27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Maxaa Golaha Wasiirada ka qabsaday shacabka kadib tallaabadii ay qaadeen maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay shirkii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, kaasi oo ay uga hadleen weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howl-gallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Shirkaas yaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Golaha ayaa cambaareeyeen weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho, kaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Kulankaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku dhaliileen xukuumadda, ayada oo horay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre loogu weeraray sidii uu uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho.

Xamza oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkaasi, isaga oo hadal jeedintiisa kusoo koobay tacsi uun, taasi oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Marnaba ra’iisul wasaaruhu xilligaasi sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka.

Haddaba, Maxaa kala qabsaday golaha wasiirada iyo shacabka Soomaaliyeed?

Cali Muuse Axmed: “Muxuu soo kordhinaysa cambaareyn aysan la socon ficil. Waa in la helo isla xisaabtan dhab ah. Waa dhamaaday waqtigii ay shacabka ka indho saaban lahaayeen waxa socda!.”

Dr. Cabdirisaaq Cumar Cabdi: “Dadkaan waxay qabtaan wayeen iska sheegayaan waxkasta.”

Abuu Tariika Abuu Tariika oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Kuwa dalkeena ka taliyo noocaan lee ma ahoo!.”

“War ileen maanta wadanka anagaa wax nagala weydiinaa waa waaree,” ayuu yiri Axmed.

Sakariye Cali Dayib ayaa sidoo kale yiri “Waa wax la cambaareeyo falkii wuxuushnimada ahaa ee argagixisadu ay ka gaysatay kulliyadda JAALLE SIYAAD, waxaase xaqiiq ah waqtigoodii inuu dhamaaday Khawaarijta.”

Cabdicasiis Maxamed Cali: “Cambaareyn lee maan wadeyna, xukuumadda waa inay tallaabo qaado. Weerarkaas tuhuno iyo su’aallo badan ayaa ku xeeran, ha loo keeno jawaab deg deg ah.”

“Hadduu ra’iisul wasaaraha iyo ku xigeenkiisaba maqan yihiin waxa kusimaha rasmiga ah noqonaya Axmed Macallim Fiqi miyuu asna maqnaa?,” ayuu yiri Maxamed Aadan Maxamuud oo isaguna su’aal ka keenay in wasiirka cadaaladda uu noqdo ku-simaha ra’iisul wasaaraha ee guddoomiyay shirkii maanta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii

Android: Halkan Click sii

Saciid Deni oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib go’aankii baarlamaanka Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, kadib go’aankii baaramaanka ee lagu ansixiyay wax ka beddalka dastuurka.

Saciid Deni ayaa saxiixay xeerka wax ka beddalka qodobada qaar ee dastuurka Puntland, kaas oo ay dhowaan u codeeyeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntand.

Madaxweynaha ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Puntland, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Saciiid Deni.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay digreetadan in Nuqulada asalka ah ee sharcigan la geyn doono xafiiska madaxweynaha, midka guddoomiyaha baarlamaanka iyo garyaqaanka.

“Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Puntland”

Waxaa kale oo wareegtada lagu yiri “Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah”.

Tallaabada uu maanta qaaday Deni ayaa ku soo aadeysa, xilli ay weli mucaaradka diidan yihiin ansixinta wax ka beddalka dastuurka oo ay isku raaceen baarlamaanka iyo Deni.

Si lastaba, lama oga sida ay noqon doonto xaaladda iyo halka ay arrintu ku dambeyn doonto, ayadoo xubnaha mucaaradka ay ku goodiyeen inay qabsan doonaan doorasho kale.

Sarkaal sare oo ay soo dirtay dowladda Mareykanka oo Muqdisho yimid + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta soo saaray sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, kaas oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sarkaalka kasoo dagay caasimada Muqdisho ayaa ah kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo sirdoonka, Brian Nelson.

Ninkan ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu ka bilaabi doonaa kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalka, inkastoo ay hadda maqan yihiin madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo safaro kala duwan ku kala jooga waddamada Talyaaniga iyo Tanzania.

Brian Nelson, ayaa madaxda dowladda federaalka kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale arrimaha kale oo uu kala hadli doono madaxda sare ee dalka waxaa kamid ah sida ka bixitaan Moscow ee heshiiska badarka badda madow uu dhaawaci doono Afrika.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa xilligan aad isku haya, waxayna xiisaddooda uga sii daray dagaalka Ukraine, balse arrintan ayaa imaaneyso ayada oo madaxweyne Vladimir Putin uu isku diyaarinayo inuu madaxda Afrika ku martigeliyo St. Petersburg Khamiista maanta iyo Jimcaha berri, isagoo u ballan qaaday inay xor u yihiin hadhuudhka Ruushiya, si ay ugu beddeshaan hadhuudhka Ukraine.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir xoogan la leh Mareykanka oo ka taageera dhinacyada milatariga iyo dhaqaalaha, halka ay haatan dooneyso inay macaamiil iyo xiriir toos ah la yeelato Moscow, si dib loogu soo celiyo xiriirkii hore ee u dhexeeyay labada dowladood.

WEERAR lagu beegsaday ciidanka dharcadda hay’adda NISA oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda NISA oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in rag hubeysan ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamadaasi, xilli ay gaadiidka soo aado dhanka Dabka ay ku baarayeen halkaasi.

Jugta qaraxa ayaa si xoogan looga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana sidoo kale muddo kooban hakad galay dhaq-dhaqaaqa waddada.

Weerarkan ayaa sidoo kale sababay khasaare u badan, waxaana waxyeelo ay soo gaartay illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dharcadda ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Sidoo kale waxaa goobta mar dambe gaaray saraakiil ka tirsan NISA oo uu hoggaaminayay taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Howlwadaag Gaashaanle Maxamnd Cabduqaadir Shakiib, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay xaafadaha u dhow meesha la weeraray.

Wararka ayaa intaasi ku daray in howlgalka la sameeyay lagu soo qab-qabgtay nin looga shakisan yahay inuu fuliyay weerarkaasi.

Ma’aha weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado ciidamada Nabad-Sugidda ee haatan lagu soo daadiyay xaafadaha Muqdisho, ayada oo dhowr jeer sidaan oo kale loo beegsaday.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalado amni dari, kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay qaraxii gudaha xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo lagu laayey ciidamo badan oo ka tirsanaa kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo war kasoo saaray weerarkii Kulliyadda Jaalle SIYAAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaadlaha ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad, howlgallada ka socda dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Shirkan ayaa waxaa maanta guddoomiyay Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sheekh Cali, maadaama ay dalka ka maqan yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo sidoo kale ku xigeenkiisa, Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Golaha ayaa shirkooda kusoo qaaday qarixii is-miidaaminta ahaa ee ay Isniintii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku beegsatay ciidamo ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarkaas oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid fuleynimo ah oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa tacsi u diray ehellada askarta lagu laayay weerarkaasi, ayaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaa uu goluhu tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka.

Dhanka kale, golaha ayaa dhegeystay warbixino ku saabsan guulaha haatan laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Al-Shabaab ee ka socda dalka, kuwaas oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Guda ee Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale lagu ansixiyay illaa shan hindise sharciyeed oo muhiim ah, kuwaas oo la horgeeyay xubnaha golaha wasiirada.

Hindise sharciyeedyada la meel-mariyey ayaa kala ah:-

  1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
  3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
  4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
  5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Saraakiil ciidan iyo xubno lagu afduubtay Somaliland

Berbera (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya fal afduub ah oo gelinkii dambe ee Arbcadii saraakiil ciidan iyo xubno kale loogu geystay Somaliland.

Falkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay geysatay dabley hubeysan oo dhowaan jabhad kaga dhawaaqday buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil, sida aan xogta ku helnay.

Tirada guud ahaan dadka la afduubtay ayaa ah illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland.

Mid kamid ah xildhibaanada degaanka oo lagu magacaabo Xasan Ogaal ayaa ka warbixiyay falkaasi, ka dib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka MMTV, isaga oo sheegay in saraakiisha la afduubtay iyo dadka kale ay goobta u tageen si ay u qiimeeyaan xaaladda, sidoo kalena ugu kuurgalaan dablayda fariisinka ka dhigatay buurta weyn ee Gacan-libaax

“Annaga oo magaaladii joogna, ayaa waxa magaalada soo galay ciidamo dhallinyaro ah, waxay qafaasheen sideed xubnood, goobihii buurta Gacan-libaax ay ku lahaayeen ayay geeyeen” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Xasan Ogaal.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sameeyeen dadaal dheeraad ah, isla-markaana ay ka daba tageen ragga afduubka geystay, kadibna ay soo daayeen dhamaan siddeeda qof.

“5:00 galabnimo ayay afduubteen, iminka oo 11:00 habeenimo ah ayaanu soo daynay” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay kooxda hubeysan ka shakiyeen dhaq-dhaqaaqa saraakiishaas oo tegay aagga ay joogaan.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan afduubkaas, walow dib loo soo daayay dadkaasu

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalado is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi.

Sawirro: Dowladda Ruushka oo qaaday tallaabo la xiriirta Soomaaliya kadib markii…

0

Saint Petersburg (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka oo qaaday tallaabo la xiriirta deyn cafinta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dowladda federaalka ay ka cafisay lacag dhan 684 million oo dollar, taas oo sii xoojineyso isku soo dhowaanshaha labada waddan.

Munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Saint Petersburg ee dalkaas ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood, waxaana Soomaaliya metalayay ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka maaliyadda Biixi Imaan Cige, halka Ruushka uu u joogay wasiir ku xigeenka maaliyadda Timur Igorevich Maksimov.

Wasiirada labada dowladood ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiskan oo uu Ruushku kaga dhaafay Soomaaliya lacagtaas oo gaareyso illaa $684 million.

Sida ay shaacisay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya heshiiskan ayaa lafdhabar u ah dhammaystirka geediga deyn cafiska dalka.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo heshiiska ka hadlay ayaa yiri “”Farxad ayay ii ahayd inaan Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka la saxeexdo heshiis ay dowladda Ruushku dalkeenna kaga dhaaftay lacag ka badan $684 Milyan”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay is afgarad ka gaareen lacag dhan 7.5 million oo ay dowwladda Ruushka ku lahayd Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ka qayb-galayaan shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlayo iskaashiga labada dhinac iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa jiray dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed oo ay waday dowladda Soomaaliya oo si ficil ah u billowday soo celinta xiriirka kala dhexeeya Ruushka.

Labadaan dal oo ay u dhaxeeyaan dhacdooyin taban iyo kuwa togan intaba, ayaa muddo laheyn cilaaqaad micno leh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa tegay Ruushka bishii May ee sanadkaan, haddana waxaa socda qorshe lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa iyaguna su’aallo ka keenay waxa waqtigaan muhiim ka dhigaya xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Ruushka.

Fanaanaddii caanka aheyd ee diinta Islaamka qaadatay oo geeriyootay (Warbixin)

Dublin (Caasimada Online) – Fanaanaddii caanka aheyd ee Irish-ka, ee markii dambe qaadatay diinta Islaamka, Sinead O’Connor ayaa geeriyootay Arbacadii, waxaa sidaas ku warramay warbaahinta Ireland.

War-saxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda, oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ireland ee RTE ayey ku yiraahdeen “Waxaan annaga oo aad uga murugsan ku dhowaaqeynaa geerida Sinead. Qoyskeeda iyo saaxiibadeeda aad ayey u murugsan yihiin, waxaana xilligan adag codsaneynaa ilaalinta xogteena gaarka ah.”

Qoyskeeda ma aysan shaacin sababta dhimashadeeda. Waxa ay aheyd 56 jir.

Bishii October 2018, Sinead ayaa ku dhowaaqday inay qaadatay diinta Islaamka. “Waxaan ku faraxsanahay inaan noqday Muslim,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in go’aankeedu ahaa “mid dabiici ah oo uu gaaray qof caqli leh ,” waxayna baahisay xilligaas muuqaal ayada oo aadameysa. Waxay kadib qaadatay magaca Shuhada’ Sadaqat.

Sinead O’Connor oo ku dhalatay Dublin ayaa soo saaraty 10 album oo ay ka mid yihiin “I Do Not Want What I Haven’t Got” iyo “I’m not Bossy, I’m the Boss

Madaxweynaha Ireland Michael Higgins ayaa sheegay in Ireland ay waysay “mid ka mid ah heesayaashii iyo curiyayaashii ugu weynaa ee soo mara sanadihii dhowaa.”

Waxa uu ku ammaanay “Cabsi la’aanta ay ugu hiilisay arrimaha muhiimka ah ee ay ku soo jiidatay dareenka dadweynaha, iyada oo aan eegin sida loo dhibsaday runta.”

O’Connor waxay ifka kaga tagtay saddex caruur ah, waxaana la sheegay inay ku nooleyd oo ay waqtigeeda u kala qaybin jirtay Ireland iyo Britain ka hor dhimashadeeda.

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku casuumay Samia Suluhu

0

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxweynaha dalka Tanzania, Samia Suluhu Hassan, taas oo ku aadan inay booqasho ku imaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Warqadda casuumadda ah ayaa waxaa maxadaweynuhu ugu dhiibay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo hadda ku sugan dalkaasi, kaas oo gaarsiiyay Samia Suluhu.

Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay madaxweynaha Tanzania ayaa shaaca ka qaaday inay aqbashaday casuumadda madaxweyne Xasan Sheekh, ayna imaan doonto Muqdisho.

Ujeedka ayaa ah in labada dhinac ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya, sidoo kalena ay is dhaafsadaan booqashooyin ay sameynayaan madaxda labada dal.

Sidoo kale Xamza ayaa madaxweynaha dowladda Tanzania uga mahadceliyay dhul ay dowladda federaalka siisay, kaas oo lagu dhisi doono  safaaradda Somalia ee dalkaasi

“Mudane Xamza ayaa madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu ka codsaday dowladda Tanzania in ay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025–2026.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale kala hadlay Samia Suluhu xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed oo weli ku xiran xabsiyada Tanzania si loogu wareejiyo dowladda , isla-markaana inta uga harsan xukunnadooda ay ugu dhameystaan gudaha dalka Soomaaliya.

“Mabdi’iyan arrintaas way aqbashay, ayada oo farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeyn doono” ayaa mar kale lagu yiro warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay madaxweynaha waddanka Tanzania, Samia Suluhu marti-gelinta Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, kaas oo ahmiyad gaar ah u leh dhammaan bulshooyinka ku dhaqan Qaaradda Afrika.

DF Soomaaliya oo shirka Tanzania kaga faantay arrin fadeexad culus ay ka dhalatay

0

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hadal ka jeediyay shir-madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda aadanaha ee ka furmay magaalada ee dalka Tanzania.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in iyada oo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku hor-gudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, islamarkaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ku wehliya shirkaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada iyo masuuuliyiin kale.

Arrinta macallimiinta ee ra’iisul wasaaraha kaga faanay shirka ayaa waxaa dul hoganeysa fadeexad xooggan, kadib markii maamulka HirShabeelle uu musuq-maasuqay macallimiinta maamulkaasi la siiyay, ayna leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle.

Inkasta oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay beenisay fadeexaddaasi haddana sida ay horay usoo dusiyeen saraakiil HirShabeelle ah, kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle.

Xogtaas oo ay heshay Caasimada Online ayaa tibaaxeysa in boosaskaas lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada HirShabeelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta.

Dad badan ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taasi oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe.

Hase yeeshe waxaa la dafiri karin in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Xamza ay dadaal badan galiynayso tayeynta waxbarashada dalka, inkasta oo ay weli u dhiman tahay shaqo badan oo ay tahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Afgambi ka dhacay dal ku yaalla Galbeedka AFRIKA iyo madaxweynihii oo la xiray

Niger (Caasimada Online)Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa maanta wacad ku maray inuu ilaalin doono mirihii dimoqraadiyadda ee “sida adag loogu guuleystay” kadib markii ciidamada ay xireen, kuna dhowaaqeen inay la wareegeen xukunka.

Bazoum ayaa waxaa Arbacadii xiray xubno ka mid ah ilaalada madaxtooyada, kuwaasi oo saacado kadib ku dhowaaqay in “dhammaan hay’adaha dowladda” ee dalka shaqadooda la hakiyey, xuduudaha la xiray, islamarkaana bandow habeekii ah lasoo rogay.

Ayada oo ururo African ah iyo kuwa caalami ah ay cambaareeyeen afgambiga, islamarkaana Faransiiska iyo Mareykanka oo xulufo la ah ay taageero u muujiyeen, Bazoum ayaa muujiyey dhiifanaan.

“Guulaha sida adag lagu helay waa la ilaalin doonaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta twitter ee hadda loo bixiyey X. “Dhammaan dadka Niger ee jecel dimoqraadiyadda iyo xoriyadda sidan ayey doonayaan.”

Wasiirka arrimaha dibedda Hassoumi Massoudou ayaa sheegay in “awoodda saxda iyo sharciga ah” ee Niger ay tahay tan uu haysto madaxweynaha la doortay.

Waxa uu taleefishinka France24 u sheegay in Bazoum “uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo wanaagsan.”

Waxaa jiray “isku day afgambi” balse “dhammaan ciidamada oo idil kuma lug laheyn,” ayuu yiri.

“Waxaan ka codsaneynaa dhammaan askarta cabanaya inay kusoo laabtaan talisyadooda,” ayuu yiri. “Wax kasta waxaa loogu guuleysan karaa wadahadal, hase yeeshee hay’adaha dowladda ee Jamhuuriyadda waa inay shaqeeyaan.”

Madaxweynaha dalka deriska ah ee Benin, Patrice Talon ayaa la filayey inuu maanta tago magaalada Niamey isaga oo wada dadaallo dhex-dhexaadin, waxaa sidaa sheegay madaxa ururka ECOWAS.

Waddooyinka caasimadda ayaa saaka ahaa kuwo cidlo ah ka dib roob culus, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan.

Dalkan aan badda lahayn ayaa ah mid ka mid ah waddamada ugu saboolsan uguna xasilloonida darran adduunka. Waxaa ka dhacay afar afgambi tan iyo markii ay Niger xorriyadda ka qaadatay France 1960-kii.

Waxaa sidoo kale ka dhacay dhowr isku day afgambi oo kale, oo laba ka mid ah ka dhan ahaa Bazoum.

63-jirkan ayaa ka mid ah koox madaxweynayaal la doortay ah oo sii yaraanaya oo ku sugan gobolka Sahel, halkaas oo tan iyo 2020-kii uu ka jiray kacdoon Jihaadi ah oo horseeday afgambiyo ka dhacay Mali iyo Burkina Faso.

AFP, VOA

Muxuu Xamza kala hadlay William Ruto? + Sawirro

0

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan dalka Tanzaniga ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Dar es Salaam oo uu u tegay ka qayb-galay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha.

Xamza ayaa la kumay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qayb-galeysa shirweynahaasi, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa William Ruto kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, kaas oo ay qayb ka tahay dowladda Kenya, waxayna isla garteen in meel looga soo wada jeesto kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal” ayaa lagu yiri.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu kala hadlay madaxweynaha Kenya fududeynta Dal-ku galka (Visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay.

Inta uu socday kulankan waxaa sidoo kale looga hadlay horumarinta waxbarashada iyo awood siinta dhalinyarada, sida lagu shaaciyay bayaanka xafiiska ra’iisul wasaaraha

“Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xukuumadda Somalia.

Kenya ayaa kamid ah waddamada dariska ee xiriirka la leh Soomaaliya, isla-markaana qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa dalkaasi.

Kadib go’aankii baarlamanka, DENI ma u toostay mise…?

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiillada ee Puntland ayaa shalay meel-mariyay wax ka beddelka dastuurka, taasi oo dhawaan sababteeda ay in ka badan labaatan ruux ugu dhinteen caasimada maamulkaas ee Garoowe.

Ku dhawaad hal bil oo la is-horfadhiyay, xildhibaanada taabacsan Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guuleystay meel-marinta wax ka beddel lagu sameeyay illaa toddoba qodob oo kamid ah dastuurka Puntland.

Markii hore wixii la isku dilay waxay ahaayeen hal qodob laakiin shalay Baarlamaanka lix qodob oo cusub ayuu ku kabay sida uu ku dooday Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha kasoo horjeeda dastuur furista.

Qodobbada ay shalay beddeleen golaha wakiiladda ee Puntland waxaa ugu muhiimsan qodobka doorashada hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo xubnaha golaha wakiiladda.

Markii hore odayaal dhaqan ayaa soo qori jiray 66 wakiil, kuwaasi oo dooranaayay hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa. Hadda waxaa la ansixiyay inay shacabka doortaan hoggaamiyaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo wakiiladda 66-ka ah.

Sidoo kale waxaa dhamaan xisbiyo noqday sagaalkii ururr siyaasadeed ee Puntland, xitaa kuwa aan codeyntii labaad ka qeyb-galin, taasi oo wax aan sharciyad iyo caqliyad ku dhisneyn ku tilmaamay Xasan Shire Abgaal oo ah ninka hadda ugu miisaanka culus mucaaradka Saciid Deni.

In doorashada soo aadan ay noqon doonto qof iyo cod ayay ansixiyeen golaha wakiiladda. Arrintaan waxay kusoo aaday iyada oo dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waan-waan wadeen odayaasha dhaqanka.

Mucaaradka waxay dalbadeen in odayaasha ka jawaaban falkii shalay dhacay, waxay qabaan in aanay tani wax badan ka duwaneyn labadii sano ee baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya uu bishii April 2021 uu siiyay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubno kamid ah ururada siyaasadeed ee Puntland ee diidan wax ka beddelka dastuurka ayaa shalay dacwo u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland.

Mucaaradka waxay muujinayaan rejo ah in wixii shalay la sheegay aanay waxba ka dhaqan-geli doonin oo wax walba sidii hore ku socon doonaan, doorashadana ay dhaafi karin 8-da Janaayo.

Aragtida ah in Saciid Deni uu weli rabo muddo kororsi ayaa xooggan, maadaama aanay macquul aheyn in shanta billood ee u hartay lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Kooxda Deni waxay u muuqdaan inay xooggaa ku adkaadeen lagdan siyaasadeedka oo ay golaha wakiiladda wixii ay rabeen, laakiin su’aasha aan weli jawaabteedu fududeyn waxay tahay Saciid Deni sida uu maanta u dhigay berri ma u dhaqan-galin karaa?.

Haddii uu Saciid Deni qabto 8-da Janaayo doorasho heshiis lagu yahay, dad badan ayaa aaminsan inuu leeyahay fursad xooggan oo soo laabasho ah. Laakiin haddii uu dhinaca muddo kororsiga jalleeco ama dhaqan-gelinta mid aan loo dhameyn wax badan ayaa ka halaabi kara.

Guushii shalay ee golaha wakiiladda waxay Deni uga baahan tahay dhaqan-gelin, xilli beesha degan Caasimada Garoowe oo taraha sugeysa ay musharaxiinteedu diidmo cad kala horyimaadeen isbeddelkii shalay lagu sameeyay dastuurka.

MUQDISHO iyo dacwadda musuq-musuqa: Farriinta ay u direyso afar dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay markii labaad la dhageystay dacwad la xiriirta musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. Xubnaha shalay maxkamadda saarna ayaa ka tirsan wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Bankiga Dhexe ee dalka.

Khamiistii lasoo dhaafay iyagana waxaa maxkamad la saaray xubno ka tirsanaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale Khamiista soo aadan waxaa la filayaa in la maxkamadeeyo xubno ka socda wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Saddexdaan dhinac ayaa loo haysta lacag 21 Milyan oo dollar ah oo ay baarayaasha dowladda sheegeen in la xaday tan iyo 2018-kii. Xubno kale oo isla kiiskaan ku eedeysan ayaa ka maqan dalka.

Afar dhinac waa u faa’iido haddii kiiskaan ku dhamaado si sax ah oo caddaalad ah, kuwaasi oo kala ah;

Midda koowaad waa qaranka;

Muddo fog waxaa yareyd aaminada uu adduunka ku qabo dowladda Soomaaliya, sababaha keenaya aaminad darada waxaa kamid aheyd dhacdooyinka musuqa ee Soomaaliya dhigay kaalinta ugu hooseysay xagga musuq-maasuqa adduunka oo dhan.

Qaran si loo jeedo ula diriraya musuq-maasuqa maanta wuxuu helayaa kalsooni caalami ah iyo aaminad qaran.

Midda labaad waa dadweynaha;

Soomaalidu waxay u badan yihiin bulsho sabool ah, xooggaagii yaraa ee canshuurta iyo deeqaha ahaa waxaa lagu sameeyay musuq-maasuq xoog leh, dagaalka musuqa ah ee socda wuxuu badbaadinaya hantida dadweynaha Soomaaliyeed.

Midda saddexaad waa dadka xilalka loo dhiibay;

Dadka madaxda ah ee umadda xilka u haya in la xisaabiyo oo si joogta ah loo daba-galo iyaga ayay dan u tahay. Waxay kala badbaadinaysa iyaga iyo xoolaha umadda, oo ay waxay keenaysa inay noqdaan kuwa nadiif ah oo sharaf ku dhex jooga dadkooda iyo helista xoolo aan la tuhunsaneyn.

Midda afaraad waa kooxda xukunka haysa;

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii ay kiiskaan si fiican u maareeyaan, si guudna ugu guuleystaan inay xadidaan musuqa xadhkaha goostay 14-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ka xaabsan doonaan dhibco siyaasadeed, waxay ku guuleysan doonaan inay kor u qaadan dakhliga, waxa u sahlanaan doonta dhameystirka deyn cafinta, waxayna ka faa’iidi doonaan dhaxal siyaasadeed oo ay kula dhigtaan mucaaradkooda doorashada soo aadan.

Si weyn ayay dadka Soomaalida isha ugu wada hayaan gunaanadka kiiska hadda taagan ee musuqa iyo guud ahaan sida ay dowladdan u dhaqan-geliso mashruuceeda musuq-maasuq la dirirka.

Wararkii ugu dambeeyey ee tallaabooyinkii ka dambeeyey qaraxii askarta lagu laayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga howlgalka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Souef Mohammed El-Amnie.

Danjiraha oo marka hore ka tacsiyeeyay askartii ku shahiiday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Shabaab shalay ka geystay kuliyaddda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Danjire Souef Mohammed El-Amnie ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay shaqada ATMIS, halka ay mareyso iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta ah.

Sidoo kale kulanka waxaa danjiraha ku wehlinayay taliyaha cusub ee Ciidamada Howlgalka nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Sam.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatana ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay war ka soo saaray weerarkaas ayaa si adag u cambaareeyay, isagaoo ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Xoogga dalka.

“Waxaan cambaareyneynaa falkii fuleynimada lahaa, naxariis darrada ahaa ee shalay dhibaatadaas lagu gaarsiiyay ciidamada qalabka sida ee Ummadda Soomaaliyeed u shaqeynaayay, waana ka xunahay,” ayuu yiri Aadan Madoobe shalay.

“Meesha shalay raggaasi lagu baabi’iyay meel la’iska imaan karo ma’aha, meel caadi ah ma’aha, meeshaas waxaa ka muuqata mas’uuliyad xumo ayaa ka muuqato, laakiin qaa’imiin inay arrintaas fududeeyeen shaki weyn ayaa igaaga muuqda arrintaas aniga, wax loo dulqaadan karana ma’aha,” ayuu yiri Aadan Madoobe oo xanaaqsan.

Ugu yaraan 25 askari ayaa lagu dilay qaraxaas halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, ciidankaas waxaa la sheegay in ku dhawaad 20 askari ay dhaawac halis ah yihiin.

Afar arrin ka ogow weerarkii lagu qaaday Kulliyadda Jaalle Siyaad ee askarta lagu laayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isniintii ayaa waxaa weerar is miidaamin ah uu ka dhacay gudaha xero ku taalla kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 askari, qaar kalena way ku dhaawacmeen.

Hadal-heyn badan iyo falcelinno kala duwan ayaa ka dhashay weerarkan, iyadoo su’aalo badanna la iska weydiinayay.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa afar waxyaabood oo aanan laga ogeyn qaraxaasi.

Qaabka uu dhacay weerarka

Ilo wareedyo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka uu fuliyay nin isku soo xiray walxaha qarxa uuna isku qarxiyay ciidanka oo saf ku jira. Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay ku dhinteen in ka badan 25 askari.

Dhowr iyo afartan kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kuwaas oo loo kala qaaday isbitaallo ku yaala Muqdisho.

Hase yeeshee war saxaafadeed ka soo baxay kooxda al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninka is qarxiyay uu dilay 73 askari, isla markaana uu dhaawacay 124 kale, in kastoo cid madaxbannaan oo xaqiijisay sheegashadaasi aanay jirin.

Sida uu ninka is qarxiyay ku galay gudaha xerada

Ninka is qarxiyay ayaa xirnaa dareeska ciidanka, isagoo gudaha xerada ku galay aqoonsi been abuur ah, sida uu sheegay ilo-wareed ka tirsan miltariga oo aan doonayn in magaciisa la sheego.

Balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milatariga Soomaaliya oo ka hadlaya sida xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ay wax uga dhaceen iyo tirada khasaaraha ciidanka ka soo gaaray qaraxa lala beegsaday iyo sidoo kale sida ay ninka is qarxiyay ugu suurogashay inuu gudaha u galo.

Laakiin waxay dowladda sheegtay inay samaynayso baaritaan ku saabsan falkaas uu askarta ku laayey qof is miidaamiyey.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay inay meesha dadkaas lagu baabi’iyey aysan ahayn meel la iska imaan karo.

“Raggan inay naftooda u huraan dalkooda diyaar ayey u ahaayeen, hadday dagaal ku dhiman lahaayeen wax niyad xummo ah kama qabi lahayn, laakin ayagoo xeradoodii jooga in fulay uu soo dhex galo oo la halaago wax loo adkaysan karo ma aha, waxaana meeshaas ka muuqda mas’uuliyad xummo,” ayuu yiri Guddoomiye Sheeklh Aadan Madoobe.

Su’aalo badan ayaa ku gadaaman, sida ismiidaamiyuhu ay ugu suurogashay inuu gudaha u galo xeradaasi, maaddaama ay ka mid tahay goobaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo hoose oo militariga ka tirsan ayaa sheegay in ilaa saddex qof loo xiray weerarka.

Maxay yihin ciidamada lagu qarxiyay xerada, maxayse qaban rabeen?

Ciidankan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada 14-ka Oktoobar oo ah guuto la aasaasay wixii ka dambeeyey qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintaas ka dhacay isgoyska Zoobbe.

Guutadaas ayaa fadhigoodu ahaa gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan magaalada Marka, wararkana waxay intaa ku darayaan in ciidankaas Muqdisho loo keenay in dib u habayn xagga qaabdhismeeka ah lagu sameeyo.

Ciidankaas oo u badnaa dhallinyaro ayaa la sheegay inay ka jawaabayeen baaqii madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in loo baahan yahay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo dalkooda difaaca.

Sanadkii 2019 ayey dawladda Soomaaliya sheegtay in ciidankaas loo dhamaystiray qalabkooda si ay uga qayb qaataan dagaalka al-Shabaab.

Waxaa la sheegay inay markii la qarxinayay ciidamada ay safaf dhaadheer ay ku jireen oo tirakoob lagu sameynayay oo loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Yaa ilaaliyo amniga xerada?

Xerada ayaa la dhisay 1975, waxaana dhismaheeda lahaa madaxweynihii dawladdii kacaanka ee Soomaaliya Jaalle Maxamed Siyaad barre oo sidoo kalena kulliyadda loogu magac daray.

Xeradan ayaa waxay muddo xarun u ahayd ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta ATMIS ee Soomaaliya oo markaas la oran jiray AMMISOM balse sannadkii 2019 ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaalida tan iyo markaasina waxaa amnigeeda sugayay askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Isha: BBC

Imaaraadka Carabta oo war kasoo saaray WEERARKII Kulliyadda kuna tilmaamay…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday dugsiga tababarrada ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Imaaraadku ay si weyn u cambaareynayaan falkii lagu beegsaday ciidanka.

Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ka xuntahay rabshadaha joogtada ah ee argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay.

“Waxaa cad in rabshadahaan lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida oo ka soo horjeeda qiyamka aadanaha iyo mabaadi’da caalamka,” ayaa lagu bayaankaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.

Sheikh Shakhboot ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen askartii ku geeriyootay qaraxaas.

Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka caafimaad deg deg ah dhammaan ciidanka ku dhaawacmay qaraxaas oo ahaa mid aad looga argagaxay.

Waxaa la xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uusan ka tirsaneyn ciidanka oo banaanka laga keenay, isla markaana xerada lasoo geliyey daqiiqado kooban ka hor, inta uusan ku qarxin ciidanka oo saf-dheer ku jira.

Durbadiiba waxaa la is-weydiiyey sida ay ninkaas ugu suurta gashay inuu soo galo xerada, waxaana la qabtay ilaa seddax sarkaal oo mid aad loogu tuhmayo inuu xerada gaari ku soo geliyey ninka is-miidaamiyey.

Saraakiil kuwa amniga ah ayaa soo dusiyey xogta ragga la hayo, kuwaas oo gaaraya seddax sarkaal oo G/Sare uu ugu sareeyo, baaritaano hordhac ah oo durbadiiba la sameeyey ayaa lagu soo qabtay ragaas, waxaana ku socda baaritaan adag.

Sarkaalka ugu darajada sareeya oo heysta G/Sare ayaa la aaminsan yahay in ninka is qarxiyey uu keenay xerada, isla markaana uu ka tegay, ninka naftiisa haligay waxaa u suurta gashay inuu gaaro goobtii ugu dambeysay ee ciidanka lagu feyliyey.

Al-Shabaab oo maanta lagu laayey deegaan ay shalay weerar kasoo qaadeen

0

Waajid (Caasimada Online) – Duqeymo culus ayaa maanta gobolka Bay loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiyaad iyo saraakiil isugu jira.

Duqeymahaasi waxay maanta ka dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay.

Si gaar ah deegaankaasi wuxuu u dhow yahay Goofgaduud-Buurey oo shalay ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan.

Deegaanka maanta lagu duqeeyey kooxda waxay shalay ka soo abaabuleen weerar culus oo ka dhacay duleedka degmada Waajid, halkaas oo dagaal maleeshiyaad badan looga dilay ay kula galeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Itoobiya.

Wasaaradda amniga K/Galbeed, taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa xaqiijiyey in duqeymihii maanta Al-Shabaab looga dilay uga yaraan 45 xubnood oo saraakiil iyo dagaalyahano isugu jira.

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed waxay sheegeen in dagaalyahanada maanta laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan xubno badan oo ajaanib ah, inkastoo aan la shaacin tiradooda rasmiga ah.

Dhulka ay duqeymahaasi ka dhaceen waa howd ay aad u deegaameysteen Al-Shabaab, sida uu VOA u sheegay taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Diyaaradaha geystay duqeymahaas waxaa laga leeyahay dalka Mareykanka, wuxuuna deegaanka la duqeeyey u dhowyahay Goofgaduud oo shalay ay qabsadeen ciidanka xoogga dalka.

Kooxda maanta lagu duqeeyey deegaanka Ceeldhuun Adeegow ayaa shalay weerar ku soo qaaday garoonka diyaarada ee degmada Waajid, halkaas oo looga dilay ugu yaraan 25 xubnood, oo 5 ka mid ajaanib ahaayeen.

Maxaa ka jirra in Soomaaliya iyo Kenya ka wada-hadlayaan baddii la xakumay?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay waxa ka jira warar sheegayay inay dhiggeedda Kenya ka wada-hadlayaan murankii badda ee kal hore ay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ u xukuntay Soomaaliya.

Hadal-haynta arrintaan ayaa soo baxday kadib markii madaxweynaha Kenya laga soo xigtay in Jabuuti ay dhex-dhexaadinayso deriska ay saaxiibada yihiin, ee uu u dhexeeyo muranka badda.

Hadalka madaxweyne Ruto ayaa loo fahmay inuu jiro dedaal xal looga gaarayo arrintaasi kadib markii ay Kenya diiday go’aankii maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in Kenya ay kala hadlayaan arrintaasi, iyada oo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad) uu guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha dibadda u xaqiijiyay arrintaas.

“Dacwada badda maxkamad ayey ku dhamaatay, meel looga noqdana ma laha, madax-banaanida dhulkaasna Soomaaliya ayaa loo xukumay,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Maxamed (Cali Balcad).

Sidoo kale waxa uu si cad u sheegay in marnaba laga wada-hadli doonin lahaanshaha badda la xukmiyay, “Waxyaabo kale oo ah sidii loo fulin lahaa in laga wadahadlo waa suurtogal, laakin lagama wada hadlayo lahaanshaha dhulka.”

Wasiiru-dowlaha ayaa waxa uu sheegay in hadalka laga soo xigtay Ruto uu yahay mid ku cusub, islamarkaana aysan jirin wax ay ka ogyihiin, isaga oo meesha ka saaray in uu jiro khilaaf ay Jabuuti ku dhex-dhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya.

“Uma malaynayo inuu jiro khilaaf jira oo Jabuuti ay maanta xallinayso, mana aysan nagala soo xiriirin, laakiin waxaan aaminsanahay in go’aanka maxkamadda uu yahay mid kama dambays ah. Haddii ganacsi iyo dhaqaale iyo arrimo kale laga wada-hadlayo waa goonideeda,” ayuu yiri.

Marka laga soo tago hadalka wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, dhinaca kale majiro war rasmi ah oo kasoo baxay Jabuuti, kaasi oo la xiriira dhex-dhexaadinta pa sheegay ee Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa bartamaha sanadkii 2021 waxay dacwadda kiiska badda u xukmisay dhinaca Soomaaliya kadib dhowr sano oo dawcadeeda socota, iyada oo markaas labada dhinac ay ku dacwoonayeen inay leeyihiin qeyb kamid ah badda u dhaxeysa labada waddan oo la sheegay in shidaal laga soo saarayo.

Maxay tahay arrinta sida weyn loogu weeraray R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa lagu weeraray sidii uu uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho.

Xamza oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkaasi, isaga oo hadal jeedintiisa kusoo koobay tacsi uun, taasi oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa”

Marnaba ra’iisul wasaaruhu sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka.

Haddaba, Sidee ra’iisul wasaaraha loogu weeraray arrintaan?

Axmed Xaaji: “Sanbuuse laga adimay cidna ma rabto xilligan maad soo toostay Raysal-wasaare.”

Cubayd Cabdi Nasir ayaa isna waxa uu yiri: “Ra’iisul Wasaare tan hada lama rabe waxna ma tareyse kuwa hada qirtay inay ilmaha halige koleyba waa sarkaallo ee shaqo ka qabo oo mudankooda marsii.”

“Hooyooyinka Soomaaliyedna caloosha u qabooji hadaad dalkan iyo dadkaanba wax u tareeyso.”

“Tacsi miyaad wadeysaan? War amniga wax ka qabta,” ayuu yiri Cumar Ashraf Shariif.

Mahad Yusuf Xaji Kaahin oo isaguna si weyn u dhaliilsan ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Waa tacsi soo daaday.”

Axmed Maxamud Nuur: “Ra’iisul Wasaare hadii uu dhiig Somalinimo kugu jiro Sarkaalkii lagu helo hadaan horay laga tooganeyn waa ciyaar waxa socdaa.”

“Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre Allaha ku xafido ee ka shaqee inaad Soomaali ka samata-bixiso dhibaatadii 32 sano ay lasoo daala-dhacayeen,” ayuu yiri Daa’uud Xasan.

Cabdullaahi Dirir: “Ra’iisul Wasaare waad soo daahdey hada looma baahna.”

Si kastaba, Weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ahaa is-miidaamin ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay xerada, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay Marka, waxaana ka dhashay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.