26 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Sidee looga fal-celiyay qoraalkii Sheekh Shariif?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay qoraal uu shalay soo saaray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo uu si adag uga hadlay weerarkii Cowswayne oo ay ku baxeen saraakiil iyo askar badan, oo la sheegay in ay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar.

Shariif ayaa waxa uu sheegay in aan laga sii aamusnaan karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, ayna tahay in masuuliyadeeda qaataan dadka ay quseeyso.

“Masuuliyadiisa waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu yiri “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.”

Shariif ayaa dalbaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana la siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.

Haddaba sidee looga fal-celiyay hadalka Shariif?

Saalax Haashim Axmed: “Alleyle mudane Madaxweyne waad haleeshay dayaca jiro dhinaca ciidanka ah. Inkastoo aad ka yara gaabiseen, hadana waa arin soodhawayn mudan ka hadalkeeda.”

Cabdishakuur Axmed ayuu yiri “Danta Soomaaliya waxaa ugu muhiimsan in hebel fashilmo. Very sad!.”

“Madaxweyne wiilasha dhintay wax laga aamusi karo maahan dayacii loo geestay,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Xasan.

Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.”

Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxaan waa boor isku qaris.”

“Booskii lagaaga baahnaa kama soo bixin Sheekh Shariif, meeshi aan kaa maleysaneenay iyo meeshaad soo istaagtay kala dheer,” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Mahad Wabar: “Mahadsanid mudane madaxweyne waa garab taaganahay ciidanka qaranka Soomaaliyed.:

Cabdiqaadir Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Madaxwayne wax magaaratadaan ha u joojin isu qaba inay dadka ugu caqli badan yihin.”

“Adeer waxaa tahay mucaarad aan wax mabda laheyn,” ayuu yiri Yaxye Cabdullaahi Xasan.

Cabdullaahi Cawil: “Yaa kaso dhex hadlaayo walaalow iscadey oo muuqaal soo duub.”

“Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka.

Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.”

Mursal oo soo saaray farriin ku socota K/G iyo Jubbaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyp bartamaha waddanka Soomaaliya.

Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay jabka kooxda lagu gaarsiiyay Galmudug iyo HirShabelle oo kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada culus.

Maxamed Mursal ayaase tilmaamay in abaabulka socda laga gaabiyay dhanka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu xusay inay haatan isugu tageen xubnaha Al-Shabaab,

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta iyo madaxda maamulladaas inay gabeen doorkooda, isla-markaana aysan ku dayan dadka Galmudug iyo HirShabelle, isaga oo usoo jeediyay inay diyaar garoobaan, si ay kooxda Al-Shabaab uga xoreystaan dhulkooda.

Waxa kale oo uu ku baaqay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ka qayb qaato halganka socda, si Al-Shabaab looga xoreeyo dalka oo dhan.

Maanta waxaa la joogaa xiligii qof weliba uu muwaadinku is weydiin lahaa in lasoo gaaray doorkii uu ka qaadan lahaa dagaalka lagu ciribtirayo khawaariijta, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka dhul baaxad weyn oo ah Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Waxaa Koofur galbeed iyo Jubbaland laga rabaa in ay diyaargarow sameeyaan maadaama meelaha ay salka la galayaan ay tahay, waxa ay ila tahay in loo istaago lana baraarugo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Geedi oo soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidanka la dagaalamaya Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa soo saaray baaq culus oo ku aadan in laga wada qayb-qaato dagaalka adag ee haatan dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Geedi ayaa ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed looga baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta uu dagaalka uga qayb qaadan karo waxa uu awoodo, isaga oo taageero u muujinayo ciidanka Xoogga dalka.

“Waxaa nala gudboon kulligeen inaan dagaalka galno haddaan Soomaali nahay mid qoray qaata mid maskaxda ka dhaqa kuwa la khalday, mid xoolo biya” ayuu yiri Cali Geeddi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidamada haatan la dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab, taas oo ah in loo fiuro sanduuq lacag loogu uruurinayo.

Cali Maxamed Geedi ayaa xusay in lacagtaas looga maarmi doono kaalmo laga sugo dibadda, ayna wax u tari doono ciidamada dagaalka iula jiro kooxda Al-Shabaab.

“War sanduuq dhaqaale hala abuuro, haddii qado, quraac iyo casho laga cuno magaalooyinka iyo meelaha ladan hal laga dhigo ayaan dhihi lahaa ee inta halagu deeqo ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiis raaciyay.

Mr. Geedi ayaa kamid noqanaya siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee haatan bilaabay inay taageero u muujiyaan dagaalka haatan ka socda furinta hore ee gobolllada dalka.

Soomaaliya ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxda Shabaab, balse wuxuu marayaaa dagaalku meeshii ugu adkeyd, kadib go’aanka Xasan Sheekh ee ku aadan xoreynta dalka.

DF oo qoraal cusub kasoo saartay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku balan-qaadeyso inay sii xoojineyao dagaalka dhanka dhaqaalaha ee dowladdu ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay si joogta ah ugu hawlantahay ciribtirka khawaarijta Argagixisada ah ee dhibka badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa intaas ku sii daray “Hawlgalka ciidan ee ciidamadeena geesiyaasha ah hormuudka ka yihiin, waxaa bar bar socda dagaal ka dhaqaale iyo fikir ee ka dhanka ah Khawaarijta.”

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegtay inay hormuud ka tahay dagaalka qeybta dhaqaalaha ee dowladda federalka Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa qoraalkaan ku sheegay in ay ka go’an tahay Dowladda in Argagixisada lagala dagaalo dhinac kasta.

“Iyada oo laga duulayo siyaasadda hogaamineed ee Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, Ma jirto meel looga laabanayo dagaalka lagula jiro Argagixosada oo hada Dowladdu ay waddadiisii guusha cagta saartay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirka ayaan intaas ku sii daray, “Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay door muuqda kaga jirtaa la dagaalanka maalgelinta Argagixisada, si loo naafeeyo awoodooda maaliyadeed iyo dhaqaale.”

                                          

                                       

Daawo: C/kariim Guuleed oo damiir xumo ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaal socda, isaga oo nasiib darro iyo damiir xumo ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dagaalka socda uu yahay mid dalka looga xoreynayo argagixisada, loogana dulqaadayo shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku hayeen sanado badan, ayna tahay in lagu barbar istaago dowladda iyo ciidanka.

“Waxaa rabaa in marka koowaad hambalyo u diro ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee marwalba dagaalka iyo halganka ugu jira in dalka ka sifeeyaan nimanka argagixisada ah ee Khawaarijta ah” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay guullo horleh ka gaareen dagaalka socda, hase yeeshe ay dhici karto in khasaare soo gaaro ciidanka maadaama uu dagaal ku jiro, sidaas darteed ay wax laga xumaado tahay in la siyaasadeeyo.

“Dagaal sidiisaba waa guul iyo guul-darro ayuu leeyahay in xataa mararka qaar la turaanturoodo, waa shey dabiici ah meel aysan adduunka ka dhicina ma jirto. Haddaa nahay shacabka Soomaaliyeed, dadka waxgaradka ah iyo siyaasiyiinta waxaa nagala rabaa in xaalad kastaba in aan ciidanka hamigooda iyo qalbigooda u dhisi laheyn u howl-galno.”

Ergeyga ayaa waxa uu ku baaqay in siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee xilalka soo qabtay ay qeyb ka noqdaan garab istaaga iyo dhiiri-gelinta ciidanka, si aan fursad loo siin kooxaha argagixisada.

“Dhamaanteen waxaa waajib nagu ah in aan meel uga soo wada jeesano oo halmar inaga oo wada mideysan aan gacanta wada saarno. Runtii waxaa aad uga xumahay in la-dagaalanka argagixisada iyo halganka ay ku jiraan dowladda iyo ciidamadeeda in dad qaar ay siyaasadeeyaan, qaarna ay dano iyo masaalix siyaasadeed ay ka dhex raadiyaan, arrintaas ayada ah waxaa u arkaa arrin dadnimada iyo damiirka ku fiicneyn.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa fiican in la kala saaro wixii siyaasad ah iyo wixii jiritaan ah. Waxaa u haystaa la-dagaalanka nimankaan nabad-diidka ah inay tahay arrin jiritaan ah uma haysto arrin siyaasadeed ama u gaar ah maamulka markaas jooga.”

Ugu dambeyntiina wuxuu carabaabay in weerarkii Cowswayne la siyaasadeeyay, maadaama dhacdooyin lamid ah weerarkaasi ay dhaceen intii lagu guda jiray dagaalka Al-Shabaab, ayna tahay sunaha dagaalka in marna la guuleysto marna ay wax kusoo gaari karaan, balse aysan gaarsiisneyn sida loo buun-buuniyay, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo muuqaalka

DF oo shaacisay tirada dagaalamayaal badan oo laga dilay Shabaab soo weeraray Qoryooley

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraalkaan oo ka aoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri “In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmada Qoryoolay.

“Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Khawaarijta oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka

Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Al-Shabaab-kii soo weeraray degmada ee ka baxsaday dagaalka, waxaana meelaha qaar daadsan meydadkooda, sida ay sheegtay dowladdu.

“Ciidanka Qaranka Saaxiibada Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta duulaanka ku ah dadkeena, dalkeena iyo diinteena,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada qaranka ku qaada weerarro afjar ah ayaa la sheegay inay ku jabeen weerarkii ay galabta ku soo qaadeen degmada Qoryooley.

Ciidamada dowladda oo ka war helay weerarkii kooxdaas ayaa u diyaarsanaa, waxayna isaga difaaceen si adag, dad ku sugan Qoryooley ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaal culus oo galabta ka dhacay gudaha iyo daafaha degmadaas.

Daawo: Gaas oo dagaalka Al-Shabaab ka soo saaray baaq ku socda seddax garab

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray farriin ku socota seddax dhinac, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Farriinta koowaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray culimada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay ku celceliyaan wacyi-gelintooda, si dhalinyarada ay qaldayaan looga badbaadiyo diin la’aanta Khawaarijta.

Wuxuu qiray in culimadu dadaashay oo isugu timid shirweyne ay uga fadwoodeen Khawaarijta, balse hadda wuxuu ku sii adkeeyey inay joogteeyaan radinta, tusaaleynta qaladaadka diimeed ee Khawaarijta iyo wacyigelintooda bulsho, si looga badbaado afkaar kasta oo xagjirnimo u jiheen karta jiilka soo koraya.

Farriinta labaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray ganacsatada Soomaaliyeed, “Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay jeebkooda furaan, waa inaad dhaqaalihiina ku taageertaan dagaalka Khawaarijta, sababtoo ah cida ugu faa’iidada badan hadii amni la helo waa ganacsatada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Farriinta 3-aad ee ugu dambeysa wuxuu Cabdiweli Gaas u diray siyaasiyiinta, “Waxaa laga rabaa siyaasiyiinta inta wax kasta meel la iska dhigo in dagaalka Khawaarijta loo midoobo, anaga oo Soomaali ah oo mideysan ayaan ka guuleysa karnaa Al-Shabaab, laakiin hadii aan kala qeybsano waa naga guuleysanayaan,” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.

Ugu dambeyntii Gaas wuxuu rajo weyn ka muujiyey in goor aan dheereyn laga guuleysa doono Khawaarijta Al-Shabaab, “Sida aan u hubo inaan dhimanayo ayaan u hubaa in waqti dhow aan Shabaab ka guuleysa doono, waxaa ii muuqata in meesha ugu dambeysa ee aan gaari doono ay noqoneyso ‘Shabaab oo laga guuleystay iyo Soomaali oo midowday,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Hadalka Gaas ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya uu ka bilowday olole siyaasadeed oo xoog leh oo lagu taageerayo dagaalka Al-Shabaab, inta badan waxaa soo hashay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo xaqiijiyey inay dowladda iyo shacabka ku garab taagan yihiin dagaalka.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa maalmahaan aad u tebineysa shirar jaraa’id oo siyaasi kasta uu ku qabtay meesha uu joogo, si uu u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan ololaha lagu taageerayo dowladda iyo shacabka oo dagaal adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Daawo: Wasiir Cabdirisaaq oo shaaciyey 3 arrin oo xasaasi ah oo ay Maxaas u tageen

0

Maxaas (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee XFS  Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka degay magaalada Beledweyene ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Cabdirisaaq oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ayaa sheegay inay u sii gudbayaan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wasiir Cabdirisaaq ayaa shaaciyey in seddax arrin ay u tegayaan magaalada Maxaas, waxay kala yihiin:

1 – In ciidanka xoogga dalka ee Maxaas jooga ay ku dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka, kuwaas oo ka soo laabtay furinta deegaanka Wabxo, isla markaana isugu tegay Maxaas.

2 – In ay dhiirigeliyaan ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan.

3 – Inay garab istaag u muujiyaan Madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud oo sida uu sheegay wasiirku aad ugu baahan garab istaaga dadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in wixii ka dambeeya berri oo Sabti ah uu safar ku tegayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo toddobaadkaan ay gaareen ciidamo ka soo gadooday furimaha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay jaho wareer xoog leh ayaa soo wajahay howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, kadib markii ciidamada qaranka ay soo baneeyeen furimaha dagaalka ee deegaanadii laga xoreeyey kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa qorsheynaya inuu Maxaas kula kulmo saraakiisha ciidankii soo baneeyey furimaha, sidoo kale r/wasaaraha ayaa todobaadkaan ciidamadaas qaar uga hortegay degmada Aadan-yabaal, isagoo ka codsaday inay furimaha ku laabtaan.

Hoos ka daawo hadalkii wasiirka

 

Hay’adda xaqiijisay in SSC-Khaatumo ay hayso 300 oo maxaabiis Somaliland ah

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in 43 mayd laga soo ururiyey toddobaadkii lasoo dhaafay jiidda hore ee dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood.

Qoraal ka soo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen.

Sidoo kale waxay hey’adaan xaqiijisay in dadkaas ay ku jirin afar maxbuus oo dhaawacyo  qaba kuwaas oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC.

Bayaankaan oo soo baxay Jimcihii maanta waxay ICRC ku sheegtay in 110 oo kale ay geeyeen isbitaalka, kuwaas oo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaalkii saldhigga Goojacadde.

Somaliland oo maalin ka hor war kasoo saartay sida loola dhaqmo ciidamadii looga qabtay dagaalka ayaa xoogagga SSC xasuusisay xeerka caalamiga ah ee Geneva oo dhigaya xuquuqda maxaabiista dagaalka iyo dhaqanka islaamka.

Boqolaal qof ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, waxayna ICRC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay booqato maxaabiista labada dhinac, si loo ogaaday nolosha lagu hayo.

Shaqaalaha hey’adaas ayey Somaliland u ogolaatay inay booqdaan maxaabiis laga qabtay xoogagga SSC, kuwaas oo ku xiran xabsiyada magaalada Hargeysa.

Eedeynaha ku xusan warbixintaan ayaa muujinaya inuu jiro beegsi lagu sameeyey xarumihii qaabili lahaa dhaawacyada ee isbitaallada, inkastoo wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ay horay u beenisay in ciidamadeedu ay duqeeyeen isbitaalka magaalada guud ee Laascaanood oo dhibaatada ugu badani ay soo gaartay.

Aw Xirsi oo cambaareeyey ‘bahdilka iyo masaafurinta’ Mahad Sheekh Muxyidiin

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadam Ibraahim Aw-Xirsi ayaa si adag u cambaareeyey bahdil, jirdil iyo tarxiilid la sheegay in Jubbaland ay u geysatay Mahad Sheekh Muxyidiin oo horay ay uga soo wada tirsanaayeen golaha wasiirrada ee maamulkaas.

Aadan Aw-Xirsi oo aad u mucaarada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo oo mar uu wasiir ka soo noqday ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray cambaareyntaan ku socotay maamulka Jubaland.

“Bahdilka iyo masaafurinta lagula kacay saaxiibkeygii hore ee aannu ka wada tirsanayn  Golaha Wasiiradda Jubaland Mahad Sheekh Muxyidiin oo ay sameeyeen ciidamada maamulka uu muddo-xileedku ka dhamaaday  ee magaalada Kismaayo aad baan u cambaaraynayaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Aw-Xirsi.

Waqtiga uu ku soo aaday beegsigaan ayuu sidoo kale farta ku goday wasiir Aw-Xirsi, isagoo sheegay in shaki weyn ay ka qabaan in tarxiilkaan uu la xiriiro dagaalka Al-Shabaab.

“Ku soo beegidda falkaan xilli ay umadda Soomaaliyeed dagaal aan waxba la isula harin kula jirto argaggixisada Al-Shabaab-na waa mid shaki weyn abuuri karta,” ayuu yiri Aw-Xirsi.

Dawladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aan qofna laga celin karin, lagana musaafuri karin dalkiisa, balse hadda ma jiro war raami ah oo ku saabsan tarxiilkaan cusub ee maamulka Jubbaland uu ku kacay oo ka soo baxay dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa siyaasad adag ku maamula dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas, taasi oo u sahashay inuu in ka badan 10 sano sii heysto xukunka, iyadoo mucaarad kasta uu waxaba ka qaadi waayey.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad u xushmeysa Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah Ra’iisul wasaaraha dalka, sidoo kale wuxuu Axmed Madoobe galaangal xoogan ku yeeshay gudaha dowladda dhexe, sida baarlamaanka, wasiirrada iyo xafiiska Madaxweynaha intaba.

C/llaahi Maxamed Nuur oo shaaciyey tirada 10 cisho uga soo goosatay Al-Shabaab

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya oo hadda ah la-taliye ka tirsan xafiiska Madaxweynaha dalka, sidoo kalena ah Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ciidamada qaranka la wadaagay tirada dagaalyahanada iska soo dhiibay Al-Shabaab.

Agaasime Cabdullahi oo ka mid ahaa masuuliyiin ciidanka kula hadashay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab kasoo goostay 10-kii cisho ee u dambeysay ay ka badan yihiin 200 oo qof, sida uu sheegay.

“Intii aad howlgalkaan ku jirteen 10-kii cisho ee u dambeysay, waxaa iska soo dhiibay oo ka soo baxsaday Khawaarijta dhalinyaro aad u badan oo 200 ka badan,” ayuu yiri.

Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa intaas ku sii daray in hoggaamiyeyaashii kooxda ay bilaabeen inay isisoo dhiibaan, maadaama aysan jirin sabab ay u sii dagaalamaan.

Wuxuu sidoo kale ciidanka ugu laab qaboojiyey inay Shabaab jabeen oo sidii hore ay wax badan ka niyad xunyihiin, taas oo macquul ka dhigeysa inay is wada dhiibaan, hadii lagu sii wado dagaalka.

“Dadka aad la dagaalameysaan ma garanayaan waxa ay ku dagaalamayaan oo waa ogyihiin inay ku socdaan wado qaldan, kuwii ugu sareeyey oo is dhiibaya ayaad idaacadaha ka aragteen, raggaas carruurta islaameed qaldaya waxay carruurtooda u diyaariyeen nolol wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha xarunta Tubsan.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in xafiiskiisa uu waajib ka saaran yahay in qof kasta oo la xaqiijiyo inuu ka soo haray fikirkii Khawaarijta ay u sameeyaan dhaqancelin, si loogu soo celiyo bulshada isagoo badqaba.

“Waajibka na saaran, diinteena suubana ay na fareyso waa in qofkii ka soo hara fikirkaas oo cadeeya in la qaldan aan dhaqan celino, fursado wanaagsan ayuu heli doonaa qofkii soo doonta cafiska loo fidiyey,” ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Nuur.

Hoos ka daawo

Red Cross: 43 bodies collected in Las Anod fighting

0

Las Anod (Caasimada Online) – The International Committee of the Red Cross (ICRC) announced that 43 bodies had been recovered within the last week from the embattled Las-Anod area, the locus of ongoing conflict in the self-declared republic of Somaliland.

The humanitarian organization added that the Somali Red Crescent Society had shuttled 110 wounded civilians to hospitals in the same period.

Patricia Danzi, the ICRC’s director-general, observed, “Amidst the political conflict, we must not forget the human tragedy unfolding. Our paramount concern is for civilians caught in the crossfire.”

Somaliland, which split from Somalia about 30 years ago, has been locked in a protracted struggle with the Puntland state of Somalia over control of Las-Anod, the capital city of the Sool region.

This conflict pits Somaliland’s security forces against clan militias loyal to Somalia’s Puntland state.

Who’s fighting whom, and why?

Somaliland’s aspiration to be an independent state has faced stiff resistance from clan militias desiring reintegration into Somalia.

The dispute concerns territorial claims, cultural heritage, and unresolved political tensions.

Beyond the fatalities and injuries, the conflict has spurred a massive migration crisis. Many residents have fled the city, with hundreds of thousands displaced.

Furthermore, the ICRC reported widespread damage to civilian infrastructure in Las Anod.

A Controversial Standoff: The Treatment of Captured Combatants

The government of Somaliland condemned circulating images purportedly showing the mistreatment of captured Somaliland soldiers.

In a statement, it reminded all parties of their obligations under the Geneva Conventions and Islamic traditions regarding the treatment of prisoners.

The ICRC disclosed that its personnel recently visited 300 detainees held by the militias, four of whom required immediate hospitalization.

Dr. Sa’ad Ali Shire, Somaliland’s Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, stated, “While we strive for peace, both parties need to adhere to international protocols.

It’s crucial, particularly for the detained, who are still human despite the circumstances.”

Accountability and transparency

Earlier this year, Somaliland’s defense ministry vehemently denied allegations that it had targeted Las-Anod’s primary hospital with artillery fire. Independent verification remains elusive.

As the conflict simmers, questions about accountability, humane treatment of detainees, and the devastating impact on civilian life loom more extensive by the day.

Amid geopolitical maneuverings, ordinary citizens bear the heaviest burden—underscored by the grim statistics presented by international humanitarian organizations.

Shariif oo soo saaray jawaab culus: Lagama aamusi karo qaladaadka jira ee sababay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay weerarkii Cowswayne oo ay ku baxeen saraakiil iyo askar badan, kaasi oo la sheegay in ay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar.

Waxa uu sheegay in aan laga sii aamusnaan karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, ayna tahay in masuuliyadeeda qaataan dadka ay quseeyso.

“Msuuliyadiisa waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caddeeyay inuu si buuxda u garab taagan yahay dagaalka ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada Al-Shabaab.

“Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba,” ayuu markale ku yiri qoraalka uusoo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif ayaa waxa kale oo uu dalbaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana la siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen, sida uu yiri.

“Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.”

Hadalka Shariif ayaa imanaya ka gadaal markii madaxdii hore ee dalka ay saacadihii lasoo dhaafay ku baaqeen in la taageero dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli xiisad culus ka dhalatay weerarkii u dambeeyay ee lagu laayey askar badan, oo la sheegay inay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar ee hoggaamisa ciidanka.

Understanding the local context is key to addressing fragility in Somalia

0

The current topical narrative and policies around supporting fragile states has been shaped at the highest levels of the development community by bilateral and multilateral actors including international financial institutions like the World Bank, African Development Bank, IMF, and the Islamic Development Bank. This is good news because these institutions were traditionally established for, and focused on, supporting those member countries that were simply able to borrow for development and pay back their loans. Now, with the global challenges of rising conflict, the war in Ukraine, the climate emergency, and regular environmental shocks, plus the lingering economic pain of the COVID-19 impact across most parts of the world, addressing fragility has rightly become a serious concern for the main international development players.

The drivers of fragility in developing countries are various and include conflict, extreme poverty, weak governance, and, sadly in some cases, a lack of commitment by governments to undertake real socio-economic reforms to improve the future of their countries and the lives of their citizens. These are often compounded by the underlying risks that make fragile states even more likely to remain fragile or regress into an even worse state of conflict and violence – factors such as rising inequality, youth unemployment, lack of basic public services and political disagreements or instability.

Somalia, by all international measures, is one of the most fragile countries in the world. This is due to the legacy of almost three decades of civil strife, lack of government and public institutions as well as conflict. Since 2012, when Somalia had its first internationally recognised government, led by President Hassan Sheikh Mohamud – then serving his first term, and currently serving his second, a decade later – the Somali authorities have been working hard to reverse the country’s fortunes. This has not been easy. Fragile countries cannot just wake up one morning and be better. For Somalia, the journey from fragility to sustainability is long, tough and very much ongoing.

Most people who have not seen Somalia in the past decade still have images of a failed state. Somalia is definitely no longer a failed state, but the negative stereotypical lazy depiction is understandable because the global media narrative is such that unless you have a seamless, possibly miraculous transformation process in this new age of globalization and hyper-global connectivity and interdependence, a country and people’s efforts to develop are not worth mentioning. This narrative ignores the daily activities of the Somali government, people and all international partners that go into paving the way for this positive developmental transformation to happen sustainably going forward.

What makes, and keeps, a state fragile is complex and requires a thorough understanding of the country and its people’s history, culture, values, geography and even capabilities. In Somalia, despite all the civil strife, the Somali people have developed their resilience by supporting each other through a network of kinship, community solidarity, and in business even in the absence of a functioning state.

Today, Somalia has one of the most advanced telecommunication networks in East Africa and remains a pioneer in the use of mobile money which is crucial for financial inclusion and reducing poverty. The Somali Diaspora still sends home over one billion US dollars in remittances to their families. Successive Somali governments have been actively and successfully fighting the Al-Qaeda linked international terrorist group Al-Shabaab with the support of regional and international partners.

More importantly, Somalia is on track to complete its economic reform programme guided by the International Monetary Fund (IMF), and is expected to secure debt relief under the Highly Indebted Poor Countries Initiative by the end of this year. This will no doubt be a socio-economic game changer and a major achievement for a country that remains among the most fragile in the world.

The most important question now is, how can Somalia successfully transition from fragility to stability and, eventually, sustainable development? On the face of it this should be fairly straightforward. Somalia is strategically located in the Horn of Africa and has one of the longest coasts in the world, 8.5 million hectares of arable land, and vast amounts of livestock, natural resources including oil and green energy and blue economy potential.

The Somali government has been working hard for years to pass the legislations to improve the investment environment and instill the legal frameworks to attract and increase inward and foreign investment in all these untapped sectors. However, despite all these and domestic revenue mobilization efforts and public financial management improving significantly since 2012, Somalia’s national budget is still small compared to all neighbouring states and over 50% of this comes from external donors. Furthermore, according to the World Bank, currently only 4.4 % of GDP comes from national taxes, which is the lowest in Africa and the world.

For Somalia’s vast untapped resources to contribute to helping the Somali people escape the painful and costly trap of fragility, including the constantly looming possibility of famine, the government must successfully finalise its ongoing economic reforms, and deliver on its ambitious inclusive politics and good governance aspirations.

On their part, international partners should continue to support a Somali-led and Somali-owned state and public institution-building efforts that have been steadily taking shape since 2012.  In addition, real investment in human capital, education and skills, basic healthcare and peace building (rather than peacekeeping) activities at the community level alongside inter-communal dialogue and reconciliation will deliver the most impact in terms of further strengthening national resilience in Somalia. Perhaps, even more importantly, it will be wise to listen and learn from the lived experiences of project and policy beneficiary groups in all localities to design interventions that are appropriate, cost effective and easy to sustain by grassroots and local and national government agencies. This is fiscally prudent, morally correct and will enhance the vital citizen-state relations.

Somalia’s fragility is arguably not only of its own making as billions of dollars of humanitarian and development aid have been poured into Somalia from across the world since the early 1990s. Many Somali citizens, the real beneficiaries, and donors are rightfully asking themselves “What has been the developmental impact other than short term emergency response outcomes?” To learn from this past, a review of the effectiveness of the last three decades of aid structures and utilization must be undertaken.

Furthermore, with improving Somali institutional capacity, legal frameworks, and public financial management, there is an increasingly strong case for using more of the Country Systems by donors to support Somalia and further strengthen institutions and increase developmental impact on the ground.

Fragile countries are unique and, in an increasingly interconnected world with global geopolitical, economic and security interdependence, it is important to translate fragility policies and intentions into deliverable and impactful development programs on the ground. In Somalia, like in every other fragile state (and they are increasing in number), understanding the unique local context (s) and national ownership and leadership will be key to achieving this.

Liban Obsiye is Head of the Strategic Economic Unit at the Ministry of Finance of the Federal Government of Somalia.

Cabdishakuur Cali Mire: Mas’uuliyad ayaa naga saaran badbaadinta jiritaanka ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ka hadlay dagaalalda dalka ka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay bad-baadinta ciidanka xoogga dalka.

“Waajib ayey nagu tahay garab istaaga hawl-gallada dalka looga xoreynayo kooxaha argagaxisadda ah, mana ahan arrin cid gaar ah lagu raali galinayo ee waa masuuliyad qaran,” ayuu Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. 

Waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale mas’uuliyad qaran ayaa naga saaran badbaadinta jiritaanka ciidanka xoogga dalka, waana in Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya qaado talloobooyin lagula xisaabtamayo cidda iska leh masuuliyadda dayaca keenay khasaaraha soo gaaray CXD.” 

Xildhibaanka ayaa u muuqday inuu u jawaabayo dadka diidan in laga hadlo guuldarrooyinka ciidanka iyo khaladaadka sababay in kuwa badan lagu laayo weeraro ay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadkii tegay askar badan looga dilay weerar ka dhacay deeganaka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeyso in ciidanka la geeyey xilli laga digay inaan sidaas la sameyn.

Xogta ayaa sheegeysa in wasiirka difaacca Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu bixiyey amarkaas, inkasta oo taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ay ka digeen in deegaanku ku yaallo meel aanay ciidamada kale ee dowladda ka dhoweyn balse uu ku adkeystay. 

Sidoo kale Isniintii, ciidamada dowladda ayaa dib uga soo gurtay deegaanada kale ah; Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad, oo ay ka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Dhacdooyinka ayaa keenay in su’aalo la iska weydiiyo habka ay dowladda ku wajaheyso dagaalka iyo khaladaadka dhacay, balse xubno ka tirsan dowladda ayaa isku dayaya inay aamusiyaan cid kasta oo arrintan ka hadasha, ayada oo lagu calaameynayo inay taageerto Al-Shabaab.

Sawirro: Ciidanka Puntland oo howlgal culus ka billaabay magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran ka bilaabay howl-gal ballaaran, kadib dalab uga yimida hoggaanka SSC-khaatumo.

Waaxda miino baarka u qaabilsan Booliska maamulka Puntland ayaa howl-galkaan ka sameeyay Laascaanood, kaasi oo lagu burburinayo haraaga hubkii ciidamada Somaliland ku garaaceen halkaasi.

Bayaan kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo ay ka dalbatay fulinta howl-galkaan, si uusan waxyeelo u geysan haraaga aan weli qarxin ee hubkii ciidamada Somaliland ku garaacday magaalada Laascaanood.

“Howl-gal lagu burburinayay haraadigii iyo hubkii ay Somaaliland ay ku garaacayeen Gobolka Sool ayay Ciidanka booliska DPL Waaxda miina baarka ka sameeyeen magaalada Laascaano iyo deegaanada ku xeeran kadib markii ay maamulka SSC-khaatumo ka codsad sadeen fulinta howl galkan Taliska Ciidanka Booliska Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Saraakiisha ciidanka booliska oo ilaalinaya nidaamka dowladnimo iyo badqabka bulshada ayaa iga oo fulinaya amarka taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Mumin Abdi Shire ayaa shaqadan naf hurnimada leh waxay maalmaha soo socda ay ka qaban doonaan dhammaan goobihii lagu dagaalamay ee gobolka Sool.”

Arrintaan ayaa imaneysa xilli SSC-khaatumo uu dhawaan sheegay in maamulkooda uu hub ka dhigis caadi ah ku sameeyay ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, kadib dagaalkii Jimcihii horay jabka xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada Somaliland.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale dhawaan gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Karaash oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ayaa halkaasi kula kulmay hoggaanka maamulka SCC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka magaalada iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa taageero xooggaan u muujiyay SSC-Khaatumo, inkasta oo SSC ay ku taameyso maamul u gooni ah, xilli ay xukuumadda Somaliland qorsheynayso duulaan aargoosi u ah dagaalkii Jimcihii horay ka dhashay Laascaanood.

Madaxweyne Muuse BIIXI oo ku wajahan Sool iyo SSC oo heegan galisay ciidankeeda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku wajahan deegaano kamid ah gobolka Sool, xilli dhawaan uu ku dhawaaqay aargoosi ka dhan ah dagaalkii SSC ay Jimcihii horay ku jabiyeen ciidamadiisa.

Safarkaan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaya wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo sida la sheegay kasoo jeeda deegaanada uu tegayo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si gaar ah waxa uu saldhiggan doonaa deegaanka Oog. Deegaankan ayaa himika ah halka ay gobolka Sool kaga sugan yihiin ciidamada Somaliland, oo laga soo saaray dhamaan saldhigyadii iyo difaacyadii ay halkaasi kaga sugnaayeen.

Madaxweynaha ayaa marka uu halkaas gaaro waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona askarta iyo saraakiisha ciidanka Somaliland ee kasoo badbaaday dagaalkii cuslaa ee Jimcihii toddobaadkii horay ka dhacay gobolka Sool, isaga oo ka dhageysan doona warbixinta sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu madaxweynaha iclaamiyo duulaan ka dhan ah SCC-Khaatumo, oo iyagu toddobaadkii hore ka qabsaday hub iyo askar badan, oo ay ku jiraan taliyeyaashii ciidanka hoggaamineysay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in SSC-Khaatumo dhankeed ay adkeeysay difaacyadeeda, islamarkaana ay heegan buuxa galisay ciidamadeeda, si ay uga hor tagto duulaan kasta oo uga imaan kara Somaliland.

Sidoo kale waxaa sareysa baqdinta inuu dagaal kale ka qarxo qeybo kamid ah gobolka Sool, kaasi oo noqon kara mid ka xooggan iska hor-imaadyadii horay u dhexmaray labada dhinac.

Si kastaba, Somaliland ayaa dhawaan markii u horreysay qiratay jabkii Jimcihii toddoba horay kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markaas ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.

Dowladda oo ka hadashay sababta ciidamada uga soo baxeen magaalada Ceelbuur

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa qirtay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay dib uga soo gurteen magaalada Ceelbuur, oo 25-kii bishan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay xeelad dagaal uga soo baxeen magaaladaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in waddooyinka oo aan isku furneyn awgood ay ciidamadu dib uga soo gurteen magaalada, isla-markaana ay dib ugu laaban doonaan.

Wasiirka oo ku sugan furimaha dagaalka ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegay in hadda uu socdo dib-u-qaabeynta dagaalka uu qorshuhu yahay in Shabaabka lagaga saaro dhulka ay kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

“Waddooyinkii ayaanan isu xirneyn oo isu socodka ayaa la rabaa hadda in la hagaajiyo, waana shaqooyinka halkan aanu u joogno. Aad iyo Aad ayay u sahlan tahay in maanta Ceelbuur la taggo, laakiin waxaa muhiim ah inay isku xiran yihiin ciidamada, meel kastoo ay joogaan,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa yiri “Xeelad dagaal bay ciidanku uga soo baxeen magaalada, wax kale oo hadda ciidankeennu ay tabayeen oo weyn ma jiraan, haddana aagaggii markii hore ay ka dhaqaaqeen ayay ku sugan yihiin, abaabulkii uun baa kala hormaray, haddana abaabulkii iyo guud ahaan isku xirnaantii ciidanka ayaa la sameynaya.”

Waxa uu sheegay in ciidamadu wajahayaan dhul uu Shabaab ku xidideystay, isla-markaana ay markii hore caqabado ka qabsadeen, sidii waddooyinka la isugu furi lahaa, haddase uu yoolkoodu yahay, in marka hore ay xaqiijiyaan isu socodka, ka dibna ay gaaraan magaalooyinka iyo deegaanada la xoreynayo.

“Waxaan wajahayno waxaa weeye waa ciidan xidideystay oo muddo dhowr iyo toban sano ah halkan joogay. Ciidankaas meel kasta ayuu ku beeran yahay, miinooyin ayuu meel kasta dhigay, isku furankii waddooyinka ayay cilado badan ka jiraan oo u baahan in waddooyinka ay isu furmaan,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Ciidamada ka soo baxay Ceelbuur iyo Wabxo oo hadda ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay halkaasi ka wadaan abaabul iyo diyaargarow ay mar kale ku qabanayaan dhulka u dhaxeeya min Maxaas illaa Ceelbuur.

Shabaabka ayaa Arbacadii dib ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur, oo muhiim u ah joogitaankooda Gobollada Dhexe.

Cumar C/rashiid oo ku baaqay in loo midoobo arrin dalka uusan horay uga socon karin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa soo saaray baaq cusub.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda federaalka Soomaaliya lagu taageero dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka.

“Al-Shabaab waxay khatar ku tahay jiritaankeenna, waana inaan ku taageernaa dowladda dadaalka ay ugu jirto ciribtirka khatartaas,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo laba mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Sida cad, dib-u-habaynta xeeladaha iyo ciidamada waa lagama maarmaan, laakiin waa inaan sidoo kale qirno shaqada wanaagsan ee ay ciidamadeenna xoogga dalka iyo kuwa difaaca madaniga ay ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dalka uusan horay u soco karin haddii aan la soo afjarin kooxaha argagixisada, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay sii wadaan taageerada dagaalka.

“In la guuleysto waxay dan u tahay dadka iyo dalka, sidaa aawadeed waxaan ku boorinayaa shacabka in ay garab istaagaan dowladdooda,”ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Baaqa ra’iisul wasaarihii hore ayaa imaanaya maalin kadib markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ay ku baaqeen in la taageero dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa si dardar leh ku socda, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Dhuusamareeb u saldhigtay dhameystirka wejiga koowaad ee dagaalka, si loo bilaabo wejiga xiga oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Saddex natiijo weyn oo ka dhashay safarkii Xamza ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalin kahor socdaal ku tegay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo uu kula kulmay inta badan saraakiisha hoggaamineysa dagaalka lagula jiro argagixisada.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday xilli dowladda ay aaminsan tahay in ciidanka kala fur-fur ka dhex bilaabeen saraakiil ku xiran siyaasiyiin dibad joog ah, oo dalka xilal kasoo qabtay, kuwaasi oo la sheegay inay diidan yihiin inuu Xasan Sheekh qaato libinta dagaalka argagixisada.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shalay ka sheegay Aadan Yabaal in la xisaabinayo oo aan laga hareyn kuwa dibin-daabeynaya halganka dagaalka iyo isku duubnida ciidanka.

Saddex natiijo ayaa la sheegay inuu dhalay socdaalka Xamza ee degmada Aadan Yabaal, kuwaasi oo kala ah;

1. Qanaacada ciidanka

Ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inuu kusoo guuleystay inuu qanciyo askarta furinta joogta iyo saraakiisha hoggaamineysa dagaalka, isaga oo kusoo qanciyay in la saxaayo dhamaan waxyaabaha sida saxda ah u muuqda ee qaldamay iyo sidoo kale in laga qabanaayo kuwa danaha guracan ku dhex wada ciidanka, iyada oo aan loo eegayn heerka masuuliyadooda.

Ciidanka ayaa la sheegay inay ku qanceen ballan-qaadyada ra’iisul wasaaraha iyo heegan ahaanshaha ka muuqda waxayna go’aansadeen inay markale u dhaqaaqan furimaha dagaalka.

Natiijo weyn ayaa loo arka oo saamaxeysa inuu dagaalka u dhaqaaqo sida intii hore ka xoog badan.

2. Go’aan qaadasho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu safarkaasi kasoo helay xogo uu ku go’aan qaadan karo. Marwalba oo ciidanka dhex gasho waxaad ogaaneysa waxyaabo aadan ogeyn markii aad jiifto Villa Somalia.

Illo xogagaal u ah xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo xiganayaa in ra’iisul wasaaraha ka fikirayo inuu go’aan ka qaato shaqsiyaadka qaar, kadib markii uu soo dhageystay ciidanka iyo saraakiisha. Waxaana go’aanadaas sida weyn loo sugayo ay cadeyn doonaan masuuliyada qaladaadka waxayna tamar cusub gelin karaan dagaalka.

3. Adkeynta hadafka dagaalka

Xamza iyo ciidanku waxay isla qaateen ballan ah in aan dagaalka laga soo noqon oo meel cidlo ah la dhigin dhiigga raggii u dhintay inay argagixisada ka sifeeyaan inta u dhaxeysa Muqdisho illaa Ceelbuur.

Ciidanka xoogga dalka iyo madaxdooda ayaa ra’iisul wasaaraha ka ballan-qaaday inuu hadafka dagaalka sidiisa yahay, ayna u dhaqaaqayaan dhameystirka argagixisada, halka uu ra’iisul wasaaraha ballan-qaaday dalacsiin iyo dhameystirka xuquuqda ay u qalmaan ciidanka xoogga dalka.

Safarkaan ayaa u muuqday inuu ciideeyay qorshaha ay sheegtay dowladda inay siyaasiyiinta qaar ku mashquulsanayeen maalmahan ee kala fur-furida ciidanka qaranka iyo fashilinta dagaalka argagixisada.