26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo la shiray guddoonka labada Gole iyo xildhibaanno

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay guddoomiiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo xildhibaano maanta gaaray magaaladaas oo uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab.

Kulanka ayaa yimid, kadib markii labada guddoomiye iyo xildhibaanada la socda ay booqasho ugu tageen madaxweynaha oo laba bilood ku sugan halkaasi.

Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ataa guddoonka sare ee  Baarlamaanka warbixin ka siiyey guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu u xaqiijiyay in dowladda federaalka iyo Galmudug-ba ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro gobollada dhexe oo ay hadda ka joogaan meelo kooban.

Dhankooda labada guddoomiye ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu waqtigiisa ugu badan geliyay dagaalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dadka Soomaaliyeed leeyihiin  hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka.

Waxa kale oo ay sheegeen labada guddoomiye in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale la kulmi doono saraakiisha ciidamada, si ay xog wareystaan xaaladdooda iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay inay booqdaan deegaanada qaar ee laga xoreeyay Al-Shabaab, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda, una garab istaagaan ciidamada huwanta.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xoogaan, kaas oo ay iska kaashanayaa ciidamada dowladda iyo kuw daraawiishta maamulkaas iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo ka dagay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta gaaray guddoomiyeyaasha labada Gole ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xildhibaano ka tirsan labada Aqal, ayada oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo madax kale ayaa guddoomiyeyaasha iyo xubnaha la socda uga hortegay garoonka Dhuusamareeb.

Intaas kadib madaxda ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Galmudug oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud oo bishii labaad jooga halkaasi.

Ujeedka Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ah inay u kuur galaan xaaladda Galmudug, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Sidoo kale waxa ay kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha, masuuliyiinta ku sugan halkaas iyo saraakiisha ciidamada, si ay xog uga helaan gulufka ka socda Galmudug.

Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan laga hagayaa howlgallada culus ee ka socda Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo deegaano badan looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Mas’uuliyiintii ugu badnayd ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ku sugan furimaha dagaalka si ay u dhiirageliyaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

 

amuud

Wararkii ugu dambeeyay ee xilka qaadista Joe Biden

0

Washington (Caasimada Online) – Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay toddobaadka soo socda qabtaan fadhigii ugu horreeyey ee lagaga hadlayo, xil ka qaadista madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Maadaama ay haystan aqlabiyad aad u yar, waa arrin aad u adag inay meel mariyaan xubnaha xisbiga Jamhuurigu, mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Biden, kaas oo haddii ayba ansixiyaan ay maxkamadayntiisu ka dhacayso aqalka sare ee Senate-ka.

Guddida Kormeerka ee aqalka wakiillada ayaa la filayaa inay Khamiista dambe lafaguraan eedaha loo jeediyey Biden ee ku aaddan, inuu si khaldan u adeegsaday xilkiisa, xilligii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, isaga oo taageero u fidiyey ganacsiyada shisheeye ee wiilkiisa Hunter uu ku lug lahaa.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyey Biden, inuu u adeegsaday xafiiskiisa inuu xidhiidhiyo dedaaladaas iyo inuu ka ilaaliyo wiilkiisa in baadhitaan lagu sameeyo.

Guddiyo kala duwan oo ay hoggaamiyaan xisbiga Jamhuuriga ayaa muddo bilo ah, waxay siyaabo kala duwan u baadheen eedahaas, hase ahaatee may celin caddaymo ku filan oo taageeraya sheegashooyinkooda.

Jerry Nadler oo ah mudane ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga isla markaana xubin ka ah guddida garsoorka ayaa sheegay in xubnaha xisbiga Jamhuurigu inay lacago badan oo ay leeyihiin cashuur bixiyayaashu inay u adeegsadeen baadhisyo kala duwan oo aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo ka dhan ah Biden iyo qoyskiisa.

Warbixintan waxaa qortay Katherine Gypson

ISHA: VOA

Daawo: Baashe oo shaaciyey hal arrin oo gorsoorka dalka uu cadaalad ku noqon karo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu daah-furay imtixaan loo galayo ku biiridda hey’adaha garsoorka dalka ayaa la dardaarmay dhalinyaradii imtixaanka u fariisatay.

Baashe ayaa sheegay in Garsoorku mid cadaalad ah noqon karo markii qofka cadaaladda laga rabo uu isagu caddaalad helo, isagoo ka balan qaaday dadkaan imtixaanka u fariistay inay cadaalad u sameyn doonaan.

Guddoomiye Baashi ayaa ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay cadaaladu u leedahay shaqada hey’adaha garsoorka, isagoo tusaale u soo qaatay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabaan oo afar sano ka hor ka mid ahaa dad sidaan oo kale halkaan imtixaan looga qaaday.

“Qofka garsooraha ah si uu cadaalad ugu sameeyo dadka uu u adeegayo, waxaan ka shaqeynay in isagu uu cadaalad ku yimaado, dadka sharciga xirfada u leh si ay fursad u helaan, waxaan ku dadaalnay in loo tartamo boos kasta oo ka banaanaada bahda garooska,” ayuu yiri guddoomiye Baashe.

Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada imtixaanka u fariisatay ka balan qaaday inay cadaalad heli doonaan, isagoo guul u rajeeyey, kuna dhiirigeliyey inay dadaalaan.

“Qofkii ku soo baxa imtixaankaan waxaan ka rajeynayaa sida aan ugu cadaalad sameyno inuu ugu cadaalad sameeyo dadka uu u adeegi doono,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu amray in deg deg loo qaato dadkaan, markii ay ku wargeliyeen baahida uu garsoorku u qabo shaqaale cusub.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in garsoorka iyo cadaaladda ay lamid yihiin jihaadka dalkaan looga xoreynayo Khawaarijta, marka dadka halkaan ka soo baxa ee imtixaanka ku guuleysta waxay qeyb ka noqon doonaan jihaadka loogu jiro xoreynta dalka, dafaaca sharafka iyo diinta umadda Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Baashe.

Hoos ka daawo

Daawo: CC Shakuur oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka iyo qorshihiisa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa galabta gaaray furimaha ay ciidamadu difaaca uga jiraan ee deegaanka Bulacle ee gobolka Galguduud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ciidanka ku sugan deegaankaan oo bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku dhiirigeliyey halka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka, isagoo ku dalbaday inay sii socdaan oo gaaraan deegaanada ay Galgaduud ka joogto kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaano kale oo heer federaal ah oo maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa kormeerkaan ku wehliyey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna ciidamada geesiyaasha ah ku amaaneen sida ay dhaxanta iyo qoraxda ugu joogaan difaaca dalka iyo dadkooda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta ka soo degay Dhuusamareeb, isagoo ka yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu mari doono dhamaan furimaha ciidamada ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada uu maanta bariga Dhuusamareeb ugu tegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u badnaa geesiyaasha deegaanka ee hubka u qaatay inay dhulkooda ka xoreystaan kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii laga soo tago inuu yahay ergayga madaxweynaha dalka u qaabilsan gurmadka abaaraha, waa xildhibaan golaha shacabka ku metela dadka dega Dhuusamareeb iyo Guriceel, taas ayaa sabab u ah inuu ayaga ka bilaabo dhiirigelinta ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Siyaasigaan oo lagu yaqaano mayal adeyg siyaasadeed ayaa hadda muujiya inuu aad ula dhacsan yahay hanaanka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, Madaxweynaha ayaa ajendihiisa koowaad ka dhigtay dagaalka kooxdaas.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa caawa ka soo noqday furinta wuxuuna ku hoyanayaa Dhuusamareeb, sidoo kale berri iyo maalmaha xiga wuxuu qorsheynayaa inuu tago furimo badan oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay kula dagaalamayaan argagixisada.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay dagaal maanta lagu xoreeyey labo deegaan

0

Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka ayaa maanta Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Gaaday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa u sii gudbay deegaanka Shabeelow oo Al-Shabaab u ahaa fariisin muhiim ah, waxaana ciidamada u suurta gashay inay kooxda ka xoreeyaan deegaanadaas, inkastoo iska cabin ay kala kulmeen.

Howlgalkaas waxay ciidanku ku dileen 25 dagaalame oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo lagu burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay dowladda.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgallo lagu baacsaday Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Kuridhi iyo Qoriley oo dhaca galbeedka magaalada Camaara.

Camaara oo ah magaalo weyn waxaa ku hareereysan dhowr tuulo, kuwaas oo weli lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab oo maalin ka hor laga xoreeyey Camaara, magaaladaas waxaa la xaqiijiyey in hal qoys uusan ka qaxin.

Ciidamada ka dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug ayaa caawa kaabiga ku haya deegaanka Caad oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah ee Shabaab ay weli kaga harsan yihiin gobolkaas.

Beelaha Saleebaan, Sacad iyo Saruur ee Habargidir iyo beesha Surre ayaa ku bahoobay dagaalkaas, si ay deegaanadooda uga xoreystaan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa beelahaas kacdoomay u dirtay ciidan iyo masuuliyiin qaran.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa wacdare ka dhigay gobolka Mudug, deegaano aan abid Shabaab laga saarin intii ay jireen ayaa laga faro-maroojiyey kooxda, waxaana lagu sii bacsanayaa dhulka howdka ah.

Maalmaha soo socda waxaa lagu taamayaa in dhamaan koonfurta gobolka Mudug laga wada xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si ay u fududaato in Galgaduud laga xoreeyo kooxda, Galgaduud waxay ka joogaan magaalooyin ay ugu horeyso Ceelbuur, waana halka lagu soo gabagabey doono Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug.

DF oo soo saartay bayaan dheer oo lagu faahfaahiyey dhowr arrimood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dolwadda Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixin toddobaadle ah oo ay ku faahfaahiso guulihii la gaaray iyo waxa u qabsoomay todobaadkaas, war-saxaafadeed 33 qodob ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu dul istaagay qodobo u badan dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka akhriso bayaanka dowladda ee toddobaadkaan:

1-      Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2-      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3-      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4-      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5-      Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6-      Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7-      Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8-      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9-      Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

 

10-    Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11-    Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13-    Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14-    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka  ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15-    Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16-    Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay  magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17-    Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18-    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19-    Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

20-    Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21-    Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

 

22-    Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23-    Maamulka Gobolka Banaadir oo  raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada  ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24-    Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane  Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25-    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26-    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27-    Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige  ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28-    Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29-    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30-    Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31-    Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32-    Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33-    Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

==============DHAMMAAD==============

Xogta xatooyada ka socota dalka ee sababtay in Midowga Yurub uu hakiyo dhaqaalihii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan dadka waxay maqlaan madaxda degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwa maamul-goboleedyada, ciidanka deegaanka iyo horjoogayaasha kaamamka oo isku haysta kaararka gargaarka ee la siiyo dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla guud ahaan gobollada dalka.

Dad ka badan hal milyan ayaa ku jira kaamamka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sidoo kale Baydhabo waxay kamid tahay magaalooyinka ugu badan ee ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, kuwaasi oo inta badan noloshooda ay ku tiirsan tahay waxyaabaha ay keenaan hay’ddaha samafalka.

Laakiin sheeko aan qarsoneyn oo muddo soo jirtay ayaa ah in madaxda deegaanada ay musuq baahsan kula kacaan lacagaha joogtada loo siiyo dadka nugul ee degan kaamamka.

Sheeko caan ka aheyd kaamamka Muqdisho, Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa hadda caalami noqotay oo ay xogteeda heleen hay’addaha bixiya gargaarka.

Hay’addaha samafalka ayaa ogaaday in dadka nugul lagu qasbo inay bixiyaan kala bar lacagaha loogu tala-galay si kaararka loo siiyo, qaarna kaararkoodii ayaa dad kale oo aan barakac aheyn laga iibsaday.

Musuqan ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin milkiilayaasha dhulka, maamulka degmooyinka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka.

Baaritaan ay Qaramada Midoobay sameysay ayaa keenay in Midowga Yurub si kumeel-gaar ah u hakiyaan dhaqaalihii ay siin jireen hay’adda cunnada adduunka ee WFP qeybteeda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku tagrifal lagu sameeyay gargaarkeeda.

Dalal badan ayaa taageera mashruuca cunnada adduunka ee WFP. Illaa 7 Milyan oo dollar oo Soomaaliya loogu tala-galay ayuu Midowga Yurub ku caafiyay WFP sanadkii lasoo dhaafay.

Hakadka kumeel-gaarka ah ayuu isbeddelkiisa ku xirnaan doona sida loo kala shaandheeyo la howl-galayaasha ku sugan Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal u hadlay Midowga Yurub.

Haddaba, sidee loo dhacaa lacagaha gargaarka ee Soomaaliya?

Waxaa jira kaarar nooca shirkadaha isgaarsiinta ah oo la siiyo dadka kusoo barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lacago loogu shubo dadka barakaca ah.

Xogaha laga helayo ayaa sheegaysa in laba qaab loo musuq-maasuq, mid waa in dadka danyarta ah lagu qasbo in lacagta la kala barto oo ay bar iyagu qaatan, iyada oo barka kale ay qaadanayaan qofka degmada xukuma, horjoogaha kaamka, shaqaalaha samafalka iyo ciidanka.

Habka labaad ee la isku dhaco waa diiwaan-gelin been abuur ah, oo kadibna keenta in kaararka laga iibsado dad aan barakac aheyn oo magaaladooda ka shaqeysta, kuwaas oo iibsanaya kaarar badan maadaama ay bil walba lacagta kusoo dhacdo.

Waxa jira dad aan barakac aheyn oo haysta illaa 10 kaar oo ay iibsadeen, mid walbana bishii kusoo dhaceyso lacag u dhaxeysa 75 dollar illaa 120 dollar. Isagu halmar ayuu lacag dhowr boqol dollar ah ku iibsaday laakiin bil walba ayuu ka badan ka helaa.

Kaararkan waxaa bixiya hay’adda kala duwan, waana midda keenta in lacagaha qaar socdaan afar billood oo xiriir ah, qaar lix billood oo xiriir ah, qaarna sanad iyo ka badan.

Musuqan noocaan ah ee bahalnimada ah ayaa soo jiray ku dhawaad tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Dowladda Soomaaliya uma badna in aysan xog ka hayn arrintaan laakiin weli wax tallaabo ah kama qaadin, waxayna soo gaartay in maanta ogaadan hay’addihii caalamiga ah.

Saddex billood kahor WFP iyo USAID waxay hakiyeen cuntadii gargaarka aheyd ee ay siin jireen waddanka Itoobiya, si ay uga jawaabaan xatooyada baahsan ee lagu hayo gargaarka.

Foolxumadan dhaaftay sharciga iyo bini’aadannimadaba ee waqtiga fog lagu dhacayay dadka kusoo barakacay kaamamka ku yaalla Soomaaliya , waana mid u baahan wax ka qabasho deg deg ah iyo inay dowladda iska saarto masuuliyad gaar ah.

Indha-Cadde oo shaaciyay sababta uu u geli waayay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka, una warramay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo sababta uu u geli waayay.

Jeneraalka ayaa sheegay in hadda uusan aheyn Xildhibaan ama Macawiisley, balse uu yahay Janan ka tirsan Xoogga dalka, haddii ay u bahaatana dowladda uu dagaalami doono.

“Horta aniga Macawiisley maahi nin Jeneraal ah ayaan ahay, Xildhibaana maahi tuutaha waxaan qaadanayaa marka ay dowladdu i tiraah qaado ee aad dagaalka, markaas ayaan qaadanayaa oo la’i arki doonaa” ayuu yiri wareysigaan ku yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale wuxuu xusay in aysan jirin sabab uu hadda ku dagaal galo, isaga oo aan haysan amar kasoo baxay dowladda federaalka, laakiin waxa uu qiran inuu isagyu diyaar yahay.

“Qaab inta aan tuute u qaato dagaalka u galo amarka dowladda la’aanteed ma jiro, dowladda ay i ogtahay way i taqaanaa, marka ay ii baahatana iida ayaa ii yeeraneem shaqada ay iiga baahato iyada ayaa ii daraneen, anne diyaar ayaan u ahay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo fiirsado xeeladda dagaal ee lagu wajahayo kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku tahay dalka iyo dariska.

“Waxay u baahan tahay dagaalka nimankan in la daraaseeyo sidii looga hortagi lahaana la gaaro, waana la sameyn karaa aniga aragtideyda” ayuu kusii daray.

Jeneraal Indhacadde oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diraan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dagaalka Al-Shabaab.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa dagaalkan haddii aadan gelina waad dhimaneysaan way idin dilaayaan Shabaab, haddii aadan gelina xoolihiina ayay qaadanayaan” ayuu mar kale wareysigan ku yiri Jeneraal Yuusuf Maxamed Indhacadde.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabelle.

DF iyo Bangiga Adduunka oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha ra’iisul wasaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya.

Mashruucan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa uu wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taasi oo qeyb ka ah hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xilligaan dowladda iyo shacabka ay dagaalka adag kula jiraan kooxaha argagaxisada ah.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.

Waxa uu intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna xukuumadda Dan-Qaran dhinac waddo dagaalka Shabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta.

Sidoo kale mashruucan waa mid kaalin mug leh ka qaadanaya in la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.

Erdogan iyo Netanyahu oo markii ugu horreysay kulmay + Qoddobada miiska saaran

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaabeen inay hormariyaan xiriirkooda.

Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo yeeshay intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu.

Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkey ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Masjidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan.

Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ahaa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza.

Ankara ayaa cayrisay safiirka Israel, tallaabaadaas oo ay ka laabatay 2016, hase yeeshee waxay mar kale sidaas sameysay laba sano kadib, sababo la xiriira dilka tobanaan Falastiiniyiin ah oo ka qeyb-galay dibad-bax ka dhacay xuduudda Gaza.

Israel, oo cabasho ka muujisay marti-gelinta Ankara ee hoggaamiyeyaasha Xamas, ayaa ku jawaabtay inay cayrisay safiirka Turkey, 2018.

Booqasho uu bishii March madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey, oo ay ku xigtay booqashooyinka labada wasiir arrimo dibadeed, ayaa caawiyey in xiriirka uu soo hagaago.

Erdogan iyo Netanyahu ayaa ka wada hadlay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka iyo sidoo kale arrinta Israel iyo Falastiin, sida ay madaxtooyada Turkiga ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X.

Erdogan ayaa u sheegay Netanyahu in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka tamarta, teknoolajiyadda, hal-abuurka, caqliga macmalka ah, iyo sidoo kale amniga internet-ka, ayey tiri madaxtooyada.

Turkey ayaa sanadkii 2020 billowday dadaal xoog leh, oo ay ku hagaajineyso xiriirka dalal badan oo ay horey u xifaaltami jireen, sida Masar, Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo sidoo kale Israel.

VOA + REUTERS

Cumar Abu Ayaan oo u jawaabay Mahad Karataay, “Waa meyd nool”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab haatan ku nool dalka dibaddiisa ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray Mahad Karatay.

Mahad Karataay ayaa dhawaan guullo waaweyn ka sheegtay dagaalka ay dowladda kula jirto, isaga oo hadallo dacaayad ah ka faafiyay dagaalka, xilli kooxda laga saaray deegaano horleh, kuwaasi oo sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Cumar Abu Ayaan ayaa sheegay in codka ay baahisay warbaahinta kooxda uu Mahad Karataay ka leeyahay inuu ismuujiyo, maadaama uu ku tilmaamay meyd nool, kadib markii hoggaanka sare ee kooxda ay Karataay ka fogeysay xukunka, kuna soo koobtay in meelahaas uu hadallo ka jeediyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Mahad Karatee wuxu ahaa nin damac weyn, waxaa aad ula dagaalamay Axmed Diiriye oo xataa waxaa la wareeray ilaaladiisa difaacda. Mahad Karatee waa laga fogeeyay waxkasta oo la xiriiray tallada Al-Shabaab,” ayuu yiri Abuu Ayaan oo wareysi siiyay Shabelle Tv.

Waxa uu sheegay in Mahad Karatee uusan hadda waxba ka aheyn Al-Shabaab, maadaama si weyn loo dhimay saameyntii uu kulahaa kooxda, uuna u hadlayo si uu isku muujiyo oo kaliya.

“Guusha waa naqaan dhulka uu shalay ka talinayay ayay maanta dowladda joogta, haddaba sidee ayuu ku guuleystay. Sidii loo waday waxaa lagula dagaalamayo meelo ay ku hareeraysan yihiin, waana tirsan yihiin meelaha ay ku sugan yihiin.”

“Waxa guuleystay meel hore may qabsadeen waa maya meeshii ay iyaga haysteen ayaa lagu dagaalamaya oo la qabsanaya. Waxaa laga hadlaya meelaha ay joogaan sidii loo qabsan lahaa marka in uu guul sheegto ma ahan.”

Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, Mahad Karatee ayaa marar dhowr ah kasoo muuqday warbaahinta kooxda, isaga oo dacaayad ka faafinaya dagaalka dowladda iyo shacabka wadaan ee kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah.

Wararkii ugu dambeeyay dagaallo iyo duqeymo ka socda SH/DHEXE

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maalintii afaraad oo xiriir ah ay dagaallo iyo duqeymo culus ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan dhul howd ah oo ay ku go’doonsan yihiin Shabaab.

Howlgalkan oo ah mid culus, ayna iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga socda inta u dhexeysa degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-Fooldheere, gaar ahaan howd ku yaalla halkaasi.

Kooxda meesha lagu go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeelaha Dhexe balse ciidamada ayaa ka hortegay.

Mid kamid ah dadka deegaanka ee qaybta ka ah dagaalka socda ayaa u warramay Idaacadda Kulmiye, wuxuuna sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay godad ka qoteen dhulka howdka ah, taasina ay keentay in howlgalkooda uu sii dheeraado, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka meesha ay ku jiraan waa meel howd ah, waana lama galaay, haddana dhulka hoostiisa ayay godad kasii qoteen” ayuu yiri mid kamid ciidanka dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay hadda u adeegsanayaan hub culus oo ay ku jiraan hoobiyeyaal, sidoo kalena ay caawinayaan diyaarado, si meesha loogu beegsado raggaas.

“Duqeyn way ku socotaa oo diyaaradaha way duqeynayaan, ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga dalkana hoobiyeyaal ayay ku garaacayaan meesha, hadda maalintii afaraad ayuu dagaalku galay, waana lagu hareereysan yahay meel ay uga baxaan ma leh” ayuu raaciyay.

Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn iyo dagaal toos ah, maadaama ay ku hareereysan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Maswiisleyda.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama lagu bilaabay howlgalka wajigiisa koowaad oo inta badan lagu xoreeyay HirShabelle.

Cabdiqaadir Macalin iyo Xasan Jaras oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in maanta muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee dalkaas, kuwaas oo kamid ahaa dhalinyarada ganacsiga u tegay halkaasi.

Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiqaadir Macalin Maareeye iyo Xasan Xamuud Jaras, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumiinta oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla gudaha deegaanka Happy Valley oo hoostaga magaalada Cape Town ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib toogashada wiilashaasi.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Weerarkan lagu beegsaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyay cabsida ay wajahayaan ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

 

Daawo: Beesha Saruur oo ku biirtay isbaheysiga Surre, Sacad iyo Saleebaan ee…

0

Camaara (Caasimada Online) – Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa sheegay in isbaheysiga dib u xoreynta deegaanada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug ay kusoo biirtay beesha Saruur.

Saabir ayaa sheegay in isbaheysigii beelaha Sure, Sacad iyo Saleebaan ay maanta kusoo biirtay beesha Saruur, taasi isbaheysiga xoreynta beelahan ka dhigeysa afar, sida uu shaaciyay Xildhibaanka.

“Isbaheysigii aad saddexda ku ogeydeen maanta laga bilaabo waa afar. Wasiir Culusow kusoo dhawoow Camaara, ragga kula socda ayaa halkaan ku biirineynaa oo ka bilaabanayo isbaheysiga,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Waxa uu intaas kusii daray “Reer Camaara sida muuqaalka iyo mugga leh ee usoo dhaweeyeen ciidamada waa ku mahadsan tihiin iyo in aad ka qixin, na raaca ayaa Shabaab lagu bartay oo aydaan raacin.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kal dadka deegaanka Camaara ka dalbaday inay keenaan 100 wiil oo ku biira howl-galka socda, kuwaasi oo ka barbar dagaalama ciidanka xoogga dalka, si hore usii socda gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Inta idiin hartay waa intaas idin weydiinay boqolka wiil ee Macawisleyda ah oo aan u ballan qaadeyno inay ku biiri doonaan ciidanka xoogga dalka ayaa idinka fadhinaa, Nabadoonnada iyaga hoggaaminaya waxaa rabnaa in howshaas sideeda u hoggaamiyaan oo aan meeshaan looga harin.”

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyay “Garabkiina nahay, dowladdii iyo mucaawinadeedii iyo baahiyihiina waa la dabooli doona Insha Allah. Ninkii cabsi yar ku jirtowna guriga kasoo bax, waxaa la rabaa in deegaanada yar ee harsan aad xoreysaan.”

Magaalada Camaara oo maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu dalacsiin iyo xil isugu daro Dayax Cabdi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen hore isbeddel ku sameeyay taliska ciidanka xoogga dalka, waxaa la beddelay taliye ku-xigeenkii ciidanka xoogga iyo taliyihii ciidankii lugta.

Waxaa la magacaabay laba taliye cusub. Sarreeye Guuto Maadeey Nuureyn Sheekh ayaa loo magacaabay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka.

Ninkaan ayaa hore usoo noqday taliyaha ciidanka badda, wuxuu kamid ahaa saraakiishii madaxweyne Xasan Sheekh la shaqeysay muddo xileedkiisi hore. Wuxuu kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Ninka labaad ee habeen hore la magacaabay ee hadal haynta badan dhaliyay waa Dayax Cabdi Cabdulle, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka lugta.

Ninkaan wuxuu ahaa Gaashaanle Dhexe laakiin wareegtada madaxweynaha ayaa looguu dalacsiiyay Gaashaanle Sarre kadibna sidaas ayaa looga dhigay ciidanka lugta. Wuxuu kasoo jeeda Puntland.

Dayax wuxuu xukumi jiray mid kamid labada guuto ee ciidanka Gorgor. Ciidankan oo xoogga dalka ka tirsan ayaa loo arkaa kuwa ugu muhiimsan ee dagaalka tooska ah.

Dayax wuxuu ku jiray saraakiil ku eedeysnaa inay fuliyeen weerar lagu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Sheekh Shariif oo deganaa hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho 19-kii Febraayo 2021, oo aheyd 11 cisho kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo.

Ma aheyn wax sahlan inay jiraan askar ku qanci karta inay fuliso amarka madaxweyne waqtigii ka dhamaaday oo weliba lagu weerarayo laba madaxweyne oo isaga ka horeysay.

Marka laga tago in ninkaan uu ku jiro saraakiisha eeddaas loo haysto iyo fulinta amarkaas qaldanaa, haddana dhinaca kale dadka yaqaana waxay noo sheegeen inuu yahay sarkaal dagaal gelinta ku fiican, tabar badan oo ciidankana si fiican u kala yaqaana, si gaar ah Gorgor oo kaalin weyn ku leh dagaalka socda.

Ninka uu beddelay oo saddex billood kahor la magacaabay Jeneraal Axmed Aadan ayaa muujin firfircooni iyo hal abuur dagaal xilli dalka uu ku jiro marxalad adag oo dagaal.

In madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dalacsiin iyo xil iskugu daro mid kamid ah raggii ku eedeysnaa weerarkii isaga lagu dili rabay laba sanno kahor waxay muujineysa in madaxweynuhu uusan dib u eegeyn ficiladii maalmihii adkaa ee doorashada.

Tallaabadan waxa kale oo ay muujineysa in muhiimada madaxweynaha tahay muxuu qofka ka galaa dagaalka hadda socda. Amarada siyaasadeysan waxaa inta badan xisaabteeda leh oo meel loo dhiga qofka maalinkaas xukunka hayay ee bixiyay amarada qalafsan.

Dadka yaqaan sarkaalkan la yiraahdo Dayax waxay leeyihiin waxay u badan tahay inuu aragti cusub keeni karo furimaha dagaalka. Magacaabista taliyaashan waxay kusoo aadeysa iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo midka deegaanka ay kooxaha argagixisada kala wareegeen goobo badan oo ay ka joogeen gobolka Mudug saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Fal-celin ka dhalatay gabar Soomaali ah oo Ey kala soo degtay garoonka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal heyn xoogan iyo falcelin isla socota ayaa ka dhaatay gabar Soomaali ah oo xijaaban oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kala soo degtay Ey ay wadatay, taas oo laga duubay muuqaal lagu baahiyay Internet-ka.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogleh, waxaana ka mid ah dadka ka hadlay guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarab oo sheegtay in arrintaan laga damacsan yahay ujeedo kale oo lagu dhibaateynayo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.

“Anigu weli ma aanan arag gabar Muslimad ah oo Islaam ah waddanka ay doonto haku dhalato ee Ey wadato ee madaar kala dageyso, haddana gurigeeda la imaaneyso, aniga waxaan u fahmaayaa inay tahay mishin, gabadhaana farriin inay wado oo ah in Soomaaliya Eeyaha lala tegi karo, waxa ka darana ay imaan doonaan” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale waxa ay su’aallo ka keentay sida gabadhaan loogu ogolaaday inay kasoo degto garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay sii marto qaybta VIP-da ah ee madaxda.

“Maxay tahay ujeedada ay gabadhan u keentay Eyga? taas ayaa isweydiin mudan, waa maxay sababta ay dalka ugula soo degtay Eeygan?, maxay u xijaaban tahay?, xittaa hadii ay surwaal xiran tahay qofta waxaa dhihi lahayn qof aan dhaqankiiba haysan waa dhunsan tahay, laakiin gabadha way xijaaban tahay, haddane Ey way wadataa aniga ma fahmi karo ujeedadaas iyo sababta loogu ogolaaday in ay kasoo degto garoonka” ayay sii raacisay.

Waxaa kale oo ay tiri “Gabadha iyo Eygeeda annaga uma ogolin magaaladeena, maandhaay hanaga imaanin oo na daa hadii aan noocaas tahay”.

Ugu dambeyn waxayn soo jeedisay inay arrintaan ay ka hadlaan Culumada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, si looga hortego dhaqamada aan u wanaagsaneyn dadkeena.

“Arrintaan waa mucjiso aniga waxa ay ila tahay Program-kan ujeedaa daba taallo, waxaan rabnaa Culuma-u-diinka iyo bulshada Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan”.

Azerbaijan’s military march on Nagorno-Karabakh begins

Baku (Caasimada Online) – Amidst mounting tensions over the Armenian-controlled Nagorno-Karabakh region in the South Caucasus, Azerbaijan ignited further strife by dispatching troops backed by artillery into the area.

Their aim? To reclaim the breakaway region, internationally recognized as Azerbaijani territory, albeit partially governed by Armenian separatists claiming it as their ancestral grounds.

Both global powers, the United States and Russia, immediately took action, urging the warring parties to cease hostilities.

U.S. Secretary of State Antony Blinken, after conversations with Azerbaijani President Ilham Aliyev and Armenian Prime Minister Nikol Pashinyan, fervently appealed for de-escalation.

Expressing his concerns on social media, Blinken mentioned, “I spoke to Azerbaijani President Aliyev today and urged him to cease military actions in Nagorno-Karabakh immediately.”

Subsequently, the U.S. Department of State’s readout revealed Aliyev’s willingness to halt hostilities and engage in dialogues with Nagorno-Karabakh representatives.

On the other hand, Armenia received Washington’s full backing, as disclosed by Blinken.

Contemporary struggles

The region’s complex history traces back to the disintegration of the Soviet Union when Armenia secured vast territories. However, in 2020, Azerbaijan reclaimed most of these regions after a six-week conflict culminated in a Russian-facilitated truce.

While the recent actions by Azerbaijan raise uncertainties about sparking a comprehensive conflict involving Armenia, the upheaval in Karabakh is potentially shifting the geopolitical equilibrium in the South Caucasus.

Azerbaijan articulated its motives, stating its objective was to “disarm and secure the withdrawal of formations of Armenia’s armed forces from our territories, (and) neutralize their military infrastructure.”

Armenia, which had previously been involved in intermittent peace dialogues with Azerbaijan about the future of Karabakh, denounced Azerbaijan’s “full-scale aggression” against Karabakh’s populace and accused them of bombarding settlements.

Russia’s role and stance

Though entangled in its Ukrainian war, Russia remains intent on maintaining its regional influence, especially in an area rife with essential oil and gas conduits, while counteracting Turkey’s increased involvement in supporting Azerbaijan.

In the wake of the intensifying situation, Moscow promptly pleaded with the conflicting parties to embrace the 2020 ceasefire agreement’s terms.

“We urge the conflicting parties to immediately stop the bloodshed, stop hostilities, and eliminate civilian casualties,” articulated Russia’s foreign ministry, sharing their standpoint via their Telegram messaging platform.

However, historically allies, the camaraderie between Russia and Armenia has witnessed significant strain. This rupture stems from Russia’s 2022 invasion of Ukraine and compounded disagreements over Moscow’s alleged non-compliance with the 2020 ceasefire pact.

Dhageyso: Xasan Jaamici oo wasiirka gaashaandhiga si cajiib ah uga difaacay eedda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Jaamici ayaa wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka ka difaacay eedeymo culus oo shacabka, ciidanka iyo masuuliyiinta qaar ay jeedinayaan muddooyinkaan.

Xasan Jaamici oo wareysigaan siiyey Shabelle TV ayaa sheegay in wax eed ah uusan laheyn wasiirka gaashaandhigga oo Shabaab sii eryanayey ilaa Ceel-lahelay oo Sabtigii lagu weeraray, halkaas oo si dirqi ah uu uga soo baxsaday.

“Wasiirka gaashaandhigga dadka eedeynaya wax badan kamaana fahmin, waa diidanahay eedeymaha loo jeedinayo wasiirka, dadka qaar ayaa toos u dhahay isagaa sabab u ahaa in ciidanku ku soo jabo dagaalka, isagoo wasiir ah oo heli kara inuu mukeyf ku jiro oo gaari Buruuf ah ku socdo, markii uu naftiisa geeyey furinta Ceel-lahelay sababta loo eedeynayo ma garan karo,” ayuu Xasan Jaamici ku sii daray hadalkiisa.

Taliye Xasan Jaamici ayaa ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Al-Shabaab ka xoreynaya koonfurta gobolka Mudug, xilli dhawaan laga qaaday xilkii taliyaha qeybta 21-aad oo ka howlgasha gobollada dhexe.

Xasan Jaamici ayaa dadka ka codsaday inay wararka xun ka dhaafaan Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo furinta u joogay sidii looga xoroobi lahaa Khawaarijta, isagoo dalbaday in taas bedelkeeda lala shaqeeyo wasiirka iyo ciidamada qaranka.

“Ninkaas isagoo wasiir ah ayuu furinta dagaalka joogaa, ma qaldana oo waa muhiim in ciidanku ay dhiirigelin helaan, balse caqabad waa noqon kartaa in wasiirka oo shaqada ugu badan ee laga sugayo ay tahay fududeyn uu furinta joogo, laakiin waxaa ogaataan markii wasiirrada dalka oo dhan ay furinta qaateen isaga uga sii dhow inuu Tuute qaato,” ayuu yiri Xasan Jaamici.

Xasan Jaamici waxaa la weydiiyey sida uu u arko hadalkii Jeneraal Indhacadde oo wasiirka u soo jeediyey inuu ku laabto Muqdisho oo xafiiskiisa fariisto, si shaqada laga rabo uu u fududeeyo, isagoo arrinta ciidanka iyo joogitaanka furinta u deynaya Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

“Taliye Indhacadde waa khabiir, wax badan ayuu ciidanka soo hoggaamiyey, taladiisa lama dhayalsa karo, waana muhiim in la qaato taladiisa, wasiirka marka dad badan ayaan arkay iyagoo aad u eedeynaya, laakiin waxaan arkaa in wasiirka la eedeynayo uusan ka shaqeyn wax dagaal ka baxsan,” ayuu yiri Xasan Jaamici.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Jimcihii la socday ciidankii dagaalka culus ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna galay halis weyn oo wuxuu ka mid ahaa askartii iska caabineysay weerarka kooxda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog: Shaqaalaha iyo ciidanka Puntland oo wajahaya mushaar la’aan baahsan

0

Garoowe (Caasimada Online) – Shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa wajahaya mushaar la’aan baahsan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhamaantood wax mushaar ah qaadan in ka badan lix bilood.

Mushaar la’aanta ay wajahayaan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa lagu tilmaamay middii ugu waqtiga dheerayd ee maamulkaasi ka dhacda tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1998-dii.

Shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo iyagu ku shaqeeya duruuf adag ayaa waxa waayadii dambe u raacay xuquuq la’aanta haysata, ayada oo aysan jirin cid ay cabashadooda u gudbistaan si wax loogu qabto.

Mushaar la’aanta baahsan ee ciidamada ayaa marar kala duwan keentay in ciidanka ay xirtaan waddooyin iyo bara-kantarool oo muhiim ah, kuwaas oo markii dambe lagu qanciyay inay fasaxaan isku socodka lana siin doono mushaarkooda, inkasta oo aysan dhicin middaasi.

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeynayay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Kooxda Deni ayaa sidoo kale dhaqaalihii lagu socodsiinayo howlaha maamulka iyo fulinta mashaariicda horumarineed u leexsatay meel-marinta qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha iyo damaciisa gaarka ah, taasi oo keentay in muddo lix bilood oo xiriir ah aysan bixin wax xuquuq iyo mushaar ah.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ah nasiib darro weyn oo maamulka ku habsatay, maadaama madaxweyne Deni iyo kooxdiisa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo damaca muddo kororsi inta badan u isticmaalaan dhaqaalihii dowladda.