26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh oo dib u billowday

0

Baku (Caasimada Online) – Washington ayaa Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya.

Kadib bilo ay xiisadda sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka ah u cago dhigto.

Karabakh ayaa waxaa caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dhulka Azerbaijan, hase yeeshee waxaa qeybo ka mid ah maamula mas’uuliyiinta Armenia oo ku dooda inuu yahay dhulkii awoowyaasood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso.

“Waxaan maanta la hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh,” Blinken ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Qoraalka wada-hadallada ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev “uu muujiyay inuu diyaar u yahay” joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada Nagorno-Karabakh.

Blinken ayaa ugu sheegay Pashinyan wada-hadalladooda in Armenia ay taageero buuxda ka haysato Washington.

Armenia ayaa dhul ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay. Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey.

Maamulka gooni u goosadka ee Karabakh ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan labo rayid ah, in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen tallaabada militari ee Baku ay qaaday Talaadadii. Shacabka xaafadaha qaarkood ayaa sidoo kale la daad-gureeyey, sida ay shegeeen.

Moscow ayaa saaka oo Arbaco ah ugu baaqday labada dhinac inay joojiyaan dhiigga daadanaya iyo colaadda, ayna ku soo laabtaan dhaqan-gelinta heshiiska xabbad-joojinta ee 2020.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada iska soo horjeeda inay si degdeg ah u joojiyaan dhiigga daadanaya, joojiyaan colaadda, meeshana ka saaraan khasaaraha rayidka,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Telegram-ka.

Yerevan, oo wada-hadallo nabadeed oo goos goos ah la yeelaneysay Azerbaijan, oo ay ku jiraan su’aalo la xiriira mustaqbalka Karabakh, ayaa cambaareysay “gardarrada baaxadda leh” ee Baku ee ka dhanka ah shacabka Karabakh, waxayna Azerbaijan ku eedeysay duqeynta magaalooyin iyo xaafado.

Baku ayaa tiri in ujeeddadeedu tahay “in hub ka dhigis laga sameeyo lana sugo ka bixitaanka ciidamada qalabka sida ee Armenia ee dhulkeena, (iyo) in laga takhaluso kaabayaashooda militari.”

REUTERS, VOA

UK oo ku dhawaaqday dhaqaale cusub oo ciidanka Soomaaliya ay siinayso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taasi oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya wuxuu muhiim u yahay sidii xasilooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka,” ayey tiri Dame Sarah.

Waxay intaas kusii dartay “UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.”

Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya “si ay u hesho Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.”

Bayaanka UK ayaa sidoo kale tilmaamay in “iskaashiga u dhexeeya UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal wanaagsan.”

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Daawo: Dhabancad oo shaaciyey arrin ay Camaara kaga duwan tahay deegaanadii la xoreeyey

0

Camaara (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka mid ah masuuliyiinta hor kacaysa dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Camaara oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey kooxda.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay halkaas ugu tageen bulsho aad u badan oo u diyaarsan inay dowladnimada garab istaagaan oo Shabaab aan ka dabacararin sida ka dhacday deegaano badan oo horay looga saaray kooxda, kuwaas oo laga waayey dadkii joogi jiray.

Xildhibaanka ayaa markii uu arkay sida ay u camirantahay magalada Camara wuxuu yiri, “Maanta waxaa noo shidan Camaara oo aan ugu imaanay dad shidan, si gaar ah ayaan ugu hambalyeynaa dadka ku nool magaaladaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Dhabancad oo fagaare kula hadlay shacabkii laga xoreeyey Al-Shabaab ee Camaara ku noolaa ayaa u sheegay inay ku sii soca doonaan deegaanada weli ka maqan gacanta dowladda, isagoo ku dhiirigeliyey inay iska saaraan cabsida, maadaama aysan jirin wax dib u noqosho ah.

“Reer Camaara oo lafahooda ceynsaday ayaan cadowgii ka dul-qaadnay, iskuuladii iyo dugsiyadii waa u furan yihiin oo wax badan ayay kaga horeeyaan deegaanada kale, hadda waxay u baahan yihiin in waxooda wax loogu daro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Dhabancad.

Sidoo kale Xildhibaan Dhabancad ayaa dadka reer Camaara u sheegay in go’aan lagu gaaray in Shabaab aan laga harin ilaa inta laga soo afjarayo, sidaas darteed ay cabsida iska saaraan.

“Waxaad rumeysataan in dib aan loo laaba doonin oo berri uusan idin qabsa doonin Shabaab-kii la idinka dul qaaday, Soomaaliya oo dhan heshiis Khawaarijta iska xoreyn ah ayaa ka dhacay ee dhankiina ka fuliya,” ayuu yiri Dhabancad.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in beelaha Habargidir iyo Surre (Dir) ay sameysteen is xulufeysi ka dhan ah Al-Shabaab, sidoo kale dowladda federaalka iyo Galmudug ayuu ka codsaday inay dadka laga xoreynayo argagixisada la soo gaaraan waxyaabaha ka dhiman, si loo ilowsiiyo dhibkii Khawaarijta.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa Jimcihii ku dhaawacmay weerar is miidaamin ah oo Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Laas-gacamey oo u dhaxeeya Bacaadweyne iyo Wisil oo xligaas ay joogeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad.

Hoos ka daawo

DF oo mucaawino kala wareegtay Qatar + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dowladda Qatar kala wareegay deeq mucaawino ah, taas oo ay guddoontay hay’adda Maareynka Musiibooyinka Soomaaliya, kadib munaasabad ka dhacday dekedda Muqdisho.

