27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Daawo: MURSAL oo xog ka bixiyay arrintii dhex-martay Farmaajo iyo mucaaradka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrimo ku aadan wixii dhex-maray Farmaajo iyo mucaaradka.

Mursal oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa bixiyay xog ku aadan arrinta dhex-martay madaxweynihii hore ee dalka iyo mucaaradka, kahor doorashadii dhacday.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, isla-markaana haatan ah xildhibaan ayaa si weyn u dhaleeceeyay xubnaha mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay burburin rabeen dalka.

“Mucaaradka markaas howsha watay iyaga laftooda kaliya waxay arkaayeen Farmaajo oo kursiga ku fadhiya ee waxa kale ma arkeyn, laakiin sida ay rabaan haddii aan u dhaqmi lahayn waddanka waa burburi lahaa cid kastana waa ogtahay” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Sidoo kale wuxuu difaacay Farmaajo oo ay saaxibo yihiin, wuxuuna tilmaamay in isagu aanu kasoo horjeedin qabashada doorahada, basle dhibta ay ka socotay ragga kale.

“Mid kale aan ku xaqiijinaa Farmaajo m hortaagneyn doorashada ee waxaa hortaagnaa mucaaradka taas in maskaxda la geliyo waayay, marka dambana mucaaradka waxa ay rabeen inay fowdo ku dhamaanto kadib hay’adihii dowladda ay dumaan, yacni wayna ka shaqeeyeen arrintaas dhinacaas in loo fahmo waa muhiim” ayuu sii raaciyay.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in baarlamaanka uu hoggaaminayay uu qaatay go’aan ka duwan midka mucaaradka, sidaasna lagu badbaadiyay dalka.

“Annaga waxaan bad-baadineynay in hay’adaha dowladda aanay dumin baarlamaanka, baarlamaankii ayaa beddalay, madaxweynaha, madaxweynihii ayaa beddalay, ra’iisul wasaaraha, ra’iisul wasaarihii ayaa beddalay dhinacii la rabay in naloo wado waan ka diidnay” ayuu mar kale ku yiri wareysiga guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay inuu ku biirayo xisbiga Farmaajo ee Nabad iyo Nolol ayaa waxa ku jawaabay “Xisbi siyaasadeed oo la ictiraafsan yahay oo la yiraahdo axsaab siyaasadeed ayaa loo wareegay ninba waa qorshihiisa ama saaxibadey xisbiga ay dhisaan ayaa ku biirayaa ama xisbiga ay markaas ila noqoto ayaa ku biiri doonaa,”.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta qaaday tallaabo la xiriirta doorasho dadweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo muhiim ah marka laga hadlayo doorashooyinka qof iyo codka ah ee lala rabo dalka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16 Sebtembar oo maanta ku beegan.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonsiga Dadweynuhu yahay Xuquuq Dastuuri ah oo maanta dowladdu hirgelisay, ayna heleen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisa ay meel marisay shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in helitaanka kaaran uu fududeyn doono in xuquuq dhammeystiran helaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. ayuu ku yiri khudbad uu Ra’iisul Wasaare Xamsza ka jeediyay munaasabadda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hannaankani uu  ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka iyo UNDP.

Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo yaab leh oo wakiil uu ugu magacaabay Kenya

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaaday tallaabo yaab leh, kadib markii uu magacaabay wakiil gaar ah oo maamulka Jubbaland u qaabilsanaan doono dalka Kenya.

Wareegto uu soo saaray Axmed Madoobe, isla-markaana ay shaacisay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa xilkan cusub loogu magacaabay Sadik Abdullahi Bogale oo hadda kadib noqon doono wakiilka Jubbaland u jooga magaalada caasimada ah ee Nairbi.

“Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale Wakiilka Dowladda Jubaland u Jooga Dalka Kenya” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale wuxuu qoraalka intaasi kusii daray “Magacaabistan waxay dhaqan galaysaa marka uu Madaxweynuhu sixiixo wuuna sixiixay”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ayaa magacaabistaan u cuskaday dastuurka  Jubbaland, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu la tashaday ku xigeenadiisa.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-  Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland. Markuu Latashaday Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland” ayaa mar kale lagu yiri.

Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn aad u xoogan, ayada oo dadweynuhu ay su’aallo ka keeneen magacaabista uu sameeyay Axmed Madoobe, maadaama uu dalku leeyahay dowlad dhexe  oo mas’uul ka ah dalka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee caalamka.

Kenya ayaa xiriir hoose oo xoogan laleh dowlad goboleedka Jubbaland oo ay si gaar ah u taageerto, waxaana la sheegaa in xittaa ay dhismaheeda ay gacan weyn ka geysatay, ayada oo taageereyo Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale Kenya ka jooga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan milatarigeeda oo taageera Jubbaland, sidoo kalena qayb ka ah dagaalka Shabaab.

Somalia: A tug-of-war for clan militias’ loyalty

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In Somalia’s tumultuous landscape, the tug-of-war for control is palpable. With the federal government and Al-Shabab in a relentless battle for supremacy, the heart of this conflict is rooted in the allegiance of local clan militias.

August witnessed President Hassan Sheikh Mohamud introducing the ‘second phase’ of Operation Black Lion, shifting its epicenter from Mogadishu to Dhuusamareeb, Galmudug’s bustling regional hub.

The motivation? To galvanize better synchronization among security forces and to reinvigorate the allegiance of the formidable Habar Gedir clan militias of Galmudug state.

Under the banner of the first phase, the government, despite its constraints, managed to drive Al-Shabab out of numerous strongholds in central Somalia.

However, like the shadow they are, the militants retreated to Galmudug’s outskirts, dangerously close to the porous Kenyan frontier.

Historically, forging alliances with clans such as the Abgal, Habar Gedir, and Hawadle sub-clans has been a cornerstone of the government’s strategy.

Yet, internal political turmoil has impeded the momentum, particularly with the Hawadle.

The clan conundrum: Hawiye at the forefront

Recent maneuvers offer insights into the ongoing strategic chess game. The massive Hawiye clan, spread across central and southern Somalia, has become a prize.

Its divided loyalties have made it a pivotal player in the power dynamics.

In instances like the negotiations in Ceel Buur town, some factions within the Hawiye clan see Al-Shabab not as a menace but as guardians of their ancestral land and the tenets of Islamic Sharia law.

The government, buoyed by US air and intelligence support, has had a series of victories, notably in regions like Ceel Buur.

However, the ephemeral nature of these successes underscores the fragile security situation. Constant Al-Shabab threats have often forced a retreat, leading to a cyclical pattern of gains and losses.

Challenges within: A house divided

Many scrutinize the current counter-insurgency strategy. Jubaland’s President, Ahmed ‘Madobe’ Mohamed Islam, has been vocal about the pitfalls, cautioning that weapon turnovers to Al-Shabab could be imminent if there’s a falter in government operations.

Mohamed Abdi Ware, the former HirShabelle President, underlines the debilitating effects of internal schisms among top military echelons.

The government’s strategy, leaning on clan militias, is a consequence of unmet expectations from neighboring nations.

This dependence has led to sporadic Al-Shabab inroads. Territories flip their loyalties depending on the dominant force at any given time.

Moreover, Galmudug’s political atmosphere is charged. Tensions between the vice president and the state’s interior minister have added layers of complexity, casting doubts over the future trajectory of the campaign in that region. Al-Shabab, constantly vigilant, exploits these divisions.

Beyond the battlefield

Somalia’s battle against al-Shabaab is not just a military campaign; it’s a test of unity, strategy, and perseverance.

For any tangible progress, reliance on shifting clan loyalties must diminish. Drawing lessons from past experiences, it’s vital for the Somali government to bolster its security forces, especially as external military support, like ATMIS, dwindles.

The road ahead is undeniably challenging, but the stakes have never been higher. The outcome of this conflict will shape Somalia’s socio-political fabric for generations to come.

Lampedusa crisis puts European solidarity to test

Rome (Caasimada Online) – In an urgent plea for support, Italy’s Prime Minister, Giorgia Meloni, has reached out to Brussels seeking assistance as the nation grapples with an unprecedented influx of migrants on the island of Lampedusa.

Located 90 miles off Tunisia’s coast, Lampedusa has historically been a migrant gateway from North Africa.

This week, however, saw its migration-center, designed for under 400 individuals, completely overrun. An astounding 8,500 migrants reached its shores in just three days—surpassing the entire local populace.

The UN migration agency highlighted that these migrants arrived via 199 boats.

The sight of thousands outdoors, clambering over barriers, and wandering through Lampedusa town has ignited fury amongst Italy’s staunchly right-wing administration.

Government’s response

Deputy Prime Minister Matteo Salvini labeled the influx an “act of war.” Meloni appealed to the European Union for a solution, declaring Italy’s migration pressure since the year’s commencement as “unsustainable.”

Citing Africa’s challenging international situation as a contributing factor, she beckoned European Commission President Ursula von der Leyen to Lampedusa.

She requested European Council President Charles Michel to consider this pressing issue during the October EU summit.

On the ground in Lampedusa, throngs of migrants stood under the sun, anticipating transport to Sicily’s larger island, aiming for further migration processing.

EU’s migrant quandary

Ahead of next June’s European Parliament elections, mass migration emerges as a pivotal concern across EU capitals.

In France, far-right factions vehemently oppose admitting Lampedusa migrants. French President Emmanuel Macron countered, championing European unity and underscoring the entire EU’s responsibility to aid Italy.

Germany recently halted its acceptance of migrants based in Italy under a European plan meant to alleviate the stress on border countries.

The move was in response to Italy’s previous suspension of EU migrant rules, with the German government hinting at resuming acceptance once Italy recommits to its obligations

Lampedusa’s center, bursting beyond capacity for years, has faced severe shortages, from water and food to medical provisions.

The Italian Red Cross intervened in June, vowing a more humane reception.

