27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Sawiro: Xamza oo daah-furay laba mashruuc oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay mashaariic cusub oo laga hirgelinayo dalka.

Mashaariicdan oo ah kuwa caafimaad ayaa kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaasi oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen Shabaab-ka laga sifeeyey, islamarkaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.

Mudane Xamza ayaa ku ammaanay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.

Labadan mashruuc oo ay fulinayso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxa uuna ra’iisul wasaare Xamza ka dhawaajiyay in lagula xisaabtami doono hey’adaha hirgelinaya mashaariicdani ay ku baxeyso malaayiinta dollar, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.

Ciidanka DF iyo shacabka oo la wareegay degaano cusub kadib markii Shabaab ay…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa haatan halkaasi ka wada gudaha iyo hareeraha deegaanka howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka, kadib markii ay si nabad ah kula wareegeen Ceel-garas.

Sidoo kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isla maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanada Cadcadeey iyo Cadaan-laxeey oo hoostaga Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa sidaan oo kale si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanadaasi, kuwaasi oo la sheegay inay iska baxeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab kadib markii ay ka warheleen howlgalka ku wajahnaa.

Howl-gallada lagu qabtay deegaanadan ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

SSC-Khaatumo oo sheegtay qorshe ay Somaliland ka leedahay ‘arrintii ay faafisay’

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa beeniyay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay soo galeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay horay u sheegtay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ka badan 600 oo dagaal-yahan, oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo kamid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab ay soo galeen magaalada Laascaanood labadii maalin ee ugu dambeysay.

SSC-Khaatumo ayaa waxay arrinta ay sheegtay Somaliland ku tilmaamay “rafasho iyo beenihii ay Hargeysay waday sagaalkii billooda ee lasoo dhaafay iyo weliba af-lagaadadii joogtada aheyd ee ku haysay bulshada SSC, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo.

“Somaliland waa in ay bulshada u soo bandhigtaa sida 609 oo argagixiso ah Laascaanood ku yimaadeen, ma cirka ayay kasoo dageen?, badda miyey kasoo galeen?, ma Hargeysa ayaa laga soo diray mise iyaga oo tiknikadooda wata ayey kasoo kicitameen bartamaha Koonfurta Soomaaliya?.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo, “Hoggaanka maamulka Somaliland waxaa caado u noqotay sagaalkii bilood ee tagay in ay bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka la horyimaadaan warbixino in lagu qoslo mudan, masuuliyaddana ka arradan, tii u dambeysayna kama duwana kuwii hore.”

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in arrintaan ay Somaliland ka leedahay weerarro ay ka fuliso deegaanadodda, taasi oo haddii ay dhacdo ay sheegeen inay uga jawaabi doonaan tallaabada ku haboon, wixii ka dhashana masuuliyadeeda ay qaadi doonto Somaliland.

“SSC-Khaatumo waxay u fahantay in Somaliland qoraalkii u dambeeyay ugu gogol xaareyso weerarro ay ka fuliso deegaanada SSC.”

Bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayso xuduudaheeda nabad-galyada iyo bad-qabka dadkeeda, ayna diyaar u tahay in ay kala shaqeyso hay’adaha amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo kuwa caalamigaba ka hortaga halista argagixisada.

Si kastaba, bayaanka SSC-Khaatumo ayaa imanaya ka gadaal markii ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka, dalalka deriska ah iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la-dagaalanka “argagixisada iyo xagjirnimada” Laascaanood.

BF oo ka dooday mooshinka Sheegow, go’aamiyayna….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka dooday mooshin ku aadan xarigga Jeneraal Sheegow oo weli u xiran dowladda, kadib markii bishii hore lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey oo ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta guddoomiyay kulankii maanta ayaa qabtay mooshinka wuxuuna sheegay in xildhibaanada qaar ay dalbadeen in lagu soo daro ajendaha.

“Xildhibaano ayaa waxa ay soo jeediyeen mooshin ka hadlaayo Jeneraalkii xirnaa, marka arrintaas ayaa idin ogeysiinayaa ee ajendaha noo ansixiya” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Intaasi kadib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana metala Jeneraalka lasoo xiray, wuxuu meesha ka akhriyay ujeedada mooshinka ay kasoo diyaariyeen arinta Jeneraal Sheegow Axmed Cali.

“Ujeedo soo jeedin mooshin ku saabsan weerarkii lagu qaaday hoyga uu daganaa Jeneraal Sheegow Axmed Cali, Mudane guddoomiye adiga oo mahadsan noo ogolow inaan golaha sharafta leh hortiisa ka jeedino warbixinta weerarkii kooxo ka kala tirsan ciidanka Booliska iyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku qaadeen guriga Jeneraal Sheegow Axmed Cali, anshax xumadii sarkaalkaas sare loola dhaqmay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caymoy.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in weerarka kadib la bililiqeystay guriga Jeneraalka, isla-markaana loo gaystay dhibaato xoogan, sida uu hadalka u dhigay,

“Waxaa intaa dheer in la bililiqeystay guriga uu Jeneraalka deganaa, sidoo kale waxaa burbur xoogan loo gaystay guryo ay dagan yihiin dad danyar ah” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo madasha ka hadlay ayaa isna codkiisa ku biiriyay arrinta Sheegow, wuxuuna sheegay in si khaldan loo soo xiray.

“Markii lasoo qabanayay Sheegow si ka baxsan sharciga ayaa loola dhaqmay, qoorta ayaa la soo qabtay” ayuu  baarlamaanka ka dhexe yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego

Ugu dambeyn waxaa dooda mooshinka soo xiray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday in kiiskan uu lagu wareejinayo guddiga amniga ee baarlamaanka, si uu dabagal ugu sameeyo, wuxuuna faray in warbixinta uu ku soo celiyo isla Golaha Shacabka.

XILDHIBAANO lagu dilay qarax ka dhacay Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo goordhow ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo dhigay xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ku socdaalayay halkaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurka la qarxiyay ay la socdeen xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka ee degmada Dhuusamareeb.

Labada xildhibaan ayaa isla goobta ku geeriyootay, kadib markii ay la kacday miinada loo dhigay baabuurka ay saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa weerarkan uu khasaare dhaawac ah kasoo gaaray askar kale oo ilaalo ahayed labada xildhibaan ee ku geeriyootay qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna meesha kasoo qaadeen maydadka labada xildhibaan oo la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qaraxan, waxayna tacsi u direen ehellada labada xildhibaan ee lagu khaarijiyay qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida ay ku sheegtay qoraal ay goordhow ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

AUN xildhibaanada geeriyooday ayaa kusii jeeday furimaha dagaalka, si ay u dhiirgeliyaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada halkaas, una qiimayaan xaaladdooda.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro & dagaallo toos ah oo dhaliya khasaare kala duwan.

Dhabancad oo farriin u diray Shabaab-ka ku go’doonsan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Dhabancad oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa farriin culus u diray xubnaha Shabaab-ka ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug.

Xildhibaan Dhabancad oo ku sugan jiidda hore ee furimaha dagaalka ayaa waxa uu ku booriyay dhalinta weli ka barbar dagaalameysa Shabaab ina ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursad cafis ee u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Wixii Soomaali ah oo Al-Shabaab fikradooda qaba xil gaar ah dadka ka saaran, dadkooda ha soo raacan cafis ayaa la fidiyay waa lasoo dhaweyna. Waxaa yeeshaan inta goor goor tahay dadkiina kusoo biira oo is-dhiiba,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu xubnaha kooxda ee ku sugan aagga Laas-gacmey ugu hanjabay in ay jabin doonaan haddii aysan isa soo dhiibin, oo ay isku dayaan in deegaanka soo galaan, ama la-dagaalamaan ciidamada.

“Dowladdii Soomaaliya go’aan ayay gaartay oo diyaarado ayay la timid marka caqli darrada waxa weeyi meel ban ah ninka taagan ee diyaarad kusoo socoto isaga ayaa isa-shirqoolay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Dhabancad.

Dhabancad ayaa tilmaamay in xilligaan Soomaalida ay ku heshiisay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, uuna guuleysn doono dagaalka socda, oo guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda.

Si kastaba, Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab oo iyagu weli ku harsan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas, xilli uu socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda.

Xog: Al-Shabaab oo tababar usoo xirtay 60 nin oo loo diyaariyey inay is-qarxiyaan

0

Baydhabo (Caasimada Online) -Cumar Maxamed Ismaaciil oo uu magaciisa afgarashadu yahay (Nuur), isla-markaana ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, balse la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa shaaciyay xog ku aadan ku aadan xubno ay Shabaab u tababareen is qarxinta, si ay u fuliyaan weerarada is-miidaaminta ah.

Cumar oo wareysi bixiyay ayaa marka hore ka sheekeeyay qaabka uu ugu biiray kooxda, wuxuu sheegay in markii hore deganaa Gaalkacyo, kadibna uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah.

Intaas kadib waxa uu sheegay inuu lasoo xiriiray nin ay qaraabo yihiin, uuna ku tashkiiliyay Al-Shabaab, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar gaar ah.

“Waxa uu tilmaamay in tababarka uu ku qaatay xero ku taalla tuulada Buulo Ooman, isla-markaana ay tiro ahaan gaarayeen in ka badan 200, oo isugu jiro Soomaali iyo Oromo.

“220 nin ayaan ku galnay tababarka waxaa reer waqooyi ahaa 17 nin, Oromana waxaa ahaa oo nagu jiray 50 nin” ayuu wareysiga ku yiri Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga lasoo tababaray ay ku jireen 60 nin oo gaar ah, isla-markaana loo tababaray qaybta is qarxinta, isaga oo sheegay in loo xiray  dhar gooni ah.

“Waxaa kale oo ragga ku jiray 60 nin oo ay dheheen waa rag is qarxinaayo oo iyagana darees gaar ah loo geliyay, kuwaas ayaa iyagana jiray” ayuu yiri Cumar Maxamed.

Waxaa kale oo uu yiri “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay”.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa hadda soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Gakbeed , wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyay sida lagu qabtay.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.

Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo gaaray degaan ay maanta qabteen ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Ceel-garas ayaa waxaa maanta la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib muddo ay halkaasi ka talinaysay kooxda Al-Shabaab.

Masuuliyiintan ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca shacabka ee cadowga ka xoreeyey deegaano badan oo dhaca Bariga Galgaduud, waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in shacabka Ceel-garas laga dulqaaday cadowgii muddo dhibaateynayay.

Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in la kala jaray marankii argagixisadii jirta jihadda Ceelbuur iyo kuwa jira Xiindheere iyo Qaayib.

Tani ayaa ka dhigan in kooxda ay awoodi la’dahay inay ku dagaalanto dhulkii ay mudada fog haysatay, iyada oo dareensan culeyskii dowliga ah iyo midka shacbiga ah ee soo foodsaaray bilihii lasoo dhaafay.

Shalay ayaa sidoo kale kooxda waxaa duqeymo looga laayay xubno badan, duqeymaha qaar waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Ceel-garas iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale khasaare xooggan ayaa kooxda kasoo gaartay duqeyn ay la kulmeen markii ay shalay isku dayeen inay weeraraan ama ay galaan Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay shacabka dhex deggan Al-Shabaab

0

Aadan Yabal (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii xoogeysanayo, wuxuuna digniin kama dambeys ah u diray shacabka weli ku sugan deegaanada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in shacabka laga rabo inay ka dheeraadaan Al-Shabaab iyo goobaha lagu bartilmaameedsan karo, maadaama duulaan lagu yahay.

“Shacabow waxaan idin leeyahay isaga dheerada meelaha Shabaab joogaan, dadkaas waa kuwa la beegsanay, waa la duqeyna bad iyo dhulba waa lagu beegsanaya ee hadad kusii dhex jirtaana dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay shacaboow taas ogaada” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mas’uuliyadda wixii dhibaata ah ee ka dhashay howlgalkan in aysan qaadi doonin ciidamada Xoogga, loona baahan yahay in shacabku ay qaataan digniinta, ayna ka fogaadaaan meelaha ay joogaan xubnaha lala dagaalamayo

“Haddii aadan ka fogaan wixii idin soo gaara idinkaa is yeelay, sidaas darteed beri diyaarad ayaa na duqeysay ama madfac ayaa nagu dhacay yaysan dhicin” ayuu mar kale yiri.

Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay diyar u yihiin inay qaadaan gulufkii ugu dmabeeyay, si Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada ay hadda ka joogaan waddanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn culus oo todobaadkan ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa jiidda hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Daawo: Sarkaal Al-Shabaab ah oo la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka…

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Hay’addaha Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba ku qabtay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) ayaa la qabtay, xilli uu usoo dhoofayay magaalada Muqdisho.

Cumar ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna bixiyay wareysi muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu yahay 40 jir, ku noolaa Gaalkacyo, kadibna usoo wareegay Xamar.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in kahor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah, sida uu ku caddeeyay wareysiga.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab uu tashkiiliyay ninay qaraabo yihiin, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar muddo soconayay.

“Xamar waxaa ka ahaa Macallin dad qurbe-joog ah ayaa Oline-ka Qur’aanka uga dhigayay aniga oo sidii u jooga waxaa ila soo hadlay nin aan qaraabo nahay oo nimankaa Shabaabka ah ninkaas oo la yiraahdo Maxamed Xasan, kadibna waxaan tegay Jilib” ayuu yiri Cumar.

40 jirkan ayaa sidoo kale xusay in tababarka uu usoo xiray Mahad Karataay oo kamid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, kadibna ay sameeyeen dhoolatus wayn.

“Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale wareysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed.

Cumar Maxamed Ismaaciil oo Al-Shabaab looga dhex yaqaano Nuur ayaa sidoo kale ka sheekeeyay qaabka loo qabtay, wuxuuna tilmaamay in loo soo gooyay tikid, isla-markaana gacanta laga dhigay isaga oo doonayay inuu diyaarad kasoo raaco magaalada Baydhaba.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday Koonfur Galbeed in ay cafis u fidiso, wuxuuna sheegay inuu khaldamay, isla-markaana uusan hadda gaysan wax dhibaato ah.

“Maadaama aan qof  Soomaaliyeed dhibaato u gaysan taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa cafis waxaan ahay nin khalday” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Horay Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale garoonka Baydhaba ugu qabatay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo doonayay inay kasoo dhoofaan garoonka magaaladaasi.

Somali Prime Minister lauds strengthening ties with Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, H E Hamza Abdi Barre, shed light on the deepening ties between Somalia and Qatar.

Barre emphasized the unique bond: “Somalia does not see Qatar as a mere partner, but rather a strategic ally and reliable friend.” He affirmed that Qatar’s continuous aid and support have been paramount in various situations.

