30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Yaa ka badbaadaya Shabaab?

Waxaan leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-Shabaab. Qof kasta oo naga mid ah dhibkoodu si ayuu u sameeyay. Waxaa laga yaaba iney dileen ama dhib gaarsiiyeen waalidka, caruurtaada, lamaanahaagii, walaalka, saaxiibka, qof aad ehel tihiin, dariskaagii wacna ama ay naftaada wax gaarsiiyeen jir ahaan ama dhaqaale ahaan.

Soomaalidu waxey ahaan jirtay dad aarsi badan, oo aan dulmiga cimri-siinin. Dhibaatada kooxdani waxey socota 15 sano. Qof walba oo aan ka tirsaneyn ama aan ku fikir aheyn wuxuu ugu jiraa qaanadda cadowga.

Waxaa macquul ah in aad aaminsantahay hadii aad nabad galiso waa ka badbaadeysa, laakiin immisa ayey dileen oo aan waligood Af iyo Adin midna u qaadin, oo ay qaraxyo ku laayeen.

Hal qof ayaa ka badbaadaya kooxdan waana midka iyaga raaca si uu gacan ku dhiigle u noqdo, oo uu u qarxiyo shacab Soomaaliyeed oo ku jira cibaado, ganacsi iyo waxbarasho.

Waa suurta-gal inaad wali dhibkooda ka nabad qabtid laakiin hadaad maanta nagi tahay berri nabad ma heysid. (Micnaha inta ay argagixisadu kuu jirto ayuu dhibku kuu jira).

Dadka Soomaalidu maanta ayey heystan fursaddii ugu dhoweyd oo ay kusoo afjari lahaayeen dhibaatada kooxdan, taasoo ah ciidan cusub oo diyaar ah, madaxweyne cabboon iyo kooxda oo dhaawacan.

Dhammaadka bishan ama horaanta August waxaa bilaabanaya hadii Alle idmo wajiga labaad ee dagaalka sida aan xogta ku helay. Maadaama aaney jirin cid hubta in ay ka badbaadeyso dhibaatada kooxdan, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon iney ciidanka iyo Dowladda ku gacan siiyan in dhaawaca argagixisada la dhameystiro.

Wajiga labaad ee dagaalku waa inuu dhalo dhammaadka argagixisada, joojinta dhiiga shacabka iyo dib u dhiska dalka iyo dadka.

Dowlada Kenya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso oo ku wajahan xadka Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaas, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya.

Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana ay la tacaali doonto dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah, loogana hortago khalkhal-gelinta amni darrada.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan xadka, isl-markaana aysan ogolaan doonin in mar kale ay Al-Shabaab weeraro argagixiso ka fuliso halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay ka hortagi doonto in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigato dalkeeda, haddi laga saaro Soomaaliya.

“Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” ayaa yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale.

Waxaa kale oo uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay kordhin doonto awoodda ciidanka difaaca Kenya, si ay u helaan hub casri ah oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, si ay u hantaan amniga goobaha ay hadda weerarada ka geysteen xoogaga hubeysan ee Shabaab.

Kenya ayaa haatan wajaheyso weeraro joogto oo ay ku heyso Al-Shabaab, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay gudaha dalkaas ka geystay dhowr isku day oo qaarkood khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya iyo sidoo kale dad shacab ah intaba.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah waddamada la dagaalama kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka milatari ee ATMIS.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

Khartoum (Caasimada Online) – Wakiilo ka socda Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wada-hadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), kaddib saddex bilood oo dagaal uu dhexmaray ciidammada iyo RSF.

Wada-hadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labada dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.

Sucuudiga iyo Mareykanku wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wada-hadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

Dhanka kale, isku day dhex-dhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.

Maalin kahor ayay aheyd markii hay’adaha xuquuqul insaanka ee Suudaan ay shaaciyeen inay heleen cadaymo ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku xirtay caasimadda in ka badan 5,000 oo qof.

Dadkaas ayay sheegeen inay ku hayeen xaalado bini’aadantinimo ka baxsan, sida ay kooxdu u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.

RSF ayaa muddo saddex bilood ah dagaal kula jirtay ciidamada Suudaan, iyagoo inta badan heysta caasimadda Sudan. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay dhac iyo boob u geysteen guryaha.

Mar wax laga weydiiyey RSF waxa ay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan jirin, islamarkaana ay hayaan maxaabiis dagaal oo si wanaagsan loola dhaqmay.

Dadka lagu xiray dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Khartoum ayaa waxaa ka mid ahaa dagaal-yahanno, balse sidoo kale 3,500 oo rayid ah oo ay ku jiraan haween taag daran iyo ajaaniib, sida ay hadaha xuquuql insaanka u sheegeen dad codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan in la ciqaabo darteed.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ugu yaraan 87 qof lagu aasay xabaal wadareed ku yaalla magaalada El Geneina ee gobolka Darfur, isaga oo ku eedeeyay RSF iyo maliishiyaadka xulafada ah inay dilka geysteen.

Muxuu Axmed Madobe kala hadlay gudoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyte Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay saddex guddoomiye hore oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo weli ka tirsan Golaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyeyaasha oo deegaan kasoo wada jeeda Koonfur Galbeed ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Aadan Madoobe.

“Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa laghu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudodomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay guddoomiyeyaashii hore sida ay usoo ajiibeen kulanka uu la yeeshay oo sidoo kale ahaa casho sharaf uu ku maamuusayay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saddexduba waxay kamid yihiin madaxda ka qayb-gashay shirkii madaxda dowlada federaalka & kuwii hore ee Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan dood ka keeneen xubnaha mucaaradka, waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi degan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskaasi, iyo sidoo kale dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisii labaad.

Si kastaba, heshiiskan ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro Baarlamaanka Soomaaliya, ayada oo haatan lagu wareejiyay guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

A pivot West? Turkey’s realignment amid Russian strains

Moscow (Caasimada Online) – In the shadow of the Wagner Group’s failed uprising against Vladimir Putin, a tension-filled specter looms over Turkey and Russia.

This rising discord threatens the renewal of a vital agreement critical for allowing grain exports from Ukraine through the Black Sea.

Turkey and Russia have persistently been at odds over a plethora of concerns ranging from Syria to Libya.

However, they have compartmentalized these differences in recent years, enabling President Erdogan of Turkey to navigate a more balanced position on Ukraine.

His mediation has led to crucial prisoner swap deals between Moscow and Kyiv and, importantly, a grain agreement that underpins global food prices.

Furthermore, Turkey has become a refuge for Russian talent and capital fleeing from Western sanctions.

As a testament to the complex nature of their relationship, strains are now emerging in this pragmatic arrangement right on the eve of a key NATO summit in Lithuania.

The summit, scheduled to discuss increased support for Ukraine and Sweden’s alliance entry, is currently being impeded by Turkey.

Turkey’s possible pivot

With Erdogan’s re-election and signs of vulnerability in Moscow, some analysts perceive a possible pivot from Turkey towards increased alignment with the West.

Others argue that Turkey strategically places its bets on all sides to ensure maximum gains for its national interests. The litmus test will be whether Turkey’s diplomatic balancing act breaches any of Moscow’s red lines.

The resurgence of tensions was instigated by Turkey’s significant decision to let five ex-commanders of the Ukrainian garrison in Mariupol return home with President Zelensky post his Istanbul visit.

Dmitry Peskov, the Kremlin spokesman, said this action contravened the prisoner exchange deal brokered last year and protested that Moscow hadn’t been informed.

The grain deal 

In the backdrop of this escalation, talks to extend the soon-to-expire Ukraine grain deal are at a standstill.

The Black Sea Grain Initiative, a Turkish-mediated agreement struck in September 2022 and renewed bi-monthly, ended Russia’s blockade of Ukrainian ports, allowing the country to export grain globally.

Without Ukraine’s grain exports, global food prices could surge drastically, exacerbating the global cost-of-living crisis and potentially leading to famines in the most vulnerable regions.

Russia has mulled over exiting this Turkish-brokered initiative several times. However, a deal has always been forged between Ankara and Moscow thus far.

The Kremlin asserts that the grain deal is beyond resuscitation, with only direct talks between President Erdogan and Putin being capable of reviving it, as reported by Russia’s state-owned news agency, RIA. Erdogan and Putin are set to meet in Turkey this August.

Signs of a Turkish shift?

In the aftermath of the foiled Wagner Group’s coup against Putin and Russia’s catastrophic war losses, it’s speculated that Turkey may perceive a Russian weakness.

If so, Ankara could be looking to realign its Moscow policy more congruently with its Western NATO partners, despite the risk of backlash from the beleaguered Kremlin.

In the face of severe economic struggles, Turkey might find that synchronizing its policy more closely with the West is safer than pursuing its erratic doctrine of “positive neutrality.”

Recently, Erdogan hinted that Ankara would endorse Sweden’s NATO membership in exchange for restarting negotiations on Turkey’s EU accession.

An echo from September 2022 reports suggests that if Russia withdraws from the Black Sea Initiative, Turkey and Ukraine may proceed with the grain agreement without Russia’s participation, using Turkey’s significant naval presence in the Black Sea to guarantee the safe passage of Ukrainian export vessels.

However, most analysts deem this scenario unlikely due to the implications for NATO’s Article 5 in the event of a direct clash between Turkey and Russia.

Despite multiple attempts by The New Arab to obtain clarification on Turkey’s stance from the Turkish Ministry of Foreign Affairs, no response was received at the time of publication.

Al-Shabaab oo isaga baxay saldhigoodii ugu weynaa ee gobolka…

Jowhar (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Gamboole ee Galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib weerar dhinaca cirka oo Jimcihii ka dhacay deegaankaasi, oo 50km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay garaaceen goobo ay mintidiinta kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in duqaynta ay ka dhacday laba goobood, waxyeelana lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada.

“Laba gantaal ayaa lagu riday magaalada, Shabaab badanaa wax ku noqday, inta badana Shabaabka hadda magaalada dhexdeeda waa ka baxeen, meel ay aadeenna lama yaqaano,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo Universal TV la hadlay.

Xildhibaan Jeesow ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ay hadda ku wajahan yihiin deegaankaasi, isagoona taasi u sababeeyay fatahaadda Webiga Shabeelle oo jartay waddooyinkii gelayay deegaankaasi.

“Magaalada biyo baxa badanaa hareereeyay, mana la geli karo, marka dhinaca cirka ayaa laga duqeeyay, ciidan dhanka dhulka ka geli karana ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxa uu intaa raaciyay “Marka aad magaalada tageysid waa inaad doon ku tagtaa, labada dhinac magaalada waxaa hareereeyay biya baxada webiga, illaa waddadii laamiga ee Daafeet tageysay ayay biyaha ku sii dhow yihiin. Fatahaaddan waxay ka dhalatay Kililka Shiinaha oo qarka jabsaday.”

Shabaabka ayaa Gamboole ka sameystay fariisimahooda ugu weyn ee gobolka, ka dib markii wejigii hore ee hawlgalka looga soo saaray dhulkii ay ka maamulayeen bariga gobolkaasi.

Fatahaaddan ayaa caqabad ku ah qorshaha socda ee yoolkiisu yahay in mintidiinta lagaga saaro daanta galbeed ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa in wejiga labaad ee hawlgalka uu noqdo mid aagag badan dagaal lagaga furayo deegaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah guluf ay tahay in lagu xoreeyo deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe), oo hadda ay Shabaabka kaga sii harsan yihiin goboladaasi.

Ciidamada ayaa wejigii hore ee hawlgalka ku xaqiijiyay in ay si buuxdo Shabaabka uga saaraan bariga goboladaasi.

Netanyahu oo isbitaal loola cararay iyo xaaladdiisa oo…

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, Sabtida maanta ah.

Mas’uuliyiinta Israel aya sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, iyada oo aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya suurtagalnimada inuu xilka wareejiyo.

Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil.

Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu.

War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad.

Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, oo keeni karta inuu gudan waayo waajibaadkiisa. 

Horraantii bishii Oktoobar, ayuu xanuunsaday xilli ay Yuhuuddu soomanayeen Yom Kippur, waxaana muddo kooban la dhigay cusbitaalka.

Israa’iil ayaa ku jirtay toddobaadkan maalmo aad u kul

Xog: Qodobada ugu adag ee madaxdii hore hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Madaxda Dowladda Fedreaalka, Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa habeenkii Jimcaha lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo laba maalmood socday ayaa si adag looga dooday qodobo ka mid ahaa Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed talo soo jeedin loo bedelay.

Qodobadda ugu adag ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta shirka la hortageen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ahaa:

1- Inay ka horjeedaan Muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dowladda Federaalka e hadda jirta iyo Maamul Goboleedyada.

2- Wax ka beddelka Dastuurka iyo Nidaamka Doorashada Dalka inaysan suuragal ahayn in la qaato qodobadii Madasha Qaran.

Labadaas qodob ayaa la sheegay inuu tixgelin siiyay madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan wax ballanqaad ah bixin, laakiin arrinta culus ee Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta la yimaadeen ayaa ahayd inaan hore loogu socon hogeynta heshiiskii Madasha Qaran, iyadoo Puntland aysan qeyb ka ahayn.

Ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbaahinta u sheegay inay dalbadeen in Puntland lagu soo daro go’aamada Madashada inta aan sharciyadda loo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka.

Qodobkan ayaa waxa uu ka mid ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka Muqdisho ka socday, balse waxaa lagu qeexay in loola jeeday in ka maqnaashaha Puntland uu dhaawac ku keeno karay go’aan ka gaarsita arrimaha la xiriira masiirka dalka.

Puntland ayaa hora yuga hadashay go’aanka walaac badan horay u dhaliyay, iyada oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi dani sheegay in aysan qayb ka ahayn dhamaan qodobadii ka soo baxay heshiiska.

Isaga oo meel fagaare ah ka hadlayay ayuu sheegay Deni “in dalka meel qaldan lagu wado…Puntland na aysan quseyn qodobadii ka soo baxay shirka.”

Sawirro: BF oo qaaday tallaabo la xriirta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mduane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulan gaar ah oo uu la yeeshay xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa oo kii afaraad ee aan caadiga aheyn ayaa waxaa goobjoog ahaa labada ku xigeen ee Golaha Shacabka iyo xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Inta uu socday kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay guddoonka sare ee labada Aqal.

Guddoonka iyo guddiga ayaa dood dheer iyo falanqeyn yeeshay heshiiskan, waxayna kadib ay isku raaceen in lagu wareejiyo guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

Tallaabada uu Golaha Shacabka u qaaday heshiiskan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay weli taagan yihiin tabashooyin laga muujiyay qodobada kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka horyimaadaan inta badan xubnaha mucaaradka ah.

Sidoo kale, dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo aan qayb ka aheyn heshiiska ayaa hortimid, waxayna taas sii xoojisay walaaca laga muujiyay go’aanka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay taageero u raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada oo hormuud u ah dadaalladaas ayaa Khamiistii magaalada Muqdisho kusoo gabagabeysay shir wadatashi ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay ka qaybgaleen inta badan madaxdii hore ee dalka.

Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale heshiiska Golaha Wadatashiga oo qeexaya nooc doorasho iyo nidaam cusub oo dalka laga hirgelinayo.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh go’aanka ugu dambeeya ee heshiiskan oo meel-marin doono ama iska diidi doono, maadaama hadda uu bilowday qorshihii ugu dambeeyay ee lagu horgeynayo, waxaana xusid mudan in Golaha Shacabka uu todobaadkii hore uu boorka iska jafay, kadib markii uu ka hortay isku day uga yimid xukuumadda.

 

Maxaa iska bedelay dakhliga soo gala DF kadib billowgii la-dagaalanka musuq-maasuqa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay billowday ololaha dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ayaa waxaa si weyn isbedal looga dareemay dalka, gaar ahaan ilaha uu dakhliga uga yimaada dowladda dhexe.

Warbixin ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay isbeddalka Dakhli ee haatan jira, kaas oo sare u kac sameeyay kadib dagaalka ay dowladdu billowday.

Waxay warbixintu si gaar ah diiradda u saartay laba il dhaqaale oo kala ah adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya.

Sida ay warbixinta muujineyso ilahan ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan, laga soo bilaabo dabayaaqadii April ee sanadkan 2023-ka, kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyey kahor inta aysan dowladdu bilaabin dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta musuq-maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweyne ee haatan ka socda dalka.

“Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan  oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan isla-markaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda” ayaa lagu yiri warbixinta/

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu soo bandhigay shaxda lacagaha lixdii bil ee lasoo dhaafay kasoo xarooday adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo muujinaya koror dhaqaale.

Shaxda ayaa sidoo kale isgarab dhig ku sameysay dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg lixdii bil ee ugu dambeysay ee sanadkan 2023-ka.

Maxay Koonfur Galbeed ka tiri go’doominta Al-Shabaab ee magaalada Baydhaba?

0

Baydhaba (Caasimada Online) Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, kadib markii la sheegay inay go’doomiyeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Isaaq ayaa beeniyay wararka sheegaya inay Al-Shabaab xayiraad ganacsi kusoo rogeen Baydhaba, wuxuuna sheegay inuu shaqeynayo isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab iyo dad leh dano gaar ah oo ay adeegsaneyso ay faafiyeen wararkaasi, si loogu marin habaabiyo bulshada.

“Jid xiran ma leh mootaa mareyso, baabuur ayaa maraayo marka meelaha waxa la wado waa borobagaando” ayuu yiri wasiirka amniga ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Koonfur Galbeed ay haatan wado guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan saddexda gobolk ee maamulkaasi.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ka dalbaday inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad adag laga dareemayo gudaha magaalada Baydhabo, kadib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha raashinka ee suuqyada magaaladaasi, ayada oo loo sababeeyay ‘go’doon ay galiyeen’ xoogaga Al-Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab gelisay Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.

Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.

Al-Shabab oo dagaal kusoo qaaday Dayniile + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal toos ah oo xalay Al-Shabaab ay kusoo qaaday qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Caasimada Online u sheegay in ragga dagaalka soo qaaday oo aad u hubeysnaa ay wateen gaari Hoomey ah, isla-markaana ay beegsadeen bar koontarool oo ku taalla waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka degmadaasi.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka culus, taas oo cabsi xoogan ku abuurtay.

Ugu yaraan 5 askari ayaa laga dilay ciidanka ku sugnaa goobta iyo qof shacab ah, ayada oo xubnaha weerarka soo qaaday ay muddo kooban la wareegeen meesha lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha weerarka soo qaaday ay horay usii qaateen hubka shanta askari ee lagu dilay goobta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidanka ammaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen degmada Dayniile iyo deegaanada kale ee u dhow ee gobollada Shabeelooyinka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay.

Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ay kooxda ka fulineyso gudaha caasimada, waxaana u dambeeyay qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu  Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka.

Qaraxaan ayaa salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya, kadib markii uu isku qarxiyay  Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa u muuqata inay culeys soo saartay caasimada, kadib markii ay istaageen inta badan howlgalladii xooganaa ee ka socday gobollada dalka.

Daawo: Mas’uuliyiin xilal ka haya Muqdisho oo la ogaaday inay la shaqeeyaan Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in masuuliyiin ka mid ah maamullada degmooyinka Muqdisho la ogaaday inay la shaqeyn jireen Al-Shabaab.

Guddoomiye Yabooh ayaa shaaciyey inay sax tahay xogta la maqlay ee sheegeysa in maamullada degmooyinka qaar xubno Shabaab ah laga dhex helay, isagoo digniin u diray qofkii si un ula shaqeeya ama hadda kadib cilaaqaad la yeela doona Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, degmada maamulkeeda laga dhex helay Shabaab-ka waa  Hodan, waxaana hadda xiray ugu yaraan afar masuul oo lagu tuhmayo inay la shaqey jireen kooxda Al-Shabaab.

In kastoo Guddoomiye Yabooh uusan sii faahfaahin xogta xubnaha la qabtay, hadana wuxuu sheegay inay aad u aaminsan yihiin “In Shabaab aysan fuliyeen weerarro halis ah, hadii aysan xubno sare ka heleyn gacansiin.”

“Maamulka, hey’adaha ammaanka ama dadka kale ee galaangalka ku dhex leh dowladda waxaa ku jira xubno la shaqeeya Shabaab-ka, waxaas lama mooga, laakiin qof kasta maalin ayaa laga daba tegayaa, sida kuwa hadda aan idiin sheegayo ee lasoo qabtay,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Sidoo kale Yabooh ayaa sheegay in qofka masuulka ah ee Shabaabnimo lagu helo uu ka dembi badanayo qofka shacabka ah ee gacan-saar la yeesha Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ciwaankiisu ahaa ‘Wadatashiga qorshe howleedka maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023-ka.’

Guddoomiye Yabooh ayaa digniin adag siiyey maamullada degmooyinka Muqdisho, isagoo yiri, “Masuul kastow ka fogaaw in raad Al-Shabaab uu ku soo galo, haba yaraatee Khawaarij inaad la shaqeyso ka fogaaw,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Maxamed Yabooh.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkaan aad u baacsaneysa masuuliyiinta ku dhex jirta ee gacan-saarka la leh kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ciidan ayaa bilihii lasoo dhaafay loo toogtay inay la shaqey jireen Al-Shabaab oo fududeeyeen qaraxyo dad badan lagu laayey.

Hadda xubnaha la hayo ee laga qabtay degmada Hodan waxaa ku socda baaritaan, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago.

Hoos ka daawo

 

Ajaaniib u socotay Shabaab oo dhexda laga qabtay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya oo howgla ka sameeyay gobolka Waqooyi Bari ayaa gacanta kusoo dhigay laba ajaaniib ah oo u socday deegaanada Al-Shabaab, si ay ugu biiraan, ugana barbar dagaalamaan kooxdaasi.

Raggan ayaa Arbacadii lagu qabtay meel dhexe, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa, ayaga oo doonayay inay usoo gudbaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Jilib.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa magacyadan raggan ku kala sheegay Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah, kuwaas oo kasoo jeeda dalka Tanzania.

Sidoo kale wuxuu boolisku shaaciyay in raggan ay wateen buug lagu qoray luqadda Sawaaxiliga oo ay u adeegsanayeen inay ku hagaan dhaqdhaqaaqooda Tanzania illaa Jilib oo ay ka taliso kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Booliisku wuxuu intaasi kusii daray in dadka la qorayo ee u safraya in ay ku biiraan Al Shabaab ama kooxda kale ee Daacish la siiyo hab-raacyo safar oo ay uga fogaanayaan isgaarsiinta inta ay jidka ku jiraan, si ay uga taxadaraan in laga shakiyo ama la qabto.

Xarigga Cabdiraxmaan Shaffi iyo Sadam Jafari ayaa kusoo aadayo, ayada maalmo kahor sidan oo kale saddex ajaaniib ah oo u dhalatay dalka Tanzania laga qabtay aagga magaalada Gaarisa, kuwaas oo kala ahaa Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo, iyo Seif Abdalla Juma, waxaana lagu eedeeyay inay ku socdeen dhanka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyay muwaadin kale oo u dhashay dalka Uganda oo isna dhawaan lagu xiray magaalada Liboi, isagoo kusoo jeeday gudaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii u dambeeyay ay xoogaga Shabaab kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Danab oo burburisay kaydkii qaraxyada ee Al-Shabaab

Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Howlgalkan oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Budbud, waxaana ciidamada Danab ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) oo la hadlay watrbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalka ay ka sameeyeen deegaankaasi, isaga oo sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen Shabaab.

Beeryare ayaa sidoo kale tilmaamay inay cagta mariyeen goobo ay Al-Shabaab ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee walxaha qarxa iyo goob kale oo ay ku kaydsadaan hubka.

Waxaa kale oo uu sheegay in ujeedka Al-Shabaab u ahaa inay hubkaas ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, kuna soo weeraraan ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay inay kooxda ka saaraan deegaanada maamul goboleedka Galmudug.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana wlei xaaladda ay tahay mid aa u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa agagaarka magaalada Galcad ee gobolkaasi.

Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan isku diyaarineyso wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo la filayo inay kuu soo biiraan waddamada dariska ah.

Sawirro: Muxuu daarnaa kulanka kale ee Xasan isugu yeeray madaxdii hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha.

Sidoo kale madaxdu waxay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Madaxdaan ayaa Muqdisho ku soo gabagabeysay shir u socday labo maalmood kaas oo ay uga arrinsadeen xaaladda dalka iyo halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta hadlay ayaa sheegay in talooyin badan ay madaxdaan ku biiriyeen qorshaha dowladda ee ka talinta masiirka dalka, isagoo balan qaaday in talooyinkooda ay qaadanayaan.

SOMALILAND oo jawaab ka bixisay warbixintii WHO ee dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war qoraal ah soo saartay ayaa jawaab adag ka bixisay warbixintii ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO kasoo saartay dagaalka Laascaanood, taas oo lagu eedeeyay ciidanka Somaliland.

Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in hay’addu ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed.

“WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.” ayuu yiri.

Somaliland oo ka jawaabeysay eedeyntan ayaa iska fogeysay, waxaana wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay in ciidamadooda  ay dhulka iyo shacabkaka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, soo duulay, sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay Somaliland shaacisay inay ilaalisay kaabashayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaallada iyo xarumaha kale ee adeegga dadweynaha.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in WHO kala shaqeyneyso, sidii gurmad iyo adeeg caafimaad loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi mar kale lagu yiri qoraalka,

Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay inay ciidankeeda bartilmaameedsadeen goobaha caafimadka, xilli billihii dambe uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Si kastaba, labada dhinac ayaa ka dhaga fureystay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka, ayada oo dhinac walba uu shuruud horleh ku xiray xabad joojin ka dhaqan-gasha Laascaanood.

Axmed Madobe oo u yeeray saraakiisha ciidanka kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxame Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan isugu yeeray saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo kuwa xoogga dalka ee howlgallada ka wada Jubbooyinka, kadib markii ay ciidamada huwanta guullo ka gaareen dagaalladii u dambeeyay oo ay ku qabsadeen deegaano horleh.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada ee Jubbaland, iyo kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo madaxweynaha la wadaagay howlgalladii ugu dambeeyay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, General Yuusuf Cismaan iyo inta badan saraakiisha hay’adaha amniga ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sarakiisha faray inay dardar-geliyaan howlgallada ay ka wadaan maamulkaasi, gaar ahaan duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale uga mahad celiyay shaqada adag ee ay hayaan Ciidamada kala duwan ee howlgalka ku jira kuwaas oo jab xoogan gaarsiiyay Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalada illaa hadda la sameeyay laga gaaray guulo wax ku ool ah oo ay ku diirsadeen shacabka, ayna sii wadi doonaan.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa farriin culus u diray reer Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab

“Madaxweynaha ayaa shacabka ree Jubaland ugu baaqay inay garab istaagan Ciidamada howlgalada ku jira oo u dhimanaya una dhaawacmaya sidii Khawaariijta looga hor wareejin lahaa shacabka ay dhibka ku hayaan” ayaa lahgu yiri warka kasoo baxay Jubbaland.

Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab lagu dilay Jubbooyinka, kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ka dhacay gobolladaas oo dhaca koonfurta dalka.

WHO oo cambaareysay arrin lagu eedeyay Somaliland inay ka gaysatay Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay duqeymo lagu eedeeyay inay Somaliland ka geysatay Laascaanood, kuwaasi oo burburiyay goob caafimaad oo ku yaalla magaaladaasi.

WHO ayaa sheegtay in ay ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed.

Weerarkaasi oo ay hay’addu sheegtay inuu dhacay saddex maalin kahor, iyada oo sheegtay inuu ka dashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in khasaaraha uu intiisa badan soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanadii ku jiray isbitaalkaas.

“WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.”

Hoggaanka SSC ayaa ku eedayay millateriga Somaliland in ay fuliyeen duqaymo burburiyay qaybo kamid ah isbitaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer iska fogeysay inay bartilmaameedsadeen goobaha caafimadka, xilli billihii dambe uu dagaal ka socday magaalada Laascaanood oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Si kastaba, labada dhinac ayaa ka dhaga fureystay baaqyada caalamiga ah ee joojinta dagaalka, ayada oo dhinac walba uu shuruud horleh ku xiray xabad joojin ka dhaqan-gasha Laascaanood.

Daawo: Xasan Sheekh oo xog cusub ka bixiyey shirkii uu isugu yeeray madaxdii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah  khudbadii maanta uu ka jeediyey Maajidka, salaadii Jimcaha kadib wuxuu kaga hadlay kulankii wadatashiga ahaa ee Muqdisho uu kula yeeshay inta badan madaxdii hore  ee dalka.

Madaxweynaha ayaa madaxdii uu la shiray uga mahadceliyey sida ay talooyinkooda ugu biiriyeen jiheynta masiirka dalkaan.

Wuxuu sheegay in kulankaas uu wax weyn uga dhignaa, isla markaana ay dowladiisu ku camal-fali doonto talooyinkii iyo soo jeedinytii la isku weydaarsaday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in la qaban doono kulamo kale oo wadatshi ah oo ay ka qeyb-geli doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaa shalay noo soo dhamaaday shir wadatashi ah, dowladnimadu dadka ayey ka dhexeysaa ee anaga gaar nooma ahan, kama maarmi doono inaan talooyin weydiisano maxaxdii dalkaan soo xukuntay iyo mawaadin kasta, intii aan ka gaarno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in ajendihii sharkaas qodob qodob loo dul istaagay oo taladooda ay ku biiriyeen siyaasiyiintii lagu casuumay shirka, “Waxaan ka wadahadalnay arrimo masiiri ah, go’aan iskama gaari karno waa muhiim inaan talada ku soo celino dadka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha intaas ku sii daray, “Odayaashaas waxaa na dhex martay dood socotay laba maalmood oo aad u fiican, aragti qurux badan ayey na siiyeen, waana ku darsanay talada iyo qorshaha aan wadno.”

Maxaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhameystirka dastuurka oo muhiim u ah dalka, isagoo balan qaaday in bilo kooban gudahood ay dowladu ku soo dhameystiri doonto dastuurka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu carrabka ku adkeeyey in dastuurku uu yahay masiir Soomaaliyeed oo meel dalka ka baxsan aan go’aan looga gaari doonin, sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay dhameystirka, balse dib looga tashan doono goorta ay suurtagal noqon karto in afti dadweyne loo qaado.

Hoos ka daawo