27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Daawo: Shirkii Nairobi oo laga soo saaray bayaan xasaasi iyo go’aan laga gaaray Laftagareen

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey shir maalmihii lasoo dhaafay uga socday musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulkaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed.

Ugu horeyn bayaankaan waxaa lagu taageeray dagaalka ay dowladu kula jirto Al-Shabaab, waxaa lgu tacsiyeeyey dadkii ku shahiiday, waxaana lagu dhiirigeliyey ciidamada qaranka kaalintooda naf hurnimada ah.

“Mudo xileedkii madaxweynaha K/Galbeed wuxuu dhamaaday 2022-kii, wuxuu ku fashilmay inuu la dagaalamo Khawaarijta, wuxuuna gabaad siyaasadeed ka dhigtay Khawaarijta, waxaan isla garanay oo hoosta laga wada xariiqay in Shabaab aan laga xorey karin K/Galbeed oo doorasho xor ah aan laga qaban,” ayaa lagu yiri bayaankaan caawa soo baxay.

Sidoo kale madaxweyne Laftagareen waxay siyaasiyiintaan ku eedeeyeen inuu u hoggaansami diiday heshiiskii bishii Febraayo ee sanadkaan ay kula galeen Baydhaba, “Waxaa ugu horeeya oo dhaqan geli waayey dhowridda xoriyada hadalka iyo isku socodka ee muwaadinka ee deegaanada KG,” ayaa lagu yiri.

Caburin iyo awood u sheegashada masuuliyiinta kale ayey ku eedeeyeen Laftagareen, waxaana bayaanka lagu yiri, “Waxaa la joogaa waqtigii la qaban lahaa doorasho loo dhan yahay, mana muuqdaan wax diyaar garow ah oo socda.”

Wixii ka dambeeya 1-da bisha November, waxaa bayaankaan lagu sheegay in Laftagareen uusan door ku yeela doonin geedi socodka doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna lamid noqon doonaa musharaxiinta kale.

“Maamulka doorashada waxaa iska leh wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, sida ku cad heshiiskii Baydhaba,” ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan oo akhriyey bayaankaan.

Si looga baaqsado dib u dhac, waxay musharaxiinta iyo siyaasiyiinta soo saaray bayaankaan wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka codsadeen inay jadwaleyso waqtiga doorashada, si 1-da November loo bilaabo soo xulida xildhibaanada.

Waxay cambaareeyeen qorshe lagu bedelay qaar ka mid ah odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha, waxayna wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ka dalbadeen inay qaadato doorkeeda heshiiskii Baydhaba, si looga hortago qorshaha lagu bedelaayo odayaashii rasmiga ahaa ee beelaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayey masuuliyiintaan ka codsadeen inay fuliyaan heshiiskii Baydhaba ee garwadeenka ay ka ahaayeen, ciidamada ayaa looga digay inay ku milmaan doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Hoos ka daawo

Aqriso: NISA oo shaacisay magacyada 7 sarkaal oo Al-Shabaab laga dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada hoggaamiyaal ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Raggaan oo gaaraya 7 xubnood ayaa la sheegay in sirdoonku uu si dhow ula socday dhaqdhaqaaqooda, iyaga iyo kuwo weli ku nool dhulka howdka ah.

Ninka ugu horeeyey ee NISA ay shaacisay in la dilay waxaa lagu magacaabaa Sheekh Cabdullahi, waxaa lagu dilay dagaalkii Awdheegle, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa aagga deegaanka Lambarkonton.

Ninka labaad waxaa lagu magacaabaa Cali Timajicil, wuxuuna qaabilsanaa dhanka caafimaadka, isagoo ka howlgeli jiray Sh/Hoose, Awdheegle ayaa isna lagu dilay.

Sarkaalka 3-aad waxaa lagu magacaabaa Bashiir Dheere, wuxuu ahaa madaxii kooxda ee Buulomareer, xubnihii lagu dilay Awdheegle ayuu ku jiray, sida ay sheegtay NISA.

Cabdiqafaar oo ah ninka 4-aad ee NISA ay shaacisay geeridiisa wuxuu ka mid ahaa madaxda xubnaha dilalka ka geysta Muqdisho, sidoo kale kooxaha fuliya weerarrada ayaa lagu daray waayihii dambe, Awdheegle ayaa isna lagu dilay.

Shaaciye Maxamed Cali oo ah ninka shanaad ee NISA ay shaacisay geeridiisa waxaa la sheegay inuu ahaa madaxii qaraxyada ee kooxda u qaabilsanaa Shabeellada Hoose, Awdheegle ayaa lagu dilay isna.

Zakariye Maxamed Bashiir oo Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta xubnaha qoranaya jugta culus, sidoo kalena ahaa ku xigeenka madaxa qaraxyada ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay Awdheegle.