Yet, the alarming numbers have strained resources. Omar, a young Gambian migrant, recounted the daily skirmishes during food handouts, illustrating the immense stress and struggle the migrants undergo.

Tragic losses

The Red Cross confirmed the transfer of 700 individuals off Lampedusa, with an anticipated 2,500 more expected to depart.

They’ve provided approximately 10,000 meals in a single day. But the perilous journey to Lampedusa remains fatal for many.

Over 2,000 individuals have tragically lost their lives during the North African crossing this year.

While 127,000 migrants have reached Italy this year, marking a significant increase from the previous year’s 66,000, it’s still below the staggering 181,000 in 2016.

The plight of migrants landing on Lampedusa highlights a broader dilemma facing the European Union.

As nations grapple individually and collectively with the issue, the underlying truth remains—solidarity and collaboration are paramount in navigating these complex challenges.

Sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaaday DF ee magaalada Laascaanood?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay wafdi culus oo dowladda federaalka Soomaaliya ay Khamiistii u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdigan oo isugu jiro wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin heer federaal ah iyo kuwa kale oo ka socda dhanka Puntland, ayaa noqonaya wafdigii ugu ballaarnaa oo tega gudaha magaalada Laascaanood

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxaana sidoo kale qayb ka ah, xildhibaano ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza.

Mas’uuliyintaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gambare kusoo dhaweeyay madax ka tirsan SSC-Khaatumo iyo saraakiil ciidan, kadibna waxaa la geeyay Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddo ku dagaalamaya SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana horay u tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gagaar gaarsiiyay magaaladaasi.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Cumar Indhayare: “Midnimada Laascaanood laga radinayo maxay tahay? Midinmo haddii la rabo Hargeysa ha tagaan, niman deegaankoodii booqday ayaan aragnaa.”

“Waxaan guul urajaynayaa shacab waynaha reer SSC, sidoo kale waxaa xildhibaanada fedaraalka, looga baahan yahay in ay shacab SSC xuquuqdooda siin donaan, oo baarlamaanka horgeyn doonaan kadibna xuquuqdooda maamul siin doonaan,” ayuu yiri Xuseen Macalim Aadan.

Sahal Liicaay ayaa sidoo kale yiri “Waa in si deg-deg ah loo aqoonsadaa SSC maamul-goboleed dowladda hoostaga.”

Cabdulqaadir Faarax Axmed: “Muuse gabalkii baa dhacay maanta tolow muxuu leeyahay yaa inoooga warama!.”

“Kuwaan 30-ka sanno waar wax Somaliland la yidhaahda majiro aan haynay ee nala yaabanaa caawa ma quusteen mise weli waa soo taagan yihiin,” ayuu yiri Bile oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Cali Maxamed: “SSC hambalyo waad guuleysateen haddii dowladdii dhexe idiin timid.”

Duqeyn culus oo maanta ka dhacday Ceel-lahelay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo saaka aroortii hore diyaarado dagaal ay ka gaysteen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo.

Duqeynta ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday deegaanka Ceel-lahelay iyo agagaarkiisa oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, balse ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray.

Mareykanka ayaa loo badinayaa inuu fuliyay howlgalkan, maadaama diyaaradihiisa ay dhanka hawada ka taageerayaan ciidamada huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah kasoo baxay Galmudug iyo dowladda dhexe oo ku aadan weerarkaas dhanka cirka ah ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntan lagu garaacay Ceel-la helay ayaa daba socoto dagaal culus oo shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhex-maray deegaankan, kaas oo la’isku riiqmay, isla-markaana gaystay khasaare lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada dhexe.

Sidoo kale waxaa shalay weerar is-miidaamin ah oo lagu beegsaday madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin kale uu ka dhacay deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.

Xamza oo ku dhowaaqay ballan-qaad culus oo la xiriira DAGAALKA argagixisada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada.

“Ummadda Soomaaliyeed haatan waxay go’aansadeen in ay iska dulqaadaan culeyska argagixisada Khawaarijta ah ee diidan nabadda iyo horumarka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu xalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhiggayey Filim ka hadlayey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in xilli dhow ay Soomaaliya noqon doonto meel ka caaggan argagixiso, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo cudurrada daashaday dalkeenna ee ay ka mid yihiin argagixisada, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti kaalintoodii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo mar kale taabba-qaadda.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay tahay sokeeye maal iyo maskax galiyey sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd, kaddib burburkii Qaranka gaaray.

“Dowladnimada casriga ah ee uu maanta leeyahay dalkeennu waxay abaalkeeda leeyihiin dadka reer Jabuuti,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo inay dhowaan ka dhacaan dalka Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa ka digaya inay jirto “khatar aad u sarraysa” oo la xiriirta weeraro ka iman kara argagixiso gudaha ah ama kuwo debedda ah sannadka soo socda.

Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay Khamiistii sii daysay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ee loo yaqaan Homeland Security.

Warbixintan ayaa farta ku fiiqday, waxa ay ku tilmaantay fikradaha khiyaaliga ah, tabashooyinka shakhsiga ah iyo waxa ay ugu yeedhay “fikrado dawlad-diidnimo ah oo ku salaysan isir, qowmiyado ama aragtiyo diimeed”, kuwaasoo inta badan lagu wadaago baraha internetka, kuwaasoo dhammaantood u adeegaya inay dhiirigeliyaan kooxo yaryar iyo shakhsiyaad ku sugan gudaha Maraykanka.

Warbixintan ayaa sidoo kale ka digtay in xubno sarsare oo ka tirsan ururada argagixisada ee debeddu, sida al-Qaacida iyo ISIS oo kale, inay doonayaan inay dib u soo ceshadaan sumcaddoodii, iyaga oo raadinaya inay helaan taageerayaal cusub oo qaadi kara weeraro gacan ka hadal ku dhisan.

Warbixinta ayaa ka digtay in kooxaha argagixisada ee ajnebiga ahi ay u muuqdaan inay bartilmaameedsan karaan meelaha uu u jilicsan yahay Maraykanku.

“Shakhsiyaad xidhiidh la leh ururada argagixisada ayaa waxay xiisaynayaan inay isticmaalaan marinada socdaalka, si ay u soo gaadhaan Maraykanka” ayaa warbixintan lagu sheegay.

Isha: VOA

Sheekh Shariif oo ka hadlay geerida dhalinyaradii isku dhigtay qaraxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay labadii wiil ee saakay fashiliyey, kuna geeriyootay qarax ay Shabaab doonayeen inay ku dilaan Madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano heer federaal ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in wiilashaasi ay yihiin shuhaado ka soo baxay kaalintii looga baahnaa, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in qof kasta looga baahan yahay in meeshii lagu aadiyo uu sidaas oo kale waajibkiisa uga guto.

“Labada wiil ee ku shahiiday Galmudug waxay muujiyeen sharaf iyo dadnimo, inay ogolaadaan in naftooda ay go’do si naf kale ay u badbaadiyaan, waa arrin aad u qiimo badan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sheegay in nafhurnimada ay sameeyeen wiilashaas ay muujineyso in dadka Soomaaliyeed ay soo gaareen heer ay xaqiiji karaan danahooda, isagoo caafimaad u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

“Wiilashaas ugu yaraan waxay heli kareen inay cararaan, laakiin ma cararine jilibka ayey aasteen, waxayna ka tageen sharaf, cadowgii waa u diideen inuu gaaro hadafkiisa, marka qofkii doonaya inuu wanaag sameeyo waqti ayuu heystaa, wax badan ayaa la qaban karaan ee qof kasta meesha uu ku aadan yahay haka guul keeno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad, waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen.

Madaxwyne Qoor Qoor, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Dhabancad ayaa maanta lagu qaaday diyaarad ciidan, sidoo kale askartii dhaawacyadu soo gaareen ayaa loo qaaday Muqdisho.

Deegaanka Laas-gacamey oo qaraxaasi uu ka dhacay ayaa 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn oo caawa ay ciidanku ku sii dhawaadeen, berina la qorsheynayo inay gudaha u galaan.

Daawo: Xogta gaari sahay u siday Al-Shabaab oo la qabtay

0

Nuur-Dugle ( Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari Home ah oo sahay u siday Shabaab-ka ku jira howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Gaarigaas ayaa lagu qabtay aagga deegaanka Nuur-dugle, xili uu u socday dhanka degmada Ruun-nirgood, halkaas oo ciidamada dowladda ay ku adkaatay inay Shabaab ka saaraan, maadaama ay tahay dhul howd ah.

Gaarigaan ayaa siday Daawo, cuntooyin fudud, sida Buskud, Timir, Caanomaraaci iyo agabyo kale oo sahay u noqon kara dagaalyahanada kooxda ee duurka ku jira.

Sidoo kale gaariga la qabtay waxaa la xaqiijiyey inuu sida ku dhawaad 20 jirgaan oo Shidaal ah, kuwaas oo lagu hoos qariyey alaabta kale, balse ciidanka ayaa dhulka dhigay dhamaan wixii agab saaraa gaariga.

Saraakiisha ciidankii qabtay gaariga siday agabkaan loo waday Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in gaarigu uu alaabo kale u siday dad aan ka tirsaneyn kooxda oo shacab ah, taas oo ku kaliftay inay ka reebaan agabkii ay uga shakiyeen inay Shabaab isticmaali karaan, kadibna ay sii daayaan gaarigii.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa dagaal adag iyo go’doomin ay ku hayaan dowladda iyo shacabka hubka qaatay, taas oo sababtay inay wax sahay ah waayaan Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug.

Halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud oo gaariga sahayda siday uu u socday waxaa la sheegay inay buuxaan maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ah oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalo toos ah iyo duqeymo ay dowladdu u geysatay.

