27 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Can soft power defeat al-Shabab in Somalia?

0

Since 2006, with the exception of a few setbacks between 2012 and 2014, al-Shabab has maintained an active insurgency in Somalia, preventing state-building projects in the country and threatening peace and security efforts throughout East Africa. Hoping that an alternative approach could help save the country, Somali leaders have decided to adopt “soft power” strategies to tame the militant group. This has entailed direct dialogue with the group’s leaders and outreach efforts to its dissident elements who, if neutralized, could become key in exposing the group’s plans and dismantling its structure.

Engaging the movement in a peaceful political dialogue is not new: over the past fifteen years, the suffering of the Somali people under the al-Shabab insurgency has spurred many attempts to contain and integrate it into the national fabric. In 2012, the government of President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed managed to convince hundreds of the group’s most dangerous dissident elements to curb their activities. The following year, an internal conflict within the movement led to the surrender of some of its top leaders, including Sheikh Hassan Tahir Owais, Mukhtar Robow (Abu Mansour), Mohamed Said Attam, and Zakariya Ahmed Ismail Hersi, who led the group’s activities in Somalia and was the commander of intelligence and financing operations. In September 2014, Mogadishu announced an offer of conditional amnesty to al-Shabab fighters, but the offer was rejected.

Undeterred by this refusal, the Somali government has undertaken unprecedentedly ambitious initiatives to engage with defectors from the movement and to integrate them into its counterterrorism strategies. Last year, Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre decided to appoint Robow, the former deputy leader of the al-Shabab militant group, as the Minister of Endowments and Religious Affairs in his government. Barre explained that this appointment would reassure other potential defectors, convincing them that the state would not only welcome their return but also allow them to assume the highest political positions. Barre also believes that Robow’s experience as a leader of al-Shabab, as well as his intellectual and ideological background, will help Somalia eradicate the jihadist literature that extremists propagate and encourage more defections.

The appointment of Robow was also welcomed by the Somali President, Hassan Sheikh Mohamud, who has been waging an ideological war against al-Shabab. He has launched a religious media campaign, spearheaded by Robow with the participation of hundreds of Islamic scholars, to repudiate al-Shabab’s violent extremism and strike at its intellectual foundations, in the hope that the group will be forced to surrender and agree to a binding national dialogue.

Although this tactic may seem logically sound, it may not yield the desired outcome, for several reasons.

First, al-Shabab generates over $100 million per year through multiple funding streams. This sum ensures that the group’s illicit activities will continue, especially given that factions within the Somali government continue to fight for political influence, which prevents Mogadishu from establishing permanent governance throughout Somalia’s various regions. This political dysfunction has been an asset for al-Shabab, allowing them to invest in their financial and logistical resources to recruit more youth, strengthen their hierarchy, and compensate for their losses from defectors.

Second, the international arms embargo of Somalia has weakened the government’s negotiating position with al-Shabab. Whenever the state succeeds in taming dissidents, it fails to utilize their knowledge and expertise to target the group’s organizational structure, or to even bring it to the negotiations table.

Third, the group’s rigid ideology—especially among its youth elements—often prevents any positive interaction with governments, makes them extremely hostile to Western interference in local affairs, and strengthens their unwavering insistence on applying Sharia law and reviving an Islamic caliphate.

Finally, Robow’s appointment has been extremely controversial in the Somalia, as many interpret it as not only rewarding Somali killers, but also as evidence that al-Shabab has infiltrated the state.

So far, attempts to contain al-Shabab have not yielded tangible results, but the international community recognizes the promise of these efforts, if properly supported. The Somali people must also come to appreciate the potential of a “soft power” approach to al-Shabab—one that not only achieves constructive dialogue and political appointments, but also allows Somalia to build a strong national army, particularly with the approaching the exit of the African Union forces at the end of 2024.

Taking advantage of the growing hostility between al-Shabab and the tribal militias, Somalia could adopt a comprehensive national strategy to mobilize all available resources against extremism, especially after the group denounced the appointment of Robow the “apostate” and called for his assassination. And just as Somalia should continue to coordinate with regional and international partners to cut off the group’s funding, so too should the government pay closer attention to internal problems like ignorance, poverty and unemployment that push Somali youth towards extremism.

Mohsen Hassan is an Egyptian academic researcher and journalist. His work focuses on conflict, development, and political Islam in the Middle East and Africa. He is a research associate at several Arab and international research centers. Follow him on X @twittmohsen2011.

Dowladda oo mushahar ‘u billaabeysa’ Macawiisleyda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay daryeel gaar ahi ugu fidineyso xoogaga deegaanka ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka, ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) loo igmaday inay diiwaangeliso xoogaga difaaca shacabka, kuwaa oo ay diiwaangelintoodu ka waddo Gobolada Dhexe.

Dowladda ayaa billaabi doonto in ay mushaar iyo gunno siiso xoogagaasi, kolka la soo geba-gabeeyo diiwaangelinta socota.

Ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tallaabadan ku sheegay jaanta jidkii lagu gaari lahaa in dowladdu ay mustaqbalka qarameyso xoogagaasi.

Abaabulka iyo hawlgelinta xoogaga deegaanka ee dagaalka ka qayb qaadanaya ayaa loo arkaa mid culeyska ku kordhineysa Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.

Dadka deegaanka oo la abaabulo ayaa muhiim u ah qaabeynta iyo qorsheynta hawlgalada, iyadoo markaasi la yareynayo khasaaraha ciidamada.

Xoogagan ayaa ciidamada ka caawinaya in ay Shabaabka ugu taggaan bugcad kasta oo ay gabaad ka dhigan karaan, maadaama ay yihiin kuwo dhulka kala garanaya.

Yoolka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka sida ay muddo kooban ku soo afjaraan waayihii Al-Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wax ka bedel ku sameeyay istiraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, waana istiraatiijiyadda ay ciidamadu isugu furayaan waddooyinka tuulooyinka, deegaanada iyo magaalooyinka loo socdo in la xoreeyo, iyadoo aan maleeshiyadaasi fursad loo siineynin in ay ku soo laabtaan dhulka u dhaxeeya.

Wax ka bedelka qorshaha dagaalka ayaa sahlaya in ciidamadu ay helaan wadiiqo loo soo mariyo saadka iyo sahayda, inta ay hawlgalka militari ku guda jiraan.

Taliska Militariga ayaa doonaya in ciidamadu ay barro ka sameystaan dhulka fogfog, iyagoona ka hortaggaya weerarada dhaba-galka ay Shabaabku ciidmadu ugu sameeyaan waddooyinka iyo inaanay go’doomin goobaha laga saaro.

Dowladda Federaalka ayaa maskax iyo muruqba ku bixineysa, sidii uu u guuleysan lahaa gulufka dagaal ee lagu qabanayo dhulka maqan, laguna wiiqayo cududdii ciidan ee Al-Shabaab.

Nin 14 qof ku dhex dilay gurigiisa oo lagu qabtay…

0

Kigali (Caasimada Online) – Booliska ayaa sheegay in dalka Rwanda lagu xiray nin la tuhunsan yahay inuu yahay dilaa kadib markii ay meydadka in ka badan 10 qof ka heleen god ku dhex-yaalla gurigiisa.

Dad deris la ah ayaa Khamiistii u sheegay wakaaladda wararka AP, in Denis Kazungu oo 34 jir ah, uu ahaa nin af-gaaban.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Dambi-baarista Rwanda (RIB), Thierry Murangira ayaa u weriyayaasha u sheegay in tuhunsanaha uu qirtay dilalka.

Booliska ayaa tuhunsan in eedeysanaha uu dadka kasoo kaxeyn jiray baararka, oo uu keeni jiray gurigiisa ku yaalla caasimadda Kigali.

Booliska waxay sheegeen in baaritaan uu ku socdo sababta uu ninka u dilay dadka, ayna sii dayn doonaan tirada guud ee meydadka goor dambe.

Ilo-wareed ka tirsan Xafiiska Dambi-baarista Rwanda, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa AFP u sheegay in tirada dhibbanayaasha ay illaa hadda yihiin 14.

Kuzungu ayaan laga heli karin jawaab, mana cadda haddii uu leeyahay qareen.

Wargeyska dowladda ee The New Times ayaa kasoo xigtay Augustin Shyirambere, oo guriga ka kireeyey Kuzungu, inuusan muddo bilo ah iska bixin kirada, uuna diiday in guriga la galo. Milkiilaha ayaa kadib u tegay mas’uuliyiinta dowladda si ay u caawiyaan.

Qof ay deris yihiin tuhunsanaha ayaa sheegay inuu lahaa xaas iyo laba guri, oo mid ay degan yihiin qoyskiisa, kan kalena uu marnaa.
Wuxuu lahaa dukaan lagu iibiyo qalabka gawaarida, ayuu yiri qof deris la ah.

Emmanuel Nizeyimana, oo ah xoghayaha xaafadda Busanza ee Kazungu uu ku noolaa, ayaa sheegay in tuhunsanaha horey loogu xiray eedo ku saabsan dhac iyo kufsi balse lasii daayey. Ma cadda sababta.

Waxaa sii socday baaritaanka, waxaana mar kale la xiray Talaadadii, kadibna la baaray gurigiisa oo laga soo helay god uu ka dhex qoday jikada, halkaasi oo dadka uu dilo uu ku ridi jiray.

“Eedeysanaha ayaa qirtay in dilalka uu ka bartay daawashada sheekooyinka dilayaasha caanka ah ee dunida. Meydadka qaarkood ayuu ku baabi’in jiray aashito,” ayuu yiri il-wareed ka tirsan RIB oo la hadlay AFP.

“Wuxuu daraasayn jiray dhibbanayaashiisa ka hor inta uusan daba-gelin, wuxuuna dooran jiray kuwa ay u badan tahay inaysan lahayn qoys ama saaxiibo dhow oo soo raadiya.”

“Wuxuu ka shaqeyn jiray inuu dhibbanayaashiisa, oo u badnaa haweenka jirkooda ka ganacsada, uu soo jiito oo uu keeno gurigiisa, halkaasi oo uu uga dhici jiray taleefonada, kadibna uu ceejo ku dilo, kadibna ku aaso godka,” ayuu afhayeenka RIB Thierry Murangira u sheegay AFP.

AP, AFP + VOA

Xogta arrinta ay isku hayaan Qoor Qoor iyo Cali Ciid

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan qaar ka mid ah madaxda sare ee dawlad-goboleedka Galmudug. Qoraallo ay soo kala saareen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa muujinaya in aad loo kala fogyahay.

Madaxweyne xigeenka, cali Daahir Ciid, ayaa soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay in uu xagal-daaciyay dagaalkii lagula jiray Alshabaab.

Daqiiqado kooban ka dibna waxa soo baxay qoraal uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu ku beeninayo qaraarka madaxweyne xigeenka.

Madaxweynaha ayaa sharcidarro ku tilmaamay shaqo-joojinta ku xigeenkiisu ku sameeyay wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug Cabdi Waayeel ayaa sheegay in warqadda madaxweyne ku xigeenka ay baal-marsan tahay dastuurka Galmudug.

“Iyadoo madaxweynaha joogo ma ahayn in xafiiska madaxweyne ku xigeenka uu shaqo joojin ku sameeyo mas’uulka ugu sarreeya wasaaradda arrimaha gudaha, ma lahayn awooddaas mana loo igmanin, waa xaddidan tahay mas’uulidda madaxweyne ku xigeenka waxyna ku caddahay dastuurka Galmudug.”

Muxuu salka ku haya khilaafka?

Cali Ciid ayaa Wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyey inuu xagal-daacinayo dagaalka Al-Shabaab, shaqo gudasho la’aan iyo farogelin uu ku haayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

“Warqadda ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tilmaameysay shaqa joojinta loogu sameeyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, wasiirka waxa uu gabay shaqadiisii iyo waajibaadkii ka saarnaa wasaaradda wuxuu sidoo kale ku milmay xagal daacinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo abaabulkiisa aad uga socday Galmudug sidaa daraadeed digniino kala duwan oo aan wasiirka siinay inuu ka tanaasulo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda ah ee aan waqooyiga gobolka Galgaduud ka aruurinay ee aan rabnay inay dagaalka ka qeyb qaataan.”

Wasiirka oo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa yiri: “Arrintaas sal iyo raad toona ma leh aniga si gaar ah hadda uguma xil saarni la dagaalanka al-Shabaab waxaan ka shaqeeya wasaaradda arrimaha gudaha shaqadeyda ugu badanna waa arrimaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta, laakin maba jirtaba aniga xukuumadda aan ka tirsanahay ee uu Axmed Cabdi Kaariye hoggaamiyo go’aamadeeda iyo awaamiirteeda ee madaxweynaha soo jeediyo ayaan ilaaliyaa.”

Madaxaweyne ku xigeenka oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiir Cabdi Waayeel inuu faro-gelin ba’an ku hayay Golaha Deegaanka ee Cabuudwaaq.

“Wuxuu wasiirka ka mashquulay shaqadii dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee loo diray, isku dir beelaha iyo isku dir madaxda sare ee Galmudug iyo waxyaabo kale oo uu wasiirka ku kacay ugu dambeyn waxaan go’aansanay inaan shaqada ka joojino wasiirka maaddaamaa uusan u qalmin inuu u adeego bulshada Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeedba,” ayuu yiri Cali Ciid.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray eedeyntaas.

“Arrintaas laftirkeedana waan beeninayaa sababtoo ah anaga shirkaan u nimid Cabuudwaaq oo ay ka soo qeyb galeen ilaa afar boqol oo qof oo bulshada noocyadeeda kala duwan waxa uu ahaa shir dib u heshiisiin, toddobaaddadii la soo dhaafayna waxaa la qabtay dib u heshiisiin ballaaraan oo u dhaxeeyay beelaha halkaa wada dega. Waxaa xusid mudan in ka hor inta uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uusan iman ay Galmudug ka jireen xaalado amni ayna adkayd in magaalo-magaale kale u gudubto.”

Muxuu Cali Ciid ka yiri warqadda Qoor-Qoor ee lagu burinayay shaqa ka joojintii wasiirka?

“Dhaqan gal ma ahan warqadda madaxweynaha waxay keliya ay dhaqan galeysaa haddii ay madaxweynaha iyo wasiirka shirkad ku yihiin xagal daacinta la dagaalanka al-Shabaab iyo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda waa wax gaar ah oo la gartay. Qof allaalle qofkii xagal daaciya dagaalka Soomaaliya ka socda iminka tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid.

“Madaxweynaha waxa lagu waafaqi karaa oo keliya waxa dastuurka uu qorayo laakiin haddii uu qaato wax ka baxsan dastuurkeena laguma waafaqayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dedaalaya, bilna joogay Galmudug, dagaalkii Shabaab ku fooggan, waqti badan ku bixinayo in la xagal daaciyo oo dhabar jebiyo oo la furfuro ciidamadii dastuurkeena ma dhigayo madaxweynahana kuma raacayo mana ku raaci karo, arrintaas aan sheegay waa qiyaano qaran, madaxweynuhu hadduu wax ka og yahay oo uu Cabdiwaayeel ku raacsan yahay waa qiyaamo qaran, waana in lagula xisaabtamaa.”

“Shaqa joojintaas waa dhaqan gashay waxaana hayadaha ay quseeyso farayaa in aysan la shaqeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, hay’adaha caalamiga ahna cid la shaqeyn karto ma jirto wasiiru dowlaha ayaa ku sima ah asagaas ayaana lala shaqeynayaa warqadda madaxweyne Qoor-Qoor uu soo qorayna dhaqan gal ma ahan,” ayuu yiri madaweyne ku xigeenka Galmudug.

Ma aha markii ugu horreysay ee khilaaf noocaas ah u dhexc maro qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedka Galmudug.

Isha: BBC

DF Soomaaliya oo adeegsan rabta xeeladdii Al-Shabaab looga saaray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay socdaan howl-gallada lagu soo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan, ayaa VOA u sheegay in beddelka xeeladda dagaal ay timid kadib weerarkii 26-kii bishii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada ee Cowswayne.

Dawladda ayaa weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, hase yeeshee saraakiisha amniga ee VOA la hadlah ayaa waxay aamin yihiin in lagu dilay tobannaan, lagu dhaawacay in ka badan 160, halka qaarna la la’yahay.

Xeeladda cusub ee haatan dowladda ay ku badeshay tii hore ayay saraakiishu ku sheegeen in ay tahay in howl-galada ay hoggaamin doonaan ciidanka deegaanka, islamarkaana ciidanka xoogga dalka ay noqon doonaan kuwa kaalmeyn doona kaliya ciidamada deegaanka.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in dowladda ay qorsheysay in ciidanka deegaanka ay siiso gunno ay ku biishaan qoysaskooda inta uu socdo howl-galka, halka markii hore dowladda ay ka heli jireen rasaas oo kaliya.

Dawladda ayaa horey ciidamada degaanka usiin jirtay hub, iyo in dhaawacooda la qaado.

Qorsha cusub ee dowladda ayaa ah in dadka deegaanku ay hoggaamiyaan dagaalka, taasi oo la mid ah dibna ugu noqonaysa qorshihii Al-Shabaab looga saaray inta badan gobolka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe laga soo bilaabo bishii August ee sannadkii hore.

Si kastaba, Xeeladaan cusub ee dowladda ay adeegsan doonto ayaa lagu wadaa in kaalin muuqata ka qaadato dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo kan xigga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ‘shirqoolay’ ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa kashifay qaar ka mida sababihii keenay dib u gurashada ciidamada dowladda ee kasoo baxay degaanadii ay hore u qabsadeen qaarkood ee gobolka Galgaduud.

Jeneraalka, oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa saraakiisha degaanada dagaalku ka socdo tegay, ayaa sheegay in arrimo farsamo iyo qaar siyaasdeed ay keeneen in ciidamada ay ka baxeen degaano dhowr ah.

Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in la waayey meel saadkii loo mariyo ciidamadii ku sugnaa Cowsweyne, oo Al-Shabaab ay ilaa 5 dhinac ka go’doomiyeen ciidankaasi, lana gaarsiin waayey gurmadkii ay u baahnaayeen.

“Waxaa dhahay inay daahaan ciidamadii ku daba jiray, khaladka dhacay wuxuu ahaa inaan laga fekerin arrintaas… wixii la sheego wax baa ka jira, khilaafka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha xoogga dalka, xilliyada dagaalka duruufo jira ayaa keeni kara in la isugu dhaco, taasoo u baahan xal ka yimaada Golaha wasiirada iyo Madaxtooyada,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare oo wareysi siiyay VOA.

Wuxuu ka hadlay siyaasiyiin tashwiish ku furay ciidamada “Siyaasiyiin badan oo waxaa jira ku xiran saraakiisha, waxaan jira tuhmo weyn oo saraakiishaasi lagula xiriiray looguna sheegay inaysan dagaalamin, waxaa kaloo jira saraakiil aan gurman, kuwa ka baxay aagag lagu ogaa sabab la’aan,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.

Waxa uu si cad u sheegay in la ogaaday dhibaatadii jirtay sida siyaasiyiintii ciidamada la xiriiray iyo saraakiisha khaladaadka sameeyay, lagana warqabo.

Hadalka Tuuryare ayaa imanaya, ayada oo madaxweynihii hore ee  maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare uu horey ugu eedeeyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri Waare.

“Wasiirka waxa uu sameyna in taliyihii ciidanka amar uu bixiyay uu dhaho beentiis waaye, wuxuu sameynayaa madaxweynaha inuu been farriimo oo uu yiraahdo madaxweynaha ayaa sidaas yiri amarkiisa waaye. Wasiirka amarro uu bixiyay, kuwa qaldan oo baxay inuu joojiyo aheyd iyo xog qaldan oo madaxweynaha siiyay ayaa Xasan Tuure iyo ciidankii Danab ku baaba’een Galcad.”

20 Al-Shabaab ah oo hal goob lagu wada dilay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-fdaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay fiidkii hore ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoostaga Xarardheere.

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degamadaasi, Maxamed Yuusuf Kulmiye ciidamada ayaa weerar gaadmo ku qaaday bar-koontarool oo ay joogeen xbunaha ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana lagu laayay halkaasi, kadibna la burburiyay goobta ay joogeen.

“Intii meesha joogtay waa la soo afjaray ciidamada geesiyaasha ah sida loogu talagalay ayay waajibaadkau guteen” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarardheere.

Maxamed Yuusuf Kulmiye aya xusay in goobta la weeraray ay ku sugnaayeen 16 xubnood, isla-markaana dhammaantood lagu dilay howlgalka ay qaadeen ciidamada dowladda.,

“Tiro ahaa illaa 16 ayaa meesha ku sugneyd, waana laga soo taqalusay dhammaantood” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan, ujeedkana uu yahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab, lagana saaro meelaha ay ka joogaan Mudug.

Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee la xoreeyay ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamo dheeraad ah.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana iska kaashanayaa ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta maamulkaas iyo dadka deegaanka.

Daawo: 107 xubnood oo Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta  shaacisay in xubnihii ugu badnaa ee kasoo goostay kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalkka Soomaaliyeed, isla-markaana lasoo dhaweeyay.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtayMuqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay haatan kordheen tirada xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay July iyo August ay isa soo dhiibeen illaa 107 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo dagaalamayaal intaba.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnahaas ay ku jiraan carruur la askareeyay, dhalinyaro ka barbar dagaalameysay kooxda iyo horjoogayaal sar sare, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnahan ayuu tilmaamay inay iska soo dhiibeen meelo kala duwan oo ka mid ah dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus.

“Xubnaha isa soo dhiibay waxay iska soo dhiibeen deegaanada kala ah dowlad goboleedka HirShabelle, dowlad goboleedka Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed” ayuu mar kale yiri agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan.

Waxaa kale oo uu yiri “Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee kasoo baxay fikradaha xagjirka ah”.

Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in haatan ay sii kordhayaan tirada xubnaha soo goosanaya, isaga oo farriin u diray xubnaha kale ee weli u dagaalamaya kooxda, wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan cafiska.

“Waxaa muuqata in bilihii lasoo dhaafay uu aad u kordhay Numberka isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda” ayuu yiri gabagabadii.

SODMA iyo Al-Jazeera oo tababar muhiim ah kusoo xiray Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gaba-gabeeyay tababar heerkiisa sarreeyo oo ay iska kaashanayeen Akaadeemiyada Somali Degital Media Academy (Sodma)iyo Machadka Tabarada Warbaahinta ee Al-Jazeera kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tababarkan oo ay bixinayeen khubaro ka socda Machadka Warbaahinta Al-Jazeera ayaa ahaa mid kor loogu qaadayay Xirfada saxafiiynta Soomaaliya, waxaana uu ka kooban yahay ilaa Sadax qeyb oo kala ah.

1- Tifaftirka Wararka: Mowduucaan ayaa ka qeyb-galayaasha ku qaadanayaan casharo muhiim ah oo Wariyaasha ka caawinaya Tifaftirka Wararka, Hagaajinta qaab Qoraalka iyo hadalka markasta oo ay dadweynaha u wax Tabinayaan.

2- Mobile Journalism: Qeybtan waxaa diiradda lagu saarayaa soo saarista Muqaalo iyo Warbixino iyadoo la Adeegsanayo Mobile-ka Gacanta.

3- Storytelling for Digital platforms: Waxaa ka qeyb-galayaasha lagu barayay sida sheekooyinka loogu baahiyo Baraha Bulshada si xirfadeysan.

Waxaa kasoo qeyb galay ilaa 50 suxufi oo isugu jira kuwa ka howl gala Warbaahinta Gudaha iyo Caalamiga iyo waliba barayaal culuumta saxaafadda.

Xeritaanka tababarka waxaa kasoo qeybgalay khubaro dhanka Saxaafada ah iyo Mas’uuliyiin ka socota Dowlada Somaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay xeritaanka Tababarka ayaa kula dardaarmay ka qeyb-galayaasha in sawir fiican ka gudbiyaan Muqdisho iyo guud ahaan Somaliya.

Laba ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababarka oo ka hadlay madasha ayaa sheegay iney wax badan faa’iideen Mudadii uu Tababarka socday oo ahayd shan maalmood.

Gaba-gabadii waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay dhamaan intii ka faa’iidaysatay tababarka.

 

Sawirro: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya oo maanta kasoo dagay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta kasoo dagay ra’iisul wasaare ku xigeenka waddanka Itoobiya, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo, kaas oo booqaasho kusoo gaaray dalka.

Dekeme Mekonnen iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin wasiiro ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.

Ujeedka wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa ah sidii uu dowladda federaalka Soomaaliya ula bilaabi lahaa wada-hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saalax Axmed Jaamac ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha oo soo dhoweynta ka hadlay ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo amniga

Sidoo kale waxa ay labada dhinac iska wareysan doonaan arrimaha ku aadan dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, maadaama ay qayb ka tahay dowladda Itoobiya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka la kulmi doono madaxda sare ee dalka, inkastoo madaxweynaha uu hadda ku maqan yahay jiidda hore ee dagaalka, ra’iisul wasaarahana uu jiro Qatar.

Itoobiya ayaa qayb ka ah dalalka daris la ah Soomaaliya, isla-markaana haatan xiriir wanaagsan la leh dowladda federaalka oo ay ka gacan siiso la dagaallanka Al-Shabaab.

Booqashada wafdigan ka socda Itoobiya ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana guullo waa weyn laga gaaray howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gobollada dalka.

Si kastaba, wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa la filayaa inay ciidamo horleh kusoo biirayaan dalalka dariska ah, sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

 

Hooyo iyo carruurteeda oo lagu dilay qarax, Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo geystay khasaare kala duwan uu ka dhacay deegaanka Wamooley oo galbeed ka xiga deegaanka Ceel-lahelay oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad isku qoys ah oo ay ku jiraan hooyo iyo carruurteeda.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheehay in qaraxa uu ka dhex dhacay guriga ay daganaayeen qoyska, waxaana dhintay hooyada iyo laba carruur ah oo ay dhashay

Sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaareen laba qof oo kale oo ka tirsan isla qoyska, kuwaas oo ay gurmad u sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in qaraxaas ay guriga ku dhex qarxiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ujeedkooda uu ahaa inay ku baabi’iyaan dadkaasi shacabka ah.

Waxay sidoo kale saraakiisha intaasi ku dareen inay haatan wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

Weerarkan agaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo lagu jabiyay Al-Shabaab, inkastoo deegaanada qaar dib looga soo baxay.

Howlgalladan culus waxaa hormuud ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan jiidda hore dagaalka, isaga oo wada abaabulka guluf mar kale lagu qaado Al-Shabaabka ee ku sugan gobollada dhexe.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa la filayaa inay dhawaan ciidamadeeda kala wareegaan amniga guud ee dalka, maadaama uu billowday qorshaha ay baxayaan ciidamada howlgalka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay shir ka dhacay Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka wada degmadas oo dhowaan uun laga fara maroojiyay kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugneyd halkaasi.

Madaxweynaha ayaa maanta guddoomiyay shir uu isugu yeeray hogaannada taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Kualnka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha uu la kulmay, kuwaas oo la wadaagay qorshahooda ku aadan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan.

Xasan Sheekh ayaa dhankiisa adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh ee ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka, gaar ahaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay
dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay hanato amniga dalka oo dhan, maadaama ay sii baxayaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada uu madaxweynaha ka wado jiidda hore ee dagaalka, isaga oo horay ula shiray waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay doorkooda ku aadan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo ka badan bil ku maqan jiidda hore ee dalka, isaga oo tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Maxaas, wuxuuna sidoo kale hadda joogaa degmada Aadan Yabaal oo kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta dalka.

Cali Ciid: Qoor Qoor wuxuu sameeyey qiyaano qaran

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Calki Daahir Ciid oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex-qarxay isaga iyo madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Khilaafkan oo durbo cirka isku shareeray ayaa yimid kadib markii madaxweyne ku xigeenku uu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Waayeel, kadibna uu wareegto kale soo saaray madaxweyne Qoor Qoor, taas oo lagu buriyay xilka qaadistaasi.

Cali Ciid ayaa ku adkeystay tallaabo uu qaaday, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin wareetada Qoor Qoor, xilkiina sidaas looga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Galmudug

“Shaqo joojintaas waa dhaqan-gashay waxaan farayaa hay’adaha ay khuseyso in aysan la shaqeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xilka qaadistiisu waa dhaqan-gashay, wasiiru dowlaha ayaa ku simaha ah asagaasaana lala shaqeynayaa” ayuu ku jawaabay Cali Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku eedeeyay wasiirka ay is hayaan inuu gebay shaqadii loo igmaday, sidoo kalena uu xagal daacinayay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Wasiirku waxa uu gebay shaqadiisii ka saarneyd wasaaradda, wuxuu sidoo kale ku milmay xagal daacinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo run ahaantii abaabulkiisu xoog uga socday Galmudug, sidaas daraadeed digniino kala duwan oo aan wasiirka siinay in uu ka tanaasulo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Waxaa uu intaasi ku sii daray in wasiir Cabdi Waayeel uu ku howlanaa ka fur furista ciidamo Macawiisley ah oo lagu diyaarinayay waqooyiga Galgaduud, si ay ugu biiraan dagaalka.

“Dhaqan-gal ma’ahan warqadda madaxweynaha waxay kaliya ay dhaqan-galeysaa haddii ay shirko ku yihiin madaxweynaha iyo wasiirka xagal-daacinta la dagaallanka Al-Shabaab iyo kala furfurka ciidanka Macawiisleyda, dagaalka Soomaaliya ka socda iminka qof allaala qofkii xagal daaciya tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, Cali Ciid ayaa madaxweyne Qoor Qoor iyo wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyay inay wadeen qiyaano qaran, ayna tahay in lala xisaabtamo, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynuhuu haddii uu arrintaan ku raacsan yahay Cabdi Waayeel waa qiyaamo Qaran, waana lagula xisaabtamaa” ayuu mar kale yiri Cali Ciid.,

Si kastaba, waa markii labaad ee uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha gudaha oo beesha Mareexaan ay isla yihiin, waxaana ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, inkastoo aanan weli la ogaan waxa uu salka ku hayo.

Xogta kulanka dhex-maray R/W Xamza iyo Farmaajo

0

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho ku jooga Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay madaxweyinihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu ra’iisul wasaaruhua booqasho ugu tagay madaxweyne Farmaajo oo deggan dalkaasi oo uu isna hadda ku sugan yahay Xamza, kadib casuumaad uu ka helay madaxa sare ee dowladda Qatar oo taageerta Soomaaliya.

Labada mas’uul  ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha waddanka.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyay doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Dhankiisa, madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo haatan maraya meel wanaagsan.

Farmaajo ayaa kamid ah madaxdii hore ee dowladda federaalka ku taageeray gulufka culus ee ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada” ayuu horay uga yiri Farmaajo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, horauy sidaan oo kale waxaa Dooxa ugu kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha guud ee siyaasadda.

Olol Cali Guuleed, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo howlga lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay iska kaashaadeen ciidamda Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, kadib markii ay weerar ku qaadeen AlShabaab ku sugnaa qaybo kamid ah Galgaduud.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Ceel-La Helay oo ay shalay uun la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Shabaab, kuna sugnaa halkaasi.

“Howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo mas’uul ka ahaa falalka diinta ka baxsan ee Khawaarijta ka fulin jireen Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Magacyada saddexda sarkaalka ee duqeynta lagu dilay ayaa lagu kala sheegay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Al-Shabaab, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna kamid ahaa xubno ay sheegtay inay baadi-goobeysay dowladda dhexe.

“Howlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u mahad-celisay dadka deegaanka oo ay sheegtay inay gacan ka gaysteen fududaynta howlgalkaas khasaaraha lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Waxay kale dowladdu intaasi ku dartay inay sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmuudg oo ay hadda ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

“Waxaa ka go’an dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta” ayay tiri.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo xoreyn ah oo uu horkacyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagalka.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Itoobiya iyo Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya maadaama uu ra’iisul wasaare Xamza booqasho ugu maqan yahay dalka Qatar.

Kulankan oo maanta go’aanno lagu gaaray ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha Wasiirada, marka laga reebo xubnaha dibadda ku maqan iyo kuwa jira dagaalka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray xaaladda ammaan ee dalka, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladaha Itoobiya iyo Turkiga oo kamid ah kuwa haatan xiriirka la leh Soomaaliya.

Heshiisyada uu goluhu ansixiyay ee lala soo galay labadaasi dowladood ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Waxaa sido kale shirka Golaha Wasiirada lagu ansixiyay soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.

Dhanka kale, waxaa warbixino xasaasi ah laga dhageystay Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo ku aadan xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Labada wasaaradood ayaa warbixinadooda kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla-markaana lagu xasillinayey dalka.

Xubnaha golaha ayaa dhankooda bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee haatan ka socda Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay in Shabaab laga saaro dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu furinta hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh oo isugu horay u iclaamiyay dagaalka.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Nuur Dugle iyo dagaal ka socda

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo ragga weerarka qaaday, kaas oo illaa iyo hadda ka socda deegaanka.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale inta uu weerarka socday ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo xoogan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka qaaday, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sameeyeen iska caabin, isla-markaana uu weli socda howlgalka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka dambeeyay ee u dhexeeyo Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale kooxda u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood, kaas oo ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaasi, kadib gurmad ay heleen.

Si kastaba, Nuur Dugle oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaamadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib guluf ay dowladda ku qaaday meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxdaasi.

Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis aad uga caraysiin kara Mareykanka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda.

Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda.

Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022.

Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Biden ayaa boqortooyada uga digay sanadkii tegay inay jiri doonaan “cawaaqib” uusan faa-faahin oo ka dhalan kara inay Ruushka kula saaxiibto dhimista wax soo-saarka, xilli Moscow ay dagaal ka waddo Ukraine.

Hadalka Sacuudi Carabiya, oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee Saudi Press Agency, ayaa lagu sheegay in dalka uu isha ku hayn doono suuqa, uuna qaadi karo tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo.

“Dhimistan dheeriga ah ee mutadawacnimada ah waxaa loo qaaday si loo xoojiyo dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+, ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayaa lagu yiri qoraalka wakaaladda wararka SPA, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda tamarta.

Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee Tass ayaa iyana kasoo xigatay Alexander Novak, wasiir ku-xigeenka tamarta, inuu yiri in Moscow ay sii wadi doonto dhimis ah 300,000 oo barmiil maalintii.

Go’aanka ayaa “ujeeddadiisu tahay xoojinta dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+ ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayuu yiri Novak.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa diiday inuu ka hadlo saameynta uu go’aankan ku yeelan karo suuqyada, inkasta oo uu sheegay in saraakiisha Mareykanka ay xiriir joogto ah la leeyihiin boqortooyada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Biden “uu adeegsan doono wax kasta oo uu awoodo,” si uu u caawiyo shacabka Mareykanka.

Xiriirka Sacuudiga iyo Washington ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Joe Biden November 2020.

Biden ayaa ololaha doorashada ku sameeyey ballan-qaad ah in dhaxal-sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman uu ka dhigi doono “go’doon,” sababo la xiriira dilkii 2018-kii ee wariye Jamal Khashoggi.

Hase yeehsee, xiisadda labada dal ayaa qabowday bilihii dhowaa ayada oo maamulka Biden uu raadinayo heshiis ay Riyadh xiriir diblomaasi kula yeelato kuna aqoonsato Israel.

AP

Muxuu yahay walaaca lasoo dersay SOOMAALIDA iyo Muslimiinta kale ee Sweden?

0

Stockholm (Caasimada Online) – Dalka Sweden waxaa jiro digniinno loo jeedinayo dadka dalkaasi oo ku saabsan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay dhacaan, arrintaas oo cabsi ku beertay dadweynaha.

Sidaas darteed waxaa kulan yeeshay laamaha ammaanka ee Sweden iyo qaybo ka mid ah bulshada. Kulanka waxaa si gaar ah loogu casuumay mas’uuliyiinta amniga xaafadaha ajaanibtu ay degto sida Soomaalida.

Muhiimadda ugu weyn ee kulankan ayaa lagu sheegay inuu ahaa in boolisku dadka siiyaan macluumaad la xiriira waxa qofka la gudboon haddii khatari ay timaaddo .

Muuse Yuusuf Faarax oo ka mid ah dadkii kulamadas soo abaabulay ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso rabshadihii ka dhacay Sweden ee la xiriiray gubista Kitaabka Quraanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay.

“Kulanka waxaa qabanqaabiyay urur la dhaho Ibnu Rushd, waa daladda ugu weyn ay Muslimiinta Sweden leeyihiin xagga waxbarashada sababta ugu weynna waxay ahayd in macluumaad sax ah la siiyo bulshada,” ayuu yiri Muuse Yuusuf faarax.

“Dalka Sweden waxaa ka socday dhawaanahaanba dibadbaxyo rabashado dhaliyay oo salka ku haya dhacdooyinka soo noqnoqday ee gubista Kitaabka Qur’aanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay waxayna taas sii kordhiso cabsida iyo kala fogaashaha bushada kala duwan ee Sweden.”

“Kulamada ka dib dadka xaafadaha ajaaniibta waxaa ay heleen macluumaad muhiim ah, kuwaas oo aan inta badan helin macluumaadka ka soo baxa laamaha ammaanka waxaana lagu heshiiyay in hadda ka dib ay dadku helaan macluumaadka laamaha amniga.”

“Kulanka oo lagu qabtay xaafadda Yarfa ee magaalada Stokholm ayaa waxaa dadka loo sheegay meelaha ay wici karaan haddii uu wax dhaco iyo qaabkii ay isku difaaci laahaayeen.

Mar sii horreysay hay’adda amniga gudaha ee Sweden SAPO waxay sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta amniga ayadoo laga baqayo weerarro argagixiso, ka dib markii dhowr goor lagu gubay Kitaabka Qur’aanka iyo kutubta diimaha kale.

Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah.

Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka.

Dalka Sweden waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin Muslimiin u dhaxaysa 250,000 – 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey.

Madaxda Sweden ayaa dareen digniin leh ka bixiyey. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ulf Kristersson walaac aad u weyn ayuu ka muujiyey Khamiistii cawaaqibka ka dhalan kara dibad baxyo kale oo laga sameeyo gubidda quraanka.

Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.

Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa falkaas ku qeexay wax laga xumaado waxaana uu sheegay in kuwii oggolaaday ay ahaayeen kuwo gacan ka geystay kicinta nacayb loo qaado cid gaar ah.

Ankara ayaa lagu yaqaan in si weyn ay uga soo horjeedday helidda xubinimada Iswiidhan ee NATO, sababahana waxaa ka mid ahaa falalka noocan ah. Taas oo Sweden ku ah caqabad weyn, maadaama soo gelintaanka gaashaanbuurta Nato ay ku xidhan tahay helidda codadka ogolaanshaha ee dhammaan dalalka xubint ka ah.

Isha: BBC

Somalia’s tactical twist: Communities confronting militants

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Amid a backdrop of escalating resistance from the militant group al-Shabab, the Somali government has announced its intention to alter military strategies.

Senior officials have verified a shift where local community fighters will spearhead the offensive against al-Shabab, with the federal government forces playing a more auxiliary role.

This innovative approach is reminiscent of the one that paved the way for the government and local troops to reclaim large territories from al-Shabab from August 2022 to January 2023.

“The current mobilization is a deviation from the previous few months, which primarily concentrated on the national armed forces,” voiced Brigadier General Abdirahman Turyare, the former national intelligence chief, during an interview with VOA Somali.

As part of this initiative, the government aims to register these local combatants, offering them monthly stipends as a motivating factor. Ultimately, this is seen as a stepping stone to integrate them into the national army.

The responsibility of registering and vetting these fighters rests with the national intelligence agency, a measure to deter any militant incursion.

“The objective is a resurgence of our armed forces, allowing some soldiers, weary from a year and a half on the frontlines, to rest and usher in freshly trained troops. We also aim to remobilize the Ma’awisley [local militias] and let the local community steer this battle,” Turyare explained.

Lessons from Cowsweyne 

The recalibration in strategy follows a significant setback experienced by the federal army. They ventured deep into al-Shabab territory, aiming to conquer the village of Cowsweyne.

However, the operation was marred by a lethal ambush by al-Shabab, resulting in substantial casualties. The government has remained tight-lipped on exact numbers. However, sources estimate dozens of fatalities, over 160 injuries, and several soldiers missing.

This defeat revealed certain flaws in the government’s plan, particularly a failure to secure supply lines for their troops.

It’s suspected that al-Shabab forces encircled the government troops soon after they entered the village on August 22.

The repercussions of the Cowsweyne assault were immediately felt, compelling the soldiers to pull back from other towns on the frontlines.

This retreat imperiled many areas reclaimed from militants since August 2022. An alarming instance was the evacuation of Gal’ad, which jeopardized senior government officials’ safety.

Presidential catastrophe averted 

In an unforeseen turn of events, Somali President Hassan Sheikh Mohamud, initially unaware of the retreat, was planning a visit to Gal’ad. However, advice from two senior officials averted what could have been a catastrophe.

A UN helicopter carrying these officials narrowly escaped an ill-fated landing in a now-occupied town, thanks to timely warnings relayed to them.

Mohamud has since declared the arrest of officers who deserted their posts. “Those who abandoned their positions, or worse, traded their weapons, will face the full might of the military tribunal,” Mohamud warned.

Despite the setbacks, the government remains unfazed. Petroleum and Natural Resources Minister Abdirizak Omar Mohamed emphasized, “Al-Shabab is formidable, adaptable. Yet, we’re confident that with community support, the government will emerge victorious in this war against al-Shabab.”