31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

DF oo shaacisay in maanta Mareykanku ku garabsiiyey dilka 100 Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in dagaalkii maanta ka dhacay xuduuda Galgaduud iyo Sh/Dhexe kooxda Al-Shabaab looga dilay ku dhawaad boqol dagaalame oo saraakiil sare ay ku jiraan.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa hawgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Soomaaliya waxa ay hawlgal qorsheysan oo cirka iyo dhulka ah maanta ka fuliyeen degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo dhaca xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/Dhexe oo ay isku uruursanayeen koox Khawaarij ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta DF ayaa intaas ku sii daray, “Hawlgalkaasi ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalka lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.”

Hawgalka waxaa gacan fiican ka geystay shacabka deegaanka oo wadashaqeyn wanaagsan la yeeshay ciidanka qaranka ee hawlgalka ku jiray, sida lagu cadeeyey bayaanka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wali wada hawlgal dhinaca dhulka, iyaga oo ku raad jooga firxadka Khawaarijta Naf la caariga ah ee ka cararay dhimbilaha geesiyaasha qaranka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Hawlgalkaan wuxuu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambentii bayaanka dowladda waxaa lagu yiri “Dawladda oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an  in ay ciribtirto kooxaha Khawaarijta ah.”

Xildhibaan si weyn loogu weeraray eedeyn uu u jeediyay Xasan oo la xiriirta beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si weyn loogu weeraray qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kaasi oo uu eedeyn culus ugu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ayuub ayaa waxa uu madaxweyne Xasan ku eedeeyay inuu reer Awdal oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo Xildhibaanka uu ku colaadinayo “sida ay ugu taagan yihiin midnimada Soomaaliya,” islamarkaana laga tuuray xilalkii sare ee dowladda, ee ay ku lahaayeen awood-qeybsiga dalka.

“Duqa Villa Somalia waxa uu ku colaadinayaa reer Awdal waa sida ay ugu taagan yihiin midnimada Soomaaliya. Lalama yaabayo, oo taas laftigeeda ayaa loo gumaadayaa reer SSC, waana sababta ay dawladdiisu uga aamusan tahay qaddiyadda SSC,” ayuu yiri Xildhibaan Ayuub.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhammaan xilalkii muhiimka ahaa ee ay beelweynta Gadabuursi ku lahayd nidaamka awood-qaybsiga dalka Soomaaliya ayaa lagala dagaalamay.”

Xildhibaan Ayuub ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “in haddii dadka midnimo-doonka ah sidaa loola dhaqmo,” ay u furan yihiin laba doorasho, “1- In ay sugaan dawlad Soomaaliyeed oo caddaalad ku dhisan, 2. Ama in ay raadsadaan oo wax ku darsadaan cid kasta oo kale oo ay dano kala dhaxayn karaan oo gobolka ah.”

Haddaba, Sidee loogu weeraray Xildhibaanka qoraalka uu soo saaray?

Diini Cumar Diini: “Midnimadee u taagan tihiin kaabe, soo idinka Somaliland qeybta ka ah oo dalkaba kala jaraaya.”

Cabdullaahi Cusmaan ayaa isna yiri “Reer Awdal-kaa aad sheegayso keena marka hore oo dowladda kusoo dar, haddii kale nin iska soo shaqo tagay warkiis ayaa tahay aayar bilaa sawaxan fadhi meesha.”

“Nabad iyo nolol rufiyanimadadii la dhex joogtay maahan Damujadiid, taasi ku biyo cab, madaxwayne ku xigga sug. Faransiiska-na iska bashaal caruurtaada iyo xaaska caydha la cun, biilka xildhibanimo ha ku ururto oo isku soo sharax bacdal doorasho, aqli fican baad keentay,” ayuu yiri Nuur Cabdi oo si weyn u weeraray Xildhibaan Ayuub.

Cabduqaadir Mire Rooble: “Midnimo nuucee ah ayaad u taagan tihiin? canshuur maad bixisay? ma ciidan baad keentay? maxaad ku darsatay dowladda federaalka?. Mushaarkiina iimaansada! ma jirto dad iyo deegaan aad matashaan oo aad tagi kartaa, wax aan culays ahayn kuma haysaan Xamar!.”

Liibaan Bulle oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka Xildhibaanka ayaa yiri: “Xildhibaan waad sheegtaye xukuumaddaan mooshinkeeda diyaari.”

Cabdi Bayda ayaa isna yiri: “Ba’a adigu midnimadan Villa Somalia aan oolin eed Awdal ka raadinaysaa maxay tahay? mida kale waa mid xagee ku maqan, tan kale aad leedahay waa in ay iska sugaan dowlad Soomaliyeed oo cadaalad ku dhisan, dadkan aad leeday suga maxay ku sugaanse, niyahow dadka ha lu’goynin.”

“1 maalin kalfadhi Baarlamaan ma aadan xaadirin Xildhibaana waa tahay abti!. Cidaada Baarlamaanka dhexdiisa ayaad ugu hiilin kartaa,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay qoraalka Xildhibaan Ayuub.

Madaxweyne XASAN oo magacaabay guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd waxa uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar labaad u magacaabay guddoomiye Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Dhexe, kaasi oo lagu baahiyay barta Bankiga ee Twitter-ka.

Muddo xileedka cusub ee guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka bilaabanaya 17-ka bishaaan ee 2023-ka, kaasi oo dhan afar sano.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) waxa uu isu beddelay mid siyaasad ku haga oo ku dhisan hay’ad shaqo oo uu hoggaamiyo guddoomiye Cabdiraxmaan.

“Guulaha waaweyn ee dib u habeynta lagu gaaray waxaa ka mid ah nidaaminta Adeegga Lacagaha Taleefannada, Sameynta Kaabayaasha Lacag-bixinta Qaranka, Hirgelinta Lambarka Xisaabta ee Bankiga Caalamiga ah (IBAN), iyo in la qaato Heerarka Jawaab-celinta Degdegga ah ee Qaranka Soomaaliyeed (SOMQR).”

Qorshayaashan ayaa gacan ka geystay horumarinta kamid noqoshada maaliyadda, horumarinta hufnaanta waaxda maaliyadda, iyo kobcinta wada-shaqaynta gudaha qaabka lacag bixinta ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay heshay ra’yi hantidhawr nadiif ah warbixinteeda maaliyadeed ee sanadlaha ah ee sanadka saddexaad ee isku xigta.

DF oo digniin kama dambeys ah u dirtay dadka weli degan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkaan shaacisay inay dib ula wareegayso dhulka danta-guud, iyada oo la fidinayo xafiisyada heer federaalka.

Dowladda ayaa hore digniino u gaarsiisay dadweynaha degan dhulkaas, ayada oo shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu diray farriin u muuqatay inay tahay digniin kama dambeys ah oo xukuumaddiisa ay direyso.

Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan xarumaha danta guud ee ay leedahay dowladdu inay u baneeyaan sida ugu dhaqsaha badan.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad xarigga lagaga jarayay xarunta keydka qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u xusay muhiimada baneynta dhulka danta guud ee wasaaradda caafimaadka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in loo wareejiyo xarunta xisbiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale horay u sheegay in hareeraha xaruntaasi laga guuro si xukuumaddu ugu shaqeyso.

Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa iyagana la rajeynayaa inay u guuraan xarumahoodii hore, wallow goobaha qaar ay degan yihiin dad shacab ah.

Wasaaraddaha dowladda federaalka ayaa waxay qaarkooda horay usoo saareen digniino la xiriira baneynta dhulka danta guud, oo ay ugu dambeysay dhulka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ku yaalla Siinka Dheer R2 oo saaran wadada Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Warqad xilligaas kasoo baxday wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda oo ujeedkeedu ahaa wargelin ayaa waxay ku wargelisay dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti qaran, islamarkaana uusan beec ahayn.

Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu kal hore Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, bixin karta ama iibin karta.

Sawirro: Kornayl Jimcaale oo awood ciidan kusoo bandhigay Garoowe, una digay DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa maanta duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal kusoo bandhigay dhoola-tus millateri, xilli uu dagaal kula jiro madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kornayl Jimcaale oo isku aqoonsan taliyaha ciidanka madaxa-banaan ee kumaandooska DANAB ayaa waxa uu tababar usoo xiray maleeshiyo beeleed kusoo biiray maalmo kadib dagaalkii daba-yaaqada bishii hore ka dhacay magaalada Garoowe oo ah caasimadda maamulka Puntland.

Sarkaalkan ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu si adag uga horyimid qorshaha uu madaxweyne Saciid Deni uu ku doonayo furista Dastuurka, isagoo Deni ku tilmaamay inuu yahay musharax.

“Ma ogolin in la furo Dastuurka, Deni waa musharax, oo xaq uma lahan qaabeynta doorashada iyo furista Dastuurka midnaba,” ayuu yiri Kornayl Jimcaale oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Puntland uu wado.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ay dagaal la galaan, haddii la isku dayo in la furo Dastuurka maamulka Puntland, xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay magaalada Garoowe.

“Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaalanay mana aqbalayno. Wax allaale wixii aan ka dagaallanay oo aan diidnay ee dad inagaga dhintay ma aqbalayno.”

Sarkaalkan ayaa waxa uu ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo lamid ah middii uu horey u qaaday haddii uu Deni iyo xulafadiisa aysan ka laaban damacooda guracan ee wax looga beddelayo Dastuurka maamulka.

Dhoola-tuska millateri ee Kornayl Jimcaale uu ka sameeyay duleedka Garoowe iyo hanjabaada cusub ee diray ayaa imaneysa, xilli maalinta berri ah lagu wado in baarlamaanka Puntland uu kulankiisi yeesho, una coddeeyo qodobbada wax laga beddelayo Dastuurka.

Si kastaba, Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli aysan wax natiijo ah kasoo bixin waan-waan ay muddooyinkii dambe wadeen Isimida dhaqanka Puntland, taasi oo xal loogu raadinayay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya xukuumadda Deni iyo mucaaradka ee arrimaha doorashada.

Trump oo shaaciyey xaalad xasaasi ah oo uu wajahayo

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu filayo in lagu soo oogo dacwado la xiriirta weerarkii January 6 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Dacwaddaas ayaa sii xoojin doonta dhibaatooyinka sharci ee haysta Trump xilli uu mar kale isku dayayo inuu u ordo Aqalka Cad.

Trump, oo ah musharaxa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne ee Jamhuuriga, ayaa waxa uu horey u wajahayey dacwado dambi oo kaga yimid dambi baaraha gaarka ah ee Jack Smith, kuwaas oo la xiriira inuu si khaldan u maareeyey dukumentiyo dowladeed oo sir ah.

Trump ayaa sheegay inuu Axaddii warqad ka helay Smith, taasi oo sheegeysa inuu bartilmaameed u yahay baaritaanka lagu sameynayo dhacdadii January 6, 2021, markaasi oo taageerayaasha Trump ay ku xoomeen Congress-ka, si ay uga hortagaan sharciyeynta guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashadii 2020.

“Jack Smith, dacwad oogaha Waaxda Cadaaladda Joe Biden, ayaa soo diray warqad… uu ku sheegayo inaan bartilmaameed u ahay baaritaanka xeerbeegtida January 6,” Trump ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

Trump oo 77 jir ah ayaa sheegay in la siiyay afar maalmood si uu ugu soo wargaliyo xeerbeegtida “taas oo mar walba la macno ah xarig iyo dacawd.”

“Ugaarsigan wuxuu ku saabsan yahay farogelinta doorashada iyo in sharci fulinta loo adeegsado hub siyaasadeed ahaan,” ayuu yiri. “Waxay qarankeennu u tahay xilli madow iyo murugo.”

Trump oo la hadlay Fox News goor dambe Talaadadii ayaa ku eedeeyey Xisbiga Dimoqraadiga inay Waaxda Cadaaladda u adeegsanayaan inay dilaan mustaqbalkiisa siyaasadeed.

“Waaxda Cadaaladda waxay noqotay hubka Dimoqraadiyiinta,” ayuu yiri. “Waxay rabaan inay isku dayaan, oo ay hoos u dhigaan, oo ay wiiqaan, oo ay cabsi geliyaan dadka.”

AFP, VOA

Daawo: Wasiir si shaacsan u qirtay inuu qaraabadiisa iyo ehelkiisa kaliya shaqo siinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid oo hortagay Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si shaacsan u qirtay in uu reerkiisa shaqaaleysiinayo haddii uu fursad u helo.

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo kamid ah guddiga ayaa ka dalbaday wasiirka inuu raali-gelin ka bixiyo hadalka kasoo yeeray ee ah “inuu boosaska shaqo ee wasaaradda kasoo baxa uu ku taxayo reerkiisa, gaar ahaan jufada uu metelo.”

Wasiirka Ganacsiga oo ka jawaabaya su’aal uu guddiga Golaha Shacabka uu ka weydiiyay shaqaale cusub oo uu qortay, kuwaasi oo ku beel ah wasiir Jibriil, ayaa waxa uu uga jawaabay;

“Shaqaalaha dowladda Soomaaliya ee 4.5 lagu saleeyay, mab’da aad qabtid ee ah walaasha iyo walaalka ama nin kugu qaraabada ayaa qortay ma qabi, hadda ku sheegaa ninka u sokeeya ee wax siinayo waa ninka qaraabadeyda hadda u heli karo meel, waxaa rabaa in si saraaxa iskaga hadlo,” ayuu yiri wasiir Jibriil Cabdirashiid.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxa aad adigu sameyn laheyn ha igu eedeyn marka tallada qabsatid. Tobanka la magacaabay kuwa kale oo qaraabadeyda ah hada boos u helo waa siina, laakiin qof u dulmin maayo. Hadda bajad u helo waxaa iska fujina kuwii isoo doortay ee iga daba-qeylin jiray.”

Wasiir Maareeye oo hadalka ka daba qaatay wasiirka ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalkiisa, “Fursada shaqo ee dhalinyarada sugayaan kuwa ugu waaweyn ee wasiirka ah aad tahay meeshuna Media la duubayo in aad tiraahdo qaraabadeyda ayaa qorayaa.”

“In aad tiraahod qaraabadeyda qorayaa waa arrin aan rabo in guddiga hortiisa aad raali-gelin ka bixiso, si dhalinyarada Soomaaliyeed ee banaanka jooga qalbigooda u fayoobaado una ogaadan in xafiiskaaga dadka u siman yahay, koleyna dowladda siyaada ayay leedahay ay dhalinyarada Soomaaliyeed ugu xaqsoorayso shaqooyinka soo baxa inay fursad helaan.”

Xildhibaan Maareeye oo u muuqda mid fahamsan yahay fal-celinta ka dhalan karta hadalka wasiirka, ayaa haddana waxaa indhaha laga qarsan karin in wasiirka uu kor u dhahay oo keliya sida ay wax u socdaan, maadaama inta badan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ay shaqaaleysiiyaan xigtadooda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Gulf crisis looms: Saudi Prince threatens UAE with blockade

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Tensions are brewing in the Middle East as a power struggle unfolds between Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman and United Arab Emirates (UAE) President Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Unveiling a tangle of geopolitical ambitions, economic frictions, and divergent regional policies, these strained relations between the two dominant Gulf powers echo far beyond their borders.

The Wall Street Journal recently disclosed a threatening discourse by the Saudi Crown Prince to journalists in an off-the-record briefing last December.

He cautioned the UAE of potential sanctions and, in doing so, underscored the growing rift between himself and his Emirati counterpart.

“They will see what I can do,” he ominously stated. This came after the UAE’s perceived undermining of Saudi Arabia’s regional standing.

Prince Mohammed’s threat brings to mind the harsh diplomatic and economic embargo Saudi Arabia placed on Qatar in 2017, with the support of the UAE and Bahrain.

The sanctions, lasting for over three years, were only lifted in 2021. During the private briefing, the Crown Prince alluded to this situation, warning that any punitive measures against the UAE could exceed those applied to Qatar.

A silent war over dominance

The two leaders have reportedly not spoken for over six months, indicating an intense power struggle in the Gulf region.

This feud reflects a broader contest for geopolitical and economic influence, particularly in the global oil market.

A shift in the US policy, leading to reduced regional involvement, has further exacerbated these dynamics. Saudi Arabia and the UAE are also expanding their reach to Russia and China.

US officials are increasingly anxious over these growing tensions, fearing potential setbacks to regional security efforts.

The strained relations could obstruct initiatives for a unified stance against Iran, the resolution of the Yemen conflict, and the expansion of Israel’s diplomatic relations with Muslim countries.

Divergent interests in Yemen and Sudan and disagreements over global oil prices have led to increased friction between the two powers.

In addition, Saudi Arabia’s recent diplomatic rapprochement with Iran has left the UAE taken aback.

Saudi Arabia’s economic ambitions also add another layer to this complex situation.

The kingdom’s drive to diversify its economy and lessen its dependence on oil brings it into direct competition with the UAE.