“Qatar has never hesitated to assist on issues at both regional and international forums,” Barre remarked.

This camaraderie is evident in Qatar’s consistent support for Somali development projects.

Qatar’s involvement has been instrumental, from road infrastructure and rehabilitation of government facilities to assisting in countering crises and addressing humanitarian concerns.

The Prime Minister also recalled Qatar’s hosting of the third meeting of the quint group in Somalia last June, which highlighted Qatar’s vital role in promoting regional and international development and stability in Somalia.

Untapped potential and forward plans

Turning the spotlight to prospects, Barre highlighted the vast resources of Somalia, waiting to be explored.

With its sprawling coastline stretching over 3330km, enriched with abundant fish, approximately 8.5 million hectares of fertile land, and livestock numbers close to 40 million, Somalia holds immense potential for further trade and investment.

Energy sectors and various other industries also present numerous opportunities.

“We anticipate expanding our cooperation to significant fields such as education, culture, human wealth development, and efforts to combat extreme ideologies,” Barre elaborated.

He added that both nations are keen to enhance joint committees, ensuring that existing agreements and memoranda are implemented, thereby intensifying collaboration on concerns of mutual interest to both Arab and Islamic communities globally.

Building on historical trust

The alliance between Qatar and Somalia is not a recent phenomenon. Reflecting on this, Barre mentioned, “There exists a well-established rapport between our nations, serving as an epitome of exceptional international relations.”

Such ties, he believes, have augmented the degree of trust and mutual support, subsequently boosting the rate of collaboration in economic, security, and developmental sectors.

In summing up the trajectory of the bilateral relationship, the Prime Minister emphasized the significant progress made over the years.

He said, “This visit further reinforces our commitment to deepening our partnership in all domains, aiming to foster peace, stability, and prosperity within Arab and Islamic nations.”

Somaliland oo shaacisay in Fu’aad Shongole iyo 600 oo dagaal-yahan ay soo galeen…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ka badan 600 oo dagaal-yahan, oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo ka mid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab, ay soo galeen magaalada Laascaanood labadii maalin ee ugu dambeysay.

“Tani waxay walaac sii kordhaya ku abuurtay mas’uuliyiinta iyo muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland. 

“Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Shangole uu yahay sidii maleeshiyaadka degaanka loogu tababari lahaa diyaarinta walxaha qarxa iyo sidii Al-Shabaab saldhig uga sameysan laheyd buuraleyda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.” 

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa sheegtay in bilihii ugu dambeeyey magaalada Laascaanood “ay la kulantay kororka weerarada, dadaallada qorista maleeshiyaadka iyo faafinta dacaayadaha xagjirnimada.” 

“Dhaq-dhaqaaqyadan waxay carqaladeynayaan dadaallada ay dowladda iyo ciidamada ammaanku ku doonayaan in ay ku ilaaliyaan ammaanka iyo kala dambeynta deegaanka. Kor u kaca dhacdooyinka rabshadaha wata iyo fikradaha xagjirka ah waxay khatar weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Somaliland iyo guud ahaan gobolka,” ayey tiri.

Somaliland ayaa sheegtay inay horey walaacyadeeda ugu gudbisay beesha caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka, maadaama dhacdooyinkan, ayey tiri, ay halis gelinayaan nidaamka bulshada.

“Sare u kaca dhaq-dhaqaaqyada xagjirka ah ma saameynayaan kaliya amniga Laascaanood balse waxa ay sidoo kale ku fidi karaan gobollada deriska ah, taas oo sii xumaynaysa xasilloonida deegaanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.  

“Waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo xog ururinta, xoojinta amniga xuduudaha, iyo hagaajinta isku xirka hay’adaha amniga si looga hortago khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.” 

Somaliland ayaa ugu bqqday beesha caalamka, dalalka deriska ah, iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la-dagaalanka “argagixisada iyo xagjirnimada” Laascaanood.   

Maamulka la baxay SSC-Khaatumo ee dhowaan looga dhowaaqay Laascaanood ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warka kasoo baxay Somaliland. 

Somaliland ayaa dabayaaqadii August looga adkaaday dagaalkii Laascaanood, ayada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-Cadde. Wixii markaa ka dambeeyey waxay wadday abaabul dagaal, ayada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Wararkii ugu dambeeyay shirka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee Nairobi + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan isugu tegay inta badan xubnaha mucaaradka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo uu Axaddii shalay shir xasaasi ah uga furmay halkaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, sida saddex goomiye baarlamaan oo hore, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan oo horay usoo hoggaamiyay maamulka.

Sidoo kale waxaa madasha qayb ka ah agaasimihii hore ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo dhowaan uu is casilay, taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Senator Ilyaas Cali Xasan, wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Fargeete iyo rag kale.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa iyo arrinta doorashada oo ay dood ka taagan tahay

Xuseen Sheekh Maxamuud oo hadda ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay muhiimadda shirkooda Nairobi.

“Kulankan waxaan kaga doodi doonaa arrimo ay ka mid yihiin: Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada KGS. annaan doorasho oo loo dhan yahay, daah-furan, nabad iyo cadaalad ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed, si waafaqsan heshiiskii Baydhabo ee Febraayo 2023” ayuu qoraalkiisa ku yiri Musharrax Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in musharraxiintu ay sameysan doonaan gole ay ku mideysan yihiin oo ay ku wajahayaan doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

“In la sameeyo hadaf iyo aragti fog oo ay musharaxiinta iyo siyaasiinta KGS ku mideysan yihiin kuna wajahan Koonfur Galbeed xasilloon, nabad iyo barwaaqo ah” ayuu ku daray.

Koonfur Galbeed ayaa haatan waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Laftagareen, taas oo ku aadan doorashada soo socota.

Erdogan fury as US ties F-16 sale to Sweden’s NATO bid

Ankara (Caasimada Online) – President Tayyip Erdogan of Turkey expressed his dissatisfaction with the conditions laid out by U.S. President Joe Biden’s administration.

The crux of the matter? Biden’s administration seems to be intertwining the sale of F-16 fighter jets to Turkey with Ankara’s ratification of Sweden’s bid to join NATO.

“After our ‘pull-aside’ discussion with Biden during the G20 summit in New Delhi, it’s clear that the U.S. is connecting the F-16 supply to Turkey’s stance on Sweden’s NATO application,” Erdogan stated.

In October 2021, Turkey showed interest in purchasing $20 billion worth of Lockheed Martin Corp’s F-16s and almost 80 modernization kits for their current fleet to provide a clearer picture. Turkey had also been a significant roadblock for Sweden’s aspirations to join NATO.

NATO membership: Sweden’s hurdles

Sweden and Finland had expressed interest in joining NATO last year, primarily driven by Russia’s invasion of Ukraine.

While Finland’s application smoothly made its way through, Sweden’s bid faced obstacles, specifically from Turkey and Hungary.

The Turkish Foreign Minister noted that Ankara and Budapest have been in tight-knit discussions regarding Sweden’s application.

Sweden’s path towards NATO had seen progress when Erdogan agreed to present Sweden’s membership application to the Turkish parliament during a NATO summit in July.

Following this, U.S. National Security Adviser Jake Sullivan declared that the U.S. would consider moving forward with the F-16 sale to Turkey, but Congress would have the final say.

However, Erdogan countered, “If Congress has a say in F-16 sales, remember, Turkey too has its parliament. Without our parliament’s consent, I cannot unilaterally approve Sweden’s NATO membership.”

Tensions between Turkey and Sweden

Digging deeper into the discord between Turkey and Sweden, Ankara claims that Sweden has provided shelter to the outlawed Kurdistan Workers Party (PKK) members.

This organization is blacklisted as a terrorist group by Turkey, the European Union, and the United States.

“Sweden must live up to its commitments,” Erdogan remarked, implying that Sweden should make efforts, such as extraditing alleged PKK members and stopping pro-PKK rallies on its soil before Turkey can endorse its NATO application.

To soothe these apprehensions, Stockholm introduced legislation in June. This law criminalizes being a member of a terrorist group or assisting such groups logistically and financially.

Additionally, Stockholm remains hopeful, based on previous agreements, that when the Turkish parliament reconvenes in October, it will give a nod to Sweden’s NATO aspirations.

Mossad oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto IRAN

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa Axaddii sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto “bartmaha Tehran” si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay inay ka dambeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha Israel iyo Yahuudda ee caalamka.

Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfurbari Asia iyo Koonfur America.

“Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv.

Waxa uu intaas ku daray in “hadda oo aan hadlayno” Iran ay isku dayayso inay qaado weeraro dheeraad ah.

“Farriinteenu waa mid qaylo dheer oo cad oo go’aan uu ku dheehan yahay,” ayuu yiri.

“Ha qaldamina, kuwiinna go’aansaday inay soo diraan kooxaha. Ogsoonaada inaan idin heli doonno, oo caddaaladda la fulin doono si ay u wada arkaan dhammaan. Tani hadda kahor waa laga dhabeeyey, mustaqbalkana, waxaanu kor ugu qaadi doonaa heerka xiga.”

Barnea waxa uu sheegay in Israel ay ka dabi tegi doonto wakiillada ku lugta leh shirqoollada iyo taliyeyaasha soo diray.

“Cawaaqibkani waxaa laga filan doona gudaha Iran, bartamaha Tehran,” ayuu yiri.

Israel ayaa Iran u aragta cadowgeeda ugu weyn, ayada oo xiganeysa baaqyada Iran ee ah burbirnta Israel iyo taageeradeeda dagaal-yahannada ku sugan meelo ku dhow xuduudda Israel.

Israel ayaa sidoo kale ku eedeysay Iran inay raadineyso hub Nukliyeer ah – eedeyntaas oo Iran ay beeniso.

Iran ayaa ku eedeysay Israel inay fulisay tiro weeraro dhimasho leh oo lagu qaaday saynisyahannada Nukliyeerka iyo goobo ku yaalla gudaha Iran, inkasta oo Israel aysan inta badan ka hadal howlgallada noocan ah.

AP, VOA

Sababta dheereysay abaabul-ka dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa haatan si dardar leh uga socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Abaabulka dagaalkan ayaa qaatay waqti dheer, waxayna dowladda federaalka howlgalkan isku diyaarineysay in muddo ah, si loo helo ciidan iyo dhaqaale ku filan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale haatan muddo ka badan bil ku sugan jiida hore ee dagaalka, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo iyo kulamo ka wada Galmudug iyo HirShabelle.

Haddaba Maxaa sababay inuu waqti dheer qaato abaabulka dagaalka Al-Shabaab?

Mahad Wehliye oo bartay culuumta amniga, isla-markaana la hadlay Idaacadda VOA ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay waqtiga ugu badan gelisay dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ujeedka uu yahay in laga saaro waddanka oo dhan.

Aqoonyahan Wehliye ayaa xusay in Al-Shabaab aan sidaan lagu soo afjari karin, wuxuuna kula taliyay dowladda inay beddasho xeeladda dagaal ee ay ku wajaheyso kooxda.

“Qaabka ugu sahlan nimankan ay dowladda Soomaaliya dagaalka kula jirto loo soo afjari karo waxa ay tahay in dowladdu ay bedasho istaraatiijiyaddda milatari oo ay hadda dagaalka kula jirto oo ah in milatariga lagu weeraro, qaabkaasna ma ahan mid looga adkaan karo, laguna soo afjari karo” ayuu yiri aqoonayahan Mahad Wehliye.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la dagaal geliyo ciidanka Macawiisleyda, isla-markaana ay taageerto dowladda Soomaaliya, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab.

“Hadda fursadda ay haysato dowladda waxaa waayay in ciidamada qabaa’ilka ah ee iyagu maanta u diyaarsan inay cadowgaan iska dul-qaadaan ay dowladdu hubeyso, saanadda ay u baahan yihiin lagu garab istaago” ayuu mar kale yiri Mahad Wehliye.

Waxaa kale oo uu yiri “Dagaalkooda oo abaabulan qaab jabhado camal ah dowladdu inta ay u isticmaasho iyaga ay la dagaalamaan ayaa wanaagsan”.

Dhankiisa Axmed Cabdi Haadi oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa tilmaamay in aysan xumeyn qaabka ay dowladdu ku waddo dagaalka, wuxuuna boggaadiyay guulaha la gaaray.

“Sida ay hadda ku socoto arrinta iyo wajigan qaybtiisa koowaad oo HirShabelle iyo Galmudug qaybo badan ayaa guul ku dhamaaday” ayuu isna yiri Axmed Cabdi Haadi.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad dagaal, waxaana iska kaashanaya dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, iyada oo ujeedadu ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.

Daawo: Axmed Madoobe oo si adag u weeraray xubno Xasan ku hagraday dagaalka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta uu aaminay madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo markii xilalka la siiyey dagaalka Al-Shabaab geli waayey ee ku fiirsaday madaxweynaha.

Sidoo kale alAxmed Madoobe ayaa farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ku ah Xasan Sheekh, kuwaas oo mararka qaar hawada soo mariya hadallo hiilo u ah Al-Shabaab oo madaxweynuhu uu Tuute u qaatay inuu la dagaalamo.

“Madaxweynihii inta Tuute qaatay oo wiilkiisa watay ayuu hadba furin tegayaa oo gaari qarax ah loo dhigayaa, siyaasiga Soomaaliga ah iyo odaga kaaba qabiilka ah, mid kasta wuxuu rabaa inuu iska jiifo madaxweynihii oo furinta taagan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasi Soomaaliyeed oo rajo kaga jirto inuu dalkaan xukumo uu Xasan Sheekh ku xumeynayo u hiilinta Al-Shabaab.

“Ninka u arka hadii Shabaab laga adkaado inuu Xasan Sheekh xilka sii joogayo waan la yaabanahay aragtidiisa, siyaasigaas wuxuu maanta carqalad ku yahay howlgalka lagu jiro iuo dib u xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa balan qaaday inay garab istaagayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, “Madaxweynow waan ku garab taaganahay, shaqadaan inaad banaanka u sii taagnaataan kaa rabnaa, siyaasiga ka soo hor jeeda dagaalka Shabaab waxaan weydiinayaa, ma Shabaab oo joogaad ku riyooneysaa inaad xil qabato?”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta iyo qurbajoogta ka codsaday inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku garab istaagaan dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu farriin u diray reer Jubbaland.

“Reer Jubbaland waxaan idinka codsanayaa aan u diyaar garowno inaan dagaal galno, dowladnimadii dalkaan shan sano oo lasoo dhaafay waxaa lagu burburinayey amniga dalka, 80% amnigii aan Gedo ka hirgeliyey dowladda ayaa burburisay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Wuxuu khatar ka muujiyey hadii ciidanka Jubbaland uu dagaal geliyo, sida ay ku sii difaaca karaan dhulka ay ka xoreeyaan Al-Shabaab, maadaama ay aad u yaryihiin, “Shalay Xasan Sheekh ayaa dowladnimo noogu dambeeyey, maanta ayuu mar kale soo laabtay jidkii toosnaa ayuu hayaa ee aan garab istaagno,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Hoos ka daawo

 

Madaxweyne DENI oo la yaaban halka ay marayso dimqoraadiyaddiisa

0

Doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee ka dhacay Puntland May, 2023 waxaa laga qabey rajo aad u wanaagsan, in degmooyinku helaan maamulo hagaagsan oo dadku soo doortey ku yimid nidaam dimoqraadi ah, kadibna loo gudbi karo Dowaldda dhexe ee fadhigeedu yahay Garoowe, haddaba xagee wax marayaan? maxaa hortaagan dhismaha goloyaasha deegaanka? mudada harsan iyo sii socoshada Dimoqraadyadda.

Waxaa lagu wadey in 5, September 2023 la fariisiyo 29 degmo goloyaasii deegaanka ee loo dhisey, laakiin arintaasi ma suurta gelin, waxaa ka mid ahaa degmooyinka qaar ururada qaarkood aqlabiyad buuxda oo ay keligood dhisi karaan maamulka degmada waxaana ka mid ahaa, Caluula, Belidhidin, Dhudhub, Gumbax iyo qaar kale.

Sababta ugu weyn ee hortaagan, waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid, waana Xisbiyada oo aan soo gudbin musharaxiitii u tartami lahayd waana dabranahay ayuu yiri, laakiin arintu intaas weyn tahay.

MADAXWEYNE DENI OO YAABAN?

Waxaa la aaminsan yahay sida wax u socdaan in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni qudhiisu aanu ku faraxsaneyn, marar badan oo hore ayaa lagula taliyey Madaxweyne Deni in uu fiiriyo muuqaalka weyn (big picture) ee aanu isku mashquulin waxa hoose, waa maxay muuqaalka weyn, waa Puntland oo si rasmi ah ugu gudubta nidaamka is doorashada ka gudubta kii ay daa’intey 25 sano. Madaxweyne Deni markasta waxa uu isku mashquulin jirey meelo hoose oo xagal daacin ku ah geeddi socodka dimoqraadiyadda, isaga oo eegaya damiciisa, laakiin hadda waay soo dhaaftey “ALAMTARA”. Mid waa xaqiiqo in aan barnaamijka dimoqraadiyadda la isku raacsaneyn oo loo dhameyn gobolo iyo degmooyin ay ka maqan yihiin, mid kale ayaa xaqiiqo ah taas oo ah haddii ururka keliya ee Mucaaradka ah uu doorashada ka haro inaysan dhacayn doorasho, Sababtu waa in ay xoogeysanayaan Mucaaradku oo arrintu tegi doonto kala qabta.

Bilowgii Sanadkan waxaa shir ku yeeshay magaalada Boosaaso Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yusuf, shirkaas ayey isku raaceen arrimo badan, oo keenay in Abwaan Cabdirashiid uu si weyn u taageero doorashooyinka oo uu marki hore diidanaa, tan iyo markaas maalinba maalinta ka danbeysa waxaa Madaxweyne Deni ku hoobaanaayey god, waxaana farihiisa ka sii baxaayey maamulka barnaamijka dimoqraadiyadda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo hadda si toos ah ula shaqeynaaya siyaasi horey uga soo shaqeeyey Puntland ayaa si rasmiya ula wareegay talada PEC, waxa uu soo magacaabey afar kamid ah, waxa isaga iyo xulafadiisi ay soo wada shaqeeyeen ay la wareegeen mid kamid ah ururada siyaasadda ee loo diyaarinaayo siyaasiga hore Puntland uga soo shaqeeyey. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil waxa uu banaanka ku dhisey maamulka PEC, Guddoomiyaha PEC ayuu u magacaabey Fu’aad Adeer oo isaga oo xildhibaan ah uu u magacaabey PEC, halka guddoomiye ku xigeen uu siiyey xubin kale oo isagu magacaabey oo ka soo jeeda gobolka Sanaag. Abwaan Cabdirashiid ma qarsan arrintaas waxana uu kala hadley xubnaha ay soo magacaabeen xisbiyada siyaasaddu isaga oo ugu goodiyey in aysan is sharixi karin.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ah nin khibrad u leh siyaasadda muddona ku soo jirey ayaa hadda yaaban sida wax u socdaan, waxaana muuqata in taladuba gacantiisa ka sii baxayso.

Dhanka kale Ururada KAAH, Sincad, Mustaqbal, Runcad, Shaqaalaha iyo Ifiye ayaa doonaya in ay su tagaan oo dhistaan isbahaysi loogu magacdarey SIKSHAR ama SHIRMAK, qorshaha ugu weyn ayaa ah sidii Xisbiga Mideeye loo dhaafin lahaa maamulka Boosaaso oo ay haystaan aqlabiyadda 39%, isutagga ururadan ayaa haysta 20 xildhiaan. Kaah 9, Mustaqbal 4, Sincad 4, Ifiye 2, iyo Shaqaalaha 1 xildhibaan. Aqlabiyadda lagu dhisaayo ayaa ah 17 Xildhibaan.

Arintan ayaa la dhihi karaa mar kale ma ahan muuqaalka weyn, sida ay sheegayso dimoqraadiyaddu waa in ururka aqlbaiyadda helaa lagu ixtiraamo in uu soo dhiso haddii uu aqlabiyad haysto haddii kalena uu raadsado xulafo, marka uu waayo lagula tartamo, laakiin iyada oo aysan jirin xulafo hore doorashada ka hor ee ay tahay wax haddala dhisaayo, waxaa muuqaneysa in loo midoobayo dagaalka Mideeye oo keliya, taasna aysan ku dhismeyn degmooyinka mugdina ay gelineyso sii socoshada barnaamijka dimoqraadiyadda.

Isku soo duub, Madaxweyne Deni waa adag tahay in uu badbaadiyo wixii ugu weynaa ee uu uga duwanaan lahaa madaxdii Puntland soo martey, waxaa hadda la gudboon in uu Puntland ka badbaadiyo in ay fashilanto oo asaageed ku hor kufto, dagaalona ay ka curtaan, waa in uu si degdeg ah ula fariistaa mucaaradka, talo mideysana lagu aado doorashada nooca ay doonto ha noqoto.

Axmed Yuusuf Cali
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

SHUB: Waxaan sugaynaa Shabaab-ka lagu soo qab-qabto dagaallada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Shub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, isaga oo boggaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga soo hooyay.

Taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Asluubta ay sugayaan in lasoo qab-qabto xubnaha Al-Shabaab ayaguna ay xiri doonaan, kuna hayn doonaan xabsiga.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa tilmaamay inay diyaariyeen goobihii lagu hayn lahaa xubnaha Al-Shabaab ee dagaalka lagu soo qabto, si ay ula wareegaan.

“Waxaan sugaynaa maxaabiista cadowga ee Al-qaacidada ahayd oo dalka dhibaataysay oo lasoo qab-qabto ayaan sugaynaa meeshii lagu xiri lahaa waa diyaar” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale taliyaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee jiidaha hore kula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay hureen naftooda.

“Maanta naf badan ayaa loo huray rag badan baa ku le’day, haddana kuwa kale ayaa diyaar ah inay naftooda huraan annagana kuwaas ayaan ku abtirsanaa” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku amaanay go’aanka uu ku aaday jiidda hore, si uu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

“Madaxweynihii ugu sarreeyay dalka wuxuu fadhiyaa furinta hore, dagaalka ayuuna hoggaaminayaa, asaa taliye ciidan awalba ahaa hadda asaa hoggaaminayo” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray marka la eego HirShabelle & Galmudug.

Kooxda buurta Gacan-Libaax oo ka hortimid go’aankii S/Land kadibna afduubatay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dhalinyarada hubeysan ee jabhadda uga dhawaaqday buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ayaa ku gacan seeray go’aankii Somaliland oo dhowaan shaaca ka qaaday inay cafis u fidineyso jabhaddaasi, haddii ay hubka dhigaan.

Xubno u hadlay jabhaddan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan halgankooda, isla-markaana waxa ay wacad ku mareen inay aysan dhigi doonin hubka.

Sidoo kale waxa ay ku goodiyeen inay sii wadi doonaan weerarada, inta ay is casilayaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

“Ina Kaahin iyo Muuse Biixi haday shacabka u tudhayaan xilka hayska casilaan, si nabadgalyo iyo wadanoolaansho u timaado, hadii kale sidaa aanu dhoqoshay u imanayno ayaanu Oogna u iman karnaa, madaxtooyadana waanu iman doonaa” ayuu yiri mid kamid ah jabhadda.

Kooxdan ayaa muuqaal cusub soo duubtay, kadib markii ay maanta soo bandhigeen gaari ay la eedahay Wasaarada Biyaha Somaliland oo ay ka afduubteen degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, isla-markaana ay geeyeen buurta ay ku sugan yihiin ee Gacan-Libaax.

Arrintan ayaa uga sii dari karta xiisadda ka taagan Somaliland oo horay ula daala dhaceysay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maalmo kahor ayay ahayd markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay cafis u fidisay jabhaddan, kadib bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulkaasi.

“Iyada oo aanu raacayno aqbalaaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah masuulka u sareeya dalka waxa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay qoraalkan oo ay ku cadaynayso in aan dhalinyaradii hubka la fuulay Buurta Gacan-Libaax xukuumadda wax alla waxay u raacaysaa jirin halkaana arrinkaas lagu soo xidhay” ayuu lagu yiri qoraalka.