25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Daawo: 100 xubnood oo Al-Shabaab laga dilay maanta

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee saaka ka dhacay degmada Awdheegle oo ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga hortegay weerarka kooxda, isla-markaana loo dhigay cashir lama ilaawaan ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaka nimankii nabad diidka ahaa ayaa waxa ay isku dayeen in ay weerar kusoo qaadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, iyaga oo weerarka ay soo qaadeen aanan ku guulaysanin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeedna ay cashir lama illowaan ah u dhigeen, halkaas oo ay mar dambe ku soo deg-degi doonin” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Barre ayaa xaqiijiyay in ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday goobta lagu dilay, ayna ku halaagsameen dagaalkii ka dhacay Awdheegle.

“Waxaa meesha ka dhacay oo aan xaqiijinaynaa illaa iyo tiro boqol ku dhowaad ah oo nabad diidka ah in la dilay, kuwaas oo lasoo khalday” ayuu mar kale yiri Barre.

Sidoo kale wuxuu ku sii daray “Halaag wayn ayaa saaka ka raacay, dhibaato weyn ayaa ku dhacday jab weyna waa gaaray oo ay marnaba kasoo kabsan doonin”.

Maxamed Ibraahim Barre oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay inay qaadi doonaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab, ayna ugu tegi doonaan meelaha ay kasoo abaabulaan weerarada.

“Waxaan ballaan qaadaynaa in meesha ay weerarka kasoo qaadayaan aan ugu tegi doono oo aysan noqon doonin in lagu sugo degmooyinka” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro kusoo qaada degmooyinka gobolka Shabeelaha iyo saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana ka dhasha khasaare soo gaaray labada dhinac.

Xiisad culus oo ka taagan xerada Xalane kadib markii ay is dileen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan xiisad xoogan ay ka taagan tahay xerada Xalane, gaar ahaan ilinka hore ee Madina Gate, kadib markii ay goobta ka dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in muran uu soo kala dhex-galay muwaadin Soomaaliyeed oo goobta ku sugnaa iyo askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kadibna uu ninka Soomaaliga ah toorey ku dilay askariga.

Sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugnaa goobta ayaa iyaguna sidoo kale toogasho ku dilay ninka Soomaaliga ah ee tooreyda wax ku dilay.

Xaaladda goobta ah ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamo fara badan oo isugu jiro Soomaali iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku sugan xerada Xalane.

Sidoo kale waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa waddadaan oo dhinac marta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo jawaabta deg-degga ah ee ay bixiyeen ciidanka ATMIS.

Xerada Xalane ayaa waxaa ka shaqeeya shaqaale badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo subixii gala, galabtiina kasoo baxa, iyaga oo markasta mara baraha hubinta ee xarada.

Dhaqaatiirta Gaalkacyo oo go’aan culus ku dhowaaqay kadib dilkii Dr SAKARIYE

0

Gaalkacayo (Caasimada Online) – Dhaqaatiirta iyo bahda caafimaadka ee ka howlgala gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta isugu soo baxay magaaladaasi, iyaga oo si adag uga hadlay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee Dr. Sakariye Cabdi Jaamac oo xalay aano qabiil darteed loogu dilay waqooyiga Gaalkacyo.

Dhaqaatiirta oo hadal siiyay warbaahinta ayaa si xoogan u cambaareeyay falka dilka ah ee loo gaystay Dr Sakariye oo kamid ahaa dhaqaatiirta dhalinyarada ah ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin mudo saddex maalmood ah, iyaga oo ku muujinayo, sida ay uga xun yihiin dilka arxan darrada ah ee loo gaystay saaxibkooda.

Go’aanka dhaqaatiirta ayaa isla maanta dhaqan-galay, waxaana lasoo wariyay in haatan la xiray qaar ka mid ah isbitaalada Gaalkacyo, waxaana kaliya sii shaqayn doono qaybaha loogu adeego bukaanada jiifka ah iyo dadka la soo kulma xaaladaha deg-degga ah.

AUN dilka dhaqtarka ayaa waxaa fuliyay nin hubeysan oo watay qoray Ak47 ah, kaas oo ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.

