27 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

U.S.-Saudi strains worsen amid Russo-Saudi alliance

Riyadh (Caasimada Online) – In a move that sent ripples through the global oil market, Saudi Arabia and Russia jointly decided on Tuesday to extend their voluntary oil production cuts through year-end.

This decision will take 1.3 million barrels of crude off the global table, swiftly elevating energy prices.

“This additional voluntary cut is to support the stability and balance of oil markets,” an unnamed Energy Ministry official told the state-run Saudi Press Agency.

The immediate ramifications were evident: benchmark Brent crude rocketed past the $90 a barrel mark, a price plateau not seen since November. However, the implications of this decision stretch beyond mere price metrics.

Economic impacts 

Such a move naturally ignites concerns over inflation, potentially raising prices at gas stations for everyday consumers.

“Barring a sharp economic downturn, these supply cuts should propel crude oil prices well above $90 per barrel,” noted Bob McNally, president of the Rapidan Energy Group.

The White House has yet to make a definitive statement on the matter. However, National Security Adviser Jake Sullivan emphasized the Biden administration’s commitment to energy stability and “delivering relief to consumers at the pump.”

Yet, political undertones resonate. This decision intensifies the friction between Saudi Arabia and the U.S., recalling President Joe Biden’s warning of “consequences” for Riyadh’s partnership with Moscow, especially in light of Russia’s ongoing conflict with Ukraine.

The U.S. consumer will feel this in their wallets. Andrew Gross, a spokesman for AAA, shared that the average gallon of regular unleaded gas in the U.S. is $3.81, near the all-time high of $3.83 in 2012.

However, the post-Labor Day lull in demand might dampen immediate spikes. Gross added a caveat: “A big storm along the Gulf Coast could move prices dramatically.”

Inflationary pressures are, without doubt, on the horizon. Jorge Leon of Rystad Energy commented, “Higher oil prices will likely lead to more fiscal tightening in the U.S. to curtail inflation.”

Geopolitical implications

The oil cut decision could also influence geopolitics significantly. The Saudis are eager to push oil prices up, aligning with their Vision 2030 plan to transform the nation’s economic structure.

Key initiatives under this vision, like the $500 billion city called Neom, rely on oil revenue.

Saudi Arabia’s diplomatic dance with Washington also enters the spotlight. While tensions have simmered between both nations due to potential recognition of Israel by Riyadh, the kingdom’s ambitions to enrich uranium under a nuclear cooperation deal could complicate matters.

Furthermore, the oil landscape intersects with nuclear politics. With Iran’s nuclear program advancing, Prince Mohammed’s declaration that Saudi would pursue an atomic bomb if Iran obtains one adds another layer of complexity.

Lastly, Russia’s stance is clear. Higher oil prices enable Russian President Vladimir Putin to fund his ongoing operations in Ukraine, highlighting the intertwining of energy politics and geopolitical stability.

Qoor Qoor oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo ka billowday…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa in ka badan toddobaad ku maqan furimaha dagaalka, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay gaaray deegaano hor leh oo laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halka ay howlgaladu ka socdaan ayaa xalay ku hoyday deegaanka Labidulle oo u dhow deegaanka qadiimiga ah ee Ceel-lahey, halkaas oo shalay aad loogu baacsaday kooxda.

Qoor Qoor ayaa hoggaaminaya dagaalka kooxda looga xoreynayo deegaanada bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmihii lasoo dhaafay isaga gudbay Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si halkaas uu uga soo abaabulo dagaalka.

Axmed Qoor Qoor waxay tahay mudadii ugu dheereed ee furinta uu ku sugan yahay, kadib markii xalay habeenkiisii 9-aad uu ku hoyday furimaha bari ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamadu ay si tartiib ah u dabajoogaan firxadka Al-Shabaab oo hadba deegaan isaga baxaya.

Wasiirka Gaashaandhigga oo dhowrkaan toddobaad Galgaduud ku sugan ayaa Madaxweynaha Galmudug ku wehliya safarkaan ay ku joogaan furimaha hore, iyagoo si joogto ah duurka iyo deegaanada fog ciidamada ugu sameynaya dhiirigelin, si aysan uga soo laaban dagaalka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxaa dib uga bilowday abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii beesha degta ay dhaleeceyn culus kala kula kulantay siyaasiyiinta qaar oo sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku hagradeen dagaalka.

Ciidamadii beelaha ayaa dib loo abaabulay, halka kuwii abaabulaa ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano badan oo bari ka xiga Dhuusamareeb, taas oo muujineysa rajo weyn oo Shabaab looga ciribtiri karo Galmudug.

Madaxwynaha ayaa toos u hoggaaminaya dardargelinta ololahaan dagaal ee looga xoreynayo deegaannada ay Shabaab kaga suganyihiin Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah Dhuusamareeb u joogay hoggaaminta dagaalka ayaa hadda ku sugan Shabeellada Dhexe, waxayna xogta aan heyno sheegeysaa inuu ku soo laaba doono Dhuusamareeb oo bil kale uu sii joogi doono.

Mudada halka bil ah ee Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu sii deganaado Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeynayaa wajiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wajiga labaad oo ka bilaaba doona gobollada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Mudullood oo Muqdisho kasoo abaabulay ciidamadii soo gadooday – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho caawa ka sagootiyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku laabtay furimaha dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir masuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa dib u soo abaabulay ciidankii ka soo gadooday furimaha dagaalka ee Muqdisho isugu tegay, kuwaas oo caawa lagu soo bandhigay waqooyiga Muqdisho.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii warbaahinta kula hadashay goobtii lagu sagootiyey ciidanka ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu qaatay masuuliyadda ah in ciidanka dib loogu celiyo furimaha, si ay Al-Shabaab u baacsadaan.

Ciidankaan ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha Mudullood, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ka soo gadoodeen Ceeldheer, Galcad, Ruun-nirgood ilaa Aadan-yabaal, waxayna isugu tageen magaalada Muqdisho.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Mudullood oo dhawaan ku shiray Muqdisho ayaa go’aansaday inay kaalintooda qaataan oo dib u soo abaabulaan ciidanka soo baneeyey furimaha, iyadoo beel kasta ay iska uruurineyso qaaraan lagu socodsiiyo dagaalka, maadaama dowladda ay ka tan badisay howsha socota ee Khawaarij iska xoreynta ah.

Mudullood ayaa lagu dhaliilay sida ay dagaalka ugu fiirsadeen Madaxweynaha, si gaar ah waxaa farta loogu goday beesha hoose ee Madaxeeynaha, waa Waceysle, kadib markii ay ku guuldareysteen inay difaacdaan deegaanadii la xoreeyey ee Ceeldheer iyo Galcad.

Sidoo kale waxaa jirta eedeyn ay soo jeediyeen masuuliyiin badan oo ku socota dhammaan beelaha Hawiye, masuuliyiintaas waxaa ka mid ah Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare oo bixiyey tusaalooyin cajiib ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka hoggaaminayay dagaalka muddo bil ka badan ayaa hadda ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe, si uu u soo abaabulo ciidanka qaranka ee ka gadooday furimaha dagaalka, Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal.

Khilaaf ka dhex-qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa – Labo arrin oo la isku hayo?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha GalMudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kadib markii Madaxweyne ku xigeenku uu mar kale xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka arrimaha gudaha.

Qoor Qoor ayaa soo saaray qoraal uu ku laalay xilka qaadis uu Cali Ciid ku sameeyey wasiir Cabdi Waayeel, waana markii labaad oo Madaxweyne ku xigeenku uu si bareer ah xilka uga qaaday wasiirkaas.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas.

Cali Ciid ayaa Wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyey inuu xagal-daacinayo dagaalka Al-Shabaab, shaqo gudasho la’aan iyo farogelin uu ku haayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).”

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkiisa ku sheegay in awood uusan laheyn uu isticmaalayo Cali Ciid, taasina aysan ka socaneyn Galmudug, sida loo dhigay warkaan.

“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.”

Dhinaca kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa buriyey xil ka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii degmada Caabudwaaq oo golaha deegaanka ay kala noqdeen codkooda kalsoonida.

“Madaxweynaha ayaa caddeeyay in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska beddalin  sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa farriin u diray hey’adaha amniga iyo garsoorka ee degmada Caabudwaaq, isagoo faray inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo isku dayda inay qalqal geliso xasiloonida.

“Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cidkasta oo wax u dhibta amniga iyo xasilloonida degmada Cabudwaaq,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Waa markii labaad ee Madaxweyne ku xigeenku uu xilka ka xayuubiyey wasiirka arrimaha gudaha oo Mareexaan ay isla yihiin, waxaana ka dhaxeeya khilaaf soo jireen ah, inkastoo aanaan weli ogaan waxa uu salka ku hayo.

 

 

Waa kuma wiilka Madaxweyne Xasan Sheekh ee maanta lagu arkay furimaha dagaalka?

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Baraha bulshada waxaa maanta si weyn loogu falanqeeyay sawirka wiil dhallinyaro ah oo albaabka gaari gaari Cabdibile ah ka furaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu gaaray degmada Aadan-Yabaal, waxaana laga bixiyey aragtiyo kala duwan.

Cabdifitaax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabaa wiilka ay aragtidiisu hadal-heynta badan abuurtay maanta, waxaana Aabe u ah madaxweynaha dalka oo maalmahaan ku sugan furimaha dagaalka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka la socda madaxweynaha ee sida weyn loo faaqiday uu yahay wiilkiisa oo furinta u raacay.

Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga, wuxuuna ka shaqeynayay mid kamid ah xawaaladaha Soomaalida.

Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan Tuutaha militeriga Soomaaliya.

Warar aan ka heleyno xogta wiilkaan ayaa sheegaya in uusan ahayn askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago Aabihiis madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah aan Muqdisho tegin, furintana u jooga hoggaaminta dagaalka.

Cabdifitaax Xasan Sheekh ayaa sawirrada la baahiyay waxa ay muujinayaan isaga oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha, waxaase xusid mudan in uusan kamid ahayn ciidamada dowladda, isla markaana uusan heysan tababar ciidan, taasi oo loo qaadan karo in khaladaad uu ku yimaado habka ilaalinta amniga madaxweynaha xilli uu ku sugan yahay furimaha dagaalka.

Axmed Kaboole oo ku takhasusay arrimaha amniga, kana fallooda oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Amniga madaxweynaha waa arrin khaas ah oo loo xil saaray dad heysta tababar khaas ah, waa dad la hubiyay noloshoodii hore, waa dad la hubiyay caafimaadkooda iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin kooxo ama shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha, si loo aamino madaxweynuhuna isugu halleyn karo, sababtoo ah waa dadka ugu dhow ee noloshiisa ilaalinaya ilaahay ka sokoow.”

Inta badan dadka maanta faaqiday sawirka la helay ee wiilka Madaxweynaha waxay muujiyeen in qoyska Xasan Sheekh aysan u kala harin dagaalka, halka siyaasiyiinta kale la tilmaamay in badankood aysan sameyn laheyn sidaas.

Meelaha khatarta ah waxay dadku tilmaameen in siyaasiyiinta kale ee Soomaalida aysan u ogoleyn ubadkooda, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u watay furimaha dagaalka, xilli dalku uu ku jiro xaalad adag oo argagixiso la dirir ah.

 

Shabaab oo soo bandhigay askari Ugandes ah, dalab culusna u diray Museveni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horeysay kasoo muuqday muuqaal ay baahisay kooxda Al-Shabaab, kaasi oo kamid askar nool oo kooxda ku qabatay weerarkii Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Askarigan oo kasoo jeeda dalka Uganda, ayaa waxa uu ka codsaday madaxweynaha dalkaasi Uganda Yoweri Museveni in laha wada xaajoodo sii deyntooda, si ay dib ugu helaan xoriyadooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda ay gacanta ku hayso askar kale oo uusan kaligiis aheyn, islamarkaan ay rejada keliya leeyihiin tahay hoggaanka Uganda, sida uu sheegay.

“Farriintayda ku socota dowladda Uganda, madaxweynaha iyo baarlamaanka. Waxaan idiin caddeynayaa in aan noolahay,” ayuu yiri askarigan maxbuuska u ah Al-Shabaab ee muuqaalkiisa ay baahisay kooxda.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinka codsanaynaa inaad maanka ku haysaan inaan nahay maxaabiis, idinkuna aad tihiin rajada kaliya aan sugayno inay dadaal ku bixiyaan sidii aan xabsiga uga bixi lahayn.”

Sidoo kale waxa uu ku booriyay dowladda Uganda inay raadiso xal kaste oo lagu siin dayn karo isaga iyo askarta kale ee gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.

Askarigan oo lagu magacaabo Pow Sergeant M. William, oo 48 jir ah, ayaa ciidamada Uganda kusoo biiray sanadkii 1997, wuxuuna bishii April ee sanadkaan ayuu ka howl-galay xerada ciidanka ee ku taapla Buulo-Mareer, taasi oo 26-kii May ay weerar ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa askarigan ku qabtay weerarkaasi, oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidanka howl-galka ATMIS ee ku sugnaa xeradaasi, gaar ahaan kuwa Uganda.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Si kastaba, Weerarkaasi oo dhacay 26-kii bishii May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Fal-celinta arrintii uu maanta sameeyay Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho wada-hadal gaar ah kula yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo Marwo Heidi Johansen, kaasi oo ay ka dhalatay fal-celin xooggan.

Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogosha dib?u-heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taasi oo uu hormuud u yahay Shariif.

“Waxaan ka wada-hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

“Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore bee dowladdii KMG aheyd.

Shariif ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, isaga oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula soo kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo arrimo kale oo ku aadan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ibraahim Aadan Jimcaale: Muxuu yahay doorka uga furan Norway heshiisiinta Beelo walaalo ah oo aad uga wada-hadli kartaan?.”

“Waxaan isweydiinayaa doorka wakiillo shisheeye ku yeelan karaan nabadeyn beelo is dagaalay,” ayuu yiri Cabdirashiid Geelle.

Xasan Xaashi: “Gogosha tii nabadw waarta lagu gaaro allaha ka dhigo.”

Maxamed Sabriye: “Norway mad kala hadashay laba jufo dagaalkood wa iga cilmi badan tahay.”

“Mudane Madaxweyne waxa tahay nabaddoon dalkaan in uu hagaago waqti badan soo geliyey, guuleyso mudane,” ayuu yiri Aamiin Nuur Macalim

Cumar ayaa isna waxa uu yiri “War anagaa balo aragnay maxaa Norway ka galay beelo is-dagaalayo maxayse doo kordhin karaan ama ay kabadali karaan Soomaaliya oo dhan baysan waxba u tari karin, waase beelo ishaysta.”

“Masha Allah mudane inta dhiiman ilahey haku fududeyo insha Allah,” ayuu yiri Cabdi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdiraxmaan Maxamed: “Madaxweyne waaku waaleen dqdkaan waxbaa iska kaa dib maray waxaad sheegeyso maxaa iska quseeya?.”

“Laba qoys oo oof wadaag ah khilaafka dhexyaal maxaa gaadhsiiyay Norway Allow Soomaali sidan si karoon ugu badal,” ayuu yiri Cabdinaasir Axmed Cabdi.

Kowniin Cali ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Mahadsanid Mudane Madaxweyne, qiimaha nabadu leedahay waan ognahay geed gaaban iyo mid dheer kaad u fadhiisan karto u fadhiiso. Garabkaaga Allah galo.”

Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada ra’iisul Wasaare Xamza uu ka wado dalka Qatar

0

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa kulamo ka wada halkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay sidii ganacsatada dalka Qatar ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen dalkeena Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Dadaaladda socda ayaa qeyb ka ah sidii Soomaaliya u heli laheyd maalgashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada Tamarta, Wax soosaarka badda iyo berriga iyo Kaabe-yaasha dhaqaalaha sida dekadaha Iyo garoomada dalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya laga cafin doono deynta, islamarkaana dalka laga xoreyn doono kooxaha Khawaariijta Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo afmeerka wejiga koowaad ee dagaalka.

Arrintaasi ayuu ra’iisul wasaaraha sheegay in fursad weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka horumar buuxa ugu tallaabsan lahaa, una heli lahaa maalgashi caalami ah.

Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Qatar ayaa dhankooda sheegay inay daneynayaan in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya, iyada oo kulanka loogu soo bandhigay ganacsatada Qatar fursadaha maalgashi Iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.

Si kastaba, Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabab oo howlgal culus looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka socda gobolka Galgaduud, kuwaasi oo kooxda looga saaray dhul ballaaran oo istiraatiji ah.

Ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo ciidanka difaaca shacabka oo ayaa kooxda ka saaray dhulkaas ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeeya wadada xiriirisay degmooyinka Ceel-buur iyo Dhuusamareeb.

Goobaha laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah magaalada istaraatiijiga ah ee Ceel-lahelay, Llaba-dulle, Dhaban-dhul kuhays iyo dhul balaaran oo ah hawdka ay ku dhuumanaysay dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkaan oo xoogiisu ka socdo dhulka Hawdka ayaa waxay dowladda sheegtay in saacad kasta soo yaraynayaan dhulka ay ku dhuumanayaan Khawaarijta haraadiga ah ee maamulka Galmudug.

“Guulaha isdabajoogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ka dhashay iskaashiga Qaran ee uu hogaaminayo Madaxwayne Xasan Sh Maxuud oo hadda ku sugan aagaga dagaalka si uu u garab istaago geesiyaasha Qaranka,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

Howl-galkaan ayaa imanaya laba maalin kahor markii ciidanka Qaranka ay bur-buriyeen maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galgaduud.

Bayaan dowladda kasoo baxay markaas ayaa lagu sheegay in illaa iyo 43 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay howl-galka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo kooxda ay lahaayeen.

“Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankaas oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran, iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar ku socda ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo ku siman hal bil uu xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, ayada oo uu weli ku sugan yahay furimaha dagaalka, si loo soo afmeero howl-gallada wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wejiga xigga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Aadan Yabaal

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta diyaarad ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka baxay degmada Maxaas oo uu joogay maalmihii la soo dhaafay, waxaana safarkiisa qayb ka ah mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dhexe.

Waxaa madaxweynaha sidoo kale Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, saraakiil ciidan, xildhibaano iyo bulshada dadka deegaanka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo la geliyay heegaan, si ay u sugaan amniga.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo kulamo ka bilaabi doono degmada Aadan Yabaal.

Sidoo kale waxa uu kormeeri doonaa xeryaha ciidamada, isaga oo qiimeyn doono xaaladda, sidoo kale wuxuu khudbad u jeedin doonaa ciidamada difaaca adag ku jira.

Waa markii labaad ee uu madaxweynuhu booqanayo degmada Aadan Yabal, isaga oo horay u tegay markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo 15 sanno ku sugneyd halkaasi.

Maalmo kahor waxaa sidoo kale degmadan booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ciidamada lasoo hadlay, kadibna ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii u dambeeyay ku maqnaa jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna muddo bil ah soo joogay gudaha  Dhuusamareeb, isaga oo kadib usoo guuray dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Villa Somalia oo war kasoo saartay heshiiska Xasan Sheekh iyo beesha Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay heshiis ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo beesha Xawaadle ku gaareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu haatan joogo madaxweynaha dowladda federaalka.

Madasha lagu gaaray heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, xildhibaanada kasoo jeeda Hiiraan, odayaasha beesha Xawaadle iyo madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Villa Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in kulanka ka dhacay Maxaas lagu gaaray is-afgarad, isla-markaana lagu heshiiyay in loo midoono Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayaa lagu yir warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bulshada gobolka Hiiraan ku boggaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Al-Shabaab, isaga oo  tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, kaas oo ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle ee madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda ku aadan halganka.

Ujeeddada kulankan ayaa ahaa dhegeysiga tabashada ay qabto beeshaas oo degta bariga magaalada Beledweyne oo uu kasoo jeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo dhowaan sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay HirShabelle.

Ninkan ayaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan isla-markaas-na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gudaha waddanka.

Si kastaba, heshiiskan cusub ayaa meesha ka saaraya xiisaddii ka taagneyd Beledweyn ee ka dhalatay beddalka Cali Jayte oo ay ku kala tageen reer Hiiraan iyo HirShabelle.

Daawo: Dagaalka Jaamac iyo Waare oo sii xoogeystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka afka ah ee u dhexeeyo madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro khaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyeyaal urur, taliyeyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay wuxuuna tilmaamay in dadka eedeynayo isaga kasoo horjeedo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay fal-celin xoogleh, waxaana dadka ka hadlay kamid ah siyaasiga Cabdikariin Nuur Xuseen (Doobyare) oo horay usoo noqday wasiir ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable Tv.

Cabdikariin Doobyare ayaa shaaca ka qaaday in eedda loo jeediyay wasiirka ay tahay mid culus, balse aysan sax aheyn in Waare uu si toos ah ula wadaago warbaahinta.

“Maxamed Cabdi Waare khudbaddiisa waa dhageystay aniga ma aqaano qof mas’uul ah oo oo heerkaas soo gaaray oo saameyntaas leh inuu inta Media tego uu sidaas ka yiraahdo aniga sax ilama aha” ayuu wareysiga ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdikariin Doobyare.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnaa in xogtaas aadka u weyn inuu la wadaago madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si ay ula xisaabtamaan wasiirka.

“Wasiirka oo eedeeyay haddii uu eeddaas leeyahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha  inuu u tego oo uu u sheego ayay ahayd” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdikariin Doobyare

Arrintan ayaa kusoo aadayso, ayada oo tuhun xoogan uu ka dhashay weerarkii Cowswayne oo jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda, kadib markii lagu laayay askar badan, waxaana sidoo kale haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahin Sheekh Muxyidiin.

Xog: Maxay ku heshiiyeen madaxweyne Xasan iyo Jeyte?

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka beesha Xawaadle.

Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soojeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay HirShabelle.

Jeyte oo ka horyimid go’aanka HirShabelle ay xilka uga qaatay ayaa qeyb ka ah wada hadallada ka socda Maxaas. 

Cali Jayte oo loo arko in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan islamarkaas na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ayaa eedeyn horey ugu jeediyay dowladda federaalka iyo maamul Hirshabelle isaga oo dalbanayay in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul gaar ah. 

Waxa uu sidoo kale horey u diiday in uu wareejiyo xilka guddoomiyenimada gobolka iyada oo ciidamadiisu ay la wareegeen xarunta maamulka magaalada Baledweyn.

Cali Jeyte oo horey soo noqday wasiir ku xigeenka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka ee dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ayaa labo jeer horey u noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan. 

Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Cali Jayte?  

Laakiin Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa muddo dedaal ka dhex waday madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Cali Jeyte isaga oo ku guuleystay in uu markii dambe suurtogaliyey inay labada masuul yeeshaan wadahadal toos ah yeeshaan.

Arrintan waxay timid ka dib markii magaalada Beledweyne looga dhawaaqay maamul la magac baxay “Hiiraan State”, kaasoo uu hogaaminayo Cali Jeyte qudhiisa, ka dib markii ay kala boodeen beeshaas qaarkeed iyo maamulka Hirshabeelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Sida uu sheegay xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalllin (Ciid) oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, waxaa jira arrimo ay isku afgarteen labada mas’uul iyo qaar weli dhiman.

“Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha,” ayuu yiri xildhibaanka oo ka mid ah siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galay.

Wuxuu intaa ku daray inuusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

Kulamada madaxweynaha iyo Beesha Cali Jeyte 

Arrinta Cali Jeyte marka laga yimaado waxaa muddo dheer soo jiitamayey khilaaf u dhaxeeya beesha bariga Beledweyne iyo maamulka Hirshabelle, kaasoo soo billowday tan iyo markii hogaanka uu qabtay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Khilaafka oo marxalado kala duwan soo maray ayaa markii dambe si xoog leh u qarxay markii Cali Guudlaawe uu xilka ka qaaday Cali jeyte Cismaan oo ahaa guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, kaalin weynna kulahaa ciidankii degaanka ee sida adag ula dagaallamay Al Shabaab.

Wixii markaas ka dambeeyey waxaa bariga Beledweyne inta badan gacanta ku hayey Cali Jeyte iyo xoogag taabacsan, inkastoo ay iyaguna isla dhinacaas joogaan madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar iyo C/laahi Axmed Sufurow oo ah ninka Cali Beddelay.

Ilaa 200 oo xubnood ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay kulamo is dabajoog ah oo qiyaastii ilaa afar kulan gaaray, sida ay dad xog-ogaal ah sheegeen, waxayna xubnahaas oo isugu jiray siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo oday dhaqameed ay kulamaadaas madaxweynaha ku weydiisteen in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul goboleed gaar ah, sida uu dhankiisa u xaqiijiyey xildhibaan Ciid.

Qodobbada ay ku heshiiyeen labada dhinac

“Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid oo kulamadaas ka qayb galay.

Markii aan weydiinay sida “Hiiraan State” ay u buuxin karto shuruudaha dawlad goboleednimada maadaama loo baahan yahay maamul goboleed inu noqdo laba gobol iyo wax ka badan wuxuu xildhibaan Ciid ku jawaabay.

“Gobolka Hiiraan bedka uu ku fadhiyo iyo dadka ku nool wuu ka weyn yahay kana dad badan yahay maamul goboleedyo hadda jira, tan labaadna in madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu gobolka laba gobol ka dhigay xilligii uu madaxweynaha ahaa, waxaana gobolka kale la yiraahdaa Shabeellaha sare,” ayuu ku jawaabay xildhibaanka.

Gobolka Cusub ee uu magacaabay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed waxaa caasimad looga dhigay magaalada Buulobarde, laakiin dhaqan ahaan uma hirgelin magacaabistaas iyada oo gobolka Hiiraan weli loola falgalo in uu yahay hal gobol.

Xogta ayaa intaas ku dareysa, in madaxweynaha Soomaaliya uu ku adkaystay in ay ka wada hadlaan sidii Al-Shabaab loo dagaali lahaa. Wararkaas waxay kaloo shegayaan in siyaasiyiinta kulamadaas ka qayb galaya aysan aad ugu dheganayn mowqifka ah “maamulka Hiiraan State” balse dhanka odayaasha dhaqanka ay weli dood xoog leh ka qabaan la shaqaynta maamulka Hirshabelle.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid wuxuu sheegay in aan hadda quus la taagneyn oo weli beesha iyo madaxweynaha ay kulamo u socdaan, wuxuuna muujiyey in kulamadaas ay mirodhal noqon doonaan.

Isha: BBC

Somaliland oo go’aan cusub kasoo saartay Jabhadda Buurta Gacan Libaax

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay go’aan kasoo baxay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo ku aadan JabhadDa hubeysan ee ku sugan buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in la cafiyey dhallinyarada fuushay Buurta Gacan-Libaax, isla-markaana aysan jirin doonin wax loo raacan doono hadda kadib.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha uu aqbalay cafiska loo fidiyay dhalinyaradaas oo muddooyinkii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waday halkaasi.

“Iyada oo aanu raacayno aqbalaaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah masuulka u sareeya dalka waxa ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay qoraalkan oo ay ku cadaynayso in aan dhalinyaradii hubka la fuulay Buurta Gacan-Libaax xukuumadda wax alla waxay u raacaysaa jirin halkaana arrinkaas lagu soo xidhay” ayuu lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa intaasi kusii dartay in arrintu ay halkaas ku soo dhammaatay, ayada oo ka rajeysay dhinaca kale inay nabadda qaataan.

“Waxa aanu rajeynaynaa in cidkastaa oo ay khusayso arinkaas sidaa ku aqbalaan oo arinkaasi halkaa ku xidhmo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay Somaliland.

Dhallinyaradan cafiska loo fidiyay ayaa horay u fulisay weeraro hubeysan oo qaarkood lagu dilay askar ka tirsaneyd Somaliland, balse xiisadda ayaa haatan xal waara laga gaaray.

Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay bartamaha bishii hore ayaa waxaa Somaliland looga dilay 9 askari, kadib dagaal dhex-maray ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax.

Si kastaba, heshiiska haatan la gaaray oo meesha ka saaraya xiisaddii taagneyd ayaa yimid, kadib dadaallo ay sameeyeen xildhibaanada Somaliland iyo odayaasha dhaqanka.

Waare oo kashifay arrimo uu kusoo arkay Dhuusomareeb oo muujinaya in Hawiye ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah ergayga madaxweynaha u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa sheegay inuu xaqiijiyey in Hawiye uusan diyaar u aheyn inuu iska xoreeyo Khawaarijta Al-Shabaab.

Waare oo wareysigaan siiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Dhuusamareeb uu soo joogay muddo bil ah, isla markaana uu soo ogaaday in Hawiye aysan daacad ka aheyn dagaalka Al-Shabaab oo madaxweyne Xasan Sheekh uu kaligiis ku wareeray meesha.

Ergayga ayaa mid mid u dul istaagay beelaha Hawiye ee ka cagajiidaya dagaalka Al-Shabaab, isagoo ka bilaabay Habargidir oo madaxweyne Xasan Sheekh uu marti u yahay.

Wuxuu sheegay in waxa uu ku soo arkay Dhuusamareeb uusan wada sheegeyn, balse uu soo arkay dad ay hagari ku jirto oo maalintii hub iyo ciidan badan soo bandhiga, Madaxweynaha tusa, habeenkiina kala hoyaada oo dagaal aan u socan.

Wuxuu soo hadal qaaday beesha Murusade, isagoo sheegay in beeshaas aysan jirin cid ka dagaal badan, isagoo yiri “Murusade oo dakano kuu qaba habeen kama hoya kartid, waxay awoodaan inay kugu soo guureeyaan oo gogosha kugu dilaan, sidee maanta la iiga dhaadhici karaa Xildhibaan Faa’iso Jeyte iyo Xildhibaan Jacfar ayaa Murusade oo dhan u dagaalamaa oo hadba dhinac u cararaa?”.

Maxamed Waare wuxuu Murusade weydiiyey “Dhalinyaradiina ku nool Galhareeri, Ceelbuur, Jacar, Bargaan, Dirri iyo deegaanada kale ee Shabaab joogaan maka samarteen, waxbarasho iyo nolol uma baahna miyaa?.”

Wuxuu soo hadal qaaday Mudullood, isagoo sheegay in shalay bayaankii ay soo saareen uu kala dhimanaa, isla markaana ay u ekaayeen dad aan tashan oo dooneyn inay daweeyaan boogta.

Maxaxweyne Waare wuxuu si gaar ah farta ugu goday beesha Waceysle oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhashay, isagoo yiri “Mudullood maxay Wacaysle u weydii waayeen sababta aysan u dhageysan Xasan Sheekh ee Kabakutukade ay u dhageystaan?” Ayuu yiri Waare.

Beesha Xawaadle oo uu ka dhashay ayuu tusaale u soo qaatay Waare markii la joogo dagaalka Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay Xawaadle uu talo mideysan ku galay dagaalkaas kuna guuleysteen, isagoo beelaha kale u soo jeediyey inay taladooda mideeyaan, si dagaalka ay ugu guuleystaan.

Xog: Abaabul dagaal oo ka dhan ah SSC-Khatumo oo ka socda qeybo ka mid ah Sool

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in abaabul dagaal uu ka socda degaanka Oog oo ka tirsan gobolkaas.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in ciidamada militariga Somaliland oo kaashanaya ciidamo deegaanka ah oo aad u hubeysan ay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen degaanka Oog kuwaas oo qorsheynaya sidii ay u weerari lahaayeen fariisimaha Ciidanka SSC-Khaatumo ay uga sugan yihiin gobolkaa Sool..

Dhinaca kale, ciidamada SSC-Khaatumo ayaa iyagana ku sugan deegaanka Guumeys oo ilaa 10 km u jira degankaa Oog ee gobolka Sool, waxayna wararku sheegayaan inay u diyaarsan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen abaabulka dagaal  ee ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

25-ka bishii Agoosto ayaa ciidamada Somaliland khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu soo gaarsiiyay weerar ka dhacay saldhigyadii ay ku lahaayeen Gooja Cadde iyo Maraaga, kuwaas oo laga qabsaday.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen.

Sidoo kale waxay hey’adaan xaqiijisay in dadkaas ay ku jirin afar maxbuus oo dhaawacyo  qaba kuwaas oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC.

ICRC ayaa sidoo kale sheegtay in 43 mayd laga soo ururiyey toddobaadkii lasoo dhaafay jiidda hore ee dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood.

Somalia’s inner turmoil shadows Al-Shabab fight

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Amid the arduous fight against Al-Shabab in central Somalia, a rift has emerged that could jeopardize the stability of the Somali federal government.

Former HirShabelle President Mohamed Abdi Waare, now serving as the presidential envoy for civilian protection and stabilization, has publicly aired his grievances with Defence Minister Abdikadir Mohamed Nur.

Waare alleges that rather than merely setting policies, Nur has taken to directly ordering troops, thus sidestepping the established chain of command.

In a recent interview, Waare described the Defense Minister’s actions as “overstepping” and “interfering” with both troops and their commanding officers.

He insists this has sown confusion among the ranks leading the assault against Al-Shabab and other factions.

Furthermore, Waare, who shares a close rapport with President Hassan Sheikh Mohamud, made stark claims regarding Nur’s integrity.

He contends that the Defence Minister has been misinformed about presidential directives and provided undisclosed funds to SNA leaders. The silence from Nur’s camp following these accusations is palpable.

A wider lens on the conflict

The SNA’s involvement in HirShabelle and Galmadug reveals its commitment to eradicate Al-Shabab, further underlining the gravity of Waare’s accusations.

As troops continue to set up base, it’s clear their objective is to cleanse areas not addressed in the initial offensive against the militant group.

The tumult couldn’t have come at a more pivotal juncture. With President Mohamud often visiting frontline troops, recent government strategies against the insurgency are under increasing scrutiny.

Analysts raised eyebrows when, during Mohamud’s sojourn to Mahas in Hiiraan, Nur was notably missing.

This absence was further spotlighted when Waare, just a day prior, labeled the Defence Minister a “divisive character,” advising against his participation in the presidential entourage.

Concerns and future strategies

Waare’s criticisms aren’t limited to Nur. He questioned the actions of Minister of Internal Affairs Ahmed Fiqi, who shared photos of Al-Shabab defectors on social platforms, inciting public dissent.

The former leader doubts Galmudug State tribes’ allegiance to President Mohamud, pointing to their purported dishonesty in anti-Al-Shabab campaigns.

An area of contention is Cawsweyne, where many soldiers are believed to have lost their lives in a recent skirmish. Yet, official details remain scarce.

Amid these challenges, the SNA prepares to transition its focus to Jubaland and Southwest states, signifying the impending second phase of operations against the insurgents.

With its high-stakes combat and political drama, the unfolding scenario begs a crucial question: Can Somalia unite against a common enemy, or will internal rifts impede this imperative mission? Only time will tell.

Somali fraudster found with terrorist mastermind’s ID

Nairobi (Caasimada Online) – Kenyan authorities are scrambling to uncover how a Somali national detained for fraud came to possess the ID of Mohamed Kuno, the infamous mastermind behind the Garissa University terrorist attack that claimed 148 lives in April 2015.

Kuno, also known as Sheikh Mahamud, Dulyadeen, or Gamadhere, is not just remembered for this horrendous act but was also a known madrasa teacher and a pivotal figure within the Al-Shabab extremist organization operating in Kenya and Somalia.

Yesterday, in an unforeseen twist, Abdi Yusuf Ali, the suspect in question, faced Makadara Magistrate’s Court. But not for the expected fraud. Instead, an amended charge was read, highlighting registration under pretenses and forgery.

The prosecution alleges that between 14 July 1987 and 19 February 2008 in Nanighi, Garissa County, Ali, in collaboration with unnamed accomplices, dishonestly claimed to be Ralia Mohamed Wardere’s son to procure an identity card.

Moreover, during the same time frame, he’s said to have fabricated a Kenyan National Identity Card, attempting to pass it as an authentic document from the National Registration Bureau (NRB).

Gamadhere’s ID and its unexpected appearance 

But how did Ali get tangled in such a web? Earlier this year, on 1 April, Ali was formally accused of swindling a businessman of a hefty Sh6.5 million under the Penal Code’s Section 313.

Moreover, he resisted fingerprinting at Pangani Police Station, violating the National Police Service (NPS) Act.

Despite these severe allegations, Ali emphatically pleaded not guilty. He was presented before Senior Principal Magistrate Agnes Mwangi at the Makadara Law Courts, receiving a bail set at Sh500,000.

Corporal Hussein Hassan from Pangani Police Station, entrusted with the investigation, voiced his skepticism in an affidavit regarding Ali’s true nationality, even with a Kenyan identity card.

Suspicion intensified as it appeared that Ali had procured the ID at 30. And as the investigation deepened, an alarming fact emerged.

The ID card Ali was using belonged to none other than terrorist Gamadhere, leading officials to contemplate charging Ali in relation to the terrorist attack.

Ali’s true connection 

Now, the National Intelligence Service (NIS) finds itself daunting: to discern the nature of Ali’s association with the Gamadhere lineage.

How did this individual, arrested for fraud, come to have in his possession the ID of a top-ranking terrorist figure?

In the words of Cpl. Hassan, “The trajectory of the case took a sudden turn with the revelation of the ID.” While the courts decide Ali’s fate, the bigger question looms.

Is this merely a case of identity theft and fraud, or are more significant, ominous operations afoot? 

Shariif oo Norway kala hadlay dagaalka Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, isaga oo wada-hadal gaar ah la yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo, Marwo Heidi Johansen.

Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogoasha dib u heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo uu hormuud u yahay Shariif.

“Waxaan ka wada hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday colaadda Laascaanood oo ay ka wada-hadleen labada dhinac, si xal loogu helo.

“Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore bee dowladdii KMG aheyd.

Shariif ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, isaga oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula soo kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo arrimo kale oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

Sacuudiga iyo Iran oo 7 sano kadib is-dhaafsaday safiiro

0

Tehran (Caasimada Online) – Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal oo go’naa toddoba sano.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China oo lagu dhowaaqay bishii Maarso.

Riyadh iyo Tehran ayaa xiriirka kala goostay 2016 kadib markii xarumaha diblomaasi ee Sacuudi Carabiya ay ku laheyd Iran ay weerareen dibad-baxayaal ka careysan dilka Riyadh ee wadaad shiico ahaa Nimr al-Nimr.

Hoggaanka Sacuudi Carabiya wuxuu aqoonsan yahay “muhiimadda xoojinta xiriirka, kordhinta la-macaamilka… iyo in xiriirka la gaarsiiyo heer ballaaran,” waxaa sidaas yiri danjire Abdullah Alanazi markii uu Tehran gaaray si uu u billaabo shaqadiisa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.

Sidoo kale Talaadadii, Safiirka Iran u fadhiya Sacuudi Carabiya, Alireza Enayati, ayaa gaaray caasimadda Riyadh, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo shaqaalaha safaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA.

Alanazi ayaa horay u ahaa safiirka Sacuudiga ee Cumaan, halka Enyati uu ahaa ergayga Iran ee Kuwait.

Safaaradda Sacuudiga ee Tehran ayaa dib u shaqo billowday bishii hore. Bishii June, Iran waxay dib u furista safaaraddeeda Riyadh ku xustay iyada oo sameysay xaflad calan saar ah.

Bishii hore, diblomaasiga ugu sarreeya Iran, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa xoojiyey midnimada iyo wada-hadallada intii lagu guda jiray booqashadiisi ugu horreysay ee Sacuudi Carabiya tan iyo markii lagu dhawaaqay isu soo dhowaanshaha lama filaanka ah, isagoo sheegay in xiriirka laba geesoodka ah uu “ku socdo jihada saxda ah”.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala taageerayey dhinacyada iska soo horjeeda ee goobaha ay dagaallada ka socdaan ee Bariga Dhexe muddo sanado ah.

Tan iyo heshiiskii bishii Maarso, Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celisay xiriirkii ay la lahayd Suuriya oo xulufo la ah Iran, waxayna xoojisay dadaallada nabadda ee Yemen, halkaas oo ay sannado badan hoggaaminaysay isbahaysi milateri oo ka dhan ah xoogagga Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

VOA + AFP