27.7 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Wasiirka arrimaha dibedda Libya oo shaqada looga joojiyey arrin la xiriirta Israel

Tripoli (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa Axaddii sheegay inuu shaqo ka-joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhowaaqay inay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddobaadkii tegay.

Najla al-Mangoush “si ku meel-gaar ah” ayaa loo hakiyey, waxaana “baaritaan maamul” ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda, waxaa sidaa habenekii Axaddi yiri ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook.

Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday “fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya.

Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Israel ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani.

War-saxaafadeedka Israel ayaa ku qeexay hindisihii ugu horreeyey ee diblomaasiyadeed ee noociisa ah ee dhex-mara laba dal.

“Waxaan wasiirka arrimaha dibedda kala hadlay suurta-galnimada weyn ee labada dal xiriirkooda,” ayuu ku Cohen ku yiri bayaanka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Israel.

Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa Axaddii sheegtay in Mangoush “ay diiday inay la kulanto dhinac kasta” oo matalaya Israel.

“Waxa ka dhacay Rome waxay ahaayeen fursad iyo kulan aan rasmi ah aheyn, intii uu socday kulanka dhiggiisa Talyaaniga, kaasi oo aan ku jirin wax wada-hadal, heshiis ama wada-tashi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Wasiirka ayaa ku celisay “si cad oo aan mugdi ku jirin mowqifka Libya ee ku aadan qadiyadda Falastiin”, ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku eedeysay Israel inay isku dayeyso “inay dhacdadan u ekeysiiso” sida “kulan ama wada-hadallo.”

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa kasoo xigtay Cohen inuu yiri in labada dhinac ay ka wada-hadleen “muhiimadda ilaalinta dhaxalka Yahuudda Libya, oo ay qeyb ka tahay dayac-tirka macbadyada iyo xabaalayaasha Yahuudda ee dalka.”

“Cabirka Libya iyo goobta muhiimka ah ee ay ku taallo waxay fursad weyn u tahay Qaranka Israel,” ayuu yiri.

Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan kulanka oo laga helay dhanka Rome.

VOA + AFP

Mudaharaad weyn oo ka dhacay Gaalkacyo + Ujeedka

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay dibadbax weyn oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan koonfurta magaaladaasi.

Dibadbaxan ayaa waxaa lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa mudaharaadkan soo qaban qaabiyay maamulka degmada, ayada oo ujeedku ahaa in reer Gaallacyo ay taageero ugu muujiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan guullo ka gaaray howlgallada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu so baxay barxadda Five Star ee Gaalkacyo, iyaga oo ku qalinayay erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale siteen booray lagu soo xordhay erayo ay taageero ugu muujinayaam ciidamada huwanta ee gulufka ka waday gobollada dhexe ee dalka.

Waxgarad iyo abwaano ka hadlay mudaharaadka ayaa sidoo kale shacabka ku booriyay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Mid kamid saraakiisha laamaha ammaanka  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, balse ay u baahan yihiin taageerada shacabka.

“Annaga ciidamo amni ahaan Shabaab waxaa naga go’an inaan a dirirno dhiigeena inaan ku bixino gudaha iyo bannaanka, waxaana rabnaa inaad na taageertaan” ayuu yiri.

Dhankiisa Duqa Galgakacyo, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa xusay in Gaalkacyo ay diyaar u tahay halgalka xoreynta ee ka socda Galmudug.

Isku soo baxan ayaa qayb ka noqonaya abaabulka culus ee hadda ka socda Galmudug, kaas oo qorshihiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan Galmuudg.

Biden viewed as too old for a second term, poll finds

Washington (Caasimada Online) – In an era often characterized by sharp divisions, a recent AP-NORC poll surprisingly found Americans largely unified on one issue: the role of age in political leadership.

The survey, conducted between August 10 and 14, 2023, revealed that 77% of Americans believe President Joe Biden is too old to serve effectively for another four years.

Interestingly, this sentiment transcends party lines: 89% of Republicans and 69% of Democrats shared this view.

“Age discrimination may not be legal in the workplace, but it certainly is prevalent among the President’s employers—the American people,” says Eric Dezenhall, a 60-year-old corporate scandal-management consultant who served in Ronald Reagan’s White House.

While Biden, who often jests about his age to mitigate concerns, struggles with this public perception, former President Donald Trump seems mainly immune to such worries.

Approximately 50% of Americans feel Trump is too old for the office, revealing a stark partisan divide. Democrats are significantly more likely to raise age as a disqualifying factor for Trump than Republicans.

Dezenhall explains this divergence: “Biden appears compromised by age-related conditions, even to those who like him. On the flip side, Trump’s negatives aren’t necessarily age-related. He’s been the same ranting character for almost eight decades.”

The push for younger leadership

Age-related concerns are driving public discourse about America’s political future.

Nearly two-thirds of U.S. adults advocate for age limits on candidacy for president and Congress, while 67% support a mandatory retirement age for Supreme Court justices.

Despite this trend, it’s unlikely that we’ll see sweeping changes soon. “With elders mostly running the show and the Constitution to contend with, don’t expect an age revolution anytime soon,” Dezenhall adds.

But why is there a growing preference for younger leadership? Noah Burden, a 28-year-old communications consultant in Alexandria, Virginia, believes it’s a matter of shifting values and perspectives.

“The older generation represents a sense of the country that isn’t accurate. It can be dangerous,” he says.

Ageism or realism? Experts weigh in

S. Jay Olshansky, a public health professor and aging expert at the University of Illinois at Chicago, finds the focus on age disheartening.

“It’s classic ageism. The age of the individual is irrelevant; it’s their policies that matter,” he argues. Olshansky further suggests that Biden and Trump are likely “super agers,” functioning highly despite their age.

The debate on age versus experience remains contentious. For Alyssa Baggio, a 32-year-old Democratic-leaning independent, the question of age was always a concern.

“I don’t think [Biden] ‘s done a terrible job, but I believe that’s because he surrounds himself with experienced people, unlike Trump,” she says.

Ultimately, the American electorate is wrestling with complex attitudes toward age, contrasting it with other qualities like experience, vigor, and suitability for the highest office in the land.

What’s evident is the growing appetite for fresher faces and new ideas, something both parties will need to consider as they approach the 2024 Presidential election.

Imran Khan triumphs as court nullifies sedition case

Islamabad (Caasimada Online) – In a significant legal respite for former Prime Minister Imran Khan, a court in Pakistan dismissed a sedition case against him on Monday.

“The charges are without lawful authority and are of no legal effect,” ruled the Balochistan High Court.

The judgment arrives on the heels of Khan’s ongoing legal battle related to his corruption charges, for which he was imprisoned earlier this month.

“The case had weak legs, to begin with,” Khan’s attorney, Naeem Panjutha, rejoiced on the messaging platform formerly Twitter, exclaiming, “God be praised.”

Nestled in the heart of Quetta, the capital of Pakistan’s southwestern Balochistan province, the sedition case originated in March.

The allegations centered on one of Khan’s speeches, accused of being seditious. However, the court found that the prosecution failed to obtain the necessary consent from federal or provincial authorities to bring the sedition charges forward.

“The absence of such required consents means the case had no legal grounding,” emphasized legal analyst Abdul Wahab.

Legal troubles 

The dismissed sedition case is merely a drop in the bucket for Khan, who has been entangled in multiple legal challenges since his downfall.

Removed from power following a parliamentary vote of no confidence in April 2022, Khan has been a magnet for litigation.

Charges against him range from corruption and terrorism to incitement of attacks against state institutions and even abetment to murder.

For the uninitiated, sedition charges in Pakistan are uncommon and often wielded as a political tool.

“Sedition laws have been a contentious issue in Pakistan, frequently used for settling scores rather than addressing actual crimes,” explained Shahid Afridi, a professor of Political Science at Quaid-i-Azam University.

After his unceremonious exit from office, Khan’s relationship with Pakistan’s influential military soured, fueling the country’s already volatile political landscape.’

Khan’s political power 

With Pakistan grappling with an economic downturn considered among its worst, Khan’s efforts to galvanize public support have fomented further instability.

Today’s decision could be a precursor to another crucial ruling. Later in the day, Islamabad’s High Court is slated to pass judgment on an appeal to suspend Khan’s three-year prison term for corruption.

Regardless of the outcome, Khan is ineligible to run for political office for the next five years.

Legal woes aside, the stage is set for a general election. Initially anticipated in November, the national vote is expected to be postponed until early next year due to the ongoing crises.

Once a cricket hero before transitioning into politics, Khan is barred from the electoral arena, making it a race worth watching for domestic and international stakeholders.

Dagaal ka qarxay Marka iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo baqranimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda, balse isku u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo ku waday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, kadibna uu sidaas ku qarxay iska hor imaadka.

Wuxuu dagaalka xoogiisa ka dhacay dhanka xiga xeebta, sida laga arki arko muqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta dagaalka, kuwaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ay waxyeelada soo gaartay ku jiro rayid.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dagaalka ka dhacay Marka.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo magaalada, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay.

Marka oo ah magaallo xeebeedka, sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa daganeyd sanadihii dambe, waxayna kamid ah degmooyinka laga saaray kooxda Shabaab.

Si kastaba, ciidamada ayaa ku dagaalama inta badan Shabeelaha Hoose, waxaana u dambeeyay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay magaallo Baraawe ee gobolkaasi.

 

Maxaa ka jira in ciidanka DF ay kasoo baxeen Ceel-dheer?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka hadlay howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ugu horeyn xildhibaanka oo horay usoo noqday taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, kadib markii wararkaasi lagu baahiyay baraha bulshada.

Yaasiin Farey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Ceel-dheer, ayna gacanta ku hayaan ciidamada huwanta.

“Aniga waxaan ku suganahay dhinaca degmada Ceel-dheer waxaas waa maqlaayay waxna kama jiraan, aniga kula hadlaayo ayaa ku sugan Ceel-dheer waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed in aysan jirin wararka la sheegaayo ee ah in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen furimaha dhanka aan aniga hadda ku suganahay, marka warkaan waan maqlay, laakiin waxba kama jiraan” ayuu yiri Yaasiin.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada jooga Ceel-dheer ay u filan yihiin amniga iyo difaaca magaaladaasi oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

“Magaalada ciidan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jooga, ciidan waxaa jooga deegaanka ah oo ku fican difaaca degmada anigu marka gudaha magaalada ayaan daganahay wax dhib ah ama culeys oo aan dareemaayo haba yaraatee ma jiro” ayuu hadalksa sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xooganaa ee ay maalin kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswaye, isaga oo qiray inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, balse uu tilmaamay in dagaal sidiisu dhaliyo khasaare.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in weerarkaas uusan saameyn doonaan gulufka dagaal ee haatan ka socda bariga gobolka Galgaduud.

“Dagaal haddii uu dhaco natiijadiisa waa dhimasho iyo dhaawac marka meeshaas dagaal ka dhacay mana noqon doono dagaalkaas mid howlgallada socda ama hanka ay leeyihiin guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada qaranka dib u dhiga” ayuu yiri Farey.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa haatan ka socda dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweyne Xasan Sheekh.

A/Madoobe oo saadaaliyay waxa dhici kara haddii laga adkaan waayo Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xirtaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka adag ee lagu jiro kooxda Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab ee uu haatan u joogo Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka Al-Shabaab, isaga oo saadaaliyay waxa dhici kara, haddii laga adkaan waayo kooxdaa.

Waxa uu tilmaamay in haatan hubka la wato ay u diiwaangashan yihiin dowladda, haddii uu dhab noqon waayana dagaalka uu meesha ka baxayo hubkaasi, kadibna ay fursad weyn heli doonto kooxda, isaga oo ku baaqay in loo midoobay sifeynta xoogaga Al-Shabaab.

“Haddii dagaalka Al-Shabaab sida uu yahay dhab u noqon waayo qoriga sumadda leh sidaa uma sii heysan doontaan qoriga dowladda ayaa leh wey qaadan doontaa qabiilna qori ma lahan marka ogaada dowladnimada ayaa fiican” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garano ciidankaas dagaalka ku jiraahi waxa ay u baahan yihiin waa shacabka sideedaba shacab ayaa dagaalama” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay hadda sii dhammaanayaan, sidaas daraadeedna uu ku talinayo in qof kasta uu ka qayb qaato dagaalka haatan socda.

“Waxay u baahan yihiin maanta nimankaan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada daba galo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo uu haatan meel wanaagsan marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay guul aad u weyn, marka la eego maamullada HirShabelle iyo Galmudug oo kooxda laga saaray dhul balaaran.

Ducaale oo taageero u muujiyay Xasan Sheekh, una jawaabay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku taageeray dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu jiro xaalad dagaal oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dowladda federaalka iyo shacabka, si meesha looga saaro Al-Shabaab.

“Dalku dagaal ayuu ku jiraa, dowladu dagaal ayey ku jirtaa, dadkuna dagaal ayey ku jiraan. Caddowga lala dagaalamayo waa Khawaarijta dhibaatadeeda nagu qaan gaartay oo hortaagan nolosha dadkeena, jiritaankeena iyo dowladnimadeeda” ayuu yiri Ducaale.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in taageero weyn loo muujiyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, si loogu muujiyo hiil, hoo iyo ducaba.

“Maanta waxaa noo muuqata dowlad iyo shacab dagaalka ku wada jira. Haddii faltan dhaco waa sunaha dagaalka in Geesiyaal badan lagu waayo, qaar dhawacmaan, hantina ku burburto. xilliga dagaalku socdo inta aan furinta ku jirin waxaa laga rabaa hiil, hoo iyo duco” ayuu mar kale qoraalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Dhanka kale, xildhibaanka oo u jawaabay siyaasiyiinta duraya dowladda, kadib weerarkii Cowswayne ayaa digay in siyaasad laga dhex raadiyo guul darrada soo gaartay ciidamada Xoogga dalka, ayada oo laga raadinayo dhibco siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in garab istaag loo muujiyo ciidamada huwanta ee u dagaalamay xoreynta dalka.

“Xaaladdaan oo kale  dhibco siyaasadeed lagama raadiyo, tashwiish laguma furo difaacayaasha dadka iyo dalka.  Waxaa kaliya noo furan inaan u istaagno sidii aan ciidamadeena Geesiyaasha Qaran ah u taageeri lahayn, u dhiirigelin lahayn, una dareensiin lahayn inay leeyihiin mas’uuliyiin iyo Dadweyne istaahila naf-hurnimadooda” ayuu sii yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada falcelin xoogan ay ka dhalatay weerarkii ay maalin kahor kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne, kaas oo khasaate lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta, laguna dhaliilay dowladda dhexe.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay mowqifkooda DAGAALKII Goojacadde

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo soo gabagabeeyey shir laba maalmood uga socday Dhuusamareeb ayaa bayaankooda ku soo daray qodobo ay kaga hadleen colaada ka taagan gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

War-murtiyeedkii golaha qeybta ku saabsan colaada Sool waxaa lagu bilaabay “Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale golaha ayaa walaac ka muujiyey colaada sii dheeraaneysa, xilli maalin ka hor ciidamada Somaliland dagaal looga qabsaday saldhiggii ugu weynaa ee Goojacadde.

“Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale golaha wadatashiga qaranka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo badqabka maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalka.

“Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale ku baaqay in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee dadka ku barakacay colaada.

“Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool,” ayaa lagu yiri nuqulka bayaankii shirka Dhuusamareeb ee looga hadlay colaada u dhaxeysa Somaliland iyo Khaatumo.

Go’aanno laga soo saaray doorashada Somaliland iyo mucaaradka oo ka falceliyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga dhex-dhexaadinya ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa soo saaray go’aanno culus iyo talooyin guud oo ku aadan doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi.

Eregada dhex-dhexaadinta ayaa go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, oo ay haatan isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Go’aankan ayaa waxaa durbo soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in uusan xoog ku heysan karin xukunka, ayna ka sugayaan in doorashada uu dhexda dhigo.

Waxaa kale oo uu farriin u diray xubnaha Golaha Guurtida iyo kuwa Wakiilada, isaga oo ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan doorashada Somaliland.

“Xisbi ahaan waxaanu ku adkaynaynaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, in la dhamaystiro dhamaan qabyooyinka sharci, dalka nina xoog kuma haysan karo, nin kalena qori caaradii ku iman karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Dhankiisa guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray go’aannada kasoo baxay guddiga dhex-dhexaadinta ee u istaagay khilaafka siyaasadeed ee Somaliland

“Hadaanunahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanu doonaynaa in aanu idin ogaysiino in aanu soo dhawaynay go’aankii guddida, anaga kiniin qadhaaq ayuu nagu ahaa, lakiin waxa la yidhi hadii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa haatan laga dhowrayaa jawaabta xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa Kulmiye ee ku aadan go’aannadaas laga soo saaray doorashada Somaliland.

Duulaan wadareedka safka hore – waa dhalanteed aan suurtagal ahayn (Faallo)

MUqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Balse, iskaashi difaac-wadareedka Itoobbiya iyo Kenya gacan uga gaysan lahaayeen dagaalka argaggixisada ayaan u muuqan mid tabaabushihiisii fari ka qodnayn.   

Dib u dhaca oo hadal hayn abuuray ayaa loo aanaynayaa culays Itoobbiya iyo Kenya ka haysta gudaha. Arrinku waxuu shaki macquul ah gelinayaa in difaac-wadareedka safka hore sidiisaba lahaa qorshe muddo gaaban miro wax ku ool ah lagu gaari karo. Daciifnimadiisa waxaa ka mid ah inaan si rasmi ah axdi wadajir ah loo gelin, taas oo muujinaysa dabeecada cakiran iyo caqabadaha hortaagan gobolka.

Soomaaliya oo iskeed isku tashatay ayaa taniyo August 2022, weerarro rogaal celis ah ku muquuninaysay argagixisada gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug si ka wanaagsan hawlgalladii Midowga Afrika. Guusha ayaa soo dedejisay in Muqdisho lagu riixay February 2023, heshiis malaha diiradda saaraya wax aan dan u ahayn Soomaaliya [maareeynta khatarta Al-Shabaab].  

Inkastoo, Mareykanku uu gacan ka gaystay tababarka cutubyada Danab iyo dagaalkaba, haddana waxaa muuqata in uusan beddelin siyaasaddiisii “xakamaynta” dalka. Dareenka guud ayaa ah in hindisaha difaac-wadareedka safka hore looga gol lahaaba in Kenya loogu damaanad qaado inaan lagu eegin argaggixisada loo riixayo soohdimaha.  

Dabcan, dadaalku waxuu ku soo beegmay waqti xasaasi ah, waxaase la isla dhexmarayo in reer Galbeedku u adeegsaday fursadda inuu ku go’doomiyo Eritrea oo ka madax adeegtay ajandahooda Geeska Afrika. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya iyo Kenya oo isku waafiqi la’ sidii loo hirgelin lahaa xukunkii Maxkamadda ICJ wada galaan heshiis difaac.  

Inkastoo dhalanteed uu u muuqdo difaac-wadareedka safka hore, haddana Kenya ayaa sheegtay inay kala bixi doonto Soomaaliya ciidamadda, si ay ugula dagaallamaan argaggixisada gudaha dalkooda. Kenya waxaa weli ka jooga Soomaaliya ciidan kor u dhaafay 4 kun oo iskugu jira kuwo ka tirsan ATMIS iyo kuwo si sharcidarro ku soo galay 2011kii. Dib u gurashada  degdegta ah waxaa keenay khatar ku soo fool leh oo aan horay loo arag.  

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in difaac wadareed saamaxaya mar kale oo ciidamo shisheeye soo galaan dalku uusan xal waara u noqon karin dhibaatada loo maaro la’yahay ee asalkeedu ka dhashay duullaankii Itoobbiya (2006) iyo Kenya (2011). “Taasi waa sidii argaggixisadu rabtay waxayna kicin kartaa xagjirnimo hor leh oo halis gelisana xasilloonida yar ee la haysto,” ayuu yiri sarkaal xog-oggaal ah.   

Haddaba, su’aasha taagan ma ah, Soomaaliya keligeed ma ka bixi kartaa dagaalka, ee waa sidee guulo muhiim ah loo gaari karaa muddo macquul ah?   

Dadku diyaar uma aha in si degdeg ah loola hadlo argaggixisada, walow uu u muuqato in xabad keligeed aysan xal ahayn, xulufada Soomaaliyana [Mareykanka, Qadar, iwm.] sugi la’dahay in la raadiyo xeelad aan militeri ahayn. Istratiijiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa ah in la sii wiiqo argaggixisada [dhaqaale iyo ciidanba] si miiska wadaxajoodka loogu gaaro wax la taaban karo mustaqbalkana cid kale iskugu dayin in qori u adeegsato wax nabad lagu heli karo.

Askar Mareykan ah oo uu khasaare culus kasoo gaaray shil diyaaradeed ka dhacay…

0

Melville (Caasimada Online) – Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa maanta ku burburtay Jasiirad ku taalla waqooyiga dalka Australia.

Shilkaas waxaa ku dhintay saddex ka mid ah ciidamada badda, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilkaas ayaa dhacay xilli uu socday dhoolatus tababar ah oo ay dhowr dal ka qeyb galayeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saddex ka mid ah askarta ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen Jasiiradda Melville oo dhoolatuskaasi uu ka socday.

Shan ka mid ah 23-kii askari ee diyaaradda saarnaa waxaa iyagoo qaba dhaawacyo daran loo duuliyey isbitaal 80 kiiloomitir u jira magaalada Darwin ee dalka Australia, si halkaas loogu daweeyo.

Diyaaradda Bell Boeing V-22 Osprey tiltrotor ayaa burburtay abaaro 9:30 AM waqtiga maxaliga ah ee dalkaasi, sida lagu yiri bayaan ka soo baxay Marines-ka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in sababta burburka keentay baaritaan uu ku socdo.

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in kaliya askar Mareykanka ah ay ku dhaawacmeen tababarkan ay sida wadajir ah uga wada qeybgalayeen ciidamada dalalka Mareykanka, Australia, Indonesia, Filibiin iyo East Timor.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dab ka kacay suuqa magaalada Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuq ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo dhaliyay khasaare aad u xoogan.

Dabkan oo soo bilowday xalay, soona gaaray illaa saaka ayaa saameeyay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, waxaana uu ka dhashay koronto, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Illaa dhowr goobood oo ganacsi ayaa ku basbeelay dabkan, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mid kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay dabkaasi, wuxuuna sheegay in bubur xoogan uu soo gaaray goobahooda ganacsi.

“Waxaan kamid ah ganacsatada suuqa waxaa ka dhacay dab xalay, illaa saaka socday waa musiibo rabbaani ah oo Ilaahey SWT awooddiisa ah meeshaan aad arkeysaan ee uu dabka ka kacay dad badan oo hantidoodii ku waayay ayaa jiraa” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dabka uu billowday xilli saq-dhexe ah, isla-markaana ay ka maqnaayeen goobahooda, taasina ay keentay in dabka uu sii fido.

“Xilliga uu dabka kacayay annaga ma joogin oo saq-dhexe ayey aheyd dhibaato aad u balaaran ayaa meesha ka dhacday hadane waxaa soo daahay gurmad” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Jowhar ay leedahay hal baabuur oo dab damis ah, isagiina uu kasoo daahay, soona gaaray saacad kadib markii uu dabka kaacay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii uu sidaan oo kale dab xoogan uga kacay suuqa Darwiish oo ku yaalla magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Fallout from Rome: Libya-Israel talks stir FM suspension

Tripoli (Caasimada Online) – In a move that has jolted the diplomatic corridors of the Libyan government, Prime Minister Abdulhamid Dbeibah announced on Sunday that Foreign Minister Najla al-Mangoush has been “temporarily suspended” pending an “administrative investigation.”

The probe will be overseen by a commission chaired by the justice minister, as revealed in an official decision on the Prime Minister’s Facebook page.

The suspension comes after the Israeli foreign ministry disclosed that the two nations’ foreign ministers held a conversation during a meeting in Rome hosted by Italian Foreign Minister Antonio Tajani.

The Libyan response: A disputed account

“The event in Rome was not a formal meeting. It was a chance, unofficial encounter during discussions with my Italian counterpart.

There was no prior discussion, agreement, or consultation with any party representing Israel,” clarified a statement from Libya’s foreign ministry.

The Libyan authority insisted that Mangoush had “refused to meet with any party” from Israel and had conveyed “clearly and unambiguously Libya’s position regarding the Palestinian cause.”

Even though Libya denied holding official talks, the revelation led to spontaneous protests in several cities. Young people took to the streets, blocking roads and waving the Palestinian flag in defiance.

Moreover, Libya’s Presidential Council—comprising three members representing the nation’s provinces—sent a letter seeking “clarifications” from the government.

“This event does not reflect Libya’s foreign policy, nor is it compliant with our national laws that criminalize normalization with the ‘Zionist entity,'” the council asserted.

The Israeli perspective: Ambitions and protests

In contrast, Israel painted a different picture of the dialogue. “I discussed with the foreign minister the enormous potential benefits for both countries from establishing relations,” said Israeli Foreign Minister Eli Cohen.

He further mentioned that the conversation addressed “the importance of preserving the heritage of Libyan Jews, which includes renovating synagogues and Jewish cemeteries in the country.”

The meeting marked the first such diplomatic engagement between the nations, and Cohen hailed Libya’s “size and strategic location” as a “huge opportunity for the State of Israel.”

This comes amid Israel’s recent diplomatic strides in the Arab world, facilitated through the U.S.-backed Abraham Accords.

Nevertheless, Prime Minister Benjamin Netanyahu’s government has faced scathing criticism for policies in the West Bank and the expansion of Jewish settlements, causing diplomatic tensions with various Arab states.

For a country with a history of expelling its Jewish citizens under former leader Moamer Kadhafi and enduring political divisions—between a western government based in Tripoli and an eastern one led by military strongman Khalifa Haftar—the incident has fanned existing flames.

As for now, the diplomatic ripples of this disputed meeting continue to be felt both in Libya’s streets and its corridors of power, leaving the international community awaiting the outcome of Libya’s internal investigation.

Global powers condemn escalating clashes in Somaliland

Las Anod (Caasimada Online) – Over 20 countries and several international organizations, including the UN, US, and Türkiye, “strongly condemned” the recent escalation in fighting between the breakaway region of Somaliland and local clans in northern Somalia.

“We are deeply concerned about reports of large numbers of detainees and expect those involved to abide by human rights and international humanitarian law,” the coalition’s statement read.

The hostilities center around Las Anod, the capital of the northern region of Sool, an area embroiled in a territorial dispute between Somaliland and the neighboring autonomous region of Puntland.

Somaliland has been functioning as an independent entity—printing its currency, electing its government, and issuing its passports—since breaking away from Somalia in 1991.

Despite its relative stability compared to civil war-torn Somalia, its quest for statehood has left it internationally unrecognized, economically struggling, and geopolitically isolated.

The conflict intensified in Las Anod after local political and civil society leaders declared they would no longer recognize the Somaliland government, labeling them “terrorists” responsible for the ongoing strife.

“This incident marks the peak in a series of confrontations between Somaliland troops and the SSC militia,” noted President Muse Bihi Abdi of Somaliland, speaking from his capital in Hargeisa.

Human cost and uncertainty

The immediate human toll is staggering. Hundreds have died, thousands have been wounded, and countless families have been displaced.

“Doctors Without Borders had to cease operations at Las Anod’s general hospital in July, citing recurrent attacks on medical facilities and extreme violence,” confirmed the UN humanitarian affairs office, which also estimated over 185,000 people had fled the violence by mid-February.

The local population remains anxious despite President Abdi’s assurances of control and retribution against the SSC militia.

“People should not be discouraged due to the fighting even though there are losses inflicted on the army,” the president said, urging residents not to fear further escalation.

But the ground reality tells a different story. Residents of Las Anod live under a cloud of uncertainty, wondering what tomorrow holds.

In the wake of the violence, international partners have emphasized the need for immediate and unconditional ceasefires while pushing for unhindered humanitarian access.

“Grievances and tensions should be resolved peacefully and through dialogue,” their joint statement concluded, reiterating the urgency to end mobilization and the provision of arms and supplies to the warring factions.

The situation remains a focal point for international attention as it teeters on the brink of causing further destabilization in an already volatile Horn of Africa. The role of dialogue and diplomatic intervention has never been more critical.

Khudbad: Xasan Sheekh farriin culus u diray madaxda iyo dagaalyanada Al-Shabaab

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey gabagabada shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb lagu qabtay ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay oraahdii aheyd “Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka” isagoo Al-Shabaab ku tilmaamay Xaaqin sii dhamaanaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in qof Soomaali ah oo dhulkiisa jooga aan lagu fiirsa doonin Shabaab gumeysanaya, “Dagaalka aan ku jirno mid haka doona maaha, waana naga dhab,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka uu halganku dhabta ka yahay ay dowladu qorsheyneyso inay abaalmariso, “waxaan amaaneynaa geesiyaasha qaranka, waana u duceyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Ganacsatada iyo hantiileyaasha Soomaaliyeed waxaan leeyahay doorkiinii weli waa dhiman yahay, soo arka dhibaatooyinka heysta dadka laga dul qaaday Khawaarij ee garab istaaga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay inay iska ilaaliyaan Garanwaaga “Yuusan ugu soo gelin Qabiil ama qaraabeysi, ninka adiga iyo dadka kaleba aadnaa ka nabad geli doonin hasoo dhaweysan, walaal haka dhigan ee dowladda u dhiib si loo dhaqan celiyo,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray dhalinyarada ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo ka balan qaaday inay helayaan cafis aan gorgortan laga gelineyn.

“Wiilasheena la qalday waxaan leenahay gabalku yuusan idinkugu dhicin meesha, waa la isku soo socdaa ee naftiina badbaadsada, odayaasha hoggaamiya ama ka tirsan waxaan leenahay weli towbadaa idiin furan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

 

Aqriso: Shan qodob laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb iyo go’aano adag oo la gaaray

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qabsoomey Caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, 26 – 27 Agoosto 2023.

Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa kulankoodii 7-aad diiradda ku saaray seddax qodob oo kala ah:

1 – Dhameystirka howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada kooban ee weli ku harsan gacanta cadawga iyo dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

2 – Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo degaannada lagu xorayn doono howlgallada wajiga 2-aad.

3 – Dib-u-heshiisiinta bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Bogaadin: Goluhu wuxuu Bogaadinayaa guulaha waaweyn ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka deegaannada ay ka gaareen dagaalladii u danbeeyay ee khawaarijta looga xoreeyay degaanno badan oo muhiim ah ee dhaca Gobolka Galguduud ee Dowladda Galmudug.

  1. QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY: Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa falanqeyn dheer kadib ku heshiiyay qodobada hoos ku xusan:
  2. HOWLGALLADA DIB-U-XOREYNTA• Goluhu wuxuu adkeynayaa in dowladda federaalka, dowladdaha xubnaha ka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir iyo isku tashi leh u xaqiijiyaan amniga una xajistaan amniga deegaanada la xoreeyay.
  • Goluhu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka khawaarijta, la iskuna dubbarido dadaallada kala duwan ee hey’addaha dalka.
  • Goluhu waxuu adkeynayaa in dalku uu ku jiro xaalad dagaal ayna waajib tahay in aan loo kala harin dadaallada dib-u-xoraynta dalka.
  • Goluhu wuxuu go’aamiyay in la mideeyo qorshaha iyo hoggaanka hawlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta, lana ballaariyo howlgallada dib-u-xoraynta.
  1. XASILINTA DEEGAANADA LAGA XOREEYAY KHAWAARIJTA▪ Goluhu wuxuu adkeynayaa ahamiyadda ay leedahay hanashada guulaha qiimaha weyn ugu fadhiya ummadda Soomaaliyeed ee laga gaaray dagaalka lagula jiro khawaarijta.

▪ Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay mideeyaan qorsheyaasha mashaariicda iyo adeegyada bulshada sida maamul-sameynta, amniga, caafimaadka, cadaaladda, waxbarashada ee ay sida deg dega ah ugu baahanyihiin degaanada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa ganacsatada, hantileyda Soomaaliyeed iyo kuwa kheyrka jecel in ay ka qeybqaataan dadaalada dib u soo kabashada deegaannada la xoreeyay.

▪ Goluhu wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya in ay kaalmo wax ku ool ah ka geystaan degaanada laga xoreeyay khawaarijta si waafaqsan qorshaha xasilinta dowladda.

  1. U DIYAARGAROWGA WAJIGA LABAAD EE HOWLAGALLADA▪ Golohu wuxuu isla qaatay in si wadajir ah loo dardargaliyo diyaargarowga DFS iyo DXDF ay ugu jiraan wajiga 2-aad ee dagaalka lagu xoreynayo deegannada wali ku jira gacanta khawaarijta ee Jubalaand, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle (Galbeedka Wabi Shabeelle).

▪ Golohu wuxuu ku boorinayaa dhallinyarada iyo horjoogayaasha khawaarijta in ay isku soo dhiibaan dowladda, iyagoo ka faa’iidaysataan fursadda xeerka cafiska, kana tanaasulaan fekerka xagjirnimada.

  1. DIB-U-HESHIISIIN IYO NABADAYN BULSHO• Goluhu wuxuu go’aamiyay u diyaar-garowga dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed si colaadaha ay khawaarijtu dhex dhigeen xal- waara looga gaaro.
  • Goluhu wuxuu farayaa hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda in ay dardar galiyaan fulinta istaraatiijiyada iyo qorshaha Qaran ee dib-u-heshiisinta, nabadaynta bulshada iyo ciribtirka xagjirnimada.
  1. QODOBBO KALE▪ Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

▪ Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda.

▪ Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista.

▪ Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool.

  1. MAHADCELIN▪ Goluhu wuxuu mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Dowladda iyo shacabka Galmudug oo si buuxda u martigeliyay shirka 7-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

–DHAMMAAD–

Beesha Caalamka oo si adag uga hadashay qabsashada saldhigii Goojacadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa war ka soo saartay tallaabadii ciidamada SSC-Khaatumo ay ku qabsadeen saldhiggii Goojacadde ee ciidamada Somaliland, iyadoo cambaareysay dagaalka ku sii baahaya gobolka Sool ee sababay in la iskala baxo magaalada Laascaanood oo colaadu ay ka bilaabatay.

Cambaareyn kadib, caalamku wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaada sii baaheysa, in dhinacyadu ogolaadaan wadahadal, in la fasaxo gargaarka bini’aadanimo shuruud la’aan iyo in laga fogaado is dhaafsiga hadallada xanafta leh.

Hoos ka aqriso bayaanka beesha caalamka oo dhameystiran:

Saaxiibada beesha caalamka waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah.

Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo.

Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah.

Waxaan filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

Waxaan ku celinaynaa muhiimada ay leedahay in la xaqiijiyo helidda gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan hadalada xanafta leh ee wax kala qaybiya, dhammaan cabashooyinka iyo xiisadaha waa in lagu xalliyaa si nabad ah oo wadahadal ah.

Bayaankaan waxaa wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Jabuuti, Wafdiga Midowga Yurub, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Xogta bayaanka SHIRKA Dhuusamareeb oo caawa lasoo geba-gabeynayo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka oo Dhuusamareeb ka socday laba maalmood ayaa la soo gabagabeeyey caawa, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaana laga soo saarayaa war-murtiyeed rasmi ah.

Madaxtooyada Qaranka ayaa qorsheyneysa in caawa fiidka hore ay baahiso bayaanka shirka, kadibna waxay madaxdu yeelaneysaa kulan casho sharaf ah oo madaxtooyada Galmudug ay u sameyneyso martida shirka.

Shirkaan waxay madaxdu diiradda ku saartay xoreynta dalka iyo xasilinta dhulka laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxda ayaa aad u gorfeysay istaraatiijiyadda dowladda dhexe ay masuulka ka tahay ee la doonayo in mudo kooban dalka looga xoreeyo Al-Shabaab.

Xogta ay shirkaan ka heyso Caasimada Online waxay sheegeysaa in markii laga soo tago amniga ay war-murtiyeedka ku jiraan qodobo uu ka mid yahay dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo.

Madaxda ayaa diri doonta baaq ka dhan ah colaada sii xoogeysatay ee Sool ka taagan, waxayna bayaankaan ku bixi doonaan tilmaamo lagu xalin karo colaada Somaliland iyo SSC.

Inta badan bayaanka soo bixi doona caawa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga dalka, maadaama ay hadda dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muhiimadda koowaad wada siinayaan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxda isugu timid shirkaan ayaa berri ka dhoofi doona Dhuusamareeb, markii laga reebo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo horay u deganaa Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb ka hoggaaminaya dagaalka Al-Shabaab, taasi waxay sahashay in ciidamada qaranka ay guulo waaweyn ka soo hooyaan furimaha, iyadoo shalay kooxda laga xoreeyey magaaladii ugu weyneed ee gobollada dhexe ay ka joogeen waa Ceelbuur.

Sawirro: Wasiiro ka tirsan DF oo maanta hortegay BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta hortegay guddiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka guddiga.

Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Baarlamaanka.

Kulankaan zyaa ujeedkiisu ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka.

Wasiirka iyo howl-wadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.

Ugu dambeyntiina guddoomiyaha guddiga Xil. Maxamed Faarax Nuux ayaa soo xiray Kulanka, ayadoo loo ballamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin insha Allah.

Dhinaca kale, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta yeeshay kulankl muhiim ah, kaasi oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra Saalax Cabdi oo ay wehlinayeen, Guddoomiye Ku-xigeenka Xil. Maxamed Cusmaan Cumar (Naastaro) iyo Xoghayaha Xil.Maxamed Cabdoraxmaan Naddiif.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa diyaarinta warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Ugu horeeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane
Yusuf Mohamed Adan oo goobjoog ahaa faah-faahin ka bixiyay qodobo kamid ah hindisahan oo ay xildhibaanada dood ka keeneen akhrintii 2-aad asigoona dul-istaagay dhammaan qodobadaas sharaxaad dheerna ka bixiyay.

Intaa kadib, waxaa la guda galay diyaarinta warbixinta akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedkan, waxaana qodob qodob loo akhriyay, dhammaan Cutubyada uu ka kooban yahay Hindise-sharciyeedka.

Xildhibaanada Guddiga, ayaa dood dheer iyo ka yeeshay, wax-ka-bedel qodobada qaar, ayagoona doodii Xildhinaanada ee akhrinta 2aad ay ka yeesheen talooyin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaana ay ku soo biiriyeen si waafaqsan Dastuurka KMG iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha Guddiga Xil. Nadra ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajisay inuu hindisahan muhiimad weyn u uleeyahay Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, ayna lagama maar-maan tahay, dardargelintiisa iyo ansixintiisaba.