Waxaa sidoo kale dilka sida uu u dhacay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta caafimaadka ee lagu dhex-dilay marxuumka, iyadoo muuqaalka lagu baahiyay Internet-ka.

Ninka hubeysan ee dilka fuliyay waxaa sidoo kale la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaayeen falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiiglaha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.

Arrinta argagax leh ayaa ah in muuqaalka laga arkay ninka hubeysan oo toos u tooganayaa marxuumka, isaga oo gudaha u galay xarunta, isla-markaana toos ugu bilaabay xabadda.

Tensions rise as Israel courts diplomatic ties with Somalia

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israeli Foreign Minister Eli Cohen is ardently working on establishing normalized ties with Somalia, a country that has consistently voted against Israel in international forums, according to Israeli Media.

Despite not having historical diplomatic relations with Israel and prohibiting Israelis from entering its territories, Somalia has demonstrated multiple interests in creating diplomatic bridges with the Jewish nation.

This newfound curiosity might be linked to Somalia’s strategic location near the Red Sea’s entrance and its proximity to the Arab Peninsula, especially amidst Israel’s waning relations with Eritrea.

Direct efforts to build these relations can be traced back to 2016 when Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu held talks with the Somali president in Nairobi.

Following this, the discussions mostly continued in indirect channels involving diplomats of lower stature.

The internal Israeli debate

However, as per Hebrew media, this move faces internal opposition. Tzachi Hanegbi, the Head of the National Security Council, as The Times of Israel reported, voiced concerns against establishing ties with Somalia.

He highlighted that Israel might not benefit significantly by aligning with a country facing severe economic challenges.

This standoff further accentuates the existing rift between the National Security Council and the Foreign Ministry, with disputes emerging since 2014.

The tension was ignited recently with news leaking about a confidential meeting between Cohen and his Libyan peer, Najla Al-Mangoush.

Reliable sources suggest that Cohen also had probable interactions with close confidants of Somali President Hassan Sheikh Mohamud.

War cusub oo kasoo kordhay qorshaha ay Israel xiriir kula yeelaneyso Soomaaliya

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel Eli Cohen ayaa qorsheynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, balse waxa uu wajahayaa diidmo ka imaneysa Golaha Amniga Qaranka, waxaa sidaas qoray warbaahinta Israel. 

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, madaxa Golaha Amniga Qaranka, Tzachi Hanegbi ayaa kasoo horjeeda xiriir lala yeesho Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Israel aysan wax dan ah ugu jirin xiriir ay la yeelato mid ka mid ah dalalka “ugu dhaqaalaha liita” caalamka. 

Si kastaba, Cohen ayaa rajeynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, si uu u helo codka Soomaaliya ee masraxyada caalamka, halkaasi oo Soomaaliya ay ka codeyneysay Israel. 

Wargeyska ayaa qoray in xiisad ay ka dhex oogneyd Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo soo taagneyd tan iyo 2014, markaasi oo awoodda laga wareejiyey wasaaradda arrimaha dibedda, loona gacan geliyey golaha. 

Wargeyska ayaa intaas ku daray in xiisadda ay sii xoogeysatay kadib markii shaaca laga qaaday kulan sir ah oo dhex-maray Cohen iyo wasiirka arrimaha dibedda Libya Najla Al-Mangoush laba toddobaad kahor, kulankaas oo ka dhacay Roma. 

Times of Israel ayaa soo xigtay inay u muuqato in Cohen uu la kulmay kaaliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Cohen ayaa isku dayayey inuu dhiso xiriir dhex-mara Israel iyo Soomaaliya oo weligeed aan xiriir la yeelan Tel Aviv, islamarkaana aan dadka Israel u ogoleyn inay soo cag dhigtaan Soomaaliya. 

Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Nairobi 2016, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, kaliya wada-hadallo aan toos aheyn ayaa dhex-maray diblomaasiyiin ka kala socota labada dhinac. 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin warbixinta wargeyska Times of Israel, balse Villa Somalia horey ayey u beenisay inay wax xiriir ah dhex-mareen labada dhinac.

Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel. 

Shabaab oo gubay tuulooyin ku yaalla Shabeelaha Hoose

0

Leego (Caasimadam Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyin dhowr ah oo dhaca agagaarka magaalada Leego ee gobolkaasi oo ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kasoo jeeda beesha degta halkaas ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday dadka deegaanka, isla-markaana ay gubeen illaa 10 tuullo oo ku yaallay halkaasi.

Caanooy ayaa shaaca ka qaaday in dhibato xoogan ay ka jirto halkaasi, isla-markaana ay barakac sameeyeen dadka deegaanka.

“Musiibo weyn ayaa waxa ay ka dhacday tuulooyin hoostaga magaalada Leego illaa 10 tuulo ayay Al-Shabaab gubeen, dadkii deganaana waxa ay u gaysteen barakac, dhibaato iyo xadgub fara badan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Caanooy oo la hadlay Somali Cable.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqday shacabka inay hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee muddada dheer dhibaatada ku haya.

“Dab wax ka xun maleh, ilaah ayaa wax ku ciqaaba ilmihiina oo hurda, waayeeladiina oo jiifa ninka aqalka dhinaca kale dabka uga soo qabtay qoray qaado ee meel alaalo meesha uu joogo Al-Shabaab ka daba teg oo ka aarso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale Xamza Xaadow oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa isna si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo ku baaqay in la’iska celiyo Al-Shabaab.

“Hurdo kuuma taallo inta maamooyinkaas guryahooda lagu gubay iyo ilmahaas sawirkooda na horyaallo waa inaad qoriga qaadataan, waana inaad Shabaab meel kasto oo aad ku aragtaan la dirirtaan” ayuu isna yiri Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xamza Xaadow ayaa sidoo kale xusay in kooxda Al-Shabaab aysan laheyn arxan, loona baahan yahay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay iska dhiciyaan.

“Khawaarijto ma laha arxan, gargaarna aysan u lahayn Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan” ayuu mar kale yiri Xamse Xaadow.

Waa markii labaad oo ay Al-Shabaab gubayaan tuulooyinkan oo hoos yimaad deegaanka Leedo, waxayna sidaan oo kale horay ugu sameeyeen sanadkii 2020-kii.

DF oo war ka soo saartay dagaalkii AWDHEEGLE iyo tirada Shabaabka lagu dilay

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Xoogga dalka la gaareen xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab oo ku billowdo qaraxyo.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay xubnaha Al-Shabaab ay goobta uga carareen maydadka 20 xubnood, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weli ciidamadu ay wadaan tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalka Awdheegle.

“Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle” ayuu lagu yiri qoraalka dowladda.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay cagta marisay saldhigyadii degmada Awdheegle, ayan dishay ugu yaraan 59 askari, sida ay hadalka u dhigtay kooxdu.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Rajada Soomaaliya ee xilka madaxweynaha barlamanka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u tartameysa xilka madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, kaas oo ay ah mid muhiim ah, waxaana u sharraxan xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada oo u warrantay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in muddo dheer ay ku hamineysay inay gasho tartankan oo kale, si ay wax ugu qabto dalka.

“Muddo waa ku naaloonayay, dalkana waxaan ugu soo noqday inaan xilal waa weyn ka qabto, ama caalamka aan wax uga taro, marka in badan ayaa ka fakirayay inaan xilkaas qabto, si aan Baarlamaankeena iyo waddanka wax ugu taro” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir.

Musharrax Marwa Cabdi Bashiir ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujisay ku guuleysiga xilkan, ayada oo shaaca ka qaaday inay haysato fursado badan.

“Ma jiro hadda wax caqabad ah oo aan oran karo way i hortaagan tahay, fursaddana way badan tahay, waana ku rajo weynahay inaan helno” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Sidoo kale waxa ay ka hadashay muhiimada uu xilkan u leeyahay Soomaaliya, haddii loo doorto hoggaanka Baarlamaanka Aaduunka, waxayna sheegtay in fursado badan laga helayo, sida in Somalia ay kusoo noqoto saaxada caalamka, korna uu u kaco baasaboorka.

“Xilkaas Soomaaliya waxay ka faa’iidaysaa inay kusoo noqoto saaxadda, inuu baasaboorkeennii kor u qaado,” ayay mar kale tiriMarwa Cabdi Bashiir.

Dhanka kale, guddoonka sare  iyo xildhibaanada baarlamaanka oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u taageeray musharaxnimada xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, iyaga oo u rajeeyay guul weyn.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulankii shalay ee Baarlamaanka ayaa gabagabadii ka sheegay in Xildhibaanadda loo sameyn doono olole qaran isla-markaana waxa uu tilmaamay in Baarlamaanada saaxibka la’ ah Soomaaliya laga codsan doono inay garab istaagaan, si ay cod uga hesho, uguna guulaysato xilkaas culus.

Daawo Sanbaloolshe: Xasan Tuure anagoo u soo aarin gabadhaheenu guur malaha

0

Maxaas (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Maxaas ku sugan ayaa si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu fartiin u diray dhinacyo uu sheegay in aysan daacad ka aheyn dagaalka kooxda.

Sanbaloolshe iyo beeshiisa isku dhaarsaday inay u soo aaraan Xasan Tuure iyo ku xigeenkii Danab ee Galcad lagu dilay, isagoo yiri “Ninkii Cali Madaxweyne ee ciidamada Soomaaliya ugu fiicnaa soo Xasan Tuure ma aheyn? Hadii aanaan Shabaab ka soo aarsan gabadheenu guur malaha.”

Sanbaloolshe ayaa soo jeediyey in wixii khilaaf ah meel la iska dhigo ee loo soo jeesto dagaalka Al-Shabaab, “Maxaas markii la isugu imaanayey waxaa adkeed in salaanta la iska qaado, hadda dib ayaa loo walaaloobay, waxaana go’aansanay in siyaasadda na kala qeybisay aan meel iska dhigno ee dagaalka u soo jeesano,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe in wax gorgortan siyaasadeed ah aysan Xawaadle geli karin, inta Shabaab ay hor taagan yihiin, sida uu ka hor sheegay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay Maxaas.

“Marti ayaa nala joogta, dagaalka AlShabaab anagaa bilownay ee maanta maka baqanaa, markaasaan siyaasado kale ku mashquulnaa? Ayuu Sanbaloolshe weydiiyey shacabkii iyo masuuliyiintii isugu soo baxay Maxaas.

Sidoo kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si adag u weeraray dad uu sheegay inay Shabaab taageeraan oo suurad xumeeyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

“Naago dayuusiin ah oo dagaalka aan ku jirin oo deeq aan bixineyn, oo war fiican aan laga heleyn iyo niman wareersan oo qurbajoog ah oo Shabaab u wada shaqeeyoo dulmi baraha bulshada ka wada miyaan warkooda yeelnaa, mise dagaalkaan xaqa ah ee waajibka ah ayaan galnaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wuxuu intaas ku sii daray in Xawaadle aysan xornimo heysan inta beelaha deriska la ah ay deegaanadooda Shabaab joogaan, “Inta Shabaab bari iyo galbeed naga xigo xornimo ma heysano, dalkaan inay difaacaan adinkaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa dadkiisa ka balan qaaday in hadii ay dagaal galaan aysan jaagoo doonin oo dhaawacyadoodu aysan dayacmi doonin, “Waa mideysanahay kadib, dagaalkaan geleynaa, dagaalka ka hor Maxaas Madaxweyne ma imaa jirin, waxa la idinku tixgelinaayo waa sida aad cadowga isaga dul-qaadeen,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Hoos ka daawo

Wasaaradda difaaca oo war kasoo saartay jab Shabaab lagu gaarsiiyay BARDAALE

0

Bardaale (Caasimada Online) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay weerar ay Al-Shabaab Sabtidii shalay ku qaadeen degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in laga hortegay weerar ay soo qaadeen Al-Shabaab, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay halkaasi.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana jab iyo khasaare ay kala kulmeen Bardaale.

Sida wasaaraddu sheegtay waxaa dagaalka lagu dilay horjoogihii xubnaha weerarada soo qaaday iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in iska caabinta lagu dilay hogaamiyihii kooxda iyo maleeshiyaad kale oo katirsanaa Alshabaab.

“Xalay, Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay taageerayaan dadka deegaanka, ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyada Khawaarijta ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in haatan ay dagan tahay xaaladda degmada, ayna gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay weerarkaasi, waxayna sheegtay in muddo kooban la wareegtay saldhigga ciidamada dowladda, ayna sidoo kale gaarsiisay khasaare culus.

Inta badan xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla halkaasi.

Dr. Sakariye oo si arxan darro ah aano qabiil loogu dilay waqooyiga GAALKACYO

0

Gaalacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dhaqtar caan ka ahaa waqooyiga magaaladaas oo xarun ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Sakariye Cabdi Jaamac, wxuuna ahaa dhaqtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

Wararka ayaa sheegaya in aano qabiil darteed loo dilay dhaqtarka, waxaana nin hubeysan uu ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.

Ninka dila gaystay ayaa ku labisnaa dareenka ciidamada, wuxuuna ku hubeysnaa qoray AK47 ah, kaas oo gudaha u galay xarunta kadibna toogtay Dr Sakariye Cabdi Jaamac, sida laga arki karo muuqaal kooban oo ay duubtay  kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta.

Sidoo kale waxaa ninka hubeysan ee dilka fuliyay la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaan falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.

Arrinta argagax leh ayaa ah in muuqaalka laga arkay ninka hubeysan ee toos u tooganayaa marxuumka, isaga oo gudaha u galay xarunta, isla-markaana toos ugu bilaabay xabadda.

Kooxda dilka fulisay ayaa kadib goobta ka carartay, waxaana meesha goor dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban sameeyay.

Dilka Dr Sakariye Cabdi Jaamac ayaa hadal hayn xoogan ka dhaliyay baraha bulshada, waxayna dadka aad ula yaabeen sida loo dilay iyo sababta oo ahayd aano qabiil darteed.

Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dialka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada AWDHEEGLE

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay bar koontraool oo laga soo galo degmada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka la fashiliyay, isla-markaana laga hortegay in xubnaha Al-Shabaab ay gudaha usoo galaan Awdheegle.

Waxay sidoo kale intaasi ku dareen in weli dagaalka uu socda, isla-markaan ay howlgal ka hortag ah wadaan ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaq culus uu ka socdo degmada.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka.

Itoobiya oo buuxisay biyo-xireenka webiga NILE

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa Axadda maanta ah ku dhawaaqay in Itoobiya ay dhameystirtay buuxinta biyo-xireenka weyn ee ay ka dhistay Wabiga Niil, kaasi oo keenay xiisad kala dhaxaysay dalalka ay biyaha wabigu u hooraan ee Masar iyo Suudaan.

“Farxad weyn ayay ii tahay in aan ku dhawaaqo in aan si guul ah ku dhamaystirnay buuxintii afraad ahna tii u dambaysay ee biyo-xidheenka,” ayuu Abiy ku yiri farriin uu ku soo qoray X, oo markii hore lagu magacaabi jiray Twitter. Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo wadaxaajoodka saddexda dal uu 27-kii August dib u billowday.

“Waxaa jiray caqabado badan, marar badan ayaa nalagu riixay in aan dib u laabanno. Waxaa na soo maray loolan gudaha ah iyo cadaadis dibadda ah,” ayuu yiri.

Biyo-xireenkan oo ay Addis Ababa u aragto mid aad muhiim ugu ah ayaa dhismihiisu ku kacay lacag dhan 4.2 bilyan oo dollar, waxaana tan iyo markii ay Itoobiya daahfurtay mashruucan sannadkii 2011-kii ay Masar ka cabsi qabtay in uu dhimayo qaybteeda biyaha Niilka.

Wadahadallada hadda socda, oo dib u soo laabtay ku dhawaad laba sano iyo bar ka dib, ayaa ujeeddadoodu tahay in la gaaro heshiis “tixgelinaya danaha iyo walaacyada saddexda dal,” ayuu yiri wasiirka waraabka ee Masar Hani Sewilam, oo boorriyay “in la joojiyo tallaabooyinka halka dhinac ah”.

Isha: VOA + AP.

Dhageyso: Qisada Hooyo Cabdiyo iyo wiilasheeda ku kaliftay inay Shabaab la dagaalamaan

0

Maxaas (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta aad loogu faafiyey haweeney waayeel ah oo ka tirsan ciidanka Macawiisley ee dagaalada adag Al-Shabaab kula galay gobolka Hiiraan, gaar ahaan Macawiisleyda beesha Xawaadle.

Hooyadaan oo magaceeda lagu soo koobay Cabdiyo ayaa hadda ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo abaabulkii ugu cuslaa uu ka socdo, waxayna ka sheekeysay halgan dheer oo ay soo gashay, goortii ay soo bilowday iyo sababta ku kaliftay inay qoriga qaadato.

Maamo Cabdiyo oo la hadashay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay qoriga qaadatay maalintii Al-Shabaab ugu yaraan 30 qof iyo 10 gaadiid ah ku gubeen inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne, ilaa hadana ay sidii u dabajoogto.

“Waxay naga dileen wiilal haldoor ah, ceelashii biyaha ayey naga duugeen, markii dambana dadkii iyo gaadiidkii ayey naga gubeen, maalintaas ayaan qoriga qaatay, waxaan ku biiray Macawiisley, waxaana ka qeyb galay dhamaan dagaaladii gobolkaan looga xoreeyey Khawaarijta, TV-ga ayaana ka soo muuqa jirin maahane maalin kama bixin dagaalka,” ayey tiri Maamo Cabdiyo.

Waxay sheegtay inay ka qeyb gashay dhamaan dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan, hadana ay doonayaan inay wax ka xoreeyaan deegaanada ay degaan beelaha kale, maadaama ay dhulkoodii ka xoreysteen kooxda.

“Khawaarijta dhulkeena waan ka xoreysanay, waxay heystaan beesha Murusade, Madaxweynihii ayaa noo yimid oo naga codsaday inay deegaanada haray wax ka xoreyno, hadii aana dhiman inta Khawaarij mid ka noolyahay kama hari doono,” ayey tiri Cabdiyo.

Hooyo Cabdiyo waxay sheegtay in dagaalka ay kula jiraan shan wiil oo ay dhashay 10 kale oo ayada la dhalatay, sidoo kale markii lagu daro dadka kale ee qaraabada la ah waxay sheegtay inay 40 qof gaarayaan.

“Dhamaan ehelkeyga waa ku jiraan halgankaan, shan aan dhalay iyo ilaa 40 kale ayaa dagaalka igula jirta, qabiilkeena kore dhowr kun oo qof ayaa maanta diyaar u ah dagaalka, waxaana rabnaa inaan Murusade la tagno Wabxo ilaa Ceelbuur,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Hooyo Cabdiyo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xawaadle oo abaabul dagaal ka bilaabay Maxaas – Muxuu yahay qorshaha socda?

0

Maxaas (Caasimada Online) – Abaabul culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa ka bilowday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maanta uu ka dhacay isku soo bax aad u weyn.

Masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa isugu tegay degmada Maxaas, kuwaas oo sheegay inay bilaabayaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, xildhibaano heer federaal ah, masuuliyiin iyo waxgarad kale ayaa isugu yimid isku soo bixii maanta ka dhacay Maxaas.

Guddoomiye Cali Jeyte oo ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab seddax markii loo dhigo hal dhig uu ka haray, waxayna reer Hiiraan maanta isku dhaarsadeen inay qaadaan duulaan culus oo Shabaab ay ku soo afjarayaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo halkaas ka hadlay ayaa isna balan-qaaday in xoogooda ay isugu geynayaan dagaalka Al-Shabaab.

“Wixii khilaaf ah aan dhinac iska dhigno dagaalka aan u soo jeesano, cidii nagu kaalmey kartana waan rabnaa, dagaal adag ayaan soo marnay oo qofba kaalin ku lahaa, maanta dhameystirkii ayaa noo haray,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Abaabulkaan ay maanta muujiyeen reer Maxaas ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan uu magaaladaas tegay Madaxweyne Xasan Sheekh oo beesha Xawaadle iyo xoogaggii kale ee martida u ahaa ka dalbaday inay dagaalka galaan, si looga adkaado argagixisada.

Degmada Maxaas oo ku taalla halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, sidoo kale u dhow xadka gobolka Sh/Dhexe ayaa muhiim u ah abaabulka dagaal ee la doonayo in Shabaab looga xoreeyo magaalooyin muhiim ah oo Ceelbuur ay ugu horeyso.

DF oo shaacisay inay garab taagan tahay Marooko kadib arrintii ku dhacday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashau dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter oo ku dhuftay dalka Marooko, gaar ahaan maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga  yacsiyeyeeyay musiibada ka dhalatay dhul gariirka Marooko oo sababay khasaare xoogleh.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Morocco.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Dhimashada ayaa haatan la xaqiijyay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida.

Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.

Si kastaba, waxaa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah.

Daawo: Mooshin culus oo ku saabsan arinta Sheegow oo la horgeeyay BF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin culus oo ku aadan arrintan Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo weli u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaadan Xildhibaan Dahabo Suusow.

Xildhibaannadda oo la hadashay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in moohinkooda ay ku gudbiyeen illaa 40 mudane, isla-markaana ay cadaalad ugu raadinayaaan Sheegow.

“Annaga oo ah 40 xildhibaan ayaa baarlamaanka horgaynay mooshinka waxaan ka hadlaynay cadaalad ee ma nihin dad fowdo wado” ayay tiri Dahabo Suusow.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in mooshinkooda oo ay gudbiyeen 30-ka bishii hore balse aan weli la horkeenin golaha, taas oo ay ku sheegtay cadaalad darro, waxayna eeddda dhabarka u saartay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya

“Waxaan leenahay baarlamaanka dhexdiisa waxaa ka jiro cadaalad darro ma jiro sharci, haddii uu sharci jiroi wuxuu noo keeni lahaa mooshinkeena” ayay sii raacisay.

Waxay hadalkeeda kusii dartay “Eedaas waxaan saraa guddoonka baarlamaanka 48 saacadoo ayuu sharciga qoraa annagana bisha 30-keeda ayaan gaynay baarlamaanka illaa haddana wax laga qabtay ma jiraan, isagana wuu xiran yahay”.

Dhanka kale, waxay ka hadashay xaaladda jananka, waxayna sheegtay in lagu hayo dhibaato, loona diiday xittaa  inuu isticmaalo taleefanka ama uu la hadlo qoyskiisa.

“Waxaa jira Sheegow hortiis dad xirnaa oo taleefoon haysto isaga taleefan ma haysto, waana loo diiday” ayay ku dartay hadalkeeda.

Jeneraal Sheegow oo isaga iyo ciidamada loo haysto eedeymo culus ayaa dhawaan laga soo xiray degmada Dharkenley, isaga oo dagaal culus la galay ciidamada Booliska Soomaaliya.

Maxkamadda Galgaduud oo faragelisay khilaafka Axmed Qoor Qoor iyo Cali Ciid

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Galmudug, taas oo u dhexeyso madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Maxkamadda ayaa tallaabada ay qaaday ku beegsatay xubno kamid ah golaha deegaanka degmada Caabudwaaq oo ah halka uu kasoo billowday khilaafka u dhexeeya labada nin.

Warqad kasoo baxday xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud, Axmed Salaad Kulane ayaa waxaa waaran soo qabasho ah loogu jaray 4 kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee Caabudwaaq, gaar ahaan kuwa taageersan madaxweyne ku xigeenka oo shalay doorasho gole deegaan oo uu goobjoog ahaa Cali Ciid ku qabsaday magaaladaasi.

Xubnaha la amray in lasoo xiro ayaa waxaa ku jiro guddoomiyaha iyo ku xigeenka ay shalay iska dhex doorteen afartaasi xubnood, waxayna kala yihiin Cabdinaasir Maxamuud, Maxamed Xasan Nuur, Jaamac Cabdullaahi Cabdulle iyo Axmed Cabdisalaan Cabdi oo dhammaantood ka tirsan golaha deegaanka Caabudwaaq.

Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay eedda loo haysto xubnahaan ayada oo sheegtay inay ku xadgudbeen sharciga dowladaha hoose ee Galmudug.

“Shaqsiyaadkan magacyadooda sare ku xusan yihiin oo ku eedaysan inay ku xadgudbeen qodobka 13-aad xarafkiisa Kh ee sharciga dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Galmudug iyo qodobada kala ah 254, 321 iyo 322 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska garsooraha maxkamadda gobolka Galgaduud.

Tallaabada ay qaaday maxkamadda ayaa kusoo aadayo, xilli madaxweyne ku xigeenka khudbad uu ka jeediyay doorashadii ka dhacday Caabudwaaq uu ku weeraray kooxda madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiirka arrimahaha gudaha Galmudug Cabdi Waayeel.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan kasoo cusboonaatay Galmudug, xilli gobollada dhexe ee dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Daawo: Muxuu Sheekh Shariif maanta ka dhex sheegay kulanka BF Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed , ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xaadiray kulankii maanta ee golaha, isaga oo ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Sheekh Shariif ayaa ugu horreyn ka sheekeeyay dadaalladiisii ku aadanaa dib u heshiisiinta uu ka dhex sameeyay beelihii ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmooyina Raage-Ceelle iyo Cadale.

Waxa uu tilmaamay in dhib badan kadib ay ku guuleysteen, isaga, mas’uuliyiintii iyo odayaashii la socday inay arrinta ku soo dhammeeyaan wadahadal iyo deganaan, la’iskuna keeno dhinacyada dagaalmay.

Shariif waxa uu intaasi kusii daray in colaad beeleedyada ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab oo uu xusay in dano gaar ah ka leedahay isku dirka beelaha.

“Arrimaha culayska dadka ku haayo waxaa kamid ah in weli argagixisada ay saameyn ku leeyihiin beelaha dhexdooda, maxaa yeelay muddo dheer ayay dhex joogeen” ayuu yiri.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday howlgallada culus ee haatan ka socda dalka, isla-markaana ay hormuud u tahay dowladda federaalka.

Madaxweynihii hore ayaa shaaca ka qaaday inuu boggaadinayo guulaha ay ciidamada huwanta kasoo hoyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

“Waxaan boggaadinayaaa ciidamada geesiyaasha ah ee wada howlgallada xoereynta, runtii waxay hayaan shaqada adag” ayuu mar kale yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareykanka oo 10 milyan dollar dul-dhigay madaxa hoggaamiyaha Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaa ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, waxayna dul-dhigtay abaalmarin lacageed oo cusub.

Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in ciddii keenta xogta hoggaamiyahan lasiin doono lacag dhan illaa $10 milyan oo abaalmarin ah, taas oo la dul-dhigay madaxiisa.

Abaalmarintan ayaa waxaa ku dhowaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-Shabaab, isaga oo xilkaas qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Dowladda Mareykanka ayaa ninkan ku eedeysay in inta uu joogay ay kooxda fulisay weeraro argagixiso waa weyn oo ka kala dhacay Somalia, Kenya, Jabuuti iyo Kenya.

“Inta uu hogaaminaayo, argagixisadu AS waxa ay weeraro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay intaas kusii dartay in Abuu Cubeyda uu horay ugu soo shaqeeyay dhowr jagooyin Al-Shabaab ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool, 2009kii.

Horay Mareykanka ayaa 21-kii bishii April ee 2015-kii, Abu Cubayda u aqoonsaday agagixiye caalami ah, waxuuna markaas madaxiisa dul dhigtay 6 milyan oo dollar.

Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda) ayaa ah nin aad isku qariya, waxaana markiisii ugu dambeysay uu kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay.

Si kastaba, Muuqaalka cusub ee Amiirka Al-Shabaab iyo shirweynaha kooxda oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay kooxda wajaheyso guluf xooggan oo ka dhan ah, kaasi oo looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.