25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Daawo: CALI CIID oo weji cusub u yeelay xiisadda kala dhaxeysa QOOR QOOR

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ka hadlay magaalada Caabdudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda xoogan ee ka taagan maamulkaasi.

Cali Ciid ayaa weji cusub u yeelay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo bannaanka usoo baxay todobaadkii hore.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood, isaga oo tilmaamay inay isku egyihiin kacdoon ahaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu maamulka ka tirsan yahay ee Galmudug ku eedeeyay inuu xaqiray degmadan oo uu kasoo jeedo, wuxuuna tilmaamay in canshuurteeda laga faa’iideysto.

“Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin” ayuu mar kale sii raaciyay.

Cali Daahir Ciid oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay reer Caabudwaaq inay iyagu tashadaan, waxna ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.

“Dhaqaalaha degmada laga soo saaro waa inay dib ugu laabtaan ayada oo lagu dhiso, sida sharciga dowladaha hoose uu dhigaayo, degmo walbaa ayadaa maamulkeeda u madax bannaan” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmuudg.

Hadalkan ayaa Cali Daahir Ciid wuxuu ka sheegay doorashada golaha deegaanka degmadaas, gaar ahaan garab isaga taageersan oo doortay hoggaan cusub.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Maxaa ka run ah warka laga faafiyey xaalka Sheekh Umal?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay hal mar warbaahinta bulshada ee Soomaalida ku soo dhex dhacay warka ah in Sheekha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Maxamed Cabdi Umal uu aad u xanuusan yahay, islamarkaana gaadhay heer uu awoodi waayo in uu salaadda dhammaysto, balse warkaas ayaa dib laga sheegay in uu been ahaa.

Salaaddii subax ee shalay ayaa ay ahayd markii la arkay sheekha oo ka baxaya rakcaddii labaad ee salaaddaas, xilli uu ku tukanayey masjidka Abuubakar Al-siddiiq. taas oo keentay in dad badan oo goob joog ahaa warkaasi ay sii faafiyaan.

Balse gelinkii danbe ayay qaar ka mid cullimada masjidkaasi xaqiijiyiin in xaaladda sheekhu wacan tahay, islamarkaana aanu xanuusanayan.

“Shiikha lallabo ayaa qabatay wuxuuna ka baqay in matag uu ka yimaaddo, taas daraadeed ayuuna u baxay oo musqusha u aaday, wuuna soo weyso qaatay oo soo noqday oo salaaddii inala dhammaystay, waana bini-aadan oo waa wax dhici kara. Shiikhuna hadda wuu caafimaad qabaa oo salaaddii Jimcena waa uu inala tukaday,” ayuu sheegay mid ka mid hawlwadeennada masjidka Lixaad ee xaafadda Eastliegh oo ah masjidka uu shiikhu caanka ku yahay joogistiisa.

Sheekha ayaa muddooyinkii u danbeeyey xaal caafimaad ugu maqanaa dalka Hindiya, isaga halkaas dhawaan ka soo laabtay, haatanna xaalkiisu fiican yahay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida iyo Kenya oo hadda ku nool yahayba.

Taariikhda Sheekh Umal oo kooban

Sida uu ku sheegay waraysiyo hore oo uu bixiyey sheekha ayaa noloshiisa inta badan ku qaatay saddex dal – Itoobbiya, Soomaaliya iyo Kenya, xilli sida uu sheegay uu muddo lagu qiyaaso 1968-dii uu ku dhashay baadiye.

Sheekh Umal ayaa waxbarashadii hoose ee aasaasiga ahayd ku soo qaatay magaalada Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobbiya.

Waxaana uu Sheeku sheegay in aabbihii oo macallin qur’aan ahaa uu qu’aanka baray.

Gobolka Hirraan ayuu sheekhu ku soo qaatay barashada dhanka kutubta iyo naxwaha, kaddibna Kenya. Halkaas oo uu kaddib jaamacad u aaday Dalka Sucuudiga si gaar ah Jaamacadda Maddiina, halkaas oo uu marki uu ka soo dhammeeyey Jaamacadda xilligaas oo sheekhu sheegay in ay ay ahayd 1993 uu wixii ka danbeeyey uu degay dalka Kenya.

Carruurta sheekhu dhalay ayaa gaadha ku dhawaad 18 qof oo ay u kala dhaleen dhawr xaas sida uu sheegay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad looga yaqaan dhammaan dhulka Soomaalida isaga oo ku caan baxay doorkiisa dacwadda iyo faafinteeda.

Sawirro: R/W Xamza oo soo arkay saraakiil Soomaaliya loogu tababarayo dalka…

0

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Dooxa ayaa la kulmay saraakiil Soomaali ah oo uu tababar uga socdo gudaha dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiishaas oo Soomaaliya loo tababarayo, wuxuuna  la wadaagay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Saraakiisha ayaa dhankooda ra’iisul wasaaraha siiyay warbixin dheer oo ku aadan xaaladdooda iyo halka uu marayo tababarka haatan uga socdo dalka Qatar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xukuumadda Dpooxa uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

Somali village rocked by controversial drone strike

0

El-Lahelay (Caasimada Online) – In the midst of a quiet evening in the village of El-Lahelay in Somalia’s Galgadud state, a sudden drone strike tore through a household, thrusting the small community into a whirlwind of accusations and counterclaims.

Two local leaders confirmed that the attack killed five civilians and three Al-Shabab militants. However, as with many conflicts in the region, varying accounts of the tragic event swiftly took center stage.

The state-controlled broadcaster presented an alternative version of the event, asserting that the tragic deaths of a woman and her two children resulted from a hidden landmine within the house planted by the militants.

Their narrative steered clear of the implications of a drone strike.

The militants and the aftermath

SONNA, the state news agency, reported that the casualties included high-ranking members of the al-Qaeda-affiliated Al-Shabab group.

Olol Ali Guled, a name known to many, was reportedly among the dead – he had been recognized as the group’s commander for the Galgadud region.

However, the agency’s narrative contained an evident omission; it failed to acknowledge the use of a drone or the civilian casualties resulting from the incident.

Farah Aden, a local leader, painted a vivid picture over the phone. He described how the militants, after being trailed by a drone, sought refuge at a relative’s residence in El-Lahelay.

“They were seated outside the house and enjoying meat and rice. As they ate the meat, the drone struck them. The house was untouched, and civilians weren’t its target. However, the explosive shrapnel claimed their lives,” Aden expounded.

Reactions and accusations

In a formal statement, the U.S. military’s Africa Command (AFRICOM) acknowledged the operation and the death of three Al-Shabab leaders, expressing regret over the civilian casualties.

“The command’s initial assessment is that three al Shabaab leaders were killed as a result of the operation and, unfortunately, civilians were injured and killed in the vicinity of the operation,” AFRICOM said in a statement.

Their announcement clarified that while assisting the Somali government in its ongoing offensive against Al-Shabab, they did not play an active role in this particular operation or support it with air strikes.

“U.S. forces were not onsite for the operation and did not conduct air strikes during or in support of the operation,” it said.

Countering the accusations, Al-Shabab released a statement decrying the “American atrocities against the Muslims of Somalia,” alleging that six civilians had fallen victim to a deliberate attack by AFRICOM.

The U.S. military command quickly refutes these allegations, underscoring that they did not cause harm to the civilians, as Al-Shabab suggested.

As the narratives continue to diverge, it remains clear that the truth remains muddled in a web of accusations and counterclaims.

The Somalia government communications minister remained silent, not addressing the requests for comments from Reuters.

In the past year, the Somali military has employed Turkey’s Bayraktar TB2 drones in its campaign against Al-Shabab, reclaiming vast territories in the central regions of the Horn of Africa nation.

Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay duleedka degmada Yeyle ee gobolka SOOL

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Yeyle oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland ciidamo soo dhoobtay duleedka degmadaasi.

Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiya-beeleedyo ayaa sida la sheegayo saldhig ciidan ka samaystay degaanka Buq-dharkayn oo hoos yimaada degmada Yeyle.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in durba dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul laga dareemayo tuulada Buq-dharkayn, oo ay saldhig ka samaysteen ciidamada Somaliland.

Taliska Somaliland ayaa sidoo kale weli sii wada abaabulkii dagaal ee ka socday dhinaca degmada Oog, halkaas oo ay ku diyaarinayaan maleeshiyaad hubaysan si ay weerar rogaal-celis ah ugu qaadaan ciidamada SSC.

Dhinaca kale, ciidamada SSC-Khaatumo ayaa iyagana ku sugan deegaanka Guumeys oo ilaa 10 km u jira degankaa Oog ee gobolka Sool, waxayna wararku sheegayaan inay u diyaarsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen abaabulka dagaal  ee ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

25-ka bishii Agoosto ayaa ciidamada Somaliland khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu soo gaarsiiyay weerar ka dhacay saldhigyadii ay ku lahaayeen Gooja Cadde iyo Maraaga, kuwaas oo laga qabsaday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay ka aar-gudan doonaan xoogagga SSC-Khaatumo ee ciidamada Somaliland ku jebiyay dagaalkii Laascaanood.

Qatar teams up with Daily Mail for Telegraph takeover bid

London (Caasimada Online) – In a move that underscores the deepening ties between the Gulf region and the UK’s media landscape, Britain’s renowned multinational media conglomerate, the Daily Mail and General Trust (DMGT), are reportedly in talks with Qatari stakeholders.

This collaboration aims to strengthen a joint acquisition bid for the Telegraph Media Group, potentially exceeding $623 million in investment.

The Barclays, once the influential custodians of the Telegraph Media Group, lost their foothold after owing a staggering $1.2 billion to Lloyds Banking Group.

Consequently, the media group transitioned into the bank’s hands. Lloyds’ primary motivation behind the imminent sale is retrieving the maximum capital.

Ever since the media universe has been rife with speculation, competing media magnates and groups have sought Gulf investors, assessing the possibility of obtaining financial support for this prominent conservative publication.

DMGT’s vision and caution

DMGT’s spokesperson, Sean Walsh, mentioned in the Financial Times, “Over the past few years, we have been approached and have had talks with several Middle Eastern investors keen on the Daily Telegraph bid.”

Although dialogues have been active, Walsh emphasized the absence of any formal investor partnership.

He further stressed that forthcoming collaborations would ensure DMGT’s significant economic and editorial dominance, safeguarding the paper’s editorial integrity.

Intriguingly, the industry is abuzz with hints of Abu Dhabi’s RedBird IMI mulling over a bid, though official statements remain elusive.

History indicates that the Barclay family once endeavored to obtain financial support from UAE-based benefactors in their quest to regain control over the newspaper.

Their proposition allegedly pitched a figure surpassing $748 million to Lloyds.

Gulf’s expanding influence

The Gulf’s growing engagement with the UK’s media sector is undeniable. Historical transactions, like Saudi Arabia’s Evening Standard and Independent acquisitions, only solidify this trend.

Analysts posit that the UK government will likely welcome increased media stakes from the Gulf, drawing parallels with Gulf-based ownership in other UK sectors, notably football clubs.

This ongoing narrative signifies the Gulf’s rising prominence in the UK media world and underscores the dynamic shifts and alliances forming in the global media industry.

With the potential acquisition of the Telegraph Media Group, the boundaries of media ownership continue to evolve, weaving a tapestry of global influences and partnerships.

Al-Shabaab threatens Ethiopian security ahead of ATMIS withdrawal from Somalia

0

Al-Shabaab is increasingly threatening Ethiopia amid the escalating conflict between its militants and Ethiopian and other foreign troops in Somalia (The Reporter, July 1). With the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) set to fully withdraw from Somalia by the end of 2024, it is likely that al-Shabaab will continue to intensify its current offensive to gain more control over Somali territory. This could draw neighboring Ethiopia into a protracted conflict in the coming years—on both sides of its border with Somalia.

Al-Shabaab’s anti-Ethiopian sentiment

Al-Shabaab’s grievances with Ethiopia primarily stem from the latter’s 2006-2009 occupation of Somalia, during which time the Mogadishu-based Islamic Courts Union (ICU) was overthrown. Having initially risen to prominence alongside the ICU, al-Shabaab’s power has grown substantially in the years since this initial occupation, with the group now controlling much of Somalia’s fertile southern countryside (The East African, January 17). Ethiopia, meanwhile, participated in the African Union Mission in Somalia (AMISOM) that lasted between 2007 and 2022. Likewise, as previously stated, Addis Ababa is a key contributor to the African Transition Mission in Somalia (ATMIS), which succeeded AMISOM in April 2022 (ATMIS, August 12).

Ethiopia’s role in the nearly two-decade-long military occupation of Somalia has made it a longstanding target of al-Shabaab, and the intensity of the group’s animosity against Ethiopia appears to be on the rise (Voice of Nigeria, June 8). Al-Shabaab and the broader al-Qaeda network—of which al-Shabaab is its wealthiest and most capable branch—have mentioned Ethiopia multiple times in their propaganda literature in recent months. For example, a June 19 statement from al-Qaeda’s General Command called on “the people of Islam as a whole to stand with their mujahideen brothers in the Mujahideen Youth Movement (al-Shabaab) in Somalia … to hold Ethiopia accountable for their blatant transgressions.” This was in response to the recent destruction of mosques in Ethiopia (al-Qaeda General Command, June 19). Further, a May 19 fatwa by al-Shabaab scholars called on “the Muslims of East Africa to rise up in support of their religion, to defend their lands, and to [repel the invading forces of] the Ansar of Abyssinia [Ethiopians] and the rest of the infidels and apostates.” Finally, al-Shabaab released a pamphlet on March 10, entitled: “The Only Way of Salvation for Muslims in Ethiopia: The Shari’ah System” (Harakat al-Shabaab, March 10).

Although most such statements are written in Arabic, the latter of these was published in English—Ethiopia’s most broadly spoken language—in a likely attempt to sow dissent within the country. This came amid ongoing efforts by al-Shabaab to radicalize and recruit Ethiopians into its ranks (Ethiopia Insight, June 23). Al-Shabaab has also targeted other groups in East Africa by using social media accounts in a wide range of languages, including Swahili and Arabic.

Tensions mount in Somalia and on Ethiopia’s border

ATMIS withdrew 2,000 of its 22,000 troops from Somalia in June, and plans to pull out another 3,000 in September before withdrawing completely by December 31, 2024 (Africa News, June 27). Although the official role of ATMIS is to stabilize the troubled East African country while transferring the responsibility of security to the Federal Government of Somalia (FGS), al-Shabaab violence has been rising steadily; 2022 was the deadliest year in the country since 2018 (The East African, March 6, 2022; ACLED, March 3). For this reason, one Somali official noted that it would be difficult for FGS forces to secure areas vacated by ATMIS and referred to the planned withdrawal as “hasty” and “ill conceived” (All Africa, July 4).

On March 2, Ethiopia agreed to send an additional 1,000 soldiers outside its role in ATMIS, while Kenya and Djibouti agreed to commit additional forces (Garowe Online, March 2). This came as al-Shabaab focused more of its attacks on foreign forces—including Ethiopian troops—rather than those of the FGS. Attacks on ATMIS personnel rose roughly proportionally to the decline in violence against FGS forces between August 2022 and June 2023 (ACLED, June 30).

Al-Shabaab has also focused heavily on the Ethiopian border over the past year. On June 8, Ethiopian forces thwarted an al-Shabaab attack on the border town of Dolo, reportedly eliminating would-be suicide bombers and destroying al-Shabaab weapons in the fighting (Africa News, June 8). Although al-Shabaab was able to carry out two successful attacks on an Ethiopian military installation in the neighboring Somali border town of Doolow, the resulting casualties of these attacks remain unknown because Ethiopia designates all military operations in Somalia as “top secret” (Garowe Online, June 7). In August, al-Shabaab launched a series of unsuccessful attacks on the Ethiopian border. Ethiopian authorities claim that over 800 combatants were killed over several days of heavy fighting, including senior commander Fuad Muhammad Khalaf, on whose head the United States had placed a $5 million bounty (Sudan Tribune, August 7).

Conclusion

Ethiopia’s longstanding history as an occupying force in Somalia—coupled with its commitment to providing further troops outside its role in ATMIS—make it a likely target for al-Shabaab moving forward (Ethiopia Insight, September 9, 2022). This is because al-Shabaab understands that, after more than a decade and a half of foreign military intervention, its most powerful neighbor will likely be a key obstacle to overcome in its efforts to gain control of Somalia. The ability of the FGS to control Somali territory after the scheduled ATMIS withdrawal remains questionable, and al-Shabaab has shown itself capable of maintaining a vast and well-equipped force that has been resilient in the face of numerous setbacks (Militant Wire, December 14, 2022).

Moreover, Ethiopia’s vast border region with Somalia is predominantly inhabited by Somali or Oromo Muslims, who have a longstanding history of separatist sentiment. These factors make it possible that Ethiopia will face a protracted conflict with al-Shabaab in the coming months and years. Should this occur, al-Shabaab has shown itself willing to exploit every possible opportunity to undermine Ethiopian security, including fomenting dissent from within Ethiopia, which itself is highly prone to internal strife and civil unrest (Addis Standard, June 14).

Ku dhawaad kun qof oo ku dhintay Morocco kadib…

0

Marrakesh (Caasimada Online) – In kabadan 600 ayaa dhimatay, kadib dhul gariir xoogan oo ku dhuftay Marooko,  sida uu sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi

Waxaan hadda xaqiijinnay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida.

Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.

Waxa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah.

Xataa dadka ku nool jasiiradaha Canary ee xeebaha Morocco iyo Algeria oo deris la ah bari ayaa sheegay inay dareemeen dhulgariirka.

Sidoo kale ad badan oo degganaa magaalada ugu weyn ee u dhow, Marrakesh, ayaa ka qaxay guryahoodii markii uu dhulgariirku dhacay.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhismayaal gariiraya, burbur badan oo waddooyinka yaalla iyo dad dhex socda burbur iyo boor badan.

Isbitaalada magaalada Marrakesh ayaa lagu soo waramayaa in lagu dabiibayo qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay.

Isha:BBC

KENYA oo duqeyn culus ka fulisay gobolka GEDO

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashau duqeymo culus oo ay xalay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loogu garaacay aagga magaalada Ceelwaaq, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada difaaca dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in meelaha la duqeeyay ay kamid yihiin deegaanada kala ah Khadiijo Xaaji iyo Faxfax-dhuun oo dhammaan hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in duqeyntan ay waxyeelo ugu badan ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaas oo muddo dheer ka cabanayay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya.

Goobaha la duqeeyay sidoo kale waxaa ku sugan xubnaha Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus kasoo abaabulo halkaasi, isla-markaana beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa dalka Kenya.

Sidoo kale ma jiro  wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda dowladda Kenya iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan duqeynta ja dhacday aagga Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha gobolka Gedo.

Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka lagu jiro kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale weeraro culus ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Shiinaha oo faragelinaya doorashada Maraykanka – Aqri qorshaha culus ee Beijing

0

Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay shirkadda Microsoft ayaa muujinaysa in Shiinuhu uu u adeegsanayo aaladaha casriga ah ee ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey, inay ku marin habaabiyaan ama ku kala daadiyaan codbixiyayaasha Maraykanka.

Shiinaha ayaa dabka ku sii shidaya kala qaybsanaanta codbixiyayaasha ka dhex jirta, ka hor doorashada madaxtinimada ee Mareykanka ka dhaceysa sannadka 2024-ka.

Falanqeeyayaasha dhinaca khatarta ee shirkadda Microsoft ayaa boggooda ku soo qoray, in Beijing ay horumarisay farsamooyin cusub oo ku saabsan aaladaha ay ku shaqeeyaan garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Waxay sheegeen inuu soo saari karo “warbixino ay dadweynuhu aad u xiisayn karaan” si fududna ugu dhex faafi kara bulshada.

Sida ay sheegtay shirkadda Microsoft, Shiinaha ayaa muddo lix bilooda ku hawlanaa dedaalada uu ku horumarinayo inuu isticmaalo waxyaabaha ay soo saaraan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee horumarsan.

Shirkadda Microsoft hadda waxay sheegtay inay u muuqato inay soo saari karaan muuqaalo kala duwan.

“Waxaanu aragnay in jilayaal u dhashay dalka Shiinuhu ay ka faa’iidaysanayaan muuqaalada iyo warbixinada ay soo saaraan aaladaha ku dhisan garaadka macmalka ah ee horumarsan, kuwaas oo si ballaadhan diirada u saaraya qodobada siyaasiga ah ee bulshadu ku kala qaybsan tahay, sida rabshadaha ka dhasha hubka, iyo in hoos loo dhigo hoggaamiyayaasha siyaasiga” ayaa lagu yidhi warbixinta Microsoft.

Shiinaha ayaa iska fogeeyey natiijooyinka ku jira warbixinta Microsoft.

Xog: Al-Shabaab oo maanta lagu duqeeyey saldhigoodii degmada Ruun-nirgood

0

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in maanta duqeyn culus loogu geystay kooxda Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday dhul howd ah 8 KM dhanka waqooyi uga baxsan magaalada, waxaana halkaas laga soo weriyey gaadiid gubanaya.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeyntaasi ay aad u cusleyd, isla markaana loo maleynayo in bartilmaameedku ahaa saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen banaanka magaalada.

Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka soo saartay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, ama wax un xog ah ka bixisay cidda la bartilmaameedsaday, markii laga reebo xogta laga helay shacabka deegaanka oo jugta duqeynta maqlay.

Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda Al-Shabaab ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen.

Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa ka mid noqotay magaalooyinkii ay dhawaan dib uga baxeen ciidamada dowladda oo ka gadooday weerarkii Cowsweyne iyo sida aysan dowladu uga falcelin.

Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana hadda socda guluf cusub oo la doonayo in aagga degmadaas looga nadiifiyo kooxda.

Dhawaan beelaha Mudullood ayaa go’aan ku gaaray inay isku tashadaan oo deegaanadooda ka xoreystaan, kana difaacdaan kooxda Al-Shabaab, taasi oo hadda ololeheedu uu aad uga socdo gobolka Shabeellada Dhexe oo beeshaasi ay degto.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii dambe u soo jeestay abaabulka iyo dhiirigelinta ciidamada dadka deegaanka, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay ka soo gadoodeen furimihii dagaalka ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Guudlaawe ayaa maanta tegay deegaanka Guulane, isagoo shacabka ku nool ku adkeeyey farriintiisa dagaalka Al-Shabaab, safarkaan Madaxweynaha HirShabeelle uu maanta Guulane ku tegay ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay deegaanka Nuurdugle ay weerareen Al-Shabaab, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen ciidanka is abaabulay ee dadka deegaanka oo iska caabiyey Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

 

Sawirro: Abaabul ka socda Sh/Dhexe iyo Guudlaawe oo hal arrin ka dalbaday reer Guulane

0

Guulane (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul mar kale la doonayo in guud ahaan deegaanada maamulkaas looga xoreeyo Al-Shabaab ayaa maanta gaaray deegaanka Guulane.

Madaxweynaha HirShabeelle waxaa safarkii uu maanta ku tegay Guulane ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

U jeedka safarka Guulane ayaa ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ku sugan boqolaal ciidan dadka deegaanka ah.

“Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay wajaheen khawaarijta, isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirka iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyada HirShabeelle.

Safarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay deegaanka Nuurdugle ay weerareen Al-Shabaab, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen ciidanka is abaabulay ee dadka deegaanka.

Markii ay kooxdu weerartay Nuurdugle waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn ciidamada dowladda, balse ay diyaarsanaayeen ciidamada dadka deegaanka oo si weyn isaga difaacay duulaankii Al-Shabaab.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii dambe u soo jeestay abaabulka iyo dhiirigelinta ciidamada dadka deegaanka, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay ka soo gadoodeen furimihii dagaalka ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Dhawaan beelaha Mudullood ayaa go’aan ku gaaray inay isku tashadaan oo deegaanadooda ka xoreystaan, kana difaacdaan kooxda Al-Shabaab, taasi oo hadda ololeheedu uu aad uga socdo gobolka Shabeellada Dhexe oo beeshaasi ay degto.

Daawo: Xildhibaanada Xawaadle oo soo saaray war yaab leh kadib tallaabo uu qaaday Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa eedeymo culus u jeediyey Cali Guudlaawe.

Xildhibaanadaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in markii ay Cali Guudlaawe kala hadleen tabashada beeshoodu ay ka qabto maamulka uu ka jartay gunadii xildhibaanimada ay ku heli jireen.

“Markii tabashada dadkeena la dhageysa waayey, ayaan weydiinay madaxweynaha sababta loo dhageysa la’yahay dadkeena, kadibna wuxuu gunadii ka jartay shan ka mid ah Xildhibaanada Xawaadle,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha hadlay.

Xildhibaanadaan ayaa Cali Guudlaawe ku eedeeyey inuu kala jecleystay beesha uu ka dhashay ee Abgaal iyo beesha Xawaadle, “Liiska wasaaradda waxbarashada HirShabeelle waxaa lagu soo qoray in Masaajid-Caligaduud ay degmo tahay oo Moqokori aysan degmo aheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanadii hadlay.

Xildhibaanadaan oo hadda ku sugan Hiiraan ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu raadinayo ‘xaalad abuur’ iyagoo sheegay in dadkooda ay dhex-joogaan, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeela doonin guno laga jartay.

“Dadkeena ayaan ku dareen nahay, ayaga ayaan maamulkaas ku meteleynay, meel aan ayaga laga rebina, anaga nalagama rabo, Cali Guudlaawe waxaan u sheegeynaa in madaxtinimadii uu ka doortay Kaaba-qabiilnimo,” ayuu yiri xildhibaan hadlay.

Sidoo kale Xildhibaanada HirShabeelle ku metela beesha Xawaadle ayaa wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ka socdsaday in lacagaha lagu kabo miisaaniyadda maamulkaas aan lagu darin qoondada gobolka Hiiraan, maadaama ay cabasho ka yihiin hoggaanka maamulka.

“Intii dagaalka lagu jiray waxaa la helay lacag dhan $4 miliyan oo dollar, cali Guudlaawe ayaa shakhsiyan u isticmaalay, lacagtaas qoryo ayuu kala baxay, xarunta baarlamaanka ee Jowhar waxaa u dhex yaalla qori Suug ah oo lacagtaas uu kala soo baxay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaanka hadlay.

Xildhibaan kale oo goobtaas ka hadlay ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ku eedeeyey inuu caqabad ku yahay dagaalka Al-Shabaab, “Gaadiid dagaal waa leeyahay, laakiin waligood Shabaab xabad kuma ridin, waxaanba is dhahnay waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Daawo: Sarkaal xubin sare ka ahaa Shabaab-ka Hiiraan oo is dhiibay iyo xog uu bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cilmi Siyaad oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala magaalada Beledweyne, wuxuuna ka sheegeeyey sida ay ugu suurta gashay inuu ka soo baxo kooxdaas.

Ninkaan ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa uruurinta lacagaha iyo xoolaha baadda ah, isagoo ka howlgeli jiray gobolka Hiiraan, wuxuuna cadeeyey in hadda uu ka soo haray gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab.

“Go’aan aan qaatay ayaan uga soo tegay Al-Shabaab, Ilaahey ayaa go’aankaas igu soo duway, waxaan aaminsanahay in go’aankaan uu wax badan ka fiican yahay go’aankii hore ee Al-Shabaab aan ku galay,” ayuu yiri Xasan Cilmi Siyaad.

Ninkaan ayaa sheegay in waligiis uusan dad dhibaateyn, isla markaana uu xukumi jiray tuulooyin dhowr ah oo Hiiraan ka tirsan,

“Anigu waxaan oday ka ahaa deegaan Dhoqor la dhaho iyo dhowr tuulo oo kale, waligeyna qof maskiin ah ma dhibaateyn, oday meesha jooga ayaan ahaa kooxdana waan ka tirsanaa,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Wuxuu sheegay in sababta uu u soo goostay ay tahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan beeshiisa Xawaadle, isla markaana uu kala hadlay xubnaha kale ee beesha ka soo jeeda ee Shabaab kala tirsanaa.

“Anigoo odayaal ah oo Shabaab ka tirsaneyn, kana soo jeedayey beeshaan la dhibaateeyey ayaan raadinay in nalaka qanciyo wax yaabihii dhahay, laakiin waan weynay cid na qancisa, hal sano ayey nagu qaadatay inaan xaqa beesheena raadino,” ayuu yiri Xasan Cilmi.

Wuxuu sheegay in waayahaan uusan daacad u eheyn kooxda, “Qolofkeyga ayaa la joogay ee qalbigeygu lama joogin kooxdaas, hadda waxaan dib ugu soo laabtay dadkeyga oo aad ii soo dhaweeyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in afar sano uu ka tirsanaa kooxda, “Xalay saqdii dhexe ayaan ka soo tegay inta mooto soo qaatay, go’aankeyga oo kale inay qaataan ayaan ugu baaqayaa ragii aan ka soo tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cilmi.

Hoos ka daawo

Cali Jeyte oo faah-faahin ka bixiyay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Xawaadle ee MAXAAS

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiiskii dhawaan ay degmada Maxaas ay ku gaareen Xasan Sheekh iyo beesh Xawaadle.

Cali Jeyte oo haatan ah hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraan State ayaa sheegay in madaxweyne Xasan iyo qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle ay isla qaateen in xilligaan dib loo dhigo wixii tabasha ah.

“Madaxweynaha dowladda fedeaalka iyo qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle waxay ka wada-hadleen laba arimood kaliya oo kala ahaa in la galo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo in dib loo dhigo wixii tabasho ah ee jira,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha la qaateen arrinkaas, islamarkaana ay ka tanaasulin tabashadood, ee dib ugu dhigayaan sidii dalka cadowga looga xoreyn lahaa, sida uu yiri.

“Madaxweynaha wuxuu naga dalbaday inaan wixii tabasho ah an dib u dhigano oo marka hore cadawga dalka aan ka wada xureyno waana isla qaaday taas, sababto ah dal nabdoon iyo meel nabad ah ayaa wax walba lagu xalin karaa marka wixii tabasho ahaa lagama tanaasulin ee xaaladaha jira dartood ayaa dib loogu dhigay.”

Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu bulshada gobolka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxdan, oo wejiga koowaad ee dagaalka looga xoreeyay deegaano badan.

“Al sheydhaan waa laga guuleysan kara oo waxad ogtihiin Soomaaliya oo inta ay maanta tahay ciidan ahaan iyo dad ahaan ka yar ayaa Itoobiya kaga guuleysatay dagaalkii 1977-dii aan la galnay, marka hada oo dad ahaan iyo ciidan ahaan ka badanahay maxa diidaya in aan cadawgan diinta ka been sheegaya iska dulqaadno, dagaalkan waa mid Soomaali oo dhan looga baahan yahay ee maahan mid dad gaar ah looga baahan yahay.”

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markale ka socda dardar-gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, iyada oo beesha Xawaadle markii hore hormuud u aheyd dagaallada haatan lagula jiro kooxda.

Si kastaba, heshiiska cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo beesha Xawaadle ayaa meesha ka saaraya xiisaddii ka taagneyd Beledweyne ee ka dhalatay beddalka Cali Jayte oo ay ku kala tageen reer Hiiraan iyo HirShabeelle, si awoodda la iskugu geeyo dagaalka socda.

FALCELINTA khilaafka awoodeed ee madaxweyne Qoor-Qoor iyo Cali Ciid

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay qaar kamid ah madaxda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Qoraallo ay soo kala saareen Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Galmudug ayaa muujinaya in aad loo kala fogyahay, kaasi oo banaanka soo dhigay khilaaf huursan oo u dhaxeeyay labada masuul.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay in uu xagal-daaciyay dagaalkii lagula jiray Alshabaab.

Daqiiqado kooban kadibna waxa soo baxay qoraal uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu ku beeninayo qaraarka madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sharci-darro ku tilmaamay shaqo-joojinta ku-xigeenkiisu ku sameeyay wasiirkiisa arrimaha gudaha, oo la sheegay inay aad iskugu dhow yihiin.

Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas, taasi oo cirka kusii shareertay khilaafka labada nin.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Ridwaan Xaaji: “Qof Farmaajo xisbigiisa kamid ahaa oo aan rabshad wadin waa la waayay.”

“Madaxwenaha iyo madaxwene ku-xigeenku iyo wasiiradu wixii kala aragti duwanaana si hoose uma xaliyaanoo,” ayuu yiri Ibraahim Khaliif.

Saciid Cali: “Madaxwayne ku-xigeenka tallaabada uu qaaday waxay u egtahay Caabudwaaq anaa kaso jeeda wasiirkana anagaa isku reera waana wax aan sax ahayn.”

Cabdinur Ismaciil Cali ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Galmudug sanadihii dambe way caafimaad qabtaye ha laga ilaaliyo khilaafka, khilaafku waa cudurka ragaadiya horumarka dowlad iyo dadkeedaba.”

“Waa aduun wareeray anaga midba waraaq yuusan noo soo saarine dhamaantiinba badal baa tihiin idinma rabnee,” ayey tiri Cuddoon Axmed Mataan.

Bashiir Daahir: “Mudane Qoor-Qoor tallaabo fiican maha ficilkaan ee dib iskugu laabta.”

Duraan Cali Xasan ayuu yiri: “Isagaa laga rabaa madaxweynuhu in uu isku wado maamulkiisa.”

“Xiligaan kuma haboon warqadahaan is daba yaacaya ee dib isugu laabta oo halganka ha fashilinina,” ayuu yiri Axmed Maxamed Axmed.

Cabdulqaadir Baariyow: “Xasiloonidii siyaasadeed ee aan ku faanaynay haddaa nahay reer Galmudug inaad sidaan ka dhigtaan ceeb iyo foolxumo ayey idin ku tahay.”

Cabdulqaadir Muuse ayaa sidoo kale yiri “Fowdo la rabo in dagaalka lagu fashiliyo laakiin ogow in waqtigaada dhamaaday oo doorasho la qabanayo.”

“Filim bay rabaan in ay noo shidan si ay dagaalka Al-Shabaab nooga mashquuliyaan waan idin fahmayna raali ahaada,” ayuu yiri Cusmaan Saciid Shire.

Yaxye Cadi Xasan: “Lama joogo xiligii Madaxda galmudug ay ku mashquuli lahayd is qab-qabsi iyaga dhexdooda ah ee wadada dagalka uwada jeesta xili wax kale lugu mashquulo ma joogte.”

Soomaali badan oo laga tarxiilayo Canada iyo DF ‘oo laga codsaday’ fara-gelin + Jawaabta

0

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku doonaysp inay dalkaasi uga musaafuriso dhallinyaro Soomaali ah “oo ay sheegtay in si sharci darro ah dalkaasi kusoo galeen.”

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay Canada kusoo galeen dokumentiyo aan sax ahayn. Waxay tiradoodu ka badan tahay 150 qof.

Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo fara-galiso oo ay hor-istaago qorshahaan ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkeeda uga masaafuriso dhallinyarada Soomaali ah.

Dadka u doodaya dhalinyaradan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay soo cadeyso Soomaalinimadooda, si u mira-dhalaan dadaaladda lagu baajinayo in dhalintaas laga masaafuriyo dalka Canada.

“Dhalinyaraddaan waxaa haysata walaac weyn oo tarxiilka ka qabaan, dadaal weyn oo laba weji leh ayaa wadna laakiin dadaalkeena kaliya kuma filna waxaan u baahanahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo dhex gasho oo ay soo cadeyso in wiilashaan Soomaali yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah dadka u doodaya dhalinyarada oo la hadlay VOA.

Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qaban karin qorshaha socda, maadaama dhalintaan ay markii hore kusoo galeen aqoonsi aan Soomaali aheyn.

“Dowladda Soomaaliya uma furna gacmaheeda inay ka jawaabto ama kala gor-gortanto dowladda Canada waayo muwaadinkan asalkiisa markuu soo galayay Soomaalinimo kuma soo gelin, waxa gacmaheena xiraya in qof waddan kale baasaboor kale kusoo galay u doodno,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu intaas kusii daray “marka dhalinyarada Soomaaliyeed waxa noo furan in aan u duceyno. Wax badan oo Soomaaliya ay ka gali karto gartaan sida ay kusoo galeen darteed majirto.”

Si kastaba, Dowaldda federaalka Soomaaliya oo dadka u doodaya dhalintaan Canada ay qorsheynayso inay musaafuriso ay qabeen rejo ah inay soo fara-geliso ayaa walaac xooggan muujinaya, maadaama ay dowladda ku dooday in meel uga furneyn kiiskan, maadaama oo ay sheegtay in dadka aysan Canada ku gelin Soomaalinimo.

Golaha Ammaanka ee QM oo go’aan ka gaaray codsigii Soomaaliya ee…

0

New York (Caasimada Online) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo taabanaya dhoofinta dhuxusha, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dowladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo la raacayo codsiga ay dowladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee QM ayaa imanaya xilli gudaha Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxul badan, taasi oo loo arkay inay qayb ka tahay dhibaatooyinka bani-aadannimo ee ka jira Soomaaliya, ayna badalkeedana dad badan ka sameynayaan dhaqaale aad u badan dhoofinteeda.

Dhoofinta dhuxusha ayaa sidoo kale la sheega inay tahay il-dhaqaale oo muhiim u ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo bartimihii sanadkaan uu Mareykanka cuna-qabateyn kusoo rogay shaqsiyaad kooxda uga shaqeeya arrintaasi.

