29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Fal-celiin xooggan oo ka dhalatay safarka madaxweyne Xasan ee dalka Talyaaniga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb-galaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma.

Shirka ugu weyn ee ka qeyb-galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doono shirka kale oo ay qabaneyso QM, kaas oo looga hadli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha.

Haddaba sidee looga falceliyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Talyaaniga?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay safarkaan, ayada oo qaarkood ay boggaadiyeen, halka kuwa kalena ay ku mucaaradeen madaxweynaha, iyaga oo sababta ku sheegay inuu badiyay safaradiisa.

Cabdullaahi Shiilow oo kamid ah dadka falceliyay ayaa yiri “UN FAO ma heer Caalimi ayay noqotay?”

Saciid Cali ayaa isuguna taageeray safarka madaxweynaha “Wallee Somalia madaxweyne fiican ayay heshay wakaas dalkii dunida la jaan qaaday”

Mukhtaar Raage ayaa dhankiisa ku jawaabay “Shirka uu ka qeybgalayo iyo cidda uuu watto isma lahan wasiirkii ku shaqada lahaa dhamaa laga tagey”

Bashiir Xuseen ayaa isna yiri “Guuleyso mudane MW. Lkn socodka yarey oo u kuurgal dalka xoreyntiisa.”

Diiriye Axmed ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu qaraab tegay “Hasan Sheikh wuu ku jira qarabashom Somalia ilahay baa u maqan”.

Seddax masuul oo sare oo is-casilay kadib tallaabo uu qaaday madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex kamid ah howl-wadeennada sare ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Dhexe ayaa is-casilay.

Is-casilaada masuuliyiintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u magacaabay guddoomiyihii hore ee Bankiga, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo afar sanno xilkaas hayay.

Sakhawadin Mustafe Maxamed, Cismaan Salaad Gabeyre iyo Cabdisamad Nuur Xasan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay howlaha shaqo ee Bankiga Dhexe, ayaa laga soo xiganayaa inay arrimo u gaar ah isku casileen.

Is-casilaada lama filaanka ah ee masuuliyiintan ayaa dhalisay walaac iyo hadal heyn ku aadan sababaha ka dambeeya go’aanadooda, mana jirto warbixin ka soo baxday Bankiga oo lagu faah-faahiya is-casilaadooda.

Tagista xubnahaan guddiga ah ee khibradda leh ayaa durba abuuray walaac xooggan, iyada oo dhaqaal-yahaanada, siyaasad-dejiyeyaasha iyo hay’adaha maaliyadda ay si dhow ula socdaan xaaladda, si ay u qiimeeyaan saameynta ay ku yeelan karto shaqada bangiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabistaas ayaa xilligaas waxaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe, kaasi oo lagu baahiyay barta Bankiga ee Twitter-ka.

Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano.

Sh. Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka noqdo hadal kasoo yeeray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo laga wareystay dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku qaaday musuq maasuqa, ayaa la weydiiyey waxa ay diinta islaamku ka qabto hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa “Carruurteyda iyo qaraabadeyda waxay leeyihiin mid lamid ah xaqa muwaadinka kale.”

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku qaldanaa hadalkaas, isagoo ugu baaqay inuu ka noqdo, jidkaasna ka leexiyo wasiirradiisa.

“Madaxweynuhu arrintaas waa ku qaldan yahay, carruurtiisu waa muwaadiniin, laakiin inuu jagooyin u qeybiyo isagoo masuulkii umadda ah ma qabto shareecada Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Wuxuu sheegay in halkaas uu ka imaanayo tuhun badan oo qofka masuulka ah ay ka qaadayaan dadka uu xukumo, isla markaana arrinkaas uusan sal iyo raad ku laheyn dhaqanka soo jireenka ah ee Islaamka.

“Waan uga nasteexeynayaa Madaxweynaha arrintaas, waxaan u soo jeedinayaa inuu ka noqdo oo wasiirradiisa uusan halkaas u jaheyn, waxaan maqleynay wasiirkiii maalin dhoweed yiri qofka ugu horeeya ee shaqo aan siinayo waa qaraabadeyda,” ayuu yiri Shiiqu.

Sheekh Maxamed Idiris oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid uu mudnaa in hadalkaas dartiis xilka looga qaado.

Sidoo kale wuxuu Shiiqu ka digay in wasiirradu ay ka dhabeeyaan hadalkii madaxweynaha oo qaraabadooda ay darajooyin iyo shaqaaleysiin ugu eexdaan, taas oo cadaalad darro u horseedi karta dalka.

“In qaraabadaada kaliya aad shaqo siiso waa musuq, waxayna lamid tahay adigoo maxkamad jooga oo marqaati u keensaday wiilkaaga, Cumar Buni Khadaab ayaa wiilkiisa oo ka mid ahaa saxaabada ugu waaweyn, uguna cilmiga badan ku yiri jagana ma qaban karo, kamana mid noqon karo dadka u tartamaya jagooyinka banaan, marka sidaas ayey ku jirtaas Islaamnimadu,” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Hoos ka daawo

Daawo: Saddex mas’uul oo la horgeeyay maxkamadda gobolka + Lacagta loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta la horgeeyay saddex mas’uul oo ku eedeysan xatooto xoolo dadweyne, kuwaas oo ka kala tirsan Bankiga Dhexe iyo sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Sadexda mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Abuukar Maxamed Cali  2-Cabduqaadir Cabdi Socdaal 3-Maxamed Aadan Cabdullaahi.

Eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed Cali oo ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka qayb qaatay lunsashada lacag dhan illaa 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar.

Sidoo kale ninkan ayaa xeer ilaalinta waxay ay ku soo eedeysay inuu adeegsaday warqado dowladeed oo been abuur ah oo uu leeyahay xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka.

Cabduqaadir Cabdi Socdaal oo isna ah qasnjiga qaybta dakhliyada ajaaniibta ee Bankiga Dhexe, laantiisa garoonka Aadan Cadde ayaa loo haystaa inuu lunsaday $83,630 (Sideetan saddex kun, lix boqol iyo sodon dollar) sida ay shaacisay xeer ilaalinta qaranka.

Eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Cabdullaahi ayaa isna lagu soo eedeeyay inuu wax ka lunsaday lacag dhan 20 milyan 333 kun iyo 780 dollar oo ah eedda loo jeediyay eedeysanaha koowaad Abuukar Maxamed oo sidoo kale ah maamulaha xafiiska canshuuraha bariga garoonka Aadan Cadde ee wasaaradda maaliyadda.

Saddexda eedeysane oo ka hor hadlay maxkamadda ayaa iska fogeeyay dhammaan eedaha loo jeediyay, waxaana haatan socda dooda kiiskooda.

Raggan ayaa sidoo kale ka mid noqonaya mas’uuliyiin dhowr ah oo ku eedeysan musuq-maasuq, kuwaas oo lasoo xiray, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Maxkamadeynta ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Danab oo beegsatay goob ay isku urursanayeen Shabaab

0

Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada kumaandooska Danab ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka magaalada Galcad oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla dhulka howdka ah ee ku yaalla deegaanka Cali Seer oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan Danab ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo meesha lagu diyaarinayay, balse ma shaacin tiradooda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen saldhig ay kooxda ku laheyd dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaasi, ayna weeraro kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga Soomaaliyeed.

Galcad iyo agagaarkeeda ayaa waxaa indhowaanahan ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadeen ciidamada dowladda iyo Macawiisleyda.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah guluf milatari oo ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in dalka oo dhan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab oo sanado badan dagaal ka wada dalka.

Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa haatan galaya wajigiisa labaad, waxaana qorshuhu yahay inay kusoo biiraan dalalka dariska ah, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

‘Waayihii adkaa iyo go’aankii geesinimada lahaa ee Aadan Cadde’ – Taariikh kooban

Aabihiina wuxuu ka tirsanaa ciidankii Daraawiishta, markii Sayidkii la jebiyey, ayuu ku soo laabtay degankiisii, wuxuu la kulmay reerkii oo xoolo beelay, wuxuuna noqday qowsaar xoola raac ah, isagoo maalin Geel la jira ayaa Libaax soo weeraray, Ilaaheey waa ka bixiyey, laakiin dhaawac cuuryaamiyey ayuu kaga tegey.

Hooyadii iyo Aabihii way kala tageen, isagoo sanad jir ah ayeyna geeriyootay. Laakiin odaygu wuxuu ku baxsaday gobbonimada Reerka uu Geela u raacayey oo ahaa Cawlyahan, reer Cali, kuwaasoo daryeel buuxa u fidiyey odoyga. In kastoo uu markii uu baadigoobay si uu ugu abaalgudo, hadana ma helin reerkaas.

Wuxuu u wareegay Xuddur, ka dibna Baydhabo, Aabe Cabdulle Cusmaan, macalin Quraan ayuu Baydhabo ka noqday, halka Aadan uu billaabay inuu maalinkiina suuqa ka xamaaho galabkiina iskuul dhigto.

Muddo ka dib wuxuu wareegay degmada Jannaale, oo loo bedelay ninkii Talyaaniga ahaa ee uu adeegaha ahaa. Talyaanigu Soomaalida uma ogallayn tacliin dugsi hoose dhaafsiisan, laakiin Aadan wuxuu ahaa nin aqriska jecel oo Jannaale uga soo lugeeya Muqdisho, si uu u iibsado ama u amaahdo buugaag uu aqristo. Waxaa saamayn taban ku yeeshay hab-dhaqanka gumaystaha faashistaha ah, taasoo xanuun ba’an ku haysay damiirkiisa iyo dadnimadiisaba.

Markii uu adkaysan waayey dhaqanka gumaystaha ayaa isaga iyo saaxibkiis Maxamd Ciise Faarax isaga tageen shaqadii, waxaase dusha loo saaray eedeyn ah in ay lacag xadeen, tuhmadaas oo caddayn looga dhigay in noloshooda iyo dakhligooda uu kala sareeyo, Aadan si aftahannimo leh ayuu Maxkamada horteeda iskaga difaacay, waana la sii daayey markii danbi ku waayey.

Laakiin guddoomiyaha degmada Marka ee talyaaniga ahaa oo ka caraysan sida kalsoonida iyo afatahannimada leh ee uu Aadan isku difaacay ayaa dharbaaxo wajiga ka saaray.

Baydhabo ayuu ku soo laabtay, hoteel ayuu ka shaqo bilaabay, Odaygii meherada lahaa oo Talyaani kale ahaa ayaa ku eedeyey in uu xiriir la leeyahay inan uu dhalay oo ay Aadan saaxiibo ahaayeen.

Aadan Aabihii ayaa geeriyooday. Muddo ka dib ayuu Beledweyne u wareegay, halkaasoo uu ka furay xaruntii SYL oo uu muddo wakiil uga ahaa. Sheekh Cali Jimcaale iyo C/llaahi Ciise ayey halkaa isku barteen oo ay rafiiq siyaasadeed noqdeen.

Aadan wuxuu ahaa is koris, halgan adag nolosha ka soo maray. Haddii ay tahay tiiraanyadii uu ka dhaxlay bahdilkii, xabsigii iyo masabidkii ay gumaystaha kula kaceen murugada dhimashada labadiisa waalid, tebista kalgacalkii iyo korintii uu kaga baahnaa. Laakiin casharada nolosha marna hamigiisa iyo hankiisa ma jebin, balse wuxuu kaga faa’iidaystay in fursadihii waawaynaa ee soo maray uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaga faa’iideeyo.

