29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wareysi: Maxaa ku qornaa warqaddii uu CC Shakuur u diray madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kalena ah ergeyga madaxweynaha ee arrimaha abaaraha ayaa dhawaan qoraal u direy madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqaddaas ayaa waxa uu kaga hadley tallooyin ku aadan arrimo dhowra oo ay ka mid yihiin hanaanka doorashada, dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay VOA ayaa faah-faahin ka bixiyay waxa ku qornaa warqadaasi, isaga oo sheegay in madaxweynaha uu la wadaagay in nidaamkii kusoo baxay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran uusan waaqici ku dhisneyn.

“Madaxweynaha waxaa la wadaagay in nidaamka hadda uusan dalkaan u saalix aheyn, waxaa ka hadlay in laba xisbi iyo dastuurka la beddelo iyo weliba in mashaariicdaas waaweyn oo dhan aan lagu fulin karin afar sano,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qoraalkaas uu madaxweynaha kula wadaagay in madax goboleedyada oo badankooda uu muddo xileedkooda dhamaaday ama gabaabsi yahay aysan laheyn sharciyad ay uga go’aan gaari karaan masiirka dalka.

“Dadka kala heshiinaya arrintaas in iyaga laftooda ee dowlad uu muddo xileedkoodii dhamaaday oo aysan laheyn sharciyad iyo amaanad ay dal masiirkii ku gooyaan aysan laheyn.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa aaminsanahay in waxaan niyad wanaag ka tahay madaxweynaha oo ay ka tahay in dalkaan hore loo dhaqaajiyo. Arrintaan waxay u baahan tahay dood adag oo furan oo saraaxa ah oo dadka ka baxsan siyaasiyiinta ah ee khubarada ah ee dastuurka iyo sharciga yaqaan la keeno.”

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha uu qaatay qaar kamid ah tallooyinka u jeediyay, taasi oo aheyd in uu la fariisto saamileyda siyaasadda, oo uu dadka talo galiyo oo uu la tashado, taasi oo uu dhawaan sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh.

“Tallooyinka qaar ee aan siiyayna waa fuliyay, waa ku mahadsan yahay madaxweynaha,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi siiyay VOA.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda Xasan ay xoogga saarto oo hirgeliso nidaamka xisbiyada oo kal xukunkiisi hore sharci la xiriira la ansixiyay, lagana dhigo tiro wadar-ogol ah, kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah haddii laga gaaro.

“Waa in xisbiyadii la furaa oo waxaa laga dhigi karaa 10 sida Turki oo kale ama waa la kordhin karaa ama laga yareyn karaa, waa in dadkii Baarlamanka ee Xildhibaannada lagu qasbaa in xisbiyada galaan, oo doorasho qof iyo cod ah ama doorasho toos ah waa in la qabtaa middii laga gaari karo.”

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran;

Ergey Cabdikariim Guuleed oo si weyn loogu weeraray tallaabo uu maanta qaaday

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa si weyn loogu weeraray kulamada wadatashi ee uu ka wado maamulka Koonfur Galbeed.

Ergey Guuleed ayaa maanta kulamo wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankaas ayaa ergeyga madaxweynaha waxa uu dhinacyadaas uga dhageystay arragtiyooyinka iyo fikradaha ay ka qabaan dib u billaabidda hanaanka wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergeyga ayaa xubnaha ka qeyb-galay kulanka uga warbixiyay sooyaalka wada-hadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan umadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi kadib uu ka dhageystay arragtiyadooda, iyagoona soo gudbiyay tallooyin wax tar u leh qorshaha wada-hadallada, sida uu sheegay xafiiska ergeyga gaarka ah ee mdaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Haddaba, Sidee ayaa tallaabadan loogu weeraray ergey Guuleed?

Bashiir Ibraahim Xasan: “Hantidii reer Koonfur Galbeed looga dhacay Somaliland kasoo celi haddaa ergey loo magacaabay Soomaaliya aad tahay.”

Cabdi Cali Raage ayaa isna waxa uu yiri: “Shaqo la’aan badanaa awalba mushaar ayaa lala rabay ee ergey ma aheyn.”

Sharmaarke oo kamid ah dadka sida weyn u weeraray ergey Guuleed ayaa waxa uu yiri “– Soomaalidu ninkay waxaraha kala quusato ayay geela raacsataa.”

“Ergey beela nin mushaar si loogu qoro la waayey dheh,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim Camoow oo isagu dhaliilsan hanaanka uu wax u wado ergeyga.

Maxamed Shaale ayaa isna yiri: “Wax aan loo baahneyn ha ku daba wareeganin awalba si mushaar lagugu qora unbaa la rabey tiiba dhacdey in lagu magacaabo xilkaas. Aad Somaliland koley waxba kama qabaneysee, Koonfur Galbeed Soomaaliya dagaal kalama dhaxeeyo.”

Axmed Maxamed Dakare: “Koofur Galbeed maxaa ka yaal war orod Burco iyo Hargeysa tag ayaagaa laguu diree. Magac uyaal lama rabee.”

“Konfur Galbeed ha ku meereysan ee SSC aad ku dhaha,” ayuu yiri Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu maanta qaaday ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Muxuu yahay erayga ku qoran baasaboorka Soomaaliya ee Sh.Umal dooddu ka keenay?

Nairobi (Caasimada Online) – “Bal waxaad is weydiisaan dowladda Soomaaliya iyo Soomaali, meesha ‘sex’ maxay uga guureen oo ay ‘Gender’ u qaateen,” su’aashan waxaa dad uu ka hor hadlayey usoo bandhigay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dood ka qaba eray bixinta ‘gender’ oo ku qoran baasaboorka Soomaaliga.

Baasaboorrada ay dowladuhu u sameeyaan muwaadiniintooda si ay ugu safraan iyo aqoonsiyada ayaa waxaa ku qoran eray bixinno lagu aqoonsado xogta qofka wata, sida taariikhda dhalashada iyo halka uu ku dhashay qofku.

Xogtu waxay gaar u tahay qofka wata aqoonsiga lamana turjumo, balse tusmooyinka sida erayada ‘magaca’, “taariikhda dhalashada’ iyo ‘halka laga bixiyey’ aqoonsiga ayaa lagu turjumaa luuqad kale oo badanaa ah mid ama qaar ka mid ah kuwa caalamiga ah sida Carabiga iyo Ingiriiska.

Baasaboorka Soomaaligu wuxuu ka mid yahay kuwa eray bixintooda lagu turjumo laba luuqadood oo aan af Soomaaliga ahayn, kuwaas oo kala ah Carabi iyo Ingiriis.

