26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Sababta ciidanka xoogga loogu soo celinayo xerooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa helin wax nasiino iyo fasax ah muddo sanad iyo dhowr billood oo ay ku jireen dagaal toos ah oo ay la galeen kooxaha argagixisada

Gorgor, Danab iyo guud ahaan ciidanka xoogga dalka ayaa furinta ku hooyanayay muddo sanad ka badan, waxayna xabaddii ay kasoo bilaabeen hareeraha magaalada Muqdisho ku tageen Cowswayne illaa iyo Ceelbuur.

Waayahan dambe dagaallada kama qeyb-galin Macawisley, sidoo kale ciidanka ATMIS ayaa ku jirin dagaalka, taas oo ka dhigin in ciidanka xoogga dalka uu qaatay kaalin uusan qaadan tan iyo markii dib loo ambaqaaday dowlad dhiska Soomaaliya labaatan sano kahor.

Kadib weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cowswayne oo uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in khasaaraha dhankooda gaaray iyo midka argagixisada gaaray uu badan yahay midka argagixisada gaaray, haddana waxay dowladda go’aansatay inay dib u hagaajiso gulufkeeda oo la xisaabiyo haddii ay jiraan qaladaad iyo khasaarooyin laga baaqsan karay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu habeen hore Internet-ka kula hadlay madaxdii hore ee dalka, aqoonyahaano iyo qeybaha bulshada, kuwaasi oo iskugu yimid inay dhiiri-geliyaan ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in ciidanka lasoo wada aruuriyo, xeryahooda lagu soo celiyo oo nasiino la siiyo, maadaama aanay wax nasiino ah helin muddo sanad ka badan oo ay dagaal ku jireen.

Inkasta oo aanu madaxweynaha sheegin, haddana xogaha qaar ayaa sheegaya in dowladda qaadatay 15 maalmood oo dib u habeyn ah, waxaana askarta loo ogolaaday inay booqan karaan qoysaskooda.

Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xeelada, farsamada iyo niyadda ciidanka ay rabaan inay dib u hagaajiyaan mudaddaasi kooban, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen inay ciidanka xeryaha kusoo celiyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda qorsheyneyso inay isbedello ku sameysay qorshaha guud ee dagaalka, iyada oo ay dhici karto in dadka qaar laga beddelo doorkii ay markii hore ku metelayeen dagaalka ama la dhimo awooddii markii hore la siiyay, iyada oo sidoo kale taliyeyaal cusub loo magacaabi karo guutooyinka iyo qeybaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu rejo xoog leh ka muujiyay inay laba-kacleyn la imaan doonaan, uuna ku kalsoon yahay in laga adkaan doono argagixisada.

“Sanad iyo jarjarka dagaal Shabaab lagu jiray nin aan nasan oo maalintii uu dagaalka billowday illaa maanta taagna ordaayay oo xabad ridaayay oo qarax ka dul-dhacaayay, anagana fursad ma aanu haysan iyo awood aan ku kala badalno, hadda maadaama sidaas dhacday waa soo aruurinay xeryahooda ayaa lagu soo wada xareyanayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Intaas mudadaas kooban sidii dagaalka meeshii uu joogay aan dib uga soo noqon laheyn, oo lagu ilaalin lahaa meesha, uuna hore uga sii socon lahaa.”

MURSAL: Baydhaba lagama soo bixi karo, lamana tegi karo

0

Baydhaba Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dadag ee ka jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ugu horreyn Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hadda xoogiisa ka socdo deegaanada Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

Maxamed Mursal ayaa intaas kadib si adag uga hadlay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, isaga oo tilmaamay in aan la gelin karin, lagana soo bixi karin magaaladaas oo caasimad kumeel gaar u ah dowla dgoboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Caasimada KMG ah ee Baydhaba hal kiilo mitir lagama soo bixi karo, lamana tegi karo way go’doonsan tahay, waa la socotaan degmooyin ayaa go’doonsan toban iyo dhowr sano oo waxyaabaha daruuriyaadka ah u gudbi karin” ayuu yiri guddoomiyihii hore Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo ka dalbaday inuu u istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

“Waxaan leenahay nidaamka meesha ka jira adigaa laga rabaa inaad shacabka goobaabisid, inaad dagaal gelisid si ay isaga qaadaan gumeysigaas” ayuu raaciyay.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata syaasiyiinta iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan dagaalka Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Daawo: DF oo 1,500 askari u dirtay jiidda hore ee dagaalka

0

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah u dirtay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaarayaa illaa 1,500 oo askari ayaa laga sagootiyay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula hadleen xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Askartan ayaa isugu jirta Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo halkaas lagu diyaariyay, waxaana u dhameystiran qalabkooda iyo gaadiidkooda.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada ayaa u rajeeyay guul iyo inay xoreeyaan bariga gobolka Galgaduud.

“Waxaan rabaa horta inaan idin xaqiijiyo halganka, dadaalka iyo howsha aad ku jirtaan inuu yahay halgan iyo dadaal la’idinla ogyahay oo dowaddu ka war qaybto” ayuu yiri.

Dhankiisa Sarreeye Gaas Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule) oo kamid ah saraakiisha ciidamad Xoogg dalka ayaa ka hadlay goobta, wuxuuna sheegay in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biirayaan gulufka socda.

Gacmaduule ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanada laga soo baxay, wuxuuna sheegay in ujeedka u ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, haatana ay dib ugu labaan doonaan dhammaan magaalooyinkii iyo deegaanada ay kasoo baxeen.

“Waad ogtihiin hadda dib u habeyn ayaa la sameeyay ciidankii soo baxay dib ayaa loogu celiyay xeryahoodii habeyntii ayaa ku socota, maalmaha soo socda nin walba aaggii uu lahaa iyo goobta loo diro ka howlgeli doonaa” ayuu isna yire Sarreeya Gaas Gacamaduule.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa qayb ka ah qorshaha iyo abaabulka dagaal ee dowladda federaalka, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay Shaah-macabe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay qoraal lasoo dhigay akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la’yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab.

Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, oo aan la hadalnay ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha.

“Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno,” ayay tiri.

Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.

“Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

Maxay hore qoyska Shaah-macabbe uga yiraahdeen arrintan?

Jawaahir Baarqab oo markii uu soo baxay warka ah in la la’yahay taliyaha la hadashay BBC ayaa sheegtay in qoys ahaan aysan caddeyn karin inuu nool yahay ama inuu geeriyooday.

“Marka horeba askariga Soomaaliyeed isteellaha marka uu xirto geeri iyo nolol ayuu u dhaxeeyaa marka nin taliye ah oo guuto dhan loo dhiibay wiilal badan oo Soomaaliyeed ayuu madax u ahaa, annaga nolol iyo geeri waan naqaanaa, walaalkay wuu imaan doonaa hadduu Alle idmo oo uu nool yahay haddii uu dhintana waa ehelu janno, laakiin isagoo caafimaad qabo inuu yimaado baanu jecel nahay. Meesha caano shub uma uusan tagin Ugaas la soo duubaayo ma uusan ahayn, guul iyo geeriba ninka ragga wuu ka filanayaa goobta dagaalka,” ayay tiri Jawaahir.

Laakin Jawaahir Baarqab waxay sheegtay inaysan ogeyn halka ay ka keeneen dadka baraha bulshada ku soo qoraya inuu geeriyooday Shaah macabbe.

Waxay sheegtay in geeridiisa ay xaqiijin karaan wasaaradda gaashaan-dhigga, warfaafinta ama taliyaha milatariga Soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo ay qasab tahay in loo sheego oo ay aasaan haddii uu geeriyooday.

Dhanka kale waxay sheegtay inay jiraan xogo ay heleen oo tibaaxaya in Taliyaha uu nool yahay oo uu badqabo oo shaqo qaran ku jiro.

Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya Cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle.

Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe.

Isha: BBC Somali

Daawo: Muxuu Madaale ka yiri degaanadii laga soo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Madaale ayaa marka hore boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay in lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanadii ay dhowaan ka soo baxeen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin farsamo iyo xeelad milatari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay inay ku laaban doonaan furinta dagaalka.

“Ciidamada muddo badan ayay meesha ku jireen dhuudhuujin ayaa loo soo qaaday xeryahooda ayayna joogaan, waana laabanayaan” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada iyo duqeymaha ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana uu tilmaamay in la burburiyay saldhigyo waa weyn iyo xarumo kale oo ay laheyd kooxda.

“Dagaal marka la galaayo qaabab badan ayuu leeyahay, xeelado dagaal ayuu leeyahay cadowga beryahaan cirkaa laga duqeynaayay” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Yuusuf Madaale ayaa kamid ahaa madaxdii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ee todobaadkii hore booqashada ku tegay taliska ciidamada ee degmada Aadan Yabaal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Galmudug oo uu weli ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog laga helayo weerar lagu qaaday Xerada Sheekh Maxamed Rage + Khasaaraha

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino ayaa ka soo baxaya duqayn xoog leh oo shalay ka dhacday deegaanka Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay saakay si ba’an u garaaceen Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaankaasi.

Xeradan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana loo arkaa goob muhiim u ah joogitaanka Koonfurta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in xilligii ay duqayn dhaceysay uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaaf Shabaabka dhexdiisa ah uu jiray, lana doonayay in shirkaasi lagu xaliyo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad laba boqol oo nin lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee Sabtidan ka dhacay xeradaasi.

“Kuwii ka soo badbaaday dagaalkii Cowsweyne ayaa meesha soo galay, halkaasaana lagu afjaray,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Deeq.

Marka laga soo taggo hadalka Gudoomiyaha, dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare lixaad lihi uu maleeshiyadu ka soo gaaray duqayntaasi, isla-markaana gelinkii dambe ee shalay ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo.

Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee xubnaha Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen.

Duqayntu waxay imaanaysaa, xilli la abaabulayo hawlgal ballaaran oo qorshuhu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.

Baarlamaanka maamulka Puntland oo qaadaya tallaabo la xiriirta doorashooyinka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan ansixiyo guddiga rasmiga ah ee doorashooyinka Puntland ee PEC.

Maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan ayey mudaneyaasha golaha wakiilada maamulka Puntland ay ansixin doonaan xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka, sida ay illo wareedyo xilkas u sheegeen Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa la filayaa in fadhiga baarlamaanka Puntland uu gebi ahaanba xirmo kadib marka la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee PEC.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isagna afar ugu maqan dalka dibadiisa ayaa isla maalinta Talaadada ah ee toddobaadkan qorshuhu yahay inuu dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni oo aad ugu ololeeyo doorashada qof iyo cod, oo qeybo kamid ah maamulkaasi uga qabsoomtay.

Baarlamaanka Puntland ayaa kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland, iyaga oo isku raacay in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

Dib u dhaca Mujtamacaadka iyo qaab fikirkooda

0

Aan marka hore isku raacno in ay kala duwan yihiin “Caqliga Shaqsiga” iyo “Caqliga Mujtamaca ama Bulshada”.

Caqliga shaqsiga ah waa sifo bayooloji ah oo lagu garto nooca bini aadamka, iyadoo aan loo eegin bulshada uu ku nool yahay iyo meesha uu ku nool yahay..

Sababtaas awgeed, la yaab ma leh in qof dhallinyaro ah oo u dhashay Soomaaliya ama Senegal uu ka sare maro imtixaannada (IQ) qof u dhashay Jarmalka ama Japan.. Laakiin marka aad ka hadasho celceliska guud ee bulshooyinka xaaladdu way kala duwanaan doontaa oo waxaad ogaan doontaa in “celceliska” garaadka wadamada horumaray ay si cad uga sarreeyaan “celceliska” garaadka ummadaha aan hormursanayn.

Sababtu waxa weeye caqligu waa isku-dhafka deegaanka iyo hab-dhiska neerfaha.. Xagga hab-dhiska neerfaha, ma helaysid farqi u dhexeeya maskaxda qofka ku nool waddan horumaray iyo mid kale oo ku nool wadan dib u dhac ah. Saamaynta ka jirta bulshada (sida dabeecadda dhaqanka, tayada waxbarashada, iyo bisaylka ilbaxnimada) ayaa laga yaabaa inay sare u qaaddo ama hoos u dhigto celceliska garaadka guud ee Soomaalida ama Senegaleseka.

Tani waxay ka dhigan tahay in ay jiraan dad doqon ah oo caqli leh (wax soo saarkooda kama dambaysta ah), inkastoo qof kastaa uu wadaago isla arrin maskaxeed. Waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo xaqiiqadaas xaqiijiyay, kuwaas oo uu ugu caansan yahay Irish Dr. Richard Lian oo lagu daabacay 2002 kitaabka IQ AND THE WEALTH OF NATIONS.

Waxa cajiibka ah ee buuggan ku jira ma aha oo kaliya marka la is barbar dhigo celceliska garaadka 65-ka dawladood ee adduunka, balse sidoo kale waxa uu isku xidhayaa celceliska garaadka iyo dakhliga qaranka ee quruumaha laftooda. In kasta oo Dr. Richard uu qiray in dakhliga qaranka lagu maamulo arrimo badan, haddana waxa uu isbarbardhigga tirooyinka ku caddeeyay in celceliska garaadka dadku sareeyo, heerka qaran ee dalka oo dhan uu sareeyo.

Sannadkii 2006-dii waxa uu soo saaray buug kale oo naxdin leh oo ciwaankiisu yahay IQ IYO CAALAMKA ISBARBAR-DHIGID CUSUB, kaas oo uu ku soo bandhigay isbarbar-dhig cusub oo u dhexeeya garaadka oo dhinac ah, iyo dimuqraadiyadda, celceliska nolosha, heerka aqoon-la’aanta iyo heerka hal-abuurka ee dhinaca kale. Sida laga soo xigtay daraasaddan, waxaa soo baxday in Jarmalku yahay dadka ugu caqliga badan Yurub. Celcelis ahaan garaadka bini’aadamku waa 100 dhibcood, laakiin dadka Jarmalku waxay gaadhaan 108 dhibcood (celcelis ahaan IYO guud ahaan), waxaa ku xiga Talyaaniga, Swiss, Holland (107.7), Poles (106) iyo Iswidishka (104). ..!!

Si loo fududeeyo fikradda, waxaa soo baxay khariidado (oo ku saleysan daraasadahan) oo muujinaya heerarka garaadka – meelaha ay dadku ku nool yihiin – iyo xiriirka ay la leeyihiin dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo dakhliga qof kasta.

 Waxaad arki kartaa adoo galinaya jumlada soo socota Google ka: INTERNATIONAL IQ MAP si cad oo fiican kaalimaha koobaad , iyo sida ay iskugu xigxigaan:  Canada, Israel, America, Australia, Russia iyo New Zealand, ka dibna Argentina, Malaysia, Thailand, Turkey iyo dalalka Bariga Yurub, ka dibna kaalinta shanaad waxaa soo galay Iran, India iyo dhammaan dalalka Carabta, ka dibna kaalinta ugu dambeeya oo dhan. Dalalka Afrikada Koonfureed ee Saxaraha!!

Si looga fogaado isfaham la’aan ama eedayn isir nacayb ah..waxaa la tilmaamay in maqaalkeenu uusan la xiriirin wax-garadka shakhsi ahaaneed, laakiin uu yahay mid la xidhiidha caqli-galnimada guud, kaas oo saameeya tayada waxbarashada. dabeecadda dhaqanka, iyo heerka xiisaha caanka ah ee hal-abuurka iyo sareynta cilmiga.

Waxa jira bulshooyin caqli badan oo dhiirigaliya hal-abuurnimada iyo wax-soo-saarka, iyo bulshooyin doqonnimo ah oo hal-abuurka niyad-jebiya, hibadana dila, markaa waxa aad goosanaysaan horumar-la’aan, colaad iyo wax-soo-saar dhaqaale oo daciif ah… ee bal eeg halka aad ku nooshahay.

W/Q: XUSEEN XAAJI BARKHAD

Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas

0

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweyntiisa.

Magaalada ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud horudhac u ah safarka madaxweynaha, kuwaas oo labadii maalmood ee la dhaafay gaaray halkaasi.

Sidoo kale waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo ciidamo dheeraad ah oo lagu daabulay degmada Maxaas, si ay xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi.

Madaxda kale ee joogta Maxaas ayaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte oo shalay magaaladaasi gaaray, isla-markaana sheegay in uu qayb ka noqon doono qorshaha dagaal ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo la kulmo doono ciidamada iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale madaxweynaha dowladda federaalka ayaa kormeeri doono saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kale ee ku yaalla magaaladaas, si uu u qiimeeyo xaaladda guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.

Si kastaba, safarka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin iyo deegaano ku yaalla gobollada dhexe.

Shaqaalaha doorashada Maraykanka oo dil loogu hanjabay

0

Washington (Caasimada Online) – In ka badan toban qof ayaa guud ahaan dalka Maraykanka waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira, inay u hanjabeen qaar ka mida shaqaalaha doorashada.

Shaqaalaha dawladda ayaa inta badan xilliyada doorashooyinka waxay la kulmaan hanjabaado kala duwan. Xoghayayaasha gobollada iyo khubarada kale ayaa iyagu arrintan ka digaya.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar ka mida taageerayaashiisa ayaa marar kala duwan ku soo celceliya, sheegashooyin been abuur ah oo tilmaamaya, in la xaday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyaga oo bulshada ku dhex qaybiya aragtiyo been abuura oo ka dhan ah, shaqaalaha doorashooyinka.

Khubarada kala duwan ayaa cabsi weyn ka qabta, in doorashada sannadka 2024 ay ka sii xumaan doonto, tii hore, iyaga oo ugu baaqaya dawladda federaalka ah, inay la timaaddo, tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha doorashada.

Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2021 waxay abuurtay xafiis si gaara ula socota hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaha doorashooyinka, kuwaas oo baadhis ku sameeya dembiyada la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Xafiiskan ayaa baadhis ku sameeyey in ka badan 2,000 oo warbixinood oo la xiriira, hanjabaado iyo cagajuglayn ka dhan ah shaqaalaha doorashada.

VOA+ AP

FIQI oo sheegay inuu basbeelay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay howlgal dhanka cirka ah oo maanta laga fuliyay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Fiqi ayaa sheegay in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga lagu burburiyay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobolka Mudug, kaas oo ku yaalla deegaanka Dumaaye oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolkaasi.

Wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray, kadib duqeyn lagu garaacay halkaasi.

“Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kiu daray in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Xilliga ay duqeynta dhaceysay ayaa sidoo kale waxaa goobta uu shir uga socday xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraal looga hadlay howlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray.

Deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 50 km dhanka waqooyi ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay saldhigyo muhiim ah ku leedahay kooxda.

Daawo: Cali Jeyte oo ka hadlay safarka Xasan Sheekh ee Maxaas, wacadna ku maray…

0

Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta Maxaas tegay ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, safarka Madaxweynaha iyo go’aankiisa siyaasadeed.

Ugu horeyn wuxuu sheegay Cali Jeyte in Maxaxweyne Xasan Sheekh uu berri tegayo magaalada Maxaas, isagoo u kuurgeli doona abaabulka ciidan ee ka socda aagaas iyo tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan.

“Mar hadii aan waxaba la isku ogoleyn ma dhici doonto in raali la wada ahaado, Soomaalidu waa dad wax isku darsaday, dowladnimada waxaan ku wada ilaasha karnaa inay dadka ka dhaxeyso,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in kooxdaas laga guuleysan doono muddo aan dheereyn.

“Waxa naga qaldan waxaan ku sixi karnaa aragti caafimaad qabta, tusaale intii aan joogay gobolkaan Hiiraan lagama hirgelin hal mashruuc, Maxaas waxaa laga dhagaxdhigay garoon diyaaradeed, mashruucii lagu dhisi lahaana halka loo weeciyey waad ogtihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Mar uu soo hadal qaaday masiirkiisa siyaasadeed wuxuu wacad ku maray inuu ka faa’iideysa doono dareenka taageerayaashiisa, isla markaana uu ku dhaqaaqi doono wax kasta oo raali ay kaga yihiin.

“Dadka ku nool degmadaan Maxaas waxaan u balan qaadayaa inaana dayici doonin, waa igu balan ilaahey inta aragtideydu la egtahay masiirkeeda inaan ku dagaalamo,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee hobolka Hiiraan Cali Jeyte oo Maxaas ku sugan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah Dhuusamareeb degan ayaa lagu wadaa inuu berri u safro degmada Maxaas, halkaas oo qaar ka mid ah ciidamadii furinta ka soo baxay ay ku sugan yihiin, sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuurgelaya tabasho ay beesha Xawaadle ka qabto maamulka HirShabeelle.

Hoos ka daawo

Daawo: C/Casiis Laftagareen oo ballan-qaad cusub kasoo saaray dagaalka Al-Shabab

0

Baydhaba (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo wajigiisa labaad hadda laga sii bilaabay deegaanada maamulkaas.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu horeyn u mahadceliyey madaxweyne Xasan Sheekh oo muujiyey sida ay uga go’antahay in laga guuleysto Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ciidamada qaranka ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan dadkooda iyo dalkooda oo cadow laayaan ah uu ka dhex dilaacay.

Dagaal shalay ka dhacay degmada Qoryooley ayuu soo hadal qaaday Laftagareen, wuxuuna ciidanka Daraawiishta ee maamulkiisa ku amaanay sida ay u laayeen kooxdii soo weerartay oo ugu yaraan 30 dagaalame laga dilay.

“Nasabnimo iyo Gobanimo ma sheegan karno ilaa aan Khawaarijta iska xorayno, KGS waxay diyaar u tahay dabargoynta argagixisada, hadda waxaan sii bilownay wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa hadalkaan ka jeediyey munaasabad uu galabta xarigga kaga jaray xarun cusub oo Bangiga Dhexe uu ka furtay magaalada Baydhaba.

“Waxaan garab taaganahay Howlgalka socda ee Dalka looga xoreynayo Khawaarijta Alshabaab ee horseedka uu u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Xasan Shekh Maxamuud,” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed wuxuu galabta bulshada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab, isagoo balan qaaday in maamulkiisu uu awooda isugu geyn doono dagaalka.

“Qeybaha kala duwan bulshada iyo siyaasiyiinta waxaan ugu baaqaya inay kaalintooda ka qaatan ciribtirka cadowga duulanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Laftagareen.

Hoos ka daawo

20 xubnood oo Al-Shabaab ‘ah oo lagu dhex-dilay’ guri

0

Afgooye (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab laguna gaarsiiyay khasaare xoogleh.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Kuntuwaaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab.

Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi.

“In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ayaa intaasi ku daraya in xubnaha lagu dilay howlgalkan ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku sugnaa guriga la weeraray.

“Howlgalkaan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaankaas” ayaa mar kale lagu yiri.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyo iyaga iyo ciidamada dowladda.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay wasaaradda gaashaandhigga + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaraddaaasi.

Xamza ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo lu kulmay hoggaanka wasaaradda iyo saraakiila ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah dalkana ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.

Waare oo Xasan Sheekh uga digay inuu safar la galo wasiirka gaashaandhigga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, isla-markaana haatan ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud.

Waare ayaa uga digay madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya inuu la safro wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isaga oo ka dalbaday in uusan kusoo darin wafdiga u soo raacayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

“Wax fiican ma dhici doonaan,” ayuu qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare ma faah-faahin ujeedka farriintiisa iyo sababta uu farta ugu fiiqay wasiirka gaashaadnhigga oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in lagu sameeyo isla xisaabtan isaga iyo saraakiisha kale ee ciidanka Xoogga dalka, si wax looga weyddiyo weeraradii ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadan deegaanka Cowswayne iyo degmada Galcad oo dhaliyay khasaare lixaad leh.

Farrintaan ayaasi aad ah ugu baahday baraha bulshada, waxaana ka dhashay shaki iyo su’aallo ay is-weydiinayaan dadka oo la xiriirta digniinta uu Waare u diray madaxweynaha.

Arrintan ayaa kusoo aadayso, ayada oo tuhun xoogan uu ka dhashay weerarkii Cowswayne oo jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda, kadib markii lagu laayay askar badan.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahay degmada Maxaas, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynetiisa.

Daawo: Baarlamanka oo tallaabo culus qaadaya ka dib weerarkii Cowswayne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay weerarkii xooganaa ee ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay su’aallo, iyada oo dowladda Soomaaliya lagu dhalillay inay dayacday askartii lagu laayay halkaasi.

Xildhibaan Maxamuud Jeego oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu weerarkaas wax ka weyn diin doono wasiirka gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, si la’iskula xisaabtamo khasaaraha dhacdadaasi.

“Baarlamaankan wuxuu ka shaqeeyaa siyaasad & sharci dajin wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa laga wareysan doonaan wixii ka dhacay Cowswayne” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Jeego ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka sidiisaba uu ka dhasho dhimasho iyo dhaawac, balse waxa uu ka digay in la niyad-jebiyo ciidanka Xooggga dalka

“Howlgal marka uu dhaco dhimasho iyo dhaawacbaa waa ka dhashaa laakiin yaan la niyad-jebin cadowgaba waa dhintay, waana dhaawacmay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dagaallada ka socda furinaha dagaalka ay ku jabeen Al-Shabaab, isla-markaana waqtigooda uu yahay gabaabsi.

“Waa jabay codowga goobo badana waa laga saaray inta dhiman oo haraadigaana way ka bixi doonaan” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada madaxweyne Xasan Sheekh oo isna xalay hadlay uu qiray in Cowswayne ay noqotay meesha kaliya ee lagu soo jebiyay ciidamada dowladda.

Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanayaa kuwa caalamiga ah ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Dumaayo oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha goobta ku sugnaa ay ku jireen horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad kale.

“Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socda deegaanka Dumaayo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu xoogoodu ka socdo guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug.

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqidsho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada.

Qaraxa ayaa dhashay gaari nooca raaxada ah, wuxuuna ka dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay markii hore ka shakiyeen ciidamada ammaanka, isla-markaana uu qarxay xilli lagu howlanaa in baaris lagu sameeyo.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba nin oo la socday baabuurka qarxay, kuwaas oo la horgeyn doono cadaaladda.

Doodishe ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxaan uusan geysan wax khasaare nafeed ah oo soo gaaray ciidamada fashiliyay iyo sidoo kale dadka shacabka ah.

Qaraxan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa goobta uu ka dhacay, ayada oo muddo kooban uu hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda.

Al-Shabaab oo jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro culus.

Madaxweyne Xasan oo qiray in ciidamada dowladda lagu soo jabiyay Cowsweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay kulan ka dhacay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee ay dowladdiisa kula jirto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa qiray in ciidamada Xoogga dalka lagu soo jabiyayay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan intaba.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in taasi ay keentay in ciidamada dib loogu soo celiyo xeryahooda, si u nastaan, niyaddana loogu dhiso.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale madasha kusoo bandhigay guulaha ay illaa iyo hadda dowladdiisa ka gaartay dagaalka ka socda inta badan gobollada dalka.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay is garabsanaya ay dhul baaxad leh ka qabsadeen kooxda, tan iyo markii uu billowday gulufka, wuxuuna sheegay in guullo waa weyn oo muhiim ahj ay gaareen ciidamada huwanta.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in haatan uu gabagabo yahay wajiga koowaad ee howlgalka, isla-markaana ay kasoo dhammaan doono HirShabelle iyo Galmudug, kadibna qorshaha uu yahay maamullada kale, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ‘Al-Shabaab’ waa mid gabagabo ah oo guul jooga, ciidamadu marka la eego halka ay dhaqaaqeen waxa ay sii socdaan in ka badan 300 oo Kiilo-mitir, Dowladda & Shacabka oo iskaashanaya waa ka go’an in aan soo afjarno nimankaas caadeystay in ay dhiigga daadiyaan ee dalka dhibaatada ku ah, waxyar ayaa dhiman ee aan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Ugu dambeyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqiisii ku aadan in shacab & dowlad loo midoobo dagaalka socda oo hadda maraya meel wanaagsan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan madaxweynaha Soomaaliya uu joogo jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu tegay inuu ka hogaamiyo dagaalka.