27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

U.S. clamps down on Somalia Daesh, sanctions leader Yusuf

Washington (Caasimada Online) – The United States Treasury Department took decisive action against terrorism on Thursday, targeting Abdiweli Mohamed Yusuf, identified as the key figure behind the Somalia-based Daesh terrorist network.

This aggressive move included imposing sanctions on Yusuf and officially designating him as a global terrorist, as reported by Anadolu Agency.

The US believes Yusuf to be instrumental in sustaining the terror group and facilitating the transport of foreign fighters, supplies, and ammunition.

His position within the organization allows him to channel funds and strategic guidance to Daesh subsidiaries and networks throughout Africa.

The extremist group in Somalia, affiliated with Daesh, is known for its extortion practices. They ruthlessly target local communities, coercing them for funds and recruits, often utilizing violent threats, per the Treasury Department’s statement.

Terrorism exploiting institutional vulnerabilities

“The sanctions imposed today are a testament to the US’s unwavering commitment in supporting our partners, including the Federal Government of Somalia, to counter terrorist financing and bolster national and regional stability and security,” stated Brian Nelson, Under-Secretary of the Treasury for Terrorism and Financial Intelligence.

Nelson, currently in the Somali capital of Mogadishu, engaged in discussions with President Hassan Sheikh Mahamud.

They focused on counterterrorism finance, debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) program, and the continued offensive against the Al-Shabaab terrorist group, according to a statement from the Somalia presidency.

The recent imposition of sanctions on Yusuf isn’t the first US action against Daesh’s activities in Somalia.

In November of the previous year, sanctions were enforced on the group’s weapons trafficking network and its senior members.

Further intensifying the pressure, a US airstrike earlier this year eliminated Daesh leader Suhayl Salim Abd El-Rahman, also known as Bilal Al-Sudani.

This campaign against the terror organization targeted the group, especially in Somalia’s mountainous Bari region.

Daesh’s terror reign in Somalia

Somalia has been a hotbed of insecurity for years, with Daesh and Al-Shabaab being the primary threats. The latter group has claimed responsibility for several attacks in the Horn of Africa nation.

Daesh’s activities in Somalia led the US State Department to designate it as a Specially Designed Global Terrorist 2018.

The United Nations, echoing these concerns, issued reports last year warning of rising insecurity in the country as both Al-Shabab and pro-Daesh groups increased their terror attacks.

According to UN data, the toll of these attacks in Somalia has been significant, with at least 651 deaths and 867 injuries in 2018 and an identical number in 2019.

As the US continues its fight against terrorism, the situation in Somalia remains under global scrutiny.

Hemeti resurfaces: A twist in Sudan’s unfolding saga

Khartoum (Caasimada Online) – In an unexpected development, Mohamed Hamdan Dagalo, better known as Hemeti, Commander of Sudan’s Rapid Support Forces (RSF), has surfaced publicly for the first time in over two months.

Amid rumors of serious injury, his appearance has sparked renewed interest in the ongoing Sudanese conflict.

The public saw Hemeti’s robust form via a video published on RSF’s social media channels.

The footage features the RSF commander, all smiles, in the driver’s seat of a technical vehicle, basking in the triumph of his return as his soldiers enthusiastically raise their weapons in the air.

Switching gears, the video cuts to Hemeti dressed in military fatigues, gripping a microphone, and rallying his men, adorned in their headdresses, readying their firearms.

Hemeti’s address to the nation

Hemeti apologizes to the Sudanese populace – men, women, young, and old – for the grim situation plaguing their nation during his spirited address.

He lays the blame squarely on the “associates of the deep state” and those attempting a coup, including army commander General Abdel Fattah al-Burhan and Islamist officials aligned with the military.

RSF officials have implicated the Sudanese Armed Forces (SAF) as being under the control of radical Islamists and veterans from Omar al-Bashir’s regime.

Al-Bashir, the autocrat who ruled Sudan for 30 years, was ousted following a public uprising in 2019.

Hemeti’s address carries a potent message to the SAF. “If you want a quick solution to this situation, you have to change this aggressive leadership… if you do, we will solve it in 72 hours,” he pledges.

Directing his comments to Yasser Alatta, the third-highest-ranking commander in the Sudanese army, Hemeti dismisses Alatta’s dare to Kenyan President William Ruto to bring Kenyan soldiers onto Sudanese soil.

“You know us well, and you know what we are saying are not empty words,” Hemeti warns, “It is serious talk. So you have to leave behind these value-less speeches.”

RSF: Peace advocates or war criminals?

Despite misconduct accusations, Hemeti staunchly defends the RSF, claiming they are “peace lovers” with no desire to inflame a war in Sudan.

Caasimada Online reports of the “Dagalo” markets – named after Hemeti – suggest otherwise. These markets, notorious for selling inexpensive goods often plundered by the RSF, are sprouting across Sudan.

Sudanese businessman Yaslam Altayeb, a hostage of the RSF for 15 days, relays a troubling account of his captors’ actions.

He claims that the RSF cordoned off Khartoum’s Sharq al-Nil hospital’s top floors for urgent medical attention to a high-ranking leader, allegedly Hemeti. This claim is further substantiated by multiple military sources inside and outside Sudan.

Earlier this week, a human rights recorder from El-Geneina in West Darfur told about witnessing RSF and associated Arab militias gunning down civilians.

It appears that the non-Arab Masalit community was the main target of these brutal attacks.

As we delve into the fourth month of the war between SAF and RSF, the UN reports a staggering displacement of more than 3.5 million people internally and across borders.

Essential infrastructure is dwindling, with over 80% of Sudan’s hospitals out of use and 23.5% of the required funding for humanitarian aid received this year.

In these uncertain times, Hemeti’s reappearance has undoubtedly stoked the embers of Sudan’s ongoing political and military turmoil.

Sheekh Shariif, siyaasiyiin iyo dhaqanka Mudullood oo shir muhiim ah uu u furmay

0

Burka-derin (Caasimada Online) – Shirka dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Shabeellada Dhexe ayaa caawa ka furmay degaanka Burka-Derin ee gobolkaas, waxaana shirkaas furay masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed, Cali Guudlaawe, Ugaaska iyo Iimaamka beelaha Mudullood ayaa caawa shirkaan ka furay degaanka Burka-derin, waxayna halkaas ka jeediyeen kalmado bilow u ah  deminta colaadaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaankaas, isla markaana ka mid ahaa masuuliyiintii dadaalka badan ku bixisay in shirkaan la isugu yimaado ayaa halkaas ka jeediyey kalmadiisa furitaanka shirka.

“Colaada waxaa ugu daran mida qaraabada gasha waxay leedahay cuqubo khatar ah, dadkaan kalama mudna inay isdilaan, waa in dhaqankaan deg deg loo bedelo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sheegay dhaqanka labada beelood ay uga dambeynayaan xalka xiisadaan, isla markaana ay korjoogto un ka ahaanayaan, “Labada beelood ee walaalaha ah waxaan rabnaa inaan loo dhaxeyn oo si toos ah ay u wadahadlaan, guddigii aan dhisnay waa diyaar, anaguna waan idinla joognaa hadii wax idinku adkaadaan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dhankiisa Madaxweynaha HirShabeelle ayaa caawa degaanka Burkaderin ka jeediyey kalmadiisa furitaanka shirka, wuxuuna dhaqanka labada beelood kula dardaarmay inay iska dhowraan hadalada xanafta leh, mudada ay socdaan wadahadalladaan.

Sidoo kale Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, iyo Iimaam Daahir Iimaam Maxamuud ayaa kalmado koo-kooban ka jeediyey furitaankii shirkaan dib u heshiisiinta ah ee caawa ka furmay degaanka Burkaderin.

Ugaaska iyo Iimaamka ayaa ka dalbaday labada beelood inay daacad ka noqdaan go’aanada lagu gaarayo gogoshaan, “Runta hadii aan isku sheegno Abgaal waa is yaqaan, sidii uu isku laayo ayuu isku cafiyaa ee gogoshaan arrinta aan uga hadleyno daacad halaga ahaado,” ayuu yiri Iimaam Daahir.

Hoos ka daawo

 

Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad ku qasabtay inuu labada lug ka jaro hooyadiis

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka sheekeeyey dhibaato caafimaad oo ay la kulantay Hooyadiis, taas oo sababtay in ‘labada Lugood laga jaro.’

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in hooyadiis markii hore ay hal Lug ay ka xanuunsatay, markii uu dhakhtar geeyey wuxuu sheegay in lagu war-geliyey in ‘lugtaasi ay goyn tahay’ markii la gooyey ayuu sheegay in lugtii kale ay xanuuntay.

Wuxuu sheegay in wax cudur ah aan laga sheegin, balse loo sheegay in xididada dhiigga qaada ay xirmeen, lugtii kale ayuu diiday in la jaro, waxaana loo qaaday dalka Turkiga.

Guddooomiye Madaale wuxuu sheegay in maalmo kadib dhakhaatiirtii Turkida ay u cadeeyeen in xal aan goyn aheyn aysan laheyn lugtii labaad ee Hooyadiis.

“Intaas kadib waan iska quustay, waxaana go’aansaday in Hooyo lugteeda labaad aana uga jarin dalkaas qabowga ah, waxaana u soo qaaday dalka, Muqdisho ayaan lugtii labaad uga jarnay Hooyadey,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga, munaasabadaas ayaa lagu qabtay Isbitaalka Madaxtooyada Qadanka.

Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo howl-wadeennada isbitaalka ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay xanuunkan dilaaga ah iyo dhabbaha ugu wanaagsan ee looga hortegi karo, si ay uga foojignaadaan halistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Isbitaalka Madaxtooyada JFS Dr. Xuseen Maxamuud ayaa ka warbixiyey qataraha cudurka oo dadka badankood sahalsada, madaama cagaarshowga dhaqaatirta u yaqanan dilaaga qarsoon (silent killer).

Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa Maamulka isbitaalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta wacgelinta bulshada si ay uga taxadiraan badqabka caafimaadkooda.

DF oo war ka soo saartay go’aan la xiriira Afrika oo Ruushku ku dhawaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin  oo sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono Qamadiga ama Sareenta.

Wasiirka warfaafinta Soomaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay hadalkii Madaxweyne Putin ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.”

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu intaas ku sii daray “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari.”

Hadalka Putin iyo jawaabta Wasiir Daa’uud ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta lasoo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen Ruushka iyo dalalka Afrika oo isla gorfeeyey arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika ka ballan-qaaday in Moscow ay siin doonto Qamadi iib ah ama bilaash ah, si gaar ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamka.

Walwalkaan la xiriira cuno yarida waxaa sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta Qamadiga ay soo saarto Ukraine ee mara Badda Madow, maadaama Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo Qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.”

“Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.”

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan.

“Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina,” ayuu yiri John Kirby.

Hal shaqo weyn oo ku hartay Ruushka kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka faa’iiday shirka Afrika iyo Raashiya ee ka furmay magaalada Dekedda leh ee  St. Petersburg ee waddanka Raashiya.

Marka laga tago waxyaabaha guud ee qaaradda quseeya, Soomaaliya waxay Raashiya u tagtay laba arrimood, mid waxay aheyd deyn-cafinta, midna cuna-qabateynta hubka.

Durba Raashiya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis Soomaaliya looga cafinayo adduun lacageed oo dhan 684 Milyan oo Ruushka ku lahaa Soomaaliya, taasi oo ay qaadatay dowladdii kacaanka.

Wafdiga Soomaaliya ee jooga Raashiya waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac.

Heshiiska Soomaaliya looga cafiyay deyntan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka cusub ee maaliyadda Biixi Iimaan Cige halka uu dhanka Raashiya u saxiixay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Timur Igorevich Maksimov.

Guul weyn ayay Soomaaliya u tahay in laga cafiyo 684 Milyan oo dollar. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu saxiixan ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo rejo ka muujiyay in mashruuca deyn cafinta uu dhamaan doono daba-yaqaada sanadkan.

Tan iyo bishii July 2020, markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Kheyre howsha deyn-cafinta wax badan laguma biirin, laakiin tallaabada Raashiya ee habeen hore Soomaaliya uga cafisay deyntan, ayaa ah middii ugu weyneyd ee geediga deyn-cafinta loo qaado saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deyn-cafinta ku daray afartiisa shaqo ee ugu muhiimsan muddo xileedkiisa labaad. Lacag ku dhow shan bilyan oo dollar oo deyn ah ayaa lagu leeyahay Soomaaliya.

Ruushka waxay kamid ahaayeen afarta dal ee Soomaaliya ku lahaa deynta ugu badan, sida Mareykanka, France iyo Italy. Sidoo kale waxaa Soomaaliya lacag ku leh IMF, World Bank, Paris Club iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirka Afrika iyo Raashiya ayaa ka socda dalkaas, waana markii labaad ee uu qabsoomo afar sano gudahood. Shirkii hore ee 2019 ayaa laga faa’iiday heshiisyo ku kacay in ka badan 11 bilyan oo dollar.

Shirkan ayaa la filayaa inay madaxda Afrika kusoo bandhigaan sare u kaca nololeed ee uu dhaliyay dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine iyo sida loo kordhin karo waxyaabaha dalalka Afrika u dhoofiyaan waddanka Ruushka.

Maadaama uu Ruushka kamid yahay shanta waddan ee leh diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka, Soomaaliya ayaa sidoo kale ololaheeda shirkaan ku dari doonta in Ruushka uu taageero sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka, si ay ugu sahlanaanto inay ka adkaadan argagixisada.

Mareykanka oo tallaabo culus u qaaday xiriir dhexmara Sacuudi Carabiya iyo Israel

Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey.

Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington.

Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Aqalka Cad.

War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xiriir oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha.

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen.

Biden ayaa xiriiro adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel.

Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta.

Reuters, VOA

Xog ku saabsan haweeney xalay Guriceel ku weerartay seygeeda oo aroos ahaa

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, fiidnimadii xalay waxaa ka dhacday arrin si weyn baraha bulshada u qabsatay oo ku saabsan nin la aqal galayay xaaskiisii seddexaad, oo tii koowaad ay weerar ku qaaday ninkeeda iyo xaaskiisa cusub xilli loo galbinayay gurigoooda cusub islamarkaana gaarsiiyay dhaawacyo ay u adeegsatay toorrey.

Wararka ayaa sheegaya in falku uu dhacay markii la gaaray guriga oo gaarigii lagu gelbinayay lammaanaha ay ka degayeen. Wiilka dhaawac ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Muuse, halka gabadhana lagu magacaabo Iqra Axmed.

Qof ka mid ah ehelada Cabdullaahi Muuse oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda weerarka gaysatay ay ninka u u dhashay sideed carruur ah. “Arrintaan waxaa sababay Maseyr,” ayuu yiri qofka oo magaciisa aan qarinay.

Lammaanahaan ayaa markii ay dhaawacmeen loola cararay cusbitaalka Shifaa, ee Guriceel halkaa oo xaaladooda hadda lagula tacaalayo.

Gabadha falka dhaawac ah gaysatay ayaa mid laba toorey ku dhuftay wiilka iyo gabadha, iyadoo ninkeeda uga dhufatay caloosha iyo feeraha halka gabadha lala guursadayna ay uga mudday xabadka sida uu sheegay Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ah agaasimaha cusbitaalka lagu baxnaaninayo qoyskan ku soo dhaawacmay xafladii aqal galkooda.

Dr Kaahiye ayaa intaa ku daray in dhaawac gabadha uu culusyahay maadama toorreydu ay gudaha hoose u gashay jirka.

“Gabdha laba toorrey ayaa ku taalla labaduba xabadka ayay uga yaalliin, midna waa fududahay oo waa maqaarka kore, midna gudaha ayay aadday marka midda gudaha ayaa halis ah,” ayuu yiri Dr Kaahiye.

Inkastoo xaaladda lamaanahaan ay hadda ka deggentahay sidii hore, haddana gabadha ayaa la sheegayaa in dhiig uu ku hooray gudaha hoose ee jirkeeda taas oo xaaladeeda cusleysay.

“Hadda waan la tacaaleynaa waxay u baahanyihiin in indho indheyn lagu smaeeyo xaaladooda,” ayuuyiri Dr kaahiye.

Arrintaan ayaa magaalada ku noqotay naxdin, waxana laga arkayay sawirro la soo dhigay baraha bulshada dad ku xoonsan halka ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay falkaan oo qaarkood ku tilmaamen wax laga xumaado.

Ciidamada dowladda oo burburiyay gaadiid dagaal iyo saldhigii Al-Shabaab ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay saaka ka fuliyeen sohdinta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkaasi ay ciidanka qaranka iska kaashadeen saaxiibaada caalamka, kaasi oo khasaare xoog leh loogu geystay kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa lagu burburiyay ku dhowaad toban gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ah ayaa howl-gal burburin ah lagu sameeyay, waxaana halkaasi kooxda ku gaaray jab kale oo xooggan, sida lagu shaaciyay bayaanka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda ma shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-galkan, inkasta oo ay sheegtay in weli lagu waddo arruurin iyo xaqiijin, kadibna ay lasoo wadaagi doonaan warbaahinta iyo bulshada.

Laba maalin kahor ayay aheyd markii gobolka Bay duqeymo culus loogu geystay kooxda Al-Shabaab, kaasi ok la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiyaad iyo saraakiil isugu jira.

Duqeymahaasi ayaa waxay si gaar ah uga dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay.

Deegaankaasi ayaa wuxuu u dhow yahay Goofgaduud-Buurey oo maalin kahor weerarka ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan.

Howl-galladan ayaa imanaya, ayada oo kal hore uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

Daawo: Puntland oo war ka soo saartay damaca muddo kororsiga, “Deni waa boqor”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo kulan warbaahineed ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa si yaab leh uga jawaabay su’aallo ay wariyeyaasha ka weydiiyeen waxa ka jira in xukuumadda Deni ay waddo qorshe muddo kororsi.

Wasiirka ayaa su’aasha la weydiiyay u dhigneyd sidan; “Muddo xileedka idin hadhay waa shan billood, aragtida idinka duwan ee mucaaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada qabaan in muddo kororsi ku hoos duugan tahay tallaabadii uu qaaday baarlamaanka. ”

Jawaabta uu wasiirka ka bixiyay oo u muuqatay mid uu isku dhaafinayo inuu si toos ah uga jawaabo su’aashaas ayaa waxa uu weerar ku qaaday wariyihii su’aashaas weydiiyay, isaga oo yiri;

“Sharci aqoon la’aan ayaa ka muuqata adeer, in aad korto ayaa u baahan tahay. Doorasho ayaa lagu tartamay oo xisbiyo ayaa soo baxay, tallada ayay wax ku yeelanayaan ee badow ayaa tahay. Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayay galayaan, haggida doorashada guddiga ayaa iska leh dowlad iyo baarlamaan shaqo kuma laha,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale la weydiiyay su’aal u dhigneyd sidan; “Muddo xileed ayay xukuumadda leedahay bal inoo iftiimi mudada ay qaadan karto in la is waafajiyo nidaamka cusub?.”

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku jawaabay; “Marka Guddiga doorashooyinka Puntland la magacaabo weydii oo waxa ku tiraahda intee in le’eg ayaa doorasho ku qaban kareysaan?. Sii hayso su’aashaas yeyna ka fakan.”

“Waa isbeddelay nidaamka, oo waxaa loo guuray qof iyo cod, adeer sharciga baro oo la soco nidaamka dowliga.”

Ugu dambeyntiina waxaa markale la weydiiyay wasiirka “Wasiirka Warfaafinta adiga oo ah sow ma dhinna un in dadka tiraahdo Deni waa boqor caleemo saaray, maadaama aad diidan tahay doorasho in la galo.”

Waxa uu ku jawaabay wasiirka sidan; “Boqornimada miyaa ku haysata? Madaxweyne wuu yahay oo waa boqor dhalasho ahaan, madaxweynaha Puntland ayaa loo doortay isaga masuul ka ah jiheynta siyaasadda, jiho cusub ayuu furay. Marka hadal suuqiga naga daaya muddo kororsi iyo waxa ka sheekeynaysaan.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Maxay tahay jabhadda ka dilaacday Somaliland ee isku urursaneysa Gacan-Libaax?

Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo kasoo horjeeda xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka dilaacday gudaha Somaliland.

Sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, jabhaddan oo aad u hubaysan aya isku aruursaday buurta Gacan-Libaax ee deegaanka Go’dawayn oo u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Maleeshiyaadkan hubeysan ayaa la sheegay inay deegaan ahaan kasoo jeedaan beel deggan aagga ay ku taallo buurta Gacan-Libaax, ayada oo todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ku aruursanayeen ciidamo si ay u ballaariyaan cududooda ciidan.

Jabhaddan oo ciidanka ay haysato tiradooda si rasmi ah weli loo xaqiijin ayaa la baxday magaca “Dulmi-diid”, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka ay soo saareen jadwal doorasho.

Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageero dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax.

Sameysanka jabhaddan ayaa durba lagu eeedeyay xukuumadda Somaliland, ayada oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu sheegay in sabab u tahay maamul xumada madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo keentay gadoodka dadkaan, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, kaasi oo uga sii darey go’aankii dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee uu ku sheegay in doorashada xisbiyada ay kasoo horeynayso midda madaxtooyadda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Daawo: Maxaa Jeneral Zakiya Xuseen ku kalifay inay soo iibsato karfanteeda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa markii u horreysay shaacisay in ay soo iibsatay karfan, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid kooxda Al-Shabaab.

General Zakiya oo ka qeyb-gashay barnaamijka awoodda 5-aad ee ka baxa Dalsan Tv ayaa sheegtay in karfanta u soo iibsatay si aan marnaba dhimasnadeed ugu cabsi-gelin kooxda uu dagaalka kala dhaxeeyo ee Shabaab

“Waxa aan soo iibsaday karfan, si aan dhimashada la iigu cabsi-gelin, taasi waxa ay ahayd khatartii u weynayd ee aan la kulmay,” ayey tiri General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay sheegtay in tiraba dhowr jeer ay ka bad-baaday isku-day dil, islamarkaana ay hanjabaadaha argagixisada mar ku kalifeen inay ka baxdo dalka, oo ay ku laabato magaalada London ee dalka Ingiriiska.

“Labo jeer ayaan ka bad-baaday isku day dil anigoo Kornel ah, waxaana hay’adaha amniga ay isoo jeediyeen in aan 48 saacadood gudahood ah dalka kaga baxo, waxaana ku qasbanaaday inaan Ingiriiska ku laabto toddoba sano kadib, intaas kadib waxaan soo iibsaday Karfanta.”

General Zakiya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen tan iyo 2019-kii, xilligaasi oo ay warbaahinta aad uga soo muuqan jirtay, iyada oo ka warbixin jirtay howl-gallada ciidanka.

“Waa la isoo wacay sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa xiriirka la leenahay, khatar xooggan ayaa ku sugan tahay ayey idhaheen ee dalka ka bax, waxaa u tagay markaas Eng Yariisow AUN iyo Ducaale oo ahaa wasiirka amniga. Waxay dhaheen astaan qaran ee hadda naga dhimatid dhibaato waaye ee dalka ma ka dhooftid, kadib waxaa ku qasbanaaday in aan banaanka u baxo.”

Waxay intaasi kusii dartay “Karfanteyda ayaa soo iibsaday, saddex siyaabood ayaa usoo iibsaday, kow in dhimashadeyda la igu cabsi galin, laba in aan soo xasuusto adduunyada waxay tahay iyo midda saddexaad oo ah in aan si kasto awood u leedahay in aad maradaas yar ayaa aduunka uga baxe.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo: Maxaa kala qabsaday xildhibaan Faa’iza Jayte iyo Sheekh Aadan Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Xidlhibaan Faa’iza Jayte oo kamid ah golaha ayaa isku qaybtay kulankii shalay oo looga hadlayay ku noqoshada miisaaniyadda 2023.

Faa’iza Jayte oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadashay dooda miisaaniyadda, ayadoo erayo adag adeegsatay, taas oo keentay in laga xiro makarafoonka.

“Wallaahi buuqa intaan waa ka badanaaa haddii la furi waayo Makarafoonka” ayay tiri Xildhibaan Faa’iza Jayte, markii laga xirtay cod baahiyaha.

Sidoo kale waxay sii raacisay “Haddii la’isku dayo in makarafoonka la xiro haddii aan xaqo ka hadlo see meeshaan la’iskula joogaa? Baarlamaanka fiiri waxaa ku haysataa rakaato”.

Intaas kadib guddoomiyaha Golaha Shacaba oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqbali doonin in la caayo golaha, kadibna wuxuu makaroonka u fasaxay xildhibaanadda.

“Aniga warka waa u ogolahay ajendaha haka hadasho, laakiin xildhibaanada caaynaa i dhageysta kama yeelaayo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Mar kale xildhibaan Faa’iza Jayte oo hadalka qaadatay ayaa raalli-gelin siisay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxayna kadib sii wadatay doodeeda.

“Baarlamaanka, haddii aan idin gefay raalli ahaada, inkastoo aan aaminsaneyn, haddana waa idin raalli-gelinayaa” ayay mar kale tiri Faa’izo Jayte.

Waa arrin caadi ah in sidaan oo kale ay isku qabtaan xildhibaanada iyo guddoonka golaha, waxayna inta badan dhacaan marka ay jiraan doodaha iyo mooshinada lasoo gudbiyo.

Abaalka aysan dad badan ka war hayn ee Sinead O’Connor ay u gashay Soomaalida

0

Dublin (Caasimada Online) – Allaha u naxariisto fanaanaddii caanka aheyd ee Irish-ka, ee markii dambe qaadatay diinta Islaamka, Sinead O’Connor ayaa geeriyootay Arbacadii shalay.

“Waxaan annaga oo aad uga murugsan ku dhowaaqeynaa geerida Sinead. Qoyskeeda iyo saaxiibadeeda aad ayey u murugsan yihiin, waxaana xilligan adag codsaneynaa ilaalinta xogteena gaarka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ireland ee RTE.

Qoyskeeda ma aysan shaacin sababta dhimashadeeda. Waxa ay Sinead O’Connor aheyd 56 jir.

Haddaba, waxaa warbixintaan ku eegi doonaa diiwaanka cajiibka ah ee Sinead, gaar ahaan Islaamnimadeedii iyo abaalkii ay u gashay Soomaaliya, xilli ay xaalad adag wajaheysay.

Sinead O’Connor iyo Islaamka

Sinead O’Connor oo ahayd fanaannad u dhalatay dalka Ireland, sagaashamaadkii ayuu fankeedu dunida qabsaday.

Fanka waxaa u wehliyey in ay ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa oo waxaa laga hayaa in ay tiri;

“Ku tala-gal igama aha in aan mushkilad abuuro, laakiin inta badan way dhacdaa in ficilladaydu xasarado kiciyaan, waanse ku faraxsanahay in aan dhibleey ahay.”

Sinead ayaa bishii October 2018-ka ku dhowaaqday inay qaadatay Diinta Islaamka, “Waxaan ku faraxsanahay inaan noqday Muslim,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in go’aankeedu ahaa mid dabiici ah oo uu gaaray qof caqli leh, waxayna baahisay xilligaas muuqaal ayada oo aadameysa.

Sidoo kale waxay markaas tiri “markii aan Juzka labaad ee quraanka aqriyey waxaan dareemay iyo hoygaygii helay, oo aan weligayba Islaam ahaa.”

Waxay markaas kadib Sinead qaadatay magaca ‘Shuhada Sadaqat’.

Sinead iyo Soomaaliya

Sinead O’Connor ayaa markii ay aragtay muuqaallada laga baahiyey macluushii Soomaaliya ka dhacday 1992-dii ee “Caga-bararka” loogu magac daray waxay qaadatay go’aan geesinimo leh, oo ku aadan xaaladda ay markaas wajahayeen Soomaalida.

Sinead ayaa kadib markii ay aragtay codsiga Laanqayrta cas ay ku doonayso lacag lagu gar-gaaro dadka macaluushu ku hayso Soomaaliya ay go’aansatay in ay iibiso guri ay lahayd si loogu caawiyo Soomaalida dhibaataysan.

Gurigaasi ay ku deeqday Sinead ayaa ku yaallay Hollywood, wuxuuna ka koobnaa shan qol iyo barkad lagu dabaasha. Waxaana xilligaasi la soo dhigay xaraash ka socday hotelka Savoy ee London, iyada oo qiimihiisu ahaa $750,000.

Marka laga soo tago arrintaan, Sinead ayaa sidoo kale ahayd qof aan runta ka gaban, codkeedana inta dulman ugu hiilisa, iyada oo lagu xasuusto hal-ku-dhiggeedii “La dirir cadowga runta ah.”

Odhaahdaan ayaa si weyn u faaftay kadib markii Sinead oo TV Mareykan ah ay malaayiin si toos uga daawanayaan ay jeex-jeeday sawirka Baadiraga ugu waynaa Diinta Kirishtaanka (John Paul II).

Sinead O’Connor ayaa sidoo kale dhowr jeer iska diiday abaalmarinta caalamiga ah ee la yiraahdo Garrmy Award, taasi oo ay sheegtay “in aan garsoor xaq ah lagu bixin.”

Dhinaca kale, heesaheeda qaarkood mudaaharaad oo kale ayey ahaayeen. Mar laga sugayey in ay qaado mid kamid ah heesaha caanka ah (Nothing compares to you), “cid kula dhigmaan jirin,” ayey masraxa kaga rogtay heestii “War” ee cunsiriyad la dirirka ahayd ee uu qaaday heesaagii waynaa ee Bobe Marley.

Allaha u naxariisto Sinead O’Connor ayaa ugu dambeyntii Arbacadii shalay aheyd u yimid xaqii Eebe, iyada oo ifka kaga tagtay saddex caruur ah, waxaana la sheegay inay ku nooleyd oo ay waqtigeeda u kala qaybin jirtay Ireland iyo Britain ka hor dhimashadeeda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Madaxweyne Putin oo ballan-qaad muhiim ah u sameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan-qaad cusub u sameeyay dalalka Afrika ee qeybta ka tahay Soomaaliya, xilli uu dalkaasi ka furmay shir u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika.

Madaxweyne Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow.

Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.”

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.”

“Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.”

Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan.

“Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Halkay marayaan dadaallada dib loogu furayo wada-hadallada DF iyo Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, iyo weliba safarkii ay dhawaan wakiilku ku tagtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ergeyga ayaa Wakiilka uga warbixiyay dedaalka dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto suurta-gallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada-hadlaan, kuna heshiin karaan.

“Ergeyga ayaa warbixin ka siiyay wakiilka safarkii hayaanka midnimada oo ay dhawaan ku gaareyn ergeyga iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kullamo wada-tashi ah kula soo qaateyn madaxda iyo bulshada dowladda KGS,” ayaa lagu yiri bayaan uu xafiiska ergeyga kasoo saaray kulankaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweysay dedaalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kullamada wada-tashiga ah ee uu xafiiska ergeyga ka billaabay dowlad-goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxay wakiilka warbixin ka siisay kulamadii ay la yeelatay masuuliyiinta reer Somaliland, waxayna u muujisay sida ay diyaar ugu ahaayen dib u bilowga wada-hadallada iyo dardar-galintooda intaba.

Kulankaan uu ergey Guuleed uu la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa qeyb ka ah kulamo uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray.

Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishii April ee sanadkaan, una magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Si kastaba, dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey dadaalka lagu heshiisinayo labada beel ee Abgaal + Video

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi u horkacayo ayaa shalay gaaray deegaanadii lagu dagaalamay ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka dhacayo shir dib u heshiisiin ah.

Cali Guudlaawe ayaa tegay deegaanka Burka Dirimeed oo ay taallo gogosha dib u heshiisiinta, waxaana halkaas horay ugu sugnaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo odayaasha dhaqanka oo ku baxay xal u helidda xiisaddaasi.

Wasiirka dib u heshiisiinta HirShabelle, Cabdullaahi Cadde oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedka safarka Cali Guudlaawe iyo dadaalladooda dib u heshiisiinta.

Cabdullaahi Cadde ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu furmi doono maata oo Jimco ah, sagaalka subaxnimo, wuxuuna baaq u diray guud ahaan reer HirShabelle.

“Waxaan soo gaaray madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaan rabnaa in dadka deegaanka ay ogaadaan in gogoshii dib u heshiisiinta inay Jimco ah sagaalka subaxnimo ay noo furmi doonto,” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Cadde.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay diyaarsan yihiin ergada labada dhinac ee shirka ka qayb-galeysa, wuxuuna ku dhowaaqay in gogosha ay furan tahay.

“Waa diyaarsan yihiin ergooyinkii ka qayb-geli lahaa shirka, madaxdiina way joogtaa, gogoshana waa furan tahay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaalidu waa garan kartaa, waana taqaanaa in geed hoostiis la xaaqee la fariisto macnaha ay leedahay, madaxdu guryihii waa kasoo baxeen”.

Waa shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ka dhaco Shabeelaha Dhexe, waxayna ujeedadu tahay in xal waara looga gaaro colaadda soo laa laabatay ee gobolkaasi.

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay C/Weli Maxamed Yuusuf – Muxuu yahay?

0

Washington (Caasimada Online) – Waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka ee Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa maanta cuna-qabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf.

Ninkan ayaa ah madaxa xafiiska maaliyadda ee Daacish-ta Soomaaliya ee xiriirka la leh dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS), isaga oo ah argagixiso caalami ah oo si gaar ah loo magacaabay (SDGT).

Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaal-yahaanada ajaanibka ah, agabka iyo saanada dagaalka, isaga oo ka wakiil ah Daacishta Soomaaliya, taasi oo xarun u ah bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.

Daacish-ta Soomaaliya ayaa inta badan dakhligeeda kasoo xarooda lacago baad ah oo ay ka qaado Soomaalida, iyaga oo si gaar ah u bar-tilmaameedsada ganacsatada, oo ay sanadkii ka qaadan.

Kooxaha argagixisada ee qeybta ka tahay Daacish ayaa inta badan ka faa’iidaysta dayaca hay’adaha dowladda, si ay maal-gelin ugu helaan hawlahooda guracan.

“Cuna-qabateynta maanta la saaray waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Mareykanka inuu taageero saaxiibadiisa, oo ay ku jirto dowladda federaalka ee Soomaaliya, dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maal-gelinta argagixisada iyo xoojinta xasilloonida iyo amniga qaranka iyo kan gobolka,” ayuu yiri ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda, Brian Nelson kadib markii uu maanta Muqdisho kula kulmay madaxda dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya.

Tallaabada maanta ayaa daba socota liiskii magacyadii hore usoo saartay OFAC ee bishii November 2022 ee cuna-qabateynta loogu soo rogay shabakad caalami ah oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya iyo xubnah sare ee kooxda argagixisada ah.

Sidoo kale waxay daba socotaa howl-galkii ciidamada Mareykanka ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay hogaamiyihii Daacish ee fadhigoodu ahaa Soomaaliya Suhayl Saalim Abd El-Rahman, oo loo yaqaanay Bilaal Al-Sudani.

Daacish-ta Soomaaliya ayaa door weyn ku leh fududaynta xawaaladaha maaliyadeed, oo ay ku jirto lacagta telefoonada, si ay u taageerto dhaq-dhaqaaqyada qalqal-gelinta Daacish ee guud ahaan Afrika.

Si kastaba, Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe soo saarayay liiska shaqsiyaad la leh kooxaha argagixisada ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu mamnuucay in lala macaamilo shaqsiyaadkaas ama wax xiriir ganacsi ah lala sameeyo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Booliska Muqdisho ‘oo soo qabtay’ nin baxsad ahaa oo loo haysto kiis culus + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay eedeysane baxsad ahaa oo ciidamada ay maanta gacanta ku soo dhigeen.

Ninkaan oo maalmihii dambe lagu raad joogay ayaa ugu dambeyn waxaa maanta howl-gal qorsheysan ku soo qabtay ciidanka booliska degmada, kadib muddo uu baxsad ka ahaa cadaaladda.

“27/07/2023 Abaaro 02:30am, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa howl abaabulan kusoo qabtay eedeysanahaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Taliska ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirka eedeysanahaan lasoo qabtay, kaasi oo ku eedeysan inuu kufsi u geystay dhibane dumar ah.

“Warbixin laga helay dadka deegaanka ayaa lagu soo qabtay eedeysanaha oo ku dhuumaaleysanaayay xaafado kamid ah degmada Hodan,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Taliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Banaadir inay kusoo wargeliyaan falalka amniga liddi ku ah, si ay uga howl-galaan ciidanka.

“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.”

Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ka yaraadeen qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay Al-Shabaab, inkasta oo weli lasoo warinayo in unugyada kooxda ee caasimada ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ka dhanka ah xasiloonida caasimada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Xasan oo Mareykanka kala hadlay arrin soo dadajin karta in la wiiqo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda Mudane Brian Nelson.

Madaxweynaha ayaa Brian Nelson u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku wiiqeyso dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada kooxda Al-Sabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu la wadaagay xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisada.

Tallaabooyinkan ayuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaadatay oo ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cuna-qabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wejiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya.

Brian Nelson ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda gobolka iyo adduunka.

Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maal-gelintooda ayaa madaxweynaha u xaqijiiyay inay ka go’an tahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic-darada iyo la-dagaallanka argagixisada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii