31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo: Waxa ka miro-dhalay isbedelka hay’adda socdaalka kadib fadeexaddii musuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo kormeeray xarunta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi waxa uu kulammo kula qaatay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda, xilli isbeddel lagu sameeyay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Mudane Xamza ayaa dul istaagay howlaha shaqo ee ka socda hay’adda, isaga oo qiimeynaya miro-dhalka isbeddelka hoggaanka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee lagu dardar-gelinayo adeegyada ay u hayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey qorshaha horumarineed ee hay’adda u hirgalay mudadi koobnayd ee uu xilka hayey.

Waxa uu la wadaagay ra’iisul wasaaraha in ka hoggaan ahaan ay asteeyeen maamul ka caaggan musuq-maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed, xilli hay’adda noqotay xudunta musuq-maasuq dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa agaasimaha cusub u sheegay in looga fadhiyo inuu sii horumariyo hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo qaranka u ah waji, sumcad iyo karaamo.

Xamza ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimada ay hay’adda u leedahay dalkeena, islamarkaana ay tahay halka isku xirta Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, taasi oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay ilaashato sumcadda ay ku matalayso Soomaaliya iyo tartanka ay adduunka kula jirto.

8-dii bishaan ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe uu agaasime ku-meel gaar ah u magacaabay hay’adda fadeexadda musuq-maasuq uu hareeyey ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay.

Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuq lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay.

Si kastaba, hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.

Hoos ka daawo muuqaalka

Ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh oo warqad furan u diray Muuse Biixi iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu talo ugu jeediyay hoggaanada labada maamul, Muuse Biixi iyo Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay in lagama maarman tahay in saamileyda siyaasadda ay kala fariistaan muranka ka taagan arrimha doorashooyinka.

“Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan.”

Wuxuu kula taliyay hoggaanada Puntland iyo Somaliland in ay xal keenaan kahor inta aysan xiisadaha siyaasadeed ee deegaanadooda ka taagan faraha ka bixin, “kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran;

Talo aan la i warsan oo hoggaanka Somaliland iyo Puntland ku socota.

Haddii aad dib u milicsato taxanaha taariikhda siyaasadda ee Soomaaliya, mar walba oo ay geesawaynta siyaasaddu (Political elite) heshiin waayan duul kale ayaa xukunka gacantooda ka dhufsada.

Geesawayntii siyaasadda ee lixdamaadkii markii ay is diideen, waxaa xukunkii ka xoogay milaterigii, ciidankiina markii lagu kari waayey in ay talada u celiyaan shacabka, xukun rayad ahna dib loogu laabto, odaygii u waynaana uu cid kasta ka aamin baxay, jabhado ayaa xukunkii ka eryaday.

Somaliland iyo Puntland, waxaa ka dhismay maamullo ay xeerbeegti iyo odayadii dhaqanka udub dhexaad u yihiin, halka Koonfurta ay Jabuuti iyo dawlado kaloo shisheeye wax iskugu aadiyeen.

Waxaa muuqata in odayadii dhaqan ee SL iyo PL ay awooddoodii wiiqantay sababo kala duwan awgood, geesawayntii siyaasadduna heshiis ku ahayn maaraynta xukunka marxaladda kala guurka.

Loolanka siyaasadeed ee Koonfurta, inkastoo maalin dhowayd la sigtay, haddana mar walba cunsurka shisheeyaha iyo argagexisada ayaa dheelitirayaal ka ah.

Waxayse geesawaynta siyaasadda Soomaalida ka siman yihiin, gaar ahaan kuwa xukunka haya in ay isku gadaamaan durbaan tumayaal, haadaan ka tuura oo horay u soco hana u joojin ku haya.

Madax adayga iyo xukun ku dhegga kuwo talada haya wuxuu sababaa in dawladnimada Soomaaliya ee qalfoofka (skeleton) ah, laakiin indhaha shacabka ka asturan ay marada ka roganto, loona baylihiyo xaaladdii dabiiciga ahayd ee loollanka reeraha, markaana ay taladu faraha geesawaynta siyaasadda ka baxdo, qoomamo iyo shalaaytina la soo yuurarsadaan.

Halka mar oo iyadoo aysan dawladdii dumin gacanta geesawaynta xukunka laga saaray waa 1969, taana waxaa sabab u ahaa mu’asasada ciidanka oo weli dhisnayd, laakiin markii milaterigii siyaasaddii ku fasahaaday waa tay isla duntay oo ilaa iyo maanta meel laga soo qabto la waysan yahay.

Talada aadnan i warsan ee aan hawada idiin soo marinayaa waxay tahay; yaan qalfoofka la qaawinin oo xaaladdii dabiiciga ahayd la iskula laaban ee kala heshiiya geesawaynta siyaasadda ee aad xukunka isku haysaan ka gudubka xilliga kala guurka.

Haddiise aad diiddaan waxaa hubanti ah, sida uu qaanuunka dabiiciga ah iyo sunnada koonka dhigayso in xaalada hubanti la’aanta ee la geli doono, aadan jilayaasheedii noqon doonin, ama idinkoo intaa ka itaal liita talo ogolaan doontaan.

Go’doonka Baydhaba kadib saddex tallaabo oo loo baahan yahay in deg deg loo qaado

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa laga soo warinaya sicir-barar iyo xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada.

Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo.

Raashin iyo gaadiid kaliya ma ahan waxay kooxdu diiday in magaalada la galayo, sidoo kale waxay kooxdu diiday wax soo saarkii ka imaanayay banaanka magaalada, sida caanihii, xoolihii, malabkii iyo waxkasta oo magaalada Baydhabo lasoo galin jiray.

Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo.

Waa markii koowaad oo ay magaalada sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen.

Sababta keentay go’doominta magaalada Baydhabo ayaa warar kala duwan ka imaanayaan, waxaase ugu muhiimsan in maamulka Koonfur Galbeed uu xiray koox macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab.

Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray xubnihii u tegay ee ajiibay amarkooda. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin.

Haddaba maxaa la gudboon dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed?

1. Foojignaanta xaalad bini’aadannimo

Inay magaaladu sidaan go’doon usii ahaato oo aanay dadka helin raashin, waxay dhalin karta xaalad bini’aadannimo oo deg deg ah. Dowladda federaalka ah, maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka waa inay usii gaashantaan arrintaas imaan karta haddii aan la helin xal deg deg ah.

2. Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed waxaa jooga ciidan fara badan oo labada heer dowladeed ah, waqtiyadii hore waxaa kooxda lagula diriri jiray dhul ka fog magaalada Baydhabo, si aanay magaalada usoo hunguriyeyn ama iskugu dayin fal sidaan u guracan.

Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed ee jooga gobolka Baay, gaar ahaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda waxay ku qasban yihiin inay bilaabaan dagaal aan daahin, si loo furo waddooyinka soo gala magaalada.

Dowladda dhexe iyo maamulka waxaa la gudboon inay taas deg deg diirada u saaran.

3. Wejiga labaad ee dagaalka guud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lasoo warinaya inay dhawaan rabaan in Galmudug ay ka bilaaban wejiga labaad ee dagaalka, laakiin marka la eego xaalka laga soo warinayo magaalada Baydhabo iyo guud ahaan degmooyinka Koonfur Galbeed.

Waxay dad badan qabaan in wejiga labaad ee dagaalka lala aado dhanka Koonfur Galbeed, oo shacabkaas culeyska laga dabciyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dhibaatadaas, waxaana xooggan baaqa shacabka ee ah in xaaladda Baydhabo laga dhigo kiis gaar ah oo deg deg ah.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale muujin culeyska arrintaan iyo waxa ka dhalan kara haddii aan dhaqso loo wajahin.

SACUUDI iyo TURKEY oo saxiixday heshiisyo taariikhi ah

Jeddah (Caasimada Online) – Shirkad Turkish ah ayaa Sacuudi Carabiya siin doonta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone), waxaa sidaas shaacisay Riyadh kadib booqasho uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ku tegay boqortooyada.

Dhowr qandaraas, oo uu ku jiro heshiiska Drone-ka ee lala galay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar, ayaa la saxiixay intii uu socday kulan dhex maray Erdogan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman oo Isniintii ka dhacay magaalada ku teedsan Badda Cas ee Jeddah, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency (SPA).

Haluk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda soo saarta drone-ka ee sidoo kale uu wax ka maamulo wiil uu sodog u yahay Erdogan, ayaa qoraal uu twitter-ka soo dhigay ugu yeeray heshiiska “qandaraaskii ugu weynaa ee dhoofinta dhanka difaaca iyo duulista ee taariikhda Jamhuuriyadda Turkey.”

Qiimaha uu ku kacayo qandaraaska weli lama shaacin.

Erdogan, oo doorashooyinkii May ku guuleystay muddo xileed kale oo shan sano ah, ayaa ku sugnaa Sacuudiga isaga oo billaabay safar uu ku marayo Khaliijka, isaga oo taageero u raadinaya dhaqaalaha sii xumaanaya ee Turkey.

Hoggaamiyaha Turkey ayaa la filayaa in goor dambe oo Talaadada maanta ah uu tego dalka Qatar.

Kadib markii ay ka qeyb-galeen madasha ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga ee Jeddah, Erdogan iyo Amiir Mohammed ayaa ka wada-hadlay “rajooyinka iskaashi wadajir ah,” ayey tiri SPA.

Labada hoggaamiye ayaa saxiixday heshiisyo iskaashi oo quseeya dhinacyada tamarta, maal-gashi toos ah, difaaca iyo warbaahinta, sida lagu yiri warbixinta.

Waxay intaas ku dartay in saraakiisha Sacuudiga “ay laba qandaraas la saxiixdeen shirkadda Baykar.”

Diyaaradaha drone-ka ee ay soo saarto Baykar ayaa lagu isticmaalay dagaallo ka dhacay dalalka Azerbaijan, Libya iyo Ukraine.

Sacuudi Carabiya “Waxay heli doontaa diyaaradaha drone-ka iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado diyaargarowga ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awooddeeda difaac iyo wax soo saar,” waxaa sidaas Talaadada yiri wasiirka difaaca Amiir Khalid bin Salman.

Ma uusan sheegin nooca diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ay boqortooyadu raadinayso inay hesho.

Diblomaasi Carab ah oo ku sugan Riyadh, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan loo ogolayn inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay inay tahay nooca TB2 ee Baykar.

Bishii la soo dhaafay, Kuwait ayaa sheegtay in ay gashay heshiis 367 milyan oo dollar ah oo ay kusoo iibsaneyso diyaaradaha TB2.

Booqashada Erdogan ee toddobaadkan ayaa ah tii labaad ee uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii ay dhawaan isku soo dhawaadeen Ankara iyo Riyadh, kuwaas oo xiriirkooda uu xumeeyey dilkii 2018-kii ee saxafigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul.

Turkey ayaa ka caraysiisay Sacuudiga iyada oo si xooggan u daba-gashay kiiska xilligaas, islamarkaana furtay baaritaan kadibna warbaahinta caalamka xog ka siisay faah-faahinta sida xun ee dilku u dhacay.

Hase yeeshee iyada oo la hagaajinayo xiriirka, ayaa Erdogan wuxuu booqday Sacuudiga April 2022, halka Amiir Mohammed uu u safray Turkiga bishii June ee sannadkii hore.

Safarka Erdogan ee dalalka Khaliijka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Turkey ay la daalaa dhacayso burburka lacagta iyo sicir-barar saameeyay dhaqaalaheeda.

Bishii Maarso, Sacuudi Carabiya ayaa 5 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Turkey.

AFP + VOA

Madaxweynaha Somalia oo ka dagay Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirSHballe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere uga hortegay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudllaawe iyo labada gole ee maamulkaasi.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhxexe.

Sidoo kale wuxuu mas’uuiyiinta HirShabelle kala hadli doonaa xallinta khilaafka ka jira maamulkaasi, gaar ahaan arrimo ku aadan xiisadda kala dhalatay xilka qaadistii dhawaan lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqdo furimaha hore ee dagaalka, si uu u dhiiro-geliyo ciiidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ay kadib usii gudbi doonaan dhanka Galmudug, isaga oo tegi doono furinta dagaalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneysa bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay wax ka galayaan dalalka dariska ah.

Daawo: Mooshin ka dhan ah gudoonka BF oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa banaanka hore ee xarunta Villa Hargeysa kula hadlay warbaahinta, isagoo sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah guddoonka golaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoonka ay la xisaabtamayaan, maadaama ay is tuseen in baarlamaanka uusan sidaaan ku sii soca karin, wuxuu sheegay in kulamada golaha oo maalmahaan hakad ku jiray ay maanta u xigtay kulankii oo lagu soo xiray si deg deg ah.

“Mooshin isla xisaabtan ah ayaan ka wadnaa Gudoonka Golaha, sidaan kuma sii shaqeyn karno, waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, waxaan hadda u shaqeynaa sidii baarlamaan waqtigiisu gabagabo yahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankoodii shalay loogu qeybiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka, kadibna guddoomiye ku xogeenka labaad ee golaha oo shir guddoomineysay ayaa ku war gelisay in kulanka lasoo xiray.

“Guddoonku maalin kasta wuxuu fasaxaa ugu yaraan 100 xildhibaan, sharciguna ugu badnaan 30 xildhibaan ayuu u ogolyahay inuu fasaxo, marka isla xisaabtan kama jiro meeshaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay cunaqabateynta ay kooxda Al-Shabaab ku soo rogtay magaalada Baydhaba, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada laga soo doorto magaaladaas.

Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa madaxweyne Laftagareen oo laga rabay in arrintaan uu wax ka qabto wuxuu ku eedeeyey inuu ku mashquulsan yahay muddo kororsi.

“Nasiib darro Laftagareen wuxuu ku mashquulay muddo kororsi, xisaabtana uguma jirto inuu qaado tallaabo uu ku badbaadinayo dadkiisa, mana garanayo cano uu u yeelan karo kursi kaligiis ah oo lagu go’doomiyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in hadii ay yihiin xildhibaanada federaalka ee K/Galbeed ka soo jeeda ay arrintaan kula xisaabtamayaan dowladda federaalka oo ay ka tirsan yihiin, isla markaana ay doonayaan in deg deg dadkooda looga dul qaado cunaqabateynta.

Hoos ka daawo

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa hadda ka socdo bariga magaalada Laascaanood halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, haddana wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in cusbitaallada la geeyay dad dagaalka saaka ku dhaawacmay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Sawirro: Xarunta keyd qaran oo markii u horreysay maanta laga hirgeliyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya.

Munaasabadda heerkeedu sareeyey ee xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BF, Wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, madax ka socotay hay’adda WHO, wakiilo ka socday UNFPA, agaasimayaal, xubno ka socday xafiisyada kale ee dowladda, agaasima waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xaruntaan ayaa loogu tala-galey in lagu keydiyo dhamaan dawooyinka soo gala dalka, islamarkaana laga maamulo dhamaan daawada lageynayo maamullada iyo guud ahaan gobolada dalka, waxaana la sheegay inay qeyb ka tahay gaaritaanka yoolka horumarinta caafimaadka guud ee dalka,

Xaruntaan ayaa sidoo kale la filayaa inay daboosho baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale wuxuu umahad-celiyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani maanta xariga laga jaray.

Waxa uu faray wsaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, islamarkaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Mashruucan muhiimka ah ee dhismaha keydka daawada Soomaaliya ayaa waxaa maal-galiyey dowladdaha Japan iyo Jarmalka, iyada oo lasoo marsiiyey hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.

Si kastaba, dhismaha bakhaarka keydka daawada ayaa ah tallaabo aad u wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka guud ahaan, waana tallaabo horay loogu qaaday xaqiijinta yoolalka ay hiigsanyso xukuumadda Soomaaliya ee ku qeexan qorshaha qaranka.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Jowhar + Ujeedka

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan kooxda Al-Shabaab ay xubnihii ugu badnaa soo dhoobtay agagaarka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnaha AlShabaab ay soo buux dhaafiyeen tuulooyinka u dhow magaaladaasi, iyaga oo halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ah inay go’doon geliyaan magaalada caasimada ah ee Jowhar, sida aanu kasoo xiganay saraakiil dhanka amniga ah.

Sidoo kale Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheyneyo inay xayiraad saarto magaalada, si ay u hor istaagto in gudaha loo galo ama laga soo baxo, sidaas oo ay horay ugu sameysay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu arkay deegaano muhiim u ah isku socodka HirShabelle, gaar ahaan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku aadan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee magaalada Jowhar.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale arrintaan walaac ka muujinaya dadka deegaanka iyo ganacsatada, maadaama ay saameyn xoogan ku yeelan karto.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay billowdo beegsiga magaalooiyinka waa weyn, si ay ugu soo rogto xayiraad, maadaama ay culeys kala kulantay dagaallada haatan ku socdo.

Dhibaatada ugu adag ayaa hadda ka taagan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo ay kooxdu go’doomisay, taas oo keentay in sicir barar laga dareemo magaaladaasi, taas oo ay sidoo kale qaylo dhaan kasoo saareen xildhibaanada Soomaaliya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan la filayo inuu dalka ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda goblllada dalka.

R/W Xamza oo isugu yeeray hay’adaha garsoorka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta Caddaaladda iyo Garsoorka dalka.

Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa kasoo qeyb-galay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha garsoorka.

Masuuliyiinta qeybta ka ahaa kulankaan ayaa waxaa kamid ahaa; Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran, Taliyaha Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Intii uu socday kulankaan ayaa waxaa lagu fallan-qeeyay muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa Maxkamadaha dalka oo ay fuliyaan Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow ugu wada shaqeyn lahaayeen.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Xasan Sheekh ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen garsoor madax-bannaan oo hufan, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada LUUQ + Sawirro

0

Luuq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo kasoo kicitamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka, kana degmada iyo bulshada rayidka ah.

Safarkan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland,mas’uuliyiin kale iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay agagaarka garoonka iyo qaybo kale oo kamid ah degmadaasi.

Luuq ayaa kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacabay Gedo, kaas oo uu hoggaamiyo Cabdullaahi Shimbir.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku.

Arrintaan ayaa ku timid, kadib markii ay dhowaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, waxaana ay mugacowday maamul cusub.

Si kastaba, saddexdii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland, haseyeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas.

OHCHR oo billaabeysa baaritaannada tacaddiyo ka dhacay gudaha Soomaaliya

Geneva (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Golaha Maxkamadda Danbiyada ee ICC Mahad Ahmed Hajji ayaa xafiiskiisa kulan kula aatay mas’uulka ugu sareeya hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OHCHR mudane Turk Volker.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay horumarinta iyo wax ka abashada isla xisaabtanka danbiyada sababa dagaalka iyo sidii loola xisaabtami lahaa kuwa ka dambeeya oo cadaaladda loo hor keeni lahaa.

Mudane Turk Volker ayaa Ambassador Mahad Xaaji la wadaagay sida ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay iney baarto tacadiyadda ka dhacay Soomaaliya oo qaarkood dhawaan ay dhaceyn iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya.

Ambassador Mahad ayaa u sheegay madaxda hay’adda xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay ka dhacaan tacadiyo kala duwan oo la isla xisaabtamin wuxuuna tusaale u soo qaatay kiiskii Ikraan Tahliil oo wali rag iyo ruux aan lagu heynin.

Ambassador Mahad ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray  in cadaalada iyo isla xisaabtanka ay tahey mid Muhiimad gaarka ah u leh ka hor tagga dambiyo dagaal oo dhaca.

Villa Somalia oo shaacisay 2 magaalo oo la qosheyay in la xoreeyo kahor wejiga 2-aad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kahor inta uusan bilaaban wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu qorshuhu yahay in la xoreeyo deegaano dhowr ah.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa shaaciyay in la diyaariyay duulaankii lagu xoreyn lahaa magaalooyin ay kamid yihiin Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray gacanta kooxda Al-Shabaab.

“Waa howl dhameystiran xag ciidan waxay sugeysa amarkii sare ee madaxda iyo ku dhaqaaqisteeda, si loo soo afjaro wejiga koowaad oo runtii xooga dib u dhac yar ku dhacay dhameystirkiisa, la rajeynayo in toddobaadyada soo socda magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee ku haray laga xoreeyo cadowga,” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Arrintaas waa arrin millateri ahaan dhameystiran kaliya uu dhiman yahay go’aankii siyaasiga ahaa ee lagu howl-gali lahaa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-gallo ay ka socdaan Shabeellaha Hoose iyo qaar kamid ah Jubbooyinka, laakiin wejigii labaad ee safka marka ahaa uu weli dhiman yahay, uuna bilaaban doono marka uu soo idlaado wejiga koowaad.

“Wejiga hore bilow illaa dhamaad taageero aad u kooban oo ATMIS ah iyo taageero dhanka cirka ah oo dowladdo saaxiibo ah laga helay mooye waxaa Shabaab u xoog sheegtay ciidamadeena huwanta ah.”

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay cashir u dhigeen Al-Shabaab, oo ayadu ku doodi jirtay in aysan la-dagaalamin ciidamada Soomaaliyeed, balse is hayaan kuwa ajaaniibta ah.

“Shabaab weligood waxay ku andacoon jirtay ciidamada Soomaaliya ma ahan cidda nala dirireysa ee aan la dirireyno, laakiin waa markii koowaad oo la tusay cidda ka adkaaneysa ee ka awoodda badan aysan aheyn ciidamo ajnabi ah oo ay tahay ciidamada Soomaaliyeed iyo shacabkeeda oo isku tegay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, marka uu soo idlaado kan hore oo maraya heer gaba-gabo, islamarkaana ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Dhageyso: DF oo shaacisay shir ka dhacaya Mareykanka oo lacag loogu ururinayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay shir muhiim ah oo ay qorsheynayso dowladda federaalka, kaasi oo ka dhacaya dalka Mareykanka.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa waxa uu sheegay in dhamaadka sannadkan uu shirkaasi ka qabsoomi doono Mareykanka, si dhaqaale loogu aruuriyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ujeedka dhaqaale ururintaas laga leeyahay ayaa waxa uu La-taliyaha Amniga Qaranka ku sheegay sidii ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.

“Waxaa hadda rabnaa oo ku qancinay dowladdo saaxiibbo ah in shir bisha December la iskugu imaado Mareykanka, si lacag loogu aruuriyo ciidamada Soomaaliya, oo u hoggaansanaanaya Dastuurka dalka, kana daboolo kharashaadka muhiimka ah sida dhismaha iyo ciidanka qeybahooda kala duwan,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Waxa uu intaas sii raaciyay “In adduunka halmar uu gacan ka geysto dhismaha ciidan tayo leh, si ay dowladda Soomaaliya 2027-ka si dhameystiran ciidamadeeda amniga iyadu mushaarkeeda iyo qalabkeeda u awoodi karto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaas ay qeyb ka yihiin dowladdo ay kamid yihiin Mareykanka Turkiga, UK, Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Midowga Yurub iyo weliba dowladaha ay saaxiibka la yihiin ee dhaqaalaha ku yaboohi kara iyo kuwa kale ee kaalmeeya Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladaha casuumaysa, waa howl socota hadda, dhaqaalaha la tegi doono iyo farsamadeedii shaqo xawli hadda ku socota waaye. Marka waa in December dhaqaalaheeda la isku keeno wixii Soomaaliya loo dhisi lahaa, loo tababari lahaa hadda illaa 2027.”

Hoos ka dhageyso wareysiga La-taliyaha Amniga Qaranka, kana bilow daqiiqada 8:00.

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale tegaya jiidda hore ee DAGAALKA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in mar kale ay booqasho ku tegaan jiidda hore ee deegaanada lagula dirirayo Shabaab, sida ay innoo xaqiinjiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Madaxweynaha ayaa tegi doono HirShabelle iyo Galmudug oo kamid ah meelaha uu hadda ka socdo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Meelaha uu tegayo madaxweynaha waxaa ka mid ah Jowhar iyo Dhuusamareeb, wuxuuna uga sii gudbi doonaan magaalooyinka la xoreeyay, sida Galcad oo ay joogaan ciidanka Xoogga.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo badan oo sugayo amniga ay dowladda Soomaaliya geysay halkaasi, sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Aadan Cali oo isna shalay gaaray magaalada Galcad.

Ujeedka ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu kormeero xarumaha ciidamada, isla-markaana uu dhiiro-geliyo askarta Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay safarka Xasan Sheekh.

“Madaxweyniheynii maalmo kadib inuu safro oo dalka meelo gobollada ah inuu tego inuu halkaas fariisto uu ku hoydo uu ku harsado oo waqti ku qaato madaxdii halkaas tegaan iyadoo ay tahay qorshaha ay wadaan sidii loo soo afjari lahaa fikirka Khawaarijta” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay qaataan doorkooda, isla-markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Khawaarijta haloo soo jeesto, ha lala dagaallo, hana la’iska ilaaliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u booqday jiida hore ee dagaalka, isaga oo tegay furimaha hore ee HirShabelle iyo Galmudug oo uu mar kale hadda soo booqanayo.

Trump to target Somalia in travel ban revival if elected

Washington (Caasimada Online) – During a speech at the Turning Point Action conference, an assembly organized by far-right figurehead Charlie Kirk, former President Donald Trump expressed his intent to rejuvenate and strengthen his previously imposed travel ban, promising to make it “bigger and much stronger” than before.

The reinstatement of this policy signifies Trump’s ambition to control who enters the country, mainly targeting citizens from majority-Muslim nations such as Iran, Iraq, Libya, Somalia, Sudan, Syria, and Yemen.

He said, “When I return to the office, the travel ban is returning. The U.S. will not be condemned for the same fate as countries like France.”

The travel ban, known for its rigorous selection process, was a policy cornerstone during Trump’s tenure.

It included an indefinite suspension of the Syrian refugee program and a temporary suspension of all other refugee programs.

The Supreme Court upheld the ban, which President Joe Biden later abolished upon entering office.

Trump, however, does not shy away from his previous policies, “Under the Trump administration, we imposed extreme vetting and put on a powerful travel ban to keep radical Islamic terrorists and jihadists out of our country — and with great success,” he asserted.

He also indicated that he would reinstate Title 42, a policy that denied asylum to migrants and returned them across the border, aiming to “end the child trafficking crisis.”

Trump’s vision of American culture

Beyond his plans to reestablish the travel ban, Trump emphasizes the need for immigrants to assimilate and uphold American values.

He advocates deep-seated love and respect for the country from its prospective citizens. He said, “We want people who can love and cherish our country.”

The former president also discussed immigration reform. He proposed an executive order that would end automatic citizenship for children of illegal aliens, a move he believed would deter illegal immigrants and their extended families from entering the country.

Trump’s speech wasn’t limited to immigration policies and travel bans.

Despite his ties to Operation Warp Speed, the covid-19 vaccine initiative launched under his administration, he also engaged with contentious topics, such as vaccine conspiracy theories.

He alluded to a potential reconsideration of his stance. “I will continue my long record of standing up to Big Pharma by creating a presidential commission to investigate what is causing the decades-long increase in childhood diseases, autoimmune disorders, autism, obesity, infertility, and other chronic health problems,” he said.

Critics argue this statement might be a subtle nod to unfounded claims linking vaccinations to autism, a theory long dismissed by the scientific community.

Classified document controversy

Turning to the controversy surrounding the transportation of classified documents to Mar-a-Lago, Trump’s private resort in Florida, he expressed incredulity about potential legal consequences.

His comments shed light on his perception of legality, particularly surrounding his behavior.

“I had boxes piled up in front of the White House, and everybody was taking pictures of them because I wasn’t hiding anything,” he disclosed.

The documents were reportedly stored in unsecured locations, including a ballroom stage and a bathroom at Mar-a-Lago.

Despite the various indictments and legal controversies that have dogged his political career, Trump maintained his defiance.

He claimed that each indictment from the “radical left Democrats” was a “badge of honor and courage,” seeing them as sacrifices made on behalf of his supporters.

Foreign recruitment surge: Al-Shabab shifts strategy

Nairobi (Caasimada Online) – The nefarious web of Al-Shabaab, the jihadist terrorist group in East Africa, is expanding its reach beyond the borders of Kenya, as indicated by recent security operations.

It appears the militant group’s recruitment strategy is now targeting foreigners, with Tanzanians and Ugandans emerging as the new demographic of choice, security officials reveal.

On the rainy evening of July 12, Tanzanian nationals Abdirahman Shaffi Mkwatili, 25, and Sadam Jafari Kitia, 30, found themselves apprehended in Garissa, a bustling town near the Kenya-Somalia border.

Their objective? To traverse the wilderness and join Al-Shabab in Somalia, armed with nothing more than a notebook containing directions in Swahili.

The duo was apprehended in the Korakora area by vigilant police forces following a well-coordinated operation.

This incident marked the third arrest of foreign recruits within a month, illuminating an unsettling shift in the recruitment dynamic.

According to officials, the trend of Kenyans journeying to Somalia to join the jihadist ranks has dwindled.

Many recruits have begun questioning the grand promises of wealth, glory, and familial security that the militant group had formerly peddled.

Tanzanians, Ugandans under the scanner

Within a fortnight of this event, three other Tanzanians—Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, and Seif Abdalla Juma—were intercepted in a similar situation, their cover blown by watchful community members.

Security agencies have also reported the recent arrest of a Ugandan national in Libya, thanks to the collaborative efforts between security forces and local communities.

A senior security official, requesting anonymity, confirmed the development, stating, “We think they are now targeting Tanzanians, Ugandans, and others. Kenyans avoid joining them, and those who do return describe dire conditions.”

As a countermeasure, security agencies have amplified surveillance and investigative procedures leading to more swift arrests of youths attempting to join terror groups.

The public has also been cautioned to remain alert and share information on suspicious movements.

Notably, those joining these terror groups are often exploited as suicide bombers—a sobering reality with which Kenya is all too familiar, having been the victim of numerous suicide attacks.

The legal front: A battle against terrorism

In a concurrent development, the courts are playing their part in this ongoing war against terrorism.

On Friday, July 14, Chief Magistrate Martha Mutuku at the Mombasa law courts virtually-delivered a ruling that Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa, and Nuseiba Mohamed Ali, both charged under the Prevention of Terrorism Act (POTA), had cases to answer.

Conversely, Abdirahman Idriss Hassan and Salah Mohamed Khalif were released under the provisions of Section 210 of the Criminal Procedure Code.

The accused had been in custody since their arrest in 2016, with charges ranging from directing a terrorist act to being members of a terrorist group. T

heir defense hearing has been scheduled for August 21 to 25.

The battle against terrorism continues to rage on multiple fronts, from the recruitment pools to the courts.

However, the ever-adapting strategies of these terrorist groups call for an equally flexible, vigilant response from security agencies, the judiciary, and the public.

Daawo: Ciidanka DF oo dilay xaaskii Muxiyadiin Saabey oo baxsad ka ah dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku dishay xaaskii Agaasime Muxiyadiin Xasan Saabeey oo baxsad ka ah dowladda, kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Ehellada gabadha la dilay ayaa maanta warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in gabadha oo suuqa adeeg u soo doonatay ay dardareen laba Cabdibile oo ciidanka dowladda ah.

Intaas kadib waxay sheegeen inay isku dayeen inay raadiyaan taliska ay ka tirsan yihiin ciidanka dilay gabadha, balse ay taas ku guul-dareysteen, waxayna farriin u direen dowladda.

Odayaasha u hadlay ehelka gabadha ay dileen ciidamada waxay sheegeen inay dareemayaan in shaatiga dowladnimada lagu dul-minayo, iyadoo Saabey Muqdisho laga eryaday, hadana xaaskiisii la dilay, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan cabasho ka nahay dowladda, hadana ayada ayaan u cabaneynaa, dowladaan Alle ayaa nasiiyey aad ayaan u taageersanahay, shalay laba Cabdibile ayaa laamiga ku jiirtay gabar ilmo u heysay Muxiyadiin Xasan Jurus, waana ka dhaqaaqeen,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Wuxuu sheegay in aagga ay gabadha ku dileen ciidankaas ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladda, balse ay waayeen cid uga jawaabta cabashadooda.

“Dowladdu gaadiidkii gabadha dilay ayadaa leh, anaguna waxaan nahay dadkeeda, dhib awal ayuu na heystay oo dowladdu waxay nooga dhegtay Muxiydiin Xasan, hadana gabadhii ilmaha u heysay ayay dowladdu dishay,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

Waxay sheegeen inay yihiin qabiil dhan oo cabanaya, isla markaana ay dowladda ka codsanayaan in dib loo fiiriyo arrintooda, “Dowladda waxaan ka rabnaa inay dib u aragto hagarta shaatigeeda oo nalaku dilaayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray odaga u hadlay reerka.

Hoos ka daawo

TRUMP oo ku dhowaaqay arrin ka dhan ah Soomaaliya haddii dib loo soo doorto

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sameeyey ballan-qaad cusub oo ka dhan ah Soomaaliya, haddii dib loogu doorto Aqalka Cad, doorashada dhaceysa November 2024.

Trump ayaa sheegay inuu dib usoo celin doono mamnuucista socdaal ee horey uu u saaray Soomaaliya iyo dalal kale, oo qof ka imanaya aanu soo geli doonin dalka Mareykanka.

“Marka aan xafiiska kusoo laabto, xayiraadda safar dib ayey usoo laaban doontaa, ayada oo xitaa ka weyn kana xoog badan sidii hore,” ayuu Trump ku sheegay khudbad uu Sabtidii jeediyey.

“Mareykanka kuma dhici doonto waxa hadda haysta dalal ay France ka mid tahay,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay dalkaas ee ka dhashay markii booliska ay dileen Nahel Merzouk, oo ahaa wiil dhallinyar oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco iyo Algeria.

Trump ayaa markii uu xafiiska joogay wuxuu muwaadiniinta Soomaaliya iyo shan dal oo kale oo Muslim ah oo kala ah Iran, Iraq, Libya, Sudan iyo Syria ka mamnucuay inay yimaadaan Mareykanka.

“Waxaan qaadaneynaa dad halis ah. Waxaan u ogolaaneynaa inay malaayiin malaayiin usoo galaan dalkeena,” ayuu yiri Trump. Waxa uu wacad ku maray inuu dib u masaafurin doono dadka xuduudda kasoo galaya Mareykanka.

Bilihii dhowaa, waxaa aad u kordhay Soomaalida tahriibka ku imaneysa Mareykanka ee kasoo gudbaya xudududa Mexico, oo ku jiraan dad caan ka ah baraha bulshada.

Trump wuxuu sheegay inuu dib usoo celin doono Qodobka 42, kaasi oo magan-galyo u diidaya muhaajiriinta dibna ugu celinaya xuduudda ay kasoo gudbeen.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in maalinka koowaad ee uu dib u galo Aqal Cad, haddii la doorto, uu muwaadinnimada Mareykanka u diidi doono caruurta ay dalka ku dhalaan dadka aan sharciga haysan.

Iminka, qof kasta oo Mareykanka ku dhasha toos ayuu u helaa muwaadinnimada, xittaa haddii waalidkiis ay sharci darro ku joogaan, waxayna ku qoran tahay dastuurka, taasi oo Trump ku adkeyn doonta inuu joojiyo.

“Waa inaan kordhinaa dadaallada aan ku xaqiijineyno in qof kasta oo Mareykanka yimaada uu yahay qof nala wadaaga qiyamka Mareykanka oo ku milmi kara dhaqankeena. Waxaan rabnaa dad jeclaan kara dalkeena,” ayuu yiir.

“Maamulkii Trump wuxuu soo rogay baaritaan xooggan, wuxuuna soo saaray xayiraad safar si xagjiriinta Islaamiga ah iyo jihaadiyiinta looga ilaaliyo dalkeena, waana ku guuleysanay sidaad ogtihiin.”

Daawo: Farriin ka dhan ah go’doonka Baydhaba oo loo diray Xasan iyo Laftagareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaawo Sokor oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadashay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay oo ayada laga soo doortay.

Xildhibaan Xaawo ayaa farriin u dirtay madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyadoo ka codsatay in tallaabo deg deg ah uu qaado inta xaaladaan aysan sababin macaluul ama xaalado kale oo bini’aadanimo.

Xaawo Sokor ayaa ka tirsan guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka, waxayna faahfaahin ka bixisay waxa ay kala socoto arrinta ka soo korortay magaalada Baydhaba.

“Sida aad la socotaanba Baydhaba muddo toddobaad ah waxay ku jirtaa go’doon ay Al-Shabaab geliyeen, kiilada Sonkorta ah waa la gadaa 2 dollar, marka waxaan farriin u dirayaa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, waa jiraan ciidamo xoreyn kara dalka, marka deg deg halooga howlgallo arrintaan,”ayey tiri xildhibaan Xaawo.

Waxay sheegtay in reer Baydhaba ay markii horaba wajahayeen xaalado adag, kadib markii ay iska soo daba noqdeen abaaro daran, sidoo kalena kooxda Al-Shabaab ay dadka u diiday inay beerahooda tacbadaan.

“Shabaabka wax go’doominaya waa tiro aad u yar, waxayna go’doominayaan malaayiin ama kumanaan qof, kaliya waxay rabaan in lala dagaalo, dowladeenu maalin kasta waxay sheegtaa in la qaadayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, marka madaxda waxaan ka codsaneynaa in shacabka Baydhaba deg deg dhibaatada looga dul qaado,” ayey yiri.

Xildhibaan Xaawo Sokor ayaa sidoo kale ka hadashay dhibaato ka jirta xeebaha dalka, taas oo sababtay in baddu ay disho dad badan maalmihii ugu dambeeyey.

Waxay sheegtay in lix qof ay xeebaha Muqdisho ku dhinteen todobaadkaan, iyadoo dowladda ka codsatay in dadka loo sheego in bad-xiran la galay oo biyaha ay ka fogaadaan.

Hoos ka daawo