The crown prince’s aim to make Riyadh a regional headquarters for various industries challenges Dubai’s standing as the commercial hub of the Middle East.

OPEC discord and unresolved disputes

The dispute that spilled over into an OPEC meeting last October clearly indicated the growing tension.

The UAE voiced frustration over what it perceived as Saudi dominance, even threatening to withdraw from the organization.

The Biden administration attempted to mediate, organizing a meeting in May between Prince Mohammed and Sheikh Tahnoun bin Zayed, the UAE’s national security advisor, and the Emirati president’s younger brother.

However, sources suggest that the Saudi Crown Prince expressed his distrust towards the UAE following the meeting, effectively halting any policy changes towards the Emirati nation.

With such high stakes at play, the world watches anxiously as this tale of power and politics unfolds in the Middle East.

DF oo ceyrisay agaasimihii Turkiga u qaabilsanaa isbitaal Digfeer + Sababta

0

Muqdissho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo hortegay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay su’aallo ay ka weydiiyeen shaqada wasaaradda iyo khilaaf xoogan oo haatan kala dhexeeyo maamulka isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga.

Wasiirka  oo ka hadlaayay arrimaha isbitaalka Digfeer ayaa sheegay inay wada maamulaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isla-markaana heshiiska labada dal uu dhigayo in agaasimeyaasha ay soo magacowdo wasaaradda caafimaadka Turkiga, halka ku xigeenada ay soo magacaabeyso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayna wada maamulayaan isbitaalka.

“Heshiiska marka isbitaalka la dhisay wuxuu noqday in isbitaalka maamulaha guud uu noqonaayo Turki, ayna soo magacaabeyso wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi iyo agaasimaha Medical Service, Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda iyo Agaasimaha Human Resource-ga inay soo magacaabeyso wasaaradda caafimaadka Turkiga, halka ku xigeennada ay soo magacaabeyso wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayna isla maamulayaan ayaa ku qoran” ayuu yiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay heshiiskan uu ahaa shan sanno, balse mar kale dib loo cusbooneysiiyay 2019-kii, si ay labada dowladood usii wadaan isbitaalka Digfeer.

“Xilliga heshiiska loogu talagalay hadda waa dhacay oo waa lasoo dhaafay 5 sanno ayaa la kala saxiixday markii hore inay maamulaan 5 sanno kadib dowladda Soomaaliya haddii ay u aragto inay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya la wareegto maamulka isbitaalka ay xaq u leedahay ayaa kor qornaa, laakiin 2019-kii waxaa loo cusbooneysiiyay 5 sanno oo kale inay sii maamulaan” ayuu mar kale yiri wasiir Cali Xaaji Aadan.

Intaasi kadib  wasiirka ayaa sheegay in khilaaf uu soo kala dhex-galay agaasimaha isbitaalka oo Turkiga u dhashay iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay dacwo kasoo gudbisay gabar ay wasaaradda caafimaadka u magacowday ku xigeenka isbitaalka, sidoo kalena wakiil u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Buuqa hadda dhacay waxaa waayay, annaga horta ka wasaarad ahaan waxaa wakiil innooga ah agaasime ku xigeenka isbitaalka oo aan u magacownay meesha oo wasaaradda ku metalo agaasime ku xigeenkii iyo laba maamul oo hore oo xagga laga soo magacaabay way isku fiicnaayeen wax dhib ah ma jirin waa isla maamulayeen, agaasimaha hadda taagan cabasho badan ayay ka keentay in wax talo ah aan la tixgelin in xafiiskeeda ay ku kooban tahay oo mushaar lee ay iska fiirsato in ninkaan uu ku xadgudbaayo dhaqaatiirtii meesha joogtay, kuwa Soomaali ahna laga eryay eedo badan ayay kasoo gudbisay” ayuu u sheegay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku daray “Waan u kuur-galay waana la fariistay, waxaan ku iri annaga gabadhaan ayaa wakiil noo ah tix-geliya oo la tashta waxba way ka socon waayeen. Laba jeer digniin ayaan siinay kadib waxaan ku qasbanaanay in laba iyaga kamid ah inaan xilalkii ka qaado oo dad meeshooda jooga oo ay isku xirfad yihiin inaan ku beddalo”.

Ugu dmabeyn wuxuu tilmaamay inay dacwo ka gudbiyeen agaasimaha oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay xadgudubyo, kana biyo diiday inuu la shaqeeyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayna la xiriireen dhiggooda Turkiga, isla-markaana ugu dambeyn sidaas lagu beddalay agaasimihii isbitaalka Digfeer, sidoo kalena uu shalay ka baxay gudaha dalka.

“Beddalaas wuu diiday agaasimaha isbitaalka iyo inuu howlgeliyo dadka aan soo magacaabay annagana waxaan ku qasbanaanay inaan warqad u qorno safaaradda iyo wasaaradda caafimaadka Turkiga oo aan ku leenahay maamulahaas isbitaalka waa burburinayaa wada shaqeyntiina waa ku ciyaaray in dalka uu ka baxo waayay, kadib waxay lasoo xiriireen wasaaraddeena arrimaha dibadda waana la ogaaday inay iyaga qaldan yihiin, waxaana naloo sheegay in 18-ka bishan oo shalay aheyd uu baxaayo agaasimaha oo mid cusub la keenayo”. ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirka wasaaradda caafimaadka.

Maxamed bin Salman oo tallaabo culus ugu hanjabay Imaaraadka – Maxaa dhacay?

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Mohamed bin Salman ayaa ku hanjabay inuu xayiraado kusoo rogi doono Imaaraadka Carabta xilli uu wada-sheekeysi gaar ah la yeeshay suxufiyiin sanadkii tegay, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Wall Street Journal.

Hanjabaadda ayaa timid ayada oo uu jiro muran sii kordhaya oo u dhaxeeya bin Salman iyo madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, oo ku saabsan kala aragti duwanaansho ku aadan siyaasadaha gobolka iyo ururka OPEC.

Xog lagu heshiiyey inaan la duubin oo uu bixiyey bishii December, ayuu Bin Salman ugu sheegay weriyayaasha inuu Abu Dhabi u diray liis dalabyo ah, ugana digay in Sacuudi Carabiya ay qaadi doonto tallaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah xulufadeeda gobolka, haddii Imaaraadka ay sii wadaan inay boqortooyada ku hagardaamiyaan gobolka.

“Waxay kasii xumaan doontaa wixii aan ku sameeyey Qatar,” ayey kasoo xigteen dadkii ka qeyb-galay kulanka.

Sanadii 2017, Riyadh ayaa hoggaamisay xayiraad diblomaasiyadeed oo la saaray Doha, oo ay xoojisay go’doomin dhaqaale oo socotay saddex sano, ayada oo ay taageerayaan Abu Dhabi iyo Bahrain. Xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa dib loo soo celiyey 2021.

Loolanka gobolka 

Dhaxal-sugaha iyo bin Zayed ayaa waxay ku jiraan loolan awooded ayaga oo ku tartamaya ku xoog badnaanshaha gobolka Khaliijka, mana wada-hadlin muddo lix bilood ah, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wall Street Journal.

Mohamed bin Salman ayaa u sheegay weriyayaal Sacuudiyaan ah, Imaaraadka Carabta “dhabarka ayey naga toogteen,” wuxuuna ka digay “way arki doonaan waxa aan sameyn karo.”

Xiisadda sii kordheysa ayaa walaac ku abuurtay saraakiisha Mareykanka oo ka cabsi qaba in loolan Khaliijka ah uu wiiqi karo dadaallada lagu aas-aasay isbaheysi amni oo ka dhan ah Iran, lagu xalinayo dagaalka Yemen, islamarkaana lagu ballaarinayo xiriirka Israel ee dalalka Muslimka ah.

Riyadh iyo Abu Dhabi ayaa dano is-diidan ka leh dalalka Yemen iyo Sudan, halka Sacuudi Carabiya ay cadaadineyso in sare loo qaado qiimaha saliidda caalamka, taasi oo Imaaraadka aysan ku raacsaneyn.

Dalka Syria, Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay diiradda dib ugu soo celinta Dimishiq ee Jaamacadda Carabta, inkasta oo ay ku timid dadaal diblomaasiyadeed oo muddo ay ka shaqeysay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, dib ula heshiinta Sacuudi Carabiya ee Iran ee horraantii sanadkan ayaa la yaab ku noqotay Imaaraadka Carabta.

Xiisado dhaqaale

Dadaalka Sacuudiga uu ilaha dhaqaalihiisa uga dhigayo dhinncyo kala duwan, islamarkaana ku yareenayo ku tiirsanaanta shidaalka, ayaa sidoo kale keentay inuu tartan toos ah la galo Imaaraadka.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ayaa hiigsanaya inuu soo jiito shirkadaha si ay xaruntooda gobolka ugu raraan Riyadh, ayna furaan xarumo teknooloji, oo ay dhistaan goobo dalxiis iyo sahay, taasoo caqabad ku ah kaalinta Dubai ee ah inay tahay xarunta ganacsi ee Bariga Dhexe.

Khilaafka labada hoggaamiye ayaa ku fiday shirkii OPEC ee bishii October, markaasi oo Imaaraadku ku eedeeyay Sacuudi Carabiya inay ku qasbeen inay ogolaadaan yareynta soo saarista saliidda.

Imaaraadka ayaa muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay isaga baxaan ururka OPEC, taasi oo muujineysa sida ay uga xun yihiin awoodda Sacuudiga ee ururka.

Maamulka Biden ayaa dadaal u galay sidii loo heshiisiin lahaa labada dhinac, iyadoo bishii May ay ka shaqeeyaan kulan ku dhex-maray Mohamed bin Salmaan iyo Sheekh Tahnoun bin Zayed, oo ah walaalka ka yar madaxweynaha Imaaraadka iyo la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka.

Hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa u sheegay Tahnuun in Imaaraadku aysan faro-gelin xabbad-joojinta Yemen ee uu Sacuudigu hoggaaminayo, wuxuuna u ballan-qaaday Abu-Dhabi tanaasul.

Si kastaba, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada Wall Street Journal, dhaxal-sugaha ayaa markii dambe u sheegay la-taliyayaashiisa in aysan beddelin siyaasad kasta oo ku wajahan Imaaraadka

“Hadda kadib ma aaminayo,” ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay.

Guddoomiye ku xigeenkii degmada AWDHEEGLE oo saaka lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, Marxuum Faqay Cabdulle Mayoow.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka fuliyay ay rasaas ku fureen marxuumka, taas oo ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa, wuxuuna ku geeriyooday isla goobta.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada.

Marxuum Faqay Cabdulle ayaa sidoo kale ahaa Nabaddoon caan ka ahaa gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilka oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Caasimada Online.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale innoo sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta isaga baxsatay, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada marxuunka oo ka hadlay dilka ayaa ka codsaday dowladda federalka Soomaaliya cadaalada, maadaama lagu dilay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

“Gacan ka xaq-darran ayaa dishay nin Shabaab ahaa ayaa dilay fakaday, taas ma ii suurtageleyso, saaka marka la dilaayay meeshaan dharcad ayaa buuxday” ayuu yiri.

Toogashadan ayaa qayb ka noqoneyso falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo qaarkood ay sheegatay Shabaab.

Si kastaba dhibaatooyinkan amni darri ayaa dhacaya xilli ay dhankooda Muqdisho howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka Gorgor oo howlgal ku laayey 30 Shabaab ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka kumaandooska Gorgor ka sameeyeen inta u dhexeyso gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ee Galmudug iyo HirShabelle.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Ceel-Qurac oo ku yaalla xadka u dhexeeya labadaasi gobol.

Warbaahinta dowladda ayaa qortay in howlgalkan oo bartilmaameed ahaa lagu dilay illaa 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in weerarkan ay ciidamada Xoogga dalka kusoo furteen hub iyo sidoo kale agab ciidan oo ay lahaayeen xubnaha la laayay.

“Howlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan” ayaa lagu yiri warka warbaahinta dowladda.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in gebi ahaan la burburiyay saldhigii ay ku sugnaayeen xubnaha lagu weeraray deegaanka Ceel-Qurac ee ku yaala xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

“Ciidamada Xoogga ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta waxaana hadda socda hawlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Galmudug iyo HirShabelle ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo ka gaareen ciidamada huwanta ah.

Dagaalka qeylada badan dhaliyay ee dowladdu waddo – Maxaa laga faa’iiday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan dagaal ka dhanka ah musuq-maasuqa naafeeyay hay’adaha dowladiga ee dalka.

Baaristii ugu horeysay ayaa cadeysay in la xaday 21 Milyan oo dollar oo kamid aheyd lacagihii kasoo xarooday fasaxa shaqada iyo dal jooga ajnabiga, tan iyo 2018-kii.

Dhawaan waxaa bilaaban doonta maxkamadeynta dadka ku eedeysan maqnaashaha lacagtaas. Dadka Soomaalidu badankooda kama doodayaan musuq miyaa ka jira hay’adaha dowladda?.

Waa adag tahay inay su’aashaas kusoo dhacdo qof xogagaal u ahaa Soomaaliya tan iyo 2004-tii, laakiin waa lagu kala aragti duwanaan karaa sida loo wajahayo iyo waqtiga. Hay’addo kale oo dowladeed ayaa dhawaan la filayaa in lagu bilaabo baaris la xiriirta musuq-maasuq.

Sababta aan loo inkiri karin in musuq naafeeyay hay’adaha kala duwa ee dowladda Soomaaliya, waxaa ku cadeynaya dhamaan dadkii iyagoo sabool ah xilalka ka qabtay dowladda ee sanadaha kooban xafiisyada joogay maanta waa milyaneero dabaqyo dhaadheer ku leh Soomaaliya, Kenya, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Qof laba ama saddex sano xil ka hayay dowladda Soomaaliya oo mushaarkiisa ahaa saddex kun ama afar kun oo dollar haddana milyaneer noqday cadeyn badan uma baahna inuu ku kacay xatooyo xoolo dadweyne.

Sidaas darteed lagama doodayo dalka ma la dhacay, balse warbixintaan waxaa kusoo koobi doona waxa ugu yar ee laga faa’iido doono dagaalka musuqa ee hadda socda.

Boqolaal siyaasiyiin iyo maamulayaal Soomaali ah oo la ogyahay inay haystaan xoolo ay dalka kasoo dhaceen ayaa dhinaca kale weli haystay sharaf bulshada xageed ah. Dadka waxay ku amaanan inay xoolo fiican tabcadeen mudaddii ay xilka hayeen, iyagana ceeb lama aheyn ee waa ku faanayeen qaarkood.

Hadda, haddii uu dagaalka musuqa sii socdo waxaa bilaaban doonta in la kala miirmo. Waxaa yaraan doonta la-macaamilka togan ee bulshada ee dadka noocaas ah, iyaguna waa joojin doonaan inay ku faanaan falkaas foosha xun.

Ugu yaraan dagaalka musuqa waxa uu noqon doona mid kala sooca dadka, oo sumadeeya dadka iyaga oo fara maran dowladda u shaqo tegay sanado kadibna soo laabtay iyaga oo milyaneero ah.

Isla dadkaasina hadda kadib sharaf kuma dareemi doonaan hantida sidaas kusoo gashay, waxaana bilaaban doonta inay dhuuntaan ama is-dhaqaan oo dhaqaalaha dalka celiyaan, kuwa hadda ku howlana ay nabad galiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii markale ka hadlay la-dagaalanka musuq-maasuqa, wuxuuna ugu baaqay dhamaan dadka ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne inay sharciga horyimaadan oo gar baxaan.

Magaallo ka tirsan GEDO oo 6 sano lagu duqeynayo shacabka + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa weli dhibane u ah duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyaan halkaasi.

Mid kamid ha dadka deegaanka oo la hadlay Idaacdda BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in magaaladaan oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ay duqeyntu ku socoto muddo lix sanno ah, isla-markaana aysan wax garab ah ka helin dowlada dhexe ee federalka iyo cid kalaba.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaalad adag ay ka jirto Ceel Cadde, isla-markaana ay mar kasto ka dhacaan duqeymo aan loo meel dayin oo lalala beegsado gudaha magaaladaasi.

“Xaalad adag baa halkan ka jirta oo dad maato ah guryahooda deggan ayaa muddo sanado ah waxaa ku socday duqeymo aan loo meel dayin oo dadka guryahooda lagu beegsanayo” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo wareysi siiyay Laanfa Soomaaliga ah ee BBC.

Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayuu sheegay inay ay ku dhinteen laba qof oo uu jiro Aabhiis, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 12 kale.

“Labadii duqeymood ee u dambeeyay oo mind siddeed gantaal guryo xaafado magaalada lagu dhuftay oo dad shacab ah ay dagan yihiin waxaa ku dhaawacnay illaa 12 qof inta aan hadda ognahayna waxaa ku dhintay 2 ruux oo allaha u xariistee  Aabahey Sheekh Cabdiraxmaan uu kamid yahay” ayuu yirid mid kamid ah dadka deegaanka.

Duqeymahan dhanka cirka oo inta badan fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayuu sheegay inay argagax ku reebeen dadka deegaanka oo qaarkood isaga barakacay magaalada, halka kuwa kalena ay cabsi joogaan xaafadahooda.

“Dad shacabka aa argagaxeen dhibaati badan ayaa kasoo daristay miyiga ayay dadka u baxeen, dad badan oo weli guryahooda ku sugana waa jiraan” ayuu sii raaiyay.

Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas oo ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen deegaankaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Soomaaliya iyo IMF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shalay kulankii u horreeyay oo is-xog wareysi ah la yeeshay Madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Kulanka wasiirka cusub ee maaliyadda ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

Kulankaan oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan horyaalla wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka maamulka maaliyadda guud ee PFM.

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa ku dadaalaya dardar-galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Biixi ayaa beddelay wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo dhawaan ay saameysay magacaabistii iyo isku shaandheyntii uu sameeyay ra’iisul wasaaraha.

Xilka qaadista lagu sameeyay wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa loo sababeynayaa xiisadd ka dhalatay shaqo joojintii uu laba maalin kahor xil ka qaadistiisa ku sameeyay xisaabiyaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha guud ee dakhliga, wallow uu markii dambe ka laabtay kadib cadaadis xoogan oo uga yimid xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa bilaabay dardar-gelinta dadaaladda deyn cafinta, oo wasiirkii hore uu meel fiican soo gaarsiiyay, islamarkaana laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayna dhawdahay dhameystirkeeda, sida uu hore u shaaciyay wasiir Cilmi.

Fal-celin cajiib ah oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday safaaradda Soomaaliya ee Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay wargelin ay shalay soo saartay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Wargelintan oo si toos ah ugu socotay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyay lacagihii gacanta lagu qaadi jiray (kaash) marka loo adeeg doonto safaaradda.

Laga bilaabo bisha soo socota 1-deeda ayay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Turkiga in cusbooneysiinta Baasaboorka lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga, xilli ay dowladda Soomaaliya dardar xooggan ku wado la-dagaalanka musuq-maasuqa.

“Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan dalka Turkiga waxaa lagu wargelinayaa in laga bilaabo 01 August 2023 cusboonaysiinta Baasaboorka lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga, lana joojiyay lacagtii gacanta lagu qabanayay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cadnaan Cabdi Cali: “Bisinka gacanta maa lagu qaadi jiray?.”

Casaam Maxamed Cali ayaa isna waxa uu yiri: “Awal Intee lagu qaadi jiray.”

“Haa saasa fiican waa la isku fahmay miyaa? hore usocda shaqo wacan wixii aan haayo bank ka fiiriya.”

“Safaaradana wax ka badal ha lagu sameeyo,” ayuu yiri Cabdullaahi Cilmi oo soo jeediyay in dhiig cusub lagu shubo safaaradda, si kor loogu qaado howlaha shaqo ee u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Ibraahim Biyoole: “Bisinka ma lacaga gacanta lagu qabanaayay, ma dukaan bakaara ku yaalaa?.”

Farxaan Axmed ayaa isna waxa uu yiri: “Hadda nin walba inuu lacag gacantiisa ku qabto waa uu ka cararayaa ama uu musuq-maasuqo waa guul weyn oo u soo hoyatay umadda.”

“Arintaan waxaa ka gaabisey wasaaradda waa in lacag gacanta lagu qabto la mabnuuca dhamaan safaaradaha iyo adeegyada ay dowladdu bixiso oo dhan si musuqa loola dagaalamo,” ayuu yiri Xasan Duwe.

Faysal Xoosh Shire: “Soomqalida inkaar baa haysata, wadamadii safaaradaha lahaa shacabka Soomaalidu waxay ka jecel yihiin wadamadda aanan wax safaarada ku lahayn. Allow adaa noo maqan.”

Xuseen Cabdullaahi ayaa waxa uu yiri “Passport kaliya ma ahan shaqo walbo laga qabto waa ina bank lagu shuba, sida loola socdo lacagaha soo galaya iyo ina laga hortago jeeb ku shubasho.”

“Hadda ragga meeshaa fadhiyey gacmahaa la qabtay?,” ayuu yiri Mahdi Jaamac.

Cabdikheyr Xuseen Xasan: “Dhamaan safaaradaha ha lagu dhaqo sidaa waayo safaaradaha qaarbaa tuugo ah oo dadka dhibo.”

Cabdullaahi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Wixii horay gacanta looga qaaday aaway hee?.”

Majid Yusuf Siad ayaa isna yiri: “Yaab waaye awal ma dad baa iska qaadan jiray halkay aadi jirtay lacagtaas.”

“Saas ayaa dowladnimo ah shacabkana uroon, suuqa madow ma ahan dowladnimo,” ayuu yiri Deeq Sheekh Cabdullaahi.

Cabdikariin Xaaji Buube: “Safaarada Sacuudiga iyadane ha laga dhigo sidaas oo kale.”

Abdisalam Mohamed ayaa sidoo kale yiri “Markey dhiigeysteen may iska wareejiyen.”

S/LAND oo war yaab leh ka soo saartay dagaalkii maanta sheegtana in Puntland…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadleyso dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC.

Qoraalka ka soo baxay Somaliland waxaa lagu sheegay in dagaalka ay bilaabeen ciidamo isugu jira argagixiso iyo kuwa Puntland, kuwaas oo weeraray saldhigyada ciidamada Somaliland, sida lagu sheegay warkaan.

“Ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya oo garab ka helaya kooxa Huwanta iyo Argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Somaliland waxay sheegtay in dagaalkii maanta ay ku jebisay dhinacyadii ay is fara-saareen aagga Laascaanood, isla markaana ay ka gubeen gadiid dagaal.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta Qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii qoraalkaan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe ayaa lagu sheegay in Somaliland aysan cidna duulaan ku aheyn.

“Markasta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay Somaliland ka soo saartay dagaalkii Laascaanood.

Dagaal culus ayaa maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramay inuu xoogiisu ka dhacay bariga magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa SSC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal culus oo khasaare badan uu ka soo gaaray labada dhinac.

Fadeexad: Madaxtooyada HirShabelle oo leexsatay mushahar Mareykanku u qoray macallimiin (Xog)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Hadal-heyn dhinacyo badan taabatay ayaa ka dhalatay safarkii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Jowhar, waxaana soo baxay xogo daahsoonaa oo muujinaya dib u dhac maamul oo ka jira HirShabeelle.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maalmo ka hor ay Muqdisho ka baxeen guddi qiimeyn ah oo magaalada Jowhar ay u dirtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Guddigaas ayaa kormeerkii uu sameeyey ku soo ogaaday in la musuq maasuqay mashruuc ay bixisay dowladda Mareykanka, kaas oo mushaar loo qoray 100 macalin oo dhigta iskuullada Jowhar.

Kala bar mushaarkii loo qoray 100-ka macalin waxaa la sheegay inay leexsatay Madaxtooyada HirShabeelle, iyadoo lagu qoray shaqaale ka tirsan madaxtooyada, askar, shaqaalaha Nadaafada Madaxtooyada Hirshabelle iyo dhalinyaro Muqdisho Jaamacado ka dhigta.

Dad badan ayaa arrintaan ku tilmaamay nasiib darro weyn iyo maareyn la’aan maamul oo ka jirta HirShabeelle, gaar ahaan Jowhar, taas oo ka dhigan in eedda dhan ay dusha ka fuuleyso Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe oo ku dhawaad 30-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa.

Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay, balse ilo wareedyo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood.

1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo ku gacan sayray xil ka qaadista, islamarkaana ku dhowaaqay maamul lagu magacaabo Hiiraan State.

2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Soomaaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska.

Maxaa u diiday madaxweyne Xasan Sheekh inuu maanta gudaha u galo JOWHAR?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa waxay kulan kula qaateen garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar madxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa.

Lama sheegin sababta madaxweynaha Soomaaliya gudaha magaalada Jowhar u tagi waayay balse ilo wareeydo deegaanka ku sugan ayaa sheegay in biyo aad u badan ay yaalaan inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la tilmaamay in uu la xiriiro laba arrimood.

1- Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii guddoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasi oo ku gacan sayray xil ka qaadista, islamarkaana ku dhowaaqay maamul lagu magacaabo Hiiraan State. 

2- Iyo arrinta labaad oo la sheegay in ay tahay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabab ee ka socda gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, xili dowlada Somaliya ay haatan qorsheyneyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ay ka qeyb-galayaan waddamada dariska.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin socdaalka madaxweynaha ee Jowhar.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu safaro kale ku tagi doono deegaano ka tirsan furimaha hore ee dagaalada ka socdaan ee deegaanada maamulka Galmudug.

Somalia’s Baidoa endures Al-Shabab’s harrowing blockade

Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the notorious Islamist militant group, has tightened its grip over Baidoa, the capital of South West state, Somalia, triggering an outcry from Somali authorities.

The group has instituted a blockade, worsening an already grave situation fueled by an unrelenting drought and security turmoil.

President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia issued a stark condemnation of the militant group for this ruthless action.

As a poignant depiction of the severity, Hussein Mohamud, the President’s chief of staff, articulated the prevailing sentiment, stating, “The blockade demonstrates that al-Shabab is at war against the people of Somalia.”

The on-the-ground impact of blockade

The weeklong blockade threatens local livelihoods and strategically positions al-Shabab to display its force ahead of an impending government-led offensive.

The repercussions are far-reaching, with Baidoa businesses teetering on the brink of collapse due to stalled supply chains.

Mohamed Edin, a local trader in Baidoa, poignantly captured the dire state of affairs in his statement to VOA, “Businesses will soon be forced to close as supplies dwindle.”

He further elucidated the plight of his business, heavily dependent on supplies from Mogadishu.

The blockade, he said, has dealt a significant blow to his operations, leading to possible closure if the situation persists.

Al-Shabab’s strategy and impact

The militant group’s tactics are not lost on analysts, who see the blockade as a symbol of strength aimed at worsening an already dire situation.

Abdirahman Azari, director of the Mogadishu-based Center for Analysis and Strategic Studies, elucidated this aspect, “Al-Shabab is sending direct and indirect messages to the Somali government that they are still in control in parts of the country.”

Azari opines that the group’s tactics might incite the government to hasten its planned offensive, Operation Black Lion, to retake the South West and Jubaland states in the southern region.

Despite the grim outlook, government forces, fortified by local militias, have demonstrated a resilience that previously led to the reclamation of part of the central region from al-Shabab last summer.

The next phase of the offensive involves the deployment of approximately 20,000 troops from neighboring Ethiopia, Kenya, and Djibouti, all united in their goal of assisting Somali forces in reclaiming control.

The larger picture

Abdiaziz Isaack, a security and political analyst at the Hamad Bin Khalifa Civilization Center, sees the blockade as a clear signal from al-Shabab to the Somali government.

“Al-Shabab’s blockade on Baidoa is sending a message. It demonstrates the group’s ability to challenge the government despite local and international efforts to defeat them,” he stated.

This audacious move comes when the South West state, housing about 600,000 internally displaced persons per United Nations estimates, grapples with profound insecurity and drought.

The UN Secretary-General Antonio Guterres, who visited Baidoa in April, called for “massive international aid” to prevent a looming famine, a call that now resonates more urgently than ever.