Waxaa munaasabadda goobjoog ahaa Safiirka Qatar u Fadhiya Soomaaliya,Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi,Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Masuuliyiin katirsan Qatar Charity iyo Xubno ka socday Maamulka Dekadda ee weyn ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay hay’adda SoDMA ayaa waxaa lagu faah-faahiyay gagaarka ay dowladdu ka heshay Qatar oo kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya

“Munaasabadd Kooban oo maanta ka dhacday Dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle waxa uu dowladda Qatar kala wareegay deeq Gargaar mucaawino ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha SoDMA.

Deeqdan ayaa gaareysay 150-Tan oo Timir ah oo loogu talagalay dadka danta yar ee ku dhaqan gudaha dalka, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

“Mucaawinadan ayaa gaaraysa 150-Tan oo Timir ah, waxaana loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka dantayar iyo kuwa ku nool deeganadii khawaarijta Al-shabaab laga saaray” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Maxamuud Macallin, guddoomiyaha hay’adda oo madasha ka hadlay ayaa si ballaaran ugu mahad-naqay dowladda Qatar, isaga oo sheegay inay horay sidaan oo kale uga guddoomeen gargaar ay ugu talagaleen shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

Daawo: Madaale iyo shacabka Nuur-dugle oo isku dhaarsaday dagaalka Al-Shabaab

0

Nuur-dugle (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo maalmahaan safar ku maraayey deegaanada Nuur-dugle, Cadcadey, Cadaanlaxey iyo deegaano kale ayaa maanta fagaare kula hadlay shacabka deegaanadaas, isagoo kala hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Guddoomiyaha iyo shacabka deegaanadaas ayaa isku dhaarsaday dagaalka, xilli abaabul xoog leh uu ka socdo dhamaan deegaanada xorta ah ee HirShabeelle.

Duqa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furinta ayaa shacabkii uu maanta la hadlay u sheegay in shaqadiisii uu kaga soo tegay sidii uu cidiisa ugu garab istaagi lahaa dagaalka ay isaga xoreynayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa shacabkii uu la hadlayey u sheegay dhulkooda in Shabaab sii joogo inay ceeb ku tahay, iyagoo heysta awood ciidan oo dhexdooda ah iyo garab istaaga dowladda.

Duqa Muqdisho sidoo kale wuxuu maanta la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku dhiirigeliyey dagaalka Al-Shabaab iyo inay dadkooda ka dulqaadaan dhibaatada kooxda.

Dhammaan deegaanada xorta ah ee gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ee HirShabeelle waxaa ka socda abaabul dagaal kii ugu cuslaa, waxaana lagu raja weyn yahay in toddobaadyada soo socda ay deegaano badan ciidamo ka soo dhaqaaqaan, si looga adkaado Shabaab-ka ku harsan gobollada dhexe.

Dhanka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe waxaa weli ka socda howlgal lagu soo afjarayo koox Shabaab ah oo dooneysay inay kasoo gudbaan wabiga, si ay uga dagaalamaan degmooyinka iyo deegaanada xorta ah ee Shabeellada Dhexe oo intooda badan sanad ka hor laga xoreeyey.

Duqeymihii kooxdaas ku bilowday afar maalin ka hor ayaa weli ka socda aagaas, waxaana laga laayey dagaalyahano badan, umana suurta gelin inay ka soo gudbaan aagga degmada Mahadaay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa dagaal toos ah la galay kooxdaas.

Ciidamo badan oo dadka deegaanka ah ayaa ku sugan aagga Mahadaay, kuwaas oo diyaaradaha ku garab siinaya in lasoo afjaro kooxda Al-Shabaab ee isku dayday inay ka soo gudubto jiinka Wabiga Shabeelle, si ay uga dagaalamaan deegaanada xorta ah ee Sh/Dhexe, taas oo hadii ay u suurtagasho culeyska ka yareyn kartay Shabaab-ka ku go’doonsan Galgaduud iyo qeybo yar oo ka mid ah Sh/Dhexe.

Hoos ka daawo guddoomiye Madaale

EU pauses funding amid Somalia aid scandal

0

Brussels (Caasimada Online) – The European Union has pressed the pause button on its financial assistance to the World Food Programme (WFP) in Somalia.

The decision came to light after two senior E.U. officials unveiled this move to Reuters, pointing to a U.N. investigation that unearthed rampant misappropriation and theft of famine-relief aid in the nation.

However, the specifics of this funding halt remain under wraps as Balazs Ujvari, the European Commission spokesperson, stated, “So far, the E.U. has not been informed by its U.N. partners of a financial impact on EU-funded projects,” further emphasizing the E.U.’s unwavering stance against any form of corruption or misconduct.

The alarming details of the U.N. probe were laid bare in a “strictly confidential” report dated July 7, commissioned by U.N. Secretary-General Antonio Guterres.

Devex, an international development-focused media, brought these findings to the forefront, illustrating how internally displaced persons (IDPs) were forced to relinquish a significant portion of their cash assistance under the threat of eviction, arrest, or removal from beneficiary rolls.

To make matters worse, this misuse was unrestricted to a few isolated cases. The U.N. report underscored the systemic nature of this diversion, tracing instances of aid misdirection at every one of the 55 IDP sites in Somalia.

Implications and international responses

Somalia’s predicament has far-reaching implications, especially considering the country received over $1 billion in donations last year, of which more than $7 million came from the European Commission.

On the other hand, individual E.U. nations also contributed vast sums on a bilateral basis, leaving the potential suspension of their aid a matter of speculation.

In a related vein, three months prior, both the WFP and the U.S. Agency for International Development (USAID) had stopped food assistance to Ethiopia, reacting to similar concerns of aid misallocation.

While the European Commission has allocated 10 million euros ($10.69 million) to Somalia and Ethiopia through the WFP, the specifics of the financial interruption remain indistinct.

In the meantime, the U.S., being Somalia’s most generous humanitarian donor, has expressed its commitment to ensuring aid transparency and the welfare of its beneficiaries. 

An anonymous USAID official emphasized the disparities between the situations in Ethiopia and Somalia, ensuring no plans to halt food support in Somalia.

The bigger picture

The backdrop to this unfolding drama is a nation grappling with its worst drought in decades, putting millions of lives at risk.

Although last year’s famine was fortunately averted, approximately 43,000 people, including 21,500 children under five, succumbed to the drought’s ramifications.

With 3.8 million displaced individuals, Somalia grapples with one of the world’s highest displacement rates.

A weakened governmental structure, a persistent Islamist insurgency, and the marginalization of minority clans exacerbate the country’s aid distribution dilemma.

In 2011, following revelations of aid pilfering during a severe famine, humanitarian entities transitioned primarily to cash-based transfers, deemed less susceptible to corruption.

However, the recent U.N. investigation presents a grim reality. Dominant local clans’ “gatekeepers” manipulate their power over camp access and food beneficiary lists, pressuring IDPs into making payments.

The report also implicates members of the security forces in intimidation tactics, while some humanitarian workers allegedly collaborate with these gatekeepers.

As the world watches, there’s a pressing need to address these issues, especially with the U.N. highlighting a $2.6 billion requirement for Somalia’s humanitarian relief this year — a goal currently funded at a mere 36%.

Jabhadda buurta Gacan-Libaax oo afduub kale ka gaysatay Somaliland

0

Burco (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in maanta dabley ka tirsan jabhadda hubeysan ee ku sugan buurta Gacan-Libaax ay weerar  ka gaysteen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya.

Kooxda weerarka gaysatay oo ku socotay saddex baabuur ayaa afduubatay baabuur Lan kurusar ah oo ay leedahay xukuumada Somaliland, kaas oo ay xoog ku kaxeysteen.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in gaariga la faduubtay uu leeyahay maareeye ku xigeenka Wakaaladda Biyaha Burco, sidoo kale waxay qaateen telefoonkii maareeyaha.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana howlgallo wada ciidanka Booliska magaalada Burco oo dabagal ku haya kooxda ka dambeysay falkaasi oo meesha isaga baxsatay.

Waa weerarkii 3-aad oo ay jabhaddani ka gaysaneyso deegaanada Somaliland, waxayna aheyd dhowaan markii ay kooxdani afduubatay gaari ay leedahay dowladda oo ku sugnaa degmada Dhoqoshay ee isla gobolka Togdheer, inkasta oo ay markii dambe sii daayeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iayadoo Jabhadda buurta Gacan-Libaax ay ku gacan seertay go’aankii Somaliland oo dhowaan shaacisay inay cafis u fidineyso, haddii ay hubka dhigto.

Xubno u hadlay jabhadda ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan halgankooda, isla-markaana waxa ay wacad ku mareen inay aysan dhigi doonin hubka.

Jabhadda Buurta Gacan Libaax saldhigga ka dhigatay ee u badan beesha Garxejis Isaaq ayaa diidan muddo kororsiga madaxweyne Muuse Biixi loo sameeyey, qabasho la’aanta doorashada iyo inaan loo sineyn Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa arrintaan usii dheer xaalado is biirsaday, sida dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo muranka hareeyay doorashooyinka maamulkaasi.

Diyaarad ay ciidanka Kenya leeyihiin oo ku burburtay xuduudda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad nooca helicopter-ka ah oo ay lahaayeen ciidamada dalka Kenya oo maanta ku burburtay agagaarka xadka ay wadaagaan labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaraddan oo aheyd nooca qumaatiga u kacda ayaa mar qura soo dhacday, mana cadda illaa iyo hadda waxa sababay shilkaasi.

Sida ay shaaca ka qaaday waaxda difaaca Kenya, diyaaraddan oo ay lahaaneen ciidanka cirka ee dalkaa ayaa burburtay, xilli ay howgal roondo ah ka waday gobolka xeebta Lamu.

Shilka kadib, waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, si ay uga horetgaan dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka sameeyaan halkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa goobta u dirtay guddi xaqiiqo raadin ah oo baaritaan rasmi ah kusoo saameeya dhacdadaasi, si loo ogaado waxa sababay.

Dhanka kale, ilo wareedyo ku dhow laamaha amniga Kenya oo qariyay magacadood ayaa Wakaalada Warar ee AP u sheegay in dhamaan ay geeriydoo askarii la socotay diyaaradda.

Ma ahan dhacdo ugub ah, waxaana horay u jirtay in diyaarado milatari oo ay leedahay Kenya ay ku dhaceen gobolka Waqooyi Bari kuwaas oo qaarkood ay la socdeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda, kadib markii ay ku yimaadeen cilado lama filaan ah.

Si kastaba, diyaaradaha dagaalka Kenay ayaa duqeymo ka gaysta deegaanada dhaca Xadka iyo Gedo, halkaas oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah.

Kenyan helicopter crash kills eight near Somalia

Lamu (Caasimada Online) – A tragic event unfolded near the border of Kenya and Somalia, as a military helicopter crash resulted in the death of at least eight individuals.

The incident took place in Lamu County, situated in coastal Kenya, where the Kenyan defense forces are actively involved in operations to counteract the activities of the al-Qaida-linked extremist group al-Shabab.

As provided by credible security agents—who wished to remain anonymous due to restrictions on speaking with the press—the helicopter had no survivors.

Every military personnel and crew onboard tragically lost their lives.

Investigations begin 

The Kenyan Department of Defense (DoD) confirmed this grim event, revealing that the crash occurred during a night patrol mission.

In their official statement, the DoD announced the initiation of a comprehensive investigation.

“A Board of Inquiry has been constituted and dispatched to the scene to establish the cause of the crash,” they shared.

However, one ambiguity that remains is the exact number of casualties.

While the security agents have cited a specific number, the DoD refrained from mentioning an explicit count even as they expressed their condolences to the affected families.

Kenyan presence in Somalia

To fully understand the gravity and context of this event, it’s imperative to explore Kenya’s role in the neighboring nation of Somalia.

Kenyan troops have been present in Somalia since 2011, operating under the banner of the African Union Transition Mission. Their primary objective was to assist in the combat against al-Shabab.

However, the dynamic in the region is undergoing a notable shift.

There’s an ongoing discourse regarding the withdrawal of the multinational forces from Somalia, entrusting the Somali military with the sole responsibility of ensuring their nation’s security.

This transition comes in light of the election of Hassan Sheikh Mohamud as Somalia’s president in May of the previous year, followed by a consequential offensive against al-Shabab by the Somali military.

Yet, it’s crucial to recognize that al-Shabab’s retaliations have been vehement, with a marked surge in attacks within Kenya, leading to the deaths of dozens in the border areas.

Although its cause remains to be determined, the recent helicopter crash underscores the volatility and challenges that define the Kenyan-Somali border region.

As investigations continue, the incident serves as a grim reminder of the ongoing conflict and the price paid by those who strive for peace in the region.

Midowga Yurub oo hakiyay dhaqaale uu Soomaaliya siin jiray kadib arrin uu ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda cunnada adduunka ee WFP ee Soomaaliya.

Hakintaan oo lagu sheegay inay tahay mid kumeel-gaar ah ayaa timid kadib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarka.

Mid kamid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay kadib markii baaritaanka Qaramada Midoobay lagu ogaaday in xatooyo baahsan lagu sameeyay gargaarka loogu tala-galay dadka nugul.

Baaritaanka QM ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug leeyihiin arrintaan.

Xubnahaan ayaa la sheegay in barakacayaasha iyo guud ahaan ka faa’iideystayaasha ay ku khasbeen inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyada oo loogu handadayo in la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka faa’iideystayaasha kaalmadda caalamiga.

Sarkaalkan oo magaciisa la qariyay ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, oo la hordhigay xilligaan, si looga fogaado musuqa gargaarka.

Shuruudaha dheeraadka ayaa la sheegay inay kow ka tahay oo mudnaanta la siinayo in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasha hay’adda ee ku sugan Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 Milyan oo doollar ku siiyay WFP sannadkii tegay, wuxuuna ujeedka ahaa in dhaqaalaha uu siiyo barnaamijka cuntada adduunka ee QM looga hortago macluusha Soomaaliya.

WFP kama aysan jawaabin go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub ee uu ku hayay dhaqaalihii uu siin jiray.

Si kastaba, saddex billood kahor unbey aheyd markii WFP iyo USAID ay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaaban xatooyada baahsan ee lagula kaco gargaarka iyo barnaamijyada kaalmada lacageed.

Indha-qarshe oo soo jeediyay in wasiir Jaamac iyo xubno kale kasoo tagaan furinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa waxa uu walaac ka muujiyay sida ay dowladda u wado howl-galka.

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in aan loo baahneyn in masuuliyiinta sar-sare ee ciidanka ay joogaan furinta, balse ay tahay in saraakiisha ciidanka loo daayo hagida iyo hoggaaminta ciidanka, si howl-gallada u noqdaan kuwa guuleysta.

Jeneraal Indha Qarshe ayaa waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay joogista wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ee furinta dagaalka, maadaama ay jiraan howlo ka muhiimsan oo aheyd in wasiirka uu dhaqaajiyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka Gaashaandhiga loogama baahna furinta dagaalka howlo badan oo laga rabay ayaa baaqanaya, taasi sax maaha. Taliyaha xoogga dalka ayaan laga rabin xitaa furinta inuu tago, furinta rag baa u jooga taliye horin baa jooga, taliye guuto ayaa jooga,” ayuu yiri Jeneraal Indha Qarshe.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay si Al-Shabaab looga adkaado in howsha dagaalka looga dambeeyo saraakiisha deegaanka taqaana oo aysan taliyeyaasha kale raacin, taasi oo ku macneeyay in meesha ka saareyso inay lumeyso kala amar qaadashadiii.

“Kala amar qadaashadii ayaa meesha ka baxeyso, isku xirnaantii ciidanka ayaa lumeysa, qof walba shaqadiisa haloo daayo oo yaan lagu fara gelin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraalka.

Hadalka Jeneraalka ayaa imanaya saacado un kadib markii uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh wax ka bedel ku sameeyay hoggaanka ciidanka, isagoo taliyayaal cusub u magacaabay xilalka taliye xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidanka lugta, iyada oo saraakiishii hore la ceyriyay lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli furimaha hore ee dagaalka laga soo warinayo in mararka qaar ay masuuliyiinta ciidanka bixiyaan amaro is-khilaafsan, kuwaas oo mararka qaar ciidanka dhexda ka galsha halis laga baaqsan karayay.

Isku soo wada duubo, dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka ayaa xilligaan dardar xooggan ku socda, ayada oo madaxweynaha uu xarun uga dhistah soo afmeerkan wejigan magaalada Dhuusamareeb, si loogu gudbo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Fal-celin xoogan iyo dalab ka dhan ah wasiir Jaamac oo ka dhashay tallaabadii Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye inuu noqo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Haddaba qaar ka mid ah shacabka ayaa ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday madaxweynaha, ayaga oo ku jawaabaya bogga Villa Somalia ee Facebook ee qoraalka lasoo dhigay, waxaana qaarkood ay dalbadeen in sidoo kale xilka laga qaado wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac. 

Mohamed Abdullahi Kooshin, ayaa yiri “Madaxwayne xilku waa meerto, balse damiirku meerto ma’ahan. Mu’amaradii ka dhacday Cowswayne iyo Galcad oo qof kastaa oo Soomaali ah ogyahay cidda dayacaas mas’uuliyaddeeda lehayd, haddiiba Talyaha Ciidanka Lugta Gen. Axmed Aadan, kaliya xilka looga qaaday nasiib iyo ayaan buu leeyahay, haddii aysan oran garyaqaan Shuute haloo geeyo, oo aan dusha loo saarin khiyaano qaran Iyo dambiyo kale. Arrintaas Madaxwaynaha abaal baan baan kaaga haynaa. Ileyn maskiin baa miska la fuulo lahe. Taariikh baase qormaysa.” 

