inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray meel sare, uuna madaxweynaha Puntland kasoo qeyb-gelin shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.

“Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan madaxweynaha (Saciid Deni) isfahano.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilliga ugu munaasabsan ee lala fariisan karo hoggaanka Puntland ay tahay marka ay dhamaadan doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka ee maamulkaas oo hoggaankooda uu ku mashquulsan yahay.

“Xilligaas wixii ka dambeeya in aan iskugu imaan karno arrimaha kale ayay ila tahay, oo diyaar ayaa u nahay in aan xalino haddii Saciid Deni uu sheegayo wax ka maqan Puntland ama isaga shaqsiyan ka maqan diyaar ayaa u nahay.”

Xog: Shabaabka gobolka Mudug oo la hareereeyay

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamada ku wajahan Caad ay la hawlgalayaan ciidamo kale oo ka soo socda dhinaca Xarardheere, iyadoona la doonayo in labada ciidan ay meel dhexe isugu yimaadaan, isla-markaana ay isku furaan waddada.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada ka ruqaansaday Xarardheere ay tahay inay la wareegaan deegaanada Dhalwo iyo Jowle, kuwa kale ee ku socda Caad-na ay tahay inay qabtaan deegaanada Eryaal iyo Miiroon.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku sii gurguuranayaan deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, waana wejigii ugu dambeeyay ee gulufka ballaaran ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay jareen waddooyinka gala deegaanada ay Shabaabku ku sugan yihiin, islamarkaana ay deegaanadaasi ka go’doomiyeen gobolka intiisa kale.

Ilo wareedyadu waxa kaloo ay sheegayaan inaanay jirin cid u gudbi karta goobahaasi iyo cid kaloo hubeysan oo ka soo bixi karta, Shabaabkana ay u furan tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhintaan, iyagoo dagaalamaya.

Xogta ayaa sheegeysa in Shabaabka ay u furan tahay hal waddo, waana waddada wareegga ee Caad illaa Jowle ee tagto Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada hareereeyay deegaanadaasi ayaa waxaa dhanka cirka ka taageeraya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, oo door muhiim ah ka ciyaaraya istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu Gobolka Mudug noqon doono, gobolkii ugu horreyay ee si dhameystiran looga saaro Al Shabaab.

Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ciidamada ay intaasi ka dib u gudbi doonaan dhanka Gobolka Galgaduud, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in Shabaabka looga kiciyo gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku foogan dagaalkan ay tahay in lagu wiiqo Al-Shabaab ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka sameystay bar uu kala socdo hawlgalada.

Madaxweynaha ayaa la tilmaamay in waqtigiisa uu iminka ku bixinayo isku dubaridka iyo dardargelinta hawlgalka militari ay ciidamadu ka wadaan bartamaa dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay ka adkaan doonto Shabaabka, kadib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Cosoble oo warqad furan u diray Xasan: “Shabaab iyo Hawiye si fiican umaad dersin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa warqad furan oo la xiriirta dagaalka kooxda Al-Shabaab u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cosoble ayaa marka hore waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweynaha ay ka go’an tahay cirib-tirka Al-Shabaab, hase yeeshe uusan si fiican u dersin beelwaynta Hawiye iyo kooxda dagaalka lagula jiro, sida uu sheegay.

“Beelaha waaweyn ee Hawiye marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha oo haatan hoggaaminta dagaalka xarun uga dhigtay Dhuusamareeb ay kooxda Al Shabaab uga xog ogaalsan tahay dabeecadaha ciidanka iyo ciladaha jira ee tahay inuu fahmo madaxweynaha.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Ku: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Mudane Madaxweyne waxaan aaminsanahay iney kaa go’an tahay inaad dalka ka sifeyso Al Shabab, balse waxaa ii muuqata inaadan Hawiye iyo Al Shabab si fiican u dersin.

Marka aan soo qaato Hawiye, waxaa jira laba cillad ah oo u baahan in la fahmo:

1) Beelaha waaweyn ee Hawiye marka laga reebo beesha Xawaadle, waa hore ayey soo faarujiyeen degaannadooda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Wexey xoogooda ku sugan yihiin Gobolka Banadir. Saddexda malyan ee la yirahdo Muqdisho ayey ku nooshahay 80% waa HG, AB iyo MR.

Reerahan wexey soo naqraaceen barwaaqada ama dhaqaalaha yaalla Xamar, waana sababta marka degaan la xoreeyo loo weynayo shacabkii degaanka.

Haddaad xasuusato beryihii ay dagaallada ka socdeen carriga Xawaadle waxaa baraha bulshada lagu arkayay Macawiisley habqan ah oo kumanaan ah oo tuulo kasta dagaal ka wada, halka hadda dagaalada ka socda Galgaduud iyo Sh/Dhexe la arkayo tirooyin aad u yar oo macawisley ah una badan dad waaweyn iyo ciidanka Xogga Dalka.

2) Cilladda labaad wexey tahay Madaxweyne iney Al Shabaab kaaga xog ogaalsan yihiin dabeecadaha ciidanka. Wexey ogyihiin iney saraakiisha ka soo jeeda degaannadaa u badan yihiin dad hantiileyaal ah oo Xamar nolol fiican ku heysta, dagaalka ay galayaanna wexey ku rabaan dallacaad.

Nin dallacaad raadis ah maa raba inow dagaalka ku dhinto? Nin waxoogaa nolol ah ku heysta Xamar maa raba dhimasho? Ma waxey kula tahay ineysan Shabaab intaa fahamsaneyn? Wey fahamsan yihiin, marka la soo aadana wey banneeyaan aagga, kuweenana markey degaanka la wareegaan habeen ama labana joogaan wexey abuuraan mu’aamarado ay uga soo baxaan aaggii la qabtay.

Madaxweyne waxaan rajeynayaa inaad fahamto cilladaha ku gadaaman dagaalka dib u xoreynta gobollada dhexe.

Allah na guuleeyo.

Kadib heshiiska Somaliland, dowladda Mareykanka oo dalab cusub soo saartay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray khilaafkii muddada soo jiray ee doorashooyinka Somaliland.

Mareykanka ayaa bogaadiyay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkaas, kadib socdaal uu shalay sii-hayaha xilka safiirka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya uu ku tegay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Danjire Shane Dixon ayaa Hargeysa kulamo kala duwan kula qaatay madaxda sare ee Somaliland, mucaaridka iyo ururrada bulshada rayidka ah, isaga oo ku bogaadiyay heshiiskii laga gaaray murankii doorashooyinka ee xiisadda ka abuuray gudaha Somaliland.

“Mareykanka waxa farxad galisay heshiiska cusub ee siyaasadeed ee ay kasoo shaqeeyeen odayaasha dhaqanka, kaasi oo ah tallaabo togan oo loo qaaday dhanka doorashooyin xor ah oo xalaala,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaarada Mareykanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ku-simaha safiirka Shane Dixon uu madaxda sare ee xukuumadda Somaliland ku booriyay in colaadda sii daba dheeraaneysa ee Laascaanood in loo maro waddo nabadeed, laguna dhameeyo wada-hadal.

Socdaalka ku-simaha safiirka iyo dalabka uu u gudbiyay madaxda Somaliland ayaa imaanaya xilli xukuumadda ay qorsheynayso duullaan ay uga jawaabeyso dagaalkii u dambeeyay ee SSC-Khaatumo uga qabsatay fadhiisimo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada Somaliland.

Sidoo kale labada dhinac ayaa dhaq-dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka wadda gobolka Sool, ayada oo hanjabaado iyo digniin ay hawada isku mariyeen labada dhinac.

Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto.

Si kastaba, lama oga waxa uu dalabka cusub ee Mareykanka uu ka tari doono sida hadda wax u socdaan, oo walaac xooggan laga muujinayo in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo, maadaama kuwii horay u dhacay ay galaafteen nolosha dad aan illaa hadda tira-koob rasmi ah lagu sameyn.

POLAND oo hakisay hubkii loo sii marin jiray Ukraine

0

Kyiv (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Poland ay weli sii ahaan doonto saaxiibka dhow ee Ukraine, kadib markii dalka Poland uu ku dhawaaqay in aanay jiri doonin hub iyo rasaas dheeraad ah oo loo diro Kyiv, xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa labada dal ee salka ku haysa dhinaca dhoofka wax soo saarka beeraha.

La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa isagu hoos u dhigay xiisadda u dhexeysa labada dal.

“Markii aan subaxnimadii hore akhriyey qodobada wararka ugu waaweyn, runtii waan werweray, waxaana i horyimi su’aalo kala geddisan. Hase ahaatee waxaan markiiba arkay afhayeenka xukuumadda Poland oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana caddeeyey mowqifka Warsaw, oo ah inay sii wadayaan, isla markaana ay weli garab taagan yihiin Ukraine” ayuu sheegay Sullivan.

Ra’iisal wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki oo arbacadii la weydiiyey taageerada dalkiisa ee Kyiv ayaa sheegay inaan wax hub ah oo cusub loo diri doonin Ukraine.

“Wax hub ah oo cusub u diri mayno Ukraine, sababtoo ah, haatan annaga ayaa isku hubaynayna hubka ugu casrisan” ayuu u sheegay Polsat News.

Warsaw ayaa markii dambe faah-faahisay arrintan iyaga oo sheegay inay sii wadayaan gudbinta hubka iyo rasaasta, qaybta ka ahaa heshiisyadii hore loo gaadhay.

Murankan u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay ka dib markii dalalka Poland, Hungary iyo Slovakia ay qaateen go’aano iskood ah oo mamnuucis ugu soo rogayaan in la soo dhoofsado cuntooyinka ka soo go’a beeraha Ukraine, ka dib markii uu dhamaaday xannibaadii Midawga Yurub.

Kenya ramps up security, a decade post-Westgate

Nairobi (Caasimada Online) – A somber mood enveloped the upscale Westgate Mall in Nairobi as Kenya marked a decade since a harrowing attack by Somalia’s Al-Shabab militants claimed 67 lives.

Ten years back, a four-day siege followed the attack, during which the nation’s security forces tried to regain control.

In a heartfelt commemoration, government officials placed white and red roses at the mall’s main entrance, symbolizing the country’s resilience and the ever-present memories of that fateful day.

Richard Maige, a survivor and gardener at the mall, poignantly recounted his narrow escape.

He remembered diving into a culvert as the first gunshots echoed. Leveraging his intimate knowledge of the premises, he managed to find safety.

“It is only God who saved me from the attack. Many of my colleagues perished or sustained injuries,” Maige lamented.

The evolution of Kenya’s security apparatus

The 2013 Westgate Mall attack became an inflection point for Kenya’s security setup.

Initially, Kenyan security forces faced significant public and media backlash for their perceived disorganized response to the assault.

Nevertheless, this tragic event catalyzed reforms within the nation’s security agencies. The emphasis was now on better coordination and emergency preparedness.

Nicolas Delaunay, the project director for East and Southern Africa at the International Crisis Group, noted a marked difference in the country’s response to subsequent threats.

“You could observe a stark contrast in the efficiency of the response to the 2019 Dusit attack compared to the Westgate assault,” he said, referencing a siege on the Dusit hotel and office complex in Nairobi.

There, Kenyan security forces commendably ended the standoff in under a day, a testament to their improved operational capabilities.

The ongoing fight against militancy

Despite the significant strides, challenges persist. Al-Shabab militants continue to pose threats, with sporadic attacks occurring on Kenyan soil.

This year alone, Al-Shabab is believed to be responsible for the death of 20 individuals in Lamu County, bordering Somalia.

In a decisive response, Raymond Omollo, a senior official from the interior ministry, reiterated Kenya’s commitment.

“Our end goal is to maintain supreme surveillance along our borders and intensify security operations nationwide. We aim to neutralize the enemy before they strike,” he said during the anniversary.

In addition to countering militants, Kenya’s government has directed its military and security personnel to address other internal security issues.

They are actively involved in operations against cattle rustlers and armed bandits, particularly in the Rift Valley region of East Africa.

This tenacious spirit embodies Kenya’s resolve to ensure the safety of its citizens, even as it remembers and honors the past.

Khilaafkii Qoor-Qoor iyo Cali Ciid oo la dhammeeyay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxeeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa ugu dambeyntii la xaliyay.

Cali Ciid oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu shaaciyay in la dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor, islamarkaana wada-shaqeyntoodu ay kusoo laabatay sidii hore iyo si ka wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa laga gudbay arrintaan yarta aheyd (khilaafkii) ee soo baxday. Galmudug saddex sano iyo bar ayau dhisan tahau waa khilaafkii koowaad ee banaanka usoo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay waana laga gudbay,” ayuu yiri Cali Ciid.

Waxa uu intaas kusii daray “Waqti fiican oo waddanka wax ugu qaban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir.”

Inkasta oo Cali Ciid uusan sheegin waxa lagu dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay madaxweyne Qoor-Qoor ayaa haddana waxaa soo baxeysa in madaxweyne Xasan Sheekh oo bil ka badan ku sugan Dhuusamareeb uu labada dhinac cadaadis ku saaray “in waxa la isku hayo dhinac la iska dhigo” oo loo midoobo dagaalka Al-Shabaab.

Muxuu salka ku hayay khilaafka labada masuul?

Khilaafka labada nin oo mar gaaray meel sare ayaa waxa uu salka ku hayay awoodda maamulka Caabudwaaq, taasi oo uu kasoo jeedo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo Cali Ciid ayaa isku qabtay awoodda maamul ee degmadaas, ayada oo Qoor-Qoor uu ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi, taasi oo keentay in Cali Ciid uu tego Caabudwaaq uuna dhiso maamul cusub, isaga oo u adeegsanaya xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada oo isaga taabacsanaa.

Sidoo kale intii ay taagneyd xiisadda ayaa waxa uu madaxweyne ku-xigeenka uu soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha oo uu markaas ku eedeeyay in uu xagal-daaciyay dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab.

Daqiiqado kooban kadibna waxa soo baxay qoraal uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu ku beeninayo qaraarka madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sharci-darro ku tilmaamay shaqo-joojinta ku-xigeenkiisu ku sameeyay wasiirkiisa arrimaha gudaha, oo la sheegay inay aad iskugu dhow yihiin.

Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa qoraalkaas ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas, taasi oo cirka kusii shareertay khilaafka labada nin.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa iyaduna markaas kadib kusoo biirtay xiisadda, ayada oo amartay in lasoo xiro afar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne ku-xigeenka maalin un kadib markii doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa Cali Ciid ku qabsaday magaaladaasi.

Xubnahaas ayaa waxaa ku jiray guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay shalay iska dhex doorteen afartaasi xubnood, waxayna kala yihiin Cabdinaasir Maxamuud, Maxamed Xasan Nuur, Jaamac Cabdullaahi Cabdulle iyo Axmed Cabdisalaan Cabdi oo dhammaantood ka tirsan golaha deegaanka Caabudwaaq.

Isku soo wada duubo, in xilligaan hoos loo dhigo khilaafyada siyaasadeed iyo xifaaltanka awoodeed, loona midoobo dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa wax badan ka goysa hiigsiga Soomaaliya xor ah, oo ka caagan argagixisada.

Dhageyso: Xamza oo faah-faahiyey dalabyo xasaasi ah oo caalamka uu hordhigay

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixiyay dalabyo muhiim u ah Soomaaliya oo uu hordhigay caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ugu horreyntii ku sheegay in qorshaha safarkiisa Mareykanka ee ka qeyb-galka shirka QM uu yahay mid guul ku socda, illaa haddana ay wax badana u qabsoomeen, halka waxyaabo kala weli u dhiman yihiin.

Mudane Xamza ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay ka codsaneyso caalamka in loo dhiso ciidan badan oo tayo leh, islamarkaana amaanka guud ee dalka kala wareega ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM), xilli dalka uu ku jiro dagaal kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

“Anaga amniga ayaa wax walba kow noo ah, waxaa socda dagaal oo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay kula jiraan niman cadow ah oo argagixiso ah, dagaalkaas in nagula taageero ayaa rabnaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxa aan dhisaynaa ciidan oo tiro iyo tayo u baahan, dunida waxa aan ka codsaneynaa in ciidanka na loo dhiso, si ciidankaas uu u noqdo kii la wareegi lahaa amniga dalka kadib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in caalamka ka xukuumad ahaan u gudbiyeen codsi ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee saaran, taasi oo sanado badan Soomaaliya saaran, dadaallo badana ay dowladda u qaaday sidii loo qaadi lahaa.

“Waxaan rabnaa in nalaga qaado cuna-qabateynta hubka ee muddada dheer na saarneed ee 1992-dii la saaray dalkaan, taasi oo ah cuna-qabateyntii ugu badneyd ee dal la saaro, taasna dunida ayaan ka codsaneyaa.”

Dalabyada uu ra’iisul wasaaraha hordhigay caalamka ayaa imaneysa xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim oo sanado badan ka talineysay kooxda.

Hoos ka dhageyso wareysiga oo ra’iisul wasaaraha kaga hadlay arrimo dhowr ah.

DF iyo Imaaraadka Carabta oo isku raacay in si deg-deg ah looga jawaabo laba arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab iyo in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hortagga iyo ka dabataga saameynta la filayo ee duufaanta El-Nino.

Sidoo kale waxa ay isku raaceen in dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.

Guddoomiye Maxamuud Macallin oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday dajniraha inay gacan ka siiyaan ududeynta kulamo doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28  oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.

Dhankiisa Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wada-hadlay, wuxuuna xusay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, wuxuu ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada, isaga oo sidoo kale mashaariic ka fuliyo dalka.

Daawo: Macawiisley hor leh oo lagu diyaariyay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo boqlaal ah ayaa maanta lagu soo badhigay deegaanka Qawl oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo ka qayb qaadanayaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan deegaanada ku teedsan jinka wabiga Shabelle ee maraya gobolka Hiiraan.

Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye oo kamid ah waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa dardaaran culus u jeediyay ciidamadan, wuxuuna sheegay in laga rabo inay dhameystiraan inta yar ee ay hadda xoogaga Al-Shabaab ka joogaan gobolka, si looga sifeeyo.

“Waxaa la rabaa inaa jihaadiin, waana xaq jihaadku maanta Somalia jihaad ayay ku jirtaa, Shabaab cabsidiisa iyo in wax laga tari karo, uuna xabad tareyn Xawaadle ayaa tusay” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Wehliye Sabriye.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay mid kamid ah saraakiisha ciidanka Macawiisleyda ee lagu diyaariyay halkaasi, wuxuuna sheegay in u midoobeen la dagaallanka Al-Shabaab.

“Intaan ma yaro waa rag walaal ah oo cadowga u midoobay oo Shabaab inay iska xoreeyaan oo waddanka ka baxsho ugu talagalay” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka saarin doonaan aagga wabiga, si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay haaatan kooxda ka wado halkaasi.

“Nimankan hadda waxa ay joogaan dhagaxa dhaga-cadkaa ka soko ma joogaan, waa inaan dhagaxaas ka raacdeynaa oo wabiga dhaafinayaa” ayuu sii raaciyay.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waana gobolka uu ka billowday, ayada oo haatan mar kale ay dadka deegaanka geli doonaan dagaalka, taas oo ku timid wadahadalkii uu madaxweyne Xasan la yeeshey siyaasiyiinta beesh Xawaadle.

Dowladda oo soo saartay digniin ku socota shacabka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta gaar ahaan kuwa u dhow dhulka xeebaha.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in halis ka dhalan karo duufaanta ElNino oo la sheegay inay kusoo wajahan tahay meelo kamid ah dalka.

Sida lagu sheegay qoraalkan, saadaasha hawada ayaa  muujinayso koror xooggan oo ah xaddiga roobka, kaasoo keeni kara khasaare nafba iyo moodba, oo looga digay shacabka.

Waxay sidoo kale wasaaradda ka codsatay shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, isla-markaana ay ka fogaadaan meelaha togaga ah iyo dhulka u dhow xeebaha.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay u diyaar garoobaan saameynta ka dhalan karta fatahaadda, maadaama ay isa soo tareyso cabsida haatan laga muujinayo.

Waxaa ka mid ah meelaha sida weyn farta loogu fiiqay ee laga digay magaalooyinka Kismaayo, Boosaaso, Berbera iyo magaalooyinka kale ee kuyaala aagga u dhow xeebaha.

Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha saadaasha waxa ay horaynu sheegeen in degaanada dhaca xeebaha ee Soomaaliya ay kusoo wajahan yihiin roobab duufaano wata, kuwaas oo ay sheegeen inay gaysan kara waxyeelo aad u ballaaaran, haddii aan laga diyaar garoobin.

Soomaaliya, waxaa horay ugu dhuftay fatahaado xoogan, waxaana aad loo xasuustii kuwaas sanadkii hore ka dhacay degmooyinka Baardheere, Beledweyne iyo Qardho.

Waraabe oo laba arrin kala hadlay Mareykanka + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa maanta wada-hadal Hargeysa kula yeeshay wafdi uu horkacyo sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane Dixon iyo xoghayaha 1-aad ee safaaradda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaaasada iyo dhaqaalaha Geoffrey Parker.

Kulankan waxaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku wehlinayay xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal.

Faysal Cali Waraabe ayaa wafdiga Mareykanka kala hadlay laba qodob oo kala hadlay doorashada Somaliland iyo arrimho ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga.

“Kulankan ayaa lagaga wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan is mari waa ka dhashay arrinta doorashada oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi.

Horay beesha caalamka ayaa digniino uga soo saaray xaaladdaha ka taagan Somaliland oo hadda wajaheysa middii ugu xumeyd, marka la eego arrimaheeda gudaha.

Arrimahan ayaa waxaa uga sii daraya dagaalka weli ka socda Laascaanood iyo jabhadda cusub ee looga dhawaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ee maamulkaasi.

Jeesow: Al-Shabaab ayaa dalka qabsan doonta, haddii muddo xileedka Xasan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo haatan ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan goboka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay arrimo ku aadan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda inta badan gobollada dalka.

Jeesow ayaa ugu horreyn taageero u muujiyay madaxweynaha dowladda federaalka oo isugu hoggaaminayo dagaalkan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii aan la garab istaagin madaxweynaha, inta uusan dhammaanin muddo xileedkiisa ay suuragal tahay inuu dalka u gacan galo Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha waan u hambalyeynaa fikir fiican ayuu qabtay, haddii madaxweyne Xasan muddo xileedkiisa aanan Al-Shabaab laga saarin dalka, iyaga ayuu gacanta u galaa, waa wax aan aaminsanahay” ayuu yiri Jeesow, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Somali Cable.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in la garab istaago madaxweynaha iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jiro Al-Shabaab, si ayaga looga adkaado.

“Madaxweynaha hala garab istaago, ciidanka hala garab istaago, haloo hambalyeeyo, hala dhiirageliyo” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada baarlamaanka oo fasax galay, looga baahan yahay inay ayaguna qaataan doorkooda, ayna tegaan jiida hore ee dagaalka.

“Farriinta aan diraayo waxaa waayay xildhibaanada Soomaaliyeed waa in furumaha la tegaa oo la dhiirageliyaa ciidanka geesiyaasha ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo laga soo hooyay howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle oo dhul badan loooga qabsaday Al-Shabaab.

DF oo tallaabo culus qaaday kadib go’aanki Midowga Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa qaaday tallaano culus, kadib go’aankii Midowga Yurub ee lagu joojiyay dhaqaalihii ay siin jireen hay’adda cunnada adduunka ee WFP, qeybteeda Somalia, sababo la xiriiria musuq.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasaaradaha gargaarka ee maamul goboleedyada dalka, ayada oo gabi ahaan mamnuucay in laga ganacsado gargaarka bini’aadannimo ee la keeno dalk, taas oo daba socoto go’aanka Ururka Midowga Yurub.

Sida lagu sheegay bayaankan ujeedadu waa mid looga hortagayo in la musuq-maasuqo gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya.

Waxyaabaha la mamnuucay ee gargaar ahaanta loo bixiyo waxaa ka mid ah cunnada, daawooyinka iyo qalabka kale ee hooy ahaanta loo isticmaali karo.

“Hay’adaha u xilsaaran bixinta Gar-gaarka bini’aadanimo ee Dowladaa Soomalia heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed intuba waxa ay halkan ku cadaynayaan in gebi ahaanba ay mamnuuc tahay in lagasii ganacsado Gar-gaarka sare ku xusan haddii ay ahaa laheyd Cunto, Daawo, ama Qalabka kale ee Hooy ahaan loo isticmaali karo,” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay iska fogeysay inay ku lug leedahay gargaarka la sheegay in lalunsaday, kadibna sababay go’aanka kasoo baxay Yurub.

“Gar-gaarku wuxuu waxtar mug leh oo leeyahay badbaadinta nafta dadka nugul, sida Barakacayaasha, Caruurta nafaqa daradu heyso, iyo Hooyooyinka. In kasta oo Dawladda Soomalia ay hore u cadeysay ineysan qeyb ka aheyn Gar- gaarka la sheegay in lalunsaday, hadana Dawladu waxey mar walba ku boorineysaa dhammaan Bahda Gar-gaarka Beni’aadenimada ka shaqysa,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Ururka Midowga Yurub.

Qoraalka ayaa intaasi sii raacinaya “Haddey Soomaali yihiin iyo haddii aysan aheynba in leexsiga Gar-gaarka Beni’aadanimadu uu yahay ficil an sinaba loogu dul qaada karin.”

Gabagabadii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo qoraalkan soo wada saaray ayaa shaaca ka qaaday in cid kasta oo lagu helo falkan laga qaadi doono tallaabo adag.

Muxuu Xasan Sheekh xil ugu magacaabay sarkaal madax u ahaa ciidankii weeraray?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, oo bishii labaad wada hogaaminta dagaalka ay dawladda kula jirto Al-Shabaab, ayaa dhawaan magacaabay saraakiil hogaaminaya dagaalka. 

Dadka uu magacaabay waxaa ka mid ah Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle oo ahaa talihii ciidanka sida kumaandooska u tababaran ee Gorgor.

Dayax wuxuu ahaa gaashaanle dhexe, laakin waxaa loo dallacsiiyey gaashaanle sare, waxaana loo magacaabay taliyaha ciidanka Lugta ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. 

Isla markii la magacaabay, ra’yi kala duwan ayey dadku ka bixiyeen xilka loo dhiibay.

Hadal hayntiisa ayaa timid ayadoo dib loo eegayo sidii uu ahaa xiriirkii u dhaxeeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo sarkaalkiishii xilligii dawladdii hore ee xasan Sheekh uu mucaaradka ahaa. 

Dayax wuxuu ahaa taliyaha ciidanka aadka u tababaran ee Gorgor, kuwaasoo dhowr goor is hortaagay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen mucaaradkii xilligaas oo Xasan Sheekh ku jiray. Ciidanka Gorgor waa ciidan sida kumaandooska u tababaran oo dawladda Turkiga ay tababar siisay. 

Ciidankaas oo si fiican u qalabaysan waxaa tiradood a lagu qiyaasaa in ka badan 2000 oo askari.

Su’aalaha hadda la is weydiinayo waxaa ka mid ah sida iyo sababta uu madaxweynaha Soomaaliya ugu dhiirraday inuu xil sare uga magacaabo milateriga Soomaaliya taliyaha ciidanka Gorgor ee ahaa ciidankii is hortaagay markii uu mucaaradka ahaa.

Ciidanka Gorgor ayaa hawlgal ku qaaday hotel ay ku sugnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, bishii Febraayo 2021.  

Xilligaas uu weerarka dhacayo Dayax oo gaashaanle dhexe ah wuxuu ahaa taliyihii ciidankaas, walow uusan wadan askartii hotelka gashay. Madaxweynayaashii hotelka ku sugnaa waxay markii dambe eedda dusha ka saareen madaxweynihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu isagu weerarka ka dambeeyey. 

Laakin saraakiil ciidan iyo aqoonyahanno ayaa aaminsan in agacaabista Dayax ay ku salaysan tahay kartidiisa iyo xirfadda dagaal gelinta ee uu leeyahay oo xilligan loo arko mid muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab.

“Sarkaalkan waxaa lagu xushay kartidiisa iyo aqoontiisa ciidanka, waana lagula taliyey madaxweynaha inuu magacaabo si looga mira dhaliyo hawlgallada hadda socda. Talaabadan waxay muujinaysaa in madaxweynuhu yeeshay bisayl, iyo ka go’naansho in dagaalka lagu guulaysto, oo uusan fiirin wixii hore u soo dhex maray,” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga.

Dadka yaqaanna Gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle waxay ku tilmaameen inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku wanaagsan, tababarro fiicanna qaba.

Waxaa kale oo isna uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo celiyey hawlgalinta ciidanka taliyihii hore ee milateriga Jeneral Odawaa Yuusuf Raage.

Odawaa wuxuu ka mid ahaa dadkii wakhtiga dheer ku soo jiray dagaalka Al-Shabaab. Wuxuu hogaaminayey ciidanka milateriga xilliyadii adkaa ee dagaalladii ugu kharaaraa ay dhex mareen askarta dawladda iyo Al-Shabaab sida Masaajid Cali Guduud iyo Ceel Barde.

Odawaa wuxuu qayb weyn ka qaatay in dib loo celiyo askartii ka soo gadoodday Cowsweyne markii Al-Shabaab ay duullaanka culus ku soo qaadeen. Waa nin ciidanka aad u kala yaqaanna, ku soo dhex jiray, ayna ka heybaystaan, taas ayaa keenaysa in madaxweynuhu uu dib ugu soo celiyo hawlgallada maadaama khibraddiisa iyo saamayntiisa aad loogu baahan yahay xilligan xasaasiga ah,” ayuu sii raaciyey Axmed Kaboole.

Dadka ka hadlay arrimaha la xiriira isbeddelka lagu sameeyey hogaanka milateriga qaarkood waxay aaminsan yihiin in saraakiishan iyo qaar kale oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka cusub ee ciidanka xoogga dalka ee dhawaan la magacaabay inay soo kordhin karaa fikrado cusub oo dagaalka hadda ka socda Galmudug iyo HirShabelle lagu soo kordhin karo si loo soo afjaro wajiga hore ee hawlgalka ee labada bilood uu iminka hogaaminayo madaxweynaha.

Dadkaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo bartiisa facebook ku qoray “Col Dayax waa hoggaamiye lagu yaqaano karti iyo dhiiranaan, sumcad wanaagsanna ku leh ciidanka dhexdiisa”.

War cusub oo kasoo kordhay 300 oo Shabaab oo lagu go’doomiyey Sh/Dhexe

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay maalintii 5-aad ku go’doonsan yihiin deegaanka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Mintidiinta ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay ay isku urursanayeen deegaankaasi, si ay weeraro uga gaystaan deegaanada HirShabeelle, ciidamaduna ka war helayn qorshahoodaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ay ka soo gudbeen daanta galbeed ee Webiga Shabeelle, islamarkaana ay u muuqdaan inaanay doonayn in dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo isaga kala yimid Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Maxaas ayaa saddex jiho ka kubaareeyay Shabaabka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay ka baxeen dhulka hawdka ee ku yaala hareeraha webiga, islamarkaana ay galeen godad ay horaan ka sii qoteen dhulka beeraha halkaasi ku yaala.

Ilo-wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in kooxaha argagixisada ay ka dhex dagaalamayaan godadkaasi, ciidamaduna ay ku sii dhawaanayaan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay weli dhanka cirka ka garaacayaan maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku mintidaya, sidii ay halkaasi u sii joogi lahaayeen, maadaama uu deegaanku yahay mid ku wanaagsan gabaadka, kana soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

Saraakiisha Ciidamada ayaa tirada Shabaabka ee halkaasi ku sugan ku sheegay illaa saddex boqol oo nin.

Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil uu ka mid yahay Korneyl Cali Xuubey, oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya, sidii Shabaabka looga kicin lahaa aagagga ay kaga sugan yihiin deegaanka Cali Fooldheere.

Militariga Itoobiya oo shaaca ka qaaday dilka 462 Shabaab ah kadib weerar fashilmay

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Militariga Itoobiya ayaa Arbacadii ku dhowaaqay in ay dileen 462 dagaalame oo Al-Shabaab ah kadib weerar fashilmay oo kooxda ay soo qaaday. 

Bayaan kasoo baxay ciidamada qaranka Itoobiya ee ENDF ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu dilay deegaanka Rab Dhuure ee gobolka Bakool ee Soomaaliya kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan kolonyo ka tirsan ciidanka oo ku sugnaa aagga. 

ENDF waxay shaaca ka qaadeen in maleeshiyada ay isku dayeen inay adeegsadaan 12 qof oo is-miidaamiyeyaal ah iyo saddex baabuur oo laga soo buuxay waxyaabaha qarxa. 

Militariga Itoobiya ayaa horey dhowr jeer u fashiliyey dhowr isku day oo Al-Shabaab ay ku geli laheyd bariga Itoobiya, si ay xuduudda uga fuliyaan weeraro, ayaa lagu yiri bayaanka. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay 17-kii September ku sheegtay inay dileen 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari kadib dagaal ka dhacay gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

R/W Xamza oo dalab culus hordhigay madaxda isugu tegtay dalka Mareykanka

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada New York ayaa wareysi gaar ah siiyay VOA, wuxuuna ka hadlay arrimo ku aadan safarkiisa Mareykanka iyo ajandihiisa kuwa ugu muhiimsan.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu si guul ah ugu socdo safarkiisa, isla-markaana uu ka qayb-galii shirkii golaha guud ee QM iyo kulamo kale oo muhiim ah.

Waxa uu tilmaamay in ay kala hadlayaan caalamka dagaalka Al-Shabaab iyo sidii taageero loo siin lahaa ciidanka Xoogga dalka oo haatan sameynaya dib u kabasho ballaaran.

Xamza ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta cunaqabateynta hubka ee weli saaran Somalia, wuxuuna shaaca ka qaaday in madaxda adduunka ay ka codsanayaan in Somalia laga qaado cunaqabateynta, maadaama ay hadda dagaal adag kula jirto  Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa in nagala qaado cunaqabateynta hubka ee muddada dheer ee ina saarnayd ee 1992-dii la saaray dalka, waa cunqabateyntii ugu dheereyd ee dal la saaro oo haddana ugu ballaarnayd oo runtii meel walba laga xiro, taas waxaa weeye dunida ku codsaneynaa,” ayuu wareysigan ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qodobka kale ee muhiimka ah uu yahay arrinta dayn cafinta oo uu xusay inay kala hadlaan madaxda ku sugan magaalada New York.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaca ka qaaday in dadaalka ay waddo xukuumadda uu marayo gabagabo, isla-markaana dhamaanka sanadkan laga dhamaan doono dayn cafinta.

“Arrinta kale waa dayn cafinta oo aan safiican uga soo shaqeynay ayaan Precess-keedii ku jirnaa waxaan rajeyneynaa bisha 12-aad ee sanadkan in dayn cafiskaas uu dhamaanaayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiro ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa kale “Marka uu dhamaado dayn cafiska waxay Somalia xaq u yeelan doonaan inay Access u yeelan karto hay’adaha caalamiga ah iyo inay dayn qaadan karto”.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, xilli Somalia ay haatan ku jirto xaalad adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo bani’aadanimo oo weli ka jira deegaanada qaar ee dalka.

PM Hamza to tackle Al-Shabab issue in Minnesota trip

0

New York (Caasimada Online) – The hustle and bustle of New York City received an infusion of international diplomacy on Monday with the arrival of Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre.

With him, a substantial delegation set forth to participate in the United Nations General Assembly, an annual event held from September through December, serving as the principal policy-making arm of the UN.

According to his office, Prime Minister Hamza will take the stage on Saturday, spotlighting Somalia’s commendable strides.

His speech will encompass various topics, ranging from poverty alleviation and bolstered healthcare systems to improved human rights and impactful climate change initiatives.

Beyond reflecting on Somalia’s accomplishments, the Prime Minister aims to underscore the ongoing efforts in nation-building.

“The prime minister’s chief message at the UN General Assembly will pivot around three cornerstones: ensuring security and stability, fostering trade and economic growth, and promoting investment and infrastructural development,” elucidated Ali Sharif Ahmed, Somali ambassador to the U.S.

Pursuing strategic dialogues and security concerns

While the UN General Assembly serves as a platform for global engagement, Prime Minister Hamza’s visit is not limited to mere speeches.

He is slated for exclusive meetings with the UN Secretary-General, select U.S. government officials and distinguished heads of various international delegations.

Central to these interactions will be the Somali government’s relentless battle against Al-Shabab, a dominant terrorist organization with connections to Al-Qaeda, which has seized control of much of southern Somalia.

In light of the increasing hostility from Al-Shabaab and the gradual exit of the African Transition Mission in Somalia (ATMIS) forces, the Prime Minister will also present a case for the UN to reconsider its longstanding arms embargo on Somalia.

Ali Sharif Ahmed further highlighted the government’s strategy following President Hassan Sheikh Mohamud’s recent reelection, “The focal point has been to diminish Al-Shabab’s military prowess, dry up their financial conduits, and counteract their ideological narratives.

With President Hassan Sheikh Mohamud leading the charge, we’ve been reclaiming territories from Al-Shabaab’s grasp.”

Connecting with the Somali diaspora in Minnesota

Capping off his U.S. visit, Prime Minister Hamza’s itinerary brings him to Minnesota on Sunday, providing an opportunity to interface directly with the Somali diaspora.

Preparations for this notable visit are already in high gear in Minneapolis. “We are brimming with anticipation to greet Prime Minister Hamza and rally the community behind governmental efforts in Somalia,” expressed Nur Ali Abshir, chairman of the committee orchestrating the Minnesota visit.

This monumental visit holds special significance. “It’s a historic moment as this marks the maiden visit of a sitting prime minister from Somalia to Minnesota,” remarked Nur.

Prime Minister Hamza will address the Somali community of the Twin Cities at the DoubleTree Hotel in Bloomington on Sunday evening, offering insights into the nation’s progress and the ongoing campaign against Al-Shabaab.

Reaffirming the community’s enthusiasm, Sadiq Abdirahman, a committee member, said, “The Somali community stands united, eager to welcome Prime Minister Hamza Abdi Barre and his esteemed delegation to Minnesota.”

Lastly, it’s worth noting that this isn’t the first high-profile visit from Somalia.

Last year, President Hassan Sheikh Mohamud addressed the Minnesota Somali community, applauding their tenacity and pledging to counter extremist ideologies and eliminate Al-Shabaab from the homeland.