29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Turkiga oo ka carooday tallaabo ay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa galabta sheegay in dowladda Turkiga ay ka carootay hadal ka soo yeeray wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay dowladda Turkiga ka codsadeen in la bedelo Agaasimaha guud ee Isbitaalka Erdogan, Ex Digfeer oo Turkidu ay maamusho.

Hadalkaas uu wasiirku shaaciyey waxaa ka carootay dowladda Turkiga oo dooneysay in arrintaan si hoose loo xaliyo oo la bedelo Agaasimaha, iyadoo aan la ogaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xiisadda uu abuuray hadalkii wasiirka caafimaadka Soomaaliya aan weli la xalin.

“Dowladda Turkiga ayaa cabasho ka muujisay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya uu si Public ah u sheegay in Agaasimihii isbitaalka Digfeer la eryey,  arintaasna illaa hadda xal uma aanan helin,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in isbitaalka Digfeer uu leeyahay afar agaasime oo Turki ah iyo afar ku xigeen oo Soomaali ah, isla markaana uu yimid khilaaf maamul.

Khilaafkaas ayaa sababay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay codsato in laga bedelo agaasimaha guud ee Turkiga ah, waxaana dalabkaas aqbashay dowladda Turkiga, sida uu maalmo ka hor shaaciyey wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Afarta Agaasime ee Turkida ah waxaa horay loogu heshiiyey in dowladda Turkiga ay soo magacowdo, halka afarta ku xigeen ee Soomaalida ah ay soo magacaabeyso dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Muxuu Xamza kala hadlay xildhibaannada Puntland?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulan ballaaran oo wadatashi ah xalay isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee kasoo jeeda deegaanada Puntland, kuwaas oo uu kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo labaduba deegaan doorashooda ay tahay Puntland.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyey heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaas oo ay ka maqneyd dowlad goboleedka Puntland, maadaama uu weli khilaaf xoogan oo dhanka siyaasiga ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah.

Sidoo kale Xamza ayaa ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ku dadaali doonto sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasilloonida Puntland, islamarkaana khilaafka jira wada-hadal loogu dhammeyn lahaa, maadaama ay weli taagan xiisad u dhexeyo Denio iyo mucaaradka.

Xildhibaannada labada Aqal ayuu sidoo kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan, kana shaqeeyaan sidii Puntland loogu soo celi lahaa saaxadda, loona xalin lahaa khilaafka dhexdeeda ka taagan ee ka dhashay muranka hareeyay doorashooyinka ku soo socda.

Dhinaca kale waxaa kulanka oo ka dhacay hoyga ra’iisul wasaaraha lagu soo hadal qaada xaaladda Gobolka Sool iyo xal u helidda colaaddaha ka jira gobolkaasi, gaar ahaan dagaalka xoogan ee bilihii u dambeeyay ka socday aagga magaalada Laascaanood.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyan nabadda iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka la hiigsanayo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn uu kulanka kusoo dhammaaday is afgarad, isla-markaana lagu ballamay in laga wada shaqeeyo danaha guud, sidoo kalena meel la’iska dhigo khilaafaad soo laa laabtay.

Puntland ayaa ka maqan xeyndaabka dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan, waxayna taas saameyn ku yeelatay xiriirka labada dhinac.

Daawo: Maxaa ka jira in DF ay xiriir la leedahay IRAN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan hadddii uu jiro xiriir ay dowladda dhexe la leedahay Iran.

Wasiir Huruuse ayaa marka hore beeniyay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan wax xiriir diblomaasiyasadeed ah laleedahay Iiran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa uusan jirin wax isku dhowaansho ah oo ku aadan labada dal, maadaama uu horay u go’ay xiriirkooda.

“Sideedaba safaarad annaga Iran nooga furan iyo xiriir diblomaasiyeed oo aan Iran la leenahay ma jiro, sidaas aawadeed ma lihin diblomaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii xilliga xiriirka go’ay joogayna waan kasoo qaadanay” ayuu yiri wasiir Huruuse.

Guddiga ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya wax ka weydiiyay inuu jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda, oo mushaar toos ah ka qaata safaaradda dowladda Iran ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

“Waxaa jira sarkaal ku laa laabto Iran, waana sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ninkaas xaaladdiisa ma la socotiin”” ayuu wasiirku weydiiyay xildhibaan Aweys.

Abshir Huruuse ayaa arrintaas ganafka ku dhuftay, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka hortegi doonto cid kasta oo isku deyda in magaca Soomaaliya u adeegsato dano gaar ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii ay jirto cid aan wasaaradda ka tirsaneyn oo xiriir la sameysay dowlad aysan xiriir la laheyn Soomaaliya inay daba-galayaan, isla-markaana haddii la helo laga qaado doono adag oo ku aadan waxa uu sharciga dalka ka qabo.

“Haddii ay jiraan shaqsiyaad iskood u tega waa wax gaar ah, ma ahan wax ku saleysan janaalka wasaarradda, dowadduna ay ka war qabto. Cid alaala oo arrinta aad sheegeyso ku kacda waa mas’uuliyad inna wada saaray inaynu kula xisaabtameyno oo aan ka daba tegno ” ayuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay guddiyada kala duwan ee baarlamaanka ayaa waday qorshe ay kula xisaabtamayaan xubnaha Golaha Wasiirada, si ay wax uga weydiiyaan shaqadooda.

GEDO oo looga dhawaaqay go’aan ka dhan ah KENYA

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Gedo oo kulan isugu yimaaday ayaa si adag uga hadlay dhibaato ay Kenya ku heyso gobolkaasi, gaar ahaan duqeymaha ay ka fuliso halkaasi, siiba deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Suldaan Maxamuud oo kamid waxgaradka Ceel Cadde ayaa ka hadlay dhibaatada ka jirta halkaasi, wuxuuna sheegay in 10 sanno ka badan ay Kenya duqeyneyso degmadaasi, isla-markaana ay waxyeelada ugu badan soo gaarto dadka shacab ah ah ee ku dhaqan Gedo.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya ay Gedo ay ka dhigtay meel ay ku tijaabiso diyaaradaha dagaalka ee ay soo iibsato, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Kenya diyaarado casri ah ayay soo gadataa meel ay ku tijaabiso ayay weysay waxay noqotay marka inay ku tijaabiso gobolka Gedo oo daris la ah. Dhibaatooyinka hadda soo noq noqday oo ay ugu dambeysay degmada Ceel Cadde waad ogtihiin inta dhimashadu gaartay carruur iyo dad da’ ah iyo hantida badan oo burburtay” ayuu Suldaan Maxamuud

Waxaa kale oo uu Suldaanku ku dhawaaqay in reer Gedo looga baahan yahay inay tashadaan, kadibna ay  iska dhiciyaan Kenya, si looga hortago xadgudubyadeeda.

“Cabasho miyaan ku jireynaa ilaahey sow rag nagama dhigin inaan iska celino ayaa loo baahan yahay cabasho waxba ma tareyso” ayuu mar kale yiri Suldaanka

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Rag aan is deyno ayuu kuugu daayaa ee idaa kuuguma daayo, Kenya duqeynta waa naga joojin weysay waxaa la rabaa inaan iska dhicino reer Gedow.

Ugu dambeyn dowladda federaalka ayuu ugu baaqay inat garab istaagto reer Gedo, isla-markaana ay jawaab rasmi ah ka bixiso tallaabooyinka Kenya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay duqeymo ka dhacay Gedo ay khasaare xoogleh kasoo gaareen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Yaasiin Faratoon oo maanta loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta guddoon cusub doortay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Fartaoon ayaa helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod, sida uu shaaciyay shir guddoonka golaha wakiilada Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ah nin aad ugu dhow madaxweyne Muuse Biixi, wuxuun sidoo kale horay usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Doorashadiisa waxaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan xukuumadda, sida wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo wasiirka warfaafinta Saleebaan Koorre, kuwaas oo garab istaag u muujiyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada.

Ninkan ayaa beddalaya Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo dhowaan iska casilay xilkaasi, sababo la xiriira dagaalka Laascaanood, isaga oo sidoo kale kasoo baxay guud ahaan Somaliland.

Faratoon ayaa sidoo kale isna kasoo jeedo gobolka Sool, balse wuxuu kamid yahay ragga ugu tunka weyn ee xisbiga Kulmiye, isaga oo lagu tiriyo saaxibada Muuse Biixi.

Si kastaba, doorashada uu kusoo baxay ayaa aheyd mid la filayay, maadaama todobaayadii lasoo dhaafay ay madaxtooyada dadaal ku bixineysay inuu soo baxo.

Somalia’s president to undertake diplomatic drive in Russia

Mogadishu (Caasimada Online) – In the face of debilitating social and political hurdles, Somali President Hassan Sheikh Mohamud prepares to step onto the global stage. His aim? To enhance Somalia’s position at the upcoming Russia-Africa Summit in St. Petersburg, a move confirmed by Somali Foreign Minister Abshir Omar Huruse.

The delegation’s journey to Russia holds strategic significance for Somalia. The nation needs weapons and ammunition to strengthen its fight against Al-Shabab militant group.

In May, Somali diplomats disclosed Russia’s offer to bolster Somali armed forces in the battle against terrorism.

Rumors have circulated about Russia possibly employing Wagner mercenaries to train Somali troops. However, Minister Huruse remained reticent about his discussions with Russian officials.

A show of support

The presence of President Mohamud at the summit has been received positively by Russia. Russian Foreign Minister Sergey Lavrov expressed gratitude for the President’s personal involvement.

“We are grateful to our Somali friends for the decision of Somali President Mr. Hassan Sheikh Mohamud to attend this event in person,” he noted.

Lavrov further voiced his appreciation for Somalia’s balanced stance on the Ukraine issue, stating, “I believe the vast majority of developing countries understand the primary causes of this crisis, which are rooted in the ambitions of the United States and its allies.”

Moreover, Lavrov assured that Russia stands ready to back Somalia’s legitimate positions in the UN Security Council, stressing the importance of lifting the arms embargo on Somalia, which he sees as a hindrance to the Somali government’s efforts towards stability.

Balancing act: Somalia’s challenge

Somalia faces a labyrinth of challenges. It grapples with political instability, governance issues, and clan rivalries.

The humanitarian scenario is bleak, with over half the population urgently needing aid. A looming food crisis threatens 6.6 million people, while 1.8 million children are at risk of acute malnutrition.

To add to the turmoil, Russia’s recent pullout from the Black Sea Grain Deal disrupted Ukrainian agricultural exports to East African nations, including Somalia.

The country relies heavily on Ukrainian grain, particularly given the global climate change impacts.

Meanwhile, Finland, a substantial humanitarian supporter of Somalia, has declared it will withhold aid from nations backing Russia’s war in Ukraine, creating more uncertainty for Mogadishu.

The Finland Foreign Ministry has earmarked EUR 54 million for bilateral cooperation in Somalia from 2021 to 2024, focusing on state-building and women’s sexual and reproductive health and rights.

In 2021 and 2022, Finland also pledged EUR 6.6 million for projects related to the Somalia Multi-Partner Fund (MPF) via the World Bank to improve healthcare and education.

As Somalia faces the Russia-Africa Summit amid these intricate challenges, the stakes have never been higher.

Navigating the shifting geopolitical landscape is daunting for the nation’s leaders, who must seek critical support and aid for Somalia’s stabilization and development.

Maxay dowladda Imaaraadka u hakisay baasaboorka Soomaaliya? (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka oo kulan su’aalo weydiin ah la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa miiska soo saaray su’aal ku saabsan caqabad Soomaalida ka heysata dal ku galka wadanka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Cumar Xaashi oo guddigaas ka mid ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda, ku xigeenadiisa iyo agaasimayaal ka socday wasaaradda weydiiyey su’aal u dhigneyd “Waxaa nagu maqaalo ah in dowladda Imaaaraad-ka ay fiisaheeda u diiday Soomaaliya oo madaxdeenu ay ku safraan Passport ajnabi ah, markii ay u socdaan Imaaraadka?”

Raage, oo ah agaasimaha arrimaha Carabta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayey wasiiradu u wakiisheen inuu ka jawaabo su’aashaan, isagoo shaaciyey halka ay caqabadu ka jirto.

“Waxaa dhacay isbedel ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka, xilligii maamulkii hore uu joogay, dowladda Imaaraadka ayaa markaas hakad gelisay baasaboorka Soomaaliya, ilaa hadda arrintaas lama xalin oo sidii ayuu hakad ugu jiraa,” ayuu yiri Agaasime Raage.

Wuxuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka ay furan tahay, balse aysan weli shaqo bilaabin qeybta baasaboorrada ama bixinta fiisaha.

Agaasime Raage ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaalida ah ee dalbaday fiisaha ama dal ku galka Imaaraadka ay helaan intooda badan, iyadoo aysan fureyn waaxdii ku shaqada laheyd.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay kala hadleen wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta, balse ay kala soo daaheen jawaabtii ay ka sugayeen.

Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu shaaciyey in safaaradaha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ee degan Nairobi – Kenya ay ka dalbadeen inay u soo guuraan Muqdisho, isla markaana ay hadda ka fekerayaan halkii la dejin lahaa safaaradaha soo guuraya ee Muqdisho aan dhulka ku laheyn.

