27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Tirada dhimashada daadadka Liibiya oo dhaaftay 6,000

0

Tripoli (Caasimada Online) – Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta Liibiya.

Hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo qof.

Hay’adda IOM ayaa intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi.

Laba biyo xidheen oo u dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda.

Illaa haatan xog sugan lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto.

DF oo soo saartay bayaan 30 qodob ka kooban iyo ‘waxyaabaha looga hadlay’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 30 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Warbixinta toddobaadlaha ee DF ayaa waxaa lagu soo qaatay howl-galladii u dambeeyay ee ka dhanka Al-Shabaab iyo safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee furimaha dagaalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, iyagoo isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.”

Hoos ka aqriso;

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 13 September, 2023
.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu laabtey Dhuusamareeb kadib markii uu booqdey degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kula kulmey hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo bulshada si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo Khawaarijta Al Shabaab.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaankaas, iyagoo isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku tageen dalka Qatar, kulamana la soo yeeshay dhigiisa Ra’isulwasaaraha Qatar iyo qaar ka mid ah mas,uuliyiinta dalkaasi.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Khawaariijta.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulan miro dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar, kula kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu halkaas tababar uga soconayo.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay ee dalka looga sifeynayo cadowga Khawaarijta ah.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray mashaariicda horumarinta tallaalka caabuqa COVID-19.

9- Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan shir guddoomiyay shir ay labada dal ku kala saxiixdeen heshiis iskaashiga ganacsiga labada dal.

10- Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo lagu ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethiopia iyo Turkiga.

11- Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciiidanka Xoogga Dalka ay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ku dileen dagaalka ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa kormeer ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada hoose isla markaana dalacsiin u ballanqaadey ciidamadii fashiliyay weerarkii Khawaarijta Al Shabab.

13- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo bogaadiyay jabkii Khawaarijta loogu geystay Aw-Dheegle.

14- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo dalka Qatar kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha kula yeeshay dalka Qatar Mudane Ali Bin Ahmed.

15- Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdinuur Daahir Fiidow ayaa Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Turk-Som tababar ugu soo xiray Ururka 12-aad ee ciidanka Gorgor ee kuwaas oo ku biiri doona guutada 18-aad ee ciidanka.

16- Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay magaalada Ceel-garas ee gobalka Galguduud.

17- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Sirdoonka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeer ku tagay magaalada Ceel Garas oo dhowaan laga xoreeyay Al Shabab.

18- Ciidamada Xoogga oo Khawaarijta ka xoreeyay Deegaanka Ceel-Lahelay iyo tuulooyin kale.

19- Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeriyooday qarax Khawaarijta ay ku qariyeen guri ku yaalla degaanka Ceel Lahelay.

20- Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tagay degaano hoostaga Aadan Yabaal iyo Ruunirgood si uu u dhiiragaliyo Ciidanka Qalabka Sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al Shabab.

21- Ciidanka amaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay dhagar qabe Khawaarijta ka tirsan oo magaciisa la yiraahdo Cumar Maxamed Ismaaciil oo damacsanaa in si dhuumaalaysi ah uu uga baxo garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

22- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug howlgal ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab.

23- Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray baraha koontarol ee laga sugo amniga caasimadda

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa booqday taliska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin Degmada Xarar Dheere.

25- Wasiirka Hawlaha guud XFS Mudane Ismaaciil Sh Bashiir ayaa sheegay in dowladdu diyaarisay qorshaha dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sida waddoyinka deeeganada laga xoreeyay khawaarijta.

26- Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Sooomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheeegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ay ka fuliyeen Galmudug in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al- Shabaab.

27- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi,oo xarunta Saadka iyo Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka gaarsiiyay deeq raashiin lagu taageerayo ciidanka qaranka ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

28- Ciidanka amaanka magaaalada Bardaale ee gobolka Bay oo dilay horjooge Cabdi Salaad oo hoggaaminayay koox Khawaarij ah oo soo qaaday weerar gaadma ah.

29- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug.

30- Ciidanka Xoogga Dalka oo toddobaadkan guulo isdabajoog ah ka soo hoyay dagaalka lagu ciribtirayo Al Shabab ee ka socda Galmudug.

Bayaan xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii mucaaradka Jubaland ee Addis-Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday siyaasiyiinta u sharaxan xilka Madaxweynaha Jubbaland, kuwaas oo soo saaray bayaan ka kooban 16 qodob oo ay uga hadleen guud ahaan xaaladda dalka iyo doorashooyinka Jubbaland.

Musharaxiintaan oo aad u gorfeeyey arrimaha Jubbaland ka socda iyo doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah oo Axmed Madoobe ay ku eedeeyeen in doorasho uusan qabaneyn ayaa waxay ku dhaheen bayaankooda, “Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.”

Doorashada, tabashada siyaasadeed ee maamulka Axmed MAdoobe ay ka qabaan, Dagaalka Al-Shabaab, cambaareyn ay u jeediyeen Axmed Madoobe, codsi ay u direen shacabka iyo dowladda federaalka iyo mahadcelin ay u jeediyeen beesha caalamka ayuu ka kooban yahay bayaankaan oo dheer.

Hoos ka akhriso:

Shir wadatashi ah oo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Jubaland(GMMMJ) uga socday Magaalada Addis Ababa labadii todobaad ee u danbeysay ayaa maanta oo taarikhdu tahay 13 Sabtember 2023 ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.

Labadii todobaad ee shirku socday waxay xubnaha Goluhu diirada ku saareen arrimaha amniga(ladagaalanka Argagaxisada), xaalada noololeed ee bulshada iyo Siyaasada (doorashooyinka) ee DGJ kadib markii uu dhamaaday mudo xileedkii Maamulkii hore ee Jubaland, waxaana gabagabadii shirka kasoo baxay qodoban hoos ku xusan:-

  1. a) Amniga-Ladagaalanka Argagaxisada
  2. Goluhu wuxuu bogaadinyaa islamarkana amanayaa gulufka uu hogaaminyo madaxweynaha qaranka, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Mudane Dr Hassan Sh Mohamoud ee dalka lagaga xoreynayo khawaarijta waana mid muujinaysa sida ay Madaxweynaha iyo xukuumada uga go’antahay ladagaalanka Khawaarijta.
  3. Sidoo kale waxaan boogaadinaynaa guulaha isdaba jooga ah ee cidamada geesiyada ka soo hoyiyeyeen dagaalka ay khawaarijta kaga xoreynayaan dalka kuna sugayaan amniga shacabka Somaaliyeed.
  4. Goluhu wuxuu u arkaa nasiib daro iyo wax laga xumaado in Madaxweynihii hore ee Jubaland oo hada si sharci daro ku haysta magalada Kismayo uu si cad uga caga jiidayo ladagaalanka Kharaarijta tan iyo intii uu xukunka qabtay tanina waa mid dadka re-jubaland ku abuurtay shaki wayn oo ku aadan waxa uu aaminsanyahay. Sidaas darteed, golaha oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada re-jubaland wuxuu bilaabi doonaan wacyi galin bulsho iyo abaabul ciidan oo ku aadan ladagaalanka Argagaxisda iyo xoreynta deegaanada wali argagaxisada gacantooda ku jirta.
  5. b) Arrimaha Doorashada Jubaland
  6. Goluhu wuxuu mar kale xasuusinayaa dadka re-Jubaland, dowlada dhexe iyo beesha caalamka in muddo xileedkii Hay’adihii Dastuuriga ahaa ee DGJ uu ku ekaa 22-08-2023, sidaas darteedna uu jiro firaaq maamul oo dalbaya in si degdega loo buuxiyo taas oo haddii aysan dhicin horseedi doonta degannasho la’aan siyaasadeed iyo mid amni daro oo aan ku ekaan doonin jubaland balse saameyn weyn oo amni ku yeelan doonta Soomaaliya guud ahaan iyo dalalka dariska ah.
  7. Madaama oo uu dhamadey mudo xileedkii maamulkii hore islamarkaana laga baaqsaday in la qabto doorasho waafaqsan dastuurka Jubaland, Goluhu wuxuu mudo bil gudaheed ah ku qaban doonaa dalka guddahiisa shirweyne wadatashi siyaasadeed oo ku aadan sidii ay ku qabsoomi lahayd doorasho hufan oo loo dhanayahay.
  8. Walaaca iyo hubaal la’aanta haraysay arrimaha doorashada Jubaland waxay abuurtay Khalkhal amni daro oo fursad wayn u siisay AS in ay ku baahdo deegaamo cusub tanina waa xalad khasbaysa in Golaha oo kaashanaya dadka re-jubaland uu hogaamiyo xiliga kala guurka, si looga baaqsado firaaq maamul iyo mid amni.
  9. Goluhu wuxuu aaminsanyahay in si xal waara loogu helo arrimaha amniga ay lagama maarmaan tahay in la helo siyaasad loo dhanyahay (inclusive politics) oo bulshada jubaland ku hagta ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta bulshada, taasna waxay muhiim ka dhigaysaa in la qabto doorasho hufan oo loo dhanyahay oo waafaqsan tastuurka jubaland, mar kasta oo taasi dib u dhacdana waxay saameyn taban ku yeelanaysaa amniga gudaha iyo tan dariskaba.
  10. c) Cambaareyn
  11. Golaha wuxuu sida ugu adag u cambaraynayaa falalka argagaxisinimo iyo caburinta qaawan ee maamulkii hore sida joogtada ah ugu hayo dadka siyaasad ahaan ka rayi duwan oo ugu danbeeyey afduubkii iyo masaafurintii lagula kacay xubin hore oo ka tirsanayd golaha Wasiirada Jubaland.
  12. Sidoo kale wuxuu Golahu canbaaraynayaa falalka caburinta, barakicinta, baada, cagajuglaynta, xirida, xanibaada, masafurinta, musuqmaasuqa, nolol xumada iyo shaqo la’aan baahsan ee Maamulkii hore ku hayo dadka re-kismayo taas oo ugu danbayn sababtay in ay ka qaxaan magaalada Kismayo tacadiyadaas oo dowlada kenya iyo hay’ada UNHCR ku khasabtay in dib u furaan xerada Ifo two si loogu diwaan galiyo dadka kasoo xaqaya magaalada Kismayo.
  13. d) Baaq iyo Codsi
  14. Waxan dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar haan kuwo jubaland ugu baaqaynaa in ay si aan kala har lahayn u garab istagaan hiil iyo hooba cidamada kala duwan ee dagaalka kula jira kawaariijta taas oo ah fursada kali ah ee dadka soomaaliyeed manta hastaan si ay isaga xoreeyaan khawaarijta.
  15. Golaha iyo dadka re-jubalandba waxay mar kale cadaynayaan in madaxweynihii hore oo wali si sharci daro ah ku haysta magaalda Kismayo uusan matalin dadka re-jubaland, sidaas darteed aan marna loola macaamilin inuu yahay Madaxweynaha Jubaland.
  16. Goluhu wuxuu madaxweynaha JFS mudane Dr Hassan Sheikh ka codsanayaa in uu taageero himilada dadka re-jubaland oo ah in la qabto sida ugu dhakhsaha badan doorasho hufan oo loo dhanyahay si ay fursad ugu helaan in ay doortaan hogaankooda siyaasada.
  17. Waxan ugu baaqayna madaxweynihii hore inuu ka waantoobo xaraashka sharci darada ee joogtaada ah ee ku hayo dhulkii danta guud
  18. Sidoo kale Goluhu wuxuu ganacsatada uga digaynaa in aysan ku kadsoomin dhulka danta guud ee madaxweynihii hore sida sharci darada ah ugu xaraashayo dhulkii danta guud.
  19. e) Mahad celin
  20. Goluhu wuxuu mahad aan lasoo koobi karin u hayaa dowladaha dariska oo ka caawiye DGJ amniga iyadoo la’aanta taageeradooda aysan marna suuro gal noqoteen in manta Jubaland jirto.
  21. Sidoo kale Goluhu u wuxuu mahad celinayaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee Jubaland ka taageera arrimaha aminiga iyo adeega bulshada farsamo ahaan iyo maadi ahaan.

Dhamaad

Daawo: Cabdiqaasin oo soo saaray fariimo ku kala socda Shabaab, shacabka iyo ciidamada DF

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan oo ka hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab looga xoreynayo dalka ayaa soo saaray farriin culus oo dardaaran uu ugu gudbiyey kooxdaan dagaalka adag kula jirta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdiqaasin ayaa Al-Shabaab ugu yeeray inay joojiyaan dagaalka oo wadahadal la furan hoggaamiyaasha shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhiigooda ay baneysteen.

Wuxuu uga digay in hadii dagaalka ay sii wadaan ay halaagsami doonaan, Ilaaheyna ciqaabi doono markii la dilo, isagoo ugu nasteexeeyey inay ka soo baxaan nolosha cadaawadda ku dhisan oo ay ku jiraan.

“Waxaan aad uga xumahay mushkiladda ay Shabaab ku hayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, Ilaahey wuxuu Qur’aanka noogu sheegay in qofkii dila qof kale uu lamid yahay qof laayey umadda adduunka oo dhan, Al-Shabaab na waxayba laayeen dadkii aan ogeyn,” ayuu yiri Madaxweyne hore Cabdiqaasin Salaad.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaad sheegataan magaca islaamka, ma noqon, waxaan idin leeyahay dagaalka joojiya la hadla dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, dalkaan isagoo aan dagaal ka jirin ayuu dhibaato qabay ilaa 60-kii, ka daaya dadka dagaalka, wax aad ka heleysaan oo halaag adduun iyo ciqaab aakhiro aan ka aheyn ma jiraane.”

Sidoo kale farriin kale oo dardaaran ah u diray shacabaka Soomaaliyeed, “Walaalayaal waxaan idin leeyahay Qur’aanka akhrista, qof kasta inta uu yaqaano afka haku qabto, ilaahey barya oo gacmaha is qabsada, dowladiina garab istaaga oo meel kasta hala idinka arko idinkoo mideysan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiqaasin Salaad Xasan.

Wuxuu intaas ku sii daray in mar kasta uu ilaahey u baryo Soomaaliya oo Qur’aan u akhriyo si dhibaatada uu Alle kaga saaro, “Adinka iyo culumadiina hadii aad ilaahey barisaan, dhibaatadaan waa uu naga dul-qaadayaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne hore Cabdiqaasin ayaa Madaxweynaha iyo ciidamada qaranka ku amaanay dadaalka ay wadaan, wuxuu sheegay in ciidamadu ay dagaalka ku guuleysteen, “Sidii loo tababaray ayey ciidamadu u dagaalameen waa guuleysteen allaha garab istaago, waxaan leeyahya ka qabta wixii dalka dhibaato ku ah,” ayuu hadalkiisa ku sii gabagabeeyey Madaxweyne Cabdiqaasin.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan kulan xasaasi isugu yeeray saraakiisha Gor-Gor – Muxuu kala hadlay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta howlgalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee militeriga Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay saraakiishaan warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka xooga dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta uu u leeyahay jiritaanka dadka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in uu yahay halgan gobonimo u dirir ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalkaan ku tilmaamay mid lamid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo Qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

“Waxaad ku jirtaan dagaal waafaqsan mabaadii’da Shareecada Islaamka, loogana helayo ajar Alle agtiisa. Wadankaan wadadii uu ku gaari lahaa sharafta iyo karaamada umadaha kale leeyihiin ayaad naftiina u hureysaan, dowlada iyo shacabka Somaaliyeedna waa idin garab taaganyihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saraakiisha ku bogaadiyay dal-jacaylka, dhabar-adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada uu dagaalku socdo ayaa kula dardaarmay in ay dadaalkooda meeshiisa kasii wadaan.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ku adkeeyey inay laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah Khawaarijta, iyaga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ee hubka qaatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudo laba bilood ah dagaalka ka hoggaaminaya magaalada Dhuusamareeb oo maanta saraakiishaan uu kula kulmay, saraakiishaan ayaa ka socotay ciidanka GorGor oo ah ciidanka ugu cududa weyn ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Video: Taliye Shub oo digniin u diray dad dhismayaal sharci-darro ah ka dhistay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Shub ayaa digniin culus kasoo saaray dhismayaal sharci-darro ah oo laga dhistay aagga Xabsiga Dhexe.

Taliye Shub ayaa sheegay in markii hore aagga hadda la dhistay uu ka raray dadkii deganaa, ayna siiyeen dhul kale, hase yeeshe himika dib loo soo dagay dhulkaas oo laga dhistay guryo jiingado ah.

“Ninkasta oo markii hore inta ka rarnay dhul ayaa siinay, haddana dooddeeda taagan naga rar ayaa la ileeyahay, shalay ayaa lagu raray oo dhul lagu siiyay sababta aad usoo noqotay maxay tahay? hadda amar waxaa ku qabnaa in la baneeyo,” ayuu yiri Taliye Shub.

Taliyaha ayaa siiyay dadkaasi digniin kama dambeys ah, isaga oo faray dadkaasi inay sida ugu dhaqsaha badan iskaga guuraan dhulkaasi, “Meeshii shalay lagu geeyay tag, banee meesha.”

Sidoo kale waxa uu amray in guddi sida ugu dhaqsaha badan loo magacaabo, islamarkaana la burburiuyo dhulkaasi, oo hadda ay ka dhisan yihiin guryo ay degan yihiin qoysas badan.

“Kaaliyaha waxaa lagu amrayaa in guddi dhaqso ah u magacaaboo lasoo calaamadiyo oo la jabiyo dhulkaas, waxaa la kaashan doona wasaaradda dekeddaha, amarkana sidaas ayuu ku fuli doonaan, anagana waa fulinayna kuwa aan siineyna sidaas ayay ku fulinayaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: Isbitalka Somali Sudanese oo furay xarunta qaliimada iyo daweynta Wadnaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbitaal Takhasusiga ah ee Somali Sudanese ayaa soo agaasimay munaasabad xarigga looga jaraayey Adeeg-Caafimad oo Isbitaalku soo kordhiyey, bulshaduna baahi weyn u qabtay.

Isbitaalka ayaa soo kordhiyey  qeyb qaabilsan qaliimada, furista, iyo daaweynta Wadnaha.

Sidoo kalana Isbitaalku waxa uu keenay qalabkii ugu danbeeyey ee DUNIDA laga isticaalo oo lagu furo Wadnaha, laguna sameeyey dalka Jarmalka.

Xafladan furitaanka xanunta cusub ee Wadnaha oo ka dhacday Hotel Jazeera ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Masuuliyiin ka kala socday  dowlada, culimada, Isbitaalada Dowlada, Isbitaalada Gaarka loo leeyahay, Bahda Waxbarashada, Ururada Caafimadka, Ganacsatada iyo dhamaan Qeeybaha Bulshada.

Masuulinta kala duwan ee Madasha ka hadashay ayaa bogaadiyey qalabkan iyo adeegan Caafimaad ee Isbitaalka Takhasusiga ah ee Somali Sudanese soo kordhiyey.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in bulshadu baahi weyn u qabtay addeegaan, loogana maarmi doono aadistii dalka dibadiisa aheyd taas oo waqti badan iyo kharash badan bulshada uga bixi jirtay.

Sidoo kale Dhaqtarka qabanaya howshan ayaa ah Dhaqtar kasoo shaqeyey Wadamo kala duwan sida,  Ireland, UK, Germany, Sudan iyo Wadamo kale.

Dhaqtarka ayaa Daaweynta WADNAHA ka heysta shahaadada ugu sareeysa caafimaadka Wadnaha.

Isbitaalka oo looga bartay Adeeeg Caafimaad oo Tayadiisu sareeyso, 4-tii sano ee ugu danbeeysana noqday Isbitaalka ugu fiican ee gaar loo leeyahay ayaa sanadihii lasoo dhaafay looga bartay soo kordhinta  adeegyo iyo qalab-caafimad oo dalka dibadiisa loo adi jiray.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la qaarijiyey madaxii Al-Shabaab ee…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howl-gal saaka ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl-galkaas lagu qaarijiyay madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda ee gobolka Bay iyo saraakiil kale.

Ninkaan ayaa waxaa uu Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah ee kooxda ka qaadi jirtay deegaano ay kamid yihiin Cadegow, Garaar, Warta Doolar, Weley Bagaal iyo tullooyinka Ey-Duraay ee gobolka Baay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sidoo kale waxay sheegtay in madaxii maaliyadda ee gobolka Baay u qaabilsanaa Al-Shabaab lala dilay horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda, inkasta oo aysan shaacin magacyadooda.

“Howl-galkaan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Adeegow Garaar, Warta Dollar, Weeley Bagal iyo deegaanka Eey-Duuraay ee gobalka Baay.”

“Dharbaaxo culus oo soo gaartay howlaha sharci darrada ah ee Shabaab-ka ka wadaan gobolka Baay,” ayey natiijada howl-galkaan ku tilmaamtay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Isla maanta ayaa sidoo kale howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa caalamiga ah, kaasi oo lagu khaarijiyay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale.

Duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel-lahelay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay.

Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si dardar leh ku wada dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo taageero ka helaysa saaxiibada caalamka oo iyagu fuliya duqeymaha dhanka cirka.

Marwo oo taageero horleh ka heshay BF xilli u sharaxan tahay kursi muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ajendihiisu ahaa ansixinta hindise-sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwo Bashiir oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Marwo oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, ayada oo sidoo kale ka codsatay golaha taageero, midaasi oo maanta loo meel-mariyay

Kursiga ay u tartameyso Marwo ayaa waxay Soomaaliya uga faa’ideysan kartaa arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda iyo go’aano masiiri u ah dalka, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Xildhibaannada.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay in loo qaadhaamo oo lacagana loo jaro Marwo, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in gabadh Soomaaliyeed yeelato han ay ku metesho guud ahaan Afrika ama umadda Soomaaliyeed.

“Aan u istaagno oo garab galno walaasheen, inta yar ee la sheegay gabadha aan ku taageerno markay tartameyso aan garab istaagno oo qofkii bixi kara aan dadaalno in agteeda istaagno,” ayey mid kamid ah Xildhibaannada haweenka ah ee golaha.

Guddoonka ayaa cod galiyay in Marwo gunnada Xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar oo taageero, taasi oo cod aqlabiyad ah ku meel-martay, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ogolaadey in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad Marwo oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

“Xildhibaannada sharafta leh kooramkeena waa 141 mudane, aamus majiro, diidana majirto sidaas daraadeed waxaa la go’aamiyay in Xildhibaannad Marwo ku taakuleyno min laba boqol oo jeebkeena waana ansax, waa mahadsan tihiin.”

Sawirro: Xamza oo maanta daah-furay sanduuqa TPSS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Sanduuqan ayaa waxaa hirgelintiisa dowladda federaalka Soomaaliya ka taageereyso dowladda Talyaaniga, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay xukuummada Dan-Qaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Sidoo kalr waxa uu Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS.

Mudane Xamza ayaa waxa kale oo uu beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro-dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isna munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabba-gelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daah-furka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, diblomaasiyiin, qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha qaraxii Dayniile

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ka ka bixiyay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay ciidamada xasilinta caasimada ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista oo ku dhow agagaarka degmada Dayniile, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenku.

Cali Cabdi Faarax ayaa xusay in ciidamada ay markii istaajiyeen gaariga, balse uu ka dhaga adeegay amarka, kadibna rasaas lagu furay ay keentay inuu meesha ku qarxo.

‘Gaariga istaag ayaa la dhahay, markii uu diidayne rasaas ayaa lagu furay, kadibna wuu qarxay oo sidaas ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari iyo sidoo kale qof shacab ah oo waddada marayay.

“Qaraxa waxaa nooga dhaawacantay 5 askari, sidoo kale waxaa dhaawac 1 qof oo shacab ah  wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri guddoomiye ku ixgeenka amniga Dayniile.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qaraxaan loo waday magaalada Muqdisho, balse ay iyagu ka hortageen, wuxuuna sheegay in ay tahay markii labaad.

“Waa qaraxii abaad ee la fashiliyo waxaa dareemee in loo safri rabay magaalada, balse waa laga hortegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Faarax Cabdi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus.

Sidee looga fal-celiyey go’aanka mucaaradka K/G?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii mucaaradka Koonfur Galbeed ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan ka qayb-galay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed waxaana looga hadlay doorashada maamulkaas iyo dagaalka Shabaab.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in madaxweyne Laftagareen uusan diyaar u ahayn doorasho, sidoo kalena uu ka gaabiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale

Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka mucaaradka Koonfur Galbeed?

Maxamed Xuseen Xasan (Joon) oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa teegeeray war murtiyeedka mucaaradka, wuxuuna sheegay inuu kusoo aaday xilli loo baahnaa, wuxuuna ku eedeeyay maamulka hada jira inuu sidiisaba gaabiyay.

‘Waxaan u arkaa war murtiyeed tafaftiran oo waaqici ah, kana hadlaayo waxyaabaha maanta jira haddii ay ahaan lahayd dib u xoreynta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dhulka dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasadda murugsan ee K/Galbeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu ka baxay heshiiskii horay loo galay ee ku aadanaa in doorashada la guda galao, iyada oo lagu bilaabayo soo xulista xildhibaanada.

“Waxaan caddeyneynaa in Laftagareen uu ka baxay heshiisyo uu horay ula gaaray mucaradka, doorasho marabo ninkaasi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu yiri “Cabdicasiis wuxuu ka shaqeeyay maja-xaabintii fikirkii iyo dadaalka madaxweynaha JFS ee lagu xoreynaayay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed” .

Dhankiisa Cabdisataar Xasan Cali oo kamid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay tallaabada mucaaradka, wuxuuna sheegay in war murtiyeedka ay soo saareen uu caqabad ku yahay dagaalka haatan ka socda gudaha dalka.

“Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu xagal daacinayaa War-murtiyeedka kasoo baxay shirka musharaxiinta iyo siyaasiyiinta KGS ee magaalada Nairobi” ayuu yiri Cabdisataar.

Sidoo kale Cabdisataar ayaa yiri “Waxaan tuhunsanahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu kamid yahay dadka abuuraayo xaaladdaas si dagaalka Al-Shabaab la’isaga dhaafo”.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo siyaasadeed, mana muuqdo u diyar garow doorasho, waxaana intaas usii dheer dagaalka lagula jiro Shabaab.

 

Xubno ka tirsan xisbiga DENI oo loo doortay guddoonka guddiga doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoonka guddiga doorashada Puntland ee PEC ayaa lagu doortay magaalada Garoowe, ayada oo loo doortayna xubno si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Deni ee la yiraahdo KAAH.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka loo doortay Axmed Maxamuud oo isaguba ka tirsan xisbiga KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddigan oo dhismihiisa uu buuq xooggan ka dhashay ayaa haddana waxay arrintaan uga sii dari doonta kalsoonida lagu qabi karo, maadaama mucaaradka sheegeen in Saciid Deni uu qorshe muddo kororsi ka leeyahay doorashooyinka qof iyo cod ee u ololeynayo.

Dhinaca kale, waxaa maalintii shalay aheyd guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland uu dood ka yeeshay in muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowlada ee maamulka.

Dooddan ayaa timid kadib markii xubno kamid ah guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ay soo jeediyeen in dowladda loo sameeyo muddo kordhin 2 sano ah.

Xubnahaan ayaa soo jeedintooda ku lifaaqay sidii xukuumadda ay u heli laheyd waqti ku filan, si loo dhammaystiro hannaanka doorashada qof iyo cod.

Hase ahaatee waxaa markii dambe guddiga isla qaatay in doodddaas dib loo dhigo inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku maqan safar dibadda ah, lana filayo inuu dhawaan kusoo laabta Garoowe.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya ayada oo weli xiisad ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taasi oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulka, ayada madaxdii hore iyo mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen qorshaha Deni.

Khaliif Gaambe iyo xubno oo kale lagu dilay duqeyn ka dhacday GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in mar kale diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo culus maanta ka fuliyeen Galmudug oo uu haatan ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Shabaab.

Duqeyntan dhanka cirka ah oo ka dhacday tuulo u dhaxeysa deegaanada Ceel-Garas iyo Ceel la helay ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah, ayada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga maamul goboleedka Galmudug, Mudane Cali Baashi Cabdulaahi (Gacanbir) oo la hadlay BBC-da ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi, isaga oo sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Cali Baashi ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lagu khaarijiyay horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Galmudug oo la yiraahdo Khaliif Gaambe iyo xubno kale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la burburiyay laba gaari oo Cabdi Bile ah oo ay la socdeen sarkaalka la dilay iyo maleeshiyaad kale oo iyagana meesha ku dhintay, inkastoo uusan shaacin tiradooda.

Sarkaalka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay in duqeynta lala beegsaday xili uu aaggaas ka waday abaabul ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadayo, xilli haatan guluf culus oo ka socda Galgaduud iyo Mudug, kaas oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, ujeedka ah in Al-Shabaab laga sifeeyo deegaanadaasi, waxaana howlgalka xoreynta iska kaashanayaa ciidanka Xoogga kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Xubno Al-Shabaab ah ‘oo ka yimid furinta dagaalka oo lagu qabtay’ Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo kasoo cararay furimaha dagaalka, oo gudaha usoo galay magaalada Muqdisho ayay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka.

Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay in la qabtay xubnahaan ayaa sheegay inay doonayeen in falal amni daro ay ka geystaan magaalada Muqdisho, xilli guluf culus oo kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah uu ka socda dalka.

“Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaalaysi ah usoo galay Wartanabadda ayaa howl-gallada kusoo qab-qabanay,” ayeu tiri Seynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Wartanabadda oo sheegtay in howl-gallada amniga lagu xaqiijinayo lagu soo qabtay raggaasi.

Sidoo kale waxay sheegtay in laamaha ammaanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsan kooxda, kuwaasi xog ku heleen inay soo galeen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxay ugu baaqday shacabka ku nool caasimada inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago dhagaraha uu cadowga maleegayo, xilli lagu soo jabiyay furimaha dagaalka.

Dowladda ayaa hore u sheegtay in xubno badan oo firxad ah, kana tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo galeen caasimada, kadib culeys ay kala soo kulmeen gobollada dalka.

Si kastaba, waxaa Muqdisho muddooyinkii dambe ka socday howl-gallad amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda, midaas oo wax badan ka tartay amniga caasimada.

Islamic Banking breaks ground in Uganda with Salaam Bank

Kampala (Caasimada Online) – After a two-decade-long anticipation, the Bank of Uganda has finally endorsed its first Islamic Banking institution.

This groundbreaking approval introduces a dual banking system in Uganda, where clients will have the luxury of accessing both traditional and Islamic Banking services.

Out of the many, Salaam Bank emerges as a pioneer, having already established its mark in nations such as Kenya, Somalia, and Djibouti.

The bank has a year to initiate its operations. Once up and running, Salaam Bank will be supervised by the Bank of Uganda as a premier financial entity. This inclusion escalates the count of commercial banks in the country to a commendable 26.

At a recent event in Kampala where the official licensing took place, Deputy Governor of the Bank of Uganda, Michael Atingi-Ego, remarked, “I am confident that Salaam Bank has the expertise and resources to manage these risks.”

This statement emphasizes the bank’s robust infrastructure, even though he noted that every new venture inherently has its share of risks.

Islamic Banking: The Sharia perspective

Guided by the tenets of Sharia law, Islamic Banking steers clear from the acceptance or payment of interest.

It mandates the sharing of profits and losses and prevents financial institutions from diving into derivatives due to their inherent unpredictability.

Addressing this unique structure, Dr. Atingi-Ego highlighted that the prohibition of interest rates makes Islamic Banking “a more sustainable form of banking, and it is well-suited to the needs of many Ugandans.”

The residents of Uganda have long grappled with soaring interest rates, which hover around a substantial 26 percent.

The introduction of Islamic Banking is a monumental stride that aims to enhance financial inclusivity.

A paradigm shift in Uganda’s financial landscape

Salaam Bank’s pioneering move is not merely a new banking alternative. However, it sets a standard for other institutions to develop their Islamic Banking offerings. In the past, several banks exhibited interest in presenting Islamic Banking services.

Their ambitions, however, were curtailed by the need for more essential frameworks like the Central Shari’ah Advisory Council.

Elaborating on this, Finance Ministry Permanent Secretary Ramathan Ggoobi said, “The passing of pertinent tax bills between 2022 and 2023, including Income Tax, Value-added Tax, Stamp Duty, and Excise Duty, and the repeal of the Central Shari’ah Advisory Council’s necessity, have facilitated the launch of Islamic Banking.”

Ggoobi also urged citizens to understand that Islamic Banking isn’t an attempt to propagate Islam.

Instead, he emphasized its importance in revolutionizing Uganda’s economic landscape, particularly for those businesses that have been hesitant to embrace mainstream banking because of the interest rates.

Canadian trial spotlights rise of far-right extremism

London (Caasimada Online) – On the evening of June 6, 2021, London, Ontario, was the backdrop for a horrifying act. As the Afzaal family—a father, mother, daughter, grandmother, and a young son—enjoyed a peaceful walk, tragedy struck.

Nathaniel Veltman, 22, allegedly drove his truck into the family, killing four of them.

The sole survivor was the couple’s nine-year-old son, now left to grapple with the trauma of that fateful night.

Salman Afzaal, 46, his wife Madiha Salman, 44, their 15-year-old daughter Yumna, and 74-year-old grandmother, Talat Afzaal, met a brutal end that evening.

Through Sarah Shaikh, Prosecutors presented that Veltman had meticulously planned this attack three months in advance.

They detailed how he accelerated “pedal to the metal” towards the family, with the vehicle’s surge onto the sidewalk shrouded in a dust cloud. The motive? Shaikh said Veltman targeted the family “because they were Muslims.”

Inside Veltman’s mind: A dark ideology unveiled

During the investigation, the disturbing depths of Veltman’s beliefs came to light.

Sarah Shaikh told the jury that upon being apprehended, Veltman admitted to having been inspired by the 2019 Christchurch shootings, where a white nationalist massacred 51 people.

On his computer, authorities discovered two versions of a manifesto titled “A White Awakening.” Veltman’s own words to detectives were chillingly straightforward.

“I don’t regret what I did. I admit that it was terrorism. This was politically motivated, 100%,” he reportedly stated.

Equipped with body armor, a helmet, and concealed bladed weapons in his vehicle, Veltman appeared prepared for even more violence.

Shaikh’s account of the aftermath was harrowing, highlighting Veltman’s audacity.

He purportedly approached a taxi driver at a nearby mall, confessing, “It’s me. It was me that did it. Tell them I did it and come and arrest me.”

Implications for Canada’s counter-terrorism laws

Canada was left reeling in the aftermath of the attack, with shockwaves of grief and calls for action against Islamophobia echoing across the nation.

More significantly, Veltman’s trial might reshape how Canada prosecutes far-right extremism.

Canada’s anti-terrorism laws, sculpted post the September 11 attacks, demand the Crown demonstrate that an accused’s actions were fuelled by politics, religion, or ideology, aiming to instill public fear. Traditionally, this legislation tackled violence linked to Islamist extremism.

However, Veltman’s trial, now shifted to Windsor from London, represents one of the first instances where the law confronts suspected far-right motives.

As Canada watches closely, this trial, expected to span eight weeks, stands not only as a judgment for a man and a heinous act but also as a testament to Canada’s resolve against all forms of extremism.

Wararkii ugu dambeeyey ciidamada qaranka oo la wareegay degaano dhowr ah

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya xoogaga deegaanka, ayaa hawlgal ballaaran ka wada Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo qayb ka ah hawlgalka kale ee ka socdo Bariga Gobolka Galgaduud.

Hawlgalka ayaa ah mid ay ciidamadu kula wareegayaan deegaanada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa Talaadadii la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xiinlabi, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii jeedaan deegaano ay ka mid yihiin Caad iyo Cammaara, oo Shabaabku ay ku xoogan yihiin.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka, oo ay kaabayaan Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmada Wisil, ayaa la sheegay inay kaabiga ku hayaan deegaanka Bacaadweyne, halkaasna la filayo in ay uga sii gudbaan dhanka deegaanka Shabellow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidan kale oo ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere ay weerar ku yihiin deegaanada Jowle, Dhalwo iyo Ceel Cabdi.

Garab kale oo ka mid ah ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

Caasimada Online ayaa saraakiil kasoo xigatay in ciidamada lugta ay ku adkaan doonto in si dhakhsi ah ay ula wareegaan Dumaaye iyo Dabagalo, haddii ay deegaanadaasi ku yaallaan dhul hawd ah.

Saraakiisha Militariga ayaa sheegay in ciidamada ay dhanka cirka ka taageeri doonaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga, taas oo sahli karta in ciidamadu ay galaan deegaanadaasi.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa mar kale shacabka ugu baaqay inay isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Shabaabka.

Ciidamada is garab socdo ayaa laga dhawraya in maalmo kooban ku soo afjaraan Shabaabka Gobolka Mudug.

Shabaabka Galmudug ayaa wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa, ka dib dhowr iyo toban sano oo ay ka hawlgalayeen Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Aqriso magacyada: Xubnaha golaha fulinta maamulka SSC-Khatumo oo la magacaabay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magacaabay xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Dikreetadaan oo lagu magacaabay sagaal xoghaye oo hoggaamiyaha Khaatumo uu sheegay in baahi loo qabo, xubnahaan ayaa lagu xushay khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay, sida lagu sheegay dikreetadaan.

9-ka xubnood ee loo magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa kala ah:

  1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

Markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqidsho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada.

Qaraxa ayaa oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lagu dhuftay bar-koontarool oo ay ciidamada dowladda, gaar ahan kuwa Boolis Milataro ku leeyihiin halkaasi, waxaana goobta laga maqlay rasaas.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan is-miidaaminta ah, balse waxaa weli kascsan xaaladda goobta oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas, inkastoo ay socdaan gurmayo iyo baaritaano ay wadaan ciidanka amniga.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo shaacisay inay beegsatay xero ciidan oo ku taalla halkaas, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in dagaalyahanno ka tirsan kuweeda ay weerar toos ku galeen xerada ayna weli ka dhex dagaalamayaan.

Horraantii bishan ayay aheyd markii ciidanka amniga ay isla degmada Dayniile ku fashiliyeen gaari siday qaraxyo, kadibna ay nolosha ku qabteen raggii waday.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus.