26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

DF oo shaacisay natiijada howl-galladii u dambeeyay ee Galmudug iyo HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Sooomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin rasmi ah ka bixiyay howl-gallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaanada maamullada Galmudug iyo HirShabeelle.

Wasiir Daa’uud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howl-gallada socda laga gaaray guullo waaweyn, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

“Waxay saaka howl-gallo culus oo milatari ka sameeyeen qeybo kamid ah dalka, waxayna kasoo hooyeen guullo waaweyn oo farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, qarannimada iyo dowladnimadeena wax weyn u ah maanta,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Sooomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyay in gacanta dowladda ay soo galeen magaalooyinka Bacaadweyne, Camaara, Qod-Qod, Sardo, Shabeellow, Huldoonyaale, Galxare, Qeycad iyo Xinlabi oo kawada tirsan gobolka Mudug.

Deegaanadan ayuu sheegay in Al-Shabaab looga saaray awood milatari, kadib markii lagu jabiyay dagaal-yahaanada kooxda oo dagaal toos ah la galay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan oo isgarabsanaya.

“Intii lagu guda jiray howl-gallada waxay ciidamada dagaal toos ah la galeen maleeshiyaadka Khawaarijta, nasiib wanaag cadowga waa lagu jabiyay halkaas, waxaana la gaarsiiyay khasaare ballaaran oo dowladda dib kasoo sheegi doonto faah-faahinteeda.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii shalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, kadib markii Shabaab-ka loogu daatay saldhigyo ay ku sugnaayeen.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa la wadaageynaa jabja Khawaarijta lagu gaarsiiyay deegaanka Qod-Qod markii ciidanka geesiyaasha u daateen meel saldhig muhiim u aheyd cadowga, meydadkooda waxay uga carareen goobtaasi. Waxaa suurtagashay in goobta dagaalka lagu gubo afar gaari oo cadowga lahaayeen halka gacanta looga dhigay laba gaari oo nooca dagaalka ah.”

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu shaaciyay in 200 Shabaab ah lagu dilay howl-gal milatari oo saacadihii u dambeeyay ka socday deegaanada Awbaale iyo Ciid-ciid oo ka tirsan degmada Mahadaay, kuwaasi oo si qarsoodi ah iskugu abaabulayay halkaasi, si ay usoo qaadan weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka.

“Sirdoonka Qaranka oo helay xogta Khawaarijta ayaa suurta-galiyay in lagu gumaado saacado badan godadkii iyo howdkii ay ku dhuumaleysanayeen, waxaan idin xaqiijineyna in meydka iyo dhaawaca argagixisada uu halkaas daadsan yahay, sidoo kalena la burburiyay waxkasta oo saanad ciidan ah oo halkaas ku diyaarsan yihiin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aan la joogin waqti la siyaasadeeyo dagaalka socda, isagoo ugu baaqay shaqsiyaadka leexinaya howl-gallada socda inay taageeraan dagaalka argagixisada, si loo helo Soomaaliya guud ahaan xor ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

La-taliyaha madaxweynaha oo farriin u diray shaqsiyaad kasoo horjeeda dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ah La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin culus u diray “kuwa afka ku taageera kooxda Al-Shabaab” ee kasoo horjeeda dagaalka socda.

Dr. Baadiyow ayaa shaqsiyaadka hadalada iyo qoraalada ku taageera Al-Shabaab ku tilmaamay kuwa jahwareerinaya guulaha ciidanmada qaranka ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda.

Shaqsiyaadkan ayaa inta badan isticmaala baraha bulshada, ayaga oo buun-buuniya khasaaraha soo gaaray ciidanka, iyo weerarada kooxda ku qaado xeryaha ciidanka, xilli lagu jiro dagaal.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) wuxuu ugu baaqay shaqsiyaadkas inay arkaan guulaha istaraatiijiga ah ee la gaaray, islamarkaana aysan ku mashquulin waxyaabaha ka dhaca goobaha dagaalka oo isriix-riix ka dhacdo maraka qaar, taasi oo ah xeeladaha dagaalka.

“Waxaan leeyahay kuwa khaladka kaliya arka ee aan arkin saxda, kuwaas oo aan kala saari karin guusha iyo guul-darada, dhacdooyinka goobaha dagaalka waxaan leeyahay waad fashilanteen ee Alle ka xishooda hadaa umada Soomaaliyeed iyo Qaranka hadaa ka xishoon waysaan, waxa aad qoraysaan ogaada in ay yihiin wax aan la hilmaami doonin,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow.