Hoos ka daawo

Muxuu yahay MOOSHINKA cusub ee guddoonka golaha shacabka loo gudbiyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta mooshin cusub u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha, kaas oo ay ku dalbanayaan in ajendaha lagu soo daro ka doodista hindise sharciyeedka hantidhowraha guud ee qaranka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulankii maanta oo ahaa mid wadajir ah oo ay yeesheen labada Gole ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gaaray mooshinkaas oo ay gudbiyeen illaa 10 xildhibaano.

“Waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo inuu yaallo mooshin u gaar ah Golaha Shacabka oo xildhibaano ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in ajendaha lagu daro sharcigii hantidhowraha” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday xildhibaanada in dib loo dhigo dooda mooshikan, maadaama kulanka maanta ay goobjoog ahaayeen senatorada Golaha Aqalka Sare, mooshinkaana uu gaar u yahay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Marka xildhibaanada Golaha Shacabka si gaar ah waxaan uga codsaneynaa in marka hore aan galno ajendaha wadajirka ah ee hadda noo yaallo, kadibna aan cod u qaadno soo jeedinta xildhibaanada mooshinka keenay” ayuu mar kale yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Kulanka wadajirka ah ee ay maanta ku yeesheen xildhibaanada labada gole xarunta Villa Hargeysa ayaa ajendihiisa wuxuu ahaa akhrinta koowaad ee miisaaniyadda sanadkan 2023-ka, waxaana Golaha hortegay wasiirka cusub ee maaliyadda, Biiixi Iimaan Cige.

Maalmihii u dambeeyay Baarlamaanka ayaa la daala dhacayay mooshino iyo doodo xoogan oo hareeyay kulamada baarlamaanka, waxaana u dambeeyay buuq ka dhashay kulankoodii 6-aad ee Kafadhigga 3-aad, kaas oo la horgeeyay mooshin deg deg ah oo ay keeneen 30 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Mooshinkaas oo isna loo gudbiyay Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku saabsanaa in ajendaha kulanka maanta lagu kordhiyo mooshin ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Maraykanka oo ka jawaabay codsi uga yimid DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorsheyaal lagu xoojinayo isbaheysiga milateri ee ay la leeyihiin dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib kulan ay mas’uuliyiinta safaaradda la qaateen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyaddiin.

Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa ammaanka Soomaaliya, iyadoo saldhigyo cusub loo sameyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta ka ah guutada Danab.

Mareykanka ayaa taageero muhiim ah u fidin doona ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab oo Mareykanku u tababaray la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka uu Maraykanka uu ku taageerayo hawgallada Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay olole ugu jirto sii wadista taageerada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al-Shabab.

Ka sokow, taageerada ciidamada Danab, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliya duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Bariga qaaradda Afrika.

AFRICOM waxay intaas ku dartay in ciidamada Maraykanaku ay sii wadi doonaan tababarka, talo siinta iyo qalabaynta ciidamada ay iskaashiga leeyihiin si ay u helaan tasiilaadkii ay ku wiiqi lahaayeen al-Shabaab.

Al-Shabab’s rising reign: 60% of Mandera now under siege

Mandera (Caasimada Online) – In the face of steadily escalating tension in Kenya’s border region with Somalia, Mandera Governor Mohamed Khalif has issued a stirring call for local action.

He has asked the government to consider the recruitment and arming of local residents, a strategy he believes could turn the tide in the fight against the militant Islamist group al-Shabab.

Khalif, who conveyed his concerns at a security meeting in Wajir on Thursday, July 20, painted a grim picture of the militia’s expanding presence there.

“I can confirm the insurgents are in control of a vast land of North Eastern counties,” he remarked.

Al-Shabab once considered a ragtag group, now commands more than half the landmass in these border counties, demonstrating an alarming increase in their activities.

His concerns extend to his county, where he states the group controls up to 60% of Mandera’s territory. The gravity of the situation, he feels, necessitates a localized response.

“We need residents to be recruited to flush them out; otherwise, we will not succeed in this fight against the terror-linked group,” the governor stressed.

Security coordination crisis

In his earnest appeal, Khalif pointed the finger at poor coordination among the various state security agencies, claiming it to be the root cause of the deteriorating security situation in the region.

The lack of unison, he says, has amplified the criminal activities of al-Shabab, with far-reaching implications on the region’s development.

The insecurity, Khalif highlighted, has significantly hampered his government’s ability to deliver on pre-election pledges and offer essential services beyond the county’s headquarters.

He attributed the worsening condition of the region’s roads to this escalating insecurity.

Khalif’s primary worry, however, is the plight of the residents. He says years of grappling with insecurity and other challenges have left the locals terrified and cautious.

“Some of them are afraid of sharing information about the presence of al-Shabab because they have always suffered the consequences of doing so,” he explained.

He says that with proper coordination among the security agencies, locals can avoid being targeted for cooperating.

Calling for border reopening

In a surprising turn, Khalif called on the government to reopen the Somalia border, alleging that the insurgents exploited the closure to extort revenue from the local residents.

“Let us also not postpone reopening our borders because by so doing, we are giving in to their demands,” he implored.

He views this action as a way to resist surrendering to al-Shabab’s illicit operations. “And they will continue collecting money from our people as they establish their criminal agenda in the area,” he warned.

This plea follows a ruthless insurgent attack on July 14, 2023, targeting the Wargadud Police Station in Mandera South.

Three people lost their lives in the incident. The militants razed the police station and several houses and carjacked a police Landcruiser after setting another vehicle ablaze.

Governor Khalif’s call to action underlines the escalating stakes in the region and illuminates the urgent need for innovative, local solutions in the struggle against al-Shabab.

Daahir Maxamed Kaanti oo QARAX lagu dilay maanta

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsanaa HirShabeelle.

Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ah sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse mar dambe uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.

Sidoo kale  waxaa weerarkan qaraxa loo adeegsaday ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo xilligaas ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Suuqa xoolaha ayaa xilliga uu qaraxu ka dhacayay ahaa mid mashquul ah, maadaama ay Sabti aheyd dadweyne fara badana ay uga yimaadee duleedka magaalada Jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay qaraxa uu ahaa mid suuqa lagu sii diyaariyay isla-markaana lagu aasay dhulka hoostiisa, kadibna lagu qarxiyay sarkaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga booliska oo halkaas ka sameeyay howlgallo kooban.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay.

Jowhar ayaa waxaa horay weeraro culus uga fulisay kooxda Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday gudaha magaaladaas oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle,

Wasaaradda arrimaha dibada oo korantada laga jartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii, sida uu maanta shaaca ka qaaday xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo maanta ka hor ka hadlayey Golaha Shacabka ayaa sheegay in todobaadkii hore xarunta wasaaradda arrimaha dibadda gebi ahaan laga soo goostay korontadii, kadib markii ay wasaaraddu iska bixin weysay qarashaadkii korontada, sida uu hadalka u dhigay.

Sababta waxa uu ku sheegay in ay yar tahay miisaaniyadda ay hesho wasaaradda arrimaha dibadda oo uu tilmaamay in aysan ku filneyn.

“Hadda isbuucii hore gudihiisa wasaaradda arrimaha dibadda korontadaa laga jartay, marka budget ma helaan” ayuu yiri Xildhibaan Aweys Maxamed.

Xildhibaanka oo sidoo kale kamid ah guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay ka miisaaniyad yar tahay wasaaradaha kale ee dalka, isaga oo tilmaamay inay hesho 9 milyan halka kuwa kalena ay helaan ilaa 18 milyan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in arrintan wax laga qabto, maadaama wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay miraayadda dalka.

“Wasaaraddaan waa miraayaddii dalka miisaaniyaddeydana sidaas ayay tahay halka wasaaradaha kale ee aan safar galeyn uu budget-koodu yahay 18 milyan, tana ay tahay 9 milyan, maxaa xal u heysaan?” ayuu markale hadalkiis sii raaciyay xildhibaan Aweys.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo horay ay hadal heyn xoogan uga dhalatay korontada laga goostay wasaaradda arrimaha dibadda, waxayna dadku su’aallo ka keeneen sida ay adeeg koronto isaga bixin weysay mid kamid wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda.

Daawo: Sheekh Shariif oo farageliyay dagaal beeleed culus oo ka socda gobolka…

0

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa farageliyay dagaal beeleed haatan kasoo cusboonaaday inta u dhexeyso degmooyinka Raaga-Ceelle & Cadale oo ka tirsan gobolkaas.

Shariif ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan ee kasoo jeeda deegaanka.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beedlkan oo u dhexeeyo laba beelood oo walaalo ah, isla-markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Aad ayaan uga xunahay waxa meesha ka dhacay inta dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawac ahna Allaha caafiyo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka socdaalkooda uu yahay, sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, xalna looga gaari lahaa colaada u dhexeysa labada beelood.

“Waxa na keenay waxaa waayay xumaan aan ka xunahay waxa dhacay oo aan rabo oo Ilaaheyna aan ka baryeyno inay meeshaas ku joogsadaan” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore la sameeyo xabad-joojin, kadibna la wada-hadalo.

“Qodobka koowaad waxaan rabnaa in xabad joojin la sameeyo, ciidankana la kala qaado oo gogol nabadeed la fidiyo, wixii dhacayna xal la gaaro” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maanta baahi looma qabo dhiig inuu daato inta naga dhacday ayaa ceeb iyo culeys noogu filan”.

Dagaal beeleedkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka, wuxuuna ka faafay deegaano horleh, maadaama aysan waxba isku reeban maleeshiyaada diriraya ee labada dhinac.

Xog: Xasan Sheekh oo ku wajahan Ruushka + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u safro magaalada St. Petersburg ee dalka Ruushka, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka qeyb-galo shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika ee dhacaya daba-yaaqada bishan ka dhacaya St. Petersburg. Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa horey xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Huruse oo bishii May booqday Moscow. 

Ka sokow shir madaxeedka, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo kala hadli doona xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu Putin kala hadlo sidii Ruushka uu Soomaaliya u siin lahaa hub iyo rasaas lagu xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Bishii May, diblomaasiyiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey in Ruushka uu taageero u yaboohay ciidamada Soomaaliya, si uu uga caawiyo dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab. 

Waxa sido kale la isla dhex marayaa in Ruushku calooshood u shaqeystayaasha Wagner keeni doono Soomaaliya, si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa beeniyey arrintaas. 

Dowladda Ruushka ayaa uga mahad-celisay Soomaaliya go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqsi ahaan uga qeyb galayo shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

“Waxaan uga mahad-celineynaa saaxiibadeenaa Soomaaliyeed go’aanka uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ah inuu si shaqsi ah uga qeyb galo munaasabaddan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov oo hadlayey bishii May. 

Sidoo kale, Lavrov waxa uu tilmaamay in Ruushku uu bogaadinayo mawqifka dheeli-tiran ee ay Soomaaliya ka qaadatay dagaalka Ukraine. 

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeysa inay isku miisaanto ilaalinta xiriirka ay la leedahay dalalka Reer Galbeedka, sidoo kalena la macaamisho Ruushka oo Reer Galbeedka ay isku dayayaan inay go’doomiyaan.

Cali Jayte oo weji cusub u yeelay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Cali Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo mar kale war cusub soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda kala dhexeysay hoggaanka HirShabelle, isaga oo xog ka bixiyay arrinta ay isku qatbeen ee ay kula tageen.

Cali Jayte oo weji cusub u yeelatay khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shaaca ka qaday inay isku qabeen arrin ku aadan horumarka shacabka HirShabelle.

‘Waxaan isku qabanay horumarka ummadda wax kale isku meynaan qaban waxyaalaha Soomaalidu hadal heyso isku-maan qaban” ayuu yiro Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in arrintaas ay tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo uu isugu hoggaaminayay, wuxuuna tilmaaay in madaxweyne Cali Guudlaawe uusan raali ka aheyn dagaalkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taasi caddeynta uu hayo, isla-markaana maalina uusan ka hadlin guulaha laga gaaray dagaalka , balse mar dambe ay ku qasbeen.

“HirShabelle raalli kama aheyn inaan cadowga ka saarno dalka waxaana caddeyn kuu ah dhowr dhacdo oo ay sameeyeen hal maalin Cali Guudlaawe kama hadlin guulaha aan ka gaarnay dagaalka illaa aan ka gaarno degmada Aadan Yabaal” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo yiri “”Aniga labada nin ee hadda HirShabelle ugu sareysa iyagoo Miyiga ku nool ayaan dowladnimada qeyb ka ahaa oo aan lasoo shaqeyay, marka Guudlaawe iyo Dabageed ma ahan laba nin oo leh aqoon hogaamineed ama u qalama iney shacab hogaamiyaan”.

Cali Jayte ayaa horay uga horyimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo xiisad horleh ka dhalisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna gooni isaga taagay HirShabelle, isaga oo sidoo kale ku dhaawaqay maamul la magac baxay ‘Hiiraan State’.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sidoo kale ku gacan seeray inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee Cabdullaahi Sufurow, waxayna labaduba haatan ku sugan yihiin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, halkaas oo uu ka jiro is barbar yaac maamul.

Qaar ka mid ah shirkadihii Adeegga XAJKA oo lacagta laga soo celiyay + Sababta

0

 Makka (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay soo xiray moosinka xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ka hadlay Adeegga Xajka ee sanadkan.

Roobow ayaa shaaciyay inay jiraan qaar kamid ah shirkadihii ka shaqeynayay Adeegga Xajka ay fulin waayeen adeeggii laga rabay, gaar ahaan basaskii lagu qaadayay Xujeyda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in shirkaduhu ay basas usoo kireeyeen Xujeydu, balse la waayay, isaga oo sheegay in caqabaddu ay ka timid qoylaha laga soo kireeyay baabuurta.

“Sanadkan Xajka waa la dadaalay wax yar oo dhib ah wuxuu kasoo laabtay basaska, kuwaas oo ay innoo soo kireeyeen shirkadaheenna, laakiin xoogaa dhib ah uu kasoo laabtay oo basaskii la waayay” ayuu yiri Sheekh Mukhtar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay Adeegga Xajka, gaar ahaan basaska, ayna ku jirto lacagtaas gacan aamin ah.

“Lacagtii mucdankeeda waa laga soo celiyay qoladii iyaga ahaa sida la sheegayne gacan aamin ah ayey ku jirtaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu mahad-celiyay dowladda Sacuudiga oo markii dambe gaadiid siisay Xujeyda Soomaaliyeed, inta ay ku guda jireen gudashada acmaasha.

“Markii basaska la waayay Xajka uma istaagin oo runtii dowladda Sacuudiga ayaan u mahadcelineynaa wixii aan u baahanay oo gaadiid ah way naga kaabeen” ayuu sii yiri.

Si kastaba, sanadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad, taas oo gaaraysa 11,500 oo xujey ah, kuwaas oo ka baxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka.

Nin ka yimid deegaan ay maamusho Al-Shabaab oo toogasho ka fuliyey magaala…

Baydhaba (Caasimada Online) – Ninkan oo la sheegay in billo ka hor uu ka yimid deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay ayaa habeenkii Jimcaha toogasho ka gaystay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday Bartamaha Buurhakaba, iyadoona ay ku dhinteen laba ka mida Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena sida la sheegay ay ku dhaawacantay, taas oo xaaladeeda la sheegay inay garaab tahay.

Wararka ayaa sheegaya in dembiilaha uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay. Ciidamada amniga oo hawlgalo ka sameeyay magaalada ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Labada askari ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa.

Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkan uu dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurhakaba.

“Waa nin dhallinyaro ah oo ka yimid deegaanka Buur Eyle, maadaama loo arkay nin firfircoon waxaa lagu daray Ciidamada Madaniga ee degmada, saddex biloodna iyaga ayuu ka mid ahaa, qori AK47 iyo booshkiisna isagaa lacagtiisa kala baxay,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Markii hore in ciidamada lagu soo daro waxaa ka shaqeeyay askar ay ehel yihiin oo magaalada deganaa, Soomaalida oo iska ah dad is qaraabeysta awgeed ninkan lagama shakin.”

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray “Waxay ahayd maadaama uu ka yimid dhul ay Al-Shabaab ka arrimiso in la hubiyo ayay ahayd, laakiin askartan uu dili doono ayaa qaab qaraabeysi ah u soo dhaweeyay, iyagii ayuuna dilay, qoryihiina ka qaatay. Lama marsiin habraacii u yiilay hay’adaha amniga, qaraabeysi ayay ku soo dhoweysteen, naftuuna dhaafiyay.”

Saraakiisha Ciidamada ayaa tuhunsan in ninkaasi uu dib ugu laabtay deegaanka Buur Eyle, oo markii horeba uu ka yimid.

Al-Shabaab oo la wareegtay 60 boqolkiiba maamulka gobolka Mandhera ee Kenya

Mandheera (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa sidaas shaaca ka qaaday barasaabka gobolka.

Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Khaliif ayaa sheegay in kooxda ay si tartiib ah ugu sii xoogeysaneyso gobolka, islamarkaana ay hadda maamulaan in ka badan kala bar dhulka gobolka ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya

“Al-Shabaab hadda kadib ma ahan koox quus ah, sababtoo ah dhaq-dhaqaaqyadooda gobolka waa ay sii kordhayaan maalin kasta. Waxaan xaqiijinayaa in maleeshiyada ay maamusho dhul baaxad leh oo ka mid ah Waqooyi Bari Kenya,” ayuu yiri Khaliif.

Barasaabka ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay hadda maamusho 60 boqolkiiba dhulka Mandheera, wuxuuna sheegay in xalka kaliya ee looga saari karo ay tahay in shacabka la hubeeyo, si ay ula dagaalamaan.

“Waxaan u baahannahay in dadka deegaanka la qoro si aan meesha uga saarno, haddii kale kuma guuleysaneyno dagaalka aan kula jirno kooxdan argagixisada ah,” ayuu yiri barasaabka.

