29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Al-Shabaab oo qabsatay mid ka mid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ciidanka ATMIS

Geriley (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhammaadka bishii hore ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya. 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa VOA u sheegay inay Al-Shabaab halkaasi soo weerareen maanta barqadii, ayna la wareegeen.  

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Geriley kadib weerarka al-Shabaab. 

Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaankaas kadib iska horimaad dhacay.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen inay qabsadeen saldhig ay deganaayeen ciidamdan KDF ee degaankaas muddada gacanta ku hayey. 

Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM. 

Geriley waxay ka mid ahayd lix saldhig oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamdaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe. 

Ciidamadii ugu horreeyey ee ATMIS, oo gaaraya illaa 2,000 ayaa ka baxay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay 3,000 oo kale ka baxaan dalka bisha September. Ciidanka ATMIS ayaa markaas noqon doona illaa 14,000. Waxayna dalka uga bixi doonaan si tartiib ah illaa ay ka wada dhammaadaan bisha December 2024, sida qorshuhu yahay.

Hase yeeshee, qabsashada saldhiggan ayaa dhabar-jab weyn ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna shaki geli kartaa, haddii Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay ciidamada ATMIS kala wareegto amniga.

Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in hawlgal dhacay toddobaadkan lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab. 

Hawlgalkan ayaa hay’addu sheegtay inuu ka dhacay nawaaxiga Weel-Maarow 12-kii Julay, waxayna intaas ku dartay in maleeshiyaadka la dilay ay ku jireen kuwo kasoo jeeda Itoobiya iyo Kenya, inkastoo aysan hay’addu soo bandhigin caddaymo muujinaya sheegashadaas. 

Mucaaradka PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus kadib markii ay gudbiyeen…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi, waxayna dacwad culus u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Guuleed Saalax Barre oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kana mid ah mucaaradka ayaa shaaciyay inay dacwaddan gudbiyeen illaa 30 siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, isla-markaana ujeedka uu yahay in wax laga qabto gabood-fal u sheegay inuu ku kacay hoggaanka Puntland, gaar ahaan xukuumadda Deni.

“Saaka waxaan gudbinay gal-dacwadeed aan u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, dacwaddaa waxaa gudbiyay illaa in ku dhow 30 siyaasi oo reer Puntland ah, dacwaddaas waxay ka dhan-tahay gabood falladii aanu u rakeynay hoggaanka hadda xukunka hayo uu ku kacayay taas oo kasoo horjeeda dastuurka” ayuu yiri Guuleed Saalax.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, taas oo qabatay dacawadda ay maanta u gudbiyeen.

“Waxaan aaminsanahay inay tahay hay’ad ummadda u dhexeysa, waxaana lasoo kulanay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ku xigeenkiisa, waxayna naga ballaan qaadeen inay dacwaddaas geli doonaan” ayuu sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale kiiskan faahfaahin ka bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kamid ah musharixiinta u hanqal taagaya hoggaanka sare ee Puntland, wuxuuna tilmaamay in dacwaddooda ay tahay mid ka dhan ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka lagu heshiiyay.

“Shirkaan jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan la socod siino warbaahinta iyo Ummadda Soomaaliyeed inaanu maxkamadda dastuuriga ah u gudbinay dacwad ka dhan ah jabinta dastuurka ee xukuumadda iyo baarlamaankuba ay ku kaceen” ayuu yiri wasiirku.

Cawad ayaa sidoo kale  intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in laga hortago colaad iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Puntland, Soomaaliya.

“Ujeedada waxaa weeye oo mas’uuliyiintan ay isugu yimaadeen in laga hortago colaad,  xasilooni la’aan iyo burbur” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Tallaabadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay gudaha magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh Puntland, waxayna arrinta kasii dartay markii ay ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ay ka horyimaadeen qorshaha Deni.

Xog: Wada-hadal u socda VILLA SOMALIA iyo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qanka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka iyo Puntand, isaga oo shaaciyay inuu hadda u socdo wadahadal hoose.

Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka warbixiyay sida uu ku billowday khilaafkan oo ugu dambeyn sababay inay kala tegaan labada dhinac, maadaama ay Puntland ku gacan seertay shirarkii ugu dambeeyey ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamullada.

“Lixdii kulan ee lasoo dhaafay oo qayb kamid ah ay Puntland ka maqneyd mar walbaa si joogta ah ayuu Puntland u casuumaayay madaxweynuhu, ra’yigeedana la dhageysanaayay, welina fursadeedii waa uu taallaa oo meel looga socdo oo gaar ah ma jirto” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay Puntland ula mid tahay maamullada kale, isla-markaana aysan ka tegi karin labada dhinac.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay haatan isku baahan tahay, isla-markaana loo baahan yahay in la eego danta guud, la’iskuna tanaasulo.

“Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu mar kale yiri Xuseen.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale  shaaciyay xog ku aadan in wadahadal hoose uu haatan u socdo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlayo xiisadda dhex taalla, si xal waara looga gaaro.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wadahadallada haatan socdo, si ay Puntland ugu soo laabato saaxadda, xalna loogu helo tabashadeeda.

“Wadahadalka waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan waxaan rajeynaa Insha Allaah inay miradhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo” ayuu raaciyay.

Puntland oo horay usoo eedeysay Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taas oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.

Villa Somalia oo shaacisay mowqifka muddo kororsi ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay kulan Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha shirka Muqdisho uga socda siyaasiyiinta Soomaalida.

Agaasime Xuseen, wuxuu sheegay in shirkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo mid mid u casuumay siyaasiyiinta isugu timid, si looga tashado halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay Agaasime Xuseen, qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah arrimaha muddo kororsiga dowlad goboleedyada iyo wax ka bedelka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, iyadoo la furayo qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

Waxyaabaha uu qorsheynayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay qalinka ku duugeen madaxda dowlad goboleedyada waxaa ka mid ah, in xukunka dalka laga dhigo nidaam madaxtooyo, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen.

Arrinkaan, si weyn ayey u diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta uu shirkaan ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse Agaasimaha Madaxtooyada ayaa xalay bixiyey xog cusub oo sababi karta in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ay siyaasiyiintu aqbalaan.

Dooda ugu adag ee siyaasiyiinta ka imaaneysay waxay aheyd, in dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay meel mariso qorshahaas, balse ku dhaqankiisa la bilaabo muddo xileedka dowladda tan xigta.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay kulankii ‘SNTV Twitter Space’ ku shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in afar sano markii uu joogo xafiiska uu qabto doorasho qof iyo cod ah.

Agaasime Xuseen Sheekh, wuxuu cadeeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku jirin damac muddo kororsi, isla markaana nidaamkaan loo jeexayo dowladda bedeli doonta tan hadda ka arrimisa dalka.

Madaxweynaha dalka oo maalintii labaad shir kula jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee intooda badan horay dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah ayaa ka dhaadhicinaya sida ay dowladiisu dooneyso inay u meel mariso qorshahaan wax looga bedelayo dastuurka dalka.

Hadii qorshaha madaxweynaha aysan ku jirin in isagu uu muddo xileedka kororsado, waxay u badan tahay in saamileyda siyaasadeed ay ka aqbali doonaan inuu ku dhaqaaqo wax ka bedelka muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada, si fursadaas ay uga faa’iideystaan dowladaha dambe ee dalka hoggaamin doona.

XASAN oo qoraal kasoo saaray geerida Prof Tuuryare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii tacsi u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Prof Maxamuud Macallin Cali Tuuryare.

Waxa uu tilmaamay in marxuumku uu ahaa aqoonyahan ku xeeldheer Qaanuunka Caalamiga, isagoo ummadda Soomaaliyeed si mutatawacnimo iyo hufnaan leh ugu soo adeegay aqoontiisa iyo khibraddisa sharci.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay kaalintii Prof Tuuryare AUN kobcinta aqoonta, dhisidda garaadka da’yarta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee nidaamka dowladnimada casriga ah.

Waxa uu Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Sawirro: Mas’uuliyiin horleh oo ku biiray shirka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa shalay dib loogu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo.

Wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in shirka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana uu yahay mid xasaasi ah oo lagu gorfeyn doono arrimo masiiri ah.

Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah.

Waxaa sidoo kale ay madaxda isla eegi doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo la filayo in dhowaan uu ka bilowdo gobollada dalka oo dhan.

Gabagabada shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ay madaxdu ku shaacinayaan go’aannada ay ka gaarayaan xaaladda dalka.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga.

Maxkamada ICC oo codsi u soo dirtey SOOMAALIYA

Hague (Caasimada Online) – 31-kii Maarso 2005 Golaha Ammaanka ayey ICC kaga hadashay iyadoo tixraaceysa Danbiyada dagaal sida Darfur, Sudan ayna haboon tahay in Somalia in la eego taas oo muujineysa in gobolka ay soo wajahday arrin khatarteeda wadata.

2012 ICC waxey soo saartey Warqad in la soo xiro Dominic Ongwen kaas oo ka geystey danbiyo dagaal oo ay ku jirto meel ka mid ah Soomaaliya. Dominic Ongwen wuxuu ahaa sarkaal Ugandaka soo jeeda waxay ICC xukuntey February 4, 2021 waxaana lagu xukumey 25 sano oo xarig ah.

Mar Saddexaad iyo Mar afaraad oo kala ah 2016 iyo 2017 ayey ICC ugudbisey Golaha Ammaanka warbixin in Soomaaliya la baaro taas oo ay ICC u aragtey in ay ka dhaceen danbiyo dagaal oo u baahan in la baaro.

Su’aasha waxey tahey yey ku xiran tahey in ICC ay Soomaaliya ka mid noqoto Ma dowladaa mise Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa go’aanka leh?

Ku biirista ICC waxey ku xiran tahey Baarlamaanka Soomaaliya, laga bilaabo 2002, Dal haddii uu ka mid noqonayo ama ka baxayo Waa in Baarlamaanka ansixiyaa ama Baarlamaanka uu go’aamiyaa in uu ka baxey.

Dowladda ma laha go’aan ku biirista ICC, Laakiin dowladda waxey u sheegi kartaa in ICC iyo Beesha Caalamka in ay Soomaaliya ka mid noqoto ay muhiim tahey, laakiin, Baarlamaanka diidan yahey, oo Xildhibaanada ayna hor istaagneyn oo eeda is fogeyneyso Dowladda madaxana loo saarayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yihiin kuwa Jecel in qas iyo dagaal ay Soomaaliya ku jirto.

Waxaa suurtogal ah in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u muuqan doonaan kuwa taageera danbiyada ka dhasha dagaaladal, caqabadna ku ah aaddamaha, Waana tan dowladdu ay isaga fogeysey in dhibaatadu tahey Baarlamaanka, iyada oo aan Dowladda weli u soo gudbin Baarlamaanka.

Maxay ka wad-hadleen R/W Xamza Cabdi Barre iyo ra’iisul wasaarayaashii hore?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay qaar kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo ka qayb-galaya shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka.

Xamza ayaa casho sharafeed ku maamusay labo kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore hore, kuwaas oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe.

Sidoo kale Xamza ayaa sidoo kale ra’iisul wasaarayaashii hore warbixin qoto-dheer ka siiyay shaqada xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Shabaab & halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah.

Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay qorshayaasha dowladda ee ku aadan hannaanka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka iyo sidii ay dowladda federaalka dhammaadka sannadka 2024 amniga ugala wareegi lahayd ciidamada howlgalka ATMIS.

Dhinaca kale ra’iisul wasaarayaashii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay, sidoo kalena ku amaanay dadaalla ay haatan waddo xukuumaddiisa oo la magac baxday DanQaran.

Labada ra’iisul wasaare ayaa qayb ka ah shirka u furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo siyaasadda.

Waxaa shirka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa shalay lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan.

Injineer Xasanow Maxamuud oo ku geeriyooday Mareykanka

Fairfax (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Injineer Xassan Maxamuud Maxamed oo ku magac dheeraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injineerradii ugu caansanaa ee Soomaaliya. Injineerka ayaa geeriyoday 12-ka Luulyo.

Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso taariikh kooban oo aan kaga hadleyno taariikh nololeedkii Inj. Xasanow Maxamuud Maxamed:

Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay.

Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidammada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuuna sannadkii 1965-kii ku guuleystay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddibna waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waqtina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sidaas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare.

Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarkaana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ahaa qof aad waxbarashada u jeclaa isaga shahaadada adeegsiga teknolojiyadda ee farsamada dhismaha ka qaatay Jaamcad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Waxa uu dalka Soomaaliya ka abuuray shirkadda dhismaha oo dhismayaal badan sida xarunta Ciidanka Asluubta iyo mashaaric hay’adaha caalamiga ah ay maalgelinayeen ka hirgelisay Muqdisho iyo gobollada dalka.

1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG ahayd.

Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dadka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa, islamarkaana waxa uu ku lahaa saaxiibo fara badan daafaha addunka.

Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ifka kaga tagay 21 qof oo isugu jira caruurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen.

Waxa aan Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaynaa in uu marxuum Inj. Xassanow u naxariisto, u danbi dhaafo, kana waraabiyo Jannadiisa firdowsa ah. Caruurtiisa, ehelkiisa, iyo saxiibadiisana waxaan Allah kaga baryeynaa in uu siiyo sabar iyo iiman aan la soo koobi karin. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Daawo: Aadam Madoobe oo quus ka jooga xildhibaano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta quus ka muujiyey soo xaadirka xildhibaanada ee kulamada golaha, isagoo soo saaray hanjabaad ka dhan ah xubnaha caadeystay maqnaashaha badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 275-ta xildhibaan ee golaha kulan kasta oo ay yeeshaan 200 mudane aysan soo xaadirin, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu sheegay in xubnahaasi aysan imaan wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha dalka, wuxuuna maanta sheegay Sheekh Aadan Madoobe in ka guddoon ahaan ay bilaabayaan isla xisaabtan dhab ah.

“Maanta kooramkeenu waa 145, waa markii ay ugu tiro badnaayeen xubnaha yimaada kulamada, wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in weli aan la ganaaxin hal xildhibaan, sidii loo soo dhisay baarlamaankaan 11-aad, markii laga reebo hal maalin oo kulanka golaha laga yeeriyey magacyada xubno markaas ka maqnaa kulanka.

Wuxuu sheegay in hadii sidaan gaabiska ah ay ku sii socdaan kulamada golaha ay noqonayaan guddoon aan waajibaadkiisa gudan Karin, sidaas darteena ay ku qasban yihiin inay la yimaadaan ciqaab sababi karta inay soo xaadiraan xubnaha ka maqnaada kulamada golaha.

“Inagoo og duruufta xildhibaanada qaar, aadna u ixtiraameyna, xildhibaanada maqan waxaan farayaa inay kulamada golaha soo xaadiraan, waxaa nagu soo wajahan arrimo masiiri ah oo dastuurku ku jiro,”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kulankii maanta ka shaaciyey inay u yimaadeen xildhibaano ka carooday xubnaha caadeystay inay iska maqnaadaan oo kulamada aysan soo xaadirin, “Ceeb ayey nagu tahay taasi, waxaa la rabay in anagu aan bilowno isla xisaabtanka,” ayuu yiri.

“Hadii shaqo aadan rabin oo aad isaga tagtay, maxaad shalay u soo doonatay kursiga? Xildhibaanka waxaa laga rabaa in dadkiisa uu ka difaaco waxa qaldan, xildhibaanada qaar fasax nagama qaadan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Hoos ka daawo

Daawo: Jubbaland oo wasiir muhiim ah u dirtay gobolka Gedo iyo qorshaha socda

0

Baardheere (Caasimada Online) – 3-sano kadib markii ugu horeysay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Oogle ayaa gaaray gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay u soo gacan galay Jubbaland.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiir Oogle ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo isla maanta dhagax-dhigay dib u dhis ay Jubbaland ku sameyneyso isbitaalka guud ee degamadaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka reer Baardheere iyo guud ahaan bulshada reer Gedo ka balan-qaaday in wasiirrada ugu muhiimsan maamulka uu keeni doono gobolka, si looga hirgeliyo mashaariic hormarineed.

3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo.

Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas.

Siyaasiyiintii awooda ku maamuleysay Gedo sanadihii lasoo dhaafay ayaa qaar si hoose loogu qanciyey maamulka Axmed Madoobe, halka xubnaha qaar awood loo adeegsaday.

Maalmo ka hor waxaa hawada gobolka Gedo laga celiyey diyaarad dooneysay inay Garbahaarey ka dejiso masuuliyiinta maamulka cusub ee Jubbaland ay u magacowday gobolkaas.

Balse inta badan xubnihii uu soo magacaabay Axmed Madoobe ayaa safarro dhulka ah maalmihii lasoo dhaafay ku galay degmooyinka gobolkaas, kuwaas oo taageero ka helay inta badan bulshada reer Gedo, markii ay u bandhigeen qorshaha ay ku hoggaami doonaan dadka.

Hadda waxaa bilaabatay in siyaasiyiinta kale sida wasiirrada ka soo jeeda gobolkaas eek a tirsan Jubbaland ay tagaan degmooyinkii sanadaha badan laga hor taagnaa ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maamulka Axmed Madoobe uu sameeyey, kaas oo dowladda federaalka ay ku garab siisay.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaan C/llaahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda gobolka GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Golaha Shacabka, laguna soo doortay Ceelwaaq ayaa si kulul uga hadlay xiisadda gobolka Gedo.

Carab oo maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in reer Gedo ay weli wajahayaan dhibaato ku bilaabatay dowladdii hore.

“Gobolka Gedo, horta dhibka waxa uu ku billowday dowladdii hore aniga hadda xildhibaan ayaan ahay saddex mar ayaan tegay oo ah 2017, 2018 iyo 2019 deegaanka ayaana soo booqday wixii ka dambeeyay waad ogtihiin wixii ka dhacay waa nalool diiday annagoo meeshaas nagala soo doortay inaan tegno” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Carab.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbeddalka haatan ka dhacay gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay inuu taageerayo maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacaabay Gedo.

Xildhibaanka ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka, Cabdullaahi Shimbir ugu baaqay inuu marka hore sameeyo dib u heshiisiin, isla-markaana uu isku keeno dhammaan reer Gedo.

“Hadda isbeddal fiican ayaa socda waxaan rajeyneynaa guddoomiyaha uu madaxweynaha Jubbaland soo magacaabay inuu dadka deegaanka gogol u fidiyo dib u heshiisin ka shaqeeyo oo howshii ay hagaagsanaato” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo ku ku daray “Dadweynaha gobolka Gedo waxaan leenanay maamulkaa taageera, isagana waxaan ku boorineynaa inuu dadka isugu yeero,”.

Ugu dambeyn waxaa wax laga weydiiyay doorashadii isaga iyo xildhibaanadii kale ee lagu soo doortay agagaarka degmada Ceelwaaq, taas oo xiisad kale ka dhalisay gobolka Gedo.

“Aniga Ceel Qaalow la’iguma soo dooranee Ceelwaaq ayaa la’iga soo doortay, inaan tagana waa la’ii diiday” ayuu markale yiri Cabdullaahi Carab oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.

Sawirro: Danab oo laysay dagaalyahano ay Shabaab tababar halis ah ku siiyeen Bu’aale

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa soo bandhigay meydadka dhalinyaro Shabaab ah oo lagu laayey howlgal ka dhacay degaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay dhalinyaro dhawaan soo dhameysatay tababar lagu baray is-qarxinta, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lasoo bandhigay sawirro laga qaaday markii ay ka baxeen maalmo ka hor dugsi tababar oo kooxdu ay ku leedahay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidanka fuliyey howlgalkaan ayaa soo bandhigay meydadka 17 xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo dhawaan soo dhameystay tababar culus oo is-miidaamin u badan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda.

Sidoo kale intii uu socday howlgalkaas waxay ciidanku burburiyeen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay 17-ka xubnood ee Shabaab-ka ah.

Deegaanka Caanoole oo dhaca duleedka degmada Bu’aale ayaa la sheegay in dhalinyarada ay qaldaan Al-Shabaab lagu baro howlgallada khatarta ah ee is-qarxintu ugu horeyso.

Kooxdaan caawa la laayey oo tababar ku soo dhameysatay dugsigaas halista ah ayey Al-Shabaab maalmo ka hor soo bandhigeen, iyagoo sameynaya dhoolatus.

Ciidamada fuliyey howlgalkaas ayaa caawa soo bandhigay sawiradii hore ee laga qaaday markii ay dhameysteen tababarka iyo kuwa caawa laga qaaday meydadkooda kooxdaan la laayey.

Sidoo kale ciidanku waxay soo bandhigeen qaraxyo ay diyaariyeen kooxdaan oo ciidanka iyo shacabka reer Jubbaland ay doonayeen inay ku halaagaan.

Sidoo kale xogta ay saraakiishu ka bixisay howlgalkaas waxay sheegeysaa in xubnaha laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan ajaanib, ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab.

Daawo: XAMZA oo qaaday tallaabo ka dhan ah 4.5

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey madal uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in nidaamka 4.5 ee dadka Soomaaliyeed ay ku qeybsadaan saamiga siyaasadda uu yahay mushkilad u baahan in laga gudbo.

Wuxuu sheegay in nidaamkaas uusan dastuuri aheyn, isla markaana uu niyad-jab ku abuuray muwaadiniin badan oo go’aansaday in dalkaan ay isaga tahriibaan.

“4.5 ma ahan dastuuri waa arrin mushkilad ku ah dadka iyo dhalinyarada, waxayna dhalinyarada ku qasbeysaa in ay rajo waayaan oo dalkooda ka dhoofaan, waxaan ka shaqey doonaa in xisaabtaas meesha laga saaro oo aqoon lagu bedelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaa hanaan dadka Soomaaliyeed ay ugu sinaan karaan shaqada dowladda oo sahlaya in imtixaan loo galo, taas oo sababi karta in labo qof oo walaalo ah ay hal mar agaasimeyaal ama wasiirro ka noqon karaan laba wasaaradood.

“Waxaan rabnaa in dadka shaqada loogu qeybiyo maxaa taqaan oo meesha laga saaro yaa tahay, hadii shaqada imtixaan loo galo oo aqoon lagu yimaado, 25 wasaaradood ayaan leenahay, 25 wasiir oo walaalo ah, hadii ay imtixaanka ku baasaan waxaan rabnaa inay 25-ka wasaaradood hoggaamiyaan,” ayuu yiri Xamza.

Wuxuu sheegay in cadaaladu ay taas ku jirto, hadii ay suurta gashana ay Soomaalidu ka bixi doonto nidaamka cunsuriga ah ee dalka kala jarjaray.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayuu sheegay Xamza inay u xil-saaran tahay inay ka dalka ka saarto nidaamkaan 4.5 “Waxaa naga go’an in masuuliyadiisa aan ku ilaalino wasiirka si uu ugu dhiirado gudashada shaqada culus ee aan u dirnay,” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay tijaabiyeen in dadka Soomaaliyeed loo qeybin karo shaqo aysan ku heyn 4.5, isagoo sheegay in 3,000 oo macalimiin ah ay dowladu ku qaadatay aqoontooda, hal qofna aysan ka daba-hadlin nidaamkii lagu shaqaaleysiiyey iyo heybtooda.

“Dadku hadii ay cadaalad arkaan waa aqbalayaan, marar badan ayaa laga fekeray in nidaamkaan laga gudbo, laakiin waxaa mar kasta cuuryaamisa cabsi, hadaan la dhiirana sidaan kama bixi doono,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Barre.

Hoos ka daawo

Daawo: R/W ROOBLE oo xog ka bixiyey shirkii maanta, shaaciyeyna in kuleylka shirka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb ka ahaa shirkii wadatashi ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay jawiga uu ku billowday shirka iyo waxa laga filan karo.

Mudane Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in shirka uu jawi fiican ku billowday, balse kuleylkiisa la sugayo maalinta berri ah, taasi oo ka dhigan in qodobada ugu adag ee la isku hayo ay madaxdu ka dooddi doonaan maalinta berri ah.

“Shirkii maanta wuxuu ahaa shir la sugayay muddo, waxaana looga hadlay amniga, doorashooyinka iyo la-dagaalanka Khawaarijta. Jawi fiican ayuu ku billowday illaa hadda jawi fiican ayuu ku socda, kuleylkiisa berri ayaa sugeyna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegaya in loo mideysna ahdaaftii shirka uu ku billowday dhamaan waa laga mideysna, niyadiina kheyr u sheega, meel wanaagsan ayaa loo socda.”

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu ku jiro marxaladii billowga, islamarkaana ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna isku raaceen in loo soo wada jeesto howl-galka argagixisada.

“Dhamaan waa loo riyaaqay, waxaa la go’aansaday in dhamaan intii shirka kasoo qeyb-gashay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta aheyd loo soo wada jeesto howl-galkaas oo aan qeyb libaax leh ka wada qaadano.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in war-murtiyeed mideysan ay dhinacyadu kasoo saari doonana shirka marka lasoo gaba-gabeeyo, kadib markii dood adag laga yeesho go’aanadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kasoo baxay ee doorashooyinka la xiriiray.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Si kastaba, Inta uu socdo shirka ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda.

“Saamileyda siyaasadda way sheekeysan karaan, laakiin arrinta waxay u taallaa…”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee maanta magaalada Muqdisho uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka.

Villa Somalia ayaa sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Xildhibaan Saajid ayaa fal-celintiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saamileyda Siyaasadda, isaga oo shaaciyay inay ka sheekeysan karaan xaaladda dalka, balse waxa uu tilmaamay in go’aanka uu u yaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Golaha Shacabka uu heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ka eegi doono dhanka sharciga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

“Arrintaas Saamileyda Siyaasadda iyo Madaxweynaha waa ay ka sheekeysan karaan, aragtidoodana way ka dhiibanayaan, laakiin si guud waxay ugu taallaa Golaha Shacabka, wuuna kala saari doonaa Maxaa dastuur ah oo dastuurka geli kara?, Maxaa xilligan Ummadda u cuntama” ayuu yiri xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo ka tirsan baarlamaanka.

Saajid oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in eegaan danta Ummada Soomaaliya, si looga baxo dhibaatada taagan

“Waxaa laga rabaa shacabka ay wakiilka ka yihiin inay Ilaahey uga baqaan oo wixii dan u ah oo ay arkaan ay aqbalaan wixii aan dan u aheyn oo shaqaaqo abuuraayana inay ka daayaan” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo si gaar ah ugu warramay Somali Cable TV.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maanta furmay shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo kuwii hore, waxaana daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo sidoo kale ka qayb-galayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Waxaa sidoo kale maanta lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Si kastaba, shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Wasiirkii maaliyadda ee xilka laga qaaday oo si lama filaan ah u hadlay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa soo saaray war laama filaan ah, kaas oo la xiriira xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay, kadib markii ay saameysay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis & isku shaandheyn.

Dr. Cilmi ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre, isaga oo uga mahadceliyay fursadda ay siiyeen. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay dad badan, maadaama inta badan siyaasiyiinta looga bartay marka ay xilka waayaan inay mucaaradaan dowladda, kana soo horjeestaan madaxdooda,

“Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan intii aan ka wada shaqeynay horumarinta Maaliyadda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Dalka. Mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare mudane Hamza Abdi Barre oo fursadaan wayn ii siiyay in aan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego laga soo bilaabo 09 August 2022 ilaa iyo 12 July 2023” ayuu yiri.

Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sidoo kale aad u boggaadiyay shaqaalaha wasaaradda, isaga oo sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddada uu joogay xafiiska.

“Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaeyaasha, iyo shaqaalaha oo dhan. Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed oo gacan wayn ka gaystay dadaalada isbeddelka dib-u-habaynta Maaliyadda ee socda. Isku-tashi iyo wadashaqayn ayaan horumar ku gaari karnaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Cilmi Maxamuud Nuur.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda. Masha allah wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii Deyn Cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda.”

Ugu dambeyn wuxuu guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Biixi Iimaan Cige, isaga oo ballan-qaaday inuu kala shaqeyn doono horumarinta maaliyadda.

“Waxa aan u rajeynaynaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda guul iyo in Allaah SWT u fududeeyo masuuliyada culus. Dadaalka loogu jiro horumarka dalka waxa aan ka sii wadi doonaa dhankayga intii awooodeyda ah” ayuu mar kale warkan qoraalka ku yiri Dr. Cilmi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo beesha uu kasoo jeedo wasiirka ay ka hortimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo sheegtay inay ku weysay kursigii ay ku laheyd dowladda.

Fal-celin xoog leh oo ka dhalatay shirka u furmay madaxda DF iyo kuwii hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadatashiga ee u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dalka, kaas oo socon doono muddo 3 cisho ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa maanta lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Inta uu socdo shirka waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda.

Haddaba sidee looga fal-celiyay shirka u furmay madaxda DF iyo kuwii hore?

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay shirkan oo ku soo aaday xilli xasaasi ah.

Dadweynaha qaar ayaa boggaadiyay shirkan, iyaga oo ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh, halka kuwa kalena ay dhaliileen, waxayna yiraahdeen:-

Maxamed Xuseen Waliyow wuxuu yiri “Mahadsanid Mudane Madaxweyne in aad ka dhabeyneyso halku dhigaagi ahaa Soomaali Heshiis ah dunidana heshiis la ah.”

Ridwaan Axmed Nuur ayaa isna soo dhoweeyay shirka “Waa tallaabo wanaagsan in waayo araga siyaasadda wax laga weydiiyo xaalada taagan iyo tallaaboyinka xiga sida ugu haboon ee loo qadi karo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Guul.”

Wiil kale oo lagu magacaabo Maxamed Suu ayaa naqdiyay shirka, wuxuuna yiri “Kan shir ma’ahan ee waa dad isku caraysan oo midba midka kale iska ilaalinayo.”

Ibraahim Maxamed Cismaan ayaa isagana ku jawaabay “Mar haddii miiska la wada fahdhiyo waa wax fiican. Waddanka guul ayaan u rajeynaya.”

Cabdinajiib Sheekh Cabdullahi ayaa sidoo kale su’aal ka keenay maqnaashaha Farmaajo, wuxuuna yiri “ Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka maqan shirka maxaa dhacay hee?.”

Cabdiraxmaan Khaalib ayaa isna rajo xumo muujiyay “Kulankan wax ahmiyada ma lahan Madaxweynaha uun baa raba inuu culaysyada saaran isaga dajiyo oo indhaha shacabka ka leexiyo khilaafka iyo jahwareerka ka taagan hay’adaha kala duwan ee dowladda.”

Sheekh AADAN MADOOBE oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya 130 xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada ayaa ka hadlay maqnaashaha xubnaha qaar ee kulamada Golaha.

Sheekh Aadan ayaa shaaca ka qaaday in kala bar xildhibaanada ay maqan yihiin, taasna ay saameyn ku yeelatay howlaha shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in fadhiyadii ugu dambeeyay ay soo xaadirayeen 145 Mudane oo qaarkood dib usoo dhacayay, inta kalena ay maqnaayeen isaga oo tirada maqan ku sheegay 130 xildhibaan. Tirada guud ee xildhibaanada ah ayaa ah 275 Mudane oo metalaya shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada maqan aysan wax fasax ka qaadan guddoonka Golaha Shacabka, isla-markaana ay gabeen shaqadooda iyo metelaadooda.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhaqan-geliyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, si loola xisaabtamo xildhibaanada maqan.

Waxaa kale oo uu goodiyay in Mudanayaashaasi la marin doonno Xeer Hoosaadka oo uu tilmaamay inuu dhigayo in haddii xildhibaanku maqnaado fasax la’aan labo sano uu xilka ku weynayo.

Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay xildhibaanada iska maqan ee aan soo xaadirin kulamada balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaas.

AL-SHABAAB oo go’doon gelisay magaalada Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad adag ay ka taagan tahay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda ayaa lagu soo warramayaa inay go’doon cusub gelisay magaaladan oo hadda xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ay ka dhalatay saameyn xoogan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay kusoo dhawaadeen Baydhaba, kadibna ay xireen waddada gasha magaaladaasi.

Xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Baydhaba ayaa waxaa ka dhashay sicir barar baahsan, waxaana lagu soo warramayaa inuu kor u kacay qiimaha laga kala siisto maciishadda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay saameynta ka dhalatay go’doominta cusub ee ay Shabaab geliyeen Baydhaba, wuxuuna sheegay in kiilada bariiska ah ay gaartay qiimo dhan 35 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in culeyska ka yimid dhanka Al-Shabaab uu yimid, kadib markii ay Koonfur Galbeed qaaday tallaabo ka dhan ah kooxda oo ku xoogan maamulkaas.’

“Go’doominta ay Al-Shabaab kusoo rogtay Baydhaba waxa uu soo deg-degay markii maamulka Koonfur Galbeed uu is-hortaagay Macallimiin ay u yeertay kooxda” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha.

Waxaa sidoo kale arrintan ay saameyn ku yeelatay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi, gaar ahaan dadka danta yar ee ku dhaqan halkaasi.

Si kastaba, Baydhaba ayaa ah magaallo weyn oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya waxaana ay hoy u tahay boqolaal shacab ah oo qaarkood usoo barakacay gudaha magaaladaasi.