27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Muxuu Muuse Biixi ka yiri jabhadda looga dhowaaqay Buurta Gacan-Libaax?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda kasii dareysay ee maamulkaas ee ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka Somaliland.

Biixi ayaa soo hadal qaaday jabhadda hubeysan ee haatan looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil, taas oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka billowday halkaasi.

Madaxweynaha ayaa hoos u dhigay saameynta jabhaddaas oo shalay dagaal la gashay ciidanka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in aaney aheyn sida loo buun buuninayo.

Sidoo kale wuxuu arrintan ku macneeyay xifaaltan siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka la galayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu waxaan aaminsanahay in anay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aaney ka badneyn xifaaltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla leh” ayuu yiri madaxweyne Biixi oo ka hadlay madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray inay ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaa dableyda isku uruursaneysa buurta Gacan Libaax ee gobolka Saaxil.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay.

Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa xaalado is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi.

Xog: Ciidan horudhac u ah safarka madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada….

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen ciidan horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku wajahan Galmudug.

Ciidamadan oo boqolaal gaaraya, isuguna jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ayaa maalmo ka hor laga diray Magaalada Muqdisho, iyagoona safar dhinaca dhulka ku gaaray duleedka magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa la soo sheegaya in ay fariisimo ka sameysteen goobo uu ka mid yahay Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Wafdi horudhaca u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gaaraya magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu ku wajahan yahay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka soo laabtay safar uu maalmahaanba ugu maqnaa dalka Talyaaniga ayaa la filayaa in safarkiisa ugu horreya uu ugu ambabaxo Dhuusmaareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu saldhig ka dhigto magaaladaasi, si uu halkaasi uga la socdo wejiga labaad ee gulufka ay tahay in maleeshiyada Al-Shabaab lagaga saaro dhulka ay ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka faray in ciidamada loo dhaqaajiyo dhanka Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, oo ah kuwooda ugu waaweyn ee ay haatan Shabaabka kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Saraakiisha sarsare ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la filayaa in sidoo kale ay fariisimo ka sameystaan Magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer midkood, inta uu socdo hawlgalka lagu xoreynayo Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ay Shabaabku ka haystaan Bariga Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in muddo kooban lagu soo afjaro hawlgalada Galmudug iyo HirShabelle, deetaana ciidamadu ay u qalab qaataan, sidii ay Shabaabka kaga saari lahaayeen deegaanada ay ka haystaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalin ka hor caasimadda Muqdisho ka diray ciidan xoog leh, oo u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaa oo sida la sheegay hawlgal sifeyn ah ka samayn doona deegaanada dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa ah mid lagu go’doominayo Shabaabka ka arrimiya Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, iyadoona uu yoolku yahay in laga hortaggo gurmadka kaga iman kara dhanka Gobollada Koonfureed.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa iyana la filayaa in ay hawlgalo ka sameeyaan daanta galbeed labada gobol ee HirShabelle (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe), oo maleeshiyada Al Shabaab ay weli ka joogaan goboladaasi. Wejigii hore ee hawlgalka ayaa maleeshiyadaasi lagaga saaray deegaanadii ay ka maamulayeen bariga goboladaasi.

Inkastoo wejiga labaad ee hawlgalka uu wax badan ka dib dhacay xilligii la filayay in dalka uu bilowdo, haddana Dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqato mid si dardar leh ku waddo qorshaha lagu abaabulayo, laguna diyaarinayo ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgalkaasi.

Afar mas’uul oo loo haysto dhaca malaayiin dollar oo la hor-geeyey maxkamad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii labaad maanta la horgeeyahy 4 ma’suul oo ka tirsan Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Afartan nin ayaa waxaa loo haystaa lunsashada malaayiin dollar, kadib markii ay xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay Musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Doodda maanta ayaa ka duwaneyd kuwii hore, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka uu maxkamadda horgeeyay caddeymaha eedda lagu soo jeediyay afarta mas’uul oo kala ah:-

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar.

Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu mas’uul ka ahaa.

Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda.

Maxkamadeynta raggan ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Gabar ‘aflagaadeysay’ diinta iyo Nebi Muxamed NKKH oo wajaheysa dacwad dil ah

Atar (Caasimada Online) – Maamulka dalka Mauritania ayaa arday dhigata dugsiga sare ku soo oogay dacwad dil ah oo suurtagal ah kadib markii ay ku jeesjeesay diinta Islaamka oo ay ku muujisay warqadeeda imtixaanka.

Gabadhan ardayada ah ayaa la xiray toddobaad ka hor, waxaana falka ay ku kacday lagu tilmaamay inuu ahaa mid lagu jeesjeesay Nebi Muxamed NNKH.

Waxaa la sheegay in haddii ardayga lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay, in lagu xukumi karo dil balse ay racfaan ka qaadan karto.

Dalka Mauritania ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoojiyey sharciyadiisa ku aadan ciqaabta dadka geysta falalka lidka ku ah diinta Islaamka.

Sida uu dhigayo sharcigii hore, dadka ku jeesjeesa ama aflagaadeeyay Islaamka, lama siin doono ciqaab dil ah haddii ay qirtaan oo ay toobad keenaan. Balse 30-kii sano ee la soo dhaafay, ma jirto cid dil lagu xukumay oo isla dambigaas lagu helay.

Ardayaddan oo lagu eedeeyay inay Nabi Muxamed aflagaadaysay ayaa 10 maalmood ka hor ay ciidamada sharcigu ku xireen magaalo lagu magacaabo Atar oo ku taal gobolka waqooyi galbeed ee dalka Mauritania.

Kadib markii la xiray ardayadda, qoyskeeda, ayaa qoraal ay u qoray wargeys, waxay ku sheegeen in gabadhooda ay haysato dhibaato dhanka maskaxda ah, waxayna codsadeen in loo naxariisto.

Xariga ardayga ayaa lagu dhawaaqay kadib markii maamulka diinta ee Mauritania ay go’aamiyeen in dadka aflagaadeeya Nebi Muxamed ay mudan yihiin in dil lagu xukumo.

Culumada Islaamka ee dalka Mauritania ayaa todobaadkii hore meel mariyay qaraarka diini ah kadib markii madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Ghazouni uu ka codsaday hogaamiyayaasha caqiidada inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan kuwa aflagaadeynaya diinta Islaamka.

Al-Shabaab oo weerartay degaan laga difaaco Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay mar kale  ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Goofgaduud-buurey oo u dhow magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa Xoogga dalka iyo dagaalyahanada weerarka qaaday.

Ilo dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu socday in ka badan hal saac, isla-markaana la’isku adeegsanayay hubka noocyadiisa.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada huwanta iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka Al-Shabaab ee Goof-gaduud.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Al-Shabaab oo muddo kooban haysatay laga fara maroojiyay deegaankan oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Goofgaduud-buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud-buurey ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka.

Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

 

Midowga Yurub oo tallaabo culus qaaday kadib afgambigii militari ee ka dhacay dalka…

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa joojiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dalka Niger, iyadoo Mareykanka uu ku hanjabay in uu tallaabadaasi oo kale uu qaadi doono ka dib markii hogaamiyeyaasha militariga ay afgambiyeen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, Mohamed Bazoum.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum iyo in la soo celiyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaasi.

Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in General Abdourahamane Tiani uu yahay madaxa dowladda.

Dalka Niger oo ka mid ah wadamada ugu saboolsan caalamka, ayaa sanadkii hela ku dhawaad 2 bilyan oo doollar oo kaalma dhanka horumarinta ah sida uu sheegay Bangiga Aduunka.

Niger waa saaxiibka muhiimka ah ee dhanka amniga ee wadamada reer galbeedka sida Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo isticmaalla saldhigyo Niger ku yaalla si ay u xakameeyaa kacdoonka Islaamiyiinta ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee gobolka Saaxil.

Maraykanku waxa uu Niger ku leeyahay laba saldhig oo millatari oo ay joogaan ilaa 1,100 (kun iyo boqol) askari, waxa kale oo uu dalkaasi ku bixiyaa boqolaal milyan oo doollar oo dhinaca ammaanka iyo horumarinta ah.

Xulafada shisheeye ee Niger ayaa ilaa hadda diiday in ay aqqoonsadaan dowladda cusub ee milatariga ah ee uu hogaamiyo General Abdourahamane Tiani, oo hore u ahaa madaxa ilaalada madaxtooyada, kaasi oo saraakiishu ay Jimcihii ku dhawaaqeen in uu yahay madaxa Niger.

Madaxweynaha la afganbiyay Bazoum ayaan warkiisa la maqal tan iyo Khamiistii markaasi oo uu ku xirnaa gudaha madaxtooyada, inkastoo Midowga Yurub, Faransiiska iyo kuwa kale ay sheegeen in ay weli u aqqoonsan yihiin inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in afgambiga uusan saameyn ku yeelan gargaarkii ay geyn jirtay.

Sawirro: Beesha Cayr oo Guriceel ku soo bandhigtay 3,000 oo dagaal-yahan

0

Guriceel (Caasimada Online) – Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa galabta lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo u diyaarsan inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Ciidankaas oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka wajiga labaad ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe.

Dugsiga tababarrada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ayaa lagu soo bandhigay ciidankaas oo aad u hubeysan.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidankaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyadda ka saaran suurta gelinta sidii ciidankaan uu uga howl-geli lahaa deegaanada la qorsheeyey inay Shabaab ka xoreeyaan.

Sidoo kale goobtii maanta lagu soo bandhigay ciidankaan waxaa ka soo muuqday saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, kuwaas oo la aaminsan yahay inay soo abaabuleen ciidankaan ka socda dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalyahanadaan galabta lagu soo bandhigay degmada Guriceel dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Cayr ee Habargidir, waxaana la doonayaa inay qeyb ka noqdaan xoreynta Ceelbuur ee deegaanada kale ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan cusub waxaa la sheegay in loo dhameystiray hubkooda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay uga faa’iideysaneyso ka qeyb galka wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay u guurayaan Dhuusamareeb, halkaas oo dagaalka ay ka hoggaami doonaan.

Daawo: Xagee ku dambeeyay mooshinkii loo gudbiyay guddoonka golaha shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa siddeedii bishan July guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin culus oo ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo gaarayay illaa 30 Mudane ayaa saxiixay mooshinkaasi, una gudbiyay guddoonka sare, ayaga oo ka cabanayay jabinta xeer hoosaadka u yaalla baarlamaanka.

Haddaba Xagee ku dambeeyay mooshinkii loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaas ay si gaar ah uga wada-hadleen xubnaha keenay, isla-markaana ay arrinta si hoose u xaliyeen.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale intaasi ku daray haddii ay jirto cid weli tabasho ka qabta arrintaas inay u imaan karto guddoonka, kadibna ay kala hadli doonaan.

“Xildhibaanada mooshinka ii keenay waa wada-hadalnay, waana is afgaranay oo waan dhammeysanay, oo arrinta waa u fadhiisanay. Qof weli wax ka qaba haddii uu jiro wuu ii imaan karaa, waana ka wada-hadli karnaa” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Intaas kadib kadib qaar kamid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinkaas ayaa ka daba hadlay guddoomiyaha, waxayna beeniyeen in si hoose loo xalliyay mooshinkooda.

Xidlhibaanadaas waxaa kamid ah Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo sheegay in guddoomiyaha laga rabo halka uu geeyay mooshinka ay u gudbiyeen ee isla xisaabta golaha gudihiisa.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo weli inaan uga fadhino guddoonka mooshinkii aan u gudbinay ee ku saabsanaa, isla xisaabtanka baarlamaanka gudihiisa” ayuu yiri Saajid.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Ma jirto meel aan gudoomiye Aadan Madoobe kaga wada-hadalnay mooshinkii aan usoo gudbinay”.

Maxay tahay sababta guddi loogu saari waayey weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaad kadib weli lama magacaabin guddi rasmi ah oo daba-gal ku sameeya weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugnaa xeradaasi.

Xidlhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo su’aal ka weydiiyay guddoonka sare ee baarlamaanka.

Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadaan ay ka doodeen xildhibaanada, ayna isku raaceen in loo saaro guddi baarlamaani ah, balse illaa iyo hadda aan la dhisin.

“Ficilkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xildhibaano tobaneeyo ku dhow ayaa halkan ka hadlay, mooshina waa la keenay waxaa la’isku waafaqay in guddi baarlamaani ah loo saaro arrintaas oo la socdo sida sharciga qabo kormeera oo dabagal ku sameeyo baarista ficilkaas ka bacdi cid ka wada-hadashay lama arkin, guddigiina guddoonku ma soo saarin, marka arrintaas sidee wax u jiraan? ” ayuu yiri Maareeye.

Intaasi kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay su’aashan, wuxuuna tilmaamay in guddoonku uu qaaday tallaabo wanaagsan, isla-markaana ay daba joogan sidii ay wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka ay kusoo celin doonaan natiijada, isaga oo sheegay in saraakiisha ay dadaalayaan, uuna socdo baaritaan rasmi ah.

“Runtii tallaabooyin aad u wanaagsan waa la qaaday, annagana waa daba joognay, haddii weli guddi loo baahan yahay annaga ayaa dib isku sii arkeeno guddoonka haddii weli sidii baahida u taagan tahay waan sameyneynaa, haddii wax lagu qancay la qabtayne jawaab ayaa naga heleysiin” ayuu isna ku jawaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socoto baarista weerarkii Al-Shabaab ee Kuliyadda Jaalle Siyaad oo la rumeysan yahay in kooxda lagala shaqeeyay qaraxaasi.

Si kastaba, madaxda wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhacdadaas loo soo xiray 14 qof oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii maamulayay xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulamadii Xasan Sheekh, hoggaanka NISA iyo guddiga…?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT).

Madaxaweynaha ayaa xubnaha guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee cuuryaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxay kulankaan ka sheegeen in la daciifiyey awooddii argagixisadu ay u lahaayeen uruursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed oo si joogto ah ay dhaqaale uga qaadi jireen.

Guddiga ayaa sheegay in tallaabada kooxda looga jaray dhaqaalaha ay aas-aas u tahay ciribtirka iyo dabargoynta argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya ku naaxday dhaqaalaha shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;

1 – Furinta dhaqaalaha, 2 – Tan fikirka 3 – Iyo dhanka milatariga, wuxuuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

Maxaa dan ah oo Soomaaliya ugu jira dhismaha ciidanka cusub ee heeganka’ B/A?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta  Xildhibaanada Golaha Shacabka hor geeyey heshiis ku saabsan aas-aasidda ciidan ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto qorshaha lagu aas-aasayo ciidan heegan ah oo dalalka Bariga Afrika ay wada leeyihiin.

“Waxaa jira isbedello waaweyn oo ku yimid hanaanka difaaca iyo amniga ee caalamka, dalkeenu wuxuu baahi u qabaa inuu xoojiyo iskaashiyada wadamada gobolka oo ka saacidi doona difaaca danaha qaranka,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo is dul taagay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay heshiiskaas.

Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay sharciyan Soomaaliya uga mid noqon karto heshiiskaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in xukuumadda Soomaaliya ay awood u leedahay inay gasho heshiisyo noocaan ah.

“Iskaashiga amni ee ka dhalanaya heshiiskaan hadii aad ansixisaan, waxaan ka faa’iidi doonaa:”

1 – Waxaa dowladaha qeybta ka ah ku waajibeysa inay fududeeyaan kaalmo difaac, hadii aan uga baahano.

2 – Wuxuu heshiiskaan abuurayaa fursad si wadajir ah loogu burburinayo argagixisada.

3 – Waxaan ka faa’iidi doonaa suuqa dhaqaale ee u gaarka ah wadamada ciidamada heeganka ah eeBariga Afrika.

4 – Heshiiskaan wuxuu dhameystirayaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalalka Bariga Afrika, taas oo aan la gaari karin iyadoo aan xal loo helin khataraha amni ee weli jira.

“Hadii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo heshiiskaan, waxaan awood u yeela doonaa inaan dalbano waxka bedel ama dib u habeyn lagu sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay awood u leedahay inay ka baxdo heshiiskaan, hadii ay u aragto inuusan la jaan qaadi karin danaheeda.

“Ujeedada heshiiskaan waxay ku kooban tahay ilaalinta danaha amni ee dalalka gobolkaan Bariga Afrika, sida ku cad qodobkiisa 3-aad,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaan si yaab leh fadhigii baarlamanka ugu weeraray wasiir Jaamac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa maanta kulankii golaha shacabka ku hor-weeraray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isagoo sheegay in wax masuuliyad ah ama damqasho ah aysan ka heyno waxa ku dhacaya ciidamada qaranka.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay ka fiirsadaan in wasiirkaan uu sii heyn karo xilka, “Ninkaan markii uu nasoo hor isgaatay kama uusan tacsiyeyn, askartii lagu laayey kuliyadda Jaalle Siyaad, ma muujin wax jixin-jix ah, guddiga ku shaqada leh waxaan ka rabnaa in ninkaan ay na hor keenaan,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka loo dhiibay wasaaradda gaashaandhigga uusan u qalmin wasaaradaas, isla markaana uusan ka damqan ciidanka maalin kasta ku dhamaanaya dhagarta Al-Shabaab.

“In wasaaradaas nin iska cayaaraya loo dhiibo fool-xumo waxay ku tahay ciidamada qaranka, wasaaradda difaaca iyo dowladnimadeena, waxaan xildhibaanada u soo jeedinayaa inay ka fiirsadaan xilka uu hayo ninkaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid.

Wuxuu sheegay in marar badan oo ka arkay warbaahinta wasiirka gaashaandhigga oo aan muujineyn masuuliyad, iskana cayaaraya, sida uu hadalkiisa u dhigay Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo maanta golaha ku hor weeraray wasiirka difaaca XFS.

“Waxaan fiirsaday isagoo jooga Mesagawaa iyo Masaajidcali-gaduud oo qaraxyo iyo weerarro loogu geystay ciidanka, sidoo kale wasiir waxaan ku fiirsaday adigoo la socda madaxweyne Qoor Qoor oo Tiktok ka duubaya, isna uu ku leeyahay iga daa Tiktok muuqaalkeyga ha dhigine,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq.

Wuxuu intaas ku sii daray in wasaaradda uu hoggaamiyo wasiirkaan ay tahay xasaasi, dalkana ay lafdhabar u tahay, “In wasaaradii Difaaca nin iska ciyaaraya loo dhiibo waa fool-xumo weyn,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ciid.

Ugu dambeyntii xildhibaankaan oo si caro leh u sheegay in wasiirkaan dhaqankiisa uu dhibsanayo ayaa baarlamaanka ka dalbaday in laga fiirsado masuuliyadda uu hayo wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Hoos ka daawo

Kenya oo soo riday diyaarad ay laheyd AL-SHABAAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay billowday isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo loo adeegsado xog uruurinta, kadib howlgal ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya.

Arrintaan ayaa lagu ogaaday weerar ay kooxda ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Siraari ee gobolka Waqooyi Bari, kadib markii ay ciidamadu soo rideen diyaarad aan duuliye laheyn oo lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay kooxda u adeegsaneysay uruurinta xogta ka hor weerarka ka dhacay deegaankaasi, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay toogasho ku dileen qof looga shakiyay inuu is qarxin rabay, kaas oo ku dhawaaday saldhigga ciidamada Kenya ee la weeraray.

Dhacdadan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab casriyeyeen howlgalkooda, isla-markaana ay bilaabeen isticmaala diyaaradaha yaryar ee Drones-ka, taas oo ah halis kale.

Qubarada dhanka amniga ayaa dhankooda rumeysan inay suurtagal tahay in Shabaab ay diyaaradahan ku xirto walxaha qarxa ama hub kale, si ay ugu adeegsato weeraradeeda.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay kor u qaadeysaa wel-welka laga qabo in dagaalyahanada Al-Shabaab ballaariyaan howlgalladooda, taas oo halis ku ah Soomaaliya iyo dariskeeda.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsata xarumaha ciidamada iyo basaska mara gobolka Waqooyi Bari.

Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad, waxaana la filayaa inay ku soo biiraan ciidan horleh oo ka socda wadamada dariska,  sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Daawo: Saraakiil iyo askar horleh oo loo xiray weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku howlan baaritaanka weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsanaa kuwa Xoogga dalka.

Weerarkan oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana ay sheegatay Al-Shabaab ayaa dhaliyay tuhun xoogan, ayada oo su’aallo adag laga keenay.

Haddabe xaggee ayuu marayaa baaritaanka socda?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdifitaax Qaasim oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa ka hadlay weerarkaasi, isaga oo shaaciyay xog ku saabsan baarista socota.

Qaasim ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan askartii lagu dilay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Xaaladihii dhacay waan ka tacsiyeyneynaa shuhadadii ku dhimatay, dhaawacana ilaahey ha u bogsiiyo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris xoogleh, ayna wadaan laamaha amniga, sida talisyada Nabad-Sugidda, Booliska iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Dowladda waa dowlad hay’addo kala duwan leh iyaga ayayna mareysaa oo baaraya Nabad-Sugidda ay kamid tahay, Booliska uu kamid yahay, taliska ciidanka Xoogga dalkana uu kamid yahay” ayuu sii raaciyay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lasoo xiray illaa 14 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii mas’uulka ka ahaa xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

“Qaar badan oo 14 ah ayaa loo soo xiray oo saraakiil iyo askar ay kamid yihiin oo uu ugu sarreeyo taliyihii goobta mas’uulka ka ahaa, baaristaas gacanta ayaa lagu haayaa, sabab loo qariyana ma jirto ” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdifitaax Qaasim.

Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa geystay khasaare lixaad leh, waxaana ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada guutada 14-ka October ee Xoogga dalka, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Marka.

Wasiir Jaamac oo shaaciyay xog ku saabsan baaritaanka weerarkii Kulliyadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo golaha horgeeyay heshiis ku aadan ku biirista Somalia ee ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa inta uu ku sugnaa golaha waxay xildhibaanadu ku soo qaadeen weerarkii xanuunka badnaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Ugu horreyn wasiirka ayaa isku dayay inuu diido su’aalahaasi, isaga oo sheegay inuu madal kale uga jawaabi doono, balse guddoonka ayaa ku qabsay inuu ka hadlo dhacdaaasi.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa intaas kadib sheegay in uusan marnaba ka carareen mas’uuliyadiisa, uuna diyaar u yahay inuu jawaab siiyo baarlamaanka

“Waxaan rabaa meeshaan inaan ka caddeeyo aniga qof mas’uuliyaddiisa ka cararaayo ma ihi, qof golaha inuu hor yimaado su’aalna uga jawaabayo ka cararaayana ma ihi. Guddiga difaaca way joogaan saddex jeer ayaan dalbaday gola weynaha” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Arrinka ah tacsida ka dhacday xerada xanuunka ugu badan qofka uu soo gaarayo waa qofka mas’uuliyadda haayo waayay daqiiqadaas qofka dhaawaca anh inuu daaweeyo laga rabo, meydkana inuu duugo, xanuunbey nagu heysaa”.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan baaritaan qaraxaas, wuxuuna tilmaamay in loo soo xiray saraakiil ciidan, kuwa kalena dabagal lagu hayo.

“Mas’uuliyad darradaas way dhacday dadkii qaaday iyo baarista waa socotaa saraakiil ayaa xiran iyo kuwa kalena su’aallo ayaa ku socdo” ayuu mar kale yiri wasiirka Gaashaandhiga.

Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad oo Al-Shabaab ay sheegatay ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, waxaana falkaas loo soo xiray saddex sarkaal oo uu ku jiro Gaashaanle Sare.

Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo la xiriirta qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo dalka ka maqnaa xilliga uu dhacayay weerarkaasi, balse haatan soo laabtay ayaa xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga ee dowladda, isaga oo kala hadlay ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo qodobo kale.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankan oo saacado badan qaatay lagu gorfeeyay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, ayada oo madaxweynaha lala wadaagay baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xogta is-miidaamiyaha fuliyay, maadaama uu shaki weyn ka dhashay qaabka uu ku gaaray gudaha xerada..

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha uu la kulmay waxa uu faray inay qaadaan tallaabo ku aadan weerarkaasi, isla-markaana ay sameeyaan baaris guud.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in saraakiisha hay’adaha amniga laga rabo inay jawaab cad ka keenaan dhacdadaasi, si ay dowladdu u qaado tallaabada ugu haboon.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, ayada oo madaxweynaha uu warbixin ka dhageystay saraakiisha qaar, kuwaas oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay ee dhacay.

Qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad oo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa askarta milatariga dowladda Soomaaliya ayaa waxaa fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxyada, kaas oo gudaha u galay xerada, kadibna beegsaday ciidamadaas, xilli ay ku jireen safaf dhaadheer.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ka tirsanaa guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaallada Marka, waxaana weerarkan laga keenay su’aallo ku aadan in kooxda Shabaab lagala shaqeeyay qaraxaas, maadaama Kulliyadda Jaalle Siyaad ay tahay meel la ilaaliyo.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli dowladda Soomaaliya ay isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dalalka dariska ah.

Daawo: Somaliland oo ciidan u dirtay jabhadda ku sugan buurta Gacan-Libaax

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa sheegaya in xaalada cusub ay kasoo korortay gobolkaasi, ka dib jabhad looga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka billowday halkaasi.

Somaliland ayaa dhankeeda ciidamo u dirtay buurta ay isku uruursaneyso jabhadaas oo u badan dhalinyaro tabasho ka muujisay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, gaar ahaan mucaaradka oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda cusub ee kasoo korortay Somaliland, waxayna sheegeen inay u istaagaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas, si xal waara looga gaaro.

Xildhibaan Qaasim Aadan Saleebaan oo kamid ah xubnahaasi ayaa ka warbixiyay xiisadda u dhexeysa jabhadda cusub iyo ciidanka Somaliland ee ka taagan buurta Gacan-Libaax.

“Buurtii Gacan-Libaax niman dhalinyaraa oo hubeysan ayaa galay, waxaan maqleynaa oo kale in ciidamo iyagana la dul geeyay, maantana waxaa loo baahan yahay in xaaladaha dalkeena ka taagan wax ka qabano, ka wada tashano” ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Aadan.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo hoggaamin doono xildhibaada ku baxaya arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday in kacdoonkan uu dhalin karo xaalad amni oo horleh.

“Walaalayaal waxaad ka war qabtaan maalmahaan dambe jabhado ay shacabkeenii sameeyeen arrintaas oo kalifi karta amni darro weyn sidaas aawgeed waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay arrintaan ka digtoonaadaan” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Khadar Daahir.

Wuxuu sii raaciyay “Inamada jabhadda sameystay ee bannaanka u baxay walaalayaal waxaan idinku wacyi-gelinayaa tabashada aad qabtaan aynu si nabad ah ku doono”.

Sidoo kale waxaa arrintan farageliyay xildhibaan  Barkhad Jaamac Baatuun oo sheegay inay si odeytinimo u geli doonaan xaajada, si loo xaliyo tabashada jabhadda cusub.

“Waxaan howshaan u galeynaa si niyad ah, waxaan howshaan u galeynaa si wanaag ah, waxaana nagu hoggaaminaya guddoomiyaha iyaga Maxamed Khadar” ayuu yir Barkhad.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay.

Daawo: Ehellada sarkaal Danab ugu xiran Ballidoogle oo soo saaray dalab xasaasi ah

0

Muqdisho Caasimada Online) – Ehellada sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo seddax bilood ku xiran saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ballidoogle ayaa soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in sarkaalkaas laga soo daayo xabsiga.

Sarkaalkaas waxaa lagu magacaabaa Mucaawiye Cumar Cismaan, waxaana la sheegay in loo xiray kiis la xiriira Shabaabnimo, iyadoo laga soo xiray aagga degmada Balcad ee gobolka Galgaduud.

Intii aan lasoo xirin Galcad waxaa lagu laayey ciidan ka tirsan Danab iyo Abaanduulihii ciidankaas Xasan Tuure, sidoo kale inta aan lasoo xirin maalmo ka hor weerar culus ayey Al-Shabaab ka geysteen degaanka Budbud.

Ehellada sarkaalkaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in sarkaalka maxakamad lasoo taago.

Waxay sheegeen in aysan aqbali karin in sarkaalkooda uu iska xiraado, balse ay raali ku noqa doonaan hadii maxkamadi ay dembi ku hesho inta lasoo taago oo sharciga aysan ka weyneen.

Hase yeeshee waxay sheegeen in ninkaasi uu 3-bilood ku xiran yahay xerada tababarrada ciidamada Danab ee Ballidoogle, isla markaana taas aysan aqbali karin.

Sidoo kale waxgaradkii hadlay waxay sheegeen in ilaa inta uu cadaalad ka helayo sarkaalkaas aysan warbaahinta ka hor tegi doonin oo maalin kasta ay soo saari doonaan war ama qeylo dhaan cusub.

Dadkii ka hadlay kulankaas waxaa ku jirtay hooyadii dhashay sarakaalka xiran, waxayna sheegtay in seddax bilood aysan arag wiilkeeda, isla markaana ay dhibantahay.

“Waxaa la ii sheegay in wiilkeygii uu ku xiran yahay geed ku yaalla Ballidoogle hoostiis, halkaas ayuu Kudkude ku cunaa, waa lagu dhibaateeyaa halkaas, maxkamad lama soo taagin weli, laakiin hadda dowladda waxaan ka codsanayaa in wiilkeygu uu cadaalad helo,” ayey tiri Hooyadii dhashay sarkaalkaas.

Hoos ka daawo

Warbixin: Aqalka Cad oo ka shaqeynaya xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya

Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey.

Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington.

Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Aqalka Cad.

War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xiriir oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen.

Biden ayaa xiriiro adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel.

Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta.

VOA

Maxamed Deeq Madar oo lagu dilay Koonfur Afrika

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaaliyeed loogu geystay agagaarka magaalada Port Elizabeth oo ka tirsan gobolka Westren Cape ee dalka Koonfur Afrika oo Soomaalida lagu dhibaateeyo.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Madar wuxuuna ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee u shaqo tegay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilay marxuumka ay horay uga qaateen lacag iyo agab kale oo u dhex yaallay dukaankaa.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay majirto.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

Waxaa sidoo kale haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida, taas oo walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed.