27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

G/Banaadir oo shaaca ka qaaday natiijada Imtixaanka shahaadiga + 10 u sarreeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii afaraad uu qaaday maamulka gobolka Banaadir.

Munaasibadda lagu shaaciyay natiijada imtixaanka oo ka dhacday Muqdisho ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fariisteen 31,372 Ardey oo ka kala socotay 76 xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada gobolka Banaadir.

Sida uu shaaciyay Agaasimaha guud ee waxbarashada gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 30,837 Arday, halka tirada hartay ay gaareyso 535 Arday, kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb-galay shaacinta natiijada imtixaanka ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxbarashada gobolka la tayeeyay, isaga oo digniin u diray xarumo uu sheegay in qaab ganacsi ahaan ah loo furtay, oo kamid ah xarumaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Marka laga tago xaruma Waxbarasho oo tayadooda sareyso islamarkaana iska xilsaaray horumarinta waxbarashada, hadana waxaa jira kuwa qaab ganacsi loo furtay waana la xisaabtami doona,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale.

Hoos ka aqriso magacyada Ardayda gashay 10-ka kaalmood ee u horreeya, kuwaasi oo kala ah;

1. Yacquub Maxamed Cadde Maxamed
2. Maxamed Cusmaan Cabdi Macow
3. Amal Cabduqaadir Maxamuud Kaahiye
4. Axmed Maxamed Calasow
5. Ayuub Cabdiweli Cumar Nuur
6. Xafsa Bashiir Maxamuud Maxamed
7. Cali Cumar Cali Faqay
7. Mustaf Salaad Cabdulle Xuseen
7. Abuukar Maxamed Faarax Cali
8. Asma Xasan Aadan Diiriye
9. Maxamed Cumar Cabdi Xuseen
10. Sundus Cabdiweli Nuur Cusmaan

Faah-faahinta qarax xooggan oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca Miinada ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wuxuu geystay khasaare kala duwan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, xilli ay marayeen xaafada Buulo-Xuubeey ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi, oo ku dhaawacmay hal askari, sidoo kalena waxa uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay ciidanka la socdeen ee qarxa lala eegtay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada, oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay xaafada Buulo-Xuubeey ee lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ka reysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhan ah, ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka amni darro ee ay kooxaha argagixisada ka fulinayaan gudaha caasimada.

Si kastaba, Saraakiisha ciidanka iyo laamaha kala duwan ee dowladda ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga caasimada, xilli dhawaan uu dalka ka bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka oo war kasoo saaray arrin xiisad xoogan ka abuurtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho, oo maalmihii dambe xiisad xooggan ka taagneyd.

Dhulkaan oo loo yaqaano Kaasa Italia ayaa ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga, sida uu sheegay maamulka gobolka Banaadir.

Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka, gaar ahaan guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda.

“Bur-burinta dhismaha xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaa bulshada Soomaaliyeed loo sheegayaa in aanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn u dhex wareegayay baraha bulshada muuqaalada qaar kamid ah dadkii deganaa dhulkaasi oo cabanaya, ayada oo qaarkoodna ay sheegeen in dano shaqai ah looga saaranayo dhulkaasi, taasi oo uu meesha ka saaray maamulka gobolka.

Si kastaba, dhulkaasi ayay dowladda kua billowday burburin, waxaana laga soo xiganaya maamulka gobolka in billo kahor lagu wargeliyay arrintaan dadkii deganaa dhulkaasi.

Xildhibaan shaaciyey halis horleh oo ay wajahayaan shacabka iyo cudur dilaa ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareey ayaa walaac xooggan ka muujiyay halis caafimaad oo ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo weli lagu baraarugsaneyn.

Xildhibaan Maareeye ayaa waxa uu sheegay in cudurka Kansarka uu shacabka Soomaaliyeed ku hayo fara ba’an, ayna tahay in daraasad rasmi ah ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada ku sameeyaan arrintaasi.

“Maxaa marqaati ma doonto ah in hadii aad tagto Isbitaalada wadamada deriska ah sida Ethiopia, Kenya iyo isbitaalada wadamada Soomaalidu u aado daaweynta cudurada khatarta ah sida Hindiya iyo Turkey in aad ku arkayso tiro xad dhaaf ah oo dad Soomaaliyeed ah oo la’ildaran xudurka Kansarka oo faro ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Xildhibaan Maareeye ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in halistaan oo ay tahay in deg deg loo baaro loo aaneynayo radio active-ka anteynooyinka isgaarsiinta, raashinka iyo saliidda dhacday, daawada dhacday iyo sunta nuclear-ka ee laga daadiyey badaha Soomaaliya iyo arrimo kale.

“Waxaa loo baahan yahay in lagu sameeyo daraasad rasmi ah dhibaatadan laynaysa shacabka Soomaaliyeed ee faqriga ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka Maareeye oo dhameystiran,

Dhibaatada Cudurka Kansarku ku hayo Shacabka Soomaaliyeed

Maxaa Marqaati ma doonto ah in hadii aad tagto Isbitaalada wadamada deriska ah sida Ethiopia, Kenya iyo Isbitaalada wadamada Soomaalidu u aado daaweynta cudurada Khatarta ah sida Hindiya iyo Turkey in aad ku arkayso tiro xad dhaaf ah oo dad Soomaaliyeed ah oo la’ildaran Cudurka Kansarka oo faroba’an ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

Mudo dhoweyd mar aan soo maray Ethoipia wuxuu dhaqtar ii sheegay in uu la yaaban yahay waxa sababaya in marmarka qaar uu 10-kii qof ee dadka Soomaaliya ka yimid ah ee u yimaada in uu 4 ama 5 ka helo Kansar jidhkooda ku jira, halka Shacabka Ethiopia uu ku dhowaad sanadkii arko qof ama laba qof oo cudurkaas qaba.

Shacabka Soomaaliyeed cidina uma maqna ceelna uma qodna, u maleyn maayo in Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda dhexe iyo kuwo heer DG xataa ogyihiin baaxada dhibaatadaas ama wax daraasad ah ku maqan yihiin waxa sababaya.

Radio active-ka Anteynooyinka Isgaarsiinta ee guri walba laga agtaagayo, Raashinka iyo Saliidda dhacday ama lagu keydiyey meel xun, Daawada dhacday iyo sunta nuclear-ka ee laga daadiyey badaha Soomaaliya iyo arimo kale ayaa loo aanaynayaa dhibaatadan laynaysa shacabka Soomaaliyeed ee faqriga ah, waxaase loo baahan yahay in lagu sameeyo DARAASAD RASMI AH.

BF oo maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee hirgalinta dastuurka ayaa si rasmi ah u bilaabay ka doodista heshiisyaddii golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan kii u dambeeyay ee wax ka beddelka loogu sameeyay hanaanka dowliga ah iyo doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegsita iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Adaan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga Maxamed Ganey ayaa shir guddoomiyay kulanka oo diirada lagu saarayay sidii luuqad dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadaasi.

Guddiga ayaa 26-kii bishii Luulyo la wareegay hashiisyaddii ay gaareen golaha wadatashigaqaran, iyaga oo kala wareegay guddiga dastuurka baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda koowaad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka dastuurka kumeel-gaarka ah ayaa maal-mahaan waday ka shaqayntiisa.

Guddiga ayaa si gaar ah u dul istaagay wax ka beddelka cutubyadda 1-aad ilaa 4-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana cutubyada hore ee dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan isku raacay in lagu wareejiyo guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, kadibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ay ka qayb-galeen inta badan madaxdii hore ee dalka.

Shirkaas ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska golaha wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in golaha shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda.

BF oo la yimid dhaqan cusub oo aan looga baran + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka wuxuu muddo xileedkiisa ku billowday si caajis ah.

Dadweynaha ayaa niyad-jab ka muujiyay waxa laga filan karo kadib markii si aan aad loo hubin ay u mariyeen sharciyo iyo qaraaro waaweyn.

Hoggaankiisa ayaa sidoo kale aad loo duray, laakiin kalfadhigii u dambeeyay xildhibaannada waxay lasoo laabteen car-car, iska fiirin la xiriirta sharciyada, isla xisaabtanka adag ee golaha wasiirada iyo inay ka fal-celiyaan dhamaan dhacdooyinka ka socda dalka.

Inuu hurdadii ka kacay baarlamaanka, gaar ahaan golaha shacabka ayaa si weyn u muuqata xilligaan. Marwalba oo uu jiro baarlamaan tayeysan waxay u badan tahay inay xukuumadda hagaagto.

Haddii ay xukuumadda hagaagtana waxaa hagaagaya hay’adaha kale ee dalka, taasi oo dhabo fiican ku rideysa nidaamka dowliga ah ee ka jira Soomaaliya.

Haddaba, aan dib idin xasuusino doodihii xiisaha lahaa ee muddooyinkii la soo dhaafah ka socday golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo xamaasadda ay xildhibaanada soo bandhigeen.

Hoos ka daawo muuqaalka, kana billow daqiiqada 1:12.

Xasaradaha Somaliland ka taagan shan sano ma u iibin karaan Muuse Biixi?

Hargeysa (Caasimada Online) – In la abuuro xaalad cabsi ku ah dadka ama dowladnimada, iyada oo ujeedka uu yahay xukun dheereysi waxay noqotay fal-safad caan ah oo madax badan adeegsadaan.

Somaliland labadii sano ee u dambeysay waxaa ka jiray xasarado. Bishii November ee sanadkii hore waxaa dhamaaday muddo xileedka Muuse Biixi Cabdi.

Tan iyo xilligaas waxaa dhacay xasarado dhowr weji leh, dadka qaar ayaa tuhunsan in nidaamka Biixi uu xasaradaha qaar u abuuray si ku tala-gal ah, si dadka looga jeediyo muddo kororsiga.

Dhawaan koox jabhad ah ayaa qabsatay deegaanka la yiraahdo Gacan-Libaax, waana xiisad kale oo billow ah oo ku biireysa xaaladaha cakiran ee Somaliland.

Dadka reer Somaliland hadda kama hadlaan doorasho, waxay si maalinle ah uga fal-celinayaan mushkiladaha gudaha laga abuuray. Sababaha xoojinaya tuhunka ah in mushkiladaha qaar uu maamulka Muuse Biixi Injineer ka yahay waa sida loo wajahayo xalintooda.

Maamulka waqti ma uusan gelin daminta colaadahan. Xilliyadaan oo kale shacabka waxay u qeybsamaan kuwo si xagjirnimo ah ula safta hoggaanka maamulka, kuwo si lamid ah u diidan iyo kuwo ka walaacsan halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Su’aasha ay dad badan qabaan waxay tahay ma u miro-dhashaa madaxda mushkiladaha u abuura si ay uga faa’iidaan cimri dheereysi xukun. Waa macquul inay ku helaan dhowr sano oo muddo kororsi ah, laakiin xasaradaha ay abuuraan madaxdaan ayaa marka dambe sabab u noqda in xukunka laga qaato.

Aan tusaale usoo qaadano middii u dambeysay ee Muqdisho. 2021-kii maamulkii madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray mushkilado waaweyn oo qaar ay gacan ka hadal sababeen, qaarna ay u dhowaadeen inay dalka dagaal sokeeye galiyaan.

Marwalba oo dhibaatooyinka bataan dadka waxgalka ah waxaa ku bata walaaca ah mustaqbalka dalka iyo dowladnimada, kadibna waxaa abuurmata baahi loo qabo hoggaamiye nabaddoon ah oo aan gacan ka hadal aqoonin, kaasi oo xalin kara mushkiladaha uu abuuray hoggaanka xafiiska jooga.

Farmaajo mushkiladihii uu alifay waxay u dhaleen hal sano iyo saddex billood oo muddo kororsi ah. Laakiin waxa uu dhinaca kale abuuray rabitaan ah in loo baahan yahay hoggaamiye nabaddoon ah oo dalka ka badbaadin kara gacan ka hadal, taasi oo dhaafisay kursigii madaxtinimada keentayna Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas loo arkaayey qofka ugu nabaddoonsan tartamayaasha.

Hadda iyo Muuse Biixi, sida muuqata muddo kororsigiisi waa shaqeynayaa, laakiin durba reer Somaliland waxay ka doodayaan sida loo heli karo hoggaamiye nabaddoon ah oo isku soo celin kara maamulka, ka badbaadin kara dagaal sokeeye, oo xalin kara mushkiladaha uu abuuray nidaamka hadda jira.

Su’aasha ah Muuse Biixi mushkiladahaan shan sano oo cusub ma u dhali karaan waxay dad badan uga jawaabayaan maya, laakiin maxay kula tahay adiga?

Yaa ku wajahan Ceelbuur? – Sababta qabashadeeda u sameynayo macno (3 qodob)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa shalay lagu soo bandhigay ciidan fara badan oo loo diyaariyay inay ku biiraan gulufka dhawaan ka bilaabanaya gobollada dhexe ee lagu xoreynaayo deegaano ay ugu muhiimsan tahay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Beesha Guriceel degan ayaa qabiil ahaan uga qeyb-galin wejigii hore ee dagaalka, maadaama aanay argagixisada dhul badan ka haysan, laakiin waxaa muuqata in wejiga labaad la siinayo ahmiyad gaar ah.

Degmada taariikhiga ah ee Ceelbuur ayaa waqti fog gacanta ugu jirtay kooxaha argagixisada. Kal xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar laga saaray argagixisada, markaas oo ciidanka Itoobiya qeyb ka ahaayeen duulaanka.

Waxaa la xasuusta inuu madaxweyne Xasan Sheekh markaas tegay Ceelbuur. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan saldhig ka dhiganaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Hadafkiisa waa inuu argagixisada ka ciribtiro argagixisada Galmudug, si gaar ah waa inuu Ceelbuur qabtaa. Wejigii hore ee dagaalka waxaa argagixisada laga saaray degmooyin waaweyn laakiin la iskuma gurmad doonan sida Ceelbuur.

Dadka waxay isweydiinayaan waxa culeyska intaas le’eg u yeelaya duulaanka Ceelbuur, oo uu xitaa madaxweynihii qaranka u muujinayo ahmiyad intaas le’eg.

Waxaa jirta saddex sababood, kuwaasi oo kala ah;

1. Beelaha halkaa dega

Siyaasiyiinta, ganacsatada, saraakiisha iyo hoggaanka dhaqanka ee beelaha degan Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ma aanay muujin ka go’naasho weyn oo la xiriirta inay rabaan in argagixisada iska dulqaadan.

Halmar oo isku dey sameeyeen waa ku adkeysan waayeen furinta, maadaama aanay muujin baahi lamid ah beelaha kale, dowladda waxay ku qasbanaatay inay iyadu xal gaar ah u raadiso deegaanka.

2. Argagixisada oo xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur

Argagixisada waxay xooggeeda iskugu geysay Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan sida ay xogo sirdoon xaqiijiyeen, waana midda dowladda gulufkaan u siinayso ahmiyad gaar ah.

Waxay aaminsan tahay argagixisada in qabaa’ilka halkaa degan inay iyaga difaaci doonaan. Horay beelihii deganaa degmooyinkii laga qabsaday ayaa u diiday inay difaacaan.

Lama yaqaano cidda ku qancisay kooxda inay beelahaasi argagixiso difaacayaan, taas oo haddii gunta la aado xaqiiqada aad uga fog.

Waxay dhowr jeer iibiyeen oo ay dadka deegaanadaasi ugu khudbeyeen in beelo kale kusoo duulayaan dhulkooda, iyaga oo ka raadinaya cimri-dheereysi.

Laakiin aragtida qabaa’ilka la isku diro hadda suuq badan ma leh, dadkuna badi waa ku baraarugsan yihiin dhamaan qorshooyinka cimri-dheereysiga ah ee kooxaha argagixisada.

3. Aragtida ah in haddii Ceelbuur laga soo saaro aanay kusii nagaan karin gobollada dhexe

Dadka arrimaha ammaanka ka faallooda waxay isku raacsan yihiin in haddii argagixisada laga soo saaro Ceelbuur in aysan kusii nagaan karin gobollada dhexe.

Waana sabab kale oo ahmiyad ballaaran siineysa gulufkaan uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaaf culus oo soo kala dhex-galay Iran iyo Sacuudiga + Arrinta la isku hayo

Dubai (Caasimada Online) – Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dowladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sacuudiga.

Khilaafka culus ee Iran iyo Sacuudiga ayaa salka ku haya kadib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia.

Dalalka Sacuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taasi oo ay ku magacaabeen Arash.

Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wada-hadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagama gaadhin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay in aanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran.

“Waxaanu hore u sheegnay, sida aanu diyaarka ugu nahay inaanu dalka Kuwait kala hadalno arrintan,” ayuu afhayeenka u sheegay warbaahinta.

Waxa uu intaas sii raaciyey “Hase ahaatee, haddii aanay jirin cid danaynaysa in laga wada faa’iidaysto goobtaas [ceelka shidaalka], Jamhuuriyadda Iran waxay si iskeed ah u bilaabaysaa sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka”.

Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho.

Sacuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wada-hadalka.

Mas’uuliyiin loo haysto inay xadeen malaayiin dollar oo maxkamad lasoo taagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad u fariisatay dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ka tirsanaa dowladda oo loo haysto xatooyo xoolo dadweyne.

Eedeysanayaasha maanta kasoo hor muuqday maxkamadda ayaa waxaa kamid ah Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi oo ahaa maamulihii Bankiga Dhexe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga Dhexe qeybta dakhliga ajaanibta.

Xubnahaan oo kamid ahaa tobbaneeyo ay Xeer Ilaalinta kusoo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne, ayada oo maanta maxkamadda kusoo bandhigtay cadeymo muujinaya eedeymaha loo haysto masuuliyiintaan.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Faarax Cabdiraxmaan Jaamac ayaa maxkamadda maanta ka hor sheegay in xubnahaan ay ku kaceen ka been abuurka dukumtiyada lacag qabashada ay sameeyeen, taasi oo cadeynteeda la wadaageen maxkamadda.

“Anaga oo soo gudbinay nuqulo kamid ah dukumtiyadii lagu helay baaritaanka, kuwaasi oo qeybtood been abuur ahaayeen, halka qeyb kamid ahaayeen ay saarnayeen shaanbado been abuur ah oo aan aheyn shaanbadii ay wasaaradda Maaliyadda ugu tala-gashay in loo adeegsado xafiiska canshuuraha barriga ah qeybta u adeegaysa ajaanibta.”

Sidoo kale waxa uu maxkamadda la wadaagay in masuuliyiintan ay sameeyeen lacag dhaqis, ayada oo akoonadooda laga helay lacag aad u badan, kadib baaris lagu sameeyay, taasi oo sii adkeynaysa kiiska loo haysto xubnahaan.

“Eedeysanayaasha waxay ku eedeysan yihiin oo kale xeerka ka hortaga lacag dhaqista iyo maal-gelinta aragagixisada, waxay saraakiishan sameeyeen lacag dhaqis oo cadeymahooda maxkamadda la wadaagi doono,” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku-xigeenka.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa maxkamadda la wadaageyna dukumtiyo iskugu jira Visa kordhin iyo bixin ruqsad aqoonsi shaqo, tusaale ahaan Fiisaha waxa la bixiyay 8-da bishii afaraad, lacag qabashadiisana la qabtay 15-kii bishii afaraad, waa wax la yaab leh qof adeeg dowlad ka doonaya oo adeegii loo hormariyo, lacagtii la dhaho iska bixi deyn waqti dambe.”

Maxkamadeynta raggan ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, kaasi oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Bankiga Adduunka oo ku dhowaaqay malaayiin dollar oo loo ansixiyey Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa $75 milyan oo dollar oo deeq ah u ansixiyey dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadallaada dib u dhiska hay’adaha dowladda.

“Dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’ado awood leh ayaa lagu xoojiyey deeq cusub oo dhan $75 milyan, waana deeqdii labaad ee laba deeq oo xiriir ah oo ka caawinaya dalka inuu horumar ka sameeyo waddada ku aadan inuu ku guuleysto dayn cafin qeyb ka ah barnaamijka HIPC,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in ayada oo ay jiraan xaalado kala duwan oo is dul saaran oo ay ka mid yihiin halista cimilada, ay dawladda Soomaaliya waddo barnaamijyo damaaci ah oo isbeddel lagu sameynayo laguna dhisayo hay’adaha dowladda, lagu soo jiidanayo maal-gashi, looguna guuleysanayo kobac dhaqaale oo loo dhan yahay.

Bankiga ayaa intaas ku daray in mashruuca Bankiga Adduunka ee Siyaasadda Horumarinta Maaliyadda ee loo soo gaabiyo DPF uu taageerayo barnaamijyadaas ay waddo dowladda Soomaaliya.

“DPF waxa uu taageerayaa rabitaanka dawladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah iyo xoojinta hay’adaha dowladda. Tani waxay muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo dhabbaha u xaaraysa mustaqbal xasilloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson, Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya.

Bankiga Adduunka ayaa amaanay isbeddelada dhaqaale ee ay sameyneyso dowladda federaalka.

“In kasta oo ay jiraan caqabado badan, Soomaaliya waxa ay sii waddaa xasillooni dhaqaale. Dib-u-habayntan lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah ayaa Soomaaliya u sii dhoweynaya yoolka ah in deymaha laga cafiyo, taas oo meesha ka saaraysa deymihii ay qaadatay kahor dagaalkii sokeeye,” ayaa lagu yiri bayaanka Bankiga Adduunka.

“Khayraadka DPF ayaa ka caawin doona dawladda in ay u hubiso in kharashaadka dadweynaha ee muhiimka ah la bixin karo. Waqti kadib, dhisidda hay’adaha iyo kobaca dhaqaale ee joogtada ah waxay Soomaaliya ka caawin karaan inay dhisto xeendaab ka ilaaliyaa lama filaan dhaqaale.”

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kana mahadcelinays taageerada miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Sawirro: Xamza iyo Danjire Affey oo kulan muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Affey ayaa ka wada-hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda diirada ku saaray sidii daruufaha nololeed ee barakacayaasha iyo dadka qaxootiga ah loo hagaajin lahaa, waxna looga qaban lahaa dadkaasi ku nool dakeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhaxeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni.

Affey ayaa hoosta ka xariiqay in dadaaladda dowladda ay wax weyn ka tareyso xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalkeenna ku nool.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kamid aheyd dalalka Afrika ee sanadihii lasoo dhaafay marti-geliyay qaxootiga faraha badan, sida ay horey u shaacisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto…

Nairobi (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyey dalabka dowladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo isku dhaf ah oo la dagaalama kooxaha budhcadda ah ee xasilooni darrada ka wada dalka Haiti, islamarkaana ay dib u soo celiyaan kala dambaynta.

Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa bishii October ee sannadkii hore wuxuu soo jeediyey baaq deg-deg ah oo ku aaddan inuu u baahan yahay ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta, islamarkaana in la xakameeyo budhcadda.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya ayaa Sabtidii ku baaqay in dalkiisu uu diri doono 1,000 askari oo boolis ah, kuwaas oo gacan ka geysta tababarida iyo taageerada ciidamada booliska ee Haiti, si ciidankaasi ay awood ugu yeeshaan inay ilaaliyaan xarumaha hay’adda dawladda.

MAXAA KA SOCDA HAITI

Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaa sii kordhayey awoodda kooxaha budhcadda ah ee dalkaas ka hawlgala, kadib markii la shirqoolay madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, waxaana haatan lagu qiyaasaa inay gacanta ku hayaan 80% caasimadda dalkaas.

Waxaa sare u kacay dilalka, kufsiga iyo afduubka loo geysanayo dadka rayidka ah, iyada oo aanay ciidamada dalkaasi lahayn awood ay ku xakameeyaan.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka inay taageeraan, hawl-gal ka madax-banaan Qaramada Midoobay oo isku dhaf ah, isaga oo ku dhiirigeliyey dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay ka qayb qaataan hawl-galkan.

AP + VOA

Arrin cusub oo kusoo korortay xiisadda Somaliland iyo Jabhadda Gacan-Libaax

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo isimada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Muuse Biixi ka dalbaday inay ciidanka ka soo celiso deegaanka Gacan-Libaax, halkaas oo jabhad hubeysan laga aas-aasay.

Ciidankii booliska ahaa ee Somaliland ay u dirtay deegaanka Gacan-Libaax ayaa dagaal la galay jabhadii looga dhawaaqay deegaankaas, qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa hadda billaabay waan-waan labadda dhinac ah.

Madax dhaqameedka ayaa xusay inay la kulmayaan kooxdan hubaysan, waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay ka soo qaado ciidanka booliska ah ee la geeyey deegaanka Gacan-Libaax.

Ugaas Axmed Calimahdi oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii Hargeysa ka qabtay shirka jaraa’id ayaa yiri, “Waxaan u istaagnay in colaada ka jirta deegaanka Gacan-Libaax aan demino, waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda inay askarta ka soo celiso deegaankaas, anaga ayaa guda doona waajibka naga saaran xalinta arrintaan.”

Ugaaska ayaa intaas ku sii daray, “Anaga ayaa askar ah oo nabadda raadinteeda u istaagnay, anaga ayaa dadkooda dib ugu soo celi doona wiilasha gadooday ee jabhadda sameystay, sidaan meel laguma gaarayo.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdullaahi ayaa sidoo kale ka hadlay madashaas, isagoo dhalinyarada gadooday ka dalbaday in aysan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah, inta ay uga tegayaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka Gacan-Libaax tegi doona.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo shirkaas ka hadlay ayaa yiri “Xukuumadda waxaan leeyahay idinkaa ka masuul ah wixii xumaada iyo wixii hagaagaba, waxaana leenahay xabad xal ma noqotee ciidanka aad buurta Gacan-Libaax geyseen dib ula noqda oo ku celiya xeryahooda.

“Dhalinyarada gadooday waxay naga balan qaadeen in aysan xabad ridi doonin, damaanad adag ayey nasiiyeen, waxayna dareensan yihiin in anaku aan masuul ka nahay, waana u soconaa ee ciidanka haka soo celiso xukuumaddu,” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan Warsame.

Xog: Nin sita aqoonsi sarkaal oo saaxiib la ahaa sarkaalkii u goostay Al-Shabaab oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin ay si hoose u wadashaqeyn jireen sarkaalkii booliska Soomaaliya ka tirsanaa ee u goostay Al-Shabaab ayaa ka mid noqday dad lagu qabtay iyagoo isticmaalaya aqoonsiyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda.

Ayaanle Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka soo shaqeeyey hey’adda NISA, hadana ka tirsanaa booliska ayaa dhawaan la ogaaday inuu u goostay Al-Shabaab oo muddo dheer uu si hoose ula shaqeynayey, isagoo ku dhex jiray hey’adaha ammaanka.

Hadda ciidamada amniga ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabtay nin saaxiib la ahaa sarkaalkaas oo marar badan la isku ag arkay.

Markii baaritaano hordhac ah lagu sameeyey ninkaas waxaa laga helay aqoonsiga muujinaya inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka, balse weli waxaan la kala xaqiijin in ninkaas uu ka tirsan yahay ciidanka iyo in si kale uu ku helay ID card-ka.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in ninka lagu qabtay aqoonsiga sarkaalnimo ee saaxiibka la ahaa sarkaalkii booliska ahaa ee Al-Shabaab u baxsaday uu ka shaqeynayey shirkad kuwa biyaha sifeeya ah oo ka shaqeysa magaalada Muqdisho.

Qabashada ninkaan ayaa timid iyadoo hey’adaha ammaanka ay Muqdisho ka bilaabeen uruurinta dhalinyaro isticmaaleysay aqoonsiyada wasaarado iyo qaar ka mid ah hey’ada dowladda oo aysan u shaqeyn.

Qaarkood waxaa la sheegay in markii la qabtay ay hey’adaha ammaanka u sheegeen inay u qaateen inay ku maraan wadooyinka magaalada, isla markaana lacag loogu sameeyey aqoonsiyada ay wateen.

Weli waxaa socda baaritaano ay wadaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya, waxaana jira tuhun xoog leh oo hareeyey qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, markii dadkaan lagu qabtay aqoonsiyada xarumo aysan u shaqeyn.

Xabad-joojintii Garowe oo burburtay iyo taliska Danab oo digniin culus soo saaray

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xabad-joojintii dhawaan ay Isimida dhaqanka ee Puntland ka hirgeliyeen magaalada Garoowe ayaa gebi ahaanba burburtay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka kumaandooska Puntland ee Danab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab ayaa lagu sheegay in hoggaanka taliska oo si weyn isku hayaan madaxweyne Saciid Deni in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday furista dastuurka.

“Taliska wuxuu bulshada Puntland la wadaagayaa in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday ku xadgudubka dastuurka iyo qawaaniinta Puntland, sidaa la wada socoteen 25-kii July baarlamaanka oo fulinaya rabitaanka madaxweyne Deni wuxuu sifo aan sharciga waafaqsanayn wax uga badalay dastuurka,” ayaa lagu yiri.

Taliska Danab-ta Puntland ayaa tallaabadii uu dhawaan baarlamaanka qaaday tilmaamay mid looga gol leeyahay muddo kororsi uu xafiiska ku sii joogo madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ka divay ficilada ka dhalan kara damaca guracan ee Deni.

“Ciidanka Danab wuxuu u taagan tahay una taagnaan doonaa ilalainta sharciha iyo in aan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Puntland u horseedin khilaaf dastuuri ah oo sababa xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. Guutada Danab marna ma aqbali doonto in xukunka la iska sii haysto.”

Ururrada Puntland ee laga dhigay Xisbiyada ayuu ugu baaqay in aysan noqon kuwo loo adeegsado gaarista danaha siyaasadda ee madaxweyne Deni, taasi oo dhaawacaysa xasiloonida iyo wada-jirka Puntland.

“Tallaabooyinka sharci darada ah haddii aysan joojin ma noqon doonto mid ay ku waxyeeloobaan ciidanka iyo shacabka ee waxay saamayn doonta kuwa sababta u ah,” ayaa lagu yiri digniinta Taliska Danab.

Ugu dambeyntiina waxa lagu yiri war-saxaafadeedka “Isimadda dhaqanka waxay ku guul-dareysteen in ay go’aamo ka soo saaraan nabad-galyada iyo jiritaanka Puntland. Ciidanka Danab wuxuu ka jawaabi doonaa dhaq-dhaqaaq kasta uu sameeyo maamulka waqtigiisu dhamaaday.

DF oo shaacisay ‘dhinaca loo leexiyay’ weeraradii tooska ahaa ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay dhinac uu toddobaadyadii dambe u batay howl-galladii ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-Cadaala) oo ka qeyb-galayay barnaamij dood ah oo ka baxayay Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay kooxda.

Al-Cadaala ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guullo waaweyn ka soo hoyeen howl-gallada socda, ayada oo la xoojiyay howl-gallada toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu beegsanayay goobaha muhiimka u ah kooxda Al-Shabaab.

“Khawaarijta jab xoogan ayaa la gaarsiiyay oo waxaa looga dilay tira aad u fara badan oo isugu jira uorjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale waxa uu xusay in howl-galadii toddobaadyadaan ciidamada ay fuliyeen ahaa kuwa lagu bur-buriyay saanad ciidan iyo gaadiid iyo weliba goobo ay kooxda ku dhuumaaleysanayeen, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

“Howl-galladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Al-Cadaala

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howl-galka wejiga 1-aad, laguna bur-buriyay isbaarooyin kooxda ay ku qaadan jirtay lacago baad ah, islamarkaana todobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howl-gallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Daawo: Maxkamadda racfaanka oo sii adkeysay xukunka 36 ajaaniib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay dhageysiga dacwad ka dhan ah 36 kalluumeysato ajaaniib ah oo ay dhowaan xukun kusoo ridday maxkamadda gobolka, kadibna kasoo qaatay racfaan.

Ajaanibtaan oo u kala dhalatay dalalka Iran iyo Pakistan ayaa lagu helay inay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen xeebaha dalka waxaana laga soo qabtay dhanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Maxkamadda racfaanka ayaa wax ka beddashay xukunka maxkamadda gobolka Banaadir ayada oo sii adkeysay ganaaca lacageed ee lagu ridday ajaaniibtan.

Midkiiba waxay maxkamadda racfaanka ku xukuntay $12,000, halka uu markii hore ahaa ganaaxaasi 11,000 oo dollarka Mareykanka ah.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid kasta oo kamid ah eedeysanayaasha ganaax lacageed oo dhan 326,400 oo kun oo shilin Soomaali ah, una dhiganta $12,000, wadarta lacagtaas waxay noqoneysaa $432,000” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda racfaanka.

Sidoo kale waxay maxkamaddu xukuntay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto doomaha ay wateen raggan iyo kalluunka ay soo qabsadeen oo ay horay u iibisay dowladdu.

“Waxay sidoo kale ku xukuntay in dowladda Soomaaliya ay la wareegto labada doomood iyo qalabka saaran iyo qarashkii kalluunkii saarnaa oo horay loo iibiyay” ayuu mar kale yiri.

Maxkamadda sidoo kale waxa ay xukuntay in qarashka ku baxay labada tarjumaan ee maxkamadda gobolka Banaadir iyo tarjumaanka kale ee maxkamadda racfaanka in lacagihii ku baxay laga jaro qarashaadka ay maxkamaddu xukuntay in lala wareegay.

“Xukunkan waxaa lagu dhawaaqay maanta oo ay tahay 31-07, 2023-ka, ciddii aan ku qancin waxaa u furan cabasho waafaqsan sharciga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Wararkii ugu dambeeyey ee DAGAAL ka dhex-qarxay kooxaha Falastiiniyiinta

Sidon (Caasimada Online) – Iska hor-imaadyo ayaa maalintii saddexaad maanta ka socda xero qaxooti oo Falastiiniyiinta ay degan yahay oo ku taalla dalka Lubnaan, kuwaas oo u dhaxeeya kooxda Fatax ee madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo isku dhaanc ah.

Khasaaraha dhimashada ee dagaalka ayaa maanta gaaray sagaal, sida ay sheegeen saraakiisha Lubnaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Lubnaan ayaa xaqiijiyey tirada khasaarihii ugu dambeeyey ee xerada Cayn Al-Xilwah. Laba askari oo oo ku sugan banaanka xerada ayaa sidoo kale dhaawacmay, sida uu sheegay Col. Fadi Abu Ciid.

Inkasta oo Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta qaarkood ay isku dayeen in la gaaro xabad-joojin, “rasaasta iyo hoobiyeyaasha ayaan illaa hadda istaagin,” ayuu yiri Cadnaan Rifaci, oo xubin ka ah guddi maamula xerada.

Ciidamada Lubanaan, oo maamula baro kontorool oo banaanka ah, ayaan gelin xerada, oo ay maamulaan kooxaha Falastiiniyiinta.

Isku dhacyada ayaa billowday Axaddii kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ay toogasho ku dileen jeneraal militari, Abu Ashraf al Armoushi, oo ka tirsan kooxda Fatax, iyo saddex ilaaladiisa ah.

Sabtidii, qof hubeysan ayaa isku dayey inuu dilo Maxamuud Khaliil oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta, hase yeeshee wuxuu taas beddelkeeda rasaasta ku dilay qof la socday.

Goor dambe oo Axaddii ah, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay gaareen heshiis xabad-joojin oo ay magaalada Sidon ku mart-geliyeen kooxaha Shiicada Lubanaan ee Amal iyo Xizbullah. Hase yeeshee xabad-joojinta ayaan dhaqan-gelin.

Qara ka mid ah dadka degan xaafadaha Sidon ee u dhow xerada ayaa ka cararay guryahooda ayada oo xabado wiifto ah ay soo dhacayeen. Sidoo kale isbitaalka Sidon ayaa shaqaalaha iyo bukaanada daadgureeyey.

Bayaan kasoo baxay ayey Fatax ku cambaareysay dilka sarkaalka amni, waxayna sheegtay in weerarka uu qeyb ka yahay “shirqool dhiig ku daadanayo oo lagu beegsanayo ammaanka iyo xasilloonida xerada.”

Fatax ayaa wacad ku martay “inay la xisaabtami doonto kuwa ka dambeeyey.”

Iska hor-imaadyada dhexmara kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ayaa caadi ka ah xerada Cayn Al-Xilwah oo marta-gelisay 54,000 oo qaxooti Falastiiniyiin ah.

AP, VOA

Guddiga doorashada Puntland oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib go’aankii baarlamanka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga Kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ay yeesheen ku ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland.

Xubnaha guddiga ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in siddeed xisbi ay noqdaan kuwa rasmiga ah, xilli dhawaan baarlamaanka Puntland uu meel-mariyay furista dastuurka, kaasi oo qeyb ka ahaayeen Xisbiyada siyaasadda.

Warqad ka soo baxday guddiga kumeel-gaarka ee doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in guddiga uu qaatay go’aankan kadib markii uu arkay natiijada doorashooyinka hordhaca aheyd ee 25/10/2021 iyo wax ka bedelka dastuurka qodobka 46-aad faqrada 3-aad.

“Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, oo ah hay’ada ugu saraysa ee Puntland u qaabilsan qabashada Doorashada golayaasha degaanka, diiwaangelinta ururada siyaasadda, ansixinta iyo sharciyeynta xisbiyada siyaasadeed markii uu arkay dastuurka Puntland qodobka 114-aad farqada sadexaad iyo xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka xeer LR3 2013 qodobka 12-aad farqada 7-aad.”

Guddiga TPEC ayaa sidoo kale shaaciyay in shahaadada rasmiga ah gudoonsiin doono xisbi kasta, oo kamid ah siddeeda xisbi ee uu maanta ku dhawaaqay.

Hoos ka aqriso xisbiyada rasmiga ah ee Puntland;

1. Xisbiga Kaah
2. Xisbiga Mideeye
3. Xisbiga Sincad
4. Xisbiga Ifiye
5. Xisbiga Mustaqbal
6. Xisbiga Shaqaalaha
7. Xisbiga Runcad
8. Xisbiga Horseed

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyeeyay dhameystirka nidaamka Xisbiyadda siyaasadda ee Puntland.

Sidoo kale waxa guddoomiyaha uu guud ahaan dadweynaha Puntland ugu hambalyeeyay ansixinta 8 Xisbi siyaasadeed ee rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Puntland ee maanta ay shaaciyeen Guddiga TPEC.

“Waa ku mahadsan yihiin dhammaan dhinacyadii walba kaalin wanaagsan ka qaatay dhammeystirka nidaamka Xisbiyadda 25 sanno kadib aas-aaskii Puntland.”