25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Daawo: Taliska xoogga dalka oo faahfaahin kasoo saaray dagaal galabta ka dhacay Daarunicma

0

Daarunicma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Axmed Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka hore ee Masjidka caanka ah ee deegaanka Daarunicma ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaankaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta soo weerartay degaanka Daarunicma, wuxuuna Taliyuhu sheegay in halkaas jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay is farasaareen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

“Waxaan joognaa Masjidkii weynaa ee Daarunicma, waxaa deegaankaan gacanta ku haya ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, si wanaagsan ayaan uga guuleysanay kooxdii weerarka soo qaaday oo aad ayaa loogu jebiyey dagaalka,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Jeneraal Axmed Aadan oo shirkaan jaraa’id qabtay casir liiqii galabta ayaa sheegay in ciidanku ay howdka ku sii baacsanayaan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday oo jidanaya meydad iyo dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay Daarunicma.

“Waxaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka uga mahadcelinayaa sida geesinimada leh ee maanta ay isaga difaaceen cadowga weerarka soo qaaday, waa dagaalanteen waxaana tihiin geesiyaal naftooda huray,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka.

Wuxuu ku faanay in ciidanka xoogga dalka aysan ka baqin geerida, isagoo ku tilmaamay geesiyaal aan la maleysa karin sida ay u dagaalamayaan iyo qadiyadda adag ee ku jirta.

“Hadii mar kale ay Khawaarijtu isku daydo weerar kale inay soo qaado waxay u jebi doonaan sida maanta oo kale, hadda kadib kuma sugi doono halkaan ee howdka ay galeen ayaan uga dabageli doonaa,” ayuu yiri Taliye Axmed Aadan.

Markii laga soo tago ciidanka xoogga dalka, deegaanka Daarunicma waxaa ku sugan ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo marar badan Al-Shabaab ka difaacday, kuna jebiyey weerarro ay ku soo qaadeen deegaankaas.

 Hoos ka daawo

Maxkamada G/Banaadir oo soo saartay liiska masuuliyiin loo heysto eedeymo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddo 30 maalmood ah u qabatay inay maxkamadda ku horyimaadaan 7 masuul oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, kuwaas oo badankood ka tirsan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Maxkamadda ayaa qoraalka ay ku soo saartay baafintaan waxay ku cadeysay in raggaan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka uu ku soo eedeeyey, lacag dhaqid, musuq maasuq, dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukumenti iyo ku takri-fal hanti dadweyne oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Maxkamadda ayaa ragaan ku wargelisay in 30 cisho ay ku hor yimaadaan, si ay isaga difaacaan eedeymaha loo heysto, hadii ay maxkamadda hor imaa waayaan 7 qof waxaa loo sheegay in ayaga oo maqan dacwadooda la qaadi doono.

Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah.

Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed.

Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah.

Maxamed Xuseen Nageeye, waa eedeysanaha 4-aad wuxuu ahaa sarkaalkii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda u qaabilsanaa qaadashada fiisa kordhinta.

Cabdixakiin Cabdullahi Cabdi waa eedeysanaha 5-aad, wuxuu la-taliye u ahaa agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda, intii u dhaxeysa 15-kii November 2021 ilaa 20-kii April 2023.

Eedeysanaha 6-aad wuxuu ka tirsanaa xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka, waxaa lagu magacaabaa Cabdalla Maxamed Axmed, wuxuuna ahaa agaasimihii qeybta IT-ga ee xafiiskaas, waana maqane sida ku xusan warqadda xeer ilaalinta.

Maxamed Ibraahim Axmed waa eedeysanaha 7-aad, wuxuuna ka tirsanaa waaxda fiiso kordhinta ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda – Sida ku xusan warqadda uu ku soo baxay liiskaan dhamaan eedeysanayaashaan waa maqanayaal.

Qoraalka xalay ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano kale oo ku saabsan musuq maasuq ka dhacay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, waxaana baaritaanka kadib lagu balan qaaday in eedeyntooda loo gudbi doono maxkamadda.

Mudulood oo 6 qodob kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab, iskana ururinaya qaaraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudullood ayaa shirweyne muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas ka soo baxay go’aano adag oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Shirka Mudullood waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban lix qodob oo quseeya xoreynta deegaanada beesha iyo sidii mustaqbalka looga difaaci lahaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Mudullood waxay codsi la xiriira cunaqabateynta saaran dalka u direen beesha caalamka, iyagoo codsaday in dowladda Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Taliyihii hore ee NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Turyare ayaa akhriyey bayaanka ka soo baxay beelaha Mudulood ee Muqdisho ku shiray, waxaana gogosha dhigay duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

“Shir weynaha beelaha Mudulood waxaa lagu qaadaa dhigay mudiimada ay leedahay in dib la isku abaabylo, loona xoojiyo dagaalka, iyadoo deg deg loo soo gabagabeynayo joogitaanka Khawaarijta ee deegaanada Mudullood,” ayuu yiri Tuuryare oo bayaanka akhriyey.

Lixda qodob ee bayaankaan ayaa ka ah:

1 – In si deg deg ah beel kasta oo Mudullood ka tirsan ay deegaanadeeda uga xoreysato Khawaarijta, iyagoo aan u kala harin.

2 – In deegaanadooda ay ka abaabulaan ciidamo deegaankooda difaaca Khawaarijta oo garab siiya ciidanka xoogga dalka, iyagoo saanadda iyo tababarrada ka kasha doona ciidanka qaranka, waxaana arrinkaas dabageli doona siyaasiyiinta.

3 – In beel kasta oo Mudulood ka mid ah ay dhaqaale ahaan isku tashato oo si qaaraan ah ay ku uruursadaan dhaqaale ku filan, si aagagga loo asteeyey ay u joogaan.

4 – Beelweynta Mudullood waxay si weyn u taageersan tahay una garab taagantahay ciidamada qaranka iyo dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

5 – Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada.

6 – Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta.

Hoos ka daawo

Halkee ku dambeeyay kiiska madaxii AL-SHABAAB ee Mudug ee isku dhiibay DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabayaqada bishii dhamaatay ee August waxaa ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan aagga Wisil ee gobolka Mudug isku soo dhiibay Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq, oo ahaa madaxii argagixisada ee gobolka Mudug.

Ninkan ayaa muhiim u ahaa kooxda marka la eego awoodooda gobolka Mudug, waxaana isku soo dhiibistiisa loo arkay mid kamid ah astaamaha muujinaya in kooxda sii jabeyso.

Markii uu isa soo dhiibay dood badan ayaa ka dhalatay sida loola macaamili doono iyo waxa uu mudan doono, waxaana dib loo soo saaray dhacdooyin dilal iyo weeraro ah oo ka dhacay gobolka Mudug oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa.

Dadweynaha ayaa si adag oo diidmo ah uga fal-celiyay qoraal garab istaag u muuqday oo la sheegay inuu ka yimid mid kamid ah xildhibaannada ninkaan ku metela golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba waxay dadka badi isweydiinayaan halkee ku dambeeyay horjoogahan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee isku dhiibay dowladda Soomaaliya.

Midda koowaad sida uu ahaan jiray dhaqanka soo jireenka ah ee la waafajin jiray argagixisada isa soo dhiibta ninkaan waxaa lagu wareejiyay hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida ee NISA. Halkan waa meesha lagu hubiyo inuu isa soo dhiibaha toos uga soo dhamaaday kooxda ama inuu maagan yahay dabino qarsoon.

NISA ayaa hadda ka gudaneysa waajibkeeda oo gacanta ku haysa ninkan. Xogaha qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Nuur-deeq uu bixiyay xogo caawimaad u noqon kara dagaalka iyo in argagixisada si fudud loo soo dhaafiyo deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle.

Ninkaan waxa uu isa soo dhiibay iyada oo uu jiro go’aan madaxweyne oo ah in la cafinaayo kuwa ka towbad keena fikirka qariban ee argagixisada ee sababay dhimashada kumanaan ruux oo Soomaali ah.

Inkasta oo ay jiraan dad eed taban siiyay siyaasiyiinta metela horjoogahan, haddana waxaa soo baxeysa in siyaasiyiintaas ay marnaba isku dayin inay sharciga baalmaraan oo qof argagixiso ah dhabarka marsadaan.

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale la sheegay in kaalin ka qaateen in ninkaan uu kasoo tago argagixisada, waana midda keentay in halkii uu iska soo dhiibay ay siyaasiyiinta qaar ugu tagaan oo ay kasoo wadaan.

Ma cusba in horjoogayaal waaweyn oo argagixiso ah ay isa-soo dhiibaan laakiin waxaa marwalba aad loo duraa daacadnimadooda dambe iyo waxyaabaha ay kuwii hore kusoo biiriyeen dowladnimada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Ninkaan ka tirsanaan jiray kooxaha argagixisada ee la yiraahdo Nuur-deeq xaalkiisa iyo u qalmidiisa in markale bulshada lagu dhex daayo waxaa go’aan ka gaari doonta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa waxay dhowr jeer ku cel-celiyeen in kuwa isa-soo dhiiba inta kagu jiro dagaalka in loo sameyn doono habkii ay bulshada caadiga ah ugu soo dhex noqon lahaayeen loona badbaadin lahaa noloshooda iyo mustaqbalkooda.

Taas oo la sheegay inay gudaha argagaxisada ka noqotay farriin togan oo ay argagixiso badan ka fikirayaan inay ka faa’iideystana, maadaama shacabkii Soomaaliyeed ay soo jeesteen oo adag tahay in fikirka argagixisada kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Xog: Xasan oo kasoo guuray Dhuusamareeb kadib markii ay hagradeen reer Galmudug

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad shalay tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada.

Sida ay sheegtay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, “sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa.

Xogta Caasimada Online ayaa intaas ku dareysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waa weyn Galmudug, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ee Waceysle.

Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay sii joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u muuqda dagaal kusoo koobmay kaliya beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kuwaas oo markii hore kooxda ka xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, haddana ay u muuqato in ayaga un laga sugayo inay kooxda cirib-tiraan.

Kumanaan ciidan oo lagu soo bandhigay Galmudug ayaa illaa iyo hadda u dhaqaaqi la’ inay wajahaan kooxda, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu dareemayo hagrasho.

Hagrashada reer Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa horey si dadban ugu sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo khudbad uu ka jeediyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan kusoo geba-geboobay Dhuusomareeb.

Axmed Madoobe ayaa gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Faah-faahinta howlgal culus oo lagu dilay Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gal culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidanka Qaranka ayaa bur-buriyay Maleeshiyad Shabaab ah, kuwaasi oo ku sugnaa labo deegaan oo lagu kala magacaabo Xiin-Tubaal iyo Ceel-Cali Wayd oo ku yaalla Koonfuur Bari ee Gobolka Galguduud.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in illaa iyo 43 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay howl-galka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo kooxda ay lahaayeen.

“Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horay loogu weeraray Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidanka fashiliyeen weerar ay kooxda qorsheynaysay inay ku qaado Daaru-Nicma, “waxaalagu jabiyay Khawaarijta isku day weerar oo ay isku dayeen in ay ku qaadaan Deegaanka Daaru-Necma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.”

Howl-galkan ayaa imanaya ayada oo dhanka galbeed ee isla gobolka Galguduud uu ka socdo howl-gal saf balaaran ah, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga sifeeyay deegaano badan oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Howl-gallada sifaynta Al-Shabaab ee ka socda Galmudug ayaa si isdaba joog ah looga gaaray guulo ballaaran iyada oo lagu sii dhawaanayo meelaha kooban ee kooxda ku sugan tahay, sida lagu yiri bayaanka dowladda.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa dardar ku socda ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo ku siman hal bil uu xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, ayada uu shalay gaaray Maxaas, si loo soo afmeero howl-gallada wejiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wejiga xigga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

MADAALE oo si weyn loogu weeraray go’aan uu shaaciyay

0

Muqdisho (Caasuimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa weerar culus oo dhanka baraha bulshada lagu qaaday kadib markii uu shalay ku dhawaaqay in mushaarka madaxda gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose bishaan ay ugu deeqeen dagaalka socda.

Madaale ayaa hadalkan shalay ka sheegay dibad-bax lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka oo ka dhacay Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha gobolka Banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka Xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale.

Hadda sidee looga falceliyay go’aanka duqa magaalada Muqdsho?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada oo arrintan siyaabo kala duwan uga hadlay ayaa intoodabadan weerar ku qaaday Yuusuf Madaale.

Abdinuur Axmed oo kamid ah dadkaas ayaa yiri “Mushaar qof miskiin ah uu leeyahay in lagu tashado waa khalad haddii uu asaga raali ka aheyn”.

Xasan Nuur ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay go’aanka “Guddoomiyaha G.Banaadir waa nin u huray maskax iyo maal, waana wax lagu farxo in mushaarka qayb looga jaro”.

Fardawsa Jalwo ayaa iyaduna su’aal ka keentay tallaabada guddoomiyaha “Mudane Madaale shaqaalaha cod ma ka qaaday oo ma la hubaa in aan la afjigin”.

Cabdirashiid Muxudiin ayaa isguna sheegay in aan laga fiirsan go’aankan “Waxaa iiga muuqdo hadalka guddoomiyaha deg-deg iyo in uusan ka fiirsan go’aanka mushaaraadka shaqalaha gobolka Benaadir. Waxaa jiro duruufo badan oo ku gadaaman shaqalaha”.

Cabdi Maxamed ayaa isna tilmaamay in guddoomiyuhu aanu xaq u laheyn arrintan “Waa in ay dadka ka imaato maahinee go’aan uma gaartid”

Xasan Daacad ayaa isna arrintan uga falceliyay “Iska bixi mudane guddoomiye mushaarka masaakinta”.

MADAALE oo bixiyay XOG ku aadan cidda Al-Shabaab u fududeysa QARAXYADA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa bixiyay xog ku aadan weerarada qaraxyada ah ee ay kooxda Al-Shabaab haatan ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay inay jiraan dowladdo shisheeye iyo dad kale oo siyaabo kala duwan u taageera Al-Shabaab, isla-markaana loo baahan yahay in la’iska qabto.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaadka Al-Shabaab u fududeeyo qaraxyada ay isugu jiraan shisheeye iyo ganacsato, sida uu hadalka u dhigay.

“Shisheeye ayaa ku jiro qaraxyada, miinada iyo waxyaabahaas oo dhan meelahaas ayaa looga soo waaridaa, kuwa jeebka ka taakuleynaayo ama maskaxda kala jiro ama u fududeynaayo waxyaabaha qaarkood sida madaxweynaha uu ku sheegay iyaga laftirkooda waa Al-Shabaab” ayuu ku yiri khudbad uu shalay jeediyay duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan halganka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

“Annaga jidka jihaadkaan ku jeednaa inaan isla jirno waan jeclaay” ayuu ku shirbay guddoomiye Yuusuf Madaale.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaalaha dowladda hoose ay bishaan musharkooda ugu deeqayaan Xoogga dalka.

Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynahooda, kuna taageeraan dagaalka Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay tuhuno xoogan looga muujiyay weerarada ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada, waxaana walaaca sii kordhiyay qaraxyadiika dhacay xarunta gobolka Banaadir iyo midkii u dambeeyay ee lagu qaaday Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Dagaal culus oo ka socda deeganaka Daaru-Nicma

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma.

Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, ayna khasaare gaarsiiyeen.

Dhanka kale afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, deegaankana ay haatan joogaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

“Daaru-nimca waa nabad waana la jabiyay Khawaarijtii weerarka kusoo qaaday. Ciidankeenna iyo Xoogaga dib u xoreynta deegaanka ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayo halkaasi.

Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi.

Maxaa ka soo kordhay booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas?

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaaaq iyo abaabul culus oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xalay kulamo kala duwan oo aan loo kala kicin la yeeshay siyaasiyiinta reer Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo looga hadlay jiheynta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe.

Kulamadan ayaa intooda badan la’isku dhaafsaday warbixinno iyo fikrado ku aadan qaabka loo wajahayo dagaalka Al-Shabaab, maadaama dib loo soo celiyay ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka Batrolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo mid ah mas’uuliyiinta qaybta ka ahaa kulamadaas ayaa faah-faahin ka bixiyay shirarkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in diiradda lagu saaray dhaqaajinta howlgallada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha JFS Hiiraan wuu sii joogayaa ilaa laga soo gabagabeeyo qorshaha dagaalka, waxaa diiradda la saarayaa xoojinta wadashaqeynta ciidanka Federaalka iyo Dadka Deegaanka si wadajir looga wada qaybqaato,” ayuu yiri wasiir Cabdirasaaq.

Waxaa kale oo uu ku daray “Ujeedka waa in dagaalka uu noqdo in la ogyahay meesha uu ka bilaabanayo iyo meesha uu ku dhamaanayo, uuna noqdo dagaal ay shacabka ka qayb qaataan”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in laga wada-hadlay sidii boorka laga jafi lahaa ciidanka Macawiisleyda oo door muuqdo ku leh dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu sii wado kulamdiisa, uuna sii joogo degmada Maxaas, iyada oo lagu wado inuu kadib uga sii gudbo Shabeeaha Dhexe.

Muddo bil ah ayuu madaxwyeynuhu ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna u tegay hoggaaminta dagaalka ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, inkastoo haddane deegaanada qaar dib looga soo baxay.

R/W Xamza oo u ambabaxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda waddanka Qatar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wafdiga ka socda xukuumadda uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee dalka Qatar, isla-markaana booqashooda ay ku aadan tahay  horumarinta xiriirka iyi iskaashiga labada dal.

Xamza ayaa inta uu joogo magaalada Dooxa kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadli doonaan horumarinta mashaariicda ay haatan Qatar ka fuliso gudaha dalka iyo arrinaha bani’aadanimada.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

Si kastaba, safarka uu u baxay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli jira jiidda hore ee dagaalka.

Weerar lagu qaaday aroos ay Soomaali isugu timid oo ka dhacayay dalka Canada

0

Ottawa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar ay dabley hubeysan xalay ku qaadeen xaflad aroos oo ay Soomaali ku lahaayeen xarunta shirarka koonfurta caasimadda dalka Canada ee Ottawa.

Rag hubeysan oo aan heybtooda la gaaran ayaa mar qura rasaas ooda uga qaaday martida timid arooska, xilli ay ku sugnaayeen goobta ay ka dhaceysay xafaladda.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Warsame Cabdi Maxamed oo kamid ah ehellada ku sugnaa goobta,

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ahaa iyo Cabdishakuur Cabdi Daahir 29 sanno jir ahaa kuwaas oo xafladda uga yimid magaalada Toronto.

Warsame oo sharraxay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in rasaasta ay bilaabatay xilli ay dadweynaha kusii xaroonayeen hoolka uu dhacayay arooska.

“Walaalow aroos ayaa jiray, iyaga oo dadka meelo kala duwan uga yimaadeen meesha xafladda arooska, ayada oo la joogo ayaa waxaa dhacay in qolo aan la garaneyn oo hubeysan xilligii hoolka la geli lahaa inay rasaas fureen waxay wax ku gaartay dad siddeed qof ah, laba qof way dhinteen, lixda kalena way dhaacmeen” ayuu yiri Warsame Cabdi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan garaneyn cidda ka dambeysay falkaas iyo sababta ay u beegsadeen xafaladda arooska ah.

“Cid la garanayo oo hadda la dhihi karo ciddaas ayaa weerarka nagu soo qaaday iyo sababtaas ay usoo qaaday midna ma jirto” ayuu Warsame hadalkiisa sii raaciyay.

Booliska Ottawa ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo haatan wada baaritaano ku aadan weerarkaasi, ayaga oo dalbaday in laga gacan siiyo xoga baarista.

Canada ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro kala duwan oo lagu beegsado Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

FARATOON oo guddi muran dhalisay u saaray xeerka doorashooyinka Somaliland

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland Yaasiin Faratoon guddi Xildhibaanno ah u saaray iswaafajinta xeerka doorashooyinka iyo soo jeedintii la isla qaatay ee madaxda dhaqanka ee khilaafka doorashada.

Guddigan oo ka kooba 11 Xildhibaan ayaa loo asteeyay in uu keeno xeer doorasho oo waafaqsan isa-saarka doorashooyinka madaxweynaha iyo ururada siyaasada, kaasi oo dhawaan odayaasha dhaqanka soo jeediyeen ayna la qaateen mucaaradka iyo xukuumadda.

Guddigan ayaa durba buuq ka dhex dhalisay golaha iyada oo xildhibaanada qaar ka biyo diideen qaabka loo soo xulay, ayaga oo dalbaday in deg deg wax ka bedel loogu sameeyo.

Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay guddoomiye Faratoon ayaa sheegay in dib u sixid lagu sameynayo guddigan uu soo saaray, iyada oo bogga rasmiga ah ee golaha oo markii hore lagu baahiyay magacyada guddiga hadda laga saaray.

“Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uu ku qaybiyay guddida qaab deegaameed, waxaanu guddoomiyaha usoo jeedinay in xeerka cida samaynaysa ay noqoto guddida arrimaha guddaha iyo amniga,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada diidan qaab xulista guddigan oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah.

Tallaabada Faratoon uu qaaday ayaa imanaysa ka gadaal markii golaha wakiilada aqbalay digreetadii madaxweyne Muuse Biixi ee faraysay in xeer laga sameeyo soo jeedinta odayaasha dhaqanka, ee sida muuqata xalka u noqotay khilaafkii doorashooyinka ee mudada u dhaxeeyay mucaaradka iyo xukuumadda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay soo jeedinta odayaasha dhaqanka, taasi oo ka dhigan in Muuse Biixi uu ka tanaasulay qorshaha uu ku soo horeysiinayay doorashada ururada, si uu xisbiyada mucaaradka meesha uga saaro.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu markaas soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa dhawaan go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada, oo ay isku hayeen xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Si kastaba, Go’aanka madaxweynaha Somaliland ee soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ayaa sida aan ogaanay ku timid culeys ay xukuumadiisa wajaheyso, kaasi oo ay qeyb ka tahay jabhadda buurta Gacan-Libaax iyo dagaalka uga furan gobolka Sool.

DF oo shaacisay khasaare culus oo Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkii Dumaaye

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka soo saartay howlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, halkaas oo lagu burburiyay xaruntii ugu weyneed ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug.

“Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntii Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye, halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, kuna diyaariyaan qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Faahfaahintaan cusub eek a soo baxday dowladda waxaa lagu sheegay in xaruntaas ay sidoo kale hoy u ahayd horjoogeyaasha sare ee Al-Shabaab ka joogay degaanka Dumaaye.

“Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol,  waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa lagu sheegay warkaan in lagu dilay 167 xubnood oo Shabaab ah oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale, kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita, sida lagu sheegay qoraalka.

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo  nooca loo yaqaano BG, kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato khasaaraha gaaray dagaalamayaashii Khawaarijta ee goobta ku sugnaa.

“Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ka soo baxay dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dawladdu waxa ay cambaaraynaysaa in Khawaarijta oo ka aar gudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab  ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.”

Daawo: Prof. Jawaari oo shaaciyay laba cadow oo ay leedahay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay leedahay labada cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay doorka dowladda ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama ay u dhaqaaqday xoreynta dalka.

Waxaa kale oo uu boggaadin u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah kacdoonka ka socda dalka ee la’isaga dul qaadayo kooxda Al-Shabaab

“Shacbigan kacay oo garab istaagay ciidankeena dagaalamayaa waa ku amaanan yihiin Soomaaliya markaan tii hore oo aad taqiineyn maaha way soo scday ” ayuu ku daray.

Dhanka kale, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalkan, wuxuuna xusay in qof walba uu waajib ku yahay.

“Siyaasad tii lagu raadinaayay ma’aha tan waa tii mas’uuliyadda la wada qaadanaayay” ayuu mar kale yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Aqriso: Liiska mas’uuliyiin ku eedeysan musuq-maasuq oo loo gudbiyey Maxkamadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Ragaan oo gaaraya toddobo qof ayaa lasoo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyadooda, waxaana warqadda ku xusan in dhamaantood ay yihiin maqaneyaal oo hal masuul uusan ku jirin gacanta dowladda.

Toddobada masuul ee liiskaan ku qoran waxaa ugu horeeya Agaasime ku xigeenka guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cismaan Xasan Cosoble oo maqane ah.

Masuulka 2-aad waa Agaasimihii guud ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda Jacfar Maxamed Axmed.

Eedeysanaha 3-aad waa Cabdikaafi Xasan Maxamed Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo maqane ah.

Maxamed Xuseen Nageeye, waa eedeysanaha 4-aad wuxuu ahaa sarkaalkii hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda u qaabilsanaa qaadashada fiisa kordhinta.

Cabdixakiin Cabdullahi Cabdi waa eedeysanaha 5-aad, wuxuu la-taliye u ahaa agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda, intii u dhaxeysa 15-kii November 2021 ilaa 20-kii April 2023.

Eedeysanaha 6-aad wuxuu ka tirsanaa xafiiska Hantidhowraha guud ee qaranka, waxaa lagu magacaabaa Cabdalla Maxamed Axmed, wuxuuna ahaa agaasimihii qeybta IT-ga ee xafiiskaas, waana maqane sida ku xusan warqadda xeer ilaalinta.

Maxamed Ibraahim Axmed waa eedeysanaha 7-aad, wuxuuna ka tirsanaa waaxda fiiso kordhinta ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda – Sida ku xusan warqadda uu ku soo baxay liiskaan dhamaan eedeysanayaashaan waa maqanayaal.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano kale oo ku saabsan musuq maasuq ka dhaxay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, waxaana baaritaanka kadib lagu balan qaaday in eedeyntooda loo gudbi doono maxkamadda.

Sidee looga fal-celiyay arrintii uu maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isaga oo xiran dharka ciidanka xoogga dalka ka degay Maxaas, oo uu ku tegay diyaarad qumaantiga u kacda, taasi oo si weyn looga fal-celiyay.

Xasan ayaa halkaasi gaaray isaga oo ka duulaya dardar-galinta howl-galada ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha ee Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo Maxaas waxa uu wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doona saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka.

Xasan ayaa dhinacyadan ku boorin doona sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha oo muddo bil ah u jooga gobollada dhexe ee dalka howl-gallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Cabdisalaan Xasan: “Madaxweyne tuutaha ha dhigin illaa uu dalku nabad ka noqda.”

“Fariintii ugu danbaysay ayaad u dirtay khawaarijta,” ayuu yiri Sakariye Cali Dayib.

Saciid Maxamed Cumar: “Madaxweynaha shaqadaasi waa ka go’antahay Soomaliyeey garab istaaga.”

Haadi Maxamud Xasan ayaa isna waxa uu yiri: “Madaxwaynaha wuu dadaaala laakiin waxaa ku xariira rag lug goynaya Ilaahey waxaan ka baryaaya ragaas inuu ka qabto.”

“Maanta wixii kadambeeya waan ku tageerayaa madaxwayne dal xoreeye Ilaahay ha ku garab galo dadkeyga Soomaaliyeedow dalka haloo istago si aan nabad iyo barare ugu noolaano,” ayuu yiri Maxamed Cumar Mukhtaar.

Saliima Sheekh: “Ku dayasho ayuu mudan yhy mudane madaxweyne Xasan Sheekh guul.”

“Madaxweynuhu waa dadaalayaa laakiin waa inuu kuwa ciidamada shirqoola aad wax ka qabtaa,” Yaasiin Muuse.

Cabdiraxman Cabdullaahi Xasan: “Waxan marqaati ka nahay dadaalka naf hurnimada leh ee aad ku bixineyso xureynta dalka iyo dadka. Mudane madaxweyne ilaahey garabkaaga ha galo, guuleyso insha allah.”

Daawo: Dibadbax ka dhacay Muqdisho iyo Madaale oo go’aan ka gaaray mushaarka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay banaan-bax xoog leh oo lagu taageeray ciidanka qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab, sidoo kale dadka reer Muqdisho waxay galabta caalamka ka codsadeen in dowladda laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

“Al-Shabaab ha jabo, dooni meyno Khawaarijta hala-laayo, waan ku jihaadeynaa” iyo erayo kale oo adag ayey ku qeylinayeen dadkii maanta isugu soo baxay banaanbaxyada Muqdisho ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa ka hadlay fagaarihii lagu qabtay banaanbaxaas ayaa sheegay in shaqaalaha gobolka Banaadir mushaarkooda bishaan 9-aad ay ku taageeri doonaan dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.

“Waxaan idiin balan-qaadayaa in mushaarka shaqaalaha Gobolka banaadir bishaan loogu deeqay ciidanka xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale Duqa Muqdisho wuxuu ka codsaday goleyaasha kale ee dowladda in mushaarkooda ugu yaraan hal ay ugu deeqaan dagaalka, si dhaqaale yiri aysan u soo wajihin halganka xoreynta ah ee dalka ka socda.

“Dadka reer Muqdisho banaan-baxaan ay dhigayaan maanta waxaa looga soo hor jeedaa laba arrin oo kala ah, Khawaarijta iyo cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay garab siinayaan oo qaraxyada ay u sameeyaan dad ajaanib ah, sidaas darteed wuxuu duqa Muqdisho oo dhextaagan bulshada ku nool caasimadda uu dowladaha caalamka ka cosaday in dowladda Soomaaliyeed laga qaado cunaqabateynta hubka, si looga guuleysto cadowga.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa balan qaaday in barnaamijka uu hal abuuray ee ‘dalkaaga ku dhiso hal dollar’ loo weecinayo xoreynta dalka, iyadoo loo bedelayo ‘Dalkaaga ku xoreyso hal dollar.’

Hoos ka daawo

Xog: Khilaafka wasiir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar warbaahinta iyo bulshadaba ku dhex faafay ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya uu ka dhex jiro khilaaf.

Tuhunka khilaafka ayaa wuxuu sii xoogeysay markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ku dagaallameen xerada Cowsweyne, ka dibna ay soo baxeen warar sheegaya in khasaare xoog leh u halkaa ka dhashay.

Waxaa kaloo soo baxay in ciidanka dawladda ay ka bexeen goobo ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey barnaamijka X (hore loo dhihi jiray Twitter) in khaladaadka dhanka howlgalka, sahayda iyo xiriirka uu ka dhacay weerarkaas, Kuwaas oo uu sheegay in cashir laga baranayo islamarkaasna la sixi doono.

Laakin waxa uu madaxweynuhu sidoo kale sheegay inay guul weyn ay ciidamadu ka gaareen dagaalka Cowsweyne, oo khasaare ka badan kan iyaga soo gaaray la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab weerarka soo qaatay.

Goobahani, ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Dad xogogaal u ah khilaafka oo ka mid ah ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda iyo falanqeeyayaal ayaa intaba farta ku fiiqay in mushkiladda ay ka dhalatay khilaaf soo dhex galay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibrahim Sheekh Muxudiin.

Labada mas’uul ayaa ah labada qof ee marka laga yimaado madaxweynaha saamaynta xagga go’aan gaarista ku leh dagaalka Al-Shabaab.

Labada masuul mid ka mid ah wuu ka gaabsaday in uu naga la hadlo arrimahan iyo howlgalka ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Mas’uulka kale, kama uusan jawaabin wicitaankeenna. Saraakiil kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa qaabilsan xiriirka warbaahinta inta way diideen inay ka hadlaan arrimahan.

Astaamaha muujinaya khilaafka

Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo bartay siyaasadda iyo amniga, ayaa sheegay in ciidamo inta meel qabsada haddana kasoo baxa in ay caqabad ku tahay hawlgal socda, iyo in sidoo kale shacabka ay niyad jabaan.

Axmed Kaboole, ayaa tilmaamay in habacsanaanta, iyo kala amar qaadashada aan wanaag saneyn, ay muujineyso in taliska ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhiga in aanay wada socon, taasna laga dheehan karo khilaaf.

Kaboole, ayaa sheegay in ciidan aanu qaldamin, illaa hoggaanka uu qaldamo mooyaane.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir.

Khabiirka amniga, ayaa dhanka kale sheegay in inkastoo aanu ku dhex jirin ciidanka, haddana la odorosi karo, sida marka ciidan goob galaan, haddana ka baxaan, ama ay u weerarayaan kooxda Al-Shabaab, goobaha ay ciidamadu la wareegaan.

Kaboole, ayaan dhanka kale sheegay in mararka qaarkood khalad dhici karo, taasna ay tahay in wax laga barto, oo dadka wax ka barta ay hantaan, marka u danbeysa guusha.

“waxaad moodda in aan waxba laga baran khaladaadkii hore u dhacay, haddii aan la wada fariisan oo aan la isla fiirin khaladkii dhacayna waa adkaanaysaa in hawlgallada lagu guulaysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa taliska ciidanka iyo saraakiisha rayidka ah ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taas oo uu dareen ka muujiyay in shaki ka dhex muuqdo hadda.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

“Haddii khilaaf uu u dhaxeeyo taliyaha ciidanka iyo wasiirka gaashaandhigga, waxa ka dhacaya furimaha dagaalakaan aan u jeedno, waxaan is leeyahay waxay jawaab u tahay soo bixitaanka ciidanka” ayuu yiri khabiir arimaah amniga ka faallooda, si dhawna ula socda hawlagallada uu hogaaminayo madaxweynaha, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

Wuxuu intaa ku daray in haddii ciidan la siiyo amarro ama farriimo iska soo hor jeeda ay taasi abuurayso jahawareer.

“Madaxweynuhu inkastoo uu leeyahay hogaaminta dagaalka, misna mas’uuliyiintan ayuu uga dambeeyaa, laakin waxaa laga rabay inuu wato khubaro milateri iyo dad ciidanka hore taliyeyaal uga soo noqday, ka dibna sidaas lagu go’aan gaaro”, ayuu sii raaciyey.

Saamaynta khilaafka

Ciidanka dawladda waxay ka baxeen, inta la ogyahay deegaanno ay ka mid yihiin Wabxo, galcad, Ceel Dheer, mesagawaa, Budbud, iyo Ceelbuur oo muddo todobaad ka yar ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Goobahan ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo jiidaha hore ee dagaalka ku sugan ayaa sheegay in ciidankooda ay Ceelbuur uga bexeen “xeel dagaal”, laakin dadka wax indhaindheeya waxay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in ciidanka aysan go’doon gelin maadaama ay Wabxo dib ugu soo laabteen Al-Shabaab.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna todobaadkii hore sheegay in ay baari doonaan arrimaha horseeday in khasaare uu soo gaaro ciidanka milateriga. Isla arrintaas waxaa hore uga hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalbaday in baaritaan iyo isla xisaabtan laaga sameeyo dhacdadii Cowsweyne.

Waxaa farta lagu fiiqayaa in khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka la sheegayo inuu soo dhex galay uu samayn ku yeeshay hawlgalka. Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu hawlgallada socdo ka hadlo, halka wasiir C/qaadir Maxamed Nuur uusan ka jawaabin wicitaankeena.

Isha: BBC

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas billaabayna qorshe dib loogu kicinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad maanta tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Waxaa shalay isna Maxaas tegay Cali Jeyte guddoomiyihii gobolka Hiiraan, ee xil ka qaadistiisu ay muranka dhalisay. Ninkan ayaa hormuud fiican u ahaa dagaalka lagula jiro argagixisada, wuxuu ku jiraa dadka naadirka ah ee sida dhabta ah u muujiyay in laga adkaan karo argagixisada.

Cali Jeyte waxa uu la kulmi doona madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa kale oo halkaas ku sugan Xildhibaanno heer federaal ah oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Xogaha laga helayo ayaa sheegaya in safarkaan kahor ay wada-hadleen reer Hiiraan iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in la iskugu yimaado Maxaas, si inta dhiman loo dhameystiro.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in dib loo abaabulo ciidanka Macawisley oo ay ka garab dagaalamaan ciidanka xoogga dalka, haddii taas loo baahan yahayna reer Hiiraan waa muhiim.

Cali Jeyte ayaa ka horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay maamulka HirShabeelle, welina khilaafkaas lama xalin waxaana la filayaa iyada oo la eegayo baahida loo qabo in si midnimo leh loo galo dagaalka inuu madaxweyne Xasan Sheekh xaliyo arrintaas.

Dad badan ayaa qaba in marxaladaan dagaal uu Cali Jeyte muhiim yahay kaas oo muujiyay daacadnimo dagaal iyo abaabul loo riyaaqay. Safarka madaxweynaha ee Maxaas ayaa kusoo aadaya iyada oo dhawaan madaxweynaha sheegay inay dib u hagaajin doonaan qorshahooda dagaalka.

Waxyaabaha dib loo abaabuli doono waxaa kamid ah ciidanka la yiraahdo Macawisley. Sidoo kale waxaa muhiim ah in hoos loo dhigo dhamaan khilaafyada siyaasiga ah inta lagu jiro dagaalkan.

Dadka qaar ayaaa ku talinaya inay madaxweynaha la gudboon tahay inuu reer Hiiraan ka dalbado in aan wax siyaasad ah maanta la furin, oo marka hore loo dhaqaaqo in argagixisada laga soo dhameystiro Galmudug iyo HirShabeelle, kadibna loo soo wada jeesto doodaha siyaasiga ah iyo haddii ay jiraa waxyaabo ka qaldan awood-qeybsiga.

Dhanka siyaasiyiinta reer Hiiraan ee jooga degmada Maxaas waxaa laga soo warinayaa inay u diyaarsan yihiin in madaxweynaha si buuxda ugu garab istaagan, oo shuruudo badan iyo cadgoosi siyaasadeed midna la eegin waqtigaan oo Soomaaliya ay ku jirto guluf dhab ah oo ay iskaga saareyso argagixisada.

Kadib Maxaas waxaa sidoo kale la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh maalmaha soo aadan tago gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo iyadana laga abaabuli doono ciidan Macawisley ah, kadibna Macawisley iyo ciidanka xoogga dalka ayaa qaadi doona dagaal wada-jir ah oo argagixisada si buuxda loogu soo dhaafinayo labada maamul-goboleed ee Galmudug iyo HirShabeelle oo iyaga loo qorsheeyay wejiga koowaad ee dagaalka.