Muuqaal laga soo duubay agabka uu siday gaariga la qabtay wuxuu muujinayaa in daawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada ay ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa dhiig joojinta iyo qalajiyaha, daawooyinkaas oo la rumeysan yahay in loo waday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa deegaanka Nuurdugle ku dejiyey agabkaas, kadibna waxay iska fasaxeen gaarigii siday, maadaama uu sahay kale u siday dad la xaqiijiyey inay shacab yihiin.

Hoos ka daawo

AFRICOM oo qirtay arrin ay ku lug yeesheen ciidamada DF Soomaaliya oo horseeday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay kaalmo u fidiyeen hawlgal ay ciidamada dawladda Soomaaliya ku qaadeen xubno sarsare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab toddobaadkii hore, kaasoo sababay dhimashada shan qof oo rayid ah.

Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku aanay la soconin ama ku wehelinayn ciidamada Soomaaliya markii ay hawlgalka fulinayeen, hase ahaatee ay taageero u fidinayeen, iyaga oo aan goobta hawlgalka ku sugnayn (Remotely).

“Maraykanku ma aanay fulinin wax hawlgal ah oo dhinaca cirka ah, intii uu socday ama mid lagu taageerayey hawlgalkanba. Sidoo kale ma jirin ciidamo Maraykankan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya, xilligii ay fulinayeen hawlgalka la dagaalanka argagixisada ee ka dhanka ahaa dagaalyahano sarsare oo ka tirsan ururka al-Shabab, oo ku sugnaa deegaanka Ceel-lahelay,” ayay ku tidhi fariin dhinaca emailka ah, Major Jessica Tait.

“Ciidamada Mareykanka waxay la talinayeen oo ka caawinayeen howlgalka ciidamada Soomaaliya si durugsan ama iyaga oo aan goobta ku sugnayn.”

Major Jessica Tait ayaa xaqiijisay in caruur Soomaaliyeed ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay dhacdadan.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa muujinaysa in hal qof oo dumar ah iyo saddex caruur ah lagu dilay goobta,” ayay tiri Tait.

“Ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya, waxaa Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanku ay gurmad caafimad u fidiyeen laba caruur ah oo dhaawac ah, iyada oo midkood uu badbaaday.”

Ururka al-Shabab ayaa qoraal ay soo saareen September 7-deedii ku eedeeyey in ciidamada Maraykanku ay dileen dad shacab ah. Al-Shabab ayaa ku eedaysay in ciidamada Maraykanku ay qaateen meydadkii, si ay “u qariyaan” xaqiiqada dhacdadan.

Maraykanka ayaa beeniyey eedda ay soo jeediyeen al-Shabaab.

“Eeddan ay faafiyeen al-Shabab, ee ah in ciidamada Maraykanku ay sababeen dhibaatada nasiib-darrada ah ee soo gaadhay dadka rayidka ahi, waa mid been ah,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay AFRICOM.

Tait ayaa sheegtay inaanu Maraykanku wax rasaas ah ridin, wakhti kasta oo ka mid ah, xilligii ay samaynayeen gurmadka ama daadguraynta caafimaad”.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay baadhayso dhacdadan.

“Dawladda Soomaaliya waxaa soo gaadhay wararka sheegaya in dad shicib ah ay waxyeello soo gaartay, waxaa socota baadhis lagu xaqiijinayo arrintaas,” ayuu yiri Daa’uud Aways, Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya oo la hadlay Khamiistii VOA.

“Ma xaqiijin karno illaa haatan, inta laga dhamaystirayo baadhista” ayuu sii raaciyey.

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerartay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo muddo 10 cisho ku dhow deegaankaas joogay.

In la helo xogta dagaalkaas ayaa aad u yar, maadaama aysan deegaanka ka jirin wax is gaarsiin ah, balse waxaa la xaqiijiyey dagaalka oo soo bilowday galabta Casirkii uu ahaa mid xoogan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaanka galabta la weeraray ee Ceel-lahelay.

Ma jirto cid ilaa hadda xog ka bixisay dhinaca ku gacan sareeya dagaalka oo aad u cuslaa, ciidamada dowladda ayaa u diyaarsanaa inay iska difaacaan weerar kasta oo Shabaab uga yimaada.

Cutubyo isugu jira Danab, Gor Gor iyo ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa maalmahaan ku sugnaa Ceel-lahelay, sidoo kale waxaa halkaas joogay masuuliyiin la socotay ciidanka oo metela dadka ku nool deegaanada la xoreynayo.

Dagaalka galabta ka dhacay Ceel-lahelay waxaa la sheegay inay barbar socdeen duqeymo ay adeegsanayaan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Danab oo diyaarado dagaal ay hawada ka taageeraan.

Markii laga reebo in khabarka soo yeeraya uu yahay in dagaal culus uu dhacay, ma jirto faahfaahin laga helay dowladda ama xog kale oo tilmaameysa wixii dhacay.

Dagaalkii ugu cuslaa ayaa Shabaab hadda kaga furan Galmudug, ugu yaraan seddax jiho oo kala ah Ceel-lahelay, Xinlebi iyo Laas-gacamey ayey kala joogaan ciidamada dowladda, deegaanadaan iyo kuwo kaleba waxaa kooxda laga xoreeyey toddobaadkaan dhamaaday.

Wixii ka soo kordha dagaalkaas kala soco Caasimada Online, insha allah.

CC Shakuur oo laba arrin ku sifeeyey shahiidnimada dhalinyaradii isu dhigtay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo geesinimadii ay saakay muujiyeen labo wiil oo ka mid ahaa ilaalada Madaxweynaha Galmudug, kuwaas oo ku shahiiday qarax ay isku dhigeen, si aan loogu dhibaatey Qoor Qoor, Cabdi Qaybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in wiilashaasi ay laba jeer shuhado yihiin, isagoo ku tusaaleeyey inay dileen nin Khawaarij ah, isaguna uu iyaga dilay.

“Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi labo jeer ayey shuhaddo yihiin sida uu Xadiiska Suubanaheena (SCW) sheegay ee ahaa  “Ruuxii ay khawaarijtu dilaan waa shahiid, kii iyaga dilana waa shahiid”, geesiyaasha saaka bixiyiyay wixii ugu qaalisanaa oo ahaa naftooda, nati-halaagihii khawaarij-ka ahaa waa dileen, isaganu wuu dilay iyaga,” ayuu yiri CC Shakuur.

Wuxuu sheegay in weerarkaas la fila karay, laakiin sida wiilasha ku shahiiday ay uga hortageen ay tahay xeelad cusub oo weerarrada ismiidaaminta ah looga hortagi karo, si qasaaraha loo yareeyo.

“Weerarkii ismiidaamiska ahaa ee naftii halligaha Khawaarijta ka tirsanaa uu ku bar tilmaamsaday Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaarire (Qoorqoor), Wasiir Axmad Xasan Aadan, Xildhibaan C/salaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waa mid mar kasta la filan karay, waxaase ugub ah in markii xabad kasta lagu joojin waayey gaarigii buruufta ahaa ee naftii haliggahu qaraxa ku watay ay labo geesi oo ka tirsan ciidanka qaranka si naf hurnimo leh gaari kale kaga horgeeyeen,” ayuu yiri CC Shakuur.

Jimcihii maanta dadka Soomaaliyeed waxay aad uga faaloonayeen sida Axmed iyo Maxamed ay naftooda ugu horeen masuuliyiintii ay ilaalinayeen, iyadoo aad loogu duceeyey, si gaar ah dadka isticmaala baraha bulshada ee Internetka.

Labadaan wiil oo darawal iyo gaandheri ka ahaa gaari Cabdibile ah ayaa ka hor tegay oo rasaas la dhacay kadibna isku dhigay ninkii Shabaabka ahaa ee waday gaariga lagu soo raray qaraxa oo ahaa nooca aysan xabadu karin.

Madaxweynaha Galmudug, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaraxaas, kadib markii uu ku dumay gurigii ay ku jireen ayaa loo qaaday Muqdisho.

Ciidamada ku sugnaa deegaanka Laas-gacamey ee saakay qaraxa lagu weeraray ayaa qorsheynayey in maanta ay xoreeyaan magaalada Bacaadweyn, balse qorshahaas waxaa dib u dhigay qaraxii dhacay.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa Caasimada Online u sheegay in galabta ay ka ruuqaansadeen deegaanka Laas-gacamey oo berri ay la wareegi doonaan magaalada Bacaadweyn oo caawa kaabiga ay ku hayaan.

Maxaa iska beddelay qorshaha dowladda dadib weerarkii Laas-Gacamey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii Laas-Gacamey ee saakay ayaa la sheegay in kooxda Al-Shabaab ka laheyd baajinta qorshe culus oo loo dajiyay howl-gal maanta ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadi lahaayen Bacaadweyn.

Qorshahaan ayaa la sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman, xilli la fashiliyay shirqoolkii ay Shabaab ku rabeen inay waxyeelo ku gaarsiiyaan madaxdii heer federaal iyo maamul-goboleed ee ku sugnaa Laas-Gacamey.

Ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay qaadan howlgal culus, kaasi oo lagu qabanayo Bacaadweyn oo weli ku harsan gacanta kooxda oo muddooyinkii dambe lumisay deegaano iyo degmooyin muhiim ah.

Iyada oo sidoo kale ay jiraan ciidamo dowladeed iyo kuwo deegaanka ah oo iyaguna u dhaqaaqay dhanka Camaara, halkaas oo ay weli argagixisada joogto.

Weerarkii saakay ayaa muujinaya baahida loo qabo feejignaan dheeraad ah, si gaar ahaaneed baahida loo qabo baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyo deegaanada la qabto, maadaama deegaanada laga saaray argagixisada ay u qeybsamaan qaar shacabkii ka barakaceen iyo kuwo ay shacabkii weli joogaan oo ayna kooxda raacin.

Deegaanada aanay dadka ka barakicin ayaa ciidanka dowladda Soomaaliya uga baahan baaritaan gaar ah, maadaama ay dhici karto inay magaalooyinkaas ku hareen dad weli daacad u ah oo la shaqeeya.

Isku soo wada duubo, dagaalka ka socda Galmudug ee lagula jiro Al-Shabaab ayaa wuxuu kaga duwan yahay midka deegaanada kale in madaxda ay furinta joogaan oo dhibta iyo dhaxanta la wadaagayaan ciidamka xoogga dalka iyo midka deegaanka.

Dhawaan qabashadii magaalada Ceel-garas ayaa sababtay geerida Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug iyo mid ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee Dhuusamareeb. Waxaa sida muuqata madaxda labada heer dowladeed ee kasoo jeeda Galmudug ka go’an inay dadkooda ka dulqaadan dhibaatada argagixisada.

DF oo soo saartay liiska 7 horjooge oo hal howlgal looga dilay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada 7 sarkaal oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo todobaadkaan lagu dilay howlgal ka dhacay aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka dowladda oo dhameystiran:

Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay horjoogeyaal ka tirsanaa Khawaarijta.

Hawlgalkan oo dhacay 12-kii bishaan, ayaa lagu burburiyay gaari nuuca loo yaqaanno Noha kaas oo ay saarnaayeen Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah.

Horjoogeyaasha la xaqiijiyay in  lagu dilay hawlgalkaas ayaa kala ah:-

1.  Horjooge Salaad Dheere, oo ahaa horjoogaha ugu dambeeya ee lahaa go’aanka waxa ay ugu yeeraan jabhadda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu horay u soo noqday horjooge ku xigeenka jabhadaha gobolka Galgaduud.

2. Horjooge Cabdullaahi Ciilow, waxa uu ahaa horjooge kooxeed Khawaarijta ah, waxaana ka amar qaadanayay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadda Shabeellaha Dhexe.

3. Horjooge Shucayb, waxa uu ahaa horjoogaha dabagalka Horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka ka hawlgala gobolka Shabeellaha Dhexe.

4.  Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” oo magaciisa afgarashada ahaa Cabdikariin, waxa uu ahaa Horjoogaha qaraxyada gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa uu sidoo kale  ka hawlgali jiray gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

5. Horjooge Bagaax, waxa uu ahaa horjooge Koox Khawaarij ah oo loo diyaariyay in ay weerarro ka gaystaan deegnaannada, Daaru-nimca iyo Cali-heel.

6. Horjooge Saylici, waxa uu ahaa horjooge hoosaad ka tirsan qaybta faafinta marin habaabinta Khawaarijta ee Alkata’ib waxa uuna hoostagayay Horjooge Yoonis oo ah ninka ugu sarreeya qaybta samaynta iyo faafinta farriimaha marin habaabinta ah ee Khawaarijta.

7. Horjooge Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir, waxa uu ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan gurmadka oo ay u diyaariyeen gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, ilaa 2009-kii ayuu ka soo tirsanaa Khawaarijta isaga oo ka soo hawlgalay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, iyada oo horjoogeyaasha Khawaarijta lagu bartilmaameedsanayo goob kasta.

Bilad-geesinimo ‘tan ugu sareysa’ oo la siiyay Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta wuxuu heerka ugu sarreysa ee billadgeesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi.

Axmed Fiiqane iyo Maxamed Cumar ayaa waxay maanta naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laas-Gacamey, oo ay saakay weerar ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Galmudug ayaa sidoo kale waxay si buuxda u kafaala qaaday qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, ayada oo waalidka dhalay uga mahad-naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen ayaa waxay ku tilmaamtay inuu cashar u yahay cadawga Khawaariijta Al-Shabaab ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Galmudug.

Allaha unaxariiste Axmed Fiiqane ayaa waxa uu markii uu arkay gaariga qaraxa sida ee kusoo socday dhanka aagga ay degan yihiin madaxda wuxuu gaari Cabdi Bille ah po uu darawal ka ahaa ku horgooyey una dhigay gaarigii qaraxu ku rarnaa.

Tallaabadan geesinimadda leh ayaa sababtay in gaariga uu qarxo isaga oo aan gaarin guriga masuuliyiintu joogeen, oo ahaa bartilmaameedka weerarka kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo madaxdii la bartilmaameedsaday aysan kasoo gaarin waxyeelo badan marka laga tago firirka dhismaha ay ku sugnaayeen oo burburay.

Si kastaba, Ciidamada ayaa saakay ku dadaalay inay fashiliyaan qaraxaas, oo ugu dambeyntiina ku qarxay meel aan bartilmaameedkiisa aheyn, balse aheys goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweyd.

SSC-Khaatumo oo shaaca ka qaaday arrin aysan ka yeeli doonin DF Soomaaliya

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa markii u horreysay shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan ka yeeli doonin in masiirkooda lagu xiro dadka ku nool Waqooyiga ama Hargeysa ee Somaliland.

Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo ah hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socda dhowrka billood uu yahay mid salka ku haya labo aragtiyood oo kala duwan, kuwaasi oo ah midnimo doon iyo aragti ah gooni-goosad.

Firdhiye ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya oo madax ka tirsan ay ku sugan yihiin Laascaanood inay deegaankiisa uu helo xuquuqdiisa Soomaalinimo.

“Annaga qibladdayada siyaasiga ah waa Muqdisho. Waa caasimadda qaranka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda federaalka in dadkan aysan ka qaadin xuquuqdii muwaadin oo ay ku lahaayeen qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Firdhiye.

Waxa uu intaas kusii daray “Mid ma dhici doonto in masiirka dadkan loo sadqeeyo dadka ku dhaqanka Waqooyi iyo Hargeysa.”

Mudane Firdhiye ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkiisa iyo degaankiisuba ay muddo dheer halgan ugu jireen sidii aan dalka loo kala goyn laheyn, halka taasi beddelkeed ay rabto Somaliland oo uu kala dhaxeeyo dagaal culus.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay difaacaan oo ay la wareegaan ilaalinta midnimada dalkeenna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye Firdhiye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu digniin culus u diray Somaliland oo uu sheegay inay qorsheynayaan duulaan ka dhan ah, xilli ciidanka Somaliland lagu jabiyay dagaalkii dabaqayaadii August ku dhexmaray Laascaanood.

Firdhiye ayaa sheegay in maamulkiisa u diyaarsan yahay difaaca xuduudihiisa, uuna jawaab adag ka bixin doono daan-daansi kasta oo uga imaada Somaliland.

Daawo: Qoor-Qoor oo iska soo duubay muuqaal kadib qaraxii Laas-Gacamey

0

Wisil (Caasimada Online) – Madaxtooyada Galmudug ayaa baahisay muuqaal laga duubay madaxweynaha maamulka Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor kadib qaraxii saaka lagu weeraray Laas-Gacamey, oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Muuqaalka Qoor-Qoor oo soconaya in ka badan hal daqiiqo ayaa waxa uu ku cadeeyay in weerarkaasi uusan waxba ka soo gaarin, ayna ciidamada fashiliyeen kahor bartilmaameedkii kooxda la damacsaneyd.

“Waxaa rabaa in aan la wadaago bulshada Soomaaliyeed inay waxba kama jiraan tahay in weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta soo qaadeen waxba nagu gaarin,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

“Aniga iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa goobaha hor3 ee dagaalka waa caafimaad qabnaa, Alxmadulilah waa fashilmay dhagartoodii iyo dhaqankoodii xumaa, dagaalka wuu soconaya waana laga guuleysanayaa.”

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa weerarkii saaka ku tilmaamay rafashadii u dambeysay ee kooxda Al-Shabaab, “Waxay aheyd wixii ugu dambeeyay oo xag-xagasho ah oo ay isku dayayeen ayuu ahaa waxay sameeyeen Khawaarijta.”

“Waa laga guuleysanayaa Khawaarijta, umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bushaareynaynaa in aad arki doontaan guullo waaweyn oo laga gaaray Khawaarijta. ”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii saakay iyo shirqoolada Al-Shabaab aysan sababi doonin inay dib uga laabtaan furimaha dagaalka, ayna ku sugnaan doonaan inta laga xaqiijinayo hadafka gulufka socda.

“Saddex toddobaad ka badan furimaha dagaalka ku sugneyn haddana waa ku sugnaanayna, guushana waa xaqiijineyna. Dabar-go’ii Khawaarijta waa la jooga oo cadow kasta oo wax shirqoola ama wax sameeya wuu fashilmay wuuna fashilmayaa.”

Weerarka saakay oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday Laas-Gacamey oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Xasan oo soo afmeeraya joogitaankiisa Dhuusamareeb + Sababta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa la filayaa inuu so afmeero qorshaha socdaalka uu halkaasi ku joogo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, muddo bil ka badan oo uu ku sugnaa Dhuusamareeb iyo furimaha hore ee dagaalka.

Xasan ayaa Arbacadii xarunta howl-gelinta ciidanka ee Dhuusamareeb kulan gaar ah kula yeeshay saraakiisha guutooyinka ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Madaxweynaha ayaa kulankaas ka sheegay in dagaalka socda uu yahay “halgan gobonnimo u dirir ah” oo lamid ah midkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda, loogana soo horjeeday gummeystihii shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusomareeb tegay 5-tii bishii hore ee August, ayaa muddadaas booqday deegaano kale oo kamid ah gobollada dhexe si uu u dhiiri-geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kahor inta aanu dib ugu soo laaban caasimadda Galmudug.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka hubeysan, ayaa tan iyo waqtigaas dagaallo dhowr ah la galay kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay kaga qabsadeen deegaano dhowr ah.

Isku soo wada duubo, dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si dardar leh uga socda gobollada dalka, iyada oo dhowr jiho gobollada Galgaduud iyo Mudug ka billowdeen dagaallo la doonayo in kooxda looga xoreeyo deegaanada ay ku hareen ee maamulka Galmudug ayaa madaxweynaha la filayaa inuu Muqdisho ku laabto.

Sidoo kale wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu muddooyinkii dambe madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.