Abdirizak Hashi ayaa isna yiri “Madaxwayne isbadalka muhiim ayuu ahaa laakiin duqii waynaa ee Wasaarada Gaashaandhigga joogay ayaad ka tagtay.” 

Ahmed Omar, oo isna ku baaqaya in la eryo wasiirka difaaca ayaa ku fal-celiyey “Wasiir Madaxaa I furan, xil ka-qaadis baan sugnaa. Dal xoreeye nin fulay ah kulama shaqeey karo, mahadsanid mudane.” 

“Maashaa Allah mudane madaxweeyne, waxaad tahay taliyaha ciidamada qalabka sida, waad ku mahadsan tahay sida aad shacabkaaga xog dhameeystiran ula wadaagto, marxalad kastood ku jirto, guuleyso,” waxaa sidaas tiri Marwo Madiino Mohamed.  

Abdullahi Abdi ayaa isna tallaabada madaxweyne ku tilmaamay mid sax ah, wuxuuna yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku saxan yahay, wayo taliyo ciidan oo wasiir ka amar qaadanaya wa qalad iyo qayaano qaran.”

Isaga oo rumeysan in wasiirka difaaca xigi doono ayaa Mohamed Abdi wuxuu yiri “oo hadda wasiir madaxaa na furan ma lagu baxi rabaa, sida ka muuqata magaca taliye ku-xigeenka la magacabay.”  

Abdirizak Abdi ayaa isna yiri “Dayax waa taliyihi hore Gorgor, waa ninka ugu mudnaa jagadan, hadda ayuuna isbeddel sameyni, guul ayaan u rajaynayaa SNA.” 

“Taliyaha ciidanka lugta nin ayaa ku magacownaa, meel looga qaadayna maan arkin, kaliya in nin kale la magacaabay ayaan aragnaa,” waxaa sidas yiri Dahir Carabow oo is-weydiinaya sababta aan loo shaacin xil ka-qaadista xubnaha lagu beddelay kuwa la magacaabay.

Mohamed Ali Araye ayaa yiri “Madaxweyne garabkaada iyo gaashaankaaga baa nahay, shacab iyo ciidan weynu ku garab taagannahay, hadafka dalkeena oo nabad ah, dowlad ah, bilaa Khawaarij ah, waynu xaqiijinaynaa.”

Ugu dambeyn Abuukar Xaashi Hiraabe ayaa yiri “Wasaaradda Gaashaandhiga ku xiji mudane madaxwene, halganka intaas ayaa ka dhiman, guuleyso.”

Xog: Kooxda Deni oo arrimo siyaasadeed u isticmaalay lacagtii dhismaha garoonka…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Mashruuca dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa qarka u saaran fashil kadib markii kooxda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay lacagtii loogu tala-galay u isticmaashay arrimo siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa waxaa horey ugu deeqay dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana akoonka lagala baxay bishii Luulyo ee sanadkaan 2023.

Markaas ayaa waxaa lacagtan la geeyay magaalada Garoowe, kadibna waxay kooxda madaxweyne Saciid Deni u isticmaashay qorshihii wax ka beddelka Dastuurka Puntland, ayada oo loo qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa soo baxeysa in qeyb kamid ah lacagtan wax laga siiyay mid kamid ah guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda Puntland ee sida gaarka ah xulufada la ah madaxweyne Saciid Deni.

Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso ayaa markii hore billowday kadib markii Imaaraadka ay ku deeqday lacagta ku baxaysa dhismaha, markaasi oo aheyd bilowgii sanadkan 2023-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa xilligaas waxa uu dhismaha garoonka uu si gaar ah ugu wakiishey agaasimaha ciidanka PMPF Cabdiraabi Cabdisamad Aw-Maxamed.

Xogaha ayaa intaas kusii daraya in ka gadaal markii lala baxay lacagtii loogu tala-galay dhismaha garoonka uu agaasime Cabdiraabi uu hadda qandaraas ku siiyay shirkad cusub in ay sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah.

Dhalinyarada Boosaaso oo muddo badan la ildarneyd in ay hesho garoon kubadda cagta ah, si lamid ah magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayay arrintaan god kusii rideysa rejadii yarta aheyd ee u bidhaantay.

Sidoo kalena waxay arrintaan sida muuqata ay kooxda madaxweyne Saciid Deni ku noqoneysa taariikh madow oo u gasha diiwaanka.

Si kastaba, Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa ayaa sida la rumeysan yahay dano shaqsi ah iyo damaca muddo kororsi inta badan u isticmaala dhaqaalihii dowladda, taasi oo ah nasiib darro weyn oo maamulka ku habsatay, maadaama dhaqaalaha arrimaha bulshada loogu tala-galay loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo lagu bixinayo laaluush.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo yeeshay wad-hadallo gaar ayaa arrimo xasaasi ah ka wada-hadlay, kadib markii ay kulmeyn wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo safiirka dowwladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan wasaaradda iyo dowwladda Qatar.

Wasiir Maxamed Cilmi ayaa Danjire Abdolla Salem Alnuaimi uga xog-waramay dedaallada ay wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta xirfadaha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhankiisa safiirka Qatar oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu la shaqeyn doono wasaasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, si ay ugu guulaysto howlaha adag ee horyaallla.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta quruxda badan, isaga oo sidoo kale ballan qaaday xoojinta xiriirka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

Laba farriin culus oo ku jira go’aankii Dhabancad iyo ‘xujo u baahan furid’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad mudanaha ugu da’da weyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo gacanta ka dhaawacan lagu arkay furinta Bacaadweyn, oo xoog looga saaray kooxda Al-Shabaab.

Dhabancad oo waqti dheer kamid ahaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sanad kahor doortay inuu doorkan xildhibaano ku metelo dalkiisa iyo dadkiisa.

Waayo-aragnimadiisu waxay aheyd middii maareysay doorashadii guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya xilli ay xaaladdo adag ay dirqinayeen doorashada.

Muddo xileedkiisa xildhibaannimo wuxuu kusoo aaday dalka oo dagaal aaday. Reerka uu Dhabancad sida gaarka ah u metelo argagixisada dhul gaar ah kama haysato hadda, laakiin markii magaca guud loo dego waa jireen illaa hadda waa jiraan dhul aan badneyn oo argagixisadu ay ka joogto.

Wuxuu maalmihii tegay kamid ahaa siyaasiyiin abaabul ciidan ka waday gobolka Mudug. Dhawaan argagixisada ayaa baabuur qaraxa ku weerartay madax uu ku jiray Dhabancad kadibna dhaawac fudud ayaa kasoo gaaray xildhibaanka.

Marka laga eego da’da Xildhibaanka, xaalka furin ciidan iyo dhaawaca uu la kulmay dad badan ayaa sugaayay inuu kasoo noqon doono furinta dagaalka oo uu caafimaad iyo nasiino raadsan doono.

Laakiin in lagu arkay jiidda Bacaadweyn oo dorraad laga saaray kooxda Al-Shabaab ayaa dhalisay dareen shacab oo xoog leh.

Laba farriimood ayaa ku jira in Dhabancad oo dhaawac ah uu weli furinta taagan yahay, kuwaasi oo kala ah;

1. Adkeysi iyo garasho masuuliyadeed

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan Dhabancad wuxuu shalay u abtiriyay waxa la yiraahdo metelaada, wuxuu dadka fahamsiiyay in adkeysiga uusan da’da la xiriirin ee nuxurka uu yahay in aad leedahay garasho aad ku fahamto masuuliyadda ku saaran.

Ragg badan oo kuraasta Xildhibaannada u waalna xilligii doorashada aadna uga da’ yar Xildhibaan Dhabancad ayaa maanta ka maqan difaaca dadkooda, waxayna fadhi ku dirir ku hayaan Kenya, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Farqiga xubnahaas iyo Dhabancad u dhaxeeya waa mushaar doon iyo metelaad doono.

2. Fahamka waaqica lagu jiro

Qaar kamid ah dadka maanta xilalka iyo xoolaha haysta waxay ula muuqata in noloshaan qabow, gaadiidka ay xabaddu karin, dabaqyadan Xamar laga dhistay iyo kuraastaan siyaasadeed inay sidaan usii jiri doonaan haddii ay argagixisada sii jirto oo ay sii xoogeysato, oo ay maalin walba deegaan cusub soo qabsato.

Laakiin xaqiiqadu aad ayay uga fog tahay middaas, waxay u muuqata inay wax walba u dhici doonaan taas caksigeeda. Dowladnimo, dollarka bangiyada harqiyay iyo dabaqyaduna masii jiri doonaan haddii ay argagixisada adkaato.

Xildhibaan Dhabancad wuxuu u muuqda nin fahmay waaqica la taagan yahay, wuxuuna Bacaadweyn ka sheegay inay laba uun midkood noqon doonto, waa in argagixisada laga adkaado oo dalka iyo dadka laga badbaadiyo ama in dalka looga tego oo dal iyo dowladnimo laga sabro, ma jiro dariiq saddexaad oo la yiraahdo aan wada noolaano.

Maxaad ka ogtahay bustaha Shabaab ‘kaga dhuuntaan’ duqeymaha diyaaradaha?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhamaadka toddobaadkii tagay maxkamadda ciidamada ee Muqdisho kasoo muuqday nin sida ay ciidamada amaanku sheegay, alaab u waday Al Shabaab.

Waxaa lagu eedeeyay in uu Jilib ka soo daabulay wax u muuqda bustayaal una waday Galhareeri si ay dagaalayahannada Al-Shabaab u adeegsadaan.

Qalabkan ayaa ah busteyaal ka samaysan maadada macdanka (aluminium) kuwaas oo loo adeegsado siyaabo kala duwan.

Qareenka Jamaal Yaasiin Xasan ayaa ku doodaya in agabku yahay mid ganacsi ahaan laga heli karo suuqyada, wuxuuna sheegay in dowladdu aysan wax dembi ah ku haysan eedaysanaha.

Qalabkan oo ay hore u adeegsadeen Taalibaan ayey dadka qaar is weydiinayaan waxa uu ka caawinayo dadka adeegsada.

Waa maxay qalabkani sideyse Al-shabaab u adeegsadaan?

Qalabkan sida aan kor ku xusnay wuxuu ka samaysan yahay maadada aluminium-ka. Waxay dadka shacabka ahi u adeegsadaan inay kaga gaashaantaan qabowga maadaama bustahani uu keenayo diirimaad degdeg ah.

Dadka dalxiisayaasha ah ee ku hoyda kaymaha roobka badan, kuwa buuraha fanta iyo dhakhaatiirta qaliinka iyo dadka bixiya adeegyada caafimaad ee degdegga ah ayaa adeegsada.

Balse waxaa laga yaaba xitaa dadka aysan hadda ugu horeyn ee yaqaan qalabkan inay is weydiiyaan sidey Al shabaab u adeegsan karaan bustahan?

Waxaa jira qalab aragga loo adeegsado xilliga habeenkii ah iyo meelaha mugdiga ah oo badanaa ay isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawl gallada fuliya habeenkii.

Sida ay drone-ka u aragto dadka meelaha mugdiga ah.

Sidee u shaqeeyaa Alluminium-ka lagu dhuunto

Okiyaalaha ay habeenki xirtaan ciidamada hawlagallada fuliya iyo sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku xiran qalab la yiraahdo “thermos sencer”. Qalabkan ayaa akhrinaya xaraaradda jirka, wuxuuna bixinayaa muuqaal ku salaysan heerkulka ka baxa jirka xawayaanka iyo dadka, xitaa haddii uu darbi ka sokeeyo ama goobtu mugdi tahay.

Haddaba bustahan ka samaysan aluminium-ka ayaa dalfinaya ama qarinaya xaraaradda kasoo baxaysa jirka dadka waxayna taasi keenaysaa in qalabkii aragga ee mugdiga ama ama derbiyada gadaashooda wax laga arkayey uu akhrin kari waayo xaraaradda ama heerkulka jirka.

“Argagixisada eedaysanuhu wuxuu uga soo qaaday qalabkaas [bustaha] meel la yiraah Jilib wuxuuna u waday Galhareeri iyo dhulka hadda xorayntu ka socoto si qalabkaas ay u isticmaalaan kadibna diyaaraduhu u arki waayaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanbka booliska Soomaaliya isla markaana xeer ilaaliye ah oo maxkamadda u sharxayey waxa uu yahay qalabkan “loo waday” Al shabaab.

Waxaa la sheegay in ay qalabka hore u adeegsadeen ciidamda Taalibaan si ay uga dhuuntaan diyaaradaha NATO ee xilliyada habeenkii bartilmaameedsanaya.

Qalabkan iska fudud marka si loo eego ayaa sidoo kale loo adeegsadaa in lagu duubo ama lagu daboolo cuntada si uu kulaylka ugu kaydiyo in muddo ah.

Dadka ku dalxiisa meelaha roobabka badan ay ka da’aan isla markaana qabowga ah ayaa qalabka sii qaata si ay u huwadaan oo aysan qabow u dareemin xitaa haddii aysan isticmaaleyn dhar kale oo qaboga ka celiya.

Sida ay Drones-ka u isticmaalaan kaamerooyinka kulaylka raadiya

Kaamerooyinka heerkulka qiyaasa (thermal cameras) ee ku rakiban dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ayaa ah kuwo adeegsada mowjadaha infrared, iyo qalab kulaylka dareema. Labadas marka lagu daro muuqaalka goobta ayaa waxaa ka soo baxaya sawir.

Sannadihii ugu dambeeyey ayaa marba marka ka sii dambaysa la sii horumarinayey farsamo ahaan qalabkaas, laakin weli mushkiladda haysata waa in aysan qaban karin waxyaabaha dib u soo celiya iftiinka iyo waxyaabaha aadka u ifaya, kuwaasoo aysan qiyaasi karin kulaylka ka soo baxa.

Sawirrada iyo kulaylka ka soo baxaya goobta ayaa la daraaseeyaa, sidaa ayaana lagu go’aamiyaa halka qofku taagan yahay, fogaanta uu u jiro, iyo inuu yahay qof ama xayawaan.

Isha: BBC

Daawo: Shacabka Xamar oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore ee dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sahay laga ururiyey shacabka Muqdisho u diray ciidamada hawlgalada ka wada Gobolada Dhexe iyo deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay raashiin iyo agab kale oo loogu talagalay ciidamada, islamarkaana laga soo uruuriyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay ciidamada ayaa lagu raray qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ee ciidamada, si ay u geeyaan furimaha hore ee ciidamada ku sugan yihiin iyo deegaanada maalmihii ugu dambeysay laga saaray Shabaabka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Shabaab looga adkaan karo iskaashi iyo isku duubni.

Gudoomiye Yabooh ayaa ku baaqay in hal dhinac laga noqdo dagaalka lagu la jiro A-Shabaab, haddii aysan taasi dhicin aan ebid laga adkaan doonin Shabaabka.

Yabooh ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay “Dadweynaha Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqaya inay marada dhexda ku xirtaan, oo har iyo habeen ay u taagnaadaan, sidii loo garab siin lahaa ciidamada dagaalamaya.”

Yabooh ayaa sheegay in taakulada ay ku wareejiyeen Taliska Militariga ay ku muujinayaan, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada ku sugan aagagga dagaalka.

Taliyaha Hoggaanka Saadka iyo Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Sharmaarke Cali Afrax ayaa dhankiisa sheegay in inta askarigu ay dadkiisu daba taagan yihiin aanu marnaba ka waaban doonin cadowga.

Taliyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta u haystaan in ay isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana aanay taakuleynta ciidanka ku eegan bulshada reer Muqdisho oo qura, oo doorkooduna ay ka qayb qaataan.

Gaadiidka lagu raray taakulada ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Sawirro: Xamza iyo Ilhaan Cumar oo wada-hadal gaar ah ku yeeshay New York

0

New York (Caasimada Online) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada New York ayaa halkaasi kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan oo kamid ah Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka oo salaan ugu tegtay ra’iisul wasaaraha ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah, sida uu baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Waxay sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka usii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Dhinaca kale, ra’iisl wasaaraha oo ka qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu kaga warrmay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo.

Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay.

Si taas loo suurto-geliyana, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara.

Xiisad xooggan oo ka dhex qaraxday Canada iyo India kadib hogaamiye la dilay

0

Ottawa (Caasimada Online) – Canada ayaa waxay ku eedeysay dowladda India inay ku lug leedahay dilka hoggaamiye Canadian ah oo kasoo jeeda bulshada Sikh, kaasi oo ka dhacay meel u dhow magaalada Vancouver, bishii June.

Eedeyntan ayaa dhalisay in labad dal ay isugu jawaabaan diblomaasiyiin la eryey kadib markii New Delhi ay eedeyntaas diiday kuna tilmaamtay “doqonimo.”

Eedeymaha ayaa sii xumeeyey xiriirka markii hore liitay ee Ottawa iye New Delhi oo hadda gaaray heer cusub oo hoose.

Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa u sheegay kulan deg deg ah oo baarlamanka uu yeeshay in dowladdiisa ay hayso “xog la isku haleyn karo” oo wakiilo Indian ah la xiriirinaya dilka Hardeep Singh Nijjar, oo ahaa hoggaamiye Sikh dibad-joog ah, kaasi oo ka dhacay gobolka British Columbia

“Ku lug lahaanshaha dowlad kasta ee dilka muwaadin Canadian ah oo ka dhaca ciidda Canada waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey madax-bannaanideena,” ayuu yiri Trudeau.

Wuxuu ugu baaqay dowladda India “in habka ugu xooggan ee ugu macquulsan” ay ugala shaqeyso xal u helidda arrintan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Melanie Joly ayaa sheegtay in xukuumadda Trudeau ay qaaday tallaabo deg deg ah.

“Maanta waxa aynu Canada ka cayrinay diblomaasi sare oo Indian ah,” ayey tiri ayada oo aan magacaabin sarkaalka.

Jolie ayaa sheegtay in sarkaalka la eryey uu yahay madaxa Garabka Cilmi-baarista iyo Taxliilinta ee sirdoonka India ee Canada.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda India ayaa Talaadadii diiday ku lug lahaanshaha dhimashada Nijjar, waxayna sheegtay inay ku amartay diblomaasi sare oo Canadian ah oo aan la magacaabin inuu dalka uga baxo shan maalmood gudahood.

“Eedeymaha ku saabsan ku lug lahaanshaha dowladda India ee ficil kasta oo rabshadeed oo gudaha Canada ah waa nacasnimo,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri bayaan, ayada oo intaas ku dartay “waxaan nahay nidaam dimoqraadi ah, oo ay si xooggan uga go’an tahay ku dhaqanka sharciga.”

Waxay sheegtay in Trudeau — oo bishan booqday New Delhi si uu uga qeyb-galo shir madaxeedka G20 — uu eedeymo kuwan la mid ah la wadaagay dhiggiisa Narendra Modi, islamarkaana “si buuxda loogu gacan sayray.”

Go’aanka wasaaraddu ku cayrisay diblamaasi Canadian ah waxa uu ka tarjumayaa “walaaca sii kordhaya ee ku aaddan farogelinta diblamaasiyiinta Canada ee arrimaha gudaha iyo ku lug lahaanshaha dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah India,” ayey raacisay.

Nijjar, oo India ay ku calaameysay argagixiso la baadi-goobayo, ayaa 18-kii June lagu dilay Surrey, oo ah xaafad ku taalla duleedka Vancouver, oo hoy u ah bulsho ballaaran oo Sikh ah.

Canada waa dalka ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Sikh ah ee caalamka ka baxsan India.

Nijjar ayaa u ololeeyey in la sameeyo dal madax-banaan oo Sikh ah, oo laga abuurayo qaybo ka mid ah waqooyiga India iyo xitaa qayb ka mid ah Pakistan.

New Delhi ayaa ku eedeysay Nijjar inuu weeraro argagixiso ka fuliyey India, eedeyntaas oo uu beeniyey.

AFP + VOA

Aqriso: Khudbada uu Xamza ka jeediyay kalfadhiga QM iyo arrimaha uga hadlay

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka qayb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa khudbad uu ka jeediyey kulanka lagu gorfeynayey hiigsiga yoolasha horumarka waara ayaa wuxuu kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka ku tillaabsanayo.

Mudane Xamza ayaa kulanka warbixin ka siiyey dadaallada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara ee Soomaaliya ka socda iyo sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka lagu soo dabbaalo amni, xasillooni iyo baraare loo aayo, tiiyoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saboolnimo, colaad iyo daruufo kale oo ka dhashay isbedelka cimilada oo ku gudban in sidii la rabay looga libkeeno yoolasha qaarkood.

Wuxuu sheegay in xukuumadda federaallka Soomaaliya ay qorshaha horumarinta qaranka (NDP9) ku jaangoysey yoolasha horumarka waara ee QM.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay in laga soo billaabo 2017-kii lagu guuleystey in hoos loo dhigo heerka saboolnimada 15%, sidoo kalena la yareeyey umul-raacashada haweenka 43%, halka heerka wax akhristaka haweenka da’doodu u dhexeyso 15-24 sare loo qaaday 12.4%.

Ra’isul Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayey tallaabooyin u qorsheysan dowladda, si loo gaaro yoolasha horumarka waara, wuxuu daaha ka rogey qorsheyaal lagu kobcinayo karaanka dadweynaha, sida maalgashi lagu sameeyo tayada waxbarashada, baahinta fursadaha waxbarashada dalka, hoos u dhigista wax qoris iyo akhiris la’aanta iyo abuurista dugsiyo farsamada gacanta ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu mudnaan gaar ah siineyso taabba-gelinta hannaan lagu kobcinayo wax soo-saarka beeraha dalka, iyada oo la adeegsanayo farsamooyin casri ah oo wax ka taraya beeqaaminta biyaha iyo waraabka, si looga gaashaanto saameynta daran ee ka dhalata isbeddelka cimilada oo Soomaaliya u nugushahay.

Si taas loo suurtogeliyana, ra’iisul wasaaruhu wuxuu tibaaxay in Soomaaliya ay firfircoon qaadaneyso dadaallada caalamiga ah ee lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara.

Dhanka horumarinta xaquuqda aadanahana, ra’iisul wasaaraha wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu dardar-gelineyso ciribtirka cunfiga iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed, isaga oo ballanqaaday in la xaqiijinayo sidii haweenku uga dhex muuqan lahaayeen hoggaanka dalka.