Qoraalka La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xilli maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay soo badanayaan shaqsiyaadka dhinaca kale u fasira guulaha ay gaaraan ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka, iyo guud ahaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Dagaalka socda ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka casharo la taaban karo ugu dhigeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah, oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Cabdixkiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 

Qorshihii DF ee Bacaadweyn oo fulay kadib ‘isku-deygii fashilmay’ ee Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka deegaanka ayaa saaka la wareegay magaalada Bacaadweyn iyo deegaanka Qeycad oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Marka laga hadlo in la iska celiyo argagixisada, Bacaadweyn waxay leedahay taariikh gaar ah. Dadkeedu waxay ku jiraan beelaha hore ugu bareeray inay iska celiyaan argagixisada, balse waayay wax dowlad ah oo garabsiisa.

Waxaa la xasuusta in reerka degan Bacaadweyn ay dhowr jeer kooxda ka adkaadeen laakiin dib ayay kooxda usoo weerartay maadaama ay xaqiijisay in xilligaas ay keligood ku yihiin dagaalka.

Waxgarad iyo ganacsato reerkaas kasoo jeeda ayay xitaa waqtigaas kooxda ku dileen magaalada Muqdisho, iyaga oo aaminsan inay yihiin kuwii maalgelinaayay in kooxda la iska celiyo.

Maanta reer Bacaadweyn waxay u tahay maalin gaar ah, waxay dib u qabsadeen magaaladoodii, iyaga oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo mid kamid ah beelaha deriska la ah.

Argagixisada ayaa si weyn ugu mintiday dhowr jeer magaaladan. Waxay u arkaayeen marin ay uga tallaabi karaan qeybaha kale ee gobolka Mudug, si halkaasi dhibaatooyin ugu geystaan.

Qorshuhu wuxuu ahaa in magaaladan la qabto Jimcihii, laakiin si ay weerarkaas u baajiyaan ayay gaari qarax ah soo galiyeen deegaanka Laas-Gacamey, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax uu kamid ahaa hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, balse weerarkaas ayaa la fashiliyay waxaana muuqata in aanay waxba iska beddelin duullaankii ku wajahnaa Bacaadweyn oo saaka dib looga taagay Calanka Soomaaliya.

Dowladda guulo waaweyn ayay ka gaartay qabashada, laakiin in la xajiyo gacan ku haynta deegaanada la qabtay ayaa u muuqata inay weli u baahan tahay farsamo gaar ah.

Kooxaha argagixisada ayaa kasii baxaya inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

Iyada oo saaka gacanta lagu dhigay Bacaadweyn iyo Qeycad, ayaa dhinaca kale wararka aanu helayno sheegayaan in ciidankii shalay qabsaday Qod-Qod inay iyaguna kusii dhawaanayaan qabashada Camaara oo ah mid kamid ah goobaha muhiimka ah ee ay kooxda weli ka joogto gobolka Mudug.

Qabashada Bacaadweyn iyo Camaara oo isku maalin noqdo ayaa wax weyn uga dhigan gulufka shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda iskaga saarayaan argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo madaxweynaha uu ka wado abaabulka dagaalka, oo xilligaan maraya meel wanaagsan.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo u digay Lafta-gareen

0

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, haatana ah musharax madaxweyne oo u taagan Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo doorashada kusoo foodka leh.

Musharax Xuseen ayaa weerar toos ah ku qaaday madaxweynaha hadda talada haayo ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale in Al-Shabaab laga xoreeyo saddexda gobol ee maamulkaasi.

Xuseen Sheekh ayaa uga digay madaxweyne Laftagareen inuu isku dhajiyo xukunka, isaga oo wacad ku maray haddii isku dayo awood inay gacanta iskula tegi doonaan.

“Maamul la’isku dhajiyo waxaa ka dhalata rabshad madaxweyne Cabdicasiis maanta wuxuu sharaf ku leeyahay inuu yiraahdo dowladda federaalka yaan wax laga suginee anaa si sharaf leh baahasha halkaan usoo dhigayee kaalaya, intaas hadii uu saameyn waayo meeshii la’isla tegi jiray ayaa la’isla tegayaa” ayuu yiri agaasimihii hore ee madaxtooyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu hadda ka shaqeynayo inay rabshomka dhacdo Koonfur Galbeedm balse rabitaan shacab looga hor imaan doono.

“Maamulka hadda jiro wuxuu fak-fakanayaa in arrintaasi ay dhacdo annaga shacab aa nahay qoray kuma faaneyno, laakiin dad taageerayaal ah ayaan leenanahay oo shacab ah, iyagaa hadhow kacaayo, taas ayaa laga yaabaa inay rabsho sababto” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii uu dhammaado waqtiga ay ku heshiyeen in la qabto doorasho ay qaadi doonaan tallaabo jawaab ah ayna  kaashan doonaan shacabka

“Haddii waqtiga la gaaro dadka ayaa laga rabaa inay xaqooda dhacsadaan waa waajib” ayuu mar kale yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa daba socda go’aankii u dambeeyay ee xubnaha mucaaradka ku gaareen shirkii Nairobi ee ku aadan doorashada koonfur Galbeed oo weli tallaab loo qaadin.

R/W Xamza oo u dhoofay Mareykanka + Ujeedka

0

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdo Barre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo ku sii jeeda dalka Mareykanka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa magaalada New York uga qayb-galaya shirweynaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Xamza ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo madasha, taas oo uu uga hadli doono waxa Soomaaliya uga qabsoomay ahdaafta dhinaca horumarka ee Caalamku degsaday gaar ahaan dhimista Faqriga, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Nabadda iyo Amniga, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga oo xooggan iyo isbeddelka cimillada.

Sidoo kale wuxuu sheegi doonaa in weli Soomaaliya ay ku taagan tahay jidkii dib u soo kabashada, isla markaana ay dooneyso in laga taageero dib u dhiska dalka, gaar ahaan ciidamada qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka iyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee mudada dheer saarneyd.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeelan doono Xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud ee QM, Madaxda Dowladda Mareykanka iyo Qaar ka mid ah Madaxda wufuudda kale ee Caalamiga ah ee ka qaybgalaysa shirka Q.M.

Sida qorshuhu yahay wuxuu madaxdaas kala hadli doonaa arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Inta uu ra’iisul wasaaruhu joogo Mareykanka wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, isaga oo uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaa siyaasadda.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu ku mashquulsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ee gobolka Bakool

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka dhacay deegaanka Booco oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi, waxayna xaaladdu tahay mid cakiran.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Booco ayaa u dhow degmda Rabdhuure ee gobolka Baay, halkaas oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay  Al-Shabaab waddada u gashay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kolonyo ah oo ku socday degmada Waajid, sidaasna uu ku qarxay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.

Ciidanka Itoobiya ee la wareeraray ayaa lagu soo warramayaa inay ka soo gudbeen xuduudda, isla-markaana inta aysan gaarin saldhigooda waddada loo galay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda  duleedka degmada Rabdhuure, waxaase la soo weriyay in hub culus laga maqlayo aaggaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in tan iyo salaaddii subax ay maqlayeen hubka labada dhinac ay isku ridayaan.

Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.

Ciidanka DF oo la wareegay magaalo ka tirsan Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobola Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay saaka gudaha u galeen magaalada Baacadweyn ee gobolkaasi, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa si nabadoon kula wareegay magaaladan, waxayna hadda ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga iyo kuwa miino baaris ah.

Qaar kamid dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in wax dagaal ah uusan ka dhicin magaalada, isla-markaana ay carareen xubnaha Al-Shabaab ee joogay halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa isku fidiyay deegaanka Qaycad iyo dhammaanka dhulka u dhexeeya Qodod iyo magaalada Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan uga hadalay qabashada deegaanada ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidamada wada howlgalladaasi.

“Ciidanka Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo geesiyaasha difaaca shacabka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo Camaara” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dhanka kale, waxaa howlgalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo iyana khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.

Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer ‘Shaah-macabe’ ayaa codsi iyo farriin u diray madaxweynaha Soomaaliya oo weli ku sugan magaalada Dhuusomareeb oo laga hoggaamiyo howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galmudug.

Gaashaanle Shaah-macabe oo ahaa taliyaha Guutada 25 aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow Ceel-dheer, gobolka Galgaduud ee saddex toddobaad kahor dhacay.

“Ninkii waa la raadshay iyo lama raadin midna lama dhihin,” ayuu yiri Cadoow Deeq oo ay isku hooyo yihiin Taliye Shaah ma cabe. “wax hadda ninkii waa dhintay ama waa noolyahayna kama hayno,”

Dhanka kale wuxuu sheegay Cadoow in warar kala duwan ay ka maqleen xogta walaalkiis, taas oo ay ilaa iyo hadda ku jahwareersan yihiin.

“Anaga ninka duqaynuu ku dhintay maraa nala yiri, mar waxaa nala yiri waa nool yahay meeshuu ku jiraa. Warka meelaan u qaadnaan waynay, waana dareemi kartaa meesha cadow ayaa haysta,” ayuu hadakiisa raaciyay Cadoow.

Walaalka taliye Shaah-macabe ayaa sida uu noo sheegay labadii todobaad ee la soo dhaafay wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho, si uu u baadi goobo halka uu ku dambeeyo walaalkiis, balse ilaa iyo hadda wax natiijo ah ma uu san helin.

Qoraal lasoo dhigay Facebook

Shan maalin kadib markii dagaal lagu wayay Shaah-macabe ayaa qoraal lasoo dhigay bar Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe).

Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, ayaan la xiriirnay xilligaas, iyada oo sheegtay inaysan wax war ah ka heynin taliyaha.

“Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno” ayay tiri.

Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.

“Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

Dagaalkii Cawseyne oo ay ku dhinteen askar badanoo ka tirsan al Shabaab iyo dawladda Soomaaliya ayaa labada dhinacba waxay kala sheegtay tirooyin kala duwan oo dhimasho ah.

Balse waxaa jira askar ay al Shababa ku qabteen nolosha iyo kuwa aan raq iyo ruux midna lagu hayn oo uu kamid yahay Shaah-macabe.

Hooyada dhashay Shaah-macabe iyo sidoo kale xaas iyo caruur uu leeyahay ayaa kamid ah dadka ka walwalsan maqnaashihiisa.

“Hadda calool xumada nahaysay, waa dhintay haddii la dhaho xitaa waan ka samri lahyn,” ayuu yiri Cadoow wareysi siiyey BBC, isaga oo dalbanaya in dawladdu ka caawiso baadigoobka walaalkiis.

Dhanka kale wuxuu sheegay inuu la kulmay saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda, ayna u sheegeen inay u tagi doonaan madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Dhuusamareeb.

Waa kuma Shaah-macabe?

Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya-cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle.

Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ah gudoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed.

”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe.

Xog: Deni oo qarka u saaran muddo kordhin – maxaa cusub?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhow inuu helo muddo kordhin ay u sameeyaan xildhibaanada golaha wakiilada, kahor doorahsooyinka la qorhseeyey bishan Janaayo ee 2024.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay sii kordhayaan tirada xildhibaannada Puntland ee u ololaynaya in mudda kordhinta loo sameeyo hay’adaha dowladda, gaar ahaanna madaxweynaha.

Xildhibaannada ka tirsan xisbiga Kaah ee xukuumadda Saciid Deni ayaa sida la xaqiijinayo muddooyinkii danbe barlamaanka ka dhex waday ololaha mudda kordhinta dowladda.

Sidoo kale, mudanayaasha ku biiraya ololahan ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya kadib markii sida la sheegay loo sameeyay ballan-qaadyo kala duwan, oo codkooda lagu kasbanayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawaan la diyaarin doono mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah oo dowladda loo sameeyo, taasi oo xaqiijin doonta in la baajiyo doorashada madaxweyne ee Janaayo 2024.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la rumaysan yahay in uu gadaal ka taagan yahay arrintan inkastoo uu horaantii August sheegay in doorashada lagu qabanayo wakhtigeeda.

“Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni oo khudbad jeediyey xilligaas.

“Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo,” ayuu yiri . 

Tallaabadan ayaa dhalin karta in mar kale ay dib usoo laba kacleyso xiisadda siyaasadeed ee Puntland ee ka dhalatay muranka doorashooyinka, taasi oo horey u sababtay dagaallo ka dhacay caasimadda Garoowe.

Daawo: Mudullood iyo Jareer-weyne oo si wadajir war uga soo saaray kiiska Sheegow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Mudullood iyo Jareer-weyne ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay fadhi gaar ah oo looga hadlay weerarkii lagu qaaday guriga Jeneraal Sheegow oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Waxgaradka labada beelood ayaa warbaahinta la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankaas, waxayna shaaciyeen inay isku raaceen in aan la qabyaaladeyn xariga iyo weerarkii ka dhacay guriga Jeneraal Sheegow.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u hadlay beelaha Mudullood ayaa sheegay inay isku afgarteen Waxgaradkii ka socday beelaha Jareer-weyne in arrintaasi ay u dhaxeyso sarkaal iyo dowladiisa oo qabiil aysan raad ku laheyn.

“Muddulood iyo Jareer-weyne oo kulan ka yeeshay dhacdadii guriga General Sheegow ayaa isku raacay in arrinta dhacday aysan qabiil ahayn, oo ay ahayd arin dhax martay sarkaal iyo dowladdiisa” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in gurigaas uu ka dhacay dagaal sababay inay dhintaan askar ka tirsaneed dowladda iyo ciidan ku heyb ahaa Jeneraal Sheegow, isla markaana artintaas siyaabo kala duwan looga hadlay.

“Markii aan wadahadalnay waxgaradka Jareer-weyne waxaan is tusaaleynay in arrintaasi ay ku dhacday si nasiib darro ah, waxaana isla garanay in loo daayo hey’adaha garsoorka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in kulamadii labada beelood looga hadlay mooshinka la geeyey baarlamaanka, “Mooshinkaas waxaan isla garanay in loo daayo go’aanka baarlamaanka oo wax saameyn ah uusan ku yeelan labada beelood,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Ugu dambeyntii Ugaaska ayaa sheegay in gogoshaan oo la dhigay guriga Sheekh Shariif ay labada beelood ku xaqiijinayeen in meesha laga saaro warar laga faafiyey labada beelood oo dhacdadaas ku saabsan.

Jeneraal Sheegow ayaa weli u xiran dowladda, welina lama soo taagin wax maxkamad ah, maalmihii lasoo dhaafay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo u doodaya ayaa keenay mooshin, inkastoo weli baarlamaanku uusan qaadin wax tallaabo ah.

Hoos ka daawo

From chaos to clarity: Somalia’s digital ID shift

0

Mogadishu (Caasimada Online) – After thirty years of dormancy, Somalia’s digital identity system is being rejuvenated. Prime Minister Hamza Abdi Barre highlighted this transition as he presided over a pivotal two-day conference in Mogadishu, heralding the revival of civil registration and the distribution of national ID cards.

“Today signifies a monumental leap for Somalia in establishing a universally recognized and robust national ID system,” remarked a passionate Barre on Saturday.

Within this framework, President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia, while engaged in counter-operations against al-Shabab militants in Dhusamareb, became one of the first recipients of the new ID card.

His receipt underscored the national significance, with the president affirming, “This pivotal rollout promises to strengthen security and address fundamental national concerns.”

The bedrock of future services 

Somalia’s newly instituted eID systems form the cornerstone of the nation’s emerging digital services.

By empowering citizens to enjoy their civil liberties and enabling businesses to function seamlessly, the government is reaffirming its dedication to Somali equality in national undertakings.

“Our businesses, banks, and communication networks will witness an unprecedented upliftment, even as we clamp down on extremist entities,” stated Barre, emphasizing the dual economic and security benefits.

Conversely, in a poignant video message, Ahmed Moallim Fiqi, Somalia’s Minister of Interior, Federal Affairs, and Reconciliation, underscored the significance of a trustworthy national ID in combating the al-Shabab extremists.

“A National ID transcends mere plastic; it’s a gateway to indispensable services like health, education, and economic opportunities,” Fiqi passionately communicated.

A timeline to transformation 

The journey to this transformation began earlier this year. In March, the upper house gave its nod to the National Identification and Registration Authority Bill.

This legislation ensures that all Somalis can lawfully register their identities, guaranteeing access to both governmental and private sector amenities.

The Mogadishu conference witnessed a congregation of government officials, business tycoons, civil society representatives, and international collaborators.

Distinguished speakers, such as the United Nations’ Catriona Laing and the World Bank’s Kristina Svensson, conveyed optimism regarding the potential of the national ID to counter al-Shabab threats.

This renewed push for digital identity can trace its origins back to the tumultuous events of 1991.

National turmoil, marked by instability and economic chaos, culminated in the disintegration of the government and its citizen registry system.

Army and citizens team up, oust terrorists in Galgadud

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In a decisive blow against al-Shabab terrorists, Somali forces, bolstered by local heroes, reclaimed the villages of Sargo and Qodqod in Galgadud on Saturday.

The Information Ministry announced that at least 30 al-Shabab militants were neutralized during the operation.

The Somali National Army (SNA) achieved more than territorial gains. They destroyed four al-Shaaab vehicles and took possession of a stockpile of weapons. 

Reinforcing its stance, the government emphasized its determination to defend its people and act against those posing threats.

Acknowledging the support of the locals, the Defense Ministry remarked, “We appreciate the citizens who took a stand. Together, we continue to confront al-Shabab.”

Recent incidents in perspective

This development follows a series of violent episodes. A day before this action, a suicide attack by al-Shabab targeted the Galmudug state president, resulting in the deaths of two soldiers and injuries to two members of Somalia’s Federal Parliament. 

Earlier in the week, a bomb attack claimed the life of Mohamed Mohamud, a Galmudug state parliament member.

Somalia has been facing security challenges for years, with major threats stemming from al-Shabab and the Daesh/ISIS factions. 

The battle with al-Shabab has persisted since 2007, with the militant group at odds with the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which has received the endorsement of both the African Union and the United Nations Security Council. 

After securing a second term, their activities saw an uptick after Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced intensified measures against them.

Tirada dhimashada daadadka Liibiya oo gaartay 11,300

0

Derna (Caasimada Online) – Ugu yaraan 11,300 oo qof ayaa ku dhintay 10,100 kalena waa lagu la’yahay magaalo xeebeedka Derna toddobaad kadib markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay waqooyi bari Liibiya.

Sida uu sheegay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, qiyaastii 170 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay gobollada kale ee dalka in ka badan 40,000 oo qofna waa ay ku barakaceen.

Tirada ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, sida lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay, iyada oo soo xiganeysa xogtii ugu dambeysay ee hay’adda Socdaalka Adduunka.

Qaramada Midoobay ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen.

Sidoo kale waxaa weli socda dadaallada baadi-goobka iyo samata-bbixinta dadka ka badbaaday daadadka ku dhuftay dalka Liibiya.

Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.

Si kastaba, Xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ay fataheen, waxaana walaac laga muujinayaa in khasaaraha uu intaan aad uga badan yahay.

Daawo: Suuq ku yaalla Somaliland oo gubtay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay halakeeyay suuqa Wajaale oo ku taalla xuduudda Somaliland la wadaagto Itoobiya.

Dabka oo ah mid xoogan ayaa baabi’iyay mehrado oo aad u ballaaran, waxana hadda socota qiimeynta hantida ku basbeeshay suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu billowday fiidkii hore ee xalay, uuna soo gaaray illaa saaka, taas oo muujineyso baaxadda weyn ee uu lahaa dabkaasi.

Sidoo kale ciidanka dab damiska Somaliland oo gurmad sameeyay ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in damiyo dabkaasi oo gaystaan khasaare hantiyeed oo xoogleh.

Wasiirka warfaafinta Somaliland,  Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay in dabka aanu gaysan khasaare nafeed, balse uu dhaliyay burbur xoogan oo soo gaaray suuqa wayn ee magaalada Wajaale.

“Sideedii fiidnimo ayuu dab ka qarxay suuqa wayn ee Wajaale sida ay isoo sheegeen mas’uuliyiin xog ogaal ah illaa iyo hadda wax naf ah oo meeshaa ku baxday lama sheegin, laakiin suuqa waxaa soo gaaray khasaare aad u ballaaran” ayuu yiri Saleemaan koore.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Somaliland ay ku dadaashay daminta dabkaasi, isla-markaana si fiican loogu gurmaday ganacsatada ku dhaqan Wajaale.

“Dhammaan wax alle wixii awood ah oo lahayay oo dab damis ah waa la’isugu tegay, waxaana lagu guulaystay in la xakameeyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xukuumaddu weli wado baaris ku aadan khasaaraha ka dhashay dabkaasi, isla-markaana dib ka faah-faahin doonaan.

Horan sidaan oo kale waxaa u gubya suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo illaa iyo hadda aan laga soo kabab, wuxuuna saameyn ku yeeshay guud ahaan Somaliland.

Madaxweyne Xasan oo hal arrin ka codsaday shacabka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa soo duubay muuqaal cusub, isaga oo dalab culus u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha ayaa ka hadlay muhiimada uu aqoonsigan u leeyahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaaga dowliga ah iyo ganacsiga.

Waxa uu sheegay in kaarkan uu miihiimad u leeyahay qof kasta oo Soomaali ah, sidoo kale uu door weyn ka qaadanyo sugidda amniga dalka oo dhan.

“Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed wuxuu yeelanayaa lambar aqoonsi ah oo loo yaqaano, aqoonsi la’aantu dhib badan ayay nagu haysay, maantana daruufaha noogu adag waa daruufaha dhanka amniga” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu yiri “Qof kasta oo midabkeena leh afka Soomaaliga ahna ku hadla macnaheeda ma’aha inuu Soomaali yahay, midabkeena Ummado leh noo qaab eeg aan nagala aqoonin ayaa adduunyada ku nool, afkana waa la bartaa luqadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay wada qaataan aqoonsiga, isaga oo sheegay inuu yahay mid lagama maarmaan ah.

“Walaalaha Soomaaliyeedow meel kasto oo aad joogtaan lagama maarmo aqoonsiga aan yeelano aqoonsiga oo aan usoo deg-degno dhammaanteen” ayuu mar kale yiri.

Qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha ayaa waxaa maanta si rasmi ah u daah-furay raa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdii Barre, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16 September oo maanta ku beegan.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo kkhudbad ka jeediyay munaasabadda.

Dowlada oo shaacisay tirada Shabaabkii la laayey galabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dagaal ay galabta Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka Khawaarijta Al-Shabaab uga xoreeyeen deegaannada Sargo iyo Qodqod oo ka tirsan Gobolka Mudug.

“Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, iyada oo sidoo kale cadawga looga gubay afar gaari, lagana qabsaday  labo gaari iyo hub badan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ku jira hawlgalka sifeynta ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay isku dayeen in ay dagaal kala hortagaan dhanka deegaanka Qodqod ee ku yaalla duleedka magaalada Camaara, waxaana galabta halkaas ka dhacay dagaal aad u culus.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka qaranka,” ayaa lagu qoraalka dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa ka go’an Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.”

Ciidamada deegaanka oo kaashanaya kuwa dowladda oo ka baxay degmada Baxdo iyo deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod.

Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen.

Dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn.

Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Qodqod oo galabta laga xoreeyey Al-Shabaab

0

Baxdo (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qodqod oo u dhow magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa deegaankaas ku weeraray Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Dagaal culus oo maanta duhurkii soo bilowday kadib, Geesiyaasha xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara.

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribtirka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada deegaanka oo ka baxay degmada Baxdo ilaa deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod.

Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen.

Dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod.

Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn.

XOG: Sababta keentay inuu xirmo garoonka Beledweyne?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maalintii labaad oo xiriir ah uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, iyada oo ay arrintaasi saameyn ku yeelatay dadka rakaabka ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay inay hakad ku jiraan dhammaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka Baledweyne, isla-markaana aysan jirin wax diyaarad ah oo kasoo dagay ama ka duulay garoonka shalay iyo maanta.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in hadda kaliya garoonka Ugaas Khaliif ay adeegsanayaan diyaaradaha yaryar ee ay isticmaanaa  ciidanka ATMIS.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in arrintan ay timid, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf ka dhashay lacagaha canshuuraha ee kasoo xarooda garoonka Ugaas Khaliif, ayna isku qabteen madax ka wada tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafka ayaa wuxuu soo kala dhexgalay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee maamulkaas, Muuse Salaad oo isku qabtay canshuuraha garoonka.

Labada mas’uul ayaa ka soo wada jeeda gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, wuxuuna dagaalkooda sababay inay istaagto guud ahaan shaqadii garoonka.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha ee fadhigoodu yahay Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in khilaafkan uu saameeyay shaqadooda, wuxuuna baaq u diray dowladda federaalka iyo HirShabelle, isaga oo ka dalbaday inay soo farageliyaan arrintaasi.

