31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Jidgooyo Al-Shabab dhigtay gobolka Baay oo la burburiyay iyo horjoogayaal la dilay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal qorsheysan ku burburiyay jidgooyo iyo xarun ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Jameeco ee gobolka Baay.

Xarunta lagu burburiyay howl-galkaan ayaa la sheegay inay kamid tahay fadhiisimo dhowr ah oo maleeshiyaadka kooxda ay doonayeen inay ku cuna-qabateeyaan shacabka ku nool gobolkaasi.

Howl-galkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsan kooxda oo gaaraya 15, kuwaasi oo ay ku jiraan saddex horjooge, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Waxaa gabi ahaan la bur-buriyay jidgooyadii Khawaarijta (Al-Shabaab) waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Waa howl-galkii labaad oo ciidanka xoogga dalka muddo 24 saac gudahood ka sameeyaan wadadaan isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba.

Halkaasi ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysay in ay ku xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan shacabka ku nool gobolka Baay.

Shalay ayey aheyd markii dagaal ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Bayaanka wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawl-galkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.”

Howl-galkaasi ayaa waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka.

Daawo C/casiis Lafta-gareen: Raxanweyn waa kuwa ugu xaasidsan uguna daciifsan ee…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka hadlay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhabo ayaa eedeyn yaab leh u jeediyay kuwa beesha Raxanweyn ee ku jira kooxda.

Madaxweyne Lafta-gareen oo ka hadlayay shirka Golaha Wasiirrada ee maamulka ayaa sheegay in Shabaab-ka Raxanweyn ku jira uu yahay kan ugu xaasidsan uguna daciifsan ee ku jira kooxda, marka la eego dhiggooda beelaha kale ee qeybta ka ah Al-Shabaab.

“Waxay rabaan in hooyadood iyo caruurtooda inta joogaan oo nin kale oo Soomaaliyeed uu ku qanciyo waa la cuna-qabateyna, ayagana ay ku qancaan oo raali noqdaan, halka dadkii kale ee lamidka ahaa ee iyaga la jooga yiraahdan meel hebla lama cuna-qabateyn karo oo shacab ayaa jooga,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka kasoo jeedo deegaankaas ee ku jira kooxda ay raali ka noqdaan go’doominta Baydhabo.

“Anaga meeshii ugu xumeyd ayuu nooga soo toosay oo dadkii ugu daciifsana ayaa noo tegay Al-Shabaab, nasiib darro waaye laakiin in aan sidaas u barano oo saas u ogaano ayaa muhiim ah,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Nin lagu qancinaayo hooyada iyo aabaha waa la go’doomina, hooyadey iyo aabaheyna lama go’doominayo oo aan iyaga aheyn (Raxanweyn) lagama helayo Soomaali ama Shabaab.”

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli magaalada Baydhabo ay wajaheyso xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo.

Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo.

Si kastaba, Waa markii koowaad oo ay magaalada Baydhabo sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen.

Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka

Khaatumo oo DF ka raali-gelisay gefkii Garaad Jaamac

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo oo maanta shir ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa raali-gelin siiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Isimida dhaqanka SSC ayaa dowladda federaalka ka raali-galiyey hadalkii uu hoggaankooda dhawaan u jeediyay ee ahaa in uu raali ka yahay maamulka Xamar duqeynta magaalada Laascaanood ay ka wado Somaliland.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale dowladda federaalka looga codsaday in aanay simin SSC iyo kuwa dalka kala goynaya, sida la fahmi karo loola jeedo Somaliland, oo ay si weyn isku hayaan.

“Waxaan uga mahad-celinaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida ay ugu soo gurmadeen dhaawacyadii iyo dadkii ka barakacay magaalada Laascaanood iyo taageeradooda kaleba,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxay madaxda sare ee dowladda federaalka ka codsadeen in ay sugto xuquuqda dadka iyo deegaanada SSC-Khaatumo ee ay masuulka ka tahay, soona dadajiso wixii ay xaq ugu lahaayeen dowladda.

“Waxaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shacabka Muqdisho uga mahad-celineynaa soo dhaweyntii diiraneyd ee ay y sameeyeen isimid SSC-Khaatumo markii ay booqashada ku tageen Muqdisho.”

Ugu dambeyntiina waxa uu hoggaanka SSC ka dalbaday beesha caalamka in caawimo deg deg ah ay la soo gaaraan dadka laga barakiciyay deegaanada SSC, kuna dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dhawaan ayay aheyd markii Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Garaadka Guud ee SSC ayaa sidoo kale xilligaas waxa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, raali-gelinta uu maanta hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo uu siiyay dowladda federaalka ayaa meesha ka saareysa eedeymihii hore iyo soo jeedintii BF ee ka dhanka aheyd madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Is-barbardhiga mushaarka askariga Soomaaliga ah iyo kan ciidamada ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka sannadka dambe waxaa ku eg muddada joogitaanka ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay iyana isku diyaarinaysay inay amniga la wareegto marka askariga ugu dambeeya ee ciidanka nabad ilaalinta uu dalka ka baxo.

Ciidanka ATMIS oo hore u ahaa hawlgalka AMISOM waxay Soomaaliya ku sugnaayeen tan iyo 2006, waxaana tiradii ugu badnayd ee ciidankaas ay gaartay 22,000 oo askari ka hor inta aan la bilaabin hawlgalka lagu dhimayo tirada askartaas badankood laga keenay Uganda, Burundi, Itoobiya iyo Jabuuti.

Labada kun ee askari ee ATMIS ay dhintay ayaa markii la diray ka dib waxaa dawladda Soomaaliya lagu wareejiyey xeryo ku yaalla gobollada Shabeellooyinka iyo Gedo ee koofurta Soomaaliya kuwaasoo ay ciidankaas ka hawlgali jireen, waxayna kala yihiin Geriley, Marka Ayub, Jaziira 1, Cadale, Arbacow, Miirtaqwo, Xaaji Cali.

Mushaarka iyo faa’iidooyinka kale ee dhaqaale ee askariga Atmis 

Mushaarkooda iyo kharashka ku baxaya hawlgalka waxaa bixiya Midowga Yurub, waxaana la qorsheeyey in askari kasta uu qaato dhamaadka bisha lacag 700 oo Yuuro ah, taasoo u dhiganta wax inyar ka badan $1000.

Dawladaha ay askartaas ka socdaan waxay askari kasta ka goostaan $200, waxaana lacagta tooska ugu soo dhacaysa askariga ay noqonaysaa $800.

Dawladda Soomaaliya waxay qorshaynaysaa in ay mushaarka ciidanka ATMIS ee baxaya loo wareejiyo ciidanka Soomaalida ee amniga la wareegaya, laakinse BBC si madax banaan uma xaqiijin warkaas.

Mushaarka iyo faa’iidooyinka askariga Soomaaliga ah

“Xilligii Farmaajo uu ra’iisul wasaaraha ahaa, Sheekh Shariifna uu madaxweynaha ahaa ayaa la bilaabay in ciidanka mushaar la siiyo, waxaana lagu bilaabay min 100 Doollar askarigiiba, xiddigle ilaa sarreeye gaas, laakin markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka qabtay oo ku meel gaarka laga baxay ayaa heerar loo kala sameeyey ciidanka, kuwaasoo ku salaysan sida look ala sarreeyey darajo ahaan” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo codsaday in aynaan magaciisa sheegin.

Wuxuu intaa ku daray in dhowr goor isbeddel lagu sameeyey mushaarka, laakinse hadda wuxuu sheegay sarkaalkaas ka tirsan xoogga dalka ee codsaday in aan maagaciisa la sheegin in mushaarku uu hadda marayo lacag in yar ka badan $200 inay qaataan askarta aan saraakiisha ahayn, halka saraakiishana ay qaataan lacag intaa kabad oo ka bilaabanaysa xiddiglaha oo qaata lacag ka badan $250, ayadoo sarreeye gaasna uu qaato kun iyo dhowr boqol oo

Faa’iidada aan mushaaraka kaliya ahayn ee askartu ay helaan waxaa ugu horreeya raashinka, waxaase u dheer gunnooyin aan la xaqiijin inta ay yihiin.

Ciidamada ay dalalka ajnabiga ah tababareen, sida Gorgor iyo Danab, ayuu sarkaalkaas sheegay in ay helaan “gunnooyin dheeraad ah oo u dhigma mushaarkooda”.

Dadaalka Dawladda Soomaaliya

La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Xuseeen Macalin ayaan wax ka weydiinay in marka ay baxaan ciidamada ATMIS, dhaqaalihii ay Midowga Yurub ku bixin jireen loo weecin doono Kuwa Soomaaliya.

Xuseen ayaa yiri: “Runtii arrinta dhaqaalaha waxay ku aaddan tahay sidii ay Midowga Yurub ciidamada Soomaaliya ugusoo wareejinlahaayeen taageerada ATMIS ku baxaysa, baddalkeeda ay ciidamada Soomaaliya ku awood siiso.” 

Wuxuu intaas ku daray in dawladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay lixdii bilood ee u dambeysay “kala saxiixdeen heshiis sidii hore ka ballaaran”.

Dhaqaalaha ay dawladda Soomaaliya weydiinsanayso Midowga Yurub oo aan la taliyaha ka codsannay in uu nala wadaago inta uu la egyahay ayuu ka gaabsaday, balse waxa uu sheegay in uu yahay dhaqaale malaayiin doolar ah. Taas oo ah boqolkiiba ka ka mid ah kan hadda ay ku bixiyaan ATMIS.

Soomaaliya ayaa dhawaan Midowga Yurub kulan kula yeelatay magaalada Brusels ee xarunta u ah iyagfa oo sida uu sheegay Xuseen ay kawada hadleen arrimaha kor ku xusan ee ah sidii Taageerada ciidamada Soomaaliya uu Midowga Yurub usii wadi lahaa ka dib marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika.

Maamulka lacagta, Waddada ay soo marto iyo halka ay ka timaado

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah wargeysyada gobolka ka soo baxa oo ah the East African Standard, golaha midowga Yurub wuxuu bishii Luulyo ee sannadkii hore ansixiyey lacag dheeraad ah oo gaaraysa 130 malyan oo doollar oo lagu darayo lacagihii loo aruuriyey hawlgalka AMISOM/ATMIS 2021.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in dhaqaalaha ATMIS la siiyo uu ka yimaado komishanka Yurub, uuna gaaro komishanka Afrika, taasoo ah hay’adda lacagta loo sii mariyo dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Weli waxaa adag in la xaqiijiyo sheegashada dawladda Soomaaliya ay sheegayso in mushaarkii ciidanka ATMIS lagu wareejinayo milateriga Soomaaliya, laakinse waxaa jira qorsheyaal ay waddamada galbeedku ku caawiyaan dhismaha ciidanka iyo sugidda amniga.

Xukuumadda Soomaaliya waxaa 2019 soo food saaray cadaadis kaga yimid beesha caalamka kaasoo la xiriiray in ay askarta mushaarkooda ku siiso xisaabaadka bankiyada, si aysan u dhicin in wax is daba marin la sameyo oo ciidanku ay waayaan lacagta ay helaan.

Waxaa kaloo isla xilligaas ay saraakiil ogaadeen kumanaan magacyo askareed ah oo aan jirin ama ciidanka mar hore ka tegey in ay weli ku jiraan liiska lacag bixinta.

Bixitaanka qaybta u horreysa ee ciidamada ATMIS ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dawladda Soomaaliya sheegtay inay isu diyaarinayso wajigii labaad ee hawlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabab.

Isha: BBC Somali

Daawo: Afar mas’uul oo la horgeeyay maxkamadda gobolka + Lacagta loo haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si toos ah uguda gashay kiis musuq-maasuq ah oo loo haysto 4 mas’uul oo ka tirsan dowladda dhexe.

Afarta mas’uul ee la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kala ah, 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, 2-Cumar Macalin Nuur, 3- Saabir Xasan Cabdinuur iyo 4-Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan ka shaqeynayay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar.

Sidoo kale ninkan ayaa waxaa loo haystaa inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed, sida uu shaaciyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Cumar Macalin Nuur oo isna ah agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xeer ilaalinta qaranka kusoo eedeysay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taas oo ahayd hanti dadweyne oo uu mas’uul ka ahaa.

Eedeysanaha 3-aad Saabir Xasan oo ah madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isaguna loo haystaa lunsashada dakhli dowladeed oo gaarayay ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taas oo ay maxkamaddu sheegtay inuu u maray warqado been abuur ah.

Ninka afaraad waa Aadan Maxamed Cabdi oo isna ah maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaa lagu soo eedeeyay inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeedan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isag aoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabado been abuur ah, sida lagu sheegay eedda.

Dhanka kale, qareenadda u doodaya afarta eedeysane oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa iyaguna ka horyimid eedeymaha qaar oo ay tilmaameen inay baalmarsan yihiin sharciga.

Maxkamadeynta ayaa weli sii socota, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan xasaasiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Xog: Xamza oo ka fakaraya inuu eryo WASIIR sameeyey arrin fadeexad culus dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka fakaraya tallaabo ka dhan ah wasiirka ganacsiga Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid oo hadal uu dhowaan jeediyey fadeexeeyey dowladda federaalka. 

Xilli madaxweyne Xasa Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre ay wadaan dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa, si loo dhiso magaca iyo sumcadda dowladda, ayuu wasiir Jabriil guddi baarlaman ka hor sheegay in dadka ugu horreeya ee uu shaqaaleysiinayo ay yihiin ehelkiisa. 

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaashaa iyo walaalkaa ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, haddaa ku sheegaa ninka u sokeeya ee aan wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jabriil Cabdirashiid.

Hadalkan ayaa hadal hayn badan ka dhex-abuuray baraha bulshada Soomaalida, wuxuuna banaanka keenay nidaamka eexda ku dhisan ee shaqaalaha dowladda lagu qoro. 

Arrinta yaabka leh ayaa ah in wasiirka uusan been sheegin, balse uu si shaacsan u sheegay arrin la wada ogyahay oo dhammaan wasiirada iyo madaxda dowladda ay sameeyaan, oo ah in dadka ehelka la ah ay shaqo siiyaan, ayaga oo aan ku xulan karti iyo aqoon.

Si kastaba, hadalkan ayaa la sheegay inuu ka caraysiiyey ra’iisul wasaare Xamza aadna uga xumaaday, waxaana ilo-wareedyo ka tirsan xafiiskiisa ay Caasimada Online u sheegeen inuu ra’iisul wasaaraha ka fakarayo inuu xilka ka qaado wasiirka.

“Ra’iisul wasaaraha wuu ka carooday hadalkaas, wuxuuna doonayaa inuu wada-hadal la yeesho wasiirka, waxaana suurta-gal ah in xilka laga qaado,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan xafiiska Xamza.

Dhinaca kale, wasiir Jabriil Cabdirashiid, oo shalay shir jaraa’id qabtay, ayaa raali gelin iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hadalkii fadeexadda dhaliyey.

Wuxuu sharxay hanaanka loo maray shaqaale 10 qof ahaa oo laga ruqseeyey hey’adda Tayodhowrka oo hoos tagta wasaaradda ganacsiga iyo sida lagu qoray 10 qof oo kale oo boosaskaas loo qaatay.

“Shalay waxaa la ii fahmay in 10-ka qof aan bedelay oo dadkeyga aan ku bedelay, sidaas uma shaqeyno guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaan wasiir u ahay, hal qof kuma lihi dadka la igu heysto,” ayuu yiri wasiir Jabriil.

Sidoo kale wasiirka ayaa cadeeyey inuu ogolyahay in lasoo wareysto shaqaalaha. “Warbaahinta waan ku marti qaadi karaa, si loo wareysto haddii ay jiraan shaqaale tabasho naga qaba,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay gobol loogu magac daray Raas Casayr + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Garoowe ayaan ansixiyay gobol cusub oo loogu magac daray Raas Casayr.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ah guddoomiyaha Golaha, waxaana wehelinayay ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ugu horreyn Golaha ayaa ka dooday Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaas si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa soctay maalmihii la soo dhaafay.

Kadib Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh waxaa ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerkan oo ay Oggol ugu codeeyay 43 mudane, cid diiday ma jirin, cid ka aamustayna ma jirin.

Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa kulankooda cod aqlabiyad leh waxay ugu meel-mariyeen Ansixinta Gobolka cusub ee Raas Casayr oo horay loo oran jiray Gardafuu.

Waxaa Oggol ugu codeeyay illaa 44 mudane, diidmo 2, cid ka aamustayna ma jirin, sida uu ku dhowaaqay guddoonka sare ee Golaha Wakiilada Puntland.

Ugu dambeyn waxaa maanta Xildhibaanada loo qeybiyey Qabyo qoraalka Xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa hadda wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.

Arrinta ayaa kasii dartay markii baarlamaanka la horgeeyay wax ka beddalka dastuurka Puntland, taas oo dagaal gacan ka hadal ah ka dhalisay gudaha magaalada Garoowe.

Shirka golaha wasiirada oo looga hadlay laba qodob oo xasaasi ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayada oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana sidoo kale goobjoog ahaa inta badan olaha.

Shirka ayaa waxaa diirrada lagu saaray laba qodob oo kaliya, kuwaas oo kala ah amniga guud ee dalka iyo dib-u-habeynta hannaanka iyo maamulka dowladnimada casriga ah.

Ugu horreyn golaha wasiirrada ayaa warbixino ka dhageystay wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay howlgallada haatan ka socda dalka.

Labada wasaaradood ayaa warbixinadooda kusoo bandhigay wax ka qabashada ammaanka Muqdisho iyo khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalladii ka dhacay gobollada.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale boggaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, maadaama deegaano xubno badan laga dilay.

Dhanka kale shirka golaha wasiirada ayaa  loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda.

Sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso isbeddal ku aadan nimdaamka dowliga ah, si looga gudbo nidaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay ku dhisan tahay dowladda dhexe.

Muwaadin Kenyan ah oo lagu dilay agagaarka garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta nin ajabi ahaa loogu geystay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo u dhashay dalka Kenya lagu dilay goob uu dhisme ka socday oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan meel u dhow garoonka Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu dilay nin hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, kadibna uu baxsaday.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay muwaadinkan u dhashay dalka Kenya, kaas oo ka shaqeynayay goob uu ka socday dhisme dabaq ah.

Sidoo kale maydka ninkan ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, si baaris loogu sameeyay dilkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, waxayna haatan wadaan howlgallo ku aadan dilka loo geystay ninkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan toogashada ninkan oo argagax ku abuuray shaqaalihii ku sugnaa goobta, waxaana lasoo wariyay in dhismihii ka socday goobta uu gabi ahaan istaagay.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo weeraro intaba.

Al-Shabaab iyo ciidamada ku dagaalamay duleedka magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku beegsadeen ciidamada dowladda Somalia.

Weerarkan oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla Arbacow, ayada oo meesha ay isku fara saareen labada dhinac.

Ilo deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado, isla-markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkaasi xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Saldhigga lasoo weeraray ee Arbacow ayaa kamid ah saldhigyadii ay maamlo kahor wareejiyeen ciidamada ATMIS oo haatan bilaabay qorshahooda ka bixitaan Soomaaliya.

Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Al-Shabaab dagaal ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dambeeyay xubno watay gaari Hoomey ah oo beegsaday bar koontarool oo ku taalla waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka degmada Dayniile, ayaga oo meesha ku dilay ugu yaraan 5 askari, waxayna muddo kooban la wareegay koontaroolka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay hakad-galeen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan iyo Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo markan loo kala bixi doono

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu wado in uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la filayaa in uu si hoose u eego xaalka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in uu saldhig ka dhigto Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kala socon doono abaabulka iyo dardargelinta gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in magaaladaasi uu ku qaabilo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, si uu uga la hadlo arrimaha gobolka, waxna uga weydiiyo damacooda siyaasadeed ee mustaqbalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Madaxda Ahlu Sunna la wadaagi doono barnaamijkiisa ah in dowladda laga taageero dagaalka ay tahay in xididada loogu siibo maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweynaha ayaa waxaa la leeyahay waxa uu daneynaya in cududooda uu kaga faa’iideysto wejiga labaad ee hawlgalka la qorsheeyay in aagag badan dagaalka lagaga furo kooxaha argagixisada.

Madaxii Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhawaan sheegay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si toos ahna ay uga qayb qaadan doonaan dagaalka bartamaha dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, sida uu yiri.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dibadjoog ka ahaa siyaasadda Galmudug, tan iyo markii xoogagooda dagaalka looga saaray Dhuusamareeb, dhammaadkii bishii February ee sanadkii 2020.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Sheekh, Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lafdhabar u ah Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa bartamihii bishii September ee sanadkii 2021 dib ugu soo laabtay gobolka, markaas oo Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed ay kaga qaybgelayeen deegaanka Huurshe.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa xilligaas dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay gobolka, ka dib markii hoggaankooda ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Shabaabka hubeysan ee carqaladda ku ah amniga dalka, waxaana xigay weerarkii 1-dii bishii October ee sanadkaasi kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, inkastoo dagaalo lagu riiqmay oo wada hadal uu ka dambeeyay ay daba-yaaqadii bishaasi dib uga baxeen Guriceel oo mar ahayd Xarunta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa xilligaasi ku guuleystay in ay waan-waan ka dhex bilaabaan Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo dhanka kale oo Ahlu Sunna ahayd.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusmaareeb.

Hoggaanka Ahlu Sunna oo marar badan gobolka kula kulmay odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada deegaanka ayaa kala hadlay, sidii dib loogu soo noolleen lahaa doorkii siyaasiga ee Ahlu Sunnada Galmudug.

Ahlu Sunna waa cudud xoog leh oo ka jirta Gobolada Dhexe, iyadoona xertii ay wax soo bareen ku kala daadsan min Guriceel illaa Wisil.

Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa la sheegaya in ay walaac dhanka amniga ka qabto xoogaga hubeysan ee duldegan Magaalada Dhuusamareeb, walow illaa hadda aanay Ahlu Sunna muujin falal ka dhan ah amniga magaaladaasi, marka laga soo taggo weerarkii bishii May 13-keedii ku ekeysay magaalada, qaybo ka mida magaaladana ay muddo saacado ah ku sugneyd.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cali Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku waramaya in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud weydiistay bal in Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug laga dulqaado xoogagan, taas oo keentay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu wada hadal hoose la bilaabo hoggaankooda.

Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ka caagan weerarada Al-Shabaab. Ahlu Sunna ayaana lagu ammaanaa in ay ummadda Soomaaliyeed bartay in lala dagaalami karo mintdiintaasi.

Ahlu Sunna ayaa lagu tilmaamaa mid fahamsan xeeladda dagaalka ee Shabaab, tani oo loo maleynayo inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku riixday in uu garwaaqsado, sidii uu hoos ugu eegi lahaa damacooda siyaasiga ah, wada hadalo qarsoodi ahna uu la bilaabo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa laga warqabaa in uu yahay xiriiriyaha Villa Somalia iyo Hoggaanka Ahlu Sunna, tan iyo intii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muddadaasi ayaa waxaa la leeyahay Ahlu Sunna wax qalqal amni ah kama samayn Galmudug, taasi bedelkeedana ay xoogageeda u babac-dhigeen weeraradii qaraxyada ku bilowday ee kala dambeeyay, isla-markaana ay Shabaabku ka gayseen Degmada Baxdo iyo deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Waxa kaloo ka sii horreysay in Xerta Ahlu Sunna ay Shabaab ka hor istaageen in ay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Wisil ee Gobolka Mudug. Xerta Ahlu Sunna oo qaab beeleed u abaabulan ayaana noqday cidda qura ee ay Shabaabku ka qabsan kari waayeen Wisil.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxda Ahlu Sunna la kulmi doono, muddada uu ku sugan yahay Galmudug, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

TOOS: Maxkamadeynta mas’uuliyiin loo haysto musuq oo ka socota Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka bilaabatay maxkamadeynta mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo loo haysto inay ku kaceen falal la xiriira musuq-maasuq.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiskan qaadeysa ayaa waxaa saaka la horgeeyay 4 mas’uul oo ka tirsan Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda kuwaas oo kala ah:-

1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble, agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

2-Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

3-Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

4-Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Eedaha loo haysto mas’uuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah musuq-maasuq, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.

Dacwaddan waxaa Maxkamadda Gobolka Banaaditr usoo gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ku sugan isna hoolka maxkamadda.

Sidoo kale dacwadda oo hadda ka socota ayaa waxaa si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliyeed oo ay ku jirto warbaahinta dowladda.

Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku guda jirto dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen dalka.

Jabriil C/rashiid: Waa kuma wasiirka sheegay in reerkiisa kaliya uu shaqaaleysiinayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada ee ay Soomaalida ku wada xiriirto qabsaday hadal uu dhahay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji kaas oo tibaaxay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.

Wasiirka oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hor sheegay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.

Wasiir Jibriil oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu yiri:

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda kuu sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyd ha igu eedeyn marka talada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah haddaa boos u helo waa siinaa, laakiin qof u dulmin maayo. Haddaa bajad u helo waxaa iska fujinaa kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.”

Hase yeeshee wasiirka ayaa raalli gelin ka bixiyay hadalkaas waxa uuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri:

“Waxa aan umadda Soomaaliyeed u bayaamiyey hadalkii shalay ee doodda badan dhaliyey, oo aan u caddaynayo in Wasaaradda Ganacsigu tahay hay’ad dawladdeed oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed isla mar ahaantaana aanay ahayn meel shaqaalaheeda lagu dulmiyo kuwo kalena si reernimo ah loo qorto.”

Haddaba waa kuma wasiir Jibriil Cabdirashiid?

Wasiir Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa hadda ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xilkaas oo loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore.

Wasaaraddan ayaa Soomaaliya u qaabilsan dhanka ganacsiga iyo warshadaha.

Horay Jibriil waxa uu xildhibaan soo noqday intii u dhaxaysay 2016 iyo 2022, haddana mar kale ayaa loo doortay inuu xildhibaan noqdo inta u dhaxeysa dhaxeysa 2022-2026.

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxa uu ahaa Xoghayaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Soomaaliya sida Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxa uu bare ka ahaa Kulliyadda Maamulka Ganacsiga ee Jaamacadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiir Cabdirashiid ayaa la soo shaqeeyay dallada Towfiiq oo ka qayb ka ah hawlaha samafalka ee diiradda saaraya gargaarka, nabadda, iyo horumarinta Soomaaliya.

Aqoon ahaan Jibriil waxa uu shahaadada koowaad ee cilmiga (Business Management) ka qaatay Jaamacadda Nairobi, Kenya. Sidoo kale waxa uu shahaada Xisaabta iyo Maamulka ka qaatay machadka ACCA. Waa shakhsi si faseexa ugu hadlo luuqado dhowr ah oo kala ah afafka Soomaaliga, Ingiriisiga iyo Carabiga.

Sawirro: Safaaradda Sweden ee Baghdad oo la weeraray

Baghdad (Caasimada Online) – Boqolaal dibad-baxayaal ah ayaa ku xoomay safaaradda Sweden ee bartamaha Baghdad aroortii hore ee Khamiistan, ayaga oo darbiga ka booday kadibna dab qabadsiisay.

Mudaaharaadayaasha ayaa kasoo horjeeda gubitaanka kitaabka qur’aanka kariimka ah oo la filayo in mar kale uu ka dhaco Sweden maanta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Reuters u sheegay in aanu wax dhaawac ah soo gaarin qof ka mid ah shaqaalaha safaaradda. Saraakiisha safaaradda Sweden ee Baghdad ayaan weli ka hadal dhacdadan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay falka, waxayna sheegtay inay dowladda Ciraaq ay amartay ciidamada amniga inay fuliyaan baaritaan deg deg ah, islamarkaana dadka ka mas’uulka ah lasoo xiro.

Dibad-baxa ayaa waxaa ku baaqay taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Muqtada Sadr, si ay uga mudaaharaadaan qorshe la filayo in mar kale qu’raanka lagu gubo oo ka dhacaya Sweden.

Wakaaladda wararka Sweden ee TT ayaa Arbcadii sheegtay in booliska Sweden ay aqbaleen codsiga isu soo bax ka dhacaya dibedda safaaradda Ciraaq ee Stockholm, Khamiistan.

Codsiga ayaa waxaa ku qoran in dadka dalbaday ay doonayaan inay gubaan qur’aanka iyo calanka Ciraaq, sida ay werisay TT.

Sida ay sheegtay TT, qorshahan ayaa waxaa wada laba qof oo midkood uu yahay ninkii qu’raanka ku hor gubay Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, bishii June.

Muuqaallo lagu baahiyey barta Telegram ayaa muujinaya dad ku ururaya safaaradda Sweden ee Baghdad abaare 1-dii am ee saaka, kadibna saacad kadib ku xoomay safaaradda.

Muuqaallo ayaa goor dambe muujiyey qiic ka kacaya dhismaha safaaradda. Ma cadda haddii gudaha safaaradda ay dad ku jireen xilligaas.

Bishii tagtay Muqtada Sadr ayaa ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah Sweden iyo in la eryo safiirka Sweden kadib markii nin asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq uu qur’aanka ku gubay Stockholm.

Laba dibadbax oo waa weyn ayaa ka dhacay dibedda safaaradda Sweden ee Baghdad kadib markii qur’aanka la gubay, ayada oo dibad-baxayaasha ay mar jebiyeen xeendaabka safaaradda.

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Galcad + Khasaaraha

0

Galcad (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fulisay agagaarka degmada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen meel qiyaastii 15 KM koonfur ka xigta Galcad, isla-markaana ay ku beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo la dagaamayay ciidamada dowladda.

AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkan dhanka cirka ah ay ku taageereysay ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada halkaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in qiimyen hordhac oo ay sameeyeen ku ogaadeen in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dhanka kel AFRICOM ayaa xaqiijisay in aysan jirin waxyeelo duqeyntan kasoo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka la duqeeyay oo ka tirsan Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu talisku hoosta ka xariiqay inuu sii wadi doono beegsiga kooxda Al-Shabaab, si looga saaro goobaha ay hadda kaga sugan yihiin dalka.

Mareykanka ayaa kamid dalalka ka qayb qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, wuxuuna hawada ka taageeraa ciidanka Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tababar siiyaa ciidanka kumaandooska Danab oo iyaguna qayb ka qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Qabsashada Al-Shabaab ee Geriley oo muujisay hal arrin

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan dib u qabsaday deegaanka Geriley ee Gedo, halkaas oo kamid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.

Arrintan ayaa durbo si weyn looga falceliyay, maadaama uu hadda billow yahay qorshaha bixitaanka ATMIS, Al-Shabaabna ay billowday dib u gurasho deg deg ah.

Xildhibaan Mursal Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ah Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay joogitaanka magaalada Geriley ee kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay tahay arrin niyad jab ah.

Mursal ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay la wareegidda deegaankaasi, isaga oo intaasi ku daray in aysan gurmad helin ciidamada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

“Shan maalmood ka dib markii Al-Shabaab waxay soo galeen magaalada Geriley, ma jirto wax gurmad ah oo soo gaaray ciidamada Soomaaliya ee markii hore ku sugnaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qabsashada Al-Shabaab ee Geriley ay muujineyso in kaalmo degdeg ah ay beesha caalamka uga baahan yihiin ciidamada Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ammaanka iyo sidoo kale dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda.

Waxaa kale uu xusay haddii aan la garab istaagin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka dhalan karto halis horleh oo dib soo nooleen karto kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa xusay inay Al-Shabaab ay mar kale kordhin karto weeraradeeda, sidoo kalena ay isku ballaari doonto dhul ballaaran oo horleh, haddii aan laga hortegin.

“Haddii ciidamadan dowladda Soomaaliya aysan si deg deg ah u xoojin beesha caalamka, waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay kordhin doonaan saldhigyada ay ku leeyihiin xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana dhici doonta in magaalooyin badan ay hoos yimaadaan gacantooda, taas oo khatar gelineysa amniga iyo wanaagga bulshooyinka labada dhinac. ee xuduudda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan kooxda Al-Shabaab ay beegsi ku billowday saldhigyadii ay ka baxeen ciidamada ATMIS, waxaana ugu dambeeyay saldhigga deegaanka Arbacow oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo ay xalay ku qaaday dagaal toos ah.

Dhacdo Naxdin leh: Hooyo isticmaalka Tiktok dartiis loogu dilay degmada Caabudwaaq

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Nimco Jamaal Axmed ayaa lagu dilay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxayna sababsatay isticmaalka aaladda Tiktok, halkaas oo ay ku baahisay muuqaalo ay ka caroodeen ehelkeeda.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka gabadhaas waxay Nimco u geeriyootay jir-dil ay u geysteen ugu yaraan 5 qof oo ka tirsanaa qoyskeeda.

Dadkaan, ayaa gabadha ku jir-dilay duleedka magaalada, kadib markii ay ku qaateen gaari, waxaana la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus oo sababay inay u geeriyooto jir-dilkii loo geystay.

Xubnaha dilay gabadhaas oo u badnaa walaalaheed ayaa ka carooday muuqaalo ay ku baahisay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gabadha la dilay Abtigeed.

Wiilal iyo gabdho ayey isugu jireen xubnaha geystay jir-dilka, kuwaas oo hadda ku xiran saldhigga booliska magaalada Caabudwaaq oo falkaasi uu ka dhacay.

Sheekh Ibraahim Faarax Cabdulle oo soo korsaday gabadha la dilay, isla markaana Abti u ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in Nimco oo loo geystay dhaawacyo culus uu ka soo qaaday goobtii lagu jir-dilay, isla markaana ay ku geeriyootay isbitaalka.

Sidoo kale Sheekh Ibraahim oo ka cudur-daartay inuu wareysi bixiyo ayaa sheegay inay socdaan baaritaano uu wado booliska magaalada Caabudwaaq oo ku saabsan sababtii loo dilay gabadha oo hadda wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay sababsatay muuqaalo ay iska duubtay.

Allaha u naxariistee Nimco waxay aheyd Hooyo heystay carruur aan la shaacin tiradooda – seddax gabdhood iyo laba wiil ayaa loo heystaa dilka Nimco Jamaal Axmed.

Maamulka degmada iyo taliska booliska Caabudwaaq ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan dhacdadaan oo argagax ku abuurtay bulshada magaalada, waxaana la xaqiijiyey in lasoo xiray xubnihii dhibka geystay oo baaritaano ay ku socdaan.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay 10 ka mid ah Shabaab-kii go’doomiyey gobolka Bay

0

Buurhakaba (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay howlgal gaar ah oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaas oo isbaaro ay u taallay kooxda Al-Shabaab.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 10 Shabaab ah oo isbaarada ku sugnaa, kuwaas oo go’doomin ku haayey gobolka Bay.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal Qorshaysan ka fuliyay Xarun ay ku sugnaayeen Khawaarijta oo ku taalla deegaanka Ceel-bashiir oo ku yaalla wadada xiriirisa Deegaanka Jameeco iyo Degmada Buur-hakaba,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Hawlgalkaas ayaa dhacay salaadii maqrib ee xalay, waxaana lagu dilay 10 ka mid ah maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee goobtaas lagu weeraray.

“Goobta hawlgalku ka dhacay waxay ahayd Isbaaro ay Khawaarijtu ku qaadanaysay Lacago Baad ah, iyaga oo maalmihii danbe u isticmaalayay in ay ku cuna-qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalka Baay,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ka soo baxay.

Ugu dambeyntii waxaa qoraalkaan lagu yiri, “Hawgalku waxa uu kusoo dhamaaday sidii ay u qorsheeyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Warkaan ayaa imaanaya iyadoo shalay Al-Shabaab lagu laayey howlgal kale oo dhacay degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 Shabaab ah, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale howlgalka ka dhacay Buurhakaba wuxuu imaanaya xilli cunaqabateyn adag ay Al-Shabaab ku soo rogeen gobolka Bay, taas oo dhalisay qeylo dhaan iyo sicir-barar ka taagan magaalooyin ay ugu horeyso Baydhaba.

Dowladda Soomaaliya iyo K/Galbeed ayaa loogu baaqay inay deg deg cunaqabateynta uga saaraan dadka reer Baydhaba, waxaana muuqata in K/Galbeed uu bilowday qorshe looga hor tegayo cunaqabateynta kooxda.

Sidee looga fal-celiyay qirashadii wasiir Jabriil ee fadeexadda dhex-joojisay DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid oo hortagay Guddi Xildhibaano ah ayaa si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo.

Wasiir Jibriil ayaa sheegay in fursadaha shaqo ee kasoo baxa wasaaraddiisa uu galinayo dadkii soo duurtay oo reerkiisa ah, taasi oo hadal hayn badan dhalisay.

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda ku sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyn ha igu eedeyn marka tallada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah hada boos u helo waa siina, laakiin qof u dulmin maayo. Hadda bajad u helo waxaa iska fujina kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.”

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay qirashada wasiirka?

Maxamed Xareed Muxumed: “Waan ku taageersanahay aniga wasiirka sababto ah wax qof walba oo siyaasi ah uu si hoose uu u sameeyo maalin walba ayuu isaga muujiyay wax lagu qabsada ma lahan isleeyahay.”

Cabdirisaaq Guure ayuu yiri “Wasiirka waa runtii tolkaaga iyo lobtaadaba dhexdaa looga jiraa. Labo bil kahor buu madaxweynaha ka hadlay.”

‘”Wasiirku wuxuu mudan yahay amaan wayo runta ayuu qaatey in uusan cidna kala ganban waayo Soomali ayaa sidaas odhan ka siman mahadsanid wasiir,” ayuu yiri Cabdifataax.

Cabdiraxmaan Daahir Yuusuf: “Wasiirka waa runtiisa qofkasta oo dowladda xil ka haayo ayaa sidaas sameeyo waana wax jiro aniga haddii aan xil qabto kuwa ay hooyaday iyo aabahay dhaleen aan siinaa iyo qaraabadayda Soomaalinimo waxba kuma bixinaayo.”

“Waan ku raacsanahay, sababtoo ah wasaaradda awood qaybsi buu ku tagay, reerkiisa baana qayb u helay,” ayuu yiri qof kale oo ka fal-celiyay hadalka wasiirka.

Ridwaan Cali Axmed: “Kaan asiga halaga qaado ee haloo dhiibo qof qaran ah waaba mid aan caadi aheyn.”

Maxamed Jimcaale Cali ayuu isna yiri “Wasiirka waxaa ka dhinaa oo kaliya hadduu u qalmo booska banaan aqoonteedan leeyahay.”

“Horta waxaa moodaa dadka Soomaaliyeed marna ma jecla xaqiiqada. Wasiirku wuxuu ka hadlay waa wax qofkasta sameeyo. Anigu hadda wasiirkaas lama yaabin taas iyo mid ka daran waxay ka soocotaa dhamaan xafiisaada dalka madaxtooyo illaa iyo meesha ugu hoosaysa,” ayuu yiri Jaamac Saalim Tooreeye.

Ciise Samatar: “Wasiirku waxa uu ka hadlay oo ka run sheegay waaqiciga dalka ka jira iyo qaabka dowladda Xasan ushaqayso. Waana ku mahadsan yahay runta iyo waxa jira inuu la wadaago bulshada Soomaaliyeed.”

Bishaar Maxamed Godor ayaa isna yiri “War ninkwan runta ayuu sheegay waa daacad munaafaq ma ahan, waana raganimo in uu ninku wixiisa cadaysto.”

“Wasiirku wuxuu ku hadlay afka xukuumadda maanta jirta wax qaldana ma sheegine waxa jira uu sheegay,” ayuu yiri Cabdinuur Aadan.

Cabdullahi Sheekh Bashaar: “Wasiirka waa runtiis shaqada dowladda qaab qabiil oo weliba qoys ayaa lagu kala qaataa, shaqo dowladeed oo daah-furan weli ma arag.”

Maxamed Muuse Cusman ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Run buu sheegay midkasta dadkiisa buu wax la jecel yahay oo haduu fursad haduu helo garaado u xidhaya . Intaas uu kor u dhahay midkasta hoos buu u leeyahay.”

Daawo: Wasiirka ganacsiga oo war cusub ka soo saaray hadalkii fadeexadda dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid ayaa raali gelin iyo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey hadal shalay uu ka hor sheegay guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka.

Wasiirka ayaa shalay sheegay in hadii uu helo boos uu ku shaqaaleysii karo qof uu gelinayo qof qaraabadiisa ah, isla markaana uu muhiimadda koowaad siinayo beesha uu ku metelo kursiga.

Wasiir Jabriil oo mar kale galabta shir jaraa’id qabtay ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkaas qayaxan, isagoo sheegay in hal qof oo qaraabadiisa ah uusan shaqo ka siin wasaaradda uu joogo ee ganacsiga, balse hadalkaas uu ka ahaa rag iska dhicin.

Sidoo kale wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka loo maray shaqaale 10 qof ahaa oo laga ruqseeyey hey’adda Tayodhowrka oo hoos tagta wasaaradda ganacsiga iyo sida lagu qoray 10 qof oo kale oo boosaskaas loo qaatay.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha la ruqseeyey aysan qibrad u laheyn shaqada laga rabo inay qabato hey’adda Tayodhowrka, sidaasna looga saaray liiska isagoo dalka ka maqan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in 10 qof kale ay qaadatay hey’addu, kuwaas oo ku yimid tartan ama imtixaan, isla markaana la marsiiyey nidaamka dowladdu ay wax ku shaqaaleysiiso.

“Shalay waxaa la ii fahmay in 10-ka qof aan bedelay oo dadkeyga aan ku bedelay, sidaas uma shaqeyno guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaan wasiir u ahay, hal qof kuma lihi dadka la igu heysto,” ayuu yiri wasiir Jabriil.

Wuxuu sheegay in halkii sano ee wasaaradda uu joogay uusan wax is bedel ah ku sameyn shaqaalaha wasaaradda ganacsiga, “Aniga saan u imid wasaaradaan hal qof booskiisii kamaana bedelin, xitaa xogheynta waa kuwii uu wasiirkii iga horeeyey uu igu wareejiyey,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wasiirka ayaa cadeeyey inuu ogolyahay in lasoo wareysto shaqaalaha, “Warbaahinta waan ku marti qaadi karaa, si loo wareysto hadii ay jiraan shaqaale tabasho naga qaba,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo