25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Wasiirka gaashaandhigga oo soo jawaabay: Warkooda waa af-Khawaarij

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, kadib eedeymo culus oo uu jeediyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ku qaaday weerar culus oo ganbasho la’aan ah.

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare.

Intaas kadib wasiir Jaamac oo la hadlayay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo horjeedo ee eedeynayo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda.

“Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa nalaga rabaa inaan isku dhaarsano annaga oo xor ah iyo dalkeenna oo xor ah wax ka sokeyso oo na qancinaayo inaynan jirin”.

Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka wasiir ahaan ka go’an tahay in dalka oo dhan laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

“Annaga kaliya waxaan u taaganahay in Khawaarij dalka aan ka sifeyno fasiraaddii doono haloo sameeyo ciddii doonto waxa ay rabto haku tiraahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Daawo: Xasan Sheekh oo fagaare ka sheegay cabsi gelin uu la kulmo maalin kasta

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ciidamada uga digay inay ka niyad jabaan dagaalka adage e Al-Shabaab ay kula jiraan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in habeen iyo maalin kasta loo soo diro farriimo cabsi gelin ah, balse uu aaminsan yahay in Al-Shabaab aysan dili karin.

“Cowga u hiilintiisa dimuquraadiyad ma gasho, maalin kasta sida la idiin cabsi geliyo ayaa anigana la ii cabsi geliyaa, waa lagu sumeynaa, gaari qarax ah ayaa jidka kuugu jira, diyaaradda aad saaran tahay ayaa la soo ridayaa, ayaa la igu dhahaa maalin kasta, mana aaminsani in Shabaab i dili karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu madaxweynuhu ciidanka tusaaleeyey sidii uu ku soo bilowday dagaalkaan iyagoo ka tabar yar intaan, isagoo u sheegay in maanta Al-Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan militeriga Soomaaliya.

“Dhalinyaro waxaad ku joogtaan jidkii xaqa ahaa Al-Shabaab idinma dili karaan, farriintii ugu dambeysay ee xalay la ii soo diray hadaa aragtaan waad yaabeysaan, ilaahey wuxuu na dilayaa maalintii nalo qoray, wiilashii naga dhintay waa shahiideen, kuwa naga soo horjeedana waa ahlunaar diinteena suuban ayaa lagu sheegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa fagaarahaan ka sheegay in shalay iyo maanta la xiray saraakiil loo heysto inay ciidamada kasoo saareen furimaha dagaalka, inkastoo uusan madaxweynuhu sheegin tirada saraakiisha la xiray, hase yeeshee waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono.

“La isku darsanmaayo, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin lamid ma noqon doono kii iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray Xasan Sheekh in masuuliyad wadareed uusan jiri doonin oo qof kasta lagula xisaabtami doono dhibka uu geysto, “Askari xun ma jiro ee sarkaal xun ayaa jira hadii qalad dhaco, hadii aan dagaalkaan ku guuleysano waxaan gaari doonaa barwaaqo aanaan horay u gaarin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu maalmaha soo socda booqan doono goobo kale oo ka mid ah furimaha dagaalka, isagoo ciidanka u xaqiijiyey in uusan ka hari doonin oo xafiis uusan ku laaba doonin iyadoo aan laga adkaan Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Xog cusub oo ku saabsan khilaafka wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafka ka dhex qarxay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

Generaal Tuuryare ayaa xog ka bixiyay sida uu ku billowday khilaafka, wuxuuna sheegay in labada nin ay isku qabteen arrimo la xiriira dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Xilliyada dagaalka lagu jiro si ayaa loo dhaqmaa xilliga nabadda aan loo dhaqmin, waxaa laga yaabaa in xilliyada dagaalka qof shaqo uu lahaa in la wada qabto, isla qabashadii shaqada iyo daruufo jiro oo ciidamada kala duduwan mushaaraadkooda ku saabsan arrimahaas ayaa laga yaabaa, sida aan wararka ku helaayo in khilaafka uu ka dhacay” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii socon karin, ayada oo aan la xalin khilaafka labada nin oo uu tilmaamay in laga rabo golaha wasiirada iyo madaxtooyada.

“Golaha wasiirada ayay xal uga baahan tahay, madaxtooyada xal ayay uga baahan tahay waxaas oo jirana dagaal masii socon karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Tashwiish ayaa lagala dhex-geliyay ciidamada oo la leeyahay wasiirkii iyo waxaa isku dhacsan taliyaha oo aan is leeyahay anigu wax weyn ma jiraan”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta keentay in dib looga soo baxo deegaanada qaar ee la xoreeyay, wuxuuna qiray inuu jiro khalad weyn oo la sameeyay, kadib weerarkii Cowswayne oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Tuuryare ayaa xusay in laga gaabiyay sahaydii ciidanka, sidoo kalena deegaanada qaar laga soo saaray, ayada oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Saraakiil si khaldan u dhaqantay way jiraan oo ciidamdii meelo aan loogu talagelin kasoo saartay, waxaa kamid ah saraakiil daryeel ay ciidanka u baahnaayeen oo la heli karay oo ciidanka aan gaarsiinin, kuwo inay gurmadaan loogu talagalay oo aan gurman waxyaabo badan ayaa iskaashaday” ayuu kusii daray wareysiga uu siiyay Idaacadda VOA-da.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan abaabulkii ugu xooganaa ee dagaalka Al-Shabaab uu ka socdo degmada Maxaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in lasoo xiray saraakiil gaysatay…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku jiraan ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib.

Madaxweynaha ayaa khudbad dheer u jeediyay ciidamadaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in laga rabo inay dalkooda xoreeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha boggaadiyay guulaha haatan laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in laga saaray dhul balaaran.

“Maanta waa guuleysanay bal eeg meesha aan joogno iyo meesha laga soo bilaabay howlgalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, madaxweynaha oo ka hadlayay howlgallada ayaa uga digay ciidamada inay sameeyaan khaladaad uu tilmaamay inay dib u dhigi karaan horumarka howlgallada, isaga oo xusay in haatan lasoo xir xiray saraakiil uu sheegay inay geysteen dambiyo.

“Maanta saacadaas aan idin la hadlaayo waxaa xiran niman saraakiil ah oo shalay lasoo qabtay, qaar kalena saaka ayaa lasoo xiray dambi ay geysteen ayaana loo xiray” ayuu yiri.

Inkastoo uusan shaacin waxa loo haysto saraakiishaas, haddane madaxweynaha ayaa tilmaamay lasoo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Maxkamadda milatariga waxa ay siiso ayay yeelanayaan, kaan dambi laheyna waa lasii deynayaa” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, kadib tuhunkii ka dhashay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

R/W Xamza oo 4 qodob kala hadlay Qatar + Sawirro

0

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada caasimada ah ee Dooxa, kuwaas oo la leeyahay madaxda wadankaasi.

Xamza ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaaray 4 qodob oo kala ah xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal, ciribtirka Al-Shabaab, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

Ciidamada Xoogga dalka oo malaayiin dollar ku helay dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa $2 Milyan oo Dollar ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa lacagtan ku shubay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo si gara ah taageero siiyay ciidamada Xoogga dalka.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, Shane Dixon oo ka hadlay kaalmadan lacageed ayaa shaaca ka qaaday in lagu maalgelin doono gaadiidka iyo daadgureynta daawaynta ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.

“Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mar kasta dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay taageeridda nabadda Soomaaliya, si loogu soo dabaalo xasilooni iyo kala dambeyn.

“Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Lacagtan cusub ee loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku heleen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, waxaana ujeedka uu yahay inay laba jibaaraan howlgallada culus ee ay haatan ka wadaaan koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb qaato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna dhanka hawada ka taageera ciidamada la dagaalamaya Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale Mareykanka tababar iyo qalab siiyaa ciidanka kumaandooska Danab oo iyaguna door muuqdo ku leh howlgalka haatan ka socda inta badan gobollada dalka.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Maxaas xilli uu ku sugan yahay Xasan Sheekh

0

Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo maanta  ka dhacay bannaanka degmada Maxaas oo uu haatan ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas oo ay ku sugan yihiin wufuud kala duwan iyo ciidamo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob lagu hubiyo gaadiidka oo ah halka laga galo xero ay wada dagan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay meel 10 KM u jiray degmada, halkaas oo aad uga fog meesha ay dagan yihiin madaxda.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ku dhacay bar-koontarool ku leh ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-daad, qaybta 27-aad oo gaadiidka ku baara halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xogta qaraxa ay hayeen, isla-markaana ay qarxiyeen markii la arkay gaariga, sidaasna ay ku fashiliyeen weerarka oo ahaa bartilmaameed ku socday xerada ciidamada.

Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan howlgallo culus wada ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Degmadan ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan, waxaana ka socda abaabul ku aadan wajiga labaad ee deegaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr cisho jooga Maxaas ayaa sidoo kale kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaaladaas oo xudun u ah halganka xoreynta ee ka socda dalka.

Daawo: Waare oo wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay shirqoolo lagu laayey ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee  maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri Waare.

“Wasiirka waxa uu sameyna in taliyihii ciidanka amar uu bixiyay uu dhaho beentiis waaye, wuxuu sameynayaa madaxweynaha inuu been farriimo oo uu yiraahdo madaxweynaha ayaa sidaas yiri amarkiisa waaye. Wasiirka amarro uu bixiyay, kuwa qaldan oo baxay inuu joojiyo aheyd iyo xog qaldan oo madaxweynaha siiyay ayaa Xasan Tuure iyo ciidankii Danab ku baaba’een Galcad.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay tallooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, oo iyagu soo jeediyay in aan ciidamada la dejin meelaha laga soo weerari karo, ee aysan ka heli karin gurmad ciidan.

“Taliyihii nabad-sugidda iyo guddoomiyihii ciidamada milateriga xog iyo amar uu asiga bixiyay in halis daqiiqado ah u galeen in naftooda la waayo, sidaas daraadeed aniga kama aamusi karo. Naf ayaa lagu khamaara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waare oo Wasiir Jaamac ku eedeeyay in xog qaldan uu bixiyay halis galisay Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute.

Marka laga imaado eedeyntan culus ee Waare u jeediyay wasiirka gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu wareysiga bixiyay ku sheegay in beesha Hawiye aysan diyaar u aheyn dagaalka Al-Shabaab, maadaama dhexdooda aysan isku mowqif ka aheyn dagaalka socda, sida uu sheegay.

“Dad inay yiraahdaan wiilkii ila dhashay ee Shabaab-ka ahaa ayaan qooraha iyo madaxa kasoo jaraynaa, dadna ninkii qaraxyadii lagu xasuuqmay ka dambeeyay ay isku sawiraan, yiraahdaana anigaa wasiirkiisa iyo xildhibaankiisa ah,” ayuu yiri Waare.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaas miyaa isku mid noqon kara oo daacad ay ka wada tahay la dagaalanka Khawaariijta Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in joogitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka aysan waxba soo kordhineyn haddii buu yiri sida ugu dhaqsaha badan wax looga beddelin sida ay hadda wax u socdaan oo uu dhaliilay.

Hoos ka daawo muuqaalka;

Muran ka taagan garoonka Aadan Cadde kadib amar ka soo baxay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xooggan ayaa ka taagan guraha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Murankaan oo salka ku haya amar kasoo baxay dowladda ayaa waxa uu maalintii afaraad oo xiriir ah hakad galiyay aalab alaabihii Cargo-ga ee ay qaadi jireen diyaaradaha ka duula garoonka.

Dowladda ayaa diyaaradaha kusoo rogay inay bixiyaan lacago canshuur ah oo lagu dhufanaayo calaa kiilo, taasi oo ay shirkadaha sheegeen in aysan suurta-gal aheyn, taasi oo horseeday in shaqadii Cargo-ga ee garoonka ay istaagto.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in laga soo bilaabo maalintii Sabtida aanay garoonka Aadan Cadde ka bixin alaabaha Cargo ee loo qaado guud ahaan gobollada dalka.

Canshuurta ay dowladda kusoo rogtay shirkadaha ka shaqeeya alaabaha Cargo ayaa dhan hal doollar calaa kiiladii, sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya qaadista alaabaha Cargo-ga, taasi oo ay ka biyo diideen shirkadaha ka shaqeeya.

Dowladda ayaa la sheegay inay halkan ka aragto inay ku jirto fursad looga sameyn karo dakhli dheeraad ah, ma cadda illaa hadda sida loo qaadj doono lacagahaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrintaan.

Si kastaba, Waxaa hakad ku jira tan iyo Sabtidii alaabihii Cargo-ga ee ka bixi jiray Muqdisho, kuwaasi oo loo qaadi jiray guud ahaan gobollada dalka, mana ahan markii u horreysay ee qeybo kamid ah shaqada garoonka u istaagto canshuur ay kordhisay dowladda.

Daawo: Xasan oo Xawaadle ‘ka diiday’ qorshahooda iyo 3 kulan oo lagu kala tegay

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii labaad kulamo ka wada magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana kulamadaas ka soo baxaya xogo muujinaya in la isku fahmi waayey.

Nabadoon Cabdi Gardheere oo ka mid ah waxgaradka beesha Xawaadle ayaa sheegay in seddax fadhi ay ku kala tageen Madaxweynaha, isla markaana uu ka diiday waxyaabihii ay kala hadleen.

Nabadoon ayaa ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay talo meel ugu xiran tahay, ayaguna ay wataan dalab aan laga gudbi karin, taas oo sababtay in haba yaraatee la isku fahmi waayo kulamadii ka dhacay Maxaas.

“Maxaas waxaan u nimid dalab, waxaan na cosaday madaxweyne Xasan Sheekh, wixii uu noogu yeeray iyo wixii aan ka codsanay waa is qaba waayeen, seddax fadhi ayaan ku kala tagnay,” ayuu yiri Nabadoonkaan u hadlay beesha Xawaadle.

Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu diiday inuu kala hadlo tabashadooda, isla markaana uu hadalkiisa ku ekeeyey “Dalka ila xoreeya.”

Cabdi Gardheere wuxuu xusay inay Madaxweynaha u sheegay in dalkaan uu Soomaali ka dhexeeyo waajibkoodana ay ka guteen oo deegaanadii ay ku lahaayen ay xoreysteen.

“Madaxweynuhu wuxuu watay qorshe u gaar ah, anaguna waxaan dhahnay tabashada aan qabno nagala hadal, wuxuuna yiri maya teyda hala fuliyo ee dib noogu dhiga tiina, intaas ayaana ku soo kala tagnay ugu dambeyntii,” ayuu yiri nabadoon Gardheere.

Telefishinka SP oo wareysigaan uu siiyey Nabadoonku ayaa weydiiyey waxa uu dalbanayo Xawaadle ee Xasan Sheekh uu diiday wuxuuna ku jawaabay in maamulka ay dhisteen ee Hiiraan State ay doonayeen inay ka ansixiyaan Madaxweynaha.

“Dhammaan Nabadoonadii reer Hiiraan ee Xawaadle iyo beelaha kale ee la dega ayaa Maxaas yimid, intaas oo beelood tabashadooda madaxweynuhu waa dhageysa diiday, waxa aan isku qabanay waxaa ka mid ah Shabeellada Sare iyo Hiiraan State inuu anxisiyo, wuxuuna noogu jawaabay waxa aad sheegeysaan halkaan uma imaan,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Gardheere.

Nabadoonka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yiri “War kale anigu geli maayee dalka aan xoreyno, waxaan u sheegnay in dalka xoreyntiisa aan diyaar u nahay oo dhulkeenii aan ka xoreysanay cadowga, dalka oo la xoreyn wax kale kama hadlaayo ayuu noogu jawaabay, dalkana anaga kaliya dad uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray nabadoonkaan.

Hoos ka daawo

Beesha Mudullood oo laba arrin ka codsatay beesha caalamka kadib gadoodkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelweynta Mudullood oo ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa codsi gaar ah u dirtay beesha caalamka, gaar ahaan guddiga amniga ee Qaramada Midoobey, wuxuuna shirka beesha diiradda saarayey dagaalka Al-Shabaab.

Beesha ayaa labo ka mid ah lix qodob oo shirkaas ka soo baxday baaq ugu dirtay beesha caalamka, iyagoo go’aan ka gaaray sidii ay Shabaab uga xoreysa lahaayeen dhulkooda, ugana difaaca lahaayeen hadii ay mar kale ka soo baxaan ciidamada dowladda.

“Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada,” ayaa lagu yiri qodobkaan oo qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka beelaha Mudulood.

Sidoo kale beesha oo go’aansaday inay qaaraan iska uruuriso, si Shabaab dambe uusan u qabsan dhulkeeda ayaa beesha caalamka ka codsatay in dowladda Soomaaliya lagu garab istaago dagaalkaan adag ee kooxda ay kula jirto.

“Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta oo mararka qaar u gudubta, dhibaatana ka geysata dalalka deriska la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qodobkii 6-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweyn oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudulood ay ku yeesheen Muqdisho.

In la qabto shirkaas waxaa sababay jaha wareerkii ka dhashay go’aankii ay ciidamada dowladda uga soo baxeen magaalooyinka Ceeldheer, Cowsweyne, Galcad iyo deegaano kale oo beelaha Mudulood ay degaan.

Mudullood ayaa hadda isku dhaarsaday in deg deg loo xoreeyo dhulka ay Shabaab ka heystaan, intaas kadibna la isku tashado, xitaa hadii ciidamada dowladda ay mar kale gadoodaan oo furimaha soo baneeyaan.

Sidoo kale beeshaan waxay muujisay taageero buuxda oo dowladda iyo ciidamada ay la garab taagan tahay, waxayna qirtay in dowladda ay heyso dhaqaaleyari baahsan, xili ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, waxayna isku qoreen qaaraan, si loo fududeeyo sahayda dagaalka.

42 askari oo looga tagay goobihii lagu dagaalamay ee magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa shaacisay in askar mayd ah looga tegay jiida hore ee dagaalka gobolka Sool.

ICRC ayaa sheegtay in ay aastay 42 meyd ah oo laga soo saaray jiida hore, kadib dagaalkii ay SSC ku jabisay ciidamada Somaliland, kaasi oo ay ku qabsatayna askar badan oo ka tirsanaa kuwa Somaliland.

“ICRC-da toddobaadkii la soo dhaafey 110 qof oo dhaawac ah ayaa loo qaaday isbitaallada, halka 42 meyd ah laga soo aruuriyey goobihii lagu dagaalamay si loogu sameeyo aas,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda ICRC.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waa muhiim in maxbuus kasta, labada dhinac ah loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Taas macneheedu waxa weeye in qof kasta oo xidhani uu helo cunto iyo biyo oo aanu la kulmin in si xun loola dhaqmo.”

ICRC ayaa dhawaan sidoo kale booqatay in ka badan 300 oo maxbuus oo kamid ah ciidamadii Somaliland ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada SSC.

Waxa kale oo ay shaacisay hay’addu in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen.

Waxay xaqiijisay in dadkaas ay ku jiraan afar maxbuus oo dhaawacyo qaba, kuwaasi oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC.

Boqolaal qof ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, waxayna ICRC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay booqato maxaabiista labada dhinac, si loo ogaaday nolosha lagu hayo.

Shaqaalaha hey’adaas ayey Somaliland u ogolaatay inay booqdaan maxaabiis laga qabtay xoogagga SSC, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada magaalada Hargeysa.

Si kastaba, Dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya Somaliland iyo SSC ayaa socday tan iyo bilowgii sanadkan, waxaana colaaddu ay sababtay dhimasho iyo dhaawac badan, burbur hantiyeed oo baahsan iyo boqolaal kun oo qof oo ka barakacay guryahoodii.

Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin saameyn culus ku yeelatay Soomaaliya

0

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa rajo weyn ka muujiyey suurtagalnimada soo celinta heshiiskii Qamadiga ee Badda Madow, kaas oo gacan ka geystay in Qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wadahadallo uu saacadihii lasoo dhaafay la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin.

Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July – sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo caqabado soo wajahay bacrimiyeyaasha.

Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Benin, Masar iyo Sudan, sida ay QM sheegtay.

Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada.

Soomaaliya ayaa Ukraine ka heshay 84,000 tan oo qamadi ah sanadkii 2022, ilaa 31,000 oo tan ayay ka heshay sanadkii ka horreeyay ee 2021, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay caawinaad ku garab istaageen si wax looga qabto macluusha ba’an ee ka jirta meelaha qaar.

Macluusha qeybo ka mid ah Geeska Afrika ayaa kasii dartay sanadkan, maaddaama xilli roobaadka la filayo inuu baaqdo sanadkii shanaad oo xiriir ah.

Erdogan, oo horay door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska ayey hadana QM isku dayeysaa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto.

“Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban,” ayuu Erdogan yiri isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022.

Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayaan wax dhoofinta iyo wax soo saarka beeraha Ruushka.

“Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale – waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo,” ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in qamadiga laga soo qaado Ukraine lana gaarsiiyo suuqyada iyadoo lasii marsiinayo Badda Madow iyo in wax laga qabto xasaradda cunnada ee adduunka oo ay QM sheegtay inay kasii dartay kaddib duullaankii Ruushka uu Ukraine ku qaaday bishii February sanadkii hore.

Ruushka iyo Ukraine waa labo ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida dhanka beeraha, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin suuqyada qamadiga, shiciiriyadda, galleyda, saliidda canabka, miraha gabbal-dayaha iyo saliiddiisa.

Iyadoo dhoofinta cunnada iyo bacrimiyeyaasha Ruushka aysan quseyn cunaqabateynta Reer-Galbeedku soo rogay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa sheegtay in xayiraadaha lacagaha, farsamada iyo caymiska ay xagal-daaciyeen raridda badarka.

“Reer-Gabeedku waxay sii wadaan inay suuqyada adduunka ka xannibaan badarka iyo bacrimiyeyaasha Ruushka,” ayuu yiri Putin, isagoo intaa raaciyay in Galbeedku ay Ruushka ku “qiyaameen” heshiiska.

Maxaa hortaagan in ciidanka ATMIS ku biiraan dagaalka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ee hore loo odhan jiray AMISOM haddana loo yaqaano ATMIS ayaa markii koowaad ka maqan dagaal ka socda Soomaaliya tan iyo markii ay yimaadeen dalka.

Dagaalkan waa kii ugu xoogganaa ee lala galo kooxaha argagixisada oo ah baahidii keentay in ciidan ajnabi ah la keeno Soomaaliya iyo sababta ay weli u joogaan.

Dadweynaha waxay waayahan waayeen ATMIS xilli ay ciidanka xoogga dalka qabsadeen deegaano badan iyaga oo aan wax garab ah ka helayn ciidan ajnabi ah.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeedisay in ciidanka Midowga Afrika ay kaga baxaan Soomaaliya muddo laba sano iyo dhowr billood ah, inta ka horeysana ay dowladda Soomaaliya ku garabsiiyaan in argagaxisada laga adkaado, oo ay ATMIS fuliso dagaal ka xoog badan kuwii hore.

Heshiiskaas waa la saxiixay laakiin hal qodob ayaa weli la fulin waana midka la xiriira inay ATMIS qaado duulaan xooggan oo ka dhan ah argagixisada.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyaduna halkii ayay kasii ambaqaaday heshiiska oo waxba kama beddelin, illaa haddana ciidan dhowr kun ah oo ATMIS ah ayaa ka baxay dalka.

Goobihii ay ka baxeen ciidanka Midowga Afrika waxaa la wareegay ciidanka xoogga dalka. Dowladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay gashay dagaal, ATMIS ma fulin heshiiska, gaar ahaan qodobkii dagaalka.

Laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay sababta ay ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga uga qeyb qaadan la’yihiin dagaalka socda, wallow ay dhinaca kale jiraan dad Soomaali ah oo aaminsan in argagixisada ay ku filan yihiin ciidanka xoogga dalka oo keliya ay muhiim tahay in iyaga la siiyo xuquuq fiican iyo daryeel wanaagsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sharaxaya sababta ay ciidanka ATMIS uga maqan yihiin dagaalka socda ayaa sheegay in dhaqaale la’aan soo food-saartay howl-galka Midowga Afrika, sidaas darteedna ay booskii ATMIS u gashay dadka deegaanka.

“ATMIS lama siin lacagtii lixdii billood ee codsanay, sidii hore loogu tala-galay in laga joojiyay oo iyaga oo baxay camal ayaa laga soo qaaday, 130 Milyan oo dollar ayaa howlgalka illaa maanta ka maqan, codsi kale oo hanoola kordhiyo ah meesha maba oolin, marka aan xaqiiqdaas u imaanay ATMIS ay dhaqaaqeen waxaa go’aansanay in shacab Soomaaliyeed kaashano oo booskii AMISOM waxaa noo galay shacabkeena,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gulf gambit: Somalia’s PM bets big on Qatari ties

0

Doha (Caasimada Online) – In what seems to be a growing alliance between the Horn of Africa and the Gulf, Somalia’s Prime Minister Hamza Abdi Barre descended on Qatar on Monday for a pivotal five-day diplomatic visit.

On the agenda? Conversations with top brass, including Qatar’s Prime Minister and Minister of Foreign Affairs, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Also on Barre’s meeting roster is a contingent of influential Qatari business leaders, suggesting that economic collaborations might be on the horizon.

Echoing these speculations, reports hint that the two nations are poised to ink several agreements focused on boosting investments in Mogadishu, Somalia’s capital.

Qatar’s significant role in Somalia’s peace efforts

“The role of Qatar is paramount in assisting our pursuit for peace, economic growth, and political settlements,” Somalia’s Deputy Prime Minister Salah Jama commented in a recent interview with Caasimada Online.

This statement came as no surprise, given Qatar’s 2021 peace mediation between Kenya and Somalia and its subsequent efforts to facilitate peace in the region.

Further underscoring Qatar’s commitment, Doha hosted a crucial multi-party discussion on Somalia’s intricate political scenario in June.

Officials from Somalia, the US, the UK, the UAE, and Turkey converged in the Gulf nation’s capital for this dialogue.

Under the keen oversight of Qatar’s Minister of State for International Cooperation, Lolwah Al Khater, the assembly delved into strategies bolstering Somalia’s resistance against Al-Shabaab and transitions involving the African Union.

Emerging as the radical youth faction of the defunct Union of Islamic Courts, Al Shabaab—Arabic for ‘The Youth’—once held the reins of Mogadishu in 2006 before being expelled by Ethiopian forces.

The militant group, with its nefarious nexus linking it to Boko Haram in Nigeria and Al-Qaeda in the Islamic Maghreb, holds a clear objective: overturn Somalia’s central administration to impose a stringent version of Islamic law.

Qatar’s humanitarian footprint in Somalia

Beyond diplomacy, Qatar has firmly planted its feet in Somalia’s humanitarian landscape, especially in light of the intensifying drought crisis.

Teaming up with the US and the UK, Qatar funneled $10.5 million in drought assistance to Somalia in June. This infusion sustained the Building Resilient Communities in Somalia consortium, a crucial lifeline for the nation.

Qatar’s philanthropic blueprint in Somalia continues. Last year, in response to escalating international appeals for aid, Qatar pledged $1.5 million to fortify emergency response and resilience-building.

The gravity of the situation is such that over half a million Somali children under five are navigating the perilous waters of malnutrition and mortality risks.

This year’s drought, touted as the most severe in four decades, casts shadows of impending famines and dislocations.

To contextualize the crisis, data from the UN last year painted a grim picture: a surge of over 755,000 internally displaced Somalis owing to the drought, with the tally topping a million since January 2021.

The UN aptly encapsulated the direness, describing the Somali situation as a “protracted refugee” crisis rooted in decades of political instability and civil unrest since the 1990s.

Hubanti la’aan weli ka taagan Puntland iyo baarlamaanka oo tallaabo qaadaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa weli maamulka Puntland ka taagan khilaaf iyo hubanti la’aan salka ku haysa nooca ay u qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada maamulkaasi ee 2024-ka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa wada qorshe doorasho oo qof iyo cod ah, kaasi oo ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland, oo u arka inuu madaxweynaha ka leeyahay qorshahaasi damac muddo kororsi.

Deni ayaa bishii hore shaaciyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod, islamarkaana ay ku qabsoomi doonto xilligeeda rasmiga ah, oo dib u dhac jiri doonin, sida uu sheegay.

Mucaaradka oo diidan qorshaha uu wado Deni ee doorasho qof iyo cod ah ayaa soo jeediyay in lagu laabto hanaankii hore ee lagu doortay madaxweynaha hadda muddo xileedkiisu sii dhamaanayo.

Ismari-waaga labada dhinac ayaa weli taagan, mana jiro xal siyaasadeed oo laga gaaray khilaafka dhinac, ayada oo maanta la filayo in Baarlamaanka Puntland uu ansixiyo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

PEC ayaa u qaabilsan maamulka hirgelinta doorashada hannaanka qof iyo cod, taasi oo aan weli dhinacyadu isku raacin, ayna siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan mid uu qorshe kale ku hoos wato Saciid Deni, oo gadaal ka riixaya arrintaan.

Inkasta oo aysan hadda cadeyn nooca doorasho ee Puntland aadi doonto 2024, haddana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in aysan wakhtiga harsan suurta-gal ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni, xilli baarlamaanka Puntland uu kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxay markaas isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

Kim’s Russian gambit: Redrawing global battle lines

Pyongyang (Caasimada Online) – A potential game-changing geopolitical shift is on the horizon, as North Korean leader Kim Jong Un prepares to travel to Russia. His aim? To discuss the strategic exchange of weapons and technology with President Vladimir Putin, as per sources from the New York Times.

This would mean North Korea might supply artillery shells and antitank missiles to Russia, receiving Moscow’s advanced satellite and nuclear-powered submarine technology in return.

In a rare foray outside his borders, Kim’s mode of transportation to Vladivostok, a port city near North Korea, is expected to be an armored train – reminiscent of his father’s signature travel style.

The last significant visit to Russia from North Korea’s leadership was Kim Jong Il, who opted for the safety of his armored train and visited just a few months before his passing in 2011.

U.S. concerns and the Cold War echoes

The United States has, expectedly, voiced concerns over the growing camaraderie between Russia and North Korea.

Russia’s Defence Minister, Sergei Shoigu, when queried about the potential joint military exercises with North Korea, responded with an old Russian proverb: “You don’t choose your neighbors, and it’s better to live with your neighbors in peace and harmony.”

Yonhap, South Korea’s leading news agency, recently highlighted South Korea’s intelligence agency’s insights into a proposal by Shoigu. The proposition? A trilateral naval exercise involving China, North Korea, and Russia.

Reflecting on their shared history, Moscow’s intentions to enhance its “mutually respectful relations” with Pyongyang, a cherished Cold War ally, comes as no surprise.

Moreover, Russia’s recent declaration about annexing parts of Ukraine in 2022 garnered support from a select few countries, with North Korea being prominent among them.

A changing landscape in military alliances

Noteworthy is the increasing momentum of military alliances. Last week, the U.S. shared its apprehensions regarding the arms negotiation progress between North Korea and Russia.

The recent visit of Shoigu to North Korea for the “Victory Day” celebrations, marking the 70th anniversary of the end of the Korean War, saw him reportedly having private dialogues with Kim.

Contrary to the rising speculations, Russia’s ambassador to North Korea, Alexander Matsegora, communicated to the TASS news agency about his unawareness of North Korea’s involvement in the speculated trilateral military drills.

However, he felt it would be “appropriate” given the U.S.-led activities in the region.

Amidst all this, North Korea has consistently refuted claims of “arms dealings” with Russia. Meanwhile, the United States sanctions entities allegedly connected to such deals.

This new alliance formation sheds light on the region’s evolving dynamics of military exercises.

While North Korea has kept its military exercises with neighbors minimal, the U.S. and its ally, South Korea, often engage in regular drills, which North Korea perceives as war preparations against them.

PUTIN iyo Kim Jong Un oo la filayo inay kulan xasaasi ah ku yeeshaan…

0

Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine, waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.

Hadalka ayaa yimid kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.

“Sida aan horey uga dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha Amniga Qaranka Mareykanka.

“Waxaan haynaa akhbaar ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”

Kim oo aan inta badan u safrin dibedda ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii 2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.

Dhinaca kale, wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.

“Waxaan ugu baaqeynaa Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka, una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.

Mareykanka, Britain, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala galo Pyongyang, qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo soo kubaareeyay Qoryooley

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo kubaareeyeen degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyadu ay soo buuxdhaafisay deegaanada hoostagga degmadaasi iyo weliba waddooyinka soo gala.

Wax badan lagama oga sababta ay xilligan Shabaabku culeyska u soo saareen degmadaasi, waxayse imaanaysaa maalmo uun ka dib weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii ka gaysteen degmada.

Shabaabka oo 1-dii bishan weerar ku galay degmadaasi ayaa waxaa Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo xoogaga madaniga ee degmada u suurtagashay in ay dib uga saaraan degmadaasi. Intii uu dagaalku socday ayaa waxaa jirtay duqayn dhinaca cirka ah oo lala eegtay maleeshiyadaasi.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in duqayntaasi oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga lagu dilay 30 ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.

Dadka reer Qoryooley ayaa isla dhex maraya in Shabaabku ay doonayaan in ay go’doomiyaan degmadaasi, si la mid ah sanadihii 2015-2016, oo ay si ba’an u go’doomiyeen Qoryooley, dhaawacdayna wax soosaarkii tacabka beeraha ee degmadaasi.

Ciidamadii madaniga ee xilligaasi la sameeyay ayaa ku guuleystay in ay go’doominta ka saaraan degmadaasi, kadib markii ay billaabeen in ay Shabaabku ku weeraraan goobihii ay ka go’doominayeen degmadaasi. Tani ayaana keentay in Shabaabku joojiyaan cunaqabateyntii ay ku hayeen Qoryooley.

Dhanka kale Shabaabka ayaa habeen hore fiidkii madaafiic ku weeraray Xerada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Danow, oo hoostagga Degmada Qoryooley.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Uganda ee degan Danow iyo Qoryooley ay madaafiic xoog lihi kaga falceliyeen weerarkaasi.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, ka gadaal markii hoobiye habow ahaa uu ku soo dhacay Degmada Qoryooley.

Dadka reer Qoryooley ayaa walaac dhanka amniga ahi ka muujinayo culeyska ay Shabaabku soo saareen degmadooda.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa sheegay inaanay aqbali doonin in Shabaabku ay qalqalgeliyaan amniga degmadaasi.

Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday magaalada…

0

London (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Fanaaniin iyo Abwaano Soomaaliyeed oo ka war-hayey xaaladda Marxuumka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geeridaan.

Allaha u naxariistee Axmednaaji wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Wuxuu isku ahaa Fanaan, Abwaan iyo Mulaxan, sidoo kale gacantiisa ayuu ku garaaca jiray Kabanka.

Wuxuu ka mid ahaa fanaantii hore ee hobollada qaranka ee Waaberi, wuxuuna dalka ka tegay waayihii burburka, isagoo degay dalka Ingiriiska.

Waxaa la sheegay in Axmednaaji uu Aabihiis ahaa Yemeni, isla markaana ay dhashay Hooyo Soomaali ah, taas oo ku korisay Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday yaraantiisii hobolladii qaranka.

Markii laga soo tago heesaha kale ee Soomaalida, wuxuu Axmednaaji aad u xiisey jiray heesaha Banaadiriga oo suugaan badan uu ka curiyey.

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Axmednaaji dhinacyada xaqiijiyey waxaa ka mid ah wiilkiisa oo waayahaan ku haayey isbitaal ku yaalla London oo caawa uu ku geeriyooday.