Xog: Al-Shabaab oo tababar usoo xirtay 60 nin oo loo diyaariyey inay is-qarxiyaan

Baydhabo (Caasimada Online) -Cumar Maxamed Ismaaciil oo uu magaciisa afgarashadu yahay (Nuur), isla-markaana ah sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, balse la qabtay isaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ayaa shaaciyay xog ku aadan ku aadan xubno ay Shabaab u tababareen is qarxinta, si ay u fuliyaan weerarada is-miidaaminta ah.

Cumar oo wareysi bixiyay ayaa marka hore ka sheekeeyay qaabka uu ugu biiray kooxda, wuxuu sheegay in markii hore deganaa Gaalkacyo, kadibna uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, isla-markaana uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah.

Intaas kadib waxa uu sheegay inuu lasoo xiriiray nin ay qaraabo yihiin, uuna ku tashkiiliyay Al-Shabaab, sidaasna uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar gaar ah.

“Waxa uu tilmaamay in tababarka uu ku qaatay xero ku taalla tuulada Buulo Ooman, isla-markaana ay tiro ahaan gaarayeen in ka badan 200, oo isugu jiro Soomaali iyo Oromo.

“220 nin ayaan ku galnay tababarka waxaa reer waqooyi ahaa 17 nin, Oromana waxaa ahaa oo nagu jiray 50 nin” ayuu wareysiga ku yiri Cumar Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga lasoo tababaray ay ku jireen 60 nin oo gaar ah, isla-markaana loo tababaray qaybta is qarxinta, isaga oo sheegay in loo xiray  dhar gooni ah.

“Waxaa kale oo ragga ku jiray 60 nin oo ay dheheen waa rag is qarxinaayo oo iyagana darees gaar ah loo geliyay, kuwaas ayaa iyagana jiray” ayuu yiri Cumar Maxamed.

Waxaa kale oo uu yiri “Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay”.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa hadda soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda Koonfur Gakbeed , wuxuuna sidoo kale ka sheekeeyay sida lagu qabtay.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uga soo kacay marka halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo raba inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.