27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Daawo: Taliyaha xoogga oo shaaciyey sababtii ay ciidamadu uga soo baxeen furimaha

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay hadlay tan iyo markii ay ciidamada xoogga dalka soo baneeyeen furimaha dagaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo ku sugan degmada Aadan-Yabaal.

Taliyaha oo inta badan hadal jeedintiisa ku dalbanayey in la hor mariyo degmada uu ka soo jeedo ee Aadan-Yabaal ayaa si kooban uga hadlay sababta ay ciidamadu uga soo baxeen furimaha dagaalka.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo ayey uga soo baxeen, dadka reer Aadan-yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada,” ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Sidoo kale dadka reer Aadan-yabaal ku baqdin  geliyey in magaaladoodu ay demi doonto hadii Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan, “Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsa doontaa hadii maanta lasoo galo,” ayuu yiri.

Taliyaha oo ku faanay inuu ka soo jeedo degmada Aadan-yabaal ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siiso hormarinta degmadaan.

“Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah R/Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan-Yabaal,” ayuu yiri Taliyaha xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Inkastoo ay dowladdu weli qarineyso sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay ka soo baxaan deegaano waqti hore laga xoreeyey Al-Shabaab, hadana waxay dadka qaar aad u dhowrayeen hadalka ka soo yeeri doona Taliyaha xoogga, balse markii uu maanta hadlay wuxuu ka badi waayey in Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsado in degmada Aadan-Yabaal uu ka qeyb qaato hormarinteeda.

Waxaa taagan qadiyad adag oo Taliyaha looga baahnaa inuu bulshada u iftiimiyo, ciidan badan ayaa lagu dilay dagaalka, halka ciidanka intii hartay ay soo baneeyeen furimaha dagaalka, si toos ah iyo si dadban intaba Taliyuhu muhiimad uma siin arrimahaan taagan.

Hoos ka daawo hadal-jeedintii Taliyaha

Daawo: Xamza oo hal arrin ku adkeeyey ciidamadii soo baneeyey furimaha dagaalka

0

Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan,” ayuu maanta yiri R/Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha oo fagaare ku yaalla Aadan-Yabaal kula hadlay ciidamo aad u badan oo soo baneeyey furimaha dagaalka ayaa u balan qaaday in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay siinayaan wax kasta oo ay tabanayaan.

Wuxuu ka codsaday inay ku laabtaan deegaanadii ay ka soo baxeen, waxaana la sheegay in ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa ay aqbaleen codsigii maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhiga cadowga, isla markaana u sabra duruufo walba oo soo food saara.

Sidoo kale Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha bulsho ee ka jira degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa reer Aadan-yabaal u sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Daawo: Guuleed oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, fariina u diray dad uu sheegay…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir Jara’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Cabdikariin Guuleed oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta.

“Waxaan aad uga xumahay in dadka qaar ay siyaasadeeyeen halganka adag ee dowladdu ay ku jirto, damiirka iyo dadnimadu ma aqbali karo sida ay dadka qaar u dhaqmayaan,” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in masuuliyadda dagaalka Khawarijta aan loo gaar yeeli karin ama looga hari karin dowladda kaliya, isla markaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato.

“In dadka qaar ay masaalix siyaasadeed ka dhex raadiyaan dagaalka Khawaarijta waa wax aad looga haboon yahay, arrinta dagaalka waa mid salka ku heysa jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dadkaas waxaan leeyahay Allaha soo hanuuniyo waa fadeexade,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Cabdirakiin oo tusaale u soo qaatay weerarkii Cowsweyne ayaa sheegay in la siyaasadeeyey, isla markaana ay dhici karaan weerarro kaas lamid ah, balse loo baahan yahay in laga feejignaado faafinta farrimaha u adeegaya cadowga.

“Waxaa muuqata in ciidanka lagu niyad jebinaayo hadallada siyaasiyiinta qaar, kala saara masaalixdiina siyaasadeed iyo jiritaankeena, ciidankeena qaranka waxaan leeyahay Hambalyo, waa laga guuleysanayaa cadowga mar aan fogeyn insha allah.

Cabdikariin ayaa Madaxweynaha, ciidanka iyo shacabka uga mahad celiyey sida ay dhexda ugu xirteen soo afjarida Khawaarijta ragaadisay hormarkii iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo

Fal-celin ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay safarka uu maanta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo uu tegayo markiisii labaad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegay in la xoojiyo abaabulka ka socda maaulka HirShabelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo halkaasi booqan doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. Sidoo kale wuxuu kormeeri doona guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed.

Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, wuxuuna safarkiisu kusoo aadaya xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu utegay dhaqaajinta dagaalka kooxda Al-Shabaab dhanka ah.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay safarka ra’iisul wasaaraha?

Cabaas Biyoow Cali Raage: Aadan Yabaal in la booqdo kaliya macna sameyn meyso eee shaqaa la iska rabba.

Sharmaake Cabdi Macalim ayaa waxa uu yiri “Wixii dhacay hadaan rag xilkooda ku wayn waxa socdaa huu haa dheh iyo shimbirayahow hees.”

“Qarashkaan socodka lagu bixinaayo maa ciidanka howlihiisa lagu bixiyo, waa tan ciidanka dhibaato dhaqaalo furimaha uga soo baxaayaane,” ayuu yiri Cusmaan Cabdi.

Maxamed Maxamuud: “Dowladdii oo dhan Galmudug ayay aadey aaway Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.”

“Ra’iisul wasaare Xamze waa mahadsan yahay lkn shaqo badan ayaa dhiman,” ayuu yiri Ciise Jarane.

Cabdiraxmaan: “Haduu tuutaha xiran laha waan aqbali laheen laakiin daacad lagama ahan dagaalka.”

“Igu sawir waxba matarto oo saacado ah ee wax la taaban Karo Hala timaado xukuumada,” ayuu yiri Cilmi Suldaan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqay ‘inuu aqbalay’ arrin uu diidana kadib marki…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne uu ku aqbalayo soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa aqbalay soo jeedinta odayaasha dhaqanka, taasi oo ka dhigan in Muuse Biixi uu ka tanaasulay qorshaha uu ku soo horeysiinayay doorashada ururada, si uu xisbiyada mucaaradka meesha uga saaro.

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa dhawaan  go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada, oo ay isku hayeen xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa sheegay inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu dambeyntiina uu maanta aqbalay madaxweyne Muuse Biixi.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Si kastaba, Go’aanka madaxweynaha Somaliland ee soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ayaa sida aan ogaanay ku timid culeys ay xukuumadiisa wajaheyso, kaasi oo ay qeyb ka tahay jabhadda buurta Gacan-Libaax, oo ay dhashay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Madaxda Al-Shabaab oo uu saameeyay culeyska dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq oo ahaa madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa shalay isku dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa la sheegaa inuu xubin muhiim ah u ahaa kooxda, kal hore waxa uu ka badbaaday guri uu Gaalkacyo ka deganaa ku qaadeen Mareykanka, PSF iyo Danab. Waxa uu fure u ahaa joogista kooxda ee guud ahaan gobolka Mudug.

Halka uu iska dhiibay ee Wisil waxaa ku sugnaa xubno siyaasiyiin ah oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Axmed Macalim Fiqi.

Ninkaan ayaa ka faa’iideystay xeerka cafis ee uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Imaatinka ninkaan ayaa ka dhigan inay xitaa amiirada kooxda garwaaqsadeen culeyska dagaal haysta, ayna go’aansadeen inay umadooda dib ugu soo noqdaan.

Nuur-deeq Maalinguur argagixisada kahor waxa uu ahaa nin si weyn looga dhex yaqaano bulshada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Dhawaan waxaa idinla wadaagnay inay jiraan xubno badan oo argagixiso ah oo raba inay soo baxsadaan oo ay halkaasi ku joojiyaan gumaadkii shacabka, balse ay la’yihiin qaab ay kusoo baxsadaan, qaarkoodna ay kooxda ilaalo ka hayso.

Madaxii argagixisada ee gobolka Mudug ee shalay isa-soo dhiibay, wuxuu sida muuqata helay xiriirka siyaasiyiinta beeshiisa, si loo waafajiyo hanaanka isa soo dhiibida ee dowladda dhex, kuwa kale ee soo socdana isla dariiqaas ayaa u furan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo faafiyay qoraal uu kaga hadlaayo isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in ninkaan sidoo kale kooxda uga masuul ahaa hoggaaminta dagaalada ay ka fuliso gobolka Mudug, wicitaanka ganacsatada, dhaqanka iyo bulshada, isaga oo dadka ku amri jiray inay yimaadan magaalada Xarardheere.

Fiqi waxa uu intaa ku daray in isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug inay cadeynayso in kooxda si weyn niyad ahaan hoos ugu dhacday, lana siibay maanta qodaxdii gobolka Mudug.

Hadda howsha askari waa ka tagtay waxaa isa-soo dhiibaya madaxdii heer gobol ee kooxda, tani waa farriin furan oo xog ugu filan qof walba oo raadinaya inuu ogaado halka ay mareyso xaaladda kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado guluf lagu dhameystirayo wejiga koowaad ee dagaalka argagixisada, xilli asbuucan ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur.

Isa-soo dhiibida madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug, xubno kale oo iyaguna dhawaan iska dhiibay deegaanka Wabxo iyo kuwo ay kooxda dishay iyaga oo ka baxsanaya oo raba inay is dhiibaan, ayaa dhamaan si fudud u qeexaya sida uu ballanqaadkii cafiska u gaaray gudaha kooxaha argagixisada.

Somali president defiant as forces lose ground to al-Shabab

Dhusomareb (Caasimada Online) – A mere 24 hours after Somali government forces ceded territory to al-Shabab militants, Somali President Hassan Sheikh Mohamud delivered a resolute address on Tuesday.

The president emphatically stated that the ongoing military operations would not cease until “final victory” is secured over the extremist group.

“The fight will continue if one battlefield is lost or someone spreads misinformation. We will achieve the final victory that we seek,” Mohamud proclaimed.

His statements serve as a riposte to skeptics and critics alike, coming in the wake of a damaging al-Shabab attack on government soldiers in the village of Cowsweyne this past Saturday.

Questioning casualties and “historic victory”

Contradicting al-Shabab’s self-described “historic victory,” Mohamud refuted the group’s assertion that they had killed 178 soldiers in the Cowsweyne assault.

“The correct information about Cowsweyne has to be this conclusion—that the number of soldiers al-Shabab claimed to have killed is false,” he clarified.

According to Mohamud, al-Shabab suffered greater casualties—losing 190 fighters, whose remains were then buried in mass graves.

While such casualty figures have not been independently verified, the president insisted that al-Shabab is “weaker and smaller in number” than before.

Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed weighed in on the recent events, calling for an investigation into the management of military operations at the Cowsweyne frontline.

Responding to this, President Mohamud pledged to rectify any “mistakes” and ensure accountability within the military.

“It’s time to reward heroes among the soldiers and to hold those abusing their responsibilities, committed treason, or undermining the army accountable,” Mohamud stated.

Strategic surrender and the future of the conflict

In another twist to the unfolding drama, the Somali government announced the surrender of a mid-level al-Shabab official, identified as Nur Abdullahi Maalinguur—also known as Nur Deeq.

The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation, Ahmed Moallim Fiqi, highlighted Deeq’s role as a commander in the Mudug region and his involvement in heavy battles there.

“This surrender means that al-Shabab morale is low, and a thorn has been removed from Mudug,” Fiqi posted on his Facebook page.

Al-Shabab has been attempting to establish an Islamic state in Somalia since 2006, often demanding extortions and other contributions from businesses and community members to sustain their operations, as per Somali intelligence agencies.

President Mohamud’s defiant remarks and a key surrender may shift the dynamics in the years-long conflict against al-Shabab. However, the path to “final victory” remains fraught with uncertainties.

Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo weerar culus ku qaaday ‘kooxo uga daran’ Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa sheegay inay jiraan kooxo Al-Shabaab uga daran.

Kooxahaan ayuu sheegay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab, ayna isku dayayaan inay fashiliyaan howl-gallada dagaal ee socda, maadaama ay aaminsan yihiin in aysan noolaan karin Shabaab la’aantood, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa la wadaageynaa inay illaa billowgii howlgalka ay jireen kooxo abaabulan oo magacyo kala duwan wata oo Khawaarijta la shaqeeya oo kamid ah lakabyada Khawaarijta ku dul nooshahay si dadka Soomaaliyeed u haystaan oo u dhibaateeyaan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxahan ay qeyb ka yihiin siyaasiin, ganacsato iyo kuwa magacyo kala duwan ku dhex jooga bulshada, ay ka shaqeynayaan inay suurad xumeeyaan howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah, iyaga oo colaad ka dhex ridaya qabaa’ilka Soomaaliyeed dhexdooda, sida uu sheegay.

“Wey ku fashilmeen oo Ilaahay ku fashiliyay inay hor istaagan howlgalka. Bilihii dhexe waxay aad iskugu dayeen kooxahaasi inay kala qeybiyaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Khawaarijta la dagaalamayay, waxaan ognahay in qabaa’ilka qaarkood lacago u direen, in ay siyaasad ahaan u dhex galaan oo dhahaan idinka kuma jirtaan dagaalka ee ka hara, taasina waa ku fashilmeen oo dadka Soomaaliyeed iyaga oo mideysan ayay dagaalka Khawaarijta galeen.”

Al-Cadaala ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxahaasi ay wadaan isku-deygoodii u dambeeyay, kaasi oo ah inay baranbogaado iyo been abuur la dhex-galaan ciidanka qaranka ee dagaalka ku jira.

“Waxaa dadka Soomaaliyeed u sheegaynaa in isku-deygoodii u dambeeyay ee doonayeen in Khawaarijta ku badbaadiyaan oo shacabka Soomaaliyeed uga jeediyaan guulaha aan la qarin karin ee laga gaaray furimaha Khawaarijta, in isagana uu fashilmay oo uu meel mar uu noqon waayay isku-deygooda.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaas idinku dhex jira ee siyaasiyiinta, qoraayaasha, ganacsatada iyo magacyada kala duwan idin sheeganaya ee la yiraahdo Dhabar Khawaarij waa darbiyo ama lakab kamid ah kuwa ay isticmaasho Khawaarijta, waana nuuc aaminsan inay noolaan karaan inta Khawaarijta jirto, dadka Soomaaliyeed waxaa rabnaa in aan fahansiino oo uga digno in aysan rumeysan, beentooda yeysan idin saameyn.”

Ugu dambeyntiina wuxuu digniin u diray kooxahaasi uu sheegay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, “Farriimaha Khawaarijta waa dembi Soomaaliya, nuuc kasta iyo cidkasta oo Khawaarijta adeegeeda haysa waxay kamid tahay Khawaarijta, sidooda kala loola dagaalamaya waana lagu daba jiraa.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Bongo’s reign ends in military-led electoral coup in Gabon

Libreville (Caasimada Online) – In a seismic shift that could redraw Gabon’s political landscape, a cadre of military officers announced on Wednesday that they had taken control of the government.

President Ali Bongo Ondimba, who has been in power since 2009 and is part of a family dynasty that has ruled for more than half a century, is reportedly under house arrest.

His son and close adviser, Noureddin Bongo Valentin, and several key officials have been detained on charges ranging from treason to corruption.

“Today, the country is going through a serious institutional, political, economic, and social crisis,” an officer declared in a televised address, flanked by members of the elite Republican Guard and other military personnel.

The Committee for the Transition and Restoration of Institutions (CTRI), speaking on behalf of the people of Gabon, stated that they aim to “defend peace by putting an end to the current regime.”

A contested election

The military coup comes in the wake of a highly disputed election. Gabon’s national election authority declared President Bongo the victor of his third term with 64.27% of the votes.

However, the main opposition, led by university professor Albert Ondo Ossa, vehemently accused Bongo of “fraud,” calling for a peaceful transition of power.

“The elections did not meet the conditions for a transparent, credible, and inclusive ballot so much hoped for by the people of Gabon,” emphasized the CTRI in their statement, broadcast on state TV.

According to official results, this echoes the turbulent aftermath of Gabon’s 2016 presidential election, where violent protests erupted following a narrow win for Bongo.

The bongo dynasty 

Gabon, a nation of merely 2.3 million people, gained independence from France in 1960. Since then, it has been predominantly under the rule of the Bongo family.

Omar Bongo, the current president’s father, was a close ally of France and amassed significant wealth during his 41-year reign.

This long-standing relationship explains the continued French military presence in Gabon, as pointed out by the French defense ministry.

In response to the current situation, French Prime Minister Elisabeth Borne stated that her government is observing the events “with the greatest attention.”

Meanwhile, China called for immediate dialogue to ensure President Bongo’s safety and restore normalcy. Russia expressed its “deep concern” over the unfolding crisis.

Gabon isn’t alone in experiencing coups; the continent has seen similar events in Mali, Guinea, Sudan, Burkina Faso, and Niger in the past three years.

French mining group Eramet, a significant employer in Gabon, has suspended its operations due to safety concerns.

As the world watches closely, Gabon teeters on the brink of a new political era. With citizens, governments, and corporations affected locally and internationally, the stakes couldn’t be higher for this oil-rich Central African nation.

Xasan oo la heshiiyay Jayte, una soo guuraya degmada…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo hoose oo dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu wehlinayo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Wadahadalladan oo ku socda qaab hoose ayaa qaatay dhowr maalmood, waxaana looga hadlay gadoodka Cali Jayte ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay, kaas oo xiisad ka dhaliyay Hiiraam, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa heshiis la gaaray Cali Jayte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, si meesha looga saaro xiisadda ka taagan Beledweyne, waxayna wada-hadalladu kusoo dhammaadeen is afgarad, ayada oo xa lagu gaaray.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah ku sugan Dhuusanareeb uu haatan qorsheynayo inuu usoo guuro degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kasii hagi doono dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxweynuhu uu todobaadka soo socda tegi doono degmada Maxaas, si uu sii wado howlaha shaqo ee uu u tegay furimaha hore.

Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu taliskiisa guud ka dhigan doono halkaasi, si uu ula socda howlgallada xoreynta ee haatan ka socda HirShabelle iyo Galmudug.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka soo hoyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, howlgalkan oo galaya wajigiisa labaad ayaa la filayaa inuu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana ku biiri doono ciidamo ka socda waddamada dariska ah.

Xamza oo tegay degmo laga xoreeyay Shabaab + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu tegayo markiisii labaad.

Ra’iisul wasaaraha iyo waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Ammaanka degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo aad loo sugayo amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka.

Wuxuu sidoo kale ra’iisul wasaaraha kormeeri doono guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed, maadaama ay kasoo kabaneyso dhibaatadii ay ku hayeen Al-Shabaab

Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu uga soo qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Si kastaba, booqashada ra’iisul wasaaraha ee Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo aadeyso, xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tegay dhaqaajinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

k

Daawo: Seynab Xaabsey oo soo jawaabtay: Khawaarij iyo aniga waxaa naga dhexeeya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda oo shir jaraa’id u qabatay Wariyeyaasha ayaa ka hadashay warar saacadihii ugu dambeeyay lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay inay taageertay kooxda Al-Shabaab.

Warkan ayaa soo shaac baxay, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay kiiska horjooge sare oo shalay iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa waxaa xalay barteeda Facebook-gga lagu soo qoray “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

Haddaba Seynab Xaabsey oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in aysan taageerin Al-Shabaab, waxayna tilmaamay inuu ka dhexeeyo dhiigeeda oo daata.

“Waxaa aragteen meelaha qaar oo la leeyahay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda oo taageereysa Khawaarijta iyo afkooda, saaxibyaalo waxaa idin leeyahay ani Khawaarij kaaf iyo kala dheeri waxa naga dhexeeyana waa inuu dhiigeyga daato oo kaliya” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in xubin kasta oo ka tirsan Al-Shabaab oo dagaalka lagu soo qabto lasoo xiri doono, halka midka isa soo dhiiba la cafin doono, sida uu horay u ballan qaaday madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh.

“Midkaa kusoo qabano furinta dagaalka waxaan keeneynaa isaga oo jeebeysan kii isaga oo masaakiinsan oo duleysan ciriirina dareema waan soo dhaweyneynaa, annaga oo madaxweynaha hadalkiisa qaadaneyno” ayay hadalkeeda sii raacisay Seynab Xaabsey.

Ugu dambeyn waxa ay u jawaabtay dad ay sheegtay in ka faafiyeen warar dacaayad ah, isla-markaana ayada lagu sumcad dilayo.

“Waxaan leeyahay dadka af Khawaarijta buun buuninaayow idinka iyo annaga waxa noo dhexeeyo waad taqaaniin, annaga Shabaabka iyo inta la shaqeysaba dhiigeenna ayaa isku bannaan” ayay mar kale tiri guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda.

Shariif oo DF u diray dalab la xiriira dagaalka Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta war qoraal ah kasoo saaray dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sii socoshada dagaalkaas oo qaatay in ka badan todobo bilood oo xiriir ah.

Somaliland iyo SSC-Khaatuma ayuu sidoo kale ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay dagaalka joojiyaan, si wadahadal loogu dhammeeyo xiisadda Laascaanood.

Madaxweyinhii hore ee dalka oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dalab culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay inay door nabadeed ka qaadato dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool.

“Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Halkan hoose ka akhriso:-

Baaq Nabadeed

Marka hore Allah ha u naxariisto dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalkii mudada 6-da bilood ka badan ka socday magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda, intii dhaawacyada soo gaareen ilaahay ha u booga dhayo.

Dagaalkan wuxuu qixiyay shacab badan oo xaalado kala duwan ku sugnaa intii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay.

Maadaama ay dhibaatadu socotay in muddo ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in dagaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaaddana lagu dhameeyo wada hadal.

Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wada hadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay haddana waxaan indheer garadka iyo isimada dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dariska ah ee walaalaha ah ee waligood deegaan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa.

Ugu dambayn Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah.

Wabillahi Towfiiq.

 

Sawirro: Axmed Qoor-Qoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray furinta iyo qorshaha socda

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Safarkaan ayaa waxaa madaxweyne Axmed Qoor-Qoor ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo saraakiil kale.

Ujeedka socdaalkan ay Qoor-Qoor iyo Jaamac ku tageen furinta ayaa ah u kuur-gelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirra-gelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasi oo u awood sheegtay kooxaha argagaxisada.

Safarka madaxdaan ayaa imaneysa xilli dhawaan weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Inkasta oo kooxda ay wajaheyso culeys xooggan, haddana waxaa muuqata in weli ay awood u leedahay inay fuliso weeraro, kuwaasi oo waxyeelo kala duwan kasoo gaarto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, waxaan toddobaadkii u dambeeyay gacanta dowladda soo galay deegaano iyo degmooyin muhiim oo kamid tahay Ceelbuur.

Ceelbuur oo muhiim u aheyd Shabaab ayaa dhawaan laga xoreeyay kooxda oo ayadu sanado badan gacanta ku haysay, waxayna kamid tahay qabashadeeda qorsha lagu soo idleynayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Isku soo wada duubo, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab ayaa loo qorsheeyey waqti kooban, si Koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka.

Maxaan ka ognahay taliyihii NISA ee ay dishay xaaskiisa?

0

Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Barre Maxamed, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Soomaaliya aa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in taliyaha lagu dhax dilay gudaha hoteel lagu magacaabo“Ibrahim Shire” kuyaalla degmada Doolow, iyadda oo ay dilkaasi sida la sheegaayab ay geesatay xaaskiisa oo lagu magacaabo Xamdi Cabdullahi Cali.

Dilka taliyaha ayaa loo adeegsaday bistooladiisa sidda ay xaqiijyeen saraakiisha dowladda ee gobalka Gedo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilkan u dhacay, iyada oo saraakiisha dowladduna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen haweeneydii lagu eedeeyay in ay dilkaasi fulisay.

Maxamed Caafi oo ka mid ah dadka degmada Doolow ayaa sheegay in dhacdadan ay argagax ku noqotay dadka gobalka Gedo. “Waxaa ay aheyd dhacdo murugo leh, laamaha ammaanka ayaana gacanta ku dhigay haweeneyda loogu shakisan yahay dhacdadan,” ayuu yiri.

Maxamed Caafi oo ka hadlaayay sida dhacadan u dhacay ayaa sheegay in ay dadkii Hotelku halmar maqleen dhawaqa bistoolada markii la furay qolkana loogu yimid taliyaha oo ay madaxa xabad kaga taal iyo xaaskiisa oo dul taagan meydka.

“Markii dadku ay fureen qolka, waxaa loogu tegey haweeneyda oo gacanta ku haysata bistoolada, laakin iyadu ma qiran in ay dishay taliyaha, oo waxaa ay sheegtay in ay qubees suuliga ugu jirtay isla markaana ay maqashay dhawaqa bistoolada, markii ay soo baxdayna ar aragtay maydka taliyaha” ayuu yidhi Maxamed Caafi oo intaasi ku daray in dhacdadan ay u baahan tahay baadhitaan dheeraad ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Doolow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xaaska taliyuhu qiratay inay iyadu dishay. 

Taliyaha ayaa la sheegay in dhawaan haweeneydaan uu ku guursaday magaalada muqdisho ee caasimada dalka, isla markaana ay shaley uun soo gaartay degmada Doolow.

Haweeneyda lagu tuhmayo dilka taliyaha ayaa haysata ilaa 9 carruur ah oo ay hore u soo dhashay, waxaana dhawaan ay taliyaha isku barteen magaalada Muqdisho.

Wararka kale ayaa sheegaya in haweeneydu ay ka maseertay taliyaha sidaasna ay u dishay, halka eheladuna ay sheegayaan in ay suurtagal tahay xidhiidh haweeneyda kala dhaxeeyay kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

Hotelka ayaa sheegay in aanu laheyn camerada muuqaalada duubta ee CCTV, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay bilaabeen baadhitaano lagu ogaanaayo dhacdadan.

Xamdi Cabdullahi oo ah haweeneyda loo soo qabtay dilka taliyaha ayaa sida dadka degmada Doolow ay xaqiijiyeen haysay xilka gudoomiyaha ururka haweenka degmada Buurdhuubo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhacdo nuucan ah ay ka dhacdo gobolka Gedo sanadkii 2021, ayey aheyd markii sargaal ka tirsan ciidamada amniga ay sidoo kale xaaskiisu ku dishay degmada Baardheere.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay shaki weyn horey uga qabeen in haweeneydu xidhiidh la leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba kumuu ahaa, Ibraahim Hilowle?

Taliyaha ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay degmada Doolow iyo guud ahaan gobalka Gedo tan iyo sanadkii 2020-kii markaa oo ay dowladda Federalka Soomaaliya la wareegtay amniga gobolka Gedo.

Taliyaha la dilay ayaa hore usoo noqday guddoomiyaha tuulada Suur-Guduud ee degmada doolow , isaga oo markii dambe amniga degmada dolow loo magacaabay.

Taliyihii Nabadsugida ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke) oo isna lagu dilay gobalkaasi oo ay xidhiidh dhow lahaayeen ayaa u magacaabay xilka taliyaha nabad sugida degmada Doolow sida ay xaqiijiyeen ilo-xog ogaal ah.

Hay’adaha amniga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano guud oo ku saabsan qaabka uu u dhacay falkaan iyo sababta keentay in haweeneydan lagu tuhmay dilka taliyaha ay fuliso dilkaasi.

Isha: BBC SOMALI

FADEEXAD ka dhalatay siyaasiyiin qabyaaladeysay sarkaal ka yimid Al-Shabaab

0

Wisil (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay sida loo maareeyey kiiska horjooge sare oo maanta iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Dad badan ayaa dhibsaday hanaankii loo soo dhaweeyey sarkaalkaan la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab oo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed M. Fiqi iyo Xildhibaanka beeshiisa Cabdiraxmaan Cagaweyne ay sawirro lasoo galeen.

Sidoo kale waxaa arrinta cirka ku sii shareertay markii qoraallo dadka ka yaabiyey lagu soo qoray baraha bulshada ee Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsay oo ku heyb ah ninkaan la sheegay inuu ka soo goostay Khawaarijta.

Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu soo qoray “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay.”

Sidoo kale, Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

In kastoo ay jiraan warar sheegaya in Xildhibaan Qaali ay ku doodayso in laga jabsaday Facebook-geeda qoraalkaana uusan ka turjumeyn aragtideeda, hadana waxay dadku isku fasirteen oo la yaab ku noqday qoraalada gabdhahaan iyo sawirradii ay maanta horjoogaha lasoo galeen wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Cagaweyne.

Dowladu waa cafisay, waana u furantahay xubnaha Shabaab-ka ah inay ka soo haraan fikirka argagixisada, balse horjooge iyo dagaalame qof kasta oo ka soo baxa kooxdaas wuxuu maraa nidaam adag oo dowladu ay ku dhaqan celiso, si dib loogu soo celiyo bulshada, taasi waxay qaadataa ugu yaraan 3-sano.

Maanta, waxaa dadka la yaab la noqotay sida qaar kamid ah masuuliyiinta beesha Sacad ay u soo dhaweeyeen, isugu dhigeen, u karaameeyeen, una amaaneen Horjooge Maalinguur oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab.

Ninkaan waa caan, waayo badan ayuu kasoo tirsanaa madaxda ugu sareysa kooxda, wuxuuna ka howl-geli jiray koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, maanta ayuu iska dhiibay degmada Wisil, waxaana ka hor tegay masuuliyiin abaabulan oo beeshiisa ah, kuwaas oo muujiyey inuu soo galay dhabarkooda.

Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka soo muuqday goobtii maanta lagu soo bandhigay horjooge Nuur-deeq Maalinguur.

Imaashaha ninkaan ayaa ku soo aaday xili xasaasi ah oo dhiigii ciidamada qaranka uu sii qoyan yahay, dagaalku cuslaaday, dadkuna ay aad u dhibsanayaan sii jiritaanka Al-Shabaab, waxayna maanta dad badan ka xumaadeen sida loo maamuusay ninkaan oo la aaminsan yahay inuu lug ku lahaa qorshayaashii ay Al-Shabaab ku dhagreen ciidmada qaranka.

ATMIS oo war kasoo saartay howlgalkeeda iyo tirada ciidan ee ay la baxayso September

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada ATMIS Jeneraal Sam Okiding oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey guulaha ciidamada ATMIS ay gaareen, taageerada ay siiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda.

Sidoo kale Jeneraal Okiding ayaa sheegay 3,000 oo askari oo howlgalka ATMIS ka tirsan ilaa dhamaadka bisha September ee sanadkaan ay dalka ka baxayaan, sida uu dhigayo heshiiska ATMIS iyo Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada aya sheegay in ay ATMIS sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS iyo saaxiibada kale, si buu yiri ‘loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya mas’uuliyadda amniga Qaranka.’

Sidoo kale sarkaalkaan ugu sareeya ciidamada ATMIS wuxuu balan qaaday in howlgalkiisu uu la imaa doono qorshe lagu soo kabayo dib u dacyadii amni oo yimid howlgalka ATMIS.

Ugu dambeyntii Jeneraal Sam Okiding wuxuu sheegay inay ka go’antahay dhaqan gelinta heshiiska dhamaan ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya dhamaadka bisha Disembar 2024-ka.

Ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM ayaa ka howlgala gobollada koonfurta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, inta badana lama dagaalamaan Al-Shabaab.

Ciidankaan ayaa badanaa ku jira xeryo u gaar ah, waxayna kor ka ilaaliyaan magaalooyin dhowr ah iyo xarumo muhiim ah, sida garoomada diyaaradaha, saldhigyo iyo goobo kale oo muhiim ah.

Ciidamada ATMIS furimaha dagaalka uma raacaan ciidanka qaranka, waxaana inta badan la dejiyaan magaalooyinka markii laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Hadda Soomaaliya waxaa ka socda dagaal culus oo ciidamada qaranka ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaan inay dhaqan geliso heshiiskaan dhigaya in ciidamada ATMIS laga saaro dalka markii la gaaro dhamaadka sanadka soo socda.

Wararkii ugu dambeeyay ee afgembi ka dhacay Gabon

Libreville (Caasimada Online) – Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada waddanka Gabon ayaa kasoo muuqday telefishinka qaranka saacadihii hore ee Arbacada maanta ah.

Waxa ay sheegeen inay la wareegeen talada dalka, daqiiqado ka dib markii guddiga doorashada ee dalkaas uu ku dhawaaqay in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Iyaga oo kasoo muuqday TV-ga Gabon 24, ayaa saraakiishan sheegeen inay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo kuwa difaaca ee dalka Afrikada dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la laalay natiijada doorashada, dhammaan xuduudahana la xiray illaa amar dambe, isla markaana la kala diray hay’adaha dowladda, waxaana hay’adaha dowlada ee la kala diray ka mid ah, Xukuumadda, Guurtida, Golayaasha Qaranka, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo guddiga Doorashooyinka.

Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayay magaalada caasimadda ah ee Libreville, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, kadib markii ay saraakiishan kasoo muuqdeen Telefishinka.

Inqilaabkan ayaa haddii lagu guuleysto wuxuu noqonayaa kii siddeedaad ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika tan iyo sannadkii 2020.

Afgembiyada Mali, Guinea, Burkina Faso, Chad iyo Niger ayaa wiiqay horumarkii dimoqraadiyadda sanadihii la soo dhaafay.

Daawo: Xasan Sheekh oo ku goodiyey isla xisaabtan ka dhan ah saraakiisha ciidanka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyey in lala xisaabtami doono, laguna ciqaabi doono shaqsiyaadka  ku tagri fala awooda ciidanka qaranka ama cadowga u dayaca ciidamada markii loo dhiibay hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la abaal-marin lahaa ciidanka iyo saraakiisha soo hooyey guulaha wax ku oolka ah, isla markaana lala xiisaabtami lahaa kuwa ku tagri falay wadooda ciidanka ee loo dhiibay.

“Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa awooda ciidanka ee la siiyey, dowladnimo waa isla xisaabtan, ogaada kuwa ka shaqeynaya qalqal gelinta ciidanka waa Shabaab, noogama sokeeyaan,” ayuu  yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne ayaa sheegay in khasaaraha la sheegay uusan gaarin ciidanka qaranka, balse Al-Shabaab aad loogu jebiyey dagaalkaas, taas oo sababtay in hal xabaal-wadareed ay ku aasaan meydadka 190 maleeshiyaad ah, sida uu sheegay Xasan Sheekh.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa dadaasheen, waana ka soo baxdeen doorkiina, wax canaan ah malihidiin, saraal, askari ama nin madax ah oo idinku dhex jira oo qalad sameeyey hadii uu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin qaladkiisa yaan laga bixin jawaab kale oo qalad keeneysa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in wax kasta oo car qalad ah hadii la sameeyo uusan dagaalkaan istaagi doonin, “Wax kasta hadii ay dhacaan meelaha aan joogno ka soo noqa meyno, horay ayaan u socaneynaa ilaa aan gaarno guusha kama dambeysta ah ee aan u socano,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dalku uu galay dagaal aan laheyn meel looga laabto, guushiisana ay muuqato, wuxuuna codsaday in dowladda uu hoggaamiyo lagu garab istaago dagaalka Khawaarijta.

“Shabaab maanta waa liitaa, halka anagu aan intii hore ka tiro iyo tabar badanahay, guulo badan oo cadowgu uusan heysan ayaan heysanaa, geesiyaasha qaranka waxaan leeyahay guushii soo haabasho ayaa ka hartay, waxaana 100% ku kalsoonahay inay guusha dhameystiri doontaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo   

 

Daawo: Xasan oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, farriin culusna u diray ciidamada

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa fartiin u diray shacabka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay faafisay warar been abuur ah, isla markaana ay ka been sheegeen lambarka ay ku faaneen inay ka dileen ciidanka qaranka.

Madaxweyne Xasan ayaa ku goodiyey inuu la xisaabtamayo saraakiisha iyo masuuliyiinta sameysa dayacaada, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladi tahay ‘isla xisaabtan’.

Madaxweynaha ayaa shirkiisaan jaraa’id ku sheegay in AlShabaab ay hal xabaal wadareed ku aaseen 190 dagaalame oo looga dilay dagaalkii Cowsweyne.

Wuxuu sheegay in kooxdu ay dhameystirtay dhaawacyadii maleeshiyaadkooda ka soo gaaray dagaalkii Cowsweyne, isla markaana ay ku aaseen hal xabaal wadareed.

“Ciidanka Qaranka waxay ka daba tegi doonaan xabaal wadareedyada ay sameeyeen Khawaarijtu waana la baari doonaa, waxaa ku dhacay jab culus, inay dhaawacyadooda dhameystiraan waxaa ku kaliftay daawo uma hayaan, umana naxayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday inaysan jirin doonin magaalo laga saaray Al-Shabaab oo dib looga bixi doono, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in muddo kooban lagu soo afjari doono  dagaalka wajigiisa koowaad ee Galmudug ka socda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday shacabka inay garab istaagaan ciidanka qaranka iyo dowladda, si looga guuleysto cadowga, isagoo aad u amaanay ciidamada qaranka iyo dadka deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle ee isku abaabulay inay la dagaalamaan kooxda.

Hoos ka daawo