Ma jiro xil macno leh uusan dalka ka soo qaban, wuxuu soo noqday ku xigeenka Golaha xukun gaarsiinta (Territoral Council), 1953-54, Guddoomiyaha Baarlamaanka Daakhiliga ahaa 1956-59, Madaxweyne KMG ah 1960-61, Madaxweynaha Jamhuuriyadda 1961-67, iyo in muddo ah uu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga SYL.

Aadan aqriskiisu wuxuu la xariiray dhadhaqaaqyada siyaasadeed ee dunida seddaxaad ka socday, gaar ahaan Afrika, taariikhda iyo siyaasada. Waxaad ka garan kartaa sida uu wacyigiisa siyaasadeed u dhisnaa dooddii dhexmartay isaga iyo Giuseppe Brusasca oo ahaa wasiirka Afrika ee arrimaha dibdedda Talyaaniga.

Brusasca ayaa ku galad sheegtay in Talyaanigu ay Soomaalida u dhiseen jidad iyo Isbitaallo, biyo, nadaafad, iyo shaqo abuur keeneen, Aadan wuxuu ugu jawaabay inta aad sheegtay wax ka fiican ayuu Ingiriisku inoo sameeyeen oo ah in aan xorriyad hadali karno, xisbi dhisan karno, siyaasaddana ka toos ugu yeelan karno.

Markii uu Xaaskiisa doonanayey laba maalin ayuu doon sii saarnaa, isagoo Hobyo ka degay, ka dibna Gaalkacyo kaga sii lugeeyey, si uu gabadha Aabaheed Muuse Mataan uu ku shardiyey in uu gabadhiisa ka soo doonto Gaalkacyo ugu yimaado.

Aadan Cabdulle (AUN), wuxuu ahaa nin tawaaduc badan, qunyar socod ah, dad isku wad ah, tanaasul badan, taasoo kasabsiisay awood burji oo ay dadku ka haybystaan.

Wuxuu ahaa nin ku adag go’aannada danta guud, u dabacsan kuwa isaga quseeya. Wuu diiday in uu lacag bixiyo, ama ballan qaadyo xilal iyo qandaraasyo sameeyo labo jeer ee uu xilka Madaxweynaha u tartamay. Isagoo eryi kara Raysalwasaare C/rashiid Cali Sharmarke (AUN) oo ay arrimo badan iskula dhaceen ayuu ka maagay, sababtuna wuxuu Aadan ku sheegay in uu diiddanaa in Madaxweynayaasha ka dibkii iman doona ay dhaqankaas yeeshaan, wuxuu la sugay doorashadii Baarlamaanka ee 1964-tii, markaasoo uu ku bedelay C/risaaq Xaaji Xuseen.

Wuxuu kaloo ka maagay in uu C/llaahi Ciise oo Golihii Dhexe ee SYL, iyo inta badan Baarlamaanka ay u rabeen in uu Raysalwasaare u magacaabo, sababo la xariira isku dheelitirka beelaha iyo in C/laahi uu ahaa Raysalwaraasihii xukuumaddii daakhiliga, loona baahan yahay in ay dad kale oo Xisbiga (SYL) ah ay fursado helaan.

Markii laga adkaaday doorashadii 1967, ayaa Sh Cali Jimcaale iyo rag kale u soo soo jeediyeen in uu diido, ka dibna inqilaab la sameeyo, Aadan si adag ayuu arrinkaas kaga horyimid.

Waxaa intaa dheer iyo muddo 50 sano uu maalin walba qorayey dhacdooyinka uu la kulmo oo qaybo ka mid ah uu Maxamad Ciise Turunji ka qoray buuga qiimaha leh ee mar kale Aadan Cade i baray (President Aden Abdula, His life and Legacy), kaasoo aan kula dardaarmayo cid kasta oo siyaasada Soomaaliya daneynaysa in aqrido.

W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo soo koobidan ka sameeyay dhiganaha laga qoray taariikh nololeedka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde, kaasi oo loogu magacdaray (President ADEN ABDULLA – His life and Legacy).

Ogow sababta Faratoon loo doortay iyo dhinacyadii riixay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon u doortay guddoomiyaha cusub eee golaha wakiiladda.

Guddoomiyaha cusub oo ka tirsan xisbiga tallada haya ee Kulmiye, ayaa helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod.

Mudane Faratoon ayaa ah nin aad ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi, wuxuun sidoo kale horay usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Maxay tahay sababta loo doortay Yaasiin Faratoon?

Guddoomiyaha cusub ee la doortay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool, oo ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka SSC.

Faratoon ayaa ballan-qaaday inuu xalin doono colaadda Laascaanood, waana sababta u weyn ee loogu doortay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland.

Kursigan ayaa waxaa horay u baneeyay Cabdirisaaq Khaliif oo isagu sheegay inuu la dareen yahay dadkiisa, kadibna iska casilay xilkaas, markii ay si weyn uga dhex tafatay xukuumadda Muuse Biixi iyo Khaliif.

Faratoon oo isku deegaan kasoo jeedaan Khaliif ayaa looga fadhiyay inuu la yimaado dardar xooggan oo la isugu soo dhoweynayo Somaliland iyo SSC, ayada oo dadka qaar ay qabaan in wax weyn uu ka goyn karin xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood.

Yaa isku baheystay soo bixista Faratoon?

Guusha Faratoon ayaa waxaa loo sababeynaya wada-shaqeynta labo jiho iyo jiho kale oo ayadu markii dambe qeyb ka noqotay soo saaristiisa iyo guusha uu kasoo hooyay tartankii xilkaan oo si weyn isha loogu wada hayay.

Labada jiho hore ayaa ah xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo uu ka tirsan yahay Yaasiin Faratoon iyo Madaxtooyada oo dhinac ah iyo weliba Urur Siyaasadeedka KAAH oo isagu xildhibaano badan ku leh gudaha golaha wakiiladda Somaliland.

Jihada saddexaad ee qeybta ka ah guusha Faratoon ayaa ah Kutlad Xildhibaanno oo kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah, oo iyagu dhisay Faratoon, iyada oo xisbigooda uu watay musharaxa kale ee looga adkaaday tartanka xilka guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland.

Mucaaradka ayaa waxa uu watay musharax Maxamed Khadar oo isagu helay 35 cod.

Faratoon ayaa lagu tiriya saaxiibadda xilligaan sida weyn ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi oo kaalin weyn uu xisbigiisa Kulmiye uu ka qaatay soo bixistiisa.

Si kastaba, waxaa indhaha lagu wada haya tallaabada koowaad ee guddoomiyaha cusub uu u qaado dhanka xiisadda dagaal ee ka taagan Laascaanood, ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhex dhacay xero ciidan oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo gudaha u galay xerada Kuliyadda Jaaliyadda Siyaad oo ku taalla degmad Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu saameynayeen gaardis, isla-markaana ay ku jireen saf dheer.

Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay ciidanka, kadibna uu sidaas isku qarxiyay, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeeyn iyo qalabeyn intaba.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qofka is qarxiyay ayaa kamid ahaa dadka ku sugnaa xerada mana cada sida ay ugu suuragashay weerarkan oo lagu beesaday xero muhiim ah.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi ismiidaaminta ah ee ka dhacay xeradaas ciidan.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay xerada Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir oo  dhowrjeer ay qaraxyo ka fulisay halkaas oo lagu tababaro ciidamada.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay magaalada…

0

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa dalkaas uga qeyb-gaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya Roma.

Shirka ugu weyn ee ka qeyb galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma.

Madaxda dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayuu Talyaanigu ku casuumay madashaas.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa shir seddax geesood ah oo u dhaxeeya Talyaaniga, Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya shirarka kale ee Madaxweynuhu uu ka qeyb gali doono waxaa ka mid ah, shirka Qaramada Midoobey oo looga hadli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka la wadaagi doona cunto yarida ka jirta Soomaaliya iyo caqabadaha sababay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shirka Qaramada Midoobey ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan fursadaha balaaran ee dhanka beeraha Soomaaliya, si caalamku u maal-gashado.

Hoos ka daawo 

 

Al-Shabaab oo caawa dagaal kula wareegay deegaankii laga difaaci jiray Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobalka Bay ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Goofgaduud-buurey oo gacanta ay ku hayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Goofgaduud-buurey waxaa laba saldhig ku lahaa ciidanka xoogga dalka iyo cutubyo ka tirsan daraawiishta K/Galbeed, wuxuuna deegaankaasi gacanta u galay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa galabta weerar kadis ah ku soo qaaday ciidamadii joogay deegaankaas, waxaana halkaas ka dhacay dagaal aad u culus, sida ay saraakiil ciidan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ilaa hadda, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Goofgaduud oo sababay in ciidamada dowladda ay isaga cararaan halkaas.

Dad shacab ah oo ku sugan deegaanka Goofgaduud ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay ka baxeen fariisinkooda deegaanka, isla markaana ay u carareen dhanka magaalada Baydhaba.

Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa galabta si buuxda ula wareegay deegaankaas, waxayna dadka deegaanku noo sheegeen inay caawa gudaha deegaanka difaacyo uga jiraan.

Ku dhawaad hal saac markii uu dagaalku socday in ciidanka dowladda ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud, ma kala cadda waxa sababay (in ciidanku ku baxay xeelad dagaal iyo in looga itaal roonaaday).

Magaaladaan ay caawa Al-Shabaab ku hoyanayaan waxay caasimadda K/Galbeed ee Baydhaba u jirtaa 30 KM, weli maamulkaasi war kama soo saarin dagaalka ay Al-Shabaab kula wareegeen Goofgaduud-buurey.

Xabbadda ayaa qabowday fiidnimadii caawa, waxaana hadda lagu soo warramayaa in Al-Shabaab ay gubayaan teendhooyinka ciidanka ay seexanayeen iyo agab kale oo xeryaha u yaallay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey culeys badan saartay maamulka Koonfur Galbeed, waxaana caawa gacanta u galay mid ka mid ah deegaanada laga difaaco caasimadda maamulkaas ee Baydhaba oo go’doon ku jirta muddo laba toddobaad ah.

 

 

Meloni calls for global alliance against Illegal migration

Rome (Caasimada Online) – In an international conference held in Rome on Sunday, Prime Minister of Italy, Giorgia Meloni, put forth an urgent plea for international cooperation to counteract the issues of unauthorized migrant influx across the Mediterranean.

“Mass illegal immigration harms each and every one of us,” Meloni asserted, “No one benefits from this, except criminal groups who profit off the most vulnerable and use their strength against governments.”

With a shift from her previously stern rhetoric, Meloni signaled her government’s openness towards accepting more immigrants via legal avenues, acknowledging that “Europe and Italy needed immigration.”

However, she emphasized the need for a more proactive approach in discouraging unauthorized, dangerous crossings of the Mediterranean.

A blueprint for the future

Taking a cue from Meloni’s call, European Commission President Ursula von der Leyen reinforced the sentiment, underscoring the EU’s commitment to legal migration routes.

Only last week, the EU inked a “strategic partnership” with Tunisia, one of the significant departure points for migrants. This deal aims to intensify the battle against human traffickers and tighten border controls.

Von der Leyen confidently proclaimed, “We want our agreement with Tunisia to be a template.

A blueprint for the future. For partnerships with other countries in the region.” The EU also intends to cooperate with Tunisia and other countries in enhancing renewable energy production, a mutual benefit for all involved.

Italy, grappling with an ever-increasing number of unauthorized migrants, is urgently seeking viable solutions.

Notably, migrant centers like the far southern island of Lampedusa are overwhelmed by new arrivals.

Paradoxically, the country, with its aging and declining population, needs an additional workforce to bolster its economy.

In response to these challenges, Italy recently committed to issuing 452,000 new work visas for non-EU nationals from 2023 to 2025, raising the annual visa cap to a record 165,000 in 2025.

The comparative figure for 2019, prior to the Covid-19 outbreak, was a mere 30,850 visas.

The country has seen a surge in arrivals this year, with over 83,000 individuals reaching its shores, a sharp increase from approximately 34,000 in the same period in 2022.

Global leaders join the dialogue

Mohamed al-Menfi, head of Libya’s Presidential Council, welcomed the initiative, expressing readiness to alleviate migrant suffering.

Similarly, Pope Francis, addressing crowds at St. Peter’s Square, urged European and African governments to ensure the Mediterranean was never again “a theatre of death” for those attempting to cross.

Foreign Ministry Antonio Tajani insisted on addressing the root causes of migration.

“We have to confront each other on the big issues of climate change, the fight against terrorism, diseases, poverty,” he said.

While the increasing inflow of illegal migrants is stressing countries across the Mediterranean, global leaders recognize the dire need for a comprehensive, internationally coordinated solution.

This problem is multifaceted, touching upon human rights, economic stability, and national security.

As discussions continue, the international community keeps a hopeful eye on potential long-term strategies to resolve this crisis.

WASIIR hore oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku dhex dishay wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online masuulkaas waxaa caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Masuulka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Muudey, wuxuuna wasiirka beeraha ka soo noqday dowlad goboleedka HirShabeelle.

Koox ku hubeysan bistoolado ayaa marxuumka Makhribkii ku dishay xaafadda Godey-Makane ee degmada Yaaqshiid, waxaana goobta ka baxsatay kooxdii dilka geysatay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku sheeganeyso dilka wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle Allaha u naxariistee Xasan Axmed Muudey.

Qaraxyadii ay Muqdisho ka geysa jirtay kooxda Al-Shabaab oo galaafa jiray nolosha dad shacab ah oo aad u badan ayaa laga joojiyey, kadib dadaallo iyo xirfado ay la yimaadeen hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Balse hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya weli kuma guuleysan inay magaalada Muqdisho ka joojiyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada qofka loogu xiro gaarigiisa.

Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka dhacay dilal lamid ah kan caawa loo geystay wasiirkii hore ee beeraha HirShabeelle, sida dilka guddoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyadda ee degmada Awdheegle oo maalin ka hor ay ku dileen degmada Xamarjajab.

Dilalkaan gaadmada ah oo sanado badan ay Al-Shabaab  ka geysanayeen Muqdisho, waxaa lamid ah oo weli aan xal loo helin qaraxyada qofkii fursad lagu helo loogu xirayo gaarigiisa, kuwaas oo sababa in qofka si fudud lagu soo afjaro.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa soo hagaagayey amniga magaalada Muqdisho oo sidaan ka daraa, ciidan cusub ayaa loo soo tababaray magaaladaan, kuwaas oo gaaf-wareega habeen iyo maalin, waxaana muuqata in tartiib loo gaarayo xubni ay xakameyn karaan hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Saddex arrin oo muhiim ka dhigaya qorshaha socda ee Soomaaliya iyo Ruushka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si ficil ah u billowday soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka. Labadaan dal oo ay u dhaxeeyaan dhacdooyin taban iyo kuwa togan intaba, ayaa muddo laheyn cilaaqaad micno leh.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse ayaa tegay Ruushka bishii May ee sanadkaan, haddana waxaa socda qorshe lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa su’aallo ka keenay waxa waqtigaan muhiim ka dhigaya xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, sidoo kalena waxaa la faafiyay warar sheegaya in labada dal ay heshiis milateri gaareen.

Laakiin wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo socdaalkiisa Moscow uga jawaabay guddiga arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa beeniyay inay jiraan heshiisyo millateri oo ay gaareen Muqdisho iyo Moscow.

Ruushka waxa uu kamid yahay dalalka deynta ugu badan ku leh Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay olole ugu jirto in laga cafiyo deyn 5 bilyan oo dollar ah oo lagu leeyahay dalka.

Si deyn cafintaasi loogu gun-gaaro dowladda Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay saaxiibtinimo gaar ah u muujiso dalalka deynta ku leh.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn dhanka hubka ah, xilli adduunka uu sugayo in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka adkaato argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu waayahan waday olole xooggan oo la xiriira dhanka cuna-qabateynta hubka, Ruushka-na waxay kamid yihiin shanta dal ee awoodda ugu badan ku leh Golaha Ammaanka, wax badan ayayna ka galaan ololaha ay Soomaaliya ugu jirto in laga qaado xayiraadda dhanka hubka.

Iyada oo dhinaca kale la iloobi karin deeqaha waxbarashada ee ay marwalba Ruushka siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed, haddana wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Abshir Huruuse waxa uu ku dhiiraday inuu caddeeyo waxa ay Raashiya muhiim ugu tahay maanta.

“Ruushka waa waddan aan laheyn xiriir weyn oo hore, inkasta oo sanadahaan dambe active aheyn, ardeyna ay naga joogto oo sanad walba ina siiya deeqo waxbarasho. Waa waddan kamid ah waddamada deynta ugu badan inagu leh ee aan kala xaajooneyno deyn cafinta, waana waddan muhiimad u leh in nagala qaado cunaqabateynta hubka,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Sidaas aawadeed maadaama ay ina-soo casuumeen in aan u tagno waanu ajiibnay. Ma jirto heshiis aan galnay oo ah heshiis ciidan ama ganacsi ama mid kaleba.”

Mas’uulkii ay Al-Shabaab baahisay ‘inuu isku dhiibay’ oo war yaab leh soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Abuukar Salaad Maxamuud oo ahaa masuul ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo ay kooxda Al-Shabaab baahisay inuu isku soo dhiibay, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrintaasi.

Abuukar ayaa wareysiga kooxda ay baahisay ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan ee gobolka Banaadir, ahaana guddoomiyaha arrimaha bulshada, inuu kasoo goostay dowladda uuna ku biiray Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ku sheegay codka ay baahisay Al-Shabaab inuu towbad keenay, ayada oo qaabka wareysiga u dhacayo laga fahmi karayay heerka qanacsanaan ee ka muuqatay Abuukar, ee fikira kooxda, iyada oo kooxda si fiican loogu soo dhoweeyay, sida uu sheegay.

Kadib markii kooxda Al-Shabaab ay baahisay codka Abuukar waxa uu saacado kadib iska soo duubay muuqaal, kaasi oo uu ku sheegay in wareysiga hadda la baahiyay uu ahaa mid laga duubay November 2021-ka.

Waxa uu sheegay in kooxda ay afduubatay, isaga oo xilligaasi marayay waddo kamid ah kiwa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, uuna ku dhacay shirqool kooxda u maleegtay.

“Waxaa si kedis ah gacanta ugu dhacay shirqool afduub ahaa oo kooxda Al-Shabaab ii sameeysay, waxaa la igu qaatay baabuur indhaha la iga xiray oo muddo aan qiyaasayo saddex saacadood ayaa wado ku jiray kadib waxaa la igeeyay meel oo indhaha la iga furo oo waxa darbiyada ku dhagna calankoodii madoobaa,” ayuu Abuukar ku yiri muuqaalka cusub ee uu baahiyay.

“Niman wejiga duuban yahay ayaa isoo hor fariistay waxay dhaheen gaal baa tahay oo agteena dil kaga xukuman, waxaa kugula macaamileyna oo shaqo ayaa ka rabna, waa ka cudur daartay kadib waxa la igu xiray qol kadib saacad marka ku jiray la ii wacay, calanka madow istaag ayaa la indhahay oo sawirro ayaa la iga qaaday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wareysiga kooxda ay baahisay laga duubay isaga oo doorasho kala haysan, ayna naftiisa ku jirto halis, uuna isku furtay wareysigaas, sida uu sheegay.

“Waxaa horteyda lasoo dhigay warqad diyaarsan oo wareysiga waxaa la iga qaaday telefoon, marka waxaa qiyaasi karta qof gacan ku jira oo la leeyahay naftaada ku xiran oo doorasho kale ku banaaneyn. Sidey rabeen ayaa u qabtay wareysiga, markasta oo hadalka khafiifayo waa la daminayay oo agtayda qoryo lala taagan yahay siday rabeen ayaa u sameeyay.”

Abuukar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cadaadiska Al-Shabaab ay ku haysay uu sababay in uu dalka ka dhoofo, balse uu usoo noqday aabihii oo xanuusnaa dartii, kadibna ay ku billowday cadaadiska kooxdu.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Xalay waxaa dhacday in la baahiyo wareysigii ay iga qaadeen kooxda Al-Shabaab. Ujeedka wuxuu ahaa in kaarkeyga la gubo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in uu caddeeyo sida ay wax u dhaceen, uuna wareysigaas u duubay si uu u badbaadsado naftiisa, islamarkaana aysan jirin wada-shaqeyn ka dhaxeysa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Kadib markii ay kooxda Al-Shabaab baahisay wareysiga Abuukar ayaa waxaa sii xoogeystay shakiga “isku milanka hay’adaha dowladda iyo Shabaab,” xilli dowladda ay dagaal xooggan kula jirto kooxda.

Daawo: Kiiskii dilka ee TikTok ka billowday oo gaaray maxkamadda ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa si rasmi ah u billowday dhageysiga kiis dil ah oo ka bilowday gacan ka hadal dhex-maray dhalinyarro caan ka ah aaladda baraha bulshada ee TikTok.

Kiiskaan oo loo haysto Sharmaarke Xuseen Jaamac iyo Maxamed Faarax ayaa ka billowday gacan ka hadal uu ku baxay marxuum Saciid Cabdi Cali oo isaguna kamid ahaa dhallinta TikTok-ga isticmaasha.

Falkaas ayaa dhacay 29-kii Juun ee sanadkaan, xili ay ku soo wada xifaal-tameen goob u dhaxeyso Isbitaalka Dalmar iyo Beerta Banaadir ee degmada Hodan, halkaasi oo ay habeenkii isugu yimadaan dhalinta isticmaasha TikTok-ga, sida laga horsheegay maxkamadda.

Sharmaarke ayaa markaas habeen kadib soo kaxeystay laba askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cismaan (Suleey), kadibna halkaas ku dileen marxuum Saciid Cabdi Cali.

Maxamed Abuukar iyo Suleey ayaa sidoo kale kamid ahaa eedeysanayasha dhageysiga maxkamadda ka soo hor muuqday. Waxaan maxkamadda laga hor sheegay in gacan ka hadalka isku beddelay dilka ee dhalinta TikTok-leyda dhexmaray uu markii hore ku billowday Gabar uu watay mid kamid ah eedesanayaasha.

Xeer ilaalinta iyo baarayasha kiiskan ayaa intii socday fadhiga maxkamadda, ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen cadeymo lid ku ah eedeysanayaasha kasoo hormuuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Intaas kadib waxaa fadhiga maxkamadda soo xiray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka Xasan Shuute, isaga oo ku dhawaaqay in go’aanka ay gadaal kasoo sheegi doonto maxkamadda.

Ma ahan markii u horreysay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay u fadhiisato ka dhashay TikTok, ayada oo horraantii sanadkaan go’aan ka gaartay kiis la yaab leh oo ka dhashay muuqaal Prank ahaa oo ay sameeyeen koox Tik-Tok-ley ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Baarlamanka Soomaaliya oo urur goboleedka IGAD u diraya shan xildhibaan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay shan xubnood oo isugu jira xildhibaano iyo senatarro.

Xubnahaan ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Urur Goboleedka IGAD loo dhisayo.

Guddoonka labada aqal ayaa waqadaan ay sida wadajirka ah u soo saareen waxaa lagu faray xoghayaha guud ee baarlamaanka dalka inuu liiska xildhibaanadaan u gudbiyo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sida ku cad warqadaan guddoonka baarlamaanka Soomaaliya wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda u xil saaray in liiska xildhibaanadaan ay ku wareejiso hoggaanka urur goboleedka IGAD.

Xubnahaan oo hadda ka kala tirsan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalkeenna ku meteli doona baarlamaan cusub oo loo dhisayo urur goboleedka IGAD.

Shanta xildhibaan ee Soomaaliya meteli doonta ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh
2 – Xildhibaan Maxamed Axmed Aadan
3 – Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac
4 – Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar (Naasrato)
5 – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte

Urur goboleedkaan IGAD oo markii ugu horeysay baarlamaan cusub sameysanaya waxaa ku mideysan dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto, waxayna dhowrkii biloodba mar ka shiraan arrimahooda.

From Mogadishu to Nairobi: Al-Shabab’s shift in focus

Garissa (Caasimada Online) – In the remote Northeast region of Kenya, a troubling surge of violence has emerged, instigating growing concerns of an evolving threat from the Al-Qaeda-linked Islamist militants, Al-Shabab.

A series of brutal attacks last month, culminating in roadside bombs and grim beheadings, claimed two dozen lives.

This sudden spurt of violence, directed at seemingly minor targets, signals a potential shift in focus by Al-Shabab, warn experts.

Amidst this backdrop, it’s worth noting that Kenya has not experienced a significant jihadist assault since 2019.

Back then, a devastating incident at a Nairobi hotel and adjacent offices led to the death of 21 people.

However, the recent surge in attacks has induced a palpable sense of fear that the insurgents, allegedly responsible for the attacks, are now setting their sights on Kenya.

According to estimates, Al-Shabab currently has a force of about 7,000 to 12,000 fighters.

Recently, they have come under increasing pressure due to a comprehensive counterterrorism operation led by the Somali National Army and US-trained commandos, bolstered by clan militias known as “macawisley.”

The onslaught on the border

The militants’ ongoing campaign against the unstable government in Mogadishu for over 15 years has lately seen a spillover along Kenya’s extensive and vulnerable frontier with Somalia.

Twenty-four people, including 15 security officers, were killed in six separate attacks last month alone.

In one ferocious assault confirmed by the group, approximately 30 militants targeted two thinly-populated villages in Kenya’s coastal Lamu county on June 24, resulting in the death of five civilians, some of whom were beheaded.

One resident, Hassan Abdul, recounted the chilling episode: “Women were locked in the houses, and the men ordered out, where they were tied with ropes and butchered.”

While these remote mainland villages are not tourist hotspots, the gruesome killings act as an ominous message for Kenya, experts suggest.

Analysts reflect on the Situation

“The attacks are a way for Al-Shabab to say that despite being under pressure, they still have the firepower and are a force to be reckoned with,” Nicolas Delaunay, International Crisis Group director for East and Southern Africa, told AFP.

“It could also be a way of warning Kenya has pledged to participate in the Somali government’s offensive against Al-Shabab,” he added.

Al-Shabab has capitalized on the changes in Kenya’s security leadership following President William Ruto’s election last August, notes Roland Marchal, an Africa specialist at Sciences Po University in Paris.

Marchal suggests there’s “relative disorganization at the border,” with Al-Shabab taking this as an opportunity to exact “revenge” against Kenya for deploying troops in the rural central and southern parts of Somalia.

Kenya, already no stranger to Somalia’s long-standing Islamist insurgency, faces an increased threat, especially as the violence threatens to spread into Ethiopia, Africa’s second most populous country.

Last month, Addis Ababa reported thwarting a jihadist attack in the border town of Dollo.

While the gains of the Somali offensive have been significant, the “situation remains very fragile,” warns African Union Commission chair Moussa Faki Mahamat.

Hassan Khannenje, director of The Horn International Institute for Strategic Studies in Nairobi, opines that Al-Shabab is “on the back foot in Somalia.”

He added, “There is a desire on their part to demonstrate continued relevance and resilience.”

Kenya’s response: High alert

Despite a US official dismissing the recent cross-border attacks by Al-Shabab as a “manifestation of desperation” last month, Kenya is not lowering its guard.

Following several significant attacks in previous years – including the 2013 Westgate shopping center assault, the Garissa University attack two years later, and the Dusit hotel complex attack in 2019, which collectively resulted in hundreds of casualties – Kenya is on high alert.

Recently, Kenya announced a delay in reopening its long-closed border with Somalia due to the recent surge in attacks.

Interior Minister Kithure Kindiki stated that the phased reopening would not proceed “until we conclusively deal with the recent spate of terror attacks and cross-border crime.

Khannenje, offering a final thought, said that the wave of attacks “should serve as a warning” to Kenya. He added, “Vigilance is key.”

Xog: Maxaa ka jira in Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada in Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Fanaanka Qamar ayaa kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo muddooyinkii dambe uu ku sugnaa, isaga oo saaka soo gaaray garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameeysay saraakiisha garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in aan la xidhin Qamar Suugaani.

Qamar ayaa waxaa muddo kooban lagu hubinayay waraaqihiisa garoonka Hargeysa, taasi oo keentay in rakaabkii kale ee isla socdeen uu ka haro.

Warka sheegaya in la xiray ayaa ka dhashay daahista uu Qamar ku daahay gudaha Garoonka, halka dadkii kale ee flight-ka la wada socdeen ay gudaha u galeen magaalada Hargeysa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fanaanka Qamar Suugaani ayaa hadda ka baxay garoonka kadib hubinta uu maray ee la xiriiray document-yadiisa

Qamar oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib markii uu sheegay in uu sax aheyn oo wax loo qabtay, uuna rabo in deg deg loo geeyo Hargeysa.

Arrintaasi ayaa dadku si kala duwan uga fal-celiyeen, isaga oo ugu dambeyntiina maanta kasoo degay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Waa kuma Yaasin: Faratoon – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacday doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliland, Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaana ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar-na ay u codeeyeen 35

Labo sannadood ka hor ayuu xilkaan u tartamay Faratoon oo markaasi guul darro kala kulmay. Waxaa markaas ay tartameen Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ka guuleystay kaas oo helay 42 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Hase yeeshee Cabdirisaaq ayaa banneeyay jagadii guddoomiyaha ee xilligaas oo loo doortay sababo la xiriira dagaalka Laascaanood ka socda ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamo deegaanka ah.

Faratoon wuxuu wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ka soo qabtay dowladda Madaxweyne Muusa Biixi. Waa xubin firfircoon oo ka tirsan xisbiga Kulmiya ee Talada haya.

Waa kuma Faratoon?

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1947-kii. Wuxuu dugsigii hoose ku dhammaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.

Waxabarshada jaamacadda qaybta hore wuxuu ku qaatay jaamacaddii Lafoole, gaar ahaan Kulliyadda Barashada Adeegga Bulshada. Isla jaamacaddaas ayuu markii danbena macallin ka noqday.

Ka dib wuxuu shaqo ka billaabay Wasaaraddii Waxbarashada, wuxuuna madax ka noqday Qaybtii Waxbarashada Dadka Waaweyn.

Sannadkii 1978-dii ayuu waxabarshada heerka labaad ee jaamacadda u aaday dalka Britain. Wuxuu dhigtay Jaamacadda Manchester.

Sannadkii 1980-kii ayuu ka mid ahaa saraakiil lagu eedeeyey Kacaandiid, wuxuuna si dhuumasho ah markii danbe ugu safray dalka Qatar halkaas oo uu muddo ku noolaa.

Faratoon ayaa sida oo kale qayb ka ahaa aasaaskii iyo nabadeyntii beelaha wada dega Soomaliland. Sannadkii 1991 wuxuu noqday noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee gobolka Sool ee Somaliland.

Sannadkii 1993 ayuu madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland, ka dib markii ay madaxbanaanideeda ku dhawaaqday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, u magacaabay Faratoon in uu noqdo Wasiirkii Caafimaadka iyo Shaqada.

Sannadkii 1997, waxa uu ka mid noqday xildhibaannadii golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, isaga oo qayb ka ahaa Xubnihii qoray dastuurka.

Xilligii madaxweyne Daahir Rayaale ahaa madaxweynaha Somaliland, Faratoon waxa uu noqday Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dib u dejinta, taas oo markii danbe uu iska casilay.

Sannadkii 2016, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu Faratoon u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

Markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi wuxuu isna Faratoon u magacaabay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, isaga oo ka mid ahaa golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee xukuumaddaas sannadkii 2017.

Isla xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa mar labaad laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo xilkaa hayey ka hor inta aanu isu sharrixin xildhibaan golaha wakiillada ah, isaga oo haatanna u tartamay guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagaga guuleystay.

Isha: BBC

Daawo: DF oo diiday dalab la xiriira arrinta badda oo kaga yimid madaxweynaha Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay wadahadal ku saabsan arrimaha Badda oo ka soo yeeray Madaxweynaha Kenya William Ruto oo mar sii horeysay dalka Jabuuti ka sheegay in mar kale ay Soomaaliya kala xaajoo doonaan muranka badda.

Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka ayaa kulan su’aalo weydiin ah ugu yeeray maamulka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana su’aalihii la weydiiyey ku jirtay arrinta badda.

Danjirihii hore ee Midowga Yurub, Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka mid ahaa guddiga ayaa masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda weydiiyey wax aka jira wadahadal ay garwadeen ka tahay Jabuuti oo Soomaaliya iyo Kenya ay ka gelayaan arrinta badda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa ka jawaabay su’aashaas, wuxuuna sheegay in hadalka Madaxweyne William Ruto ay la yaabeen maalintaas.

Wasiir Balcad wuxuu cadeeyey in habayaraatee uusan jirin wadahadal Soomaaliya iyo Kenya ay ka yeelanayaan arrinta badda, sidoo kalena Jabuuti aysan u soo bandhigin dalab noocaas ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ku dheeraaday sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay ilaalinta badda ayaa sheegay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin kiiskii ay go’aanka ka gaartay maxkamadda ICJ.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu horay maxakamadda u geeyey kiiskaan, hadana aysan suurtagal aheyn inuu gorgortan ka galo markii Soomaaliya loo xukumay kadib.

“Hadalka uu Ruto ka jeediyey Jabuuti wuxuu ahaa hadal nagu cusub, la yaab ayuu nagu noqday, mana jirto dhexdhaxaadin ay wado Jabuuti, arrinta badda maxkamad ayey ku dhamaatay, intaan ayadoo ka fudud ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh horay u diiday in laga wadahadlo arrinta badda,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Hoos ka daawo