Waxa uu ku eedeeyay amni darrada ka sii dareysa ee gobolka in ay sabab u tahay isku xirnaanshaha liita ee hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka.

“Waxaa fiday fal-dambiyeedka Al-Shabaab. Ma awoodo in aan ka dhabeeyo ballan-qaadyadaydii doorashada ee aan u sameeyey dadka deggan degmadayda, amni-darrada darteed. Dawladeydu ma awooddo in ay adeegyo ku bixiso meel ka baxsan xarunta, waxaana sabab u ah waddooyinka aan la mari karin, kuwaas oo xaaladdooda liidata ay si weyn uga qayb qaadatay amni-darrada,” ayuu yiri Khaliif.

Waxa uu sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka deegaanka, oo xitaa aysan hadli karin.

“Qaarkood waxay ka baqayaan inay wadaagaan macluumaadka ku saabsan joogitaanka al-Shabaab sababtoo ah had iyo jeer waxay la kulmaan cawaaqib xun,” ayuu yiri barasaabka. 

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda in ay dib u furto xadka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in sidoo kale ay kooxaha nabad diidka ah ay dhaqaale ka aruurinayaan dadka ku dhaqan gobollada ku dhow xadka. 

“Ma ahan in aan isku dhiibno Al-Shabaab, sidoo kale yeynan dib u dhigin in aan dib u furno xuduudaheenna, waayo haddii aan sidaas sameyno, waxaan u hoggaansameynaa dalabkooda, wayna sii wadi doonaan lacagihii ay ka ururinayeen dadkeenna,” ayuu yiri Khaliif.

Daawo: Isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay gudaha magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in isbaarooyin tiro badan lasoo dhigtay gudaha iyo duleedka Beledweyne, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga guud ee magaaladaasi.

Caanooy ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka ganacsiga loo diiday inay gudaha u galaan magaalada, maadaama jidgooyooyin horleh lasoo dhigay halkaasi.

“Beledweyne maalmahaan waxaa jirta in gaadiidkii uu Problem uu ka jiro oo magaalada Beledweyne dhexdeeda iyo bannaankeeda ay isbaarooyin yaaliin, waxaan raanaa in dadka Soomaaliyeed oo ganacsatadaha loo furo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay saameyn ku yeelatay nolosha shacabka Beledweyne, isla-markaana sicir barar baahsan laga dareemayo magaaladaasi.

“Maciishaddii iyo quutul daruuriga wax kasta waa qaaliyoobeen dadka xoolihii laga gadanaayay iyo kuwii gadanaayay way isku dhiban yihiin” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto dhibaatadaas, lana qaado isbaarooyinka uu sheegay in lasoo dhoobay magaalada Beledweyne.

“Waa in isbaarooyinka la qaado magaaladaasna ay noqoto mid lasoo geli karo, ma rabno dadka Soomaaliyeed ganacsigooda in la cunaqabateeyo” ayuu mar kale yiri.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii ka jiray dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeday, kadib markii uu khilaaf xoogleh ka dhashay xilka qaadistii guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Al-Shabaab oo xayiraadda ka qaaday magaalada Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay sii deysay gaadiid xamuul ah oo todobaayadii lasoo dhaafay ay ku xayirtay duleedka magaalada Badhaba ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in baabuurtan oo u rarneyd ganacsato ay ugu dambeyn gaareen Baydhaba, kadib markii ay fasaxday Shabaab.

Arrintan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen odayaasha deegaanka oo wadahadal la furay kooxda, kadibna ku qanciyay inay fasaxaan gaadiidkaas.

Ma cadda in sii deynta gawaaridaan inay la xiriirto in gebi ahaan ay kooxdu qaaday go’doominta ay gelisay Baydhaba oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Dhank kale, Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in baabuurta lasii daayay, balse waxa ay ganafka ku dhufatay inay wada-xaajood la gashay kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Arrimaha Warbaahinta Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow) oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday inay xoogga saari doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka, si looga fogeeyo aagga Baydhaba.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay go’aan ku gaareen in ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Federaalka laga howlgeliyo deegaannada ay joogaan  Shabaab, si looga qabsado.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Baydhaa  ka taagnaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ka dhalatay go’doominta ay Al-Shabaab galiyaan magaaladaasi.

Go’doominta ayaa sababtay sicir barar waxayna maciishadu gaartay labo laab qiimihii horay loo iibin jiray halka caanaha, xoolaha iyo waxyaabaha laga keeno miyiga ay joogsadeen.