Si kastaba, ma’ahan markii ugu horreysay oo uu garoonka diyaaradaha Baledweyne u xirmo muruno soo kala dhex-galay maamulka gobolka ama kan HirShabelle, ayada oo marar badan sidaas oo kale loo xiray garoonka oo ay ku xiran hyihiin dadweyne badan.

Hiiraan ayaa waxaa hadda ka jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo xiisaddii kala dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte, taas oo aan weli xal laga gaarin.

Daawo: Gaari siday walxaha qarxa oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho in ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa xasilinta ay gacanta ku dhigeen gaari Tayota Landcruiser, isla markaana Soomaalida u taqaano (Layla Calaawi), kaas oo lagu soo raray walxaha qarxa.

Afhayeenka ayaa xusay in gaarigan lagu qabtay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho, ayada oo sidoo kale gacanta lagu dhigay ninkii waday.

Sadiiq Doodishe ayaa xusay in gaari uu sidau jiirgaaman ay ku jiraa baaruuda loo yaqano TNT ee isticmaalo qaraxyada, isla-markaana la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka.

“16/Sep/2023, ciidamada ammaanka ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir, waxay gacanta ku soo dhigeen gaariga aad aragtaan ee gadaasheyda ka muuqda, gaarigaas oo nuuciisu yahay Tayota Landcruiser (Layla Calaawi), kaas oo ay Khawaarijtu ku soo raratay 10 Jirgaan oo ay ku jiraan baaruuda loo yaqano TNT ee qaraxyada loo isticmaalo iyo eedeysanihi waday’ ayuu yiri afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan laamaha amnigu ay wadaan baaris ku aadan gaarigaan, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ku howlanaa soo gelinta caasimada.

“Waxaa hadda ku socota baaris waxaan la horgeyn doonaa cadaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

“Howlgalladuu waa sii socon doonaan, dalkana waa laga sifeyn doonaa xilliga ugu dhow Soomaaliya waxay noqon doontaa dal ka caagan Khawaarijta” ayuu mar kale yiri.

Horay sidaan oo kale ciidamada ammaanka ayaa fashiliya baabuur ay qaraxyo kusoo rareen Al-Shabaab, kuwaas oo labada todobaad lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile.

FAL-CELIN xoogan oo ka dhalatay tallaabadii yaabka lahayd ee Axmed Madoobe

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay tallaabo yaab leh oo uu maanta qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) adib markii uu magacaabay wakiil gaar ah oo maamul goboleedkaas u qaabilsanaan doono dalka Kenya.

Xilkan cusub ayaa waxaa loogu magacaabay Sadik Abdullahi Bogale, kadib wareegto kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

“Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay”.

Si kastaba, Kenya ayaa haatan xiriir hoose oo xoogan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga horyimid arrintan, waxayna sheegeen in dalku leeyahay dowlad dhexe oo mas’uul ka ah xuduudaha dalka oo dhan iyo sidoo kale siyaasadda lagu wajahayo arrimaha dibadda.

Iftin Barre oo kamid ah dadkaas ayaa si weyn iuga digay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, wuxuuna yiri “Waxaas sharci ma’ahan ka joog Axmadow”.

Xasan Mukhtaar ayaa isna ku jawaabay “Oo Jubbaland federaal ka miyay ka madax banaan tahy? Wasaaraddii arrimaha dibadda shaqadeedii miyuu qabanayaa?”.

Maxamuud Maxamed ayaa arrintan uga falceliyay “Waxa dowlad miyaa ? mise maamul ka tirsan dowlad dhexe?”.

Nimcaan Aadan ayaa usaguna su’aal ka keenay waxa uu qabanayo ninka la magacaabay “Markaa muxuu Kenya ka dhex qabanayaa?” ayuu ku yiri falcelintiisa.

Siyaad Nuur ayaa dhankiisa taageeray tallaabadan “Tilaabada Jubbaland waan soo dhaweynayaa”ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Xamza Killeh ayaa isna yiri “Axmadow, wadanka ka daa ciyaarta safaarad iyo wasaarad ayaa shaqo ku leh arrimahaas”.

Ibraahim Xaaji ayaa sidoo kale isna tuhun ka muujiyay magacaabistan “Danaha Kenya si gaar ah ha u fuliyo miyaa?” ayuu yiri.