27.6 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Daawo Taliye Sulub: Amniga magaalada Muqdisho halka laga raadinayay ma jirin ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa markale ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo howl-gallada ay ciidamada kala duwan ka wadaan caasimadda.

Taliye Sulub ayaa waxa uu sheegay in amniga Muqdisho uu reystay kadib markii toos loo abaaray halkii ay aheyd in laga raadiyo, halka markii hore laga raadinayay meel uusan jirin, sida uu hadalka u dhigay.

“Sugida amniga caasimadda ee ku guda jirno meesha ay naga jirto ayaa fahanay, waxaa garwaaqsanay in amniga aan raadineyno ay naga jirto in shacabkeena adeegsano,” ayuu yiri Jeneraal Sulub Axmed Firin.

“In shacabka ay amniga sugaan oo iyagu iska soo dhex qabtaan ninka xun ee ku dhex jira. Waxaa aad iyo aad ugu mahad-celinayna gabdhaha Soomaaliyeed oo markasta hiil iyo hooba la garab taagan hay’adaha amniga.”

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xilligaan amniga Muqdisho uu marayo meel aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo, islamarkaana masuul kasta uu tegi karo meel kasta oo uu ka rabo caasimadda.

“Cidkasta oo rabta inay tagto magaalada Muqdisho goob kamid ah hadda uma baahno in culeys amni isa saarto oo soo kireysato dad amnigooda suga ama telefoona u diraan meesha ay u socdaan oo dhahaan xaalka siduu yahay. Maanta waa nabad wuxuuna muwaadin kasta, xildhibaan ama wasiir ay iskood u tegi karaan oo kasoo muraadsan karaan meesha ay rabaan.”

Sababta horseedka u ah in amniga Muqdisho uu isbeddel ku yimaado ayuu ku sheegay inay tahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, “Iskaashiga iyo isxog-weydaarsiga bulshada iyo laamaha amniga ayaa iska leh sababteeda guushaasi.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada caasimadda ay sii kordhin doonaan, islamarkaana ay ka sifeynayaan kooxda Al-Shabaab, isaga oo shacabka ka codsaday inay xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha amniga, si looga adkaado kooxaha argagixisada.

Hoos ka daawo muuqaalka

Kenya iyo Somalia oo arrin xasaasi ah ka wada-hadlay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Monica Juma oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa maanta kulan gaar ah la qaadatay dhiggeeda Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud oo isna ah la taliyaha amniga ee Xasan Sheekh.

Kulanka labada mas’uul oo saacado qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka oo ay ugu horreyso la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Monica Juma iyo Xuseen Macallin ayaa isla soo qaaday sidii ay labada dowladood ay uga qayb-qaadan lahaayeen xoojinta xiriirka istaraatajiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada-hadleen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan amniga xuduuda, si looga hortego weerarada sii kordhaya ee ka dhaca halkaasi.

La taliyaha ammaanka ee madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale boggaadisay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia, taas oo keentay in dhul ballaaran laga qabsado kooxda

Dhankiisa Xuseen Cali Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dal.

Kulankankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana uu sii kululaaday dagaalka Al-Shabaab oo qudheeda laba jibaartay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya.

Labada waddan aya wajahaya duulaanka Al-Shabaab, waxaana hadda qorshuhu yahay inuu billowday wajiga labaad ee dagaalka oo ka culus wajigii koowaad ee soo dhammaaday.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan dadaallo ku bixineysa dalalka dariska iyo gobolka si ay taageero ugu hesho dagaalka ay ku jirto Al-Shabaab oo loo arko halis aad weyn.

Daawo: Xiisad ka taagan MASJID ku yaalla magaalada Muqdisho oo la isku haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad xoogan oo dhanka maamulka ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay masjidka Sheekh Xasan Kalweyne oo ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kaas oo kamid ah masaajidda caanka ah ee degmadaasi.

Qaar kamid ah jameecada masjidka iyo dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee masjidkan, waxayna ka hadleen xiisadda ka taagan halkaasi.

Arrintan ayaa ka dhalatay, kadib markii la’isku qabtay guddiga maamulka ee masjidkan, waxaana la sheegay inay la wareegeen xubno cusub, halka kuwii hore laga wareejiyay.

Khadiibkii hore ee masjidka oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa sheegay in buuqa uu soo taagnaa 2-dii bil ee lasoo dhaafay, ayna dacwad geeyeen wasaaradda diinta.

“Aniga oo oo u hadlaayo masaajijkan jameecadiisa ku dhowaad laba bilood ayuu gacanta ka maqan yahay dacwad in badan ayaan ku noq-noqay wasaaradda diinta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray madaxda sare ee dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay soo farageliyaan doodda ka taagan masjidka Sheekh Xasan Kalweyne.

“Qof walbaa oo mas’uuliyadda dowladda ay hoos imaaneyso waxaan ka codsaneynaa in masjidkamn arrimihiisa lasoo farageliyo, waxna laga qabto arrintan” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale mid kamid ah jameecada masjidka oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyay, sida ay wax u jiraan iyo qaabka ay ku bilaabatay arrintan.

