30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo guddoomiye Cabdikariin Macallin oo lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Nin haligay naftiisa oo soo xirtay Jaakadda Qaraxda ayaa isku miidaamiyey Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee degmada Marka.

Qaraxaan ayaa wax yar ka hor salaadii Makhrib ka dhacay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan, waxaana la beegsaday masuulkaas kaliya.

Ninka is-miidaamiyey iyo Cabdikariin oo kaliya ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhinteen, waxaana la sheegay in masuulka la beegsaday uu ka soo jeeday Dhuusamareeb.

Afarsheegle wuxuu muddo kasoo shaqeynayey gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu ahaa waaya joog wax badan og, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad aqoon u lahaa.

Marxuum Cabdikariin ayaa mar guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ka soo noqday Gobolka Shebeellada Hoose.

Dadka aqoonta u leh waxay sheegeen inuu aad ugu ololeyn jiray nabadeynta beelaha wada dega gobolka Shabeellada Hoose.

Ninka isku qarxiyey Cabdikariin inkastoo aan laga helin faahfaahin badan, hadana goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay inuu salaamay, kadibna isku duubay, sidaasna uu ugu qarxay.

Halkaas waxaa ku dhintay labadooda oo kaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxa ay dhaawacyo ka soo gaareen dad shacab ah oo ka ag dhowaa.

Qaraxaan is-miidaaminta ah wax faahfaahin ah weli kama soo saarin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Gobolka Shabeellada Hoose oo ninka la qarxiyey uu sanadihii lasoo dhaafay deganaa, sidoo kale uu kasoo mid noqday masuuliyiintiisa waxaa ka jira xiisado u dhexeeya beelaha wada dega.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab oo la aaminsan yahay inay soo abaabushay qaraxaan ayaa gobolkaas dhibaatooyin badan ka geysata, waqti badana ku bixisa, sidii ay u sii xajisan laheyd.

Daawo: Xasan oo farriin culus u diray xubnaha loo haysto musuqa ee dalka ka baxsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale si qota dheer uga hadlay kiisaska la xiriira musuq-maasuqa ee dalka ka dhacaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey in dowladdiisa ay ka go’antahay inay suuliso xatooyada xoolaha dadweynaha, isagoo farriin u diray xubnaha eedeysan ee la sheegay inay dalka ka baxsadeen.

“War cararin hadaadan tuug aheyn oo aadan wax isku ogeyn, in maalin aad maxakamad hor istaagtay oo aad garantay danbi ma ahan, laakin in lagugu cadeeyo waxii laguugu eedeeyay ayaa danbi ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in dadka lagu eedeeyo musuqa ay heli doonaan garsoor cadaalad ah oo la wada arkayo, iyadoo maalinta dacwadooda la qaadayo dadka lagu casuumi doono fadhiga maxkamadda, si ay marqaati uga noqdaan.

Wuxuu sheegay in qofkii lagu waayo xatooyo xoolo dadweyne uu heli doono shahaado cadeyneysa inuu yahay qof aamin ah, dadka Soomaaliyeedna ay marqaati ka wada noqon doonaan taas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fartiin u diray waalidiinta ama ehelka kale ee indhaha ka fiirsanaya masuuliyiinta sameyneysa xatooyada ee guryaha waaweyn ka dhisaneysa.

“Aabe ama Adeer isha haka fiirsan wiilkaaga oo mushaar yar dowladda ka qaata oo hadana dhisanaya guryo waaweyn, adigoo aan garaneyn halka uu lacagta ka keenay, ka waani xatooyada oo weydii halka ay hantidu ka soo gashay,” ayuu yiri Madaxweyanaha oo dardaarankaan u diray waalidiinta.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu digniin kama dambeys ah u diray dadka masuuliyiinta ah ee indhaha ka fiirsada musuq la sameynayo, kuwaas oo aan ka hadlayn ama ka hortegeyn.

“Qofka musuqa sameynaya ninka ka celi karay ee ka celi waayey, waxaan hoosta ka xariiqayaa in isaguna uusan ka dembi yareyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbadaan ka jeediyey Masjidka, salaadii Jimcaha kadib.

Hoos ka daawo

Xog: Cali Baclad oo dadaal weyn ugu jira xilka Bukhaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Cumar oo loo yaqaan Cali Balcad ayaa loolan xooggan ugu jira sidii loogu magacaabi lahaa xilka uu hadda ku fadhiyo Abshir Bukhaari ee ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya. 

Cali Balcad ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh soo noqday agaasimaha madaxtooyada. 

Markii Xasan Sheekh dib loo doortay, Cali Balcad ayaa doonayey in mar kale uu xil sare ka helo madaxtooyada, si aanu uga fogaan madaxweynaha, hase yeeshee waxaa loolanka uga adkaaday Abshir Bukhaari iyo xulufadiisa oo kaalin weyn ku lahaa dib doorashada madaxweynaha. 

‘Wasiirka arrimaha dibedda ee dadban’ 

Cali Balcad ayaa waxaa kadib lagu qanciyey xilka wasiiru dowlaha arrimaha dibedda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay wasiirka arrimaha dibedda ee dadban, isaga oo  aad uga awood badan wasiirka arrimaha dibedda Abshir Cumar Huruuse, oo kasoo jeeda Puntland.  

Waxa uu ka qeyb-galaa inta badan shirarka caalamiga ee muhiimka ah, waxa uuna gaaraa inta badan go’aanada wasaaradda arrimaha dibedda, isaga oo awooddaas ku helay sida uu ugu dhow yahay madaxweynaha.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in Cali Balcad uu hadda dareemayo inuu ka fogaaday xeendaabka madaxweynaha iyo Villa Somalia, halkaasi oo Abshir Bukhaari uu saameyn xooggan ku leeyahay.

Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in Cali Balcad uu hadda madaxweynaha ka dhaadhicinayo in la beddelo Bukhaari, isaga oo qiil ka dhiganay khilaafyo la sheegay inay kala dhaxeeyaan shaqaalaha madaxtooyada, kuwaas oo la rumeysan yahay in qaarkood uu isaga abaabulay.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweyne Xasan Sheekh ogolaan doono inuu Cali Balcad dib ugu soo celiyo madaxtooyada, sababo la xiriira in muddo xileedkii hore uu aad ula dagaalay inta badan shaqalaha madaxweynaha, laguna eedeeyey maamul xumo.

Sidoo kale, Abshir Bukhaari ayaa lagu ammaanay shaqo wanaag, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu la dhacsan yahay waxqabadkiisa, halka shaqaalaha madaxtooyadana ay aad u ammaaneen. 

Kaalinta ay Soomaalidu ka gashay QAXOOTIGA iska dhiibay waddanka Jarmalka

0

Berlin (Caasimada Online) – Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay marti galisay qaxootigii ugu badnaa ebid oo gaaraya 1.24 milyan oo ruux oo qaxooti ah. Dawladda ayaa sheegtay in 27,000 oo ruux oo dadkaas kamid ah ay yihiin dad aan dal lahayn 

In ka badan 244,000 oo ruux ayaa waddanka Jarmalka ka codsaday magangalyo sanadkii la soo dhaafay, halka in ka badan hal milyan oo qaxooti Ukraine u dhashayna ay soo gaareen dalka iyaga oo ka soo cararay dagaalka ka socda waddankooda, sidaas waxaa sheegay dawladda Jarmalka. 

Wadanka ugu horeeya ee dadkiisu iska dhiibeen Jarmalka ayaa ah Syria, waxaa soo raaca Afghanistan, Turkey iyo Ciraaq. Balse qaxootiga ka yimaadda. 

Marka la barbardhigo sanadkii 2021 dii, tirade magangalyo doonka ayaa korotay 27.9% bolkiiba. Gaar ahaan saddexdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii 2022 kii, tirade ayaa korortay iyada oo dadka magan galyo doonka ah ay ka soo qulqulayeen dhinaca wadamada la isku yiraahdo Balkans ka.

Soomaalidu kaalintee ayay kaga jirtaa dadka is dhiibay? 

Soomaalida ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee magangalyo doonka ka yimid Afrika ee iska dhiibay Jarmalka. Waxaa ka horeeya wadamada kala ah Morocco oo 95 kun oo ruux ay ka yimaadeen. Nigeria oo 83 kun oo qof ay ka yimaadeen iyo Eritrea oo 55 kun oo qof in ka abdan ay ka yimaadeen.

Tirada Soomaalida ee magangalyo doonka ah ayaa sanadkaan ku dhawaatay laba u jibaar. 55,470 ruux ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ee aan doonayo in la qaabilo, sida ay baahisay dawladda Jarmalka. 

31,075 oo kamid ah dadkaas ayaa sharciyo ka helay Jarmalka, balse intooda badan wali ma aysan helin sharciga joogtada ah ee dalkaas, halka 4,780 kamid ahna ay heleen diidmo, micnaheeduna yahay in dawladda jarmalku qaabili doonin, magangalyana siin doonin. Tan ayaa micnaheedu yahay in 10 kii qof ee Soomaali ah, 8 kamid ah ay sharci ka haystaan dawladda. 

Marka loo eego wadamada dunida Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta tobanaad. Wadamada liiska uga horreeya ayaa waxaa kamid ah Turkiga oo ku jira kaalinta shanaad. 

Axmed Kadiye oo ah wariye ku sugan Jarmalka oo BBC la ahdlay ayaa sheegay in tani ififaale wanaagsan u tahay Soomaalida. 

“Soomaalida waddankaan soo gashay intooda badan ma ahan dad la keenay ee waa dad lugtooda ku yimid ama ‘sharci darro ku soo galay’…In la qaabilo waxay keeneysaa in uu xuquuq ka helo dalka” ayuu yir Kadiye. Faa’iido kale ayuu ku sheegay in ay tahay “In jarmalku yahay dal u furfuran qaabilaadda Soomaalida mar loo eego wadamada kale ee Yurub”.

Dawladda Jarmalka iyo 16 waddan oo kale oo horraan isugu raacay in la fududeeyo sharciyada lagu macaamilayo qaxootiga sii kordhaya.

Dawladda jarmalka ayaa sheegtay in in kabadan 1 bilyan oo doolar ay ku bixindoonto koroka qaxootiga sanadkaan 2023 da.

Drone diplomacy: Canada, Turkey revive frozen talks

Ottawa (Caasimada Online) – Amid diplomatic relations marked by a tumultuous past, Turkey and Canada are set for a potential thaw.

Following Ankara’s approval of Sweden’s bid to join NATO, Canada has resumed negotiations with Turkey over lifting restrictions on exporting drone parts, a reliable source privy to the details revealed.

This development is viewed as one of many concessions Turkey made in return for giving its blessing to Sweden’s NATO membership.

President Recep Tayyip Erdogan’s endorsement surprised domestic allies who backed his initial insistence on Sweden tackling groups Ankara deems as terrorists before supporting its NATO aspirations.

This significant shift in Turkey’s stance was announced ahead of the North Atlantic Treaty Organization summit in Vilnius.

Almost in tandem with Erdogan’s announcement, the United States indicated its intention to proceed with transferring F-16 fighter jets, affirming it would do so in consultation with Congress.

This gesture from Washington reflects a warming relationship between the U.S. and Turkey, potentially fostering increased cooperation within NATO.

Canada’s conditional agreement

According to the source, Canada consented to revisit the issue of lifting export controls on drone components, including optical equipment, which has been in a state of frozen negotiation since Turkey initially resisted NATO membership bids by Sweden and Finland.

This agreement from Canada came with the caveat that Turkey would endorse Sweden’s bid at the Vilnius summit.

Previously in 2020, Canada had suspended the export of certain drone technology to Turkey after it was used by Azerbaijan’s forces against Armenia in the Nagorno-Karabakh conflict.

Justin Trudeau’s office underscored that these export controls “imposed for important reasons” still persist.

During the Vilnius summit, Canada outlined the rules for using any exported technologies to Turkey and is waiting for a response.

The talks regarding export controls are no longer stagnant, a development that likely played a role in solidifying Erdogan’s commitment to Sweden’s NATO bid.

When questioned about the ongoing discussions to alleviate export restrictions, a Turkish defense ministry official denounced the imposition of export restrictions between NATO allies as unacceptable, noting that progress was made during the Vilnius Summit.

Erdogan’s Leverage

President Erdogan is clear about his expectations from NATO allies. In an interview with Turkish media, Erdogan emphasized his anticipation for all NATO partners to lift sanctions and restrictions on Turkey’s defense industry.

After a meeting with U.S. President Joe Biden, Erdogan expressed hope about the potential sale of the F-16 fighter jets.

In October 2021, Turkey requested $20 billion worth of F-16 fighters and around 80 modernization kits for existing aircraft.

While Erdogan has garnered some concessions, a European diplomat observed that he may have maximized the benefits he can extract by stalling Sweden’s NATO membership.

Erdogan’s leverage in international diplomacy plays a significant role in shaping Turkey’s relations with NATO allies.

Museveni oo madaxweyne hore ku eedeeyey in gabbaad uu siiyey kooxda Daacish

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, in uu gabbaad siiyay maleeshiyada Daacish, una ogolaaday in ay ka faa’iideystaan macdanta iyo alwaaxda, ayna dhaqaalaha ay ka heleen u adeegsadeen inay ku dhisaan awooddooda.

Jabhad horey fadhigeedu u ahaa Uganda, Allied Democratic Forces (ADF), oo baayaco la gashay Daacish 2019, ayaa muddo sanado ah ka howl-galeysay kaymaha dalka deriska ah ee Congo, ayada oo fulineysa dilal ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Bishii tagtay, dagaal-yahannada kooxda ayaa usoo gudbay xuduudda Uganda, waxayna weerareen iskuul ayaga oo xasuuqa 42 qof, oo badankood ahaa caruur. Qaarkood ayaa nolosha lagu gubay.

Museveni ayaa weerarka kusoo hadal qaaday khudbad uu jeediyey Khamiistii, wuxuuna sheegay in ADF ay awood u yeelatay inay is ballaariso oo saldhigyo ay ka sameysato bariga Congo, xilligii dowladdii Kabila.

“Dowladda Uganda ee mudane Kabila, oo ay taageerayaan jilayeel gobolka iyo dibedda ah, ayaa deganaansho bilaash ah ku siisay Waqooyiga Kivu iyo Ituri,” ayuu yiri Museveni oo tixraacaya gobollo ka mid ah Congo.

“Waxay qodayeen macdanta, iibinayeen alwaaxda, guranayeen miraha qaxwada, ururinayeen canshuurta, lacag baad ah ka qaadanayeen dadka, iwm. Si tartiib ay u korayeen ayaga oo lacag haysta.”

Kabila ayaa ahaa madaxweynaha Congo 2001 illaa 2019.

Sanaddii 2021, Uganda oo fasax ka haysata hoggaamiyaha Congo, Felix Tshisekedi, ayaa howlgal militari la billowday ciidamada Congo si la isugu dayo in laga adkaado maleeshiyada.

Howlgalka, ayuu yiri Museveni, wuxuu si guul leh u burburiyey inta badan xeryihii ADF islamarkaana mucaaradka ayaa u kala jabay kooxo yar yar oo ay adag tahay in la qabto, kuwaas oo si dhuumasho ah kusoo gala Uganda kana fuliya weeraro ka dhan ah shacabka.

“Si deg deg ah ayaan u wiiqnay awooddooda waxaana hadda … ay u qaxeen meel ka baxsan xadka ay nooga suu dhuuman karaan,” ayuu yiri.

Si kastaba Khubarada QM ayaa sheegay bishii tagtay in ADF ay ballaarineyso howlgalladeeda Congo ayada oo maal-gelin ka haysata Daacish inkasta oo uu socdo howlgal ka dhan ah oo ay wadaan ciidamada Uganda iyo Congo.

REUTERS, VOA

Daawo: Cumar Cabdirashiid oo xog ka bixiyay dalab xasaasi ah oo ay hordhigeen Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa faah-faahin ka bixiyay dalab la xiriiray Puntland oo madaxdii hore ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii uu socday shirkii wadatashi.

Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka codsadeen in maamulka Puntland lagu soo daro go’aamada Madasha ka hor inta aan sharciyadda loo gudbin, xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia.

“Waxaa ka codsanay in arrintaan (heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran) in aan lagula deg degin Baarlamaan iyo sharciyad oo dadka aragtidood ku darsadaan. Marka Baarlamaanka oo haysta aragtiyada kala duwan ee siyaasiyiinta iyo bulshada,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Puntland maadaama ay ka maqan tahay in arrintaan lug ka maqan tahay oo ayadana qeyb ka noqoto inta aan waxaan sharciyada loo gudbin.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhinacyadii ka qeyb-galay shirka ay gaareen is-faham, ayada oo madaxdii hore ay madaxda sare ee dalka la wadaageen talo soo jeedintooda ku aadan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, oo qodobo kamid ah ay horay uga horyimadeen.

“Arrimihii madasha ayaa qodob qodob u dul istaagnay, oo madaxweynaha waxa uu codsaday in maadaama arrintaan ay Baarlamaan tageyso haddii la helo karo aragtida guddoonka iyo ra’iisul wasaaraha, ha la keeno ayaa dhahnay waa fiican tahay, iyaga oo jooga in aragtidayada dhageystaan faa’iido ayay u tahay dalka.”

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayuu sheegay inay bogaadiyeen howl-gallada ay wadaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

“Waxaa rajeynaynaa in guullo waaweyn laga soo hooyo haddii Ilaahay yiraahdo. Ciidanka hadda waa dhismayaa dagaalna waa ku jira. Markasta caqabado ayaa jiraya oo waxa rajeynaynaa in si fiican loo galo wejiga labaad ee dagaalka.”

Waxa uu intaas kusii daray “Mararka qaar aragtiyo ayaa lagu kala duwanaan kara laakiin aysan jirin wax xumaan iyo caqabad ah oo la isku dhigayo, kaliyana laga wada-hadlayo sidii aragtiyaasha loo mideyn lahaa dalkana hore ugu socon lahaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in sii socoshada kulamada wadatashi ee u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo kuwii hore ay tahay tallaabo wanaagsan oo rejo fiican u abuureysa Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo Jawaari: Madaxweyne Xasan Sheekh waa u toostay

0

Muqdisho (Caasimada Caasimada) – Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa markii u horreysay ka hadlay shirkii Muqdisho ugu soo idlaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka.

Prof Jawaari ayaa madaxweyne Xasan ku amaanay qabsoomida shirka wadatashi, kaasi oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb-gashay ay madaxda sare ee dalka kula wadaageen soo jeedintooda ku saabsan heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran.

“Shacabka ha isdajiyaan dagaal majiro oo si bisil oo siyaasin bisil oo dalka loo daneynayo, aniga aniga waa dhamaatay anaga anaga ayaa socota. Waxaa la gaaray tallooyin fiican oo ay maqli doonaan,” ayuu yiri Prof Jawaari oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shirkaan uu qeyb ka yahay hal-ku-dhigii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah, “Qaran ahaan waa arrin loo baahna, si fiican waa u dhacday oo is-afgarad waa la gaadhay.”

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u suurta-gashay hal qabsigiisi qeybtii hore waa u toosan tahay. Soomaali oo Heshiis ah ayaa u toostay, tallaabadii ugu horeysay u qaaday waana u hambalyeynayaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu rejo wanaag ka muujiyay sida uu kusoo idlaaday shirkii wadatashi ee u dhaxeeyay madaxda sare ee dalka iyo kuwii hore, iyo weliba sii socoshada kulamada wadatashi ee looga arrinsanayo arrimaha masiiriga ah.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo u badan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ka qeyb-galay ay tallooyin ka dhiibteen heshiiska hanaanka doorashooyinka dalka.

Sida ay shaacisay Villa Somalia qodobada heshiiskii Golaha ayaa waxay madaxdu aad ugu lafa-gureen shirkaan oo socday laba maalmood, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintu ay soo jeediyeen tallooyin kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo inta ay wada-tashiyadu socdaan

Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Hoos ka daawo muuqaalka

Imaaraadka oo fal yaab leh ka fuliyey 18 dal oo Yurub ah iyo caro xooggan oo ka dhalatay

Brussels (Caasimada Online) – Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkaas, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in Abu Dhabi ay ku lug leedahay olole sumcad dil ah oo lagu doonayey in ugu yaraan 1,000 qof oo ku nool Yurub lagu xiriiryo ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Kooxda Iskaashiga Baariista Yurub ee loo soo gaabiyey EIC ayaa warbixin ay daabacday Jimcihii ku sheegtay in Imaaraadka Carabta uu beegsaday shaqsiyaadkan oo ku kala nool dalal badan oo Yurub ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole sumcad dil ahaa oo ka dhan ah Qatar, intii uu jiray khilaafkii dalalka Khaliijka.

Intii u dhaxeysa 2017 illaa 2020, Alp Service, oo ah shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay, fadhigeeduna yahay Switzerland, ayaa abuurtay galka dad ku kala sugan 18 dal oo Yurub ah iyo 400 oo urur, ayada oo wakiil ka ah sirdoonka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta waxaa saldhig u ah 78,000 oo dokumentiyo sir ah, oo ay heshay warbaahinta Faransiiska ee Mediapart, lana wadaagtay EIC.

Dukumentiyada waxaa ka mid ah magacyada boqolaal shaqsi oo laga sameeyey naqshado sawiro oo la xiriirinaya xagjirnimo.

Wasiir la beegsaday

Illaa 80 urur iyo 160 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa kasoo jeeda Belgium. Waxaa ka mid ah Zakia Khattabi, oo ah wasiirka deegaanka iyo joogteynta ee federaalka.

Khattabi ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Le Soir inay rajeyneyso in baaritaanka “uusan qarash badan ku bixin, sababtoo ah wax walba waa been abuur.” Waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin.

Xisbigeeda, Ecolo, oo sidoo kale ku jira liiska, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey Imaaraadka ku lug lahaanshaha lagu tuhunsan yahay.

“Tallaabada Imaaraadka Carabta, ayada oo dhex-mareysa shirkadda Swiss-ka waa fadeexad. Waxa ay astaan u tahay dhaqanka ka dhanka ah dimoqraadiyadda ee taliskan,” ayuu yiri xisbiga Ecolo.

 “Natiijooyinka sida iska cad waa kuwa nacasnimo ah oo lagu qoslo oo aan u qalmin jawaab ama dareen.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta ee Brussels, waxayna ka dalbatay “sharraxaad buuxda iyo faah-faahin,” ayey wasaaradda u sheegtay Middle East Eye.

“Waxaan ka xunnahay oo cambaareyneynaa eedeymaha aan loo qiil dayin, sida kuwa ka dhanka ah wasiir Khattabi,” ayey ku dartay.

Imaaraadka oo bixiyey €5.7m

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa lacag 20,000 iyo 50,000 oo euro ah ku bixiyey qof kasta oo la beegsaday, sida uu sheegay Le Soir. Imaaraadka ayaa guud ahaan shirkadda Alp iyo madaxeeda Mario Brero siiyey ilaa 5.7 milyan oo Euro

Alp ayaa billowday olole warbaahineed. Waxay wax ka beddeshay bogagga Wikipedia ee shaqsiyaadka la beegsaday, waxayna isku dayday inay bankiyo ka dhaadhiciso in la xiro akoono gaar ah.

In ka badan 200 oo qof iyo 120 urur oo kasoo jeeda Faraniiska ayaa waxaa loo sameeyey galal ay abuurtay Alp, sida ay sheegtay Mediaport. Waxaa dadkaas ka mid ah musharaxii hore ee madaxweyne Benoit Hamon. 

“Tan iyo markii aan isku sharxay madaxweynaha, hal fariin xitaa kuma daabici karo baraha bulshada iyada oo aan la igu weerarin khayaali aan macquul ahayn iyo eedeymaha ah inaan xiriir la leeyahay Islaamiyiinta,” ayuu u sheegay Mediapart.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ma bixin wax jawaab ah markii ay sidaas ka codsadeen kooxda EIC.

Sirdoonka Alp ayaa sheegay in warkan saldhig looga dhigay “xog la xaday”, waxayna sheegeen in sidoo kale qeybo ka mid ah dokumentiyada “la been abuuray”.

Bishii March, wargeyska New Yorker ayaa weriyey in Imaaraadka Carabta ay maal-geliyeen olole ay fulisay Alp si loo sumcad dilo hay’adda fadhigeedu yahay UK ee Islamic Relief, islamarkaana mas’uuliyiinta ururkaas loola xiriiriyo Ikhwaanul Muslimiin.

Sida lagu sheegay warbixinta, Alp ayaa isku dayday inay Heshmat Khalifa, oo horey xubin uga ahaa ururkaas, ay ku xiriiriso argagixisanimo, kadib shaqadii uu ninkan oo u dhashay Masar kasoo qabtay Bosnia, sagaashamaadkii.

Sannadkii 2014, Imaaraadku ayaa Islamic Relief ku daray liiska 86 koox oo “argagixiso” oo la mamnuucay, waxaana weheliyey dhawr urur oo Muslim ah oo caan ah, oo uu ku jiro Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka.

Abu Dhabi waxay Islamic Relief ku eedaysay inay tahay garab ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, eeddaas oo Islamic Relief ay beenisay.

Ilhaan Cumar oo diiday inay hor fariisato madaxweynaha…

Washington  (Caasimada Online) – Xidlhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka

Ilhaan Cumar ayaa diiday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweyne Isaac Herzog, sababo la xiriira xiisadda weli kala dhexeysa maamulka Israel.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ayaa ku sheegtay in sida ay uga baaqatay kulankii ra’iisul wasaaraha Hindiya la yeeshay golaha ay ka tirsan tahay ay kana uga baaqsan doonto, waxayna sababta ku sheegtay in dowladahan aysan ilaalin xuquuqda bani’aadanimada.

“Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay Israel ku eedeysay inay horay deegaanadeeda ka mamnuucday ayada iyo Rashida Tlaib oo ay sheegtay in loo diiday inay soo aragto ayeyadeed.

“Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay tiri.

Dhanka kale waxa ay soo hadal qaaday qaddiyadda Falastiin, waxayna sheegtay in Israel ay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo ee Falastiin.

Si kastaba, Ilhaan Cumar ayaa bishii April laga saaray guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Wakiilada, kadib markii lagu eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel, laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee guddiga miisaaniyadda, kaas oo mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.

Xogta kulankii u dhamaaday XASAN iyo mucaaradka (qodobada la isku afgartay)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay u socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno mucaaradka kamid ah ayaa kusoo idlaaday galinkii dame ee shalay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa shalay xooggiisa la dul dhigay qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay mucaaradkan horey doodda uga keeneen.

Xoggo cusub ayaa kasoo baxaya kulankaan, xilli xukuumadda ay baahisay war-saxaafadeed ay kaga gaabsatay halka saxda ah ee la isla gaaray, waxa lasoo warinayaa inuu jiri doono war-murtiyeed rasmi ah oo illaa caawa la dhameystiri doono oo ku saabsan qodobadii lagu heshiiyay.

Kahor waxaa soo baxaya qodobo la isla ogolaaday iyo kuwa gacan laga taagay iyo kuwa kale oo madaxweynaha ogolaaday in lagala heshiiyo oo dooddo sii socoto.

Haddii aan dul istaagno qodobada;

1. Muddo xileedka Xasan Sheekh

Madaxweynaha waxa uu toos u ballanqaaday in uusan maalin ku darsaneyn muddo xileedkiisa afarta sano, haddaa rabtaan waa i celin kartaan ayuu ku yiri raggii shirka fadhiyay.

2. Maamulka Puntland

Waxaa lagu heshiiyay in maamulka Puntland lagu soo celiyo miiska oo taladooda la dhageysto lana tixgeliyo, maadaama aan looga maarmin heshiisyada noocaan ah, madaxweynuhuna qodobkaan waa aqbalay.

3. Nooca doorashada

Labada dhinacba waxay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah. Mucaaradka waxay dalbadeen in geediga doorashadaas iyo sida loo fulinayo in heshiis laga gaaro marka hore. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la sheegay inuu taasna ogolaaday.

4. Doodda madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qodobkaan waxaa la sheegay inuu aqbalay in lagu daro qodobada heshiiska laga gaarayo ee u baahan in looga sii wada-hadlo kulamada soo aadan.

Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in uusan kulankan noqon midkii ugu dambeeyay, oo qodobada u baahan doodda ay noqdaan kuwa loo dhigto kulamada soo aadan, iyada oo la ballaarinayo madasha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-galay kulankaan ayaa la filayaa inay hadli doonaan wixii caawa ka dambeeya, markaas oo la filayo in war-murtiyeedk si rasmi ah loo faafiyo.

Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Xog ku saabsan dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo

Geriley (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo shalay ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo maalmihii ugu dambeysay isku uruursanayay waddada ka timaada dhanka deegaanka Faafaaxdhuun ee soo gasha Gariley ayaa barqanimadii shalay dhowr jiho ka weeraray Xerada Gariley, oo daba-yaaqadii bishii June ay banneeyeen Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Wararka ayaa sheegaya bilowgiiba in Shabaabku ay ka soo gudbeen difaaca hore ee ciidamadu ka ilaalinayeen deegaanka ee xigga dhanka Faafaaxdhuun, oo 80km u jirta Degmada Baardheere.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la sheegay inay isaga baxeen xeradaasi, ka dib culeys weyn oo ka soo fuulay Shabaabkii weerarka qaaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmad xoog leh oo ciidamada meelo kala duwan uga yimid ay suurtagelisay in Shabaabka dib looga saaro deegaankaasi.

Aadan Xaashi Maxamuud oo ka mid ah dadka reer Gariley ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalku uu soo gaaray illaa caawa fiidkii, ugu dambayna ay hadda deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada.

Aadan Xaashi ayaa sheegaya in uu jiro khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray, isagoo intaa ku daray inaanay hadda jirin cid si sax ah u sheegi karta in uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhaawacyada askarta loo qaaday Degmada Ceelwaaq, halkaas oo saldhig weyn iyo xarun caafimaad ay ku leeyihiin Ciidanka ATMIS ee ka socda dalka Kenya.

Salaan Cabdullaahi Cagey oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gariley ayaa BBC u sheegay in ay jab xoogan u gaysteen kooxaha argagixisada.

“Khasaare badan ayaa jira, koley waa meel uu dagaal ka dhacay, dad shacab ahna way ku dhinteen, ayagana way ku dhammaadeen, guryo badana way burbureen, haddana annaga ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Salaan Cabdullaahi.

Dhanka kale dadka deegaanka oo maalmo ka hor bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan ayaa la sheegaya in intooda badan ay ka baxeen deegaanka, ayna gaarayaan tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi.

Gariley oo hoostagto Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, kuna dhow xadka Soomaaliya la wadaagto Kenya, waxaana la tilmaamaa in 12km oo keliya u jirto xuduudda.

4-tii bishan ayay sidaan oo kale mintidiinta Al-Shabaab u soo weerareen xeradaasi, inkastoo markaasi ay ku guuldareysteen inay la wareegaan.

Militariga Kenya ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay deganaa Xerada Gariley, iyagoona qayb ka noqday qorshaha uu Hawlgalka ATMIS ku yareynayo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Xeradan ayaa ka mid ah illaa toddobo saldhig oo dhammaadkii bishan June ay isaga baxeen Militariga ATMIS.

Maamulka gobolka Banaadir oo madaxda DF uga digay arrin ay isku dayeyso Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa masuuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga uga digay isku-day ay wado kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ku rabto inay dad ku dhex yeelato, si ay ugu fududeeyan dhaq-dhaqaaqeeda caasimada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa si adag uga digay in wax lala wadaago Al-Shabaab.

Yabooh oo la hadlayay masuuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka ayaa ka dhawaajiyay in cadaaladda loo siman yahay, qof walba oo lagu caddeeyo in uu wax la wadaagay Shabaab la horgeyn doonno maxkamad.

“Cadowga waxa uu raba inuu dadka kala laaluusho oo isku dayo hay’adaha amniga iyo maamulka degmooyinka inuu dad ku dhex yeesho, oo uu dhex-galo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Mas’uuliyad inta uu doono hala ekaato qofkii Khawaarij u dhawaada, ku raad-yeesha ama maalin wax dhex-mareen cadaaladda ayaa soo qaban doonto, u maleynmaayo in dhibka ay dalka ka wadaan ama caasimadda ka wadaan in ay kaligood wadaan.”

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu la xisaabtan ku sameynayo masuuliyiinta “si qofkii lagu helo in uu la shaqeynayo ama wax la wadaagayo Shabaab loo qabto loona horgeeyo maxkamad.”

“Dad naga mid ah maamul ama hay’adaha amniga ha ku jiraan ama dadka shacabka ah ha ku jiraan ayaa hoggaaminaya dhibka ay caasimadda ka wadaan, qofkii mas’uul ah ee la ogaado in uu Khawaariij la shaqeynayo wuu ka dambi badan yahay shacabka, qof weliba waa in uu ka dheeraadaa.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar dhowr ah la sheegay inay xiriir hoose la leeyihiin xubno ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, ayada oo horay walaac looga muujiyay isku-milankaas, oo hadda u muuqda mid uu gabalku udhacay, marka la eego qorshaha dowladda federaalka ee dagaalka Al-Shabaab.

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo ka falcelisay tallaabadii xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa war kasoo saartay tallaabadii Golaha Wasiirrada.

Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay ansixinta hindise-sharciyeedka hubka Soomaaliya oo shalay Golaha Wasiirrada ay ansixiyeen.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.

Sidoo kale waxay ka dhawaajisay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah, xilli ay socdaan dadaallo ay dowladda ku dooneyso in Soomaaliya looga qaado cuna-qateynta ee saaran.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah, si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cuna-qateynta hubka,” ayey Marwo Makko ku tiri qoraal ay soo saartay.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee shalay ayaa lagu ansixiyey hindise-sharciyeedka hubka Soomaaliya iyo xeerka amniga iyo bedqabka xarumaha dowladda, amniga hoteellada, goobaha ganacsiga iyo xarumaha adeegyada bulshada, kuwaasi oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.

Si kastaba, Cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayay dowladdu horay u sheegtay inay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha QM oo waraaq u diray madaxweyne Putin

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku in aanu hakin hindisaha dibedda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla baddow.

“Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xidhiidh la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xidhiidh la samaynaya Ruushka” ayuu yiri afhayeen u hadlay Antonio Guterres.

Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo hindisaha uu wado xoghaye Antonio Guterres, isagoo intaas ku daray “in lagu jiro xilli xasaasi ah”.

Hindisahan ayaa ogolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda.
Moscow ayaa marar kala duwan ku cel-celisa in aanay faa’iido badani ugu jirin hindisahan.

Waxaa jiray hindise kale oo kan barbar socday kaas oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Ruushka, kaas oo la doonayey in caqabadaha lagaga faydobheshiiska ogolaanaya in debedda loo dhoofiyo sarreenka Ruushka iyo agabka kale ee beeraha lagu bacrimiyo.

Mid ka mida qodobada ugu waaweyn ee Ruushku dalbanayo ayay ka mid tahay in baanankeeda ka shaqeeya maalgelinta beeraha in dib loogu fasaxo, nidaamka is-afgaradka baananka ee caalamiga ah, si uu xidhiidh ula samayn karo baananka kale.

‘Waxa uu ka dhigan yahay shirka Xasan iyo mucaaradka ugu soo dhamaaday Muqdisho’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wadatashi ee u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxdii hore ayaa maanta lagu gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga arrinsanayay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Hanaanka uu kusoo idlaaday shirka ayaa waxaa soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, isaga oo shaaciyay waxa uu ka dhigan yahay shirkaan iyo is-fahamkii lagu gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay war-saxaafadeed kasoo baxay shirka wadatashiga ee u dhexeeyey madaxda qaranka iyo madaxdii hore ee dalka.

Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhaweyneyso tallooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa soo dhaweynayaa tallooyinka wax ku oolka ah, si loogu biiriyo hiigsiga xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.”

Shirka oo soconayey muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay xukuumadda kasoo saartay gaba-gabada shirka.

Sidoo kale xukuumadda ayaa shaacisay in kulamada noocaan ah ee wadatashi ay sii socon doonaan, uuna kan soo gaba-gaboobay uu billow u yahay kuwa kale oo laga yeelan doono arrimaha masiiriga ah ee dalkeena.

Si kastaba, Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Madaxdii hore oo walaac ka muujiyay maqnaashaha Puntland, dalabna u jeediyay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka qeyb-galay shirka wadatashi ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wadaagay walaaca maqnaashaha Puntland.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa madaxweyne Xasan la wadaagay walaaca ay ka qabaan ka maqnaashaha Puntland ee Wadatashiga arrimaha masiiriga ah, xilli uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Villa Somalia.

Waxay madaxweyne Xasan usoo jeediyeen inay muhiim tahay ka qeyb-galka Puntland ee kulamada wadatashi ee arrimaha masiiriga ah, sidaas darteedna sida ugu dhaqsah badan ay madaxda sare ula fariistaan maamulka, si xal looga gaaro tabashada ay qabto.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxay madaxweyne Xasan ugu baaqeen inuu wada-hadal la furo hoggaanka maamulka Puntland, si ay hadda kadib qeyb uga noqdaan kulamada muhiimka ah, ayada oo Puntland ay ka maqneyd kulankii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Kulankii 27-kii May ee Golaha ayaa lagu gaaray heshiisyo xasaasi ah oo keenay inuu qabsoomo kulanka wadatashi ee maanta lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, kaasi oo madaxdii hore ay madaxda sare ee dalka kula wadaageen tallo soo jeedin ku aadan qodobada heshiiskaas.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Villa Somalia ay shaacisay inay socdaan wada-hadalo hoose oo u dhaxeeya madaxda sare ee dalka iyo hoggaanka Puntland, si xa looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosna.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud oo shaaciyay inuu socdo wada-hadalka hoose ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wada-hadalladaasi.

“Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad-goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu yiri Xuseen.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Wada-hadalka (DF & Puntland) waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan, waxaan rajeynaa Insha Allah inay mira-dhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo.”

Si kastaba, Maamulka Puntland oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Villa Somalia ayaa horay ugu dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taasi oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.

Shirka Xasan iyo madaxdii hore oo lasoo gaba-gabeeyay iyo Villa Somalia oo war soo saartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii wadatashi ee labadii maalmood ee u dambeeyay magaalada Muqdisho uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galeen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasiir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale kulankii maanta oo ahaa xiritaanka ka qeyb-galay.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo u badan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ka qeyb-galay ay tallooyin ka dhiibteen heshiiska hanaanka doorashooyinka qoddobadiisa oo kala ah;

  1. Nooca doorashada dalka
  2. Nidaamka madaxtinimada dalka
  3. Nidaamka xisbiyada badan
  4. Guddiga doorashada qaranka
  5. Mideynta muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada
  6. Habraaca dhameystirka dib u eegista Dastuurka

Sida ay shaacisay Villa Somalia lixdaan qodob ayaa waxay madaxdu aad ugu lafa-gureen shirkaan oo socday laba maalmood, ayada oo madaxdii hore iyo siyaasiyiintu ay soo jeediyeen tallooyin kala duwan oo u baahan in la tixgeliyo inta ay wada-tashiyadu socdaan.

Ma shaacin Villa Somalia tallooyinka ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka qeyb-gashay shirka la wadaageen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo ku qotoma lixda qodob ee kor ku xusan

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta markii uu soo idlaaday shirka wadatashi ayaa waxa uu sheegay in madaxda ka qeyb-gashay shirkaan ay bogaadiyeen dadaalada dowladda ee deyn cafinta iyo dhameystirka hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

“Kulanka oo kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa waxa uu kulanka bogaadiyay doodaha u adeegaya dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya ee soo socday, sidoo kale waxa uu bogaadiyay masuuliyada in ciidamada qaranka Soomaaliya ay la wareegaan amniga,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulamada noocaan ah ee wadatashi ay sii socon doonaan, uuna kan soo gaba-gaboobay uu billow u yahay kuwa kale oo laga yeelan doono arrimaha masiiriga ah ee dalkeena.

Si kastaba, Shirkaan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay taagneyd xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Daawo: Dalab ka dhan ah FIQI iyo Jaamac oo loo gudbiyay madaxda DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA oo ka hadlayay xaaladda dalka, gaar ahaan howlgallada haatan socda ayaa ka falceliyay khudbado kala duwan oo ay dhowaan jeediyeeni wasiirka Gaashaanshigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha ciidamada.

Macow oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga uusan aqoon lun aheyn ciidamada, uuna ku xadgubay xeerka, sida uu hadalka u dhigay.

Korneelka ayaa si gaar ah u dhaliilay khudbad uu wasiirka u jeediyay guuto ladaogu magac daray Khaalid Bin Waliild ee dhowaan laga sagootiyay Muqdisho, si ay qayb uga noqto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay aheyd mid cabsi-gelin ah.

“Waxaan dhageystay khudbaddii wasiirka gaashaandhigga ee uu leeyahay waxaa la’idinka rabaa laba arrimood guul iyo geeri wiilkaa dhalinyarada ah ee mutadawac ah oo dalkiisa iyo dadkiisa rabo inuu difaaco hadalkaas oo kale laguma yiraahdo, hadalkan sidoo kale wuxuu meel ka dhac ku yahay xeerka ciidanka ” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa waayay in lagu dhiirageliyo wadaniyadda”.

Waxaa kale oo uu wasiir Jaamac dhaliilay in ciidamada uu u adeegsado baraha bulshada, taas oo uu tilmaamay inay tahay xadugub, sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha inuu arrintaasi wax ka qabto, si loo saxo khaladaad uu sheegay inuu ka kacayo wasiirka.

“Wasiirka gaashaandhigga waa siyaasi ma aheyn in Social Media-ha ciidanka la hortego, kadibna uu khudbado noocaas ah oo ciidanka cabsi gelineysa ujeediyo marka waxaa la rabaa in madaxweynaha fowdadaas uu wax ka qabto ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale wuxuu Korneel Cabdullaahi Cali Macow u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo isna dhowaaan ka hadlay arrimaha ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

“Wasiirka arrimaha gudaha qadafka ka dhacay waxaa waayay oo dadka oo dhan ay is weydiiyeen inuu yiraahdo Gorgor iyo Haramcad baahaladii waxaa looga maarmay guutadii waxaa dhaqaaqday Khaalid Bin Waliid, laakiin Gorgor iyo Haramcad baahalo ma’ahan sida ay u dagaalameen waa la ogyahay dagaalka ay illaa iyo hadda Khawaarijta kula jiraan way ogyihiin madaxda iyo Ummadda Soomaaliyeed” ayuu uga falceiyay hadalkii Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyn Korneelka ayaa dalbaday in madaxda sare ee qaranka ay arrintaan wax ka weydiiyaan labada wasiir, maadaama ay ay yihiin mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda.

“Waxaan rajeynaara’iisul wasaaraha in su’aashaas labada wasiir weydiiyo sababta ay ciidanka niyaddooda u jebinayaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Golaha wasiirada oo ansixiyay magacaabista agaasime iyo gole cusub + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, kaas oo looga hadlay arimo dhowr ah.

Waxaa sidoo kale shirka soo xaadiray inta badan xubnaha golaha, inkastoo uu ka maqnaa ra’iisul wasaare Xamza oo maanta ku biiray shirka madaxda dowladda iyo kuwii hore.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyay Axmed Saciid Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Axmed Saciid ayaa beddalaya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ah agaasimihii hore ee hay’adda, kaas oo isku casilay fadeexo ka dhalatay musuq-maasuq lagu soo eedeeyay.

Sidoo kale Axmed Saciid ayaa isna kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee ka horreeyey.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale meel-maariyay soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, xubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda.

Dhanka kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa isla maanta lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada.

Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Waxbarashada, ayaa dhankooda goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha.

Warbixin la xiriirta howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan Jubbooyinka ayay golaha la wadaageen Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-