26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Caddow Xasan Cabdi oo 10 sano kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya

0

Xudur (Caasimada Online) – Caddow Xassan Cabdi Cali oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka hay’adda Nabad-sugidda Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Caddow ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa illaa 2013-kii, wuxuuna ugu dambeyntii uu maanta go’aansaday inuu isku dhiibo dowladda, isaga oo kooxda kala soo goostay qori AK47 ah iyo booshkiisa.

Ninkan oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay ayaa waxa uu sheegay in uu kooxda uga soo baxay kadib markii uu fahmay dhagarta Khawaarijta, isaga oo ka faaideysanaya cafiska dowladda.

Caddow oo kooxda kaga biiray degmada Xudur ayaa waxa uu tababar kusoo qaatay deegaanno hoostaga gobolka Galgaduud, wuxuuna kamid ahaa sanadaha uu ka tirsanaa kooxda qeybta ay ugu yeerto jabhadda.

Waxa uu kasoo qeyb qaatay dhowr dagaal oo ka kala dhacay gobollada dalka, taasi oo markii dambe sababtay in uu isku dhiibo ciidamada dowladda kadib markii ciidamad dowladda iyo shacabka hubeysan ay guullo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Caddow oo la hadlay laamaha amniga ayaa sheegay in uu fahmay dhagarta kooxda, isaga oo saaxiibadiis kale ee weli ku harsan kooxda ugu baaqay inay isaga soo baxaan, ayna ka faa’iideystaan fursadda cafis ee dowladda u fidisay.

Si kastaba, isa-soo dhiibista Caddow ayaa kusoo aadeysa xilli gobollada dalka ay ka socdaan howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu hormuud ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo ka badan hal bil u jooga Dhuusamareeb cirib-tirka kooxaha argagixisada.

Dowladda oo shaacisay in Al-Shabaab ay lumisay fariisinkii ugu weynaa ee MUDUG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab maanta laga qabsaday fariisinkii ugu waynaa ee ay ku laheyd gobolka Mudug.

Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda ayaa ka dhigan in kooxda guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay inta badan fariisimihii ugu muhiimsanaa cadawga ee gobolka Mudug,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa kooxda laga xoreeyay magaalooyin ay kamid yihiin Bacaadweyn, Xin-labi iyo deegaano kale oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah; Galxagare, Hul-doonyaale, Sirgo iyo Qod-Qod.

“Magaalada Camaara oo maanta soo gashay gacanta dowladda oo ahayd fariisinkii ugu waynaa Khawaarijta ee gobalka Mudug ayaa qiyaastii 208-KM u jirta magaallo madaxda gobolka ee Gaalkacyo, waxaana guushaan laga gaaray cadawga ay ka dhigan tahay in guud ahaan magaalooyinkii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug ay maanta xor ka yihiin Khawaarijta.”

Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Geesiyaasha deegaanka ayay sheegtay dowladda in muddadii ay ku jireen hawl-gallada guulaystay ee Khawaarijta looga saaray inta badan gobolka Mudug ay dagaal-yahaanada kooxda gaarsiiyeen jab xooggan.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa ugu dambeyntiina waxaa loogu mahad-celiyay shacabka hubeysan ee ka barbar dagaalamaya ciidanka dowladda, kuwaasi oo iyagu go’aansaday inay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah iska dul qaadaan, garabna istaagaan ciidanka qaranka.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyey taliska sare ee ciidanka xoogga dalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa dhawaan lala magacaabay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, balse hadda ayaa laga qaaday xilkii waxaana loo magacaabay Gaashaanle Sare Dayax Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa GorGor, sidoo kale sarkaalkaan wuxuu Madaxweynuhu dalacsiiyey hal darajo.

Hoos ka eeg sawirrada saraakiisha la magacaabay:

Somalia: Spike in fighting sees three-fold increase in wounded

0

Press Release

The number of people wounded by conflict in Somalia has increased dramatically this year. As hostilities have flared in different parts of the country, ambulance teams from the Somali Red Crescent Society have reported a more than three-fold rise in the number of people requiring treatment for weapon wounds.

The ongoing military offensive by the government against Al Shabaab has intensified in recent months while a new conflict in the northern part of the country between the Somaliland army and SSC Khatumo forces has seen a sharp spike in the number of people wounded. The three Red Crescent emergency response teams in Mogadishu, Galkacyo and Las Anod report that close to 1,900 people required treatment for weapon wounds in the past eight months of the year – an increase of over 300% per cent compared with the entirety of 2022.

Another indication of worsening conflict across the country is that the number of people uprooted from their homes has more than tripled this year. According to data from the Protection and Return Monitoring Network, 569,000 people were displaced due to conflict or  insecurity between January and July, compared to 168,000 over the same period last year. Conflict is the main factor in forcing people to leave their homes this year, followed by climate shocks like droughts and floods.

Las Anod, the capital of Sool region, has been the main battleground of the fighting in the northern part of the country, resulting in a significant number of casualties and the destruction of civilian infrastructure. The Red Crescent ambulance team in the town has treated and transported to hospital more than 1,700 people with conflict-related injuries this year.

“Shortly after the shelling started there was a lot of loss. The Red Crescent got involved immediately with the emergency and the ambulance teams. They were attending to the wounded and the dead,” said Amal Hassan, who is part of the Red Crescent team in Las Anod.

The team has collected close to 80 dead bodies this year, the majority of them following the latest round of fighting in August. The International Committee of the Red Cross (ICRC) has been supporting the Red Crescent’s three emergency response centres and recently trained the Las Anod team on how to handle and collect human remains in a safe and dignified way. In December last year, the ICRC also trained Red Crescent ambulance response teams and Aamin Ambulances staff, as well as medical personnel from hospitals in Mogadishu, on dead body management.

“We trained a team from the Somali Red Crescent on management of the dead. We are planning to also train the soldiers from both sides. They have a responsibility to handle the dead in a respectful manner. To properly document them. So later, it will be easier to identify the deceased and inform their families,” said Mohamed Abdi Wadi, a protection delegate who covers northern Somalia for the ICRC.

Between January and June this year, the ICRC has supported close to 97,000 people who were displaced by either conflict, drought or floods. The ICRC also supports four main hospitals located in Kismayo, Mogadishu and Baidoa.

For further information, please contact:
Alyona Synenko, ICRC Nairobi, +254 716 897 265, [email protected]Abdikarim Mohamed, ICRC Somalia, +254 770 171 756, [email protected] 

Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay Camaara

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa goordhoweyd si buuxda ula wareegay gacanta ku haynta magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Qabashada Camaara ayaa waxaa hadda u xaqiijiyay warbaahinta dowladda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala oo hadda ku sugan magaalada Istaraatijiga ah ee Camaara ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in magaalada si buuxda loola wareegay kadib markii saddex jiho ay ciidamadu weerar uga qaadeen

Camaara oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxay wararka sheegayaan inay iskaga carareen dagaal-yahaanadii ku sugnaa kadib markii ay ka warheleen howl-galka culus ee kusoo wajahan iyo baaxadda ciidanka isgarabsanaya.

Qabashada Camaara ayaa imaneysa maalin un kadib markii ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay kooxda ka xoreeyeen magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Si kastaba, Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara ayaa xilligaan waxay wax weyn uga dhigan tahay gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada.

Faahfaahin: Qarax ka dhacay GEDO + Bartilmaameedka

0

Doolow (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax xooggan oo maanta ka dhacay gobolka Gedo.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda, wuxuuna qabsaday xilli ay marayeen waddada xiriirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow.

Kolonyada qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa abaanduulaha ciidamada milateriga guutada 10-aad, qeybta 43-aad ee gobolka Gedo, Gaashaanle Dhexe Cabdirashiid Maxamed Cismaan (Rashiid Bohol).

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna abaanduulaha, islamarkaana uu dhaawac kasoo gaaray, halka ay ku dhinteen lix askari oo kale.

Dhaawaca abaanduulaha guutada ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegaya in uu yahay mid fudud, iyada oo islamarkiiba la geeyay degmada Luuq ee gobolkaasi.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli kooxda ay culeys xooggan wajaheyso, uuna dagaal xooggan kaga socdo gobollada dhexe, islamarkaana laga qabsaday degmooyin iyo deegaano muhiim ah.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa horay weeraro iyo dilal shirqool ah oo lagu bartilmaameedsaday masuuliyiin muhiim ah ka geystay gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Cabdi Xaashi oo si weyn loogu weeraray halka uu ID-giisa ku qortay inuu ku dhashay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Cabdi Xaashi ayaa munaasabad kooban oo lagu guddoonsiiyay kaarka aqoonsiga ku tilmaamay in hirgelinta kaarka aqoonsiga dadweynaha uu xal u noqon doono caqabado badan oo bulshadeenna haysta.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku boorriyay golaha xukuumadda in ay dardar-geliyeen dhaqan-galka shuruucda aas-aaska u ah dowladnimada Soomaaliyeed oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Arrinta sida weyn loogu weeraray ayaa ah kadib markii kaarka aqoonsiga guddoomiyaha lasoo bandhigay lagu arkay goobta dhalashada oo ay ku qoran tahay Babille, Ethiopia.

Dadka qaar ayaa midaan ku macneeyay wax laga xumaado in aqoonsiga dalkeenna uu kasoo muuqdo dal kale, ama Babille la raacsiiyo Ethiopia” halka kuwa kale ay ku tilmaameen wax caadi ah, maadaama goobta uu ku dhashay guddoomiye Cabdi Xaashi ay hadda maamul ahaan hoostagto dalkaasi.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Abshir Xiis: “Babille Ethiopia! Intaa far baa ku godan.”

Maxamed Jowhar ayaa waxa uu yiri “National ID-ga Soomaaliya wuxuu ogolaaday inay Baabili dhul Soomaaliyeed ahayn oo Ethiopia ka tirsan tahay waa arrin aad looga xumaado run ahaantii.”

“Gobolladii Somaaliyeed oo wrli shisheeyuhu haysto in ID la sameeyo wax micno ah oo ku jira ma jiran ee qandaraskan amay dowladu shisheeye maal-galiyeen,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

Nuuradiin Cabdullaahi Cabdinaasir: “Baabile maaha dhul Itoobiya waa dhul Soomaaliyeed da’yar aqoon yari baa u gaysay baan oran lahaa laakiin dadka waayo araga ah sidee ku dhacday inay sameeyaan?.”

Maxamed Axmed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Soomaali inaga cilmi badan dhabtii. ID card ookiyaale lagu galaayo waa ii dhinnaa.”

“Magaalada Babille ma dhul Soomaali leedahay baa? ama waaa dhul Ethiopian ay leedahay waaye,” ayuu yiri Cali Dulmi-diid oo kamid dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Dangarad: “Sawir ookiyaale wata oo ID card lagu dhajinayo waa ii kow…”

Maxkamadda Ciidamada oo DIL ku fulisay Shariif Jini

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida, qaybta 21-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku filsay askari ka tirsanaa ciidamada milatariga, kaas oo 16-kii bishaan toogasho lagu xukumay, kadib markii uu dilka gaystay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Askariga maanta xukunka qasaasta lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (Jini) kaas oo ay dhowaan xukuntay maxkamadda ciidamada.

Shariif Jini ayaa lagu helay inuu 11-kii September uu degmada Xarardheere ku dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka milatariga.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa maalintaas isna xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysnaa in uu qalqalgelin ka gaystay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ,kaddib markii uu isna riday rasaas xoogan.

Goobta lagu toogtay Shariif Jini ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, mas;uuliyiinta degmada iyo ciidamo goobjoog u ahaa falka toogashada.

Toogashadan oo si deg deg ah loo fuliyay ayaa farriin u direyso ciidamada kale, si ay uga digtoonaadaan inay dhexdooda is dilaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.

Si kastaba, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa haatan ku sugan furimaha dagaalka iyo deegaannadii dhowaan Al-Shabaab laga qabsaday, si ay ula socdaan fal dambiyeedka ka dhici kara ciidamadaas howlgallada ku jira.

Ciidanka Itoobiya oo dagaal rogaal celis ah ku dilay 55 ka mid ah Al-Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ay maanta qaadeen dagaal rogaal celis ah oo ay uga jawaabeen weerar ay shalay Al-Shabaab la beegsadeen ciidan Itoobiyaan oo ku sii jeeday degmada Waajid, kaas oo dhaliyay khasaare lixaad leh.

Dagaalka rogaal celiska oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada isbhaysanaya ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen xubo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay halkaasi.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay in howlgalaas oo jawaab ah lagu dilay ugu yaraan 55 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerarka lagu dilay xubnahaas ayaa yimid, kaddib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen kooxda Alshabaab, kuwaas oo Axadii shalay weeraray kolonyo ka tirsan ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalkaas ku dishay illaa 167 askari oo Itoobiyaan ah, isla-markaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda dhexe.

Dhabancad oo hal sabab uga haray diyaaraddii soo qaaday dhaawacyada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa weli ku sugan jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna kamid ahaa madaxdii ay waxyeelada faduud kasoo gaartay weerarkii todobaadkan ka dhacay deegaanka Laas-gacmey, kadib markii qarax lagu weeraray isaga, Qoor Qoor iyo Cabdi Qaybdiid

Dhabancad oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay sababihii uu uga haray diyaaraddii loo diray dhaawacyada ee soo qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudg iyo Senator Cabdi Qaybdiid, wuxuuna sheegay inay ahayd inuu ka dhabeeyo ujeedka uu u tegay Galmudug oo ah xoreynta deegaanada ay joogaan Shabaab.

“Waxaan uga haray howshii aan u imid oo qabyo ah inaan ka tegin, illaa inta aan ka gaareyno meeshii aan u soconay oo ah xoereynta gobolka Mudug” ayuu yiri Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan ay wanaagsan tahay xaaladdiisa, isla-markaana aysan jirin khatar weyn oo uu hadda wajahayo, marka laga reebo nabaro yar oo ku yaallo.

“Nabarada igu yaallo kuwa khatar ah uma eka, mana u arkin inaan raaco diyaaraddii dhaawacyada loo soo diray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu hadda gaaray ujeedkii uu u tegay Galmudug oo uu ku sheegay inay ahayd inuu booqdo magaalada Bacaadweyne oo xor ah, wuxuuna kamid mas’uuliyiintii u horreysay ee tegtay, kadib markii shalay la qabtay magaaladaasi.

“Ujeedadii aan usoo baxay waxay ahayd inaan tego Bacaadweyne, ilaaheyna waa noo rumeeyay oo waan tegnay annaga oo nabad ah, waana xorowday” ayuu mar kale yiri.

Galmudug ayaa waxaa hadda ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ujeedka uu yahay in laga tir tiro guud ahaan gobollada dhexe ee dalka.

Itoobiya oo ka jawaabtay sheegashada Al-Shabaab kadib dagaalkii BAKOOL

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashooyinka kooxda Al-Shabaab kadib dagaal ciidankeeda iyo maleeshiyada shalay ku dhex-maray gobolka Bakool ee koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen laba kolonyo oo ka mid ciidamada Itoobiya, oo mid uu ka yimid Yeed kuna socda Waajid, halka kan kale la beegsaday xillii ay ka safrayeen Ceel-Barde kuna socdeen Xudur. Ciidamada Itoobiya ayaa fariisimo ku leh Xudur iyo Waajid.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dagaalka ku dishay 167 askari oo Itoobiyaan ah, islamarkaana ay burburisay baabuur militari.

Hase yeeshee, safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware ayaa VOA u sheegay inuu baraha bulshada ku arkay sheegashada Al-Shabaab, wuxuuna ku qeexay “dacaayad.”

“Waa ay isku dayi karaan [inay weeraraan ciidamada Itoobiya] balse xitaa 10 daqiiqo rasaas kuma ridi karaan ciidamada difaaca Itoobiya,” ayuu yiri.

“Ciidankani waa kuwo xirfad leh; waa mid aad u qalabaysan, aadna u abaabulan, mar walbana si adag ayay u garaacaan marka ay timaado Al-Shabaab, marka tani waa dacaayad kaliya; ma ahan wax ka badan dacaayad ka dhan ah Itoobiya iyo ciidamada difaaca Itoobiya.”

Safiirka ayaa uu sidoo kale diiday bayaanka Al-Shabaab oo ku tilmaamay ciidamada Itoobiya inay yihiin “Saliibiyiin.”

“Ma nihin Saliibiyiin; Waxaan halkaas ku joognaa go’aannadii Midowga Afrika iyo beesha caalamka ee lagu taageerayo dowladda sharciga ah ee Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jirto sidii dalkan nabad looga dhalin lahaa. Marka, tani waa dacaayad kaliya oo ay afuufayaan Al-Shabaab oo inta badan lagu yaqaanno.”

Itoobiya ayaa kumanaan askari usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo ciidamo kale oo Soomaaliya ku jooga heshiisyo ay la gashay dowladda Muqdisho.

Ilo-wareedyo amni ayaa VOA u sheegay in ciidamada la weeraray aysan qeyb ka aheyn ATMIS.

“Weerarka gaadmada ah waa run, dhacdadu waxay ahayd mid xun, laakiin tirada Al-Shabaab ay sheegeen waa la buunbuuniyay,” ayuu yiri il-wareedka.

VOA

Wararkii ugu dambeeyey Shabaabka ku go’doonsan qeybo ka tirsan Sh/Dhexe

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 24-saac ku go’doonsan deegaan lagu magacaabo Ciid-ciidka oo u dhaxeeya degmada Mahadaay iyo deegaanka Cali-fooldheere ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdaan la go’doomiyey ayaa la ogaaday in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka soo gudbayeen wabiga Shabeelle ee aagga Mahadaay, waxayna doonayeen inay kala jiraan degmooyin la xoreeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxdii ka soo gudubtay wabiga oo la sheegay inay aheyd boqolaal dagaalyahan ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ku bilowday duqeymo iyo dagaallo toos ah, waxayna noqdeen kuwo go’doomay iyo kuwo lagu dilay duqeymo iyo dagaal toos ah.

Dhul keymo ah iyo godad ay qoteen ayey ku go’doonsan yihiin Shabaab-kii ku dhiiraday inuu ka soo gudbo wabiga Shabeelle ee u socday degmooyinka xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe, ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku socoto duqeyn aan kala joogsaneyn.

Duqeymaha dhacay waxaa lagu dilay oo lagu dhaawacay dagaalyahano badan, kuwa weli nool ee dagaalamaya waxaa ku socota duqeyn, sidoo kale waxaa hor fadhiya oo meelaha qaar ay dagaal toos ah kala kulmayaan ciidamo kuwa deegaanka ah oo garab ka helaya ciidanka xoogga dalka.

Halkaas waxaa laga soo weriyey qisada wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa shacabka ku nool aagga Mahadaay oo ku dhiiraday inuu qoriga ka furto nin Shabaab ah oo god ku dhuumanaya, kaas oo la dilay, kadib markii ay u suurta-geli weysay inuu furto qorigii ninka Shabaab-ka ah.

Shabaab-ka go’doonsan waxaa ka dhamaatay sahaydii, godadka ay qoteen kama bixi karaan, intooda badan waxaa lagu laayey duqeymo soo bilowday shalay galab, xalay ilaa maanta, sidoo kale ciidamada deegaanka ayaa laayey kuwii isku dayey inay cagahooda uga baxsadaan halkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in howlgalka aagga Mahadaay uu weli socdo oo khasaaraha lagu gaarsiiyey Al-Shabaab aysan ka hor dhaceyn oo dib ay kasoo shaaci doonto natiijada markii lasoo afjaro kooxdaas.

Roadside bomb in Somalia claims UPDF soldier’s life

Kampala (Caasimada Online) – Sgt John Byaruhanga, a soldier with the Uganda People’s Defence Forces (UPDF) and a heavy recovery truck driver, died in a roadside bomb blast in Somalia.

On September 15th, a UPDF convoy journeying from Beledamin to Golweyne faced a deadly encounter. As they maneuvered, a truck in the convoy got trapped in a pothole. 

Byaruhanga stepped out to investigate and remedy the situation. But as he attempted to release the stuck tires, a concealed explosive under the truck was triggered, claiming his life instantly.

Col. Deo Akiiki, the UPDF deputy spokesman, provided a detailed account of the tragedy, stating, “Our super convoy moving from Beledamin towards Golweyne was hit by an RSIED at Shen Tarka Xasan Gutan’s former factory, merely four kilometers from Beledamin Forward Operating Base (FOB).” 

Akiiki further confirmed that aside from Byaruhanga’s tragic death, another vehicle suffered damage, and three other soldiers, who remain unidentified, sustained injuries.

All the injured were promptly evacuated to the Level 11 Hospital in Baidoa, Somalia.

Personal grief and national tragedy

Fred Fredo Byenkya, Sgt Byaruhanga’s brother, shared his heart-wrenching anguish in a message, expressing, “Dear friends and colleagues, I announce the death of brother Afande John Byaruhanga, who fell victim to a suspected bomb attack in Somalia.” 

Byaruhanga, a dedicated serviceman under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), was preparing for his return to his homeland when fate took an unfortunate turn. 

Originating from Kagadi in Buyaga West, he leaves behind two grieving wives, several children, and a distraught community.

Byenkya further narrated the harrowing details of how they received the news. “Moses Kasaka, a family member and a lecturer at Makerere University, relayed the tragic news after hearing from Byaruhanga’s commanders in Somalia,” Byenkya recounted.

Future implications and closure

Such attacks underline the volatile situation in Somalia and the immense risks UPDF soldiers face daily. 

The fragility of peace, combined with the ever-present threat of insurgency, presents a daunting challenge. For families like Byaruhanga’s, the cost of serving the nation becomes heartbreakingly real.

The Byaruhanga family now awaits the formal handover of the body by UPDF. “We request your prayers in this trying moment,” implored Byenkya, highlighting the intertwined emotions of grief, pride, and loss.

In June, Uganda’s President Yoweri Museveni reported that a total of 54 Ugandan peacekeepers tragically lost their lives in one of Al-Shabab’s most severe recent assaults, as the militant group attacked an African Union base in the conflict-ridden nation of Somalia.

Al-Shabab, a group committed to a lethal insurgency against Somalia’s tenuous central government for over a decade, took responsibility for the May 26th attack.

Sawirro: Ciidamada ATMIS oo wareejisay saldhiggii ugu weynaa ee SH/DHEXE

0

Jowhar (Caasimada Online) – Howl-galka Ururka Midowga Afrika ATMIS ayaa haatan bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamadooda jooga gudaha Soomaaliya, waxaana Axaddii shalay talisku wareejiyay saldhigga Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saldhiggan ayaa waxaa sanadihii u dambeeyay ka howlgalayay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, wuxuuna ahaa saldhigga ugu weyn ATMIS ee Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waa saldhig istaraatiiji ah, maadaama uu ku yaalla furinta hore ee difaaca magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle.

Munaasabadda wareejinta saldhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Hawlgalka ATMIS, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay taliyaha ATMIS ee saldhigga Biy Cadde Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi, kaas oo madasha ka sheegay in wareejintan ay cadeyn u tahay hoggaanka Somalia ee dib u dhiska dalka, ilaalinta shacabka iyo xaqiijinta amniga

“Waxaan marqaati ka nahay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka oo ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku muujiyeen awooddooda sii kordheysa ee ku aaddan sugidda amniga dalka. Waxaan aragnay ciidamada oo weeraray, qabsaday oo gacanta ku dhigay deegaano badan,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Philippe Butoyi,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “In ay Ciidamada ammaanka Soomaaliyeed oo si xirfad leh u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay yihiin kuwa wax ka beddelaya dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya.”

Dhankiisa taliyaha ciidanka Xoogga dalka ee Saldhigga Biyo Cadde, Saddex Xidigle Axmed Cali Taakow, ayaa saxiixay warqadaha wareejinta ee Saldhigga, taas oo cadayn u ah wareejinta mas’uuliyadda amniga, waxaana goob joog ka ahaa wakiil ka socday Xarunta dhexe ee Hawlgalka ATMIS, Gaashaanle Dhexe Edouard Nzohabonayo iyo, Madaxa UNSOS ee unugga Qorshaynta Kala-guurka, Patrick Duah, iyo Taliye Ku-xigeenka Waaxda Hawlgallada ee CXDS, Gaashaanle Muxudiin Axmed.

Intii ay wareejintu socotay ayaa hay’adda UNSOS oo ATMIS ka taageerta dhanka saadka aya waxa ay sidoo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qalab ay Qaramada Midoobay leedahay oo ay ka mid yihiin, Matoor, Warshadda biyaha sifeysa, baalayaasha cadceedda, ceelal riig ah, talaajado, qaboojiyaal, iyo haamaha kaydka biyaha iyo agab kale.

“Iyada oo qayb ka ah hannaanka wareejinta, UNSOS waxa ay qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ugu deeqday Ciidamada XDS ee kala wareegaya ATMIS saldhigga. UNSOS waxa ay sidoo kale tababar u qabatay saraakiisha SNA si ay ugu suurtagasho in ay ku shaqeeyaan oo ay dayactiraan qalabkan,” ayuu yiri Madaxa Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah.

Si kastaba, dhimista Ciidamda ATMIS aya imaanaysa kadib Qaraarradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay: 2628 (2022), 2670 (2022), iyo 2687 (2023), oo faraya ATMIS in ay ka soo saarto Soomaaliya laba kun oo askari marka la gaaro Juun 2023-da iyo saddex kun oo kale dhamaadka Sebtembar 2023-da.

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waxay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ugu hambalyeysay dowladda shacabka Soomaaliyeed guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Marwo Karina Johansson ayaa sidoo kale waxay madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada-hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howl-gallada sifeynta kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa intii kulanka socday u xaqiijiyay danjiraha in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Xasan ayaa weli magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb u jooga dardar-gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli ay socdaan howl-galladii u dambeeyay ee lagu soo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweynuhu xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga hore ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Daawo: Abaabul ka socda galbeedka Hiiraan iyo Gaaljecel iyo Udeejeen oo…

0

Jawiil (Caasimada Online) – Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmahaan ka socda deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, kaas oo beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ay wado.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Jawiil ee gobolka Hiiraan waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo bandhigay ciidankii ugu badnaa oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo hubka u qaatay inay la dagaalamaan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidankaan is baabulay oo wata gadiid dagaal ayaa lagu wareejiyey taliska ciidanka xoogga dalka oo ay ka barbar dagaalami doonaa maalmaha soo socda oo howlgal culus uu ka bilaaba doono galbeedka Hiiraan.

Beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ayaa ka mid ah beelaha dhulka ugu badan ay Shabaab ka heystaan, waxaana dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanada beelahaas ka socday abaabul dagaal kii ugu cuslaa oo ay sameeyaan.

Beelahaas oo dega dhul balaaran ayaa dhamaan deegaanada ay ka degaan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeelooyinka waxaa maamusha Khawaarijta Al-Shabaab, xilli beesha la degta ee Xawaadle ay dhamaan dhulkeeda bariga Hiiraan ka xoreysatay kooxda.

Is xoreynta Xawaadle ayaa xujo ku noqotay beelaha kale ee dhulkooda Shabaab heysto, waxayna hadda beelahaasi ku dhaqaaqeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen kooxda, ciidamadii iyo hubkii ugu badnaa ayey maalmahaan isku soo uruuriyeen saraakiisha iyo siyaasiyiinta Gaaljecel iyo Udeejeen.

Siyaasiyiinta beesha Udeejeen ayaa maanta ciidankii lasoo abaabulay oo la isugu keenay deegaanka Jawiil waxay ku wareejiyeen taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad, si maleeshiyaadkaan ay ciidanka qaranka uga barbar dagaalamaan.

Saraakiishii iyo masuuliyiintii beesha Gaaljecel ee u hadlay ciidankii dagaalka u diyaarsanaa ayaa wacad ku maray inay dhulkooda ka xoreysa doonaan kooxda, si lamid ah inta badan beelaha kale ee dega HirShabeelle iyo Galmudug.

Abaabul kale oo beeshaani ay wado ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka socday aagga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu joogo mudo dhowr bilood ah, Jeesow oo hadlay ayaa wacad ku mara inuusan soo laaba doonin, isagoo Shabaab ka xoreyn dhulka beeshiisu ay ka degto gobolkaas.

Hoos ka daawo

Ururo SOOMAALI ah oo ku shiray Amsterdam (Daawo)

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Waxaa shalay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.

Dalladda FSAN,  oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida.

Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:-

1- Miisaaniyada ururka
2- Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub.
3- Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda.
4- Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7, iyo qoddobo kale.

Guddoomiyaha dalladda Maxamed Cabdullaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye Cabdiwahaab Yariisow iyo Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay.

Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah: Cali Amiin, Raaxo Cabdishakuur Cilmi

HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA.

Ciidamada DF oo kaabiga ku haya magaalada Camaara

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay weli howlgallo ka wadaan gobollada dhexe, ayaga oo saacadihii ugu dambeeyay la wareegay deegaano muhiim ah oo ay kamid tahay Bacaadweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ee shalay qabtay magaalada Bacaadweyne ay sii dhaq-dhaqaaqayaan, waxayna ku wajahan yihiin magaalada kale ee Camaara oo iyana hoostagta magaallo xeebeedka Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan ciidamada ay joogaan deegaan u dhexeeya Bacaadweyne iyo Camaara, ayna doonayaan inay galaan magaalada.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah Galmudug oo ka socdo guluf ka dhan ah Shabaab.

Sidoo kale, waxaana dagaalkan kusii biiraya ciidamo horleh oo ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo iyo kuwa kale oo kasoo baxay dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi, waxayna ballan qaadeen in aysan dib uga soo bixi doonin.

Howlgalladan ayaa waxaa hoggaaminaya madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaad laba bilood fadhiya caasimada Galmudug, si uu dhiirogeliyo ciidanka ku jira dagaalka.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.

Dawn ambush rocks Ethiopia’s peace mission in Somalia

0

Hudur (Caasimada Online) – Al-Shabab militants launched an attack on two Ethiopian military convoys in Somalia’s southwestern Bakool region early on Sunday, eliciting a potent counter-response from the troops.

These militants ambushed two convoys – one weaving its way from Yeed to Wajid and another traversing from El Barde to Huddur. 

Notably, the Ethiopian military maintains strongholds in both Wajid and Huddur. 

Local Somali forces stood shoulder to shoulder with the convoy from El Barde to Huddur, indicating a collaborative approach to the region’s security.

Omar Abdullahi Mohamud, the mayor of Huddur, recounted the intense events, saying, “The troops were assaulted with an explosion by anti-peace factions. 

Despite the sudden attack, the troops effectively repulsed, restoring calm.” He further asserted that Al-Shabab suffered significant losses, with approximately 50 militants laid low.

Yet, an unnamed senior Somali regional official provided a more nuanced perspective, identifying the most intense attack on the convoy that escorted supplies to Wajid. 

“On nearing Wajid,” he detailed, “the convoy met a chilling ambush by Al-Shabab, resulting in the decimation of two vehicles.”

Clashing claims

With Al-Shabab taking responsibility and boasting the elimination of 167 Ethiopian soldiers, the authenticity of such claims remains in dispute. 

Ethiopia’s ambassador to Somalia, Mukhtar Mohamed Ware, dismissed these assertions as mere “propaganda.” 

He fervently stated, “Our army is adept and organized, countering Al-Shabab with unmatched intensity. 

Labeling Ethiopian forces as ‘crusaders’ is a fallacious narrative; we’re in Somalia under international consensus to buttress Somalia’s peace endeavors.”

The broader picture

Apart from this attack, Ethiopia’s extensive presence in Somalia, encompassing the African Union Transition Mission (ATMIS), underscores the nation’s commitment to regional stability. 

Interestingly, the troops in the recent ambush were not affiliated with ATMIS. A security source candidly expressed, “While the ambush was disastrous, Al-Shabab’s casualty numbers seem inflated.”

In parallel developments, Somali officials proudly announced the recapture of the pivotal town of Ba’adweyne and three adjacent villages. 

With Al-Shabab retreating after a skirmish, Somali forces, bolstered by local fighters, are advancing toward the strategic town of Amaara.

Simultaneously, the Somali government executed an operation against Al-Shabab militants near Ali Foldhere, with “international partners” lending their strength primarily through precision airstrikes.

Daawo: Rag si arxan darro ah ula dhaqmay dad musaafir ah oo lasoo qabtay

0

Cadale (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa xalay qaaday tallaabo la mahadiyey, kadib markii ay baacsadeen, kuna guuleysteen inay soo qabtaan koox tuugo ah oo dhac u geysatay dad safar ah.

Dhacaas ayaa loo geystay dad u socday magaalada Gaalkacyo oo ka baxay Muqdisho, waxaana lagu baartay meel banaanka ka ah magaalada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Darawalkii waday gaariga xalay dhaca loo geystay ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, isagoo sheegay in markii ay ka casheeyeen Cadale ay ka dhaqaaqeen xalay 10:00 saac, markii ay magaalada ka baxeen ayuu sheegay in koox tuugo ah ay xabado ku fureen.

Markii uu gaarigu istaagay ayay tuugadu baaratay lix nin iyo afar gabdhood oo la socday gaari Leylo ah oo Gaalkacyo u socday, sidoo kale dadkaas waxay sheegeen in loo geystay jir dil xoog leh.

Markii laga furtay wixii ay taleefan, lacag, dahab iyo sahay kaleba siteen ayaa la fasaxay, waxayna dib ugu soo laabteen degmada Cadale, iyagoo booliskii joogay ku war-geliyey in lasoo baartay oo dhac xoog leh iyo jir-dil loo geystay.

Intaas kadib booliska degmada Cadale ayaa qaaday tallaabo guuleysatay, waxayna raadiyeen oo gacanta ku soo dhigeen kooxdii dhaca u geysatay dadkaas safarka ah.

Maanta ayaa saldhigga degmada Cadale lagu soo bandhigay afar nin oo tuugnimadaas ku eedeysan iyo alaabihii ay dadkaan ka dhaceen, shacabkii dhaca loo geystay ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo aad ugu mahadceliyey booliska Cadale.

Taliyaha booliska degmada Cadale oo kiiskaan ka hadlay ayaa sheegay inay muddo ku raadjoogeen kooxdaan xalay dhaca u geysatay shacabka, isla markaana howlgal dheer kadib ay ku guuleysteen inay soo qabtaan.

Dadka ku safra gaadiidka isaga kala gudba Muqdisho iyo gobollada dhexe ayaa dhibaatooyin badan ku qaba kooxo tuugo ah oo ku furata meelo ka tirsan Sh/Dhexe, waxayna xalay booliska degmada Cadale qaadeen tallaabo dhif iyo naadir ka ah gobolkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilo ka hor waxgaradka beelaha dega aaggaas isugu keenay degmada Cadale, isagoo wacad ku maray in isbaarooyinka loo dhigto dadka musaafirka ah ay dowladiisu diyaar u tahay inay ku suuliso awood ciidan, balse weli ma suurta gelin.

Hoos ka daawo