“Waxaan dacwo ka nahay masaajidka ku yaalla Xamarjajab oo magaciisa la dhahaayo Sheekh Xasan Kalweyne oo ku yaalla xaafadda Shaamow masaajidkaas oo la haayay 80 sanno, waxaa loo dhiibay dad aan waxba ka ahey, taas dacwo aan ka nahay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyyay “Waxaan ka rabnaa wasaaradda diinta iyo awqaafta inay noo soo saarto xaqeena oo dadkii hore loo soo celiyo mu’adinkii, imaamkii iyo guddiga ”

Xog: Villa Somalia oo wax ka bedeshay qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay wax ka bedeshay qorshihii hore loo dejiyay ee lagu waday in ay ku hawlgalaan ciidamada ka qayb qaadanaya wejiga labaad ee hawlgalka.

Qorshaha ayaa markii hore ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay mar qura maleeshiyada Al-Shabaab dagaal kaga furaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, qorshahaas oo hadda la sheegayo in la bedelay.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dejiyay in marka koowaad maleeshiyadaasi laga sifeeyo deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, marka xigtana ay ciidamadu hawlgalka ka bilaabaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyadoo ay markaasi ka qayb qaadanayaan ciidamada ka socda dalalka deriska amaba safka hore.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doortay in hawlgalka xooggiisa laga sameeyo Bariga Gobolka Galgaduud, bacdamaa ay Shabaabku ka maamulaan Magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaano kale oo ay ka mid yihiin Wabxo iyo Cowsweyne oo ka mid ah deegaanada ay Shabaabku ka ilaaliyaan Ceelbuur.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu faray in marka magaalooyinkaasi la qabto la raaciyo dhulka ay maleeshiyadu ka haysato Koonfurta Gobolka Mudug.

Gulufka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadanaya xoogag deegaanka ah oo ay ku jiraan Xertii Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe, kuwaa oo Sabtidii lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Guriceel.

Waxaa jirta xer kale oo kuwa Ahlu Sunna ah oo sidoo kale lagu diyaariyay Degmada Wisil, waxaana loo abaabulay oo loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu qabanayo Koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalkan uu barbar socon midka kale oo Shabaabka looga saarayo Galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka oo aad mooddo in uu durbaba ka bilowday bartamaha dalka ayaa waxay ciidamadu ka wadaan xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe. Hawlgalka waxaa la sheegay in Sabtidii ay ku biireen ciidan ka tirsan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhawaan dalka lagu soo celiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay in uu deggi doono, isagoona kala soconaya hawlgalka lagu doonayo in lagu soo afjarayo waayihii Al-Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la aaminsan yahay in Galmudug iyo HirShabelle uu u doortay dadka degan oo diyaar u ah in ay iska dulqaadaan mintidiinta Al-Shabaab, taasina ay hadhow dhiirigelin u noqon doono dadka Gobolada Koonfureed.

Marka aad milicsato sida ay wax u socdaan ayaa waxaa kuu baxaya in wejiga labaad ee hawlgalku uu ka cuslaan doono midkii hore, oo Shabaab lagaga saaray dhul ballaaran oo ay ka haysteen Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa horaan ku dhawaaqay in dowladdiisu ay muddo kooban dalka kaga suulin doonto kooxaha argagixisada.

Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii hore ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Shibis.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari la sheegayin lagu soo walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay isgoyska Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa ahaa Surf, kaas oo gebi ahaan goobta ku basbeelay, sida ay Caasimada Onine u sheegeen dad goobjoogayal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga reebo burburka gaariga lagu soo xiray oo uu lahaa wiil magaciisa lagu sheegay C/llaahi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xilliga uu qaraxu dhacayay uu baabuurka ka maqnaa ninka iska leh, isla-markaana uu ku jiray goob jirdhis GYM ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo isku keedaamay goobta, kadibna sameeyay baaritaano kooban, mana jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka kasoo saareen qaraxaas.

Xaaladda ayaa hadda ah mid daggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada, maadaama uu qaraxu dhacay xilli aroor ah oo dadku ay jarmaadayeen.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darre ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayay caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo.

Falkii igu dambeeyay oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa lagu beegsaday Kulliyadda Jaalle Siyaad, kaa soo lagu laayay askar badan, waxaana ka dhashay tuhun xoogan.

Si kastaba, dhacdooyinka ayaa kusoo aadayo, xilli ay dhankooda dadaallo xoogan wadanaa hay’adaha ammaanka oo iyaguna howlgallo culus ka sameeya magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweyne Xasan uu ku tagayo magaalada…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo Jimcihii ka soo laabtay safar dhowr cisho qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha amniga Galmudug ay adkeeyeen amniga magaalada, iyadoona ciidamada lagu soo daadiyay waddada magaalada ka baxda ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Nuur Ugaas.

Magaalada waxaa maalin ka hor gaaray ciidan xoog leh oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Nabad Sugidda, kuwaa oo fariisimo ka sameystay goobo uu ka mid yahay Garoonka Ugaas Nuur.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo lagu wado in uu ka saldhig sameysto Magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaasi kala socon doono wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhiirigelin u noqon doono Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaybaha kale ee ciidamada, iyadoona uu hadafku yahay in muddo kooban lagaga takhaluso Shabaabka Gobollada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in muddo sanad ah ay dowladdiisu dalka kaga ciribtiri doono kooxaha argagixisada.

BF Soomaaliya oo maanta ansixiyay ku laabashada miisaaniyadda DF ee 2023

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda.

Doodda miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka oo maalmihii dambe ka socotay Golaha ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyay ku laabashadeeda 169 Xildhibaan.

Sidoo kale waxaa diiday 1 Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in talooyinka iyo soo jeedimaha warbixintaas ku jiray ay sidaas ansax ku yihiin oo ay ku jiraan miisaaniyadda la ansixiyay, sida uu sheegay.

“Waxaa rabaa in aan si gaar ah uga mahdceliyo guddiga maaliyadda ee wadajirka ah iyo hoggaankoooda ee dadaalka u galiyeen muddadii miisaaniyada ku noqoshada gacantooda ku jirtay oo ay u kala kicin har iyo habeen, oo waqtiga aan haysanay uu aad ciriiri u ahaa.”

Ogeysiis muhiim ah oo kasoo baxay Maxkamadda ICC

0

Hague (Caasimada Online) – Ogeysiis dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay furtay qeyb loogu talagalay in dacwadaha lagu soo gudbiyo.

Waxa ay Maxkamadda ugu talagashay waaxdan iney ku soo dhacaan dhamaan dacwadaha lo ohayo cadeymaha iyo kuwa muuqda ee sida maalin laha uga dhaca dunida oo shaqsiyaad iyo dowlado ay geystaan.

Qof walba oo haya macluumaad ku saabsan dambi dhacay, ama Goobjoog ka ah ama sidoo kale u heli kara cadeymo ku filan ayey sheegtay maxkamadda in mudnaan gaar ah ay siineyso islamarkaana dacwadiisa la qaadi doono iyadoo aan ku xerin wax shuruud ah.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Liiska dambiyada iyo gabood fallada ay Maxkamadda aruurineyso islamarkaana Maxkamadda ay qaadeyso dacwadahooda waxaana ay kala yihiin:

1- In dad rayid loo beegsado si ula kac ah,
2- In dad kama’ (Ganacsi ama Hanti) xoog looga qaato
3- Jirdil ama si bini’aadanimo kabaxsan in qof ama koox loo dhibaateeyo.
4- Maxaabiis si bini’aadanimada kabaxsan loo jirdiley..
5- kufsi Hawaanka, ama Caruurta.
6- Xasuuq.
7- Dil ama qof la weysan yahey oo gabood fallo geystay.
8- Iyo ugu dambeyn  dhinac walbo aadanaha oo aad is lee dahey waxaa lagu xad gudbey xuquuqda

Qofka loo heysto Danbiyadaas muhiim ma han, hadii uu yahey mas’uul xil haya hada ama hore u soo qabtey, sida: Madaxweyne. Madaxweyne Hore, Ra’iisal Wasaare, Ra’iisal Wasaare Hore, Wasiir, Wasiir Hore, ama xilalka sare sida NISA ama hadda ah ama hore u soo qabtay qof walba waad dacweyn kartaa hadii aad xog ku saabsan aad heysid sidaan raac hoosku qoran.

Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada ugu badan oo ay ka dhacaan Gabood fallada oo ay geystaan mas’uuliyiin wata shaar dowladed iyadoo aysan jirin maxkamad awood u leh oo ku taala dalka islamarkaana wax ka qabata.

Halkan riix si aad u ogaatid macluumaadka sida aad xogta u gud bineysid:

https://www.icc-cpi.int/news/icc-prosecutor-karim-aa-khan-kc-announces-launch-advanced-evidence-submission-platform-otplink

AMA, Sidoo kale halkan riix sida aad u gud bisid toos marka aad ogaatid macluumaadkaas korku qoran buux formka:

https://otplink.icc-cpi.int/

Marka ay hesho maxkamada ICC dacwadda wey ku soo jawaabi doontaa sida kugu fudud oo ay kula soo xiriiri karto.

Muqdisho-Somalia

Wiil saddex bil jir ahaa oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo shalay ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo, taas oo ku saabsan dilka wiil yar oo saddex bil jir ahaa, kaas oo si arxan darro ah loogu dilay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay geysatay gabar shaqaale ka aheyd guri ku yaalla magaalada Kismaayo, waxaana lasoo wariyay inay dishay ilmo yar oo looga tegay.

Aabaha iyo hooyada wiilkaasi yar ayaa ah askar, waxaana la sheegay in ilmaha yar ay uga tageen gabadha u shaqeyneysay, kadibna ay u dishay si arxan darro.

Shaacir Xasan oo ah Aabaha wiiilka geeriyooday oo la hadlay Dalsan TV ayaa sharraxay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay in wiilka sanka, afka iyo dhagaha uu dhiig ka keenay, kadib markii si xun loogu gaaracay dhulka, uuna guriga yimid wiilkiisii oo mayd ah.

“Gabar shaqaale ayey aheyd wiilka iyadaa ii heysay saaka markaan xerada kasoo laabtay waxaan u imaaday wiilkeyga oo mayd ah oo guriga dhex yaallla” ayuu yiri Aabe Shaacir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gabadha falkan geysatay ay markii hore baxsatay, wuxuuna tilmaamay in marka uu yimid ay albaabka kor uga xirtay.

“Markaan guriga imaaday gabadha oo ordeysa ayaa iridda igu daba martay albaabka ayay kor igaaga xirtay illeen inaan dilo ayay ka baqeysay way carartay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo intaas ku daray “Wiilka hooyadiis waa gabar askariyad ah oo ciidanka ayay igala tirsan tahay shaqaan laheyn waana kalahnay kadibna dhacdadan ayaa dhacday”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in gabadhii lasoo qabtay, isla-markaana ay hadda ku xiran tahay saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Gabadha dhibka geysatay gacanta ayaa lagu hayaa, saldhigga dhexe ayayna ku xiran tahay” ayuu mar kale yiri Aabe Shaacir Xasan.

Dhacdadan ayaa argagaxay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadaly hayaan baraha bulshada oo ay ku wada xiriiraan dadweynaha Soomaaliyeed.

Somaliland president downplays rebels’ threat

Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland President Muse Bihi Abdi sought to allay fears of a looming threat from anti-government rebels on Sunday, downplaying the rebels’ capabilities and intentions.

“The militias’ portrayal as a significant threat on social media is exaggerated,” Bihi said during a forum in Hargeisa. “I believe there will be no major problems. The people are committed to peace, and there is no readiness for internal fighting.”

Bihi attributed the rebels’ actions to typical political rivalries that often arise during elections, and he assured opposition officials that their dissent would not be met with government repression.

“I want to assure all opposition parties that they will be able to participate in the upcoming elections without fear of reprisal,” Bihi said. “We are committed to a fair and transparent electoral process.”

Rebel threats 

However, the rebel group’s spokesman, Ahmed Ali Haybe, disputed Bihi’s situation assessment. He claimed that the militia’s recent activity in the mountains was in response to President Bihi’s use of force against the opposition.

“We are not afraid of the government’s threats,” Haybe said. “We will continue to fight for our freedom until the people of Somaliland are free from oppression.”

The emergence of the anti-government rebels has raised concerns about the stability of Somaliland. Any other country has not recognized this self-declared independent state.

However, Bihi’s assurances that the situation is under control have helped to ease some of those concerns.

Background

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but any other country has not recognized it. The region has been relatively peaceful since then, but occasional outbreaks of violence have occurred.

In recent months, there have been reports of increased activity by anti-government rebels in Ga’an Libax Mountain. The rebels have claimed to be fighting for the independence of Somaliland. However, the government has accused them of being bandits or criminals.

Bihi’s assurances that the situation is under control may be premature. The rebels have shown they are willing to use violence, and whether the government has the resources to suppress them is unclear.

The emergence of the rebels could also have a negative impact on Somaliland’s economy. The region is struggling to attract investment, and the violence could deter investors.

President Deni ‘s hidden agenda unveiled: Undermining democracy in Puntland

The politics of Puntland is at its lowest level now. Those who were elected to leadership are no longer talking about how they would save the livelihood of the people. Instead, they are busy making sure to defeat those who they see as a threat and talking about how they could remain in power by any means necessary, even if more innocent people died as a result.

A threatening encounter

For example, the Speaker of the Parliament, Abdirashid Yusuf Jabril, is said to have had a conversation with a few individuals who oppose the government’s plan of amending the constitution. According to the government’s schedule, the topic of reconsidering changing the constitution was due to occur four days after the day when Abdirashid had a discussion with those individuals. He talked with them on Monday night, and the scheduled day for that topic was the following Thursday.

The individuals were said to have told the Speaker that if he attempted to take a vote of the parliamentarians on amending the constitution on Thursday, the Speaker would have a problem. The Speaker did not like those words and saw the statement as a threat. He responded that no one can threaten him, and as a matter of fact, he would bring that topic to the parliament the next day to see what those individuals can do.

Tragic outcome

On Tuesday morning, the seemingly angry Speaker showed up in the parliament and informed the parliamentarians that the topic for the day would be reconsidering changing the constitution. One of the parliamentarians, whose talk was circulated on social media the following day, warned the Speaker that it was not appropriate to discuss that topic on Tuesday when it was scheduled for Thursday. At the time, the parliamentarian did not know what had taken place the night before between the Speaker and those individuals.

The amendment to the constitution was voted on, and fighting erupted in front of the parliament, where more than 30 mostly innocent civilians died due to personal grievances between the Speaker and a few people. The President of Puntland, Said Abdullahi Deni, has not yet spoken about that incident.

President Deni’s intentions unveiled

President Deni has sought to change the constitution so he can remain in power. He took advantage of the people who did not sense his intentions early on, and he made it seem like he was following the constitution. First, President Deni accused anyone who opposed the way he was managing the process of democratization of being individuals who wanted to maintain the old system and who were probably financed by the federal government of Somalia, with which the president had severed the relationship.

President Deni and his team argued, in the beginning of his campaign of democratization, that in the new system, the only stakeholders with whom the president needed to deal with were those who were members of the nine associations competing to be the first three associations to become the permanent parties of Puntland for the next ten years, as stated in the Puntland constitution.

The president and his team stated that if those individuals wanted to be part of the process, they should join one of the nine recognized associations. The aim was to show Puntlanders that the government was ready to negotiate and compromise with those who were the new stakeholders of the new system, mainly political parties. Many Puntlanders agreed with the president’s argument, but those who knew President Deni knew otherwise.

Within a few months, it became clear that the president was not telling the truth, and that the government was not ready to discuss the process of the election, let alone consider a compromise. In mid-March, two of the associations, Horseed and the Youth Party, sensed that the government was tilting the playing field to ensure its reelection. The government did not have time to consider the concerns of those two parties because the election was scheduled to take place on May 25, 2023, and it moved forward with its plan.

Again, the government team accused those two parties of being the ones whose leaders thought that this was their time to lead Puntland and the government claimed that they wanted to maintain the old system. Again, Puntlanders believed the version offered by the government team and still supported the government, thinking that the government and the last seven associations were united in the new process, and that no one else needed to sit down with the government to discuss the process of the election.

A bleak future?

The next few events that took place showed the real intention of President Deni, which was to either request an extension or to reelect himself under a system that had not been not agreed upon, thus undermining the legitimacy of his power after January 8, 2024. President Deni and his team changed the constitution of Puntland to what they thought would serve their interests. Both the Mideye and Sincad parties which were the first and second leading parties in the local election opposed the constitutional amendment, believing that the change could not affect the election that had already taken place, and that they were the winning parties.

The president and his team realized that it would be hard for them to accuse any wrong doing with these two parties and instead ignored the calls of these two parties and tried to focus attention on the idea that the traditional leaders had no place in the new democratization system. The question is, when will the Puntlanders realize that the system that only President Deni is dictating would not produce a government with a mandate for the next five years? And that everyone else, including political parties, traditional leaders, and other politicians, would have no say in the process of the new election proposed by the government?

A call for consensus

How long would President Deni be able to hide his agenda by accusing others of wanting the old system while he is trying to dictate the new process? Puntland has been successful for the last 24 years because there was a constitution agreed upon by all stakeholders. If a new system, which is much better than the old system, is to be moved to, then the new system should also be something that is agreed upon by all stakeholders.

Many Puntlanders still support President Deni, and all he would need is to call a meeting where all stakeholders attend to discuss the process of moving forward. Once a system is agreed upon by all stakeholders, the winner of that system, whether it is President Deni or anyone else, would have a legitimate mandate for the next term.

However, because it is clear now that the president will not stop for anyone having a say in the process of the election, and because more and more Puntlanders are seeing President Deni’s true colors, the only possible option forward is for the constitution court to rule the amendment of the constitution void and ask the government to return to the old system that was agreed upon, or to implement a new system that is agreed upon by most of the stakeholders, in which every candidate has an opportunity to win or lose.

By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein
Email: [email protected]
Atlanta, Georgia

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

Daawo: Qoyska Xasan Sheekh oo toos loogu eedeeyey dhul-boobkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay dhul-boob ka socda degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana maanta la weeraray maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Geel-doox.

Gabadha iska leh maqaayadaas oo lagu magacaabo Xaawo Geeldoox ayaa la hadashay warbaahinta, waxayna sheegtay inay jir-dileen ciidamo boolis ah oo loo soo diray.

Marwada Madaxweynaha Qamar iyo nin lagu magacaabo Ismaaciil Wardheere ayey sheegtay gabadhaasi ay ka socdeen ciidamada maanta ku soo weeraray maqaayadeeda.

“Madaxweyne Xasanow maalintii halkaan la idinku weeraray adiga iyo Madaxweyne Shariif waxaan ciidankaaga raashin ku siiyey si bilaash ah, balse maanta markii aad Madaxweyne noqotay waxaad iigu abaal-guday jir-dil iyo dhul-boob,” ayey tiri Xaawo Geeldoox oo ilmeyneysa.

Maqaayadda maanta laga burburiyey gabdhaan, iyada iyo shaqaalihii joogayna lagu jir-dilay waxay u dhaxeysaa isgoyska Shabeelle iyo Hotel Maa’ida oo ah hotelkii lagu weeraray Xasan Sheekh oo mucaarad ah.

“Xasan Sheekh dadka dhan ayuu madaxweyne u yahay, laakiin waxaan maanta u cabanaa dadka dowladaan igu metela, qoray ayaa maanta la iigu awood sheegtay, waxaana la igu liif-garaacay bistoolad,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xaawo Geeldoox.

Sida ay warbaahinta u sheegtay gabadhaan waxay ka cabaneysaa qoyska Madaxweynaha oo ku lugyeeshay dhul-boobka iyo awood sheegashada lagula kacay maanta, taas oo daaha ka rogtay eedeymo isisoo tarayey mudooyinkaan.

Magaalada Muqdisho waxaa hareeyey guuxa dadweynaha ka cabanaya dhul-boob ay ku kacayaan xigtada hoose ee Madaxweyne Xasan Sheekh, intii uu joogay xukunka dhul badan ayaa xoog looga saaray dadkii deganaa, iyadoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka.

Hoos ka daawo cabashada Xaawo Geeldoox

Sawirro: Soomaaliya iyo Serbia oo gaaray heshiis amni oo weyn – Muxuu dhigayaa?

0

Belgrade (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa soo gabagabeeyey safar qaatay afar maalmood oo uu tegay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaas oo taliye Sulub uu kula kulmay madaxda ugu sareysa booliska dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia oo taliska booliska dalkaas uu hoostago, Taliyaha guud ee Booliska, ku xigeenadiisa, Taliyaha Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska Interpol iyo saraakiisha hoggaanada qeybaha booliska ee dalka Serbia ayuu kulamo xiriir ah la yeeshay Taliyaha booliska Soomaaliyeed.

Madaxda booliska labada dalka ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada la dagaalanka argagixisada, musuq, dambiyada ka dhaca xuduudaha, dambi barista iyo tababarrada ciidamada.

Madaxda booliska labada wadan waxay ku heshiiyeen inay si toos ah u soo celiyaan xiriirkoodii, waxaana heshiiska la gaaray uu xusayaa in sanadkaan dhamaadkiisa 45 sarkaal oo booliska Soomaaliyeed ka tirsan ay tababar u tegayaan dalka Serbia.

Sidoo kale sanadka xiga waxaa dalka Serbia tababar ku soo qaadan doona ku dhawaad 100 sarkaal oo kale, sida ku xusan heshiiska uu Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed la soo galay taliska booliska dalka dalka Serbia.

Sanadkii 1962-kii ayuu soo bilowday xiriirka booliska Soomaaliya iyo kan dalka Serbia, inkastoo uu hakad galay sanadkii 1992-kii, balse dib u furidii safaaradda Soomaliya ee Belgrade ayaa suurta-gelisay dib u soo celinta xiriirka labada boolis.

Dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliyeed ku garab siiya dib u dhiska hey’adeheeda muhiimka ah.

Daaw: R/W Xamsa oo sheegay in xukuumadiisu ay ka guureyso Madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad-galiyada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

R/Wasaare ayaa galabta kulankaas ka sheegay in xuukumadiisu ay ka guuri doonto Madaxtooyada oo golaha wasiirrada ay degi doonaan xarunta Xisbiga.

Intii ay jirtay xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa dib loo dhisay xaruntii hore ee Xisbiga, waxaana loo diyaariyey inay degto xukuumadda Soomaaliya, balse waxay ka suurta-geli weysay amniga Muqdisho.

R/Wasaare Xamse hadda wuxuu sheegay in amniga Muqdisho uu soo hagaagayo, isla markaana ay xukuumadiisu mar dhow u guuri doonto xaruntaas loo diyaariyey, sida hey’adaha dowladda loogu balaariyo Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhawaan ay soo saarayaan amar dadka looga saarayo dhismayaasha ku yaalla aagga xaruntaas, si xukuumadda ay ugu suurta-gasho inay soo degto.

“Hadda waxaan wadnaa qorshe aan dadka ku amreyno inay ka guuraan aagga xarunta Xisbiga iyo inaan hagaajino xafiisyadii lagu shaqeyn lahaa, laakiin wax amni darro ah oo loo xiran yahay hadda kadib ma jiraan,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse.

Wuxuu sheegay in amniga caasimadda Muqdisho uu soo hagaagay kadib markii ay waqti badan geliyeen, taas oo suurta-gelisay in maanta ay ku xafladeynayaan degmada Heliwaa.

“Cabsi ma qabo, xittaa waan ku hoya karnaa degmadaan Heliwaa, waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ku xafladeyno banaanka magaalada oo carradu ay indhaha naga geleyso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray R/Wasaare Xamse.

Hoos ka daawo

Daawo: Xamza iyo golihiisa wasiirada oo maanta tegay Heliwaa kadibna sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, qaar kamid ah golihiisa wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa maanta tegay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan oo uu ugu horreeyo ra’iiisul wasaaraha ayaa halkaas u tegay ka qayb-galka kulan wecyi-gelin ah oo ay goobjoog ahaayeen maamulka iyo shacabka degmada Heliwaa.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa aad u boggaadiyay reer Heliwaa, wuxuuna tilmaamay in tani ay muujineyso isbeddalka amniga ee ka jira caasimada.

Wuxuu sidoo kale ku dardaarmay inay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo maamulkooda, ayna sidoo kale dhistaan xarunta degmada ee uu ku shaqeeyo guddoomiyaha.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale sharraxay sida ay ku timid guusha weyn ee laga gaaray amniga Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in markii la magacaabay uu u adkeysan waayay dhibaatada amni ee ka jirtay caasimada kadibna uu isugu yeeray masuuliyiinta dowladda.

“Aqalka dowladda hoose ayaan isugu imaanay waxaan goosanay in dadkeena ay sidaan kusii jirin karin, ayna suuragal aheyn, waxayna nala noqotay inay mas’uuliyad darro tahay, waxaana nala qaraaratay xafiisyada aan fadhino, kadib waxaa isla qaadanay in tallaabo la qaado magaaladan amnigeeda lagu sugaayo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay la yimaadeen midnimo iyo wada shaqeyn hay’adaha dowladda dhexdooda ah, si awoodda oo dhan hal meel la’isugu keeno.

“Furaha guusha waa midnimo, waa wada shaqeyn, waxaana isku xirnay hay’adaha amniga iyo gobolka Banaadir” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Intaas kadib wuxuu shaaciyay inay dajiyeen qorshe cad oo lagu sugayo amniga caasimada, ayna diyaariyeen ciidamada Boolis Milataaro, kuwaas oo keenay isbedddalka maanta.

“Waxaan dajinay qorshe lagu sugayo amniga magaalada oo la yiraahdo qorshaha koowaad, qorshaha labaad iyo qorshaha saddexaad oo isbdaba socda, kadibna waxaan howlgelinay ciidamada aan u baahanahay, annagoo soo kordhinay boolis mliataaro” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wixii kusii daray “Arrintaas waxaa keentay marka in magaaladii laga sifeeyo Khawaarijta waxay keentay in nabaddeeda lasoo celiyo, dhimashadiina ay yaraatay”

Daawo: Degmo ka tirsan GEDO oo qarka u saaran inay u gacan gasho Al-Shabaab

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalado amni iyo culeysyo ay ka jiraan degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq, Mudane Bishaar Xasan Dhaqane ayaa sheegay in degmadan ay qarka u saaran tahay inay u gacan gasho kooxda Al-Shabaab, maadaama ay haatan ku sugan tahay agagaarka magaaladaasi.

Bishaar ayaa tilmaamay in muddo 11 sano ah ay ciidamo kooban oo ka tirsan daraawiishta Jubbaland ay joogaan degmada, laakiin markii hore ay daris la ahaayeen ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo dhowaan banneeyay saldhigga degaanka Giriley.

“Culeysyo waa iska jiraan nimanka Al-Shabaab ahaa dhulka waa joogaan marka haddii qaybtii ATMIS ee Giriley ka baxeen xoojin bey rabtaa degmada oo ciidan la keeno” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ceelewaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu dalab culus u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo ka codsay inay ciidamo federaal ah u dirto degmadaasi, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Gedo ay la mid tahay gobollada kale ee loo diray ciidamada, sidaas oo kale ay u baahan yihiin in loo soo gurmado.

“Dowladda federaalka ciidamada ay kusii gureyso gobollo gaar ah oo waxaa weeye Galgaduud, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, ciidamadu dalkoo dhan ayay ciidan u yihiin in la keeno degmada Ceelwaaq ciidan federaalka taas ayaan codsanay” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu isbeddal ka dhacay gobolka Gedo oo guud ahaan ay la wareegtay Jubbaland, waxaana meesha ka baxay khilaafkii gobolkaasi.

Maxaa laga damacsan yahay ciidamada cusub ee lasoo dhoobay xadka Soomaaliya?

0

Mandera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo culus oo ay uga jawaabeyso weerarada sii kordhaya ee ay Al-Shabaab ka geysato gobolka Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamadan ayaa si gaar ah uga howlgali doono ismaamullada Gaarisa, Wajeer iyo Mandera oo ka wada tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka qayb qaadan doonaan qorshayaasha dowladda ee ku aadan sugidda amniga xuduudda labada waddan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidamada, isla-markaana ay la wadaagaan xogaha ay hayaan, si looga hortago weerarada Shabaab.

Arintan ayaa daba socota hadalkii wasiirka difaaca Kenya oo dhowaan booqday deegaanada dhaca xadka, isaga oo wacad ku maray in halkaasi laga tir tiri doono kooxda Al-Shabaab.

Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale intaasi ku daray in xittaa Al-Shabaab ay kula dagaalami doonaan gudaha Soomaaliya, si looga adkaado, loona ciribtiro.

Al-Shabaab ayaa weerarada culus ka fulisa gudaha dalka Kenya, kuwaas oo isugu jiro kuwa dhabagal ah iyo qaraxyo miino oo ay la beegsato ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in uu billowdo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, oo ay ka qayb qaadan doonaan Kenya iyo dalalka kale ee dariska.

Xaalad adag oo soo wajahday ciidamadii laga keenay Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo tababaray gudaha dalka Eritrea ayaa haatan wajahaya xaalad adag, taas oo ka dhalatay mushaar la’aan haysata, tan iyo markii dib loogu soo celiyay dalka, sida uu shaaca ka qaaday Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa sheegay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea oo qaarkood la keenay aysan weli helin wax xuquuq ah, ah, isla-markaana aysan tabar u heyn dowladdii tababaray iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

“Waxaan ognahay 4 sanno ciidan ayaa waxay ku maqan yihiin Eritrea qaar waa ka yimaadeen, qaarna way ku maqan yihiin waxaan xogteeda haynaa inayna heysan one Dollar oo dowladdii Eritrea xamuulkaas qaadi karin oo tabarteeda laheyn, ” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la dayacay ciidamadaasi, isla-markaana loo baahan yahay in dowladdu ay qaado tallaabo deg-deg ah oo looga jawaabayo arrintaasi.

Waxaa kale oo uu xusay in sidoo kale ay dhibaateysan yihiin ciidamada Soomaaliyeed ee weli ku maqan waddanka Eritrea, ayna yihiin maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwii hore lama xallin, kuwii jiray Eritrea warkooda daa oo hadda waa maxaabiis, meelaha ayay ka bax baxsadaan, runtii waxaan aad u adkeynayaa wasiir inaad ciidanka aad haysato horta meel aad saarto oo aad xaqiijiso” ayuu mar kale yiri xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo hadalkiisa ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Ciidankaas waa dayacan yihiin nidaamka askarta waxaa waayay askariga inta uu tababarka ku jiro saabuun ayuu helaa, cunto ayuu helaa, daryeel iyo daawo ayuu helaa, wixii ka dambeeya haddii tababarkiisa soo dhammeysto mushaarkiisaa horay loo bilaabaa”.

Ciidamadan oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa markii la keenay ku soo aaday xaalad dagaal, waxaana qaarkood la geeyay furinta hore ee dagaalka Al-Shabaab, halkaas oo ay sidoo kale kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan dagaalkii Masagawaa.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse waxaa hadalka xildhibaanka goobjoog ahaa wasiirka Gaashaandhiga, Cabdulqaadir Maxamuud Nuur (Jaamac) oo uu toos ugu gudbiyay kiiskan, kadib markii uu shalay hortega xubnaha Golaha Shacabka.

Daawo: Faa’iza Jayte oo shaacisay arrinta ay isku hayaan Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iza Jayte oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixisay dagaalka kala dhexeeya, guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Xildhibaanada ayaa shaaca ka qaaday in guddoonka ay isku hayaan kaliya ilaalinta xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka dalka, sida ay hadalka u dhigtay.

Faa’iza Jayte ayaa guddoonka baarlamaanka ku eedeysay inuu dano gaar ahaaneed u adeegsado shuruucda u degsan, taasina ay kasoo horjeedo.

“Wax dagaal ah oo gooni ah oo shaqsi ah oo naga dhexeeyo ma jiraan, kaliya waxaan isku haysanaa xeer hoosaadka noo qoran iyo dastuurka aan kusoo dhaaranay aan ka shaqeyno iyo maalin hala jebiyo, maalintii dan gooniya laga arkana hala isticmaalo” ayey tiri xildhibaam Faa’za Jayte.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in guddoomiyaha Golaha Shacabka uu mar kasta ku xadgubo ku dhaqanka xeer hoosaadka golaha, isla-markaana uu jebiyo qodobo muhiim ah, sida ay ku doodday xildhibaamaddu.

“Maalin ilaahey keeno qodob, ama labo ayaa la jebiyaa lagama hadlo markii si dan gaar ah looga leeyahay qof waxaa arkee la siinaayo makarafoonka iyo qof gacan taagtay oo guddoonka u arko inuu culeys ku yahay oo laga tegaayo” ayay mar kale tiri.

Waxa kale oo ay sii raacisay ” Waxyaalaha la doonaayo waxaa waayay in xildhibaanada xuuquuqda hadalka ay si isku mid ah u helaan qof kasta oo farta taago haddii jaanis loo helaayana la siiyo”.

Dagaalka xildhibaanaddan iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo shaac baxay Khamiistii lasoo dhaafay, kadib markii uu ka xiray makarafoonka, xilli ay ka hadleysay kulankii baarlamaanka, kadib markii ay adeegsatay erayo adag.

Guddoomiyaha ayaa markaas shaaca ka qaaday in ay u geftay xildhibaanada golaha, waxaana kadib ay bixisay raalli-gelin, ayada oo sidaas kusii wadatay dooddeeda.

NISA oo warbixin xasaasi ah u gudbisay madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online)  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee shalay kormeer ku tegay xarunta dhexe ee Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay hoggaanka sare ee NISA, gaar ahaan Taliye Mahad Salaad.

Madaxweynaha ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaga oo si wadajir ah ugu guur-galay hannaanka shaqo ee Hay’adda NISA oo kaalin weyn ku leh amniga dalka.

Intaas kadib madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha NISA, waxayna la wadaageen shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan dalka.

Saraakiisha ayaa si gaar ah warbixintooda uga hadlay amniga guud ee dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho iyo guulaha ay kasoo hoysay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Sidoo kale saraakiisha ayaa madaxweynaha u sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay guul weyn hay’addu ka gaartay amniga caasimada, si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad-geliyo.

Waxa ay intaasi ku dareen in guushaas ay ku timid, dadaalka hay’adda, gaar ahaan howlgelinta qaybaha kala duwan ee ciidamada NISA oo ay ugu horreeyaan kuwa dharcadda ah oo haatan si weyn uga shaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir.

NISA ayaa sidoo kale qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna howlgallo culus oo bartilmaameed ah ka fulisaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale gobollada Shabeelooyinka.

Dhankiisa, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;

1 – Furinta dhaqaalaha, 2 – Tan fikirka 3 – Iyo dhanka milatariga, wuxuuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan wada qorsheyaal ballaaran oo lagu sugayo amniga caasimada, si looga hortago weerarada Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhayay.