27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Dhabancad oo xog ka bixiyey sida uu dhacay qaraxii Laas-Gacamey iyo khasaaraha

0

Wisil (Caasimada Online) – Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa oo saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-Gacamey ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa si weyn looga maqlay tuullada Laas-Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, ayada oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay VOA u sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka Darawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa VOA u xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, xildhiban Cabdi Qaybdiid, xildhiban Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa.

Senator Cabdi-Qaybdiid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay. Sidoo kale Xildhibaan Dhabancad ayaa dhaawac fudud uu gacanta kasoo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo kusoo dumay iyo jiingadaha guriga ay jiifeen.

Xildhibaan Dhabancad oo qaraxa kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in gaariga qaraxa ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen xalay, islamarkaana aysan jirin koox gudaha u gashay goobtii ay ku sugnaayeen balse uu ku koobna gaariga qaraxa.

“Gacan ayay wax iga gaareen, waa soo baxnay tabar kalena ma hayaan nimankaan (Al-Shabaab) baabuur qarax ah waaye, markuu qarxay guryahaas dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad.

“Gurigaas unbaa dumay ee qaraxa cid waxba masoo gaarsiin, guriga dumay dhagaxa iyo jiingadaha ayaa dadka wax gaarsiinayay. Wax kale oo noo soo galay ama lagu dagaalamay majirin guryahaasi unbaa dumay.”

Ciidamada ku sugan deegaanka Laas-Gacamey oo maalin kahor laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa isku diyaarinayey in maanta ay xoreeyaan magaalada muhiimka ah ee Bacaadweyn.

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo masuuliyiintaan la tegay deegaanka uu qaraxu ka dhacay ee Laas-Gacamey ayaa shalay galab u gudbay deegaanka Xin-labi oo isna maalin ka hor laga xoreeyey dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda furinta xigta Bacaadweyn ayaa saakay aad u kacsan, waxaana naloo sheegay in ciidanku ay saakay ku dadaaleen inay fashiliyaan qaraxaas, balse uu xoog ku soo gaaray goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweed.

Si kastaba, Weerarkaan ayaa durba waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen.

RTX axes deal over Saudi firm’s sanctioned allies

Washington (Caasimada Online) – Prominent American weapons manufacturer RTX has officially halted its multibillion-dollar venture with Scopa Defense, a Saudi weapons firm.

The decision comes in light of recent revelations suggesting that Scopa Defense sought to collaborate with sanctioned Russian and Chinese entities.

Such contentious associations further prompted Scopa Defense’s advisory board, composed primarily of retired U.S. military officers, to tender their resignations.

In 2022, RTX, previously known as Raytheon Technologies, partnered with Scopa to plan a factory establishment in Saudi Arabia.

The strategic initiative was designed to create air defense systems to safeguard Riyadh against potential aerial assaults.

Significantly, Riyadh had been previously targeted, as evidenced by the 2019 drone attack on Saudi Aramco’s oil infrastructures.

Nasr Alghrairi, the ex-CEO of Scopa, emphasized that this proposed deal, valued at $25bn, promised lucrative returns for Saudi Arabia, projecting sales nearing $17bn.

Scopa’s ties with sanctioned entities 

According to The Wall Street Journal (WSJ), Scopa’s owner, Mohamed Alajlan, established two additional enterprises – Tal Military Industries and Sepha Military Industries.

Intriguingly, he appointed executives from a US-sanctioned Russian firm and a Chinese national, previously involved in negotiations with blacklisted Chinese corporations, to oversee these two companies.

Both Saudi enterprises shared digital infrastructure with Scopa, allegedly aiming to procure classified information from RTX.

Further, Sepha, as evidenced by certain documents, had manifested interest in marketing and assembling Russian military equipment in Saudi Arabia.

Despite these findings, Alajlan rebuffed claims of his involvement with the sanctioned Russian corporations.

He also limited his affiliation with Chinese entities solely to procure raw materials. Dismissing these allegations as baseless, he stated, “We don’t work with companies with international sanctions.”

Diplomatic implications 

It’s noteworthy that the American embassy in Riyadh was privy to the discussions between Tal, Sepha, and the sanctioned Chinese and Russian firms as early as August 2022.

Consequently, they warned Scopa about potential challenges in forging future contracts with American defense companies.

A U.S. official acknowledged Washington’s apprehensions regarding Alajlan’s firms liaising with sanctioned parties.

These developments ensue as Saudi Arabia gravitates towards China and Russia while consolidating its alliance with Western nations.

Notably, Saudi Arabia has intensified its ties with China, its prime trade ally, while fortifying its bond with the U.S., primarily for security purposes.

Besides RTX, several Western corporations, including Italy’s Beretta Defense Technologies and shipbuilding magnate Fincantieri SpA, have rescinded their collaborations with Scopa.

Their collective reticence stems from Scopa’s purported affiliations with Russian and Chinese businesses.

Xasan oo saxiixay sharci muhiim ah oo kasoo gudbay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Hanti-dhawrka Qaranka.

Saxiixa sharcigan oo ay baahisay Villa Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu qaaday tallaabadan isaga oo ka duulaya xaqiijinta Soomaaliya ku shaqeysa shuruuc iyo xeerar qoran.

Sharciga cusub ee Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa la jaanqaadaya shuruucda maareynta maaliyadda guud, sharciga iibka iyo qandaraasyada qaranka iyo shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida qaranka

Madaxeynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad-celiyay guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan.

Marxaladihii uu soo maray sharcigaan

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 16-kii August ansixiyey hindise-shaciyeedka Hanti-dhawrka Qaranka, kaasi oo ay goluhu mariyeen saddex akhrin, sida uu qabo xeer hoosaadkoodu.

Sharcigan oo ay horay usoo meel-mariyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa muddo ka doodayay xubnaha baarlamaanka oo iyaguna ugu dambeyntii bartimihii August doodooda soo gaba-gabeeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow oo shaaciyay natiijada codeynta ayaa ku dhowaaqay inuu ansax yahay sharciga Hanti-dhawrka Qaranka.

Xildhibaanada markaas oggolaadey sharcigan ayaa ahaa 135 Mudane, halka ay diideen 3 Mudane, waxaana ka aamusay 4 Mudane, sida uu xilligaas sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow oo fadhigaas shir-guddoominaayey.

Si kastaba, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood, taasi oo mararka qaar buuq ka rida fadhiyada golaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Galmudug oo la qarxiyey iyo Qeybdiid oo dhaawac ah

0

Wisil (Caasimada Online) – Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayey saakay Al-Shabaab ku weerareen ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug.

Geerida ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyey, sidoo kale, sidoo kale Senator Cabdi Qeybdiid iuo askar kale ayaa ku dhaawacmay qaraxaas.

Saraakiil ciidan oo ku sugan Laas-gacamey ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay, sidoo kalena dhaawac fudud uu ka soo gaaray wajiga.

Qaraxa oo ciidanku ay isku dayeen inay fashiliyaan ayaa ku soo dhawaaday guri ay deganaayeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad, waxaana 3-daas masuul ku soo dumay gurigii ay ku jireen.

Hada waxaa naloo xaqiijiyey in Madaxwyne Qoor Qoor iyo Xildhibaan Dhabancad ay caafimaad qabaan, balse Cabdi Qeybdiid uu naqasku ku dhegay, dhaawac fududna uu soo gaaray.

Dhaawacyadii ayaa loo qaaday Wisil illaa Gaalkacyo, ma jirin wax weerar ah oo qaraxaas gaariga lagu soo raray kadib ka dhacay degaanka Laas-gacamey oo 9 KM u jira magaalada Bacaadweyn.

Ciidamada ku sugan deegaanka Laas-gacamey oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta ayaa isku diyaarinayey in maanta ay xoreeyaan magaalada muhiimka ah ee Bacaadweyn.

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo masuuliyiintaan la tegay degaanka uu qaraxu ka dhacay ee Laas-gamey ayaa shalay galab u gudbay deegaanka Xin-labi oo isna maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab.

Xaaladda furinta xigta Bacaadweyn ayaa saakay aad u kacsan, waxaana na loo sheegay in ciidanku ay saakay ku dadaaleen inay fashiliyaan qaraxaas, balse uu xoog ku soo gaaray goob xasaasi ah oo madaxdu ay ka dhaweed.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online, Insha allah.

Dowladda oo kordhisay howl-gallada ka socda Muqdisho iyo nawaaxigeeda kadib…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xasilinta caasimada iyo Booliska ayaa maalmihii lasoo dhaafay laba jibaaray dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ciidanka ayaa habeen iyo maalin sameeya howlgallo iyo roondooyin joogta ah, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab iyo falalka amni darrada ee ka dhaca gobolka Banaadir.

Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay xasilinta amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Waxaa si joogto ah Ciidanka Amaanka ka wadaan Howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyo Xasilooda Dadweynaha ku dhaqan Caasimada iyo Nawaaxigeeda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska Booliska ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan guulaha laga gaaray howlgalladan oo lagu fashiliyay weeraro, dadna lagu soo qabtay.

“Guulaha laga gaaray howlgaladaan ayaan Ummadda la wadaagi doonaa, waxaan u mahadcelinaynaa Maamulka iyo Shacabka qeybta Ka ah sugida amniga” ayuu Boolisku yiri.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Muwaadin hadii aad aragto wax lid ku ah amniga, la xariir xarunta Ciidan Booliis ee kuugu dhaw ama numberka 991 ee Gurmad”.

Howlgalladan ayaa inta ay socdeen waxaa lagu fashliyay weeraro qaraxyo oo ay ugu dambeeyay gawaaridii qaraxyada ee lagu fashiliyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale jira howlgal kale oo ka dhacay degmada Warta Nabadda oo isna lagu soo qabtay xubno Shabaab ah oo ka yimid furimaha, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.

Si kastaba, caasimada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa dilal iyo weeraro ka gaysta kooxda Al-Shabaab oo haatan lagu jabiyay inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka.

Daawo: Aamina Eelaay oo weerar culus ku qaaday mucaaradka Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeedo Koonfur Galbeed ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi gaar ahaan go’aanada kasoo baxay mucaaradka ku shiray magaalada Nairobi.

Aamina Eelaay ayaa marka hore ka falcelisay war-murtiyeedka xubnaha mucaaradka ay kasoo saareen dagaalka Al-Shabaab iyo doorashada Koonfur Galbeed, ayada oo wax laga xumaado ku tilmaamtay inay hadda ku dhawaaqaan in dib loo dhigo dagaalka Shabaab.

“Haddii ay dheheen walaaladey Shabaab lala ma dagaali karo, ayada oo madaxweyne la dooran taas waxaa waayay iyagana uma fiicna, anigana aad ayaan uga xumahay inuu eraygaas kasoo yeero” ayay tiri Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal (Aamina Eelaay).

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday siyaasiyiinta mucaaradka inay doorkooda qaataan, una soo jeesteen xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed, si looga saaro Al-Shabaab.

“Madaxweynayaal haddii ay rabaan inay waddanka ka noqdaan ama South Westa ka noqdaan ama halkan, waxaana ugu baaqayaa inay ka qayb qaataan la dagaallanka Khawaarijta” ayay mar kale tiri Xildhibaan Aamina Eelaay.

Waxaa kale oo ay intaasi raacisay “Ninka hadeer maqaayad Nairobi ku taalla shir jaraa’id ku qabtay uu leeyahay Khawaarijta waxaa ka horreeya inaan madaxweyne noqdo walaalow macaanow waxaan ku leeyahay hoos usoo yare dagoo kaalay tuutahaaga soo gasho”.

Dhanka kale, Xildhibaan Aamina Eelaay oo hadalkeeda sii wadata ayaa si weyn u difaacday madaxweyne Laftagareen, iyada oo sheegtay inuu wax badan ka qabtay Koonfur Galbeed.

“Annaga haddii aan nahay gabadhihii kasoo jeeday South-Weste waxaan madaxweynaha u bixinay Dalnuurshe. Baydhaba wuxuu ka dhigay magaallo aad iyo qurxoon, Baydhaba laamiyo ayaa laga dhisay, Baydhaba madaxtooyo caalami ah oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhahay madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay ka qurxoon tahay tan Muqdisho marka waa inaad usoo daawasho tegtaan Baydhaba” ayay mar kale tiri Aamina.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab.

Daawo A/Madoobe: Madaxweynihii sidii taliye ciidan uu furinta jooga waa in caalamka uu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dalab muhiim ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab u diray beesha caalamka.

Aadan Madoobe oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha ayaa waxa uu caalamka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya lagu garabsiiyo dagaalka Al-Shabaab, si loo gaaro hadafka laga leeyahay gulufka socda.

“Dalka Soomaaliya sida ogtihiin waxaa ka socda dagaalka argagixisada, dalka madaxweynihiisi Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu fadhiya furinta dagaalka sidii taliye ciidan, waxa socda waa dagaal argagixiso,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

“Dowladaha waaweyn ee caalamka waxay Soomaaliya uga baahanahay in gacan weyn laga geysto arrintaas, oo ay xoojiyaan taageerada ay dalkeena siiyaan si aan dalkeena uga ciribtirno Khawaariijta.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya maanta aysan waxba uga muhiimsaneyn dib usoo celinta amnigeeda iyo cirib-tirka kooxaha argagixisada, “Qaranka hadduu mar dumo dhisitaankiisa wuxuu qaadanayaa muddo aad u dheer.”

“Runtii dadaal badan ayaa nalala sameeyay laakiin weli dhameystir ayay u baahan tahay, dowladaha waaweyn waxaa ka rajeynaynaa inay sii xoojiso taageerada dagaalka Khawaarijta, oo ay kamid tahay dowladda aan maanta xafladeeda joogno iyo kuwa kale ee jooga.”

Dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa si dardar leh uga socda gobollada dalka, ayada oo saaxiibada caalamka ay inta badan Soomaaliya ku taageeraan howl-gallada dhaka cirka, kuwaasi oo lagu beegsado dagaal-yahaanada kooxda.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweyne Xasan Sheekh xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga koowaad ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Puntland oo Xasan Sheekh u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta ciidankii Eritrea

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu burburiyay ciidamadii Eritrea kusoo qaatay tababarka adag ee ku maqnaa sanadaha.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Eng. Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan wax istaraatiijiyad ah ka laheyn dagaalka socda ee Al-Shabaab ka dhanka ah, maadaama ay burburisay ciidankii Eritrea lagu soo tababaray, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidankaas ayuu sheegay in ay ku filnaayeen inay kooxda Al-Shabaab soo afjaraan, maadaama ay soo qaateen tababar aad u adag, balse taasi bedelkeeda ay fadhiid iska xareysan ka dhigtay dowladda Xasan Sheekh.

“Waad garan kartaa ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kasta iyo cimilo kaste lagu tababaray oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay dayacday ciidankeeda, isagoo tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay maalin kasta meel cidlo ah ku laynayaan ciidanka dowladda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyaga ayaa masuul ka ah istaraatiijiyad la’aanta lagu laynayo ciidanka dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasi ah aysan Puntland lasoo wadaagin xogaha Al-Shabaab, xilli dalka uu ka socdo dagaal dhanka ah.

“Puntland waxay halis ugu jirtaa Shabaab-ka ka baxsanaya howl-gallada ka socda gobollada dhexe in ay deegaanadooda kusoo dhuuntaan,” ayuu tilmaamay wasiirka oo muujiyay walaac la xiriira hanaanka dowladda ku waddo dagaalka iyo xog isdhaafsi la’aanta laamaha amniga.

Waxa uuna sheegay in ka maamul ahaan ka warqabaan in saraakiil baxsaday oo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, kuwaasi oo ka firxaday gulufka culus ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Arrintaan ayaa imaneysa, xilli dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab loo qorsheeyey waqti kooban, si Koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka.

Daawo Sanbaloolshe: Dagaalka bari kasoo xawila oo galbeed u xawila, Murusade-na…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa ku booriyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka in meelna looga harin kooxda Al-Shabaab.

“Shabaab hadduu qolo cadow ku yahay horta waa idinka, markaa waxaan rabnaa geedkasta oo Shabaab galo in aan ka daba galno oo ka bixino, cidkasta oo dileysana aan la dilno,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii loo midoobi waayo dagaalka Al-Shabaab uu culeyska gulufka socda uu qolo gaar ah ku kaliyeysanayo, “Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Xoogga waa in dadka Soomaaliyeed dagaalka u mideeyaan.”

“Dhinacaan Abgaal ayaa jira horteena Murusade, dhinacaasna Habargidir ayaa jirta, Abgaal-na dildiloonkii wuu iska joojiyi xawli uu markaan ku socdaa ee Habargidir gaadgaadka ha iska dhaafto, Murusade-na waa curadkii Hawiye dadka waa inuu waranka ku horqaado,” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii aan deegaanadaan xor noqon anagana xor ma ahaan karno oo hal habeen nabad kuma seexan karno. Waxaa rabnaa in geedkii uu galaba aan Shabaab uga daba-galno cidkasta oo dileysana aan la dilno.”

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Shabaab dhibaato badan ku hayeen bulshada Soomaaliyeed, ayna tahay in la iska xoreeyo, lana iska dulqaado adoonsiga kooxda oo laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

“Adduunka waxaa lagu dagaalama xoriyadda, horta qof isagoo xor ah adoon noqda miyaa idinku jira? MAYA!. Waxa Shabaab meesha ku haysay sow adoonsi ma aheyn, nimankaas yeysan idinku soo noqon oo kaligeen ma xoreysnaan kartaan ee meel kasta oo Soomaaliya gumeysi ku jirta in aad xoreysaan ayaa la idinka rabaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka socda uusan aheyn qandaraas koox gaar ah leedahay, balse uu yahay mid dalka looga xoreynayo cadowga hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed, ee gumaadka ku haya.

Saameynta duqeymaha cirka ee dagaalka Al-Shabaab iyo ‘kaalintooda howlgalka’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqeymaha dhanka cirka ee inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka ayaa kaalin mug leh ka qaata howl-galka socda.

Duqeymaha dhinaca cirka ayaa 15 sano ee lasoo dhaafay waxay Mareykanka la beegsanayeen hoggaanka iyo xubnaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab. Xubnihii ugu caansanaa ee duqeymahaas lagu dilay waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale waxaa lagu dilay duqeymahaasi Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa taliye sare oo Al-Shabaab ah, tan iyo waagaasi waxaa dhacayay weeraro hadba xubno ka tirsan kooxda lala beegsanaayay.

Sidoo kale duqeymahani waxay hadda gacan ka geysanayaa dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Galgaduud iyo HirShabeelle.

Haddaba, muhiimad intee le’eg ayay kaalmada dhinaca weerarada cirka ah ee dowladda federaalka hesho u leedahay dagaalka Al-Shabaab?

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo la hadlay VOA ayaa sheegay in taageerada saaxiibada caalamiga ah ee dhanka hawada ay saameyn ballaaran ku leeyihiin dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah.

Cabdullaahi oo hadda ah La-taliyaha sare madaxweynaha ee arrimaha la-dagaalanka iyo ka hortaga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda ay ka cabsadaan weerarada dhanka cirka ah, ayna awood u laheyn inay iska caabiyaan weerarada dhanka cirka ah oo iyagu qeyb ka ah howl-gallada ay wadaan ciidamada huwanta.

“Taageerada saaxiibada Soomaaliya ee dhanka hawada waxay ku leeyihiin saameyn aad ballaaran, marka aad fiiriiso kooxaha argagixisada dagaalada ay galaan waa noocyada ay ugu neceb yihiin dagaalka hawada,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Marka aad fiiriso taariikhda waxaan xogagaal u nahay madax soo martay hoggaanka sare ee kooxda waxaa lagu bartilmaameedsaday duqeymo cirka ah oo iska kaashadeen saaxiibada Soomaaliya iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxda cabsi badan ka qabto inay wajahaan duqeymaha cirka, ayna tahay halka ay weli ka jilicsan yihiin howl-gallada cirka ah oo aysan u babac dhigi karin.

“Baqdin aad u fara badan ayay ka qabaan, waxay ugu neceb yihiin ayna kari karina inay iska caabiyaan kaalmada cirka ah ee Soomaaliya ka hesho saaxiibada caalamka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka oo soo xirtay dacwad loo haysto 4 ma’suul

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah usoo gabagabeysay dhageysiga dacwad masuq-maasuq oo loo haystay afar sarkaal ooka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afarta mas’uul oo ay dhageysigeedu maxkamadda ka yeelatay sideed fadhi ayaa kala ah  1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) oo fadhigii maanta soo xiray ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan maxkamaddu soo saari doonto xukunka kama dambeysta ah, isla-markaana si toos ah loogala socon hoolka maxkamadda.

“Garmaqalkan oo ahaa kii sideedaad ee ay maxkamadda u fariisato inta uu socday kiiskan, halkaas ayay maxkamadda kusoo gabagabeyneysaam sidaas darteed galkan maxkamaddu go’aan ayay u dirtay, dhawaan ayuuna soo bixi doonaan” ayuu yiri Guddoomiye Dabaan.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhinacyada waa lasoo wargeli doonaa maalinta lagu dhawaaqaayo hoolkan ayaana si Public ah ayay maxkamadda uga dhawaaqi doontaa”.

Dacwaddan oo si aad loola socdo waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka oo raggan kusoo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.

Sawirro: Laftagareen oo ka hadlay arrintii lagu eedeeyay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudaen Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay safiirka dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa wadahadallo ku yeeshay qarsiga madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iska xog wareystay arrimo muhiim ah.

Sida ay shaaciyay madaxtooyada Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa daniire Mike Nithavrianakis kala hadlay arrintii lagu eedeeyay ee ku aadaneyd inuu ka gaabiyay dagaalka Shabaab, taas oo ay dhowaan sidaas shaaciyeen xubnaha mucaaradka ku ah.

Laftagareen ayaa dowladda UK waydiistay taageero ku aadan dagaalka Al-Shabaab, maadaama maamulkiisa uu isku diyaarinayo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay Amniga guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed, Taageerida dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayaa lagu qoraalka K/Galbeed.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda ku soo qaaday wax ka qabashada abaaraha iyo sidii loo dardar-gelin lahaa mashaariicda ay UK ka waddo deeganada Koonfur Galbeed.

Baydhaba ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin barakacayaasha ugu badan ee kasoo hayaamay deegaanadooda, waxaa magaalada ku yaal xeryo ay dagan yihiin qoysas badan.

Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada Soomaaliya, taas oo isugu jirto taageerada ciidanka iyo mashaariicyo kala duwan oo lagu taageero shacabka.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib markii Nairobi lagu soo xiray shir ay yeesheen mucaaradka Koonfur Galbeed oo si weyn loogu dhalilay Laftagareen, iayaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay arrinta doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ciidanka KENYA oo gudaha u galay saldhig Al-Shabaab ay lahaayeen kadibna dilay…

0

Gaarirsa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca ee dalkaas ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi, halkaas oo ay u isticmaali jireen sameynta qaraxyada ay ku aasaan waddooyinka isku xira gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu ee dalkaasi Kenya.

Laamaha amniga Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hwolgalkaas lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada weerarka qaaday ee gudaha u galay saldhiggaas ayaa soo furtay agab qaraxyada laga sameeyo, daawooyin iyo qalab kale, sida ay sheegeen saraakiishu.

Ilo wareeyada ayaa intaasi ku sii daray in la tuhunsan yahay in goobtan ay eheyd xarunta kaydka saadka Shabaabka ka dagaalama gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliska ciidanka ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay la soo wadaageen xogtaas, sidoo kalena ay kala shaqeeyeen howlgalka lagu qaabay goobta.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo u badan qaraxyo khasaare u gaysta ciidanka dalkaas iyo shacabka.

Si kastaba, Kenyaayaa  qayb ka ah dagaalka ka socda Soomaaliya, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo caawiya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xukuno adag oo lagu ridday saaxibo basaasiin u ahaa Al-Shabaab – Sidee lagu qabtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday laba wiil dhalinyaro ah oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maxkamadeyntooda soo socotay muddo fog.

Labada eedeysaney ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed Qoslaaye, waxayna ahaayeen saaxibo, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Baariyow ayay maxkamaddu sheegtay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 10 sanno ah, uuna ku biiray 2012-kii, kadibna uu sii tashkiiliyay saaxibkiis Qoslaaye oo isna Al-Shabaab kamid noqday sanadkii 2020-kii, waxana kadib iskala howlgaleen magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labadooda ay ahaayeen saaxibo isku bartay istcimaalka maandooriyah loo yaqaan Xashiishka oo ay wada isticmaalayeen.

Sidoo kale maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Xasan iyo Aadan Maxamed ay ahaayeen jawaasiis soo hubiyo howlaha la fulinayo ee dilalka iyo weerarada ka dhaca magaalada caasimada ah ee Muqdisho ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha.

Maxkamadda Ciidamadada oo labadaan nin kiiskooda u fariistay ayaa waxay ku kala xukuntay xukunno kal duwaan, Axmed Xasan Baariyow ayaa maxkamada ku ridday 15 sano xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed  ay ku xukuntay 5 sano oo xabsi Ciidan ah.

Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada ayaa kordhisay xukunada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama dalka uu ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda, isla-markaana ay gacanta soo galeen xubno badan, halka kuwa kalena ay isa soo dhiibeen.

Mareykanka oo $3 milyan ku raadinaya C/Qaadir Cikrama

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa saddex milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sidoo kale loo yaqaano (Cikrama).

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Cabdiqaadir Cikrama uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka ee kooxda.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir.  Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Haddii aad hayso xog ku saabsan ninkan, noogu soo gudbi mid ka mid ah nambarada hoose ku qoran adigo isticmaalaya Signalka, Telegramka, WhatsAppka, ama khadka Tor. Waxaad ku guuleysan kartaa abaalmarin”.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in ninkan uu qorsheeyay weeraro dhowr ah, sidoo kalena uu qoray dhalinyaro Kenyaan oo ku biiray kooxda Al-Shabaab.

“Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Waxaa sidoo kale Mareykanka  uu xayiraad saaray hantida ninkan, wuxuuna sidoo kale ka digay in lala macaamilo, maadaama loo aqoonsaday argagixiye caalami ah.

“Dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cabdikadir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdikadir la sameeyaan, Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah al-Shabaab loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo” ayaa lagu yiri.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago malaayiin ah u dul dhigay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, kaasoo mar kale madaxiisa la dul-dhigay abaalmarin lacageed oo dhan illaa $10 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dowladda oo gaaray Laascaanood + Sawirro

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa maanta gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo isugu jiro wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dhanka Puntland.

Wafdigan oo ah kii ugu ballaarnaa oo tega gudaha Laascaanood ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde, waxaana sidoo kale qayb ka ah, xildhibaano ay kamid yihiin Bashiir Ameeriko iyo wasiir hore Xamza Saciid Xamza.

Mas’uuliyintaan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Gambare kusoo dhaweeyay madax ka tirsan SSC-Khaatumo iyo saraakiil ciidan, kadibna waxaa la geeyay Laascaanood.

“Waxaa sharaf innoo ah inaan Laascaanood kusoo dhaweyno ee xarunta gobolka, caasimadda SSC-Khaamtumo wafdi ballaaran oo kasoo kacay caasimada waddanka ee Muqdisho” ayuu yiri mid kamid mas’uuliyiinta deegaanka ee maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale mas’uulka u hadlay SSC ayaa shaaca ka qaaday in xubnahan ay u tageen Laascaanood inay garab istaagaan shacab iyo hoggaanka maamulkaasi.

“Wafdiga wuxuu usoo kicitimay in reer Laascaanood iyo reer SSC inay kala qayb-galaan guulihii waa waynaa ee ay ka gaareen halganka” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa wasiirkii hore ee ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid oo u hadlay wafdiga ayaa sheegay inay qiimeyn doonaan xaaladda, ayna taageersan yihiin SSC.

“Ujeedka waa taageerida midnimada reer Khaamtumo, runtii waan u hambalyeyneynaa” ayuu isna yiri wasiirkii hore ee ciyaaraha Soomaaliya, Xamza Saciid Xamza.

Laascaanood ayaa waxaa muddo ku dagaalamaya SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana horay u tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gagaar gaarsiiyay magaaladaasi.

Xeer-ilaaliyaha oo maxkamad u gudbiyey 6 mas’uul oo hal xafiis xatooyo ka sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay 6-sargaal oo ka tirsan waaxda Canshuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Saraakiishaan ayaa ku eedeysan kiisas musuq-maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne, sameynta Documents been Abuur, qaadasho laaluush iyo ku takri-fal awoodda xafiisyo dowladeed, sida ku cad warqadda magacyadooda loogu gudbiyey maxkamadda.

Dhammaan eedeysanayaashaas waxay ka howlgelayeen xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wartanabadda, waxayna kala yihiin:

1 – Cabdi Maxamed Diirshe oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Xamarjajab, horayna u soo ahaa madixii xafiiskaas ee degmada Wartanabadda.

2 – Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim maamulihii xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

3 – Cabdulqaadir Maxamed Cali, Qasnajigii canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

4 – Maxamed Ibraahim Xuseen, Kaaliyihii xafiiska qasnajiga canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

5 – Xasan Maxamed Cali, oo ahaa Hubiye xafiiska canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

6 – Xidigle Isaaq Xasan Macalin, oo ahaa Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha berriga ee ciidanka booliska u joogay degmada Wartanabadda.

Ugu dambeyntii xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu gacanta ku hayo baaritaanka dacwado kale oo musuq maasuq la xiriira.

“Markii ay soo dhamaadaan baaritaanada socda, waxaan u gudbi doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

 

Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor Qoor oo Galmudug ka wada qorshe muhiim ah

0

Wisil (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa saacadihii lasoo dhaafay isku maray inta badan furimaha dagaalka ee gobolka Mudug iyo Galgaduud.

Safar ay kaga baxeen Dhuusamareeb ayey masuuliyiintaasi isaga gudbeen degmada Baxdo, deegaanka Xin-labi oo maalin ka hor laga xoreeyey Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Qoor Qoor iyo Mahad Salaad ayaa xalay ku hoyday furinta xigta degmada Wasil oo saldhig u ah ciidamada xoreynaya Bacaadweyn iyo deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Labadaan masuul ayaa fursad u helay inay la kulmaan oo habeen la hoydaan shacabka deegaanka Xil-labi oo Shabaab intii ay jireen ay u talinayeen, deegaankaas ayaa dhulkii la xoreeyey uga duwnaa in shacabkii ku noolaa uusan hal qof ka raacin Al-Shabaab.

Dadka reer Xin-labi oo soo saara Cusbada ayaa markii ay Shabaab isaga carareen deegaankaas waxay isku diyaariyeen inay soo dhaweeyaan ciidamada dowladda, taas oo ka yaabisay ciidamadii arki jiray inay tagaan deegaano cidlo ah oo shacabkii ku noolaa ay Shabaab ka daba-carareen.

Deegaannada Dhag-haye iyo Laas-gacaney oo hoos taga degmada Wisil ayey gaareen Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo safar ku maraya furinta, labadaas deegaan oo aad ugu dhow Bacaadweyn ayaa gacanta dowladda soo galay labadii maalmood ee u dambeysay.

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo wasiirka gaashaandhigga uu wehliyo ayaa horay seddax habeen u joogay deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceelgaras oo bari ka xoga Dhuusamareeb, halkaas oo laga saaray Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa weli ku sugan Ceel-lahelay oo ka mid ah furimaha ugu khatarta badan oo Shabaab ay ka dhowyihiin, halkaas wuxuu Wasiir Jaamac ku hoyday habeenkii 5-aad.

In madaxdu tagto furimaha dagaalka ayaa wax weyn uga dhigan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, waxaana muuqata in masuuliyiinta muhiimka u ah dagaalka Al-Shabaab aysan waayahaan u shaqa tegin xafiisyadoodii, taas oo soo dedeji karta in laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug oo mudo bil ah duurka ku jira ayaa isku maray furimaha aagga Waxbo, gaar ahaan degaanka Burujeed ee koonfurta Galgaduud ilaa degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug, tani waxay muujineysaa in loo soo wada jeestay dagaalka Khawaarijta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu helay masuuliyiin ku garab taagan dagaalka uu hoggaamintiisa kaga soo guuray Madaxtooyadii Qaranka.

Kenya oo duqeyn ku dishay shacab ku sugnaa GEDO

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay duqeyn xoogan ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Ceel Cadde ee gobolkaasi.

Korneel Aadan Rufle oo kamid ah dadka deegaanka, isla-markaana in muddo ah ka qaylo dhaaminayay dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay duqeymahaasi.

Waxa uu tilmaamay in la beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa aagga Ceel Cadde, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho, dhaawac iyo burburba leh.

Sidoo kale Aadan Rufle ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan wiil iyo gabar isla dhashay oo kala ahaa sideed sano jir iyo lix sano jir.

“Degmada Ceel Cadde bartamaha gobolka Gedo raxan diyaaradaha Kenya ah ayaa waxa ay ka sameeyeen gumaad naf iyo maalba leh meeshaa waxaa ku dhintay laba canug oo saqiir ah, Aamino Cabdirisaaq Xuseen & Maxamed Cabdirisaaq Xuseen oo isla dhashay” ayuu yiri.

Korneelka oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in dhaawac uu soo gaaray illaa 10 qof, sidoo kalena diyaaradaha ay burburiyeen xarumhihii muhiimka ahaa ee magaaladaasi.

“Waxa dhaawacmay dad ku dhowaad 10 qof ah, waxaa burburay xarumihii muhiimka ahaa ee degmada, sida ceelsha, korontada, bakhaarada raashinka iyo masaajida” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu baaq dheer u diray dowladda federaalka iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka gobolka Gedo.

Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas ooay  ka dambeysayAl-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen magaaladaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Sacuudiga iyo K/A

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa goobjoog ahaa kulankan, waxaana lagu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino lasoo bandhigay.

Golaha ayaa sidoo kale shirkooda maanta ku meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay dowladda Soomaaliya la soo gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Intaasi kadib waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa loo soo bandhigay warbixin kale oo la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sudoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay qayb ka noqdaan halka socda, isaga oo haweenka iyo dhalinyarada ku boggdaaiyay sida ay uga soo muuqdaan abaabulka socda.

Ganacsatada ayuu sidoo kale ka dalbaday inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay taageeraan gulufka uu hoggaaminayo madaxweynaha, si looga adkaado Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay illaa iyo hadda guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.