29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xubno cusub oo lagu soo kordhiyay shirka Muqdisho ka furmay iyo xogtii u dambeysay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shir u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnihii ka biyo diiday inta badan qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu madaxdii hore la wadaago waxa u qabsoomay sanadka uu xafiiska joogay, kadibna waxaa loo gudbi doona in la dhageysto aragtidooda ku aadan xaaladaha waaweyn sida dagaalka Al-Shabaab, xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, si gaar ahna waxaa la filayaa in farta lagu fiiqo qodobadii heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii bishii May.

Xubno cusub oo aan ku jirin kooxdii hore u wada socotay ayaa lagu soo kordhiyay shirka, waxaana la sheegay inuu sidaas codsaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahaan lagu soo kordhiyay shirka waa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Ajendaha ayaa noqonaya soo dhaweynta madaxweynaha ee madaxdii hore, hadal jeedinta iyo sharaxaada madaxweynaha ee xaaladda guud ee dalka, kadibna siyaasiyiinta iyo dareenkooda.

Wixii markaa ka dambeeya waxaa la aadi doona salaad iyo qado, kadibna markii la isku soo laabto iyada oo dhinac walba mowqifkeeda la og-yahay ayaa la guda-gali doonaa doodda dhabta ah, waxa uuna shirka soo xirmi doona galabta casarkii, sida ay nala wadaageen qaar kamid ah xubnaha ku lugta leh shirka.

Maadaama uu madaxweynaha ballaariyay mowduuca, waxaa la filayaa inay dhinacyadu arrimo gaar ah dul istaagi karaan.

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa marka laga tago arrinta la isku yimid waxay diirada saari karaan arrinta Puntland iyo dowladda dhexe oo muddo calowsan. Sidoo kale arrinta Sool ee midnimada la xiriirta ayay macquul tahay inay soo hadal qaadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubnaha kale ee reer Koonfur Galbeed waxaa iyagana agtaalla inay farta ku fiiqaan halista ka imaan karta dib u dhaca mar labaad kusoo wajahan doorashada maamulkaas.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre waxaa la filayaa inay iyaguna si weyn diirada u saaran heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran iyo dagaalka Al-Shabaab oo hadda dul taagan Galmudug iyo HirShabeelle.

Marka arrimaha guud laga tago mucaaradka waxay rabaan in lagala heshiiyo doorashada soo aadan, sheekada labada xisbi, muddo kororsiga iyo isbedelka haykalka dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan fikirka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Dadweynuhu waxay maanta si weyn isha ugu hayaan waxa kasoo bixi kara wada-hadalada goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.

BF oo loo jeediyay mooshin ka dhan ah Xasan + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya usoo jeediyay in mooshin deg deg ah uu ka keeno madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soo jeedinta Garaadka ayaa imaneysa kadib markii uu dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa in mooshin ka keenaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, idinka la idin dhaariyay in aad midnimada Soomaaliya ilaalisaan, ha kaalmeynina kala go’a Soomaaliya,” ayuu yiri Garaad Jaamac oo ka hadlay shirSSC uga qabsoomay magaalada Nairobi.

“Dowladiini ayaa ka shaqeynaysa kala go’a umadda Soomaaliyeed, oo na dulmineysa. Weliba Baarlamaanka Soomaaliya ee metelaya umadda Soomaaliyeed waa inuu si mug leh arrinta mooshin uga keenaa.”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay inay u yeeraan madaxda sare ee dalka, si ay wax uga weydiiyaan sababta ay Somaliland uga hortaagan yihiin cunaqabateynta caalamiga ah iyo wada-shaqeynta hoose ee dagaalka.

“Cuna-qabateyntii la saari lahaa dambiyada dagaal ee meesha ka dhacay ee wadaan Muuse iyo colkiisu wadaan inay xukuumadda Soomaaliya hortaagan tahay, inay garab ku siinayso marka si kale loo dhigo.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa in Baarlamaanka u yeero madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo wax ka weydiiyaan sababta Qaramada Midoobay u leedahay dambiyo dagaal ayaa dhacay ee ciidamada ha ka baxaan, dowladda Soomaaliya-na ay leedahay iyaga oo halkaas jooga nabad ha la raadiyo.”

Dhinaca kale, Garaad Jaamac ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaadka.

Ugu dambeyntiina wuxuu cadeeyey in haba yaraatee wax wada-hadal ah uusan u socon ayaga iyo Somaliland, sidoo kalena aysan arkin xal ay wado ama raadineyso dowladda dhexe.

Maxaa dhacay 7-dii May? – Zahra C/kariim oo xog bixisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Zahra Cabdikariim ayaa markii ugu horreysay qoraal ay soo saartay ku faah-faahisay dhacdii 7-dii May, 2023, markaasi oo ciidamao ka tirsan kuwa dowladda ay weerareen xarunteeda ganacsi, oo ku taalla Trepiano, islamarkaana ay xireen. Hoos ka aqriso qoraalka.

Maxaa dhacay 7-dii May, 2023?:

Taariikhda markii ay ku beegnayd May 07, 2023 goor galab ah qiyaastii 3:40 pm waxaa xafiiskayga Shirkadda (SOSTEC Technologies) ee ku taalla Treepinayo iga ka xaystay rag igu handaday in waxa qalab shirkadda yaalla ay ranayaan, sidoo kale qori igu handaday, haddii aan weydiiyay cadayn in ay wataan ( Warran) ay ii sheegeen in aysan wadan wax document ah waxaana la igala wareegay Laptop-keygii shaqada iyo Mobile -keyga.

Habeenimadii ayaa xeer ilaalin iyo Boolis iigu yimideen Saldhigga Degmada Waaberi oo i weydiiyay xarumaha Dowladda ee aan adeegsiino iyo adeegga aan qabano iyo sababta aan System dowlo u host garayno, waxaana u sheegay in sharci u haysto ayna tahay adeeg cidii nooga baahato aan siino.

Waxaa 8dii May 2023 tagnay xafiiska xeer ilaalinta oo dib su’aalo i weydiiyay sidoo kale baaray qalabkeyga, gunaanad kii waxaan tagnay Maxkamadda Gobal ka Banaadir oo xeer ilaalinta u aqriyay xogta baarista cadeyayna in wax dambi ah igu heynin ayna i fasaxeen.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa xeer ilaalinta weydiiyay hadaysan jirin wax tuhun hordhac ah sababta la isaga xiray muwaadin. Waxa muddo yar kadib la igu wareejiyay qalabkeygii lana ii sheegay in fasaxanahay oo warqad la isiinaa, muddo ka dib hadana xeer ilaalintii igu soo laabtey dibna qalabka u qaatay ayna ku xigtay in xabsiga Dhexe laguu dhaadhicinaa sababtoo ah amar dad sare ka yimid la iixiraa.

Qoyskeyga oo damaanad dalbaday waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir faray in $10,000 bixiyaan, markii la guda galay in lacagtaas la bixiyo haddana laga daba keenay amar ah in $20,000 in la bixiyo tahay kaliya damaanad ku heli karo, markii howshaas loo dhaqaqay markale la carqaladeeyay ilaa markii dambe damaanad ku helay ayadoo marba qiima nala hor dhigaayay sidaasna uga soo baxay xabsi anigoo canugeyga iyo aniga kala dhunay xanuuno badan i gaareen.

Muddo 4 maalmood ah wax jadiin aanan qaadan anoo shook ka qadaay tacadiga la igula kacay.

Muddo 31 maalmood ah ka dib ayaa Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ii soo diray Email kaasoo ahaa weydiimihii adeeg bixiya kasta la weydiin lahaa ay ahayd nooca system aan u sameynay Wasaaradda Shaqada xafiiska work permit-ka, waxaana uga jawaabay in system kaas dhisnay 2019 uuna yahay diiwaan galin xog kaliya ah oo wax Finance ah shaqo ku lahayn , sidoo kale aanan siinin wax maintenance.

Hantidhowrka waxay codsadeen in aan uga warbixiyo xogta ku jirto System ka balse waxaana u sheegay in macaamiisha xogtooda aanan anaga ka war haynin, sidaas ayayna Hanti Dhowrka codsi ah Cpanel reset password inooga dalbadeen uguna fulinay amar kaas 12 June 2023.

Waxaan u cadeynaa bulshada arrimaha dad ka qaar iska sheegayaan aysan waxba kama in systemka la mid yahay nidaamka maaliyadda dowladdd iyo in xog laga tiray system ka.

Waxaan waddankaan tiknolojiyad ka bilaabay iyadoo adagtahay in laga fikiro, waxaanna soo saaray dad badan oo xirfadley ah ( ICT professionals).

Waxaa 9kii ka July 2023, la soo xiray Galkaas dibna la iisiiyay qalabkii iyo lacagtii damaanadii, 63 maalmood ayaan ahaa qalab la’aan oo dibaato badan oo dhaqaale iga soo gaartay, waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka codsanayaa in magdhow la iga siiyo qasaarihii i soo gaaray.

Mahadsanidiin
Eng. Zahra Abdikariim

Daawo: Beesha wasiir Cilmi oo go’aan culus kasoo saartay tallabadii uu qaaday Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo wasiirkii xilka laga qaaday ee Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo saartay cabasho ka dhalatay xil ka qaadistaas iyo isku shaandheyntii wasiirrada qaar.

Odaaysha beesha uu ka soo jeedo Wasiir Cilmi ee Gadabuursi ayaa maanta shirkaan jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya in kursigaas uu beesha dhaafiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Waxay sheegeen in isku shaandheyntii koobneed ee wasiirrada qaar uu ku sameeyey ra’iisul wasaare Xamza ay ku waayeen kursigii wasiirka ee dowladda federaalka ay ku lahaayeen.

Odayaashaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay nidaamkii loo maray xilka qaadistaas, iyagoo sheegay in la hareer maray miisaankii awood qeybsiga beelaha markii isku shaandheyntaas la sameeyey.

“Markii uu dalkaani ka xoroobay gumeystaha ilaa hadda waxaan umadda Soomaaliyeed ka joognay mansab sare, balse maanta qalad weyn ayaa dhacay, waxayna tani Gadabuursi ku tahay gef weyn,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Odayaasha beeshaan ayaa ku dooday inay aad u ixtiraamaan midnimada Soomaaliya iyo awood qeybsiga beelaha oo hadda ka hor aan warbaahinta laga maqlin cabashadooda, balse hadda ay ka aamusi waayeen tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Xamza.

Kulamo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday odayaasha beesha Gadabuursi ayaa maanta laga soo saaray bayaan ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo kursigii wasiirka ee xaqa awood qeybsiga ay ku heleen.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in deg deg dib loogu soo celiyo beesha Gadabuursi kursigii wasiirka oo (A) ahaa, kaas oo xaq aanu u laheyn awood qeybsiga beelahana aan ku helnay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hoos ka daawo

Sawirro: Mucaaradka cusub oo xalay shiray ka hor shirka maanta ka furmaya Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka cusub ayaa xalay kulan wada-tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho kahor kulanka maanta ka furmaya caasimadda ee u dhaxeeya ayaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo muuqda inuu yahay hoggaanka aan la dooran ee mucaaradka cusub, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook faah-faahin kooban uga bixiyey kulankii xalay 

“Waxaa caawa isugu nimid kulan wadatashi ah oo looga arrinsanaayo shirka berrito ka dhici doona magaalada Muqdisho. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweynaha DF Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gogosha fidiyey. Waxaan rajeyneneenaa in kulanku uu noqdo mid miradhal ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay; Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Villa Somalia ayaa shalay sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

COSOBLE oo farriin culus u diray XASAN iyo madaxdii hore ee ku shiraysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay shirka maanta magaalada Muqdisho uga furmaya madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka ayaa soo saaray baaq culus.

Cosoble ayaa madaxda ku shiraysa Muqdisho usoo jeediyay inay u tudhaan dalkaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii danta guud iyo mustaqbalka dowladnimada oo aysan fiirsan dantooda gaarka ah.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa waxa uu si gaar ah u dul istaagay qodobo ku jiray heshiiskii u dambeeyay Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaasi oo kamid ah qodobada miiska u saaran madaxda ku shiraysa Muqdisho, oo uu kula taliyay inay si taxadar leh ugu fiirsadaan.

“In ra’iisul wasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku-xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka,” ayuu yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, islamarkaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo in ra’iisul wasaaraha uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoon-yahannada Soomaaliyeed, ayna xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Dalkaan 1960kii ilaa iyo hadda oo la joogo 2023 ayuu arkaayay madaxweyne.

Kursigaas shacab aad u badan oo Soomaali ah ayaa lagu dhibaateeyay.

Waa kursiga fududeeya in sharciga lagu tunto iyo in hantida ummadda la boobo.

Ma sahlana in madaxweyne lala xisaabtamo, in kalsoonida lagala noqdana ma sahlana. Ayadoo ay sidaa tahay haddana in ra’iisulwasaare laga guuro laguna beddelo madaxweyne ku xigeen waa xaaladda Soomaaliya oo la geliyay khatar aad u weyn, dhanka kalena wexey qiime tireysaa baarlamaanka.

Aniga waxaan talo ku dhiibanayaa in loo guuro nidaamka axsaabta badan, hoggaamiyaha xisbiga ugu aqlabiyadda badanna uu si toos ah u noqdo ra’iisulwasaare 100% u madax bannaan hoggaaminta dalka.

In la fududeeyo doorashada madaxweynaha oo ay xildhibaanada doortaan, isla markaana uu ahaado madaxweyne sharafeed oo weliba sidaa lagu caddeeyo dastuurka iyo weliba ineysan xildhibaannada ka mid noqon karin xukuumadda, ra’iisulwasaarahana uu golihiisa wasiirrada kala yimaado aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Laakin waxaan aaminsanahay inta berri (maanta) ka shiri doonta arrinkaan iney warkooda ku gaabsan doonaan sida aan hadda nahay aan sii ahaanno, sababtoo ah mid kasta oo ka mid ah wuxuu rabaa inuu noqdo madaxweyne awood badan oo sameeya siduu sameyn jiray madaxweynihii ka horreeyay.

Waxaanan leeyahay cid madaxweyne noqon doonta Ilaah ayaa oge, u fikira sidaad ku talin laheydeen adinkoon qabin damac madaxweyne.

Soomaaliya ha loo daneeyo aana ka shaqeyno inaan dhinaca siyaasadda ka hor marno.

Wararkii ugu dambeeyay rabshado ka dhacay Kenya

Nairobi (Caasimada Online)Booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal dhegaha ka furaystay mamnuucis ay booliska saareen mudaaharaadyo uu ku baaqay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo ka dhan canshuur kordhin ay sameysya dowladda.

Dukaamada ayaa la xiray, islamarkaana ammaanka ayaa aad loo adkeeyey caasimadda Nairobi, halkaasi oo booliska la geeyey islamarkaana ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dibad-baxayaal dhagxaan turayey, xaafadda isku raranta ee Mathere.

Sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday in lagu kala eryo dibad-baxayaal isugu soo baxay magaalada Mombasa.

Toddobaadkii tegay, dibad-baxyo ka dhacay magaalooyin dhowr ah ayaa isu rogay rabshado, ayada oo lix qof lagu dilay, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyey booliska inay awood u adeegsadeen dibad-baxayaasha.

Kahor dibad-baxyada maanta, madaxa booliska dalka ayaa taageerayaasha mucaaradka uga digay inay qabtaan “dibad-baxyo sharci-darro ah,” isaga oo sheegay in abaabulayaasha aysan mas’uuliyiinta usoo gudbin wax “wargelin ah” oo ku saabsan dibad-baxyada la qorsheeyey.

“Sidaas darteed, wax dibad-bax ama isu imaatin ah lama ogola berri.Waxaa la adeegsan doonaa dhammaan hababka sharciga ah si loo kala eryo dibad-baxyada noocan ah,” ayuu Japhet Koome ku yiri bayaan uu soo saaray.

Isbaheysiga Azimio ee Odinga ayaa wacad ku maray inay toddobaad kasta dhigi doonaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda madaxweyne William Ruto.

“Dhaq-dhaqaaqyadeena waxaa ilaaliyey dastuurka oo damaanad qaadaya xuquuqda lagu dibadbaxo iyo isu-imaatinka,” waxaa sidaas AFP u sheegay Dennis Onyango oo ah afhayeenka Odinga.

Madaxweyne Ruto ayaa bishii tagtay saxiixay sharci canshuurta lagu kordhinayo, kaasi oo la rumeysan yahay inuu dakhli dheeri ah oo gaaraya $2.1 bilyan soo gelin doono dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in canshuurta cusub ay caawin doonto in la abuuro shaqooyin cusub, islamarkaana la yareeyo deynta ay qaadato dowladda.

VOA + AFP

Sawirro: Ciidanka Danab oo burburiyay goobo u dhow Jilib, dilayna madax Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-gallo dhowr ah oo ciidamada kumaandooska DANAB ee ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale oo saldhig u ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howl-galkaan oo qeyb ka ahaayeen Daraawiishta Jubbaland ayaa waxay ciidanku ku burburiyeen goobo 42-KM u jira dagmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha waaweyn ee kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay dowladda shaacisay in howl-galka lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jireen horjoogayaal sar-sare.

Horjoogayaasha lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa kamid ah madaxii qaraxyada Jubbooyinka Farxaan iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Mahad, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale saraakiisha kooxda Al-Shabaab ee lagu dilay waxaa kamid ahaa madaxii maaliyada ee deegaanka Weel-Maaroow, sida ay shaacisay dowladda.

Maalmo kahor unbey aheyd markii ay dowladda shaacisay in howl-gallo ay ciidamada huwanta ka fuliyeen duleedka degmada Afmadow kooxda lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in howl-galladaas lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.

“Waxaa halkaasi lagu burburiyay dhagarta Khawaarijta iyo qorshahoodii ahaa in ay dadka rayidka ah waxyeeleeyaan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Daawo: Garaadka SSC oo sheegay in DF iyo Somaliland ay heshiis ku yihiin dagaalka

Nairobi (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada SSC ee Sool iyo Sanaag ayaa shir weyn ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gabagabadii shirkaas eedeyn culus loogu jeediyey dowladda federaalka.

Gaaraadka guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka qeyb galay shirkaas, waxaana ka soo baxay eedeyn loo jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna madaxda dowladda dhexe ka dalbaday inay hagar-daamada ka daayaan midnimada umadda Soomaaliyeed.

Garaad Jaamac oo gabagabadii shirkaas saxaafadda la hadlay ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood, sidoo kale caalamka ay isaga aadisay dagaalka lagu hayo Laascaanood.

“Soomaaliyey xukuumadda maanta jirta yaan nalagu haleyn, afka ka dhowri maayo, waxay Somalialnd ku garab siineysaa duqeynta ay ka wado Laascaanood,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Sidoo kale, Garaadka ayaa sheegay in caalamkii ay uga dacwoon lahaayeen Somaliland ay ka hor taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inay xal u keeneyso xiisadda Laascaanood, sida uu shegay Garaad Jaamac.

“Waxaan ognahay in adduunkii dhaleeceyn lahaa waxa Somaliland ay Laascaanood ka wado ay hor istaagtay dowladda federaalka, iyagoo dhahaya xalka arrintaas anagaa heyna, waxana cadeynayaa in wax xal ah aysan heyn dowladda dhexe,” ayuu yiri Garaadka guus ee SSC Khaatumo.

Sidoo kale Garaadka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kala hor tegi doonaan hadii ay cadaato inay wax ka wado qorshaha dalka lagu kala goynayo ee Somaliland ay wado.

Garaad Jaamac, wuxuu cadeeyey in haba yaraatee wax wadahadal ah uusan u socon ayaga iyo Somaliland, sidoo kalena aysan arkin xal ay wado ama raadineyso dowladda dhexe.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka waxaan leeyahay idinkaa la idiin dhaariyey ilaalinta midnimada Soomaaliya, waad ka soo bixi weyseen ee dadka halganka ku jira ee midnimada raadinaya ha lugoynina,” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Hoos ka daawo

Sawirro: Shirka wadatashi ee Xasan iyo madaxdii hore oo ka furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Wada-tashiga Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta ayaa goordhow si rasmi ah uga furmay hoteelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay sidii madaxdii hore ay taladooda uga biirin lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu shirkaan kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dowladdiisa intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkaan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, wuxuuna qeyb ka noqonaya barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intood badan kasoo qeyb-galay shirka, iyada oo uu ka maqan yahay madaxweynihii hore ee Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay ka qeyb-galka shirkaan, inkasta oo uu soo dhaweeyay qabsoomidiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Si kastaba, shirkaan u furmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxaa lagu wadaa in gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan.

Faah-faahinta dab xooggan oo baabi’iyay xarun ganacsi oo ku taal Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa saaka ka kacay xarun ganacsiga oo ku taalla magaalada Boosaaso, taasi oo lagu magacaabo Fadhi-same.

Dabka ayaa lasoo warinayaa in uu markii hore ka bilowday qarax ka dhacay gudaha xarunta ganacsi, inkasta oo weli aan faah-faahin sugan laga helin sida ay wax u dhaceen.

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay xarunta ganacsiga Fadhi-samo ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland. Waxaana markii dambe lagu guulaystay in la damiyo dabkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya inuu jiro dad uu dhaawacyo kasoo gaaray dabka, ayada oo wararka qaarna ay sheegayaan inay jirto dhimasho, wallow aan welo si rasmi ah loo xaqiijin.

Billooyin kahor ayay aheyd markii sidan oo kale uu dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, taasi oo uu gebi ahaanba baabi’iyay.

Weerarada noocaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish oo ayadu lacago baad ah ka qaada ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Daacish ayaa inta badan qaraxyo u adeegsata weerarada lagu qaado xarumaha ganacsi, taasi oo la sheegay inay uga dan leedahay cabsi-gelin, maadaama ay kooxda lacago baad ah ka qaado ganacsatada, kuwa diidana ay burburineyso ganacsigooda, sida dhacday.

Si kastaba, Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay inta badan dhiibaan wixii la weydiisto.

Xildhibaannada gadoodsan oo laba qodob xasaasi ah miiska u saaray guddoonka BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday markale, sababta baaqashada ayaa daba socoto diidmadii iyo buuqii ka dhashay jadwal su’aallo lagu weydiinayo xubnaha Golaha Wasiiradda oo ay dhawaan xukuumadda u dejisay Golaha Shacabka.

Inkasta oo ay aheyd markii koowaad ee ay xukuumad jadwal u sameyso Baarlamaan, haddana Xildhibaannada si xooggan ayay u diideen tixanahaas loo qorsheeyay inuu socdo saddexda billood.

Sida lasoo warinayo guddi Xildhibaano ah ayaa laba qodob la wadaagay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Labada qodob ayaa mid waxa uu ku saabsan yahay barnaamijka ay xukuumadda ugu yeertay isla-xisaabtanka ee Golaha usoo gudbisay. Xildhibaannada waxay u sheegeen guddoonka in guud ahaan la tuuro qodobkaas oo aan mardambe lagu soo celin Baarlamaanka.

Waxaa jira xeer qoran oo Baarlamaanka ku xisaabiyo xukuumadda, taasna ma soo marin habka cusub, sida ay Xildhibaannada sheegees. Sidaas awgeed waxaa Sheekh Aadan Madoobe loo sheegay inuu tixanaha xukuumaddu saddexda billood uga qaadatay jadwalkii Baarlamaanka in gebi ahaanba meesha laga saaray.

Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa socday qorshe la rabay in lagu kala qaado heshiiska oo qeybna lagu celiyo xukuumadda, qeybna laga doodo oo la horkeeno Baarlamaanka, oo loo raadiyo cod lagu ansixin karo.

Qeybta la damacsanaa in xukuumadda lagu celiyo waa muddo kororsiga maamul goboleedyada, kaas oo Xildhibaannada si weyn u diidan yihiin. Laakiin sida lasoo warinayo waxaa guddoomiyaha Golaha Shacabka loo sheegay inuu heshiiska sidiisa u keeno Baarlamaanka, iyada oo aan waxba laga taaban.

Ujeedka Xildhibaannada dalbanaya in heshiiska sidiisa loo keeno Baarlamaanka waa inay si guud u diidaan. Wararka dheeriga ah ee qodobkan la xiriira ayay waxay sheegayaan inuu Sheekh Aadan Madoobe labada qodob ka ogolaaday Xildhibaanada, laakiin sheegashada dambe aad uma sugna.

Waxaa muuqata in Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka ka curteen Xildhibaanno koox koox iskugu xiran oo ka madax-banaan xukuumadda, Madaxtooyada iyo xitaa mucaaradka banaanka jooga.

Kooxdan waxaa loo arkaa kuwo isku baheystay dano gaar ah. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo isagu waayahan dambe aad ugu dhowaa Madaxtooyada ayaa waxaa u billowday mowjado cusub oo Golaha dhexdiisa ah, mana cadda inuu si fudud uga dabaalan karo.

Cilaaqaadka uu Aadan Madoobe la leeyahay Xildhibaannada oo aan xooganeyn ayaa xukuumadda iyo Madaxtooyada ku qasbaya inay shaqo deg deg ah ka dhex bilaaban Golaha Shacabka oo ay raadiyaan saaxiibtinimada Xildhibaannada.

7 qof oo dhibanayaal ay u yihiin 600 oo qof oo Muqdisho lagu maxkamadeynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer illaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyey 7-qof oo lagu eedeeyey sida xafiisku sheegay tahriibin iyo samaynta been abuur dal ku gal.

Xubnaha lasoo xiray ee maanta la hor geeyey Maxkamadda Xeer ilaalintu waxay cadeysay inay ku shaqeynayeen xafiis ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Magaca xarunta ay kooxdani ku shaqeysaneysay oo la shaaciyey waxaa lagu sheegay Toronto Tours and Treval Agency.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa lagu sheegay in xafiiskaas ay dhibane u yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka badan 600 oo qof.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta qabatay gal-dacwadeedka kooxdaan eedeysanayaasha ah, waxaana loo dhaaciyey xabsi ku meel gaar ah, si baaritaano dheeraad ah ay u maraan.

“Maxkamadda gobolka Banaadir markii ay ku qanacday cadeymaha hordhaca ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud qaranka uu u gudbiyey ayey u u dirtay xabsi, si loo dhameystiro baaritaankooda, loona bilaabo maxkamadeyntooda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Maalmahaaan waxaa Muqdisho ka socda baacsiga dadka ku kaca musuq maasuqa oo faraha ka baxay, aadna loogu dhaleeceeyo Soomaalida, taas oo sababtay in dalkeenu uu kaalimaha ugu horeeya ka galo dadka ugu musuqa iyo xatooyada badan dunida.

Agaasimayaal, madax-qeybeedyo, shaqaale iyo xubno shacab ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay la shaaciyey magacyadooda, halka qaarkood la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir oo weli ay dacwadoodu ka socoto.

Agaasimayaashii u dambeeyey ee isku bedelay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ugu sareeya xubnaha ilaa hadda magacyadooda la shaaciyey ee loo heysto musuq maasuqa, waxayna qaarkood ka baxsadeen dalka, halka maxkamaduna ay saartay baafin, iyadoo la amray in 30 cisho ay ku hor yimaadaan maxkamadda.

 

Waxa laga filan karo shirka Xasan Sheekh iyo mucaaradka iyo qodobbada ugu adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah siyaasiyiintii diiday qodobo kamid ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa gaaray magaalada Muqdisho. Waxay casuumad ka haystaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubno ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa diiday inta badan qodobada heshiiskii 27-kii May. Marka laga reebo qodobka doorashada qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in lagala doodo oo uu dhageysto siyaasiyiinta ka biyo diidan qodobada heshiiska. In uu bixiyo fursadan waxay u leedahay dhowr faa’iido.

Horey mucaarad uu Xasan Sheekh uga mid ahaa ayaa loogu diiday in tallada qodobada waaweyn ee masiiriga ah wax laga siiyo, waxaana u diiday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Tani waa inyar oo kamid ah farqiga dabacsanaanta siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.

Xubno mucaaradka kamid ah ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen kalsooni ah in madaxweynaha bedeli karaan oo waxyaabaha qaar ka fujin karaa. Hal qodob dhamaan waa la isku raacsan yahay, kaas oo ah in aan loo laaban karin noocii doorasho ee ugu dambeysay.

Si walba, in wax laga bedelo hanaanka doorashada waa laga wada siman yahay mucaarad iyo muxaafad, laakiin meelaha la filayo inay doodaha ugu culus ka dhacaan waxaa kamid ah muddo kororsiga.

Siyaasiyiinta kusii qulqulaya Xamar waxay aaminsan yihiin in aanay macquul aheyn in muddo xileed socda dhexdiisa lagu kordhiyo mudada xil-haynta labada heer dowladeed.

Waxay qabaan in haddii muddo xileedka labada heer dowladeed laga dhigayo shan sano inuu noqdo mid ka bilowda kal xukunka soo socda, iyada oo arrintaas loo dhaafayo labada guddi dastuur ee uu dalka leeyahay.

Midda kale ee muhiimka ah waa arrinta madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo laga guurayo hanaanka ra’iisul wasaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaya inuu si weyn qodobkan u caashaqsan yahay.

Inkasta oo la fahmin danta gaarka ah ee madaxweynaha ugu jirta qodobkan, haddana dhinacyada diidan qodobkan waxay qabaan in inta qabyaaladda sareyso, qabaa’ilkuna hubeysan yihiin inay adag tahay in nidaamka ra’iisul wasaaraha laga guuro, kaas oo u muuqda mid xoogga dheeli-tiraya awoodaha beelaha isku eryada xukunka.

Qodobka kale ee isha lagu wada hayo waa arrinta xisbiyada, iyada oo mucaaradka qabaan doorasho qof iyo cod ah, haddana aragtida labaad ee xisbi ee ku jirtay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran waxay la kulantay mucaaradad xoog leh.

Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh dood badan kama qabo in qodobkaas wax laga beddelo oo la kordhiyo xisbiyada.

Arrimahaan waa kuwa ugu muhiiimsan ee la filayo inuu mid adag ka dhigo kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka. Waxa uuna kulankani imaanaya iyada oo aan weli heshiiskaas la horgeyn labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka loogu yeeray madaxdii hore iyo qodobada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu si rasmi u furmi doono shirka wadatashiga qaran.

Shirkaan ayaa waxaa casuumaadiisa lahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka ugu yeeray, ayada oo madaxweynaha uu kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

“Waxaa noo dhamaaday maanta soo dhaweynta madaxdii hore ee qaranka, inta badan madaxa wey yimaadeen intii soo ajiibtay inay yimaadan. Berri oo 12-ka bisha ah ayuu shirka noo bilaaban doonaa,” ayuu yiri.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa madaxdii hore ee lagu casuumay ay kala yihiin madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaashii horr iyo guddoomiyeyaashii hore ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

“Shirka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ugu yeeray madaxdii hore ujeedkiisu waa in uu la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka Dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay.”

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa la iska xog wareysan doonaa xaaladda dalka, iyadoo madaxda talada dalka haysa ay dhegeysan doonaan talada madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee qaranka.

Shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya.

Wufuudda ka qeyb-galeysa shirkan ayaa qaar kamid ah ay durba soo gaareen magaalada Muqdisho, halka madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka cudur daartay ka qeyb-galka shirka berri ka furmaya Villa Somalia, oo uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey.

Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay.

Si kastaba, shirkaan ayaa berri si rasmi ah uga furmi doona magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir-guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeed mideysan.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore oo bayaan culus kasoo saaray xaaladda Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa bayaan culus kasoo saaray xaaladda Puntland iyo muranka doorashooyinka.

Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Garoowe, si ay uga qeyb-galaan xal u helida arrimaha ka taagan Puntland, iyaga oo kulamo la qaatay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, Isimida dhaqanka, mucaaradka kasoo horjeeda dowladda, qaar kamid ah ururro siyaasadeedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Bayaanka ay soo saareen ra’iisul wasaarayaashii ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo xal siyaasadeed oo dhamaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin oo looga gudbo caqbadaha hadda taagan.

“Muddo xileedkii xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland waa gabagabo, doorashooyinka golayaasha deegaanka weli waa qabyo sidoo kale, masoo bixin saddexdii xisbi ee Dastuuriga ahaa, xukuumaduna weli kuma guuleysan in ay shacabka la wadaagto qaabka ay ku dhamaaneyso doorashooyinka socda iyo sida loo qabanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.”

Waxay soo jeediyeen in la dhowro dowladnimada Puntland, lagana wada qeyb qaato ilaalinta xasiloonida, nabadgelyadda iyo wada-jirka Puntland, iyo weliba in laga maarmo xiligaan furitaan iyo isbedel lagu sameeyo Dastuurka Puntland.

“In doorashada Golaha Wakiilada iyo madaxweynaha ku dhacdo xilligeeda ahaa 8-dii January 2024-kii, dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo iyo in laga heshiiyo guddiga doorashooyinka ee sanadka 2024-ka si ay xiligeeda ugu dhacdo.”

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa waxay soo jeediyeen in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashada golaha deegaanka saddexda degmo ee gobolka Nugaal ee ka harsan degmooyinkii la diiwaan-geliyay.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in sagaalka urur siyaasadeed ee ka diiwaan-gashan Puntland ay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee Puntland muddo shan sano ah kana qeyb-galaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socda.

“In doorashada u furan tahay qof kasta oo si iskiis ah u noqonaya musharax Madaxweyne, Madaxweyne ku-xigeen iyo xubin Baarlamaan (Independent Candidates),” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in Xildhibaannada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn looga dambeeyo hogaanka dhaqanka ee gobolkaas.

Hay’adda Duulista oo war ka soo saartay shilkii diyaaradda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HRDS) ayaa war kasoo saartay shil diyaaradeed oo goor sii horeysay ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda Duulista ayaa sheegtay in diyaaradaas oo nooceedu ahaa E120 ay u shaqeyneysay shirkadda Halla Airlines, islamarkaana ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaaradaha ee garoonka.

Hay’adda ayaa shaacisay in shilka diyaaradan aysan jirin cid wax ku noqotay inta aan ka aheyn dhaawac yar, ayna weli socdaan baaritaan ku saabsan shilkaas maanta dhacay.

“Diyaaradda waxaa saarna 34 ruux oo isugu jira Crew & Passengers mana jirto cid wax ku noqotay inta aan ka aheen dhaawac 6ar. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaanka ku saabsan shilkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay soo saari doonta warbixin dhameystiran marka la soo gaba-gabeeyo baaritaankaas.”

Shilka diyaaradan ayaa waxaa kasoo baxayay warar kala duwan, ayada oo markii hore la baahiyay inay la socdeen ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid lama socon diyaaradan, oo ayadu kasoo duushay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayaa kamid ah siyaasiyiinta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku martiqaaday shir wada-tashi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Go’aanka Farmaajo ee shirka Xasan Sheekh ku casuumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka cudur daartay shir uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirka, hase yeeshe waa ka cudur daartay ka qeyb-galkiisa, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xaashi Duqa.

Afhayeen Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynihii hore ee Farmaajo uu shirkaan uga cudur daartay ay tahay maadaama uu leeyahay ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka cudur daartay inuu ka qayb galo maadaama uu ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyey leeyahay,” ayuu yiri Cabdirashiid oo la hadlay idaacada BBC.

Si dhab ah uma cadda sababta rasmiga ah ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga baaqsaday shirka uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, marka laga imaado in ballamo iyo kulamo hore loo sii qorsheeyay uu leeyahay.

Shirkaan oo lagu waday inuu maalinta berri ah ka furmo Villa Somalia ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dib u dhac ku yimid, xilli ay magaalada Muqdisho soo gaareen masuuliyiin uu madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay shirkaan, kaasi oo uu kamid yahay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaan kala xaajoon doono tabashada ay ka qabaan hoggaaminta dalka iyo nidaamka ay uu doonayo in la qaato ee dhawaan ku soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga qaran.

Sida aan xogta ku helnay Sheekh Shariif ayaa horey madaxweynaha uga codsaday inuu isugu yeero siyaasiyiinta kale ee saamileyda siyaasadda, si ay u soo bandhigaan dooda ay ka qabaan heshiis siyaasadeed ee 27-kii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Siyaasiyiinta uu hadda casuumay Xasan Sheekh ee la filayo inuu la fariisto ayaa war ay ku mideysan yihiin ka soo saaray markii uu soo baxay heshiiskii golaha wadatashiga oo dhigayey in wax laga bedeli doono nidaamka ay u dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya iyo muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Markii laga reebo Farmaajo, saamileyda siyaasadda, gaar ahaan xubnihii isbaheysa uu la ahaa Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor yimid in dalku uu u guuro nidaamka Madaxtooyada, in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi iyo in muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka laga dhigo shan sano.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii uu soo baxay heshiiskaas wuxuu soo saaray qoraal uu ku muujiyey inuu taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod oo lagu galo nidaamka xisbiyada, balse wuxuu soo jeesiyey wadar-ogol ay u baahanyihiin qodobada qaar ee heshiiskii golaha wadatashiga qaran ku jiray.

Sawirro: Xasan Cali Khayre oo kasoo dagay Muqdisho, kadib dalabkii Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Khayre ayaa deg-deg uga jawaabay dalabka Villa Soomaaliya oo madaxdii hore iyo saamileyda siyaasadda ku casuuntay shirweyne dhowaan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre uu u yimid ka qayb-galka shirkaas oo lagu gorfeyn doono qodobadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wadatashiga oo ay heshiis ku gaareen dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa tabashada xubnaha mucaaradka oo iyagu horay uga soo horjeestay heshiiskaas oo lagu go’aamiyay doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, khayre ayaa la filayaa inuu ku biiro dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda gudaha Muqdisho, isla-markaana uu bilaabo kulamo uu la yeenayo xildhibaanada iyo bulshada.

Horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isuguna kamid ah ragga diiday heshiiskaas, wuxuuna caasimada ka bilaabay abaabul culus, isaga oo la kulmay xildhibaanada iyo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka la filayo in Villa Soomaaliya ay qabato ayaa ah mid isha lagu wada haayo, waxaana sidoo kale qorshuhu yahay inay kasoo qayb-gasho Puntland oo iska diiday shirarkii hore.

Si kastaba, wuxuu shirku kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiska ay gaareen Golaha Wadatashihga Qaran, sidoo kalena dood u dhexeyso baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaa kale oo magaalooyinka qaar ka jira xiisado, sida Gedo, Garoowe, Beledweyne iyo Laascaanood.

Sawirro: Diyaarad sidday rakaab oo maanta ku dhacday garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Diyaaradda oo sidday rakaab ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday agagaarka dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay soo dhacday diyaarad lagu magacaabo Hala Airline.

Waxaa diyaaradda saarnaa ku dhowaad illaa 30 qof oo rakaab ah, waxayna ka timid magaalada Garoowe, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan diyaaradeed uu geystay khasaare  dhaawac ah iyo burbur soo gaaray diyaaradda.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Telefishinka Qaranka ayaa ka warbixisay shilkan, waxayna sheegtay inuu ku dhaawacmay hal qof.

Sidoo kale waxa ay beenisay in diyaaradda soo dhacday ay la socdeen ra’iisul wasaareyaashiii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay inay saarnaayeen diyaaraddaasi.

“Ra’iisul wasaarayaashii hore ee la sheegay inay saarnaayeen ma aha diyaaraddii ay la socdeen diyaarad kale oo aan soo caga dhigan ayay saaran yihiin, waana Fly kale oo Hala Airline ah” ayay tiri wasiir Fardowso Cismaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in uu socdo gurmad loo fidinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda, waxaana hakad galay duulimaadka garoonka Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:-