26.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Taliyihii guutada Khaalid Binu Waliid ee ciidanka DF oo ‘nolol iyo geeri’ lagu la’yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), oo ahaa ah Taliyaha guutada Khaalid Binu Waliid ee ciidamada xoogga dalka ayaa weli nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Taliye Shaah-macabe ayaa la waayay wixii ka dambeeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaasi oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud.

Ciidanka uu hoggaaminayay taliyaha la’ weysan yahay ayaa markaas qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa ku sugnaa xerada markii ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerarka, illaa iyo haddana waxaa lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Al-Shabaab oo maalmo kahor soo bandhigay muuqaalka weerarkii Cowswayne, weli ma aysan sheegin in sarkaalkan uu ka tirsanaa saraakiishii iyo ciidamadii ay ku dileen weerarkaasi.

Dhinaca kale, qaar kamid ah qoyska sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoyskoodu aaminsan yahay inuu nool yahay Shaah-macabe, oo uu ku maqan yahay shaqada qaranka.

“Xogaha aan helayno oo ay dadku noosoo sheegayaan waxaa waaye inuu bed qabo oo caafimaad qabo, ninkaasi uu shaqo qaranka ku jiro,” ayey tiri Jawaahir Baarqab oo la hadashay BBC.

Sidoo kale waxay sheegtay inay warbixin ka sugayaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiishii ay wada shaqaynayeen taliyaha la weysan yahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saarin arrintaan, inkasta oo wasiir ku-xigeenka warfaafinta uu beeniyay in sarkaalkan nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay dowladda ku weyday saraakiil muhiim ah, oo ay kamid yihiin taliye ku-xigeenkii Danab Xasan Tuure, taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo taliyihii guutada 3-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogg dalka, Abshir Shataqeey.

Ururka Taliban oo saxiixday qandaraasyo balaayiin dollar ah

0

Islamabad (Caasimada Online) – Xukuumadda Taliban ee ka talisa Afghanistan ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay heshiisyo ku kacaya illaa $6.5 billion oo dollar ay la galeen shirkado ka kala socda dalalka Shiinaha, Iran, Turkiga iyo Britian.

Shahabuddin Dilawar oo ah wasiirka macdanta iyo batroolka ee Taliban ayaa sheegay inay toddobada qandaraas ee ay bixiyeen ay ku saabsan yihiin, soo saarista iyo habaynta dahabka, naxaasta, birta, rasaasta, iyo macdano kale oo ay caan ku tahay Afghanistan.

Xafladda lagu saxeexayey heshiisyadan oo si toosa loogala socday warbaahinta ayaa lagu soo beegay sannad-guuradii labaad ee markii ay isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayeen ay ka soo baxeen dalka Afghanistan.

Wasiirka macdanta iyo batroolka ee Taliban ayaa sheegay in shirad ka socota dalka Shiinaha lagula heshiiyey inay dahab ka soo saarto deegaanka Takhar, kaas oo xukuumadda Taliban ay heli doonto 65% faa’iidada ka soo baxda, shanta sano ee soo socota.

Dilawar ayaa sidoo kale sheegay in qandaraasyo kale la siiyey shirkado ka socda Turkiga, Iran iyo Britian, si ay maalgashi ugu sameeyaan macdanta iyo farsamaynta birta ee deegaanka Herat.

Xukuumadda Afghanistan ayaa qaadan doonta 13% oo ka mida faa’iidada soo baxda muddo 30 sannadood ah.

Pakistan: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu dilay 9 askari

0

Islamabad (Caasimada Online) – Weerar is-miidaamin ah oo loo adeegsaday mooto ayaa waxaa lagu weeraray kolonyo ciidamo ah, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Pakistan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in xilligaasi ay marayeen gobol aad u durugsan oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Weerarkan is-miidaaminta ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 9 ka mid ah ciidamadii la bartilmaameedsaday, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmadda Bannu oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ku yaalla xuduudda Pakistan la wadaagto Afghanistan, sida laga soo xigtay garabka warbaahinta ee ciidamada milateriga.

Ra’iisul wasaaraha xil-gaadhsiinta ee Pakistan, Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa fariin uu ku daabacay boggiisa X, ee hore loo oran jiray Twitter, ku cambaareeyey weerarka.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Hase haatee weerarkan ayaa ka dhacay gobol ay weeraro joogto ah ka fuliyaan kooxda la mamnuucay Talibanta Pakistan.

Toddobaadkii hore uun bay ahayd markii lix askari oo u dhashay dalka Pakistan lagu dilay is-rasaasayn ka dhacday degmada Waziristan, kaasi oo ay ku lug lahayd kooxda Talibanta Pakistan.

Sidee looga fal-celiyey baaqii kasoo baxay FARMAAJO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay baaqii uu maanta soo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baaqan oo ahaa taageero ku wajahan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa waxa uu ku sheegay inay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

“Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.”

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli taageerayaashiisa ay maalmihii dhowaa u rayaaqayeen guul-darrooyinka ciidanka soo gaaray, si ay ugu xumeeyaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qabyalaad darteed ku diidan yihiin.

Haddaba sidee looga fal-celiyay baaqa madaxweyne Farmaajo?

Cabdirisaaq Xirsi Xaashi: ‘Waxaan kaaga mahad-celinaynaa sida aad Ciidanka Qaranka u dhiira galisay Mudane Madaxwayne. Guulayso Mudane”

“Waa sax mudan laakiin sow ma fiicaneyn in ciidanka qaranka la dhiira-galiyo oo lacagta loo badiyo, isbitaal fiican dhaawacoda lagu daaweyana loo sameyo, midkii dhib ka soo garaana la caawiyo si niyada loogu dhiso,” ayuu yiri Fahad Xasan Dhaqane.

Xuseen Jeelle Raage ayuu yiri: “Shacab iyo dowlad waa la mideysan yahay madaxweyne, cadoowga waddankeena ragaadiyay waan ka guuleysaneynaa insha Allah.”

Bishaar Qeydle: “Shan sano ayaa fursad siisay ay isku diyaariyeen, maxaad halmarna u weerari waysay?.

“Madaxweyne Farmaajo waa sidaa sheegtay mahadsanid madaxweyne,” ayuu yiri Maxamed Cali Khaliiji.

Burhan Cusmaan Abdulle: “Adaa koriyay hadana adaa taageeraya waxba hanoo labo carablayn adeer waa lagula socdaa.”

“Shacabka Soomaaliyeed miyaa isku duubin laga rabaa mise madaxda dalka? madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud la shaqeeya hadii aad daacad tahiin,” ayuu yiri Cali Xasan Cabdiraxmaan.

Cali Maxamed: “Allaha ku sharfo mudane waa muhiim in la taageero xoreynta dalka kaalintaadiina waad qaatay oo codkaaga ayaad ku biirisay.”

Cabdirisaq Muuse ayaa sidoo kale yiri waxa uu yiri “Maxamad Cabdullaahi Farmaajo Mudane madaxwayne mahadsanid gobanimadu waa udhalasho ee iska keen keen maahan.”

Kulankii Xasan iyo Deni ee Gaalkacyo oo baaqday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii dhawaan la filayay inay magaalada Gaalkacyo ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baaqday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka baaqday socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu ku maqan yahay dibadda ah, sidoo kale waxaa sidaas ku baaqday kulankii la filayay in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka ah iyo Puntland

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Saciid Deni oo hadda ku sugan magaalada Nairobi uu toos u aadi doono caasimadda Puntland ee Garoowe.

Khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamulka Puntland oo gaaray meeshii u sareysay ayaa weli xal siyaasadeed laga gaarin, inkasta oo kal hore Villa Somalia ay shaacisay in ay socdaan wada-hadallo hoose oo lagu xalinayo arrintaasi, lamana oga illaa hadda halka ay ku dambeeyeen.

Puntland ayaa hadda u dhaqanta sidii dowlad madax banaan oo kale, ayada oo aan ka qeyb-gelin kulamada ay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada.

Dowladda federaalka oo ayaa iyaduna haatan dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa inay wax ka beddal ku sameyso siyaasadeeda, si ay hoos ugu dhigto khilaafaadka ka jira deegaanada qaar iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta guluf dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan, waxaana uu hadda ka socdaa gobollada dhexe.

Baidoa: The new Ground Zero of Somalia crisis

Baidoa (Caasimada Online) – In Somalia, a nation of approximately 17 million, an unprecedented 4.3 million individuals now find themselves internally displaced.

Islamic Relief has declared that a quarter of Somalia’s populace is displaced due to crippling drought and an unyielding cycle of conflict.

Such a dire situation has never been observed in the country’s history. Farhan Abdirizak Adan, an Islamic Relief project officer stationed in Baidoa, paints a grim picture:

“The situation here is beyond imagination. People have no alternative but to flee their homes and seek help at aid camps.”

“Most people are here because of the terrible drought, which has killed people, livestock, and crops. Others have fled the ongoing conflict. It’s heartbreaking to see so many people in desperate need, yet the humanitarian agencies are short of funds.”

The human toll

Baidoa, a city in southwest Somalia, has become a focal point of this human catastrophe.

Nicknamed the “city of death” due to its devastating history during the famine and civil war in the early 1990s, Baidoa remains a haunting ground zero for today’s displacement crisis. These statistics are not just numbers on a report but flesh and blood:

  • Young adults stunted by malnutrition
  • Women forced into sexual exploitation to survive
  • Children scarred by untimely trauma

Aamina, a 65-year-old resident of a camp on the outskirts of Baidoa, articulates the bleak existence:

“We had to flee because armed groups tried to recruit my eldest son forcibly. Life is difficult here, but leaving means we’d be destitute. We have just enough to survive, but the future looks bleak.”

Food insecurity and malnutrition are indiscriminate killers in this crisis. Last year, an estimated 43,000 individuals died in drought alone, half children under five.

With half of the country’s population struggling to secure food and nearly 1.8 million children facing malnutrition, the scope of the calamity becomes even more evident.

Economic woes 

An economic squeeze compounds the suffering. A recent blockade in Baidoa by armed groups caused the price of staple food Sorghum to skyrocket, doubling from $0.7 per kilogram to $1.5. Although the embargo has been lifted, prices remain high, adding another layer of adversity for distressed families.

Islamic Relief calls upon the international community for a multi-pronged intervention.

Only 33% of Somalia’s Humanitarian Response Plan has received funding. Alongside immediate aid, there’s a pressing need for sustainable solutions like job opportunities and new livelihoods for the displaced.

The nightmare unfolding in Somalia is a jarring reminder of shared human vulnerability in a world increasingly indifferent to distant tragedies. “More people arrive every day,” notes Farhan Abdirizak Adan.

“Without aid, many more would die of hunger.” And so, as the world watches, Somalia teeters on the brink, awaiting not just sympathy but substantive global action.

Daawo: FIQI oo beddalay aragtidii uu ka qabay Gorgor

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ayaa booqasho ugu tegay ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaliyeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa haatan beddalay aragtiidii uu ka qabay dhismaha ciidamadaas oo uu horay wax uga sheegay, isaga oo tilmaamay inay yimaadeen guutooyin cusub.

“Ciidamadeen haddii Gorgor iyo Haramcad la dhihi jiray shalay waxaa baxday guuto la yidhaahdo Khaalid Bin-Waliid, oo inay soo afjarto kooxahaan u baxday meelaha yar-yarka ah ee gobollada dhexe,” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macalim Fiqi.

Khudbad uu haatan u jeediyay ciidamadan oo ku sugan difaaca hore ee gobolka Mudug ayaa waxa uu ku amaanay halganka xoreynta ee ay ka wadaan gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kumaadooska Gorgor ay ka duwan yihiin ciidamada kale ee dalka, isla-markaana ay ku nasteen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidankan inuu ka soo canyahay, inuu ka duwan yahay ciidamada kale, sababta uu uga duwan yahay idinka waa taqaaniin inuu goobtiisii ku adkeystay sahankiisii dirsado isku kalsoon yahay, shacabkana ay ku kalsoon yihiin inay laabtiina ku seexdaan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ciidankan ay yihiin kuwa ay ku tashaneyso dowladda Soomaaliya, ayna xilligaan muhiim u yihiin la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidankan wuxuu noqonaayaa ciidan gaar ah oo ay ku tashato dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo uu ujeedkiisu yahay inay Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Daawo: Afar INJINEER oo loo soo xiray dabaqyadii kusoo dumay suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Carab) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dhacdadii ka dhacday Bakaaraka ee dhalatay laba daq oo soo dumay, kadibna khasaare xoogan.

Saalax Carab ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka oo uu ugu horreeyo Yuusuf Madaale uu ku baxay falkaasi, isla-markaana uu ka tacsiyeynayo dhibkaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in koormeer kadib maamulka uu qaaday tallaabo deg-deg ah, wuxuuna tilmaamay in falkan loo soo xiray afar Injineer oo dhisay dhismaha soo dumay.

“Waxaa hadda xiran oo gacanta lagu hayaa oo saldhigga Howlwadaag ku xiran 4 Injineer oo labada guri ee dumista bilaabay iyagu dhisay ama gacanta ku haayay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabo adag laga qaadi doono Ijineerada lasoo xiray, isla-markaana aysan ogolaanin in la daadiyo dhiiga dadka shacabka ah.

“Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho wuxuu ballan qaadayaa in muwaadin Soomaaliyeed oo naftiisii waayay ama dhiigiisii daatay inaan la’isaga hari doonin dhiigiisa qaabka uu ku daatay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka gobolka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in maamulka gobolka oo soo saari doono habraaco ay tahay inay maraan Injineerada iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha, si looga hortego dhibaayooyinka dhismayaasha oo sanadihii u danbeeyay kusoo badanayay Muqdisho.

Ugu yaraan waxaa goobta ku dhintay saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo iyo gabar ay dhashay oo marti ku ahaa guriga, iyo gabar kale oo isla qoyska kamid ah taas oo muddo kadib burburka laga soo saaray.

Ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay gudaha degmada Shangaani.

Nin hubeysan oo xaaskiisa maanta ku dilay Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo naxtin leh oo maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii nin ku hubeysan qoray uu xaaskiisa ku dilay gudaha magaaladaasi.

Dilka ka dhacay xaafadda Nuur Xawaad ee magaalada , waxaan dadka deegaanka ay arrintan ku noqotay arrin lama filaan ah.

Mid kamid ah deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in eedeysanaha dilka geystay lagu magacaabo Cabdishakuur Daahir Magan, isla-markaana uu goobta ka baxsaday.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marxuumadda lagu magacaabi jiray Farxiyo, taas oo si weyn looga garanayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu qudbo siro ku qabay Farxiyo, balse ciddeeda oo aan ogeyn ay ku dareen nin kale, taasina ay keentay in ninka dilka geystay uu hambalyada ka arkay Facebook-ga, kadibna uu ballamiyay marxuumadda, sidaasna uu ku toogtay.

“Sida ay wax u dhaceen horta subaxdii hore ayaa xabad dhacday xilli aroor ah markii ay dadka isku soo baxeen oo aan soo wada orodnay oo aan meesha nimid gabadha uu horta falka u geystay waxay isku qabeen qudbo siro sida la sheegay dilkana wuxuu ku yimid maadaama gabadha familkeeda aysan ogeyn waxay ku dareen nin kale hambalyadeedii ayuu ka arkay Facebook-ga, kadibna wuu ballamiyay deed waxaa dhacay ficilkan oo uu ku dhuftay xabadda” ayuu yiri nin kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Gabadha waxa ay xabadda kaga dhacday madaxa, waxayna aheyd hal xabad oo kaliya”.

Falkan ayaa argagax ku reebay reer Beledweyne, waxaana sidoo kale aad looga hadal baraha internet-ka oo ay bulshada ku wada xiriirto.

Si kastaba, todobaadkan ayay aheyd markii dhacdo tan u dhow ay ka dhacday degmada Doolow, kadib markii taliyihii NISA ee degmadaas ay toogasho ku dishay xaaskiisa.

Afar QARAX oo hal habeen ruxay DALKA SWEDEN

Gothenburg (Caasimada Online) – Afar qarax ayaa saacad gudaheed ruxay magaalooyin ku yaalla dalka Sweden, sida ay booliska sheegeen, ayada oo dalka uu la tacaalayo sare u kaca rabshadaha la xiriira burcadnimada.

Abaare 1:00 am, booliska magaalada Gothenburg ayaa helay warbixino ku saabsan laba qarax oo ka kala dhacay laba guri oo kala duwan, oo ay u dhaxeysay 10 daqiiqo.

“Labada goob-ba waa la xiray, waxaana socda baaritaano,” ayey booliska yiraahdeen ayaga oo intaas ku daray in khubarada bamka loogu yeeray goobta.

“Ma jiraan wax warbixino ah oo ku saabsan dad dhaawacmay, kaliya qalab ay waxyeello gaartay,” ayey yiraahdeen booliska.

Saacad kadib, laba qarax oo ay daqiiqado u dhaxeysay ayaa ka kala dhacay magaalada Norsborg ee duleedka koonfureed ee Stockholm iyo magaalada Nykoping, oo 100 km koonfur ka xigta caasimadda.

Labada kiisba, booliska waxay sheegeen in cidna aanay wax ku noqon. Dhammaan afarta qarax ayaa ka dhacay dhismooyin ay shacab degan yihiin.

Sweden ayaa sanadihii dhowaa la tacaaleysay inay xakameyso toogashooyinka iyo bambooyinka, ayada oo burcad uu ka dhaxeyo dagaal ganacsi daroogo ay kala aargudanayaan.

Hase yeeshee booliska Gothenburg ayaa AFP u sheegay inaan weli la go’aamin sababta ka dambeysay labad qarax ee ka dhacay magaalada.

Sanadkii 2022, Sweden waxaa ka dhacay 90 qarax, iyo 101 kiis oo isku day qaraxyo ama diyaarin ah, sida ay sheegeyso xogta booliska.

Sannadkan illaa 15-kii August, waxaa la diiwaan geliyey 109 qarax.

Booliska ayaa horey u sheegay in bambooyinka inta badan loo adeegsado in lagu cabsi geliyo bartilmaameedyada, halka toogashooyinka loo adeegsado in lagu dilo loogana takhaluso cadowga.

Dalka ayaa laga diiwaan geliyey 391 toogasho 2022, kuwaas oo 62 ka mid ah ay ahaayeen dhimasho, taasi oo 45 boqolkiiba ka sarreysa sanadkii ka horreeyey, sida ay ku warrameyso xogta booliska.

AFP

Palestinian driver kills soldier in West Bank attack

Ramallah (Caasimada Online) – A surge in violence linked to the Israeli-Palestinian conflict has culminated in another deadly attack on Thursday.

A Palestinian truck driver rammed into three Israeli soldiers near a checkpoint in the occupied West Bank, killing one before he was shot dead by Israeli officials, reported Avi Biton, head of the police central command.

This incident came just a day after a 14-year-old Palestinian stabbed a civilian at a tram station in Jerusalem.

“The people he hit with his truck were soldiers,” Biton stated. It was initially reported as a hit-and-run incident near the Maccabim checkpoint.

However, the driver was later intercepted and killed at another checkpoint at Hashmonaim, west of Ramallah.

The assailant, identified as Dawood Abed Razeq Fayez, hailed from the Deir Ammar refugee camp near Ramallah, according to a Palestinian security source who spoke to AFP under conditions of anonymity.

With a valid work permit for Israel, Fayez was no stranger to Israeli checkpoints.

Avi Biton, head of the police central command, corroborated this while briefing reporters, stating, “He was a 41-year-old Palestinian with legal authorization to work in Israel.”

Rising violence marks a grim year

This incident is the latest in an escalating series of violent events plaguing the region.

The attack comes on the heels of another incident on Wednesday when a 14-year-old Palestinian stabbed an Israeli civilian at a tram station in Jerusalem.

The same day, an improvised explosive device injured four Israeli soldiers near Nablus in the West Bank.

According to the Israeli army, one soldier was moderately wounded, while the others sustained light injuries.

“These events underscore an alarming rise in hostilities,” said an Israeli defense official who requested anonymity.

According to AFP, at least 224 Palestinians and 32 Israelis have lost their lives in the conflict this year alone.

Broader implications

The incident has drawn reactions from multiple quarters, including the Palestinian militant Hamas.

Controlling the Israeli-blockaded Gaza Strip, the group issued a statement saying the attack “affirms the ability of the resistance.”

Meanwhile, the Magen David Adom emergency service reported that five other individuals were injured in addition to the slain soldier during the episode.

Among the wounded were two soldiers, a 15-year-old Palestinian, and a couple whose car was struck as Fayez attempted to flee the scene.

The violence surge has multifaceted implications for Israel and Palestine and the larger geopolitical stage.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo baaris deg-deg ah amray kadib dhacdadii Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale ayaa maanta kormeer ku tegay dhisme dabaqyo ah oo xalay kusoo dumay gudaha Suuqa Bakaaraha, kaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu soo dumay dabaq ka kooban illaa sagaal biyaano, wuxuuna ku dul dumay dabaq kale oo afar biyaano, isna wuxuu ku dul dhacay guri Fillo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo ay soo gaartay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac.

Madaale ayaa ugu horreyn warbixin guud ka dhageystay shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta tegay, kuwaas oo uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Intaasi kadib guddoomiyaha gobolka faray si deg deg ah baaritaan rasmi ah loogu sameeyo sababta ka dambeysa in dhismahaan uu soo dumo.

Ugu yaraan waxaa goobta ku dhintay saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo iyo gabar ay dhashay oo marti ku ahaa guriga, iyo gabar kale oo isla qoyska kamid ah taas oo muddo kadib burburka laga soo saaray.

Soo dumita dhismahaan oo ahaa mid cusub ayaa loo sababeynayaa khalad uu sameeyay Injineerkii dhisay, sida uu sheegay mid kamid ah shaqaalaha gurmadka ee tegay halkaas.

“Sida maqalka naloogu sheegay waxaa la yiri guriga si khaldan ayaa loo dhisay Injineerkii dhisay oo shaqadaan lahaa qiyaamadaan ku dhisay oo sabab u ahaa in dadkaan Islaamka ah uu wax gaarsiiyo” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha kooxda gurmadka deg-degga ah.

Si kastaba, ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay degmada Shangaani.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladda Itoobiya

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn golaha uga warbixiyay safar hal maalin ah oo uu shalay ku tegay degmada Aadan Yabaal, kaas oo uu sheegay inuu la xiriiray howlgallada ka socda dalka iyo dhiiragelinta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Intaasi kadib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Shirka ayaa sidoo kale looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danmbeeyey ee xoreynta isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u boggaadiyay doorka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku aadan dagaallada ka socda HirShabelle iyo Galmudug.

Waxaa kale oo uu goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dagalka adag ee haatan lagula jiro xubnaha Shabaab ee ku aadan sidii looga saari lahaa dalka oo dhan.

Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada qaar ay ka soo baxeen, taas oo lagu sheegay xeelad milatari.

Xogta kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Shariif + Ujeedka

0

Ankara (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo u dhexeeyay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada wadanka Turkiga.

Kulamadan oo labo waqti dhacay ayaa qabsoomay todobaadkan, waxaana mid kamid ah madaxweynayaasha ku wehlinayay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladan uu dalbaday Farmaajo, sidoo kalena uu aqbalay madaxweyne Shariif, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa in ugu horreyntii uu cafis guud weydiistay Shariif, kaas oo ku aadan dhacdooyinkii uu geystay muddo xileedkiisii, gaar ahaan xanibaaddii diyaaradaha iyo sidoo kale weerarkii hoteel Ma’ida ee xilligaas lagu qaaday musharixiinta.

Xogaha aan ka helnay wada-hadalladaas ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu aqbalay raalli-gelinta Farmaajo, isla-markaana uu ku ballameen in la sii wado shirarka siyaasadeed.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay isla soo hadal qaadeen xaaladda dalka, gaar ahaan sidii ay u dhisi lahaayeen isbaheysi cusub, waxaana fikraddaas ay ka timid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oona Shariif uu ogolaaday.

Isbaheysigan lagu gar-daadinayo Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa uu yahay in looga soo horjeesto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, waxaana dadaalka ugu badan ku bixinaya kooxdii Farmaajo ee loo yaqaano Nabad iyo Nolol.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay xoreynta dalka, madaxweynahaha uu u joogo Dhuusamareeb.

Si kastaba, labada madaxweyne ayaa horay usoo saaray qoraallo kala duwan oo ay taageero ugu muujiyaan gulufka dagaal ee ay haatan wadaan ciidanka Xoogga dalka.

Daawo: Dad isku qoys ah oo ku dhintay dabaqyo kusoo dumay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhisme dabaqyo ah oo xalay ku soo dumay dad isku qoys ah oo ku noolaa agagaarka Carwo Liimooni oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu soo dumay dabaq ka kooban illaa siddeed biyaano, wuxuuna ku dul dumay dabaq kale oo afar biyaano, isna wuxuu ku dul dhacay guri Fillo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo ay soo gaartay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay mashaqadaan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.

Saddexda qof ayaa kala ah hooyo iyo gabar ay dhashay oo marti ku ahaa guriga, iyo gabar kale oo isla qoyska kamid ah taas oo muddo kadib burburka laga soo saaray.

Mid kamid ah shaqaalaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Telefishinka Universal uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha guud.

“Meeshaan musiibaa ka dhacday gurigaan saddex qof ayaa ku dhintay laba qofood waa soo bixinay gabar yar oo carruur ahna, weli waa la la’yahay” ayuu yiri mid kamida shaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay sabab u tahay khalad ka dhashay, sida loo dhisay dabaqa soo dumay ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

“Sida maqalka naloogu sheegay waxaa la yiri guriga si khaldan ayaa loo dhisay Injineerkii dhisay oo shaqadaan lahaa qiyaamadaan ku dhisay oo sabab u ahaa in dadkaan Islaamka ah uu wax gaarsiiyo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay degmada Shangaani.

Madaxweyne FARMAAJO oo WAR lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq taageero ah oo ku wajahan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. 

Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli taageerayaashiisa ay maalmihii dhowaa u rayaaqayeen guuldarrooyinka ciidanka soo gaaray, si ay ugu xumeeyaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qabyalaad darteed ku diidan yihiin. 

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo.

Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.

Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah.

Al-Shabaab oo SHACAB ku leysay duleedka Ceelbuur

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab ku leysay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolkaasi, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xoogan.

Dhibtaadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday deegaan 40 KM qiyaastii u jira degmada Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen ku dhawaad 30 qof oo la sheegay inay u badnaayeen dad shacab ah oo doonayay inay kasoo tegaan halkaasi.

Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiray xubno dagaalamayaal ah oo ka tirsanaa kooxda, sida aanu kasoo xiganay ilo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonaan karo.

Kooxda ayaa ku eedeysay dad ay dishay inay doonayeen inay soo aadaan dhanka ciidanka dowladda, ayna ku biiraan gulufka dagaal ee haatan ka socda gobollada dhexe.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dhacdadaas oo si weyn looga hadlay hayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Al-Shabaab ayaa horay shacab badan uga afduubtay degmada Ceelbuur, waxayna la aadeen dhulka howdka ah ee magaaladaasi, halkaas ay ku dhuumaaleysanayaan.

Bariga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada haataan dib uga soo baxeen.

Daawo: Roobow oo ka hadlay dagaalka AL-SHABAAB, sheegayna arrin dhici doonta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo abaabushay kulan ay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ku taageereen dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka wasaaradda diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa culimadii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in dhawaan laga adkaa doono Khawaarijta, “Waxaan rajeynayaa in mar dhow la kala bixi doono insha allah,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in culimada iyo wasaaradda diinta ay mar kasta garab taagan yihiin una duceynayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ku jira halgan Khawaarij iska xoreyn ah.

“Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha waxay dowladda Soomaaliya u jiheeyeen dariiqii xaqa ahaa, waxaan rajeyneynaa in mar dhow la kala baxo oo dowladda go’aankeeda uu guuleysa doono, lagana adkaa doono Khawaarijta,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu intaas ku sii daray in diinta lagu sheegay in Khawaarij ay soo bixi doonto, balse laga adkaa doono, “Waa sidii Nabigeenu NNKH uu sheegay waa laga adkaanayaa Khawaarijta, hadana meelo badan waa looga adkaaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Mukhtaar Roobow wuxuu sheegay in doorkii culimada ee dagaalka Khawaarijta iyo jiheynta dadka ay diyaar u yihiin, “Culimadu furimaha waa joogaan, waxayna mar kasta diyaar la yihiin ducada iyo garab istaaga dowladda,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Qaar ka mid ah culimadii ka soo qeyb gashay kulankaas oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa jooxiyey hadalka wasiirka iyo baaqyada la xiriira xoojinta dagaalka Khawaarijta, culimada goobtaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Ugu dambeyntii Wasiir Roobow ayaa saxafiyiintii goobta ku sugneed ee ka soctay warbaahinta ka codsaday inay tebintooda ku dabaqaan wixii dan u ah halganka ay dowladda iyo shacabka isaga xoreynayaan Khawaarijta, iskana ilaaliyaan faafinta hadalada u adeegaya danaha Khawaarijta.

Hoos ka daawo

“Ciidamada kasoo baxaya furinta dagaal waa qiyaano iyo gaadmo” waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobllada dalka.

Caanooy ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta dib u gurashada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhowaan soo faarujiyay magaalooyin iyo deegaano hoostaga Galmudug.

Xildhibaanka ayaa arrintaas ku tilmaamay qimaano iyo gaadmo, isaga oo meesha ka saaray inay jirto tabasho, waxaana uu tilmaamay in haddii ay jirto xalinteeda uu ku baxay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo haatan booqasho ku joogo taliska degmad Aadan Yabaal.

“Ciidamada kasoo baxaya furinta waa qiyaano iyo gaadmo hadii ay jirto tabasho Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u tagay maanta waana la xaliyay,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in  uusan jirin khilaaf ka dhex jira ciidamada ama madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii ay xittaa wax xumaadeen waxaan aaminsanahay in xallinteeda lagu jiro ciidan is khilaafsan ma jiro, dowlad is khilaafsana ma jirto” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Caanooy.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy ayaa farriin culus u diray dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in garab istaagaan madaxweynahooda,

“Waxaan farriin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan aan garab istaagno madaxweynaha JFS, dagaalka lagula jiro Shabaab aan xoojino” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay dib u gurashada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana arrintaas sidoo kale ka hadlay taliyaha Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo shaaciyay inay tahay xeelad milatari.

Xog: Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa ciiidamada ku maqan dalka Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay dalka dib ugu soo celineyso ciidamada muddada dheer tababarka ugu maqan dalka Eritrea.

Ciidamadan oo illaa shan kun oo askari gaarayay ayaa la fahamsan yahay in saddex kun oo ka mid ah dalka dib loogu soo celiyay bishii December.

Qorshaha socda ayaa ah, sidii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamada dalkaasi ku harsan, oo tiradooda lagu sheego inta u dhaxeyso kun iyo sideed boqol oo askari illaa laba kun oo askari, oo isugu jira noocyada kala duwan ee ciidamada, sida nabadsugid iyo kuwa badda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay Talaadadii gaareen dalkaasi, isla-markaan ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ku booqdeen xeryaha ay dalkaasi ka degan yihiin.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in saraakiishu ay ciidamadaasi u sheegeen in toddobaadyada hore ee bisha September ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, muddada ka horreysana la diyaarinayo safarkooda ambabaxa.

Ciidamadan ayaa dhammaadkii sanadkii 2019 iyo bilowgii sanadkii xigay ee 2020 tababar loogu qaaday dalkaasi, waana ciidamadii ugu waqtiga dheeraa ee tababar ugu maqnaada dal shisheeye, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo saddex iyo laaban sano.

Tallaabada xilligan dalka dib loogu soo celinayo ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli qaybo ka mida dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.