Sidoo kale waxaa kal hore kiisas la xiriira ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha uu xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaran u gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo markaas uu dalbaday in lasoo xiro shaqsiyaad ku lug leh arrintaasi.

Si kastaba, Dhoofinta dhuxusha ee gudaha Soomaaliya ayaa ah fal dambiyeed lagu ciqaabi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobada 51,56, 57 ee xeerka ilaalinta deegaanka iyo duur joogta Soomaaliyeed, ayada oo ay sidaas tahayna waa mid weli laga sameeyo dhaqaale badan.

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh iyo carruurtiisu wada tagaan furinta dagaalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laxowga waa mid kamid ah astaamaha laga rabo hoggaamiyaha u xeydan inuu dhabo sax ah ku rido bulshadiisa. Laxowgu mar waxa uu noqon karo damqasho marna quurida waxa kuugu muhiimsan adiga oo u bixinaya laxowga ka haaya guusha bulshadaada guud.

In la arko madaxweyne furinta dagaalka jooga muddo bil ka badan waa qaadashada go’aanka ugu culus, naf quurid iyo ka dhabeynta dhaartii qaranka. Laakiin in hoggaamiyaha uu sidoo kale furinta dagaalka u kaxeeyo caruurtiisa waa cadeyn uu hoggaamiyahaasi ku cadeynayo in aysan jirin wax uga muhiimsan guusha dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasi ahaan eedda kale waa yeelan karaa, laakiin maalinba maalinta xigga waxay dadweynaha kusoo qancayaan sida ay uga go’an tahay inuu ka adkaado argagixisada.

24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa si weyn looga hadlay wiil uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh oo la sawiray isaga oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo uu madaxweynaha maalin kahor tegay.

Wiilkan oo aan xaqiijinay in la yiraahdo Cabdifataax ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro ciidan loo tababaray ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada oo tababar kusoo qaatay waddanka Serbia.

In Xasan Sheekh uu caruurtiisa geeyo furimaha dagaalka waxay kale oo hoos u dhigeysa eedihii hore loogu jeedin jiray madaxda Soomaalida ee ahaa in caruurtooda ay ku raaxeysanayaan qurbaha, iyaguna aanay rabin in dalka hagaajiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal bil iyo saddex cisho u dhaxeeyay Dhuusamareeb, Maxaas iyo Aadan Yabaal waxa uu dhawaan sheegay inuu Soomaaliya ka leeyahay hal dan, taas oo ah inuu ka tago iyada oo ka caagan argagixiso una diyaarsan inay sameyso horumar lamid ah midka Malaysia iyo Singapore.

Inuu caruurtiisa keeno furinta dagaalka waa cadeyn kale oo ku siineysa dhab ahaanshaha sheegadiisa. Dagaalka hadda ka socda Soomaaliya ayaa u muuqda midkii kala saari lahaa madaxda Soomaalida wuxuuna abuuri doona dhabaha ay ku kala leexdan kuwa jiritaanka argagixisada iyo gumaadka shacabka ka macaasha iyo dhinaca kale kuwa muddo xileedkooda, naftooda iyo caruurtooda u huraaya inay argagaxisada ka dulqaadan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna halkaasi ka wadaa abaabul cusub oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isaga oo si gaar ah diirada u saaraya inuu dib u abaabulo ciidanka la baxay Macawisley.

Daawo: CIIDAMO cusub oo qeyb ka noqonaya xasilinta XAMAR oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo qeyb ka noqonaya kuwa xasilinta caasimada.

Ciidankan oo dhawaan tababar usoo dhamaaday ayaa waxaa lagu wareejiyay qalab iyo saanad ciidan oo ay ku howl-gali lahaayeen, sidii ay waajibkooda ugu gudan lahaayeen si hufan.

Ciidankan ayaa la sheegay inay ka madhan yihiin isticmaalka noocyada kala duwan ee balwada, xilli xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ay wado qorshe ciidanka looga saarayo kuwa isticmaala balwada.

Ciidankan ayaa waxaa loo diyaariyay in lagu wareejiyo sugida amniga caasimada, oo muddooyinkii dambe soo hagaagayay, wuxuuna dhiiggan cusub ee kusoo biiraya xasilinta caasimada ayaa wax badan ka tari doona qorshaha lagu sugayo amniga caasimada iyo nawaaxigeeda.

“Waxaa la idinka rabaa in aad balwad baranin, hal qof o balwad isticmaala idinkuma jira, shuruucda in aad ilaalisaan dabcan sharciga waa idinla soo baray waa in bulshada la shaqeysaan oo xogta heshaan,” ayuu yiri Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir oo la hadlay ciidankan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Birmadka ee Booliska Soomaaliyeed ayaa dhankiisa ka dhawaajiyay muhiimadda waqtigan u leedahay helida ciidan heegan u ah.

“Waxaa u adeegi doontaan umad Soomaaliyeed oo u baahan hiilkiina, waxkasta oo nabadgalyada wax u dhimaya in aad ka celisaan la rabaa, nidaamkii la idin barayna kula dhaqantaan, qalabka dowladdana yaa la dayicin.”

Si kastaba, ciidanka Booliska qeybtooda xasilinta caasimada ayaa wax weyn ka beddelay amniga magaalada Muqdisho, ayada oo ciidankan cusub ay ku biirayaan kuwa ka howl-galla caasimada, islamarkaana qeyb ka noqonaya howl-gallada lagu sugayo amniga caasimada iyo nawaaxigeeda.

Hoos ka daawo muuqaalka