Sarkaalka 7-aad ee NISA ay shaacisay Magaciisa waa Axmed Cali Daahir Shuuke wuxuu kooxda u qaabilsanaa kicinta bulshada, waxaana lagu dilay howlgal ka dhacay aagga deegaanka Bulacle ee hobolka Galgaduud.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiir Fiqi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey ayaa u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay inay xorey doonaan degmooyinkii dhawaan laga baxay ee Ceeldheer iyo Galcad, ilaa Ceelbuur.

Yaasiin Farey oo soo saaray qoraal dheer ayaa sheegay in deegaanadaas ay xoreysa doonaan dadkii u dhashay oo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada.

“Deegaanada Bariga Galgaduud iyo Mudug waxaa u taagan oo xureynaya dadka u dhashay, ku dhashay, iyo kuwa matala oo kaashanaya CXD Soomaaliyeed,  waana uga mahad-celineynaa garabka ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u ciribtirayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray “Hadalka kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ma aha mid ka turjumaya, loo akhrin karo ama loo fasiran karo abaabul bulsho, mas’uuliyad iyo mowqifka dib u xureynta, waa kala qeybin bulsho iyo kala dhantaalida juhdiga socda.”

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkaan ku yiri “Hadalka Fiqi waxa uu lamid yahay qadafyadii uu ku suntanaa sooyaalkiisa siyaasadeed ee ahaa ‘No More Reer Hebel, iyo ijaafooyinkii uu hore ugu geystay Ciidamada Qaranka guud ahaan’ si gaar ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay sifooyin aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah”.

Yaasiin Farey ayaa ku dooday in dadka deegaanadaas ay waayo badan ku soo jireen halgan adag, isla markaana aysan u qalmin hadalo niyad jab ah, isagoo rajo ka muujiyey in mar dhow uu guuleysa doono halganka ay ku jiraan dadka dega bariga gobolka Galgaduud.

“Marnaba uma qalmaan dadka xaq u dirirka ee dhiigooda shubayey 14 bilood iyo CXDS in hadalo meel ka dhac ku ah ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta uu ka lumay bartilmaameedka iyo jeheeynta dib u xureynta dalka. #Halganku  waa guuleysanaa,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Jawaabta uu Yaasiin Farey siiyey Wasiir Fiqi ayaa hadal-heyn ka dhex abuurtay baraha bulshada, Fiqi ayaa in ka badan 10 cisho ku sugan degmada Xarardheere oo ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa maalin ka hor Xarardheere ka sheegay inay abaabuleen ciidan xoog leh oo ku filan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulka ay ka joogaan Galmudug, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Xarardheere tagaan Madaxweynaha Galmudug, Taliye Mahad Salaad iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

DF oo shaacisay in duqeyn ay ku leysay koox qarax u qorsheysay Ruun-nirgood

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn maanta Al-Shabaab loogu geystay aagga degmada Ruun-nirgood, taas oo lagu laayey maleeshiyaad badan.

Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in kooxda la duqeeyey ay dooneysay inay weerarto ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in la gubay gaari ay Shabaab qarax ku soo rareen, kaas oo sida caadada u ah ay doonayeen inay weerarka ku bilaabaan.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijtu ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagartii Khawaarijta, sidoo kalena ay laayaan maleeshiyaadkii ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaare ka soo gaarin.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ruun-nirgood, waxaana halkaas si joogto ah uga dhaca beegsiga iyo dagaalo joogto oo u dhaxeeya ciidmaada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Degmada Ruun-nirgood ayaa ku taalla goob istaraatiiji ah oo u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana ku dhow dhul howd ah oo dowladda ay ku adkaatay inay ka saarto  maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aad uga baqa duqeymaha.

Puntland oo xog cusub ka bixisay kiiska dhakhtarkii lagu dilay GAALKACYO

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo kiiska dilka dhaqtar caan ah oo dhawaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Faysal Jife-jabsade ayaa waxa uu shaaciyay in la aqoonsaday ninkii dilka geystay, islamarkaana ay ku raad-joogaan, kadib markii uu magaalada ka baxsaday markii uu falka geystay.

“Waa lagu daba jiraa dadkii ka dambeeyay (dilka), waa kasoo qaban doona meel kasta oo uu galo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxa uu xusay in aanooyinka qabiilka oo loo dilay dhakhtarka uu mushkilad weyn ku noqdeen nabad-galyada magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in go’aankii ay gaareen Isimada gobolka Mudug lagu xukumi doono qofkii qof dila, kaasi oo lagu fulin doona marka lasoo qabto dambiilaha baxdadka ah ee laamaha ammaanka ku daba jiraan.

Dilka dhakhtarkaas oo lagu magacaabi jiray Dr. Sakariye Cabdi Jaamac ayaa waxaa ka dhalatay xiisad kacsanaan, taasi oo keentay in dadka “ay aad u qataan hubka fudud,” halka dadka qaarkood ay magaalada ka baxeen, kuwaasi oo cabsi ka muujiyay in loo beegsado qabiilkooda awgood.

Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi, oo ugu dambeeyay AUN Dr. Sakariye.

Somaliland oo soo saartay WAR cusub oo ku saabsan dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dadka ka barakacay magaalada Laascaanood ay si bilaash ah u dhigan karaan dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada.

Wasiirro uu kamid yahay wasiirka waxbarashada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in la faquuqo shacabka Laascaanood, xilli ay sii daba-dheeraaneyso colaadda gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

“Ma ogolin in wax faquuq ah loo gaysto bulshada asal ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood ee ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Dalka waa la wada leeyahay, qofkasta oo ku kaca fal kasoo horjeeda iyaga, ciidanka ilaalada amniga waxaanu faraynaa, in ay gacan bir ah ku qabtaan.”

“Ardayda Laascaanood deganaan jirtay ee degmooyinka kale u guuray, waxaa ku wargelinaynaa in waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay oo dugsiga iyo goobaha kale ee waxbarashada ay lacag la’aan ku dhigan doonaan, ilaa inta ay ku laabanayan degmada Laascaanood.”

Sidoo kale waxay sheegeen in dad u jeedooyin gaar ah leh ay baraha bulshada ku baahinayaan muuqaalo been abuur ah oo lagu rabo “in cabsi iyo colaad lagu dhex-dhigo shacabka Laascaanood iyo kuwa kale ee Somaliland.”

“Kuwa qurba joog ah oo horay Laascaanood qalalaasaheeda uga qayb-qaatay ayaa hadana bilaabay in ay cabsi-galiyaan shacabka reer Laascaanood ee ku nool magaalooyinka Hargeysa kamid tahay.”

Ardaydii Laascaanood ee saameynta ku yeeshay dagaalka ayaa intooda badan waxay waxbarashadooda dib uga billowdeen deegaanada Puntland, ayaga oo kal hore la galay ardayda maamulkaasi, halka ay Somaliland ay sheegtay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore, si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan gobolka Sool, ayada oo dadka deegaanada la isku horfadhiyo ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo.

Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto.

Si kastaba, Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Sawirro: Madaale oo safiirka Talyaaniga ku wareejiyay dhul buuq badan dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrinta ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-galinta mashaariicda ay dowladda Talyaaniga uga qeyb-qaadaneyso horumarinta caasimadda, gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa intaas kormeer socod ah ku tagay dhismaha xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne.

Safiirka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad-celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Si kastaba, dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan.

Al-Shabaab oo qirasho lama filaan ah ka sameeyey DAGAALKII Awdheegle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horreysay sameysay qirasho lama filaan ah oo la xiriirta dagaalkii dhawaan ka dhacay Awdheegle kadib markii kooxda ay weerar ku qaadeen xerooyinka ciidanka dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Kooxda ayaa sheegtay in dagaalkaas looga dilay illaa 7 xubnood oo kamid ahaa dagaal-yahaanadii weerarka ku qaaday xerooyinka Awdheegle ee ciidanka, sida uu warbaahinta afka kooxda ku hadasha u sheegay Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Cabdisamad oo Shabaab ugu magacaaban guddoomiyaha Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu qiray in duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo markii dambe kusoo biiray dagaalka Awdheegle, ay sababeen dhimashada xubnahaasi.

“Dagaal hadduu dhaco waa lagama maarmaan in naf baxeyso… Markii dharbaaxo culus la gaarsiiyay oo xeryahoodii laga saaray waxaa usoo gurmaday diyaaradahoodii meeshii waxaa (lagu dilay) illaa toddoba ruux,” ayuu yiri Cabdisamad Abuu Cabdiraxmaan.

Waxa uu intaas kusii daray “(Ciidanka) saddex xerro ayuu meeshaas kulahaa oo uu deganaa, maanta waa looga aarguday dadkay dhibaateynayeen waana u digniin una dambeyn mayso, xaaladdana waa degan tahay wax culeys ahna kama jiro.”

Ninkaan Al-Shabaab ugu magacaaban Shabeellaha Hoose ayaa sidoo kale waxa uu guullo ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan dowladda, xilli muddooyinkii dambe kooxda laga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim u ahaa, oo ay awoodi waayeen inay sii difaacdan.

Qirashadan ay sameysay kooxda ayaa noqoneysa mid lama filaan ah, maadaama badanaa kooxda looga baran inay tabiso khasaaraha kasoo gaara dagaalka, iyada oo inta badan guullo aan la xaqiijin ka sheegan jirtay weerarada ay fuliso.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa sheegtay in dagaalkii Awdheegle lagu laayay in ka badan 60 xubnood oo Shabaab ah, “Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si feejignaan leh waajibkooda u gutay.”

Sidoo kale waxay dowladda sheegtay markaas in dagaalkaas kooxda looga furtay hub iyo saanad milater oo badan, islamarkaana si buuxda looga hortegay in shacabka iyo ciidanka waxyeelo gaarsiiyaan.

