27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Xubno isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo lagu dilay howlgallo ka dhacay…

0

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta howlgallo kala duwan oo khasaarooyin lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas oo hoostaga Koonfur Gabeed.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay galbeedka Waajid ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan  25 xubnood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, kuwaas oo isku uruursanayay halkaasi.

“Ciidanka Xiogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (Sonna).

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo ka warbixiyay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la dilay 5 kamid ah ay ahaayeen Ajaaniib halka 20 kale kalena ay ahaayeen Soomaali, ayna ku jiraan saraakiil sar sare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubno kale oo dhaawacyo ay goobta kasoo qaadeen, kadib markii ay ka carareen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaradha degmad Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo xoogaga weerarka soo qaaday.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan degan tahay xaaladda degmada.

Waxaa kale oo ay intaasi raaciyay inay dagaalka ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay hub ka furteen.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka.

Daawo: Mucaaradka Puntland oo jawaab culus ka bixiyay go’aankii baarlamaanka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee Puntland ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada maamulkaasi, kadib markii ay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen wax ka beddalka dastuurka dowlad goboleedka Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu tunka weyn mucaaradka kasoo horjeeda Saciid Deni oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa marka hore sheegay in arrintan ay lama filaan ku noqotay, isla-markaana ay soo baxday xilli ay isimadu wadeen dhex-dhexaadin, wuxuuna tilmaamay in jawaab laga sugayo odayaasha dhaqanka ee Puntland

“Isimada howsha galay qodobka koowaad war baa laga sugayaa” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri siyaasiga Xasan Shire Abagaal.

Siyaasigan ayaa sidoo jale wax lagu qoslo ku tilmaamay go’aanka maanta kasoo baxay golaha wakiilada Puntland oo u codeeyay wax ka beddalka dastuurka maamulkaasi.

“Qodobka labaad waxa maanta dhacay waa wax lagu qoslo, waa wax dadka caqliga u saaxibka ah ay u arkaan marka Saciid iyo damaciisa laga reebo waa wax aysan suurtagal aheyn, sidaa ogtihiin saaka waxay dhaheen todobo qodob ayaan furnay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in maanta xildhibaanada lacag loogu qaybiyay golaha dhexdiisa, uuna waxba kama jiraan yahay go’aankooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaalaha kale ee ugubka ah waxaa kamid ah in baarlamaanka dhexdiisa lacag lagu bixiyo oo xildhibaanada saaka golaha dhexdiisa lacag loogu qaybiyo kadibna ay warqaddan gacan u taagaan waxa maanta ay sameeyeen golahaan waa waxba kama jiraan weeye” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id Xasan Shire Abgaal.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Dastuurku waa heshiis bulsho team waqtigoodu dhammaaday sida ay iyagu doonaan uma maamulan karaan, Ummadduna ma daawan karto”.

Xaaladda Puntland ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, waxaana dhowaan dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo kuwa mucaaradka uu ka dhacay magaalada Garoowe.

Daawo: Aadan Madoobe oo sheegay kuwa fudeydiyay qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, haatana ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaasi, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Xoogga dalka.

“Waxaan cambaareyneynaa falkii fuleynimada lahaa, naxariis darrada ahaa ee shalay dhibaatadaas lagu gaarsiiyay ciidamada qalabka sida ee Ummadda Soomaaliyeed u shaqeynaayay, waana ka xunahay” ayuu yiri ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale shaki weyn ka muujiyay weerarkaan, maadaama lagu beegsaday xero ciidan oo muhiim ah, isaga oo tilmaamay in meesha uu ka dhacay ay tahay meel aan caadi aheyn, balse arrintan ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn.

“Meesha shalay raggaasi lagu baabi’iyay meel la’iska imaan karo ma’aha, meel caadi ah ma’aha, meeshaas waxaa ka muuqata mas’uuliyad xumo ayaa ka muuqato” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Laakiin qaa’imiin inay arrintaas fududeeyeen shaki weyn ayaa igaaga muuqda arrintaas aniga, wax loo dulqaadan karana ma’aha,”.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa amray saraakiisha hay’adaha amniga inay saameeyaan baaris degdeg ah, si gacanta lagu soo dhigay kooxdii ka dambeysay qaraxaas iyo kuwii u fududeeyay inay Al-Shabaab gudaha u gasho xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad.

“Saraakiisha iyo ciidamada amniga qaabilsan ee daacadda ah waxaan amrayaa arrintaas in baaritaan xoogleh lagu sameeyo, dambiileyaasha isku dhex qarinaya ciidamada qalabka sida oo cadowga u fududeynaayo in gacanta lagu soo dhigo” ayuu markale yiri Madoobe.

Weerarkan oo ahaa is-miidaaminta ah ayaa waxaa fuliyay naftii halige Shabaab ah oo galay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xilli ay safaf dhaadheer ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Marka.

Si kastaba, weerakan ayaa sababay dhimashada illaa 25 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.

Xog: KHILAAF horleh oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo beelaha deegaannada…

0

Ceelbuur (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha dega degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa ka taagan gobolkaasi.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, khilaafkan ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii kooxda ay siyaabo kala duwan isugu dhaceen qabaa’ilada dega bariga gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Ceelbuur.

Xiisadda ayaa markii hore kasoo bilaabatay deegaanka Wabxo, halkaasi oo dhallinyaro deegaanka oo ka carooday fal gacan qaad ah oo mid kamid ah xubnaha Al-Shabaab uu u geystay gabar maqaayad ku iibineysay halkaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Arxan-laawihii ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa garaacis nafta ku dhaafsiiyeen saddex dhalinyaro ahaa oo ka carootay falkaasi gacan qaadka ah,” ayay tibaaxeysa xogta laga helayo sida ay xiisaddaan ku bilaabatay.

Kooxda ayaa intaas kadib gacanta kusoo dhigtay saddexda dhalinyaro ah, iyaga oo usoo qafaashay degmada Ceelbuur. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa go’aamisay in dhalinyaradaasi la toogto.

Odayaasha dhaqanka Ceelbuur ayaa arrintaasi ka biyo diiday, iyaga oo is hortaagay in la toogto dhalinyaradaan reer Wabxo, taasi oo keentay in ay isku dhacaan horjoogayaasha Al-Shabaab iyo odayaasha dhaqanka degmada Ceelbuur.

Xiisaddan ayaa uga sii dartay khilaaf horay uga dhaxeeyay odayaasha dhaqanka Ceelbuur iyo horjoogayaasha kooxda ee ku sugan halkaasi, taasi oo salka ku haysay kadib markii odayaal dhaqameedyo diiday inay bixiyaan lacago baad ah oo ay Al-Shabaab ku soo rogtay, laga soo qafaashay deegaanka Garable isla gobolka Galguduud ka tirsan.

Falkaasi odayaasha reer Garable lagu soo qafaashay ayaa waxaa la sheegay inuu hoggaaminayo oo Ceelbuur ku soo xiray odayaasha dhaqanka horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla deegaanka Garable, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkan ayaa si cad u diiday inuu soo daayo odayaashaas adeeradiis ah ee uu soo xirtay, kadib markii waan-waan ugu tageen odayaal ka tegay deegaanka Ceel-garas oo ugu yimid Ceelbuur.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si adag uga biyo diiday in ay bixiyaan lacagtaasi baadda ah ee kooxda ku soo rogtay odayaasha ugu xiran Ceelbuur.

Arrimahan ayaa sii xoojinaya khilaafka horjoogayaasha Al-Shabaab kala dhaxeeya dadka degan bariga gobolka Galguduud, iyada oo xiisaddanina ay gaartay meel aad u sareysa, maaddaama horjoogayaasha ku jira kooxda ee ka soo kala jeeda labada beel ee deegaankaasi dega aanay dooneyn in laga horyimaado amaradooda, taasi oo keentay in dhexdooda isgaad-gaad ka billowdo.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelbuur ayaa ahayn odayaashii ugu horeeyay ee si cad isaga horyimaadaan kooxda, waxaana sidan oo kale Al-Shabaab uga horyimid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, taasi oo markii dambe soo dedejisay cimriga joogitaanka kooxda ee gobolkaasi.

Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan.

Maxay DF Soomaaliya ka tiri fadeexaddii kusoo baxday madaxtooyada HirShabeelle?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday maamulka HirShabeelle, taasi oo la xiriirtay hanaanka loo maareeyay macalimiin la siiyay maamulkaasi.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa meesha looga saaray fadeexaddaasi, ayada oo wasaaraddu sheegtay in aysan jirin macalimiin loo gacan geliyay maamullada, si ay usoo qortaan.

“Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta HirShabeelle. Guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madax-bannaanaayeen fara-gelin dhanka dowlad-goboleedyada ah.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay u dirtay HirShabelle oo ku saabsanaa arimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta HirShabeelle-na uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale.

Bayaanka Wasaaradda ayaa imanaya ka gadaal markii ay soo baxday fadeexadda ah in maamulka HirShabeelle uu musuq-maasuqay macallimiinta maamulkaasi la siiyay, ayna leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle.

Sida horay ay usoo dusiyeen saraakiil HirShabeelle ah, kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle, iyadoo lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada HirShabeelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta.

Dad badan ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taasi oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey magaaladaas.

Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya;

War-saxaafadeed

Ujeeddo: Caddeyn Habraacii loo maray qaadashada macallimiinta saddexda kun ee Qaranka.

Maalmahaan waxaa baraha bulshada lagu faafiyay in Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ay warbxin ka soo saartay macallimiinta wasaaradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wararkaas oo sheegaya in musuqmaasuq uu ka dhacay howlaha macallimiinta.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka waxa ay halkaan ku caddeyneysaa in aysan sal iyo raad toona lahayn wararkaas laga faafiyay macallimiinta Hirshabeelle.

Habraaca qaadashada macallimiinta saddexda kun ee dhammaan dowlad goboleedyada xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir waxaa loo maray hab daahfuran oo loo simman yahay, waxaana gacanta ku hayey guddi si gaar ah loogu xilsaaray oo u madaxbannaanaa arrimaha qaadashada macallimiinta, si hufanna u maareeyay howshooda.

Habraacii qaadashada macallimiinta waxa uu maray heerar kala duwan oo ka koobnaa: Codsi online ah, hubin shahaaddooyin, imtixaanno qoraal iyo Af, iyo xallinta cabashooyinka ka imaanayey tallaabo kasta oo la qaaday.

Waxaa hadda dhammaan intii ka soo gudubtay habraacaas dhameystiran uu si habsami ah tababar uga socdaa xarumihii loo asteeyay oo kala ah magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledwyene, Muqdishu, Baydhabo, iyo Kismaayo.

Haddaba waxaan marlabaad halkaan ku caddeyneynaa in guddigii waday howsha qaadashadaasi ay ka madaxbannaanaayeen faragelin dhanka Dowladgoboleedyada ah.

Waxaan kaloo halkaan ku caddeyneynaa in uusan jirin wafdi kormeer ah oo ay wasaaraddu u dirtay dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku saabsanaa arimaha la xiriira macallimiinta, habraaca loo soo xulay macallimiinta Hirshabellena uu la mid ahaa kii ay soo mareen macallimiinta gobollada kale.

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa wasiirrada waxbarashada dowlad goboleedyada iyo madaxweynayaashooda oo taageero weyn la garab istaagay habsami u socodka howsha.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe uu mar walba u taagnaa taageerada howshan.

Hoobiyayaal lagu weeraray xero ku taalla MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro hoobiyeyaal ah oo saaka lagu garaacay xerrada Maslax ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online oo la hadashay sarkaal ku sugan xerada ayaa inoo xaqiijiyay in hoobiyayaasha lagu weeraray, ay ku kala dhaceen gudaha iyo banaanka xerrada Maslax.

Ciidamada ku sugnaa xerada lagu weeraray hoobiyeyaasha ayaa markiiba sameeyay howl-gal, iyaga oo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo weerarka, sida uu Caasimada Online u sheegay sarkaalka la hadlay.

Xerada Maslax ayaa waxa degan ciidamo milatari, gaar ahaan gutooyinka lagu magacaabo Khaalid Bin-Waliid iyo Cumar Bin-Khadaab, kuwaasi oo loo diyaariyay wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imanaya maalin kadib un qaraxii is-miidaaminta ahaa ee naftii halige Shabaab ah uu ka fuliyay Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasi oo uu ka dhashay khasaare xooggan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.

Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer.

Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan.

Saraakiisha laga helay xogta khasaaraha gaaray ciidanka waxay sheegeen in ninka is-miidaamiyey uu soo dhex-galay ciidanka oo ku jiray safaf dhaadheer, waaberigii hore ee shalay.

Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay daqiiqado kooban kadib markii uu shalay qaraxaasi dhacay, illaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada.

Guutada ay ka tirsanaayeen ciidankaan la beegsaday ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 2017-kii, xiligaasi oo kooxda Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysteen qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Zoobe oo dhacay 14-kii October.

Shaki weyn oo laga muujiyay qaraxii Kuliyadda: “saraakiil labo shaarlayaal ah ayaa…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay Kulliyadda Ciidamada ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa shaki xooggan ka muujiyay sida uu dhacay weerarkaasi.

Weerarkaas oo ahaa is-miidaamin ayaa shalay lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana la xaqiijiyey in qaraxaas ka dhacay kuliyadda uu fuliyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la shaacin sida ay ugu suurta gashay inuu soo galo xerada.

Xildhibaan Macalimuu ayaa shaki weyn ka muujiyay sida uu ninka is-miidaamiyaha ah uu ku tegay halkaasi, maadaama marka la eego goobta ay ku taal kuliyadda, sida loo ilaaliyo iyo baraha koontorool ee la maro aysan suuragal aheyn in qarax xajmigiisu intaa la egyahay in xeradaas la galiyo.

“Waxa aan aaminsanahay in dhalinyaradaasi difaaca dalka dareeska u xirnaa in lagu laayay shirqool gudaha ah oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin saraakiil labo shaarlayaal ah oo dhiigooda faaiido ku helay,” ayuu Macalimuu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo baaris deg deg ah, taasi oo ay hormuud ka yihiin dad aqoon u leh, horseedana in la helo kuwii fudeeyay iyo kuwii dayacaadda sameeyay intuba, sharcigana loo marsiiyo.

Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October ayaa waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay isla shalay daqiiqado kooban kadib markii uu qaraxaasi dhacay, ilaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada.

Hoos ka aqriso qoraalka Macalimuu oo dhameystiran;

Waxa aan murugada la qeybsanayaa hooyooyinka, aabayaasha Soomaaliyeed iyo ehelada ay ka baxeen wiilasha ciidanka XDS ee maanta lagu laayay qarax ka dhacay Kulliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad. Inta dhaawacana Allaha bogsiiyo.

Dareenka waalidiinta aan ku arkay Isbitaal Ex Digfeer waxa uu ahaa mid uurkutaallo weyn ku abuuraya qof kasta oo leh damiir aadminimo.

Waxa aan aaminsanahay in dhalinyaradaasi difaaca dalka dareeska u xirnaa in lagu laayay shirqool gudaha ah oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin saraakiil labo shaarlayaal ah oo dhiigooda faaiido ku helay.

Kulliyada Jaalle Siyaad waxa ay ka mid tahay kulliyadaha ciidan ee ugu magaca weyn dalka ee lagu leyliyo saraakiisha. Marka la eego goobta ay ku taal, sida loo ilaaliyo iyo baraha koontorool ee la maro suuragal maaha qarax xajmigiisu intaa la egyahay in xeradaas la galiyo, la keeno dhagarqabihii fulin lahaa , fursad uu u helo inuu isku soo xiro, la fahmi waayo , waxana ay tani caddeyneysaa shirqool la soo gardaadiyay in aanu meesha ka marneyn.

Dadka amniga yaqaan waxeey dhahaan qofka xiran jaako walxaha qarxa lagu soo xiray xitaa si saani ah uma laafyoon karo oo dhaqso ayaa lagu fahmi karaa.

Sidaa darteed Dowladeenna gondaha ayaa loogu jiraa waana muuqataa dhagaraha dhacaya marka la tixgaliyo, balse waxa aan soo jeedinayaa baaris ay hormuud ka yihiin dad aqoon u leh in ay horseedo in la helo kuwii fudeeyay iyo kuwii dayacaadda sameeyay intuba, sharcigana loo marsiiyo.

Hadii aan tallaab la qaadin wax badan ayay tani innagu soo noq noqon doontaa , waalidiin badan waxeey ka niyad jabi doonaan magaca Dowlad.

Baarlamaanka Puntland oo maaanta ansixiyay wax ka beddelka dastuurka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa goordhoweyd furmay, iyada oo la guda galay ka doodista wax-ka-beddelka dhowr qodob oo kamid ah dastuurka.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.

Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, halka ay diideen 6 mudane oo kale, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Fadhigii maanta ee Golaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 Xildhibaan.

Sidoo kale, waxay mudaneyaasha isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

Dhinac kale, waxaa iyadna la kordhiyey codadka lagu waayi karo xildhibaanno oo laga dhigey 44 cod, halka uu markii hore u ahaa hal dheeri.

Kulanka Baarlamaanka ayaa imanaya xilli habeen hore lagu kala kacay kulan xasaasi ah oo Saciid Deni uu la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, si uu ugu qanciyo qorshaha furista dastuurka Puntland.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow.

Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale dhawaan dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi, inkasta oo taasi waxba aysan ka beddelin qorshaha Deni uu gadaal ka riixayo, kaasi oo uu maanta guddoonka ku dhaqaaqay.

Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

Xog: Isimada Puntland oo soo bandhigay saddex qodob oo xal u noqon kara xiisadda

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaan weli is-faham laga gaarin xaaladda doorashada Puntland 2024 sida ay u ekaaneyso, ayada oo weli xiisad ay taagan tahay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu weli ku adkeysanayaa in dastuurka wax laga beddelo, gaar ahaan qodobada doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka.

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo hormuud u noqdey waan-waan ay isaga dab-qaadayeen xukuumadda iyo mucaaradka hubeysan ayaan weli miro dhalin.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada Isim ee Ciise iyo Bashiir ay is-faham la gaareen Madaxweynaha, kadibna ay isku dayeen in ay ku qanciyaan Isimada kale ee Garoowe ku sugan oo uu ka mid yahay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, qorshaha ay wadeen kaas oo ahaa:

1- In dastuurka wax laga beddelo oo la kordhiyo tirada xisbiyada siyaasadeed.
2- In doorashada golaha wakiilada lagu galo xisbiyo.
3- In doorashadu ku dhacdo wakhtigeedi 8 Janaayo 2024, laguna galo baarlamaani.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay labada Isim ee Bashiir iyo Ciise waxa ay ka shaqeynayaan ay tahay masiirka Puntland oo keligood aysan lahayn loona baahan yahay in loo dhan yahay masiirka Puntland.

Sidoo kale qodobada ay keeneen ayuu sheegay in ay ku jirto kuwii dagaalka dhaliyey ee aan laga heshiin, sidaas darteed loo baahan yahay xal kale in la helo oo ay dib ugu noqdaan Madaxweyne Deni.

Maxaa la filayaa?

Isimmada labada ah ee waan-waanta ku jirey waxay haystaan labada maalmood ee soo socda in ay so afjaraan waan-waanta ay wadaan, haddii aysan ku guuleysan oo aysan keenin xal lagu kala raysto markasta Golaha wakiiladu waxay bilaabayaan u codeynta wax ka beddelka dastuurka iyo ansixinta xeerka doorashooyinka.

Ma cadda in loo heli karo 44 Xildhibaan oo u codeeya wax ka beddelka dastuurka, haddii taas la waayo waxay guuldarro ku noqon doonitaankii Madaxweyne Deni.

Magaalada Garoowe ayaa xuddun u noqotey khilaafka taagan, horey waxaa looga reebay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, kadib markii siyaasiyiin ka soo jeeda ay hor istaageen iyaga oo filaayey in doorashooyinku sidaas ku baaqanayaan, laakiin waxay ka dhacdey doorashadu 33 degmo oo ka tirsanaa 37 degmo oo la doonaayey in doorashooyinku ka qabsoomaan.

Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo shan arrimood kula taliyey DF, si looga guuleysto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, isagoo jeediyey shan arrimood oo lagu adkeyn karo dagaalkaas, si uu u guuleysto.

1 – In madaxda uu ka go’naado dagaalka lagu suulinayo musuq maasuqa.

2 – In garsoor cadaalad ah la dhiso

3 – In la sameeyo hey’adda madax-banaan, sida maxkamad dastuuri ah, taas oo awood u leh inay qabato ilaa Madaxweynaha.

4 – In la sameeyo sharciyo aan la dhaafi karin oo adag qof kastana qaban kara.

5 – Iyo in la baaro oo musuqa ay sameynayaan oo lagu ciqaabo madaxda ugu sareysa dalka, sida wasiirrada iyo wixii ka sareeya.

“Hadii aan ragga waaweyn lasoo qaban, kuwa yaryar in la bursado waxaba kuma soo kordhineyso, kumana suulayo musuqu, madaxda dowladda waa inay ka hufnaadaan musuqa, si loogu qanco,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Sheekh Maxamed oo u waramay TV-ga Universal ayaa la qeydiiyey waxa ay shareecada Islaamku ka qabto in qofka madaxda ah uu shaqaaleysiiyo qofka ehelkiisa ah.

Shiiqa ayaa sheegay in xilligii saxaabada laga fogaa jiray in qaraabada loo eexdo, sidaas darteed aysan arrinta qaraabeysigu dal iyo raad ku laheyn islaamka, markii la joogo xukunka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal culus ku qaaday musuq iyo dadka sameeya, iyadoo lasoo xiray, qaarkoodna maxkamad lasoo taagay dhowr agaasime.

Sidoo kale waxaa socda baaritaano iyo cagajugleyn ay wajahayaan masuuliyiin sare, halka qaar kalena ay qasab ku noqotay inay dalka isaga cararaan.

Inta badan dadka qaxgaradka ah ee daneynaya in dagaalkaan uu guuleysto ayaa madaxda ugu sareysa dowladda kula talinaya in dagaalka dhab laga dhigo, si looga guuleysto musuqa oo la baaro, madaxda sare oo wasiirradu ugu horeeyaan.

Hoos ka daawo

Faysal Cali Waraabe oo soo saaray DIGNIIN culus kadib markii madaxweyne BIIXI uu…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Waraabe ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee guddiga uu ku sheegay in doorashada ururrada ay horeynaysa, ayna dambeysaneyso tan Madaxtooyada, oo mucaaradka uu rabay inay soo hormarto.

Waraabe ayaa uga digay Muuse Biixi iyo guddiga doorashooyinka, halka ay ku wadaan Somaliland, islamarkaana aysan aqbaleyn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.

“Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururro ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, lagana leeyahay qorshe Muuse Biixi uu xukunka ku dheereysanayo.

“Waxa caddaatay in kooxdani aanay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qabad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad, ayna dabada ku hayso guurtida oo uu sheegay in sharci darro ku joogto, xilli horay muddo kordhin ugu sameeyeen.

“Waxgaradka iyo culimada waa inay u tagaan madaxweyne Biixi, kuna qanciyaan inuu ka horyimaado go’aanka guddida doorashooyinka, uuna qabto doorasho madaxweyne,” ayuu yiri Faysal oo baaq u direy wax-galka reer Somaliland.

Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.

Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo gaaray magaalada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay halkaasi uga qayb-galayaan shir-madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Shir-madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabba-gelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qayb-qaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso, taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aaddan horumarinta bulshada u leh xukuumadda Soomaaliyeed ee Dan-Qaran.

Shirkan oo socon doona maalmo kooban ayaa waxa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo dhaxal-gal ah, sida lagu yiri bayaan kooban oo uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xubnaha wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa kamid ah wasiirka waxbrashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Ujeedka kulankii ay Meloni isugu keentay Xasan Sheekh iyo madaxda Geeska Afrika

0

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga uga qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni ayaa marti-gelisay shirkaan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

Kulankaas waxaa looga arrinsanayey dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga shanta dal ee isugu timid shirkaan oo loogu magac-daray ‘Madasha Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale maanta ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkii maanta ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo.

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

“Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.”

“Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu shirkii QM ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Daawo: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo jawaab yaab leh siiyey Cali Jeyte

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin ayaa u jawaabay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maalin ka hor xildhibaanka ku eedeeyey inuu u bareeri waayey inuu hoggaamiyo beeshiisa, si ay isaga dul-qaado kooxda Al-Shabaab.

Daahir Jeesow ayaa ku dooday in qorshaha uu wato Cali Jeyte ee lagu kala jarayo HirShabeelle uusan aheyn mid ka soconaya Hiiraan, sidoo kale wuxuu aad u dhaliilay sidii uu u hadlay guddoomiyuhu.

Cali Jeyte ayaa horay u sheegay in Jeesow uu ka baqay dagaalka Al-Shabaab oo xero Digaag uu isku soo sawiray, kadibna ku laabtay Muqdisho, waxaana hadda dhaleeceyntii guddoomiyaha ka jawaabay xildhibaanka.

“Hadaa dagaal ku jirto xero xoolo ku jiraan waad arkeysaa, sawirka uu Cali Jeyte arkay waxaa la iiga qaaday degaanka Buq-goosaar oo 85 KM u jira Beledweyne, gaari dagaal ayaa la iga qabsaday maalintaas, maalintaas waxaan watay ciidan hal qabiil ah, isna ciidankii xoogga dalka ayaa garab taagnaa oo diyaarado dagaal wata,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Cali Jeyte uu ku jisaaray saraakiishii iyo ciidankii xoogga dalka ee Shabaab kala xoreeyey bariga gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa la yaab ku tilmaamay maamulka uu Cali Jeyte ku dhawaaqay ee Hiiraan State, “Cali kaligiis Hiiraan dowlad goboleedk kama dhigi karo, HirShabeelle dhismaheeda taan ka soo marnay Cali Jeyte uga tanaasuli meyno,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa aad u amaanay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow, “Markii biya baxadu nagu dhacday Sufurow galbeedka Hiiraan ayuu raashin igala qeybinaayey, nin ka fiican sooma xukumin gobolkaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii xildhibaan Daahir Jeesow ayaa guddoomiye Cali Jeyte ugu baaqay inuu muujiyo masuuliyad, “Caliyow aniga iyo adiga miyi ayaan ka nimid ee ‘nooh-daan’ iska yarey sidii nin masuul u hadal, dadkana ha isku dirin,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo farriintaan u diray guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Hoos ka daawo

 

Xog: Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo gaystay khasaare laga yaabay (Faah-faahin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Waxaa la xaqiijiyey in qaraxii saakay ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad uu fuliyey nin soo xirtay waxyaabaha qarxa, inkastoo aan la shaacin sida ay ugu suurta gashay inuu soo galo xerada.

25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.

Xogtaan waxay sheegeysaa in 24 ka mid ah askarta dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad halis ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Xoogga iyo Digfeer.

Xerada uu qaraxaasi ka dhacay oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin waxay ku taallaa degmada Hodan, waxaana la yiraa Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Saraakiisha laga helay xogta khasaaraha gaaray ciidanka waxay sheegeen in ninka is-miidaamiyey uu soo dhex-galay ciidanka oo ku jiray safaf dhaadheer, waaberigii hore ee saakay.

Ciidanka la qarxiyey oo u badnaa guutada 14-ka October waxaa laga keenay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana u socday dhibow ay ku gelayeen xerada lagu beegsaday.

Kooxda Al-Shabaab ayaa masuuliyadda sheegatay daqiiqado kooban kadib markii uu qaraxaasi dhacay, ilaa hadana lama garan sida ninkaas uu ku galay xerada.

Guutada ay ka tirsanaayeen ciidankaan la beegsaday waxaa la aas-aasay sanadkii 2017-kii, xiligaas oo Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysteen qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Soobe oo dhacay 14-kii October.

Muxuu Xasan oo ka hadlay khudbaddii uu ka jeediyey…

0

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo.

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

“Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.”

“Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxaweynaha Soomaaliya wuxuu shirka Qaramada Midoobey ka sheegay in dowladdu ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada.

Daawo: Guddoomiye Sacdiya oo si kulul uga hadashay tallaabadii uu qaaday Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si kulul uga hadashay in laga hor istaago inay tegto magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Marwo Sacdiya ayaa sheegtay in iyada iyo masuuliyiintii kale oo qeyb ka ahaa wafdi ay horkaceysay uu socdaalkooda ka madhnaa arrimo siyaasadeed, una socdeen deegaankooda.

“Aniga waxay ii aheyd markii labaad, anigoo raashi u wada Boosaaso uu madaxweyne Deni iga soo celiyay. Xishood la’aanta siyaasadeed ee Deni ayaa ku magacaabi karaa iyo ayaan darada, dadka Puntland iyaga garanaya waxay kaga fal-celinayaan,” ayuu tiri Marwo Sacdiya.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaan kamid aheyn dadkii u socday caano-shubka Suldaan Bashiir Suldaan Cabdillaahi, waxaan nahay dadkii deegaanka u dhashay ee metelayay.”

Wafdiga Sacdiya horkaceysay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kale oo dhammaantood kasoo jeeda deegaanada dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sacdiya ayaa sidoo kale waxay shaki gelisay dimuqraadiyada uu madaxweyne Deni raadinayo mar haddii uu masuuliyiintii deegaanka uu ka celinayo magaalada Garoowe, “Anaga oo siyaasad u socon nala soo celiyo iyo inuu shalay uu Deni caalamka u sheegayay waxa ka shaqeynaya dimuqraadiyad.”

Deni ayay weydiisay illaa inta masuuliyiinta ay kamid tahay laga celinayo inay tagaan deegaankooda, “Illaa imisa ayay tahay in aan Puntland soo gelin karin ayaa weydinaya madaxeynaha,” ayey tiri Sacdiyo.

Waxay ka dalbatay Isimida dhaqanka ee Puntland inay badbaadiyaan maamulka, si looga baaqsanayo damaca guracan ee Saciid Deni, islamarkaana ay ka hadlaan sida uu wax u wado madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

“Masuuliyad la’aanta uu sameynayo Deni anaga waxaa door-bidnay in aan intaas ku joojino, waxaa sugeyna in Isimida ay gacanta ka qabtaan oo waddanka ka badbaadiyaan, siyaasad ayuu ku sasay Deni.”

Waa markii labaad oo Sacdiya laga celinayo Puntland, waxayna aheyd sanadkii hore markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso, xilli ay gargaar u waday halkaasi, sababta ayaa Puntland waxay xilligaas ku sheegtay in aysan ku wargelin socdaalkeeda.

Si kastaba, Is hortaagga lagu sameeyay wafdigaan ee maanta laga celiyay Garoowe ayaa kusoo aadaya, xilli uu halkiisii yahay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xog: Wasaaradaha Puntland oo intooda badan xirmaya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradaha Maamulka Puntland ayaa intooda badan qarka u saaran inay gebi ahaanba xirmaan kadib markii kharash la’aan baahsan ku dhacday, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xogta ayaa sheegaysa in wasaaradaha kala duwan ee Puntland aysan badankooda wax kharash ah ka helin wasaaradda Maaliyadda, xilli xukuumadda Deni ay ku mashquulsan tahay arrimaha doorashooyinka.

Tan iyo billowgii sanadkaan ayay wasaaradaha helin kharashkii ay ka heli jireen wasaaradda Maaliyadda Puntland, taasi oo si weyn u saameysay howlihii shaqo ee socday.

Arrintaan ayaa keentay in inka badan shan bilood ay mushaar la’aan ku dhacdo shaqaalaha iyo ciidamada, sida laga soo xiganayo dad xog ogaal ah.

Mushaar la’aanta iyo kharashkii hay’daha dowlad-goboleedka Puntland oo muddo dheer laga la’yahay wasaaradda Maaliyadda ayaa horseeday in ay istaagaan inta badan hawlihii socday.

Sidoo kale mashaariicda horumarinta Puntland qaarkood ayaa istaagay kadib markii uu saameeyay khilaafka madaxweyne Saciid Deni iyo Villa Somalia, oo uu ka dhaxeeyo muran siyaasi ah, oo inta badan ku qotoma dano shaqsi ah.

Arrimahaan ayaa imanaya, iyada oo maamulka Puntland ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay damaca Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo mucaaradka ay meel adag iska taageen.

Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulay damiciisa gaarka ah, kaasi oo ka horyimid madaxweyne ku-xigeenka maamulka, iyada oo xalayna lagu kala kacay kulan lagu qanciyay Axmed Karaash.

Kulankaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi xalay dhexmaray Saciid Deni, Cabdirashiid Yuusuf iyo Axmed Karaash ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii lagu kala kacay.

Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow.

Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Baarlamaanka Puntland ayaa sidoo kale dhawaan dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi.

Diyaarado maanta weeraray MOSCOW iyo Ruushka oo…

Moscow (Caasimada Online) – Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Ukraine ayaa weeraray dhismooyin ku yaalla caasimadda Ruushka ee Moscow iyo bakhaar hub oo ku yaalla gobolka Crimea ee Ruushku ka goostay Ukraine, waxaa sidaas maanta sheegay saraakiisha Ruushka.

Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaarad oo soo galay hawada Moscow, ayada oo wax khasaare ah uusan dhicin.

Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa ku dhacday meel u dhow xarunta wasaaradda difaaca Ruushka ee bartamaha Moscow, halka diyaaradda kale ay ku dhacday dhisme xafiisyo oo ku yaalla koonfurta Moscow.

Weerarada ayaa yimid maalin kadib markii Kyiv ay wacad ku martay “inay ka aargudaneyso” weerar gantaal oo Ruushka ay ku qaadeen dekedda Odesa ee Badda Madow.

Weriyayaasha wakaaladda wararka AFP, oo ku sugan meel u dhow goobta weerarka wasaaradda difaaca ka dhacay ee Komsomolsky Prospekt, ayaa sheegay inay arkeen laba dhisme oo fooqa uu khasaare ka gaaray.

“Waa fadeexad in diyaarad drone oo laga leeyahay dalka Ukraine ay ku dhawaatay wasaaradda gaashaandhigga,” ayuu yiri Vladimir oo ah 70 jir degan Moscow.

Dhinaca Crimea, barasaabka ay Moscow magacowday Sergei Aksyonov ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay soo rideen 11 diyaaradaha drone-ka Ukraine ah.

Waxa uu sheegay in bakhaar hub “la weeraray,” halka guri shacabna ay “waxyeello soo gaartay,” isaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Aksyonov ayaa sheegay in shacabka laga daadgureeyey xaafado u dhow bakhaarka hubka.

Crimea, oo uu Ruushka goostay 2014-kii, ayaa waxay bartilmaameed u aheyd Kyiv intii uu socday duulaanka Moscow ee Ukraine, hase yeeshee waxay toddobaadyadii dhowaa la kulmeysay weeraro sii kordhaya.

Kyiv ayaa marar badan sheegtay inay qorsheynayso inay dib u soo ceshato Crimea.

AFP + VOA

Xog: Kulankii Deni, Jibriil iyo Karaash oo lagu kala kacay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan xasaasi ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka Baarlamaanka Puntland, wuxuuna ujeedkiisu ahaa in Karaash lagu qanciyo qorshaha Saciid Deni ee furista dastuurka, kaasi oo dagaal ka riday magaalada Garoowe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi xalay dhexmaray Saciid Deni, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Axmed Karaash ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii lagu kala kacay.

Madaxweyne Deni iyo Cabdirashiid Yuusuf ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Karaash ku qanciyaan furista dastuurka balse isku-daygaas ayaa fashil ku soo dhamaaday, iyada oo uu ka gows adeygay qorshahaasi madaxweyne ku-xigeenka, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow.

Axmed Karaash ayaa la sheegay inuu iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara, kaasi oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Saciid Deni.

Xogta ayaa intaas kusii dareysa in madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay sidoo kale caawa ku ballansan yihiin kulan dambe oo uusan ku wehlin madaxweyne ku-xigeenka, oo ka horyimid qorshaha wax looga beddelayo dastuurka maamulka Puntland.

Kulankaan ayaa imanaya xilli baarlamaanka Puntland uu dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada, ee ka taagan maamulkaasi.

Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsan in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah isimada Puntland ee Garoowe ku sugan ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada.

Ciidamada kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ee taabacsan mucaaradka ayaa dhankooda sheegay inay dagaal ka xigaan haddii uu baarlamaanku isku dayo in dastuurka wax laga beddelo.

Si kastaba, Isku-deyga wax ka beddelka dastuurka oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Deni ayaa haddii uu ku dhiirado Baarlamaanka horseedi kara qalaalase siyaasadeed iyo mid amni, sidii dhawaan ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.