27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay dowladda + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa maanta usoo gacan galay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdullaahi Maalinguur ayaa waxa uu ciidanka gacanta ku dhigeen isaga oo maraya duleedka Bacaadweyne, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Horjooge Nuur-deeq ayaa markaas watay gaari nuuca raaxada ah iyo qori AK-47 ah, wuxuuna ku socdaalayay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qabashadiisa kadib horjooge Nuur-deeq loo sii gudbiyay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug

Masuuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, Xildhibaano heer federaal iyo heer Galmudug, maamulka gobolka Mudug , saraakiil iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa degmada Wisil ee gobolka Mudug. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee uu horjoogaha Mudug u ahaa.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo dhawaan si rasmi ah uu u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, waxaana ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay horay kooxda uga qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano badan looga qabsaday.

Taliyihii NISA ee Doolow oo xaaskiisa ay dishay – Sidee ayuu dhacay shirqoolka?

0

Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa maanta la dilay kadib markii ay toogatay xaaskiisa.

Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Barre Maxamed ayaa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen.

Maxamed Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dilka taliyaha ay ka dambeysay xaaskiisa, taasi oo uu dhawaan guursaday, islamarkaana uu jiray tuhun la xiriira inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab.

“Waxay ku dishay bistoolad, way xiran tahay (xaaskii taliyihii NISA ee Doolow),” ayuu yiri guddoomiayaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Barre oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha xaaskiisu qiratay inay iyadu dishay, kadib markii loogu yimid iyada oo gacanta ku haysatay bistooladiisauu isaguna markaas mayd yahay, oo ay toogatay, sida uu sheegay.

Waxa uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha in shaki weyn horay uga qabeen xaaska taliyaha la dilay inay xiriir la’leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab, oo si weyn ula dagaalsan dowladda Soomaaliya.

“Naagtan (xaaskiisa) ishaan ka arkaynay inay Shabaab tahay. Ninkaan shirqool ayay u dhigaysay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Doolow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in haweenaydan la sheegay inuu qabay taliyaha ay shalay uun gaartay degmada Doolow, ayna la degtay hotel ku yaalla degmada, halkaasi oo uu ka dhacay dilka.

Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dilkaan oo sida la sheegay ay geysatay xaaska taliyihii NISA ee Doolow, oo ayadu hadda xiran laguna hayo baaritaan dheeri ah.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa horay dilal shirqool ah oo lagu dilay masuuliyiin muhiim ah ka geystay gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Somali troops retreat after Al-Shabab’s deadly raid

Mogadishu (Caasimada Online) – In a turn of events that could have far-reaching implications for the ongoing conflict in Somalia, government troops were forced to retreat from newly captured territory on Monday.

This withdrawal comes on the heels of one of the most devastating attacks launched by the al-Shabab militant group in the village of Cowsweyne, a base taken over by the government forces on August 22.

According to high-ranking but anonymous officials within the Somali government, the troops retreated from key locations such as El Dheer, Masagaway, Gal’ad, and Budbud.

Major Ismail Abdimalik, a Somali government commander, explained the retreat by noting, “There are small strategic retreats.”

Abdimalik insisted that the withdrawal should not be seen as a sign of weakness but as a tactical decision.

However, other anonymous sources, who were not authorized to speak on the record, said that the brigades suffered heavy losses. One local official described the attack as “painful.”

Claims and counterclaims

While the Somali government has remained reticent about the specifics of the Cowsweyne assault, al-Shabab wasted no time portraying it as a significant victory.

Yusuf Isse Kabakutukade, an al-Shabab official in central Somalia, declared the attack a “historic victory” and admonished Somali government leaders for underestimating the militant group.

According to al-Shabab’s statement, they “overran” the base, killing 178 soldiers and taking prisoners—claims yet to be independently verified.

Contrarily, the state-run Somali National News Agency contended that government forces repelled the attack, destroying the car bombs used in the initial phase of the assault.

However, a video released by al-Shabab seems to contradict this official account, showing multiple casualties on the base.

A prolonged struggle 

Despite this setback, the overall military campaign against al-Shabab shows no signs of abating.

“I think there are some lessons to be learned, but the operations will continue. The determination is there,” commented an unnamed foreign diplomat based in Mogadishu.

Significantly, the Somali brigades still hold the strategically important town of Elbur, captured on August 25.

Major Abdimalik, who led the capture of Elbur, affirmed, “Elbur is calm, the army is clearing it, they are ready to defend themselves.”

President Hassan Sheikh Mohamud, who has been actively encouraging troops from the central Galmudug state regional capital of Dhusamareb, laid out an ambitious five-month plan to eliminate al-Shabab during a town hall meeting on August 17.

In the president’s view, it would be “unacceptable and disrespectful” to allow al-Shabab to retake any areas from which they had been expelled.

However, as al-Shabab militants continue to retreat into the bush to aim for a prolonged guerrilla war, the government’s plan to eradicate them may be easier said than done.

Both sides appear ready for a long struggle, signaling that this war, which has seen both advances and setbacks, is far from over.

Jeneraal Muungaab oo ka hadlay arrin hadal hayn badan dhalisay oo la xiriirta dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, xilli ay taagan tahay hadal haynta weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka xoogga ee ku sugnaa deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud.

Mungaab ayaa ugu horeyntii ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay dhici karto in khasaare kasoo gaaro ciidanka xoogga dalka, maadaama dagaal lagu jiro.

“In dowladnimada guulaysato cadowga Al-Shabaab-na laga adkaado waa danta cid kasta. Waxaan bogaadinayaa Guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayna ugu dambaysay xurayntii degmada Ceelbuur,” ayuu yiri Jeneraal Mungaab.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada “in ay hiil iyo hooba ay la garab-istaagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee ku howlan har iyo habeen ka xoraynta dalka cadowga Al-Shabaab.

“Cidii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso Xuraynta Dalka Iimaanka Allah hageliyo ,waxaana leeyahay war hooy (Sidaasi geela looma kaxeeyo),” ayuu sidoo kale ku yiri qoraal uu soo saaray Jeneraal Mungaab.

“Jayshkayagoow Guulaysta. Guulayso Fakhaamata ra’iis. Guushaadu waa guusha Umadda Soomaaliyeed.”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada fal-celin xooggan ay ka dhalatay weerarkii ay dorraad kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne, kaasi oo khasaate lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta, laguna dhaliilay dowladda dhexe.

U.S. officials uncover ISIS link in asylum seeker influx

Washington (Caasimada Online) – In a move bound to stoke further political debate on border security, the FBI is actively investigating a group of more than a dozen Uzbek nationals who entered the U.S. after seeking asylum at the Mexican border.

According to multiple confidential sources within the U.S. government, alarm bells rang when intelligence unearthed that these asylum seekers had traveled with the aid of a smuggler linked to ISIS.

“FBI agents are working diligently to locate these individuals and evaluate their backgrounds,” confirmed National Security Council spokesperson Adrienne Watson.

Watson emphasized that the investigation remains active and ongoing while no specific ISIS plot has been unearthed.

Earlier this year, a wave of migrants from Uzbekistan made asylum requests at the southern U.S. border.

They were processed and screened by the Department of Homeland Security (DHS) without raising any concerns.

These individuals joined the growing number of asylum seekers from Central Asia—a trend that has marked a noticeable shift in U.S. immigration patterns.

It was only after intelligence officials learned of a human smuggling ring—specially designed to aid Uzbeks in entering the U.S.—that concerns about potential national security threats solidified.

To exacerbate the situation, at least one individual within this smuggling operation had known affiliations with ISIS.

Prompt action followed; U.S. officials collaborated with Turkish authorities to arrest the smuggler and further dismantle his network.

“We have received valuable information from the arrested individuals aiding our ongoing investigations,” said an anonymous U.S. official.

Immigration and terrorism: A complex intersection

The matter has exacerbated ongoing debates about the inherent challenges and potential loopholes within the U.S. immigration system, specifically in relation to terrorism.

FBI Director Christopher Wray recently acknowledged this issue in a congressional hearing, stating that “the southern border is becoming more of a priority for the FBI” as they observe “severe criminal threats coming from across the border.”

Law enforcement officials have privately voiced concerns that an uptick in migrants from Central Asia—a region not traditionally a significant source of refugees—did not prompt an immediate, more rigorous investigation.

“We must recalibrate our screening and vetting procedures,” Watson asserted, “to protect Americans from a full range of potential threats.”

This case arrives at a particularly delicate moment for the Biden administration, caught between managing an increasingly complex landscape at the southern border and addressing rising global threats from terrorist organizations.

While this incident has reignited Republican criticisms about the administration’s border policies, some within the Biden camp see it as a system functioning as it should.

For instance, since this intelligence became available, DHS has already started to detain and expedite the removal of other migrants at the southern border who fit similar profiles.

“Whenever we have indicators that criminal actors have connections to terrorism, we collaborate with our partners to mitigate any risks,” the FBI said.

The situation serves as a stark reminder that the challenges of immigration policy and national security are not mutually exclusive but rather intricately linked in a world grappling with complex humanitarian crises and evolving threats.

The U.S. finds itself at a policy crossroads, where decisions taken today will set the tone for how effectively the nation can safeguard its borders while upholding its commitment to humanitarian values.

Axmed Karaash oo gaaray magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii hore gaaray deegaanka Gambadhe, halkaasi oo uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood.

Mudane Karaash iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada si diiran ugu soo dhaweeyey dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Laacaanood iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa la filayaa inuu u kuur-galo xaaladda nooleed ee shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo dhawaan laga saaray ciidamada Somaliland iyo maxaabiista lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii lagu jabiyay ciidamada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona hoggaanka maamulka SCC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka magaalada iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada Laascaanood.

Socdaalka Karaash ayaa imanaya kaddib markii Somaliland laga saaray magaalada, ka gadaal markii Laascaanood ay ka dhaceen dagaalo socday in ka badan toddoba bilood, kaasi oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa markii u horreysay qiratay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.

Sawirro: Dibadbaxyo xooggan oo ka billowday Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Banaanbaxyo xooggan ayaa maanta ka billowday qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland, kuwaasi oo lagu taageerayo ciidamada Somaliland, kadib jabkii dhawaan kasoo gaaray dagaalka Laascaanood.

Banaanbaxyadan oo la sheegay inay dhiiri-gelin u yihiin ciidamada Somaliland, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa qeyb ka ah qorshe xukuumadda Muuse Biixi ay dhiig cusub ugu shubeyso ciidanka ka dagaalamaya Laascaanood, oo qaarkood maxaabiis ahaan ugu gacan galay SSC.

Magaalada Hargeysa ayaa ah midda sida weyn la iskugu soo baxay, ayada oo shacabka caasimada ay iskugu yimaadeen fagaaraha kheyriyada, halkaasi oo laga jeediyay hadallo dhiirigelin iyo garab istaag loogu muujinayo ciidamada Somaliland.

“Ciidamada Somaliland dhamaantood waxaa leenahay meelkasta oo ay joogaan, waxaad tihiin geesiyaasha aan ku dhaadano, kuwa aan ku seexano ee guulaha noo soo hooya, guuleysta waan idin garab taaganahay taageera dhan walba,” ayay tiri mid kamid ah shacabka Hargeysa ee bannaanbaxyada ka dhigaya caasimada.

Mid kale ayaa sidoo kale yiri “Maanta waxaa isoo kicisay ciidankayga qaranka garab istaagiisa shucuurteyda oo maanta la maleyn kareyn, in aan muruq iyo maal intaba la garab istaago, ciidankayga qaranka waxaa leeyahay wada Faysal Bootaan oo miidhan ayaa nahay.”

Banaanbaxyadan ayaa imanaya ka gadaal markii hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qirtay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland.

Muuse Biixi oo markaas ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday baaq uu u dirayo reer Somaliland, kaasi oo ah midnimo.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii.

Xog: Ciidanka DF oo dib uga baxay Ceeldheer, Masagaway, Galcad, Wabxo iyo Budbud

Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceeldheer, Masagaway, Wabxo, Budbud iyo Galcad.

Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26-aad ayaa waraysi uu shalay galab siiyey VOA ku sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas.

Sidoo kale, sarkaal kale oo ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa sheegay in goobaha dib looga gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu dagaal ugu qabsan goobahaas.

Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn.

Arrintan ayaa imaneysa xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

ISF oo kaalmo lacageed soo gaarsiisay Soomaaliya, una sameeysay ballan-qaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (ISF) ayaa kaalmo dhaqaale oo cusub ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo shalay lasoo gaarsiiyay hay’adda maaraynta musiiboyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya ururka iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M.Boba.

Ujeedka kulanka ayaa wuxuu ahaa in uu guddoonsiiyo aafiirka hay’adda SODMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doollar, taasi oo qeyb ka ah ballan-qaad horleh ISF u sameeysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay SODMA ayaa lagu sheegay in Islamic Solidaarity Fund (ISF) ay hore u ballan-qaadeen kaalmadan lacageed booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii Febraayo 2023, si abaaraha wax looga qabto.

Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan.

Safiir Bamba ayaa dhankiisa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SODMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn, si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata.

Dhawaan ayay aheyd markii ay SODMA kaalmo dhaqaale oo dhan 150,000 dollar ka heshay Shiinaha, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu daad-gureynayo gargaarka la gaarsiinayo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

DF Somalia iyo Mareykanka oo maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya $92 Milyan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku saxiixday mashruuc horumarineed oo lagu taageerayo dowladda federaalka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa heshiiskan u saxiixay dowladda federaalka Soomaaliya, halka Mareykanka uu usaxiixay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ku kacaya $92.6 Milyan, kaasi oo qeyb ka ah taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, si gaar ah waxay wax badan ka tari doontaan adeegyada aas-aasiga ah ee deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Beene-Beene oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa ayaa sheegay in mashruucan uu yahay wejigiisa labaad, ayada oo sanadkii hore 78 Milyan loogu deeqay Soomaaliya.

“Waa fursad aad iyo aad u fiican, waa fursadii labaad ee wax ka saxiixno, sanadkii hore 78 Milyan ayaa lagu caawiyay dowladda Soomaaliya, ayada oo u isticmaalaysay barnaamijyadii lagu taageerayay dadkeena Soomaaliyeed waxaana aad iyo aad looga caawiyay arrimaha abaaraha iyo taakuleynta u baahnayeen,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas waxay qiimo weyn ugu fadhisaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, dowladda Mareykanka oo ku-simaha safiirka halkaan nala fadhiyo aad ugu mahad-celinaynaa, qaasatan USAID howlaha ay Soomaaliya ka wadana waa u mahadcelineynaa oo markasta waxay kor usii qaadeysa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.”

Lacagtaan ayaa qorshuhu yahay in dhulka laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga iyo qorshaha xasillinta ee deegaanadaasi, si ay horay uga sii socdaan ciidamada huwanta ee la-dagaalamaya Al-Shabaab.

Heshiiskaan deeqda ah ayaa waxa uu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya, kaasi oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada iyo awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah waxay dowladda federaalka ay barbar waday qorshaha xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka.

Qorshahaan ayaa dowladda ku waday dardar horleh, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka iyo gargaar bini’aadannimo kadib sanado badan oo ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda.

Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay.

Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay degmada Afgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil nin oday ahaa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilkan oo ka dhacay xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye, ayaa waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabaas Osman Abshirow oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi.

Cabaas Abshirow ayaa waxa la sheegay inuu ahaa nin ku shaqeysan jiray gawaarida nooca raaxada ah ee loo yaqaano Taxi, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay ninkaan odayga ah iyo cidda ka dambeeysay dilkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga degmada Afgooye ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay.

Ciidamada ayaa halkaas ka sameeyay howl-gallo baaritaano ah, wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dableydii ka dambeeyay dilka ninka odayga ah, inkasta oo ay sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dambiilayaasha, oo ayagu markiiba iskaga baxsaday goobta.

Si kastaba, Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oo la soo qaban ragga fuliya dilalkaasi qorsheysan.

Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka ay DF kula jirto Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay islamarkaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dawladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Wabxo ay halkaa ka baxeen, xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan.

Lama oga sababata keentay in ciidanaka ay deegaankaas ka baxaan. Sawladda Soomaaliyana weli kama aysan hadlin. Wabxo ayaa leh istaraatijiyad muhiim ah, waana waddada loo sii maro degmada Ceelbuur oo Jimcihii ay ciidanka dawladdu kala wareegeen Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo badan ku sugan Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad.

Sidoo kale Jubaland ayaa ka mid ah deegaannada ay dowladdu Soomaaliya iyo maamulkaasiba qorsheynayaan in wajiga labaad ee dagaalka looga saaro Shabaab aagagga ay ka haystaan.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo beeniyay warar laga faafiyey ciidamada jooga Ceeldheer

Ceeldheer (Caasimada Online) – Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay isaga soo baxeen Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay si buuxdo gacanta ugu hayaan degmadaasi, isla-markaana aanay waxba ka jirin inay soo banneeyeen degmada.

Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo hadda ku sugan degmadaasi ayaa yiri “Aniga waxaan ku suganahay dhinaca Degmada Ceeldheer, waxaas waan maqlayay, laakiin waxba kama jiraan, aniga kula hadlayo ayaa ku sugan Degmada Ceeldheer.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Galmudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka inaysan jirin wararka sheegaya, ee ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo baxeen furimaha dhanka aniga aan ku suganahay.”

Yaasiin Farey oo horey u soo noqday Kusimaha Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa iftiimiyay inaanu wax dhib ama culeys ah midna ka jirin degmadaasi.

“Aniga ayaa ku sugan gudaha magaalada, waxaana jooga Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka, oo ku filan difaaca degmada, aniguna magaalada gudaheeda ayaan deganahay, wax dhib ah ama culeys ah aan dareemayo haba yaraatee ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaanka oo VOA la hadlay.

Waxa uu sheegay in ay iska war qabaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana aanay suurtagal ahayn in masuuliyiinta ay qorsheynayaan in ciidamada ay dib uga soo baxaan xeryaha ay ku leeyihiin degmadaasi.

“Ma jiraan, ma jiraan oo wax dhici karta maba ahanba, degmadan waad la socotaa waxaa la qabtay bishii January ee sanadkan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka aad baan uga war haynaa iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, wax hadda annaga aan ognahay oo in laga baxo ah Degmada Ceeldheer ma jiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay xaaladaha degmooyinka deriska la ah degmadaasi, sida Ceelbuur oo kale ayaa wuxuu sheegay in isagu uu ka warami karo oo keliya Ceeldheer iyo deegaanada ku teedsan.

“Aniga inta aan ka war hayo waa degmadan hadda aan ku suganahay iyo deegaanada ku xeeran, dadkeedana way abaabulan yihiin, Ciidanka Xoogga Dalkana waa u diyaarsan yihiin, ciidamada deegaankana ayaga ayaa hadda gacanta ku hayo amniga iyo difaaca Degmada Ceeldheer,” ayuu yiri Yaasiin Farey oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa furimaha dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa muddooyinkanba Degmada Ceeldheer ku diyaarinayay ciidamo loogu talagalay in ay qabtaan deegaanka Shaway, oo hoostagga Degmada Galhareeri, isla-markaana ay gacan ka gaystaan hawlgalka la doonayo in ciidamadu ay Shabaabka kaga saaraan Galhareeri, oo ah degmada qura ee ay xilligan Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Dhexe.

BF Somalia oo loo gudbiyay xisaab xirka sanadkii 2022

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo la xiriirta miisaaniyadda sanadkii tegay ee 2022-kii, waxayna xisaab xirka sanadkaas oo aan weli la sameyn u gudbisay baarlamaanka.

Nuqullo kamid ah xisaab xirka miisaaniyadda ee sanadkii hore ayaa waxaa baarlamaanka ku wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, kaas oo tegay xarunta Villa Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xisaab xirka uu wareejiyay ay soo marsiiyeen dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Sidoo kale Hanti-Dhowrka guud ee qaranka ayaa isna baaris maaliyadeed ku sameeyay xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, ee sanadkan 2023, waxaana natiijada baaritaanka horay lala wadaagay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ballan qaasay inay sii wadi doonto xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2022-kii, taas oo ay muddo dheer dood ka taagneyd, maadaama ay kusoo aaday, xilli doorasho oo ay jireen khilaafaad xoogan.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay ku noqoashada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2023-ka kadib markii uu horgeeyay wasiirka cusub ee wasaaraddaas, Biixi Iimaan Cige.

Madaxweyne BIDEN: Sarraynta cadaanku boos kuma leh Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay weerar ku saleysan cunsuriuad oo ka dhacay gobolka Florida.

Biden ayaa waxa uu sheegay in sarreynta caddaanka aysan meel ku laheyn dalkaasi, kadib weerarkaasi ku saleysan cunsuriyad ee lala beegsaday dad madow ah oo ka dhacay Florida.

“Waa in aan si cad oo xoog leh u sheegnaa in sarreynta cadaanka aysan meel ku lahayn Ameerika,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden.

Hadalka madaxweynaha ee lagu dhaleeceynayo toogashada saddex ruux oo madow ah ayaa yimid xilli loo dabbaal-degayey munaasabadda sannad-guuradii 60-aad ee socodkii hoggaamiyayaashii madawga ahaa ee Maraykanka ay ku baannaanbaxeen magaalada Washington 28kii Ogosto 1963.

Martin Luther King oo ka tagay hal-ku-dheg caan noqday oo ahaa “Waxaan leeyahay riyo.”

Boqolaal qof ayaa isugu tagay Kaniisadda, si ay baroor-diiq ugu sameeyaan saddex qof oo Madow ah oo uu xaafadda Jacksonville ku dilay 21 caddaan ah oo lagu magacaabo Ryan Palmer .

Sadexda ruux ee la dilay ayaa kala ahaa Angela Michelle Carr, oo 52 jir aheyd, AJ Laguerre oo 19 jir ah iyo Jerrald Gallion oo 29 jir ah.

Xog: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo safar dhulka ah ku aaday Ceelbuur

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ku wajahan magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku tegayaan safar dhulka ah.

Kolanyo ay la socdaan labadaas masuul ayaa la sheegay in galabta ay ka soo amba-baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku wajahan magaalada Ceelbuur oo maalmo ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac ayaa galabta maqribadii ka gudbay Guriceel, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxayna Ceelbuur ka soo gelayaan dhanka Wabxo.

Ciidamo xoog leh oo isugu jira kuwa deegaanka iyo xoogga dalka oo Danab ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Ceelbuur, ciidankaan ayaa ku guuleystay in si nabad ah ay gacanta ugu dhigaan magaalada.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Difaaca Qaranka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

In Madaxweynuhu ka baaqdo safarkaas waxaa sababay tallaabo ay qaadeen ciidamadii ku sugnaa magaalooyinkaas oo sabab aan la shaacin uga baxay maanta.

Waxaa jira gadood ciidan iyo amarro is diidan oo ay marti-gelineyso wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasi waxay sababtay in ciidan badan lagu laayo Cowsweyn, maantana la baneeyo furimihii Ceeldheer iyo Galcad.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa isna galabta ka soo baxay degmada Aadan-Yabaal, isagoo qorsheynaya inuu ka hor tago ciidamadii soo baneeyey furimaha Galcad iyo Ceeldheer.

Howlgalka ka socda Galmudug ee Khawaarijta looga xoreynayo dalka ayaa maalmahaan wajahaya jaha-wareer xoog leh oo hadda banaanka u soo baxay, waxaana sixitaanka wixii qaldamay ku howlan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajendihiisa koowaad ka dhigtay hoggaaminta dagaalka.

CC SHAKUUR: Waxaa jira dowlado iyo siyaasiyiin taageera kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay jiraan dowlado shisheeye iyo kooxo Soomaali ah oo ka soo horjeeda inuu guuleysto dagaalka ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa doqon ku tilmaamay siyaasigiin libin ka raadinaya ragaadinta dagaalka xaqa ah ee lagu soo afjarayo Khawaarijta.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa balan-qaaday inay sii garab taagnaa doonaan oo ugu hiili doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalka uu kula jiro Khawaarijta.

Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah iyo si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halka kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen.

Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay.

Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya.

Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka argagexisada.

Somali Forces reel from Al-Shabab counter-attack

Cowsweyne (Caasimada Online) – In a significant counterstrike, al-Shabab militants attacked Somali army troops in the town of Cowsweyne last weekend, dealing a blow to the military’s recent gains.

Just days prior, government forces had retaken Cowsweyne from the al Qaeda-linked extremist group as part of their largest offensive in years.

Military spokespeople have remained silent about the details, while Somalia’s government has only confirmed that the attack was “foiled.”

Dahir, a wounded soldier recuperating in a military hospital, described the situation: “At about 6 a.m., a car bomb went bang, and a hellish battle followed.

When we got reinforcements, fighting intensified, and we beat the hell out of the terrorists.”

His fellow soldier Isse, also injured, said that at least 17 other soldiers were killed during the engagement.

Calls for accountability

Hospital officials, speaking on the condition of anonymity because they are not authorized to talk to the press, corroborated the extent of the damage.

“At least 50 wounded soldiers were brought here for treatment,” said one source.

Former deputy mayor of Mogadishu, Ali Yare Ali, even went further, claiming that around 130 soldiers had lost their lives based on accounts from unnamed military officers at the scene.

Former Somali president Sharif Sheikh Ahmed weighed in on the issue, declaring, “Parliament should carry out a serious investigation into the battle, in which we lost many soldiers, and hold the commanders responsible.”

Ongoing struggle against Al-Shabab

The military campaign targeting al-Shabab intensified last year and reached a significant milestone with the capture of the militants’ stronghold of El Buur on Friday.

Yet, Saturday’s events in Cowsweyne serve as a potent reminder of the challenges ahead.

These areas have been al-Shabab strongholds for years, and their knowledge of the local terrain and community consistently threatens the military’s operations.

Founded in 2006, al-Shabab has been waging a deadly campaign to overthrow Somalia’s Western-backed central government.

The extremist group seeks to implement its interpretation of Islamic law and has claimed tens of thousands of lives in the process.

Their resilience and capability for counter-attacks underscore the complexity of the ongoing conflict and the need for a well-coordinated, multinational approach to counterterrorism in the Horn of Africa.

The events raise vital questions about the government’s strategy and military preparedness, particularly when the enemy is deeply embedded in certain areas.

As the Somali army pushes forward, the stakes are high, and the path ahead is fraught with opportunity and peril.

Xog: Xasan oo ka baaqday Ceeldheer iyo Galcad oo ciidamada DF ay ka baxeen

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta qorsheystay inuu safar ku soo maro magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad oo aagag muhiima u ah howlgalka ka socda gobolka Galgaduud.

Markii la diyaariyey safarka Madaxweynaha oo ku bixi lahaa diyaarado Drones ayaa waxaa soo baxday xog sheegeysa in ciidankii joogay Ceeldheer ee amniga madaxweynaha sugi lahaa ay magaalada isaga baxeen.

Intaas kadib waxaa la diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Korneyl Shuute oo Muqdisho ka yimid oo markaas Dhuusamareeb ka soo degay, labadaas sarkaal ayaa lagu bedalay safarkii madaxweynaha.

Markii ay Mahad iyo Shuute ka degi rabaan Galcad waxaa loo sheegay in ciidankii joogay magaalada ay hadana isaga baxeen, taas oo diyaaradihii siday kolonyada labada masuul ku kaliftay inay ku laabtaan Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid xog rasmi ah ka bixisay sababta ay ciidamadu uga baxeen magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo madaxda hoggaamineysa dagaalka ay safar ku tegi rabeen.

Xogta ay heyso Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa inuu jiro gadood ciidan oo ka dhashay weerarkii ciidanka lagu laayey ee ka dhacay degaanka Cowsweyne, waxayna ciidamada iyo saraakiisha qaar ka xumaadeen in wax jawaab ah aysan dowladu ka bixin wixii Cowsweyne ka dhacay.

Markii laga soo tago xogta sheegeysa gadoodka ciidan ee jira, lama yaqaan cida bixineysa amarka ay ciidamadu ku soo baneynayaan furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa degmada Aadan-Yabaal ayaa galabta safar dhulka ah ugu baxay dhanka Galcad, si uu uga hor tago ciidankii faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen Galcad iyo Ceeldheer.

Warar soo baxay waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga, kaas oo sabab u ah jahawareerka soo wajahay ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab.

Xog: Taliye Shaah-macabe oo la waayay kadib weerarkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), isla-markaana ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaas oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud, iyaga oo qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cabdulle Calasow oo kamid ah saaxibada taliyaha weli la la’yahay ayaa faah-faahiyay xogta sarkaalkaas iyo sida lagu waayay.

“Booqashada furimaha hore ee difaaca ciidamada ee wasiirka gaashaan-dhigga, taliyaha Nisa Mahad Salaad, Shuute, Qoorqoor iyo xitaa tan madaxweynuhu maxay qiimo ku fadhidaa, haddii aan nolol iyo geeri lagu heyn taliyihii Guutada 25-aad ee CXDS oo 2500 iyo taliskooda hoggaan u ahaa.” ayuu yiri Xasan Cabdulle oo qoraal soo dhigay Facebook.

Wuxuu ku daray “Taliye SHAAH MA CABE waxa lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ee maalintii sabtida dhacay, ilaa saacaddaanna nolol iyo geeri midna laguma haayo. Waxa uu ahaa taliyaha kaliya ee la hubo inuunan laaluush qaadan-jirin, balwad aan laheyn nuucii ay doontaba ha ahaatee, sidoo kalena ahaa sarkaal wadaad ah oo Eebbe ka cabsi badan”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay jawaab ka bixiso weerarkii Cowswayne, maqnaashaha sarkaalkaas iyo askartii kale ee lagu laayay halkaasi.

“Aniga waxa uu ii ahaa saaxiib gaar ah, maalinkii la waayay ilaa maanta aan joogo, ma deggana xaalkeygu run ahaantii. Hal-xiraalaha Xasan iyo tiimkiisa ku horgudban ayeyna ka mid tahay.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xasan Cabdulle Calasow.

Farriintan ayaa Xasan waxa kale oo uu ku yiri “Dooni meyno booqasho ee waxaan doonaynaa badbaado, nolol iyo geeri mid lagu keeno taliyihii guutada 25-aad iyo askarta kale ee weli la la’yahay, kuwii shahiidayna ay meydkooda mujrimiintu ku kor baraanburayaan waa in laga gaaraa inta aysan karsan”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in tallaabo la qaado, si loo soo bad-baadiyo askarta iyo saraakiisha weli maqan ee lagu waayay weerarkaasi.

“Askarta dhimatay meydkooda in la soo badbaadiyo ayaa askar kale u dhimataa, taas oo ah: “Mid lagu dhisayo moraalka kuwa nool”. Nolol iyo geeri mid lagu qanco keena, intaan ka badan idin kama aamusnaan karno e. Dagaalku waa xaq, debacsaniduse waa agnaan-nimo ee booqashada ha la beddelo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Cabdulle.

Maalmo kahor ayaa Al-Shabaab weerar lagu hoobtay waxa ay ka fulisay Cowswayne, kaas oo dhaliyay hadal heyn xoogan, maadaama lagu laayay askar badan, hubna lagu qaatay.