Haddaba waxaa muran dhaliyey turjumada afka Ingiriiska ee lagu turjumay eray ka mid ah kuwa ku qoran baasaboorka soomaaliga, waana erayga “jinsiga” oo loola jeedo lab ama dheddig midka uu yahay qofka wata aqoonsiga.

Sheekha ayaa ku tilmaamay wax laga fiican yahay xulushada ereygaan marka loo dhaqan ahaa.

Aqoonsiyada la midka ah kan Soomaaliga ee lagu turjumo afka Ingiriiska iyo xitaa kuwa asal ahaan Ingiriisku u yahay afkooda hooyo, waxaa erayga jinsiga qofka ku qoran baasabooro badan oo Afrikan, Yurub iyo wadamo muslim ah ereyga ‘sex’ halka kan Soomaaliga uu ku qoran yahay ‘gender’.

Muxuu yahay farqiga u dhexeeya labada eray?

Sida ku cad qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda ingiriiska, erayga ‘sex’ wuxuu tusmeynayaa kala duwanaanshaha jinsiga abuurka alle oo ku salaysan xubnaha taranka ee qofka iyo tusmada hidde sidaha oo afka sayniska loogu yeero (Chromosomes) taas oo ka dhigan in qofka uu noqon karo oo kaliya laba ama dheddig, inkasta oo ay jirto xaalad kale oo qofka laga wada helayo xubiniha jirka ee u gaarka ahaa labka iyo sidoo kale kuwii dheddigga.

Halka erayga ‘Gender’ uusan ku koobnayn jinsiga abuurka alle oo kaliya ee sidoo kale uu fursad siinayo qofku siduu isku arko, laba, dhadiga ma intaa wax dhaafsiisan, waana tan halka doodu ka dhalatay.

Qeexitaankan waxaan kasoo xigannay qaamuusyada afka Ingiriiska iyo sidoo kale eray bixinnada dowladda Ingiriiska oo iyadu muhiimad gooni ah siisay kala soocidda micnaha labada eray maadaama erayga ‘gender’ uu aqoonsanayo jinsiyo dheeri ka ah lab iyo dheddig ama waxa uu qofku isu aqoon sanayahy iyo sidoo kale waxa bulshadu u aqoonsan tahay.

Waxaa soo baxay dad su’aal geliyey haboonaanta eraygaas ee in uu ku qornaado baasaboorka Soomaaliga ah isaga oo leh micno ka duwan kan ‘sex’, waxaana u dambeeyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo baraha bulshada lagu arkay isaga oo dhaleecaynaya dowladda Soomaaliya kuna eedeynaya in ay u gogol xaareyso aqbalaadda wax ay diideen “dalal aan muslimiin ahayn”.

Xulashada eray bixinta

Maxaa loogu doortay eraygan in lagu qoro baasaboorka Soomaaliga ah?

Waxaa sannadkii 2016 goob fagaare ah lagu weydiiyay su’aashan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markaasna ahaa madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse ku jawaabay, “aniga labadooda kee dooranaysaa haddii lay oran lahaa kalmadda gender-ka ayaan dooran laha kalmadda kale maba doorteen,” ayuu yiri madaxweyne xasan Sheekh oo qoslaya.

Waxaa xusid mudan in aysan eraygan baasaboorkooda u isticmaalin qaar kamid ah dalalka afka Ingiriisku u yahay kan kowaad sida Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka Canada Autralia iyo Newzealnd, waxayna dhamaan baasaboorradooda u isticmaalaan erayga ‘sex’.

Sidoo kale dalalka Islaamka iyo kuwa Afrika ayaa iyaguna isticmaala erayga ‘sex’ oo aan isticmaalin ‘gender’ sida soomaalida marka ay eray bixinnada ku turjumayaan afka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahatee baasaboorka Soomaaliga ayaa sameynayey kor u kac dhanka dalalka lagu safri karo dal-kugal la’aan iyo sidoo kale isaga oo hantay dalal cusub oo aqoonsada.

Soomaaliya ayaa qiimeyntii u dambeysay ee awoodda baasaboorada kaga jirta kaalinta sagaashan iyo sagaalad taas oo muujineysa in baasaboor Soomaaliga uu sare uga soo kacay maaddaamaa uu sannadkii hore ku jiray kaalinta 103.

Dhanka kale Baasaboor Soomaaliga ayaa waxaa lagu booqan karaa 35 dal oo uu qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visa ku qaadanayo garoonkooda halka markii hore ahayd 25 dal.

Waxaa ka hooseeya shan waddan oo kala ah Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan.

Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

Waxaa jira dalal kale oo ay Soomaalida si fudud uga heli karaan oggolaanshaha gelitaanka, ka hor inta aysan safrin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Angola iyo Sri Lanka.

Isha: BBC

Maxaa ka jira in Garaadada Khaatumo ay ku kala jabeen raali-gelintii la siiyey DF?

Laascaanood (Caasimada Online) – Afhayeenka Isimada dhaqanka SSC-Khataumo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dhammaan Isimada SSC-khaatumo ay ku midaysan yihiin raali-gelinta la siiyey dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya raali-gelin ka siiyey hadalkii uu Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

Hase yeeshee, waxaa saacado kadib soo baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah Isimada ay diideen raali-gelinta, islaamrkaana ku kala jabeen arrintaas. Balse Garaad Cabdisalaan ayaa arrintaas beeniyey.

Garaad Cabdisalaan ayaa sheegay in warqadda raali-gelinta ay saxiixeen dhammaan 14-ka Garaad ee Golaha Khaatumo ka hor inta aan la baahin. 

“Marka hore waxaan u caddaynaynaa umaddeena meel kasta oo ay joogaan in aysan Isimadu is khilaafsanayn. Warqaddana dhammaan way wada akhriyeen oo ishay mariyeen waana ku wada qanacsan yihiin,” ayuu yiri Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacabka SSC-Khaatumo iyo Soomaalida kale ee taageersan kacdoonka SSC-Khaatumo in aysan ku dhicin dacaayadda cadowga. Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya golaha guurtida ee SSC-Khaatumo,” ayuu yiri.  

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in aysan marna dagaal siyaasadeed la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliya balse dagaalkoodu ku jihaysan yahay dhinaca Somaliland oo keliya.

Arrimaha Guudlaawe lagu haysto kadib safarkii Xasan Sheekh (4 qodob xasaasi ah)

Jowhar (Caasimada Online) – Dood xooggan oo la xiriirta xaaladda amni, dhaqaale, horumar iyo midnimo ee maamulka HirShabeelle ayaa qabsatay warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kasoo laabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, sababo amni lala xiriiriyay.

Inkasta oo aanay cadeyn in qorshaha madaxweynaha uu ahaa in uu magaalada galo ama inuu garoonka kula soo kulmo madaxda maamulka iyo saraakiil ciidan, haddana waxaa deg deg u billowday guux ku saabsan in Cali Guudlaawe uu la lumay hoggaankii maamulka.

Dadka HirShabeelle kasoo jeeda waxay dareemayaan in loolankii maamul-goboleedyada looga adkaaday oo ay yihiin maamulka hadda ugu dambeeya dalka.

HirShabeelle waxaa la aas-aasay 2016-kii, inkasta oo xagga jiritaanka uu HirShabeelle yahay maamul-goboleedkii u dambeeyay ee la dhisay, haddana wax badan kama uusan dambeynin Galmudugtii Cadaado lagu aas-aasay 2015.

Haddaba, Maxaa lagu haysta Cali Guudlaawe?

Cali ayaa waxaa lagu qiimeynaya waxa uu ka qabtay afartaan arrimood;

1. Amniga

In madaxweyne Xasan Sheekh uu Jowhar diyaarad ku tago, in uusan gudaha magaalada aadin sababo la xijinayo dhanka amniga iyo isbaarooyinka daadsan deegaanada HirShabeelle, waxay dhamaan bixinayaan in uusan jirin amni, ciidan mideysan iyo shaqo uu maamulka dhankaas ka qabtay mudaddii uu xilka hayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

2. Isku haynta maamulka

Midnimada HirShabeelle ayaa geed ka laad laada, Hiiraan ayaa weli buuq ka taagan yahay, inkasta oo buuqa reer Hiiraan jiray Cali Guudlaawe kahor, haddana hadda waxay gaartay in la isku dayo in maamulkii mid kale laga agdhiso.

Heerkaan oo kale xaalka midnimadu ma gaarin intii ay jirtay xurguftaan ayay leeyihiin dadka ku doodaya in uusan Cali waxba ka qaban midnimada iyo isku haynta maamulka HirShabeelle.

3. Horumarka maamulka iyo mashaariicda

Midda saddexaad ee Cali Guudlaawe lagu haysto waa horumarinta hay’adaha dowladda, dhismayaasha iyo mashaariicda.

Dadka waxay ku doodayaan in uusan Cali ka tageyn wax weyn oo laga dhaxlo. HirShabeelle waxaa deris la ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Dadka kasoo jeeda HirShabeelle waxay cabir ka qaadanayaan xaaladda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaasi oo laga hirgeliyay mashaariic badan labadii sano ee u dambeysay.

Cali Guudlaawe arrintaana si weyn ayaa loogu haysta, welina dadkiisa uma sharaxin sababta uu wax mashaariic horumarineed ah iyo dhismayaal u heli waayay maamulku.

4. Heerka siyaasadda federaalka iyo wada-shaqeynta

Siyaasiyiinta heer federaal ee kasoo jeeda HirShabeelle ayaa cilaaqaad weyn iyo kaalin talo wadaag ah la laheyn hoggaanka maamulkooda.

Is-diidid aan sababteedu cadeyn ayaa muuqata, meesha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland siyaasiyiinta heer federaal ay safka hore ka taagan yihiin u adeegida maamulkooda, wax ku leeyihiin tallada, sidoo kalena ay u ololeeyaan horumarinta maamulladooda.

Afartaan arrimood ayaa kamid ah waxyaabaha lagu haysto hoggaamiyaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Mowqifkii ERDOGAN ee Netanyahu oo is-beddelay – Maxaa dhacaya 28-ka July?

Ankara (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye.

Netanyahu ayaa la qaabili doonaa maalmo kadib hoggaamiyaha Falastiniyiinta Mahmoud Abbas, oo la filayo 25-ka July, ayey sheegtay madaxtooyada Turkey.

“Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxa uu soo dhoweyn doonaa madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu toddobaad gudihiis,” ayey madaxtooyada ku tiri war-saxaafadeed.

Hogaamiyayaasha ayaa ka wada hadli doona “Xiriirka Turkiga iyo Falastiin iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo Falastiin, iyo sidoo kale arrimo kale oo caalami ah,”, ayay raacisay.

Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyey booqashada oo noqoneysa tii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare Israeli ah, tan iyo Ehud Olmert oo booqday Turkey 2008.

Dadaallada diblamaasiyadeed ee Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli geeddi-socodkii nabadda ee Israel iyo Falastiin uu hakad ku jiro, ayada oo ay jiraan rabshadihii ugu xumaa ee sanado ka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto.

Bishii April, isku dhacyo ayaa ka dhacay gudaha Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaasi oo booliska Israel ay kula dagaalameen Falastiiniyiinta.

Erdogan ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay “khadka cas”.

Hase yeeshee kadib dhowr sano oo xurguf ay dhaxeysay labada dal, xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa soo hagaagayay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen booqashooyin heer sare ah, oo ay ku jirto mid madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey.

Xiriirka ayaa xumaaday sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay weerar culus ku qaadeen markabka Turkiga laga leeyahay ee Mavi Marmara, kaasi oo doonayay in uu gargaar gaarsiiyo marinka Gaza oo ay Israel go’doomisay ayna maamusho kooxda Xamas.

Bishii May 2018, Turkiga ayaa u yeeray safiirkii u joogay Tel Aviv, wuxuuna eryay safiirkii Israel ee Ankara kadib markii ciidammada Israel ay Gaza ku dileen ilaa 50 Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa ku aargudatay inay cayrisay qunsulkii guud ee Turkiga u joogay Qudus.

© AFP, VOA

PUNTLAND oo shaacisay arrin xasaasi ah oo DF ay ku cadaadineyso SSC-Khaatumo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay cadaadis xooggan ku hayso hoggaanka SSC, si ay ula heshiiyaan Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo eedeyntaasi u jeediyay dowladda federaalka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin hadalkii uu dhawaan Nairobi ka jeediyay Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasi oo uu raali-gelin ka bixiyay hoggaanka sare ee SSC.

Garaad Jaamac ayaa xilligaas sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kalena caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay hay’adaha gargaarka u diiday inay mucaawino geeyaan gobolka Sool. Taasi waxa weeyi ujeeddadu in reer SSC cadaadis lagu saaro inay la heshiiyaan maamulka Somaliland.”

Wasiir Maxamuud Ceydiid ayaa sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu indhaha caalamka kasii jeedinayo xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Laascaanood, taasi beddelkeedana uu ku mashquulsan yahay dano-siyaasadeed.

“Xasan Sheekh waaka ku mashquulsan inuu wada-hadallo la billowdo Somaliland, oo duullaan gardaro ah ku haysa dhulka SSC,” ayuu yiri wasiirka oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan.