Al-Shabaab ayaa iyaduna dhankeeda sheegatay inay cagta marisay saldhigyadii degmada Awdheegle, ayna dishay ugu yaraan 59 askari, ayna cagta mariyeen ciidankii halkaas deganaa, sida ay hadalka u dhigtay kooxdu.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Maalmihii ugu dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howl-gallada ka wada gobollada dalka.

Laba arrin oo ay ka dhigan tahay in madaxda furimaha la joogan ciidanka qaranka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waayahan waa laga guuray oo dhinaca furimaha dhabta ah ee dagaalka ayaa loo guuray.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) hoggaamiyaha Galmudug muddo toban cisho ka badan kuma uusan sugneyn caasimada Galmudug, waxaana uu guri ka dhigtay furinta ay ciidanka fadhiyaan, kuwaasi oo saacad walba dhinac u guuri kara.

Waa goob colaadeed oo xilli walba ay suurta-gal tahay in lasoo weeraro ama ay ciidanka kula jooga wax weeraraan. Qoor-Qoor waxaa wehlinayaa wasiirka gaashaandhiga Jaamac oo isagu in muddo ah kusoo laaban caasimada iyo xafiiskii wasaaradda gaashaandhiga.

Inkasta oo ay jiraan dad eedo badan ujeedinaya wasiirka gaashaandhigga, haddana markii dhinaca kale laga istaago marxaladda lagu jiro wasiirka aad ugama naf doorsan ciidanka xoogga dalka wuxuuna dhinaciisa ka jooga furinta.

Laba cisho kahor waxaa la qabtay magaalada la yiraahdo Ceela-helay, isla maalinkaas waxaa isna jiidda dagaalka tegay taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, kaasi oo hay’adihiisu sahashay duqeymo waaweyn oo kooxda looga laayay maleeshiyaad badan iyo horjoogayaal labadii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Madaxdan waxay halkaasi ku hoggaamiyeen qabashada shalay ee magaalada Ceel-garas, oo kamid aheyd goobaha ugu muhiimsan ee gacanta ugu Al-Shabaab. Magaaladan ayaa kooxda u aheyd marinkooda isku xira qeybtooda jooga jihadda Ceelbuur iyo intooda kale ee jira dhanka Qaayib iyo Xiindheere.

Haddaba, maxay ka dhigan tahay in madaxda ciidanka la joogaan furimaha dagaalka?

1. Geeri loo siman yahay

Inta badan madaxda ma doortaan khatar lamid ah midd ay askarta dooratay, kuwaasi oo qoriga u qaata inay difaacaan dalkooda. Madaxdu badi magaalooyinka waaweyn iyo goobaha nabada ah ayay isku ilaaliyaan.

Laakiin caadada ay waayadan bilaabeen madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya ee ah inay furimaha dagaan oo ciidanka la joogaan waa cadeynta in dagaalka dhab laga wada yahay iyo in aanay jirin naf jecleysi gaar ah oo ku jirta madaxda kuraasta ku fadhisa.

2. Xaqiijinta hadafka iyo hubanta masuuliyadda

Madaxda furinta dagaalka jooga waxaa laga faa’iidi doona dhowr arrimood oo ay kamid tahay in la xaqiijiyo hadafka dagaalka, waxaana xilliyadan oo kale adag in saraakiisha qaar ay isku dayaan inay dibin-daabeyaan gulufka.

Waxaa joogista madaxda ee furimaha dagaalka ay keenaysa ilaalinta masuuliyadda ee dadka u xilsaaran shaqooyinka kala duwan iyo sidoo kale saraakiisha u qalanta billadaha geesinnimada iyo dalacsiinta ayaa si fudud oo aan musuq ciidan laheyn loo ogaan karaa.

Waxaana dhamaan astaamahaasi caawinayaan in guul laga keeno dagaalka socda, oo dhawaan lagu wado inuu galo wejiga labaad, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Ciidanka Somaliland iyo SSC oo dhaq-dhaqaaqyo iska horjeeda ka wada SOOL

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ay dhaq-dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ka wadaan halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac ka wadaan gobolka Sool, ayaa daba socda hanjabaado iyo digniin ay hawada isku mariyeen labada dhinac.

Dadka deegaannada ay isku hor fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ayaa ka cabsanayaan in lagu dul dagaalamo, xilli labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Somaliland ayaa ayadu maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daad-gureyneysay dhanka furimaha dagaalka, si ay u xoojiyaan kuwa ku sugan halkaasi, oo iyagu damacsan in ay duullaan ku qaadaan goobihii laga qabsaday dabayaqada bishii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in dib gacanteeda ugu soo celiso deegaano ay sheegtay in Somaliland ay hoostagaan oo kamid ah gobolka Sool, sida ay xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda sheegtay in ay waajibkeeda ka gudaneyso isku-deyga ay qorsheynayso Somaliland, ayada oo meesha ka saartay sheegashada Somaliland ee ah in Laascaanood ay hoostagto.

Somaliland ayaa dagaalkii dabaqayaadii August looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, waxaa durba isa-soo taraya walaaca laga muujinayo dagaallo markale dhexmara ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, ayada oo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ka digeen in waxyeello kale ay ka dhashaan dagaallada la abaabulayo, maadaama kuwii horay u dhacay ay galaaftern nolosha dad aan illaa hadda tira-koob rasmi ah lagu sameyn.

Shabaab oo madaafiic ku weeraray Ceel-Lahelay iyo faah-faahin kasoo baxeysa

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay tiro madaafiic ah ku weeraray deegaanka Ceel-Lahelay oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Ceel-lahelay oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa waxay kooxda sheegtay inay weerarka ku beegsatay fariisimaha ciidamada dowladda ay ku sugan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo ku sugan deegaanka la weeraray ayaa VOA u sheegay in wax khasaare ah aysan gaysan madaafiicdii xalay ay Al-Shabaab kusoo rideen deegaankaas.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in madaafiicda ay ku dhaceen dhul banaan, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa weli ka bixin faah-faahin dheeri ah, marka laga imaado in madaafiicdaas lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ciidanka ee Ceel-lahelay.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo maanulka ayaan weli si rasmi ah uga hadal weerarka ay sheegteen kooxda Al-Shabaab.

Ceel-lahelay ayaa kamid aheyd deegaano ay shalay kormeer ku tageen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, inkasta oo markii dambe Qoor-Qoor uu dib ugu laabtay Dhuusamareeb.

Qoor-Qoor ayaa waxaa safarkaasi oo ay ku gaareen illaa Ceelgaras oo ay shalay qabsadeen ciidanka dowladda, ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Si kastaba, Maalmihii ugu dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howl-gallada ka wada gobollada dalka.

Al-Shabab’s surge sends shockwaves to Kenya’s shore

Lamu (Caasimada Online) – On Sunday, a Kenya Defence Forces (KDF) lorry hit an explosive device in Baure, Lamu County, injuring fourteen military personnel, according to the military statement.

The attack was attributed to Al-Shabab militants believed to be hidden within the expansive Boni Forest, rendering the Kenya Army technical vehicle to ruins.

The injured personnel were immediately transported to the nearest medical facilities for urgent treatment.

The KDF, in an official statement, decried the actions of the assailants. “KDF condemns the criminals who disrupt movement and sabotage socioeconomic stability in the area. Further, KDF calls upon residents to share information with the security agencies on these criminal elements who lurk in their communities,” the statement read.

Alarmingly, this was not an isolated incident. Merely a day prior, a similar tragic event unfolded in Baragoni, where two construction workers suffered life-threatening injuries after their vehicle met with a devastating explosion from a road-planted bomb.

Despite their efforts, local law enforcement’s subsequent operation did not result in any arrests.

A Region under siege

The vicinity around the Kenya-Somalia border is no stranger to terror attacks. Just last August, the region mourned the deaths of over 10 individuals, victims of separate terror-driven onslaughts.

Furthermore, dozens of residences were set aflame in the violent episodes.

These continuous threats have led the state to impose a dusk-to-dawn curfew in the affected areas, aiming to bolster operations targeting these insidious terrorists, many of whom are believed to be operating out of the Boni Forest.

Yet, these terrorists, with their arsenal of firearms and explosives, continue to wreak havoc, particularly around the Kenyan border, causing numerous casualties.

Broader implications

The increasing frequency and brutality of these assaults have pushed the Kenyan government to halt its plans to reopen the Kenya-Somalia border.

A move indicates the severe implications these attacks have on the safety of the region and its socioeconomic prospects.

Consequently, several developmental initiatives have been put on an indefinite hold, underscoring the broader repercussions of this continuous conflict.

In conclusion, the continuous strain of terrorism, particularly from Al-Shabab, remains a pressing issue for the region.

As security forces strategize their next steps, the hope remains for a future free from the shadow of fear and violence.

From Somalia to Ethiopia: Al-Shabab’s dangerous pivot

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – A new intelligence report suggests that the Somalia-based extremist force, Al-Shabab, is focusing on Ethiopia and its armed contingents within the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

A rigorous analysis from the Terrorism Monitor (TM) noted on September 8: “Al-Shabab is increasingly threatening Ethiopia amid the escalating conflict between its militants and Ethiopian and other foreign troops in Somalia.”

With Ethiopia’s pivotal role in the African Union’s intervention against Al-Shabab, this group perceives Ethiopia, the mightiest neighbor, as a significant impediment to its overarching goal of gaining dominance over Somalia.

TM’s in-depth study links the group’s heightened hostility towards Ethiopia to its ambitions. Indeed, the consistent mentions of Ethiopia in Al-Shabab’s propagandistic materials raise the specter of unforeseen assaults on the populous African nation.

An alarming statement from al-Qaeda’s General Command on June 19 urged the global Islamic community to stand alongside Al-Shabab in Somalia, explicitly targeting Ethiopia for alleged transgressions.

Ethiopia’s response

In a move that likely fueled Al-Shabab’s enmity, on March 2, 2023, the Ethiopian Government resolved to deploy supplementary forces to Somalia, a decision made independent of its obligations under ATMIS.

Notably, Caasimada Online’s March issue highlighted that Kenya and Djibouti, Ethiopia’s neighbors, committed to fortifying their military presence in the area as Al-Shabab’s onslaughts increasingly targeted foreign troops, including Ethiopians.

Subsequent to these ominous signals, tensions palpably rose along Ethiopia’s frontier. TM aptly cited Ethiopia’s retaliatory measures against Al-Shabab, especially after the latter assaulted the border town of Dollo.

Furthermore, given Ethiopia’s current internal political dynamics, the nation seems to be an attractive target for Al-Shabab. The extremist group appears poised to exploit any chink in the armor, capitalizing on Ethiopia’s internal discord and instability.

Who is Al-Shabab?

For those unfamiliar, Al-Shabab stands as a formidable Sunni Islamist military and political faction primarily rooted in Somalia but with a presence extending across East Africa.

Notably, it plays a salient role in the protracted Somali Civil War, ingeniously integrating elements of Somali nationalism into its Islamist mission.

The Africa Defense Forum’s September 6, 2023 edition, referencing Foreign Policy Magazine, disclosed that Al-Shabab’s forces might comprise nearly 14,000 combatants.

Astonishingly, this figure nearly doubles its strength from three years prior. However, it’s worth noting that not all are seasoned warriors; many are coerced child soldiers.

There’s no public acknowledgment from the Ethiopian Government about the brewing storm. However, given the imminent and mounting threats, a proactive and robust response is both anticipated and crucial for regional stability.

Qabashada Ceel-garas oo ka dhigan in Al-Shabaab lagu go’doomiyey 3 deegaan

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada huwanta ayaa deegaanka la wareegay kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ka warheleen gulufka kusoo wajahnaa.

Qabashada Ceel-garas oo ay markii ugu horeysay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay haatan “halkaasi ka wadaan howl-gal sifeyn ah.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka hadal warka ku saabsan in Ceel-garas ay ka baxday gacantooda.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay qabashada Ceel-garas?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku tilmaamtay qabashada Ceel-garas “guul-weyn oo laga gaaray dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.”

Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab lagu go’doomiyay deegaanada Jowlo, Bargaan iyo Jacfar oo weli gacanta ugu jirta kooxda.

Fallanqeeyaasha ayaa sidoo kale qaba in tallaabadan ay ka dhigan tahay in howl-galka milateri ee Al-Shabaab ka dhanka ah uu weli yahay mid waxtar leh oo lagu cirib-tirayo argagixisada ku sugan deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug.

Howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

SSC-Khatumo oo sii deysay qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland kadib markii…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay inuu xabsiga ka sii daayay laba kamid ah maxaabiistii Somaliland ee ay kusoo qabteen dagaalkii 25-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in labadaas maxbuus ay sii deysay uu dhaawacooda cusla, islamarkaana ay ku wareejisay hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas oo ayadu hore u booqatay maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayso SSC.

“Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ku wargelinayaa cid kasta oo danaynaysa in aanu sii deynay laba maxbuus ‘oo ay ku qabteen’ 25-kii August ee dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada SSC iyo maleeshiyaadka Somaliland, labada maxbuusna dhaawacyo culus ayay qabaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay SSC-Khaatumo.

“Waxaa isku afgaranay in aan ku wareejino Laanqayrta Cas (ICRC), taas oo ku salaysan bini’aadantinimo, iyada oo hubinaysa inay helaan daryeelka ugu fiican ee la heli karo.”

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka go’an tahay in maxaabiista dagaalka ee gacanta ku hayso lagula dhaqmo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

SSC-Khaatumo ayaa waxa kale oo ay “aad u bogaadisay” doorka muhiimka ah ee ICRC-du ay ka ciyaareyso taakuleynta maxaabiista, kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalkii dabaqayaadii August ee ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa dagaalkaas looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay ugu eedeysay SSC-Khaatumo in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

Mareykanka oo IRAN u fasaxaya $6 bilyan si ay usii deyso…

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabo jidka u xaadhaysa in la sii daayo shan muwaadin oo u dhashay dalka Mareykanka, kuwaasi oo ku xidhan dalka Iran.

Washington ayaa u ogolaatay in dalka Iran loo fasaxo lacag gaadhaysa illaa $6 billion oo dollar oo kaga xanniban dalka Koonfurta Kuuriyada, iyada oo lacagtaas loo wareejinayo dalka Qatar.

Lacagtan ayaa la xannibay ka dib markii uu Mareykanka ku soo rogay cunaqabatayn dhaqaale dalka Iran.

Sidoo kale waxaa heshiiskan qayb ka ah, in Maraykanku ay sii daayaan shan muwaadin oo u dhashay dalka Iran oo ku xidhan gudaha dalka Mareykanka.

Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa toddobaadkii hore qalinka ku duugay, amarka lagu fasaxayo lacagtaas, bil ka dib markii masuuliyiin ka kala socota Mareykanka iyo Iran, ay mabda’iyan uga heshiiyeen arrintan.

Go’aanka lagu fasaxayo lacagtan, lalama socodsiin aqalka wakiillada ee Mareykanka, wixii ka horreeyey maalinimadii Isniinta, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Nuxurka heshiiska ayaa hore loo shaaciyey, sidoo kale waa la filan karayey inuu soo baxayo go’aanka la xidhiidha, in lacagtaas la fasaxo.

Hase ahaatee waxaa markii ugu horraysay uu maamulku sheegay inay heshiiska ku jirto in la sii daayo shan Iraaniyiin ah. Lama magcaabin maxaabiista reer Iiraan.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa in maamulka Biden uu kala kulmo dhaleecayn uga timaadda xisbiga Jamhuuriga.

AP + VOA

Sawirro: Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay CEELBUUR

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jihada waqooyi uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur, iyagoo la hawlgalaya ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaya magaaladaasi.

Ciidamadan, oo Isniintii ka qalab qaatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa cagta saaray waddada aadda deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km u jirta Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda masaafo yar u jiraan deegaanka Ceelgorof, oo ku dhow Wabxo.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada la faray in ay si buuxdo isugu furaan waddada xiriirisa magaalooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay inaanan dib loogu laaban doonin Ceelbuur, iyadoo aan Al Shabaab laga kicin deegaanada ku teedsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay si garbo siman isugu fidinayaan deegaanada, tuulooyinka iyo dhulka hawdka, si looga sifeeyo sida uu yiri cadowga.

Wasiir Shiiqow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muddada ka harsan bishan September lagu soo afjari doono Shabaabka Galmudug.

Shabaabka ayaa mar kale wajahaya guluf ballaaran oo dhul iyo cirba leh.

DF oo billowday mashruuc ku kacaya $11.4 milyan oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo ku kacaya 11.4 Milyan dollar, kaasi oo laga fulinayo isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Mashruucan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada deg-degga ah ee caafimaadka ee isbitaallada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, waxaana mashruucaan maalgalinaya bangiga adduunka.

Mashruucan oo loogu magac daray “xoojinta adeegyada deg-degga ah ee caafimaadka ee cisbitaallada federaalka iyo gobolka” ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la soo marsiin doonaa hay’adda Qaramada Midoobay ee caafimaadka adduunka (WHO).

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in mashruucaan uu yahay barnaamij dhamaystiran oo taageeraya ka soo kabashada masiibooyinka, iyada oo kor loo qaadayo u adkaysiga mustaqbalka.

“Waxaan bilownay shaqo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka deg-dega ah ee Soomaaliya anagoo adeegsanayna mashruuca soo kabashada dhibaatada Soomaaliya. Marka la tayeeyo tas-hiilaadka, tababarka shaqaalaha iyo isku xirka adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri Cabdi Tawane oo asagu ah maamulka mashruuca kasoo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya.

“Waxaan dhiseynaa awood waarta si aan uga jawaabno dhibaatooyinka caafimaadka iyo u adeegidda muwaadiniinta dalka oo dhan. Taageeradan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya hadda iyo mustaqbalkaba.”

Barnaamijkan ayaa sidoo kale ujeedkiisa u weyn lagu sheegay in uu seeska u dhigo daryeelka caafimaad ee dalka oo dhan iyo in la taageero xuquuqda aasaasiga ah ee caafimaadka dhammaan Soomaalida marka lagu jiro xaaladdan adag.

Si kastaba, Mashruucaan oo ah mid muhiim ah ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli nidaamka caafimaad ee dalkeenna uu la tacaalayo dhibaatooyin badan oo kala duwan.

Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey dardaaran cajiib ah oo Xasan Tuure uu ka reebay

0

Moqokori (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa ka sheekeeyey sida uu ku bilowday halgankii lagu xoreeyey gobolka Hiiraan, isagoo soo bandhigay qisada sidii uu dagaalka ku soo galay Taliye ku xigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure oo markii dambe lagu dilay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu wacay Xasan Tuure oo Jowhar jooga, heystana 150 askari oo Danab ah, isla markaana uu ka codsaday in Cali Jeyte uu dagaalka ku garab siiyo, si loo furo jidka Beledweyne ilaa Matabaan oo Shabaab ay jareen.

“Xasan Tuure wuxuu maalinkaas igu yiri diyaar ayaan ahay ee madaxda iga sareysa la xiriir, Odawaa ayaan u tegay, Madaxweynaha ayuu ii diray, Xasan Sheekh anigaa u tegay, waana ogolaaday, sidaas ayuu ku bilowday howlgalkii,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xasan Tuure iyo Cali Jeyte dhowr bilood oo dagaal qaraar ay kula jireen Al-Shabaab kadib, waxaa u suurta gashay inay ka adkaadaan Shabaab-kii joogay bariga gobolka Hiiraan, iyagoo xoreeyey dhamaan deegaanada bari ka xiga wabiga Shabeelle oo beesha Xawaadle ay degto.

“Hiiraan markii uu soo xoreeyey Xasan Tuure oo Galgaduud u gudbay ayaan maalin kale dardaarankii ugu dambeeyey ku kala qaadanay Hotelka Decale ee Muqdisho, wuxuu ii sheegay inuu socdo, wuxuuna igu yiri, ‘Galgaduud hadaan aado, labo ayey mid noqonee, askarta aan wato in la wada laayo ama inaan Shabaab ka soo taqaluso’ labadaasna dhib kuma qabo,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka sheekeeyey dardaarankii ugu dambeeyey ee Xasan Tuure.

Sanbaloolshe oo hadalkaan ka sheegay Moqokori ayaa xusay in dardaarankii Xasan Tuure ay ku jirtay in dagaalkii ay ku xoreeyeen Hiiraan uu u galay dhamaan umadda Soomaaliyeed sidii cowga looga dul-qaadi lahaa, isla markaana uu codsanayo hadii uu dhinto in aan la qabiileyn halgankaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu codsaday in Xawaadle uusan difaac gelin ee beelaha kale ay ku garab siiyaan sidii ay isaga kici lahaayeen cadowga ku habsaday, inta uu noolyahana uu isagu sii wadi doono dagaalka ilaa uu ka ciribtiro argagixisada.

“Hadaan dhinto qabiilkeyga iyo Soomaali oo dhan madaxeeda ayaan dagaalkaan u galaye hala sii wado oo dagaalka yaan la joojin, dagaalka yaan xuduud loo yeelin, yaan la qabiileyn, hana la ii soo aaro, ayuu Xasan Tuure igu yiri, walaahi kalaan been ah kuma darin,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo Moqokori ka sheegay dardaarankii Xasan Tuure.

Ugu dambeyntii Sanbaloolshe ayaa beeshiisa Xawaadle ka socday inay difaaca ka baxaan oo dagaalka galaan, “Walaahi ma jirto cid idinka geesisan ee qaraaboy dagaalka gala,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Allaha u naxariistee Taliye Xasan Tuure oo dardaarankaan laga reebay wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii iyo abaanduulihii ciidamada kumaandooska Danab, weerar culus oo Shabaab ay ku qaadeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay dhowr bilood ka hor.

Hoos ka daawo

Daawo: DF oo min labo darajo dalacsiisay ciidankii shalay Shabaab ku laayey Awdheegle

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa galabta gaaray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo shalay si weyn loogu laayey Khawaarijta Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday ciidanka dowladda.

Taliyaha oo ka baxay Shabeellada Dhexe ayaa halkaas ku tegay amar uu bixiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo ciidankii ka dagaalamay Awdheegle dalacsiiyey.

Dhamaan ciidankii ka dagaalamay Awdheegle ee shalay cashirka u dhigay Al-Shabaab ayaa la dalacsiiyey min laba darajo, taasi oo ciidanka u noqotay fursad dhif iyo naadir ah.

“Waxaan rabaa ciidamada labada guuto ka kala tirsan ee shalay halkaan guusha ka dhaliyey, cashirkana u dhigay Khawaarijta, in la sii soo qoro magacyadooda, waxaa la dalacsiiyey mid laba darajo,” ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Wuxuu sidoo kale ciidanka gaarsiiyey hambalyo iyo bogaadin uu kaga siday Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliyaha ku amray inuu ciidankaas deg deg ugu tago oo min laba daraji dalacsiiyo.

“Waxaan idiin balan qaadayaa in dalacaadaan kadib aan qiimeyno kala sareynta ciidanka alif ilaa seddaxle, darajo kasta lacagteeda ayaad qaada doontaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Taliyaha Xoogga ayaa sheegay in liiska saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka dagaalanay Awdheegle uu u gudbi doono madaxweynaha, si ay u helaan abaal-marinta ay mudan yihiin.

“Guusha aad gaarteen Khawaarijta niyad jab ayey ku riday, waxaan kai mid Nuurdugle, dhamaan dhulkaas waa isaga baxeen markii ay ku niyad jabeen sida aad u jebiseen,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Taliyaha xoogga ayaa saraakiisha iyo ciidanka xasuusiyey in nin kasta maalinta uu joogo uu qarankaan u adeego, “Dalkaan ninba maalin ayuu u soo dagaalamay, inta aad nooshihiin dhiigiina haku nasteen shacabka walaalihiin ah,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo