27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

BF oo loo gudbiyey mooshin la xiriira weerarkii Kulliyadda – Yaa lagu dheggan yahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo gudbiyay mooshin loogu yeerayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib qaraxii Isniintii ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mooshinkan u gudbiyay guddoonka golaha. Sidoo kalena waxaa lagu dalbanayay u yeerista Taliyeyaasha Ciidamada, si wax looga weydiiyay qaraxaasi, oo dhaliyay khasaare xooggan.

Isniintii dorraad ayay aheyd markii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad uu qof naftii halige ah isku dhex qarxiyay xeradaasi, xilli askar fara badan saf ku jireen.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa inta la xusuuso xero kamid ah xeryaha ciidamada, kaddib sanadkii hore oo sidan kale qarax uga dhacay Warshadda Nacnaca, Inkasta oo uu khasaaraha uu yaraa.

Mooshinkan ayaa la fahamsan yahay inuu ka dhashay tuhunada ku xeeran qaraxaasi, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, ayna adag tahay in si fudud la iskaga galo.

Sidoo kale waxa uu imaanaya, xilli ay soo baxeyso in saraakiil sare loo xiray weerarka xeradaasi, oo askar badan lagu laayey.

Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la xiray ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle sare, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay gacan ka gaysteen qaraxa.

Waxaa sidoo kale jira suurta-galnimada ah in saraakiil kale la xiro, ayada oo dowladdu isku dayeyso inay jawaab u hesho wixii dhacay.

Si kastaba, Arrintaan waxay abuurtay jaho wareer weyn, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si adag uga hadlay, waxaana hadda laga war sugayaa baaritaanada ku socda saraakiisha la tuhmay

Afar arrin oo xasaasi ah oo ku gadaaman weerarkii Kulliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa Isniintii dorraad lumiyay dhalinyaro muhiim ah kadib markii qof naftii halige ah isku qarxiyay ciidan hal urur ah oo fayl ku jiray gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad ee wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada dhimashada ee ciidanka, wallow aanay dowladda weli sheegin tirada rasmiga ah ee ciidanka ku dhintay qaraxaas.

Qaraxu kama dhicin banaanka, ee waxa uu ka dhacay gudaha xarunta, gaar ahaan halkii ciidanka lagu faylinayay, taasi oo deg deg u dhalineysa su’aallo badan oo u baahan jawaabo la aqbali karo.

Waxaa jirta afar arrimood oo ku gadaaman weerarkaan, kuwaasi oo kala ah;

1. Baarista dhacdada

Waa adag tahay in qof aan la aqoonin uu si fudud gudaha ugu galo xarunta Jaalle Siyaad oo ah goob aad loo ilaaliyo. Qofka la sheegay inuu is qarxiyay ma gudaha ayuu kusii jiray? Ma lasoo daayay? Ma ciidanka ayuu ka tirsanaa? Sidee qofkan ku tegay halkii ciidanka safka uga jireen? Waa su’aasha ugu badan ee u baahan inay dowladda baaris deg deg ah ku sameyso oo ay umadda la wadaagto.

2. Tuhunka isku milanka

Horay waxaa u baahinay markii dowladda ay baaris ku sameysay isku milankii argagixisada iyo booliska in lagu faa’iiday oo baabuurtii qaraxyada ay soo geli waayeen gudaha magaalada Muqdisho, laakiin loo baahan yahay in ciidanka xoogga dhexdiisana turxaan bixin lagu sameeyo.

Dhacdadii Isniintii ee kuliyadda Jaalle Siyaad waxay qasbeysa inay dowladda deg deg u billowdo baaris ku aadan cilaaqaadka argagixisada ku leedahay gudaha ciidanka xoogga dalka.

Inay kooxda ogtahay xilliga ay askarta faylka ku jirto iyo inuu qofkani awood u yeesho inuu halkani yimaado waa arrin ku qabseysa dowladda inay casriyeyso mashruuceeda la dagaalanka isku milanka.

3. Qaraxyada jaakadaha oo xal deg-deg ah u baahan

Qaraxii Isniintii, midkii maqaayadda Pearl Peach ee Liido iyo midkii dhawaan lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo askar la socotay dhamaan waxaa fuliyay rag sitay jaakadaha qaraxyada.

Sida muuqata argagixisada halkaas ayay hadda u wareegtay, waxaana laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya laga rabaa xal iyo qorshe gaar ah oo jaakadaha qaraxyada ku saabsan. Sidoo kalena goobaha ganacsiyada ee bulshada ku kulanto waa inay baaris gaar ah galiyaan dhamaan dadka jaakadaha sita ee imaanaya goobaha muhiimka ah.

4. Argagixisada oo xooggeeda iskugu geysay ciidanka milatariga

Sida muuqata Al-Shabaab waxay si gaar ah u bartilmaameedsaneysaa ciidanka xoogga dalka, oo sababay muddo sanad ah in dhul badan laga qabsado kooxda.

Dhowrkii weerar ee ugu dambeeyay oo ay kooxda u gaar yeeshay ciidanka xoogga dalka waxay milatariga fareysaa foojignaan, diyaar-garow iyo jawaab celin.

Askari dilay nin ku yiri “Jareer ayaa tahay” oo maanta ay go’aan ka gaartay maxkamad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday askari ka tirsan ciidamada milatariga dowlada federalka Soomaaliya, kaas oo sabab yaableh u dilay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xeri.

Maxkamadda ayaa maanta soo gabagabeysay maxkamadeynta askarigan oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee ilaalada qaran, kaas oo qirtay dilka lagu soo eedeeyay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Xuseen Nuur ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuumka, kadib markii uu ku yiri Jareer ayaa tahay, taas oo la sheegay in askariga oo hubeysnaa uu dhibsaday, kadibna uu dilay ninkaas oo la oran jiray Xuseen Maxamed.

Xasan Xuseen Nuur ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda, isaga oo ku doodaya in lagu yiri Jareer ayaad tahay, kadibna fal-celintiisa ay noqotay in uu riishadda ku dhago.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyntii ku dhowaaqday xukunka, waxaana Xasan Xuseen Nuur lagu xukumaty dil toogasho oo ah qasaasta marxuumkii uu horay u dilay, sida uu sheegay Garsoorka Maxkamada Ciidamada.

Arrintan ayaa dad badan lama filaan ku noqotay, kuwaas oo hadal haya sababta la yaabka leh ee askariga u dilay marxuumka.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa sidaan oo kale horay u xukuntay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Daawo: Shakiga weerarkii Kulliyadda oo gaaray BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa si adag uga hadlay weerarkii askarta badan lagu laayay ee maalin kahor ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.

Xildhibaano dhowr ah oo madasha ka hadlay ayaa qiray inuu jiro qorshe loo diyaariyay ciidankaasi oo la gala shaqeeyay kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Maareeye oo kamid ah xildhibaanadaas ayaa shaaca ka qaaday in su’aallo badan ay ka dhasheen weerarkii is-miidaaminta ee Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad.

“Dhacdadaa darraad ka dhacday Kulliyadda Jaalle Siyaad oo ah meeshii ugu adkeyd ee ciidan lagu tababaro su’aallo badan baa ku wareegsan ficilkaas Argagixisada ah ay dhalinyaradu ku dhammaadeen” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa kamid ah su’aalaha ciidanka halkaas ku xareysan la keenay oo waxay ahaayeen ciidan tababaran oo dagaal adag la galay Argagixisada oo awalba howlgalka ku jiray oo shaqo fiican qabtay ayey ahaayeen, sababta halkaa loo keenay oo haddana loo dayacay su’aal weeye”.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay sida ay warbaahinta qaar uga gaabisay tabinta dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay tahay silsilad isku xiran.

“Waxyaalaha aanu la yaabay waxaa kaloo kamid ah markii uu qaraxu dhacay warbaahintii qaraxa ka sheekeyn jirtay kama hadlin, waa wax la yaableh sida loo gaaray dhammaan wixii Social Media-ahaa oo ay ka gaabiyaan dhacdadaas weyn” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in baarlamaanka uu qaado tallaabo deg-deg ah, isla-markaana uu magacaabo guddi daba-gala baarista weerarkaasi.

“Waxaan soo jeedinayaa in halkan laga magacaabo guddi baarlamaani ah markii ugu horreysay ka duwan sidii hore oo dabagal ku sameeya in baarista ay si xaqa u socoto” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa Xidlhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa codkiisa ku biiray in loo baahan yahay in dib loogu laabto systemka shaqaalaha, si loo hubiyo dhammaan dadka u shaqeeya dowladda.

“Waa in la helo system lagu xaqiijin karo dadka dowladda u shaqeeya cidda la aamini karo iyo cidda aan la aamini karin, macquul maaha in saraakiishii iyo dadkii mas’uuliyiinta ahaa aa iska ilaalisid oo lafahaaga ku aamini weysid” ayuu isna yiri Mudane Cabdirashiid Xidig.

Hadalka kasoo baxay baarlamaanka dalka ayaa kusoo aadayo, ayada oo shaki xoogleh uu ka dhashay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxaana loo soo xiray illaa saddex sarkaal, ka dib markii uu soo galay raadka ah inay fududeeyeen weerarkaas oo ay sheegatay Shabaab.

Xog laga helay ninkii isku qaxriyey Kulliyadda iyo waxa dhacay markii ciidanku arkeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad isusoo taraya xogaha laga helayo sidii qaraxa ciidanka badan laayey lagu geeyey gudaha kuliyadda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uusan ka tirsaneyn ciidanka oo banaanka laga keenay, isla markaana xerada lasoo geliyey daqiiqado kooban ka hor, inta uusan ku qarxin ciidanka oo saf-dheer ku jira.

Durbadiiba waxaa la is-weydiiyey sida ay ninkaas ugu suurta gashay inuu soo galo xerada, waxaana la qabtay ilaa seddax sarkaal oo mid aad loogu tuhmayo inuu xerada gaari ku soo geliyey ninka is-miidaamiyey.

Saraakiil kuwa amniga ah ayaa soo dusiyey xogta ragga la hayo, kuwaas oo gaaraya seddax sarkaal oo G/Sare uu ugu sareeyo, baaritaano hordhac ah oo durbadiiba la sameeyey ayaa lagu soo qabtay ragaas, waxaana ku socda baaritaan adag.

Sarkaalka ugu darajada sareeya oo heysta G/Sare ayaa la aaminsan yahay in ninka is qarxiyey uu keenay xerada, isla markaana uu ka tegay, ninka naftiisa haligay waxaa u suurta gashay inuu gaaro goobtii ugu dambeysay ee ciidanka lagu feyliyey.

Ugu yaraan 25 askari ayaa geeriyootay 70 kalena waa dhaawacmeen qaraxaas, waxay aheyd subax hore oo ciidanka la geliyey feylal dhaadheer, si loogu bilaabo dhibow looga keenay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Askari ka mid ah ciidanka dhaawacmay ayaa laga soo xigtay inuu arkay ninka is-qarxiyey oo ku soo socda iyo askari kale oo ku qeylinaya “War ninkaan ma qarxi rabaa? War kala carara” kadibna wuxuu sheegay in ninkii uu sidaas ku qarxay.

Arrintaan waxay abuurtay jaho wareer weyn, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si adag uga hadlay, waxaana hadda laga war sugayaa baaritaanada ku socda saraakiisha la tuhmay.

Daawo: R/W Xamza oo si aan la fileyn uga hadlay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan dalka Tanzania ayaa si aan laga filaneyn uga hadlay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho.

Xamza oo khudbad u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Tanzania ayaa hadal jeedintiisa kusoo kooban tacsi uun, taas oo uu diray ehellada askartii lagu waayay weerarkaas oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

“Waxaan rabaa inaa ku bilaabo tacsi aan u dirayo geesiyadeenii shalay ee dhibaatadu ku dhacday ee nimankii fuleeyada ahaa mid kamid ahi uu isku dhex qarxiyay, deedna uu culeys kasoo gaaray qaar kamid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Intii dhimatay Allaha u naxariiriisto inta dhaawaca ahna Ilaahey ha u boogo dhayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed falkaas waan uga tacsiyeyneynaa”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay wax laga xumaado, isla-markaana ah fuleynimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Arrintaan waaa arrin laga xumaado waa fuleynimo aan horay uga soo baranay nimankaas ee dhibka badan” ayuu mar kale ku yiri Khudbaddiis ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Marmnaba ra’iisul wasaaruhu sooma hadal qaadin tallaabada ay qaadeyso xukuumaddiisa ee ku aadan shakiga ka dhashay weerarkan, maadaama uu ka dhex dhacay xero ciidan oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, laguna dilay askar badan oo ka tirsan dowladda federaalka.

Arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah in ra’iisul wasaaruhu uu tacsi uun ku soo kooban warkiisa, halkii uu qaadi lahaa tallaab degdeg ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Cabeyd Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka falceliyay hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Ra’iisul wasaare tan hadda lama rabee waxna ma tareysee kuwa hadda qirtay inay ilmaha haligeen soo qabo oo mudankooda marsii hooyooyinkaa Soomaaliyeedna caloosha u qabooji”

Weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ahaa is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay xerada, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay Marka.

Si kastaba, weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan

Daawo: Laba agaasime oo la horgeeyay maxkamadda gobolka + Lacagta loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta kasoo muuqday laba agaasime oo loo haysto musuq, gaar ahaan xatooto xoolo dadweyne.

Labada mas’uul ayaa ka ah Cabdullaahi Maxamed Cali, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  XFS iyo agaasimihii xilkan kaga horreeyay Maxamed Cadde Mukhtaar, kuwaas oo kamid ah mas’uuliyiinta haatan loo soo xiray musuq-maasuqa.

Ugu horreyn guddoomiyaha maxkamadda ayaa goobta ka aqriyay eedda loo haysto labada agaasime, taas oo ah musuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale eedda kusoo bandhigay lunsashada lacag malaayiin dollar ah oo loo haysto labada eedeysane, taas oo ay soo gudbisay xeer ilaalinta qaranka.

Eedeysanaha koowaad oo ah Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan 8 Milyan 667 kun 220 Dollar, taas oo la waayey intii u dhexeysay 6 August ee sanadkii 2020-kii illaa 20-ka bishii April ee sanadkan aynu ku jirno 2023-ka.

Sidoo kale waxa lagu eedeeyay inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu sii xawilay lacagtaas oo uu uga faa’iideystay si shaqsiyan ah, sida lagu xusay eedda labaad.

Sidoo kale Maxamed Cadde Mukhtaar oo isna ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag gaareyso 3 milyan 604 kun iyo 900 oo dollar taas oo lagu waayay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Maxamed Cadde ayaa sidoo kale loo haystaa inuu tirtiray raadka, isla-markaana uu si shaqsiyan ah uga faa’iideystay lacagtaasi malaayiinta dollar ah.

Labada eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana haatan socda dood u dhexeyso qareenada iyo xeer ilaalinta qaranka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka

Wiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad

Washington (Caasimada Online) – Hunter Biden oo ah wiilka madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu maanta kasoo hor muuqdo garsoore federal, si uu u qirto laba dambi oo la xiriira canshuur khiyaameyn iyo inuu haystay hub xilli jirkiisu daroogeysnaa.

Dambi qirashadan ayaa qeyb ka ah heshiis uu la galay Waaxda Cadaaladda Mareykanka, kaasi oo ay u badan tahay inuu badbaadiyo in xabsi uu galo.

Garsooraha Maxkamdda Degmada Federaalka Delaware, Maryellen Noreika, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, islamaraana guddoomin doonta dhageysiga dacwadda, ayey qasab tahay inay saxiixdo heshiiska.

Heshiiska oo lagu dhowaaqay bishii tagtay ayaa imanaya kadib sanado ay Waaxda Caddaaladda baaritaan ku haysay canshuuraha iyo ganacsiyada dibedda ee wiilka labaad ee madaxweynaha, kaasi oo qirtay in uu daroogo isticmaaleyey tan iyo 2015 markii uu dhintay walaalkiis Beau Biden.

Inkasta oo sharci ahaan ay tani soo afjari doonto kiiska Hunter Biden, islamarkaana meesha ka saari doonta maxkamadeyn socon laheyd toddobaadyo ama bilo, haddana xasaraddiisa siyaasadeed ayaa taagnaan doonta.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa ku adkeysanaya in Hunter uu helay heshiis dabacsan, xilli Waaxda Caddaaladda ay sii wado baaritaanada ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ugu cad cad xubnaha Jamhuuriga ee u taagan doorashada madaxweyne ee 2024.

Trump ayaa horey u wajahayey kiis ka furan New York, iyo mid federaal oo uu ku wajahayo Florida. Hase yeeshee wuxuu 19-kii July sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Trump ayaa sheegay inuu warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya in aan cadaaladda loo sinneyn, ayaga oo sheegaya in wiilka madaxweynaha xaaladda loo fududeeyey halka Trump si xooggan loo eryanayo.

AP + VOA

Daawo: Madaale oo su’aallo ka keenay qaraxii xarunta Kulliyadda Jaalle Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacDay degmada Yaaqshiid ayaa ka hadlay weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabab.

MadaalE ayaa su’aallo ka keenay weerarkan oo ahaa is-miidaamin, isla-markaana lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha xeradaas oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada askarta lagu laayAy weerarkaas, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ciidamo halkaasi faylsanaa mid inta uu isa soo miidaamiyay isku qarxiyay” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Su’aasha qiyaamo ku sugeysaa waxay tahay (بِاَيِّ ذَنْۢبٍ قُتِلَتْۚ) qofkaani maxaa ku dishay?.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalkiisa sii wataa ayaa sidoo kale la gar-naqsaday kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in arrin nasiib darro ay tahay in qofka uu is qarxiyo.

“Runtii waa nasiib darro inuu naftiisii goo gooyo jirkiisa, cad cad uu haado, madaxiisa uun uu soo haro, isaga oo dhahaayo waa ku Janno tegaayaa” ayuu mar kale yiri Madaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo tuhun uu xoogleh uu ka dhashay qaraxii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo haatan loo soo xiray illaa saddex sarkaal oo loo haysto inay wax ka fududeeyeen, gaar ahaan in ninka is qarxiyay ay geliyeen gudaha xeradaasi.

Weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Horseed, gaar ahaan garooonka kubbada cagta Xasey Kumari.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in qaraxan lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo marayay halkaasi, balse ma cadda khasaaraha kasoo gaaray.

Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaashu.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo madaxda HirShabelle oo ku aadana qaraxaas lala beegsaday ciidanka howlgalka ATMIS.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Horseed oo ah goobta uu qaraxu ka dhacay.

Jowhar ayaa maalmihii dambe waxaa ka dhacayay falal amni darri, waxaana u dambeeyay qarixii todobaadkan lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo iyaguna ku sugnaa goobta, xilliga uu weerarka dhacayay.

Si kastaba, waxaa magaaladaan Jowhar horay weeraro culus uga fulisay Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday Jowhar oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle,

Shan dal oo YURUB ah oo qaaday tallaabo ka dhan ah Ukraine – Maxaa isbeddelay?

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ugu baaqay dalalka Midawga Yurub inay hubiyaan inaan wakhtiga loo kordhin waxa uu ugu yeedhay mamnuucidda “aan la aqbali karin” ee ay shan dal oo Yurub ahi ku soo rogeen in sareenka Ukraine loo dhoofiyo dalalkooda.

Zelenskyy ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay mid aan ka tarjumaynin mabaadi’da Yurub, xilli shan dal oo ku yaalla badhtamaha Yurub ay doonayaan in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska mamnuucaya soo dejinta sareenka Ukraine.

Heshiiskaas oo haatan wakhtigiisu ku egyahay bisha September 15-keeda, hase ahaatee waxay rabaan in la gaadhsiiyo illaa dhammaadka sannadka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in tallaabo kasta oo wakhtiga loogu kordhiyo mamnuucidda lagu soo rogay sarreenka Ukraine, inay tahay mid aan la qaadan karin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dalkiisu uu kala shaqaynayo cid walba sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka jira.

Midawga Yurub ayaa bishii May ogolaaday in dalalka Bulgaria, Hungary, Poland, Romania iyo Slovakia, inay mamnuuci karaan in sareenka, gallayda iyo dalaga kale ee beeraha ee ka soo go’a Ukraine in aan lagu iibin karin gudaha dalkaas, hase ahaatee ay ruqsad u siiyaan in dalalkooda ay dhex mari karaan, si loogu iibgeeyo suuqyada kale ee Yurub ama caalamka.

Dalalkan ayaa qaarkood waxay si weyn uga taageeraan Ukraine, sidii ay isaga caabbin lahayd dagaalka ay kula jirto Ruushka, hase ahaatee waxay ku doodayaan, in haddii ay ogolaadaan sareenka iyo wax soo saarka kale ee beeraha ee Ukraine, inay dhaawac u geysan doonto beeralaydooda.

Poland ayaa sheegay inay qaadi doonin mamnuucidda ay soo rogtay, xataa marka la gaadho bisha September, ama xataa haddii Midawga Yurub uu isku raaci waayo in wakhtigaas la kordhiyo.

Ciidanka xoogga dalka oo Al-Shabaab dib uga qabsaday degaan hoos taga Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dib ula wareegay degaanka Gaafgaduud-buurey ee gobolka Bay oo Axadii toddobaadkaan ay dagaal kula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku nool deegaankaas ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay gudaha u galay deegaanka, waxayna dib u degeen xeryahoodii ay Axadii soo baneeyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isaga carartay deegaankaas markii ay ka war-heleen in ciidanka xoogga dalka ay ku soo wajahan yihiin oo duulaan ay ku soo yihiin Goofgaduud.

Ciidanka xoogga dalka oo Axadii 23-kii bishaan soo baneeyey deegaankaas, kadib dagaal kooban oo Al-Shabaab ay kula galeen ayaa shalay lagu amray inay u xoreeyaan Goofgaduud-buurey.

Deegaankaan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa 30 KM kaliya u jira magaalada Baydhaba oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamullada ay dhibaatooyinka ugu badan ku heyso kooxda Al-Shabaab.

Mar kasta waxaa dhacda in deegaanka Goofgaduud ay isku bed-bedelaan ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, waxaana taas u sabab ah goobta istiraatiijiga ah ee deegaankaasi uu ku yaallo, sida ay qabaan quburrada ammaanka.

Wuxuu ka mid yahay deegaanada laga difaaco magaalada Baydhaba, waxayna bulshada reer K/Galbeed dareemaan qalqal xoog leh, markii Goofgaduud ay u gacan-gasho kooxda Al-Shabaab, taas oo sababta in mar kasta ciidan lagu amro inay dib u xoreeyaan deegaankaas.

Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed waxaa culeys daran ku heysa kooxda Al-Shabaab oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay uga soo adkaadeen dagaallo culus oo bilihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

BF oo wasiirka dhallinyarada ku qabsaday miisaaniyad ay dowladda Qatar yaboohday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada & ciyaahaha Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo hortegay Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiyay shaqada wasaaradda iyo sidoo kale guud ahaan ciyaaraha waddanka.

Wasiirka ayaa su’aallo adag kala kulmay xubnaha guddigan oo u yeeray, si ay ugala xisaabtamaan shaqada wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Mid kamid ah xildhibaanada ku jira Guddiga Arrimaha Bulshada ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu dib u dhigay wasaaradda, sidoo kalena uu ka gaabiyay dib u dhiskeeda.

“Wasaaraddii dib u dhac ayaa ku sameysay dowladda Qatar diyaar ayey u aheyd budget-ka dib u dhiska wasaaradda 700 oo kun ayaa ku baxee,” ayuu weydiiyay mid kamida guddiga.

Maxamed Barre oo sidoo kale xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka horyimid su’aashaas, isaga oo sheegay in xildhibaanka looga baahan yahay caddeyn rasmi ah.

“Xildhibaane marka aan ku dhahaayo qiila iyo wa qaala annaga kuma shaqeyn karnee caddeyn aan ku shaqeyno” ayuu yiri wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Sidoo kal wuxuu raaciyay “Inaad doodo caddeyn ma aha waa inaad warqado keentaa oo tiraahdo waxaan ayaan haayaa af wax lagaaga soo sheegay looma baahna”.

Dhanka kale wasiirka ayaa waxaa laga weydiiyay horumarinta ciyaaradaha dalka, gaar ahaan waxa ka jira in tebinta Soprtiga loo xiray hal Telefishin oo kaliya.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in arrintaas ay sababtay wada shaqeyn la’aan ka dhex jirtay qaar kamid ah bahda warbaahinta iyo xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo isku fahmi waayay hab tebinta ciyaaraha, balse waxa uu tilmaamay in hadda ay xalliyeen.

“Shalay ayaa u dambeysay xafiiskeyga muddo saddex saacadood dood dheer waxaa ku yeeshay oo aan ku dhex dhexaadinayay tv-yada gaarka ee tabiya Sportiga hoggaanadooda iyo xiriirka Kubadda Cagta oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa wax weyn iskuma khilaafsaneyn waxaa la’isku fahmi waayay oo kaliya qaabka tebinta,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu beeniyay in wasaaradda iyo xiriirkaba ay lacago ka qaadaan Talafishinada gaarka loo leeyahay marka ay kasoo warramayaan garoomada ciyaaraha.

“Hal doolar cid ka qaado malaha, waana soo weydiin kartaa, waana soo baari kartaa, laakiin  wixii war suuqeen ah waa gaar,” ayuu mar kale ku jawaabay wasiirku.

Wixii Soomaaliya kasoo qaldamay tan iyo xorriyaddii oo looga shiray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir socday muddo laba maalin ah, kaasi oo ahaa mid si cilmi ah loogu eegayay dowladnimada Soomaaliya iyo waxyaabihii khaldamay laga soo billaabo illaa iyo goortii uu dalka xorriyadda uu ka qaatay gumeystahii reer Yurub.

Shirkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay cilmi baaris kala duwan iyo doodo ay ka qeyb-galeen aqoon-yahan muddo dheer ka shaqeynayay waxbarashada sare ee dalka iyo jaamacado ku yaalla dibadda.

Shirkaan ayaa waxaa soo agaasimay hay’adda cimi-baarista iyo hor’umarinta barigaa Afrika ee loo yaqaanno DAD.

Guddoomiyaha hay’addaas Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo la hadlay VOA ayaa sharaxay micnaha shirkaan uu maanta u leeyahay Soomaaliya iyo dowlad-dhiska dalka.

“Waxaa laga hadlayay labadaas maalmood dowlad-dhiska Soomaaliya laga soo bilaabo 60-kii illaa maanta, cashiradii laga bartay maxay ahaayeen?, maxaa soo khaladnay? maxaa noo saxmay?, wixii aan dhaxalnay maxaa burburiyay? iyo sidee mustaqbalka u iftiiminaa si looga baxo dhibaatooyinka dalka ragaadiyay ee run ahaantii mudada dheer uu la dhaqaaqi la’aa.”

Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa waxa sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray gefafkii lagu dhacay tan iyo xilligaasi, iyo wixii laga dhaxlay, si mustaqbalka Soomaaliya u hagaago.

“Danta laga leeyahay cilmi baaristaan waa in wixii hore duruus ka barano oo mustaqbalkeena si ilbaxnimo ah u dhisno, oo aan lasoo cel-celin gefkii hore. Dadka waxaa ugu caqli xun dad ku noq noqday meeshay ku socdeen ama gefkii lasoo galay dhamaan dib usoo celinaya, geedi socodkeena waxa uu la hakanayo waa in aan dariiqa si sax ah loo sameyn.”

Waxa uu sheegay in shirkaan noociisa uu ku cusub yahay, loona baahan yahay in la joogteeyo, si dowlad-dhiska dalka uu waddo saxan maro, markalena lagu dhicin gefkii kalal hore lasoo maray, sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta wixii aan maalinkii xoriyadda qaadanay ku fikiraynay iyo maanta siduu yahay cirka iyo dhulka intuu isku jiro ayuu isku jira. Waxaa weli la isla baadhin wixii waxan keenay, gefafkii shirar lagama qaban oo dood lagama gelin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in aragtiyada ka dhasha shirarka noocaan ah ee heerkoodu sarreeyo ay tahay inay meel-mariyaan madaxda sare ee dowladda, si loo caddeeyo wixii khalad ah ee lagu qaadi karo masuuliyiinta iyo cidda masuuliyadeeda qaadaneysa oo ah dowladda.

Traitor suspected in deadly Somali military base attack

Mogadishu (Caasimada Online) – Following the devastating attack on a military base in Somalia, which resulted in the death of 25 soldiers and injuries to over 70 others, Sheikh Adan Mohamed Nur, the acting president, has publicly denounced the act as “cowardly, merciless, and unreligious.” 

With suspicions of internal involvement in this atrocity, he has insisted on a thorough and rigorous investigation, emphasizing the necessity of bringing those culpable to justice.

The assault, described as a “merciless and unreligious” act by the speaker of Somalia’s lower house of Parliament, Sheikh Adan Mohamed Nur, has sharply highlighted the nation’s security situation.

Nur, popularly known as Adan Madobe, condemned the bombing in the strongest terms. Suspecting that traitors may have facilitated the attack, he called for a stern investigation to apprehend the culprits.

“Among the officers, there are good, hard-working, dignified people, but the traitors have facilitated this act. It’s utterly intolerable,” Nur said in a state media video.

Al-Shabab’s deadly strike

Claiming responsibility for the attack was the al-Shabab militant group. They affirmed that one of their suicide bombers had carried out the strike, as conveyed via a statement on the communication app, Telegram.

The attack occurred when a suicide bomber detonated his vest while soldiers were lined up after breakfast. The victims had recently been deployed to Mogadishu for additional training and re-equipping.

Nur, acting president while President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre are out of the country, called on the country’s security personnel to vigorously pursue the investigation.

He demanded, “The criminals hiding among the army, facilitating the enemy, must be apprehended and brought before justice… I want a satisfactory answer.”

According to two anonymous Somali security officers, who spoke to VOA, the ongoing investigation has led to the arrest of three military officers, including a colonel, for suspected involvement in the bombing.

The high-security dilemma

Despite the base’s high security, there are questions surrounding how the suicide bomber breached the perimeter.

One of the anonymous officers insisted the bomber was not a member of the Somali National Army.

However, another officer pointed out that the base housed different units, including personnel from land forces and military transport sectors, suggesting the possibility that the bomber exploited a lack of familiarity among the soldiers.

“This is not a place you can just show up. It’s not a normal place,” Nur commented, seeking answers on the security breach.

The attack has resulted in national outrage and mourning, mainly as the soldiers were “massacred” at their base rather than on the battlefield.

Nur noted, “If they had been killed on the battleground, the Somali people would have just said, ‘May Allah bless their souls.’ But it’s disappointing they have been massacred on their base.”

This tragic event underscores the ongoing security challenges that Somalia faces. Further, it highlights the urgency for thorough investigations and enhanced security measures.

US scrutinizes UAE’s bold bid for Fortress Investment Group

Washington (Caasimada Online) – The US government is reviewing a plan proposed by Abu Dhabi’s sovereign wealth fund, Mubadala, to acquire a majority stake in the New York-based Fortress Investment Group.

According to the Financial Times, concerns over national security issues arising from the UAE’s connections to China have prompted this review.

Mubadala, a holding company that functions as a sovereign wealth fund, set plans to procure a significant share in the $46bn US firm from Japan’s SoftBank Group in May.

This strategic acquisition is set to culminate in 2024 and will endow the Emirati fund with a 70 percent stake in Fortress’ equity.

UAE’s China ties: A recurring hurdle

The Committee on Foreign Investment in the United States (CFIUS) has the deal under its purview, and the review is reportedly in its “early stages.”

However, the UAE’s ties to China have become a recurrent issue in its relations with Washington.

Most notably, these ties played a crucial role in derailing Abu Dhabi’s negotiations with Washington to acquire the F-35 fighter jet over concerns that Beijing could access sensitive US technologies.

This situation illustrates the mounting competition between Washington and Beijing in the Gulf region.

Notably, China has positioned itself as the primary buyer of Gulf states’ oil and has provided sensitive technology to Saudi Arabia, Qatar, and the UAE.

Last year, Chinese tech giant Huawei secured a contract to launch 5G technology in the Emirates, signaling a strategic win.

An independent foreign policy

Increasingly, Saudi Arabia and the UAE have been willing to adopt a less dependent foreign policy on Washington.

These shifts emerge amidst concerns over the US’s commitment to their security.

In May, the UAE withdrew from a US-led multinational security force tasked with protecting Gulf shipping.

This decision followed an article in the Wall Street Journal highlighting the UAE’s dissatisfaction with Washington’s lukewarm response to Iran’s seizure of two oil tankers in the Gulf of Oman.

Though the UAE views Iran as a significant threat, it has recently been taking steps to mend ties with the Islamic Republic, including reappointing an ambassador earlier this year. Saudi Arabia soon followed suit in a move facilitated by China.

In the UAE, a nation of seven small monarchies led by Abu Dhabi, business and security are intrinsically linked.

The UAE’s powerful national security advisor, Sheikh Tahnoun bin Zayed al-Nahyan, known for his signature aviator sunglasses, heads the Abu Dhabi Investment Authority, a massive $790bn sovereign wealth fund.

The investigation into this planned acquisition underlines the importance of balancing economic interests with national security considerations, particularly in a global landscape marked by shifting allegiances and emerging superpowers.

Xog: Saraakiil sare oo loo xiray weerarkii Kulliyadda xilli su’aalo ay hareeyeen NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare ayaa loo xiray weerarkii dhimashada badnaa ee shalay lagu qaaday xerada ciidamada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo askar badan lagu laayey. 

Weerarka oo ahaa qarax is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyey qof isku soo dhex daray ciidanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 askari, ayada oo in ka badan 70 kale ay ku dhaawacmeen.  

Qaar ka mid ah askarta dhaawacantay ayaa xaaladdoodu liidataa, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay sii kororto. 

Ilo-wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in la xiray ugu yaraan saddex sarkaal oo uu ku jiro gaashaanle sare, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay gacan ka gaysteen qaraxa. 

Waxaa sidoo kale jira suurta-galnimada ah in saraakiil kale la xiro, ayada oo dowladdu isku dayeyso inay jawaab u hesho wixii dhacay.

Baarayaasha ayaa si gaar ah u xiiseynaya inay ogaadaan cidda ka caawisay ninka is-qarxiyey inuu soo galo gudaha saldhigga weliba isaga oo walxo qarxo wata. 

Dhinaca kale, saraakiisha dowladda ayaa walaac ka muujiyey weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay la beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, kuwaas oo sanadkii tegay aad u kordhay.

Waxaa hadda su’aalo la iska weydiinaya guul-darrooyinka hay’adda sirdoonka NISA, ee ah inay hesho kana hortagto xogta weerarada, ayada oo bilihii dhowaa aanay hay’addu ku guuleysan inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ay kusoo qaado xarumaha ciidanka.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegaya inaysan wax gacan ah oo muuqata ka helin hay’adda sirdoonka, oo ay isku halleeyaan inay la wadaagto xogta weerarada.

Waxay ugu baaqeen xildhibaanada golaha shacabka in hoggaanka hay’adda looga yeero xarunta baarlamanka, si su’aalo looga weydiiyo guul-darrooyinkan sirdoon ee horseeday geerida boqolaal ciidan.

Golaha shacabka oo bayaan xasaasi kasoo saaray qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga difaaca golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay lagu laayey askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Qaraxaas oo shalay ka dhacay kuliyadda tababarrada ciidamada ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa fuliyey dhagarqabe naftiisa haligay oo soo xirtay waxyaabaha qarxa, wuxuuna galaaftay oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 100 askari.

Guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa kulankii ay ka yeesheen qaxaas waxay ka soo saareen war-saxaafadeed, waxayna farriin u direen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas ayaa shir guddoomiyey kulanka, waxayna xubnaha guddigaan ugu horeyn ka tacsiyeeyeen dhagartii loo geystay ciidankii qaranka ee xaruntaas dhiboowa loo keenay, balse lagu qarxiyey.

Xoghaya guddiga difaaca Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa warbaahinta u akhriyey bayaankii uu guddigaasi ka soo saaray qaraxii shalay ka dhacay kuliyadda ciidanka ee Jaalle Siyaad.

“Waxaa dhiirigelineynaa oo garab-taaganahay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ee ku howlan difaacidda qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka guddigaan.

Sidoo kale guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed cod dheer ugu sheegay in Shabaab yihiin khatarta ugu daran ee hortaagan rajada dowladnimada dalkaan.

“Khawaarijtu waa caqabadda ugu weyn ee dalkeena soo food-saartay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, sidaas darteed waxaan bulshada kula dardaarmeynaa inay is garab taagaan ciidankeenna oo ugu hiiliyaan goob kasta oo ay ku arkaan, gaar ahaan fulimaha ay ku sii baacsanayaan haraadiga Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankii ka soo baxay guddiga difaaca ee golaha shacabka.

Hoos ka daawo

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka PUNTLAND?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday Baarlamaanka Puntland, ee uu ku ansixiyay wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.

Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan.

Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Xaliye Yuusuf Maxamed: “Berina muddo kordhin laba sano ah amaa samaysataan mudanayaal?!.”

Cali Ibraahim Cali Mire ayaa isna yiri “Dastuurka waa furan yahay miyaa, wixii maanta laga bilaabo guddoomiye wado halis ah ayaad u bareertay saaka ku soco.”

“Waxaan baarlamaan ma ahane waa ilma Deni oo meel layskugu keenay,” ayuu yiri Subeer oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan tallaabada uu qaaday maanta Baarlamaanka Puntland.

Cabdi Maxamuud ayaa yiri: “Waaba soo wada xaadirteene, War annagaa balo aragnay, diintiinu waa lacag.”

Islaam Maxamed Xaaji: “Shimbirayahow heesa lab sanno Farmaajo iyo waxaan aad dhoob-dhoobteenba waa isku mid xaggee ka dhaqan-galayaan waayahee.”

“Waxaas yaa idinka yeelaya Deni baa idin so laalushaye,” ayuu yiri Shaakir Maxamuud.

Saki Saalax ayaa isna yiri: “Deni hadda siduu rabo maa loo yeelayaa?.”

Wararkii ugu dambeeyay safarka R/W Xamza ee dalka Tanzania + Sawirro

0

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Tanzania ayaa kulamo muhiim ah ka wada gudaha dalkaasi, kuwaas oo uu la qaadanayo madaxda ka qayb-galeysa Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar Es Salaam.

Xamza ayaa maanta kulan doceed la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria, ayaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo war kasoo saaray kulanka ayaa shaaciyay in looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka,.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shalay gaaray magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania, wuxuuna u tegay ka qayb-galka Shirka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.