Waxa uu intaas sii raaciyay“Barnaamijka Xasan Sheekh uu wato, waa in gaar loo jaro SSC. Senatoradii yimid magaalada Garowe waxay sheegeen in barasaab loo soo magacaabi doono marka la xoreeyo SSC.”

Hadalkaan ayaa imaanaya saacado kadib markii Golaha sare ee Khaatumo uu dowladda federaalka Soomaaliya raali-gelin ka siiyay eedeyntii cusleyd ee Garaadka Guud ujeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War-murtiyeed kasoo baxay shir ay shalay magaalada Laascaanood ku yeesheen Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu meel fagaare ah ka sheegay in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Si kastaba, raali-gelinta uu hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo uu siiyay dowladda federaalka ayaa meesha ka saareysa eedeymihii hore iyo soo jeedintii BF ee ka dhanka aheyd madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidee looga fal-celiyey raali-gelintii Khaatumo ay siisay DF kadib gefkii Garaad Jaamac?

Laascaanood (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay raali-gelintii uu golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo siiyay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib shir shalay ay ku yeesheen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay raali-gelinta Khaatumo ka bixisay gefkii Garaadka Guud?

Maxamed Cabdillaahi Faarax: “Golaha dhaqan xumeeyayaasha weeye. Waxani siyaasiyiin xun weeyi isimo maaha.”

Cabdikhalaaq Khadar ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan meesha ku qoran iyo eedeyntii garaadku u jeediyey Xasan Sheekh aad bay u kala duwan yihin.”

“Xasan Sheekh haddii uusan raali ka ahyn duqaynta Somalilnd ka geysanyso Laascaanood muxuu ugu so diri wayey guddi soo baadha xaqiiqada mesha ka jirta ogaatana khasaaraha  weyn ee loo geystay Laascaanood. Fashil siyaasaded weeyi.”

“Gun baad tihiin, wax dhalinyarada ay u dhintaan madaxna ugu ahaataana ma tihidiin. Waa in la idin boor qaadaa,” ayuu yiri Sakariye Suldaan.

Saalax Faarax: “Isku xishooda oo Ilaahay ka baqa oo dhalinyarada dhiiggooda aad ka macaashaysan joojiya hadda waxgarad tihiin weeye. Lacag hada rabtaan na waydiiya annaga idin siinayna joojiya waxaan aad wadaan.”

Yaasiin Maxamed Faarax ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxay taasi la micno tahay in garaadka guud ee reerka aan hadalkiisa la qiimaynayn ama la citiraamayn waa in lakala dambeeyaa adeerayaal bahashu ayey saan idinka noqon.”

Daa’uud Cabdi Aarshe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka kasoo baxay Khaatumo ayaa yiri: “Isku milanka siyaasada iyo dhaqanka intaas ba laga dhaxlaa.”

“Dab baa danbas dhala halgankii holeeyadan buu dhalay isimoow nagga xishooda,” ayuu yiri Ismaaciil Xasan.

Maxamed Deeq: “Nimankan dadka halaga qabto oo guddidii hawsha haloo dhaariyo. Fadhiid bay noqdeen.”

Maxamed Cabdullaahi Daahir ayaa isna waxa uu yiri “Muuse Biixina raali-galin u dira!.”

Dalkii u horreeyey oo Islaam ah oo ka aargutay Sweden kadib gubitaankii Qur’aanka

Baghdad (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka dhex-qaraxday Ciraaq iyo Sweden Khamiistii oo la xiriirta kitaabka qur’aanka ah ee dhowr mar lagu gubay dalka Sweden.

War ku saabsan in mas’uuliyiinta Sweden ay mar kale ogolaaden dibad-bax lagu gubayo qur’aanka ayaa horseeday in boqolaal Ciraaqi ah ay saqdii dhexe ee Khamiistii ku xoomaan safaaradda Sweden ee Baghdad.

Dowladda Ciraaq ayaa cambaareysay weerarka, hase yeeshee waxa ku aargudatay inay cayrisay safiirkii Sweden, ayada oo wacad ku martay inay xiriirka u jareyso, islamarkaana baabi’ineyso shatiga shirkadda isgaarsiinta Sweden ee Ericsson ay uga howl-gasho dalkaas.

Xilli uu dibad-bax lagu gubayo qur’aanka uu ka socday safaaradda Ciraaq ee Stockholm, ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mohamed Shia al-Sudani “ayaa amray safiirka Sweden ee Baghdad inuu isaga baxo dhulka Ciraaq.”

Go’aankan “waxaa dhaliyey fasaxyada soo noqnoqday ee dowladda Sweden ay ku ogolaatay in lagu gubo qur’aanka barakaysan, aflagaado loo gaystay xurmada Islaamka iyo gubitaanka calanka Ciraaq,” waxaa sidaas yiri xafiiskiisa.

Ugu dambeyn, qaxooti Ciraaqi oo ku nool Sweden, Salwan Momika islamarkaana ah 37 jir, ayaa ku dul istaagay Qu’raanka, balse ma uusan gubin si la mid ah sidii uu sameeyey bishii tagtay.

Kahor inta aanu falkan dhicin, markii uu warka soo shaac baxay, boqolaal Ciraaqi ah ayaa weeraray safaaradda Sweden ee Baghdad, si la mid ah sidii ay sameeyeen bishii tagtay markii sidoo kale la gubay qur’aanka, kahor inta aanay darbiga dab qabadsiin.

Xaaladda ayaa subaxii Khamiistii caadi kusoo noqotay kadib markii booliska ay xireen waddooyinka gala safaaradda. Ma cadda waxyeelada gaartay safaaradda.

Wasaaradda arrimaha dibedda Sweden ayaa u sheegtay AFP in dhammaan shaqaalaheeda Baghdad “ay bad qabeen” intii ay jirtay deganaansho la’aanta.

Wasiirka arrimaha dibedda Sweden Tobias Billstrom ayaa bayaan ku sheegay in safiirka Ciraaq ee Sweden loo yeeri doono si wax looga weydiiyo weerarkan “aan marnaba la aqbali karin.”

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa kulan deg deg ah qabtay Khamiistii, wuxuuna si xooggan u cambaareeyey weerarka safaaradda.

Hase yeeshee dowladda Sudani ayaa sidoo kale uga digtay Sweden inay ogolaato inuu dhaco dibad-bax kale oo ka dhan ah qur’aanka.

Baghdad ayaa sheegtay inay Stockholm ku wargelisay “soo laabashada dhacdo kasta oo la xiriirta qur’aanka oo lagu gubo dhulka Sweden uu qasab ka dhigi doono xiriirka diblomaasi oo go’a”

Waxyar kadib markii uu falka lagu karaamo dareeyey qu’raanka ka dhacay Stockholm, Baghdad ayaa ku amartay safiirka Sweden inuu dalka isaga baxo.

GAAS: Dastuurka dalka uma baahna isbedel weyn, keliya ha la kordhiyo awoodda…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa markale ka hadlay isku-deyga wax ka bedelka nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee u dambeeyay ayaa lagu gaaray heshiis wax looga beddelayo nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare la beddelo, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo buuq badan dhaliyay.

Cabdiweli Gaas ayaa waxa uu sheegay in dastuurka dalka uusan hadda u baahneyn in wax ka bedel weyn lagu sameeyo, balse la xoojin karo awoodda madaxweynaha.

Gaas ayaa qaba in awoodda madaxweynaha oo xilligaan xadidan la kordhiyo, islamarkaana uu dalka kusii dhaqmo nidaamka madaxweyne iyo ra’iisul wasaare, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadweyne.

“Arrintaan ku saabsan in loo guuro madaxweyne iyo ku-xigeen dood badan ayaa ka qabnay, anaga waxaa qabnaa in nidaamka uu sidaan iska ahaado oo madaxweynaha uu yeesho awood dheeraad ah oo fiican, oo sida dastuurka ku qoran ka bedelan loo sameeyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in aan laga guurin hanaanka hadda jira oo ah nidaam ay So⁰omaalida taqaano oo lagu dhaqmayay illaa 60-kii, sideedaba dhisida dowladnimada waqti dheer ayay qaadata.”

Gaas ayaa kamid ahaa madaxdii hore ee dhawaan magaalada Muqdisho kula shiray madaxda sare ee dowladda federaalka, kuwaasi oo kala dooday heshiiskii u dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran, oo qeyb ka ahaa wax ka beddelka hanaanka dowliga ah ee hadda jira.

Marka laga soo tago hadalka Gaas, siyaasiyiin iyo aqoonyahano dhinaca dastuurka ayaa aaminsan in dastuurka dalka uu sal u yahay khilaafyada inta badan u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, maadaama madaxweynaha la doorto, ra’iisul wasaarahana uu isagu magacaabo, mararka qaarna ay kala fikir duwanaan karaan.

Taas ayaa haddana waxay usii gudubta nidaamka doorashooyinka dalka iyo awood qeybsiga qabiilka ku saleysan oo isna sameeyay hanaanka wada-shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Sawirro: Maxay yihiin ciidanka cusub ee ka howlgali doona magaalada MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo kamid noqonay kuwa gobolka, kuwaas oo tababar gaar ah ku qaatay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye.

Ciidamadan oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano, isla-markaana lasoo xulay ayaa waxaa shalay booqasho ugu tegay duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay dhowaan kusoo biiri doonaan booliska, gaar ahaan ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Sidoo kale waxa ay ka qayb qaadan doonaa sugidda amniga iyo sidoo kale horumarinta caasimada Muqdisho, sida uu shaaciyay maamulka gobolka Banaadir.

Yuusuf Madaale oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howl iyo shaqo adag, maadaama laga rabo inay isbeddal ka keenaan caasimada.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan shacabka, isla-markaana laga rabo inay u turaan dadka rayidka ah, maadaama ay ka shaqeynayaan iaalinta deegaanka.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro toos ah oo ay ka dambeeyeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana kamid ah  weerarkii horraantii sanadkaan ka dhacay gobolka, kaasi oo  geystay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur lixaad leh.

Maamulka ayaa hadda wada qorshe ballaaran oo lagu sugayo amniga xarunta iyo guud ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxayna aheyd maalmo kahor markii heegan la galiyay ciidanka ka shaqeeya xafiisyada Dowladda Hoose ee Xamar.

Si kastaba, ciidamada lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan.

Wasiirka arrimaha dibedda SHIINAHA oo la la’yahay

Beijing (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Qin Gang ayaa la la’yahay ayada oo aan fagaare lagu arag muddo ka badan saddex toddobaad, inkasta jadwalka diblomaasiyeed ee Beijing ay ka buuxaan kulamo heer sare ah.

Maqnaanshaha daba dheeraaday ee Qin ayaa abuuray xan badan oo ku saabsan halka uu jiro, wuxuuna mar kale tooshka ku ifiyey dhaqanka mugdiga badan ee Xisbiga Shuuciga ah (CCP) ee Shiinaha.

Goormaa u dambeysay oo la arkay Qin?

Qin laguma arag fagaare tan iyo June 25, markaasi oo uu wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa dalalka Ruushka, Vietnam iyo Sri Lanka.

Muuqaalkii ugu dambeeyey ee Qin ee warbaahinta dowladda ayaa ahaa kulan uu la qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda Ruushka Andrey Rudenko, kaasi oo booqday Beijing wax ka yar 48 saac kadib kacdoonkii ay sameeyeen kooxda Wagner.

Wixii markaas ka dambeeyey, Qin oo wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabay December, ayaa ka maqnaa kulamo diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo ka dhacay Beijing.

Qin ayaa lagu waday inuu la kulmo madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell 4-tii July, hase yeeshee saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku dhowaaqay in China ay baajisay wada-hadallada sharaxaad la’aan, ayada oo maalmo kahor un soo sheegtay.

Qin ayaa kadib ku guul-darreystay inuu ka qeyb galo kulamo si aad ah isha loogu hayey oo uu la yeelan lahaa xoghayaha maaliyadda Mareykanka Janet Yellen iyo ergeyga cimilada u qaabilsan Mareykanka John Kerry.

Intii uu socday kulanka wasiirada arrimaha dibedda ururka dalalka koonfur bari Asia ee ASEAN ee Jakarta ka dhacay toddobaadkii tegay, China ayaa waxaa matalay Wang Yi, oo xilka wasiirka arrimaha dibedda kaga horreeyey Qin, balse uga darajo sarreeyaa xisbiga CCP.

Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa xilligaas sheegtay in maqnaanshaha Qin ay ugu wacan tahay “sababo caafimaad” hase yeeshee sharaxaaddaas ayaa laga reebay qoraalka rasmiga ah.

Wixii markaas ka dambeeyey saraakiisha Shiinaha ayaa ka leex-leexanayey su’aalo la xiriira caafimaadka Qin iyo halka uu ka baxay.

Daah-furnaan la’aanta Beijing ayaa abuurtay xan badan oo ka taagan gudaha iyo dibedda Shiinaha, oo ay ku jiraan warar sheegaya in Qin ay isku dhaceen hoggaanka Shiinaha.

Si kastaba Qin ayaa weli wuxuu website-ka wasaaradda arrimaha dibedda ugu qoran yahay inuu yahay wasiirka arrimaha dibedda.

Waa maxay asalka Qin?

Qin, oo ah diblomaasi rug caddaa ah, ayaa muddo loo arkay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, islamarkaana xiddig soo kacaya ka yahay xisbiga CCP.

57 jirkan kasoo jeeda gobolka Tianjin ayaa u shaqeynayey dowladda Shiinaha tan iyo 1980-maadkii, isaga oo badanaa qaban jiray doorar la xiriira arrimaha dibedda.

Ka hor inta aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibedda, Qin wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo diblimaasi, oo ay ku jiraan wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo xilal kala duwan oo uu ka qabtay safaaradda China ee UK.

Qin waxa kale oo uu madax ka ahaa waaxda hab-maamuuska 2014-2017, isaga oo u xil saarnaa qabanqaabada socdaallada Xi ee dibadda iyo in uu aad ugu dhow yahay hoggaamiyaha Shiinaha.

Dhawaan, Qin waxa uu 11 bilood safiir ka ahaa Maraykanka, halkaas oo magacaabistiisa si weyn loogu fasiray calaamad muujinaysa in Xi uu laba jibaaray diblomaasiyadda “dagaal-yahan”.

Intee in le’eg ayaysan caadi aheyn waayitaanka Qin?

Caadi ma ahan in dadka darajada sare ee Shiinaha la waayo muddo dheer iyada oo aan sharraxaad laga bixin, in kasta oo sannadihii ugu dambeeyay arrintan ay ku badneyd ganacsatada iyo dadka caanka ah marka loo eego siyaasiyiinta.

Aasaasaha Alibaba Jack Ma, atariishad Fan Binging iyo ciyaaryahanka Tennis-ka Shiinaha ee Peng Shuai ayaa ka mid ah dad badan oo caan ah oo laga waayey fagaarayaasha sannadihii u dambeeyay.

Xaaladaha qaarkood, shakhsiyaad caan ah ayaa dib u soo noqday bilo ama xitaa sanado ka dib si loogu eedeeyay dambiyo.

Nidaamka cadaalada ee Shiinaha waxa uu leeyahay heer xukun dambi ku helista ay ku dhowdahay boqolkiiba 100, saraakiishuna waxay si joogto ah ugu diidaan tuhmanayaasha inay helaan matalaad sharci ama inay la xiriiraan caalamka.

Fal-celin culus oo ka dhalatay weerarkii Lafta-gareen ee Shabaab-ka Raxanweyn

Baydhabo (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay eedeyn yaab leh oo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u jeediyay xubnaha beesha Raxanweyn ee ku jira kooxda Al-Shabaab.

Lafta-gareen oo shalay hadal ka jeediyy shirkii Golaha Wasiirrada ee maamulka ayaa sheegay in Shabaab-ka Raxanweyn ku jira uu yahay kan ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira kooxda, marka la eego dhiggooda beelaha kale ee qeybta ka ah Al-Shabaab.

“Waxay rabaan in hooyadood iyo caruurtooda inta joogaan oo nin kale oo Soomaaliyeed uu ku qanciyo waa la cuna-qabateyna, ayagana ay ku qancaan oo raali noqdaan, halka dadkii kale ee lamidka ahaa ee iyaga la jooga yiraahdan meel hebla lama cuna-qabateyn karo oo shacab ayaa jooga,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka kasoo jeedo deegaankaas ee ku jira kooxda ay raali ka noqdaan go’doominta Baydhabo.

“Anaga meeshii ugu xumeyd ayuu nooga soo toosay oo dadkii ugu daciifsana ayaa noo tegay Al-Shabaab, nasiib darro waaye laakiin in aan sidaas u barano oo saas u ogaano ayaa muhiim ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Lafta-gareen.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay hadalka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen?

Asmar Xuseen: “Meel gacan ka hadal u baahan hadal wax uma taro ee Khawaarijta umada ka xorey.”

Saabir ayaa isna waxa uu yiri “Meeshan wad ku fashilante walaal ka wareeg umadda dad wax u qabanaya ayaa imanaaye.”

“Shabaabka iska celiya mudane lafta gareen shabaabka maamul kobaleed dhan baadtahay ee iska daa calaacalka,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Cismaan.

Ibraahim Malaas: “Lafta-gareen warkiisa waxaa u fahmay Baydhabo waa la cuna-qabateeyay ee tuulooyinka kale hala cuna-qabateeyo.”

Sakariye Maxamed ayaa yiri “Hadal run ah buu ka sheegay wallaahi. Raxanweyn Al-Shabaab ah noole ka xaasidsan majiro.”

“Meel hoo ubaahan hadal waxba ka mataro, calaacalka intaa iska deysaan Khawaarij iska celiya,” ayuu yiri Muuse Cabdi.

Dr. Gurey: “Dhibkii Hawiye aad ku hayseen maanta idinka uu idinku soo laabtay po xaqii baa feeraha ka dilaacay, iska baashaala Gareenow, islaaya hee markiina waaye.”

Yaasiin Abdirashid Abdulkadir ayaa isna waxa uu yiri “Shabaab caqli malaha kuwa reer Koonfur Galbeedna ka sii daran waa mid xaqiiqa ah.”

“Madaxweyne calaacalaya adiga ka hor la’ma arkin xilligaan calaacal looma baahna ee run ayaa loo baahan yahay,” ayuu yiri Sahal.

Mowliid Xuseen: “Laftagareen, adigana maad isku dartid ileen qeyb baad ka tahay dadka cuuryaamiyey bulshada reer Koonfur Galbeed.”

“Xaqiiqda dhabta ah ayuu ka hadlay kuwa Mayga ah ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda ayaa ugu xaasidsan waana kuwa loo adeegsado araxyada iyo is-qarxinta,” ayuu yiri qof kale oo ka fal-celiyay hadalka madaxweyne Lafta-gareen.

Maxamed Cali Saciid ayaa isna waxa uu yiri “Lafta-gareen iyo Shabaab gobol dhibaato isku mid ah ayay ku hayaan. Waayo asagu waa meesha kama tage waxna kama tare.”

Maxamed Khaliif Cilmi: “Calaacal lama rabe wixii ciidan aad tababaraneysay aaway? ma iskaga dhicisid.”

Khasaaraha Soomaalida ee dibad-baxyada dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Soomaalida ah ee Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda dalkaasi.

Mucaaradka Kenya ayaa muddooyinkii dambe dibad-baxyadaan dhigayay todobaadkii mar, kaasi oo saameyn taban ku reebay dhanka ganacsigooda.

Ganacsatada Soomaalida ayaa sheegay in ay yaraadeen dadkii wax ka iibsanayay, taasi oo ay usii dheer tahay in goobahooda ganacsiga ay hortaagan yihiin saacado badan.

Sidoo kale waxay warbaahinta la wadaageen wal-walka ay ka qabaan boob ay u geystaan dad kusoo hoos dhuuman kara dibad-baxayaasha iyo rabshadahaasi ka socda dalka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayay ka dalbadeen in ay raadiso xal ka duwan midkaan, iyaga oo ka dhawaajiyay haddii uu sii socdaan dibad-baxyada in albaabada la isugu dhufan doono goobo badan, maadaama canshuur laga qaado iyo kirana ku socoto iyaga oo aanay wax faa’iido ah helayn.

“Ciidamo gaar ah waa inay geyso goobaha ay yaallaan hantida dadweynaha sida suuqyada,” ayay u sheegeen warbaahinta si uu u yaraado wel-welka haysta, islamarkaana ay helaan kalsooni muujineysa in hantidooda uga badbaadi karto in la boobo.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa markii u horreysay dhankiisa qiray in dibad-baxyada mucaardka uu dalkiisa kasoo gaaray dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah iyo saameyn kale.

Ruto ayaa xiligaas ku dhawaaqay in aanay dhici doonin dibadbax iyo rabshado kale oo dalkiisa ka dhiga meel halis ah, islamarkaana ay ka weecdaan dadka dhaqaalaha badan soo gelinaya.

Dibad-baxyada sii soconaya ayaa lagu soo waramayo in cabsi weyn ay ku abuureen dadkii u dalxiis tagayay waddankaas, iiyaga oo naftooda ula cabsanaya waxyeello kasoo gaarta rabshadaha kasii soconaya dalkaasi.

Sawirro: Maxamuud Siyaad oo kulamo ka wada GEDO

0

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugnaa gobolka Gedo ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Mudan Maxamuud Siyaad ayaa waxa uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada luuq ee gobolka Gedo.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiinta heerarka kala duwan ee maamulka iyo bulshada deegaanka, waxaana looga hadlayay wada-shaqaynta bulshada iyo dowladda ee dhinacyada nabad-galyada, horumarka iyo dib-u-heshiisinta.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Safarka madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad-goboleedka Jubbaland, masuuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacabay gobolka Gedo, kaasi oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa la filayaa inuu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere, halkaasi oo uu booqan doono madaxweyne ku-xigeenka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii ay dhawaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, islamarkaana ay u magacowday maamul cusub.

Si kastaba, saddexdii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland, hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaasi.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Somalia iyo Jabuuti?

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beene-beene) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa halkaasi ka wada kulamo muhiim ah.

Wasiir Maxamuud Beene-Beene ayaa waxa uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Ilyas M. Dawaleh.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday waayo-aragnimada daddaalka loogu jiro sidii loo gaari lahaa horumar dhaqan-dhaqaale kaasi oo ugu danbeyntii horseedi kara xal kama danbeys ah.

Sidoo kale waxaa kulanka labada masuul looga hadlay xoojinta iskaashiga ku qotoma walaaltinimo iyo wax wada-qabsi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Wasiir Maxamuud Beene-Beene ayaa uga mahad-celiyay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Dalka Jabuuti, Ilyas M. Dawaleh soo dhaweynta uu u fidiyay isaga iyo wafdigiisa.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, ayada oo kaalin weyn ka soo qaadatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya kadib bur-burkii dalka, waxay sidoo kale qeyb ka tahay howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS (Ex-AMISOM).

Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay halganka shacabka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-Shabaab.

ISRAEL oo dejisay QORSHE cusub oo ay ku dooneyso in Mareykanka uu ku daro liiska…

Jerusalem (Caasimada Online) – Israel ayaa sheegtay inay u oggolaanayso dhammaan muwaadiniinta Maraykanka ah, oo ay ku jiraan Falastiiniyiinta haysta dhalashada Maraykanku inay si fudud ugu safri karaan Israa’iil iyaga oo adeegsanaya garoomada caalamiga ah.

Arrintan ayaa daba socota, dedaalka ay Israa’iil ku doonayso sidii muwaadiniinta dalkeedu ay u heli lahaayeen adeega Visa la’aanta ee Maraykanka.

Illaa 40 dal ayaa Maraykanku u ogolyahay inay dalkiisa ugu safraan Visa la’aan, kuwaas oo ay ku jiraan dalal ku yaalla Yurub iyo qaaradda Asia.

Hase ahaatee codsiga Israa’iil ayaa si weyn loo hor-istaagayey iyada oo dawladda Maraykanku ay ka dalbanaysay in Israa’iil ay si siman ula dhaqanto muwaadiniinta haysta dhalashada Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa asal ahaan ka soo jeeda Falastiin, kuwaas oo Israa’iil ay ka hor istaagto inay dalkaas ka galaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ben-Gurion ee Israa’iil.

Xubnaha doonaya inay u safraan Daanta Galbeed ee la haysto iyo marinka Qaza ayaa ka soo gala xuduudaha Jordan iyo Masar.

Muwaadiniinta kale ee Maraykanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda dalalka carabta ama dalalka Muslinka ah ama kuwa sida weyn u dhaleeceeya siyaasadaha Israa’iil ayaa sheegay inay la kulmaan xannibaado kala duwan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay dawladda Maraykanku kormeerayn oo keliya dhaqan-gelinta siyaasadahan, hase ahaatee ay si dhow isha ugu haynayaan sida rasmi ahaan loogu hoggaansamo siyaasadahan.

Taas ayaa gogosha u xaadhaysa in bisha September go’aan laga gaadho in Israa’iil loo ogolaado in muwaadiniinteedu ay Maraykanka ku iman karaan Visa la’aan iyo inkale.

La-taliyaha amniga qaranka ee Israa’iil ayaa sheegay in siyaasahani ay dhaqan-geli doonaan maalinimadan Khamiista, taasoo sii xoojin doonta xidhiidhka labada dal. Isaga oo rajo badan ka muujiyey in tallaabadani ay dalkiisa u sahli doonto inuu helo adeegyada visa la’aanta ee Maraykanka.

Israa’iil ayaa si aad ah uga gaabsatay inay adeegsato kelmedda Falastiiniyiinta, hase ahaatee waxay isticmaaleen, inay muwaadin kasta oo Maraykan ah oo ay ku jiraan kuwa haysta labada dhalasho ay u fududayn doonaan socdaalka.

Hay’adda tayo-dhowrka Iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka oo gaaray heshiis muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan iyo Mareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa xarunta hay’adda taya-dhawrka ku saxiixday heshiis muhiim ah.

Heshiiskan ayaa dhigaya in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno gudaha Soomaaliya

Maareeyaha hay’adda taya-dhawrka oo ay wehliso maareeye ku-xigeenka hay’adda iyo masuuliyiinta kale ee hay’adda ayaa xafiiska dhexe ku soo dhaweeyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda Isgaarsiinta iyo teknolajiyada, Mareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweynta kadib mareeyaha hay’adda taya-dhawrka iyo maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka qalinka ku duugay heshiiskaas, kaasi oo goobjoog ka ahaayeen wasiir ku-xigeenka wasaarada isgaarsiinta iyo teknolojiyada iyo masuuliyiin kale.

Heshiiskan cusub ee gaareen labada hay’adood ayaa waxa uu abuurayaa qaab-dhismeedka iskaashi ee dhex-maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha ay kamid yihiin;

Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate).

Si kastaba, Heshiiskan ayaa kor u qaadaya wada-shaqeynta hay’adda taya-dhawrka iyo hay’adda isgaarsiinta qaranka, sidoo kalena sahlaya in si dhow ula socdaan agabka elektarooniga iyo kuwa isgaarsiinta ee Soomaaliya la keeno.

Iraq retaliates as Koran desecration roils Sweden

Baghdad (Caasimada Online) – The calm diplomatic relations between Iraq and Sweden were suddenly disrupted on Thursday.

The epicenter of this diplomatic storm was a contentious protest held in Stockholm, where Salwan Momika, a 37-year-old Iraqi refugee living in Sweden, desecrated the Koran, which inflamed Muslim sentiments worldwide.

Sweden’s stance on the issue, grounded in its commitment to free speech, ignited a counter-reaction in Iraq.

A chaotic mob of Iraqis, irate at Sweden’s laissez-faire approach to the incident, responded by storming and setting the Swedish embassy in Baghdad ablaze.

As the violence unfolded, the Iraqi government quickly condemned the embassy attack.

However, in an unexpected turn, Iraq also voiced its disapproval of the Koran protest in Sweden, resulting in a swift series of punitive actions.

The Swedish ambassador was ordered to leave Iraqi territory. Iraqi Prime Minister Mohamed Shia al-Sudani sternly warned Sweden about its repeated permissions for actions perceived as insulting to Islamic sanctities and the burning of the Iraqi flag.

In addition, the government temporarily suspended the operating license of the Swedish telecom giant, Ericsson, hinting at further escalating tensions.

The aftermath of the protests

By dawn, tranquillity had once again prevailed around the Swedish embassy in Baghdad. However, the magnitude of the damage wrought by the overnight attack was still uncertain.

A security source told to AFP that about 20 protesters had been apprehended during the unrest.

In the evening, Baghdad witnessed another gathering of around 200 protesters in the city center.

They brandished the Koran and the Iraqi flag, along with the banners of the Iran-backed former paramilitary Hashed al-Shaabi.

Their chants, “Yes, yes to the Koran!” echoed in the streets as some participants also displayed pictures of Iran’s supreme leader Ayatollah Ali Khamenei and burned a Swedish flag.

Protester Ahmed al-Maliki, 46, reflected the sentiments of many when he labeled the Stockholm protest a “sinful attack” against the faith of two billion believers in the Koran.

International reactions

Reactions to the unfolding crisis weren’t limited to Iraq and Sweden.

In a flurry of international responses, the U.S., France, Turkey, and Lebanon condemned the attack on the Swedish embassy, while the Turkish foreign ministry called on Sweden to take preventative measures against hate crimes targeting Islam and its followers.

The leader of Lebanon’s pro-Iranian Hezbollah movement, Hassan Nasrallah, suggested that the expulsion of the Swedish envoy in Lebanon and the recall of Lebanon’s ambassador to Sweden would be “the minimum required.”

Amidst the flurry of criticism, Sweden stood its ground. Swedish Foreign Minister Tobias Billstrom labeled the attack on their embassy as “completely unacceptable,” reiterating the safety of Swedish employees in Baghdad.

Stockholm police emphasized that their decision to permit the controversial protest was aligned with Swedish laws protecting freedom of assembly and free speech.

Potential for further strains

The fallout from the protest has placed both nations at a crossroads. In a strong response, Baghdad informed Stockholm that any future recurrence of such incidents on Swedish soil would necessitate severing diplomatic ties.

The Jeddah-based Organization of Islamic Cooperation joined the chorus of voices decrying the protest in Stockholm, denouncing it as a “provocative attack” not justified under the banner of freedom of expression.

This echoed a similar sentiment from the Jordanian foreign ministry, which condemned the protest as a “reckless act that fuels hatred.”

As the situation evolves, the incident serves as a stark reminder of the delicate balance between upholding free speech rights and respecting religious beliefs, which is increasingly being tested in today’s polarized world.

US airstrike deals blow to Al-Shabab militants in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – The U.S. Africa Command (AFRICOM) announced conducting an airstrike on July 19, targeting al-Shabab militants in central Somalia.

The “collective self-defense” airstrike took place in a remote area near Hareeri Kalle, about 15 kilometers south of Galcad. Five al-Shabab militants lost their lives in the operation.

AFRICOM stated that the strike supported the ongoing efforts of the Somali National Army against al-Shabab.

The federal government of Somalia had requested the intervention, reflecting the shared commitment to tackle the extremist threat.

AFRICOM is in the process of assessing the results of the operation. Once the assessments were complete, the command stated it would provide further “as appropriate” information.

The battle against Al-Shabab

Since 2006, the Somali government has been locked in a bitter struggle against al-Shabab militants for over a decade.

Despite successfully driving the group out of major cities, al-Shabab still holds significant control in the country’s rural areas.

In August 2022, the Somali army, supplemented by local fighters, embarked on a significant military offensive.

The campaign wrestled control of parts of central Somalia from the militant group.

However, the militants have retaliated by launching attacks on military bases and causing substantial casualties among government forces in the south and central regions.

International support for Somalia

In discussion with VOA this week, the national security adviser for Somali President Hassan Sheikh Mohamud, Hussein Sheikh-Ali, shared that the Somali government anticipates a financial influx in December.

An international donor conference for the Somali security sector will take place in New York.

Co-sponsored by six countries—the United States, the United Kingdom, Turkey, Saudi Arabia, the United Arab Emirates, and Qatar—and the European Union, the conference aims to bolster Somalia’s efforts in combating al-Shabab.

“We are expecting something that would take Somalia up to 2027 when Somalia believes we can take over to fund our security forces completely,” said Ali.

To fortify its defense against al-Shabab, the Somali government receives support from an African Union force and independent Ethiopian forces, who also combat the extremist group.

Several countries, including the United States, Turkey, Eritrea, and the United Arab Emirates, contribute by providing training to the Somali National Army.

The concerted efforts from the international community underline the significance of defeating al-Shabab, a task that will undoubtedly contribute to the broader goal of achieving peace and stability in the region.