30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray jadwal uga sii daraya xiisadda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd soo saaray jadwalka doorashooyinka muranka uu hareeyay ee muddooyinkii dambe isku hayeen xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa uu shaaciyay in doorashada Xisbiyada Qaranka la qabanayo 28-ka December ee sanadkaan 2023-ka, “si loo helo saddex xisbi qaran oo ansaxsan lana siiyo shahaadada xisbino ee tobanka sano, KDQ uu muddadaas ka horaysa ku dhameystiro wixii farsamo ah.”

Sidoo kale waxa uu guddiga ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha la qaban doono 13-ka November 2024-ka, taasi oo ka dhigan in muddo kordhintii Golaha Guurtida u sameysay uu dhameysanayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Komishabka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu ka codsanayaa Golahaasha Sharci-dejinta inay dhameystiraan qabyooyibja sharci ee doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu ka dalbaday dhamaan daneeyayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka in ay kala shaqeeyaan fududeynta wixii farsamo ah ee la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka, si aysan uga dib dhicin jadwalka uu soo saaray.

“Guddiga markii uu garwaaqsaday hanaanka Xisbiyada baddani saldhig u yahay nidaamka siyaasadeed we Jamhuuriyadda Somaliland, tirada xisbiyada siyaasiga ahna aanay ka badnaan karin saddex xisbi sida ku xusan qodobka 9-aad faqradiisa 1-aad iyo 2-aad ee Dastuurka JSL,” ayuu guddiga ku sheegay sababaha kala horeysiinta labada doorasho ee la isku hayay.

Jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa uga soo diaraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.

Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-martay.

Daawo: Xildhibaan farta ku fiiqay ‘musuq ka daran’ midka ay DF la dagaalameyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure oo ka hadlay dagaalka musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uu jiro musuq ka daran midka uu hadda socdo dagaalkiisa.

Xildhibaanka ayaa waxa uu musuq-maasuq ku tilmaamay ku tagri-falka awood qeybsiga dowladda ee dhanka xilalka, kaasi oo uu soo jeediyay in lagu daro dagaalka musuqa, maadaama musuqa uusan aheyn xoolo dadweyne oo la dhaco kaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Awood qeybsiga kuraasta waxba kuma lihin, marka waxaa u aragna in iyada lafteeda ay musuq-maasuq tahay, oo aysan dadka Digilka sheegta ee aan kasoo jeedo ee kuraasta uga fadhino aysan waxba ku laheyn,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure.

“Dowladda iyo guddoonka waxa u sheegayna in la musuq-maasuqay kuraasta ku laheyn dowladda iyo guddoonka. Musuqa ma ahan lacag la lunsaday kaliya ee ay ku jirto awood qeybsiga.”

Xildhibaanka ayaa waxa uu carabaabay in Agaasimayaal aysan haysan Digil, loona xagliyo Mirifle, isaga oo tusaale usoo qaatay agaasimihii u dambeeyay ee loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

“Agaasimayaasha marwalba waxaa la yiraahda Digil &Mirifle ayaa leh, marwalba Miriflaha ayay u xagliyaan marka runta ka hadalno oo agaasimayaasha qaata,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure.

“Musuq-maasuqa dowladda ay sameysay waxaa ka mid ah magacabistii agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo la siiyay wiil ay qaraabo yihiin Sheekh Aadan Madoobe.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Dhure ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si adag u sheegay in dadkiisa xaq u leeyihiin awood qeybsigooda in la siiyo, kaasi oo uu sheegay in la musuq-maasuqay.

“Waa in aan si dhab ah ula dagaalano musuqa, oo kaliya ma ahan lacag ee musuq-maasuqa waxa uu kamid yahay jagooyinka la qeybsanayo oo anaga xaq ayaa u leenahaya in waxa la musuq-maasuqay lagu soo daro awood qeybsiga.”

Sidee looga fal-celiyay ballanta uu Xasan Sheekh la galay garsoorka hadda jooga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo markale ka hadlay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto musuq-maasuqa ayaa shaaciyay ballan uu la galay bahda Garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Garsoorka ay ku balameen in qofna lagu dulmin cadaaladda, xilli uu socdo dagaalka musuq-maasuqa, oo loo soo xir-xiray masuuliyiin dhowr ah.

Xasan ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyiintii hore iyo shaqsiyaadka kale ee baxsadka ka ah cadaaladda, inay yimaadan oo gar baxaan, islamarkaana aan cadaalad darro ah lagu samayn doonin.

“Ha cararin, ha dhuumanun haddii aadan tuug ahayn, cadaalad darro in aan qof lagu samayn waa waajib ina saaran. Garsoorka hadda jooga waan ku balanay in qof Soomaali ah ay ku dulmin cadaaladda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan oo lasoo dhigay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo bulshada ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Cabdinuur Cali Maxamuud: “Garsoor ma ahan garsoor cid amarkii ku shaqeynaya, garsoor la”aan baa dhaanta.”

“Waxay ka bilaabanaysaa gurigaada waxayna u gudbaysaa bulshada haddaba yaanan la isku xirin garta iyo gardaradda,” ayuu yiri Xasan Mursal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Xasan Khaliif Cali ayaa isna yiri “Mudane madaxweyne musuq-maasuqa waa dilaa weyn waa in aad si dhab ah u la dagaalanto ciribtirkiisa bogaadin.”

Cabdiqaadir Birre: “Ballan kaliya lama rabee hubi inuu sharcigii fulay dabagal fiicana ku samee madaxwayne.”

“Aad iyo aad qofkii carara asaga marqaati iskugu filan, Soomaali saas ha u ogaato,” ayuu yiri Farxaan Axmed.

Xuseen Al-Xaaji ayaa sidoo kale yiri “Cadaaladda aad kula balantay garsoorayaasha waa la joojiya banaan la jiifiya banaan. Mana la aamini karo ila daadka guryaha ku dhistaay xoolaha shacabka in lagala wareego.”

“Tan kale madaxweynaha hadii uu ku yimiid musuq-maasuuq ma laga yaabo in uu saaxiibkii u xiro musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.”

Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Boqolaal ayaa xabsiyada Xamar iyo kuwa gobollada ku xiran, maxay galabsadeen?. Teeda kale shacabka marin-habaabinta ka daa madaxweyne.”

Cali Jabiin Xuud ayaa isna yiri “Garsoorka Naftirkiisa aaba musuqa kow ka ah wallaahi sidaba horey loo cadeeyay.”

“Ha cararin ee kaalay gar bax eedeysanoow,” ayuu yiri Saadaq Maxamed.

Cabdisamed Cartan Axmed: “Garsoorka ku laabo meeshii aad ku oge6d ma joogaan shaafto ayey barteen.”

Cabdicasiis Kulow ayaa isna waxa uu yiri: “Garsoorka madaxda qaranka hada joogto iyo kuwii hore ha uyeero kadib masaakiinta ha ku soo qatimo ileen Soomaaliya waxay tiraa Dibiga qal weesha haku quus-qaadatee.”

Ciidamada Soomaaliya oo helay hubkii ugu cuslaa abid iyo diyaaradaha dagaalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa helay hub culus iyo diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.

“Dowladda Soomaaliya cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd sanad kahor ayaa laga khafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa jira Helicopter hub saaran yahay loogu tala-galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waaweyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay haystaan hub culus oo hore aan loogu ogoleyn Soomaaliya, sidaas darteedna ay ka tabar badan yihiin Shabaab-ka ay dagaalka kula jiraan.

“Waa jirta tabar ay hadda ciidamadeenu dheer yihiin xaga hubka ay ciidanka Shabaab ay wataan. Ciidanka Soomaaliya waxay ku hubeysan yihiin hub aysan hore u haysan.”

Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Mareykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.

Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cuna-qabateyntaan.

3 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay Galcad + Magacyada

0

Galcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ag uga dhacay agagaarka degmada Galcad, waxaana lala eegtay mooto ay la socdeen dad shacab ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in mootada oo aheyd Fekon ay miinada kula qaraxay deegaanka Cali Heelle oo u dhow Galcad, waxaana ku dhintay saddex qof oo saarnaa.

Saddex qof oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaan ay qaraabo dhow ahaayeen, isla-markaana ay booqasho u socdeen xilliga uu haleeyay qaraxa miino.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Galcad oo kamid ah magaalooyinkiii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, waxaana uu khasaare kasoo gaaraa ciidamada huwanta iyo sidoo kale dadka deegaanka ee isticmaala wadada.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedkooda uu yahay in lagu xoreeyo degmooyinka ka maqan Galmudug.

Ciidamada kasoo horjeedo DENI oo war cusub ka soo saaray xiisadda Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ee taabacsan mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay war ka soo saaray xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ugu horreyn taliska ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado magaaladaasi, kuwaas oo horey loogu eedeeyay, maadaama ay sababi karaan dagaallo horleh.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamadan oo ay horay isugu dhaceen madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la doonayo in bulshada deegaanka la barakiciyo, ayada oo eedda dhabarka loo saarayo ciidamada kumaandooska ah ee Danab.

“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri bayaanka.

Garoowe ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhexeysa mucaaradka iyo xukuumadda oo horay ugu dagaalamay bartamaha magaaladaasi.

Shacabka Garoowe ayaa dhankooda welwel xoogan ka muujinaya xiisadda weli ka taagan halkaasi, maadaama ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa weli socda dadaallo la doonayo in la’isugu soo dhaweeyo labada dhinac, si xal loogu helo muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh Puntland.

Si kastaba, xiisaddan ayaa ka dhalatay furista dastuurka maamulka Puntland, ayada oo Saciid Deni lagu eedeeyay inuu wado qorshe uu ku doonayo muddo kororsi horleh.

DF oo shaacisay arrin ku qasabtay in dalal kale ciidan ka dalbato kadib markii ATMIS…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo xalay marti ku ahaa barnaamij Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay ayuu ku soo bandhigay qorshaha dowladda hanashada amniga qaranka.

Xuseen Sheekh ayaa aad u sharaxay qorshaha dowladda ee dhinacyada la wareegidda amniga qaranka, bixitaanka ciidanka ATMIS, qaadidda cunaqabateynta hubka ee dalka saaran, dhismaha ciidanka qaranka iyo dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo.

Sida uu cadeeyey Xuseen Sheekh, howlgalka ATMIS wuxuu ku fashilmay qorshihii magaca looga bedelay oo ahaa in ciidanka qaranka ay dalka kala xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inay ku andacoodaan inay ka maqan tahay saanad ay dalbadeen, sida diyaarado dagaal iyo agab kale.

Si looga maarmo ATMIS, dalkana looga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay dalbadeen ciidamo dheeraad ah oo ka imaanaya dalalka la isku yuraahdo safka hore, kuwaas oo ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku garabsiin doona wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab.

Hadda wuxuu sheegay inay soo gabagabeynayaan wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore.

Sidoo kale, Xuseen Sheekh wuxuu hoosta ka xariiqay in 18 bilood ay qorsheeyeen in dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, si loo soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS oo dowladda Soomaaliya ay si buuxda u hanato guud ahaan amniga dhulka Jamhuuriyadda.

Wuxuu sheegay dhaqaalaha ay ciidanka ATMIS ku bixiyaan dalalka Midowga Yurub in loo wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya, isagoo xusay in ciidankii hordhaca u ahaa bixitaanka ATMIS oo 2,000 gaaraya mushaarkoodii loo wareejiyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Dhismaha ciidanka ayuu sheegay inay muhiimad gaar ah siinayaan, isagoo hoosta ka xariiqay in hadda dowladdu ay heysato ciidamo ku filan inay gobollo kala duwan kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Xuseen Sheekh wuxuu sheegay inay aad ugu ololeyneyso dowladda Soomaaliya in laga qaado cunaqabateynta hubka ee sanadaha badan saaran dalka, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in dhawaan ay dowladda Soomaaliyeed soo iibsan doonto hub aan lagu koontorooleyn, markii ay ku guuleysato in laga qaado cunaqabateyntaan.

JUBBLAND oo la wareegtay maleeshiyadii lagu tababaray magaalada Baardheere

0

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay Jubbaland la wareegtay ciidamo maleeshiyaad ah oo bilihii lasoo dhaafay lagu tababarayay gudaha magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay la wareegeen maamul ahaan, ayna hoostagi doonaan dowlad goboleedka Jubbaland.

Macallimuu ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo ay uruuriyeen siyaasiyiin kale, balse haatan lagu daray kuwa daraawiishta ee Jubbaland.

“Ciidankaas wuxuu ahaa ciidan ay dad kale uruuriyeen haddana iyaga oo sidoodii ah waa lala wareegay, waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay dalka difaacaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay ka howlgeli doonaan deegaanka iyo sidoo kale meelaha ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhulka Jubbaland

“Hadda dowlad goboleedkaa la wareegay waxaa laga dhigay ciidamada daraawiishta Jubbaland, sidooda ayayna u shaqeynayaan deegaanka ayayna ka howlgeli doonaan” ayuu sii raaciyay.

Maleeshiyaadkan oo horay shaki looga muujiyay ayaa waxaa in muddo ah tababar ku qaadanayay gudaha degmada Baardheere, waxaana kamid ah siyaasiyiinta ka dambeeyay uruurinta ciidankaasi, Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) iyo Wasiir Cabdirashiid Janan, kuwaas oo sheegay inay ciidankaas ay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo sii hadlaya ayaa xusay in haatan ay dib usoo celiyeen mashaariicyadii gobolkaasi, si looga faa’iideeyo dadka shacabka

“Hadda mashaariicda gobolka dib ayaa loogu fasaxay Baardheere illaa saddex mashruuc ayaa laga dhagax dhigay, waxaana daah-furay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland, marka shaqada si wanaagsan ayay u socotaa” ayuu mar kale guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji.

Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Jubbaland haatan ka wado gobolka Gedo oo ay inta badan la wareegtay, kadib markii ay dhowaan usoo magacowday maamul cusub.

Sawirro: CALI JEYTE oo ka faa’iideystay ciidan maamulka HirShabeelle ka gadooday

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan balse la sheegay in dhawaan loo doortay Madaxweynaha Hiiraan State ayaa ka faa’iideystay gadood ay shalay magaalada Beledweyne ka sameeyeen ciidan ka tirsan kuwa Booliska HirShabelle ee ka hawlgala magaaladaasi.

Ciidamadan oo ka cabanaya dhowr bilood oo aysan wax mushaar ahi qaadan ayaa xiray qaybo ka mida waddooyinka Magaalada Beledweyne, iyaga oo hakad geliyay isu socodkii gaadiidka ee magaaladaasi.

Xubno ka tirsan Maamulka Cali Jeyte ayaa ciidamadaasi ku qanciyay in ay gadoodka joojiyaan, isla-markaana ay ku soo biiraan Ciidanka Daraawiisha Hiiraan State, iyagoo ballanqaaday in Maamulka Hiiraan State uu xuquuqdooda siin doono, taas oo ay aqbaleen.

Cabdicasiis Axmed Caddow (Jaaburi) oo Cali Jeyte uu u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ciidamada la hadlayay ayaa sheegay in maamulka Hiiraan State uu bil walba mushaar ahaan u siin doono lacag dhan laba boqol oo dollar ($200), halka ay markii hore qaadan jireen boqol dollar ($100).

“Waxaa ballan iyo axdi ah inaad xuquuqdiina heshaan, waxaa ballan ah inaydaan dayacmin, maanta wixii laga bilaabo waxaan rabnaa inaad la shaqeysaan bulshadiina iyo maamulkiina, wixii maanta ka dambeeyana xaqiina iyo xuquuqdiina diyaar annagaa la ah, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha Hiiraan State, Madaxweyne Kuxigeenka iyo bulshada Hiiraan,” ayuu yiri Cabdicasiis Jaaburi.

Jaaburi ayaa yiri “Meeshii aad boqol dollar ka qaadan jirteen, waxaa ballan ah Maamulka Hiiraan State inuu laba boqol oo dollar bishan gudaheed idinkaga dhigo ay 14-ka maalmood ka dhiman tahay, wada shaqayn wacan, waddadana hala furo.”

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Cali Jeyte ayaa lagu sheegay in ciidankan oo gaaraya 250 askari aanay muddo afar bilood wax mushaar ahi ka helin HirShabelle.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii dambe la geeyay goobta uu ka socdo Dhismaha Madaxtooyada cusub ee ay Hiiraan State dhisaneyso.

Dowlad Goboleedka HirShabelle iyo Gudoomiyaha magacaaban ee Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo qudhiisu ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin ciidamada ka goystay maamulka.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada HirShabelle ay ku kala qaybsamayn xil ka qaadistii uu Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu bishii hore ku sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Beledweyne ayaa waxaa muddo bil ah ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistaasi.

Xog: Maxamuud Sayid Aadan oo tegaya gobolka GEDO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Jubbaland ay kasoo tegi doonaan Kismaayo, isla-markaana ay maanta gaari doonaan tegaaan Luuq, oo kamid ah meelaha haatan laga taageeray maamulka cusub ee loo soo magacabay Gedo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweynta wafdiga laga dareemayo Luuq.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka cusub ee gobolka Gedo iyo ciidamo dheeraad ah oo la geeyay degmada.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa marka uu tego halkaas la filayaa inuu shirar ka bilaabo, kuwaas oo looga hadli doono amniga iyo xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Sayid Aadan uu usii gudbi doono degmooyinka kale, sida magaalada Baardheere halkaas oo uu booqan doono madaxweyne ku xigeenku.

Arrintaan ayaa ku timid, kadib markii ay dhowaan Jubbaland isku ballaarisay gobolka Gedo, oo muddo laga diidanaa, waxaana ay mugacowday maamul cusub.

Si kastaba, 3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo. Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas.

Sawirro: Aadan Madoobe oo xarumaha lix guddi oo BF…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaas oo ku howlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulamada guddiyada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu guddiyada ku dhiiri-geliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay guddiyadda shaqooyinka baaxadda leh, la-xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha dowladda.

Guddiyadda shalay sida gaar ah u kormeeray waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha Bulshada, Guddiga Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, kaasi oo uu ku wehlinayay guddoomiyaha golaha Aqalka.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.

Daawo: Dr. Cabdinuur oo go’aan yaab leh shaaciyey kadib kulan uu la qaatay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ka mid ahaa siyaasiyiintii uu dhawaan shirka isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga wareystay khilaafka maamul ee ka jira gobolka Hiiraan.

Dr. Cabdinuur oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa taageero weyn u muujiyey guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte, isagoo aad u dhaliilay go’aankii uu xilka uga qaaday Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Dr. Cabdinuur ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay wax ka maqlaan welina ku xiran yihiin go’aanada Cali Jeyte, isagoo cadeeyey in guddoomiyaha gobolkaas uu u yaqaano Cali Jeyte.

Wuxuu ku dooday inuu tix-gelinayo rabitaanka dadka reer Hiiraan iyo waaqica jira, taas oo tallaabadii uu Cali Guudlaawe xilka uga qaaday Cali Jeyte ka dhigeysa gardarro, sida uu hadalka u dhigay Dr. Cabdinuur.

Sidoo kale digtoorka ayaa wareysigaan uu siiyey Universal TV wuxuu ku sheegay in Cali Jeyte uu mudnaa abaal-marin iyo qadarin dheeraad ah, markii la eego sida uu dagaalka Al-Shabaab ugu jiheeyey dadkiisa.

“Xilku waa meerto waana la iska qaadaa, laakiin Cali Jeyte waa halyey umadaan u soo baxay, wuxuu mudnaa in lagu abaal-mariyo, horayna waan u sheegay cadaalad maaha in qof aad shaqo u dirsatay, isagoo ku sii maqan inaad xilka ka qaado,” ayuu yiri Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Sidoo kale musharax hore Cabdinuur, wuxuu sheegay in reer Hiiraan afkooda uu ku hadlo Cali Jeyte, “Cabsi kama qabo in reer Hiiraan ay ku dagaalamayaan Beledweyne cabsi kama qabo taas oo reer Hiiraan ma diriraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kala hadleen khilaafkaan, isla markaana uu qado dadaalo si hoose u socda oo lagu soo afjarayo khilaafkaan.

“Wax kasta oo reer Hiiraan ay rabaan ayaan qabnaa in la sameeyo, HirShabeelle dacwooyinka laga tirsanayo iyo qaabka ay u dhisan tahay waxaan kala hadlay madaxweynaha dalka, waxaana soo jeediyey in guddi gaar ah loo xil-saaro,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

 

Villa Somalia oo war kasoo saartay go’doonka la geliyey magaalada Baydhaba

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kooban ka soo saaray go’doon ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Agaasime Xuseen ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo shacabka magaalada Baydhaba oo go’doon adag kala kulmaya kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan xanuunka la wadaagayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee go’doominta arxan darada ah ay ku hayaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Agaasime Xuseen Sheekh.

Wuxuu sheegay in kooxdaas ay dagaal ba’an kula jirto shacabka Soomaaliyeed, “waxay tani marag madoon u tahay in dadaallada ay hormuudka ka tahay DFS ay kooxdaasi ku dabar go’i doonto,” ayuu yiri.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa twitterka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Al-Shabaab ay u midoobaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dedejineyso dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka, taas oo sahli doonta in laga dul-qaado dadka ay ku go’doomiyeen gobollada dalka.

“Waxaan u soo jeedinayaa shacab weynaha dalkeena in ay u midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxdaan, DFS waxay xaqiijinaysaa dardar gelinta howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lagana xoreynayo kuwa ku hoos jira arxan daradooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasime Xuseen Sheekh Maxamuud.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu soo ifbaxay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, waxaana la sheegay inay u wareejiyeen go’doonkii ay 15-ka sano ku hayeen magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Kooxdaan ayaa looga adkaaday dagaaladii ay dowladda iyo shacabka kula galeen gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe, waxayna u wareegeen dhanka gobollada Bay, Bakool iyo Jubooyinka.

Sawirro: Ciidamada cusub ee ilaalada xarunta gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir lagu soo bandhigay ciidamada cusub ee amniga xarunta, si ay uga hortagaan weerarada kooxda Al-Shabaab oo kal hor bartilmaameed ka dhigatay.

Ciidamada maanta lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan.

Bandhiga ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga, siyaasadda maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale.

Bandhigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa dardar-gelinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo ciidamada ilaalada ah la faray inay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Xarunta maamulka gobolka ayaa horraantii sanadkaan waxaa weerar ku qaaday dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac geystay, waxayna ciidamada lasoo bandhigay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga xarunta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasi oo uu ku wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga, siyaasada maamulka gobolka.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee ciidanka Birimadka Booliska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay argagixisada 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta gobolka Banaadir.

Fal-celin weyn oo ka dhalatay arrintii uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in musuqa ay ula dirirayso si cadaalad ah.

Dagaalka musuq-maasuq ee dowladda wado ayaa waxaa ka dhashay qeylo la xiriirta “in dano kale laga leeyahay, laguna beegsanayo shaqsiyaad gaar ah,” taasi oo uu meesha ka saaray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa naga go’an tahay in kuwa dhacaya hantida ummadda ka dhaxeysa in aan Cadaaladda hor keeno wuxuu sharcigu qabana la marsiiyo, haddii uusan tuug ahayn waa la soo deynayaa ee ka har,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha oo lasoo dhigay barta Facebook ee Telefishanka Qaranka ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, taasi oo u dhigneyd sidan;

Cabdikheyr Xuseen Xasan: “Waa tallaabo wanaagsan haddii laga dhabeeyo mudane.”

“Adiga iska billow baaritaanka iyo inta aad akoonada ku shubatay,” ayuu yiri Cabdifataax Daahir Xasan.

Mahad ayaa isna yiri “Masha Allah mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii ugu sharafta iyo go’aanka fiicnaa ee soo mara Soomaaliya.”

Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan: “Waxay haleynin dadka madaxda dalka ka ah ma halaabaan musuq-maasuq, wax is daba-marin nin jecleysi iyo in kalr oo badan waxaa ku caan ah idinka dalka xukuma.”

“Wasiir ma la soo qabto ayaa rumeysanaa sheekadan inta kale iska baashaala,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay arrintaan.

Cabdullaahi Cilmi ayaa waxa uu yiri: “Waddanka dowlad kama jirto waxa indhaheygu qabanayaan wax loo dul qaadan karo maaha ee dowladda hala afgambiyo si ay wax un u hagaagaan.”

“Madaxweyne hoostada ka bilaaw tuugada yar yar ha eryanee kuwa waa weyn so qabo,” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Maxamed.

Cabdullaahi Yuusuf Banaas: “Sharciga aan adiga ku qaban ee qabanaya agaasimayaasha, kaas sharci adi kuu gaar ah miyaa madaxweyne? Runta maa leysku sheego.”

“Masha Alllah mudane Xasan Sheekh dulqaad badane mar saddexaad soo laabon Soomaaliya ayaa kuu baahan cayayanka warkooda dhagaha ka furayso,” ayuu yiri Maxamed Xasan.

Bile Cabdi Dabeyl ayaa isna waxaa uu yiri “Mahadsanid mudane madaxweyne Ilaahayna ha kula garab galo laakiin madaxweyne waxaan dhihi lahaa geeda caddaalad halaga sameeyo oo madaxdii adiga kaa horeysay ee 5 sano aan miisaaniyadii dowlada meel ku sheegin, guddigii maaliyada kala diray si aan loo xisaabin tuuganimada ugu weyn wadanka ay ka dhacday intii uu madaxweynaha ahaa ha lala xisaabtamo.”

“Masha Allah madaxweyne Dr. Xasan Sheekh mahadsanid howl fiican baad dalka iyo dadka u heysaa insha Allah guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Cabdinaasir Garweyne Cali.

Idiris Axmed Cali:Qaadka Kenya yaa koonta ugu xidhan sow maaha madaxweynaha iyo qoyskiisa?.”

Kooxda Xasan Sheekh oo ku mari la’ dagaal ka dhan ah madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu mari la’yahay dagaal ka dhanka ah madaxda maamullada, oo ay qabaan qaar kamid ah kooxdiisa.

Markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa la filayay inuu bixin doono ragga gobollada xukuma oo ay qaar xoog ku sameysay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Laakiin taasi ma dhicin. Waxaa jira xubno kamid ah kooxda madaxweyne Xasan Sheekh oo damac xooggan kaga jiro hoggaanka Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa la xaqiijiyay inay marar badan isku dayeen inay madaxweynaha ku riixaan inuu dagaal la galo ragga hoggaamiya Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, laakiin taas weli waa la marsiin la’yahay madaxweynaha.

Shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ayaa markale daaha ka qaaday in uusan madaxweynaha rabin in maamullada laga jajabiyo.

Inkasta oo xubno mucaaradka kamid ah ay dusiyeen war-murtiyeed qabyo ah oo ay ku muujiyeen inay xooga ogolaansho ah heshay diidmadooda muddo kororsiga maamullada, haddana Villa Somalia waa ka gaabsatay in mucaaradka ku raacdo war-murtiyeedkaas.

Dhamaan qeybaha warbaahinta ee dowladda Soomaaliya laguma faafin qoraalkaas. Madaxweynuhu meel adag ayuu ka istaagay sida ay rabeen siyaasiyiinta mucaaradka in loo wajaho maamul-goboleedyada.

Sababta ayaa ah waxa ugu badan ee ay dadku is-weydiinayaan, maadaama ragga maamullada xukuma ay wax taageero ah u fidin Xasan Sheekh markii uu musharaxa ahaa.

Illo ku dhow-dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo xiganaya in sababta madaxweynaha u diiday in maamullada la colaadiyo ay la xiriirto dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan wuxuu u wareegi doona Galmudug, halkaas oo uu fadhi ka sameysan doono waqti aan la xadidin, si uu halkaasi uga hoggaamiyo dagaalka, kadibna waxaa u xigi doonta Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xasan Sheekh waxa uu rabaa in madaxda maamullada ay kala qeyb qaataan dagaalka, oo ay daacad ka noqdaan shaqadaas. Si uu uhelo kalsoonidooda iyo daacadnimadooda dagaalka ayaa sabab u ah in uusan isagu la galin dagaal siyaasadeed, sidoo kalena uu ka celiyo xubnaha kooxdiisa ee raba in la bixiyo madaxda maamullada.

La-dagaalanka Al-Shabaab wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u yahay hadafka koowaad, waa macquul inay jirto tabar yari ama farsamo xumo, laakiin waxa ugu weyn ee marwalba laga soo tabiyo madaxweyne Xasan Sheekh waa ka go’naashihiisa dagaalka Al-Shabaab.

Si walba oo taas looga dhabeyn karo oo ay ku jirto in aan madaxda maamullada la colaadsan ayuu u dhaqaaqay Xasan Sheekh, sida laga soo xiganayo xubnaha isaga ku dhow-dhow.

Ma ku faa’iidi doona difaaca uu u sameynayo madaxda maamullada, iyagu’se dagaalka daacad ma uga qeyb qaadan doonaan, waa su’aallo waqtiga loo dhaafi doono jawaabtooda.

Daawo: Senator Fartaag oo kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe

0

Nairobi (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, ka dib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Fartaag ayaa wax laga weydiiyay khilaafka kala dhexeeyay Axmed Madoobe iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee deegaanada maamulkaasi.

Ugu horreyn Fartaag ayaa kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuuna ka sheekeeyay saaxibtimadii kala dhexeysay madaxweynaha Jubbland, maadaama uu horay usoo noqday ku xigeenkiisa, wuxuu qiray in kursiga Senatorka ee uu hadda ku fadhiyo uu i xiray laba mar, taasna ay ku timid wada shaqeyn iyo saaxibtinimo ka wada dhexeysay.

Sababta wuxuu ku sheegay inuu isaguba horay abaal ugu galay, isla-markaana uu u xiray kursiga uu hadda ku fadhiyo, isla-markaana uu ololeeyay ayada oo la diidan yahay.

“Kursi uu ii xiray waa jirtay waana kursi aan xaq u lahaa, kursigaana markii hore waa ii xiray, anne horay kursi ayaan ugu xiray kursi aan loo ogoleyn ayaana u xiray isaga oo la ogoleyn oo Sheekh Shukuul taagan yahay oo Gaandi uu taagan yahay oo kuwa kale ay taagan yihiin oo Mariixaan oo dhan ay taagan yihiin anaa u xiray anaa iri Jubbaland iyo Jubbaland diid ayaa is dagaalaya waa la wada ogyahay” ayuu yiri Sentor Fartaag.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markaas uu doonayay inay dhisanto Jubbaland, lagana gudbo xaaladaha maanta taagan, si loo helo maamul mid ah oo dhameystiran.

“Anaa dhoo dhoobay anaana u xiray oo raalli ka ahaa, waxaan ugu hiilinaayay inuu sytem dhismo kadibna aan Shabaab la dagaalano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu kasoo horjeedo in Shabaab laga xoreeyo Jubbaland.

“Axmed Madoobe ma ogolo in Al-Shabaab lala dagaalamo, mana ogolo in howl la qabto xeyndaab ayey u yihiin Soomaali waan u cadeynayaa ” ayuu mar kale yiri Senatar Fartaag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland ay wajaheyso xaalado kala duwan oo is biirsaday, sida xiisadda Gedo oo weli taagan iyo howlgallada Al-Shabaab.

XOG: Yuu XASAN u wadaa madaxweynaha HirShabelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Doorashada madaxweynaha HirShabeelle ayaa dhaceysa November 2024, markaasi oo ay ku egtahay afarta sano ee muddo xileedka madaxweyne Cali Guudlaawe. 

Inkasta oo aysan aheyn heshiis qoran ama dastuuri ah, haddana waxaa aad loo filayaa in madaxweynaha maamulka HirShabeelle uu marka xigto ka yimaado beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu HirShabeelle geeyo shaqsi uu ku kalsoon yahay, taageero xoogganna ka heli kara beeesha Xawaadle, wuxuuna u arkaa xildhibaan Cabdirisaaq inuu yahay shaqsigaas.

Xildhibaan Cabrirsaaq ayaa ka mid ah shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ka tirsan yahay xisbigiisa UPD ee madaxweynaha.

Cabdirisaaq ayaa labadii goor ee madaxweyne Xasan Sheekh uu qabtay hoggaanka dalka, wuxuu ahaa wasiirka beesha Xawaadle ku matala dowladda, taasi oo muujineysa sida uu madaxweynaha ugu dhow yahay uguna kalsoon yahay. 

Qorshaha Cabdirisaaq looga dhigayo madaxweynaha HirShabeelle ayaa qeyb ka ah isku day madaxweyne Xasan Sheekh uu xisbigiisa iyo saaxiibadiisa ugu gacan gelinayo hoggaanka maamullada Galmudug iyo HirShabeelle, ayada oo Galmudug loo wado agaasimaha NISA Mahad Salaad. 

SI kastaba, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaanu taaban Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe inta ay ka dhameysanayaan muddo xileedkooda, si aanu qalaalse siyaasadeed dalka uga abuurin, loona curyaamin dagaalka Al-Shabaab.

Daawo: Nin Soomaali ah oo gowracay wiil uu abti u ahaa, dhaawacayna walaashiis

0

Nairobi (Caasimada Onlin) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xagardheer oo ka tirsan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dhacdo xanuun badan ay ka dhacday halkaasi, kadib markii nin ku hubeysnaa mindi uu dil iyo dhaawac ka geystay.

Eedeysanaha oo baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdullaahi, wuxuuna gowrcay wiil yar oo hal sano jir ahaa, isla-markaana uu Abti u ahaa, sidoo kale wuxuu dhaawacay walaashiis oo uur 8 bil ah laheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay inay aad uga argagaxeen falkaasi.

“Halkan waxaa ka dhacday arrin aad iyo u fool xun, taas oo ah in wiil uu dilay walaashiis iyo wiil yar oo ilmaha halka sano jira oo guurguuranaayo inuu meeshaan ku dilo, wiilka yaraay wuxuu ku dhuftay toorey isaga oo ka geliyay dhuunta, kadibna gowracay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawac halis ah uu soo gaaray gabadha, kadib markii uu ku dhuftay masaar iyo baangad uu watay eedeysanaha oo sidoo kale ah walaalkeed.

“Gabadha walaashiis ah wuxuu ku dhuftay masaar dhanka madaxa ayuu kaga dhuftay kadibna Baangad ayuu usii raaciyay dhegta way go’day gabadha waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray “Waxaa kale oo jirtay in gabadha ay laheyd uur siddeed bilood ah dhacdadaas markii ay dhacday dadka balooga daganaa aad ayay u argagaxeen, waayo waa wax lagu cusub” ayuu markale yiri mid kamid ah mas’uuliyadda deegaanka ay wax ka dhaceen.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ninka falka geystay uu aad u isticmaali jiray maandooriyaha, isla-markaana hadda kahor la xiray, balse mar dambe lasoo daayay.

“Waa nin fiyow, laakiin wuxuu kamid yahay dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Al-Shabaab oo WEERARO culus ku qaaday Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) –  Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa laba weerar oo ay xalay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Weerarada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab ayaa weeraradan ku beegsatay saldhig ay ciidamada daraawiishta maamulkaasi ay ku leeyihiin deegaanka Makuundo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay iska caabin sameeyeen, kadib weerarada uga yimid Al-Shabaab, mana cadda khasaaraha ka dhashay weerarka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weeraradaan ay barbar socdeen madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Baydhaba, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ugu yaraan saddex madfac ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Maalmihii u dambeeyay xaaladda Baydhabo ayaa aheyd mid kacsan, waxaana sidoo kale culeys xoogan soo saartay kooxda Al-Shabaab oo go’doon ganacsi gelisay magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.

Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.